Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,978
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Roma)Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo kula yeeshay Qasriga Quirinale Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool. Waxayna labada dhinac sida la Sheegay ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in laga wada faa’ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed. “Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa’iido u leh dadkeenna.”ayuu yirdhi Madaxweyne Farmaajo. Source
  2. (SLT-Israel)Lixda dal ee Khaliijka Carabta ku midoobay ayaa tartan ugu jira in waddan walbaa uu noqdo midka koobaad oo xidhiidh toos ah la samaysta Xukuumadda Yahuuda ee Israel, waxaa sidaas shaaciyay ilo xog ogaal ah. Madaxweynaha Hay’addaha Isfahamka Jinsiyadeed ee Israel, Marc Schneier ayaa shaaca ka qaaday in wadamadaasi ka tirsan Khaliijku ay tartan ugu jiraan sidii midkood u noqon lahaa wadan xidhiidhka Ugu dhaw ee diblomaasi la sameysta Israel. “Waxaan aaminsanahay in la arki doono, sameynta xiriirka toos ka ah ee Baxreyn, kuwa kalana wey ku raaci doonaan” sidaasi waxaa yidhi Marc Schneier oo ah baadari Yahuud ah, isaga oo ku saleeyay hadalkiisa kadib booqashadiisii Sacuudiga, Cumaan, Baxreyn, Qatar iyo Imaaraatka Carabta 15 kii sano ee lasoo dhaafay. Wuxuu intaasi ku daray in hanjabaadii Iran ay sababtay in isbadal uu ku yimaado wixii laga aamisanaa Israel, isaga oo sheegay in dalalkaasi ay u muuqdaan kuwa ugu horeeya ee xiriir diblomaasi la sameyn doono Yahuuda. Sida uu leeyahay Marc Schneier oo Mareykanka ku dhashay, Boqorka Qatar maamula iyo hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa sheegay in isku dhafka Hantida ama dhaqaalaha Khaliijka iyo aqoonta Yahuuda ay dhalin karto inay gobolka u badasho goobta ugu wanaagsan dunida. Wuxuu sheegay in xiriirka Diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Israel iyo lixda wadan ee Khaliijka uu bilaaban doono sanadka 2019, taasi oo ka dambeysay xaalada nabadeed ee Dhulka Falastiiniyiinta. Marka laga reebo Masar iyo Jordan oo heshiis Nabadeed la galay Israel, waxaa loo malaynayaa inaysan xiriir toos ah yeelan doonin wadamada kale ee Carabta iyo Israel. Source
  3. At least two Somali government soldiers were reported to have been killed and three wounded in an explosion in southern Somalia on Wednesday night. The blast resulted from an improvised explosive device [IED] struck a military vehicle in Wanlaweyn town in Lower Shabelle region, about 90Km northwest of Mogadishu. A senior commander of the 60th Somali military battalion is reported to be among the casualties. Al-Shabab has claimed credit for the deadly roadside bomb attack. The convoy came under attack as it was travelling from Afgoye district, about 30Km west of Somali capital and en route to Wanlaweyn town, according to the residents. The post Two soldiers dead, 3 wounded in explosion in southern Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Jigjiga) Boqolaal kamid ah Ciidamadda Jabhaddii ONLF ayaa lagu soo dhaweeyay Magaaladda Jigjiga ee Xarunta Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya . Ciidamadan oo qaarkood aan 15-sanno arkin waalidkood iyo qoysaskoodi ayaa laga dheehanaayay qiirada iyo xamaasada ku ladhnayd soo dhawaynta. Raysal Wasaaraha Itoobiya Abby Ahmed ayaa isbadalka ballaadhan ee uu ka wado Geeska Afrika Wuxuu u sahlay inay Eritrea Dalkeeda ka soo saarto dhammaan Ciimaddi fadhiisimada u aha oo ONLF ku jirto . Sidoo kale Wuxuu liiska Argagixisada ka saaray madaxda iyo Askarta ONLF taas oo keentay inay gudaha u soo galaan Dalkoodi . Somalilandtoday/Jigjiga/Office Source
