-
Content Count
207,017 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hanti-dhowraha guud ee qaranka ayaa isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo waxaa uu baaris ku sameeyey dowladda hoose ee Xamar Janaayo ilaa Juun ee sanadkan 2018-ka, lixdaas bil gobolka Banaadir wuxuu qarash gareeyey $16, 556, 504,75, waxaa ku jirto 5 Milyan Dollar oo aan caddeyn loo heyn meesha ay ku baxday. Hanti-dhowrka waxaa uu sheegay inay jirto khidmad laga goosto lacagta canshuurta inta aan la xareyn, buugaagta oo aan caddeyn loo heyn, dhakhliga oo aan lagu sameyn tirakoob, dowladda hoose oo aan laheyn miisaaniyad sanadeed, Kharshaadka Dowladda Hoose oo aan lahayn caddeymo dhammaystiran, Hay’ado iyo shakhsiyaad ka baxsan Dowladda Hoose oo si joogta ah lacag uga qaata Dowladda, Habraaca Iibka Dowladda Hoose iyo qandaraasyada oo aan loo marin tartan furan, Waaxda Kormeerka iyo Baarista (Internal Audit) ee Dowladda Hoose oo aan ahayn mid xoogan si hufana u gudan karta waajibaadka loo idmaday, Dowladda Hoose’oo leh sharci shaqaale duqoobay oo aan la jaanqaadi karin xiligan, ma laha hab lagu maamuli karo hantidad guurtada ah iyo ma guurtada, ma laha waax u gaar ah heshiisyada iyo mashaariicda. Meelaha la baaray waxaa ka mid ah: Dakhliga, Miisaaniyadda, Kharashaadka, Habka Iibka, Shaqalaaha, Qaab dhismeedka, Heshiisyada, Mashaariicda, Deymahaiyo Hantida Guurtada iyo Maguurtada iyo arrimo kale. Tuusaale ahaan, deymaha Dowladda hoose ay gashay sannadka 2018 waxay isugu jiraan Deyn la sheegay in ay ku leeyihiin Shirkaddo ay gaadiid ka ‘qaadatay dowladda Hoose, shirkado biyo dhuuqis sameeyey, Shirkado dhisay qaar ka mid ah waddooyiinka Magaalada Muqdisho iyo deyn lagu bixiyey afurin loo sarneeyey dad masaakiin ah, Deymaha Lagu Leeyahay Gobolka Banaadir Jan-June 2018. Qalabayn Xafiis : $47,691, Internet: $79,035.50, Afurin Dad masaakiin ah: $327,398, Biyo Dhuuqis: $52,277.25, Qalabayn Xafiis: $25,405, Korontada: $86,765.91, Biyo Dhuqis: $58,725, Biyo Dhuuqis: $56,140 , iibin Gaadiid: $314,749 . Dhammaan marka la isugu geeyo deynta lagu leeyahay dowladda hoose ee gobolka Banaadir waa: $1,048,186.66 Arrimaha Dakhliga: Dowladda Hoose dakhliga ay qabato waxa uu ka soo galaa canshuuraha ay ka qaadaan dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, Buugaagta ay Dowladda Hoose u isticmaasho dakhli qabashada iyaga ayaa soo daabacda, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda wuxuu u tiimbareeyaa buugga dushiisa iyadoo Waaxyaha dakhli qabashaduna ay buugaagta ka qaataan Xafiiska Tashiilka Dowladda Hoose ee Xamar. Ilaha uu dakhligu ka soo galo Dawladda Hoose waxay kala yihiin:- Waaxda Gaadiidka iyo Ganaaxyada. Waaxda Dad Dhigista .. Waaxda Caapmaacifa. Waaxda Canshuuraha Waaxda Adeegyada Waaxda Suuqyada Waaxda Maamulka Dliulka Waaxda .Nadaafadda . . ‘ . Guddiga Khilaafaadka Dhulka Waaxyha dakhli qabashada DowladdaHoose waxay dakhliga ay qabtaan ka goosanjireen boqoleey (%) ka hor inta aysan u gudbin Khasnadda- Guud ee Dowladda Hoose. Waaxyaha goosan jiray dakhliga waxay kala ahaayeen: Waaxda Gaadiidka iyo Ganaaxyada, Iskaatada Gaadiidleyda. Arrinkaas wuxuu muujinayaa habacsanaan iyo hubin la’aan kajirta Dowladda Hoose sababtayna in lagu xad gudbo Sharciga Maamulka iyo Maaliyadda Dalka Sharci Lambar 317 ee soo baxay 1711211962 qodobkiisa 34aad oo sheegaya in dakhli la qabtay aan la isticmaali karin ka hor lnta aan lagu xarayn Kliasanadda Dhexe ee Dowladda. Muddadii aan baarista ku jirnay waxaan ogaanay in Dowladda Hoose aysan lahayn habraac tariifo, tariifooyinka canshuuraha lagu qaadana ‘ay yihiin kuwo ay dajiyeen Guddoomiyayaashii hore ee soo maray Gobolka Banaadir -. Sidoo kale waxaan ogaanay in Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ay tariifo la’aan dakhli qabato Iyadoo aanay jirin taariifo rasmi ah ay Waaxdu canshuur kaga qaado maraakiibta raashinka iyodadka lop sameeyo kaararka aqoonsiyada (ID Cards). Habka lacag qabashada Dowladda Hoose ayaa ah mid aad u liita oo danbeeya, manajiro nidaam guud oo loo maro qabashada ‘iyo keydka dukiunintiyada dakhliga, taasoo keentay in la waayo qaar ka mid ah dukumintiyadii lagu qabtay dakhliga, waxaana muuqata .in ia baalmaray Sharciga Maamulka iyo Maaliyadda Dalka Sli~rci Lambar 317 ee 1711211962. Qodobkiisa 160aad Farqadiisa 2aad oo sheegaya in foojarada lacag . bixinta, buugaagta dakhliga ee dhammaaday iyo dliwaanada xisaabaadka la baabi’in karo toddoba (7) sa110 kadib.. {Eeg Lifaaqa warqada lagu amray Waaxda Caafimaadka.in ay dakhliga k11 qabato), Dakhliga ay soo uruuriyaan Waaxyaha dakhliga qabta waxay geyn jireen Khasnadda Guud ee Dowladda Hoose, ka dibna waxaa lagu shubi jirey koontooyinka Bangiga Dhexe uga furan. Majirto wax halbeeg ah oo ay Dowladda Hoose ku cabirto dakhliga sannadlaha ee soo gala. Canshuuraha laga uruuriyo Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaan si dheeli tiran loo soo wada uruurin, iyadoo Degmooyin cayiman xoogga Ia saaro halka kuwa kalana aan sidii la rabay looga soo uruurin canshuuraha. Kharashaadka: Dowladda Hoose intii aan, baarista ku guda jirnay waxaan ogaanay in aysan lahayn Miisaaniyad sannadeed qorshaysan oo ay ansixiyeen Guddi k madax banaan Maamulka Gobolka Banaadir, laguna saleeyay dakhliga guud ee Dowladda Hoose u soo xarooda. Taasi waxay dhalisay in aysan xakamaysnayn qaabka ay kharashaadka Dowladda Hoose ku baxaan, loona bixiyo si aan qorshaysnayn. Waxaa jiray in Hay’ado iyo shaqsiyaad ka baxsan Dowiadda Hoose si joogta ah loo siiyay lacago laga qaaday canshuur bixiyayaasha .iyadoo aysan jirin wax heshiis ah aan aragnay oo la galay. Lixdii bilood ee hore sannadka 20’18 Dowladda Hoose waxay kharash garaysay S 16,556,504.75, dhammaan kharashkaas intiisa badan ma lahayn wax caddeymo ku filan (support documents), sidoo kalana lagama samayn wax xisaab celin ah sidii loo kharash gareeyey. Muddadii baarista waxaan ogaanay in jeegagga lacag bixinta Dowladda Hoose lagu qoro magaca Khasnajiga Guud si uu Bangiga Dhexe uga soo qaado, caddadka lacagaha lagu qoray magaca Khasnajiga Guud ayaa dhammaa SS,972,085.82, manajirin wax caddeynaya in dadkii la siinayay lacagahaas la gaarsiiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar toos ah oo ku bilowday qaraxyo oo saaka ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Weerarka ayaa la sheegay in uu ku bilowday qarax Ismiidaamin ahaa, iyadoona kadib Rag hubeysan ay gudaha u galeen xarun Gaalkacyo uu ku lahaa Wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare oo caan ka ahaa magaaladaasi. Ku dhawaad 15 Qof oo uu ku jiro Wadaadkaasi ayaa ku dhintay weerarkan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in la toogtay qaar ka mid ah Xertii Wadaadkaasi iyo Rag ilaala u ahaa oo ku sugnaaa xaruntaasi. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in weerarkaasi ay ku dileen Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare oo ay tilmaameen in uu aflagaadeeyay Nabigeena Muxamed NNKH. Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana weerarka soo afjaray Ciidamada ammaanka oo Toogtay qaar ka mid ah Raggii soo qaaday weerarkaasi. The post Weerar ku bilowday qaraxyo Oo ka dhacay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka. Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda. The post Madaxweynaha JFS Oo maanta shir uga qeyb galaya Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan bilaabay safaro uu ku kala bixinayey gobollada maamulkaas oo uu ugu magacdaray “Safarka nabadda iyo Midnimada”. Goobaha uu booqday Muuse Biixi waxaa ka mid ah gobolka Soo xilli uu u sii gudbay tuulada Tukaraq oo a meel ay isku horfadhiyaan ciidamadiisa iyo ciidamada maamulka Puntland. Tukaraq waxaa ka jirtay xiisad dagaal oo tan iyo bishii Janaayo markaas oo ay xoog kula wareegeen ciidamada difaaca ee Somaliland. Socdaalka Muuse Biixi waxa uu xaqiijiyey laba qodob. 1 – In lagu kala adkaaday dagaalkii gobolka Sool Maamulka Somaliland waxa uu Laascaanood oo ah xaruta gobolka Sool xoog kula wareegay 2007 iyaga oo ka eryaday maamulka Puntland oo ka arriminayey. Wixii intaa ka dambeeyey waxaa gobolka ka dhacay dagaalo goos goos ah oo ay Puntland ku sheegeysay in ay ku xorreyneyso deegaankaas, welina aysan wax guulo ah ka gaarin. Hase ahaatee, ilaa iyo hadda oo ay xiisadi ka taagan tahay, waxa muuqata in Somaliland ay ficil ku muujisey in ay gebi’ahanba uga adkaatay Puntland dagaalkii gobolka Sool, taas waxaa xaqiiinaya in Biixi ka sii hordhoco in uu booqanayo Sool iyo Tukaraq kana dhabbeeyo halka Puntland ay soo saarto warqado booto ah oo hadda laga daalay aqrintooda. 2 – Bulshada reer Sool (Sool clan) oo boqolkiiba 80 ku siyaasad noqday Somaliland Waxaa jirtay waqti la kala qeybiyo bulshada gobolka Sool iyada oo lagu andacoon jiray in beesha Jaamac Siyaad ay la socoto Somaliland, balse inta kale ee degta gobolka Sool aysan raacsaneyn ama ogoleyn Somaliland, hase yeeshee, waxaa marag madoonto ah in manta Sool clan 80% ay isku siyaasad noqdeen beesha dhexe ee Isaaq oo ay dhabarka u jeediyeen Majeerteen. Beelaha awoodda leh ee hadda ka xarig furtay Puntland ee aaminsan laba midkood; in ay maamul sameystaan iyaga u gaar ah oo Sool clan u dhan yahay ama ay wax la qeybsadaan Isaaq waxaa ka mid ah Ogaadhyahan, Axemd Garaad, Barkad, Bahararsame iyo dhammaan ita ay beesha Sool clan ka kooban tahay. Waxaa sabab u ah arintaas Puntland oo ka badin weyday in ka hano qaaddo halkii ay 10 sano joogtay iyo maamulkii ay Harti wada dhisteen oo isugu biyo shubtay saddex jiifo hoose oo ka mid ah Majeerteen ee loo yaqaan Maxamuud Saleebaan. W/Q: Guuleed Axmed Baashe Hargeysa, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wadaadka layiraahdo Sh Cabdi Wali Sh Cali Cilmi yare oo xir badan ku heeystay Koonfurta magaalada Gaalkacyo isaga iyo qaar badan oo kamid ah xirtiisii ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah iyo weerar too sh oo Al-shabaab ay ku qaadeen magaalada Gaalkacyo. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada lagu dilay Cabdi Wali Cali Cilmi yare iyada oo sidoo kale sheegtay in ay dileen 11-kale oo ay sheegeen in ay ahaayeen ilaaladiisa. Ciidamada Gal-Mudug ayaa soo afjaray weerarkii saaka Al-shabaab ay ku qaadeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Faah Faahin Dheeraad ah dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Pos Muqdisho The post Sheekh Cabdi Wali Cali Cilmi yare oo ku dhintay weerar ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-261118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa goor dhow la xaqiijiyey inuu geeriyoodey wadaad C/weli Cali Cilmi Yare, kadib weerar ay Al-shabaab ku qaadeen xarun uu ku lahaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wariyaheena Cali Cayn ayaa soo sheegaya in Wadaadkan iyo sidoo kale dad ka badan 10 ay goobta ku dhinteen, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Ciidamada Galmudug ayaa soo afjaray weerarkan Al-shabaab ku qaadeen xaruntan oo ay joogeen xer aad u badan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray Nairobi, Kenya halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka. Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda. Waa dalkii 4aad uu madaxweyne Farmaajo booqdo tan iyo 19-kii bishan, waa horay u soo booqday dalalka Talyaaniga, Turkiga iyo Uganda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Weerar Xooggan oo ku bilowday qarax Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday xarun uu Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ka deganaa Wadaadka C/weli Cali Cilmi, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad u badan xer. Qaraxan oo loo adeegsaday gaari ayaa waxaa xigey rag hubeysan oo halkaasi gudaha u galay, kuwaasi oo bilaabay iney dilaan dadkii goobta ku sugnaa. Warar goor dhow aan helnay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku dhintey C/weli Cali Cilmi, iyadoo weli gudaha xaruntan dagaalka uu ka socdo. Ciidamada Galmudug ayaa isku gadaamay halka ay galeen raggan weerarka qaaday ee loo maleynayo ine ka tirsan yihiin Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacayo-[Puntland Post]-Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo Saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Labo Qarax oo waa weyn ayaa ka dhacay xarunta wadada Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi yare oo ku taalla Koonfurta Magaaladasi Qaraxyadda ka dib dabley hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen xarunta ,halkaasna ay ku laayeen dadkii ku sugnaa. Dad badan oo isugu jira Shacab iyo xertii wadaadka ayaa la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhinteen, waxaana ugu dambeyntii weerarkaasi soo Afjaray Ciidanka Galmudug. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxyaddaasi lagu dilay Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi. dhanka kale war ka soo baxay Alshabaab ayey ku sheegteen in ay iyagu ka danbeeyen weerarkasi waxana sida oo kale ay qoraalkooda ku cadeeyen in uu geeryooday wadadkii xaruntaasi haysta. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Faah-Faahin -Qaraxyo Saaka ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay inay iyaga fuliyeen weerar saakay lagu qaaday Xarunta uu Magaalada Gaalkacyo ka daganaa Shiikh Cabdi Wali Cali Cilmi Yare iyo xirtiisa. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen Shiikh Cabdi Wali Cali Cilmi Yare iyo 11 kamid ah ilaaladiisa. Al-Shabaab ayaa wadaadkaan ku sheegay inuu nabinimo sheegtay sidaasna ay ku weerareen. Waxay kaloo Al-Shabaab sheegeeyn inay dadka Muslimiinta ah ugu bishaareynayaan dilka wadaadkaan. Weli waxaa gudaha Xarunta wadaadkaan ku jiro kooxihii weerarka soo qaaday oo la sheegay inay gudaha la galeen baabuurka Cabdi Bilaha loo yaqaan iyo ciidamo badan oo saarnaa. Weli waxaa laga dhex maqlayaa rasaas culus oo la is waydaarsanayo, waxayna dhimashada illaa hadda mareysaa ilaa 20 qof. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa sii xogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kooxaha hubeysan ee weeraray waaberigii saaka xarunta uu dhalinyarada bada ku hayay Sheikh C/Welli Yare. Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay weerarka uu kordhay, waxaana uu gaaraya ilaa 20 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo wali dagaalka uu socdo. Dadka degan agagaarka goobta ay wax ka dhaceen ayaa xaqiijiyay in Wadaadka uu ku geeriyooday qaraxii ugu horeeyay ee ka dhacay xaruntiisa. Waxaa wali socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada doonaya inay difaacaan xarunta la weeraray iyo kooxihii weerarka geysta, iyadoo la sheegayo in kooxaha hubeysan ay gudaha xarunta wali ku jiraan. Ku dhowaad 20 ruux ayaa lagu soo waramayaa in qaraxyadaas iyo weerarkaas ay ku geeriyoodeen,waxaana mas’uuliyadda sheegtay Al-Shabaab. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Mudug Caaismada@live.com
-
Misaaniyada Ilaalada Madaxtooyada Loo Qoondeyay Oo Ka Badan Dakhliga 8-Wasaradood . Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kharashka ilaalada Madaxtooyada ku baxaaya Wuxuu ka dhigay mid ka badan 8-Wasaradood oo Qaranka hawlo muhiim ah u haya, kuwaas oo haddii la tayayn laha wax qabadkoodu bulshada gaadhi laha. 1.4% Wadarta guud miisaaniyadda 3 wasaradod ee oo kala ah * wasaaradda macdanta iyo Tamarta *wasaaradda cadaaladda iyo goorsoorka *wasaaradda shaqadda iyo shaqalaha Waxa ka badan Dakhaliga loogu talo galay ee ugu jira miisaaniyadda ilaaladda madxtoyadda , Dakhliga (Budget) misaaniyadda loogu talo galey ilaaladda madaxtoyadda waxay u dhigantaa boqolkiba 1.4% Waxaanay miisaaniyadda madaxtooyaddu ka badato 8 wasaradood oo Qaranka u adeegi lahaa. Wadarta guud misaaniyadda 8 wasaradood = 8% * wasaaradda beeraha *wasaaradda deegaanka *wasaradda dhallinyarta iyo ciyaaraha * wasaradda shaqadda iyo shaqalaha *wasaradda cadaaladda iyo goorsoorka *wasaaradda biyaha *wasaradda caafimaadka *wasaradda macdanta iyo tamarta. Arrinta ayaa cadayn u ah in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi noqonaayo Madaxweynihii ugu lacag uruursiga badnaa ee Dalka soo mara Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Weerarka ayaa dhacay abaaro 06:00 Am Subaxnimo ee saaka, waxaana uu ku bilowday qarax lala eegtay xarunta Sheikh Cabdi Welli Yare oo ku taala Koofurta magaalada Gaalkacyo. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kasaaro badan uu dhaliyay weerarka oo qaraxyada kadib weerar toos ah uu xigay, waxaana la sheegay in gudaha xarunta laga maqlay rasaas iyo qarax loo malaynayo inay shaqsiyaad isku xireen. Ciidamada DANAB oo si gaar ah u tababaran ayaa la sheegay inay ku biireen weerarka iyaga oo difaacayay xarunta la weeraray, waxaana wali la maqlayaa rasaas dhaceysa. Khasaaraha ugu badan ayaa la sheegayaa inay gaareen dhalinyarada xarunta ku sugneyd oo daacad u ahaa wadaadka leh xarunta oo ku taala dhanka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo. Lama hubo khasaaraha inta uu la eg yahay, waxaana magaalada Gaalkacyo la isla dhex marayaa in Wadaadka xarunta lahaa lagu dilay goobta, walow aan la xaqiijin karin ilaa io hadda. Caasimada Online ayaa ku howlan xaqiijinta khasaaraha dhab ah ee ka dhashay weerarka saaka. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa mar kale maanta musharax Mukhtaar Robow loo ogolaaday in uu u tartamo doorashada Madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo la siiyey shahaadada musharaxnimo. Shahaadada la siiyey Roobow ayaa timid kadib markii guddiga go’aamiyeeen inuu xaq u leeyahay inuu doorashada ka qeyb galo, islamarkaana diideen tallaabooyin ay dowladda federaalka dooneysay inay Roobow uga reebto doorashada. Arritan ayaa ku soo adeysa xilli ay dowladda Federal-ka isku dayeysay in ay ka reebto loolanka, ayada oo guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran ku saartay in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo uu ka mid yahay Roobow. Xubanaha kale ee la rabay in doorashada laga saaro ayaa ah, Xuseen Cismaan Xuseen, taliyihii hore ee NISA iyo Aadan Saransoor. Hase ahaatee, go’aankii gudiga doorashada ee Koonfur Galbeed markale ugu ogolaadeen Roobow waxay dhalineysaa laba arrin. 1 – Doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed oo xiiso badan yeelan doonta. Caadiyan haddii uu tartanka ka hari lahaa Robow, doorashada Koonfur Galbeed waxa ay noqon lahayd mid aan xiiso lahayn, sababtoo ah dad badan waxay doonayaan inay ogaadaan waxa dhici doona, maadaama Roobow uu yahay hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab. Haddii Roobow laga reebi lahaa doorashada, waxaa soo bixi lahayd in dowladda si rasmi ah ugu guuleysatay in ay dhabbaha u xaartay musharaxa ay iyada wadato ee Cabdicasiis Lafta Gareen. In Robow ka soo muuqdo liiskaas waxa ay noqon doonta mid xiiso keenta iyada oo ay waliba beesha caalamka si gaar ah ula socon doonto waxa ka dhacaya Baydhabo. 2 – Dowladda federaal-ka oo markii labaad ku guuldarreysatay in ay Roobow ay reebto Waxa ay dowladda isku dayday in ay si toos ah ama si dadban uga reebto Roobow tartanka madaxtinimo ee Koonfur Galbeed. Waxaa caddeyn u ah qoraalkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee lagu sheegayey in uusan tartami karin iyo dadaalo ay galisay guddiga doorashada si ay u reebaan Roobow. Hase ahaatee, in markale uu helo ogolaansho waxa ay dhabar jab ku tahay xukumadda Xassan Cali Kheyre oo si weyn farogalin uga heysa doorashada Koonfur Galbeed. Waxybaaha xoojinaya taageerada uu Robow ka helayo beesha Digil iyo Mirifle waxaa lagu soo koobi karaa saddex qodob oo kala ah 1 – Hanjabaaddiisii qabiillada Shabeellada Hoose dhibaatada ka wada, 2 – La dagaalanka Al-Shabaab iyo 3 – Ciribtirka tuugta isbaarada dhigata wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay meel aan ka fogeyn masaajid ku yaala degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lagu aasay meel u dhow Masjid ku yaala Xaafadda KPP ee degmada Hodon, waxaana ciidamada NISA ay sheegeen inay taageero ka heleen shacabka, maadaama xogta ay usoo gudbiyeen. War qoraal ah oo kasoo baxay NISA laguna daabacay Barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay sidoo kale ku raad joogaan qaraxyo kale oo magaalada looga shakisan yahay in lagu hayo. “Ciidanka Booliska iyo NISA, oo wada shaqayn kahelay bulshada ayaa markii labaad asbuucaan gudihiisa bixiyey Miino iyo walxa kale oo qarxa, oo ay dhagarqabayaal ku duugeen kasoo horjeedka misaajid kuyaala Xaafadda KPP ee degmada Hodan”ayaa lagu yiri qoraalka NISA. NISA mashaacin dad loo qabtay miinadaas,hayeeshee waa markii labaad ee todobaadkaan ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya fashiliyaan qarax,waxaana maalma kahor ciidamadu ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay Xaafad ka tirsan degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir. Labadii habeen ee ugu dambeysay ciidamada ayaa baaritaan ka waday xaafadaha degmooyinka, Waaberi, Heliwaa, Hodon iyo Wadajir iyaga oo ku raad joogay dadka falalka amni daro ka geysanaya magaalada. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaalkacayo-[Puntland Post ]Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyo iyo rasaas laga maqlay Magaladaas. Wariyeyaal ku sugan Magalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegeen in qaraxyada lagu weeraray Xarun uu Koonfurta Magalada Gaalkacyo ku leeyahay Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay Gudaha u galeen Xarunta,isla markaana rasaas laga maqlayo Gudaha Xarunta. Xarunta ayaa waxaa ku sugan Dhalinyaro farabadan iyo Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare la soco Faah-Faahin insha allah Puntland Post The post Qaraxyo Iyo Weerar Lagu Qaaday Saaka Xarun Ku Taalla Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan ayaa hanti Dhowrka Qaranka Maxamed Afgooye uu u diray qoraal Gudoomiyaha Baarlamaanka kaas oo ku sheegay in ayan jirin wax wada tashi ah oo kala dhexeeyay Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka isla markaana uusan jirin xiriir toos ah oo wada tashi ah. Hadaba waxa jira cadeeymo muujinaya in Hanti Dhowrka Qaranka uu si joogta ula xiriirayay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamaka. Qoraal uu soo saaaray Hanti Dhowrka Qaranka bishii Noveenbar 17 keedii ayuu ku waragaliyay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamanka musuq-maasuq ka jira Gobolka Banadir iyo in loo baahan yahay in lagu sameeyo dabagal lana baaro musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Gobolka Banaadir. Musuq-maasuqa iyo xatooyada maamulka gobolka Banaadir ayaa maraya heer ay u muuqato in Yariisow uu xilkiisa ku weyn doono, waxaana lacagta maqan ay tahay mid ka badan tan gobolka uu xisaab xirka ku sameeyey. Hanti Dhowrk Qaranka ayaa ah shaqsi uu keensaday R/W Kheyre inta badan ku shaqeeya rabitaankiisa. Waxaa jira macluumad dheeri ah iyo caddeeymo aan helnay. Xogaha aan helnay ayaa waxaa ka mid ah sida loo dhacay lacagta maqan iyo cidda ay ku maqan tahay. Caddeeymaha ayaa isugu jira jeegag ay qoreen madaxda ugu sarreeysa dowladda kuwaaso loo qoray shaqsiyaad ay isku hayb yihiin madaxda dalka. Xigasho: Muqdisho Online Halkaan ka aqriso qoraalka uu soo qoray Hanti Dhowrka Qaranka:
-
Qaraxyo iyo Weerar Toos ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka magaalada ay ku waabariisatay qaraxyo iyo rasaas xoogan oo la maqlay. Weerarka ayaa sida wararka ay sheegayaan waxaa lagu qaday Xarun uu leeyahay wadaadka lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo caruur badan ku hayay xarunta. Gudaha Xarunta ayaa la sheegaya in ragga hubeysan ay gudaha u galeen, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhex dhaceysa gudaha. Xarunta ayaa waxaa ku sugan Dhalinyaro farabadan iyo Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare. La soco waxii kusoo kordhaa Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com -
Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Racep Tayyip Erdogan ayaa iska diiday dalab kaga yimid dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ahaa inuu la kulmo madaxweyne Erdogan. Maxamed Bin Salmaan ayaa horey u dalbaday in Erdogan uu la kulmo inta uu socdo shirka Wadamada ku bahoobay G20, oo 30-ka bishaan ka dhacay magaalada Caasimadda u ah dalka Argentine. Shirkaasi oo bilaabanaya dhammaadka Novermber ayaa socon doona ilaa 1 December ee sanadkaan, waxaana Erdogan uu diiday inuu la kulmo Maxamed Bin Salmaan, sida lagu daabacay Shabakada wararka Turkey ee Haber. Talaadadii hore madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga inta shirka uu socdo, sidoo kale Arbacadii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa isna shaaciyay inuu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga. Arintaan ayaa timid iyadoo Sacuudiga uu dhibaato badan kala kulmay dilkii wariye Jamaal Kashoqji oo horaantii bishii lasoo dhaafay lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul. Jimcihii laso dhaagay Washington Post ayaa shaacisay in CIA-da Mareykanka ay soo gabogabeysay in Maxamed Bin Salmaan uu shaqsiyan u amray dilka wariyaha. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Talaadadi ina dhaaftay wuxuu daabacay wargayska New York Times in shaqaale Soomaali ah ay Amazon ku qasbeen inay gasho wada xaajood. Wargaysku wuxuu yiri waxaa la yaab noqotay arrintaas maadaama Amazon aysan waligeed aqbalin gorgorton xataa mid hoose sida ay qireen dad aqoon u leh shirkadda iyo kuwa u dhaqdhaaqo arrimaha shaqaalaha. Amazon waa shirkad laga leeyahay Maraykanka. Waxay ka mid tahay shirkada caalamiga ah ee dunida ugu waaweyn uguna taajirsan. Milkiilaheeda ayaa dhowr goor noqday ruuxa ugu qanisan dunida. Shirkadaan oo la aasaasay 1994 ayaa si dag dag ah u kortay faaiido xad dhaaf ahna u samayso. Sifada ugu muhiimsan ee ay lacagta badan ku samayso ayaa ah sida la sheegay ku gaboodfalidda shaqaalaha. Waxaa lagu eedeeayay inay shaqaalaha u dirto shaqo tankooda ka badan, waqtiga xataa ilbiriqsiyo u xisaabiso, ilaa ay gaartay in la xisaabiyo inta daqiiqo ee ay suuliga ku jiraan. Dhibkaan lagu hayo shaqaalaha waa mid gaal iyo islaam, caddaan iyo madowba u siman yahay. Muslimiinta waxaa u sii dheer inay u baahanyihiin waqti ay ku tukadaan. Haddii suuligi la isu xisaabiyay waqti lagu tukado in bilaash la isku siiyo ma meeshaba kuma jirto. Hasa yeeshee Soomaalidu in badan ayay ka adkaadeen shirkadaha waaweyn ee ay u shaqeeyaan. 