Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,017
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jamaame ( Sh. M. Network )-Sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay in ka badan 15 sarkaal oo ka tirsanaa Al Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale. Duqeynta ayaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanka Hargeysa Yarey ee gobolka Jubbada Dhexe, xilli ay ku shirsanayeen ku dhawaad 30 sarkaal oo ka tirsan Al Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in illaa saddex Gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen xubahaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale warkan ku sheegtay in saraakiisha Al Shabaab ee ku sugnaa halkaasi ay ka mid ahaayeen Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Waliid iyo kuwo kale oo intaasi ka badan. Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramayaa in Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka wadaan nawaaiga degmada Jamaame ee gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa xoogan ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanada Muuse Xaaji iyo Araare oo hoostaga degmadaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay in lagu doonayo in Dagaalyahannada Al Shabaab looga saaro degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi. The post DFS Oo sheegtay in la dilay 15 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  2. The race to occupy the office left by the immediate former Southwest president, Sharif Hassan kicks off officially today as all the presidential candidates are expected to present their papers. Southwest state electoral commission has commenced the nominations of the potential presidential candidates of the state on Sunday. About eight presidential hopefuls are expected to present the papers for clearance until tomorrow. The commission directed the candidates to beat the deadline and submit their applications to participate in the elections scheduled next month. The candidates were urged to comply with the timelines as there would be no extension, according to a statement by the commission. The regional electoral Committee of South West state is expected to hold the state’s presidential election on 5th of next month. The winner of next month will replace the state’s former president Sharif Hassan who resigned on Nov. 7 and withdrew from the upcoming election, after he cited widespread interference of the poll. Major contenders for the presidential election include former finance minister Mohamed Aden Fargeti and Sheikh Mukhtar Robow, a co-founder of the al-Shabab. Robow has since abandoned Al-Shabaab group. The post Southwest State begins registration of the presidential candidates appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo iminka ku sugan dalka Morooco ayaa caawa xeer ilaaliye ka noqonaya cayaarta kama dambeysta ah ee CAF Confederation Cup. Cayaarta finalka ah ayaa dhex mari doonta kooxaha kala ah Raja Casablanca oo dalka Morooco ah iyo Vita Club oo ka dhisan dalka Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga ah ee CONGO. Cayaartu waxay dhacaysaa 8-da fiidnimo waqtiga GMT oo ku beegan 11-ka habeenimo waqtiga Soomaaliya. Guddoomiyaha CAF Axmed Axmed iyo dhamaan xubnaha sar sare ee CAF ayaa cayaartan daawan doona, waxaana isla marka cayaartu dhamaato uu guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab usii safri doonaa dalka Ghana oo uu barri kaga qeyb geli doono shirka guddiga qaban qaabada Africa Cup of Nations. Source: goobjoog.com
  4. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha M/Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay Miino la sheegay in lagu diyaariyay Maqaaxi ku taalla xaafadda Cadaado ee magaaladaasi. Ugu yaraan illaa saddex Qof oo Rayid ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo degaanka ah. Dadka dhaawacmay ayaa kala ah 2 Caruur oo baalashle ahaa iyo Haweeneydii laheyd Maqaaxida uu qaraxu ka dhacay. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in xilliga qaraxu dhacayay goobta ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi. Ammaanka Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, xilli la filayo 5 bisha soo socota ee December in doorasho ay ka dhacdo gudaha magaaladaasi. The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Baydhabo (Caasimada Online) – Sheekh Mukhtaar Rooobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta mar kale la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhaceyso shanta December. Waa markii labaad ee guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay shahaadada siisyaan Roobow, ayada oo guddigii hore ee is-casilay uu beddelay guddi cusub oo qasab ka dhigay in mar kale shahaadada la qaato. Shahaadada la siiyey Roobow ayaa timid kadib markii guddiga go’aamiyeeen inuu xaq u leeyahay inuu doorashada ka qeyb galo, islamarkaana diideen tallaabooyin ay dowladda federaalka dooneysay inay Roobow uga reebto doorashada. