-
Content Count
207,017 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Murashaxiintii Koonfur galbeed ee ku Midoobey isbeddel-doonka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay u tanaasuleen murashaxa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Kooxdan waxaa ay adkeeyeen xuquuqda dastuuriga ee dastuurka federaalka siinayo dadka reer koonfur galbeed inay yeeshaan maamul hoosaadkooda u madaxbannaan. Waxay sidoo kale qoraalka ku xuseen inay jirto faragelin toos ah oo ay dowladda federaalka ku heyso nidaamka doorasho ee Koonfur galbeed. Duruufahan iyo qaar kale oo ay tahay rabitaanka bulshada ayey sheegeen inay go’aansadeen in murashaxooda uu noqdo Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow. Doorashada ayaa Baydhabo ka dhici doonta 5ta bisha soo socota Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Muqdisho. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka isgoyska Maanabooliyo ee degmada Shibis, waxaana goobta ka baxsaday kooxaha dilka ka geystay degmada Shibis. Ruuxa la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo kasoo baxay ciyaarta Kubbada Cagta oo uu ku ciyaarayay meel aan ka fogeyn halka lagu dilay, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa. Lama oga waxa uu ahaa wiilka dhalinyarada, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu kamid ahaa ciidamada Nabad sugida, inkastoo aan la xaqiijin. Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa dilka ka dib waxay baaritaan ka bilaabeen halka ay wax ka dhaceen, iyadoo ay baxsadeen dadkii falka ka dambeeyay. Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka ka tirsan dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Musharixiinta Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Doorashada la filayo inay dhacdo 5 Bisha soo socoto. Musharixiinta oo daqiiqado ka hor Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu Musharax koowaad u yahay Golaha isbadal doonka Koonfur Galbeed Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Golaha ayaa go’aankooda ku sheegay inuu imaaday kadib markii ay fiiriyeen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed sida ay hadalka u dhigeen iyo la tashiyo ay la sameeyeen Odayaasha deegaanadaas. Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay faragelin ku heyso Doorashada isla markaasna aysan macquul aheyn in laga shaqeeyo waxaan aheyn rabitaanka Shacabka. Golaha ayaa sheegay inuu Musharax u yahay Roobow Abuu Mansuur oo ay ku sheegeen inuu yahay Musharax ay rabaan shacabka Koonfur Galbeed. Waxay tilmaameyn inay ka tanaasuleen mowqifkoodii gaar ahaaneyd isla markaasna ay u tanaasuleen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed. Musharixiinta uu tanaasulay Roobow ayaa ah illaa 5 kamid ah musharixiintii isbadal doonka Tartanka Doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda la aaminsan yahay inay u dhaxeyn doonto Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta Gareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sarreeye Guud Siciid Dheere oo u tartamaya madaxweyne Musharraxa doorashada madaxweynaha Puntland ee sannadka 2019-ka sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) oo maalmahan socdaal ku marayay degaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa maanta oo Axad ah si heer sara loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Shacabka fara-badan oo mudda saacado ah halkaasi ku sugayey ayaa musharrax sacab iyo mashxarad ku soo dhoweeyay markii uu gaaray Gaalkacyo,waxaana loo gelbiyay hoyga uu ka degay magaalada. Musharraxaha oo halkaasi kula hadlay saxaafadda ayaa si weyn uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen bulshada magaalada Gaalkacyo,wuxuuna ka warbixiyay qorshihiisa doorashada. Mudane Siciid Dheere ayaa inta uu joogo Gaalkacyo wuxuu kulamo la qaadanaya bulshada qeybaheeda kala duwan,isagoo kala hadlaya ol’olihiisa doorashada. Halkaan ka daawo muuqaal dhammaystiran PUNTLAND POST The post Musharrax Siciid Dheere oo lagu soo dhoweeyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir seddex maalin socon doona oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, shirka oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Cutubka Labaad ee Dastuurka KMG ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan matalaadda siyaasadeed laheyn. Masuuliyiintii furitaanka shirka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Agaasimaha Madaxtooyada ee Arrimaha Naafada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Hogaamiyayaasha Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn. Gudoomiye