Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,978
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah arday dhawaan waxbarasho ahaan loogu qaaday dalka Ethiopia ayaa ku sugan xaalad ka duwan tii ay ku taamayeen markii laga qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ardaydan ayaa qeylo dhaan ka muujiyay habkii loola dhaqmay markii laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa. Ardaydaan oo qaarkood Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in looga kala dhuuntay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, halkaasi oo loo geeyay deeq waxbarasho inay ka faa’ideystaan. Mid kamid ah ardayda ayaa sheegay in markii looga kala dhuuntay garoonka diyaaradaha ay garan waayaan goob ay u dhaqaaqaan, iyadoo ciidamada amaanka ee garoonka jooga ay si xun ula dhaqmeen. Ardaydaan ayaa dhawaan ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Ardayda deeqaha waxbarasho ka helo dalalka Yemen, Ethiopia, Sudan, Masar iyo dalalka kale ee Africa ayaa siyaabooyin kala duwan loola dhaqmaa, waxaana la ogeyn sida xaalkooda uu ku dambeyn doono ardaydaan. Ma jiro wax jawaab ah oo madaxda wasaaradda waxbarashada ay ka bixiyeen cabashada kasoo yeertay ardaydii ugu dambeysay ee loo qaaday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Gunmen kidnapped an Italian volunteer and wounded a woman and four children in Kenya late on Tuesday, police and witnesses said – the first abduction of a foreigner there since raids blamed on Somali Islamist militants six years ago. Men armed with AK-47 rifles seized the 23-year-old woman from a guesthouse in Chakama, near Kenya’s southeast coast, witnesses said. Officers said they had not identified the attackers – and no group immediately claimed responsibility. Two witnesses told Reuters they heard the gunmen speaking Somali. “There were three attackers and they targeted the Italian lady,” said Chad Joshua Kazungu by phone. The woman – who police said was volunteering for the small the small Italian charity Africa Milele – was seized after she came out of her room to find out what was going on, a third unnamed witness told Kenyan TV channel KTN News. “Their aim was to get money but they took off with her to the river,” he said. The attackers opened fire as they left, wounding a woman and four children, he added. A 10-year-old child was shot in the eye and a 12-year-old was hit in the thigh, police said. TOURISM Chakama in Kenya’s Kilifi region is 60 km (40 miles) inland from the bustling coastal tourist resort of Malindi. A series of abductions further north up the coast in 2011 and 2012 – and other attacks by al Qaeda-linked Al Shabaab militants from neighboring Somalia – caused a sharp decline in tourism numbers and revenue. But local tour operators said they thought Tuesday’s attack would only have a limited impact on the vital tourism industry. “The European market might have a small shake-up, but Malindi is 500 km from Nairobi so I don’t expect the safari industry to be affected,” said Robert Katithi, sales director from Go Kenya Tours and Safaris. Gunmen grabbed a wheelchair-bound Frenchwoman from her home on the northern island of Manda in 2011 weeks after attackers killed a British man and kidnapping his wife from another resort island. Armed men kidnapped four aid workers and killed a driver at Kenya’s Dadaab refugee camp near the border with Somalia in 2012. The Italian foreign ministry said on Wednesday it was aware of the reports of the abduction and was looking into the situation. There was no immediate comment from the charity Africa Milele which, according to its website, was founded in 2011 by an Italian couple after they honeymooned in Africa. Suspected Shabaab militants have killed Kenyan soldiers in a series of recent attacks further north in Lamu County, which borders Somalia. Chakama is nearly 300 km southwest of the Kenya-Somalia border. Source: Reuters
