Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,016
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, qeybta 27-aad ayaa sheegay in meel gabagabo ah ay mareyso qorshe la doonayo in duqeyn dhanka cirka ah laga fuliyo meelaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Hirshabelle. Taliyaha Qeybtan, Jeneraal Maxamuud Maxamed Calin Koronto ayaa isaga oo ku sugan B/weyne wuxuu sheegay in arrintan duqeynta ah ay kala hadlayaan dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti. Wuxuu sheegay in markii la isku soo raaco arrintaasi ay warbixin kula laaban doonaan dowladaha dhanka ammanka ka taageera Soomaaliya. Sidoo kale, Taliye Koronto ayaa sheegay iney ka go’an tahay in Al-shabaab laga saaro dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Hirshabelle. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Hiiraan-Taliska-27Xogga-Dallka-oo-shegay-in-aay-wadaan-qorshe-Duqeymo-ah-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Addis Ababa (Caasimada Online) – Berhe Tesfay, qunsulkii hore ee Itoobiya ee Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay yihiin cadow kuwa doonaya inay xumaan kala dhexdhigaan xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland, isla markaana caddeeyey inaanu jirin wax isbedel ah oo ku yimi. Mr. Tesfay, Qunsulkii hore ee dalka Itoobiya oo xilligan ku sugan caasimada Addis Ababa, ayaa sheegay inuu marwalba sii xoojin doono xidhiidhka labada dhinac, waxaanu yidhi, “Xoojinta xidhiidhka labada dhinaca marwalba xooga ayaan saari doonaa, runtii dad cadow ah ayaa doonaya inay xumaan kala dhexdhigaan Itoobiya iyo Somaliland, xilligana xafiiskii Itoobiya ee Hargeysa waa sidii hore ayuu u shaqeeyaa” Ayuu yidhi, Mr Tesfay, isagoo raaciyey, “Xidhiidhka labada dhinac, halkuu marayo xilligan meelo ka sii horumarsan ayuu gaadhi doonaa, laakiin kuwa beenta qoraya, inay naftooda runta u sheegaan ayaa wacan” ayuu yidhi Mr Tesfay, isagoo dhaliilayey warbaahin maalmahii u dambeeyey qorayey in xidhiidhkii Itoobiya iyo Somaliland soo dhamaaday. Qunsulkii hore Itoobiya u joogay Hargeysa Mr Tesfay, oo khadka telefoonka ugu waramay weriye Maxamuud Walaaleye, oo ka tirsan wargeyska Geeska Afrika, isagoo ku sugan Addis Ababa, ayaa isweydiiyey sababta warbaahinta qaarkood wararka been-abuurka u baahiyaan, waxaanu yidhi, “Qof kastoo baahiya war been ah, waa inuu caddeyaa, hadaanu xaalad waali ah ku sugnayn,” ayuu yidhi, Mr Tesfay, isagoo daba socday qoraal usbuucii hore mareegta Somalilandsun ku baahisay in Qunsulkii hore Itoobiya u fadhiyey Hargeysa lagu xidhay Addis Ababa, halka mareegta AlleastAfrica, baahisay in Itoobiya xidhayso xafiiskooda Hargeysa. Mr Tesfay ayaa ballanqaaday inuu marar dambe socdaalo ku iman doono Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida danjire Nicholas Haysom, ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayo sidii ay kulan fool-ka-fool ah u yeelan lahaayeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Ma jiro wax war ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan, laakiin sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergaygan oo dhawaan xilka kala wareegay ergaygii hore ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Biixi iyo Farmaajo, waxa la sheegay inuu u soo bandhigay doonistiisa ah inay yeeshaan kulan toos ah si dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka ku yimid. Laakiin lama garan karo inuu weli labada madaxweyne ku qanciyay qorshihiisa ah inay kulmaan. Sida ay xogahani sheegeen danjire Nicholas Haysom, oo ah diblomaasi khabiir ah, wuxuu doonayaa inta aanu sannadka dhammaanin inuu kulansiiyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaanay wararkani intaas ku darayaan inay suurtogal tahay in kulanka labada madaxweyne ka dhaco dalka Koonfur Afrika oo uu danjire Nicholas Haysom dhalasho ahaan ka soo jeedo, waase haddii ay Somaliland iyo Soomaaliya isla gartaan inay wada hadalo bilaabaan. Kulankan ayaa lagu sheegay inuu noqon doono mid loogu gogol xaadhi doono inay dib u bilaabmaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay bishii March ee sannadkan oo la filayay inay Biixi iyo Farmaajo ku kulmaan dalka Djibouti. Kulankaas