-
Content Count
207,017 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tukaraq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad cusub ay maalintii labaad ka taagan tahay deegaanka, taasi oo u dhaxeysa dhinacyadii ku dagaalamay deegaankaasi. Xiisadda ayaa ka dambeysay kadib markii maalin ka hor deegaankaasi uu tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isaga oo askarta ku sugan aaga dagaalka u sheegay inaysan dagaal diyaar u aheyn oo xuduudooda difaacayaan. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac ee ku sugan aagaga dagaalka ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan, taasi oo cabsi gelisay shacabka deegaanka ku nool. Dhaqdhaqaaqa cusub ayaa laga dareemayaa dhinaca Puntland, waxaana ciidamada Somaliland la sheegay inay wali ku sugan yihiin goobtii ay joogeen. Waa socda xaalad la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, waxaana dadaalka qeyb ka ah Urur goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka. Waxay horey labada dhinac horey u aqbaleen inay dib u heshiisiin qaataan, waxaana wali jira xiisad ka taagan deegaanka oo u dhaxeysa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Tukaraq ee gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Sool Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar__Qubanaha-261118.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Mas’uulyiinta ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay qaraxyo ay maanta Al-shabaab ka kala geysatay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin falalkaas. Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyanha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu ka tacsiyeynayo geerida dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay weeraradii maanta ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed oo ay Al-shabaab ku dileen qaraxyo ay ka geysteen Gaalkacyo iyo Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka oo ahaa mid kooban. Sidoo kale, Tacsi ayaa waxaa diray guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre. “Falalka ay Al-shabaab ku dishay dadka shacabka ah waa kuwo aad u xun oo naxariis-darro ah, waxaana intii dhimatay aan u rajeynaynaa naxariis ALLE, kuwii dhaawacmayna waxaan u rajeynaynaa caafimaad dhaqso ah,” ayaa lagu yiri warbixinta madaxda Qaranka. Marka ay dhacaan qaraxyo waxyeello xooggan geysta ayay madaxda dalka waxay ku ekaadaan cambaareyn, iyadoo aysan jirin wax ka qabasho intaas dhaafsiisan iyo in kooxaha falalkaan geysanaya tallaabo adag laga qaado. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa Qaraxyo ay maanta ka geysteen Gaalkacyo iyo Muqdisho waxay ku dileen ku dhawaad 20-ruux oo shacab ah oo ay carruur iyo haween ka mid yihiin. PUNTLAND POST The post Madaxda Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay dadkii lagu dilay qaraxyadii Xamar iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo kaashanaya Booliska Turkiga ayaa baaritaano lagu baadi goobayo dad lala xiriirinaayo ku lug lahaasha dilkii Wariye Jamaal Kashoggi ka bilaabay labbo guri oo ku yaala Gobolka Yalova oo dhaca Waqooyi Galbeed dalkaasi Turkiga. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada wada baaritaanka oo habeenkii xalay ahaa gaaray goobtaasi in ay bartilmaameedsadeyn labbada guri oo kaliya iyagoo isku gadaamay una diiday dadkii ku jiray in ay ka baxaan ilaa amar dambe. Mid kamid ah guryahaasi ayaa waxa iska leh ganacsade caan ah oo Sacuudiga u dhashay. Baaritaankaani ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo Eeyaha wax baara ee sida gaarka ah u tababaran si xaalada si fiican ay ula socdaan. Ilaa iyo haatan laamaha amaanka Turkiga kama aysan warbixian howlgalkaasi waxaase la filaayaa in goor dambe oo maanta ah ay ka warbixin doonaan sida ay xaqiijiyeen saraakiil u hadlay Booliska dalkaasi. Wariye Kashoggi oo wargeyska Washington Post ee dalka Mareykanka ka tirsanaa ayaa ka hor intaan la dilin galay qunsuliyada Sacuudiga ay ku leeyihiin dalka Turkiga bishii Oktoobar labbadeeda halkaasi oo lagu dilay. Xigasho: Aljazeera TV
