Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,021
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Al-Shabaab suicide bomber and gunmen on Monday stormed a religious centre in Galkayo town of central Somalia, killing at least 20 people. According to witnesses, the group struck the centre with a car laden with explosives, opening a way for several heavily armed men prompting brief gunfight between the guards of the centre and the assailants. Police officials who spoke to the news agencies said attackers killed 20 people including the controversial cleric of the centre named Sheikh Abdiweli Sheikh Elmi Yare. Abdirashid Hashi, the governor of Mudug region who spoke to media has also confirmed the death of the cleric and several other people in the centre. “We can confirm that they killed Sheikh Abdiweli Sheikh Elmi Yare and several of his followers. We do not have an exact number of the killed in the centre,” the governor said. Other victims killed in the dawn attack 17 followers of Sheikh Abdiweli including women and teenagers. Al-Shabaab claimed the responsibility of the attack saying their fighters overran the centre. The group said last year the cleric had referred to himself as the Prophet, an accusation denied by Abdiweli at that time. A spokesman for Al-Shabaab, Abdiasis Abu Musab, said that “a car bomb rammed into the centre of the man who insulted the prophet. “A car bomb rammed into the centre of the man who insulted the prophet. Our militants are now inside and fighting goes on,” Abu Musab told Reuters. The post A controaversial Islamic leader and his followers killed in Galkayo attack appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka Galmudug ayaa soo afmeeray weerar waaberigii saaka Al Shabaab ay ku qaadeen xarun xerta Wadaadka Sheikh C/Welli Yare oo caan ka ah Gobolka Mudug. Ciidamada amaanka ee Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ragii ka dambeeyay weerarka ka dhacay xarunta Wadaadka, waxaana lagu hayaa saldhig ku yaala magaalada Gaalkacyo. Hay’addaha amaanka ee Galmudug ayaa sheegay in 20 ruux oo uu kujiro wadaadkii xarunta masuulka ka ahaa inay ku dhinteen weerarka oo muddo hal saac ka badan ka socday koofurta Magaalada Gaalkacyo. Al shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa ku bilaabay qaraxyo ilaa afar gaaraya, iyadoo kadib ay gudaha u galeen, waxayna toogasho kula dhaqaaqeen dadka goobta ku sugnaa. Al- Shabaab ayaa Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Al-Shabaab digniin ugu dirty. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
  3. Kenya-[Puntland Post]-Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa maanta ka furmaya shirka Dhaqaalaha Badaha,iyadoona dawlada soomaliya uu uga qeyb gali doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay Gelinkii dambe gaaray Magaladasi. Shirkan ayaa lagu wadaa in uu socdo mudo sadex cisho ah waxana looga hadli doona horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu shirkan uu ku soo bandhigi doono qorshe la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika. Shirkan waxa ka qeyb gali doona in kabadan 4000 oo qof waxana si wada jir ah u soo qaban qaabiyey wadamda Canada, Japan iyo Kenya, Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya Shirka Dhaqaalaha Badaha Oo Kenya Ka Furmaya appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Dilka koowaad ayey sheegeen in ay u geysteen Askari ka tirsanaa Ciidanka DFS oo ku sugnaa degmada Shibis, kaas oo magaciisa ay ku soo koobeen Maxamed Deeq. Al Shabaab ayaa sidoo kale warkan ku sheegay in sarkaal kale ay ku dileen degmada Dayniile, kaas oo isna magaciisa ay ku sheegeen Saacid Xolob. Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in sarkaal kale oo ka tirsan Ciidamada dowladda ay ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Ugu dambeyn warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in illaa saddex Askari ay ku dileen qarax ka dhacay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda oo ku taalla xaafadda Laba Dhagax degmada Wardhiigley, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay siyaabo kala duwan howlgallo uga sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka Shibis, Wardhiigley iyo Dayniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayay amniga, sidoo kalena lagu baadi goobayay Raggii geystay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay M/ Muqdisho. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanku ay ka bixiyeen howlgalladaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxa gudaha Caasimadda ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka oo qaarkood ay sheegteen Xarakada Al Shabaab. The post Al Shabaab Oo sheegtay dilal ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Hanti-dhowraha guud ee qaranka ayaa isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo waxaa uu baaris ku sameeyey dowladda hoose ee Xamar Janaayo ilaa Juun ee sanadkan 2018-ka, lixdaas bil gobolka Banaadir wuxuu qarash gareeyey $16, 556, 504,75, waxaa ku jirto 5 Milyan Dollar oo aan caddeyn loo heyn meesha ay ku baxday. Hanti-dhowrka waxaa uu sheegay inay jirto khidmad laga goosto lacagta canshuurta inta aan la xareyn, buugaagta oo aan caddeyn loo heyn, dhakhliga oo aan lagu sameyn tirakoob, dowladda hoose oo aan laheyn miisaaniyad sanadeed, Kharshaadka Dowladda Hoose oo aan lahayn caddeymo dhammaystiran, Hay’ado iyo shakhsiyaad ka baxsan Dowladda Hoose oo si joogta ah lacag uga qaata Dowladda, Habraaca Iibka Dowladda Hoose iyo qandaraasyada oo aan loo marin tartan furan, Waaxda Kormeerka iyo Baarista (Internal Audit) ee Dowladda Hoose oo aan ahayn mid xoogan si hufana u gudan karta waajibaadka loo idmaday, Dowladda Hoose’oo leh sharci shaqaale duqoobay oo aan la jaanqaadi karin xiligan, ma laha hab lagu maamuli karo hantidad guurtada ah iyo ma guurtada, ma laha waax u gaar ah heshiisyada iyo mashaariicda. Meelaha la baaray waxaa ka mid ah: Dakhliga, Miisaaniyadda, Kharashaadka, Habka Iibka, Shaqalaaha, Qaab dhismeedka, Heshiisyada, Mashaariicda, Deymahaiyo Hantida Guurtada iyo Maguurtada iyo arrimo kale. Tuusaale ahaan, deymaha Dowladda hoose ay gashay sannadka 2018 waxay isugu jiraan Deyn la sheegay in ay ku leeyihiin Shirkaddo ay gaadiid ka ‘qaadatay dowladda Hoose, shirkado biyo dhuuqis sameeyey, Shirkado dhisay qaar ka mid ah waddooyiinka Magaalada Muqdisho iyo deyn lagu bixiyey afurin loo sarneeyey dad masaakiin ah, Deymaha Lagu Leeyahay Gobolka Banaadir Jan-June 2018. Qalabayn Xafiis : $47,691, Internet: $79,035.50, Afurin Dad masaakiin ah: $327,398, Biyo Dhuuqis: $52,277.25, Qalabayn Xafiis: $25,405, Korontada: $86,765.91, Biyo Dhuqis: $58,725, Biyo Dhuuqis: $56,140 , iibin Gaadiid: $314,749 . Dhammaan marka la isugu geeyo deynta lagu leeyahay dowladda hoose ee gobolka Banaadir waa: $1,048,186.66 Arrimaha Dakhliga: Dowladda Hoose dakhliga ay qabato waxa uu ka soo galaa canshuuraha ay ka qaadaan dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, Buugaagta ay Dowladda Hoose u isticmaasho dakhli qabashada iyaga ayaa soo daabacda, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda wuxuu u tiimbareeyaa buugga dushiisa iyadoo Waaxyaha dakhli qabashaduna ay buugaagta ka qaataan Xafiiska Tashiilka Dowladda Hoose ee Xamar. Ilaha uu dakhligu ka soo galo Dawladda Hoose waxay kala yihiin:- Waaxda Gaadiidka iyo Ganaaxyada. Waaxda Dad Dhigista .. Waaxda Caapmaacifa. Waaxda Canshuuraha Waaxda Adeegyada Waaxda Suuqyada Waaxda Maamulka