-
Content Count
207,016 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlayay kulankii maanta ee baarlamaanka Somalia ayaa iska difaacay eedeyn kaga timid Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin warbixinta guddiga. Wasir Beyle ayaa sheegay in lacagtii 50-ka Milyan ahayd ee Sacuudiga ugu deeqay Somalia aysan ku dhicin Bangiga Dhexe ee Dalka, laakiinse ay ku dhacday Bangi ku yaalla dalka Turkiga, halkaasoo uu sheegay in lacagtaa laga maamulay. “Waxaan ku shaqaynaa nidaam Caalami ah, waxaana nagula xiray 14-qodob oo habeen waliba nagula yiraahdo. Guddigu waxay ahayd inay annaga nala tashadaan intii ay warqad u qori lahaayeen warbaahinta, annagaa ku jirna ceelka guntiisa’e, Arrintaan waxay nagu noqotay dhabar jab iyo in dib noola celiyo,” ayuu yiri Wasiir Beyle. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyaddu wuxuu xusay inay hoos u dhacday lacagihii shaqaalaha, isla markaana aysan Imaaraadka ka imaan lacagtii laga sugayay ee ay ugu tala gashay Dowladda Federaalka Somalia. Dhanka kale, Wasiirku wuxuu ku eedeeyay xubno Guddiga Maaliyadda BFS ka mid ah inay ku haystaan inuu u fuliyo dano gaar ah, isagoo warbixinta ku tilmaamay mid mala awaal ah. Kulanka Baarlamaanka oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa ka sokow doodaha adag ee dhex-maray Xildhibaanada waxaa wehliyay buuq mararka qaar hareynayay kulanka, waxaana kulankii maanta ka dhex-muuqday wasiirada xildhibaanada ah oo kusoo tala-galay inay is-difaacaan. Xildhibaanno tiradoodu tahay toban oo ka mid ahaa kuwii warbixintan wax ka saxiixay ayaa kasoo horjeestay, iyagoo sheegay inaysan waxba ogeyn oo aan lagala tashan diyaarinta warbixinta oo sheegaysay inay xukuumadda ku maqan tahay in ka badan 20-milyan oo aan la ogeyn sida ay ku baxday. Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baalramaanka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xigay ayaa raalli-gelin ka bixiyay warbixinta guddiga maaliyadda ay soo diyaariyeen, isagoo sheegay inaan la soo marin dariiqyadii ay waajibka ahayd inay soo marto. PUNTLAND POST The post Wasiir Bayle oo Shaaciyay in dhaqaale loogu Deeqay Soomaaliya laga Maamulay Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Tuke-raq)-Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada qaranku ku leeyihiin Jiidda Aagga bari ee magaalada Tukaraq. Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka kula dardaarmay inaanay ka niyad-jabin shaqada aan dheefta lahayn ee ay bulshadooda u hayaan, islamarkaana ay abaalkeeda heli doonaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 10-askari ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerar gaadmo ah oo Al-sabaab ay ciidan ka tirsan kuwa dowladda Somalia kula beegsadeen inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid qorsheysan, ayna la beegsadeen gaadiid u socday degmada Jowhar oo ka tagay Muqdisho, taas oo keentay in qarax lala beegsado taliyaha guutada 1-aad ee ciidanka XDS, Jen. Ibraahim Yuusuf oo doonayay inuu gurmad u fidiyo ciidamada weerarka lagu qaaday. Taliyaha ayaa la sheegay in daawiciisu uu fudud yahay, inkastoo dhawr askari oo la socday ay qaraxa ku dhinteen, waxaana taasi ay keentay inay ciidamadii la weeraray heli waayeen gurmadkii ay u baahnaayeen. “Askarta ku dhintay weerarka waxay gaarayaan 10-askari, kuwo kalena oo dhaawacyo qabanna waxaa lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Jowhar, halkasoo lagu daweynayo,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada DFS eek u sugan Jowhar. Sidoo kale, Ciidamada la weeraray ayaa la sheegay inay wateen baabuur noociisu ahaa Surf iyo gaari kale oo bas ah, waxaana tani ay imaanaysaa xilli maamulka HirShabeele uu dhawan ka cawday dhibaatooyin ay kooxda Al-shabaab ka waddo waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho. Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo xoogag ka tirsan Kooxda Al-shabaab ay weeraraan ciidammo iyo xubno ka tirsan maamulka HirShabeele oo waddadaas maraya, iyadoo sannadkan lagu dilay waddadan xildhibaanno ka tirsan maamulka HirShabeele. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka HirShabeele ayaa laga sugayaa inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka soo laalaabtay eek a dhacaya waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar ku dilay Tiro Ciidammo ah – Qaraxna ku dhaawcay Sarkaal Sare appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabadda dib u loogu howlgelinayay Kooxda kubadda cagta ee Dawladda Hoose (Minishiibiyo) ayaa sheegay in dadaal la gelinayo kooxdan, maadaama ciyaaruhu ay ka tarjumayaan horumarka bulshada. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay Caasimadda u leedahay kooxda kubadda cagta ee Banaadir oo la asaasay sanadkii 1963dii, iyadoona noqonaysa kooxda matalaysa Muqdisho ciyaaraha heer Caasimadeed ee caalamka iyo in ay Kooxdan ay waajahadda u noqoto horumarka iyo isdhex galka bulshada. “Kooxda Dawladda Hoose ee Xamar waxa ay ka mid ahayd qorsheyaashii ugu horreeyey ee la hirgeliyey xornimadii kaddib, taas ayaana muujinaysa muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin isdhexgalka iyo horumarka Gobolka. Maamul ahaan waxaan dhexda u xiranaynaa sidii aan dib ugu soo celin lahayn kooxdaan, una dhammeystiri lahayn dhammaan baahiyaheeda asaasiga ah.” Eng.Yarisow ayaa sheegay in garoonka kooxda Banaadir dhawaan dib loo soo celiyey, laguna wareejiyey maamulka kooxda balse haatan laga shaqeynayo in dib loo dayac tiro iyadoo laga faaiidaysanayo Olalaha Isxilqaan ee ka socda Gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Hawl-wadeenada Kooxda Dowladda Hoose iyo xidigihii horay u soo matalay ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaallada dib u soo nooleynta kooxaha iyo tartannada ciyaaraha, iyagoona soo jeediyey in dib loo soo dhiso kooxdii kubadda kolayga ee Dowladda Hoose oo qayb ka ahayd Naadiga Ciyaaraha Dawladda Hoose ee Xamar. PUNTLAND POST The post Naadiga Kubada Cagta ee Banaadir oo Qaatay Magaca Kooxdii Dowladda Hoose ee Xamar appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Tukaraq)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada qaranku ku leeyihiin Jiidda Aagga bari ee magaalada Tukaraq. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo maamulka gobolka Sool, ayaa ka hor intii aanay gaadhin jiidda hore ciidamada qaranka, waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Tukaraq, iyaga oo u gudbay fadhiisimaha waaweyn ee magaalada dhinaca Bari kaxiga, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada talisyada kala duwan ee qaranku ku leeyihiin Aaggaas, halkaas oo uu madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka. Taliyaha ciidanka qaranka, Sarreeye gaas, Nuux Ismaaciil Taani oo madaxweynaha warbixin ku siiyey fadhiisimada ciidamada qaranka ee Aagga Tukaraq, ayaa ugu horrayn madaxweynaha ku bogaadiyey booqashadiisa uu ugu kuurgelayo xaaladda ciidamada qaranka, isaga oo sidoo kalena ku bogaadiyey sida uu u danaynayo daryeelka ciidanka, waxana uu yidhi, “Aad baan madaxweyne kaaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad ciidanka u taakulayso iyo sida aad markasta u doonayso in wax loo qabto ciidanka.” Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si mug leh u ammaanay ciidamada qaranka, isla markaana ku bogaadiyey sida ay ciidan ahaan uga go’an tahay inay dalka iyo dadkaba difaacaan, waxana uu yidhi, “Madaxweyne saaka maalin farxad leh bay noo tahay ragganina waa ragga aynnu ku fadhinno, mudnaantooda iyo karaamayntoodana cidina kaaga warrami mayso, waase rag aaminsan waxa ay meesha u joogaan, masuuliyadda saaran, marna waa cuqaal oo haddii aanay dulqaad iyo karti muujin nabadu may jirteen, taasna waan ku bogaadinayaa, shacabkana way kasbadeen.