2005’ti shirkadda ugu weyn ee tafaariikhda iibiso dalka Ingriiska oo lagu magacaabo Tesco ayaa sidaas oo kale soomaali u shaqaynaysay ku qasbeen wada xaajood, ka dib marki ay diideen inay ka shaqeeyaan khamriga. Waqigtaan waxaa soomaalida la shaqaynayay muslimiin badan oo Aasiyada fog kasoo jeedo iyo kuwa Afrikaan ah. Muslimiintaan dood badan kama aysan keenin inay guraan khamriga balse Soomaalida ayaa isa soo taagtay. Shirkaddi waxay isku dayday xeel iyo xoog intaba inay arrintaan soomaalida marsiiso. Dhinac waxay ugu hanjabtay inay shaqada ka eryi doonto, dhinaca kale waxay raadisay fadwo culimo oo ogol inay muslimiintu khamriga ka shaqayn karaan taasoo ay soo heleen QIIL. Labadiba Soomaalidi mari wayday. Laga yaabo inta aanan aqoonta u lahayn sharciyada shaqada iyo shaqaalaha waddamada Galbeedka inay la yaabayaan sababta aan loo cayrin karin qof kuu shaqeeyo. Shaqaaluhu waa labo nooc: Mid ku meel gaar ah oo waqti yar aad kiraysato iyo mid joogta oo heshiis waqti dheer lala galo. Kan hore xuquuq badan ma lahan oo shaqadiisu waa joornaati maalinle ama asbuuc leh ah. Midka labaad xuquuq badan oo heshiiskaas ku cad ayuu leeyahay. Wixii aan heshiiskas aan ku jirin ee shirkaddu gadaal ka keento xaq ayuu u leeyahay inuu diido shaqana lagama eryi karo. Haddii ay dhacdo in laga eryo dacwo ayuu furi magdhow badan inuu helo ayayna u badan tahay. Sidoo kale, arrimaha la xariiro diidamaha iyo dadka laga tirada badan yahay sida khaniisiinta xuquuq lama taabtaan ah ayay leeyihiin. Labadi xeeladodba shirkaddi u shaqayn wayday marki danbana waxay ku khasbanaatay inay aqbasho sidi ay Soomaalidu rabtay oo ahayd inay ka shaqeeyaan wixii diintoodu ogoshahay. 2012’ki aniga in la hadlayo iyo soomaali kale oo aan wada shaqayn jirnay ayaa isla shirkaddaas Tesco maxkamad la fuulnay ka dib markii ay nagu dhibeen salaaddi. 2013’ki ayaa kiiski nalo xukumay xoogaa magdhow ah oo aan badnayna waa nagala siiyay. Kiiskaan ayaa noqday kii ugu horreeyay ee dad ku doodayo in diin darted lagu takooray ay ku guulaysteen. Horay waxaa u dhacday dacwado ay gaysteen shaqsiyaad masiixi ahaa oo ka cowday in lagu dhibay diintooda laakiin kuma aysan guulaysan dacwadoodi. Mar walba oo Soomaalidu dagaal intaas la eg oo qaarkiis sanado qaatay ay galayso Muslimiin iyo dad kale oo dhibka la qabo ayaan far dhaqaajin wixii loo sheegana yeelo. Haddaba waxaa maxay sababta ka adanbayso dhiirranaanta Soomaalida waase maxay sababta ay ugu guulaystaan inta badan dagaalka ay galaan. Marka hore, waxaa jiro ismaandhaaf. Soomaalida qurbaha tagto waa dad dhalinyaro ah, aqoon aan lahayn kana yimid dal burbursan. Sawirka laga haysto ayaa ah dad baahan oo hadda nolol cusub arkay, sharciga dalka aan aqoon, lacag ay garyaqaanno ku qabsadaan aan haysan af ay dacwo ku gudbistaanna aan aqoon. Arrimahaan oo la isku daray waxay keenaan inay maamulayaashu ay Soomaalidu la shaqayso isku dayaan inay cadaadis badan saaraan si xoogganna ugu shaqeeyaan. Dhinaca Soomaalida badownimada ka hayso sharciga dalka, afka aysan aqoon iyo awood la’aanta dhaqaale ayaaba ah midda keenayso inay isa soo mutaxaan. Si aan u fahanno waxa aan kaga jeedo aan eegno dadka kale. Dadka loo yimid waa kuwo lagu barbaariyay sharciga. Waxay u kala cabsadaan sida loo kala darajo badanyahay. Wixii la yiraahdo waa sharciga shirakadda kuma dhiirran karaan inay jabiyaan waayo caaqibada ayay ogyihiin. Intooda badan shaqada ay hayaan dhowr fac ayay kusoo jireen oo aabbayaashood ayay ka dhaxleen sidaas awgeed in shaqo laga soo cayriyo ama lagu eedeeyo ma shaqayste waxay sumcad darro ku tahay qoyska oo dhan. Madaxtinimadu qiimo badan ayay u leedahay. Ruuxa horjoogaha u ah si xooggan ayay uga baqaan madaxda sarana wajigooda xataa ma fiirin karaan. Ixtiraamka madaxda iyo cabsida sharciga waxaa usii dheer in lagu barbaariyay kalinimo (individualism). Taasi waxay ka dhigantahay naftiisa mooyee qof kale wax kama galin. Haddii saaxiibkiis la shaqayn jiray sanado badan qaraabo dhowna ay yihiin si walba loo dhibo wuxuu dhihi isagay u taallaa ee ha is furdaamiyo. Sababtu waa bulshada uu ku dhex koray ayaa sidaas u nidaamsan oo qof walbow naftaa la yiri nooc walba oo nolosha ka mid ah. Intaas waxaa dheer inay intooda badan dayn ku jiraan. Ma jiro ruux qaangaar ah oo aan dayn qabin. Sanadkaan warbixin la qoray waxay tustay in celcelis ahaan qof walba oo Maraykan ah lagu leeyahay $38000 (Soddon iyo siddeed kun oo doolar). Deyntaan kuma jirto midda guryaha iyo baabuurta lagu qaato ee tirada badan ee waa midda dukaamaysiga caadiga ah lagu galo. Deymaha nuucaan ah waa kuwo bille loo bixiyo, hal bil oo ay kugu go’dana kuu horseedi karto dulsaar xad-dhaaf ah iyo ganaax. Sidaas darteed shaqada oo laga eryo waxay ooga dhigantahay inay xabsi galeen. Soogalootiga aan Soomaalida ahayn way ka dhaqan duwanyihiin Soomaalida. Qaar sida caddaanka ayay ka yimaadeen dhaqammo sharciga iyo madaxda aad loo ixtiraamo. Qaar in shaqaalaha la guumaysto caadi ayay ka ahayd oo midda ay hadda yimaadeen ayaaba nasri u ah. Dadka sidaan ah waxaa u badan Aasiyaanka. Qaar cabsi rabbaani ah ayaa hayso sida dadka madow. Madowgu isagoo si walba u shabbaho Soomaalida oo aysan jirin caano ka daadanayo ayaysan ku dhiirran karin inay ka hadlaan dhibka lagu hayo. Haddaba sawirka aad caddaanka kasoo aragtay garab dhig Soomaalida. Maamulayaashu 99% waa caddaan. Waxay filayaan dhaacada dadkooda oo kale iyo mid kasii badan maadaama ay u arkaan in ajaanibtu ka hoosayso caddaanka. Ninki sidaas qabay waxaa u yimid Soomaali aan waligiis shaqayn, waligiis aan arag aabbo iyo adeer shaqo u socdo. Sharci iyo nidaam la ilaaliyo aysan ku jirin manhajka wax lagu baro. Halka ruuxa cad maamule uu la murmay ay ceeb u keenayso reerkiisa, soomaaliga maamule si xun ula hadlay oo uusan ka falcelin ayaa fadeexad ku ah qoyskiisa iyo qabiilkiisa oo dhan. Halka caddaanku ku shaqeeyaan “ninwalbow-naftaa”, Soomaalidu waa “walaalkaa u gargaar”. Sanadki 2007’di ayaa innagoo shaqo ku jirno waxaa ii yimid wiil soomaali ah oo xanaaqsan (waa wiilka aan Tesco maxkamadda wada saarnay). Hadba dhinac ayuu u ordayaa tobaneeyo Soomaali ah oo meesha ka shaqayso ayuu isu aruurinayaa wuxuuna leeyahay kasoo baxa shaqada. Marki uu yimid isagoon waxba ii sharrixin ayuu igu yiri soobax soobax anna waan raacay. Illinki laga bixi lahaa markaan marayno ayaa waxaa na joojiyay maamule heer dhexe ah wuxuuna yiri suga waxyar. Wuxuu u yeeray mid ka sarreeyay wadahadal ka dibna dib ayaan shaqadi ugu noqonnay. In badan oo aan anigu ku jiro waxaan usoo baxnay xataa ma ogin. Markaan laabannay ayaa niri maxaa jiro. Waxaa naloo sheegay Xasan oo Soomaali ah inuu Mark oo aan wada naqiinnay inuu nin xun yahay af-dhaajiyay ka dibna caayay. Arrinti Xasan iyo Mark joogtay waxay Soomaalidi ka dhigtay Soomaali iyo Ingriis. Xasan-ka dhaqan iyo akhlaaq midna kuma uusan dhaammin Mark laakiin beel weynta Soomaaliyeed ayuu ka dhashay ilmo adeerro gacan fudud ayaana u joogo!. Tallabada aan maalinkaas qaadnay sharci ahaan caaqibadeedu waa ruqso aan racfaan lahayn. Waayo lama ogala kooxaysi. Labo haddii ay tabasho jirto jid loo maro ayay shirkaduhu leeyihiin oo ciddi wax tabanayso warkeeda lagu maqlo. Saas oo ay tahay digniin xataa nalama siin laakiin inaysan mar danbe dhicin ayaa na loo sheegay muddo bilo gaartayna si joogta ah ayaa naloola kulmi jiray si loo xaqiijiyo inay tabashadi dhammaatay iyo in kale. Kooxaysiga waa awoodda ugu badan ee ay Soomaalidu leedahay markay la macaamilayso shirkadaha dhiig-miiratada ah. Ma jirto qowmiyad kale oo fudaydkaas dhiiggeeda lagu kicin karo. Lama heli