Xaliima Ismaaciil ayaa sheegtay in Gudigga Doorashooyinka uu u hogaansamayo Dastuurka iyo shuruucda doorashada ee qeexaya u dhamaanshaha siyaasaadda iyo doorashooyinka si doorasho loo dhanyahay ay dalka uga dhacdo iyada oo maanka lagu heynayo ka qaybgalka doorashada ee dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn. Wasiir Deeqa Yaasiin oo khudbad ka jeedisay furitaankii shirka ayaa tilmaamtay muhiimadda uu leeyahay Cutubka labaad ee Dastuurka KMG ee ka hadlaya Xuquuqda Aadanaha, iyada oo ku tilmaamtay in uu yahay cutubka ugu muhiimsan ee Dastuurka. Wasiirada waxa ay sheegtay in Wasaaradeeda ay ka go’antahay inay si dhow u la shaqeeyso Wasaardda Arrimaha Dastuurka si loo sugo xuquuqda Aadanaha. Wasiir Cabdi Xoosh oo furay shirka ayaa yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay in shirkan oo aan muddo soo qaban-qaabinaynay uu maanta inoo bilaabmo, waxaan rajeynayaa talooyin miro dhal ah oo xoojinaya Xuquuda Aadanaha in aan soo saari doonno. Wasaaradda Dastuurka waxaa ka go’an inay dedaal ku bixiso in la dhowro Xuquuqda Aadanaha, waxaana idinka codsanayaa inaad arintan muhiimka ah nala garab gashaan”. Ugu dambayn, waxaa shirka laga soo saari doonaa Talooyin iyo Baaq ku aadan sidii Dastuurka dhexdiisa loogu sugi lahaa Xuquuqda dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Heysan. PUNTLAND POST The post Shir lagu Falanqeynayo Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Dastuurka oo ka Furmay Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ka falcelinaya qoraalka kasoo baxay shaqsiyaad ka mid ah Guddi Hoosaadka Maaliyadda BFS, oo lagu baahiyey warbaahinta iyo baraha bulshada. Dowladda Hoose ee Xamar & Maamulka Goboka Banaadir waxuu ugu horeyn beeninayaa warbixintaas been abuurka aheyd oo si ku talagal ah u siyaasadeysneyd taasoo aan ka tarjumeynin xaqiiqada dhabta ah iyo horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ka sameynayo nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda. Sida ku cad warbixinta ay soo diyaariyeen xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Qodobkiisa (t) Farqadiisa 9aad oo ay ku sheegeen in Dowladda Hoose ee Xamar ay soo gashay Lacag dhan $16,556,504.75 mudadii 6da bilood ee Janaayo Ivo Juun 2018, taas oo ah mid aan sax aheyn oo caddada intaas la egna aysan soo xaroon. Sidoo kale, Waxaa intaas sii dheer in dhammaan lacagaha Dowladda Hoose soo gala ay si toos ah ugu dhacaan Bangiga dhexe isla markaasna laga kharash gareeyo oo waxii faahfaahin ah laga heli karo. Farqadda 9-aad xarafkeed (B), Dowladda Hoose waxey beenineysaa eedeyntan, waxeyna caddeyneysaa in Maamulka uu leeyahay miisaaniyad sannadeed degsan, miisaaniyad sannadeedka 2018 oo la ansaxiyey, waxaana lagu shubaa miisaaniyadda nidaamka habka casriga ee (BRAFMIS). Sida ku cad Farqadda 9-aad Xarafkeeda (D) Lacagaha 5.9 Milyan ee ku xusan in uu soo bixiyay khasnajiga Guud ee Dowladda Hoose, waa kuwa nidaamka maray oo Bankiga Dhexe uu hayo sidey u baxeen, ciddii faahfaahin dooneysana ay ka heli karto, kharashaadkaas waxay ku baxeen gunadda mushaaraadka shaqaalaha oo Bangiga Dhexe uu u wareejiyey koontooyinka shaqaalaha ay ku leeyihiin Bangiyada gaarka ah, qaarna waa mashaariicda ay hay’adaha caalamku ka fuliyaan caasimada, sida kharashaadka dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey iyo kuwa lagu socodsiinayey howl maalmeedka shaqo ee gobolka. Sida ku cad Farqadda 9-aad Xarafkeeda (E), Dowladda Hoose ee Xamar, waxey beenineysaa dhammaan eedeyntan, waxayna cadeyneysaa inay leedahay hab raaca iibka oo waafaqsan sharciga iibka Qaranka, oo bixinta Qandaraasyada iyo iibka waxaa loo marsiiyaa habraaca iibka ay Dowladda Hoose leedahay. Sida ku cad Farqadda 9-aad Xarafkeeda (F), Maamulka Gobolka Banaadir & Dowladda Hoose Xamar wuxuu siiyaa shaqaalaha xuquuqda ay leeyihiin waxaana wax kama jiraan ah eedeynta loo soo jeediyey ee ah in laga jaray shaqaalha Dowladda Hoose gunnooyinkooda saami dhan 30%, oo xisaab xirka ay ku cadahay in tan iyo 2015kii aan shaqaalaha laga jarin saami 30%. Sida ku cad Farqadda 9-aad Xarafkeeda (G), Maamulka G/Banaadir waxuu beeninayaa eedeynta ah in Maamulka uu helay qoondo dheeri ah ee miisaaniyadda Dowladda Dhexe. Lacagaha dheeriga ah ayaa ah tan SURGE support ee caalamku ugu deeqo dhammaan gobollada dalka , lacagtaas oo loogu tala galay shaqo abuurka dhalinyarada iyo mashaariic lagu horumarinaayo Gobolka sida dhismaha laamiga ee waddada xeebta liido. Ugu dambeyn, Waxaa mar waliba maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ka go’an in ay u hogaansanaato isla xisaabtanka iyo qancinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, hase yeeshee shacabka Muqdisho marna ma aqbali karaan in shaqasiyaad dano gaar ah leh ay marin habaabiyaan horumarka baaxada leh ee uu Maamulku ku talaabsanayo. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Jawaab Adag ka bixiyay Warbixintii Guddiga Maaliyadda BF appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI, Kenya (AP) – Kenyan police have identified three suspects in the kidnapping of an Italian woman and are offering a reward of one million shillings ($9,750) for information leading to their arrest. There has been no claim of responsibility for the first kidnapping of a foreigner in the East African nation in several years. Police have said they are optimistic the aid worker will be found “within the shortest time possible.” The 23-year-old Italian Silvia Costanza Romano was seized on Tuesday from a coastal community by gunmen who also wounded five people, including children. Such attacks had become rare after 2011, when Kenya deployed forces to neighboring Somalia in a bid to stop the al-Shabab extremist group from kidnapping foreigners. Police said the suspects in Tuesday’s attack are Ibrahim Adan Omar, Yusuf Kuno Adan and Said Adan Abdi. ___ This version corrects to say the kidnapping occurred on Tuesday. Source: AP
-
Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa Axadda maanta ah daah-furtay ol’olaha maalinta caalamiga ah ee joojinta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka. Ol’olaha oo socon doona mudda 16 maalmood ah ayaa ku jihaysan wacyi-gelinta bulshada ee cidhib-tirka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka,waxaana laga qabanayaa dhammaan sagaalka gobolka ee Puntland. Wasiirka wasaaradda Haweenka dowladda Puntland marwo Maryan Axmed Cali ayaa si rasmi ah u daah-furtay ol’olaha,waxaana munaasabadda ka soo qeyb galay,wasiirka Waxbarashada pro Abshir Yuusuf Ciise,saraakiil ka socotay hay’adaha ay wasaaradda shaqa-wadaagta yihiin,haween iyo marti sharaf kale. Marwo Maryan Axmed Cali,wasiirka wasaaradda Haweenka ayaa sheegtay in ol’olahan ay wasaaraddu qabato sannad kasta ujeedkiisuna yahay in gebi ahaanba la suuliyo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka. Sidoo kale wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Pro Abshir Yuusuf Ciise oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada,sidaasi darteedna aan marnaba la aqbali karin in tacaddiyo loo geysto. Mr Sayed Sahibzada oo ah madaxa hay’adda UNDP ee Puntland ayaa dhankiisa wasaaradda ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto dabar-goynta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka,waxaana uu bulshada ugu baaqay in laga-wada qeyb qaato ol’olaha. Madaxa shaybaarka denbiyada la xidhiidha jinsiga ee (Puntland Forensic Center) Cabdirashiid Maxamed Shire ayaa isaguna bogaadiyay dadaalka ay wasaaraddu ugu jirto cidhib-tirka tacaddiyada Haweenka. Axmed Cismaan Aadan oo ka socday hay’adda UNICEF ayaa dhankiisa sheegay in ay hay’addiisu dowladda Puntland si mugleh ugala shaqeynayso dabar-goynta tacaddiyada Haweenka,gaar ahaanna gudniinka oo dhib ba’an ku haya gabdhaha da’da yar. PUNTLAND POST The post Puntland: Wasaaradda Haweenka oo daah-furtay ol’olaha dabar-goynta tacaddiyada Haweenka appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa jawaab yaab leh ka bixiyey socdaalka uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tegay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana jawaabta Puntland ka muuqata inay wax ka qaban weysay socdaalka biixi. Guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland Cabdiraxman Abuubakar Geelle ayaa sheegay in shacbaka ku nool magaalada Laascaanood ay ka hor-istaageen madaxweynaha Somaliland in uu galo magaaladaas, oo dibedda un uu ku ekaaday. Waxa uu sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu xirnaa jaakad bir ah oo aysan xabadu karin, cabsi daraadeed, isla markaana shacabka magaalada laascaanood ay banaanbax kala hortageen, una diideen inuu magaalada gudaha u galo. “Muuse Biixi jaakada xabada ayuu xirnaa, oo wuu baqayey shacabka ayaana u diiday inuu gudaha u galo Laascanod” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa weli waxa uu booqashooyin ku kala bixinayaa deegaanada Bari ee Somaliland, waxaana shalay uu tegay deegaanka Tukaraq oo ay isku hor-fadhiyaan cidamada Somaliland iyo Puntland. Socdaalka Muuse Biixi ee Sool iyo Sanaag ayaa dad badan