-
Content Count
207,021 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in gordhawayd uu qarax ka dhacay suuq ku yaalla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Saraakiishaa caafimaadka waxay sheegeen in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa isla markaasna loo qaaday isbitaallada. Waxay intaasi ku dareen saraakiisha in dhimasho ay jirto balse iyo ilaa hadda aanan la xaqiijin karin khasaaraha. Qaraxa ayaa loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Source
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidamada DANAB ee Galmudug Cabdi Casiis Cabdullaahi oo maanta la hadlay Saxaafada ayaa waxaa uu faahfaahiyay qaraxii iyo dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug. Waxaa uu sheegay Taliyaha in 4 qof ay weerar ku qaadeen xarunta wadaadka Sheekh Cabdi weli oo ku geeryooday weerarka, isagoona tilmaamay in ay dileen nolasha ku qabteen mid ka mid ah ragii ka tirsanaa Shabaab ee weerarka soo qaaday. Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu xusay in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen Weerarka qaraxyada ku bilowday ee saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Sheegtay mas’uuliyada weerarkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, waxaana ayna sheegeen inay dileen Nin Aflagaadeyn jiray Nabigeena Muxamed NNKH. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida ay xaqiijiyeen Amin Ambulance ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay halka 15 kale ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay suuqa Kaawo Godey, Wadjir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay goob ay ciidamo joogeen, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare hanti leh. Source: goobjoog.com
-
Xoggo ku saabsan Isku dhuc xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Somaliland Muusa Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Gobalka Togdheer. warar hoose ay u helen warbaahintu ayaa waxa sheegayaan in isku dhacan uu ka dhashay kulan labadan masuul ku dhex maray magaalada Burco ee xaruuta Gobalka Togdheer. Suldaan Maxamud Xaaji Husein Nuu Cali ayaa waxa la sheegay inuusan kala kulmin maqaamkii uu filanaayey iyo codsigii uu suldanku u gudbiyey madaxweynaha taasna ay dhalisay inuu Suldaanku ka cadhoodo dhacdadaas. Suldaan Maxamud Xaaji Husein ayaa kulanka uu madaxweynaha la qaatey ka dib waxa uu si hoose shir deg deg u ugu qabtey Beeshiisa Cimraan isagoo ku bogaadiyey una sheegay inuusan madaxweynahani ahayn kii ay doorten iyo mid ay beeshiisu ka heli karto saami qeybsiga ay xaqa ay xaqa u lahaayeen. sidas darteedna waxa uu Suldaanku u soo jeediyey Xubnaha Beeshiisa inaysan la shaqeyn karin Muusa Biixi iyo xukuumadiisa. Waxa kale oo uu suldaanku goobtaas ka sheegay in aanay wada cadeyn mucaaradnimadooda xilligaan hadda lagu jiro, balse ay isku afgartaan marka hore in ay go,aan ka yeeshan Madaxweynaha mustaqbalka fog. masuuliyiintii goobtaas joogay ee ka qeybgakay shirka uu Suldaanku u isugu yeeray ayaa waxa ay la qaateen in madaxweynuhu uusan ahayn madaxweyne hanan kara quluubta beeshaas sidaas darteedna ay tahay in ay ka bedel raadsadaan xiliga digarogosho timaado ama Doorasho. Madaxweynaga Somaliland ayaa bilihii la soo dhaafayba wajahayey culaysyo Siyaasadeed oo kaga imaanaya Xisbiyada dalka ka jira iyo meelo kalaba, waxa uuna hada Socdaal dheer ku marayaa Qeybo ka mid ah Gobalada bariga dalka si uu uga galgasho culaysyadaas soo wajahay. Qaran News
-