karo dad aan isku dan ahayn oo haddna hal ruux dantiisa danahoodi dhan oo qarribo. Hab-dhaqankaan waxaa loo arkay mid waalli iyo ku dhisan sharciga howdka. Sidaas darteed marki ay dhacdo shirkaduhu waxay garwaaqsadaan inaan laga guulaysan qof aan sharci aqoon. Sidaas ayay u door bidaan inay xeer jajab kula macaamilaan Soomaalida. Sidoo kale, marki maxkmad la tago qaalliga waxaa u sawiran arrinta intaan oo qofka ah isku mamda’a ka dhigtay inaysan sahlanayn. Qaalliyadu waa odayaal waaya-arag ah aadna u yaqaan xad-gudubyada shirkadaha sidaas awgeed waxay aad u tuhmaan in la isku dayay in Soomaalida iyo soogalootiga si gooni loo bartilaamadaysto aqoonta la’aanta iyo af la’aanta awgeed. Garyaqaannada u doodo Soomaalida ayaa iyaguna sidaas oo kale hadalka u dhigo. Arrimhaan oo la isku daray waxay sahlaan in qaalligu dhinaca shaqaalaha dacwada qabo u bato. Tan ugu danbayso ee Soomaalidu far soo dheeraatay u noqotay waa inaan deyn lagu lahayn. Meel walba oo ay tagto Soomaalidu wali waa ree guuraa. Si fudud uguma milmaan dalalka ay tageen dhaqankooda. Daymaha ay u baahanyihiin waxay ka qaateen Soomaali kale. Shayga kaliya ee ka xaaraanta ah Soomaalida waa dulsaarka (arrintaan hadda isbaddal ayaa ku socdo) sidaas darteed guri deyn dulsaar leh kuma qaataan. Si kooban ruuxa soomaaliga ah ee xammaaliga ah waa awr caddaysin ah. Wax ka dhulyaal iyo wax ka lumaya oo aan ka ahayn biilka uu qoyskooda u diro ma jiraan. Taasi dhib waa ku filantahay laakiin dhaqankeenna ah inaan barri laga fakerin iyo in waxwalba qaddar Eebbe loo tiiriyo ayaa keeno in aannan waxba ka nixin. Ugu danbayn Soomaalidu waxay arrimo yaab geesinimo iyo dhiirranaan leh ka muujiyeen waddamada ay tageen. Meelaha ay ka shaqeeyaan ma qaataan xad-gudub iyo hoosayn. Taasi maahan inay marwalba iyagu saxanyihiin ee inta badan wax caadi ka ah goobaha shaqada ayay dood ka keenaan maadaama aysan fahamsanayn ama dhaqan ahaan aysan horay usoo baran. Arrintaan inkastoo dhinac ay ka tahay mid lagu farxo dhinaca kale waa mid mugdi ah. Dhaqankaan waa dib u dhac u keenayo horumarka iyo nabadda dalkeenna. Ismaqalka, ixtiraamka madaxda iyo ka baqidda sharciga oo la waayo waxay ka dhigantahay in loo noolaado sida lagu noolaa barigi miyiga. waxaa la heli doonin shaqaale soomaali ah oo dhaga fudud kana shaqeeyo horumarka dalka. Waxaa dhici doonta marki dalku billaabo horumar ballaaran in la waayo shaqaale carbiyaysan oo Soomaali laguna qasbanaado in dalalka dariska ah laga keeno shaqaale badan taasoo dhib weyn ku ah qoysaska soomaaliyeed. Arrinta nuucaan waa mid hadda ka taagan dalalka Khaliijka oo dhaqammo badan aan iska shabbahno. Waxaan qabaa in iskoollada, malcamadaha iyo jaamacadaha lagu tarbiyeeyo caruurta iyo dhalinta waxbarashada ku jirto si ay diyaar ugu noqdaan shaqo iyo shaqaalenimo. W/:Q Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
-
Bishan Nofember 9dii illaa 10dii, waxa shir saddex-geesood ah ku qabsaday magaalada Bahir-dhaar ee Gobolka Amxaarada,madaxda waddamada Itoobiya, Eriteriya iyo Soomaaliya. Wadahadalladu waxay ku qotomeeen isdhexgalka dhaqaalaha ee saddexda waddan, xoojinta iskaashiga amniga, iyo in la mideeyo mowqifka saddexdan dal ee ku aaddan siyaasadda caalamka. Waxa shirkaas ka maqnaa dalka Jabuuti oo meel muhiim ah kaga yaal Geeska Afrika, isir wadaagna la ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ma waxa arrintan loo micnaysan karaa in Farmaajo Jabuuti faquuqay, mise Jacayl cusub iyo meel kale oo uu calmaday ayuu u guuray? Inkasta oonay caddayn baaxadda isdhexgalka Geeska Afrika, waxaad moodaa in siyaabo kala duwan ay u dhigeen madaxda saddexdan dal. Eriteriya nin u hadlay aad ayuu uga gaabsaday israac ama isku dar saddexdan dal, laakiin waxa uu qirtay in la isku furo sadexdan dal. Maxamed Cabdulaahi Farmajo laftiisu waxa uu ku soo koobay hindisahan saddex-geesoodka ah “isdhexgal dhaqaale,” iyo in la iska kaashado xagga “nabadaynta” Gobolka Geeska Afrika. Raysel Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa dhiniciisa ku andcooday in “la filan karo in saddexda dal yeelan doonaa hal madexweyne.” Waxa la xasuustaa in R/W Abiy Villa Soomaaliya ka dhex sheegay in “Soomaaliya iyo Itoobiya ay midoobi doonaan.” In uu R/W Abiy riyo iyo dhalanteed ka hadlayo iyo in kale ma cadda. Kaliya waxa hubaal ah in aanay saddexdan dal weli diyaar u ahayn in ay midoobi karaan xilliyadan xaadir ka ah. Sikastaba ha ahaatee, durba waxa la saadaalinayaa cidda ka faa’iidi doonta hindisahan. Horraaanba dalka Eriteriya hindisahan wuu maalay: cuna qabatayn muddo dheer saarayd ayaa Eriteriya laga qaadaay; albaabadii dibloomaasiyaddana waa loo furay. Dhinaca Soomaaliya, albaabadii u furnaan jiray madaxda Dwolad Goboleedyada ayey Itoobiya giddi ahaanba soo xidhay, inkastoo weli Keeniya u furantahay. Xilliga dhaw, waxaay u egtahay in Villa Soomaaliya ka gacan sareyso Dawlad Goboleedyada. Hase ahaatee marka dhibta siyaasadeed ee Soomaaliya loo dhaadhaco, Itoobiya iyo Eriteriya tooni waxba ka ma qaban karaan. Guusha hadda Villa Soomaaliya ku xisaabtamayso waa “geel carruuri qaadday” oo kale. Sababtoo ah, is-afgranshawaaga siyaasiyiinta Soomaaliya waxuu salka ku hayaa xaalado maxali ah oo gudaha dalka ka jira. Xal siyaasadeed, gaar ahaan nidaamka fadaraaliga oo la hufo oo kaliya iyo qadiyadda Soomaaliland oo la furdaamiyo ayuun baa lagag gudbi karaa. Arrimaha aan sida dhibta yar lagu xallin karin waxa ka mid ah arrinta Soomaaliland. Waa suurtagal in Itoobiya cadaadis saarto Hargeysa, iyada oo looga dan leeyahay in la raaligaliyo Villa Soomaaliya lagana midhodhalin rabo jacalyka cusub ee Bahir-daar lugusoo yegleelay (waa sababta loo xidhay qunsulkii sharci darrada ahaa ee Itoobiya ku lahayd Soomaaliland iyo Puntland). Laakin lama filan karo in tallaabooyinka Itoobiya qaadayso iyo cadaadis hor leh ooy Soomaaliland saarto in wax badan soo kordhin karaan. Arrinta Soomaaliland waa arrin facweyn oo Soomaali u taal la rabona in Soomaalidu iyadu dhammaysato. Haddii lasii faquuqo Soomaaliland, waxaba dhici karta in arrintu gacanta Soomaaliyeed ka baxdo, wadahadalladii bilaowga ahaa ee u dhaxeeyay Hargaysa iyo Villa Soomaaliya na meel xun iyo dhagax ku dhacaan. Intaas wixii dhaafsan, marka si gaar ah aan ugu fiirsano qaabka hindisaha sadex-geesoodka ah loo maareeyey, waa in saddex arimood hoosta laga xariiqo: 1) Kaabayaasha Isdhexgalka saddexda dal: Intaan nafacada isdhexgalka saddexdan dal la gaadhin, wax ka horreeya in la dajiyo guddiyadii iyo shuruucdii lagu maarayn lahaa hindisahan hadda riyada u eg. Dhinaca Soomaaliya waxa loo baahan doonaa (a) in la xeer galiyo awood qaybisiga dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada oon hadda jirin (Federalism); (b) Saami qaybsi sharciyeysan oo ku aaddan khayraadka iyo cashuuraha dalka (Fiscal federalism); (c) in la hufo nidaamka cashuuraha dalka oo dhan (Taxation system). 