-
(SLT-Nazareth)-Madaxweynaha maamulka Oromada dalka Itoobiya Lemma Megersa ayaa waxaa uu shaaciyey inuu martiqaad u fidin doono madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Oromada ayaa sheegay in sababta uu Itoobiya ugu casuumayo madaxweynaha Somaliland ay tahay isaga oo raba in aan lagula tartamin qaadka ay ganacsatada dalkaasi u iib keento Somaliland isla markaana Miirooga dalka Kenya aanu saameyn ugu yeelan laheyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Talyaaniga oo gadiidka dab-damiska ku wareejiyay G/Banaadir
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubno ka socday dowlada Talyaaniga ayaa maanta tegay xarunta dowlada hoose ee Xamar, halkaasi oo ay kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. Kulanka kadib, xubnaha ka socday dowlada Talyaaniga ayaa ku wareejiyay gobolka Banaadir gadiidka dab-damiska, kaasi oo muhiim u ah shacabka ku nool magaalo madaxda Soomaaliya. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, mudane Saalax Xasan Cumar, ayaa wuxuu warbaahinta fahfaahin buuxda uu ka siiyay agabka lagu wareejiyay maamulka iyo muhiimada uu leeyahay. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mutawakil-2.mp3 The post Talyaaniga oo gadiidka dab-damiska ku wareejiyay G/Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article -
Ra’isilwasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shir gudoomiyay shir looga hadlayay dib-u-habaynta qorshayaasha amniga dalka. Shirkaasi ayaa waxaa sidoo kale looga hadlayay arimo la xariira taageero beesha caalamka ay siiso Soomaaliya oo ku aadan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Shirkaasi waxaa si wadajir ah u shir gudoominayay Ra’isilwasaare Kheyre iyo Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Don Yamamoto . Ra’isilwasaare Kheyre oo kulankaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageero siiyaan Soomaaliya. “Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maal-gelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Shirkaasi waxaa kaloo ka soo qeeybgalay xubno sar sare oo ka socdo beesha caalamka wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo xubno katirsan wasiirada Soomaaliya. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post RW Kheyre oo shir gudoomiyay shir looga hadlayay Amniga appeared first on Puntland Post.
-
Xubno isugu jira masuuliyiin iyo shaqaale oo kala socda Madaxtooyada dawladda Puntland iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa tababar aqoon kororsi ah u jooga waddanka Kenya. Xarumaha bixiyey casumaadda tababarkaan ayaa ayaa waxaa kamid ah Xafiiska Madaxweynaha Kenya, Wasaaradda Qorshaynta, Xarunta Iskaashiga gobollada, Jaamacadda Nairobi iyo Xarumo kale oo Muhiim ah. Ujeedada ugu muhimsan ee tababarkaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland iyadoona ay shaqaalahaan ka socda Puntland ay booqasho kusoo wada mareen dhammaan xafiisyadaasi si’ay u arkaan qaababka kala duwan ee ay u shaqaynayaan xafiisyada dawladda Kenya. Dawladda Puntland iyadoo kaashaanaysa Mashruuca tayaynta shaqaala ee CIP oo Baanka adduunka ka caawiyo Puntland ayay dedaal u gashay sidii ay kor ugu qaadi lahayd tayada shaqaaleheeda iyadoona biyodhaca qorsheyaashani ay noqon doonaan sidii bulshada Puntland loo gaadhsiin lahaa adeegyo tayo leh. The post Xubno ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo Tababar uga socdo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-261118-web.