u arkeen mid muujinaya in labadaas gobol oo ay wada sheegtaan Puntland iyo Somaliland lagu kala adkaaday, islamarkaana Somaliland ay iminka tahay awoodda gobolka. Dhageyso hadalka Cabdiraxman Abuubakar Geelle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Guddoomiyaha-Gobolka-Sool-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Laascaanood Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kharashka ilaalada Madaxtooyada ku baxaaya Wuxuu ka dhigay mid ka badan 8-Wasaradood oo Qaranka hawlo muhiim ah u haya, kuwaas oo haddii la tayayn laha wax qabadkoodu bulshada gaadhi laha. 1.4% Wadarta guud miisaaniyadda 3 wasaradod ee oo kala ah * wasaaradda macdanta iyo Tamarta *wasaaradda cadaaladda iyo goorsoorka *wasaaradda shaqadda iyo shaqalaha Waxa ka badan Dakhaliga loogu talo galay ee ugu jira miisaaniyadda ilaaladda madxtoyadda , Dakhliga (Budget) misaaniyadda loogu talo galey ilaaladda madaxtoyadda waxay u dhigantaa boqolkiba 1.4% Waxaanay miisaaniyadda madaxtooyaddu ka badato 8 wasaradood oo Qaranka u adeegi lahaa. Wadarta guud misaaniyadda 8 wasaradood = 8% * wasaaradda beeraha *wasaaradda deegaanka *wasaradda dhallinyarta iyo ciyaaraha * wasaradda shaqadda iyo shaqalaha *wasaradda cadaaladda iyo goorsoorka *wasaaradda biyaha *wasaradda caafimaadka *wasaradda macdanta iyo tamarta. Arrinta ayaa cadayn u ah in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi noqonaayo Madaxweynihii ugu lacag uruursiga badnaa ee Dalka soo mara. Source
-
Guddiga doorashada madaxtinnimada dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa maanta shahaadada tartanka guddoonsiiyey qaar ka mid ah murshaxiinta. Murashaxiinta la guddoonsiiyey waxaa ka mid ah: C/casiis Laftagareen, Ibarihim macalin Nuur, Aden Saransoor, Xussein Cusmaan Xussein iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Source: goobjoog.com
-
Dagaal ka qarxay xuduuda Somalia iyo Ethiopia Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Kaxandhaale oo dhaca xuduuda u dhaxeya Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan. Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagalkaasi la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka dagaalamaya la sheegayaa inay yihiin xoolo dhaqato. Walow aan la ogaan karin khasaaraha dagaalka, ayaa haddana wararka aan heleyno waxay sheegayaan in hub culus ay isku adeegsanayaan maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanada Xuduuda ay ka wadaan gobolka Galgaduud. Xoola dhaqata ayaa dagaalkooda wuxuu ka bilowday ceel biyood iyo dhul daaqsimeed ku yaala deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud gaar ahaan dhanka xuduuuda , sida dadka deegaanka ay sheegeen. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixinta uu Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda ee lagu baahiyey warbaahinta waxay ahayd Bambo siyaasadeed oo lagu qarxiyey mashruucii ugu weynaa xukuumadda Nabad & Nolol ee ahaa inay ku guuleysatay dib u habeynta hanaanka maaliyadda dalka iyo la-dagaalanka musuqa oo beesha caalamka ay u qirtay. Warbixintan waxay keentay jawaabo kala duwan, qolo walibana waxay u dhigtay sidii ay rabtay, iyadoo ay si weyn ula dhaceen mucaaradka dowladda, waxaase la yaab lahaa sidii ay u wajahaday xukuumadda Soomaaliya. Warbixinta oo Guddi ka tirsan Baarlamaanka kasoo baxday waxay ku soo hormartay Saxaafadda, taasoo muujineysa inay ujeedo laga lahaa, ka baxsan xisaabtanka, waxaana isla markiiba laga sameeyay warar iyo warbixinno lagu baahiyey luqadda Ingiriiska, taasoo iyaduna ujeedkeedu ahaa in la gaarsiiyo beesha caalamka. Hab-dhaqanka Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka qaarkood, jawaab celintii Xukuumadda iyo wixii ka dhacay Baarlamaanka fadhigiisii 24-ka November 2018 waxaa lagu soo koobi karaa 10-ka Qodob ee soo socda: BAARLAMAANKA 1- In Warbixintii Guddiga Maaliyadda iyo kuwa la mida ah ay yihiin kuwo si weyn loogu baahan yahay, iyadoo loo marayo dariiqa sharciga ah, daacadna laga yahay si loola xisaabtamo hay’adaha fulinta dowladda. 2- In mugdi badan ku jiro sida loo maamulo dhaqaalaha dalka, isla markaana ay weli socoto ku takri falka dhaqaalaha iyo musuq la isla ogyahay. 3- In Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ay la wareegeen koox ka tirsan dowladii hore iyo xisbi mnucaarad ah oo dano gaara u adeegsaday, iyadoo uu soo shaac baxay xildhibaanka arrintan oo dhan ka dambeeyay. 4- In Guddiga Maaliyadda iyo Baarlamaanka ay u taallo xisaabxirka sanadkii hore ee 2017 oo aan weli laga doodin, tani waxay caddeyn u tahay inaan isla xisaabtan meesha oolin mar haddii laga doodayo misaaniyadda sanadkan 2018, iyadoo sanadkii hore xisaabxirkiisii aan la xirin. 