Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Ammaanka magaalooyinka Laascaanood Iyo Ceerigaabo ayaa xukuumada Somaliland ay si xoogan u adkeysay magaalooyinkaas oo la filaayo inuu safar ku tago madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Magaalooyinkan ayaa waxaa la geeyey ciidami dheeraad ah , iyada oo hore ay halkaas u sii joogeen wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne Biixi kuwaas oo ku hawlanaa qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha, Halkan Hoose Ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga hadlay Ahmiyadda Diinta Islaamku siisay in Dadku Shaqo kasta oo ay qabanayaan u Talo-saartaan Illaahay (SW). Sheekh Aadan waxa kale oo uu khudbadda Jimcaha kaga hadlay Weerar dhowr habeen ka hor Jabhad reer Somaliland ah oo ku dhuumaalaysanaya gudaha Maamul-gobolleedka Puntland ay ku soo qaadeen Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag. Ugu horreyn Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo ka hadlaya Talo-saarashada Illaahay ayaa yidhi “Waxaynu si kooban uga hadlaynaa Talo saarashada Illaahay, Waayo? Muslimiinta waxa halkaa dhigay markii ay ka tageen dariiqii Rasuulka (CSW) ee Tilmaamayey in Qofku uu Illaahay Talo-saarto oo uu shaqeeyo. Nebi ma jiro, hadduu jirana Adhiga ayuu raaci jiray, Nebiga oo la waydiiyeyna wuxuu yidhi ‘Haa..reer Makka ayaan Adhiga ugu raaci jiray baysteyno, waxaan ahaa mid Adhiga raaca si aan ugu fillaado Naftyada iyo inta aan xilkooda hayo’. Laakiin waxaynu ka hadlaynaa Maanta Muslimiintii shaqadii bay ka tageen, Mulsimiintii cilmigii bay ka tageen, waxaynu ka hadlaynaa Muslimiinta la doonayey inay Hal-abuur yeeshaan waxay ka tageen inay noqdaan kuwii wax abuurayey (Hal-abuurayey) markaa waxaan doonayaa inaan ina xasuusiyo inaynu illaahay Talo-saarano oo aynu shaqayno, Waayo? Waddankani (Somaliland) waa qani, laakiin waynu seexanay, haddaad seexatana Adigoo soo taagan ayaa lagu kala tagayaa.” Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in laga wanaagsan yahay in Qof Ilaahay siiyey Caafimaad iyo Xoog uu Qof kale wax ka sugo oo aanu shaqaysan “Qofka oo iimaan la yimaadda oo shaqeeya ayaa Tawakul la yidhaahdaa, waxa soo horjeeda Tawaakul, Tawaakulku waa Inankaa dhallinyarada ah ee Xoogga ah ee hadduu dhagaxa jabi is yidhaahdo jebin karaya, ee hooyadii ka dul kallahayso shanta iyo badhka subaxnimo si ay u quudiso, ee intuu dhexda ka xidho 11-ka baxaya ee Maqaaxiya ka sheekaynaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Xukuumadda Somaliland “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa Waar shaqeeya oo idinku Dadka hor gala, waar Lixda Subaxnimo Shaqada gala, waar si Dalkani wax u noqdo ka Xalaal miirta, inyar oo kooban oo Dadka jihaysa oo wax ku filan la siiyo si ay u xalaal-miirtaan sameeya. Haddaydaan shaqayneyn si Dalkani u dhismo sidii Japan oo kale, bal shaqeeya 8-dii Saacadood ee Dadkani ku heshiiyey oo ku xalaal-miirta, Dadkana jiheeya si ay wax qabsadaan.” Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) waxa kale oo uu khubdaddiisa kaga hadlay Weerar ay Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ku qaadeen Jabhad uu hoggaamiyo Kornayl Caarre oo dhawaan ka goostay Ciidammada Qaranka Somaliland “Saddex Habeen ka hor Ceel Af-weyn ayuu dagaal ka dhacay, muxuu doonayaa Ninka Ceel Af-weyn dagaalka ka ridayaa ? Muslimiinta halkaa waxa dhigay dagaal aan waddo lahayn, Dad yar baynu nahay, 7 boqol iyo 2 kun baa Codeeyay Dalkaa dhan ee aad arkayso oo doorashadaba dannaynayey, waxan yar waxaynu u samaysanay inaynu ku kala nabad-galo (Doorashada), qaabka uu doono Qofku haku badiyo waynu ku heshiinay, waxaynu nidhi meeshaa ha lagu tartamo oo kii yimaadda muddadiisa aynu ku ilaalino kuna toosino, Annagu waxaanu nahay kuwa ku toosinaya ee Madaxweynaha