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay ciidamada qaranka ee ku sugan jiidda hore ee Tukaraq, ayaa sharraxay sida ay ciidamadu muhiimka ugu yihiin nolosha iyo sida ay shaqadoodu u tahay midda ugu karaamada badan adduunka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shaqada la isku wada raacsan yahay ee laga yaabo inaanay dheef badan lahayn, laakiin karaamo iyo ixtiraam iyo duco loo hayo, halka ugu karaamada badan ee ummadda oo dhammi isku raacsan tahay waa ciidamada qaranka, waayo ciidamadu waa astaantii qaranka.” Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka kula dardaarmay inaanay ka niyad-jabin shaqada aan dheefta lahayn ee ay bulshadooda u hayaan, islamarkaana ay abaalkeeda heli doonaan, “Hawshaas aad gashaan haku coloolyoobina, haddaad aragtaan guryihiinna iyo dadkiinna oo dayacan haku caloolyoobina, samaha aad gelaysaan, nafta aad u huraysaan iyo dalka waxa aad u qabanaysaan Ilaahay meel kaluu idinka siinayaa markaad si wanaagsan u gudataan, markaa dhibta aad qabtaan dheef-yaraanta jirta iyo hawsha marnaba shaydaanku yuu idinka wisiisiyin,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inaanay ciidamada qaranku ahayn kuwo cid kale duullaan ku ah, balse ay yihiin nabad-doon dadkooda iyo dalkooda difaacaya, waxana uu yidhi, “Waxad tihiin ciidan nabad-doon ah oo aan cidna ku duulaynin ee dalkiisa uun ilaashanaya oo wixii kusoo xad-gudba iyo wixii fadqalala ka wada qabanaya, waxaynnu nahay ciidan aan cidna weerar ku ahayn oo intii uu jireyba nabad soo waday oo dadkana kala ilaalinaya, dalkana ilaalinaya.” Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la kulmay odayaasha deegaanka Tukaraq oo ay wada qaateen kulan is xogwaraysi ah, waxaanay ka mahad sheegteen odayaasha deegaanku habdhaqanka ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidahaasi, Source
-
Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan socdaal ka marayay gobollada ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,isagoo uga sii gudbay degaanka Tukaraq ee ay isku’ hor fadhiyaan ciidamada labada maamul. Magaalada Laascaanood oo subaxnimadii hore ee saaka bandow la saaray ayaan xilliga uu soo gaaray dad badani waddooyinka joogin,marka laga reebo ciyaal iyo dumar loo sii diyaariyay soo dhoweyntiisa iyo ciidamo fara badan oo dariiq kasta la dhoobay. Hase yeeshee durbadiiba waxaa bilowday muddaharaadyo waaweyn oo looga horjeedo safarkiisa,kadib markii ay dadweynuhu isaga soo baxeen xaafadaha kala duwan ee degmada Laascaanood,taasi oo ku khasabtay in uu si deg deg ah uga sii gudbo dhinaca degaanka Tukaraq. Hadal kooba oo uu ka jeediyay duleedka degmada Laascaanood ayuu socdaalkiisa ku sheegay mid nabad iyo midnimo ku qotoma,waxaana uu ammaan kala duldhacay shacabka SSC,gaar ahaanna gobolka Sool. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu nabad u sido Puntland,islamarkaana uu diyaar u yahay in walaalnimo lagu dhammeeyo colaadda ka aloosan gobolka Sool gaar ahaanna degaanka Tukaraq oo markii horena ka qaraxday amar uu bixiyay Muuse Biixi. Madaxweynaha Somaliland ayaa dhinaca kale socdaalkiisa ku tegay duleedka degaanka Tukaarq ee xiga dhinaca Laascaanood isagoo booqday taliska guud ee ciidamada Somaliland ay halkaasi ku leeyihiin. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi iyo shacabka magaalada Laascaanood! appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu laabtay Garowe kadib markii uu Magaalada Garacad uu kasoo daahfuray Mashruuca dhismaha Dekada Garacad. Madaxweyne Gaas ayaa markuu Garowe lasoo degay wuxuu yiri “Waxaan maanta ka nimid magaalada Garacad oo aan kaga soo qayb galnay bilowgii dhismaha Dekedda Garacad waa lasocotaan hada ka hor waxaan u tagna dhagax dhiggii shalayna waxaan u tagna ani iyo wafti aan hogaaminayey oo ka koobnaa Shacabka, Golaha wakiilada, Golaha Wasiiradda iyo saraakiil kale waxaa kaloo kasoo qayb galay daah furka dhismaha Dekadda madax kasocotey Dowladda Federaalka oo ka koobnaa Golaha shacabka iyo Sanataro, runtii waxaa halkaas ka dhacay bilow guul aad u wanaagsan oo ah bilowgii shaqada dekadda waa wax aad loogu afarxo hadey riyo ahayd waa ay rumowday” Hoos ka daawo Sawirada . Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir Guddoominayay ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay Warqad ay ku saxiixan yihiin toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka,waxaana warbixinta golaha u arqiyay Xildhibaan Maxamed Soomaali oo guddiga ka mid ah. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan ku-xigeenkiisa Mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamuud Xayir Ibrahim ayaa ka hor akhriyay Golaha Xildhibaanada warbixino caddeyn iyo jawaab u ah eedeyntii loo soo jeedeyay Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda Xuluumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in haba yaraatee wax xaqiiqda u dhow aysan ka mid aheyn Warbixintii Wasaaradda laga qoray, iyadoona isla goobta lagu soo bandhigay Warbixin ay soo saareen 10 xubnood oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka isla markaana ay iska fogeynayaan ku lug lahaasha qorista Warbixinta ku soo baxday Magaca Guddiga Maaliyadda ee Xukumadda lagu eedeeyay in ay lacag malaayiin ah Musuqmaasuqday. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay habraaca loo maro diyaarinta warbixinada isagoo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed. “Warbixin guddi marka golahu la keenayo waa iney soo martaa Guddiga joogtada ah,mana la soo marsiin waana gef,raali gelin baa idinka siineynaa shacabka Soomaaliyeed baa raali gelin ka siineynaa,dalkana meel fiican buu marayaa howl adag oo miisaaniyada 2019-ka noo taala,ansixintii iyo iyo ka doodistii xisaab xirkii 2017-kii,yeynaan waxaan jirin ku mashquulin, yeynaan hay’addaheena isku burburinin, yeynaan Kalsoonida ka qaadin shacabka Soomaaliyeed,intaasi waxaa weeyaan warbixintan habraacii uu xeer hoosaadka qorayay annagu maanaan soo marsiinin waxaa weeye umanna dhammeystirna ee xubnihii soo gudbiyeyna kuma qorna xubnihii la soo wareystayna kuma lifaaqna, waxaa weeyaan waxyaabihii loo baahnaa cadeymahoodana kuma lifaaqna,sidaasi owgeed agendaha ku saabsan warbixinta halkaasi ayuu ku egyahay soo qaadis dambena malahan,”ayuu yiri Guddoomiye Cawad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah oo dhexda loo galay agagaarka Ilbaq, oo u dhow magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe. Ilaa 8 qof ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen dad kale uu ku jiro taliyii guutada 3aa ee ciidamada ibrahim yusuf . Weriyaha Goobjoog News ee Shabeellada dhexe ayaa sheegay inay ciidamadan ay ka yimaadeen magaalada Jowhar, una soo socdeen magaalada Muqdisho, arrimo la xiriira diiwaan-gelinta ciidanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Balcad (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya deegaanka Gololey ee degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamo Milatari ah oo ku sii jeeday degmada Balcad lagu weeraray inta u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo Gololey. Weerarkan ayaa la sheegay in uu qasaare ka soo gaaray ciidamo milatari ah oo saarnaa labo baabuur iyadoo mid kamid ah gaadiidka ay ciidamada saarnaayeen la gubay. Sidoo kale weerarkan ayaa la sheegay in miino ay la qaraxday baabuur nooca raaxada ah balse lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkan. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku sugan deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Milatariga kuwaasoo uu horkacayo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage. Deegaanka u dhexeeya Qalimow iyo Gololey ayaa waxaa hore dhowr jeer lagu weeraray ciidamo Milatari ah iyadoo sidoo kale lagu diley qarax miino labo xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabelle. Caasimada Online Xafiiska Balcad Caasimada@live.com
-
