Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargaysa) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku dhaartay In haddii Muuse Biixi Somaliland oo nafi ku jirto uu hubo in Lagu Soo gaadhayo uu Finland qaban laha, lakiin uu ka baqaayo Inay Somaliland ku burburto gacanta Muuse Biixi Cabdi . Hoos ka DAAWO. Source
  2. (SLT-Hargaysa) Wasiirkii Hore ee Kaluumaysiga iyo Warfaafinta Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Cabdillaahi Cismaan Geeljire ayaa Sheegay In doorashooyinkii Madaxtooyada ee Dalka ka dhacay Sannadkii hore ay ahayd tii Ugu xumayd ee la galo. Hoos ka DAAWO . Source
  3. Telesom and its CEO are Recognized by the World before Somaliland. Today, November 15th, 2018 at the AfricaCom Award, in South Africa, where all Telecommunication companies across Africa and the World has attended to choose the CEO of the Year 2018. At this Ceremony of AfricaCom Award Hon Abdikarim Mohamed Iid has been appointed as The CEO of the Year. What this means is an Acknowledgement of a great achievement, great leadership and un-disputable acceptance of the Number One CEO in Africa as Hon Abdikarim M Iid for the year 2018. Those of us who live in Somaliland and its surroundings remember the process the Telecommunication in Somaliland has go through over the years, especially Telesom. Telesom company was always committed to provide an excellent service for their customers and never failed to deliver and maintained the rank of Number One Telecommunication company in the Somaliland. The management of Telecom has overcome many difficulties over the years, from being banned to use the Satellites which brought all their international calls, Internets access and all other means of international connections to a halt. Even the Local Telcom Operators disconnect the private lines of Telesom’s CEO, with the intention of bringing Telesom down. Eventual, Telesom bought most of these Telcom companies and owns them along with their properties now. The different Administrations of Somaliland Governments had their share of positive and negative impact on Telesom’s past. We must never forget the peace, law and order that Somaliland enjoys had a major impact on the success of Telesom, which of course we thank to our Lord and salute the governments of Somaliland for their role. What is truly unconceivable is why Somaliland and its government does not appreciate its success stories? The strangest thing is, while the Whole World recognizes and shows its appreciation of the Great achievements that Telesom has made with their talented and wise management, the government of Somaliland looks the other way. The Government of Somaliland needs to know, that Telesom is: – The largest employer in Somaliland after the government. – It pays the largest amount of tax that anyone company pays the government. – Telesom has the largest number of local shareholders in comparison to any One company in Somaliland. It provides one of the largest Capital Investments into the economy, through Salaam Bank. Telesom brought Somaliland into the World Map like no any other organization has, with Bill Gate recommending Telesom as an example for other companies to follow. Telesom is the larges contributor to the social development of Somaliland. Telesom operates in every Region, City and districts of Somaliland. Telesom provide Telecom Network across the country, which not only provides Data and Voices, but Zaad System which enables everyone to transfer funds to any location in Somaliland or the World. Those are the tip of the iceberg to the positive contributions that Telesom and their associate bring to this country and its people. Government protect their companies, provides them with incentives and encourages them to succeed. For example, the India Government has excepted all taxes from TATA Company for their success in creating large number of new jobs ever year. All the above and more contributes to the development of the country and the government of Somaliland ability to run the country smoothly. In contrast to the India Government, the different Administrations of Somaliland at different times has imposed the following without considering the ramifications of their actions, not to mention those actions being illegal: Law was Passed, which granted one company the exclusive right to provide Viber Optic in Somaliland alone. (Monopoly) Passing a law that grants one of competitors of Telesom the exclusive right to dig trenches to bury their wires alone. (Monopoly) Riyal’s Administration has tried to introduce an equipment that was supposed to spying on Telesom. (This has failed) The current Administration is trying to duplicate the above mission and its already known before it happens. A law is passed which puts restrictions on the operations of the Zaad, according to the Government it was the Zaad that has created inflation. The law is implemented, but the inflation has worsened, because Zaad maintains Account, just like regular banks. All the above and more has only made Telesom stronger and extremely competent, with ability to combat any given situation. With all that injustices, Telesom has always remained neutral to all the different Political Parties and affiliations, imagine if they sided with one? But the sad part is the system that was to protect its own companies and people, who are working hard to undermine them. Conclusion: The authorities in Somaliland should go back to their drawing boards, they have many pressing issues to