Twelve people have been killed in a suspected Islamist militant attack in northern Mozambique, with thousands of villagers fleeing into neighbouring Tanzania, police sources said Sunday. Hardline Islamists have launched several attacks in the majority -Muslim province during the last year, stoking unrest just as Maputo pushes ahead with oil and gas development in the region. Early Friday, “there was an attack in Nangade district, where there are no security patrols. The attackers killed 12 people, mostly women and children,” a police source in Cabo Delgado province, who asked not to be named, told AFP. The attack took place in the village of Chicuaia Velha, just a few kilometres (miles) from Tanzania, forcing several thousand people to seek safety cross the border, police said. A local journalist said the villagers were hacked to death with machetes or died after the attackers torched their homes. “The district of Nangade is far from the sea where the police have focussed their efforts, which allowed the assailants to enter and attack and then retreat,” another police source said. “They use guerrilla tactics and attack several points simultaneously. It’s hard to control the situation,” he said. It was the third such incident in the last month in Cabo Delgado, leaving a total of 20 dead. Analysts say the nascent insurgency staged its first attack in October 2017 year hitting a police station and military outpost in the northern town of Mocimboa da Praia, killing two officers. Originally known as Ahlu Sunnah Wa-Jama — Arabic for “followers of the prophet” — the group is commonly referred to by locals and officials as “Al-Shabaab,” although it has no known link to the Somali jihadist group of the same name. Its links to other West Africa militant groups such as Boko Haram in northern Nigeria are also unclear. “The current insurrection is a small affair, literally barefoot, with a very strong local dimension,” said Eric Morier-Genoud, a specialist in Mozambique at Queen’s University Belfast. It is believed to have formed in Cabo Delgado in around 2014 when its leaders called on followers to adhere to a more extreme form of Islam. Experts believe the militants — most of whom are members of the Kimwani ethnic group — are also motivated by grievances over perceived discrimination in favour of the Makonde people, the tribe of President Filipe Nyusi. Over the last year, the insurgency has claimed more than 50 lives in gun, grenade and knife assaults. The authorities have already prosecuted more than 200 suspects, including some Tanzanians and Somalis, and shut down several mosques as part of a crackdown. The violence has shaken government plans for Cabo Delgado, a coastal province in the far north that will be a base for development since natural gas reserves were discovered. US oil and gas giant Anadarko earlier this year temporarily evacuated workers from the area and halted operations after the US embassy in Maputo issued an alert warning of imminent attacks. The government has been using the potential energy bonanza from estimated reserves of 180 trillion cubic feet (5.1 trillion cubic metres) of gas off the northeastern shores to predict strong future growth for the former Portuguese colony. The post Suspected Al-Shabab militants kill 12 in north Mozambique appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxa ayaa ka dhacay isgooyska mashquulka badan ee Kaawo-Godeey Degmada Wadajir ee Magaalad Muqdisho. Waxaa qarxay gaari nooca loo yaqaano Specio waxaana uu ku qarxay goob dad badan ay sugnaayeen. Goobjoogayaal aan la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan qasaarooyin isugu jioro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ahaa. Waxaa xusid mudan in sanadkii hore uu ka dhacay qarax qasaare badan geeystay halka uu maanta qaraxani ka dhacay. Faah Faahinta dib ugala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxaan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Kaawa-Godeey ee degmada Wadajir. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay suuq ku yaalla isgoyska Kaawa-Godeey oo khaadka lagu iibiyo. Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaas oo xiray aaga uu qaraxa ka dhacay. Sidoo kale waxa socda gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.