ku leh ‘kaa daa’, laakiin Madaxweynaha waynu dooranay oo Doorasho ayuu ku yimid, waar Madaxweynaha haddaynu beddelayno Sifo sharci ah ayaa jirta laakiin dagaal maya, dagaal waanu ka soo horjeednaa, Magacuu doono ha yeesho, awoodda uu doono ha yeesho meel ku taallo aynu is-dillo (ma jirto)…”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sheegay in inta reer Somaliland isku mashquulsan yihiin Shisheeyuhu qorshaynayo siduu Dhulkooda u qabsan lahaa “Somaliland waalla qabsanayaa ha dhawaato ama dheeraatee, weliba Saylac ayay ku hammiyeysaa inay qabsato (Itoobiya), 60 KM ayaanu ku jirnaa Badda cas ma yeelayno (Bad la’aan), ka meesha (Itoobiya) haystaa yidhi, Maraykankaa yidhi Itoobiya inay bad la’aato ma dhici karto Soomaaliduna yeelato Xeebta ugu dheer, kii dunida haystayna sidaas ayuu yidhi, kii jaarkaaga ahaana sidaas ayuu yidhi, haddaad Idinkuna is cuntaan oo kii wax tawdaaba uu Qori soo qaato sow innaga oo soo taagan meesha ha lala wareego maaha? Waar ka daaya ayaanu leenahay.” Sheekhu wuxuu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha “Madaxweynaha waxaanu leenahay Waar Dadkaaga ururri, waar waxay u baahan yihiin sii, Waar Dadkaaga heshiisii, wax alaale iyo wixii nabad lagu helayo waa inuu sameeyaa Madaxweynuhu, waa inuu Dadka la tashadaa oo uu Dadkiisa ururiyaa.” Ayuu yidhi, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Doorashooyinkii la filaayey inay dalka ka dhacaan sanadka 2019 bishiisa saddexaad ee golayaasha deeganka iyo wakiilada ayaa waxaa inaga xiga oo kaliya muddo afar bilood ah . Ilaa hada waxaa aan muuqan saansaan ay doorashadaasi ku dhacdo waxaana la filayaa in kominshanka doorashooyinka Somaliland ay todobaadka soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqaan in dib dhac ku imanaayo wakhtigii ay dhici lahayeen doorashooyinkii. Sida uu dhigaayo xeerka doorashooyinka qaranka qodobkiisa sagaalad farqadiisa labaad ayaa waxaa uu dhigayaa “ waa in kominshanka doorashooyinku ay cayimaan wakhtiga doorashada 120 maalmood ka hor wakhtiga ay doorashadu dhaceyso” Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ku soo kordhaya kiiska dilkii wariye Jamaal Kashoqji, waxaana dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga uu dalbaday inuu la kulmo madaxweynaha Turkey. Diblumaasi sare oo reer Turkey ah ayaa shaaca ka qaaday in Maxamed Bin Salmaan uu codsaday la kulanka madaxweynaha Turkey Erdogan, waxaana la ogeyn go’aanka uu qaadan doono madaxweyne Erdogan. Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa shaaca ka qaaday in Turkey aysan waxba u arag kulan dhexmara madaxweynahooda iyo dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Maxamed Bin Salmaan, ayaa doonaya in Erdogan uu kala hadlaa dhameynta Kiiska Magac xumada u horseeday boqortooyada Sacuudiga iyo Shaqsiyadiisa ee Dilkii Wariye Jamaal Kashoqji. Lama oga jawaabta uu bixin doono Erdogan, maadaama diblumaasiga sare ee reer Turkey uu shaaciyay in Maxamed Bin Salmaan uu doonayo la kulanka madaxweynaha dalka Turkey. Sacuudiga iyo Turkey ayaa xiriirkooda uu hooseeyay waxii ka dambeeyay markii sanadkii 2017 la go’doomiyay dowladda Qatar, iyadoo Erdogan uu la saftay dowladda Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. (SLT-London)-Dowladda Britain ayaa waxa ay qaaradda Afrika ugu yaboohaysaa lacag dhan 50 milyan oo giniga Istarliinka ah oo u dhiganta 64 milyan oo doolar si ay gacan uga gaysato joojinta gudniinka fircooniga. Lacagtan oo la isticmaali doono shanta sano ee soo socota ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu joojiyo oo loogaga hortago dhibaatooyinka haweenka ka soo gaara gudniinka fircooniga ah. Dowladda UK ayaa sheegaysa in tani ay tahay maalgashigii ugu weynaa taariikhda dunida ee looga gol-leeyahay in gudniinka fircooniga lagu ciribtiro wixii