  3. ISMA DOORIN GAALKAAN DIRIYO DAARTA KII GALAYE!. Somaliland ahaan waxa aynu la soo noqoney xoriyadeenii 27 sanadood horteed, laakiin waxa aad la yaabeysaa markaad eegto hab dhaqanka madaxda somaaliland.Mar mar ayaan is idhaahdaa malaha maydaan xoroobiin ee weli halgankii waa dhiman yahay,Tusaale ahaan kolkaad eegto sida ay eexdu ku jirto ee ay ummada ugu garsoorayaan amba ay u dhaqmayaan, waxaan daawaday booqashadii uu madaxweynuhu ku tagay burco kolkaas ayaan idhi malaha maaha madaxwenihii somaaliland oo booqanaya magaalo ka mid ah dalkii uu madaxweynaha ka ahaa ee waa magaalo ay daganyihiin dad u cadow ah oo laga ilaalinayo,ma aha in aan diidanahay in la ilaaliyo madaxweyne laakiin tii shalay waxa ay ahayd ceeb u soo hoyatay dadka somaliland waayo waxa ay muujisay in aanu madaxweynuhu ku qabin kalsooni shacabkiisa, waxaan dub u daawaday cajalado hore oo uu muse ku tagay burco oo kala ahaa mar uu wasiir ahaa iyo mar uu ahaa musharax xisbi waxaa isku mid ahaaday markuu ahaa wasiirka iyo markuu ahaa madax weynaha waayo labadaba waxaad ka arkeysaa in ay ku jirto cabsi badan iyo feejignaan aad u badan oo kalsooni aanay ka muuqan,waxaa aad arkeysaa kolkii uu ahaa musharaxa xisbiga uu magaalada soo wada maray oo kheyriyada kala hadlay dadweynaha laakiin shalay xarunta gobolka dad xoogaa ah loogu diyaariyay, taasina waa guul daro weyn oo kala kulmay burco.Shaqsi ahaan waxaan soo xasuustay gabay Allaah ha u naxariisttee uu tiriyey abwaan qaasim oo ahaa isma doorin galkaan diriyo daarta kii galay eh, waayo waxaan xasuustay nidaamkii siyaad marka ay booqdaan gobolada ay u arkaan in dadku aanay ku farxayn booqashada in ay siddii shalay oo kale ay isaga ilaalin jireen dadka ay aaminsanaayeen inay soo doorteen. ABDI ABDI madoobe2@hotmail.com Qaran News
  4. Dhuusamareeb (Sh.M.Network) – Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, garabka Dhuusamareeb, ayaa meel-mariyay Golle wasiiro cusub oo soo dhisay Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Fadhiga ay mudanayaasha yeesheen maanta oo Arbaco ah ayay cod wada ogol ah ku anisixiyeen wasiiradda, kuwaasi oo uu horgeeyay madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka maamulka Galmudug, Xareed Cali Xareed, oo natiijadda coddeynta ku dhawaaqay ayaa tilmaamay in 127 sharci-dejiye ay codkooda siisay Gollaha Wasiiradda. Wasiiradda oo ka kooban 27 ayaa meel-marintooda waxay imaanaysaa xili dowlad goboleedkaan uu ukala qaybsan yahay labo garab oo ku kala sugan xarunta Galgaduud iyo magaalada Cadaado. The post Xilldhibaano ku ansixiyay Dhuusamareeb wasiiro cusub appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Jigjiga (Sh.M.Network) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga waxaa maanta ka degay ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF, kuwaasi oo kasoo kicitamay xarunta Eritrea ee Asmara, halkaasi oo ay muddo u ahayd xarun. Talaabadani ayaa waxay ka dambeysay markii isbedal wayn uu ka dhacay degaanka Soomaalida ee hoostaga dowladda Federaalka Itoobiya, oo sanadihii udambeeyay ay ka dhacayeen tacadiyo kala duwan. Xubnaha dib ugu laabtay xarunta dowlad degaanka Soomaalida oo dareenkooda ka hadlay ayaa muujiyay farxad, iyaga oo tilmaamay in isbedalka uu horseeday inay dib u arkaan eheladooda oo ay muddo moogeen. Shacab badan oo soo dhawaynta ciidamada ONLF ka qaybqaadanayay oo dhankooda dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa laga dheehan karay inay uriyaaqeen isbedalka sida xowliga ah ku socda. Tan iyo markii la doortay Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya bishii April ee sanadkan 2018 waxaa siyaasadda wadankaan ku dhacay isbedal wayn oo fur-furay siyaasadda ku saleysnaa kaliya-talisnimadda. The post Ciidamo ka tirsan ONLF oo lagu soo dhaweeyay Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article
