Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab sababay khasaaro Hantiyadeed oo barqanimadii maanta ka kacay Guri ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto, iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la damiyo Dabkaasi. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka degmada Kaxda C/naasir Cali Xasan oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay Dabkaasi. Waxaana uu sheegay in uusan geysan wax khasaare Nafeed ah, marka laga reebo mid Hantiyadeed. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/db.mp3 The post Dab geystay Khasaaro Oo ka kacay degmada Kaxda appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudenayaasha golaha guurtida Somaliland eedaymo culus u jeediyay ciidammada booliska Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle oo iska difaacaya eedeyntii Musuqmaasuq ee Gudiga Dhaqaalaha Baarlamaanka ay ku eedeeyeen ayaa jawaabo kala duwan kasoo yeereen, shalay Wasiirku wuxuu yiri” Waxaa la igu haystaa Mashaariic la iyiri si hoose noogu fududee”. Wasiirka Maaliyada Xukuumada Feederaalka ayaa Xildhibaanadu waxay ka codsadeen inuu usoo gudbiyo Documentska saxda ah ee lacagaha maqan meesha ay mareen, iyo Sababta lacagaha loogu isticmaalay dano gaara oo ay kamid yihiin, lacago malaayiin ah Dollar ah oo kontada ay Dad shaqsiyaada kala baxeen, lacago lagu seexday Hotelo, iyo lacago wali dad gaara looga bixiyo Hotelo ay degan yihiin. Iyadoo Xildhibaanadu ay sugayeen Jawaab ayaa Wasiirka waxaa kasoo yeereay hadalo uu ku weerarayo Xildhibaanada oo ay kamid yihiin, in loogu xanaaqsan yahay mashaariic uu ka diiday Xildhibaanada qaarkood, isagoo hadalka raaciyey, taas ka yeeli mayo. Baarlamaanku wuxuu Wasaarada Maaliyada ku eedeyey Musuqmaasuq baaxad weyn iyo in la lunsadey malaayiin Dollar. Ilaa hadana Wax jawaab ah kama aysan bixin Xukuumada Federaalku eedeynta ay Baarlamaanku soo jeediyeen laamaha Dowlada. Puntlandi.com Muqdisho Source
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Militariga dalka Uganda David Mahuuzi oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Taliska Ciidamada Uganda ee Soomaaliya iyo sidoo kale hoggaanka guud ee AMISOM. Taliye Mahuuzi ayaa sheegay in uu Soomaaliya u yimid sidii uu qiimeyn ugu sameyn lahaa sida Ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha dalka ay u wajahayaan howlgalladooda ku aadan qorshaha QM ay u dajisay in ay ku howlgalaan Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale waxa uu xusay in Cidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya in ay haatan u gudanayaan waajibaadkooda si waafaqsan Nidaamka ay u dajisay Qaramada Midooobay, islamarkaana ay xooga saarayaan, sidii ay u soocelin Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee Ciidamo ka socda Midowga Africa u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007-kii, iyadoona haatan in ka badan 6000 oo Askari ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. The post Taliyaha Milatariga Uganda Oo la kulmay hoggaanka AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Ciidamada Mailatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda nawaaxiga degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay sidii loo furi lahaa Waddooyinka soo gala degmadaasi oo ay ay go’doomiyeen Al Shabaab. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi. Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyoka waday degmada Beled-Xaawo, iyagoona laba maalin ka hor Nabaoon caan ahaa ku dilay gudaha degmadaasi. The post Howlgallo waddo furis ah Oo ka bilowday gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-24112018-sx.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida danjire Nicholas Haysom, ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayo sidii ay kulan fool-ka-fool ah u yeelan lahaayeen Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Ma jiro wax war ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan, laakiin sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergaygan oo dhawaan xilka kala wareegay ergaygii hore ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Biixi iyo Farmaajo, waxa la sheegay inuu u soo bandhigay doonistiisa ah inay yeeshaan kulan toos ah si dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka ku yimid. Laakiin lama garan karo inuu weli labada madaxweyne ku qanciyay qorshihiisa ah inay kulmaan. Sida ay xogahani sheegeen danjire Nicholas Haysom, oo ah diblomaasi khabiir ah, wuxuu doonayaa inta aanu sannadka dhammaanin inuu kulansiiyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaanay wararkani intaas ku darayaan inay suurtogal tahay in kulanka labada madaxweyne ka dhaco dalka Koonfur Afrika oo uu danjire Nicholas Haysom dhalasho ahaan ka soo jeedo, waase haddii ay Somaliland iyo Soomaaliya isla gartaan inay wada hadalo bilaabaan. Kulankan ayaa lagu sheegay inuu noqon doono mid loogu gogol xaadhi doono inay dib u bilaabmaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay bishii March ee sannadkan oo la filayay inay Biixi iyo Farmaajo ku kulmaan dalka Djibouti. Kulankaas Djibouti waxa hakiyay mawqifkii ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay maalgashiga DP world ee dekedda Berbera. Lama saadaalin karo in kulanka uu ergayga Qaramada Midoobay dhexda u xidhay qabsoomi doono iyo inuu fashilmi doono sidii kulankii hore u qorshaysnaa. Madaxweyne Biixi ayaa toddobaadkan khudbad uu ka jeediyay magaalada Burco wuxuu meel adag iska taagay wada hadal u bilaabma Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid go’aanka Madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay inaanu Madaxweyne keligii xaq u lahayn inuu joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Source