-
Taliska ciidamada Danab ee Gal-Mudug ayaa faah faahin ka bixiyay weeraro qaraxyo iyo toos ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Cabdi Casiis Cabdullaahi Taliyaha ciidamada Danab ee Gal-Mudug oo la hadlay wariyaasha ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu weerarkaasi u dhacay. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Danab iyo kuwa Gal-Mudug ay ku guuleeysteen in ay soo afjaraan weerarkaasi islamarkaasina ay toogtaan 3 kamid ah dadkii weeraray mid kamid ahna ay gacanta ku hayaan isaga oo dhaawac ah. Ku dhowaad 20-ruux ayaa ku dhimatay qaraxyo qasaare geeystay oo ka dhacay maanta magaalada Gaalkacyo qasaaraha ayaa laga yaabaa in uu intaasi ka bato. Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Cabdi-Casiis-Cabdullahi-Danab-PP-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post DANAB” Waan soo afjarnay Howlgalkii Gaalkacyo waxaana qabanay mid kamid ah ragii weerarka fuliyay” appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saartay xaaladda amniga maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Baydhaba oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaasi. Qoraal uu ku saxiixnaa Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo loo diray Wasiirka Amniga maamulka K/galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa lagu sheegay inay jiraan shaqsiyaad ku howlan handadaadda bulshada iyo fal-dembiyeedyo ka dhan xasiloonida iyo deganaanshaha dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhaba. War-ka kasoo baxay ayey wasaaradda Amnigu ku xaqiijisay inay kaalmeyneyso laamaha Amniga Koonfur Galbeed sidii ay u gudan lahaayeen sugidda amniga. Halkaan hoose ka akhriso hadalka kasoo baxay wasaaradda Amniga Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Inkasta oo sida la sheegay uu Madaxweyne Biixi markii hore damacsanaan inuu safarkiisan uu Gobolada Bari ugu maqan yahay ka hor uu seefta la dhex qaado Golihiisa Xukuumadda haddana sida wararku ay sheegayaan waxa u qorshaysan inuu islamarka uu safarkan kasoo laabto uu Golihiisa Xukuumadda ku sameeynayo Isku badel dhinaca Xilalka ah, Magacaabis Wajiyo Cusub iyo inuu qaar badan shaqada ka caydhiyo. Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wargeysa Foore u xaqiijisay in Madaxweyne Biixi uu markii hore doonayay inuu liiskan ku dhawaaqo ka hor intaanu u bixin Safarkan uu ugu maqan yahay Gobolada Bariga Somaliland balse wadatashi uu sida la sheegay la sameeyay saaxiibaddiisa ugu dhaw ayuu go’aansaday inuu dib ugu dhigto isla maalinta uu safarkan kasoo noqdo islamarkaana uu ku darsado xaaladaha uu isla Safarkan kala soo kulmo. Sidoo kale Wararka Wargeyska Foore soo gaadhayaa waxa ay tilmaamayaan inuu Madaxweyne Biixi damacsan yahay inuu beego soo saarista wareegtadani isla maalintii uu Xilka la wareegay oo ku siman 13-ka Bishan Foodda inagu soo haysa ee December-2018, oo ku beegan maalintii Xilka loo dhaariyay. Wareegtani ayaa sida la sheegay taaban doonto qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda, Agaasimayaasha Guud,Taliyaasha Ciidamada, Maareeyayaasha Hay’addaha Madax Bannaan, Safaaraddaha iyo meelo kale oo muhiim ah, waxaanu Madaxweyne Biixi ku salayn doonaa aragtidiisa siyaasiga ah iyo ka jawaabista dhaliilaha uga muuqday Hay’addaha Dawladda Mudadaasi Sanadka ah ee ay Xukuumaddiisu jirtay. waxa kale oo uu Isku shaandhayntan kaga jawaabi doonaa Saluugga dhinaca Saamiga kuraasta iyo dheeli tirnaan la’aanta loo tirinayo Kuraasta Xukuumaddiisa gaar ahaan Deegaamada qaarkood, maadama oo ay Hay’addaha qaar ku sugan yihiin masuuliin isku hayb ah iyo iyadoo ay jiraan Beelo ka cabanaya kuraasta oo sheeganaya ka qatanaan dhinaca Kuraasta Hay’addaha