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran lagu sarayey in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo uu ka mid yahay Roobow. Xubanaha kale ee la rabay in doorashada laga saaro ayaa ah, Xuseen Cismaan Xuseen, taliyihii hore ee NISA iyo Aadan Saransoor. Sidoo kale Saransoor ayaa isna maanta la siiyey shahaadada musharaxnimo. Tallaabadan ayaa dhabar jab ku noqoneysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo si gaar ah uga cabsi qabto Mukhaatr Roobow, iskuna dayeysay inuusan tartamin. Dowladda federaalka ayaa waxaa ka go’neyd inay tallaabo kasta u qaaddo sidii ay ku xaqiijin lahayd in musharaxa ay wadato ee Cabdicasiis Lafta-gareen uusan la kulmin loolan adag, oo looga adkaan karo. Dowladda ayaa la sheegay inay guddiga ku qasabtay in shuruudaha doorashada lagu soo daro qodobo la rumeysan yahay in Mukhtaar Roobow iyo xubnaha kale aysan buuxin karin, si ay doorashada uga haraan, taasi oo lagu gacan seeray. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  6. Muqdisho ( Sh. M. Newtork )-War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa looga jaawabay eedeyn dhawaan uga timid Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ugu horreyn warkan ayaa lagu beeniyay warbixintii guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, waxaana maamulku warbixitaasi uu ku tilmaamay in ay aheyd mid been abuur ah oo laga lahaa dano Siyaasadeed. Halkan hoose ka Akhriso:- Dowladda Hoose ee Xamar & Maamulka Goboka Banaadir waxuu ugu horeyn beeninayaa warbixintaas been abuurka aheyd oo si ku talagal ah u siyaasadeysneyd taasoo aan ka tarjumeynin xaqiiqada dhabta ah iyo horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ka sameynayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda. Sida ku cad warbixinta ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Qodobkiisa (t) Farqadiisa 9aad oo ay ku sheegeen in Dowladda Hoose ee Xamar ay soo gashay Lacag dhan $16,556,504.75 mudadii 6da bilood ee Janaayo Ivo Juun 2018, taas oo ah mid aan sax aheyn oo caddada intaas la egna aysan soo xaroon. Waxaa intaas sii dheer in dhammaan lacagaha Dowladda Hoose soo gala ay si toos ah ugu dhacaan Bangiga dhexe isla markaasna laga kharash gareeyo oo waxii faah faahin ah laga heli karo. farqadda 9aad (b), Dowladda Hoose waxey beenineysaa eedeyntan, waxeyna caddeyneysaa in Maamulka uu leeyahay miisaaniyad sannadeed degsan, miisaaniyad sannadeedka 2018 oo la ansaxiyey, waxaana lagu shubaa miisaaniyadda nidaamka habka casriga ee (BRAFMIS). Sida ku cad farqadda 9aad (d) Lacagaha 5.9 Milyan ee ku xusan in uu soo bixiyay khasnajiga Guud ee Dowladda Hoose, waa kuwa nidaamka maray oo Bankiga Dhexe uu hayo sidey u baxeen, ciddii faahfaahin dooneysana ay ka heli karto, kharashaadkaas waxay ku baxeen gunadda mushaaraadka shaqaalaha oo Bangiga Dhexe uu u wareejiyey koontooyinka shaqaalaha ay ku leeyihiin Bangiyada gaarka ah, qaarna waa mashaariicda ay hay’adaha caalamku ka fuliyaan caasimada, sida kharashaadka dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey iyo kuwa lagu socodsiinayey howl maalmeedka shaqo ee gobolka. Sida ku cad farqadda 9aad (e), Dowladda Hoose ee Xamar, waxey beenineysaa dhammaan eedeyntan, waxayna cadeyneysaa inay leedahay hab raaca iibka oo waafaqsan sharciga iibka Qaranka, oo bixinta Qandaraasyada iyo iibka waxaa loo marsiiyaa habraaca iibka ay Dowladda Hoose leedahay. Sida ku cad farqadda 9aad (f), Maamulka Gobolka Banaadir & Dowladda Hoose Xamar wuxuu siiyaa shaqaalaha xuquuqda ay leeyihiin waxaana wax kama jiraan ah eedeynta loo soo jeediyey ee ah in laga jaray shaqaalha Dowladda Hoose gunnooyinkooda saami dhan 30%, oo xisaab xirka ay ku cadahay in tan iyo 2015kii aan shaqaalaha laga jarin saami 30%. Sida ku cad farqadda 9aad (g), Maamulka G/Banaadir waxuu beeninayaa eedeynta ah in Maamulka uu helay qoondo dheeri ah ee miisaaniyadda Dowladda Dhexe. Lacagaha dheeriga ah ayaa ah tan SURGE support ee caalamku ugu deeqo dhammaan gobollada dalka , lacagtaas oo loogu tala galay shaqo abuurka dhalinyarada iyo mashaariic lagu horumarinaayo Gobolka sida dhismaha laamiga ee waddada xeebta liido. Sidaas darteed, waxaa mar waliba maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ka go’an in ay u hogaansanaato isla xisaabtanka iyo qancinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, hase yeeshee shacabka Muqdisho marna ma aqbali karaan in shaqasiyaad dano gaar ah leh ay marin habaabiyaan horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ku talaabsanayo. The post Gobolka Banaadir Oo ka jawaabay eedeyntii G/Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Waftigii uu hoggaaminaayey madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka dhaqaaqay magaalada Laascaanood ayaa saaka waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Gar Adag ee gobalka Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Fagaal ka bilowdey muran Ceel biyood ayaa wuxuu dhexmar laba Beelood oo Soomaali ah, iyagoo markii hore Beelaha midood ay dishay laba qof, tasoo dhalisay [...] Source