Dliulka Waaxda .Nadaafadda . . ‘ . Guddiga Khilaafaadka Dhulka Waaxyha dakhli qabashada DowladdaHoose waxay dakhliga ay qabtaan ka goosanjireen boqoleey (%) ka hor inta aysan u gudbin Khasnadda- Guud ee Dowladda Hoose. Waaxyaha goosan jiray dakhliga waxay kala ahaayeen: Waaxda Gaadiidka iyo Ganaaxyada, Iskaatada Gaadiidleyda. Arrinkaas wuxuu muujinayaa habacsanaan iyo hubin la’aan kajirta Dowladda Hoose sababtayna in lagu xad gudbo Sharciga Maamulka iyo Maaliyadda Dalka Sharci Lambar 317 ee soo baxay 1711211962 qodobkiisa 34aad oo sheegaya in dakhli la qabtay aan la isticmaali karin ka hor lnta aan lagu xarayn Kliasanadda Dhexe ee Dowladda. Muddadii aan baarista ku jirnay waxaan ogaanay in Dowladda Hoose aysan lahayn habraac tariifo, tariifooyinka canshuuraha lagu qaadana ‘ay yihiin kuwo ay dajiyeen Guddoomiyayaashii hore ee soo maray Gobolka Banaadir -. Sidoo kale waxaan ogaanay in Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ay tariifo la’aan dakhli qabato Iyadoo aanay jirin taariifo rasmi ah ay Waaxdu canshuur kaga qaado maraakiibta raashinka iyodadka lop sameeyo kaararka aqoonsiyada (ID Cards). Habka lacag qabashada Dowladda Hoose ayaa ah mid aad u liita oo danbeeya, manajiro nidaam guud oo loo maro qabashada ‘iyo keydka dukiunintiyada dakhliga, taasoo keentay in la waayo qaar ka mid ah dukumintiyadii lagu qabtay dakhliga, waxaana muuqata .in ia baalmaray Sharciga Maamulka iyo Maaliyadda Dalka Sli~rci Lambar 317 ee 1711211962. Qodobkiisa 160aad Farqadiisa 2aad oo sheegaya in foojarada lacag . bixinta, buugaagta dakhliga ee dhammaaday iyo dliwaanada xisaabaadka la baabi’in karo toddoba (7) sa110 kadib.. {Eeg Lifaaqa warqada lagu amray Waaxda Caafimaadka.in ay dakhliga k11 qabato), Dakhliga ay soo uruuriyaan Waaxyaha dakhliga qabta waxay geyn jireen Khasnadda Guud ee Dowladda Hoose, ka dibna waxaa lagu shubi jirey koontooyinka Bangiga Dhexe uga furan. Majirto wax halbeeg ah oo ay Dowladda Hoose ku cabirto dakhliga sannadlaha ee soo gala. Canshuuraha laga uruuriyo Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaan si dheeli tiran loo soo wada uruurin, iyadoo Degmooyin cayiman xoogga Ia saaro halka kuwa kalana aan sidii la rabay looga soo uruurin canshuuraha. Kharashaadka: Dowladda Hoose intii aan, baarista ku guda jirnay waxaan ogaanay in aysan lahayn Miisaaniyad sannadeed qorshaysan oo ay ansixiyeen Guddi k madax banaan Maamulka Gobolka Banaadir, laguna saleeyay dakhliga guud ee Dowladda Hoose u soo xarooda. Taasi waxay dhalisay in aysan xakamaysnayn qaabka ay kharashaadka Dowladda Hoose ku baxaan, loona bixiyo si aan qorshaysnayn. Waxaa jiray in Hay’ado iyo shaqsiyaad ka baxsan Dowiadda Hoose si joogta ah loo siiyay lacago laga qaaday canshuur bixiyayaasha .iyadoo aysan jirin wax heshiis ah aan aragnay oo la galay. Lixdii bilood ee hore sannadka 20’18 Dowladda Hoose waxay kharash garaysay S 16,556,504.75, dhammaan kharashkaas intiisa badan ma lahayn wax caddeymo ku filan (support documents), sidoo kalana lagama samayn wax xisaab celin ah sidii loo kharash gareeyey. Muddadii baarista waxaan ogaanay in jeegagga lacag bixinta Dowladda Hoose lagu qoro magaca Khasnajiga Guud si uu Bangiga Dhexe uga soo qaado, caddadka lacagaha lagu qoray magaca Khasnajiga Guud ayaa dhammaa SS,972,085.82, manajirin wax caddeynaya in dadkii la siinayay lacagahaas la gaarsiiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar toos ah oo ku bilowday qaraxyo oo saaka ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Weerarka ayaa la sheegay in uu ku bilowday qarax Ismiidaamin ahaa, iyadoona kadib Rag hubeysan ay gudaha u galeen xarun Gaalkacyo uu ku lahaa Wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare oo caan ka ahaa magaaladaasi. Ku dhawaad 15 Qof oo uu ku jiro Wadaadkaasi ayaa ku dhintay weerarkan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in la toogtay qaar ka mid ah Xertii Wadaadkaasi iyo Rag ilaala u ahaa oo ku sugnaaa xaruntaasi. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in weerarkaasi ay ku dileen Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare oo ay tilmaameen in uu aflagaadeeyay Nabigeena Muxamed NNKH. Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana weerarka soo afjaray Ciidamada ammaanka oo Toogtay qaar ka mid ah Raggii soo qaaday weerarkaasi. The post Weerar ku bilowday qaraxyo Oo ka dhacay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Nairobi ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka. Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda. The post Madaxweynaha JFS Oo maanta shir uga qeyb galaya Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan bilaabay safaro uu ku kala bixinayey gobollada maamulkaas oo uu ugu magacdaray “Safarka nabadda iyo Midnimada”. Goobaha uu booqday Muuse Biixi waxaa ka mid ah gobolka Soo xilli uu u sii gudbay tuulada Tukaraq oo a meel ay isku horfadhiyaan ciidamadiisa iyo ciidamada maamulka Puntland. Tukaraq waxaa ka jirtay xiisad dagaal oo tan iyo bishii Janaayo markaas oo ay xoog kula wareegeen ciidamada difaaca ee Somaliland. Socdaalka Muuse Biixi waxa uu xaqiijiyey laba qodob. 1 – In lagu kala adkaaday dagaalkii gobolka Sool Maamulka Somaliland waxa uu Laascaanood oo ah xaruta gobolka Sool xoog kula wareegay 2007 iyaga oo ka eryaday maamulka Puntland oo ka arriminayey. Wixii intaa ka dambeeyey waxaa gobolka ka dhacay dagaalo goos goos ah oo ay Puntland ku sheegeysay in ay ku xorreyneyso deegaankaas, welina aysan wax guulo ah ka gaarin. Hase ahaatee, ilaa iyo hadda oo ay xiisadi ka taagan tahay, waxa muuqata in Somaliland ay ficil ku muujisey in ay gebi’ahanba uga adkaatay Puntland dagaalkii gobolka Sool, taas waxaa xaqiiinaya in Biixi ka sii hordhoco in uu booqanayo Sool iyo Tukaraq kana dhabbeeyo halka Puntland ay soo saarto warqado booto ah oo hadda laga daalay aqrintooda. 2 – Bulshada reer Sool (Sool clan) oo boqolkiiba 80 ku siyaasad noqday Somaliland Waxaa jirtay waqti la kala qeybiyo bulshada gobolka Sool iyada oo lagu andacoon jiray in beesha Jaamac Siyaad ay la socoto Somaliland, balse inta kale ee degta gobolka Sool aysan raacsaneyn ama ogoleyn Somaliland, hase yeeshee, waxaa marag madoonto ah in manta Sool clan 80% ay isku siyaasad noqdeen beesha dhexe ee Isaaq oo ay dhabarka u jeediyeen Majeerteen. Beelaha awoodda leh ee hadda ka xarig furtay Puntland ee aaminsan laba midkood; in ay maamul sameystaan iyaga u gaar ah oo Sool clan u dhan yahay ama ay wax la qeybsadaan Isaaq waxaa ka mid ah Ogaadhyahan, Axemd Garaad, Barkad, Bahararsame iyo dhammaan ita ay beesha Sool clan ka kooban tahay. Waxaa sabab u ah arintaas Puntland oo ka badin weyday in ka hano qaaddo halkii ay 10 sano joogtay iyo maamulkii ay Harti wada dhisteen oo isugu biyo shubtay saddex jiifo hoose oo ka mid ah Majeerteen ee loo yaqaan Maxamuud Saleebaan. W/Q: Guuleed Axmed Baashe Hargeysa, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Wadaadka layiraahdo Sh Cabdi Wali Sh Cali Cilmi yare oo xir badan ku heeystay Koonfurta magaalada Gaalkacyo isaga iyo qaar badan oo kamid ah xirtiisii ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah iyo weerar too sh oo Al-shabaab ay ku qaadeen magaalada Gaalkacyo. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada lagu dilay Cabdi Wali Cali Cilmi yare iyada oo sidoo kale sheegtay in ay dileen 11-kale oo ay sheegeen in ay ahaayeen ilaaladiisa. Ciidamada Gal-Mudug ayaa soo afjaray weerarkii saaka Al-shabaab ay ku qaadeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Faah Faahin Dheeraad ah dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Pos Muqdisho The post Sheekh Cabdi Wali Cali Cilmi yare oo ku dhintay weerar ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-261118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Waxaa goor dhow la xaqiijiyey inuu geeriyoodey wadaad C/weli Cali Cilmi Yare, kadib weerar ay Al-shabaab ku qaadeen xarun uu ku lahaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wariyaheena Cali Cayn ayaa soo sheegaya in Wadaadkan iyo sidoo kale dad ka badan 10 ay goobta ku dhinteen, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Ciidamada Galmudug ayaa soo afjaray weerarkan Al-shabaab ku qaadeen xaruntan oo ay joogeen xer aad u badan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray Nairobi, Kenya halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka. Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda. Waa dalkii 4aad uu madaxweyne Farmaajo booqdo tan iyo 19-kii bishan, waa horay u soo booqday dalalka Talyaaniga, Turkiga iyo Uganda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Weerar Xooggan oo ku bilowday qarax Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday xarun uu Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ka deganaa Wadaadka C/weli Cali Cilmi, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad u badan xer. Qaraxan oo loo adeegsaday gaari ayaa waxaa xigey rag hubeysan oo halkaasi gudaha u galay, kuwaasi oo bilaabay iney dilaan dadkii goobta ku sugnaa. Warar goor dhow aan helnay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku dhintey C/weli Cali Cilmi, iyadoo weli gudaha xaruntan dagaalka uu ka socdo. Ciidamada Galmudug ayaa isku gadaamay halka ay galeen raggan weerarka qaaday ee loo maleynayo ine ka tirsan yihiin Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Gaalkacayo-[Puntland Post]-Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo Saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Labo Qarax oo waa weyn ayaa ka dhacay xarunta wadada Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi yare oo ku taalla Koonfurta Magaaladasi Qaraxyadda ka dib dabley hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen xarunta ,halkaasna ay ku laayeen dadkii ku sugnaa. Dad badan oo isugu jira Shacab iyo xertii wadaadka ayaa la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhinteen, waxaana ugu dambeyntii weerarkaasi soo Afjaray Ciidanka Galmudug. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxyaddaasi lagu dilay Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi. dhanka kale war ka soo baxay Alshabaab ayey ku sheegteen in ay iyagu ka danbeeyen weerarkasi waxana sida oo kale ay qoraalkooda ku cadeeyen in uu geeryooday wadadkii xaruntaasi haysta. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Faah-Faahin -Qaraxyo Saaka ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  15. Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay inay iyaga fuliyeen weerar saakay lagu qaaday Xarunta uu Magaalada Gaalkacyo ka daganaa Shiikh Cabdi Wali Cali Cilmi Yare iyo xirtiisa. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen Shiikh Cabdi Wali Cali Cilmi Yare iyo 11 kamid ah ilaaladiisa. Al-Shabaab ayaa wadaadkaan ku sheegay inuu nabinimo sheegtay sidaasna ay ku weerareen. Waxay kaloo Al-Shabaab sheegeeyn inay dadka Muslimiinta ah ugu bishaareynayaan dilka wadaadkaan. Weli waxaa gudaha Xarunta wadaadkaan ku jiro kooxihii weerarka soo qaaday oo la sheegay inay gudaha la galeen baabuurka Cabdi Bilaha loo yaqaan iyo ciidamo badan oo saarnaa. Weli waxaa laga dhex maqlayaa rasaas culus oo la is waydaarsanayo, waxayna dhimashada illaa hadda mareysaa ilaa 20 qof. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