  6. British charity Save the Children says that an estimated 85,000 children under the age of 5 may have died from extreme hunger or disease since the war in Yemen escalated more than three years ago. Through new analysis of UN data, the charity found that between April 2015 and October 2018, about 84,701 children under 5 died from untreated cases of severe acute malnutrition — or in simple terms, hunger. These grim figures, detailing the horrors of the world’s worst humanitarian crisis, come as intense fighting has again erupted in Yemen’s strategic port city of Hodeidah — a vital entry point for UN and other humanitarian aid and the center of the conflict between the US-backed Saudi-led coalition and the Iranian-aligned Houthis. The renewed violence follows progress toward ending Yemen’s war of nearly four years, a conflict that has killed at least 10,000 people and has pushed the nation to the brink of the world’s worst famine in 100 years, leaving 14 million people at risk of starvation, according to the United Nations. Since a Saudi coalition blockade of the port of Hodeidah, followed by ongoing violence and other disruptions, commercial imports of food have dropped by more than 55,000 metric tons a month, according to Save the Children. That food could meet the needs of 4.4 million people, half of whom are children. Any further decline in imports, the charity warns, could lead to famine. Tamer Kirolos, Save the Children’s country director in Yemen, said that the charity is horrified by the number of children who may have died because of hunger. “Children who die in this way suffer immensely as their vital organ functions slow down and eventually stop. Their immune systems are so weak they are more prone to infections, with some too frail to even cry,” Kirolas said. “Parents are having to witness their children wasting away, unable to do anything about it.” Save the Children says that an increase in fighting, blockades and bureaucracy in Hodeidah have forced it to bring supplies through the southern port of Aden, tripling the amount of time for that aid to reach the people who need it the most. An estimated 400,000 children are expected to suffer from severe acute malnutrition in 2018, according to the United Nations — 15,000 more than last year. CNN’s Angela Dewan contributed to this report.
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa dib udhigay meel-marinta sharciga hanti dhowrka guud ee Qaranka. Kulanka oo ay soo xaadireen 141 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad ee dalka mudane Mahad Cabdalla Cawad. Xildhibaan Dr Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarka kala duwan ee uu soo maray hindise sharciyeedkan. Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay muhiimada uu xeerkan leeyahay iyo sida ay guddigooda ugu soo shaqeeyeen bilihii u dambeeyay. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay sababta dib udhac ay tahay markii ay mudanayaasha ka baxeen kulanka xiliga coddeynta isaga oo xusay in maalinta Sabtida ah ee isbuuca dambe cod loo qaadayo hindise sharciyeedkan. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mahad-2.mp3 The post BFS oo dib udhigay ansixinta sharciga Hantidhowrka appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa maanta labo qof oo shacab ah ku dilay isgooska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in koox hubeysan ay halkaasi dil ugu geysteen shaqaalle ka tirsan shirkada isgaarsiinta Hormuud ee Soomaaliya ka howlagasha. Dadka la dilay ayey Goobjoogayaasha sheegeen in ay ka tirsanaayeen mid ka mid ah Sharikadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya. Ciidamada Dowladda Federaalka ah ayaa gaaray halkii uu dilka ka dhacay,waxaana ay halkaas ka sameeyeen howgal kooban oo aan wali la sheegin cid loo soo qabtay. Dhaq dhaqaaqa dadka ayaa hakad galay muddo kooban inkasta oo markii dambe uu dib u furmay sida ay sheegeen dad ku sugan suuqa Bakaaraha. Maalmihii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanaayay dilka loo geysto shaqaalaha shirkadaha ganacsiga ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaan weli gacanta kusoo dhigin