address, from poverty, unemployment, droughts, lack of infrastructure, lack of Services that governments are expected to provide to their citizens, Security Issues, Inflation, economic down fall to the lack of wise Foreign Policies. For a healthy and prosperous country, its Government requires simply to have an open and honest dialogue with the private sector and clarify any issues that the Administration might have with any particular company. This would build trust and harmony on both sides. To initiate the above, the administration needs to recruit people that understands the dynamics of the economy and speaks the language of the business community. Of course, a lot of other factors need to be introduced to turn the economy around, but this would be a major step at the right direction. Any other way would be waste of time and might lead to unnecessary disasters. It’s ever Government’s duty to protects its people and organizations at all costs, especially the business organizations, which are the backbone of every Nation and every economy. May God Lead us at the right direction. Mohamed Wardi Ibrahim As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  4. Waxeynu Wada ogeyn dhaliisha Madaxweyne Biixi iyo Dhaliisha Dul Taagneyd Mudo Sanad Maalmo Dhiman oo Xukuumadiisa Jirtey taas oo Tabashooyinka laga tirsanayey, ay hordhac u ahaayeen Sadbursiimadii Jeegaanta iyo Isgaashaan buureysigeeda Waxa Layaab leh in Dareen Badani kasoo Noqdey Socdaalka Gobolada Bariga Somaliland ee Madaxweyne Biixi gaar ahaana Ficilada lama Filaanka ah ee Burco iyo Oodweyne,oo Gobanimo Badani ka Muuqatey. Haddaba Waxa muuqata Dareemada kasoo noqdey Socdaalkan iyo Ficillka Gobanimada iyo Soo Dhaweynta Diiran ah ee Qolyihii Habarmagaade kusoo Dhaweeyeen, taas oo aaney marnaba jeclaysan sida ka muuqata ama dareen ahaan laga arkayo Beesha Bariga Burco Sababtoo, ah Maadaama ay Xiligan Ceelweynaha Burco la Sheegtaan Waxa Dareenku Dibada usoo Wada Baxey Kadib Markii Madaxweyne Biixi gaadhey Deegaanka Degmada Oodweyne oo ah Ubucdii Beesha Habaryoonis oo halkaa Sil Diiran oo Gobanimo leh loogu Soo Dhaweeyay in Mar kaliya Jeegaanta bahdeeda Miyigu dareen Kakan iyo Diidmo Laga dareemayo in ay jidhka iska galiyeen Siweyn oo aan Qarsoomeyn jidhka iskaga galiyeen Xaqiiqdii Marka Gees Kasta laga eegana Macnoyaal badan oo Dad badani fahmayaan ayay Yeelaneysaa Gaar ahaana Waxgaradka iyo Dadka la Socda Guud ahaanba Siyaasadaha Somaliland ay u Fahmayaan, haddii Sidaa Qaawan ay Beesha Bariga Burco u dhaqanto Marar badan waxey Talaabbada Noocani Fashilaad ku Noqoneysaa Siyaasadahooda Docgaabka ah ee Khiyaamada Ku Dhisan. Gabagabadii Wey Muuqataa Socdaalka Madaxweyne Biixi ee Burco iyo Oodweyne Dareenada Kasoo Baxey taas oo aan Loo Baahneyn in Dadka Qaarkii Sii Damcaan in Hawlaha Somaliland ku Koobnaadaan Arimihii kala Fogeynta Shacbiga Somaliland ee Jeegaanta ku Calaamadsanaa Madaxweynaha Laf ahaantiisana Waxaa looga baahan yahey, in uu Tixgaliyo Qodobadii Kasoo Baxey Shirkii Buurta gacanLibaax si Maamulkiisu Isbadel ugu Talaabsado kana Gudbo Xanaftii ka Dhalatey Doorashadii Dalka Kasoo Qabsoontey arinta Komishankana Xal ka Gaadho, Tabashada Jabhada laf ahaanteedana Dhaqdhaqaaqii Maamuladii ka horeeyay Tabashadooda kusoo Afjaro. Beesha Bariga Burcana Waxaan Kula Talin lahaa in ay iska Daayaan Maseyrka. Najiib Ismaaciil Maxamed Somaliland Gabiley Tell:0634466339 Source
  5. Waxaa dhammaan Ehelada, asxaabta iyo dadweynahaba la ogaysiinayaa geerida Siyaasi Siciid Faarax Cabdi Waraabe oo todobaadkan ku geeriyooday magaalada London ee dalka UK in lagu aasi doono berito oo taariikhdu tahay 23-ka November 2018 isla magaaladaasi London xaafada Greenwich South east London. Liiska dadka tacsida diraaya 1. Amb. Adan Musse Jibril 2. Ahmed Xaashi Oday 3. Leyla Osman x yusuf 4. Gud/xigeenka xuquuqal insaanka marwo Weris Abshir x Diriye 5. Ex wasiir Boos Cumar Aadan Dibi 6. La taliyaha madaxweynaha ee dhalinyarada Cabdi Najax Siyaad aw Cabdi 7. Ismail odowaa Maxamuud 8. dhamaan mijiliska gargaar. Abdillahi, Qadaafi, Xaamud, Xasan Xagaa, Anwar, Abdiqani Askar, Abdikariim, Yusuf Garas, Xil Xasan Shahar, Siciid Afqarshe, Ex Agasime guud ee Maaliyada Saleebaan, Agasimaha guud Arimaha bulshada Maxamed ilkacase, waxay dhamaan tacsi u dirayaan Cabdirisaaq Siciid Faarax Cabdi (Waraabe) oo Aabihii ku geeriyooday magaalada London we dalka UK todobaadkan waxay Illaahay Uga baryayaan in uu marxuumka naxariistii janatal Firdawsa ka waraabiyo Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin Source
  6. Sheekaba sheeko ayay keentaaye, waxa la yidhi beribaa nin wadaada oo reer magaala ayaa dadka sigaarka Ka wacdiyi jirey , wadaadku nin Abu xaraare ah buu ahaaye ,marka uu damco in uu xabad shido wuxuu samayn jirey go shaala intuu qaato ayuu si fiican u hagoogan jirey , sigaarkana hoosta Ka jiidi jirey ,markuu wacdi bilaabana markasta mawduca u Ka hadlaa sigaarka ayuun buu ahaa , waxaanu hal Hays u lahaa kii nuugaaba naartu way nuugi . Waxay siddii ahaataba , sheekhii balwadii dadkii oo dhanbaa Ku bartay ,in laggu cadeeyana waa lagala baqday , hadaba maalin maalmaha Ka mida isagoo sheekhii wacdigii wada ayuu sigaarkii soo hadal qaaday ,markaasuu intuu jibooday aad ugu fogaaday, markaasuu intuu dadkii la hadlay yidhi Ka warama. Ninka sigaarka caba , dabeeto nin sida sheekha sigaarka qarsada in lagu dacaayadeeyana Ka baqday bàa ugu jawaabay, sheekh hebeloow hoostay Ka wada nuugaysaye ,wacdiga inoo wad ,imika waa halkaase garxajisowoow ilmaadeerayaal hoostaynu Ka wada nuugaynaaye , bahasha ama aynu wada cadaysano ama aynu iska wada dayno , hoos Ka nuigidu inaga socon maysee . W/Q: Ahmed Nour Guruje Source