  16. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa sii xogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kooxaha hubeysan ee weeraray waaberigii saaka xarunta uu dhalinyarada bada ku hayay Sheikh C/Welli Yare. Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay weerarka uu kordhay, waxaana uu gaaraya ilaa 20 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo wali dagaalka uu socdo. Dadka degan agagaarka goobta ay wax ka dhaceen ayaa xaqiijiyay in Wadaadka uu ku geeriyooday qaraxii ugu horeeyay ee ka dhacay xaruntiisa. Waxaa wali socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada doonaya inay difaacaan xarunta la weeraray iyo kooxihii weerarka geysta, iyadoo la sheegayo in kooxaha hubeysan ay gudaha xarunta wali ku jiraan. Ku dhowaad 20 ruux ayaa lagu soo waramayaa in qaraxyadaas iyo weerarkaas ay ku geeriyoodeen,waxaana mas’uuliyadda sheegtay Al-Shabaab. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Mudug Caaismada@live.com
  17. Misaaniyada Ilaalada Madaxtooyada Loo Qoondeyay Oo Ka Badan Dakhliga 8-Wasaradood . Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kharashka ilaalada Madaxtooyada ku baxaaya Wuxuu ka dhigay mid ka badan 8-Wasaradood oo Qaranka hawlo muhiim ah u haya, kuwaas oo haddii la tayayn laha wax qabadkoodu bulshada gaadhi laha. 1.4% Wadarta guud miisaaniyadda 3 wasaradod ee oo kala ah * wasaaradda macdanta iyo Tamarta *wasaaradda cadaaladda iyo goorsoorka *wasaaradda shaqadda iyo shaqalaha Waxa ka badan Dakhaliga loogu talo galay ee ugu jira miisaaniyadda ilaaladda madxtoyadda , Dakhliga (Budget) misaaniyadda loogu talo galey ilaaladda madaxtoyadda waxay u dhigantaa boqolkiba 1.4% Waxaanay miisaaniyadda madaxtooyaddu ka badato 8 wasaradood oo Qaranka u adeegi lahaa. Wadarta guud misaaniyadda 8 wasaradood = 8% * wasaaradda beeraha *wasaaradda deegaanka *wasaradda dhallinyarta iyo ciyaaraha * wasaradda shaqadda iyo shaqalaha *wasaradda cadaaladda iyo goorsoorka *wasaaradda biyaha *wasaradda caafimaadka *wasaradda macdanta iyo tamarta. Arrinta ayaa cadayn u ah in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi noqonaayo Madaxweynihii ugu lacag uruursiga badnaa ee Dalka soo mara Qaran News
  18. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Weerarka ayaa dhacay abaaro 06:00 Am Subaxnimo ee saaka, waxaana uu ku bilowday qarax lala eegtay xarunta Sheikh Cabdi Welli Yare oo ku taala Koofurta magaalada Gaalkacyo. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kasaaro badan uu dhaliyay weerarka oo qaraxyada kadib weerar toos ah uu xigay, waxaana la sheegay in gudaha xarunta laga maqlay rasaas iyo qarax loo malaynayo inay shaqsiyaad isku xireen. Ciidamada DANAB oo si gaar ah u tababaran ayaa la sheegay inay ku biireen weerarka iyaga oo difaacayay xarunta la weeraray, waxaana wali la maqlayaa rasaas dhaceysa. Khasaaraha ugu badan ayaa la sheegayaa inay gaareen dhalinyarada xarunta ku sugneyd oo daacad u ahaa wadaadka leh xarunta oo ku taala dhanka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo. Lama hubo khasaaraha inta uu la eg yahay, waxaana magaalada Gaalkacyo la isla dhex marayaa in Wadaadka xarunta lahaa lagu dilay goobta, walow aan la xaqiijin karin ilaa io hadda. Caasimada Online ayaa ku howlan xaqiijinta khasaaraha dhab ah ee ka dhashay weerarka saaka. Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