Djibouti waxa hakiyay mawqifkii ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay maalgashiga DP world ee dekedda Berbera. Lama saadaalin karo in kulanka uu ergayga Qaramada Midoobay dhexda u xidhay qabsoomi doono iyo inuu fashilmi doono sidii kulankii hore u qorshaysnaa. Madaxweyne Biixi ayaa toddobaadkan khudbad uu ka jeediyay magaalada Burco wuxuu meel adag iska taagay wada hadal u bilaabma Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid go’aanka Madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay inaanu Madaxweyne keligii xaq u lahayn inuu joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Kulanka ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni. Kulankaasi oo inta badan looga hadlay xiriirka labada dal ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday isbadalka geeska Africa oo dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ay hormuudka ka yihiin. Musaveni, ayaa shaaciyay inuu taageersan yahay isbadalka ka bilowday Geeska Africa oo hogaamiyaasha dalalka Soomaaliya Ethiopia iyo Eritrea ay bilaabeen. Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Eriteria iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Isbadalka Geeska Africa ayaa la qorsheynayaa in la balaariyo dalalka qeybta ka ah , waxaana hadda u dhow inay ku biiraan dalalka Sudan iyo Jabuuti, kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa. Uganda ayaa kamid ah dalal ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya, waxaana madaxweyne Farmaajo uu dhigiisa dalka Uganda uu kala hadlay horumarinta amaan ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Wasiirka maaliyadda jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shalay hortagay golaha shacabka ayaa ka jawaab celiyey oo iska difaacay eeddii musuq maasuq ee loo soo jeediyey xukumadda iyo gaar ahaan wasaaradiisa. Dhammaadkii toddobaadkii hore ayey ahayd markii ay gudiga maaliyadda soo saareen warqado dhaadheer oo ay ku sheegeen in Xukumadda ay musuq dhex bartanka uga fadhido, oo ay jiran lacago ka badan 40 Milyan oo aan xisaab celintooda lagu soo darin miisaaniyada 2019. Hase ahaatee, hadal jeedintii Beyle ee shalay waxa ay ceeb wey dhex fariisiyey gudiga maaliyada ee soo eedeeyey. QODOBADDII UU BEYLO KA HADLAY Wasiirka maaliyadda waxa uu ka hadlay oo wali so qotodheer u qaadaa dhigay saddex qodob oo tiir dhexaad u ahaa dooddii gudiga maaliyadda waxa ayna kala ahaayeen; 1 – Lacagtii Sucuudiga 2 – Lacag Imaaraad 2 – Lacagtii laga soo uruuriyey shaqaalaha Qodobka kowaad, Dhaqaalihii ka soo uruurayey dadka shaqaalaha oo hoos u dhacay Wasiir Beyle waxa uu ku nuux nuuxsaday qodobkii ku saabsanaa lacagtii laga soo uruuriyey shaqaalaha rayid-ka ah ee canshuur ahaan ugu soo aaday oo ay gudiga sheegeen in uu hoos u dhacay. Beyle waxa uu sheegay in tilmaanta (Benchmark) mudddo sideed bilood ah la siiyey ayaa lagu rabay 3230 00 (Saddex milyan iyo laba boqol iyo sodon Kun) balse ay soo saareen 3,700,000 (Saddex milyan iyo todobo boqol oo Kun). Beyle waxa uu sidoo kale caddeeyey in arintan ay wax ka ogaadeen Bangiga Aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka oo waliba ku bogaadiyey dowladda tallaabadaas. Halkaa waxaa ku cad, in gudiga maaliyadda baarlamaanka ay gebi’ahaaba ka hoos baxday oo aysan xogtoodu ahayn mid xaqiiqda salka ku haysay kana muuqatay fideed. Qodobadka labaad, Lacag laga sugayey Imaaraadka! Warqadda ay soo saareen gudiga maaliyadda waxaa ku qorneyd in ay jireen lacago laga sugayey Imaaraadka balse aysan wasaaradda maaliyadda meel ku sheegin balse Beyle oo u muuqday mid yaaban ayaa sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo ka soo gaartay Imaaradka gebi’ahaanba. Beyle waxa uu ka dalbaday in cidda meel k sheegi kartaa in Imaaraadku lacag keenay ay isaga iyo bulshada Soomaaliyeed la wadaagaan! Qodobka ka saddexaad iyo lacagtii 50-ka Milyan ahayd ee Sucuudigi ku deeqay Gudiga Maaliyadda ee soo eedeeyey Beyle waxa ay sheegeen in 50-kii Milyan ee ay Sucuudigu soo siiyeen Soomaaliya ku dhacday Bangiga Dhexe oo 20 milyan oo ka mid ah la’lahay. Hase ahaatee, Beyle in uu ka jawaabo su’aashaas iyo eeddaas aad ayey ugu fududeyd, waxa uuna uga nixiyey gudigi soo qoray warqadda In marka horeba xogta ka qaldan tahay oo lacagta si toos ah loogu shubay Bangi ku yaal dalka Turkiga oo laga maamulo! Taas waxa ay ceeb ku noqotay gudiga baarlamaanka ee maaliyadda oo bulshada u soo bandhigay xog aan la soo shaadheyn oo hadda u muuqatay mid laab lakac lagu soo dhoodhoobay. Yeelkeede, sida uu Beyle sheegay wax ay guud ahaan dhabar jab ku noqotay warqadahaas bulshada iyo warbaahinta lala wadaagay dadaalkii uu dalka ugu jiray sidii deynta looga cafin lahaa. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaalkii dhawaan ka goostay Somaliland Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano Korneel Caare, ayaa ku hanjabay inuu dhawaan weerari doono magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in weerarka uu ku qaadayo magaalada Hargeysa inuu ku beegsan doono masuuliyiinta maamulka Somaliland gaar ahaan golaha wasiirada. Korneyl Caare, ayaa sheegay inay garanayaan seddexda meelood ee laga weeraro magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in ciidamo taabacsan jabhadiisa inay ku sugan yihiin bartamaha magaalada Hargeysa. Sarkaalkaas ayaa la aaminsan yahay inay Puntland taageersan tahay, waxaana markii uu ka goostay Somaliland uu fariisin ka sameystay Magaalada Qarsho duleedkeeda, iyada oo ay siweyn u soo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland. “Maska madaxa ayaa laga dilaa, waan weerareynaa magaalada Hargeysa waxaana beegsan doonaa dadka masuuliyiinta ah ee duminaya qaranka, jabhaddu ciidamadeeda meelo badan ayay joogaan”ayuu yiri Korneyl Caare. Somaliland oo nabad aheyd 20 kii sano ee ugu dambeeyay ayaa hadda dareemeysa cid ku carqaladeyn karta amaanka magaalooyinka, haddii aan xal laga gaarin saraakiisha careysan ee kagoostay Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa sheegatay inay door ku laheyd guulaha amaan ee dalka Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Jooga dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Dowladda Masar ayaa sheegtay in Kaalin muhiim ah oo waxqabad muuqda ka dhalatay ay ka qaadatay Nabad ilaalinta Dalal Soomaaliya ay kamid tahay oo ay joogaan Ciidamadeeda, sida lagu sheegay warbixinta. Wargeyska AlFajar oo ah wargeys todobaadle ah oo kasoo baxa magaalada Qaahira ee daka Masar ayaa shaaciyay xog uruurin ay ka sameeyeen Ciidamada Masaarida iyo habka ay ugu howlgalaan Nabad ilaalinta. Dowladda Masar waxay sheegtay in ciidamadeeda ay tageen dalalka saxaraha ka hooseeya iyo kuwa Qaarada Africa, iyaga oo hoos tagaya howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay. Dowladda Masar ayaa sheegtay in ciidamadooda aysan marnaba joojin dadaaladooda nabad ilaalinta ah ee ay ka sameeyeen dalal Soomaaliya ay ku jirto. Masar waxya sheegtay in ciidamadeeda ay tageen gobolka Daarfuur, Somalia, Jaziiradda Comoros, Ivory Coast, Angola, Mozambique, Liberia, Burundi, Rwanda iyo Dalka Bosnia and Herzegovina oo ay ka tageen Caasimadda Sarajevo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro Joogto ah ka fuliyay bilihii ugu dambeeyay wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo wadada loo galay gaadiid ay la socdeen ciidamo ka yimid dhanka degmada Jowhar. Kororka Awooda Al-Shabaab ee deegaanada u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar ayaa la sheegayaa inay u sabab tahay deegaano ku dhow degmooyinkaasi oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin, iyadoo aan halkaasi lagu weerarin. Waxaa sidoo kale la sheegaa inay sabab u tahay isticmaalka wadadaasi ee madaxda Hirshabeelle oo aad u badan, taasi oo caqabad ku noqon doonta masuuliyiinta Hirshabeelle, maadaama muddooyinkaan ay halis noqotay ku safridda wadadaasi. Warar kale ayaa sheegaya in gaadiidka Dadweynaha aan la gaarsiin wax dhibaato ah, iyadoo la baaro dadka saaran, waxaana laga qaadaa Canshuur, sida darawalada qaar ay sheegeen. Haddii xaaladda wadadaasi sidaa ku socoto waxaa halis isku socodka gaadiidka magaalooyinka Muqdisho iyo jowhar, iyadoo qorshaha uu yahay in dhawaan halkaasi dhismo lagu bilaabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada xooga dalka ayaa bilaabay inay safaro ku tagaan gobolada dalka Soomaaliya iyaga oo doonaya inay