  7. (SLT-Riyaad) Xili Dhaxa-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ay heystaan xiisado la xariira fadeexadii dilkii Suxufi Jamal Khashoggi ayaa la sheegay in qaar kamid ah qoyska Boqortooyada ay si hoose u wadaan olole la doonayo in Maxamed laga wareejiyo xilka uu hayo. Maxamed Bin Salmaan ayey horey cadaawad ay ugu qabeen qaar badan oo kamid ah qoyska Boqortooyada oo uu xiray, qaarna wuxuu la wareegay dhaqaalahooda halka kuwo kale ay aaminsan inuusan xilka uu qalmin, balse Maxamed ayaa ah wiilka uu jecel yahay Boqorka xilka haya ee Salmaan oo laga deyrinayo xaaladiisa caafimaad, kaasi oo si lama filaan ah sanadkii hore ugu magacaabay wiilkiisa inuu noqonayo ninka bedali doono isagoo meesha ka saaray dhaxal-sugihii hore ee Bin Nayef oo isagu hada xabsi guri ku jira. Bin Nayef ayaa la sheegay inuu kamid yahay ragga taageerada ka heysta qaar badan oo kamid ah qoyska boqortooyada, halka si weyn isagana loo hadal hayo Amiir Ahmed bin Abdulaziz oo ay wada-dhasheen Boqorka Salmaan, kaasi oo muddo dheer ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa dhawaan dib ugu noqday Riyadh. Ahmed bin Abdulaziz ayaa la sheegayaa inuu taageero weyn ka heystoo xubno awood kuleh dalka Maraykanka kuwaasi oo qaarkood hada olole ka dhan ah Maxamed Bin Salmaan ka dhex wada Kongareeska Maraykanka, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday inuu cambaareeyo Maxamed Bin Salman. Wasiirka Arrimaha Dibada Sacuudiga Adel al-Jubeir oo Arbacadii shalay wareysiyo kala duwan siiyey telefishinada reer Galbeedka ayaa si weyn u beeniyey inuu khatar ku jiro mustaqbalka Amiirka, isagoo si adag u cambaareeye warbixinada kacdoonka ka dhex socda qoyska Boqortooyada oo markii hore lagu faafiyey wakaalada wararka ee Reuters. Adel al-Jubeir ayaa sheegay in aysan waxna ka jirin in Maxamed bin Salman xilka laga xayuubin doono, isagoo dhinaca kale sheegay in Maxamed Bin Salman uusan waxna kala socon dilkii Suxufi Jamal Khashoggi, isla markaana danbigaasi ku koobnaa kooxdii dilka geystay oo uu sheegay in la ciqaabi doono, waa suu hadalka u dhigayee. Source
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-22112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Australia)Dabayl xoog badan oo ciido wadata ayaa ku dhufatay bulshooyinka ku dhaqan koonfurta bari ee dalka Australia, midabkii cirka ayaa jaale isu badalay waxaana jira walaac laga qabo tayada hawada. Masuuliyiinta ayaa dadka ku nool magaalada Sydney u diray fariin caafimad Khamiistan, dabaysha ayaana sababtay in ay dib u dhacaan duulimaadyo. Deegaanno badan oo ku yaalla New South Wales ayaa wajahaya dhibaatooyin ay ka mid yihiin aragga oo aad u liito siigada ka caysa awgeed. Masuuliyiintu waxay sheegeen in dhibaatadan ay ka dhalatay dabaysha qaadaysa ciidda ingagan ee dhulka. Gobolka New South Wales waxaa ka jira abaar ba’an oo ku dhufatay bishii Agoosto, sida ay shaacisay xafiiska saadaasha hawada ee dalka Australia Source
  10. Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Xaqiijiyey inay Dileen in ka badan 20-dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo isku dayey inay Difaacaan Deegaanka Gandarshe oo ay weerareen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ugu danbeyntii maanta la wareegay gacan ku heyntiisa. Deegaanka Gandarshe oo saaran Xeebta Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose oo sida la sheegay ahaa Deegaan Muhiim u ah Al-shabaab isla Markaana ay ka Abaabuli jiraan Weerarada ay geystaan Gobalka Shabeelaha Hoose. Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay puntlandpost ayaa Xaqiijiyey inay dileen kuwaad 30- ka tirsan Askarta Al-shabaab oo 20-ka mid ah meydadkooda ay wali yaalaan Deegaanka Gandarshe. Gudoomiyaha ayaa Sheegay inay sii wadi doonaan Dagaalka ilaa ay Al-shabaab ka saaraan Deegaanada Gobalka Shabeelaha Hoose oo ka mid ah meelaha Al-shabaab ay ugu xoogan miyihiin Gobalada Koofurta Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post (Muqdisho) The post 20-Dagaalame Oo lagu dilay Dagaalkii Gandarshe iyo Qasaaraha oo Wali sii Kordhaya appeared first on Puntland Post.
  11. The CIA has a recording of a phonecall in which Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman gave instructions to “silence Jamal Khashoggi as soon as possible”, a Turkish news website has reported. Gina Haspel, CIA director, is said to have revealed the existence of a wiretapped call between Prince Mohammed and his brother Khaled bin Salman, who is Saudi’s ambassador to the US, to Turkish officials during a visit to Ankara last month, according to Hurriyet. “It is said that the crown prince gave an instruction to silence JamalKhashoggi as soon as possible and this instruction was captured during the CIA wiretapping,” Hurriyet columnist Abdulkadir Selvi wrote on Thursday. “The subsequent murder is the ultimate confirmation of this instruction.” The brothers are reportedly heard talking about the “discomfort” caused by the Washington Post columnist’s criticism of the kingdom’s administration. A Turkish official contacted by Reuters said he had no information about such a recording. Khashoggi, a prominent critic of Prince Mohammed, was killed on Oct. 2 inside the Saudi Consulate in Istanbul. Hatice Cengiz, Khashoggi’s fiancee, talks to Haberturk TV about the day he went missing Hatice Cengiz, Khashoggi’s fiancee, talks to Haberturk TV about the day he went missing CREDIT: AP If