Dawladda ah oo ay ka faro madhan yihiin. Wasiiradda Qaar ayaa sida la sheegay Xilalkooda la isku badeli doonaa, halka Qaar shaqadda laga caydhin doono, sidoo kale Agaasimayaasha Guud ayaa iyagana shaqooyinkooda la isku badeli doonaa, halka sida suuqa kujirta qaarkood shaqada laga ruqsayn doono. Masuuliyiin badan oo Wasiiro iyo Agaasimayaal guud iskugu jira ayaa jiif iyo joogba diiddan waxaanay gaaf wareegayaan Huteelada iyagoo iska waraysanaya Xaaladdan isna Xog baadhanaya, waxa uu mid waliba dhinaciisa ka wal wal qabaa in seeftu la tagto balse waxaa jira masuuliyiin iyagu ka war helay inay jiraan oo booska laga qaadayo balse aan kala ogaan in dibada la dhigi doono iyo meel kale loo wareejin doono,waana kuwa wal walka ugu culus haysto ee aadka u anfariirsan. Xaaladdan ayaa ka dhalatay safarka Madaxweynaha ee Gobolada Bariga uu ku tagay. Foore Source
-
(SLT-Ceerigaabo)-Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdillaahi Obokor ayaa sheegay in Dawladda lagu leeyahay Deyn lacageed oo dhan 1.8 Milyan oo Dollar, taasi oo lagu isticmaalay dhismaha Waddada Ceerigaabo. Wasiirka ayaa sidaa yeeshay shalay, ka dib markii Madaxweyne Muuse Biixi oo socdaal ku maraya Gobollada Barigu uu kormeer ku tagay qayb ka mid ah Jidka Ceerigaabo oo shaqo ka socoto, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Dowladda federaalka ah waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London. Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa halka ay Soomaaliya maanta joogto diyaar-garow ahaan iyo maxaa naga dhimman oo loo baahanyahay in la qabto ka hor shirka London, waxaan ku soo koobnay 12 qodob, oo aan la bilaabi karin wax shaqo am heshiis ah iyada uu hal qodob ka dhimman yahay. (1): Ma Jiraan Wax Diyaar Ah: Meesha Soomaaliya ay iminka joogto ayaan ka bilaabaynaa. Hawsha hadda u qabsan Dawladda Federaalka waxaan ku soo gaabin karnaa sidaan: Heshiiska maamulka iyo wadaagga kheyraadka oo ay wada saxiixdeen Dawladaha Xubin Federaalka ah iyo Dawladda Federaalka. Sharciga Batroolka oo Baarlamaanka Federaalka la yaalla Xeerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement. Waxaa la diyaariyay Modeelka Soomaaliyeed ee Soo-saar Wadaagga Shidaalka (Model Production Sharing Agreement). Shirkad kasta oo Soomaaliya la galayso heshiis waxay kula galaysaa Modeelka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo diyaar ah xogahii saysmikada ee badda (2-D seismic data), oo tilmaamaya meelaha laga yaabo inuu shidaal ku jiro oo biyaha badda ka hooseeya. (1): Maxay Tahay In La Qabto Ka Hor Shirka: Waa muhiim in aan isweydiinno, maxaa naga dhimman oo loo baahan yahay inay diyaar noo ahaato? Intaan ayaa naga dhimman ka hor bid -round ga (bixinta qandaraas balook- yada): Si sax ah in loo ogaado shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada. Balookyada ka dib waxay noqonayaan kala qiimo, oo ay ku kala duwanaanayaan mugga shidaalka oo la qiyaasay. Waxaa xiga in la sameeyo qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). Ka dib Wasaaradda Batroolka waxay soo xulaysaa balookyada shidaalka ee u diyaarsan inay qandaraaska ka mid noqdaan. Dokumeentiyada, xogaha seismikada, iyo maabab oo diyaar ah ayaa la hor-geynayaa Golaha Wasiirada oo ka dib markay ansixiyaan u gudbinaya Baarlamanka Federaalka, si u soo ansaxiyo. Dhinaca kale waa inay diyaar ahaadaan Sharciyada iyo xeer-hoosaadyada kor ku xusan oo dhammaan is-waafaqsan. Is-waafajinta sharciyada waa hawl weli ka dhimman shaqada. Waxaa kale loo baahan yahay Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) inuu diyaar yahay. Sidaan og nahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa faraha ku hayso hawshaas. Waxaa