dadka dilka geysanayo, sidoo kalana lama yaqaan illaa hadda sababta loo ugaarsanayo Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Agaasimihii guud ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa Arbacada maanta ah xilkii iska’casilay,kadib markii lagu bahdilay munaasabad xadhiga looga jarayey xabsi laga hirgeliyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Muuqaal laga soo duubay munaasabadda xadhig-jarka xabsiga Burco oo la soo geliyay baraha bulshada, ayaa laga arkayaa taliyaha ciidamada Asluubta Somaliland Gen Maxamed Cismaan Xudhuun oo agaasimaha ku leh”shut up”(naga aamus),waxaana xilligaasi taliyuhu hor taagna madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Agaaasimaha ayaa daqiiqado kadib, shir jaraa’id oo uu qabtay ka shaaciyay, in uu iska’casilay xilkii wasaaradda,isagoo sheegay,in Somaliland mustaqbal madow ku soo wajahanyahay oo ay haadaan ka sii dhacayso,sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay in go’aanka is’casilaadda uu u qaatay, kadib markii uu arkay, in Somaliland ay burbur ku socoto,islamarkaana ay gacanta u gashay koox uu ku tilmaamay”ciil-qabayaal” oo doonaysa in ay ka aar-gudato cid kasta oo maalin wax ka sheegtay ama wax ka qortay. PUNTLAND POST The post Somaliland: Mas’uul is casilay kadib markii si xun loogu bahdilay meel fagaaraha appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu uga hadlayo musuq maasuqa uu baarlamanka Soomaaliya ku eedeeyey xukuumadda Kheyre, isaga oo sheegay in markii uu warbixinta arkay uu hal mar afka gacanta saaray, madaxana qabsaday. Hoos ka aqri qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran. Inta badan dhaliishayda waxqabad ka dawlada uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo waxay ku aadanayd hawlaha siyaasada iyo amniga. Waxaan is lahaa oo ay warbaahinta naga raariday in ay ku roonyihiin hawlaha maamulka iyo maaliyada, laakiin markii aan aqriyey warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda waxaan hal mar afka gacanta saaray, madaxana qabsaday anigoo bisinka boobaya. Guddiga oo baaritaan ku sameeyey dakhligii dawladda u soo xarooday bishii Jannaayo ilaa Bishii Agooato ee 2018 ayaa sheegay in $20m (labaatan milyan oo doolar) oo ka mid ah lacagtii Sacuudiga ugu deeqay Soomaaliya sanadkii 2017 aysan ka muuqan miisaaniyada dawladda ee 2017/18. Guddigu wuxuu kaloo sheegay in sharciga hareer marsan loo isticmaalay $3m (sedex milyan oo doolar) oo ahayd xuquuq gaar ah oo ay mushaar ahaaan u lahaayeen ciidan, shaqaale iyo xildhibaannadii Baarlamaankii 9-aad. Wuxuu kaloo guddigu caddeeyey in $1.5m (hal milyan iyo bar doolar ah) oo ka mid lacagihii loo qoondeeyey isticmaalka xaaladaha deg degga ah sida fatahaadaha, abaaraha, cudurrada dillaaca iyo kharashaad leh muhiimad qaran loo isticmaalay safaro dibedda ah, sahay safar, xaflado, dayn bixin shakhsi ah, dayactir, kiro guri, martigelin iyo kharashaad Hotel. Dhinaca kale maamul xumo maaliyadeed oo baahsan ayuu Guddigu ku eedeeyey maamulka Gobalka Banaadir oo ay soo gashay lacag gaaraysa $ 16.5m ( lix iyo toban milyan oo doolar). Khasnajiga dowladda hoose ayuu Guddigu sheegay in uu si shakhsi ah bangiga dhexe kaga soo bixiyey lacag dhan $5,972,0852.82, iyadoo aysan caddayn sida loo isticmaalay. Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay ayuu guddigu sheegay in aan canshuur laga qaadin, laakiin taa beddelkeeda laga qaaday lacago lagu shubay akoonka khaaska ah ee Wasaaradda Maaliyadda. Haddaba waxaa ayaan darro ah, in la baacsado dhallinyaro shaqaale hoose ah, iyada uu musuqmaasuqii degan yahay qalbiga hay’adaha xukuumada, madaxdii sare ee dalkana hormuud ka yihiin. Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Baarlamaanka in aysan ansixinta miisaaniyadda inta laga helayo Xisaab Xir sax ah. Hanti dhorka Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka haddii ay yihiin hay’ado madax bannaan, damiir leh, dalkana daacad u ah waa in ay tillaab cad ka qaadaan musuqa intaa la eg.