  9. Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-25112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan labada golle baarlamaan ee wakiillada iyo guurtida Somaliland ayaa ka hadlay safarkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay gobollada Bariga Somaliland. Dhan kale waxa Xildhibaannadani farriimo u direen Madaxda dawladda Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Kismaayo (Caasimadda Online) – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhawaad 20 dagaalame oo Al-shabaab ah lagu dilay duqeyn ka dhacday gobalka Jubada dhexe. SONNA ayaa sheegtay in diyaarado dagaal duqeyn ka fuliyeen meel qiyaastii 11km u jirta tuulada Hargeysa yarey Gobalka Jubada dhexe. Goobta la duqeeyay ayaa la sheegay iney shir ku lahayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegtay SONNA, tirada ku geeriyootay duqeyntaasi ayaa lagu sheegay 15 dagaalame oo horjoogayaal sida lagu sheegay qoraalka Wakaaladda SONNA. Ma jirto ilo ka madaxbanaan dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya duqeyn ka dhacay tuulada Hargeysa yarey iyo khasaaraha ay dowladda sheegtay iney ka dhalatay duqeyntaasi. Duqeymaha ayaa maalmahan isdaba joog ahaa, waxaana khasaare badan ka soo gaaraysay Horjoogayaasha Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ee Alshabaab kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada Miyiga ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  12. (SLT-London)-Heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee Ingiriiska waxaa ansixiyay hoggaamiyeyaasha reer Yurub, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk. Hoggaamiyeyaashan oo gaadhayay 27 ayaa taageeray heshiiska ay Britain kaga baxeyso Yurub kaddib kulan qaatay wax ka yar saacad ay ku yeesheen magaalada Brussels. Tusk ayaa Sabtidii ka dhawaajiyay in heshiiska qabyada ah la ansixin doono kaddib markii xukuumadda Spain ay ka laabatay go’aankeedii ku saleysnaa mustaqbalka gobolka Gibraltar. Heshiiska wuxuu u baahan yahay inay meel mariyaan baarlamaanka UK inkastoo xubno badan oo baarlamaanka ka tirsan ay kasoo horjeedaan. Waxaa la filaya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub 29 bisha Marso ee sannadka 2019-ka. Source
  13. Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose xamar ama Muqdisho city oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo ah ka mid ah kooxaha ugu weyn kubbadda cagta dalka sanadihii lasoo dhaafay hanatay koobka weyn ee gudaha Munaasabada dib usoo nooleynta kooxda dowlada Hoose waxaa kasoo qeyb galay Maamul Gobolka Banaadir,Xiriirka kubbadda cagta,Ciyaartooydii hore dalka iyo kooxaha kubbadda cagta heerarka kala duwan Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxda dowlada hoose xamar kana soo qeyb galay munaasabada ayaa ka warbixiyay maraxladihii kala duwnaa ay soo martay waxayna si wadajir ugu uahad celiyeen dadkii ka shaqeeyay arinta tariikhiga u ah shacabka gobolka Banaadir Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in arinta ay ku timid wada shaqeyn wacan oo ka dhaxaysa Gobolka Banaadir,Xiriirka kubbadda cagta iyo wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada ka Maamul gobol ahaan ay ku da’dalidoonaan garab istaagida laaciibtiina ku dheelaya magaca caasimada Xasan Aadan Yabarow wiish oo ah gudoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadiir ayaa sheegay in maamulka kooxda Banaadir SC ay usoo dhabar adeegeyn helida magaca dowlada Hoose wuxuuna intaa ku daray in loogu fadhiyo howl adag maadam ay ku ciyaarayaan magaca caasimada Muqdisho Gudoomiyihii hore kooxda Banaadir SC iminka ah hogaamiyaha naadiga dowlada Hoose ee xamar Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in iminka ay u bilaawatay howl adag ayna u mahad celinayaan dadkii kasoo shaqeeyay howshan,iyaga ay diyaar u yihiin in ay si dhab ah u matalaan shacabka Gobiolka Banadir Qaar ka mid ah ciyaartooydii hore kooxda Banaadir SC ee sanadihii lasoo dhaafay kula guulaystay koobka kubbadda cagta ayaa soo dhaweeyay is badalka magaca ay sameeyeen maamulkooda,iyagoo intaa ku daray in ay diyaar u yihiin in ay halkooda ka siiwadaan hanashada koobka iyo soo celintii sharafkii uu lahaan jiray magacii dowlada hoose Kooxda dowlada hoose ee Muqdishio ayaa horay u qaaday 3-jeer oo horyaal ah,2-jeer oo koobka jeneraal daa’uud,halka intii u dhaxaysay 1986-187 ay magac ahaan ku matashay xulka qaranka da’yarta waxaana iminka maamulka ciyaartooy Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Nairobi)-Maraykanka ayaa beeniyay inuu safaaradiisa Soomaaliya ee degen magaalada Nayrobi ee Kenya u rarayo magaalada Muqdisho. Safaaradda Maraykanka, ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku dedafaysay war ay faafisay idaacadda VOA, laanteeda Afka Soomaaliga oo waraysi ay