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Cabdalla Cawad ayaa soo xiray kulankii Golaha ee maanta oo looga hadlayay lacagta Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay sheegeen in la musuq maasuqay. Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka uu dul duleel ka muuqdo, sidoo kalena warbixinta iyaga oo aan soo marsiin Guddiyada joogtada ah iyo Guddoonka Golaha ay Baarlamaanka hor keeneen. Mahad Cabdalla Cawad ayaa yiri “waana in uu isla xisaabtamaa dhexdiisa” ayuu yiri. “Waxaan raali-galin ka bixinaynaa in Golaha la keeno xeer ama howl aan lala wadaagin Guddiga Joogtada ah iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana raali-galin ka bixinaynaa hadii qalad naga dhacay. Guddiga Maaliyadda, oo ah guddi aad u shaqa badan, waxaa ka yimid duleel, waxayna guddigu sheegeen in ay ku wada hadleen whatsapp-ka” ayuu yiri Cawad. “Baarlamaanku masheegin in la lunsaday $40 milyan. Waxaan ka siinaynaa raali-galin shacabka iyo Wasaaradda Maaliyada, war-bixintaanna hab-raac sax ah lama soo marsiin. Xeerkaan halkaas ayaa looga gudbayaa, dib dambana looma keeni karo Golaha” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad, oo sidoo kale sheegay inuu Kulanka Golaha Shacabku xiran yahay, kadib markii ay Xildhibaano ka tirsan Golaha ka cawdeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Warbaahinta Buntlandi.com waxaa ka banaan shaqadaan hoose oo deg deg loogu baahan yahay. Wariye ka howlgala Gaalkacyo Wariyahaan waxaa loogu baahannyahay si deg deg ah, wixii faahfaahin ah lasoo xiriir Puntlandi.com. Noogusoo dir CV-gaaga post@puntlandi.com, xasuuso tlf.kaaga si sharuudaha laagaga bahan yahay laguugu sharoxo. Wariye si guud uga soo warama Doorashada Wixii faahfaahin ah lasoo xiriir post@puntlandi.com emailka aadsoo dirayso ciwaan uga dhig Doorasho22019 Post@puntlandi.com Source
  10. Masuuliyiinta ugu Saraysaa Somaliland oo Liiska Shaqaalaha Sirdoonka Ethiopia kaga jiraan iyo xilalka ay soo qabteen Somaliland. Sirdoonka Ethiopia ayaa soo gudbiyay faylasha rag Soomaliland ah oo Sirdoonka maamulkii Tigray-da u ahaa jaajuusiin mushaar iyo darajooyin kala duwan ku qornaa. Ceebta ugu weyni waa in dadka liiska ku jira qaar badan ay xilal sare ka hayaan dowladda haatan jirta iyo dowladii ka horeyey. Liiska oo aad u dheer iyo xogtan oo qarsoodi ah aawadeed, waxaan idinla wadaagi doonaa shaqsiyaadka ugu darajada sareeya xagga darajoojinka ay sirdoonka Ethiopia. 1. Maxamuud xaashi cabdi wasiirkii hore madaxtooyada soomaliland. 2. Cali maxamed warancade wasiirkii hore ee arimaha gudaha soomaliland. 3. Maxamed kaahin axmed wasiirka hada ee arimaha gudaha soomaliland. 4. taliye ciidanka soomaliland nuux ismaaciil taani. 5. Ismaaciil aadan cismaan ,ismaaciil yare oo ah wasiirka arimaha gudaha hore. 6. Amb cawil cali ducaale wasiirka arimaha maaliyada. 7. Ahmed dahir Gudoomiyaha jaamacada admas 8. Xildhbaan cali mareexaan ahaa wasiirka hawlaha guud iyo guri geynta. 9. Faysal cali waraabe gudoomiyaha xisbiga ucid. 10. Xuseen kiniyaati ahaa madaxa sirdoonka soomaliland. 11. Axmed xaaji cali cadami wasiirkii hore gaashindhiga soomaliland. 12. Xildhibaan saleebaan cali koore wasiirka biyaha soomaliland . 13. Cabdilaahi habene cabdilaahi dheere ,xoghayihii golaha guurtida ,soomaliland ahaana wasiirka wax barashada. 13. Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, wasiirkii hore ee arimaha dibada Waxaa jira liis kale oo aan weli la shaacin oo la soo wado Qaran News
  11. Dawlada Mareykanka ayaa iska fogeysay oo been abuur ku tilmaantay warka sheegay in Safaarada Mareykanka loo soo rari doono Caasimada Somaaliya ee Muqdish bisha December, warkaas oo ay sii deysay Idaacad VOA-laanteeda afka somaaliga. ka soo baxay Xafiiska Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa lagu sheegay, in aanu jirin, oo aanu sax aheyn oo uu yahay been abuur, isla markaana anu ku jirin wareysigii uu bixiyey Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaaliya Mr. Yamamto, oo lagu sheegay in safaarada Mareykanka loo soo raraayo Gudaha Somalia bisha December 2018, warkaasina uu gaar ku yahay wareyihii Voa-laanta Somaaliga ee wareysiga qaaday Sahra Cabdi Axmed. Qoraalka Been abuurka ah Qoraalka Twitterka la soo dhigay oo ka soo baxay Safaarada Mareykanka ayaa lagu xusay, in Dawlada Mareykanka ay ka go’an tahay xoojint cilaaqadka ka dhexeeya labda dal, kaas oo kor loogu qaadayo degaanshaha iyo nabdgalyada Somaliya. Qoraalka ka soo baxay Safaarada Mareykanka Qoraalka ayaa intaa ku daray in safarda Dibulomaasiinta Mareykanku ku gaala bixinayaan Somaaliya ay qeyb ka tahay dadaalada Mareykanku ku doonayo inuu joogitaan ku yeesho Somaalia. Fadeexadan ay lugaha la gashay Idaacada VOA-laanteeda Afka Somaaliga ah ayaa dhabar jab weyn ku ah sumcada iyo kalsoonida shacbiga Somaaliyeed iyo midka Caalamkuba ku qabi karaan wararka iyo warbixinaha ah ay sii deyso Idaacadu. Shacbiga Puntland iyo guud ahaan midka Somaaliyeed ayaa yaqiinsanaa,oo mudo dheer ka cabanaayey in laanta Afka Somaaliga ee Idaacada VOA Mareykanku ay ku sifowday mid aan dhexdhexaad ka aheyn mushukiladaha Siyaasadeed ee ka jira Somaaliya, marksatana ay ka faafiso warbixino iyo warar been abuur ah oo lid ku ah degenaansha ah iyo nabadgalyada Shacbiga iyo Dawlada Puntland. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay xildhibaanada baarlamaanka ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa ahaa mid ka duwan kulamadii caadiga ahaa ee ay ku yeelan jireen magaalada Muqdisho. Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa hortagay golaha baarlamaanka, waxaana wax laga weydiiyay eedeynta guddiga maaliyadda Baarlamaanka ee la xiriirta musuq maasuqa dhaqaalo badan. Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in marnaba uusan aqbali dooni ku takri falka hantida qaranka, taa badalkeedana uu ilaalin doono. Wasiirka wuxuu sheegay in isaga lagu heysto fulinta mashruuc uu sheegay in loola yimid, sidaasi daraadeedna uusan aqbaleyn fulinta mashruucaasi, walow uusan sheegin waxa mashruuca uu yahay. Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa Warbixintii ay soo saareen isku khilaafsan waxaana xubno ka mid ah guddiga ay sheegeen in aysan waxba kala socon Warbixinta oo dood badan ka dhex abuurtay baarlamaanka. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta su’aalo adag weydiiyay wasiirka waxaana kulanka maanta uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, maadaama xildhibaanada ay labada dhinac ay u kala safnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. (SLT-Tuka-raq)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka gaadhay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo intii uu joogay magaalada Laascaanood khudbad u jeediyay qaar kamid ah dadweynaha magaaladaasi. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa usii gudbay dhinaca magaalada Tukaraq iyadoo wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in uu goordhaweyd halkaasi gaadhay. Tukaraq ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidammada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland. Source
  14. Uganda’s Chief of the Defence Forces (CDF), General David Muhoozi is in Somalia on a routine visit to Ugandan troops deployed in the country, under the African Union Mission in Somalia (AMISOM). Gen. Muhoozi met with the AU Special Representative for Somalia and Head of AMISOM, Ambassador Francisco Caetano Madeira on Friday, where the two discussed the progress made in the transitioning of national security responsibilities to the Somali National Security Forces. “A lot has been done, a lot more remains and I can only say that the resilience of the enemy is matched by the resilience of the troops in AMISOM and all the TCCs (Troop Contributing Countries),” said Gen Muhoozi, after a meeting with Ambassador Madeira. He added, “Uganda happens to be one of them and we are proud to contribute to the peace and security of Somalia.” The Uganda CDF commended troops from all the Troop Contributing Countries to AMISOM, for their efforts in the degradation of Al-Shabaab extremists and lauded AMISOM for extending the “frontiers of peace and liberation, and fostering development”, in the Horn of Africa country. On his part, Ambassador Madeira said the visit by Gen. Muhoozi offers reassurance to the Mission leadership and troops. “We talked about how we can move ahead in the coming times. How we can, together, implement the transition, (and) Resolution 2431 of the UN Security Council, which gives us the mandate up to May next year,” remarked Ambassador Madeira. The leaders discussed planned joint military operations with the Somali security forces. “We both agreed that we need to continue to move together, we need to ensure that Somali troops are ready to take over from us. We need also, to make sure that Al-Shabaab is further degraded,” he said. The Head of AMISOM stated that the troops would soon embark on operations to free new areas, which are currently occupied by extremists. “Most importantly, we need to create space for the Government to occupy and be present in much wider areas than it is currently and make sure that the checkpoints and tax collection points by Al-Shabaab are dismantled.” “Leego, sooner than later, will be back into the hands of the Government,” he noted. Al-Shabaab took over control of Leego in Lower Shabelle region in August 2017, after AMISOM troops withdrew from a Forward Operating Base, situated in the area. The town lies about 120 km southwest of Mogadishu and is of strategic importance to Somalia, because it links Mogadishu to the western regions of Bay and Bakool. Gen. Muhoozi who is on a two-day working visit to Somalia also held discussions with the AMISOM Deputy Force Commander in-charge of Operations and Plans, Major General Charles Tai Gituai and AMISOM staff officers, at the Force Headquarters. “We have just finished working on the Concept of Operations (CONOPs) and some of the issues that are in the CONOPs are very