hergeliyaan nidaam ciidamada ay yeeshaan. Abaanduulaha ciidamada xooga dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu doonayo inuu ka sameeyo nidaam ciidamada xooga ay mushaaraadkooda ku qaataan. Gobolka Hiiraan waxaa ka howlgala Guutada Shanaad ee ciidamada xooga dalka, waxaana magaalada Beledweyne saraakiisha Guutadaasi kula kulmay abaanduulaha ciidamada xooga dalka. Ujeedada koowaad ee ay saraakiisha ciidamada u tageen magaalada Beledweyne ayaa ah tirakoob lagu sameeyo Ciidanka Xoogga dalka si akoono ugu qaataan mushaarkooda iyo waliba awooda ciidanka. Sidoo kale Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay doonayaan inay ogaadaan tirada saxda ah ee ciidamada ku sugan gobolka Hiiraan si loogu joogteeyo ciidamada mushaarkooda. Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka go’an tahay fulinta amarkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in laga wada shaqeeyo taakuleynta iyo dhiira gelinta Ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jira Dagaalamayaasha Al-shabaab. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. 1.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah oo hal maalin ku tagay Jamhuuriyadda Uganda 24-kii Nofeembar, 2018, kaddib markii uu martiqaad ka helay Mudane Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda. Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxaa Qasriga Dowladda ee Entebbe ku qaabilay Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. 2.Labada Madaxweyne soo dhoweyn diiran kaddib, waxay wada hadal rasmi ah ku yesheen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo Khuseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka. 3.Labada Madaxweyne waxay qireen xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaas oo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan. Si gaar ah waxay isla eegeen dhinacyada iskaashi, gaar ahaan nabadda, amniga, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga. 4.Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa uu xaaladda Soomaaliya uga warbixiyey Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. Waxa uu xusay in xaaladda amni ay si xoog leh uga soo raysay marka laga yimaaddo hawlgallada Alshabaab ee Koonfurta, khilaaf sokeeye oo marar dhaca, dacaayadaha aan salka laheyn iyo waxyaabaha kale ee nabadda carqaladeeya. 5.Waxa uu bogaadiyey iskaashiga dhinaca Difaaca ee xaaladda kala guurka ah, iyo taageerada ay AMISOM fidiso inta lagu jiro xilliga kala guurka ah. Waxa uu xusay horumarka wanaagsan ee laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eriteriya, iyada oo loo marayo Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku adkeeyay wada shaqayntu in ay fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda waddan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la eegayo goobta istaraatiijiga ah eey ku taalo. 6.Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. 7.Madaxweye Museveni ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ku bogaadiyey in ay wakhtigii loogu talagalay ku dhammaystireen heshiiska saddex-geesoodka ahaa ee bishii Sebteembar, 2018; isaga oo xusay in ay tani ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee sugidda amniga, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. 8.Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni waxa uu Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uga mahadceliyey aqbalaadda martiqaad sharafeedka uu u fidiyey iyo wadahadalladii miradhalka ahaa ee ay yeesheen. Intaas kaddibna waxa uu wafdiga Soomaaliyeed ku casuumey qado, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay ka bogtaan quruxda Uganda inta aanay safrin. 9.Dhankiisana, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa muujiyay mahadcelin iyo qaddarinta uu u hayo Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aaddan soo dhoweynta iyo marti soorka diirran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Bayaankan waxaa lagu qoray Qasriga Dowladda ee Entebbe, 24-ka bishan Nofeembar, 2018. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Maxey kawada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Yoweri Museveni appeared first on Puntland Post.