la yeelatay safiirka cusub ee Maraykanka danjire Donald Yamamoto ku sheegtay inuu safiirku sheegay in safaaradu u guurayso Muqdisho. Safaaradu waxay sheegtay in waraysiga ay idaacadu la yeelatay safiirka aanu ku jirin in safaaradu u guurayso Muqdisho, “Danjire Yamamoto wuxuu November 23 waraysi uu siiyay weriye Sahra Cabdi Axmed oo VOA ka tirsan. Twitterkeeda waxay ku sheegay in safaaradda Maraykanka ee Nayrobi ay sida ugu dhaqsaha badan bisha December ee sannadkan ugu guuri doonto Soomaaliya. Si sax ah ulama xidhidho [hadalkaasi] wixii lagu sheegay waraysiga” ayay tidhi safaaradda oo intaas raacisay “Maraykanka waxa ka go’an inuu xoojiyo xidhiidhka, korna uu u qaado degenaanshaha Soomaaliya.” Waxay safaaradu sheegtay in Maraykanku ku gudo jiro aasaaska joogto diblomaasiyadeed oo Soomaaliya ah. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga jawaabay eedeyntii kasoo baxday Guddiga maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya. Qoraaka ayaa u qornaa sidaan:- Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ka falcelinaya qoraalka kasoo baxay shaqsiyaad ka mid ah Guddi Hoosaadka Maaliyadda BFS, oo lagu baahiyey warbaahinta iyo baraha bulshada. Dowladda Hoose ee Xamar & Maamulka Goboka Banaadir waxuu ugu horeyn beeninayaa warbixintaas been abuurka aheyd oo si ku talagal ah u siyaasadeysneyd taasoo aan ka tarjumeynin xaqiiqada dhabta ah iyo horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ka sameynayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda. Sida ku cad warbixinta ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Qodobkiisa (t) Farqadiisa 9aad oo ay ku sheegeen in Dowladda Hoose ee Xamar ay soo gashay Lacag dhan $16,556,504.75 mudadii 6da bilood ee Janaayo Ivo Juun 2018, taas oo ah mid aan sax aheyn oo caddada intaas la egna aysan soo xaroon. Waxaa intaas sii dheer in dhammaan lacagaha Dowladda Hoose soo gala ay si toos ah ugu dhacaan Bangiga dhexe isla markaasna laga kharash gareeyo oo waxii faahfaahin ah laga heli karo. farqadda 9aad (b), Dowladda Hoose waxey beenineysaa eedeyntan, waxeyna caddeyneysaa in Maamulka uu leeyahay miisaaniyad sannadeed degsan, miisaaniyad sannadeedka 2018 oo la ansaxiyey, waxaana lagu shubaa miisaaniyadda nidaamka habka casriga ee (BRAFMIS). Sida ku cad farqadda 9aad (d) Lacagaha 5.9 Milyan ee ku xusan in uu soo bixiyay khasnajiga Guud ee Dowladda Hoose, waa kuwa nidaamka maray oo Bankiga Dhexe uu hayo sidey u baxeen, ciddii faahfaahin dooneysana ay ka heli karto, kharashaadkaas waxay ku baxeen gunadda mushaaraadka shaqaalaha oo Bangiga Dhexe uu u wareejiyey koontooyinka shaqaalaha ay ku leeyihiin Bangiyada gaarka ah, qaarna waa mashaariicda ay hay’adaha caalamku ka fuliyaan caasimada, sida kharashaadka dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey iyo kuwa lagu socodsiinayey howl maalmeedka shaqo ee gobolka. Sida ku cad farqadda 9aad (e), Dowladda Hoose ee Xamar, waxey beenineysaa dhammaan eedeyntan, waxayna cadeyneysaa inay leedahay hab raaca iibka oo waafaqsan sharciga iibka Qaranka, oo bixinta Qandaraasyada iyo iibka waxaa loo marsiiyaa habraaca iibka ay Dowladda Hoose leedahay. Sida ku cad farqadda 9aad (f), Maamulka Gobolka Banaadir & Dowladda Hoose Xamar wuxuu siiyaa shaqaalaha xuquuqda ay leeyihiin waxaana wax kama jiraan ah eedeynta loo soo jeediyey ee ah in laga jaray shaqaalaha Dowladda Hoose gunnooyinkooda saami dhan 30%, oo xisaab xirka ay ku cadahay in tan iyo 2015kii aan shaqaalaha laga jarin saami 30%. Sida ku cad farqadda 9aad (g), Maamulka G/Banaadir waxuu beeninayaa eedeynta ah in Maamulka uu helay qoondo dheeri ah ee miisaaniyadda Dowladda Dhexe. Lacagaha dheeriga ah ayaa ah tan SURGE support ee caalamku ugu deeqo dhammaan gobollada dalka , lacagtaas oo loogu tala galay shaqo abuurka dhalinyarada iyo mashaariic lagu horumarinaayo Gobolka sida dhismaha laamiga ee waddada xeebta liido. Sidaas darteed, waxaa mar waliba maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ka go’an in ay u hogaansanaato isla xisaabtanka iyo qancinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, hase yeeshee shacabka Muqdisho marna ma aqbali karaan in shaqasiyaad dano gaar ah leh ay marin habaabiyaan horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ku talaabsanayo. Caasimada Online Xafiiska Mqudisho Caasimada@live.com