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dabley hubeysan ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan dhinaca lagu iibiyo khudaarta ee xigta dhanka degmada Hodan waxay ku dishay labo ruux, sida ay idaacadda Shabelle u sheegeen Goobjoogayaal. Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in labada qof ee la khaarijiyay ay sii galayeen Masaajid halkaasi ku yaala xili la tilmaamay inay kamid ahaayeen shaqaalaha mid kamid ah shirkadaha Is-gaarsiinta ee dalka, oo ay waqtigaasi kasoo baxeen. Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo falka kadib soo gaarey meesha ay wax ka dhaceen ayaa sameeyay howlgal baaris ah, inkasta oo aanan la ogayn hadii ay cid kusoo qabtaan, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Hodan iyo hay’addaha nabad-gelyadda ee dowladda Soomaaliya. Maalmihii udambeeyay Muqdisho waxaa ka dhacayay falalka noocaan ah xili laamaha amaanka ay sheegayaan inay ku howlan yihiin sidii ay usugi lahaayeen nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka. The post Rag hubeysan oo 2 qof ku toogtay suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Somaliland: HEERKII UGU HOOSEEYAY XIDHIIDHKA ARRIMAHA DIBADDAa Ahmed Diriye (Toorno) ahmedmdiriye@yahoo.com Mar haddii xafiiskii keliyahaa ee dawlad shisheeye ku lahayd Hargeysa, Ethiopian Consular, ay Ethiopia dib ula noqotay, waxaa halkaa ka cad inay Somaliland marayso heerkii gu hooseeyay ee ay gaadhay abid dhinaca arrimaha dibada, waayo xataa waagii Maraxuum Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali waxaa Hargeysa joogay oo Ethiopia meter;laayay cornel nabadsugida Ethiopia ka tirsan. Maantana bal halkan ka akhri. Maxa is-bedelay? Ma Abby Axmed, mise Muuse Biixi, Mise Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland????? Bal adba. Khayrkay tegi https://www.alleastafrica.com/2018/11/19/ethiopia-recalls-its-consul-from-somaliland-amid-fears-of-diplomatic-withdrawal/ Qaran News
  13. Galmudug (Sh.M.Network) – Degaano ku dhow degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa inay ka go’an tahay Is-gaarsiinta. Tani ayaa ka dambeysay markii diyaarado dagaal ay duqaymo ka geysteen tuulooyin ku yaala halkaasi. Weerarada cirka ah oo sheegatay dowlada Mareykanka waxay tilmaamtay inay ku dishay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Dadka degaanka ayaa sheegaya in wali lagu arkayo degaanadaasi diyaarado jawi hoose ku duulaya oo aanan la ogayn dalka laga leeyahay. Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi naga soo garaya ayaa tibaaxaya in xaaladu ay tahay mid degan, inkasta oo wali ay maqan tahay Is-gaarsiinta. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo aan xiriiro la sameysanay waxay ka gaabsadeen inay fahfaahin dheeri ah ay bixiyaan. The post Is-gaarsiinta oo ka go’an degaano ka tirsan Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa maanta qabatay musaasabad lagu maamusayay maalinta Carruurta Adduunka oo sannad walba la xuso 21 November. Munaasabadda oo ay hormuud u ahayd wasiirka wasaaradda Haweenka marwo. Maryan Axmed Cali ayaa ka qabsoontay xarunta wasaaradda ee magaalada Garoowe,waxaana soo qeyb galay,wasiir ku xigeenka wasaaaradda Waxbarashada Puntland,saraakiil ka socotay hay’adaha UNICEF& Save The Children,waalidiin iyo in ka badan 70 carruur ah oo ka kala socday xarumaha Agoomaha iyo iskuulada magaalada Garoowe. Agaasimaha waaxda Daryeelka Carruurta wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland Khadro Maxamed Oday ayaa sheegtay in sannad kasta wasaaraddu xusto maalintan,si loo dhiirri-geliyo carruurta,islamarkaana loo darso heerka nolosha carruurta Puntland. Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi oo ku hadlayay Afka hay’adaha UNICEF& Save The Children ayaa munaasabadda ka sheegay in arrinta ugu muhiimsan ee u baahan in dib loo fiiriyo ay tahay heerka ay joogan carruurtu nolol ahaan iyo maskax ahaanbas,si loogu diyaariyo mustaqbalka wanaagsan. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax oo isna munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka ay hormuudka u yihiin wasaaradda Haweenka Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah(UNICEF& Save The Children) ee lagu horumarinayo nolosha carruurta,isagoo hambalyo ku aaddan xuska maalintan u diray dhammaan carruurta Soomaaliyeed,gaar ahanna kuwa reer Puntland. Ugu dambeynti, wadiirka horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland, Maryan Axmed Cali oo munaasabadda soo xidhay ayaa sheegtay, in marwalba wasaaraddu u taagantahay daryeelka carruurta,ayna sii laba-jibbaarayan dadaalkooda ah sare u qaadidda nolosha carruurta Puntland. “Waxaan halkaan u soo istaagay, in aan guto waajibaadkaygii ahaa mandate-ka ama wasaaradda arrinta ay u xil-saarantahay oo ah,daryeelka carruurta iyo in ay ka war-qabto” ayay tidhi wasiirku iyadoo sii raacisay”waxaan aad iyo aad maanta ugu hambalyeeynayaa ,carruurtoo keliya maahee waalidiinta,haddii aan waalid jiri lahayn idinkana inta ma joogi lahayn”. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in bishaan gudaheeda ay wasaaraddu daah-furi doonto”Siyaasadda waxqabadka carruurta ee Puntland” oo ay wasaaradda ka caawisay hay’adda Save The Children. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo xustay maalinta carruurta Adduunka appeared first on Puntland Post.