(SLT-Laascaanood)-Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmahaan booqasho ku marayay gobollada bari Soomliland ayaa maanta tegay Magalada laascaanood ee xarunta gobolka sool. In kastoo si weyn loo soo dhaweeyay ayaa haddana waxaa ka dhacay banaanbax looga soo hor-jeeday imaanashaha Madaxweyne Muuse Biixi ee Magalada laascaanood. Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa rasaas ku riday dadka bananaanbaxa dhigayay, walow ayna wax khasaaro ah geysan haddana Ciidammadu waxa ay xabsiga dhigeen tiro dad oo ka mid ahaa banaanbaxayaasha. Gobolada bariga Somaliland ayaa waxa ay saluug weyn ka qabaan saami qaybsiga xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, iyada oo waxgaradka goboladaasi ay marar kala duwan ka hadleen arrimahaasi. Source
-
Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka ah Cabdiraxmaan Beyle oo maanta hor yimid golaha shacabka ayaa difaacay nidaamka maaliyadeed ee wasaaraddiisa, isaga oo sheegay in wax walbo u socdaan sidii loogu talo-galay. Mr. Beyle oo arrintaas ka hadlaya wuxuu yiri “Waxaa maanka ku hayaa ilaalinta shuruucda dalka iyo guud ahaan hantida umadda habka ay u soo gasho, habka lagu maamulo iyo habka loo isticmaalo inay raacsan yihiin shuruucda dalka…waxaan u joogaa in aan ka jawaabo su’aal walbo oo halkan nagala soo weydiiyey, oo number walba inuu been yahay, la been abuurtay, oo meel madow lagu soo qoray ayaan halkan ka sheegayaa”. Cabdiraxmaan Beyle waxaa uu ku dooday in aanu hoos u dhicin lacagii shaqaalaha, oo ay soo xareeyeen sanadkan 3 milyan iyo 700 oo kun, halka uu ahaa 3 mliyan labo boqon iyo 30 kun, waxaa uu sidoo kale meesha ka saaray lacagta Imaaraadka. Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda waxaa uu ka hadlay lacagtii Sacuudiga ee 50ka Milyan, waxuuna arrintaas ka codsaday inay sharaxdo guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryan Cabdullaahi Yuusuf. Maryan oo arrintaas ka hadleyso waxaa ay tiri“Lacagta 50-ka Milyan ah waxaa ay bangiga dhexe soo gashay September 2017-kii, 50 milyan ayey aheyd, xisaabta ay lacagta ku jirto waa xisaab bangiga dhexe ee ma aha mid wasaaradda maaliyadda, innaga ayaa soo wareejin karta, oo xisaab dowladda u gudbin karta, October 5, 2017, wasaaradda amar ayaa nooga yimid la leeyahay 10 Milyan soo wareejiya oo waxaad ku shubtaan qasnadda dowladda, waxaan fulinay October 5, 2017, waxaa dowladda u haray 40 Milyan. 20/11/2017 wasaaraddu mar kale waxaa ay nagu amartay in la soo wareejiyo 6 Mliyan oo lagu shubo qasnadda dowladda, waan soo wareejinay, isla November 20-keeda ayey wasaaraddu nagu soo noqotay waxay na yiraahdeen 4 miliyan soo wareejiya, 4-tii milyan qasnadda dhexe ayaan ku shubnay. Dowladda waxaa ay nagu soo noqday Bishii December 24, 2017 waxaa ay yiraahdeen waxaad soo wareejisaan 10 Milyan, waan soo wareejinay, qasnadda dowladda dhexe ayaan ku shubnay halkaas waxaan ku soo wareejinay 30 Milyan. Wasiirku wuxuu yiri 20-ka milyan lama taabanaayo, halkaas ayey isaga jirtay, wax qarsanna ma aha. 27-kii September, 2018 ayaa wasiirku waxuu noo soo diray amar, uu leeyahay soo wareejiya 5 Milyan, mushaaraadka ayaa kala go’ay, waan soo wareejinay, qasnadda ayaan ku shubnay, oo mushaaraadka ayaan ku darnay, 15-kii malyan xisaabta bangiga dhexe ayey ku jiraa, weli waa taalaa”. Ugu dambeyntii, Mahad Cawad oo shir guddoominayey ayaa raali-gelin biixyey isaga oo ka hadlay in loo baahnaa in warbiixnta ay marto guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, in lala xiriiro cidda ay khuseyso, lana soo raaciyo wareysiyada iyo la dhameystiro dhammaan hab-raacyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta Dood adag ka yeeshay warbixin Maaliyadeedka Miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka. Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa isku khilaafay warbixin ay dhawaan horkeeneen Golaha, taas oo ay ku dhaliileen Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Ugu horreyn Xildhibaan Maxamed Aadan Cali ( Maxamed Soomaali ) oo ka mid ah xubnaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu tabasho ka qabo hanaankii loo maray warbixintii uu soo saaray guddiga uu xubinta ka yahay. Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa xusay in fadhiyada Guddiga Maaliyadda uusan laheyn wax kooram ah. Sidoo kale Xldhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo qeyb ka ah Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa mid sax ah ku tilmaamay warbixintii ka soo baxday Guddigaasi. Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hor hadlay Golaha Shacabka ayaa sheegay in hanaan aan sax aheyn loo maray warbixintiii uu soo diyaariyay guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in hanaan qaldan ay ku timid Golaha Warbixinta Guddiga Maaliyadda, islamarkaana ay soo baari doonaan waxa ka jira warbixintaasi. The post Golaha Shacabka Oo ka Dooday Warbixintii guddiga Maaliyadda Ee Golahaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib: Laba arrin mid ayaa ka dhici doonta ITOOBIYA General Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada ka socda Itoobiya iyo rajada xidhiidh isfaham oo dhex mari kara Itoobiya iyo Soomaaliya. General Jaamac-yare, ayaa qoraal uu luuqada Ingiriisida ku qoray oo uu shalay baahiyay, wuxuu kaga hadlay isbedelada uu gudaha Itoobiya ka bilaabay Raysalwasaaraha Itoobiya Axmed. Qoraalka Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Geeska Afrika soo turjumay wuxuu u dhignaa sidan “Furfurida Abiy Axmed wadaa waxay casuumaysaa ama qasbaysaaba dareenka qofka ay khusayso arrintani, waa arrin aad iyo aad ugu qalanto in si xiiso badan loo eego, Itoobiya hadda waxay taagantahay isgoys, aad ugu eeg halkii uu istaagay Midowgio Soofiyeeti ee hore inyar ka hor burburkiisii, Hortaantii sagaashamaadkii. Gorbachev muu filayn mana uu jeclayn inuu kala firdhiyo nidaamkaas shabakada ahaa ee maamulkii Midowga Soofiyeeti, taas oo laga yaabo inuu ku tixgelinayay horumarkii dhaqan dhaqaale ee bulshadu ay samaynaysay muddo ka badan 70 sannadood, inkastoo uu gaabis ahaa. Laakiin waxa muuqata inuu qiimeyn hoose ku sameeyay inay tahay inaanu ilaabin in nidaamka shabakada ahi uu yahay ka keliya ee uu Midowga Soofiyeeti hayay. Gorbachev, wuxuu soo saaray qorshihiisii caanka noqday ee Prestroik and Glasnaut oo macnihiisu yahay dib u nidaaminta iyo furfurnaanta isagoo si han leh u rajaynayay inuu bedelo aragtidii dhaqan dhaqaale ee markaas ka jirtay midowgii soofiyeeti ee hore iyo in dhaqan gelinteedu ay noqonayso wax tar sii kordhay iyo inuu awoodi midowga soofiyeeti inuu dhaqaale ahaan u babac dhigo kuwa kuwa ka soo horjeeda; waa dadka reer galbeedka’e. Laakiin markii uu furfurmay nidaamkaas shabakada ah, waxa furmay sanduuq aan laga hortagi Karin lana joojin Karin kaas oo markiiba ku hoggaamiyay inuu furfurmo cimlaaqii awooda badnaa oo midwogii soofiyeeti ee hore ahaa. Haddaba hindisaha cusub ee hadda Abiy kuwado Itoobiya waxa uu warka oo kooban noqon doonaa laba midkood. Inuu ku hoggaamiyo xornimada Oromada iyo awood siintooda sharciyeed, ama waxay noqon kartaa xasilooni daro dalka ka dhacda, xataa haddii aanay la mid ahayn midwogii soofiyeeti ee hore, xasilooni darro noocaas ahina wuxuun bay hordhac u tahay burbur dhammaystiran oo dhaca. Oromadu waa bulshada ugu balaadhan qoomiyadaha itoobiya oo dhan, inkastoo ay ka yaryihiin aqlabiyada, qiyaastii waa 40%. Haddii uu hindsaha Abiy keeno dimuqraadiyad run ah oo ah inta badani inay dalka hoggaamoso, Oromadu waxay markasta noqon kartaa isbahaysi muhiim ah (Marka awood qaybsiga laga hadlayo) Haddii dhinaca kalena ay taasi kaahoristaagto dimuqraadiyad lagu dhaqami waayo, isbedelku wuxuu noqon doonaa rabshado iyo xasilooni darro. Marka la eego qadidyada Soomaalida, ku hoos jira xukunka Itoobiya, xaaladoodu wuxuun bay iska sii ahaanaysa sidii dad la gumaysanayo oo aanay muhiim u samaynayn isbedelada ka dhacaya Itoobiya. Soomaaliya iyo Itoobiya waa dalal jaar ah, waxaanay u baahanyihiin inay nabad ku wada noolaadaan, laakiin iskaashi kasta oo macno samaynaya oo labada dal dhex maraa waa riyo inta ay tuumbada kusoo jirta dhimanaysa ilaa inta ay Itoobiya gumaysanayso dhul aad u balaadhan oo Soomaaliyeed iyo dad, (Ogaden). Qaran News