  16. Nairobi (Caasimadda Online) – Booliska dalka Kenya ayaa soo saaray magacyada shaqsiyaad la aaminsanyahay inay ka dambeeyeen afduubka haweeney samafale Talyaani ah oo laga soo qafaashay dalka Kenya. Bogga twitterka booliska Kenya ayaa lagu daabacay magacyada iyo sawirada Sadex ruux oo Soomaali ah kuwaasoo dawlada Kenya sheegtay inay yihiin kooxda qafaalatay Silvia Costanza Romano, oo u dhalatay dalka Talyaaniga una shaqaynaysay hay’ad samafal. Booliska Kenya waxay sidoo kale Sadexdaan ruux dul dhigeen lacag dhan hal milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 9,750 oo Dollar. Magacyada ay booliska Kenya baadi goobayaan waxay kala yihiin Ibraahin Aadan Cumar, Yuusuf Kuno Aadan iyo Siciid Aadan Cabdi kuwaasoo lagu eedeeyay inay haweeneyda Talyaaniga ah kasoo qafaasheen goob ay ka shaqaynaysay oo ku taala magaaladda Kaliffi la yiraahdo. Taliyaha booliska Kenya Joosef Boinnet ayaa sheegay inay xoog badan galinayaan sidii loo soo furan lahaa haweeneydaan gacanta ugu jirta kooxdii afduubatay. Taliyuhu waxaa uu aad uga gaabsaday inuu si toos ah ugu eedeeyo Al-Shabab inay afduubta ka dambeeyaan.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Kaxandhaale oo dhaca xuduuda u dhaxeya Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan. Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagalkaasi la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka dagaalamaya la sheegayaa inay yihiin xoolo dhaqato. Walow aan la ogaan karin khasaaraha dagaalka, ayaa haddana wararka aan heleyno waxay sheegayaan in hub culus ay isku adeegsanayaan maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanada Xuduuda ay ka wadaan gobolka Galgaduud. Xoola dhaqata ayaa dagaalkooda wuxuu ka bilowday ceel biyood iyo dhul daaqsimeed ku yaala deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud gaar ahaan dhanka xuduuuda , sida dadka deegaanka ay sheegeen. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. (SLT-Muqdisho jCali maxamuud Raagge (Cali dheere) ayaa la rumeeysan yahay in uu u xuubsiibtay kooxda Daacish sida aan xogta ku heleeyno,waxaanu arinkaani culeeys xoogan ku noqon karaa Kooxda Al-shabaab ee uu hore uga tirsanaa. Al-shabaab iyo koox ajaaniib ah oo ka barbar dagaalameeyay dhawaan iskaga hor yimi deegaanada Gobolka jubadda hoose kuwaasi oo la sheegay in ay u kala baxeen shabaab iyo daacish. Afhayeenka Cali maxamuud Raagge (Cali dheere) ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa laga waayay fagaarayaasha hogaamiyayaasha al-shabaab lagu arkaayay waxaana la tuhmaayay in aanu wanaagsaneeynin xidhiidhkooda hoose. Talaabadaani ayaa waxaa ay sidoo kale culaysin kartaa Dowlada soomaaliya taasi oo la ogsoon yahay in aysanq qaadin weeraro ka dhan ah kooxaha Argagaxisada ah tan iyo markii ay talada dalka la wareegeen Dad badan ayaa aaminsan in DFS ay masuul ka tahay in ay tarmaan kooxahaani, sababtoo ah waxaa ay heleen fursado ay dhexdoodu iskugu mashquulaan maadaama aysan ka baqdin qabin weerar uga yimaado dhinaca dowladda. Source
  19. Morocco’s navy on Saturday found the bodies of 15 migrants from sub-Saharan Africa on board a boat stranded at sea for days and rescued 53 survivors, a military source said. Coastguards recovered “15 lifeless corpses” from the vessel in the Mediterranean Sea after it was left drifting for four days following engine failure on its way to Spain, the source said. The 53 other survivors on board, including eight women, were taken to the port of Nador. Increasing numbers of Moroccans and sub-Saharan migrants are seeking to enter Spain, either by sea or by smuggling themselves into the Spanish enclaves of Ceuta and Melilla, which are in Morocco and are the only European territories in Africa. The International Organization for Migration says that some 51,000 migrants have arrived in Spain by sea this year and that over 630 have died or gone missing trying. On Friday the Moroccan navy said it rescued 289 migrants, mostly from sub-Saharan African off Nador. Moroccan authorities say that between January and the end of September they stopped some 68,000 illegal attempts to cross into Europe and took down 122 people-smuggling gangs. The post Spanish Navy Rescues 9 Moroccan Irregular Migrants off Morocco’s coast appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka sheegay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool qaabka lagu xalin karo xiisadda dagaal ee kala dhaxeysa Puntland. Muuse Biixi, wuxuu sheegay in xalka dagaalada deegaanka Tukaraq ay yihiin kuwo Geed hoostii lagu dhameyn karo oo aysan jirin sabab dhiig kale oo labada dhinac ah loogu daadiyo deegaanada gobolka Sool. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in marnaba aysan dooneyn in wax wadahadal lagu dhameyn karo ay kusii dagaalamaan dadka wada dhashay ee Puntland iyo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. “Walaalaha aan iska soo horjeedno ee Puntland weerar kuma nihin, ma necbin, iyagana intaa in la eg ayaan ka dooneynaa, Ma jirto sabab kale oo aan ku dagaalano, waa wax geed hoostii lagu dhameyn karo oo wadahadal lagu dhameyn karo” Mar uu ka hadlay dhexdhexaadinta Caalamka ka wadaan labada dhinac ayuu sheegay inay iyaga mar walbaa diyaar u yihiin wax kastaa oo xal nabadeed lagu gaari karo, balse dhanka Puntland ay wax ka socon la’yihiin. “Annaga weerar kuma nihin Puntland waxaan ka ogolaanay xabad joojin iyo in maxaabiista la is dhaafsado, Saaxiibadeen Garowe ayuu xaalka ka dhamaan la’yahay, waxaa wanaagsan inaan dhiig dambe aanan iska