  5. A heavy battle broke out between Somali national army [SNA] forces and Al-Shabaab militants in the country’s southern Lower Shabelle region on Thursday, authorities said. The fighting flared up at Gandershe, a coastal area located on the Mogadishu-Marka road after armed fighters from Al-Shabab launched an ambush attack on an army base. The SNA officers in the village who asked to remain anonymous said the troops repulsed the attack and inflicted losses on the attackers during the gunfight between the two sides. Local residents reported that the combat caused casualties, but, they said the number of the fatalities could not be confirmed at the moment. A lull situation has returned to the area and the government forces remained in position after warding off the Al Shabaab attack on Thursday morning. The post Somali military clashes with Al-Shabaab in Lower Shabelle region appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Ciidamada Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib ganacsade maanta lagu diley magaaladaasi. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in ciidamadan ay baaritaan ku hayaan qaar ka mid ah xaafahada magaalada Boosaaso ay ka kooban tahay. Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay iney dileen Saabir Axmed Cali oo ka mid ah ganacsatada Boosaaso, iyaga oo dhaawacay Labo qof kale oo ganacsato ahaa. Raggii dilkaasi ka dambeeyey ayaa isaga baxsaday goobta ay falkaasi ka geysteen. Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana magaaladaasi kusoo kordhay dilalka qorsheysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo on Thursday called for unity among members of the Somalis diaspora living in Italy. Addressing Somalis in Rome on Thursday, Mr. Farmajo urged the Somalis in Rome and other parts of Europe to take part in the rebuilding of the nation which is recovering from two decades old conflict. The president assured the nationals the government’s commitment in addressing the interests of diaspora and those at home. Mr. Farmajo hailed the diaspora members’ role in supporting their relatives and friends in the country. “We know the role you played as the Somalis in abroad to help those in the country. We appreciate the support and we want you to keep up and take part in the process of rebuilding the country,” he said. The president is expected to conclude his three-day state visit to Italy which came as a result of an invitation by the president of Italy. During his visit in Italy, the president met with Prime Minister Giuseppe Conte and discussed ways of advancing strong bilateral relations built on historical ties, mutual respect, common economic aspirations and deep bonds of friendship between Somalia and Italy. In the meeting, President Farmajo touched on Somalia’s progress on security, economic reform and Somalia’s role in advancing the integration of the Horn of Africa as part of his administration’s foreign policy. The President acknowledged the Italian Prime Minister on his government’s continued bilateral and multilateral support of Somalia’s development. “Somalia and Italy share historical ties dating back to many years of economic cooperation and partnerships at different levels, and it is this shared history that binds both our countries together in the pursuit of strengthening our already existing relations for the progress and prosperity of our two friendly nations,” he said, The leaders agreed to work towards cooperation in strengthening the relations between Somalia and Italy and pursue win-win partnership strategies in all areas of mutual interests. The post President Farmajo meets with Somalia diaspora in Italy appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Qudus (Caasimadda Online) – Khabiir Military oo Yuhuudi ah ayaa ka dhawaajiyey in kooxaha Muqaawamada Filistiin ay horumarin ballaaran ku sameeyen gantaallada ay la beegsadaan deegaannada lagu deegaameeyay dadka Yuhuudda ah ee dhulka Filistiin xoogga ku heysta. Khabiirkan Yuhuudiga ah oo wax ku qora Website-ka Israel Defense, laguna magacaabo Caami Domba ayaa ka dhawaajiyey in xarakada Xamaas iyo kooxaha ka garab dagaalama ee muqaawamada ahba ay sawaarikhdooda ku sameeyeey Horumarin ballaaran oo la taaban karo. Duqeymahoodi ugu dambeeyana ay banaanka soo dhigeen Awoodda ay u leeyihiin Beegsashada magaalooyinka ay deganyihiin dadka Yuhuudda, gantaalladoodana ay ahaayeen kuwa intooda badan ka gudbay qalabka difaaca cirka ee maamulka Sahayuuniyada, kuna dhacay goobo ay dadka Yuhuuda ah deganyihin. Waxa uu yiri” marka aan fiirinno duqeymihii ugu dambeeyey ee labada dhinac is dhaafsaden, “waxaa