dhawaan la billaabayaa daraaf-garaynta Sharciga Cashuuraadka. Hawlaha. Ma lihin dad nagu filan oo aqoon iyo khibrad u leh hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Waa in la diyaariyaa khayraad aadami ah oo hanan karo hawlaha ilaalinta iyo horumarinta khayraadka in loo soo bixiyo. Sidaas awgeed, waxaa muuqata in loo baahan yahay hawlaha dhimman si wanaagsan in loo dhammaystiro. Ma dhici karto si qabyo ah in loo gudo galo hawsha bixinta balookyada. Haddii kale, waxay la mid noqonaysaa inaan gadno khayraadka waddanka qiimo raqiis ah oo aad iyo aad u yar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Guddoomiyihii hore ee Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya iyo Xisbul Islaam ahaana xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab ee dalkaasi Soomaaliya ka dagaalanta wakhtiganna xabsi guri ku yaalla Magaalada Muqdisho ku sugan Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa si layaab leh uga hadlay Gabadh Fannaanad ah oo reer Somaliland oo dhawaan shaacisay in ay isaga baxday Fanka oo ay ka toobbad keentay sida ay hadalka u dhigtay isaga oo tallaabada gabadhaasi ku tilmaamay mid geesinimo oo ay jid wanaagsan ugu jeexday hablaha kale ee Fanka ku jira. Xasan Daahir Aways oo farriin muuqaal ah isaga soo duubay guriga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay ayaa waxa uu wax laga xumaado iyo dhibaato weyn ku sheegay hablaha Soomaaliyeed ee Fanka maanta ku jira oo uu ku tilmaamay nasiib darro weyn iyo dhibaato aan laga soo kaban karayn halka uu Xamda Queen ugu duceeyey in ilaahay waafajiyo wanaaggaasi ay dooratay. Sheekh Xasan Daahir Aways oo Arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Maalin dhawayd waxaan ka hadlay meesha halista ah ee Fanka iyo gabdhaha gaar ahaan maanta la marayo oo ah meel halis weyn ah. Waxa aan haddaba doonayaa in aan ka hadlo Arrin aan kula kulmay Warbaahinta oo ah gabadha fanka ka baxday ee magaceeda aan ku maqlay Xamda Queen, balse aanan aqoon u lahayn. Arrinkaasi haddii uu dad badan la fududyahay aniga aad buu iila culus yahay Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa in uu ka dhigo Arrin weyn. Gabadhaasi waxa ay tidhi arrintaasi waan ka toobbad keenay. Kiiska Fanka iyo gabdhuhu halka ay ka marayaan waxa uu ahaa mid aan in badan ka murugoonayay balse gabadhaasi aadbay nooga farxisay. Sida Nabi Maxamed NNKHA noo sheegay arrintaasi waa mid uu aad Ilaahay u jecel yahay. Nabigu xadiis saxiix ah waxa uu ku sheegay in Ilaahay ku farxo marka addoonkiisu toobbad keeno. Ilaahay gabadhaasi haka aqbalo waxaanan u rajaynayaa in ay Toobbad nasiixo ah la timaaddo si Ilaahay SWT uga aqbalo. Dhammaanteen waxa la innooga baahan yahay in aan toobbad keeno oo Ilaahay u noqono. Ilaahay waa mid naxariis badan oo isaga ayaa is keen baray. Sidaa darteed si aan naxariistiisa iyo dambi dhaafkiisa u helno waa in aan toobbad keennaa”. Sheekh Xasan Daahir Aways, wadaadka Al-shabaab ka tirsanaan jiray balse wakhtigan ka soo firdhaday oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Walaalayaal waxaan si gaar ah ula hadlayaa gabdhaha. Waxaan leeyahay walaalayaalow Ilaahay u soo noqda xaaladdiina ma aha mid lagu farxo maanta. Waxyaabahaasi Fanka oo kale ahi wax ay idin tarayaan ma laha. Waa luggooyo if iyo aakhiraba ah. Kuwa naga dambeeya iyo ilmaheenana waa fasahaadinayaan sidaa darteed gabdhuhu sida ay yihiin haka soo laabtaan. Wax Fanku idiin soo kordhinayo maanta ma jirto. Haku dagmina waxa gaaladu innoo soo waariday ee ay sheegaan in ay iyagu ku hor mareen. Sida ay sheeganayaan ee ay horumarka ugu sameeyaan innagu uguma hor mari karno. Waxa fiican haddii aad ka tagtid waxa xun kuma horumaraysid. Masar iyo Turkiga iyo balaayadaasi ayay ka soo bilaabantay waxani oo waxa ay rag badani yidhaahdeen waa lagu hor marayaa laakiin maanta ayay garteen in aanay waxba ka jirin oo uu dhibaato yahay. Turkigii maanta wuu ka soo noqonayaa oo wuu iska soo daynayaa Fankaa iyo Filimadaasi iyo waxaa qudhunka ah walise Masar waxaasi qudhunka ah ayay ku sii jiraan. Walaalayaal fitnada iyo qashinkan xumaanta ah joojiya. Inantaasina Ilaahay ha waafajiyo khayrka ay sheegtay”. Ayuu yidhi sheekh Xasan Daahir Aways. Source