  11. Malmö(Sh M Network) – Wadi uu hogaaminaayo Wasiirka Waxbarashada DFS Mudane Cabdullahi Goodax Barre oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Jaamacada Umadda Soomaaliyeed Prof. Axmed Maxamed Jimcaale iyo Hormuudka Kulliyada Waxbarashada iyo Culuunta Bulshada Drs. Fowsiyo Cabdiraxmaan Warsame oo Maalmahan ku sugnaa Dalka Sweden ayaa kulan balaaran la qaatay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Malmö ee Dalka Sweden, Kulankaa oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Urarada Soomaalida ee loo yaqaan Allians Förbund. Wasiirka Waxbarashada oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey Horumarka ay ku talaabsatay Dawladda FS gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha Caafimaadka iyo Waxbarshada wuxuuna tilmaamay in hawlo kale oo badan ay Dawladda FS ay ku talo jirto sidii ay wax uga qaban lahayd. Cabdullahi Goodax Barre waxa uu dhinaca kale ka daldabaday Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Malmö inay ka qaybqaataan Horumarinta Dalka gaar ahaan Maalgashiga oo uu sheegay in Xukuumada uu ka tirsan yhay ay diyaar u tahay dhiirigelinta Qurbo joogta doonaysa inay maalgelin ku sameeyaan Dalka, wuxuuna ku booriyey inay u midoobaan sidii dalka looga saari lahaa marxaladda uu haatan ku jiro loona sii gudbo mid ka sii wanaagsan. Dhinaca kale waxaa iyagana halkaasi ka hadlay dad kala duwan oo matalayey qaybaha Bulshada waxa ayna taageero u muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin Dawladda FS, waxa ay sidoo kale muujiyeen inay diyaar u yihiin sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarinta Dalka. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Mubaarak Cabdiraxmaan oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Aqalka Hoose Magaalada Malmö iyo Cabdulqaadir Future oo ka mid ah Maamulka Gobolka Skåne ayaal abadooduba waxa ay si guud uga warbixiyeen Marxaladaha ay ku sugan yihiin Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada isagu uu metelo. Masuuliyiin ka tirsan Dallada Ururada Soomaalida ee loo yaqaan Allians Förbund ayaa faahfaahin ka bixiyey waxqabadka Dallada waxa ayna xuseen in dalladu ay ka shaqayso Dhiirigelinta Waxbarashada, is dhexgalka iyo Horumarinta bulshada, shaqo abuurista, ka hortaga Maandooriyaha, iyo Wacyigelinta Amniga. Dallada Allians Förbund ayaa waxa ay la shaqaysaa Hayadda loo yaqaan NBV oo ka mid ah 10 Hayadood ee Dalka Sweden ee ka shaqeeya Waxbarashada Bulshada ee aan iskuulada ahayn. Kulankaasina waxa uu ku soo gebageboobay si heer sare ah. Daawo Sawirada. The post Wasiirka Waxbarashada ee DFS oo kulan Ballaaran La yeeshay Jaaliyada Malmö ee Dalka Sweden (Sawiro) appeared first on Shabelle. View the full article
  12. (SLT-Hargaysa) Madaxweynihii hore ee dalak Zimbabwe Robert Mugabe oo 94 sano jir ah ayaa la sheegay in xaalad caafimaad darro ay soo wajahday isagoo gabay socodka. Hoggaamiyaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa meel fagaare ah ka sheegay maanta in xaalada caafimaad ee Mugabe aysan wanaagsanayn muddo labo bilood ahna lagu daweynayo isbitaal ku yaal dalka Singapore. “Dabcan isagu hadda waa oday da’ ah, ma awoodo inuu socdo laakiin wax walba oo uu na weydiisto aan siineynaa.”ayuu Mnangagwa ugu sheegay boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa magaalada Zvimba oo ah oo `100km galbeed ka xigta caasimada Harare ahna halka uu ka soo jeedo Mugabe. “Waan xanaaneyneynaa aabihii aasaasay Zimbabwida Xorta ah.”ayuu sii raaciyay Mnangagwa. Hase yeeshee Madaxweynaha Zimbabwe ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin xaalada caafimaad ee Mugabe kaasoo xukumayay wadanka Zimbabwe muddo ku dhow afartan sano laga soo bilaabo sanadkii 1980kii. Mugabe ayaa la filayay in horaanta bishii hore ee Oktobar uu ka soo laabto dalka Singapore hase yeeshee xaalad caafimaad awgii ayaa loo baahday inuu sii joogo bil kale sida uu sheegay Mnangagwa. Hase yeeshee waxaa la filayaa in dhamaadka bishan November uu dib ugu soo laabto dalkiisa. Bishan ayaa waxa ay ku beegan tahay sanadguuradii koowaad markii Mugabe uu iska casilay xilka madaxtinimo kadib markii Milatarigu uu farogelin ku sameeyay maamulka dalkaas. Bishii July ee sanadkan ayaa doorasho ka dhacday dalka Zimbabwe waxaa si dirqi ah ugu guuleystey Madaxweynaha 75jirka ah ee haatan hogaanka haya Mnangagwa. Source