kuusoo baxaya awoodda ay leeyihiin kooxaha falastiiniyinta ah” isagoona tusaale usoo qaatay xarakada Xamaas oo uu sheegay in ay 530 Gantaal u ridday dhanka deegaanada ku hoos jira gummeysiga Yuhuuda, kuwaas oo 460 Kamid ah ay beegsadeen deegaanno ladeganyahay oo uu ku rakibanyahay qalabka difaaca cirka ee loo yaqaan Qubatul Xadiidiyah, qalabkaas oo ku fashilmay qabashada gantaalada lagu weeraray maamulka Yuhuuda, kaliyana ku guuleystay inuu qabto 100 gantaal oo muqaawada ay soo rideen, in kabadan 430 kalena ay ka baxsadeen. Isagoo hadalkiisa sii wata Ayuu sheegay Domba in Xamaas 87% ay ku guuleysatay in gantaaladeeda ay beegsadaan goobo la dagan yahay, taas oo muujineysa in Khubarada dhanka hubka ee Xamaas ay ku guuleysteen Sixista Ahdaafta ay gantaaladooda garaacayaan, arinkaas oo marki hore ahaan jiray mid mustaxiil ah, sida uu daabacay Websiteka Caka ee ka faalooda arimaha Israel. Khabiirkan Yuhuudiga ah ee lagu magacaabo Caami Domba ayaa shaaciyey in horumarka ay gaareen muqaawamada ay ka dhalan karto arimo badan oo halis galinaya Amniga Israel, taas oo ay ugu horeyso khasaaraha nafeed iyo mida hantiyeed ee gantaalada muqawamada ay geysanayaan, iyo baahida loo qabo in Maamulka Yuhuuda uu soo kordhiyo gantaalada difaaca Cirka, si looga hor tago Sawaarikhda Xamas ee kusoo hoobanaya dhulka gumeysiga ku hoos jiro, arinkaas oo dhalin doona dhiig bax dhaqaale iyo mid dhanka difaaca cirka ah oo kuyimaada ciidanka Yuhuuda, mar kasta oo uu dagaal ka dilaaco Magaalada Gaza iyo Dhulka ku xeeran, ha ahaato waqti dhow ama mid ku saleysan mustaqbalka fog ee kooxaha muqawamada ay u diyaar garoobayaan. Muqaawamada Ayuu sheegay inay mar kastaba guul ku jiiifaan, Maamulka yuhuudana uu marba marka ka danbeyso sii weynayo Misdaaqayadii uu lahaa, halka dhinaca kale uu kusoconayo dhig bax dhaqaale iyo mid military, sababo ku aadan miizaaniyada faraha badan ee ku baxda Arimaha difaaca, taas oo hadana lagu guuleysan la’yahay in laga hortago gantaalada Falastiiniyiinta. Caasimada Online Xafiiska Qudus Caasimada@live.com
  9. Wararka naga soo gaaraya degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo oo dhacda xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaal katirsan Al-shabaab ay ay xalay saqdii dhexe halkaasi weerar ku qaadeen. Al-Shabaab ayaa dhowr jiho weerarka kaga soo qaaday degmada Balad-Xaawo iyada oo ciidamada dowlada ay isaga baxeen degmadaasi muddo koobana ay heeysteen Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ay degmadaasi ku dilay nabadoon caan ka ahaa degmadaasi Balad-Xaawo oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Dhaqane waxaana sidoo kale ay wateen labo wiil uu dhalay Nabadoonka. Gudoomiyaha degmada Balad-Xaawo oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in ay la hadli doonaan saaxaafada saacadaha soo socdo. Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleeyno degmadaasi ayaa waxa ay sheegayaan in hadda xaaladu ay tahay mid dagan islamarkaasina Al-Shabaab ay dib uga baxeen ciidamada dowladana ay dib u la wareegeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Balad-Xaawo appeared first on Puntland Post.
  10. Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland waxaa ka dhacay dil fool xun ka dib markii Al-shabaab ay soo weerareen guri ku yaal Magaalada. Weerarka oo ahaa mid ku talagal ah ayaa waxaa lagu diley Odey ka mid ah Odoyaasha Magaalada kasoo qprshuhu ahaa in khaarajiyo. Odey dhaqameedka la diley oo lagu magacaabo Dhaqane Qaasin wuxuu maalmo ka hor kasoo laabtay Safar uu ku aadey Muqdisho, wuxuuna ka mid ahaa Odpyaasha la shaqaynayay Dowlada Federaalka. Dadka Deegaanka ayaa Puntlandi.com u sheegay im Alla ha u naxariistee Odayga la diley uu deganaa guriga la weeraray. Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah midna wali kama hadlin Dilka Odayga. Puntlandi.com Kismaayo Source