5- In jiritaanka iyo waxgalnimada Guddigan muhiimka ah uu halis ku jiro markii uu dhexda u galay koox danley mucaarad ah oo ka tirsan iyo xukuumadda oo dagaal ku qaaday. Ma cadda sida uu u sii shaqeyn doono, laga yaabee inuu sidan howlgab ku noqdo. 6- In guddoonka Baarlamaanka gacanta ugu jiro madaxda sare ee dowladda oo aanay suuragal ahayn inay xeeriyaan go’aan aysan raali ka ahayn madaxda sare. XUKUUMADDA 7- In xukuumadda Soomaaliya ee xilligan jirta ay ka go’an tahay inay dagaal siyaasadeed iyo cadaadis dhinac waliba leh la gasho koox kasta oo ka hor timaada. 8- In xukuumadda ay faragelisay, isla markaana kala qeybisay Guddiga Maaliyadda; khalad kastoo dhinaciisa ka yimaada waxay ahayd inay ka jawaabaan oo kaliya eedaha loo jeediyey, waxayna tani muujineysa inay jiraan wax la qarinayo. 9- In wasiirada xildhibaannada ah ee ka tirsan xukuumadda Kheyre ay dhibaato weyn ku hayaan shaqadii Baarlamaanka, iyagoo mar waliba oo loo baahdo ka qeyb gala fadhiyada Baarlamaanka, si ay wixii ay sharci ku waayaan ay buuq iyo sharci darro ugu soo dhacsadaan. 10- Inaan Baarlamaanka hadda jira laga sugin inuu la xisaabtamo xukuumadda hadda jirta, haddii aanu isbedel dhicin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Siyaasi Cabdilaahi Dahab Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee Gobolada Barri, wada hadalada Somaliya ee uu Madaxweynuhu joojiyey, qaabka uu Faysal Cali Waraabe uga hadlay iyo is bedelada Siyaasadeed ee Geeska. Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Dahab), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Komishanka Doorashooyinka u soo jeediyey inay is casilaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabaya joojinta wada hadalada Somaliya iyo qaabka uu Faysal Cali Waraabe uga hadlay “Wadanku wuxuu Wadan ku yahay ilaalinta qawaaniinta iyo sharciga u yaala, in la ilaaliyo mucaarad iyo muxaafidba, qof caadiya iyo qof siyasiyaaba, ama qof madax ahba, in si isku mid ah Sharciga loo ilaaliyo ayaa Wadanku Wadan ku noqonayaa,laakiin Sharcigii loogu ogolaaday in Xukuumaddu la hadasho Somaliya, waa Sharci soo maray Golayaasha, oo la weydiiyey Golayaasha in Xukuumadda loo ogolaado inay iyadu wada hadal la furi karto Somaliya, iyada oo halkaas danaha dalka ka dhawaraysa, waxyaabaha ay sheegtay darteed ayaa Golayaashii Sharcidejintu ayey ka ogolaadeen in Xukuumaddu la hadli karto Somaliya, in Somaliland Somaliya la hadashana waxa micnaheedu yahay inay Xukuumaddu masuul ka tahay la hadalka Somaliya, oo cid kale oo ka masuul ahi aanu jirin, markaas iyada ayaa xaq u leh inay wada hadalka furto ama xidho, marka sharciga la eegayana, Xisbiyada qaranka iyo Golayaasha waxaa saaran xisaabin iyo ka war hayn, oo ah qaranimadii ma waxbaa loo dhimay, mise waxba lagu kordhiyey, markaas kadib ayaa laga keeni karaa dood ah in la joojiyo wada hadalka oo la xidho, haddii loo arko inay Somaliland, dhib ku tahay, waa haddii ay Xukuumaddu tidhaahdo waanu sii wadaynaa, haddii ay si fiican u wadana waxa la odhan karaa sidaas u sii wad, markaas wada hadalka Somaliya ee ay Xukuumaddu tidhi waanu joojinay, waxaan u arkaa inay iyadu xaq u leedahay, madaama Dawladda Farmaajo ay Somaliland ula dhaqmayaan sidii Maamul Goboleed oo kale, in Xukuumaddu joojiso, oo ay halkeedii hore u caliso, iyada ayaa xaq u leh, wax dhib ah oo ku jiraana ma jirto”. Mar aanu wax ka weydiinay is bedelada Siyaasadeed ee ka socda Geeska, is bedelka Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa yidhi “Arrimaha Itoobiya wey soo fara badanayaan, warar xogogaal ah oo aanu helanayna waxay sheegayaan in Safiirka Itoobiya ee Somaliland, in aan la eriyin, ee ay Muqdisho sameeysay, Muqdishana dayaacado fara badana wey inagu wadaa, arrimo Siyaasadeed oo inaga dhan ahna wey inagu wadaa, Somaliland iyo itoobiyana waxaa ka dhexeeya xidhiidh fiican, oo dhinacyo badan leh, Dhaqaale, Amni iyo Dhulbaa inaga dhexeeya, markaas haddii ay u gacan haadiyaan, Farmaajo oo wax ka khuseeya Somaliland aanay jirin, Siyaasad xumo tii ugu weynayd ee ay Itoobiya ciyaarto ayey noqonaysaa, cidda u dhitanaysaana iyada weeye, Qarankani mid dhaw iyo mid fogba, midna ka gaban maayo, marka ay noqoto sharaftiisa, iyo jiritaankiisa oo la isku dayo in wax loo dhimo, Axmed Abay, waa nin cusub, Siyaasada noocaasna waanu uga digaynaa, isagana waxaa dhibaato ugu filan, dal dhibaataysan, oo balaadhan, oo kala go go’an, oo dadku kala qoomiyadu yihiin, ayaa