  15. Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta dalka ee mararka qaar hadallada adag isku weydaarsada baraha Bulshada. Waxa ay sheegeen qaarkood iney aad u niyad jabaan markii ay arkaan dadkii mas’uuliyiinta ahaa oo hadallo aan wanaagsaneyn isku weydaarsanaya baraha Bulshada. Shacabka ayaa sheegaya in siyaasiyiinta looga baahnaa iney dalka u adeegaan bedalkii ay ku mashquuli lahaayeen baraha bulshada. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF islamarkaana ku sugnaa magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa maanta diyaarad waxa ay ka dejisay magaalada Jigjiga ee xarunta Somali State. Ciidamadan oo aan wax hub ah wadan ayaa waxaa magaaladaasi geysay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Ethiopia Airline. C/qaadir Xasan Hirmooge oo ah Afhayeenka ONLF ayaa Goobjoog u sheegay in ciidamadan ay yihiin Boqolaal, islamarkaana ay jiraan kuwo ka horreeyey oo dhanka lugta ah ku tagey Jigjiga, kuwo kalena ay dhiman yihiin. Wuxuu tilmaamay in tani qeyb ka tahay heshiiskii ay la galeen dowladda Itoobiya, gaar ahaan maamulka cusub ee Abiy Axmed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-Afhayeenka-ONLF.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Roma (Sh.M.Network) – Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa lagu wadaa inuu magaalada Roma kulan kula yeeshay saacada soo soda Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha wadankaasi Talyaaniga. Qaban-qaabada xaflada ayaa haatan socota, xili ay caasimada wadankaan Yurub ku yaala ay kasii qul-qulayaan Soomali dooneysa inay xaadiraan kulanka uu Madaxwaynaha la qaadanayo jaaliyadda. Madaxwayne Farmaajo ayaa wuxuu kala hadli doonaa Jaaliyada Soomaaliyeed guulaha ay gaartay xukuumaddiisa iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, si lamid ah, caqabadaha ku haystay Soomaalida dalka Talyaaniga. Soomaali aad ubadan ayaa waxay ku sugan yihiin wadanka Talyaaniga, kuwaasi oo badankooda halkaas ku gaarey qaab qaxootinimo, iyaga oo soo maray Badda oo ay nolal adag kusoo qaataan. Madaxwaynaha Soomaaliya oo Talyaaniga gaarey horaantii isbuucaan ayaa ku jooga booqasho rasmi ah, isaga oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha wadankaan oo uu kala hadlay arrimo badan oo xoojinaya cilaaqaadka labada dowladood. Kulanka jaaliyadda kadib, Madaxwayne Farmaajo ayaa wuxuu shir gaar ah uu la yeelan doonan Madaxwaynaha Talyaaniga, oo uu kala xaajoon doona arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada xukuumadood. The post MD Farmaajo oo la kulmaya jaaliyada Soomaaliyeed ee Italy appeared first on Shabelle. View the full article
  18. President Mohamed Abdullahi Farmajo and Prime Minister Giuseppe Conte’s discussions largely focused on advancing strong bilateral relations built on historical ties, mutual respect, common economic aspirations and deep bonds of friendship between Somalia and Italy. President Farmajo touched on Somalia’s progress on security, economic reform and Somalia’s role in advancing the integration of the Horn of Africa as part of his administration’s foreign policy. The President acknowledged the Italian Prime Minister on his government’s continued bilateral and multilateral support of Somalia’s development. President Farmajo encouraged the Italian government to embolden its private sector and businesses to invest in the diverse opportunities in Somalia. “Somalia and Italy share historical ties dating back to many years of economic cooperation and partnerships at different levels, and it is this shared history that binds both our countries together in the pursuit of strengthening our already existing relations for the progress and prosperity of our two friendly nations.” Prime Minister Conte assured H.E President Farmajo Italy’s commitment and support, and to stand by Somalia on its journey towards recovery and development. The leaders agreed to work towards cooperation in strengthening the relations between Somalia and Italy, and pursue