Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,017
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday ruux la sheegay inuu ka tirsanaa Al Shabaab balse uu isku ekeysiin jiray ciidamada dowladda Soomaaliya. Cali Maxamed Cabdullaahi oo Al Shabaab ku biiray Shan sano ka hor ayaa la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka dilalka qorsheysan ee ka dhacayay magaalada Muqdisho, balse uu isku ekeysiiyay ciidamada dowladda. Cali ayaa la sheegay in lagu qabtay isgoyska Shaqaalaha ee gobolka Banaadir Bishii Shanaad ee sanadkaan, waxaana xiligaasi uu qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidamada xooga oo loosoo tilmaamay dilkiisa. Sababta uu u doortay amniyaadka Al Shabaab ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka. Qoraal kasoo baxay maxkamadda xukuntay Cali aya u qornaa Sidan:- Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku kala xukuntay 1- Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay a- Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali b- Cabdullaahi Subeyr cumar iyo C- cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada. Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Jowhar)-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar uu xalay ku diley xaaskiisa guri ay ka degenaayeen xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar. Dilka haweeneydan oo la sheegay in ay xaamilo ahayd lana odhan jirey Jamiilo Sh. Cali Ibraahim oo 32 jir ahayd ayaa ka dambeysay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo seygeedii oo lagu sheegay magaciisa Cali Dheere. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in markii ay murmeen uu bastoolad uu lahaa dhowr xabadood ku dhuftay. Sarkaalka dilka geystey ayaa la sheegay in ay ciidamadu soo qabteen xabsigana la dhigey. Dilkan naxdinta leh ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dambiyada iyo maandooriyaha(UNODC) ay soo saartay warbixin sheegeysa in maalin walba caalamka lagu dilo illaa 137 haween ah kuwaasoo dilkoodana ay ka dambeeyaan xubin ka mid ah qoyskooda Source
  3. Muqdisho ( Sh. M. Networki )-War ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay weeraradii qaraxyada ahaa ee shalay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas Haysom ayaa ku tilmaamay weeraradaasi kuwo wuxuushnimo ah oo ay geysteen kooxo uu ugu yeeray Argagixiso. Mr Haysom ayaa xusay in weeraradaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad aan waxba galabsan oo isugu jiray Rag, Haween iyo Caruur. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in QM ay ka soo horjeedo falalka ceynkani oo kale ah, islamarkaana ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn waxa uu Taci u diray dhammaan ehalladii ay dadkoodu waxyeaalado ka soo gaartay weeraradaasi. Qaraxyadani oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo Rayid ahaa oo aan waxba galabsan. The post QM Oo cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Zimbabwe)-Hoggaamiyaha mucaaradka ugu tunka wayn dalka Zimbabwe ayaa diiday in uu taageerayaashiisa ku dhiirigaliyay in ay dhigaan mudaaharaadkii rabshadaha watay ee doorashada ka dib dhacay kaas oo horseeday in ay lix ruux dhintaan bishii Agoosto. Nelson Chamisa ayaa madaxweyne Emmerson Mnangangwa ku ku dhaliilay go’aanka uu milatariga ku adeegsaday si ay rabshadaha u joojiyaan. Toddobo ruux oo baadhitaan ku sameeya arrintaas ayaana bishii Sabtembar la sameeyay si ay baadhitaan ugu sameeyaan dilkaas. Nelson Chamisa ayaa sheegay in xisbiga uu hogaaminayo uusan ku baaqin dibedbaxyo koowdii bishi siddeedaad ee sannadkan. waxaa uuna sidoo kale sheegay in lix ka mid ah dadkii la toogtay aysan xubin ka ahayn xisbigiisa. Xiisad ka dhalatay doorashada Zimbabwe Zimbabwe: tirinta codadkii doorashada oo la bilaabay Xisbiga MDC ayaa ugu baaqay guddiga baaritaanka sameynaya oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee koonfur Afrika inay xaqiiqada dhabta ah ka sal gaaran. Cid doonaysa ma jirto inay qaadato masuuliyadda wixii maalinkaas dhacay, taliyaha cidammada Zimbabwe ayaase qirtay in askarta ay rasaas fureen balse waxaa uu meesha ka saaray inay dibad baxayasha bartilmaamedsadeen. Dibedbaxyadda ayaa dhacay ka dib markii guddiga doorashada uu ku dhawaaqay in madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi dhamaadkii bishii toddobaad. Doorashadii ka dhacday dalkaasi oo aheyd middii ugu horraysay ee uusan ka qayb galin madaxweynihii mudada dheer soo maamulayay dalkaasi, Robert Mugabe ayaa rabshadihii ka dhahsay waxaa ku dhintay dhawr qof. Source