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo laga sugayay inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada ayaa si lama filaan ah uga degay magaalada Baladweyne. Xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ee (Jowhar) ayaa xalay laga seexan, iyadoo madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa laga filayay iney shaaciyaan magacyada Wasiirada cusub iyo kuwa la isku bedelayo,balse ma dhicin. Taa badalkeeda,madaxweyne Waare wuxuu saakay safar aan horay loo shaacin ugu ambabaxay Baladweyne si uu la tashi ula soo sameeyo Beelaha dega gobolkaasi oo tabasho qabo. Warar hoose ayaa sheegaya inuu muran ka taagan yahay hanaanka awood qeybsiga beelaha,culeys badana uu saaran yahay madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Abdi Waare,taasi oo keentay dib u dhaca ku yimid shaacinta isku shaandheynta Wasiirada. Waare, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo la filayo inuu kulamo wadatashi ah la qaato shacabka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xogheyaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimu oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro saxafi muddo todobaad ah u xiran dowladda oo aan maxkamad la soo taagin, isaga oo dhanka kale ku eedeeyey xukuumadda federaalka ah inay saxaafadda ku heyso cabburin, qaarna ay laaluush siiyo. Saxafiga Nuur Ismaaciil Sheekh ayuu sheegay inay ciidamada dowladda xireen 20-kii November, taas oo ay aheyd in sabtidii la keeno maxkamadda laakin aan dhicin, isaga oo intaasi raaciyey in waalidkiisa xataa loo diiday inay arkaan. Maxamed Ibraahim Macalimu oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri“Arrintaas waxaa moodaa inay tahay arrin walaac weyn ku heysa saxafiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana caburin ku ah dadka saxaafadda iyo weriyeyaasha wax u qora”. Dhinaca kale, wuxuu eedeeyey hab-dhaqanka xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre ee dhanka saxaafadda “ Hab-dhaqanka xukuumadda hadda jirta ee uu ra’isul wasaaraha ka yahay ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaan dhihi karnaa waa xukuumaddii ugu qalafsaneyd ee soo marta saxaafadda Soomaaliyeed, waxaa ay ula dhaqmaan hab adag, ma daba-galaan kuwa weriyeyaasha dhibaateeya, waxaad ogtihiin October 15, ee bishii la soo dhaafay weriye Cabadalla Muumin oo xafiiska ra’isul wasaaraha dad ka tirsan u hanjabeen ilaa hadda wax baaris ah laguma sameyn, waxaad ogtihiin in weriyey lagu dilay beerta nabadda Xamar-jabab oo nimman askar ah ay toogteen, ilaa hadda meel dabagal loogu sameeyey ma jirto, xukuumadda wax dabagal ah ama wax war ah oo ay ka keentay ma laha, sidee suuro-gal ku tahay in nin booliis ah oo shaqo ku jira la yiraahdo lama garanaayo, waa arrin ku talo-gal ah, isla markaana raalli- laga yahay”. Maxamed Ibraahim Macalimu, wuxuu uu xukuumadda federaalka ah ku eedeeyey inay hanjabaad iyo laaluush isticmaasho “xukuumadda hadda jirta waxaa ay u go’doontay inay weriyeyaasha kala qeybiso, inay ururadii suxufiyiinta soo dhex galaan oo la kala qeybiyo, waxaa ay sameysay 2 arrin oo waaweyn oo aan horay u dhicin (1) inay caburin ku sameeyaan weriyeyaasha Soomaaliyeed (2) Qaar la laaluushay oo inta mushaar bille ah loo qoray ha ahaado saxafi ama saxaafad, isla markaana loo diiday inay runta sheegaan. Waa arrin kale oo walaac muujineysa oo ay gaar u tahay xukuumadda hadda jirta”. Ugu dambeyntii, Xogheyaha guud ee ururka saxafiyiinta NUSOJ waxaa uu leeyahay arrintan waa mid xasaasi ah, waayo haddii weriye la waayo, oo la waayo qof ka hadlo musuqa, oo weriyeyaasha noqdaan qaar la laaluusho, qaarna loo hanjabo, waxaa ay keeneysaa inay khatar gasho dowladnimada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj Maxamed Ibraahim Macalimow oo Maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay xukuumadda federaalka Soomaaliya ay culeys badan saartay saxaafadda. Waxa uu sheegay in muddo Todobaad ah si sharci darro ah ku xiran yahay Wariye Nuur Ismaaciil oo aan wax maxkamad ah lasoo taagin. Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayuu sheegay iney tahay midda ugu qalafsan ee soo marta saxaafadda Soomaaliya. Macalimow ayaa sheegay in maalin walbo xubno xukuumadda ah ay u hanjabaan wariyeyaasha iyo sidoo kale xarumo warbaahin. Saxaafadda Soomaaliyeed ayuu sheegay Macalimow iney maanta ku jirto meel qatar ah, walibana ay sabab u tahay xukuumadda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Macalimuu.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Taleex)-Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo isimmo kale oo nabadeyn u jooga magaalada Taleex ayaa madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas ka codsaday in gobol loo magacaabo magaalada taariikhiga ah ee Taleex. “Halkan waxaan ka soo gudbineynaa farriin aniga iyo Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, farrinta oo aan wakiil uga nahay dhammaan Isimmadii iyo salaadiintii deegaannada kala duwan ka yimid ee Jubbaland iyo Puntland ee ku sugan magaalada Taleex.. waxaa ay shacabka reer Taleex codsadeen oo aan u soo gudbinaynaa madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas iyo golihiisa xukuumadda inay u magacaabaan magaalada Taleex gobol la yidhaahdo gobolka Taleex”. ayuu yidhi boqor Burhaan. Boqorka ayaa inta ku daray magaalada Taleex inay u qalanto in gobol loo magacaabo, isagoo ku xoojiyay maamulka Puntland kulankooda ugu horreeya inay gobol ugu magacaabaan Taleex. Taleex waa degmo ku taalla gobolka Sool, Xukuumadda Somaliland ayaa horay gobol Xaysimo u magacowday magaalada Taleex Waa Magaalo Taarikhiya oo xarun u ahaan jirtay Taliskii Daraawiishtii,uu hogaamin jiray Sayid Mohamed Abdule Hasan, balse waxa jirta faro-galin iyo dhaqdhaqaaqyo maamulka Puntland ka wado deegaanadaasi. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo safar ku maraya gobollada bariga Somaliland ayaan wali booqan magaalada Taleex. Dad qaar ayaa aaminsan in haddii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu booqdo magaalada Taleex ay wax iska bedeli doonaan sheegashada Maamulka Puntland. Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
-
(SLT-Ukraine)-Dowlada Ukraine ayaa ku eedaysay in ciidamada Badda ee Ruushka weerar ku qaadeen maraakiibtooda dagaalka, iska horimaadkaasi oo ka dhacay bada Madow ee jasiirada la isku heysto ee Crimea. Xukuumada Kiev ayaa sheegtay in weerarkii shalay gelinkii danbe dhacay ay ku dhaawacmeen 6 askari oo ka tirsan ciidamadooda badda isla markaana Ruushka uu qabsaday 3 Markab oo ay Ukraine leedahay. Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa sheegay inuu soo rogayo xaalad deg deg ah si uu wadankiisa isaga difaaco duulaanka cusub ee Ruushka, walow uu sheegay in dowladiisa ay weli diyaar u tahay in hab nabad ah lagu xaliyo dhulka ay isku heystaan Ruushka ee gobalada bariga Ukraine iyo jasiirada Crimea. Dowlada Ruushka ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada badda ee Ukraine ay soo galeen badda Ruushka ee jasiirada ay la wareegeen Crimea isla markaana ay iyagu is difaaceen, Moscow ayaa sidoo kale maanta oo isniin ah kulan deg deg ah isugu yeertay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Source