win-win partnership strategies in all areas of mutual interests. The post Somali president meets with Italian PM in Rome appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Hargeysa (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlayey bulshadda degaanada maamulkani, ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu aanu diyaar u ahayn wadahadal uu la galo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda haatan jirta ee uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo ay isku dayday inay Somaliland kasoo xirto albaabada beesha caalamka, ayna kala kulmeen cadaadis xoogan, siduu hadalka udhigay. Madaxwaynaha Somaliland ayaa hoosta ka xariiqay in sababtaasi darteeda uusan maamulkiisa waqti xaadirkaan diyaar ugu hayn in lasii anbaqaado wadaxaajoodka Somaliland iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya. Hadalkaan kasoo yeeray Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xili Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmajo] uu dhowaan ka dhawaajiyay in dowladiisu ay xooga saari doonto isku soo dhawaanshiyaha Somaliland iyo Soomaaliya. The post Muuse Biixi: “Wadahadal lama galeyno DFS” appeared first on Shabelle. View the full article
  20. An Italian settler was on Tuesday night kidnapped during an attack by gunmen in Kilifi County. Police say, five people, among them a 12-year-old boy was shot and seriously injured during the attack that occurred at a shopping centre in Chakama area, about 80 kilometres West of Malindi Town. According to police, the attack occurred at 8 pm when a gang armed with AK-47 rifles stormed a village in Makongeni sub-location and shot indiscriminately at locals, including at a children’s centre. “The gang then abducted an Italian lady aged 23 years who is a volunteer of Africa Milele Onlus, an NGO operating in the area,” a statement from Police Headquarters stated but did not give her identify. A senior police officer, has, however, identified her as Sylvia Constanca. A major security operation was mobilised on Tuesday night to search for the kidnapped woman and the attackers. Police said they were investigating if the attackers are members of the Al Shabaab terror group. “We cannot rule out their (Al Shabaab) involvement,” another senior police officer told Capital FM News on the telephone, “but we are investigating.” The post Italian NGO worker kidnapped in Kenya, 5 injured appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Nairobi (Sh.M.Network) – Saraakiisha booliska Kenya ayaa sheegay in rag hubaysan oo la shakiysan in ay katirsan yihiin Al-Shabaab ay afduubteen gabar u dhalatay dalka Talyaaniga kadib markii ay weerareen Suuq ay kuga sugnayd Gobolka xeebta ah Kilifi ee wadankaan Geeska Afrika dhaca. Sida uu qoray wargayska Daily Nation, kooxda afduubatay gabadha Talyaaniga oo 23 jir ahayd ayaa lagu sheegay tiradooda in ay gaaraysay ilaa 80 qof kuwaasi oo xiligii ay afduubka gaysanayeen rasaas ay fureen ay ku dhaawcameen 5 qof oo kamid ah dadkii ka agdhawaa goobtaasi. Dadka deegaanka ayaa u xaqiijayay wargayska in dableydaasi ay labax-sadeen haweenayda iska markaana aan ilaa iyo haatan la ogayn meel ay Jaan iyo cirib la dhigeen Gabadhaasi. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Gabdha ay la shaqeynayasay hay’adda maxali ah oo ka howlgasha gudaha dalka Kenya islamarkaana ay daganayd hotel ku dhaw halka laga qafaashay. Ciidamadda amaanka Kenya ayaa gaaray meesha laga soo wariyay afduubka iyo weerarka balse waxaa lagu waramayaa inay ahayd xilli dambe oo ay dableyda wax afduubtay ay la baxsadeen Gabadha. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan eedaynta uga timid saraakiisha dowladda Kenya ee ah inay afduub ugaysatay gabadhasi u dhalatay dalka Talyaaniga. Inta badan shaqaalaha Ajaanibta ee ka howlgala degaanada iyo degmooyinka gudaha wadanka Kenya ayaa la kulma falal Afduub ah kuwaasi oo ay geysaan kooxo aan inta badan haybtooda la aqoonsan. The post AlShabaab oo lagu eedeeyay afduub ka dhacay Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Sanad walba maanta oo kale waxaa laga xusaa Soomaaliya oo dhan maalinta barayaasha ama macalintiinta Soomaaliyeed, 21-ka November, oo maanta ku beegan. Munaasabado badan oo lagu weyneenayo maalintaan ayaa dhacay meelaha lagu qabtay waxaa kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Macalinku oo darajadiisa waxaa lagu qiyaasaa in uu yahay aabaha labaad ayaa waxa aysan helin waqti xaadirkaan xuquuqdooda oo dhameestiran hadii ay ahaan laheed mid mushaar iyo tixgalin, balse howshooda wax barista ah kama niyad jabaan. Dunida marka la eego qiimaha macalinka uu gaarsiisan yahay ayaa ah in uu helo xuuq joogta ah iyo daryeel ku filan intooda badanna waxaa mushaaraadkooda bixiya dowlada wadamada ay ku nool yihiin. Balse, Soomaaliya macalimiinta ku nool waxa ay hoos tagaan shaqsiyaadka iskuulada gaarka loo leeyahay ee ay ka howlgalaan. Nasro Cabdi Cali, oo kamid ah ardayda Soomaaliyeed ayaa tix waxa ay ku amaantay barayaasha. Qaar kamid ah macalimiinta Soomaaliyeed ayaa dhankooda hambalyo waxa ay u direen dhigooda meel walba oo ay ku sugan yihiin iyagoona sheegay in marnaba aysan ka caajisi doonin in ay bulshada ka ciribtiraan jahliga. Cabdullaahi Mire Cabdi, waxa uu kamid yahay macalimiinta la hadashay Shabelle, kaasi oo oo howshan macalinimo ku jira tan iyo 1980-kii. Aqoon hadii la waayo waa nolol la’aan sidaasi, waxaa qaba maamulaha iskuulka Raage Ugaas, Cabdiraxmaan Maxamuud Cali. Sikastaba ha ahaatee, macalinka oo muhiimad weyn ugu fadhiya Ummadda Soomaaliyeed, hadana dadka qaar ma oga tixgalinta uu leeyahay. 21-ka November waa maalin xusuus weyn u leh guud ahaan Barayaasha Soomaaliyeed, xili maanta si wayn loogu dabaal-degay qaybo badan oo caasimadda kamid ah oo musaabado lagu way-waynayo lagu qabtay. The post Macalimiin ka hadasay xuska 21-ka November appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-211118.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Dhahar-[Puntland Post]-Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si diirran maanta loogu soo dhoweeyey degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan. Kumannaan dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa uusoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay fagaaraha Derista, wuxuuna ugu mahadceliyey sida qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey. Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu wax ka qaban doono baahiyaha ay degmadu qabto, gaar ahaan biyo-gelinta, dayactirka jidka isku xira Dhahar iyo Qarho; hirgelinta garoon diyaaradeed iyo tayeynta adeegga caafimaadka. Musharraxu wuxuu bulshada Dhahar uga mahadceliyey sida ay xilka weyn isaga saareen dhowrista deegaanka, isagoo xusay in degmada Dhahar ay qaadday tallaabo aad u wanaagsan oo mudan in degmooyinka kale ay ku daydaan. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid Musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharrax Jebiye oo degmada Dhahar lagu soo dhaweeyey. appeared first on Puntland Post.
  25. Jigjiga (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida laga dejiyay Ciidamadii Jabhadda ONLF ee xoreynta Soomaali Galbeed,kuwaas oo ka ambabaxay Magalada Asmara ee Caasimadda Ereteriya. Ciidamaas oo ah kuwa aan hubeysneyn ayaa waxaa Asmara ka qaaday Diyaarad ay leedahay shirkadda Itoabiya Airlines,waxaana ay ka dejisay Garoon ku yaalla Magalada Jigjiga. Ciidamadaan ayaa saldhig ku lahaa Casmara xiliyadii dagaalka ku lajireen ciidamada Itoobiya ee xukumadihii dowlada hadda jirta ka horreeyey. Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Jigjiga ayaa Ciidamaas kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garad Wiilwaal ee Magalada Jigjiga. Ra’iisul wasaaraha is badal doonka ah ee Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay ayaa waxaa Itoobiya waxaa ku labanayey dadkii horey uga cararay. Itoobiya iyo Ururka ONLF ayaa dhawaan soo afjaray colaaddii muddada dheer u dhaxeysay labada dhinac. .