confirmed, the wiretap could call into question Washington’s official claim that they have found no evidence to support accusations the murder was ordered by the prince, Riyadh’s de-facto leader, himself. The leak comes days after President Donald Trump signalled his support for Prince Mohammed, in a statement which declared he would not further punish Saudi for the murder. In an extraordinary statement subtitled “America First!” Mr Trump said on Tuesday that “our intelligence agencies continue to assess all information, but it could very well be that the Crown Prince had knowledge of this tragic event — maybe he did and maybe he didn’t!” Speaking to reporters at his Florida resort on Thursday, President Trump doubled down, saying the CIA had not come to a conclusion over whether the order came from the top. “I hate the crime…I hate the coverup. I will tell you this: The crown prince hates it more than I do,” he said. The president has since faced calls from members of his own party to re-evaluate ties with the ultraconservative kingdom, but Mr Trump has said the benefits of a good relationship outweigh the possibility its own prince ordered the killing. President Donald Trump speaks to the media about Khashoggi’s murder President Donald Trump speaks to the media about Khashoggi’s murder CREDIT: GETTY The Turkish media has published a drip-drip of leaks of information since the news of the Khashoggi’s death in early October, designed to put pressure on both Riyadh and the US to respond. Riyadh initially remained silent about the 59-year-old columnist’s disappearance, before claiming that he left the consulate after a short meeting with officials. They then changed their story several times, later claiming that Khashoggi was killed by mistake in a “fistfight” gone wrong. They admitted earlier this month that he was killed and dismembered after attempts to persuade him to come home failed. Saudi today warned criticism of the prince was a “red line”. Foreign Minister Adel al-Jubeir told the BBC that calls for MBS, as he is nicknamed, to be held accountable for the killing, “would not be tolerated”, nor would discussion of “anything disparaging”. Federica Mogherini, the EU’s top diplomat, said on Thursday all those “really responsible” for the murder of journalist Khashoggi have to be held accountable. “Those responsible, really responsible for this terrible murder have to be accountable,” she told a news conference in Ankara. Source Telegraph Qaran News
  12. Waxaa la filayey in sannadka soo socda bisha seddeexin la qabto doorashooyinkii Barlamaanka iyo kuwii dawlada hoose. Lakiin, sida la isla dhexmarayo, waxaad modaa in uu Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland damacsanyihiin in dib loo dhigo. Arrintani ma aha mid qancinasa ummada Somaliland iyo asxaabta caalamkaba. Arrinta ka dhex muuqata sababaha dib u dhaci ku sameyn karta doorashooyinka waxaa ugu horeysa, saami qaybsiga kuraasta Barlamaanka. Dastuurka Somaliland wuxuu go’aamiyey in 82 kursi uu ka koobnaado Barlamaanku. Haddii ay noqoto in al kordhiyo kuraasta, ma aha arrin u taala Barlaamanka xilligan fadhiya. Adduunka lagama maqal Barlamaan fadhiyey in 13 sannadood! Waa arrin cajiib ah. Haddii uu Barlamaankani awoodi kari waayey in uu sameeyo saami qaybsi cusub, waa in la doorto xildhibaani cusub oo sameeya sharciyo cusub. Barlamaanka fadhiyey in ka badan 13 sannadood, ma aha mid dalka iyo dadka wax u kordhinaya, waa xilidhibaano mushahar uun guranaya, oo ka dhigtay shuqul. Waxaa loo baahanyahay in aan doorashoyinka dib loo dhigin. Waa in la doorto Barlamaan cusub iyo dowlada hoose oo cusub. Marka dooroshoyinka la qabto, waa in loo soo jeesto Aqalka Guurtida, oo isaguna ilaa iyo 20 sannadood fadhiyey. Sida la wada ogyahay Guurtida lama doorto, oo dastuurku wuxuu ugu talo galay in uu noqdo aqal ah, la taliye iyo aqbalaad, “Advice and consent”. Lakiinse, wakhtigan la joogo, Guurtidii, waxay noqotay meel la iska dhaxlo, waxay u baahantahay dib uu eegid iyo horumarin. Ma filayo in ay ummada Somaliland kasoo horjeedo in ay Guurtida noqoto aqal ka kooban bulshooyinka dalka oo dhan, lakiinse wuxuu u baahanyahay xilidhibaano cusub iyo xirfado cusub. Somaliland waa dal qaan gaadhiyey oo leh dad waxbartay oo khibrado cusub leh, waa la soo dhaafay wakhtigii lagu shaqeyn jiray siyaamo bulsho ama qabiil. Waddanku dastuur buu leeyahay, sharci buu leeyahay, la iskuma wadi karo arrin sharci iyo arrin qabiil. Markaa waa lama huraan in la qabto doorashooyinka Barlamaanka iyo dawlada hoose. Kadibna waan in laga shaqeeyo Golaha Guurtida. Dastuur waa sida buug had iyo jeer la qoraya, marna wax lagu darayo, marna wax laga bedelayo, lakiin ma shaqeyn karo haddii golayaashii maamulihaa dastuurka ay iyaguba fadhiisteen. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Duulista Hawada ayaa xooga saartay sidii markale muddo 23 sano kadib loo shaqo gelin lahaa diyaaradii Somali Airlines oo Soomaaliya ay laheyd. Qorshaha Socda ayaa u muuqda mid gabo gabo ku dhow, waxaana la filayaa in todobaadyada soo socda ay dib u bilowdaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee diyaaradaasi ay sameyn jirtay. Warbaahinta Qaranka ayaa laga baahiyay in todobaadyada soo socdo diyaaradaasi ay dib u bilaabi doonto duulimaadyo toos ah, waxaana dalka Turkey uu doorweyn ku leeyahay dib usoo nooleynta diyaaradda Somali Airlines. “WAR FARXAD LEH:- Todobaadyada soo socda waxaa si rasmi ah uga howlbilaabi doona garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho diyaaradihii ugu horeeyey ee 23sano kadib ku duula magaca Somali Airlines” “Waxaana howsha lagu bilaabi doonaa laba diyaaradood oo noocyadoodu kala yihiin:- SAMair (9C, Bratislava) B737-400 iyo OM-SDA (msn 24438),,,,ALLOOW GUULLAHA NOO KORDHI” sidaasi ayaa lagu daabacay Barta Arrimaha bulshada ee Raadiyaha dowladda. Dib usoo nooleynta Diyaaradda Somali Airlines ayaa kamid ah dadaalada dowladda Soomaaliya ay gelisay waqtiga badan, waxaana horey loogo guuleystay dib usoo celinta maamulka hawada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-22112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Mucaaradnimadii Abtiyaashay Walaxaa Ka Dhiman .. Arrin dabiici ah weeye adduunka horumaray Afrika oo dimuquraadiyadu ku yartahay iyo Carab & Cajab in Hoggaamiyaha Mucaaridka amma Muxaafidku saamayn xoogan uu ku la haado degaanada uu ka soo jeedo. Maha qabyaalad waa arrin dabiic ah oo laysku raacsanyahay. Maqaalkan waxa iga keenay safarkii Madaxweyne Muuse Biixi ee Gobolka Oodweyne.. Horta siyaasiyiintii caanka aha, Saladiintii Gobolka Daad-madheedh Xildhibaanadii labada Gole kaga jiray mid qudha wajiyadoodi kamay soo muuqan socdaalka, madaxaeynaha lakiin waa la soo dhaweeyay waana gobonimo. Waxaanse tabayaa mid ka sii xeel dheer. Tusaalaha nool ee Xisbiyada xagga Mucaaradnimo iyo halganka kursi raadinta waxaynu soo qaadana Axmed Maxamed Siilaanyo, Waayo waa Mucaaridkii ugu muddada dheera intaynu nidaamka Axsaabta badan qaadanay. Degaanadii uu ka soo jeeday ee Bariga Saaxil, Sanaag, Bariga Burco iyo Caynaba wuxuu ku laha saamayn luxdan oo aan mar qudha liicin, deganadaas 8-sanno oo uu Daahir Rayaale Kaahin xilka hayay iyo 3-sanno oo Mucaaridadii Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal ahayd 11-ka sanno dhinbiisha Mucaaridku kamay bakhtiyin.. Dawladda In kasta oo ay dibu-dhaca la qabeen Gobolada itaalka Xukumadeedna iska koobna hadana wixii ay xaq ugu la hayeen way ka helayeen sadku haba llite. Wasiirka Xukuumaddii Daahir Rayaale ka tirsanaa ee Degaankaas ka soo jeeday nufuud siyaasi ah kumuu lahayn, Cabdillaahi Dhoolayare ayaa ugu dadaal badnaa wixii kala qabsaday waa la ogaa… Saleeban Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida ee hadda oo aha siyaasi adag saamayna ku laha UDUB ka hor tageeradiisi Siilaanyo shirkii Gar’adag si kasta oo uu yeelay galan galkiisu wuu ku koobna xagga Deganadaas, Degma Qorilugud oo uu ku xoogana waxay la magac baxday wagaas Aaga Kurdida. Siyaasiga UDUB ah marfashyada Habar-love kumuu qayili kari jirin maqaaxina muxaadiro kamuu gali jirin. Idinka Abtiyaal kii caawa Muuse Biixi la soo shaxeeyay ayaa Shiraaqle iyo Kaah idinku xiijinaaya.. Cawil Mucjiso oo mijihii ubadkiisa cunay qaarna ku ammaahday cimrina aanu u laabnayn ayaa Oodweyne la marinayaa.. Kaas oo kale waa In dhawr jeer la dakhraa haddii mucaarid kulul la doonayo, waa been Somaliland inagoo ku dhegan oo aanay cidina inagu cabsiinayn ayaa in mucaaradnimada la alooso ay tahay .. Caare yaan laydinku cabsiin, Xukuumaddu ha soo qabto iyadaa xoogi Dalka hayse. Waxaan xasuusta 2003-kii markii KULMIYE dhacay koox uu Maayarkii hore ee Burco Muuse Madoobe oo Siilaanyo tolnikada ka sokow Abti dhaw u aha hoggaaminaayay alle hawnaxariisto ayaa Puntland u gashay oo lacag ka soo qaadatay waliba Cabdillaahi Yuusuf ayaa Madaxweyne ka Aha wakhtigaas. Dee Daahir Rayaale Xukuumaddiisi ayaa xabsiga ku gurtay intay soo qabatay.. Siilaanyo na laguma eedayn Habar-love na laguma eedayn markii danbe Wasiiru Dawlaha arrimaha Gudaha ayaabu ka dhigay Muuse Madoobe Madaxweyne Rayaale .Marka Carre Madaxweyne Muuse Biixi ayuu u yaala Inuu soo qabto iyo Inuu la heshiiyo hawl inoo taala maha waa Sarkaal goostay sidaa Muuse Madoobe Cabdillaahi Yuusuf ugu goostay waagaas.. Muxuu KULMIYE u xoogana marku Mucaaridka aha.? KULMIYE Xisbi xoogbadan ayuu aha Mucaaridkii waana Xisbiga qudha ee Mucaaridnimadii kaga fiicna Muxaafidnimada sabatu mid qudha ayay ahayd .. Dhaqaale ahan KULMIYE wuxuu aha Xisbi Dadka Degaanadaasi hawba kala bataane aanay marqudha shidaalka ka joojin, Guddoomiyaha Xisbigu Akoon xisabeed u gaara ayuu laha…. Si mucaaridku u xoog badnaado safka hore waxa soo mari jiray siyaasiyiinta Degaanada kale Oday Axmed Siilaanyo na budhku hor luxi jiray.. 11-ka sanno garan maayo Suldaan iyo siyaasi saamayn leh oo u dusay Daahir Rayaale, Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii hore Madaxtooyada ayaa xasuustayda aan hayaa markii Xisbigu dhacay 2003-kii Daahir Rayaale u galay isna nooli ayuu ka sii qaatay oo waakii Ingiriiska galay waxaanu Dalka ku soo noqday doorashadii 2010-kii Wax yar ka hor.. Xalku waxa weeye wli ma habaysnin abtiyaal ee bahasha inaga giijiya, guusha sidaan hore u sheegay aynu Xisbi ku raadino Iska ilaawa qolaaliga Xukuumadda Muuse Biixi iyo qaxwaheeda haddii kursiga hunguri inaga hayo, hadalka iyo hawraartana aynu Dadka kale u dhiibno inta Hargaysa iyo Gabilay ka guuxaysa ee maamul xumada iyo niyad jabku hayo aynu abaabulno. Waliba kaligeen wax dooni maynee doorka danbe waxaa inagu xigaaya Gobolada Darafyada oo Dastuurka ayaynu furaynaa.. Rer wax u doonimayno ee waxaynu u halgamaynaa helida Somaliland ka wacan ta maanta oo ay walaalo yihiin shacbigu dhammaantood aan la kala qoqobin.. Idinkuna hormuud u noqda halgankii la soo noqoshada Xoriyada Somaliland ba qub iyo nasiib ayaad ku yeelateen hoggaamintii ileen la kala hooda wacane waynagii 6-bilood Dalka ku qabanay. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden Qaran News