  11. Waxaa Magaalada Muqdisho si heer sare loogu soo dhaweeyay xidigaha xulka 23-jirad ee dalkeena Soomaaliya oo laba kulan oo ka tirsan is reeb reebka ciyaaraha olomikada ku ciyaaray caasimada Addis Abba iyo Jabuuti waxaana si weyn caasimada ugu soo dhaweeyay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye iyo gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab. Xidigaha dalkeena ayaa kulankii labaad dhigooda Ethopia kaga adkaatay 1-0 waxaana goolkaas taageerayaasha Ocean Stars ay uga mahad celinayaan laacib Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa kooxdii qurbajoogta oo caasimada Muqdisho ciyaar saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ka samaysay 17-October wuxuuna Feysal sheegay in aad ugu faraxsanahay guulaha uu la gaaray dalkiisa hooyo. Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Khadiija Maxamed Diiriye oo garoonka kusoo dhawaysay xidigaha 23-jirada waxa ay sheegtay in dhawaan dalka lagu ciyaaridoono tartamada ay xulalka kala duwan ku dheelaan qaarada Afrika si xidigaha matalaya wadanka ay u helaan dhiiri gelin badan. Qaar ka mid ah xidigaha 23-jirad markii ay kasoo dageyn garoonka Aadan Cadde ayay inagoo warmeyn dareenkooda waxayna u mahad celiyeen taageerayaashooda sida ay u garab istaageyn Kulamadii ay ku ciyaareyn caasimada Addis Abba iyo Jabuuti. Gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka Cabdqani Saciid Carab ayaa u mahad celiyo xidigaha iyo macalimiinta guusha weyn ka gaaray Ethopia wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu ku daa’daaliyo horomarinta iyo garab istaagtida ciyaarahanada difaacaya calanka Soomaaliya Bahada ciyaaraha dalka iyo dibada waxa ay mahad celin u direyn Feysal Xasan Axmed oo waajibaadkiiisa xulkiisa uga haray kulaa bashada dalka Norway madaama isaga ka mid ahaa kooxdii qurbajoogta ee dalka imaaday intii u dhaxeesay 17-30-October waxayna baal cusub u furtay xirfadlayaasha ku koray qurbaha oo iminkaba isku diyaarinayo waajibaadka wadankooda Halkaan Daawo Qaabka Ay Igu Soo Noqdeyn Caasimada Muqdisho Xidigaha 23-Jirada Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar dhaawac loogu geystay guddoomiye ku xigeenkii Maxkamadda Sare ee gobolka Bari ee maamulka Puntland. Weerarka ayaa ka dhacay mid kamid ah hoteelada ku yaala magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Jubba, sida Al Shabaab ay baahiyeen, waxaana weerarka fuliyay rag hubeysan oo AL Shabaab ka tirsan. Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland Saciid Cabdi Muumin ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka kadib dhaawac kasoo gaaray weerarka oo Al Shabaab ay abaabuleen. Xaaladda magaalada ayaa degen, balse ciidamada Puntland ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay weerarka ka dhacay Hotelka Jubba ee magaalada Boosaaso. Dhinaca kale waxaa degen xaalada magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo Al Shabaab ay xalay weerar ka geysteen, waxaana socdo gurmad ciidamada Jubbaland ay ka helayaan deegaanada kale ee gobolka Gedo. Dadka deegaanka waxaa soo wajahay xaalad cabsi ah, waxii ka dambeeyay markii Al Shabaab ay go’doomiyeen magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Sidoo kale wararka aan ka heleyno degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose aya sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada duleedkeeda, halkaasi oo uu dagaal xoogan shalay gelinkii dambe ka dhacay. Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan deegaanka Jilibka Marko iyo deegaanada kale ee hoostaga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Belad-xaawo (Sh.M.Network) – Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa udhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Warar ayaa intaas ku daraya in xoogaga Shabaab ay xalay usuuragashay inay la wareegeen magaalada kahor inta uusan dhicin iska hor-imaad. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa inuu geystay dagaalka, inkasta oo aanan la hubin tirada saxda ah. Maamulka degmada ayaa tilmaamay inay Al-Shabaab ka saareen magaalada, islamarkaana ay haatan iyaga gacanta ku hayaan amniga Belad-xaawo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Shabaab oo ku aadan dagaalka xoogan ee ka dhacay degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo. Dhanka kale, fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in Al-Shabaab ay xalay kala soo baxeen hoygiisa Nabadoon caanka ka ahaa gobolka. Nabadoon “Dhaqane Muudey” oo dhowaan ka yimid dhanka Doolow ayay wararku sheegayaan inay Al-Shabaab gawracday. Ma cadda sababta ka dambeysay arrintaan, xili aanu jirin war ay xarakad Al-Shabaab kasoo saartay dhacdadani. Degmada Belad-xaawo oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa in-dhawaanahaan amnigeeda wuxuu ahaa mid liitay, xili saraakiisha ciidanka xooga dalka ay sheegteen inay xaqiijin doonan. The post Dagaal ka dhacay Belad-xaawo iyo Nabadoon la gawracay appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Wararka ka imaanayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu dilay mid kamid ah shaqaalaha ganacsiga magaalada,laba qof oo kalena lagu dhaawacay. Bartamaha Suuqa Magaalada Boosaaso ayaa lagu dilay xisaabiye ka tirsanaa shirkada Ganacsiga ee SAABIR,kaaasoo magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Nuur (Dalaqo),waxaana sidoo kale la dhaawacay laba qof oo kale,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Dilka ayaa sida la sheegay waxaa gaystay koox bastoolado ku hubaysnaa oo markiiba goobta ka cararay. Hay’adaha amniga gobolka Bari,gaar ahaanna taliska Booliisku weli faahfaahin kama bixin dhacdadaas. PUNTLAND POST The post Mid kamid ah shaqaalaha ganacsiga oo lagu dilay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  15. Australia[Puntland Post] Duufaanno xoogan ayaa ku dhuftay dalka Australia ,kuwaas oo midabkii cirka ka dhigay Jaale, isla markaana kor u qaaday wallaaca laga qabo tayada hawada. Waxa madaxda dalkaasi ay soo saaray digniin ku saabsan xagga caafimaadka kuwaas oo loo jeedinaayo dadka ku sugan magaalada Sydney iyo kuwo kale ee aysan soo gaarin duufaantani. Gobollo badan oo ay ku jirto koonfurta Wales ,waxaa liita muuqaalka deegaanka ee ay saameeyeen dabeylaha wada boorka, waxaana la sheegaya in duufaantasi ay riixayaan dabeylo qallallan oo wata carro. Laga soo bilaabo bishii Agoosto dhibaatada waxaa sii kordhinaya abaaro saameeyay gobollo badan sida woqooyiga ,koonfurta iyo galbeedka. Saraakiil xaggga caafimaadka ah ayaa dadka ku boorinaya in ay joogaan guryahooda,gaar ahaa caruurta,dadka da’da ah iyo kuwa ay dhibaatadu ka heyso dhinaca neefsashada. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Duufaan ku dhufatay gobollo ku yaala dalka Australia appeared first on Puntland Post.
  16. Rome[Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii 3aad booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo kula yeeshay Qasriga Quirinale Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool. Madaxweyneyaasha ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada faa’ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed. “Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa’iido u leh dadkeenna.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Xigasho Wakaaldda SONNA Cabdiqani Boos Puntland Post The post Farmaajo iyo Mattarella oo ka wada Hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada Koofur Galbeed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa ku hanjabay inaysan codeyn doonin doorashada madaxweynaha. Xildhibaan Maxamed Macalin Axmed oo kamid ah baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo inaysan codeyn doonin, haddii aan la joojin cadaadiska lagu hayo guddiga doorashada. Xildhibaanka wuxuu sheegay inay ka warhayaan in guddiga lagu cadaadinayo inay badalaan habraaca doorashada Koofur Galbeed, iyadoo lagu cadaadinayo inay liiska musharixiinta ka reebaan seddex musharax. Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii la joojiyo cadaadiska lagu hayo guddiga doorashada inay doorashada ka qeyb gali doonaan, haddii la joojin waayana aysan ka qeyb gali doonin codeynta doorashada. “Waxaan isku ogeyn in habraaca doorashada aan waxba laga badalin, dowladda Dhexe ayaa cadaadis wada, mana aqbali doono, haddii habraaca la badalo maka qeyb gali doono doorashada”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Macalin. Xiisad cusub ayaa muuqata inay halkaasi kasoo baxday, iyadoo xubnaha guddiga doorashada qaarkood ay ku hanjabeen inay iscasili doonaan haddii aan cadaadiska laga joojin. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddiga laga doonayo inay doorashada aysan ka qeyb galin Musharixiinta kala ah Mukhtaar Roobow, Aadan Saransoor iyo agaasimihii hore ee Nabad sugidda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  18. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Doorashooyinka Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Degmooyinka ay Shacabka dooranayaan. Mr Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabadaan ay tijaabo u noqoneyso doorashooyinka Golaha deegaanka oo iyana shacabka la filayo in ay soo doortaan. Muddooyinkii dambe ayaa la arkay qorshayaal maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha Ammaanka ay ku dar dar gelinayaan Ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona Ciidamo Boolis ah la geeyay dhammaan waaxaha degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaana dadka qaar qabaan in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu ka soo reynayo , marka loo eego xilliyadii hore oo dilalka iyo qaraxyadii dhici jiray. The post Maamulka Gobolka Banaadir oo qabanaya doorashooyin ay shacabka codeynayaan. appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Puntland Post-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Sucuudi Carabiya, Caadil al-Jubayri ayaa sheegay in xad lama dhaafaan ah ay tahay in su’aal la galiyo ama la dhaleeceeyo hoggaanka boqortooyada, taas oo ay ka mid tahay baaqyada ah in la badelo Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan. Wareysi ay BBC-du kula yeelatay magaalada Riyaad ayuu ku celceliyay in Amiirka dhaxalsugaha ah uusan wax lug ah ku lahayn dilkii weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji oo 2-dii bishii hore lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin un kadib, markii aqalka kongareeska ee dalka Mareykanku uu amray in baaritaan lagu sameeyo dowrkii uu Amiirka ku lahaa dilka weriyaha, taas oo ay ka dhalatay caro caalami ah. Wasiirka ayaa mar wax laga weydiiyay tallaabo laga qaado dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan haddii lagu helo falkaasi waxaa uu sheegay in marnaba taasi aysan aqbali doonin dowladda Sacuudiga. Inkastoo Dowladda Sucuudiga lacag dhan balaayiin doolaar ah ku maalgelisay dalka Mareykanka ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu qiray in dhaxal suge Maxamed bin Salmaan “ay suuragal tahay inuu si wanaagsan” u ogaa dilka Khaashuqji. Hay’adda sirdoonka ee dalka Mareykanka ee CIA -da ayaa baaritaan ay sameesay waxaa ay ku sheegtay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa dilka weriye Jamaal Khashoggi, balse wasiirka ayaa dilka weriyahaasi ku edeeyay kooxo sirdoon oo aan damiir lahayn, isagoo na dowladda Turkiga ku booriyay inay soo bandhigto cadeymo dheeraad ah, ayna joojiso xogta ay dusineyso. Madaxweyne Trump oo u muuqda inay ka go’antahay sidii uu u difaaci lahaa danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu saaxiib dhaw la yahay Sacuudiga, taasi na laga eegayo danaha Mareykanka iyo Isra’iil ee ku aadan Sacuudiga, waxaana uu intaa ku daray in toddobaadka dambe uu shirka G20 ee ka dhici doonaa dalka Argentina uu kula kulmi doonaa ninka lagu tuhmayo inuu amray dilka Khashoggi. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo laga dalbaday in uu Baneeyo Xilka appeared first on Puntland Post.
  20. Ceel Afweyn( Sh. M. Network):-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa ku soo warramaya in Saacadihii la soo dhaafay Dagaal khasaaro sababay uu ka dhacay degmada Ceel Afweyn ee Gobolkaasi. Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyay Ciidamo uu hor kacayo Sarkaal lagu Magacaabo Caraale oo dhawaan ka goostay maamulka Soomaaliland iyo Ciidamada Maamulkaas ee ku sugan degmada Ceel Afweyn. Ma Cadda Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay balse ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in maalmihii la soo dhaafay Magaalada Ceel Afweyn ay ku sugnaayeen Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Maamulka Somaliland kuwaas oo waan waan ka dhex waday Sarkaalka Gadooday iyo maamulka Somaliland taas oo ku aadan sidii isaga iyo Ciidamadiisa dib loogu soo celin lahaa Maamulka. Wafdigaan ayaa kulamo la qaatay Maamulka iyo waxgaradka