daadin”ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. The Deputy Speaker of the Somali Lower House has apologized to the finance ministry for controversial report tabled and debated on Saturday. Hon. Mahad Awad apologized to the finance ministry on what he described as mistakes committed by house finance committee. “ I want to apologize in that debate was tabled in the house without first submitted to the house business committee,” he said. Awad added that there is no USD 40 Million missing from 2019 budget as previously claimed by some members of the parliament and finance committee. “ The parliament didn’t say USD 40 M is unaccounted for, so we want to apologise to the people and ministry of finance,” He added that since the debate by the finance ministry that created social media uproar in the country did not pass the right procedure via the house it can’t be tabled again. Finance MinisterDr. Abdirahman Duale cut short his travel and appeared before the house on Saturday together with deputy central bank chairperson to defend the allegations made against his ministry. The meeting was also marred by a division between the members of the finance committee that originally tabled the debate. They claimed more than 20 million USD that was donated by the Saudi government was unaccounted for in the 2019 budget, acclaim rubbished by the minister. The post Somali parliament apologizes to Finance Minister For “Wrong Report” appeared first on Shabelle. View the full article
  22. WASHINGTON — A week before Donald Yamamoto arrived in Mogadishu, three car bombs exploded in the heart of the city, just outside the Sahafi Hotel. Dozens of nearby motorists and pedestrians were killed or maimed. A fourth bomb went off when first responders arrived, bringing the death toll to at least 52, with more than 100 casualties. It was the latest in a string of attacks by the Islamist terror group al-Shabab, which for more than a decade has sought to dismantle the Somali federal government. But Yamamoto, the United States’ new ambassador to Somalia, isn’t deterred. By strengthening its institutions and economy, Somalia can achieve security and stability, Yamamoto told VOA’s Somali service. “We see hope. I think, for the first time in a long time, we’re seeing opportunities that are expanding and growing,” Yamamoto said. ‘We’ve got to be seen’ Yamamoto brings 20 years of experience, both in Somalia and the broader East Africa region, to his new post. He has held top diplomatic positions in Eritrea, Ethiopia and Djibouti. In Somalia, his experiences include engagement with both the Islamic Courts Union and the Somali Transitional Government, competing factions that preceded the current federal government. Yamamoto hopes to use his experiences to build on unprecedented rapprochements among East African neighbors to create new opportunities for Somalia. Now, the goal is to establish a permanent diplomatic presence in the capital, Mogadishu, and find ways to support the Somali people in their efforts to build peace and prosperity. “What is the old American adage? It’s ‘90 percent is to be seen’? And so we’ve got to be seen. We’ve got to be present. And I travel through most of Somalia, so I think I’d like to do that as well,” Yamamoto said. He plans to be operating out of Mogadishu on a permanent basis, with a small team, in the next few weeks. Multipart strategy Yamamoto acknowledges the work ahead won’t be easy. Despite an international presence, routine U.S. airstrikes, and elections in 2016 and 2017, security remains elusive. “Is it dangerous? Sure. Is it challenging? I think it is. But we need to do it because it’s important,” he said. Yamamoto has nearly four decades of experience in U.S. Foreign Service. He attended Columbia College, at Columbia University, in New York. His graduate degree in international affairs and language studies prepared him for his career in diplomacy where, at the State Department, he has received four Superior Honor awards for exceptional service. The post New US Ambassador to Somalia Sees Path to Peace, Prosperity appeared first on Shabelle. View the full article
  23. At the invitation of His Excellency Yoweri Kaguta Museveni, President of the Republic of Uganda, His Excellency Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo, President of the Federal Republic of Somalia paid a one-day official visit to the Republic of Uganda on 24th November 2018. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo was received at State House, Entebbe by his host His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni. 2. In a cordial and friendly atmosphere, the two Heads of State held Official talks at State House Entebbe, on a wide range of bilateral, regional and international issues. 