  16. Baydhabo (Caasimada Online) – Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo sheegayay in Guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran lagu sarayo in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada maamulkaas. Xubno ka tirsan Guddiga ayaa xaqiijiyay in Guddiga Caddaadis lagu saarayo in ay doorashada ka reebaan Musharaxiinta kala ah Xuseen Cismaan Xuseen talihii hore ee NISA, Aadan Saransoor iyo Sheekh Mukhtaar Roobow. Dhammaan xubnahan ayaa waxaa kasoo horjeeda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waana taas sababta ay doorashada mar walba dib ugu dhaceyso, sida ay ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay, dowladda federaalka ayaa si gaar ah uga cabsi qabto Mukhaatr Roobow iyo Xuseen Cusmaan, oo ay u aragto inay guul ka gaari karaan doorashada. Dowladda federaalka ayaa waxaa ka go’an inay tallaabo kasta u qaaddo sidii ay ku xaqiijin lahayd in musharaxa ay wadato ee Cabdicasiis Lafta-gareen uusan la kulmin loolan ada, oo looga adkaan karo. Dowladda ayaa la sheegay inay guddiga ku qasabtay in shuruudaha doorashada lagu soo daro qodobo la rumeysan yahay in Mukhtaar Roobow iyo xubnaha kale aysan buuxin karin, si ay doorashada uga haraan, taasi oo lagu gacan seeray. Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa ka digay in arrintan ay abuuri karta xiisad siyaasadeed oo hogaamisa dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed, ayada oo beesha Leesaan ee uu kasoo jeeda Roobow, islamarkaana ah beesha ku xooggan Baydhaba ay wacad ku martay inaysan dhici doonin doorasho uusan qeyb ka ahayn Roobow. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  17. Arrin dabiici ah weeye adduunka horumaray Afrika oo dimuquraadiyadu ku yartahay iyo Carab & Cajab in Hoggaamiyaha Mucaaridka amma Muxaafidku saamayn xoogan uu ku la haado degaanada uu ka soo jeedo. Maha qabyaalad waa arrin dabiic ah oo laysku raacsanyahay. Maqaalkan waxa iga keenay safarkii Madaxweyne Muuse Biixi ee Gobolka Oodweyne.. Horta siyaasiyiintii caanka aha, Saladiintii Gobolka Daad-madheedh Xildhibaanadii labada Gole kaga jiray mid qudha wajiyadoodi kamay soo muuqan socdaalka, madaxaeynaha lakiin waa la soo dhaweeyay waana gobonimo. Waxaanse tabayaa mid ka sii xeel dheer. Tusaalaha nool ee Xisbiyada xagga Mucaaradnimo iyo halganka kursi raadinta waxaynu soo qaadana Axmed Maxamed Siilaanyo, Waayo waa Mucaaridkii ugu muddada dheera intaynu nidaamka Axsaabta badan qaadanay. Degaanadii uu ka soo jeeday ee Bariga Saaxil, Sanaag, Bariga Burco iyo Caynaba wuxuu ku laha saamayn luxdan oo aan mar qudha liicin, deganadaas 8-sanno oo uu Daahir Rayaale Kaahin xilka hayay iyo 3-sanno oo Mucaaridadii Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal ahayd 11-ka sanno dhinbiisha Mucaaridku kamay bakhtiyin.. Dawladda In kasta oo ay dibu-dhaca la qabeen Gobolada itaalka Xukumadeedna iska koobna hadana wixii ay xaq ugu la hayeen way ka helayeen sadku haba llite. Wasiirka Xukuumaddii Daahir Rayaale ka tirsanaa ee Degaankaas ka soo jeeday nufuud siyaasi ah kumuu lahayn, Cabdillaahi Dhoolayare ayaa ugu dadaal badnaa wixii kala qabsaday waa la ogaa… Saleeban Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida ee hadda oo aha siyaasi adag saamayna ku laha UDUB ka hor tageeradiisi Siilaanyo shirkii Gar’adag si kasta oo uu yeelay galan galkiisu wuu ku koobna xagga Deganadaas, Degma Qorilugud oo uu ku xoogana waxay la magac baxday wagaas Aaga Kurdida. Siyaasiga UDUB ah marfashyada Habar-love kumuu qayili kari jirin maqaaxina muxaadiro kamuu gali jirin. Idinka Abtiyaal kii caawa Muuse Biixi la soo shaxeeyay ayaa Shiraaqle iyo Kaah idinku xiijinaaya.. Cawil Mucjiso oo mijihii ubadkiisa cunay qaarna ku ammaahday cimrina aanu u laabnayn ayaa Oodweyne la marinayaa.. Kaas oo kale waa In dhawr jeer la dakhraa haddii mucaarid kulul la doonayo, waa been Somaliland inagoo ku dhegan oo aanay cidina inagu cabsiinayn ayaa in mucaaradnimada la alooso ay tahay .. Caare yaan laydinku cabsiin, Xukuumaddu ha soo qabto iyadaa xoogi Dalka hayse. Waxaan xasuusta 2003-kii markii KULMIYE dhacay koox uu Maayarkii hore ee Burco Muuse Madoobe oo Siilaanyo tolnikada ka sokow Abti dhaw u aha hoggaaminaayay alle hawnaxariisto ayaa Puntland u gashay oo lacag ka soo qaadatay waliba Cabdillaahi Yuusuf ayaa Madaxweyne ka Aha wakhtigaas. Dee Daahir Rayaale Xukuumaddiisi ayaa xabsiga ku gurtay intay soo qabatay.. Siilaanyo na laguma eedayn Habar-love na laguma eedayn markii danbe Wasiiru Dawlaha arrimaha Gudaha ayaabu ka dhigay Muuse Madoobe Madaxweyne Rayaale .Marka Carre Madaxweyne Muuse Biixi ayuu u yaala Inuu soo qabto iyo Inuu la heshiiyo hawl inoo taala maha waa Sarkaal goostay sidaa Muuse Madoobe Cabdillaahi Yuusuf ugu goostay waagaas.. Muxuu KULMIYE u xoogana marku Mucaaridka aha.? KULMIYE Xisbi xoogbadan ayuu aha Mucaaridkii waana Xisbiga qudha ee Mucaaridnimadii kaga fiicna Muxaafidnimada sabatu mid qudha ayay ahayd .. Dhaqaale ahan KULMIYE wuxuu aha Xisbi Dadka Degaanadaasi hawba kala bataane aanay marqudha shidaalka ka joojin, Guddoomiyaha Xisbigu Akoon xisabeed u gaara ayuu laha…. Si mucaaridku u xoog badnaado safka hore waxa soo mari jiray siyaasiyiinta Degaanada kale Oday Axmed Siilaanyo na budhku hor luxi jiray.. 