-
Balcad ( Sh. M. Network )-Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya weerar jidgal ah oo Al Shabaab ay ku qaadeen kolonyo mareysay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe. Kolonyadan oo ka koobneyd laba Gaari oo Hoomey ah ayaa la sheegay in lagu rasaaseeyay agagaarka deegaanka Gololey ee gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in Gawaaridaasi ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka soo ambabaxay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Sidoo kale, warar kale ayaa ku warramaya in Gawaaridaasi ay saarnaayeen dad shacab ah, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin wararkaasi. Ugu yaraan illaa 3 Qof oo Rayid ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay weerarkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Dhinaca kale xiriiro aan la sameynay saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Sh/ Dhexe ayaa wax ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan weerarkaasi. Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dhacdadaasi weerarkaasi. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya Wadda xiriirisa magaalooyinka Balacad iyo Jowhar ee gobolka Shabaeelaja Dhexe. The post Weerar jidgal ah Oo ka dhacay duleedka degmada Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay in gabood fallo aad uxun ay ugeysanayso maxaabiista ay ku gurtay Xabsiyada wadankaasi iyadoo ku eedeynayso in ay mucaaradsanyihiin dhaxal suge Max’med Bin Salmaan. Warbixin ay qortay hey’adda Amnesty ee hoos tagta Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in gudaha xabsiyada wadanka Sucuudiga ay ka jirto Nolol aad u xun, dadka maxaabiista ahna ay la kulmaan Tacdiib joogta, halka mararka qaarna ay loo geysto Kufsi, si ay u qirtayaan danbiyo aysan galin. Warbixintan oo ay si wadajir ah kagasoo shaqeeyeen Hey’adaha kala ah Amnesty iyo HRW ayaa la faafiyey isbuucii lasoo dhaafay waxaana lagu wareystay qaar kamid ah dadkii kasoo baxay xabsiyada wadanka Sucudiga ee la xiray bishii May ee aan soo dhaafnay, xilligaas oo xukumada Sucuudiga ay qaadday Xamlo ballaaran oo ka dhan ah dadka kasoo horjeestay siyaasadeeda, oo isugu jira saxafiyiin, dad u dooda xuquuql insaanka, Barayaal Jaamacadeed iyo Wadaado ku sugna gudaha wadankaasi. Xabsiga Thahban ee ku yaal xeebaha Badda Cas ee marta galbeedka wadanka Sucuudiga ayaa lasheegaya inuu kamid yahay xabsiyada ugu daran ee dadku Tacdiibka kula kulmaan, halkaas oo saraakiisha Sacuudiyanka ah ay ku isticmaalaan Koronto qofka looga dhajiyo Madaxa, Gacmaha iyo Lugaha iyo garaacis caadi ah oo Baarayaashu ay adeegsanayaan Karbaash, waxana laguso warramayaa in qaar kamid ah maxabista halkaas ku jira ay ka quusteen Socod, halka qaarkoodna aysan xitaa istaagi Karin. Ilaalada xabsiga ayaa maxaabiista qaar ku xira oogada sare ee xabsiga oo ah goob Shamiinto ah oo banaan, oo aan laheyn gabbaad laga galo qorraxda kadibna halkaas ayay dhambacaad u jiifayaan oo maalinkii ay qorraxdu kula dhacdo, arrinkaas oo sababay in qaar kamid ah maxaabiista uu jirkoodu gubto maqaarkana uu ka dhoco. Haweeney muslimad ah oo ku jirta Xabsiga Thahban ayaa warbixinta lagu sheegay in ay la kulantay Kufsi ay u geysteen Baarayaal Sucuudiyaan ah oo wajiga soo xirtay, arrinka noocaas ahna waxa uu noqday mid waayadan dambe kusoo badanayay dhagaha dadka musliminta ah ee kudhaqan gudaha wadanka Sucuudiga ee eheladooda ay ku xiran yihiin xabsiyada wadankaasi. Sababaha dadka loo tacdiibayo ayaa lagu sheegay in hey’adaha sirdoonka iyo kuwa maamula xabsiyada ay ka doonayaan qofka maxbuuska ah inuu qirto dambi uusan galin, ama uu