3. Their Excellencies noted with satisfaction the existing bonds of friendship and mutually beneficial cooperation between the two countries, which they committed to strengthening. In this regard, they reviewed the areas of cooperation particularly in the sectors of Peace and Security, Education, Trade, and Investment. 4. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo briefed His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni on the situation in Somalia. He mentioned that the security situation has tremendously improved notwithstanding, the Alshabab operations in the South, despite sporadic local conflicts, the negative propaganda and other spoilers of peace. 5. He commended the transition cooperation in Defence and the support extended by AMISOM in the transitional process. He noted the positive progress made with Ethiopia and Eritrea through the signing of the Tripartite Agreement. He alluded to the cooperation as a timely initiative that will facilitate the resolving of political differences and end conflict in the region as well as boost the economies of the three countries particularly Somalia, given her strategic location. 6. His Excellency President Museveni commended His Excellency President Farmajo and Their Excellencies, President Isaias Afwerki of the State of Eritrea and, His Excellency Prime Minister Abiy Ahmed of the Federal Democratic Republic of Ethiopia for the timely conclusion of the Tripartite Pact in September 2018; noting that this was a step in the right direction in ensuring peace, stability and prosperity of the region. 7. His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni expressed his profound gratitude to His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo for honouring his invitation and for the fruitful discussions held. He invited the Somali delegation to a luncheon and encouraged them to enjoy the beauty of Uganda before their departure. 8. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo on his part, expressed profound gratitude and appreciation to His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni, the Government and People of the Republic of Uganda for the warm reception and hospitality accorded to him and his delegation during the visit. The post Somali president meets with his Ugandan counterpart in Kampala appeared first on Shabelle. View the full article
  24. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa la filayaa in markii 5aad loo sameeyo muddo kordhin muddo xileedkooda ah, ka dib markii sida muuqata aanay doorahada baarlamaanka iyo deegaanku wakhtigooda ku qabsoomayn. Golaha wakiilada oo la doortay bishii September ee sannadkii 2005, ayaa sharciyan waxay ahayd inay kuraasta golaha wakiilada ku fadhiyaan shan sannadood oo ku beegnayd sannadkii 2010, laakiin waxa loo sameeyay afar goor oo muddo kordhin ah. Doorashada baarlamaanka oo la qorsheeyay inay qabsoonto bisha March ee kal dambe ayaa u muuqata inaanay ku qabsoomayn wakhtiga loogu tallo galay, iyadoo ay sabab u yihiin duruufo kala duwan oo caqabad ku noqday qabsoomida doorashadaas. Waxaana la filayaa in dhawaan golaha wakiilada loo kordhiyo markii shanaad. Wakhtiyadii kala duwanaa ee golaha wakiilada loo sameeyay muddo kordhinta, ayaa waxa ay kala yihiin sidan: Waxa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013 Waxa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015 Mar saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017 Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo iyaduna kaga beegan 28/4/2019 Dhawaana waxa la filayaa in loo kordhiyo markii shanaad. Si kastaba ha ahaate, halkii ay sharciyan ka ahayd inay xildhibaanada golaha wakiiladu kuraasta fadhiyaan 5 sannadood oo ku beegnayd sannadkii 2010 waxay u muuqataa inay ku gaadhayaan sannadka 2020. Source
  25. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee Gobolada Barri, wada hadalada Somaliya ee uu Madaxweynuhu joojiyey, qaabka uu Faysal Cali Waraabe uga hadlay iyo is bedelada Siyaasadeed ee Geeska. Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Komishanka Doorashooyinka u soo jeediyey inay is casilaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabaya joojinta wada hadalada Somaliya iyo qaabka uu Faysal Cali Waraabe uga hadlay “Wadanku wuxuu Wadan ku yahay ilaalinta qawaaniinta iyo sharciga u yaala, in la ilaaliyo mucaarad iyo muxaafidba, qof caadiya iyo qof siyasiyaaba, ama qof madax ahba, in si isku mid ah Sharciga loo ilaaliyo ayaa Wadanku Wadan ku noqonayaa,laakiin Sharcigii loogu ogolaaday in Xukuumaddu la hadasho Somaliya, waa Sharci soo maray Golayaasha, oo la weydiiyey Golayaasha in Xukuumadda loo ogolaado inay iyadu wada hadal la furi karto Somaliya, iyada oo halkaas danaha dalka ka dhawaraysa, waxyaabaha ay sheegtay darteed ayaa Golayaashii Sharcidejintu ayey ka ogolaadeen in Xukuumaddu la hadli karto Somaliya, in Somaliland Somaliya la hadashana waxa micnaheedu yahay inay Xukuumaddu masuul ka tahay la hadalka Somaliya, oo cid kale oo ka masuul ahi aanu jirin, markaas iyada ayaa