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Turkish police searching for the remains of the Saudi journalist Jamal Khashoggi have scoured the grounds of two adjoining villas in north-western Turkey, the country’s state-run news agency has reported. Crime scene investigators and other officials, aided by sniffer dogs and a drone, first sealed off one of the villas near the town of Termal in Yalova province and later expanded their search to the grounds of the neighbouring villa, Anadolu Agency said. The focus of the search was a well in the grounds of the first villa, which was being drained of water with special equipment brought to the scene. Turkey has maintained pressure on Saudi Arabia over the killing on 2 October of the US-based columnist for the Washington Post. Khashoggi was a critic of the Saudi crown prince, Mohammed bin Salman. Turkey says the journalist was killed by a 15-member assassination squad sent from Riyadh. The assassins strangled and dismembered him before removing his remains, which have yet to be found. Anadolu, without citing a source, said the villas belong to two Saudi businessmen, including one who had allegedly been contacted by telephone by some members of the Saudi assassination squad. The agency did not name the businessman but said he was outside of Turkey at the time of the killing and had not returned in the past two months. Ankara insists the orders for the killing came from the highest levels of the Saudi government, but not King Salman. The Saudi agents blamed for the killing included some members of the crown prince’s security entourage. Saudi Arabia initially said Khashoggi had walked out of the consulate before shifting its account of what happened amid Turkish intelligence leaks. Riyadh is now seeking the death penalty for five members of the hit squad in a move that appeared to be aimed at appeasing international outrage over the killing and distancing the killers and their operation from the crown prince. Saudi prosecutors maintain the 15-man team sent to Istanbul exceeded its authority when the lead negotiator in the team decided to kill Khashoggi for refusing orders to return. An official confirmed a search related to Khashoggi’s killing was taking place, but said any announcement concerning the search would come from Istanbul’s chief prosecutor, who is leading the Turkish investigation into the killing. Source The guardian Qaran News
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Xaaf ayaa ugu horeeyn tacsi u diray dhamaan ehelada dadkooda ay ku geeriyoodeen qaraxii ka dhacay Gaalkacyo. “Aniga oo ku hadlaya magaceeyga iyo ka shacbiga Galmudug, waxaan tacsi u dirayaa Eheladii, Qaraabadii& Asxaabtii ay ka baxeen dadkii Saaka lagu laayay weerarkii ay Al-shabaab ay la beegsatay Magaalada Gaalkcayo, kaasi oo sababay Dhimashada ku dhawaad 20 ruux iyo tiro dhaawac ah” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf Madaxweynuhu waxa uu weerarkaasi ku sifeeyay mid bahalnimo, waxa uu-na aad u boggaadiyay ciidamada ammaanka Galmudug oo si dhaqsi leh u soo afjaray, islamarkaana noolasha ku qabtay mid kamid ah alshabaab weerarkaasi ka danbeysay. Uga danbeyntii waxa uu madaxweynuhu faray laamaha Amniga in ay xoojiyaan dadaalkoodu ku aadan xaqiijinta Nabadgalyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan laga malay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa laga maqlay wadada Warshadaha ee Muqdisho, gaar ahaan agagaarkii hore ee warshadii hore ee Taraqa iyo Sigaarka, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaala agagaarka warshadii hore ee taraqa iyo Sigaarka. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa uu gurigiisa la tagay ruuxii lahaa, kadibna uu qarxay. Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga uu ku dhex qarxay gudaha guriga, iyadoo uu gubanayo gaariga. Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta, iyadoo ciidamo badan la geeyay si loo xaqiijiyo xaaladda goobta ay wax ka dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Iyadoo 3 maalin uun ay ka soo wareegtay guurkeeda ayaa saygeedii iyo qaar ka mid ah qoyskeeda la xidhay, waxayna sheegtay in loo caga-jugleeyay oo meel ay gasho ay wayday, sidaasi darteedna ay ku biirtay ururka ONLF. Nicmo Sheekh Maxamed Digil ayaa ONLF ku biirtay iyadoo 16 jir ah oo aroos ah ka dib markii ninkeeda la dhigay xabsiga Jeel Ogaadeen waxayna ka mid ahayd askartii iyaga oo tababarka ku soo dhamaystay Eritrea laga soo dajiyay magaalada Jigjiga. Nicmo ayaa muddo dheer ka dib ninkeeda indhaha saartay waxayna BBC-da uga sheekeysay qisadeeda iyo waayihii ay soo martay. ”Waxay saygeyga ku maageen ma aqaano, jeel Ogadeen ayaa la geeyay, 9 sano ayuu halkaas ku xirnaa, hadda Jigjiga ayaan iskugu nimid isaga oo jeelka ka soo baxay iyo anigoo ciidan ah” ayey tiri Nicmo Sheekh. Sidoo kale waxay BBC-da u sheegtay in aabeheedna la xiray oo iyada iyo ciyaalkii la dhashayba ay ku soo koreen aabo la’aan, balse hadda ehelkeedii iyo aabaheedba waa la soo daayay. ”Ma aha in uu dhamaaday halgankii iyo dhibkii aan waxan u soo marnay, balse siyaasadda ayaa dhan qabow isku badashay, xagga qabow ayaan kaga miro dhalin doonnaa, haddi ay xitaa ka fursan weydo oo kulayl nala gasho, inaan geeriyoono mooye kama hari doonno oo kama tanaasuleyno halganka” ayey tiri. Nicmo Sheekh Maxamed Digil ayaa hadda magaaada Jigjiga kula nool saygeeda waxayna sheegtay inay hadda u diyaar garoobayaan inay ilmo helaan haduu Alle siiyo, maadama markii hore la kala waday oo wax ilmo ah aysan isku dhalin. Nimco weli ma aaminsana in hadafkeedi ay gaartay, waxayna sheegtay in xabadda uun ay joogsatay, ayna weli ku han weyn tahay inay aragto “calanka Ogaadeenya” oo kaligii taagan. BBC Soomaali Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha. Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirka dhibaatooyinka lagu hayo badda Soomaaliya, mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinkaas iyo tallaabooyinka lagaga hortagayo dhammaan xad gudubyada lagu hayo xeebaheenna. “Caqabadaha deegaan ee saamaynta ugu badan ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee badda Soomaaliya, qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan ka faa’iideysiga khayraadka badda iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha. “Dowladdaydu waxa ay garoowsan tahay in khayraadka baaxadda weyn ee aan leenahay ee weli aan la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqo la’aanta. Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran.” Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga badaha, xoojinta iskaashiga, xal u helidda caqabadaha ku xeeran kafaaiidaysiga khayraadka iyo isu-socodka gaadiidka badda. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka dhaqaalaha badaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusman Yariisow ayaa muddooyinkan aad uga gaabsaday dhibaata joogta ah oo lagu hayo dadka degan deegaanka Garasbaaley, oo laga dhibaateenayo degmada Dayniile ee ku dheggan. Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa bishan gudaheeda weerar khasaare xooggan dhaliyay ku qaaday deegaanka Garasbaaleey oo dhaca duleedka Muqdisho. Wax war ah ama tallaabo ah kama soo saarin maamulka gobalka Banaadir arrintaas, waxaana lagu warramayaa in sababta ay tahay cabsi uu ka qabo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Mustaf Dhuxulow. Odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Garasbaaleey ayaa dhowr jeer oo hore ula kulmay duqa Muqdisho, isagoo u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatada lagu hayo deegaanka, balse ugu dambeyntii waxba kama suurt-gelin arrintaas. Deegaanka Garasbaaleey ayaa sanadihii lasoo dhaafay ay ka muuqatay horumarro aad u waa weeyn oo ay u guntadeen bulshada qaybaheeda kala duwan ee kasoo jeeda deegaanka. Weerarada uga imaanayay degmada Dayniile ayaa labadii bilood lasoo dhaafay joogta ahaa. Maamulka Dayniile ayaa doonaya in Garasbaaleey looga arrimiyo Dayniile, halka bulshada ay doonayaan inay noqdaan degmo madax banaan. Odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa sheegay in Yariisow uu maamulka gobolka Banaadir ku yahay oo kaliya magac u yaal, oo uusan gobolka isaga maamulin. “Gobolka waxaa maamulka Kheyre iyo xubnaha ku dhow, Yariisow waa iska magaacaban yahay” ayey yiraahdeen. Dad ku dhow Yariisow ayaa iyagana laga soo xigtay in haddii uu qaado tallaabo aysan raali ka ahayn Kheyre iyo kooxdiisa uu u baqayo xilkiisa. Degmada Dayniile ayaa waxaa degan beesha ra’iisul wasaaraha, halka Garasbaaley ay ku badan yihiin beesha Yariisow. Odayaasha beesha Yariisow ayaa hadda ka fakaraya inay qaadaan tallaabo ay ku dalbanayaan in maamulka gobolka loo dhiibo qof ayaga matal, maadaama Yariisow uusan sidaas u muuqan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo saaka waaberigii hore lagu qaaday xarun uu Koofurta magaalada Gaalkacyo ka degenaa Wadaad muran badan ka dhex dhaliyay bulshada, kaasoo lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare. Qaraxyo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa lagu weeraray xarunta wadaadka, iyadoo qaraxa kaddib ay xarunta gudaha u galeen dabley hubeysan. Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay Sheekh C/Weli Cali Cilmi Yare, Xaaskiisa iyo 13 kale oo xertiisa ka mid aheyd. Haddaba dad badan ayaa is waydiinayo Taariikhda Shiikh Cabdiweli oo uu dhalay Shiikh Cali Cilmi Yare oo ahaa wadaad Diinta Islaamka si weyn ugu faafiyey Gobolka Mudug kaasoo Diinta Islaamka Caalim ku ahaa. Halkaan hoose ka daawo Taariikhdiisa oo dhameystiran
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 Qof ayaa ku dhimatay halka dad ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax uu ka dhacay suuqa Kalluunka oo uu ku dhowyahay Suuqa Qaadka ee Xaafadda Kaawo Godeey. Gaadiidka Gurmadka Deg degga ah ayaa goobta ka qaaday dadkii ku dhaawacmay iyo Meydadkiiba,waxaana la geeyay Isbitaallada. Goobjoogayaal ku sugan goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee Dharkenley ay qabteen Ninka waday Gaariga qarxay, oo ka horta inta uusan qarxin ay Ciidamada dowladda qabteen. Goobjoogaha ayaa sheegay in Ninka la qabtay ay Ciidamada ka shakiyeen islamarkaana mar laga fogeeyay uu gaarigu qarxay halkaas oo uu ka dhashay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah. Gaariga walxaha Qarxa siday ayaa ciidamada amniga ku joojiyeen bar-kontarool oo ku taalla xaafadda kaawo Godey ee degmada Wadajir, halkaasi oo markii dambe uu ku qarxay. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado ciidamada amniga. Ciidamada ammaanka ayaa ninka ay qabteen waxa ay ula dhaqaaqeen mid ka mid ah xarumahooda baarista, si sharciga loo horgeeyo. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen dilalka iyo falalka kale ee ammaanka ka baxsan. Halkan ka daawo Muuqalaka Qaraxa
-