specific, because they are dealing with the UN Security Council Resolution 2431 and of course the Somali Transition Plan and the issues that have been raised there, are that, we should be able to focus on the priority areas,” explained Maj. Gen. Gituai after their meeting, adding that AMISOM was already working on those priority areas. “So we have briefed the CDF on all those issues so that he is able to understand exactly where we are, and where we are going,” he stated. Gen. Muhoozi’s visit to Somalia comes at a time when Ugandan troops under Battle Group XXIII (UGABAG XXIII) are wounding up their one-year tour of duty and preparing to hand over to a new Battle Group. The post UPDF plans joint military operations with Somali army appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Waxaa la filayey in sannadka soo socda bixishiisa seddexaad in la qabto doorashooyinkii Barlamaanka iyo kuwii dawlada hoose. Lakiin, sida la isla dhexmarayo, waxaad moodaa in uu Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland damacsanyahay in dib loo dhigo. Arrintani ma aha mid qancinasa ummada Somaliland iyo asxaabta caalamkaba. Arrinta ka dhex muuqata sababaha dib u dhaci ku sameyn karta doorashooyinka waxaa ugu horeysa, saami qaybsiga kuraasta Barlamaanka. Dastuurka Somaliland wuxuu go’aamiyey in 82 kursi uu ka koobnaado Barlamaanku. Haddii ay noqoto in al kordhiyo kuraasta, ma aha arrin u taala Barlaamanka xilligan fadhiya. Adduunka lagama maqal Barlamaan fadhiyey in 13 sannadood! Waa arrin cajiib ah. Haddii uu Barlamaankani awoodi kari waayey in uu sameeyo saami qaybsi cusub, waa in la doorto xildhibaano cusub oo sameeya sharciyo cusub. Barlamaanka fadhiyey in ka badan 13 sannadood, ma aha mid dalka iyo dadka wax u kordhinaya, waa siyaasiyiin mushahar uun guranaya, oo ka dhigtay shuqul. Waxaa loo baahanyahay in aan doorashooyinka dib loo dhigin. Waa in la doorto Barlamaan cusub iyo dowladdo hoose oo cusub. Marka dooroshoyinka la qabto, waa in loo soo jeesto Aqalka Guurtida, oo isaguna ilaa iyo 20 sannadood fadhiyey. Sida la wada ogyahay Guurtida lama doorto, oo dastuurku wuxuu ugu talo galay in uu noqdo aqal ah, la taliye iyo aqbalaad, “Advise and consent”. Lakiinse, wakhtigan la joogo, Guurtidii, waxay noqotay meel la iska dhaxlo, waxay u baahantahay dib uu eegid iyo horumarin. Ma filayo in ay ummada Somaliland kasoo horjeedo in ay Guurtida noqoto aqal ka kooban bulshooyinka dalka oo dhan, lakiinse wuxuu u baahanyahay xilidhibaano cusub iyo xirfado cusub. Somaliland waa dal qaan gaadhiyey oo leh dad waxbartay oo khibrado kala duwan leh, waa la soo dhaafay wakhtigii lagu shaqeyn jiray siyaamo bulsho ama qabiil. Waddanku dastuur buu leeyahay, sharci buu leeyahay, la iskuma wadi karo arrin sharci iyo arrin qabiil. Markaa waa lama huraan in la qabto doorashooyinka Barlamaanka iyo dawlada hoose. Kadibna waan in laga shaqeeyo Golaha Guurtida. Dastuurku waa sida buug had iyo jeer la qoraya, marna wax lagu darayo, marna wax laga bedelayo, lakiin ma shaqeyn karo haddii golayaashii maamulihaa ay iyaguba fadhiisteen. Allaa Mahad Leh Ahmed Kheyre ruraledcomm@yahoo.co.uk Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinno lagu faafiyay qaar kamid ah website-yada Soomaalida ayaa xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ku eedeysay shaqaaleysiin qabiil ku saleysan, ayada oo aan lasoo bandhigay wax caddeymo ah oo arrintaas taageeraya. Warbixinnada ayaa si gaar ah u bar-tilmaameedanayay xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Axmed-Nuur Maxamed oo muddo kooban xilka ku magacaaban, balse dib-u-habeyn ballaaran ka billaabay nidaamka shaqo ee xafiiska. Si kastaba liis 24 magac ka kooban oo ku caddaa warqadaha codsiga kaararka shaqaalaha xafiiska ayaa lagu ogaaday in laba qof oo kaliya ay ku heyb yihiin Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’isulwasaaraha. Sidoo kale waxaan ogaannay in aysan jirin shaqaale cusub ee la qoray balse warqadaha la faafiyay ay yihiin kuwa loogu dalbayay shaqaalaha cusbooneysiinta kaararka aqoonsiga. Halkan hoose waxa aan ku soo bandhigeynaa magacyada iyo qabaa’ilka ay ka soo jeedaan shaqaalaha ay magacyadoodu ku caddaayeen warqadaha codsiga kaararka aqoonisiga ee la baahiyay: Magaca Qabiilka Umukhayr Fu’ad Ali Dir/Isaaq Xuseen ibraahin Cali Isaaq/Dir Hodan Nuur cabdi Dir/Daqoodi Abdi Barud Dir/Isaaq Abdifitah Abdinur Dir/Isaaq Mustaf Abdi Ali Dir/Isaaq Naima Yusuf Salad Mohamed Husein Mohamed Daarood/Majeerteen Zakariye Mohamed Ibraahin Mogadishu Clan/Sheekhaal Suuban Hesien Jama Majeerteen Cabdiracman Maxamed Guutaale Dir/Isaaq Mohamed Moalim Said Daarood/Ogaadeen Sagal Naasir Shiddo Mogadishu Clan/Habargidir/Sacad Mahdi Husein Abdulle Isaaq/Dir Omar Mohamed Osman Mogadishu Clan/Habargidir Abdirashid Hajinur Mogadishu Clan/Duduble Ciise Aadan Cabdiraxmaan Dir/Isaaq Faadumo Ali Nuradin Mogadishu Clan/Abgaal Abdul Mohamed Makaraan Mogadishu Clan/Xawaadle Ahmed Mohamed Sa’id Dir/Isaaq Abdi Ali Rage Daarood/Ogaden Ali Ibrahin Cali Digil iyo Milifle Abdirahman Warsame Abdi Daarood/Majeerteen Hana Ahmed Igal Dir/Awdal Clan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Waxay bulshada Reer Somaliland ku mashquushay ayaamahan gudo iyo debedba booqashada