2) Nabadayn: a) In nabadayn buuxda laga helo Soomaaliya oo laga adkaado Alshababa isla markaana dawladda federalka awoodeeda la gaadhsiiyo gobollada iyo dagmooyinka dalka oo dhan. Dawlad aan awooddeedu dhaafsanayn dhawr sakadood oo magaala madaxda dalka ah wey ku adagtahay in ay xeedho-wadaag la noqoto dalal ciidamadoodu kor u dhaafeen saddex boqol oo kun dalkiiba. b) Itobiya qudheeda nabad taam ah ma haysato, oo dagaal sokeeye oo u dhexeeya qowmiyadaha ayaa dalka oo dhan ka aloosan, haba ugu daraadeen kan Soomaalida iyo Oromoda u dhaxeeya. Haddii ilaa hadda Soomaalida Itoobiya ku hoos jirtaa ay ka cabanayeen in Dawlad Deegaankood aanay ka hadli kareyn xasuuqa Oromodu ku hayso Soomaalida, tolow ma waxa la gaadhidoonaa, ayey dadka qaarkood isweydiinayaan, xilli ay Villa Soomaaliya indhaha ka qarsato xasuuq intan ka balaadhan oo Soomaali ku dhaca; weynu xasuusanaa xasuuqii dawladda Itoobiya ka geysatay Muqdishu iyo gobolka Banaadir markay taariikhdu ahayd 2007dii. Eriteriya Iyana in ay silciso Jabuuti hadday dhacdo, Soomaaliya ma ka gaabsan doontaa in ay ka hadasho? Waa su’aalo aynaan hadda ka jaawaabi kareyn, laakiin u baahan in diiradda lagu hayo. 3) Faro-galin Milatari oo hor leh: Waxa suurtoobi karta hindisihan saddex-geesooka ah in uu keeno in ciidamo badan oo itoobiya iyo Eriteriya leeyihiin la geeyo Soomaaliya iyada oo laga tarjumayo heshiiska saddexdan dal gaadheen. Lama saadaalin karo khasaaraha ama faa’iidada ka’iman kara ciidamo shisheeye oo lagu soo daad gureeyo Soomaaliya xiligan xaasaasiga ah. Waa arrin dadka Soomaaliyeed ka biyo diideen. Isla markaasna, waa arrin loo baahanyahay in ra’yiga ummadda Soomaaliyeed la ururiyo intaan ciidamo Itoobiya leedahay lagusoo daadin Soomaaliya. Ma Jabuuti baa Jiiraanka laga faquuqay? Waxa Soomaali badani aad uga murugootay sida Jabuutu loo faquuqay, inkasta oo Madeweyne Maxamed Cabullahi Farmaajo ku adkeystay in Jabuuti ay ka mid noqondoonta “isdhexgalka Geeska Afrika.” Ilaa haddase lama shaacin sababta looga reebay Jabuuti oo ah halbowlaha Geeska Afrika. Maxay Jabuuti uga mid noqonweyday aasaasayaasha isbahaysigan oo yeelandoona nidaam midaysan oo dhaqaale, siyaasadeed iyo difaac? Jabuuti waa dalka kaliye ee ku yaal Geeska Afrika ee sheegan kara daganaanshe siyaasadeed, nabad dalkeeda oodhan ka jirta, iyo dhaqaale furan oo adduunka ku xidhan (Free market economy and a country that is open to the world). Saddexdan dal ee Bahir-dar xulifada ku abuurtay waxa ku habsaday siyaasad xumo, kaligee talisnimo, iyo Soomaaliya oo muddo 30 sano ah dawladnimo arag. Caqliga saliim ka ah ayaa ina siinaya in Jabuuti horumood ka noqoto “isdhexgal” horleh oo Geeska Afrika ka ambaqaada. Hase ahaatee saddexdan xulifo, waxay soo kordhiyeen in ay Jabuuti faquuqaan. Lama sheegi karo cilladu halka ay ka timid. Waxaase loo malaynka karaa in Imaaraaadka oo korka ka ilaalinaysa isdhexgalka Geeska Afrika caddaadis gaar ah saari rabto Jabuuti ka dib markay Jabuuti burisay heshiiskii sad-bursiga ahaa ee labada dal (Jabuuti iyo Dubai) ka dhexeeyey. Waxa kale oo dhici kara in Eriteriya oo tun weyn xulifadan Bahir-dahr isku bahaysatay rabto in Jabuuti la dareensiiyo caddaadis gaar ah. Haddii taasi dhacdo, waa sida Eriteriya u fakareyso, waxa laga yaabaa in soohdintii lagu dagaalamay oo Jabuuti laga dhacay (Ras Doumeria – June 2008) Eriteriya xalaalaysato. Shacabka Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxay ku caan baxeen u gurmadka iyo is-garabtaagga ummadda Soomaaliyeed. Soddonkii sano ee Soomaaliya la tacaalaysay dhibta ka timid dagaalkii sokeeye ee billaabmay 1991kii, waxa ku kaliyeystay hiilada Soomaaliya dalka Jabuuti iyo Madexweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Marka laga soo billaabo shirkii Carte ee 2000, oo lagu soo doortay dawladdii uu madaxaweynaha ka ahaa Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xassan, Jabuuti jilibka ayey u aasatay sidii ay walaalaha Soomaaliya dhibta uga bixi lahaayeen. Dr. Cabdi Qaasiim dawladiisii waxay kow ka tahay geedi-socodkii dheeraa ee loo soo maray dib-u-yagleelka dawladda uu maanta madaxa ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Intaas waxa weheliya, halka itoobiya uga hawlgashay duminta iyo wiiqinta Soomaaliya mudo aan ka yarayn 50 sano, Jabuuti waxay maal iyo moodba ku bixisay ilaalinta iyo samatabixinta madax banaanida Soomaaliya (preservation and protection of the sovereignty of Somalia) Waxa haddaba isweydiin leh maxay walaalaheena Jabuuti galabsadeen in meel ay Soomaaliya fadhido lagu faquuqo? Ma jacayl cusub ayaa ka dhex dhashay Eriteriya iyo Villa Soomaaliya? Mise sidii looga bartay Villa Soomaaliya waa arrin ay madaxda Soomaaliya ku dagdageen? Waa Su’aalo Soomali badani isweydiinayaan biyo-dhacoodana loo wada joogo. Waxa Iyana dhici karta in Madxweyne Farmaajo uu qorshaynayo islamakaana uu ku gudo jiro qaabkii uu Jabuuti ugu soo dari lahaa Isdhexgalka saddex-geesoodka. Waa arrimo la rabo in dabagal joogta ah lagu sameeyoo. Sikastaba ha ahaatee, waxyeelo in la gaadhsiiyeye Jabuuti innagama qarsoona. Shacabka Soomaaliweyn waxay jeclaanlahayeen in aanay Villa Soomaaliya ku dagdagin ka qaybgal madasha lagu faquuqayo Jabuuti. Sababtuna waxay tahay Soomaaliya waxa looga fadhiyaa in ay tixgaliso maahmaahda tidhaa “a friend in need is a friend indeed,” ama “saaxiibka runtu waa saaxiibka ku garab taagan xiliga baahidu jirto.” Jabuuti bay ahayd ciddii Soomaali garab taagnayd xilligii baahidu jirtay, hadeerna waxa Muqdisho laga rabaa in ay garab istaagto Jabuuti iyo ummadda walaalahood ah. W/Q: Faysal Cabdi Rooble Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Maalmahaan waxaan warbaahinta BBC da qaybteeda Afrika kala socday qoraallo badan, oo laga sameeyay dhaqdhaqaaqyada ganacsi uu Shiinuhu ka wado Afrika. Qoraalladaas waxay u badnaayeen naqdin iyo dacaayad siyaasi ah (Political propaganda). Shiinuhu, waxaa lagu dhaliilay in uu la yimid caqliyaddii gumeystaha, oo ku dhisnayd ka macaash khayraadka Afrika. Laakiin Shiinuhu, wuxuu ku andacooday in xiriirka kala dhexeeya Afrika uu yahay mid ku dhisan is-aaminaad iyo is-xushmayn, wadashaqayn dhaqaalle iyo isweydaarsi dhaqan. Maqaalkan waxaan ku sahmin doonaa xiriirka ganacsi ee uu dhexeeya Afrika iyo Shiinaha. SHIINAHA: Saaxiib kal furan Habka uu shiinuhu ula macaamilo dalalka Afrika waa mid ay u riyaaqayn madax badan oo Afrikaan ah. Waa hab ku kooban keli maslaxad ganacsi (Fiiri Beijing Consensus). Halka hay’adaha aan dowliga ahayn ee reer galbeedka sida IMF iyo World Bank iyo dowladda Maraykanka ay dalalka Afrika ku xiraan shuruud ah furfuris dhaqaalle (Fiiri Washington Consensus) iyo furfuris siyaasadeed (Fiiri Post-Washington Consensus). Farqiga