degmadaasi Ceel Afweyn ,walow aysan muuqan , Natiijo la taaban karo oo ka soo baxday dadaaladooda. Weli waxaa xiisad xoogan laga dareemayaa degmada Ceel Afweyn walow dhinacooda dadaallo xoogan wadaan Wasiirada gaaray degmadaasi. The post Dagaaal Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Ceel Afweyn appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Maalmahaan waxaan warbaahinta BBC da qaybteeda Afrika kala socday qoraallo badan, oo laga sameeyay dhaqdhaqaaqyada ganacsi uu Shiinuhu ka wado Afrika. Qoraalladaas waxay u badnaayeen naqdin iyo dacaayad siyaasi ah (Political propaganda). Shiinuhu, waxaa lagu dhaliilay in uu la yimid caqliyaddii gumeystaha, oo ku dhisnayd ka macaash khayraadka Afrika. Laakiin Shiinuhu, wuxuu ku andacooday in xiriirka kala dhexeeya Afrika uu yahay mid ku dhisan is-aaminaad iyo is-xushmayn, wadashaqayn dhaqaalle iyo isweydaarsi dhaqan. Maqaalkan waxaan ku sahmin doonaa xiriirka ganacsi ee uu dhexeeya Afrika iyo Shiinaha. SHIINAHA: Saaxiib kal furan Habka uu shiinuhu ula macaamilo dalalka Afrika waa mid ay u riyaaqayn madax badan oo Afrikaan ah. Waa hab ku kooban keli maslaxad ganacsi (Fiiri Beijing Consensus). Halka hay’adaha aan dowliga ahayn ee reer galbeedka sida IMF iyo World Bank iyo dowladda Maraykanka ay dalalka Afrika ku xiraan shuruud ah furfuris dhaqaalle (Fiiri Washington Consensus) iyo furfuris siyaasadeed (Fiiri Post-Washington Consensus). Farqiga u dhexeeya labadaas hab, waxay keentay in madaxda Afrika ay shiinuhu u arkaan shaydaanka sharta yar (lesser evil), laakiin dhaliisha warbaahinta reer galbeedka waxaa xoojiyay deymaha tirada badan ee Shiinuhu amaahiyay dalal badan oo Afrikaan ah. Waxay ku noqotay dabin deyn. KADEED DEYN Wixii ka dambeeyay 1960, dalal badan oo madaxbannaani helay waxay xoogga saarayn gaarista horumar dhaqaalle oo degdeg ah, iyaga oo u maray habka (Developmental state)-oo ah in dowladdu majaraha u hayso horusocodka dhaqaalle ee dalka. Laakiin waxaa lagamamaarmaan noqotay deyn qaadasho. Fursaddaa waxaa dano siyaasi ah uga faa’ideystay dalalka reer galbeedka, IMF iyo World Bank oo balaayiin doollar amaahiyay. Waxaa la xusuustaa dhaqaalle burburkii ku dhacay Afrika sanadkii 1980 ilaa 1991, oo lagu sababeeyay shuruudahii wax ka beddelka haykalka dhaqaallaha (Structural Adjustment Programme), ee World Bank ga hordhigay dalalka Afrika markii ay weyddiiyeen deyn. Wixii ka dambeeyay 1990, deyn-bixiyaasha Afrika waxaa ku soo biiray Shiinaha, oo markaa raadinaayay suuq cusub oo baaxad leh si uu u iib geeyo badeecooyinkiisa iyo helidda khayraadka dabiiciga sida shidaal, maadaama uu kordhay baahidiisa shidaal. Sanadkii 2000 ilaa 2014, wuxuu Afrika amaahiyay 89 bilyan oo doollar. Wuxuu fuliyay in ka badan 3,000 kun oo mashaariic kaabadhaqaalle dhisid ah. Waxaa ka mida mashruucii waddada tareenka ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya oo ku baxday in ka badan hal bilyan oo doollar iyo kii Kenya. Haddaba, sanad ba sanad ka dambeeyay Afrika waxay dhex maquuranaysay mushkilad deyn. Waxaa dusha u saaran 417 bilyan oo doollar oo deyn dibadda ah (foreign dept). Boqolkiiba 20 waxaa ku leh shiinaha. Hay’adda World Bank ga, waxay sheegtay in 18 dal oo ka mida dalalka Afrika ay halis ugu jiraan kadeed deyn (dept crisis). Sidoo kale, hay’adda IMF waxay ka digtay in dalal badan oo Afrikaan ah ay dabin ugu jiraan deynta Shiinaha. Jabuuti, Saambiya iyo Gongo waxay halis ugu jiraan kadeed deyn. Tusaale, Saambiya waxaa lagu leeyahay 8.7 bilyan oo doollar, waxaa ku leh Shiinaha. Jabuuti, boqolkiiba 77 deymaheeda dibadda waxaa ku leh Shiinaha. DALALKA GOBOLKA Itoobiya, waxay Shiinaha ka qabtaa deyn lacagayd oo gaaraya 13.73 bilyan oo doollar. Kenya, waxaa ku maqan 9.8 bilyan. Ugandha, waxaa lagu leeyahay 2.96 bilyan. Tansaaniya, 2.34 bilyan. Rwanda, 289 milyan, Burundi 99 milyan, iyo Koonfurta Suudaan oo ku maqan 182 milyan. Deymahaas lacageed inta badan waxay ku baxayn mashaariicda waaweyn, ee kaabayaasha dhaqaallaha sida dhismaha waddooyin tareen, dekedo iwm. Xiriirka Shiinaha iyo Afrika waa mid ku dhisan isweydaarsi badeecad, tiknoolojiyad iyo xirfad. Dalal ka mida Afrika sida