ballan qaado in uusan mar dambe mucaaradi doonin go’aan kasta oo kasoo baxa dowladda, mararka qaarna waxa ay tacdiibiyaan dad ay sheegeen in ay dhaqan celinayaan oo ay diideen towbadi ay dowladu usoo bandhigtay. Waxaa jiro maxaabiis badan oo ku jira xabsiyada wadanka Sucuudiga, kuwaas oo aan loo ogolaan inay qabsadaan abuu kaate u dooda xuquuqdooda, sidoo kalena aan loosoo jeedin wax Tuhmo ah, loona diiday in ay la kulmaan ehaladooda arrinkaas oo isna ah dhibaatoyinka kajiro wadanka Sucudiga. Xamlada lagu xirxiray dadkan ayaa soo bilaabatay Bishi May ee sanadkan 2018ka, waxa ayna saameysay In badan oo kamid ah culumada wadankaas, barayaal jaamacadeed, Saxafiyiin iyo dad badan oo kazoo horjeestay siyaasadaha uu la yimid dhaxal sugaha wadanka Sucuudiga maxamed bin salman. Warbixintan ayaa kusoo aadeysa xilli dowlada Sucudiga ay wajaheyso cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dowladaha caalamka, kaas oo salka ku haya dilkii Wariye Jamal Khashogji, kaas oo ka dhacay gudaha Qunsiliyada sucuudiga ee magaalada Istanbul, dilkaas oo la sheegay inuu ka danbeeyey Maxamed Bin Salman. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xubnaha guddiga joogtada ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday qodobo ka mid ah shaqooyinka hor yaalla Golahaasi. Kulankan ayey xubnuhu uga doodeen ka tashiga kordhinta xubnaha guddiyada waxaana la go’aamiyay in guddoonka iyo guddiga xeer hoosaadka ay dib ugu laabtaan arrintaas, si ay uga soo tala bixiyaan. Sidoo kale Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay ajandaha kulanka todobaad ee Golaha, waxaana uu ku saabsan yahay kulankaasi oo dhici doona Isniinta soo socota akhrinta labaad ee Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa. Xoghayaha Golaha Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa Saxaafadda u sharraxay kulanka kadib waxyaabihii diirada lagu saaray kulankaasi. Maalinta Isniinta ah ee todoobaadkan ayey akhrinta labaad marin doonaan Golaha Aqalka Sare Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa. Haddii uu dhaqan galo Sharcigan waxaa dalka ku yaraanaya falalka wax isdaba marinta iyo xatooyada ah, kuwaas oo ragaadiyay dadka Soomaaliyeed. The post Guddiga joogtada Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Falanqeeyayaal dhanka siyaasadda ah ayaa ka hadlay isbedalka xilligan ka socda geeska Afrika iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland. Qaarkood waxa ay sheegeen in saameyn uu ku yeelan karo Somaliland, halka kuwo kalena ay tilmaameen inaanu wax saameyn ah ku yeelan karin Somaliland. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa magaalada Cape Town ee dalka K/afrika waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo halkaasi ganacsi ku lahaa. Sida ay sheegeen dad ku dhowaa halka dilkan uu ka dhacay, burcaddan ayaa gudaha u galay xarun ganacsi oo uu ku sugnaa muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabayey Hilaal Xirsi Jaamac, kadibna ay halkaasi ku toogteen. Raggii dilka ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada Booliiska ee dalkaasi. Waxaa kordhay dilalka loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka K/afrika, iyadoo aanay jirin wax ay arrintaasi ka qabatay dowladda dalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shil geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay gobolka Mudug, kadib markii uu rogmaday gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidamo la socdeen. Gaarigan ayaa ka yimid dhanka degmada Cadaado, wuxuuna kusii socday magaalada Gaalkacyo, isaga oo ku rogmaday deegaanka Saddex Xiglo. Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhintey Labo qof, waxaana dhaawac uu kusoo gaaray 12 sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah. Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo si xaaladooda caafimaad wax looga qabto. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com