Iyadoo Xukuumada Federaaæku ay Malaayiin Dollar ay ku bixiyeen iney Madaxweyne uga dhigaan Koonfur Galbeed Musharax Cabducasiis Xasan oo looyaqaan Lafta-gareen, isla markaasna ay Itoobiya [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey baaqashada warbixintii guddiga maaliyadda iyo shirkii maanta ee golaha shacabka, iyaga oo intaas raaciyey in ay xukuumadda carqaladeyneyso howlaha golaha, una yeeray Mursal inuu si degdeg ah golaha u guddoomiyo. Xildhibaan Cabdifitaax Cusmaan Daahir oo u hadlay ayaa yiri “Annaga oo ah xildhibanno ka tirsan golaha shacabka, waxaan idiinku yeernay in aan muujinno walaaca aan ka qabno sidii loo maamulay dooddi sabtidii 24-kii bisha ay aheyd in aan ka yeelanno warbixinta maaliyadeedkii lagu gaaray qaraar baarlamaan, waxaa kaloo muujineynaa walaaca aan ka qabno inuu maanta baaqday shirkii golaha shacabka iyada oo goluhu u yaallaan ajendayaal muhiim ah, oo uu ka mid yahay ajendihii aan xirmin maalintii dhoweyd, ee warbixin maaliyadeedka ah iyo kii hanti-dhowrka oo akhrintii 3aad soo gudbay in golihii xirnaado walaac ayaan ka qabnaa, waxaan aaminsanahay xirirtaanka golaha shacabka ee maanta inuu qeyb ka yahay dadaal ay xukuumaddu ugu jirto carqladeynta howlaha baarlamaanka oo ay ugu muhiimsan tahay korjoogteynta, taasina waxaa daliil u ah sidii loo maamulay iyo foolxumadii ka dhacday maalintii dhoweyd golaha shacabka”. Shir guddoonka ayey ku eedeeyeen inuu ku tuntay xeer hoosaadka golaha shacabka “Golaha shacabka, guddiga maaliyadda u qaabilsan waxaa ay soo diyaariyeen warbixin aan aaminsannahay inay xogo badan ku jireen, oo umadda Soomaaliyeed ay u baahnaayeen in looga jawaabo, laakin waxaa taasi ka hor istaagay shir guddoonka, oo si sharciga baal marsan u duudsiiyey xuquuqda xildhibaannada iyo tii shacabka u lahaayeen inay maqlaan sida loo maamulo howlaha maaliyadeed ee dalka, waxaa si bareer ah loogu tuntay qodobka 30aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka oo dhigaya in la sugo xuquuqda xildhibaanka u leeyahay inuu ka doodo howlaha markaa horyaalla baarlamaanka”. Xildhibaannada waxaa ay caddeeyeen in hab raaca uu sax ahaa “ishortaagga waxaa si qaldan loogu daliilashaday in gudbinta waxbixinta aan loo soo marin si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka, taasi waan beenineynaa, waxaana daliil u ah shir guddoonka, oo khibrad u leh howlaha baarlamaanka uu aqbalay in warbixintaas si sharci ah loo soo gudbiyey, ajendaha golaha shacabkana laguma daro wax aan loo soo marin hab raaca saxda ah, marka guddigu sidii saxda ahaa wey soo mareen, laakin sida cudur-daarka ugu yeelay shir guddoonka, umadda Soomaaliyeedna ugu sheegay inay qaldameen, qaladkaas guddigu ma laheyn, dooddoodu in la carqaladeeyo ma aheyn”. Xukuumadda waxaa ay ku eedeeyeen kala qeybinta guddiga maaliyadda “Guddiga maaliyadda waxaa mudan in la xuso in 14-ka bisha, qaraar ay baarlamaanka ku gaareen in warbixintan la keeno ay daba socdeen ayna keeneen 19-kii bishan, xog badan iyaga oo soo uruuriyey, 23-kii November oo ah maalin ka hor doodda, waxaan ka war heynaa in xukuumadda oo kaashaneysa guddoonka ay dadaal u gashay qeybinta guddiga maaliyadda si buuq loogu furo golaha, loona hor istaago in warbixinta ay umadda Soomaaliya waxa ku jira la ogaato, warbixinta waxaa ay aheyd la hor keeno, laga doodo, kadibna loo yeero wasiirrada ay khuseyso si su’aalaha ay golahu qabaan ka jawaabaan, haddii guddigu wax qaldan keeneen waxaa ay caddaan laheyd doodda Ugu dambeyntii, Xildhibaannada golaha shacabka waxaa ay soo-jeediyeen talooyin sida “In golaha loo ogolaado in uu ka doodo, wasaaradaha loo yeero, si ay uga jawaabaan, in ajende kasta oo golaha ka keenayo ay yeeshaan guddiga joogta ah iyo ajendayaasha golaha u codeeyaan, inay arkaan in kaalinta baarlamaanka la wiiqayo, in guddiyada la carqaladeynayo gaar ahaa kuwa si fiican u shaqeeyo loo kala diro qaab aan sharci aheyn, iyaga oo ku soo gabagabeeyey in guddoomiye Mursal uu soo gal mar haddii uu guddoonka uu ku guul-dareystay howlihii socday”.