  13. Dad badan baa bartan kusoo qoray Muuse nabad ayuu ayuu qaatay markii uu galay Laaska. Anigu ma qabo sidaa. Muuse waligii nabad ma qadanayo waayo Muuse nolosha kama amminsana nabad iyo barwaaqo. Lou Walter wariye la yidhaa ayaa Hillary Clinton u fiirsaday waagii ay Senat-ka soo gashay. Qudbadeedii ugu horaysay, 19 jeer ayay isticmaashay YOU KNOW hal mar ayay 3 jeer isticmaashay YOU KNOW! Aa ayaa iyaduna hadhaysay hadalkeeda. Aniga oo Walter isticmalaya farsamadiisa, waxa aan maanta tiriyey kalmadaha uu isticmaalay Muuse markii uu Sool joogay. Nabad waxa uu isticmaalay: 14 jeer Barwaaqo, horumar iyo khayr: 6 jeer Midnimo iyo iskaashi: 2 jeer Caqliga: 2 jeer. Kalmadahaas oo dhan wanaag weeye, wadartoodu waa 24 jeer. Muuse hadaba waxa kale oo uu isticmaalay ereyo qadhaadh oo abuuraya jawi foolxun. Hoos kaga bogo. Collaad: 6 Dagaal: 3 Abaar: 4 Muran/ Puntland iyo Somaliland : 3 Aargoosi: 2 Masiibo: 2 Xabad: 3 Naxdin: 3 Geeri: 1 Goblan: 1 Qori: 1 Qasab : 1 Cabudhin: 2 Jabhad: 1 Khalkhal: 1 Dhibaato: 1 Cimilo xumaatay: 1 Wadarta kalmadaasi waa 36. 24 wanaag ah 36 xumaan ah 12 jeer ayay xumaanta uu gudbiyey dheertahay wanaaga uu sheegay. Siyaasigu waxa uu ka hadlaa wanaag, rajo iyo horumar. Siyaasigu ma aha mid bilaa kalsooni ah oo mar walba yidhaahda: Sidaa ayaa la yidhi, ana waxa aan ka idhi sidaaa! Hadaad raadinaysid wanaag; wanaag baa laga hadlaa. Qof waanaag raadinayaa collaad iyo abaar kama sheekeeyo. Source
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-Wararka-241118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay warbixintii guddiga maaliyadda baarlamanka ee musuq maasuqa ku eedeysay xukuumadda Kheyre, iyo is-difaacidda wasaaradda maaliyadda ee kulankii baarlamanka ee maanta. Hoos ka aqriso qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook. Axmed Macallin Fiqi: NINKII DHUUMANAAYEE DHABARKIISU MUUQDAY! Warbixintii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, jawaab loogama dhigi karo; 1. In Xubnihii guddiga maaliyadda la kala jabiyo. 2. In Wasaaradda Maaliyadda ay warbixinno cay, aflagaado iyo heeso Golaha ka hor jeediso, ayagoon si waafi ah u bixin jawaabaha eedaymihii loo soo jeediyey. 3. In xildhibaanadii wasiirada ahaa qasab looga dhigo in ay shirkii maanta tagaan, sacbiyaanna marka ay maqlaan hadal u roon, iyo 4. In guddooomiye ku xigeenka labaad oo kulankii maanta shir guddoominayey uu golaha afduubo, ajandihii maanta la ansixiyeyna uusan xildhibaanada ka baxsan guddiga maaliyadda fursad u siin ay uga hadlaan. Waxaa kulankii maanta ee golaha shacabka ka muuqday in aan la ogolayn isla xisaabtan iyo daahfurnaan ka dhex-dhacda golayaasha barlamaanka iyo xukuumadda, laakin madaxda iyo wasiirka maaliyadda la arkay ayagoo shacab ay meel ku soo xaraysteen dhex-fadhiya oo ku celcelinaya “Nala xisaabtama” iyo shacabka ayaa na xisaabinaya ayadoo taas ay manta dhabowday. Kulankii maanta waxaa ka muuqday, isku dhexyaac wasaaradda maaliyadda ah, kalimado is-difaacid ah oo loo xoogayey wasaaradda maaliyadda ayadoon ajandihiiba la guda-galin, caburin xildhibaanada uu ku sameeyey ku simaha guddoomiyuhu iyo in la keeno golaha warbixinta guddiga maaliyadda oo uu guddoomiye ku xigeenka labaad dusha u saaray guddoonka golaha shacabka, cudurdaarna uu ka sameeyey. Waa wax laga xumaado in kulankii maanta uu sidaas ku soo gabagaboobo, kaasoo ay aheyd in wasaaradda maaliyadda su’aallo badan oo ku saabsan warbixintii guddiga la weydiiyo, laakin in wasaaraddii iska hadasho ayadoon cidna wax weydiin, xildhibaanadiina afka la qabto, waxaan u malaynayaa in ay tahay nidaamka cusub ee isla xisaabtanka dawladeena. Kulankii maanta ayaa daliil ugu filnaa umadda Soomaaliyeed in ay jirto wax dahsoon oo la daboolayey, ayadoo xaalku u ekaa ninkii dhuumanaayee dhabarakiisu muuqday.