Madaxweyne Muuse Biixi ugu ambabaxay gobolada waddanka qarkood. Waxayna noqotay arrinta ugu hadal haynta ama ugu falaqaynta badan ee bulshada goboladaas ka soo jeeddaa is weydaarsato gudo iyo debedba . Ahmiyadda ay arrintaasu u leedahayna ay ka turjumayso sida aan loo kala hadhin ee Madaxweynaha loo soo dhoweeyey. Waxaan jeclaystay markaas inaan ra’yigayga ka dhiibto arrintaas oo bulshada Reer Somaliland la wadaago.Waxaan dib u milicsaday maqaal aan arrintaas ka qoray waqtigii xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay cusbayd oo uu boqasho ku tegay gobolada qaar oo la moodo in taariikhdu is qorayaso (the history repeats itself Maqaalkaas oo aan warbaahinta Somaliland ku soo bandhigay muddo ilaa 7 sano qiyastii laga joogo, ayaa nasiib darro ka baxay kaydkooda (their servers), balse waxaan u kaydiyey qoraal ahaan ( word document). Waxaa ku dugan qoraalkaas waxyaalo taabanaya isla dareenka aan maanta qabo 100% . Maqaalkuna isla cinwaankaas dusha ku tilmaaman ayuu lahaa. Wuxuuna ii fududeeyey inaanan qoraal kale soo bandhigin oo siduu u qornaa 7 sano ka hor u soo bandhigo isagoo marlabaad xaaladdan aan tilmaannay ka turjumaya. Waakan qoraalkii 7 sano ka hor ‘’Waxaan doonayaa halkan inaan ka bayaamiyo arrin ay caadaysteen maamuladii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland taas oo aad mooddo in laga dhaxlay nidaamkii diktaatooriga ahaa una baahan ra’yigayga in wax laga bedelo. Arrintu waxay ku saabsantahay booqashada madaxda Somaliland ku tegayaaan goboladda iyo magaalooyinka kale ee waddanka , taas oo la buunbuuniyo warka madaxdiisana laga dhigo. Tusaale,waxaynu daawanay madaxweynaha oo u kicitimaya Burco iyo sida loo soo habeeyey ambabixiisa iyo ciidamada ku hareeraysan . Ayaama ka hor ayaa la iclaayimyey booqashadaas ,warbaahintuna aad bay ugu mashquushay waxbadanna way qaadaa dhigeen ujeedada madaxweynuhu ka leeyahay booqashadaas! Aniga rayigayga markaan cabiro waxay ila tahay , meesha kuma jiraan wax laqaadaa dhigaa ama laysku mashquuliyaa.Goboladda waddanku Tora Bora (Afghanistan) kuma yaallaan! Mas’uul walba oo xukuumadda ka tirsan waxay ahayd inuu shaqo u tago si joogta gobolada iyo magaalooyinka waddanka, si sawaxan la’aani ku jirtona u soo booqdo! Waa inaynu ogaannaa inayna muhimaddu ahayn booqashada lafteeda ee ay tahay nuxurka iyo waxqabadka halkaas ka soo baxa! Waxaannu jeclaan lahayn in warku sidan u qornaado ‘Madaxweynaha ama wasiir hebel ayaa magaalada hebla ka soo saaray go’aan ku saabsan …’ oo muhimaddu noqoto go’aanka meesha ka soo baxay, booqashaduna noqon mid laysku mashquuliyo. Aan ka guurno nidaamadii hore ee ina xasuusinaya kuwii keligood taliyayaasha ahaa. Arrintuna kuma koobna xukuumaddan hadeer jirta ee waa dhaqan la caadaystey oo ay xukuumadihii horeba ee Somaliland samayn jireen una baahan in laga guuro’’. Dhammaad. Waxaan ku soo gabagabaynayaa, Madaxweyne Muuse Buuxi wuxuu Somaliland u horseeday joojinta soo dhoweyntiisa iyo sii sagootinkiisa markuu waddanka ka ambabaxayo ama ku soo laabanayo, arrintaas oo iyana qoraal ahaan aan ra’yigayga ka dhiibtay waqti hore. Anoo la yaaban madaxweyne gurigiisa lagu soo dhoweynayo ama laga sii sagootiyo ! Xagee loo sii sagootiyaa ee uu ku maqnaanayaa in badan ? Iyana waa in la joojiyaa sawaxanka iyo buunbuuninta booqashada gobolada waddanka. Waxay haboontahay buunbuunintu iyo dhoola tuska booqashada goboladu marka loolan doorasho ama siyaasadeed jiro oo qudha. Wabillaahi tawfiiq Maxamuud Ismaaciil Barreh UK mahmoud963@hotmail.com Source
  18. Sadarrada Ugu Qiimaha Badan Heesta Hooyo: Meersiyo Xiska Ruxaya Intaad hooyo nooshahay Hambalyiyo salaan baan Dusha kaa huwinaysaa Habrashiyo xaqdhawr baan Hanti kaaga dhigayaa Markaad hooyo dhimatana Hooggayga weeyoo Hiyiga iyo laabtaan Kugu haynayaayoo Weligay hoggaagaan Ka dul heesayaayoo Hengel baan u xidhayaa Inta habar dugaag iyo Idil haadda duushee (Hadraawi) Aniga oo meerisyadaas fasal u sharxaya ayuun baan idhi “Waxay ugu daran tahay qofka marka hooyadii dhimato. Nasiib bay leeyihiin dad aan ku jiro oo hooyadood u nooshay”. Jawigii Fasalka ayaa is beddelay. Hablo badan ayay ilmo ka qabatay. Arday hablo ah baa yidhi “Macallin halkaas ka daa” “Maxaa dhacay?” “Hablo hooyadood dhimatay ayaa Fasalka ku jira oo xasuusa tay, oo ilmaynaya”. Anigii ayaa jidhidhicooday.. Sharraxiina koobay. Source
  19. Waxaa farxad ah in markii ugu horreysay warbixin qiimo leh (i tus iyo i taabsii) ee ku saabsan Maamulka Miisaaniyadda 2018 ka soo baxdo Barlamaanka Federaalka oo waayahaan dambe noqday rajo beel, fadhiid. Waxaa ididiilo (rajo) ah in Guddoomiyaha Barlamaanka hor istaagin faafinta warbixinta Guddiga Maaliyadda si dadweynuhu ula socdo dooda dhexmareysa Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ka mid ah Fulinta. Waxaa lagama maarmaan in Guddoonka Barlamaanka Federaalka taagero warbixinta Guddiyadda Maaliyadda, kana codsado fulinta (Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda) inay si hufan oo waafaqsan nidaamka dowladda uga soo jawaaban qodobbada warbixinta ka hadlayso. Barlamaanka ugama baahna talo iyo tusaale hay’adaha fulinta oo Barlamaanka ku leeyahay korjoog (Oversight). Warbixinta Guddiga waa caddahay, waxayna tilmaameysa lacago maqan, hoos u dhac dakhliga 