loo gaaro 2030-ka. Caadadan oo looga dhaqmo meelo badan oo Afrika ka mid ah, ayaa waxay tahay mid gabdhaha looga jarayo qeyb ka mid ah xubinta taranka. Hay`adda ActionAid ayaa soo dhoweysay deeqda UK, balse waxay sheegtay in diiradda la saaro gudniinka oo keliya inuusan ku filneyn cirribtirka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka. Xirmadan gargaarka ah ayaa lagu taageeri doonaa ururrada sida mashruuca Saleema ee dalka Sudan, oo ujeeddadiisu tahay inay gabdhaha tusiyaan inay awood leeyihiin haddii aan la gudin, iyo sidoo kale in duqeyda bulshada la wacyigeliyo. Wasiirrada ayaa sheegtay in lacagta ay sidoo kale faa`iido u leedahay UK, iyadoo loo adeegsan doono yareynta khatarta in gabdhaha la dhoofiyo si loo soo gudo. Gudniinka gabdhaha ayaa sharci darro ka ahaa UK, tan iyo sanadkii 1985, sharci la soo saaray sanadihii 2003 iyo 2005 ayaa dembi ka dhigaya in muwaadiniinta Britain iyo dadka sida rasmiga ah u deggan ay caadadaasi ku sameeyaan meel ka baxsan Ingiriiska. Dowladda ayaa sheegtay inay jiraan haween iyo gabdho lagu qiyaasay 24,000 oo ku nool Ingiriiska oo khatar ugu jira gudniinka. Kaddib marka lagu dhawaaqay deeqda gargaarka ah, xoghayaha horumarinta caalamiga ah Penny Mordaunt ayaa sheegtay in gudniinka aan laga cirib tiri Karin UK, ilaa dunida laga cirribtiro. Anne Quesney, oo ah la taliye sare oo xuquuqda haweenka ah kana tirsan hay`adda ActionAid ayaa ku tilmaantay deeqdaasi mid muhiim u ah ciribtirka mid ka mid ah tacaddiyada ugu ba`an ee loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Source
  6. (SLT-Istanbul)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xidhiidhka labada dal, xoojinta iskaashig iyo wadajirka. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa. Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas. Source
  7. (SLT-Cape Town)-Allaha u naxariistee Hilaal Xirsi Jaamac oo kamid ahaa dhalinyarada Soomaali ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika ayaa kooxo burcada Koonfur Afrikaan ah waxa ay ku dileen magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Marxuumka ayaa la sheegay in goobtiisa ganacsi ay ugu tageen burcad Koonfur Afrikaanka isla markaana rasaas ay kala dhaceen qeybta sare ee jirkiisa sida ay sheegeen dad goobjoogayaal u ahaa dhacdada lagu dilay marxuumka. Marxuumka la dilay ayaa kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee aadka looga yaqaanay xaafada Hanover Park oo hoos timaadda Magaalada Cape Town .waxaana la sheegay in uu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika. Kooxihii burcad Koonfur Afrikaanka ahaa ee dilay marxuumka ayaa la sheegay in ay baxsadeen ka hor inta ay ciidamada Booliska gaarin goobta uu dilka ka dhacay. Ma ahan markii ugu horeysay oo magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ay ka dhacaan dilal loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Source
  8. (SLT-Muqdisho)-Dawladda Maraykanka ayaa si weyn kor ugu qaadday weerarrada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Ugu yaraan shan weerar oo dhinaca cirka ah ayaa Maraykaku ay qaadeen afartii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo wararkii ugu dambeeyey sheegayaan inay dhaceen duqaymo kale oo dheeraad ah. Weeraradan ayaa bartilmaameedsaday maleeshiyada Al-Shabaab iyo goobo ay hubka ku kaydsadaan. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay dood adag ka yeeshaan Warbixintii Musuq maasuqa la xiriirtay ee dhawaan ay soo saareen guddiga maaliyadda baarlamaanka dalka. Guddiga maaliyadda baarlamaanka ayaa maanta hor geynaya xildhibaanada warbixinta la xiriirka miisaaniyadda sanadkaan aynu ku jirno ee 2018, taasi oo dood badan ka dhex dhalisay xildhibaanada. Warbixinta ayaa ku eedeyneysay maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda maaliyadda inay sameeyeen musuq maasuq badan oo dhanka dhaqaalaha la xiriira, walow wasaaradda maaliyadda ay ka jawaabtay arintaasi. Guddiga maaliyadda ayaa warbixinta ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in maamulka gobalka Banaadir uu soo galay 2018-ka qarash gaaraya 25 Milyan oo dolar, halka qasnadda dowladda hoose ee xamar lagala baxay in ku dhow lix Milyan oo doolar, taasi oo aanan la ogeyn halka ay ku baxday. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta ka doodi doona arintaan, waxaana laga baqayaa inay xiisad ka dhex dhaliso xildhibaanada taageersan xukuumadda iyo kuwa mucaaradka ku ah. La soco waxii kasoo kordhaa kulanka maanta Insha allah. Caasimada Online Xafiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii Gawaari kala duwan ay ka afduubteen inta u dhexeysa degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo oo ka wada tirsan gobolka Gedo ee Koonfurtaa Soomaaliya. Gaadiidkan oo isugu jiray kuwa qaada Xaamuulka, kuwa Nuuca Raaxada iyo Cagaf Cagaf ah ayaa la sheegay in Al Shabaab ay Afduubteen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkii la socday Gawaaridaasi ay Al Shabaab horay u kaxeysteen. Lama oga illaa iyo hadda u jeedada rasimiga ah ee Al Shabaab ay u qafaasheen Gaadiidkaasi iyo dadkii la socday intaba. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Al Shabaab warqado ay dadka deegaanku uga digayaan in ay la shaqeeyaan maamulka Beled-Xaawo ay kudaadiyeen degmadaasi. The post Al Shabaab Oo Gaadiid ka Afduubtay gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Istanbul ee dalka Turkey kula kulmay madaxweyne Erdogan ayaa kala hadlay arimo dhowr ah. Waxyaabaha madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay Erdogan ayaa waxaa kamid ah fulinta balanqaadyo madaxweynaha Dalkaasi uu u balanqaaday Soomaalida labo sano kahor. Balanqaadkaasi ayaa ahaa in dowladda Turkey ay kumanaan guri ka dhiso doonto magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaasi oo loogu talo galay dadka danyarta ah, sida uu horey u balanqaaday. Madaxweynaha dalka ayaa kaga mahadceliyay Erdogan iyo shacabkiisa sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed tan iyo waxii ka dambeeyay sanadkii 2011 xiligaasi oo abaar xoogan ay dalka ka dhacday. Farmaajo, ayaa soo gabo gabeeyay safarkiisii uu ku tagay dalalka Talyaaniga iyo iyo Turkey isaga oo kala hadlay madaxda dalkaasi wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa xalay u howday magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana uu magaalada Caasimada u ah Uganda kula kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Dalka Pakistan waxaa uu ka mid yahay dalalka uu kobcayo xiriirkooda ganacsi ee kala dhaxeeya Soomaaliya, ganacsigaas oo gaar ahaan sii xoogeystay 3badii sano ee la soo dhaafay. Fahimur Rehman, oo ah ku-xigeenka rugta ganacsiga ee Lahore ayaa sheegay in ganacsiga Pakistan iyo Soomaaliya uu kor u kacay min 2015-2017, kor u kaca wuxuu ku sheegay $31 million ilaa $50 million halka waxyaabaha ay Soomaaliya dalkaasi geyso lagu qiyaasay $7 million, isaga oo intaas raaciyey in rugtan ganacsiga ee Lahore ay mar walbo u doodeyso in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dal. Rehman oo la kulmay mas’uul ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Pakistaan ayaa sheegay in Waxyaabaha ay Pakistaan u soo dhoofiso Soomaaliya ay ka mid yihiin bariiska, Sonkorta iyo daawada, waxaa ay sanadkii hore gaareen ilaa $43 Milyan. “Waxaan awoodnaa in ka jawaabno baahida ganacsi sida: alaabta guryaha, waxyaabaha korontada la xiriira, Mootooyinka, dharka iyo alaabaha kale” ayuu intaasi raaciyey Fahimur Rehman Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal ah oo ka soo baxaya Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ku guuleysteen