xaq u leh inay wada hadalka furto ama xidho, marka sharciga la eegayana, Xisbiyada qaranka iyo Golayaasha waxaa saaran xisaabin iyo ka war hayn, oo ah qaranimadii ma waxbaa loo dhimay, mise waxba lagu kordhiyey, markaas kadib ayaa laga keeni karaa dood ah in la joojiyo wada hadalka oo la xidho, haddii loo arko inay Somaliland, dhib ku tahay, waa haddii ay Xukuumaddu tidhaahdo waanu sii wadaynaa, haddii ay si fiican u wadana waxa la odhan karaa sidaas u sii wad, markaas wada hadalka Somaliya ee ay Xukuumaddu tidhi waanu joojinay, waxaan u arkaa inay iyadu xaq u leedahay, madaama Dawladda Farmaajo ay Somaliland ula dhaqmayaan sidii Maamul Goboleed oo kale, in Xukuumaddu joojiso, oo ay halkeedii hore u caliso, iyada ayaa xaq u leh, wax dhib ah oo ku jiraana ma jirto”. Mar aanu wax ka weydiinay is bedelada Siyaasadeed ee ka socda Geeska, is bedelka Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa yidhi “Arrimaha Itoobiya wey soo fara badanayaan, warar xogogaal ah oo aanu helanayna waxay sheegayaan in Safiirka Itoobiya ee Somaliland, in aan la eriyin, ee ay Muqdisho sameeysay, Muqdishana dayaacado fara badana wey inagu wadaa, arrimo Siyaasadeed oo inaga dhan ahna wey inagu wadaa, Somaliland iyo itoobiyana waxaa ka dhexeeya xidhiidh fiican, oo dhinacyo badan leh, Dhaqaale, Amni iyo Dhulbaa inaga dhexeeya, markaas haddii ay u gacan haadiyaan, Farmaajo oo wax ka khuseeya Somaliland aanay jirin, Siyaasad xumo tii ugu weynayd ee ay Itoobiya ciyaarto ayey noqonaysaa, cidda u dhitanaysaana iyada weeye, Qarankani mid dhaw iyo mid fogba, midna ka gaban maayo, marka ay noqoto sharaftiisa, iyo jiritaankiisa oo la isku dayo in wax loo dhimo, Axmed Abay, waa nin cusub, Siyaasada noocaasna waanu uga digaynaa, isagana waxaa dhibaato ugu filan, dal dhibaataysan, oo balaadhan, oo kala go go’an, oo dadku kala qoomiyadu yihiin, ayaa gacanta loo galiyey, inuu tiisa guddaha uu hagaajiyo ayey dantu ugu jirtaa, arrimaha imika socda, ee ah isku taga Elatariya, Itoobiya iyo Somaliya, danahooda dhaqaale, iyo siyaasadeed iyaguu khuseeya, laakiin arinta aanu uga digaynaa waxaa weeye in aanay marnaba xisaabta ku darsan wax Somaliland khuseeya, anagu Xisbi ahaan waxaanu leenahay wax la aqbali karo ama wax la yeeli karo maaha in qaranimada Somaliland waxyeeladeeda lagu dheerado, sida aanu haddaba ka maqalayno Warbaahinta, inta aan arintaas la soo gaadhina waxaan soo jeedinayaa in difaac adag la xidho wax kasta oo waxyeelo ku ah Somaliland, isku day kasta oo loo maleegayo Somaliland aynu ka hor tagno” Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Safarka Madaxweynaha ee Gobolada Barri ayaa ku jawaabay “Safarka Madaxweynuhu wuxuu muujinayaa in dadka reer Somaliland yihiin dad aad u wanaagsan, wuxuu muujinayaa safarka Madaxweynuhu in dadka reer Somaliland yihiin dad jecel madaxdooda, iyo qarankooda, Madaxweynuhu soo daweeyan xoogan ayuu kala kulmay meeluhu islahaa aad lagaagama soo dhaweeynayo, taasina waa bilsayl ay dadka reer Somaliland leeyihiin, waana u amaanaynaa in dadka reer Somaliland ka midaysan yihiin waxyaabaha guud ee qaranka, iyada oo qaranimadeenii khatar ku jirto, maaha in buuq fara badan iyo kala daadsanaan guddaheena ah la dareemo, qaranimadeena guud ee dalka waa inaynu adkaynaa, khatar kasta oo inagu soo waajahana waa inaynu ka hor tagna, iyada oo qabsoomidii Doorashadu diyaar inaga tahay inuu Madaxweynuhu safar galaa wey ka sii wanaagsanaan lahayd, laakiin candhaba waa xubin, ee mar haddii uu maataba tagay, ee waxaanu kula dardaarmaynaa in halkay Ciidamadu joogaan iyo Xuduudaha Barriga, Tukaraq, Badhan iyo Laas-qorayba inuu wada gaadho, oo uu u hoydo, oo uu joogo, oo muwaadiniinta halkaas jooga inuu dhegaysto baahidooda, oo uu la sheegaysto, oo uu balan cad u soo qaado wuxuu qabanayo, waxaa la yidhi haani gunta ayey ka tolantaa, oo marka aad badhida ku fadhido ayaad wax qabsan kartaa, ee Beelaha darafyadu waa inay si dhab ah Somalilad raali uga noqdaan, waxayna raali uga noqonayaan in heshiisyadoodii hore la fuliyo, baahidoodana la dhegaysto, horumarkia iyo dawladnimadana la gaadhsiiyo, taasina waa waajib qaran, oo Madaxweynaha looga fadhiyo”. Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Sidii aanu horeba u sheegaynay Doorashadu dib bay u dhacaysaa, sababtuna waa Komishanka, maxaa yeelay khilaafka Komishanku wuxuu keenay in Doorashadu dib u dhacdo, Xisbi ahaana waxaanu qabnaa in Komishanka la kala diro, waana soo jeedinay kala dirkiisa, in badana waanu ku cek-celinay, Xisbi ahaana Komishankani inta uu joogo Doorasho gali mayno, mana dhacayso, maxaa yeelay Komishankan laguma kalsoonaan karo, Garsoor dhex ah oo daacad ahna maaha, Todobada xubnood ee Komishanka sharaftoodu waxay ku jirtaa inay is casilaan, si loo dhaqaajiyo hawlaha Doorashooyinka, balse haddii ay is casili waayeen, waa u sharaf daro, Doorashooyina dhici mayaana, waxayna ku calaamad sanaan doonaan Komishankii Doorashooyinka dib u riday” Source