2018, iyo ku xadgudub hab Maamulka Miisaaniyadda, waxaana loo baahan jawaab cad ee ku dhisan xisaab iyo caddeymo kale. Tusaale ahaan, ka sokow 20 milyan doolar ee ka maqan deeqdii Boqortooyada Sacuudiga, waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo sababta Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaraadka u bixin waayeen deeqaha laga sugayay 2018. Nasiib darro, wareysi hordhac ah ee uu siiyay Idaacadaha dalka, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle oo ah aqoonyahan waayo arag wuxuu baalmaray jawaab celintii looga baahnaa, wuxuuse ballan qaaday inuu qoraal rasmi ah oo waafaqsan nidaamka xisaabaadka Dowladda, kana jawaabaya qodobbada warbixinta ku cad ka keeni doono marka uu ka soo noqdo safar uu dibedda ugu baxay. Waxaa xusid gaar ah mudan in, sida Wasiirku xogogaal u yahay, Hay’adda IMF aysan aheyn hay’ad baaris walow ay markasta ku dadaasho inay iska hubiso macluumaadka la siiyo. Gaar ahaan, Soomaaliya waa dal la siiyo kaalmada Farsamo ee ugu badan ee IMF iyo WB bixiyaan sannadahaan si Soomaaliya u noqoto dowlad karti leh oo hanata nabadgelyada iyo maamullka Soomaaliya. IMF waxay ku dadaaleysa in loo ceeb qariyo Soomaaliya oo lacago farabadan lagu siiyo hagaajinta Maamulka Maaliyadda Qaranka (Publci Financial Management), welina natiijo fiican laga gaarin, waxayna inta badan qaadatay xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe siiyaan madaama ay og yihiin “wixii la qariyo ay dib ka soo baxayaan, mas’uuliyaddana markasta dusha laga saarayo Soomaalida. Wafdiga IMF ma yimaado dalka, waxaana lagula kulmaa Magaalada Nairobi, dalka Kenya, taaso Madaxda Soomaaliyeed ugu filan inay ogaadaab heerka hoose ee xaaladda dalka marayso. Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, iyo Hantidhowraha Guud, waxaa si gooni gooni ah laga rabaa inay bil kasta la socodsiiyaan Barlamaanka Federaalka iyo Shacabka xisaab xirka bishii la soo dhaafay ugu dambeyn 15 bisha lagu jiro, isla markaana lagu faafiyo bogga internetka hay’ad kasta, taaso aan hadda dhicin inta badan.Daahfuurta xisaabaadka Maamulka hantida Qaranka waa joogto, mana ah in la sugo sannad iyo bilo. Xisaab xirka bilaha iyo xisaab xirka waxaa u dhexeya farqiga ah in xisaab xirka sannadeedka la socdo baaris xaqiijineysa hufnaanta maamulka Maaliyadda dalka. Gaar ahaan, Hantidhowraha Guud waxaa laga rabaa inuu soo caddeeyo waafaqsanaanta sharciga xisaabaadka dowladda. Hay’adda nabadsugidda iyo Boolista waxaa laga rabaa inay Guddiyada Barlamaanka siiyaan wixii xog dhaqaale iyo Maaliyadeed ee ay hayaan si loo sameeyo dabagal, hubin, iyo wax ka qabasho. Waxaa nasiib darro ah in xubno xildhibaanno ah ku eedeeyaan xubnaha Guddiga Maaliyadda inay yihiin mucaarad, taaso muujineysa garashaxumida xildhibannadaas shaqada Barlamaanka iyo guud ahaan nidaamka dowladeed ee ku qeexan Dastuurka KMG ee Federaalka. Waxaa habboon in Xildhibannadaas la siiyo tababarro aqoontooda shaqo kor soo qaadeysa. . Shaqaada Barlamaanka waa dabagal iyo sheegidda khaladaadka Dowladda sameyneyso iyo dhibaatooyinka taagan si wax looga qabto. Dowlad fiican waxay imaaneysa marka khaladaadka la sheego, kaddibna la saxo ama laga noqdo. Barlamaanka waa hay’ad la xisaabtan ee ma ahan hay’ad dabadhilif u ah Fulinta. Markii la helo qoraal ka soo baxa Wasaaradda Maaliyadda, waxaa la kala saari karaa runta iyo beenta. Iska hadal shaqo dowladeed ma ahan. Warbixinta waxay muujineysa in dakhliga guud ee lagu tala galay ahaa $274.6 milyan, ilaa bisha Agoosta waxaa soo xarooday dakhli dhan $156.7 Milyan, halka laga filayay $ 183.06 Milyan. Farqiga dhimman ee la rabo in la soo xareeyo Setember – Disember 2018 waa $117.9 Miliyan, taaso u muuqata inaysan suuragal aheyn. Qiyaasta dakhliga gudaha dhimman wuxuu ku dhow yahay $56.5 Milyan, halka Dakhliga Dibedda dhimman ku dhow yahay qiyaas ahaan $61.4 Milyan. Halkaas waxaa ka muuqata in beesha caalamka ka caga jiiday bixinta deeqaha kabidda Miisaaniyadda 2018. EU iyo WB waxay oggolaadeen inay ku kabaan Miisaaniyadaha 2019-2021 lacago kala ah kala ah Euro 100 milyan iyo $ 80 Milyan. Ma cadda qoondada lagu kabayo Miisaaniyadda 2018. Waxaa muuqata in Madaxda Dowladda Federaalka aysan si fiican ula socon xaaladda Miisaaniyadda 2018 ama is yiraahdeen dadweynaha ma ogaan karaan xaaladda ba’an ee Maamulka Maaliyadda Dalka. Hoos u dhaca dakhliga iyo maamulxumada Miisaaniyadda 2018 wuxuu sabab u noqonaya hoos u dhaca bixinta Mushaaraadka iyo waxqabad kale ee Dowladda Federaalka. Gabogabo Waxaan qabaa in Guddiga Maaliyadda ee BF qabteen shaqo aad u wanaagsan oo bilow ah, loona baahan yahay in la taageero si buuxda. Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga sugaya qoraal rasmi ah ee muujinaya xisaab xirka rasmiga ah ee 8 bilood 2018 iyo ka jawaabidda khaladaadka qoraalka Guddiga ku qeexan. Fadeexo aan laga hadlin waa maqnaashaha Xisaab Xirka 2017 oo weli laga sugayo Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, iyo Hantidhowraha Guud, Waxaan shaki ku jirin in IMF iyo BA (WB) ay og yihiin fadeexaddaas oo caqabad weyn ku ah in Soomaaliya ka gudubto Barnaamijka Ilaalinta Shaqaalaha IMF (IMF Staff Monitoring Program -SMP). Ka hadalka deyn cafin iyo daabacaad lacag waa riyo waqti qaadan doonta haddii aysan Dowladda Federalka runta, xaqiiqada garowsan, aqbalin. Dr. Maxamud M Culusow Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  20. The US Embassy made clarifications after sections of the media reported that the U.S Mission to Somalia located at the U.S embassy in Nairobi, Kenya would be moved to Mogadishu. This was after United States Ambassador to Somalia Donald Yamamoto was on Friday quoted by a Voice of America (VOA), journalist to have implied that the move could take place before the end of the year. The United States Mission to Somalia in a statement refuted the reports, indicating that Yamamoto had been misquoted by the VOA journalist. “Ambassador Yamamoto was interviewed by VOA journalist Sahra Abdi Ahmed. Her tweet, the US Embassy in Nairobi would move to Somalia as early as December, does not accurately reflect what was stated in the Interview,” the statement reads in part. The mission clarified that its department staff currently travel from Nairobi to Somalia for diplomatic engagements but the US was keen on re-establishing its diplomatic presence in Somalia. In 2015, former US Secretary of State John Kerry announced plans to re-open the embassy in Mogadishu. Kerry had indicated that the plan lacked a set timeline but asserted that the US had begun upgrading its diplomatic presence in Somalia. He was presented with a real estate deed for land set aside by the Federal Government of Somalia (FGS) for the establishment of the new embassy offices in Somalia. The post US Denies Plans to Relocate Nairobi Embassy Offices to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  21. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said on Friday that it is spearheading an ambitious police recruitment drive in Somalia’s HirShabelle State to help stabilize the country. The AU mission said the first phase of recruitment of police officers commenced with the screening, vetting and training of at least 200-new police recruits in the state’s administrative capital of Jowhar. “The recruits will undergo a three-month basic policing course, to skill them on critical aspects of policing,” AMISOM said, noting that its working collaboratively with the Somali Police Force to build the capacity of the new recruits to effectively boost law enforcement in the state. It said the training will also focus on cross-cutting issues, such as the international human rights law, the international humanitarian law and general human rights issues; including due diligence policies, which are prerequisites in their profession. AMISOM said the recruits who are drawn from the Middle Shabelle and Hiiraan regions – two regions that make HirShabelle State – are an amalgam of trainees selected by traditional elders, politicians and other stakeholders in the state, to form an integrated force. The AU Mission hopes to recruit a total of 800 police officers in HirShabelle State alone, as part of the transitioning of the security responsibility to the Somali security forces. HirShabelle State was formed in 2016 during Somalia’s state formation process and will benefit greatly from the new police recruits. The post AU mission spearheads police recruitment in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Turkey’s president on Friday met with his Somali counterpart in Istanbul for talks, according to a statement from the Turkish presidency. The closed-door meeting between Turkey’s Recep Tayyip Erdogan and Somalia’s Mohamed Abdullahi Mohamed at Vahdettin Pavilion in the Uskudar district lasted for one hour and fifteen minutes, said the statement. No further details of the meeting were provided. Erdogan visited Somalia in 2016 and previously in 2011 when he was prime minister. Since 2011, Turkey has provided over $500 million in aid to Somalia and helped the Somali people in such areas as education, health, roads, ports, airports, fisheries, and energy. Last September, Turkey opened its largest overseas military training academy in the Somali capital Mogadishu. It has the capacity to train more than 1,500 troops at a time, according to the Somali government. The post Turkish, Somali presidents meet in Istanbul appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Waxaa farxad ah in markii ugu horreysay warbixin qiimo leh (i tus iyo i taabsii) ee ku saabsan Maamulka Miisaaniyadda 2018 ka soo baxdo Barlamaanka Federaalka oo waayahaan dambe noqday rajo beel, fadhiid. Waxaa yididiilo (rajo) ah in Guddoomiyaha Barlamaanka hor istaagin faafinta warbixinta Guddiga Maaliyadda si dadweynuhu ula socdo dooda dhexmareysa Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ka mid ah Fulinta. Waxaa lagama maarmaan in Guddoonka Barlamaanka Federaalka taagero warbixinta Guddiyadda Maaliyadda, kana codsado fulinta (Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda) inay si hufan oo waafaqsan nidaamka dowladda uga soo jawaaban qodobbada warbixinta ka hadlayso. Barlamaanka ugama baahna talo iyo tusaale hay’adaha fulinta oo Barlamaanka ku leeyahay korjoog (Oversight). Warbixinta Guddiga waa caddahay, waxayna tilmaameysa lacago maqan, hoos u dhac dakhliga 2018, iyo ku xadgudub hab Maamulka Miisaaniyadda, waxaana loo baahan jawaab cad ee ku dhisan