u dhexeeya labadaas hab, waxay keentay in madaxda Afrika ay shiinuhu u arkaan shaydaanka sharta yar (lesser evil), laakiin dhaliisha warbaahinta reer galbeedka waxaa xoojiyay deymaha tirada badan ee Shiinuhu amaahiyay dalal badan oo Afrikaan ah. Waxay ku noqotay dabin deyn. KADEED DEYN Wixii ka dambeeyay 1960, dalal badan oo madaxbannaani helay waxay xoogga saarayn gaarista horumar dhaqaalle oo degdeg ah, iyaga oo u maray habka (Developmental state)-oo ah in dowladdu majaraha u hayso horusocodka dhaqaalle ee dalka. Laakiin waxaa lagamamaarmaan noqotay deyn qaadasho. Fursaddaa waxaa dano siyaasi ah uga faa’ideystay dalalka reer galbeedka, IMF iyo World Bank oo balaayiin doollar amaahiyay. Waxaa la xusuustaa dhaqaalle burburkii ku dhacay Afrika sanadkii 1980 ilaa 1991, oo lagu sababeeyay shuruudahii wax ka beddelka haykalka dhaqaallaha (Structural Adjustment Programme), ee World Bank ga hordhigay dalalka Afrika markii ay weyddiiyeen deyn. Wixii ka dambeeyay 1990, deyn-bixiyaasha Afrika waxaa ku soo biiray Shiinaha, oo markaa raadinaayay suuq cusub oo baaxad leh si uu u iib geeyo badeecooyinkiisa iyo helidda khayraadka dabiiciga sida shidaal, maadaama uu kordhay baahidiisa shidaal. Sanadkii 2000 ilaa 2014, wuxuu Afrika amaahiyay 89 bilyan oo doollar. Wuxuu fuliyay in ka badan 3,000 kun oo mashaariic kaabadhaqaalle dhisid ah. Waxaa ka mida mashruucii waddada tareenka ee isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya oo ku baxday in ka badan hal bilyan oo doollar iyo kii Kenya. Haddaba, sanad ba sanad ka dambeeyay Afrika waxay dhex maquuranaysay mushkilad deyn. Waxaa dusha u saaran 417 bilyan oo doollar oo deyn dibadda ah (foreign dept). Boqolkiiba 20 waxaa ku leh shiinaha. Hay’adda World Bank ga, waxay sheegtay in 18 dal oo ka mida dalalka Afrika ay halis ugu jiraan kadeed deyn (dept crisis). Sidoo kale, hay’adda IMF waxay ka digtay in dalal badan oo Afrikaan ah ay dabin ugu jiraan deynta Shiinaha. Jabuuti, Saambiya iyo Gongo waxay halis ugu jiraan kadeed deyn. Tusaale, Saambiya waxaa lagu leeyahay 8.7 bilyan oo doollar, waxaa ku leh Shiinaha. Jabuuti, boqolkiiba 77 deymaheeda dibadda waxaa ku leh Shiinaha. DALALKA GOBOLKA Itoobiya, waxay Shiinaha ka qabtaa deyn lacagayd oo gaaraya 13.73 bilyan oo doollar. Kenya, waxaa ku maqan 9.8 bilyan. Ugandha, waxaa lagu leeyahay 2.96 bilyan. Tansaaniya, 2.34 bilyan. Rwanda, 289 milyan, Burundi 99 milyan, iyo Koonfurta Suudaan oo ku maqan 182 milyan. Deymahaas lacageed inta badan waxay ku baxayn mashaariicda waaweyn, ee kaabayaasha dhaqaallaha sida dhismaha waddooyin tareen, dekedo iwm. Xiriirka Shiinaha iyo Afrika waa mid ku dhisan isweydaarsi badeecad, tiknoolojiyad iyo xirfad. Dalal ka mida Afrika sida Nayjeeriya, Angola, Sudan Iyo Equatorial Guinea waxay wax u dhoofiyaan suuqyada Shiinaha. Halka Shiinuhu uu isagana Afrika u dhoofiyo badeecooyin badan. WQ: Hassan Mudane Lafogure Arrimaha Afrika
-
Dalku Wuxuu u baahan yahay karti- hogaamineed oo qoto dheer oo ka mudh-bixi karta dabeylaha siyaasadeed ee maanta ka taagan Somaliland iyo mandaqada. Waxaa Xukuumadihii kala danbeeyey ee JSL ay caadeysteen in kolba dib loo dhigo Doorashooyinka iyaga oo indhaha ka qarsanaaya cawaaqib xumada ay ku reebayso habka Dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay. Waxay arintani baabiisay sumcadii iyo karaamadii Somalilaan, Gaar ahaan hab maamuuskii gaarka ahaa iyo hab dhaqankii Siyaasadeed ee Caalamku Somalilaan ku qaabili jirey. Hab maamuuskaas ( Somaliland Special Arrangement ) Wuxuu hada ku danbeeyey in uu meesha ka baxo. Waxaana dhamaan mashaariicdii Horumarineed ee Somalilaan la siin jirey lagu xawilay Somali-Weyn si loogu soo mariyo, taana waxaa keenay Siyaasad xumadii xukuumadihii Kulmiye ee kala danbeeyey . Galaan galkii siyaasadeed ee caalamiga ahaa ee Diblomaasiyiinta Somaalilaan ay ictiraafka ku raadin jireen ayaa isna sii wiiqmay oo meesha ka baxay, maadaama aan la hubin in doorasho dhacayso sanadka danbe iyo in kale . Dabcan sida Madaxweyne MBA shirkiisii Jaraa’id kaga dhawaajiyey wuxuu qiray in doorashooyinka is barkani ay u baahan yihiin mudo 10 bilood ah ugu yaraan oo loogu diyaar garoowo, sidaa daraadeed waxaa aan caad saarneyn oo ummadda u cadaatay in aanay Doorashooyinku marnaba ku dhaceyn waqtigii loo cayimay ee loogu talo galay. Nasiib daro doorasho kasta oo Somaalilaan ka dhacday midna kumay dhicin waqtigii loo cayimay ee loogu talo galay .Bal u- fiirso caadooyinka mudo kordhineed ee hoos ku taxan: A ) Silsilada taariikhda muddo kordhineed ee Golaha Baarlamaanka JSL ee maanta kuraasta ku fadhiya : 1. Waxa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013 2. Waxa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015 3. Mar saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017 4. Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo aheyd 28/4/2017 ilaa 28/4/2019 5- Mar Shanaadkiina dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa ka soo bilow 28/4/2019 ilaa iyo ??? B) Taariikhda mudo kordhineed ee Madaxweynayaashii iyo Madax-weyne ku xigeenadii JSL soo maray. 1- Madaxweyne Cigaal ka soo bilow 1995 ilaa iyo 2002 2- Madaxweyne Riyaale ka soo bilow 2008 ilaa iyo June 2010 3- Madaxweyne Siilaanyo ka soo bilow Juune 2015 -27/10/2017 4- Madaxweyne MBA isagana ka filo in mudo loo kordhiyo hadii la nool yahay ? C ) – Goleyaasha deegaanka JSL iyagana waxaa muddada loo kordhiyey 28/4/2017 ilaa 28/4/2019 D ) – Golaha guurtida iyagana waxaa mudo kordhitii ugu danbeysay loo kordhiyey 28/4/2018 ilaa 28/4/2020. “Waa in Goleyaasha qaranku ka waan toobaan Mudo kordhinta aan la garaneyn Sababeynteeda. Waana in ay ixtiraamaan caqliga bulshada rayidka ah, karaamadda musharaxiinta cusub ee soo cartamaaya iyo dooca iyo dareenka daneeyayaasha Somaalilaan ee beesha caalamka” Xisbiyada qaranku iyaga oo ka duulaaya awoodaha Dastuuriga ah ee ay leeyhiin , hadii ay Xukuumada kula heshiin waayaan in doorashada waqtigeeda lagu qabto.Talo qaran oo aan ka hor-imaneyn dastuurka way ku baaqi karaan, waayo goleyaal xeer dejineed ( guurti iyo Wakiilo) ku fadhiya kuraasta mudo kordhin waqtigoodii iyo maandheytkoodiba uu dhamaaday go’ aanka masiiriga ah ee ay gaadhaan muxuu noqonayaa ? ma mid xalaal ah oo waafaqsan dastuurka mise mid aan waafaqsaneyn? wuxuu noqonayaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka qaranka. Sidaa daraadeed Dimuqraadiyada Somaalilaan sheeganaysaa xalaal ma noqonayso hadii ay dalka sii wadaan oo sii maamulaan Sadex Gole oo maandheytkoodii doorasho iyo mudooyinkii la doortay uu ka dhamaaday. Doorashooyinka aan waqtigii loo cayimay ku dhacayni waxay dhaawac iyo dhiig bax ku yihiin mar kastaba Geedi socodkii Dimuqraadiyada JSL lagu majeeran jiray. Allaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News