in la fashiliyo qarax miino oo lagu aasay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Taliska NISA ayaa shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen la shaqeynta laamaha ammaanka. “Wada shaqayn dhaxmartay Ciidamada Police-ka, NISA iyo shacabka degmada Heliwaa ayaa lagu fashiliyay miino Al Shabaab ay u galiyeen dhulka, si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan,Wada shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa dhabarjab ku noqonaya Al Shabaab ”. ayaa lagu yiri war ka soo baxay NISA Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada ammaanka ayaa sare u qaaday howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. The post Ciidanka amniga Oo fashiliyay qarax lagu aasay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay shil sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Bandiiradle iyo Saddex Xigle oo ka wada tirsan gobolka Mudug. Shilka ayaa ka dhashay Gaari Ciidan oo ay la socdeen Askar ka tirsan qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Ugu yaraan 1 Askari ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Muddooyinkii dambe waxaa Mudug ku soo badanayay shilalka Gaari, iyadoona loo sababeeyo burburka Waddooyinka iyo Darawallada oo si xawli ah u kaxeeya Gaadiidka, xilliyada ay marayaan gudaha gobolkaasi. The post Shil geystay khasaaro Oo ka dhacay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Waa guulaystayaasha tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2017 ee Jubaland bilihii lasoo dhaafay waxa ay tababaro kala duwan ku samaynayeen garoonka kubbadda cagta waamo ee magaalada Kismaayo waxa aratidooda kawada siman tahay in ay yihiin gobolka ugu badan ku guulaysta ciyaaraha gobolada dalka iyo in ay yihiin labo jeer in ay imaadeyn fiinalaha Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo markii ugu horeesay la qabtay olalihii 2016 Cabdisamad Sheekh qaasin oo ka mid ahaa ciyartooydii Gobolka Jubada Hoose iyo kooxda Muqdisho todobaadkii lasoo dhaafay ka mid noqday xubin xiriirka kubbbadda cagta dalka ayaa sheegay waqtigoodii iyo xiligan I uu jiro fariq weyn oo xaga horomarka iyo goobaha lagu ciyaarayo tartamada C/qaadir Cabdullahi Maxmuud waa layliyaha kooxda Jubaland labadii sano laga soo gudbay kooxda u sahlay in ay soo gaarto heerka kama dambeysta ,inkastoo Sanadkii 2017 uu ahaa Tababare ku Xigeynka hadana waxaa aaminsanyahay in fasal ciyaareedkii Saddexaad ay xidigaha Jubaland gaari karaa fiinalaha Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta maamulka Jubaland Axmed Faarax Taqal (Timijilic) ayaa fariin u diray ganacsada,isagoo sheegay in ay ka qeyb qaataan dhiiri gelinta iyo garb istaagid isboortiga Jubaland Qaar ka mid ciyaarahanada Jubland oo tababar adag ku qaadanayay bilihii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ayaa inoo sheegay in hadafkooda ka yahay difaacashada ciyaaraha Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo sanadkii sadexaad la rajeenayo qabsoomidiisa Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Jubaland ayaa sheegtay in garab taaganyihiin xirfadlayaasha matalaya maamulkooda,iyagoo tibaaxay in ay diyaar u yihiin doorkooda Axmed Maxamed Islaam oo ah madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa markii kooxda ay qaaday koobka Maamul Goboleedyada sanadkii hore sheegay in maamulkiisa uu garab taaganyahay kooxda ay la socondoonaan wax qabadka iyo horomaka Gobolka Jubada Hoose horay waxa ay qaadeyn 8-jeer oo koobka gobolada,halka kol ciyaareedkii ay soo dhaafay ay hanteyn koobkii ugu horeeyay Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir tiro ahaa markii la isku daro waxa ay iminka haystaan 9-koob waxayna sanadaha soo aadan rajaynaynaa in ay sii qaadan koobka lagu dhigo dalka Halakan Ka Daawo Warbixin Ku Saaban Diyaar Garowka Kooxda Jubaland W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  16. Ankara ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa. Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-241118.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Diblomaasi sare oo Turki ah ayaa sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu codsaday la kulanka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inta uu socda shirka G 20 ee Buenos Aires. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa jimcihii u sheegay CNN-Turk television in Turkiga aanu wax dhib ah u arkin kulanka labada mas’uul, isaga oo intaasi raaciyey in Erdogan uu gaari-doono go’aanka. Shirkan G 8 oo 2 maalin socon-doona, waxaa lagu wadaa inuu dhaco Nov. 30, haddii ay kulmaan waxaa uu noqon-doonaa isaraggoodii ugu horeeyey kadib dilka Jamaal Khashoggi, kaas oo lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul October 2, 2018. C.I.A-da Mareykanka ayaa sheegtay in MBC uu ku lug lahaa dilka Jamaal Khashoggi, taasi oo saameyn ku yeelatay sumcadda Bin Salmaan iyo isbadalkii uu raadin jiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ciidamo taageersan waxay weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday taliyaha amniga degmada Beledxaawo xilli uu marayay meel aan ka fogeyn degmada Beledxaawo. Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo ka dhacay agagaarka wabiga Mara degmada Beledxaawo, iyadoo dadkii dhaawacmay la dhigay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada. Taliyaha amniga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo C/Waaxid, ayaa kasoo laabtay Degmada Doolow isaga oo kusii jeeday Beledxaawo, waxaana xalay Al Shabaab la sheegay inay weerar kale ka geysteen duleedka degmada Beledxaawo. Wararka qaar oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaas ay Al-Shabaab ku qabsadeen Gaari ciidan, inskatoo cid madax banaan aysan weli xaqiijin. Lama oga khasaaraha dagaalkii xalay ka dhacay degmada, Laakiin waxaa sii kordhay xiisadda iyo cabsida ka taagan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Arinta ayaa saameyn ku yeelan karta qorshe dowladda Kenya ay damacsaneyd oo aheyd in dib loo furo xuduuda u dhaxeysa Beledxaawo iyo Mandheera oo muddo badan cabsi amaan u xirneyd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa. Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Tigreyga ee Itoobiya, Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyey dowladda Federal-ka ah in ay xoogag shisheeye kala shaqeyneyso sidii loo wiiqi lahaa, loo hareereyn lahaa ama loo baqdin galin lahaa dadka iyo dowladda Tigrayga. Shir Jaraa’id oo aad u dheeraa oo uu warbaahinta u qabtay ayuu madaxweyne ku xigeenka Tigrayga ku muujiyey sida maamulka Federal-ka ee Addis Ababa ay si qorsheysan u doonayaan in ay Tuke cambaar leh uga dhigaan Tigrayga iyada oo la beegsanayo xubnaha ugu jira Militariga, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo kuwa ka shaqeeya laamaha ammaanka. Waxa uu intaa ku daray in uu jiro weerar qaawan oo loo maleegayo dadka Tigrayga ee aysan ahayn shaqsiyaad dambiileyaal ah. Dr. Debretsion waxa uu sheegay in dowladda Federal-ka ah in ay diyaarineyso dagaal aad u abaabulan iyo ol’ole baaxad leh oo ka dhan ah maamulka Tigrayga, si ay isu soo dhiibaan iyaga oo ugu gambanaya la dagaalan musuq. Dr Ahmed waxa uu la shaqeenayey kooxo argagixso ah oo intooda badan ka soo jeeda amxaarada si loo majaxaabiyo dastuurka Itoobiya. Tiro Tigray ah oo ka mid ah militariga, saraakiil ammaan, saraakil dowladda ah, ganacsato iyo haween ayaa toddobaadkii hore lagu xiray eedeymo been abuur ah iyada oo aann loo marin sharciga si weynna looga booday sharcida Itoobiya iyo kan caalamiga ah, sida uu sheegay Debretsion Gebremichael. Dr. Debretsion waxa