xisaab iyo caddeymo kale. Tusaale ahaan, ka sokow 20 milyan doolar ee ka maqan deeqdii Boqortooyada Sacuudiga, waxaa loo baahan yahay in la caddeeyo sababta Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaraadka u bixin waayeen deeqaha laga sugayay 2018. Nasiib darro, wareysi hordhac ah ee uu siiyay Idaacadaha dalka, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle oo ah aqoonyahan waayo arag wuxuu baalmaray jawaab celintii looga baahnaa, wuxuuse ballan qaaday inuu qoraal rasmi ah oo waafaqsan nidaamka xisaabaadka Dowladda, kana jawaabaya qodobbada warbixinta ku cad ka keeni doono marka uu ka soo noqdo safar uu dibedda ugu baxay. Waxaa xusid gaar ah mudan in, sida Wasiirku xogogaal u yahay, Hay’adda IMF aysan aheyn hay’ad baaris walow ay markasta ku dadaasho inay iska hubiso macluumaadka la siiyo. Gaar ahaan, Soomaaliya waa dal la siiyo kaalmada Farsamo ee ugu badan ee IMF iyo WB bixiyaan sannadahaan si Soomaaliya u noqoto dowlad karti leh oo hanata nabadgelyada iyo maamullka Soomaaliya. IMF waxay ku dadaaleysa in loo ceeb qariyo Soomaaliya oo lacago farabadan lagu siiyo hagaajinta Maamulka Maaliyadda Qaranka (Publci Financial Management), welina natiijo fiican laga gaarin, waxayna inta badan qaadatay xisaabaadka Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe siiyaan madaama ay og yihiin “wixii la qariyo ay dib ka soo baxayaan, mas’uuliyaddana markasta dusha laga saarayo Soomaalida. Wafdiga IMF ma yimaado dalka, waxaana lagula kulmaa Magaalada Nairobi, dalka Kenya, taaso Madaxda Soomaaliyeed ugu filan inay ogaadaab heerka hoose ee xaaladda dalka marayso. Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, iyo Hantidhowraha Guud, waxaa si gooni gooni ah laga rabaa inay bil kasta la socodsiiyaan Barlamaanka Federaalka iyo Shacabka xisaab xirka bishii la soo dhaafay ugu dambeyn 15 bisha lagu jiro, isla markaana lagu faafiyo bogga internetka hay’ad kasta, taaso aan hadda dhicin inta badan.Daahfuurta xisaabaadka Maamulka hantida Qaranka waa joogto, mana ah in la sugo sannad iyo bilo. Xisaab xirka bilaha iyo xisaab xirka waxaa u dhexeya farqiga ah in xisaab xirka sannadeedka la socdo baaris xaqiijineysa hufnaanta maamulka Maaliyadda dalka. Gaar ahaan, Hantidhowraha Guud waxaa laga rabaa inuu soo caddeeyo waafaqsanaanta sharciga xisaabaadka dowladda. Hay’adda nabadsugidda iyo Boolista waxaa laga rabaa inay Guddiyada Barlamaanka siiyaan wixii xog dhaqaale iyo Maaliyadeed ee ay hayaan si loo sameeyo dabagal, hubin, iyo wax ka qabasho. Waxaa nasiib darro ah in xubno xildhibaanno ah ku eedeeyaan xubnaha Guddiga Maaliyadda inay yihiin mucaarad, taaso muujineysa garashaxumida xildhibannadaas shaqada Barlamaanka iyo guud ahaan nidaamka dowladeed ee ku qeexan Dastuurka KMG ee Federaalka. Waxaa habboon in Xildhibannadaas la siiyo tababarro aqoontooda shaqo kor soo qaadeysa. . Shaqaada Barlamaanka waa dabagal iyo sheegidda khaladaadka Dowladda sameyneyso iyo dhibaatooyinka taagan si wax looga qabto. Dowlad fiican waxay imaaneysa marka khaladaadka la sheego, kaddibna la saxo ama laga noqdo. Barlamaanka waa hay’ad la xisaabtan ee ma ahan hay’ad dabadhilif u ah Fulinta. Markii la helo qoraal ka soo baxa Wasaaradda Maaliyadda, waxaa la kala saari karaa runta iyo beenta. Iska hadal shaqo dowladeed ma ahan. Warbixinta waxay muujineysa in dakhliga guud ee lagu tala galay ahaa $274.6 milyan, ilaa bisha Agoosta waxaa soo xarooday dakhli dhan $156.7 Milyan, halka laga filayay $ 183.06 Milyan. Farqiga dhimman ee la rabo in la soo xareeyo Setember – Disember 2018 waa $117.9 Miliyan, taaso u muuqata inaysan suuragal aheyn. Qiyaasta dakhliga gudaha dhimman wuxuu ku dhow yahay $56.5 Milyan, halka Dakhliga Dibedda dhimman ku dhow yahay qiyaas ahaan $61.4 Milyan. Halkaas waxaa ka muuqata in beesha caalamka ka caga jiiday bixinta deeqaha kabidda Miisaaniyadda 2018. EU iyo WB waxay oggolaadeen inay ku kabaan Miisaaniyadaha 2019-2021 lacago kala ah kala ah Euro 100 milyan iyo $ 80 Milyan. Ma cadda qoondada lagu kabayo Miisaaniyadda 2018. Waxaa muuqata in Madaxda Dowladda Federaalka aysan si fiican ula socon xaaladda Miisaaniyadda 2018 ama is yiraahdeen dadweynaha ma ogaan karaan xaaladda ba’an ee Maamulka Maaliyadda Dalka. Hoos u dhaca dakhliga iyo maamulxumada Miisaaniyadda 2018 wuxuu sabab u noqonaya hoos u dhaca bixinta Mushaaraadka iyo waxqabad kale ee Dowladda Federaalka. Gabogabo Waxaan qabaa in Guddiga Maaliyadda ee BF qabteen shaqo aad u wanaagsan oo bilow ah, loona baahan yahay in la taageero si buuxda. Wasaaradda Maaliyadda waxaa laga sugaya qoraal rasmi ah ee muujinaya xisaab xirka rasmiga ah ee 8 bilood 2018 iyo ka jawaabidda khaladaadka qoraalka Guddiga ku qeexan. Fadeexo aan laga hadlin waa maqnaashaha Xisaab Xirka 2017 oo weli laga sugayo Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, iyo Hantidhowraha Guud, Waxaan shaki ku jirin in IMF iyo BA (WB) ay og yihiin fadeexaddaas oo caqabad weyn ku ah in Soomaaliya ka gudubto Barnaamijka Ilaalinta Shaqaalaha IMF (IMF Staff Monitoring Program -SMP). Ka hadalka deyn cafin iyo daabacaad lacag waa riyo waqti qaadan doonta haddii aysan Dowladda Federalka runta, xaqiiqada garowsan, aqbalin. Dr. Maxamud M Culusow Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe