Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,978
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Burco)-Agaasimihii Wasaaradda cadaalada Somaliland Xussen Maxamed Maxamuud oo maanta ku dhawaaqey in uu iska casilay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ayaa caddeeyey sababtii ku kaliftey in uu xilkaas iska casilay Agaasimaha ayaa sheegay in sababta ku kaliftey in uu is casilo ay tahay nidaamka dawlad nimo ee dalka maanta ka jira oo ah nidaam askari ah oo aan laheyn dhaqankii iyo haybadii dawladnimo lagu yaqaaney , isla markaana tallada dalka ay gacant ku hayaan Koox ku sheegay in ay yahiin Ciil qabayaal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Two air strikes by the United States forces in Somalia have killed 37 Al Shabaab militants. The first air strike left 27 militants dead while 10 others were killed in the second attack. In a statement, the US says the air strikes conducted on Tuesday reduced Al-Shabaab’s ability to plot future attacks, disrupted its leadership networks and degraded its freedom to manoeuvre within the region. No civilian was killed during the two air strikes. The US has committed to continue supporting Somalia and other AMISOM forces by ensuring the militants are flushed out from their safe havens. Reports indicate that the Al-Shabaab has been using portions of Southern and Central Somalia to plot and direct terror attacks, steal humanitarian aid, extort the local populace to fund its operations and shelter, radical terrorists. “The desired end state in East Africa is one in which terrorist organisations cannot destabilise Somalia and its neighbouring states nor threaten the interests of the US and its international allies in the region,” reads a statement by the US Africa Command (AFRICOM). “Accordingly, the US Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from the African Union Mission to Somalia (AMISOM) to the Federal Government of Somalia and its member states,” it added. On October 16, a similar air strike killed 60 in Central Somalia. This was the deadliest attack since November 2017 when 100 terrorists were killed. In the past, the US forces have been accused of killing civilians during the air strikes. Since 2007, Al Shabaab has fought to overthrow successive internationally-backed governments in Mogadishu. It was in 2011 that the Al-Qaeda affiliated group was pushed out of Mogadishu, the Somali capital and subsequently from other key towns including the port city of Kismayu. The post Two US air strikes kill 37 Al-Shabaab in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa bilaabay qorshe safar uu ugu tagayo dhamaan caasimadaha maamul goboleedyada dalka, socdaalkaasi oo qeyb ka ah heshiisyo iyo balanqaadyo uu doonayo inuu la galo maamulada. Waxaa jira xiriir aan badneyn oo ka dhaxeeya safarka guddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari uu ku tagay magaalada Baydhabo iyo safarkii Xasan Sheikh ee Kismaayo. Waxaa warar aan heleyno ay sheegayaan in Xasan Sheikh uu doonayo magaalada Labaad ee uu booqanayo inuu ka dhigo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sidaasi daraadeedna u Jawaari halkaasi u tagay inuu la diyaariyo dadka uu la kulmayo. Jawaari, ayaa kaalin la filayaa inuu ka qaato soo dhaweynta Xasan Sheikh ee magaalada Baydhabo iyo diyaariyiinta xubnaha kala duwan ee uu kula kulmayo magaalada Baydhabo, haddii qorshaha uusan wax iska badalin. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa raadinaya taageerada xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay ee uu doonayo in doorashada soo socdo kula dagaalamo madaxweyne Farmaayo oo doorashadii 2016 kaga guuleystay. Jawaari ayaa dhankiisa raadinayo fursado kale oo uu kaga sii muuqan karo siyaasadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Albaabada Loo Xidhay Qunsuliyada Itoobiya Ee Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Burco) Taliye Xudhuun ayaa si ka baxsan nidaamka Dawladeed Wuxuu u bahdilay Agaasimihii Cadaaladda oo Wasaaradiisa ay Hoos yimadaan Xabsiyadu, taas oo keentay inuu is-casilo. Madaxweynaha hortiisa wixii ka dhacay DAAWO. Source
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta Ansixiyay 27 Wasiir oo dhawaan uu soo Magacaabay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. 127 Xildhibaan ayaa Ogolaaday Ansixinta Wasiiradda cusub ee Garabka ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmduug Xareed Cali Xareed. Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa horgeeyay Xildhibaanada Galmudug Wasiiradda uu soo Magacaabay Madaxweyne Xaaf. Galmudug ayaa wali labo ukala qeybsan , waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ay ku sugan yihiin Magaalada Cadaado. Galmudug ayaa horay dhowr jeer dowladda dhexe ku eedeysay in ay ku heyso faragalin oo ay kasoo horjeedo arrimaha maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. (SLT-Burco) Agaasimihii Wasaaradda Cadaaladda ee Is-casilay Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay is-casilaadiisa. Agaasimihii Cadaaladda oo kamid aha Waftiga Madaxweynaha waxa yidhi isagoo ka hadlaaya sababta uu isu casilay. “Nidaamka Dawligaa ee dalka ka jiraa Waa mid Caskariya oo aanay ka muuqan dhaqan kii dawladnimada lagu yaqaanay, waxaa gacanta ku haya koox ciil qabayaala oo qofkii maalin eray ku yidhi ama ka qoray aan ilaawin” Saa waxaa yidhi Agaasimihii hore ee Wasaaradda Cadaaladda oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Burco. Somalilandtoday/Burco/Office Source
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxaya Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo shalay siyaaba kala duwan uga dhacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir. Al- Shabaab waxay sheegtay in qarax ay laheshay gaari uu lahaa mid kamida xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya balse uu ka badbaaday “Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si dirqi ah uga badbaaday qarax ay Al-Shabaab gaarigiisa kula beegsadeen wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Sidoo kale Al-Shabaab waxay sheegtay in sarkaal sare oo katirsan ciidanka Melleteriga dowladda Federaalka ay ku dishay weerarka ka dhacay agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee degmada Hodon. Qarax xooggan ayaa haleelay gaari Roneed ah oo uu watay Col. Cabdi Fataax Yaasiin Cali oo kamid ahaa saraakiisha melleteriga, ilo wareedyo ayaa sheegaya in sarkaalku isla goobta ku dhintay waxaana burburay gaarigii uu watay. Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu si diqri ah uga fakaday qaraxa isagoo walaac ka muujiyay ammaanka xildhibaannada ka howlgala Muqdisho kadib shir jaraa’id oo uu qabtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Sadaashu sidaan rabi ayay ilaahada usugantahay inuu samirku sadyahay saatirkeenaa inoo sugay, waxaa manta aan maqmaqlayo ee ah soomaliwayn aad ayay ii damaqdaa se waxaan kaga ciilbaxayy qalbigana ku sifeeyaa halyeeyadii soo dhiciyay Somaliland in ay saaka suuldhabaalaynayaan gacanta sarena leeyihiine saadaasha socota hada rabina waxaanka baryayaa inuu rumeeyo guushana lajirsiiyo ragii usamray ee usafradooday, ee usigtay ayaa saaka usad dhicinaya oo uu majaraha u hayo Madaxwayne Muuse Biihi saadaashu waa guul waxaan guranaynaa midhahii aad usamirtay eed usafradootay eed usigatay adaana manta usad dhicinkara, hogaamiye ku sifoobay samir innalaaha maca saabiriin, dhabtii dhabada toosan buu kuriday qaranka, waa ka ilaaliye dheeliga iyo kuwa ku dheeldheela dhuuni qaate, waa lama huraan qaran, aan laalabadka, labaclabacda uurku taalaynta aqoon, beegshashada guusha qaran geesi gaamuray,(Cabdi Qays)ayaa yidhi ninka ragihi maseergmoo suuradii maguurtoo, carabkiisa sare iyo calooshii isma seegtoo, hadba sidii jeediyo kama weecdo surinkoo, waa xaaqiiq Madaxwayne Muse Biixi wuxuu jar iyo buuro uga soo dhacay hiilkii qarankan so badbaadintii jamhuuriyada Somaliland, ee galbatay lixdankii geesigii soo celiyay, waxaa uu usoo jilib dhigay xalado qadhaadh iyo waliba duruufo adag oo soo maray dalkan, waxaan qabaa manta waaxa yimid ragii hoyga ula noqday darted, dhaxanta,dhirta hoosteed,waxaana dhisi kara dhiirane hore dhidibada ugu tagay,Usamre, Usafradoode, Usigte Ayaa Usad Dhicinkara:Bihi Hiil Qaran W/Q Hassan Mohamed Muse Gafadhi qadaw30@gmail.com Source
  10. (SLT-Burco) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa fariin u diray Dhalinyaradda Rer Togdheer. Hoos ka DAAWO Source
  11. Kenya Defence Forces officers ride in an Armoured Personnel Carrier vehicle in Nairobi. The KDF has received a cache of weapons from the US. PHOTO | FILE | NATION MEDIA GROUP WEDNESDAY NOVEMBER 21 2018 By NATION TEAM The Kenya Defence Forces received a cache of weapons as the search for recruits continued countrywide. The US on Monday donated 12 Bastion Armoured Personnel Carriers to KDF to improve border surveillance and boost the fight against Al-Shabaab. Defence Attaché and Senior Defence Official Col. Kevin Balisky of the US, presented the vehicles to the Deputy Kenya Army Commander, Maj. Gen. Thomas Chepkuto, at a ceremony in Kahawa Barracks, Nairobi. “The vehicles represent the unwavering US commitment to Kenya and our shared national security interests. As the KDF continues to conduct daily operations against violent extremism, these vehicles will enhance the mobility and force protection of their troops in harm’s way,” said Col. Balisky. Source
  12. (SLT-Hargaysa) Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuseen Lucky) ayaa goor dhawayd iska casilay Xilkii uu ka hayay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi . Ilaa hadda ma cada sababta dhabta ah ee Agaasime Xuseen Lucky ku riixday Inuu Iska casilo Xilkaas oo uu sannad ku dhawaad hayay . Wasaaradda Cadaaladda ayaa hore ula dhitinaysay Khibrad yaraan maamul waxaanu ahaa Agaasime Xuseen Lucky masuulka ugu waayo aragsan shaqada marka leego Wasiirka Wasaaradda oo ah shakhsi aan Xafiis hore ka soo shaqaynin. Wixii war ka soo kordha iscasilada Agaasimaha Cadaaladda kala soco Shabakada wararka ee Somalilamdtoday.com Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Agaasimihii wasaaradda caddaaladda Somaliland Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa iska casilay xilkaasi. Agaasimaha ayaa is-casilaaddiisa kaga dhawaaqay magaalada Burco, isagoo kamid ahaa weftiga madaxweynaha Somaliland ee gobollada bariga. Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta is-casilaaddiisu la xidhiidho xabsiga dhexe ee Burco oo maanta uu xadhiga ka jaray madaxweyne Biixi. Sidoo kale wararku waxa ay sheegayaan in agaasimaha guud loo diiday inuu ka hadlo jeelka weyn ee magaalada Burco oo uu maanta xadhiga ka jarayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Goor dhaw la soco muuqaalka warkan Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Idaacadda BBC-da ee dunidda la hadasha qaybteeda ciyaaraha, ayaa maanta warbixin ka qortay Akaadami dhinaca ciyaaraha ah oo laga furay Hargeysa, kaasi oo qorshuhu yahay in mustaqbalka laga soo dhiso xul qaran oo ay yeelato Somaliland. Warbixintaas oo uu qoray Weriye ciyaaraha qaabilsan oo la yidhaahdo Robert Kidd, ayey Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA ka soo xigatay warkan oo si qoto-dheer tafaasiil uga bixiyey horumarinta ciyaaraha Somaliland iyo caqabadaha horyaalla, waxaana ay u qornayd sidan:- “Carruurta ku ciyaaraysa waddooyinka magaalada Hargeysa, waxay ku hamiyeyaan inay