11-ka sanno garan maayo Suldaan iyo siyaasi saamayn leh oo u dusay Daahir Rayaale, Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirkii hore Madaxtooyada ayaa xasuustayda aan hayaa markii Xisbigu dhacay 2003-kii Daahir Rayaale u galay isna nooli ayuu ka sii qaatay oo waakii Ingiriiska galay waxaanu Dalka ku soo noqday doorashadii 2010-kii Wax yar ka hor.. Xalku waxa weeye wli ma habaysnin abtiyaal ee bahasha inaga giijiya, guusha sidaan hore u sheegay aynu Xisbi ku raadino Iska ilaawa qolaaliga Xukuumadda Muuse Biixi iyo qaxwaheeda haddii kursiga hunguri inaga hayo, hadalka iyo hawraartana aynu Dadka kale u dhiibno inta Hargaysa iyo Gabilay ka guuxaysa ee maamul xumada iyo niyad jabku hayo aynu abaabulno. Waliba kaligeen wax dooni maynee doorka danbe waxaa inagu xigaaya Gobolada Darafyada oo Dastuurka ayaynu furaynaa.. Rer wax u doonimayno ee waxaynu u halgamaynaa helida Somaliland ka wacan ta maanta oo ay walaalo yihiin shacbigu dhammaantood aan la kala qoqobin.. Idinkuna hormuud u noqda halgankii la soo noqoshada Xoriyada Somaliland ba qub iyo nasiib ayaad ku yeelateen hoggaamintii ileen la kala hooda wacane waynagii 6-bilood Dalka ku qabanay. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden Source
  18. Waxaa maanta jabay go’aan uu horey u soo saaray maamulka gobolka Karkaar ee Puntland, kaas oo lagu mamnuucay in barxadda magaalada Qardho aysan kala hadli karin musharaxiinta Puntland taageerayaashooda. Bishii Oktoober 4-dii 2018 Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdilaahi Maxamed Bare Caato ayaa war uu soo saaray ku sheegay in laga joojiyay musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamanakaba in ay taageerayaashooda kala hadlaan barxadda weyne ee magaalada Qardho. Guddoomiyaha gobolka Karkaar ee Puntland ayaa go’aankaas ku macneeyay in baraxdda magaalada Qardho ay ku dhow-dahay xarumo dowlo, oo sababo amni owgeed looga mamnuucay isu soo baxyadda. Maalin kahor intii aan go’aankaas la soo saarin waxaa barxadda Qardho laga hor-istaagay in uu taageerayaashiisa kala hadlo Faarax Cali Shire oo kamid ah musharaxiinta Puntland 2019, wuxuuna markii dambe dadkii isugu soo baxay kala hadlay goob kale, warar ayaa sheegay in hor-istaagaas ay ka dambeyay Madaxtooyadda Puntland. Musharax Faarax Cali Shire oo Hoteel hortiis kala hadlaya taageerayaashiisa Qardho Dhanka kale shacabka magaalada Qardho ayaa xiligaas go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka Karkaar ka soo hor jeensaday, waxayna sheegeen in Qardho ay lamid tahay magaalooyinka kale ee Puntland, aysana jirin sabab musharaxiinta looga mamnuuco barxadda. Ilaa iyo xiligaas la mamnuucay in barxadda magaalada Qardho aan musharaxiintu kala hadli karin taageerayaashooda ma jirin musharax yimi Qardho iyo go’aan dambe oo lagu buriyay kii hore. Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 22 Noofember 2018 ayaa Musharax Maxamuud Khaliif Xassan (Jebiye) si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho, wuxuuna taageerayaashiisa kala hadlay fagaaraha barxadda, oo horey looga mamnuucay isu soo baxyadda. Musharax Jabiye oo taageerayaashiisa kala hadlay barxadda Qardho Ilaa hadda lama yaqaan sababta uu u buray go’aankii hore ee maaamulka gobolka Karkaar ku mamnuucay in barxadda magaalada Qardho aysan kala hadli karin musharaxiinta Puntland taageerayaashooda. PUNTLAND POST The post Maxaa loo jabiyay go’aankii maamulka Karkaar ee Barxadda Qardho? appeared first on Puntland Post.
  19. Waxaa maanta magaaladda Bosaaso ee xarunta gobalka Bari siweyn loogu soo dhaweeyey musharaxa madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana soo dhawayntiisa ka qayb galay boqolaal qof oo kamid taageerayaashiisa magaalada Bosaaso iyo kuwa ka tegey gobalada kale ee Puntland. Musharax Saciid Deni oo kamida musharixiinta ugu cad-cad doorashada la saadilinaayo inay dhacdo sideeda janaayo ayaa si adag u weeraray xukuumada talada Puntland haysa ee uu hogaanka u hayo Dr Cabdiwali Cali Gaas, Musharax Saciid Deni oo taageerayaashiisa la hadlaayey markii uu soo gaaray magaaladda Bosaaso ayaa xukuumadda Dr Gaas ku tilmaamay mid ku fashilantay wixii loo igmaday. Deni ayaa ku eedeeyey xukuumadda talada haysa inay madaxa isku gelinayso qabaailka Puntland ee ku guda jira suu xulista xildhibaanada cusub, wuxuuna sheegay inay tani dabo socoto dhibaatooyin uu horay Madaxweyne Gaas uga soo sameeyey Muqdisho intii uu raisul wasaaraha ka ahaa Dawlada Federalka ee Soomaaliya, wuxuuna yiri mar uu ka hadlaayey ” Waxyaabaha inaan ka digo waxaa ka mid ah arrimaha doorashada iyo guddiga khilaafaadka, waxaad ogtihiin in qabaa’ilkii Puntland madaxa la isku galiyay, waxaad ogtihiin in la abuuray in kursi kasta 10 qof la soo saaray. arrintaas idinku ma taqaaniin laakiin waa arrintii madaxweyne Gaas uu sameeyay 2012kii markii uu Ra’isul Wasaaraha ahaa. Ilaa iyo hadda khilaafkii ka dhacay dad baa lagu dilaa Muqdisho” ayuu yiri Musharax Deni. Musharaxa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhibaatooyinkan durba soo ifbaxeen kadib markii xalay magaaladda Bosaaso lagu dhaawacay mid kamida xubnaha doonaaya kamid noqoshada baarlamaanka cusub. Deni ayaa uga digey xukuumadda Madaxweyne Gaas inay faragelin ku samayso doorashada iyo xulista xubnaha baarlamaanka. Guud ahaan degaanadda Puntland waxaa siweyn looga dareemayaa ololaha doorashadda madaxtinimada Puntland oo lagu wado inay dhacdo 08-Janaayo 2019, waxaana gobaladda socdaalo ku maraaya musharixiinta u ordaaya kursigan. PUNTLAND POST The post Musharax Saciid Deni oo si adag u weeraray xukuumadda Madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo dhoweeyay go’aanka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) uu ku ansixiyay laba qaraar oo mid ka mid ah uu gaar u yahay Soomaaliya. Qaraarka 1aad oo tirsigiisu yahay 34 waa mid guud ahaan oo lagu taageerayo dalalka u baahan inay dib u dhisaan isgaarsiintooda, wuxuuna farayaa madaxda ITU iyo dalalka