Nayjeeriya, Angola, Sudan Iyo Equatorial Guinea waxay wax u dhoofiyaan suuqyada Shiinaha. Halka Shiinuhu uu isagana Afrika u dhoofiyo badeecooyin badan. WQ: Xassan Mudane Lafogure Arrimaha Afrika Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Ceel-afweyn)-Ciidamo ka tirsan jabhadda uu hoggaamiye kornayle Mahad Siciid Jaamac Caarre oo wata afar-gaadiidka dagaalka ah, ayaa rasaas culus ku gaaraacay xaafadaha dhinaca Waqooyi ee degmeda Ceel-afwayn oo ku yaalla guriga gobolka oo la sheegay in ay ku suganyihiin xubno wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland. Sida uu xaqiijiyay weriye kusugan Ceel-afwayn, wasiirrada waxaa kamida wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Boos Mire Maxamed shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo masuuliyiin kale. Ciidamada millateiga Somaliland, ayaa wararku sheegayaan in ay dhinaca Koonfureed uga Saareen magaalada. waxaana ciidamadu rasaasta isku waydaarsanayaan dhicana koonfureed ee magaalada sida hadda uu xaqiijiyay weiye ku sugan Ceel-afwayn. Source
  23. (SLT-Riyadh)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Sucuudi Carabiya, Caadil al-Jubayri ayaa sheegay in xad lama dhaafaan ah ay tahay in su’aal la galiyo ama la dhaleeceeyo hoggaanka boqortooyada, taas oo ay ka mid tahay baaqyada ah in la badelo Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan. Wareysi ay BBC-du kula yeelatay magaalada Riyaad ayuu ku celceliyay in Amiirka dhaxalsugaha ah uusan wax lug ah ku lahayn dilkii weriyaha Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji oo 2-dii bishii hore lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin un kadib, markii aqalka kongareeska ee dalka Mareykanku uu amray in baaritaan lagu sameeyo dowrkii uu Amiirka ku lahaa dilka weriyaha, taas oo ay ka dhalatay caro caalami ah. Wasiirka ayaa mar wax laga weydiiyay tallaabo laga qaado dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan haddii lagu helo falkaasi waxaa uu sheegay in marnaba taasi aysan aqbali doonin dowladda Sacuudiga. Inkastoo Dowladda Sucuudiga lacag dhan balaayiin doolaar ah ku maalgelisay dalka Mareykanka ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu qiray in dhaxal suge Maxamed bin Salmaan “ay suuragal tahay inuu si wanaagsan” u ogaa dilka Khaashuqji. Image captionTrump iyo Maxamed Bin Salman Hay’adda sirdoonka ee dalka Mareykanka ee CIA -da ayaa baaritaan ay sameesay waxaa ay ku sheegtay in Maxamed Bin Salmaan uu ku lug lahaa dilka weriye Jamaal Khashoggi, balse wasiirka ayaa dilka weriyahaasi ku edeeyay kooxo sirdoon oo aan damiir lahayn, isagoo na dowladda Turkiga ku booriyay inay soo bandhigto cadeymo dheeraad ah, ayna joojiso xogta ay dusineyso. Madaxweyne Trump oo u muuqda inay ka go’antahay sidii uu u difaaci lahaa danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa uu sheegay in Mareykanka uu saaxiib dhaw la yahay Sacuudiga, taasi na laga eegayo danaha Mareykanka iyo Isra’iil ee ku aadan Sacuudiga, waxaana uu intaa ku daray in toddobaadka dambe uu shirka G20 ee ka dhici doonaa dalka Argentina uu kula kulmi doonaa ninka lagu tuhmayo inuu amray dilka Khashoggi. Source
  24. (SLT-Muqdisho)-Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan qaarada Afrika AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka geysteen ciidamada Maraykanka deegaan ka tirsan gobolka Mudug ay ku dileen 7 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. AFRICOM ayaa qoraalka ku sheegtay in duqeynta ay ka dhacday degaanka Caad ee Gobalka Mudug laguna dilay illaa 7 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. “Waxaan sidoo kale qiimeyneynaa oo aan baareynaa in dad rayid ah aysan wax ku noqon duqeyntan.”ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka kooban oo ka soo baxay Africom ayaa lagu xusay inay gacan ka heleyaan ciidamada dowlada Federalka ayna joogteyn doonaan sidii ay u wiiqi lahaayeen awooda ururka Alshabaab. Shalay ayey aheyd markii taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika sheegeen iney 37 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab ku dileen duqeymo doraad lala beegsaday isla fariisimahan xalay la weeraray. Source