maalin uun metali doonan dalkooda oo aan la aqoonsan. Somaliland waxay leedahay baasaboor iyo lacag u gaar ah iyo calan ka ba’banaya Baarlamaanka Somaliland, halka madaxweynaha Somalilandna lagu soo doorto doorasho dimuqraadi ah oo xasilloon. Bishii Feberwari ee sannadkan dhallinyaro qurbajoog ah ayaa Somaliland ka furay Akaadamiga Kubadda Cagta Somaliland (Somaliland Football Academy), waxaana aasaasayaasha Akaadamigani kala yihiin Axmed Cali iyo Maxamed Siciid oo ka yimmi Birmingham iyo Cabdisalaan Axmed iyo Xuseen Aadan oo ka tagay London. Axmed Cali ayaa sheegay Somaliland in wax kasta laga soo bilaabayo hoosta, waxaanu tilmaamay in doonayaan sidii maalin uun ay u samayn lahaayeen xul qaran oo ay yeelato Somaliland. Warku wuxuu intaas ku daray in dhallinyarada aasaastay Akaadamiga Ciyaaraha Somaliland ay booqasho ku tageen Somaliland oo dhan,isla markaana ay carbiyeen 132 tababare, halka ay qaateen 1,600 oo ciyaar-yahan. Akaadamiga Kubadda cagta Somaliland ayaa warbixintu xaqiijisay inuu ku tiirsan yahay deeq ay ka heleen West Brom oo siisay agabka tababarka iyo qalab ciyaareed kale. Axmed Cali wuxuu sheegay inay rejo u abuureen da’yarta oo ka joojinayaan tahriibka oo tiiraanyo ku hayey hooyooyin badan.” Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay soo furtaan Haweeney u dhalatay dalka Germany oo Bishii Shanaad ee sanadkaan laga Afduubtay magaalada Muqdisho. Haweeneydaan oo lagu magacaabo Sonja Nienteit ayaa ka tirsaneyd hay’adda Laanqeyrta Cas, waxaana loo afduubtay gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Haweeneyda ayaa kooxaha hubeysan waxaa la sheegay inay ku heysteen deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud, laakiin si cad looma sheegin halka ay ku sugnaayeen. Lama sheegin khasaare ka dhashay howlgalka, hase ahaatee 6 bilood kaddib Sonja Nientiet ayaa xorriyaddeedii dib u heshay Xalay, sida xubnaha saraakiisha howlgalka hogaaminayay ay shaaciyeen Sonja Nientiet,ayaa laga afduubtay Xarunta Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Magaalada Muqdisho,waxaana Afduubkaas lagu eedeeyay in ay geysteen shaqaale ka tirsanaa Hay’adda Laanqeyrta Cas. Afduubkaas waxaa uu sababay Hay’adda in ay dhinto shaqaalihii ka joogay Soomaaliya sidoo kalena hakad geliso howlihii ay ka wadday Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Koox ka socotay qurbaha kana timid dalalka Egland,Sweden,Canada,America iyo Kenya Safar kala duwan sanadihii lasoo dhaafay ku qaadatay wadamo badan oo caalamka ayaa intii u dhaxaysay 17 ilaa 30-Otober caasimada Muqdisho usoo gaartay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho. Waxa ay la dheeleyn naadiyada horyaalka kubbadda cagta dalka ee kala ah Elman,Heegan,Dekedda iyo Horseed,iyagoo ciyaartii u danbeesay Muqdisho ku dheelay xili habeen ah waxayna u aheyd taariikh weyn sida ay inoo sheegeyn. Qaar ka mid ah Ciyaartooyda kooxda qurbajoogta weligood maysan arkin dalkooda hooyo ee Soomaaliya, iyagoo ku barbaaray wadamada yurub,balse waxa indhahooda ku arkeyn horomarka iyo shaqooyinka kala duwan ee dalka ka socda. ”Qurba joogta Soomaaliya waxay ka aaminsan yihiin dalka in ay jiraan dhibaato badan,balse ani ahaan waxaan arkay maalmihii aan joogay waxa ay aheyd wax ka weyn wixii la ii sheegi jiray saacada kasta iyo waxyaalaha aan ka aqristo baraha bulshada”sidaas waxaa Goobjoog Sports u sheegay Cabdi Axmed Cabdulle oo ka mid ahaa wafdiga kooxda qurbajoogta Kaliya uma aysan imaanin ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho sidoo kale waxa ay ka qeyb qaateyn olalaha nadaafada garoonka Stadium iyo dib u dhiska tiyaatarka qaranka,iyagoo balan qaaday in ay gacan weyn ka gaysandoonaan soo kabshada iyo dib u dhiska dalka. “Sida naloo soo dhaweeyay iyo marti qaadyadii kala duwanaa ay inoo sameeyeen madaxda dowlada,shacabka iyo bahda