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo Soomaaliya ku yimid booqasho rasmi ah oo sedax maalin qaadanaysa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubnaha wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarrada laga gaaray qorshaha mas’uuliyadda amniga dalka ay kula wareegayso dawladda federaalka Soomaaliya, tababarka iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya si qorshaha kala guurka loogu dhaqan geliyo hannaankii horay loogu qorsheeyay. Safiirka Djbouti u fadhiya dalka Ethiopia, Mohamed Idriss Farah, ahna guddoomiyaha xilligaan ee golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo hoggaaminaya xubnaha wadfiga ayaa ra’iisul wasaaaraha uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo dalka loogu sameeyay, waxa uuna ku ammaanay hoggaanka dalka horumarka muuqda ee laga gaaray sugidda amniga iyo hanaanka siyaasadda dalka. Amb. Mohamed Idriss Farah ayaa sheegay in u jeedada booqashadoodu ay tahay qiimaynta xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha kala guurka ah ee mas’uuliyadda amniga dalka si taxadar leh loogu wareejinayo ciidanka amniga Soomaaliya. “Waxa aan uga mahadcelinayaa midawga Afrika garab istaaggooda joogtada ah ee ay ku taageerayaan Soomaaliya. Ciidamo isugu jira rag iyo haween ka socda midawga Afrika ayaa naftooda ku waayay halkaan iyaga oo Soomaaliya difaacaya. Dalalkiinna ayaa la idinku soo weearay hase yeeshee kama labalabanya in aad nasii taageertaan”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa wafdiga si qota dheer uga warbixiyay tubaha dawladda ee Soomaaliya u horseedaya nabad iyo barwaaqo, waxa uuna adkeeyay in si looga run sheego qaybta amniga iyo qorshaha kala guurka ay tahay muhiim tahay in wax badan la qabto. Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa midawga Afrika ugu baaqay in beesha caalamka ay ku dhiirri geliyaan in Soomaaliya lagu taageero ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dalka u horseedaya nabad iyo Barwaaqo. The post R/wasaare Kheyre Oo kulan la qaatay Wafdiga Midowga Africa appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Muqdish)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa shalay shir guddoomiyay shir ka dhacay Xarunta Xalane oo looga hadlayay tubta Amniga iyo Cadaaladda ee ay u qorsheysay dawladda Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, AMISOM, UNSOM iyo Saraakiil ciidan oo ka kala socday Mareykanka iyo Midowga Yurub. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulanka ka sheegay in dowladda ay dadaal badna u gashay sidii dib u habeyn lagu sameyn lahaa hey’adaha amniga dalka, ayna ka go’an tahay in la helo amni la isku haleyn karo. “Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maalgelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Yamamoto uu wax ka shir guddoomiyo, kaddib markii todobaadkii hore laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga. Source