gacanta loo galiyey, inuu tiisa guddaha uu hagaajiyo ayey dantu ugu jirtaa, arrimaha imika socda, ee ah isku taga Elatariya, Itoobiya iyo Somaliya, danahooda dhaqaale, iyo siyaasadeed iyaguu khuseeya, laakiin arinta aanu uga digaynaa waxaa weeye in aanay marnaba xisaabta ku darsan wax Somaliland khuseeya, anagu Xisbi ahaan waxaanu leenahay wax la aqbali karo ama wax la yeeli karo maaha in qaranimada Somaliland waxyeeladeeda lagu dheerado, sida aanu haddaba ka maqalayno Warbaahinta, inta aan arintaas la soo gaadhina waxaan soo jeedinayaa in difaac adag la xidho wax kasta oo waxyeelo ku ah Somaliland, isku day kasta oo loo maleegayo Somaliland aynu ka hor tagno” Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Safarka Madaxweynaha ee Gobolada Barri ayaa ku jawaabay “Safarka Madaxweynuhu wuxuu muujinayaa in dadka reer Somaliland yihiin dad aad u wanaagsan, wuxuu muujinayaa safarka Madaxweynuhu in dadka reer Somaliland yihiin dad jecel madaxdooda, iyo qarankooda, Madaxweynuhu soo daweeyan xoogan ayuu kala kulmay meeluhu islahaa aad lagaagama soo dhaweeynayo, taasina waa bilsayl ay dadka reer Somaliland leeyihiin, waana u amaanaynaa in dadka reer Somaliland ka midaysan yihiin waxyaabaha guud ee qaranka, iyada oo qaranimadeenii khatar ku jirto, maaha in buuq fara badan iyo kala daadsanaan guddaheena ah la dareemo, qaranimadeena guud ee dalka waa inaynu adkaynaa, khatar kasta oo inagu soo waajahana waa inaynu ka hor tagna, iyada oo qabsoomidii Doorashadu diyaar inaga tahay inuu Madaxweynuhu safar galaa wey ka sii wanaagsanaan lahayd, laakiin candhaba waa xubin, ee mar haddii uu maataba tagay, ee waxaanu kula dardaarmaynaa in halkay Ciidamadu joogaan iyo Xuduudaha Barriga, Tukaraq, Badhan iyo Laas-qorayba inuu wada gaadho, oo uu u hoydo, oo uu joogo, oo muwaadiniinta halkaas jooga inuu dhegaysto baahidooda, oo uu la sheegaysto, oo uu balan cad u soo qaado wuxuu qabanayo, waxaa la yidhi haani gunta ayey ka tolantaa, oo marka aad badhida ku fadhido ayaad wax qabsan kartaa, ee Beelaha darafyadu waa inay si dhab ah Somalilad raali uga noqdaan, waxayna raali uga noqonayaan in heshiisyadoodii hore la fuliyo, baahidoodana la dhegaysto, horumarkia iyo dawladnimadana la gaadhsiiyo, taasina waa waajib qaran, oo Madaxweynaha looga fadhiyo”. Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Sidii aanu horeba u sheegaynay Doorashadu dib bay u dhacaysaa, sababtuna waa Komishanka, maxaa yeelay khilaafka Komishanku wuxuu keenay in Doorashadu dib u dhacdo, Xisbi ahaana waxaanu qabnaa in Komishanka la kala diro, waana soo jeedinay kala dirkiisa, in badana waanu ku cek-celinay, Xisbi ahaana Komishankani inta uu joogo Doorasho gali mayno, mana dhacayso, maxaa yeelay Komishankan laguma kalsoonaan karo, Garsoor dhex ah oo daacad ahna maaha, Todobada xubnood ee Komishanka sharaftoodu waxay ku jirtaa inay is casilaan, si loo dhaqaajiyo hawlaha Doorashooyinka, balse haddii ay is casili waayeen, waa u sharaf daro, Doorashooyina dhici mayaana, waxayna ku calaamad sanaan doonaan Komishankii Doorashooyinka dib u riday” Qaran News
-
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah Soomaaliya Cabdiraxmaan Belye oo sabtidii hor yimid golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeynta guddiga maaliyadda ee golaha ayaa dhinaca kale sheegay in dalka aaney ka jirin wax maxkamado ah. Mr. Belye oo arrintaas ka hadlaayo wuxuu yiri “arrimaha meeshaa lagu soo qoray waa malo-awaal, arrin suuq ah iyo kutiri-kuteen, la habeeyey, oo dabadeedna internetka la geliyey, adduunyada kale maxkamad aya ala isgeyn lahaa sow ma aha, tanoo kale adduunyada kale, I can tell you, maxkamad ayaa la isgeeyaa, ee innaga maxkamad miyaan leenahay, qabiilbaa maxkamad noo ah sow ma aha”. Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ma sii faah-faahin ujeedka iyo sababta uu sidaa u yiri, laakin taasi waxaa ay ka hor imaaneysaa dadaalladii uu sheegay madaxweyne jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Mudane Farmaajo waxaa uu mar hore ballan-qaaday inuu hagaajin-doono ama isbadal ku sameyn-doono garsoorka dalka, isaga oo guddoomiyaha maxkamadda sare u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, waxaa kale oo isbadal lagu sameeyey 6 ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maal-mihii dhowaa waxaa xukuumadda Xasan Kheyre kusoo baxay fadeexad weyn, oo ku saabsan lacag gaareysa 42 milyan oo dollar oo miisaaniyadda dowladda laga xaday muddo sanad gudihiis ah, sida ay sheegeen guddiga maaliyadda baarlamanka. Sida guddiga uu sheegay lacagaast waxaa ka mid ah 20 milyan oo ka mid ahayd 50 milyan oo Sacuudiuga uu siiyey Soomaaliya, oo aan meel lagu sheegin. Xukuumadda Kheyre ayaa dagaal xooggan u gashay inay masaxdo kiiskan, ayada oo kicisay xildhibaano ka mid ah guddiga maaliyadda oo ku xiran xukuumadda, islamarkaana wasiirka maaliyadda uu hor-tagay baarlamanka, si uu u beeniyo eedeymaha loo soo jeediyey. Si kasta oo aad u eegtaba kiisan wuxuu xukuumadda Kheyre gaarsiiyey laba dhaawac oo aysan kasoo kaban doonin. 1 – Kiiskan wuxuu aad u wiiqay dagaalkii dowladda ay sheegi jirtay inay kula jirto musuq-maasuqa oo horey loogu xiray xubno hoose oo ka tirsan dowladda. Dad badan ayaa is-weydiin jiray sababta dadka la xiray ay inta badan u yihiin dad maqam hoose, oo aysan ugu jirin wasiiro ama wasiiro ku xigeeno. Ayadoo oo ay dad badan is-weydiinayeen su’aalahaas, ayaa waxaa soo baxay kiiskan oo aad u ceebeeyey wasiirka maaliyada iyo ra’iisul wasaaraha, waxaana lacagta maqan oo aan ahayn hal ama laba milyan balse ay tahay 42 milyan ay ka dhigeysa in la aamino in dowladda aysan ka bad-qabin musuq-maasuq, dadkii la xirayna ay ahaayeen tallaabo lagu qaldayey shacabka, oo lagu qarinayey musuq-maasuqa madaxda sare. Wixii hadda ka dambeeya way adkaan doonta in la aamino in dowladdan ay daacad ku tahay musuq-maasuqa ilaa ay ka muujiso in dagaalka ay sheegato ay qeyb ka noqdaan wasiirada lacagta badan ay ku maqan tahay. 2 – Kiiskan wuxuu fusrad u noqday xubnaha mucaaradka ku ah dowladda. Mucaaradkan ayaa waxay gaareen heer ay dowladda xitaa ku eedeeyaan haddii ay wax wanaagsan qabato, ayaga oo dhinac kale u leexinaya. Bal ka fakar, waxa uu kiis musuq maasuq oo gaaraya 42 milyan oo dollar ula macno yahay. Waxay tani u adeegsan doonaan inay ku wiiqaan ama hoos u dhigaan tallaabo kasta oo ay dowladda qaado. Waxay mar walba shacabka u sheegi doonaan in dowladda aan la aamini karin. Xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira baarlamanka ayuu sidoo kale kiiskan u yahay albaab ay kasoo galaan mooshin ay ka keenaan ra’iisul wasaaraha, oo hadda guuxiisa uu bilow yahay, balse u baahan in taageero badan loo helo. Kheyre iyo xukuumaddiisa waa inay la yimaadaan caddeyn buuxda oo ka masaxda magac xumada gaartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba beenisay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay lacag ugu deeqday dhismaha jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo ee ay iska’ kaashanayan Puntland iyo shacabkeeda. War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in lacagta $1500,000.00(hal malyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar) ee xukuumadda Federaalku sheeganayso ay tahay qoondadii Puntland ka heshay deeq ay bixisay Midowga Yurub oo la soo mariyay dowladda Soomaaliya. Qoonadaas ayaa sida war-murtiyeedka lagu sheegay dowladda Puntland dhammaanteed u leexisay jidka Ceeldaahir-ceerigaabo ee dhismihiisu socdo. Dhinaca kale Puntland ayaa Villa Somalia ku eedaysay in laga la’yahay qoonadii Puntland ku lahayd lacag dhan $200 oo malyan Dollar,taasi ay Soomaaliya ugu deeqday dowladda Qatar iyo lacago kale oo si joogta ah loogu soo qaato magaca Soomaaliya. War-murtiyeedka ayaa la sooo raaciyay lifaaq caddaynaya in lacagta$1500,000.00(hal malyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar) a tahay qoonadii Puntland ka heshay deeq ay bixisay Midowga Yurub oo loo yaqaan”Surge-Money”. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo beenisay in xukuumadda Soomaaliya lacag ugu deeqday jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Miisaaniyadda Dowlada Federaal ee 2018 wuxuu Baarlamaanka ansixiyey 6 Agoosto 2017. Miisaaniyada la ansixiyey waxey ahayd $274 malyan. Waxeyna ka koobnayd $156 malyan oo dowladda canshuurta gudaha dalka ka soo saari doonto iyo $118 malyan dakhli deeq ahaan kaga imaan doonta hay’adaha iyo dowladaha miisaaniyadda dowladda Soomaaliyeed ka kaalmeeya sida ( EU, USA iyo World Bank). 