xubnaha ka ah in ay taageeraan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay. Sidoo kale wuxuu Goluhu ansixiyay qaraar u gaar ah Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 160, kaasi oo ujeeddadiisu tahay in Soomaaliya taageero gaar ah laga siiyo sidii ay dib ugu dhisi lahayd, una casriyeyn lahayd, kaabayaasha isgaarsiinta, in dib loo dhiso wasaarad si casri ah u qalabeysan oo leh hay’adaha awooddoodu dhisan tahay oo hoos taga Wasaaradda, in la dajiyo siyaasadda, sharciyada iyo xeer-nidaamiyeyaasha ay ka mid yihiin qorshaha lambarrada taleefoonka, maareynta hirarka, horumarinta shaqaalaha iyo guud ahaan noocyada kale ee taageero ee loo baahan yahay. Qaraarkan wuxuu farayaa Golaha ITU, xoghayaheeda, Agaasimeyaasha qeybaha kala duwan iyo dalalka xubnaha ka ahba inay si gaar ah Soomaaliya uga caawiyaan horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa bilihii la soo dhaafay galaangal ugu jiray sidii dalalka Carabta iyo Afrikaankaba ay qaraarkan ugu soo dari lahaayeen hindisayaasha ay la soo shir-tagayaan, iyagoo intuu uu shirku socday ay soo jeediyeen, isla markaana difaaceen qaraarkan. Maqaamka dalkeena uu ku leeyahay ITU ayaa sanadkan ka duwanaa doorashooyinkii hore maadaama aan dib u soo ceshanay xuquuqdii codeynta, isla markaana aan yeelanay sharci isgaarsiineed iyo hay’ad u gaar ah nidaaminta isgaarsiinta. “Waxaan soo dhoweynayaa in la ansixiyay qaraarkii noo gaarka ah iyo kuwa kale ee saameynta nagu lehba. Arrintan waxay naga caawin doontaa inaan dib u dhisano kaabayaasha isgaarsiinteena, isla markaana aan sameyno dib-u-habeynta loo baahan yahay maadaama suuqani uu muddo ku soo shaqeynayay nidaam la’aan” ayuu yiri wasiirka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo dhaweeyay Qaraarkii Ururka ITU ee Somalia appeared first on Puntland Post.
  21. Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadley wada hadalada maamulka Somaliland iyo Soomaaliya iyo arrimo kale. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi uusan joojin karin wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, balse uu iska cadiifad hadlay, isagoo ugu janjabay in hadii uusan dadka la tashan laga tashan doono. “Wadanka lagu wadimaayo caadifad ,haddaad dadka la tashan weydo waa lagaa tashanayaa Madaxweyne, wada hadaladuna go’aan qaran ayuu ahaaye mu ahayn mid qofeed, wuxuuna ku bilaabmay talo qaran oo golayaasha sharci dajintu ay ogolaadeen” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmo ka hor magaalada Burco ka sheegay in uusan hor fariisanayn madaxda Soomaaliya. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka Feysal Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay laba Biriish oo waaweyn oo ay yeelan doonto magaalada Burco, kuwaas oo fududayn doona, wax weynna ka tari doona isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Burco. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaannada golaha deegaanka iyo madaxda dhaqanka ee gobolka Togdheer, ayaa dhagax dhigay Biriishka Aagga Ceel-goonni iyo mid kale oo laga dhisi doono togga u dhexeeya degmooyinka Aadan Saleebaan iyo Sheekh Bashiir, waxana ay mashaariicdani kamid yihiin dedaallada ay xukuumaddu ku doonayso inay ku horumariso deegaannada kala duwan ee dalka, kuna daboosho baahiyaha ay bulshadu qabaan. Xubno kamid ah madaxda dhaqanka iyo maamulka gobolka Togdheer oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay inay taageeri doonaan dhammaystirka mashaariicda cusub ee uu madaxweynuhu dhagax-dhigay, isla markaana ay xukuumadda ku taageeri doonaan sidii ay kaalinteeda uga soo bixi lahayd. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban ka jeediyey dhagax-dhigga mashaariicdan, ayaa hoosta ka xarriiqay in is kaashiga shacabka iyo xukuumaddu hiigsi u yihiin xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dhagaxaas maanta aynnu dhigaynaa waxa uu kamid yahay laba qodob oo inoo mabda’ ah oo kala ah shaqo qaran oo qaranku u dhan yahay iyo taakulayn qaran oo ah wixii aynnu qabsanayno qaran ahaan inaynnu isugu tagno ah.” Madaxweynahaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa maalmahan dambe socdaal shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka, waxana uu madaxweynuhu deegaannada uu soo maray iyo kuwa uu ku sugan yahayba ka dhagax-dhigay mashaariic tiro badan, isaga oo kuwo hore ay xukuumaddu u dhammaystirtayna xadhigga ka jaray. Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa si weyn ammaanay hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe. Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in uu abaal-marin qaali ah guddoonsiin doono guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Camey iyo Gaas oo is dhinac-fadhiya shirka Golaha wasiirada Dowladda Puntland ayaa war ka soo saartay safarka madaxweynaha Somaliland ee ku wajahan gobolada ay ku muransan yihiin labada dhinac,gaar ahaanna gobolka Sool oo ay ka jirto xiisad colaadeed. War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in safarka Muuse Biixi uu hadafkiisu yahay in dagaal laga rido gobolka Sool,islamarkaana la laayo shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi. Dhinaca kale war-murtiyeedka ka soo baxay shirka ayaa looga hadlay xeerarka ay diyaariyan wasaaradaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee laga ansixiyo Baarlamanka,waxaana Puntland sheegtay in xeerarkaasi aysan khusayn maadaama aan lagala tashan,sida qoraalka lagu xusay. PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay safarka Muuse Biixi ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.