ciyaaraha dalka ayaa inoo ahaa cashar waanse ugu mahad celinaynaa qof walbo oo kaalin ka qaatay wixii aan ka samaynay caasimada Muqdisho” waxaa sidaas inoogu waramay Maxamed Macalin oo isna ka mid ah maamulka kooxda qurbajoogta. “Safarkeena waxaa kasoo haray dhowr laacib kuwaas oo ay walidiintooda ay inoo diideyn in ay Soomaliya noo soo racaan,balse markii ay arkeyn howlihii iyo wixii aan ka qabanay barabaha bulshada ayay nagu dhaheyn sanadaha danbe waa diyaar caruurteena taasina waa inoo farxad iyo guul”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Cabdirashiid Islaw oo ka mid ah maamulka kooxda qurbajoogta isagana wiilkiisa soo waday Maxaa Laga Faa’iday Safarka Kooxda Qurbajoogta Dhamaan xidigaha kooxda ayaa ahaa kuwa leh xirfad iyo aqoon waxaan darba isoo tarayay dalabyada ka imaanayay kooxaha ka dhisan gudaha iyo codsiga maalimiinta xulka qaranka oo ahaa in qaarkooda lagu daro,balse waxaa nasiib u yeeshay Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa kooxda qurbjoogta,isagoo ka haray safarka kooxda kana mid noqday xidigaha xulka 23-jirada ee ka qeyb ka galay tartanka is reeb reebka ciyaaraha olimikada Feysal ayaa xulkiisa u dhaliyay gool ay kaga badiyeen dalka Ethiopia kulankii labaad ay labada wadan kuwada dheeleyn Jabuuti “Sanadaha soo aadan qorshaheen waxa weeye in la wada qaato dhamaan xirfadlayaasha kala duwan ee kooxdan si ay iyagana dalkooda waxa ugu kordhiyaan” waxaa sidaas inoo sheegay Tababare Nuur Xaaji Cabdi Wali oo ahaa macalinka kooxda qurbajoogta Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada,Maamulka Gobolka Banaadir iyo xiriirka kubbadda cagta ayaa iska kaashanaya in sanadaha soo aadan caasimadaha wadanka lagu qabto ciyaaraha Somali Week oo ay inta badan dheelaan kooxaha ka dhisan qurbaha hadii ay arintaas hergasho bahada ciyaaraha waxa ay qabaan in kooxaha gudaha iyo kuwa qurbajoogta ay yeelandoonaan saaxiibtinimo iyo xiriir wada shaqeeneyd oo buuxda Halkan Ka Daawo Safarkii kooxda Qurbajoogta Oo Dhameystiran W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ay dileen rag ajaaniib ah kuwo kalana ay afduubteen. Shan ruux ayaa la sheegayaa inay dhaawacmeen halka ruux u dhashay dalka Talyaaniga ay afduubteen Al Shabaab, kadib weerar ka dhacay gudaha dalka Kenya, sida wararka aan ku heleyno. Weerarka ayaa ka dhacay xarunta dukaamada ee Chakama oo ku taalla degaanka Kilifi hoos yimaada Magaalada Mombaza ee dalka Kenya, sida saraakiisha dalka Kenya ay saxaafadda u sheegeen. Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraray goob ganacsi oo ku taala magaaladaasi, waxaan socda baadigoobta ruuxa Ajnabiga ah ee la afduubay. Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka degmada Malindi Saakay,ilo wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in labo ruux Xaaladooda Caafimaad ay halis tahay. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Weerarkaasi. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. (SLT-Burco)-Madaxwaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hogaaminayay ay hadda ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ay ilaa shalay ku sugnaayeen. Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa wararku sheegayaan in uu u baxay magaalada Oodwayne ee xarunta gobolka Daadmadheedh. Ujeedada safarka madaxwayne Biixi saaka ugu baxay magaalada Oodwayne ayaa salka ku haysa sidii uu u dhagax dhigi lahaa Riig Biyood cusub oo la sheegay in laga qodayo gobolka Daadmadheedh. Madaxwaynaha iyo waftigiisi ayaa maanta loogu qaddo sameeynayaa magaalada Oodwayne waxaana soo dhawaynta madaxwaynaha laga dareemayo magaalada Oodwayne. Ila maanta ayaa la filayaa inuu kasoo laabto madaxwayne Biixi isaga oo dib ugu soo guryo noqonaya magaalada Burco. Lama garanayo inuu sii dhaafi doono Burco iyo inuu dib ugu soo laaban doono magaalada Hargeysa. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa ka warbixisay socdaal nabadayn ah oo ay u joogaan magaalada Ceel-weyn , kaasi oo la xidhiidhi shaqadaadi hore deegaanka ugu dhexmartay labada ardaa ee walaalaha ah, Wasiir Hinda ayaa sheegtay in ay u jooogaan sidii xal loogu heli lahaa dhacda amaan oo kasoo cusboonaatay deegaanka iyo dhammaystirka qabyada hashiiskii hore ee la dhex dhigay laba beelood , waxaanay sidaasi ku sheegtay Waraysi gaar ah oo ay khadka Telefoonka ku siisay Wargeyska Dawan Ugu horayn wasiirka oo ka hadlaaya ujeedka ay ceel-afweyn u joogay ayaa waxa ay tidhi “safarkaygu waxa uu daba socdaa nabadayntii Ceel-afweyn oo ay taagan tahay wakhtigii kala qaadashada diyada iyo sidoo kale ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee falka danbe galay soo qabashadiisi , waxaanan ka mid ahay wafti isugu jiro Wasiiro, culimo iyo madax dhaqameed uu madaxweynuhu maalintii khamiistii usoo diray inay ka hawl galaan hawlaha qabyada ah iyo kuwa soo cusboonaday” Wasiir Hinda ayaa sheegtay in hawshu ay weli socotay balse ay wax qabteen “qabyadii hore waxa soo soka maray colaad cusub iyo dil , iyada oo dadka qaar ay noqdeen wax la dilay iyo qaar ay irdhoobeen oo gacan ku dhiiglaha reerkooda ay noqdeen , marka waxa aanu galnay in aanu isku uruurino oo aanu kuwii gacan ku dhiigluhu ka dhashay la kulano annaga oo ka dalbaynay inay raadiyaan , sharciguna raadkiisa daba socdo , waxa aanu ardaagii uu marxuumka ka baxay ugu tagnay samirsiin iyo in aanu ku adkayno inay nabadgelyada ilaaliyaan , arrintaasina weli way socotaa “ Ugu danbayn waxa ay ka hadashay ujeedka uu daarnaa safar ay ku tagtay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag , waxana ay tidhi “iyada oo lagu jiro xilli qabowaha ayaa u gudbay gobolka Sanaag magaalada Ceerigaabo si caruurta aan hoyga lahayn ee aan ka masuulka ahayn u gaadhsiiyo dharka dhaxanta celiya , waxan kale oo aan u samaynay dawayn iyo nadiifin xagga timaha ah , kulan qado ahna waan la qaatay “ Source
  20. (SLT-Boorama)-Magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal saddexdii Cisho ee ugu danbeeyey waxaa laga dareemay Dhul Gariir Goo goos ah isla markaana ah shacabku si xoogan u dareemeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in inta udhaxaysa degaanada Gan-dharshe iyo Jilib Marka lagu rasaaseeyay Gaari ay la socdeen dad Shacab ah oo isugu jira Rag iyo Dumar. Inta la hubiyay afar ruux ayaa ku geeryootay rasaasta lagu furay Gaariga, taasi oo la sheegay inay ka dambeeysay kooxda Al-Shabaab, xili dhaawaca uu intaas ka badan yahay, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka. Mid kamid ah ehelada dadkii wax ku noqday dhacadani oo la hadlay idaacadda Shabelle wuxuu fahfaahin dheeri ah uu ka bixinayaa qaabka ay wax udhaceen iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dadka waxyeeloobay. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Marka.mp3 The post Gaari ay la socdeen shacab oo lagu rasaaseeyay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in magaaladda Muqdisho ay ku yeeshaan mid kamid ah fadhiyadda ka tirsan Kal-fadhiga afaraad. Kulanka ayaa la filayaa inay mudanayaasha dood adag ay kaga yeeshaan sharciga Hanti-dhowrka qaranka, kaasi oo ay gelin doonan hadii ay usuuragasho akhrinta saddexaad, xili ay kadib cod u qaadi doonan. Sharcigaan oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya waxaa horey loosoo marsiiyay akhrinta koowaad iyo labaad, waxaana lagu wadaa inay soo afjaraan maanta. Guddiga maaliyadda ee Aqalka Hoose ayay wasaaraddu ku wareejiay markii ay wax ka bedalka kusoo sameysay, waxaana ay horgayn doonan Wakiilada Shacabka si ay ugu dambeyntii cod u geliyaan ama ay dib usoo celiyaan. The post BFS oo soo gabagabeynaya dooda sharciga Hantidhowrka appeared first on Shabelle. View the full article