50 Malyan ee Sacuudiga waxey timid bishii September kadib markii la ansixiyey Miisaaniyadda Dowlada mana ahayn lacag Dowladda Soomaaliya miisaaniyadeeda ku xustey ama la filayey, sidaa darteed ayaa kayd ahaan loogu dhiibey Bangiga Dhaxe loona dhigey Akoon Bangiga Dhaxe ku leeyahay dalka Turkiya. Bixinta iyo isticmaalka lacagaha kaydka ah wuxuu maraa Xeerka Habraaca Miisaaniyadda kaydka . Xeerkan wuxuu u qorayaa in Wasiirka Maaliyadu isticmaaliyo karo lacagta kaydka marka ay timaado xaalad deg deg ah sida fatahaado, abaaro, cuduro dilaacey ama kharashaad muhiim u ah Qaranka oo lama huraan ah kasoo aan muuqan markii la diyaarinayey qoondada Miisaaniyadda. Isticmaalka lacagta Kaydka waxaa ansixiya Golaha Wasiiradda kadib Wasiirka wuxuu la wadaagayaa Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka. Haddaba su’aallaha isweydiinta mudan waa lacagta $35 malyan ee Dowladdu kala baxdey akoonka Bangiga Dhaxe ku leeyahay dalka Turkiya Golaha Wasiiradda ma ansixiyeen?. Ma lala wadaagey Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ?. Wasiir Bayle labadaa arrimood kama sheegin Golaha Shacabka. Midda kale Wasiirku ma faahfaahin sababta keentey in lala baxo lacagta Keydka ahayd iyo baahida lagu dabooley ee lama huraanka ahayd. Wasiir Bayle waxey shacabka Soomaalida ka rabaan in u sharaxo 1. Dakhligii Dowlada ay filanaysey in gudaha ka soo xaroodo ee ahaa $156 malyan ma soo xaroodey?. 2. Dakhligii laga filayey Deeq bixiyaasha ee ahayd $118 malyan ma laga helay ?. 3. Miisaaniyaddii 2018-kii ee $274 malyan ma la wada helay sidii Qorshaha ahaa ee Baarlamaanka u ansixiyey ma loo qarash gareeyey?. Haddii wax isbedel ah jiraan la wadaag shacabka. Waa in ay daahfurnaan ay jirtaa. 4. Lacagta Sacuudiga ($50malyan)ee Kaydka ahayd oo ay xukuumadu ka isticmaashey $35 malyan maxaa keeney in la isticmaalo?. Maxaa lagu baxshey qarashkaa?. Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka ma lala wadaagey?. Wasiir Beyle waxaa laga rabaa in shacabka Soomaaliyeed ugu jawaabo su’aalaha dusha sare ku xusan sida kalsoonida shacabka u kasbado, dowladduna loo aamino. Hadii taas la waayo oo eedda xukuumadaada loo soo jeediyey eed kale, gabay iyo maahmaah ugu jawaabto, laakiin xisaab xir aadan la’imin, wuxuu xaalkaadu noqonayaa Wasiir ” Run ha sheegin, Beena ha sheegin waxaad sheegtana ha weynin” iyo nin lagu seexdey oo seexdey!. W/D: Ilyaas Maxamuud Xuseen
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Xamuul ah iyo mid Land Cruiser ah oo marayay halka loo yaqaano Luga-Baxsi ee magaaladaasi. Ugu yaraan illaa 2 Qof ayaa ku dhimatay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen afar kale, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Dadka ku dhaawacmay shilkaasi ayaa la dhigay mi ka mid ah Isbitaallada M/ Baydhabo, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad. Inta badan shilalka Gaari ee ka dhaca gudaha dalka ayaa loo sababeeyaa dhowor arrimood oo ay ka mid tahay Darawallada qaar oo aan qibrad u lahey wadida Gawaarida. The post Shil khasaaro geystay Oo ka dhacay magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jigjiga ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo magaalada Jiigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku warramaya in maanta lagu arkayo Ciidamo badan oo loo soo dhoobay gudaha magaaladaasi. Ciidamadan oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa la sheegay in lagu arkayo Waddooyinka waa weyn ee magaalada Jigjiga. Arrintan ayaa timid, kadib markii dadka deegaanku ay caroodeen xarig lagula kacay Madaxa nabad galyada ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoona shalay rabshado ka dhashay xarigaasi ay ka dhaceen halkaasi. Askartani la soo dhoobay gudaha Jigjiga ayaa ka hortagaya rabshado hor leh oo laga cabsi qabo in ay markale ka dhacaan magaaladaasi. Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay rabshado u dhexeeyay Qowmiyahadaha Soomaalida iyo Oromada ay ka dhaceen magaaladaasi. Rabshadahan ayaa la sheegay in lagu gubay Guryo dhowr ah oo ay daganayeen dad Soomaali ah. Xaaladda ayaa maanta dagan, iyadoona shaqaaqooyinkaasi ay ku baxeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, si looga hortago xiisadaasi. The post Ciidamo Itoobiyaan ah Oo la dhigay Waddooyinka Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddiga cusub ee qaban qaabada doorashada Koonfur Galbeed ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta Musharraxiinta u taagan qabashada xilka maamulkaasi. Illaa laba Musharrax ayaa lagu soo warramayaa in ayis diiwan eliyeen, kuwaas oo kala ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo Aadan Maxamed Nuur (Saransoor). Doorashada ayaa la filayaa in ay dhacdo shanta bisha soo socota ee December, taas oo ay u taagan yihiin Musharraxiin dhowr ah. Wariyaha Shabelle ee magaalada Baydhabo Maslax Raage ayaa ka warbixiyay arrimaha is diiwaangelinta Musharraxiinta u taagan doorashadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-Maslax-Raage-Baydhabo-.mp3 The post Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Oo bilaabay diiwaangelinta Musharraxiinta appeared first on Shabelle. View the full article