uu sheegaya in haddii ay tallaabooyinkaas ahaan lahayaeen kuwo ku tacaluqa musuq maasuq uu noqon lahaa mid dalka oo dhan ku baahsan ee aan ku koobneyn hal qowmiyad iyo dadka Tigrayga ah. Madaxweyne ku xigeenka Tigrayga waxaa ka muuqatay caro ku aadan weerarkan ana kiisa oo kale hore loo arag ee ka dhanka ah Tigrayga toddobaadkan, kaligii ma aha dadka carreysan marka la eego dadka Tigrayga oo caadooda ay halkii ugu sarreysay gaadhay. Tigray badan ayaa dalbanaya in hub. Qoraallo badan oo Facebook iyo Twitter-ka la soo dhigay ayaa dowladda Tigrayga ka dalbanaya in la furo xaromo tababar Militari ah. Qaar ka mid ah kooxaha Tigrayga ayaa ka dalbanaya in dowladda ay ku dhawaaqdo qodobka 39-aad ee dastuurka Itoobiya kaas oo maamulada iyo dadkeeda u ogolaanaya aayo ka talis iyo in ay gooni isu taaggaan. Kuwiii ka dambeeyey afgambigii fududaa ee bishii Maarso waxa ay ku fekereen sameynta dowlad maqaar saar ah laakiin natiijada waxa ay noqon doontaa abuuridda dowlado badan sida Yugoslavia. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – General Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada ka socda Itoobiya iyo rajada xidhiidh isfaham oo dhex mari kara Itoobiya iyo Soomaaliya. General Jaamac-yare, ayaa qoraal uu luuqada Ingiriisida ku qoray oo uu shalay baahiyay, wuxuu kaga hadlay isbedelada uu gudaha Itoobiya ka bilaabay Raysalwasaaraha Itoobiya Axmed. Qoraalka Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Geeska Afrika soo turjumay wuxuu u dhignaa sidan “Furfurida Abiy Axmed wadaa waxay casuumaysaa ama qasbaysaaba dareenka qofka ay khusayso arrintani, waa arrin aad iyo aad ugu qalanto in si xiiso badan loo eego, Itoobiya hadda waxay taagantahay isgoys, aad ugu eeg halkii uu istaagay Midowgio Soofiyeeti ee hore inyar ka hor burburkiisii, Hortaantii sagaashamaadkii. Gorbachev muu filayn mana uu jeclayn inuu kala firdhiyo nidaamkaas shabakada ahaa ee maamulkii Midowga Soofiyeeti, taas oo laga yaabo inuu ku tixgelinayay horumarkii dhaqan dhaqaale ee bulshadu ay samaynaysay muddo ka badan 70 sannadood, inkastoo uu gaabis ahaa. Laakiin waxa muuqata inuu qiimeyn hoose ku sameeyay inay tahay inaanu ilaabin in nidaamka shabakada ahi uu yahay ka keliya ee uu Midowga Soofiyeeti hayay. Gorbachev, wuxuu soo saaray qorshihiisii caanka noqday ee Prestroik and Glasnaut oo macnihiisu yahay dib u nidaaminta iyo furfurnaanta isagoo si han leh u rajaynayay inuu bedelo aragtidii dhaqan dhaqaale ee markaas ka jirtay midowgii soofiyeeti ee hore iyo in dhaqan gelinteedu ay noqonayso wax tar sii kordhay iyo inuu awoodi midowga soofiyeeti inuu dhaqaale ahaan u babac dhigo kuwa kuwa ka soo horjeeda; waa dadka reer galbeedka’e. Laakiin markii uu furfurmay nidaamkaas shabakada ah, waxa furmay sanduuq aan laga hortagi Karin lana joojin Karin kaas oo markiiba ku hoggaamiyay inuu furfurmo cimlaaqii awooda badnaa oo midwogii soofiyeeti ee hore ahaa. Haddaba hindisaha cusub ee hadda Abiy kuwado Itoobiya waxa uu warka oo kooban noqon doonaa laba midkood. Inuu ku hoggaamiyo xornimada Oromada iyo awood siintooda sharciyeed, ama waxay noqon kartaa xasilooni daro dalka ka dhacda, xataa haddii aanay la mid ahayn midwogii soofiyeeti ee hore, xasilooni darro noocaas ahina wuxuun bay hordhac u tahay burbur dhammaystiran oo dhaca. Oromadu waa bulshada ugu balaadhan qoomiyadaha itoobiya oo dhan, inkastoo ay ka yaryihiin aqlabiyada, qiyaastii waa 40%. Haddii uu hindsaha Abiy keeno dimuqraadiyad run ah oo ah inta badani inay dalka hoggaamoso, Oromadu waxay markasta noqon kartaa isbahaysi muhiim ah (Marka awood qaybsiga laga hadlayo) Haddii dhinaca kalena ay taasi kaahoristaagto dimuqraadiyad lagu dhaqami waayo, isbedelku wuxuu noqon doonaa rabshado iyo xasilooni darro. Marka la eego qadidyada Soomaalida, ku hoos jira xukunka Itoobiya, xaaladoodu wuxuun bay iska sii ahaanaysa sidii dad la gumaysanayo oo aanay muhiim u samaynayn isbedelada ka dhacaya Itoobiya. Soomaaliya iyo Itoobiya waa dalal jaar ah, waxaanay u baahanyihiin inay nabad ku wada noolaadaan, laakiin iskaashi kasta oo macno samaynaya oo labada dal dhex maraa waa riyo inta ay tuumbada kusoo jirta dhimanaysa ilaa inta ay Itoobiya gumaysanayso dhul aad u balaadhan oo Soomaaliyeed iyo dad, (Ogaden). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo soo guryo noqday Somaliland Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtey kana soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey safaro ugu maqnaa Waddamada Yurub gaar ahaan dalalka Ingiriiska Faransiiska iyo Finland. . Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa waxa galabta ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xil Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde iyo Xoghaye ku xigeenka xisbigaasi Jamaal Jaamac Xaamud . Soo laabashada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaysa xilli uu safar Ugu baxay Gobolada Bari Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Somalilamdtoday/Hargaysa/Office Qaran News
  24. Baydhabo (Caasimada Online) – Sida la filayo waxa ay dhawaan Koonfur Galbeed yeelan doontaa madaxweyne kaddib Shariif Xassan oo uu ka dhammaaday waqtigii kaddibna is casilay. Hase ahaatee kala qeybsanaan iyo walaac weyn ayaa ku hareereysan aayaha Koonfur Galbeed xili shacabka iyo qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiita ay aad u doonayaan Mukhtar Roobow. Saddex arrin ayaa loo sababeynadaa taageerada weyn ee uu Roobow haysto. 1 – Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe oo xilal qabtay 2 – Robow oo ku dhaartay in uu saddex qolo uu ka sifeyn doono Shabeellaha Hoose 3 – Dowladda oo taageereysa Lagta Gareen Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe Qodobkan waa mid ugu adag ee ay ku doodayaan reer Koonfur Galbeed iyaga oo aaminsan in haddii Sheekh Shariif noqday Madaxweynaha Somalia isaga oo urur diimeedyada ka tirsanaa, oo Axmed Madoobe oo Shabaab ahaa noqday Madaxweyne, maxaa u diidya Roobow isna? Doodan oo ah mid aad u daciidf ah ayaa riixeysa shacabka Koofur Galbeed, waayo, Sheekh Shariif waligii ma noqon Al-Shabaab oo waxa uu ahaa hoggaamiyihii maxkamadaha oo ay Shabaab sida qarsoodiga ah ugu dhex jireen. Dhinaca kale, Axmed Madoobe aragtida lama wadaagin Al-Shabaab, waxa uuna u muuqday mid dano siyaasadeed lahaa. Waxaa u dheer in uu Kismaayo ku qabsaday jabhad Kenya taageero ka haysatay oo Raaskambooni loo yaqaan xilli uu marar badan caddeeyey sida uu uga aragti duwaanaa aragtida (Ideology)-ga Al-Shabaab. Robow wali lagama hayo sida Xassan Daahir Aweys oo dowladda u xiran in uu si rasmi ah uga tanaasulay fikirkii kooxaha xagjirada ah. Robow iyo Shabeellaha Hoose Mukhtaar Robow markii uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisa waxa uu khudbad ku sheegay in uu saddex qolo ka sifeyn doono Shabeellaha Hoose. Saddex qolo waxaa loo kalafasirtay in ay kala yihiin; Al Shabaab, Qabiilada iyo Tuugada. Roobow waxa uu saddexdan qolo ku sheegay in ay iyaga u xiran tahay wadooyinka xiriiriya gobolladaas iyo Muqdisho. Dowladda iyo Lafta Gareen Shacabka Koonfur Galbeed waxa ay si buuxda uga soo horjeedaan Lafta Gareen oo ay ku tuhunsan yihiin in uu garab ka helayo dowladda. Arrintan waxa ay u arkaan mid dowladda ikhtiyaarka uga qaadeyso shacabka Koonfur Galbeed oo iyagu doonaya Roobow oo aan wali si rasmi ah u xaqiijin maba’diisa Al-Shabaab. Dhinaca kale, Lafta Gareen waxa ay u arkaan in uusan ka soo jeedin Digil iyo Mirifle oo uu asal ahaan yahay Mareexaan! Laakiin sida cad, Lafta Gareen waa Hariin oo hooyadiis ayaa ah Mareexaan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com