  16. Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa lagu wadaa inuu booqdo Dalka Kanada Sanadka cusub bilowgiisa. Sida xogta aan ku heynobRaysal wasaaruhu wuxuu Canada u tagayaa inuu u sharaxo kana raali gamiyo hadalo kasoo yeerey Villa Soomasliya kadib markii Sacuudiga iyo Canada ay Safaaradaha kala qaateen,Sababtoo ah muran lawada wadan ka dhex qarxay kadib markii ay Sacuudigu Xireen ayna jirbdileen Dad Dhalashada Canada heysta Villa Soomaaliya ayaa xiligaas waxay soo saareen Warsaaxafedeed ay la safteen Dacuudiga. Warar hoose oo Puntlandi heleen waxay svhegayaan in Canada ay si tartiib tartiiba ay u joojisay kaalmadey siineysay Soomaaliyai iyadoo arintaas lala xiriirinayo. Safarka Raysal wasaaruhu ku aadi doono Canada ayaa ah mid Canada lagu raali galinayo. Canada waxay Soomaaliya kacaawisaa dhismaha iyo dib habeynta Hay’daha dhaqaalaha. Xiriirka Dublamaasiyadeed ee Canada iyo Soomaali wuxuu soo bilowday Sanadii 1963 , Wuxuu dib u istaagay 1991 markii Xukuumadii dhexe ee Dalka burburtay. Sanadkii 2013-kii ayaa Canada dib u furtay Xiriirka Dublamaasiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya 2013 laakiin tan iyo burburkii Soomaaliya waxay qayb weyn ka qaadaneysay kaalmeynta Soomaaliya. Puntlandi.com Nairobi Source
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo ka dhacay degaanka Golaley oo ku yaala wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, maanta oo Sabti ah. Wareerarka oo ku bilowday qarax ayaa lala beegsaday kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Inta la xaqiijiyay Sagaal askari ayaa ku geeryootay, halka tirro intaas ka badan ay kasoo gaartay waxyeelo dhaac ah, sida ay sheegeen dadka degaanka. Sidoo kale, saddex ruux oo shacab ahaa ayaa la hubiyay inay ku dhinteen qaraxyada oo ay xigtay dagaal fool ka fool ah oo dhex-maray xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Ma jiro wax hadal ah oo ku aadan dagaalka iyo qaraxyadda oo kasoo baxay dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab. Inta badan wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad waxaa ka dhaca falal noocaan ah, kuwaasi oo ay Al-Shabaab ku beegsato gadiidka ay saaran yihiin masuuliyiinta HirShabelle iyo ciidanka dowladda Soomaaliya. The post Wararkii ugu dambeeyay weerar oo ka dhacay Sh/Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Kooxo hubeysan ayaa Caawa agagaarka Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo halkaasi marayey. Dad goobjoogayaal ah ayaa Warqabadka puntlandpost u Xaqiijiyey in Rag bastoolado ku hubeysnaa ay toogteen Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladdaoo ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo goobta gaaray uma suurta-galin inay gacanta ku dhigaan Kooxdii dilka geysatay,balse waxaa ay halkaasi ka qaadeen Meydka Askariga la dilay. Xasan Maxamed Samatar (Cowke) PUNTLAND POST (Muqdisho) The post Toogasho Caawa ka Dhacday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. 1. At the invitation of His Excellency Yoweri Kaguta Museveni, President of the Republic of Uganda, His Excellency Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo, President of the Federal Republic of Somalia paid a one-day official visit to the Republic of Uganda on 24th November 2018. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo was received at State House, Entebbe by his host His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni. 2. In a cordial and friendly atmosphere, the two Heads of State held Official talks at State House Entebbe, on a wide range of bilateral, regional and international issues. 3. Their Excellencies noted with satisfaction the existing bonds of friendship and mutually beneficial cooperation between the two countries, which they committed to strengthen. In this regard, they reviewed the areas of cooperation particularly in the sectors of Peace and Security, Education, Trade, and Investment. 4. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo briefed His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni on the situation in Somalia. He mentioned that the security situation has tremendously improved notwithstanding, the Alshabab operations in the South, despite sporadic local conflicts, the negative propaganda and other spoilers of peace. 5. He commended the transition cooperation in Defence and the support extended by AMISOM in the transitional process. He noted the positive progress made with Ethiopia and Eriteria through the signing of the Tripartite Agreement. He alluded to the cooperation as a timely initiative that will facilitate the resolving of political differences and end conflict in the region as well as boost the economies of the three countries particularly Somalia, given her strategic location. 