-
(SLT-Gaalkacayo)-Ku dhawaad 20 ruux oo uu ku jiro Sheekh Cabdiweli Cilmi Yare ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacayo. Weerarkan ayaa isugu jira mid is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameed saday xarunta wadaadkaas. Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii ka dhacay Gaalkacyo ee lagu dilay ninkii lagu eedeeyay in uu sheegtay Nabinimo. Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Alshabaab digniin ugu dirty. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xoghayaha ururka saxafiyiinta Qaranka ee NOSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay xukuumadda Soomaaliya. Macalimuu ayaa si adag u weeraray xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay aheyd xukuumadii ugu qalafsaneyd ee soo marta Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Macalimuu. Wuxuu sheegay in Xukuumadda ay labo u qeybisay wariyaasha Soomaaliyeed , kuwaasi oo kala ah kuwo ay laaluushtay iyo kuwo ay caburisay, isaga oo tusaale usoo qaatay Wariye dhawaan ciidamada ay xireen oo muddo todobaad ah la weysaysan yahay. Wariyaha oo lagu magacaabayay Nuur Ismaaciil Sheikh ayaa la sheegay in ciidamada NISA ay xireen, waxaana wali aan lasoo taagin wax maxkamad ah, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha loo heysto. “Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyrre Saxaafadda Waxay u qaybisay Qaar ay u hanjabto iyo kuwa ay Laaluushtay,waana xukuumaddii ugu qallafsaneyd ee Saxaafadda Soo marta”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu. Ugu Dambeyn Macalimuu ayaa sheegay in wariyaasha Soomaaliyeed ay halis ugu jiraan inay waayaan xorriyadda hadalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Riyadh)-Jaraa’idka kasoo baxa Israel ayaa qoraalo ay daabaceen lagu xaqiijiyey in Shirkada laga leeyahay Israel ee NSO Group Technologies ay dowlada Sacuudiga ka iibisay qalabka casriga ah ee lagu basaaso telefonada gacanta. Kulamo qarsoodi ah oo dhexmaray mas’uuliyiinta shirkadaasi iyo sirdoonka Sacuudiga ayaa la sheegay in sanadkii hore ka dhaceen dalka Austria iyo jasiirada Qubrus. Sacuudiga ayaa la sheegay in shirkadaasi gorgortan kula jireen iibka barnaamijka wax lagu basaaso ee loo yaqaan Pegasus-3 oo ah mid halis ah oo si qarsoodi ah lagu ogaan karo dhamaan xogta ku jirta Telefonada gacanta ee shaqsiyaadka dabagalka lagu sameenayo, sida ay sheegtay jariirada Haaretz. Isla qalabkan ayaa la rumeysan yahay in Sacuudiga u adeegsaday hawlgalkii sanadkii hore Maxamed Bin Salmaan [MBS] uu ku xir xiray in badan oo kamid ah qoyska Boqortooyada Sacuudiga oo uu ku xiray hotel ku yaal magaalada Riyadh. Suxufigii la dilay ee Jamal Khashogi ayaa sidoo kale la sheegay in barnaamijkan ay sameysay Israel ee Pegasus lagu weeraray telefoonkiisa gacanta, waxaana suxufigaasi lagu dilay 2dii Oktoober qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul. Maamulka Israel ayaa la sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay ay dadaal ugu jireen in laga difaaco Maxamed Bin Salmaan cadaadiska caalamka uga imaanaya kadib dilkii Khashoggi, waxaana la sheegay in Israel ay qeyb weyn ku lahayd ka dhaadhicinta Madaxweynaha Maraykanka Trump inuu taageero buuxda la garab istaago MBS. Source
-
(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga. Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda. Source