  19. Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa mar kale maanta musharax Mukhtaar Robow loo ogolaaday in uu u tartamo doorashada Madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo la siiyey shahaadada musharaxnimo. Shahaadada la siiyey Roobow ayaa timid kadib markii guddiga go’aamiyeeen inuu xaq u leeyahay inuu doorashada ka qeyb galo, islamarkaana diideen tallaabooyin ay dowladda federaalka dooneysay inay Roobow uga reebto doorashada. Arritan ayaa ku soo adeysa xilli ay dowladda Federal-ka isku dayeysay in ay ka reebto loolanka, ayada oo guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran ku saartay in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo uu ka mid yahay Roobow. Xubanaha kale ee la rabay in doorashada laga saaro ayaa ah, Xuseen Cismaan Xuseen, taliyihii hore ee NISA iyo Aadan Saransoor. Hase ahaatee, go’aankii gudiga doorashada ee Koonfur Galbeed markale ugu ogolaadeen Roobow waxay dhalineysaa laba arrin. 1 – Doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed oo xiiso badan yeelan doonta. Caadiyan haddii uu tartanka ka hari lahaa Robow, doorashada Koonfur Galbeed waxa ay noqon lahayd mid aan xiiso lahayn, sababtoo ah dad badan waxay doonayaan inay ogaadaan waxa dhici doona, maadaama Roobow uu yahay hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab. Haddii Roobow laga reebi lahaa doorashada, waxaa soo bixi lahayd in dowladda si rasmi ah ugu guuleysatay in ay dhabbaha u xaartay musharaxa ay iyada wadato ee Cabdicasiis Lafta Gareen. In Robow ka soo muuqdo liiskaas waxa ay noqon doonta mid xiiso keenta iyada oo ay waliba beesha caalamka si gaar ah ula socon doonto waxa ka dhacaya Baydhabo. 2 – Dowladda federaal-ka oo markii labaad ku guuldarreysatay in ay Roobow ay reebto Waxa ay dowladda isku dayday in ay si toos ah ama si dadban uga reebto Roobow tartanka madaxtinimo ee Koonfur Galbeed. Waxaa caddeyn u ah qoraalkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee lagu sheegayey in uusan tartami karin iyo dadaalo ay galisay guddiga doorashada si ay u reebaan Roobow. Hase ahaatee, in markale uu helo ogolaansho waxa ay dhabar jab ku tahay xukumadda Xassan Cali Kheyre oo si weyn farogalin uga heysa doorashada Koonfur Galbeed. Waxybaaha xoojinaya taageerada uu Robow ka helayo beesha Digil iyo Mirifle waxaa lagu soo koobi karaa saddex qodob oo kala ah 1 – Hanjabaaddiisii qabiillada Shabeellada Hoose dhibaatada ka wada, 2 – La dagaalanka Al-Shabaab iyo 3 – Ciribtirka tuugta isbaarada dhigata wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay meel aan ka fogeyn masaajid ku yaala degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lagu aasay meel u dhow Masjid ku yaala Xaafadda KPP ee degmada Hodon, waxaana ciidamada NISA ay sheegeen inay taageero ka heleen shacabka, maadaama xogta ay usoo gudbiyeen. War qoraal ah oo kasoo baxay NISA laguna daabacay Barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay sidoo kale ku raad joogaan qaraxyo kale oo magaalada looga shakisan yahay in lagu hayo. “Ciidanka Booliska iyo NISA, oo wada shaqayn kahelay bulshada ayaa markii labaad asbuucaan gudihiisa bixiyey Miino iyo walxa kale oo qarxa, oo ay dhagarqabayaal ku duugeen kasoo horjeedka misaajid kuyaala Xaafadda KPP ee degmada Hodan”ayaa lagu yiri qoraalka NISA. NISA mashaacin dad loo qabtay miinadaas,hayeeshee waa markii labaad ee todobaadkaan ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya fashiliyaan qarax,waxaana maalma kahor ciidamadu ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay Xaafad ka tirsan degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir. Labadii habeen ee ugu dambeysay ciidamada ayaa baaritaan ka waday xaafadaha degmooyinka, Waaberi, Heliwaa, Hodon iyo Wadajir iyaga oo ku raad joogay dadka falalka amni daro ka geysanaya magaalada. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Gaalkacayo-[Puntland Post ]Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyo iyo rasaas laga maqlay Magaladaas. Wariyeyaal ku sugan Magalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegeen in qaraxyada lagu weeraray Xarun uu Koonfurta Magalada Gaalkacyo ku leeyahay Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay Gudaha u galeen Xarunta,isla markaana rasaas laga maqlayo Gudaha Xarunta. Xarunta ayaa waxaa ku sugan Dhalinyaro farabadan iyo Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare la soco Faah-Faahin insha allah Puntland Post The post Qaraxyo Iyo Weerar Lagu Qaaday Saaka Xarun Ku Taalla Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan ayaa hanti Dhowrka Qaranka Maxamed Afgooye uu u diray qoraal Gudoomiyaha Baarlamaanka kaas oo ku sheegay in ayan jirin wax wada tashi ah oo kala dhexeeyay Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka isla markaana uusan jirin xiriir toos ah oo wada tashi ah. Hadaba waxa jira cadeeymo muujinaya in Hanti Dhowrka Qaranka uu si joogta ula xiriirayay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamaka. Qoraal uu soo saaaray Hanti Dhowrka Qaranka bishii Noveenbar 17 keedii ayuu ku waragaliyay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamanka musuq-maasuq ka jira Gobolka Banadir iyo in loo baahan yahay in lagu sameeyo dabagal lana baaro musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Gobolka Banaadir. Musuq-maasuqa iyo xatooyada maamulka gobolka Banaadir ayaa maraya heer ay u muuqato in Yariisow uu xilkiisa ku weyn doono, waxaana lacagta maqan ay tahay mid ka badan tan gobolka uu xisaab xirka ku sameeyey. Hanti Dhowrk Qaranka ayaa ah shaqsi uu keensaday R/W Kheyre inta badan ku shaqeeya rabitaankiisa. Waxaa jira macluumad dheeri ah iyo caddeeymo aan helnay. Xogaha aan helnay ayaa waxaa ka mid ah sida loo dhacay lacagta maqan iyo cidda ay ku maqan tahay. Caddeeymaha ayaa isugu jira jeegag ay qoreen madaxda ugu sarreeysa dowladda kuwaaso loo qoray shaqsiyaad ay isku hayb yihiin madaxda dalka. Xigasho: Muqdisho Online Halkaan ka aqriso qoraalka uu soo qoray Hanti Dhowrka Qaranka:
  23. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka magaalada ay ku waabariisatay qaraxyo iyo rasaas xoogan oo la maqlay. Weerarka ayaa sida wararka ay sheegayaan waxaa lagu qaday Xarun uu leeyahay wadaadka lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo caruur badan ku hayay xarunta. Gudaha Xarunta ayaa la sheegaya in ragga hubeysan ay gudaha u galeen, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhex dhaceysa gudaha. Xarunta ayaa waxaa ku sugan Dhalinyaro farabadan iyo Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare. La soco waxii kusoo kordhaa Caasimada Online Xafiiska Mudug Caasimada@live.com
  24. Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Racep Tayyip Erdogan ayaa iska diiday dalab kaga yimid dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ahaa inuu la kulmo madaxweyne Erdogan. Maxamed Bin Salmaan ayaa horey u dalbaday in Erdogan uu la kulmo inta uu socdo shirka Wadamada ku bahoobay G20, oo 30-ka bishaan ka dhacay magaalada Caasimadda u ah dalka Argentine. Shirkaasi oo bilaabanaya dhammaadka Novermber ayaa socon doona ilaa 1 December ee sanadkaan, waxaana Erdogan uu diiday inuu la kulmo Maxamed Bin Salmaan, sida lagu daabacay Shabakada wararka Turkey ee Haber. Talaadadii hore madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga inta shirka uu socdo, sidoo kale Arbacadii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa isna shaaciyay inuu la kulmayo dhaxal sugaha Sacuudiga. Arintaan ayaa timid iyadoo Sacuudiga uu dhibaato badan kala kulmay dilkii wariye Jamaal Kashoqji oo horaantii bishii lasoo dhaafay lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul. Jimcihii laso dhaagay Washington Post ayaa shaacisay in CIA-da Mareykanka ay soo gabogabeysay in Maxamed Bin Salmaan uu shaqsiyan u amray dilka wariyaha. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com