6. His Excellency President Museveni commended His Excellency President Farmajo and Their Excellencies, President Isaias Afwerki of the State of Eritrea and, His Excellency Prime Minister Abiy Ahmed of the Federal Democratic Republic of Ethiopia for the timely conclusion of the Tripartite Pact in September 2018; noting that this was a step in the right direction in ensuring peace, stability and prosperity of the region. 7. His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni expressed his profound gratitude to His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo for honouring his invitation and for the fruitful discussions held. He invited the Somali delegation to a luncheon and encouraged them to enjoy the beauty of Uganda before their departure. 8. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo on his part, expressed profound gratitude and appreciation to His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni, the Government and People of the Republic of Uganda for the warm reception and hospitality accorded to him and his delegation during the visit. END Puntland Post The post JOINT PRESS STATEMENT ON THE OCCASION OF THE OFFICIAL VISIT TO UGANDA BY H.E MOHAMED ABDULLAHI MOHAMED FARMAJO, PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-241118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda halkaasi oo booqasho hal maalin ah uu ku tagay. Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Kampala. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni. Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimo ay kamid tahay dagaalka Al-Shabaab iyo sidii guulo looga gaari lahaa. Warsaxaafadeed goordhow ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya oo ku qornaa afka ingiriiska ayaa faah faahin looga bixiyay waxyaabaha ay ku wada hadleen labada madaxweyne. Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalo baryihii ugu dambeeysay ku marayay wadamada Talyaaniga Turkiga iyo hadda uu ku suganyahay Uganda. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Kampala lana kulmay Yoweri Museveni appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tagay deegaanka Tukaraq oo ciidamada Somaliland ay kula dagaalameen ciidamada Puntland. Dhaqdhaqaaqa maalmahaan uu ka waday gobolka Sool ayaa dareen ku abuuray Puntland, waxaana ay walaac ka muujiyeen socdaalka uu ku tagay magaalada Laascaano ee gobolka Sool. Taliyaha ciidamada Somaliland oo saxaafadda kula hadlay aagga dagaalka Tukaraq ayaa madaxweyne Muuse Biixi, warbixin ka siiyay xaaladda guud ee deegaanka iyo ciidamada ku sugan farumaha dagaalka, waxaana uu kaga mahadceliyay safarkiisa. Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf oo wafdiga qeyb ka ahaa ayaa amaanay ciidamada Somaliland ee ku sugan Tukaraq, waxaana uu sidoo kale sheegay in safarka madaxweynaha uu yahay mid dhiirgelinaya ciidamada Somaliland. “Hawshaas aad gashaan haku coloolyoobina, haddaad aragtaan guryihiinna iyo dadkiinna oo dayacan haku caloolyoobina, samaha aad gelaysaan, nafta aad u huraysaan iyo dalka waxa aad u qabanaysaan Ilaahay meel kaluu idinka siinayaa markaad si wanaagsan u gudataan, markaa dhibta aad qabtaan dheef-yaraanta jirta iyo hawsha marnaba shaydaanku yuu idinka wisiisiyin,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Wasiir Maaliyuhu Awood ma u Leeyahay in uu Qafil 99 ah ku xidho Qasnadda Dawlada? Kaftanka Dadka Run Baabay Moodeen Malaha!!! Madaxdu lacagtooda iyo adduunkooda ay shakhsiyan u leeyihiin way ku xidhan karaan qasnado adag iyo qafilo 99 ah, laakiin lacagta dawladda kuma xidhi kartaan. Sababta oo ah waxay ku qasban yihiin in ay raacdaan budget ka ama miisaaniyadda Golaha Wakiiladu u ansixiyay; shilling kasta halkii la yidhi ku bixiya ha ku bixiyaan;wuxu yidhi:waa la qafilayaa, meelaha muhiimka ah uun baanu ku bixinaynaa; maanta taas adigaa lagu waydiin maayo, ee ku soco Budget ka; immika ama muhiim ha ahaato ama yaanay ahaane, sidaas baa lagu bixinayaa!!!; Ka kale isaguna wuxu yidhi Kitaab ayaan idinku dhaarinayaa; waar kharashka ku jira miisaaniyadda ee la anisxiyay bixi; waa maxay dhaartu; adigu ma maxkamad baa tahay!!! Waa sharci; ma galayso kaftan; taas waa marka sharci lagu shaqaynayo; miisaaniyaduna waa xeer sharci; Sharciguna ha sarreeyo baynu nidhi; haddii kale dadka u sheega in aad meeshii ka dhigteen dukaan nin leeyahay, ka kalena uu u hayo. Abdo; Good Governance Source