  7. Jowhar (PP) ─ Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee degmada Jowhar, Ibraahin Maxamed Cali (Cali Dheere) ayaa la sheegay inuu xalay xafadda Hanti-wadaag uu ku dilay xaaskiisa oo Xaamilo ahayd. Shacabka xaafadda la daggan ayaa xaqiijiyay in haweeneyda la dilay lagu Magacaabi jiray Jamiilo Sheekh Cali Ibraahim, ayna muddo wada-joogeen maareeyaha garoonka diyaaradaha Jowhar. Dadka deegaanka ayaa xusay in Maareeye Cali Dheere uu dilka xaaskiisa u adeegsaday rasaas, isla markaana uu madaxa kaga dhuftay dhawr xabbo oo sababay inay isla goobta lagu toogtay ku geeriyooto. Sidoo kale, Ehelada Marxuumadda ayaa sheegay inay aad uga naxeen falka dilka ah ee loo gaystay Gabadhooda oo Xaamilo ahayd, uuna dilay ninkii ay u dhaxday, iyagoo sheegay inaysan ogeyn sababta uu maareeyuhu u dilay xaaskiisa oo uur u lahayd. Dhanka kale, Ciidamada Booliska Jowhar ayaa la sheegay inay soo qabteen gacan-ku-dhiiglaha dilay xaaskiisa, haddana uu ku xiran yahay Jowhar, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaan sida ay wax u dhaceen saacadaha soo socda. Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo mas’uul jago sar ka haya maamulka HirShabele uu dil u geysto xaaskiisa lamana oga go’aanka kama dambeysta ah ee laga qaadan doono maareeya xalay dilay xaaskiisa, arrintan oo aad uga fajanisay shacabka ku nool degmada Jowhar iyo nawaaxigeeda. PUNTLAND POST The post Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo xalay toogtay xaaskiisa oo xaamilo ahayd appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xuseen oo maamule ka ahaa Iskuul ku yaalla degmadaasi. Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Marxuumka waxa ay ku toogteen Xaafadda Coca Cola ee degmada Yaaqshiid, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Illaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, balse waxa uu qeyb ka noqonayaa dilal qorsheysan oo maalmihii dambe ka dhacayay gudaha M/ Muqdisho. The post Maamule Iskuul Oo xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (PP) ─ Wakiilka Gaarka ah ee aramada Midoobay u Qaabilsan Somalia, Nicholas Haysom ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lagu dilay sheekh caan ahaa iyo tiro kale oo ah dad rayid ah. Danjire Haysom ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa Muqdisho ku yiri: “Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka.” “Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.” ayuu yiri Ma rkale Haysom. Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii aroortii hore shalay lagu qaaday xarun uu leeyahay wadaadka Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi ee ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo. Dhanka kale, Warbaahintu waxay sheegtay in Wadaadku uu horey kooxda jihaad doonka uga helay hanjabaad ah inay dili doonaan. Ugu dambeyn, Gaari miineysan ayaa lagu qarxiyay suuq mashquul ah oo ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla degmada Wadajir ee Muqdisho shalay galab, waxaana ciidamada amniga Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen qof laga shakisan yahay inuu ku lug lahaa. PUNTLAND POST The post Ergayga QM ee Somalia oo si adag uga hadlay Qarxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  10. Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Uhurru Kenyatta, madaxweynaha dalka Kenya. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ka dhaxeeya sidii loo wanaajin lahaa iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al SHabaab oo shacabka labada dal dhibaato ku haya. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirka dhaqaalaha baddaha, waxaana uu kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo uu kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan. Soomaaliya waxaa ay bilihii dambe qeyb ka ahayd isbaheysiga is dhexgalka geeska Afrika oo ay ilaa hadda ku jiraan Dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea, waxaana uu qorshaha uu yahay in dalal kale lagu daro. Kenya,Jabuuti, Sudan iyo Uganda ayaa la doonayaa inay qeyb ka noqdaan isbaheysiga geeska Africa, iyadoo kadib madaxda qorshahooda uu yahay inay sameeyaan dhaqdhaqaaq dadka geeska Africa u ogolaanayo inay is dhex galaan. Kenyatta ayaa bogaadiyay isbaheysiga cusub ee geeska Africa, isaga oo sheegay inuu wax badan ka badali doono is dhexgalka Bulsho ee geeska, dhaqaalaha iyo amanka gobolka geeska africa. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari la sheegay in lagu diyaarinayay Guri ku yaalla agagaarka Warshadda Taraq iyo Sigaarka ee Waddadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray Qosykii daganaa Gurigaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo gacanta ku dhigay xubno ka mid ah Qoyskii daganaaa Guriga uu qaraxu ka dhacay. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha laamaha amnigu ay ka soo saareen qaraxaasi. Shalay ayey aheyd markii qarax Gaari oo ku dhinteen dad badan oo Rayid ahaa uu ka dhacay Suuqa ku yaalla Xaafadda Kaawo Godey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. The post Qarax Gaari Oo ka dhacay Guri ku yaalla Waddada Warshadaha appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Nairobi ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku suganyahay xiligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale Jaaliyadda uga warbixiyay isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud. Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qeyb-galay shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha ee ka socda halkaasi. The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee dalka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Boolsika Soomaliya ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda Isgosyada Banaadir, Soobe, KM4, Taleex ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa baaraya Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee isticmaalaya Isgoysyadaasi. Xiriiro aan la sameynaya saraakiisha laamaha ammaanka ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan howlgalladaasi. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka oo uu ugu dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay degmada Wadajir ee G/ Banaadir. The post Ciidamada amniga Oo saaka howlgallo ka wada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha. Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirka dhibaatooyinka lagu hayo badda Soomaaliya, mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinkaas iyo tallaabooyinka lagaga hortagayo dhammaan xad gudubyada lagu hayo xeebaheenna. “Caqabadaha deegaan ee saamaynta ugu badan ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee badda Soomaaliya, qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan ka faa’iideysiga khayraadka badda iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha. “Dowladdaydu waxa ay garoowsan tahay in khayraadka baaxadda weyn ee aan leenahay ee weli aan la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqo la’aanta. Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran.” Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga badaha, xoojinta iskaashiga, xal u helidda caqabadaha ku xeeran kafaaiidaysiga khayraadka iyo isu-socodka gaadiidka badda. The post Madaxweyne Farmaajo Oo khubad ka jeediyay shirka dhaqaalaha Ee Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Baydhabo (Caasimada Online)-Musharixiinta Koofur Galbeed ee maalinta beri ah ka qeyb galaysa doorashada Koofur Galbeed ayaa loo jeediyay digniintii ugu dambeysay ee dhanka amaanka ah. Wasiirka amniga Koofur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen ayaa ugu digay musharixiinta inay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo carqalad ku noqon kara amaanka magaalada Baydhabo oo beri ay doorasho ka dhaceyso. Wasiirka ayaa ugu baaqay musharixiinta tirada badan inay ka shaqeeyaan xil iska saarida amaanka magaalada Baydhabo, isaga oo ka digay gaadiidkooda tirada badan inay qeyb ka noqdaan amni darada magaalada. Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Musharaxiinta aysan ku xad gudbin hanaanka lagu xaqiijinaayo Ammaanka xilli ay jiraan Musharaxiin hub badan la galay Magaalada Baydhabo, sida uu wasiirka sheegay. Talaabo sharciga waafaqsan ayuu sheegay inay ka qaadi doonaan dadka isku daya inay ka hor yimaadaan hanaanka sugidda amaan ee magaalada Baydhabo xiliga doorashada ay dhaceyso. Beri oo ah maalin arbaco ah ayaa la qorsheynayaa inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  16. Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lagu dilay dad rayid ahaa. “Weerarradii lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka,” ayuu yiri Mudane Haysom. “Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.”ayuu raaciyay Mudane Nicholas Haysom. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-271118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib warbixintii guddigha maaliyadda baarlamanka ee banaanka usoo saartay musuq-maasuqa xukuumadda Kheyre, ra’iisul wasaaraha ayaa dagaal siyaasadeed billaabay isaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah xubnaha guddiga oo xukuumadda ku xiran, kuwaasi oo soo saaray qoraalo lagu taageerayo xukuumadda. Hase yeeshee marka aad si wanaagsan u eegto qoraaladooda iyo habka ay u difaacayaan xukuumadda, waxaa kusoo baxaysa in ayaga oo aan is ogeyn ay xukuumadda ku qirayaan xatooyada markii hore ay warbixinta guddiga ku eedeysay xukuumadda. Bal si wanaagsan u fiirso qodobada hoose, kadibna is-weydii. 1 – Xubnaha guddiga ee tobanka gaaraya ee taageerada u muujiyey xukuumadda kadib warbixinta, iyo kadib markii uu Kheyre lasoo hadlay, waxay ku doodeen in kooramkii baarlamanka ee lagu soo bandhigay warbixinta uu ahaa mid aan buuxin, sidaa darteedna aysan sharci ahayn warbixinta guddiga maadaama sida ay sheegeen sharciga la hareer maray. 2 – Xubnahan waxay kale oo ku doodeen in warbixinta guddiga aysan ahayn mid loogu talo-galay in lasoo bandhigo ama warbaahinta lala wadaago ayna ahayd mid u gaar ah baarlamanka, sidaas darteedna ay qalad tahay warbixintaas. Marka aad labadaas qodob u fiirsato waxaa kuu soo baxaya laba su’aal oo kuu xaqiijinya in xubnaha guddiga ee difaacaya xukuumadda ay xaqiiqdii ayaga oo aan is ogeyn dambiga ku xaqiijinayaan ra’iisul wasaaraha, bal is-weydii labadan su’aal. 1 – Xubnaha ilaa iyo hadda waxay dood ka qabaan habka warbixinta loo soo bandhigay. Weli lagama hayo dood ku saabsan sax ahaanshaha warbixinta, mana beeninayaan waxa meesha ku qoran. Haddii difaacooda xukuumadda uu yahay mid sal leh, maxaysan ugu doodin sax ahaanshaha warbixinta intii ay ka doodi lahaayeen arrimo farsamo? 2 – Haddii ay dood ka qabaan warbixinta, maxaysan uga doodin inta aan la shaacin ama maalintii lasoo bandhigay, maxay ugu qaadatay dhowr maalmood inay jawaab soo saaraan. Tani soo ma muujineyso in lala soo hadlo oo kaash uu gaaray ama dano kale oo siyaasadeed ay dhaqaajiyeen? Xaqiiqda ayaa ah in xukuumadda aysan hayn wax ay isku difaacda iyo caddeymao muujinaya halka ay ku maqan tahay lacagta malaayiinta dollar ah ee lagu helay in ay musuq-maasuqday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle ayaa sheegaya in ruux ka tirsan maamulka Hirshabeelle inuu dilay xaaskiisa. Wararka ayaa sheegaya in ruux dilka geystay uu ahaa maareeyihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana magaciisa lagu koobay Cali Dheere. Haweeneyda Geeriyootay ayaa magaceeda lagu sheegay Jamiilo Sheikh Cali, waxaana da’deeda lagu sheegay 32 jir, iyadoo la sheegay inay xaamilo aheyd. Waxyaabaha ka dambeeya dilka haweeneyda ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay bastoolad ay ku murmeen kadibna uu toogtay, halka wararka qaar ay sheegayaan in haweeneyda ay ka maseertay haweeney lala guursaday. Rasaas ayuu ku furay sida wararka aan ku heleyno, iyadoo u geeriyooday, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen xili uu doonayay inuu ka baxsado magaalada. Saraakiisha amaanka waxay sheegeen in ruuxa falkaasi geystay uu ku xiran yahay saldhiga magaalada Jowhar, baaritaan kadibna maxkamad lasoo taagi doono. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa ka hadlay dilalkii qorsheysnaa ee dhowaanahan magaalada Muqdisho loogu geysanayey qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda is-gaarsiinta Hormuud. Inkasta oo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta, haddana waxaa aad loo rumeysan yahay in dilalkan ay ka dambeyso kooxda Daacish, oo Hormuud ka dooneysa lacag baad ah, oo sida la sheegay Hormuud ay ku gacan seertay inay bixiso. Faarax Macallin ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku bogaadiyey shirkadda Hormuud inaysan u hogaansamin baadda iyo cabsi-gelinta kooxda Daacish, kuna adkeysatay inay ilaaliso mabaadi’deeda. “Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ka farcamay sida Daacish waa dambiileyaal abaabulan oo lacag ka baadaya bulshada gacansiga Soomaaliya. Qof kasta waa inuu ku garab is-taagaa Hormuud la dagaalanka dambiileyaashan” ayuu ku yiri Faarax Macallin qoraalka uu soo dhigay twitter. Waxa uu intaas ku daray “Waxaan ku bogaadinayaa Hormuud inay u taagan tahay ilaalinta mabaadi’da” Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan ku tiirsan dhaqaalaha ay ka baadaan ganacsatada Soomaaliya, oo ay ugu yeeraan Zako. Waxay sidoo kale baadaan dadka shacabka ah sida xoolaleyda iyo beeraleyda, ayaga oo dila ciddii diida inay lacag siiso. Inta badan shacabka ayaa bixiya lacagahan, sababtoo ah ma jirto cid ka difaaci karta kooxahan, maadaama dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay aad u awood liitaan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  21. Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeeyay ee doorashada Koofur Galbeed. Guddiga ayaa diiwaan geliyay musharixiinta dooneysa inay ka qeyb galaan doorashada madaxweynaa Koofur Galbeed, waxaana maalinta beri ah la filayaa inay doorashada ka dhacdo magaalada Baydhabo. Maanta Guddiga ayaa kormeeraya goobta ay ka dhaceyso doorashada Koofur Galbeed, waxaana ay doonayaan inay xaqiijiyaan amaanka iyo inay suurta gal tahay in doorashada ku qabsoonto. Ciidamo oo amaanka xaqiijinaya ayaa la dhigay goobta doorashada ay ka dhaceyso, iyadoo la adkeeyay guud ahaan amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Musharixiin badan ayaa labo maalin ka hor u tanaasulay musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana muuqata in doorashada ay dhexmari doono labo dhinac oo mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya taageero ka kala helaya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay shir jaraa’id qabtay tiro xildhibaanno ah oo eed u jeediyey guddoonka baarlamaanka oo ay ku tilmaameen in aysan doodda golaha ee musuqii lagu soo eedeeyey xukumadda ka ahayn dhexdhexaad. Golaha baarlamaanka ayaa dhawr maalmood ka hor looga dooday musuqii lagu soo eedeeyey xukumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre kaddib markii gudiga maaliyadda ee golaha shacabka ay shaaciyeen in ay la musuq maasuqay dhaqaale deeqo ahaa gaaraya 40 milyan. Hase ahaatee, xukumadda oo hortimid golaha ayaa iska difaacday eedemahaas iyada oo uu guddoonka sheegay in wadaddii ay gudiga mareen aysan waafaqsaneyn sharica sidaasna ku tahay mid aan waxba ka jirin. Xubinhii baarlamaanka ee markii hore qeyb ka ahaa eedda xukumadda loo jeediyey ayaa shir jaraa’id ay qabteen ku sheegay in la doc faruuray dooddii oo uu gudoonka dhinac la saftay. Maxaa arrintaas macnaheedu yahay Sida muuqata go’aankaas waxa uu horseedi doonaa in golaha uu u kala jabo laba qeyb oo ay adkaato in mar dambe laga doodo arrimiaha noocaas ah iyo waliba waxyaabo kale oo wax ku ool u ah dowladnimada dalka. Xubnaha shalay hadlay waxa ay qisheen in golaha oo markii hore ay ka buuxeen Wasiiro ahaa xildhibaano ay afduubeen golaha sharci dajinta oo ay meesha ka baxday isla xisaabtankii goleyaasha dowladda ama waxa loo yaqaan korjoogteynta (Check and Balance). Ma aha arrin ugub ah in guddoonka baarlamaanka lagu eedeeyo in uu u afduuban yahay xukumadda tan iyo markii meesha laga saaray guddoomihii hore Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari. Guddoomiyaha baarlamanka Mursal iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad, ayaa ku xiran xukuumadda, taasi oo saddexdii qeyb ee dowladda (Xukuumadda, baarlamanka, garsoorka), kusoo koobeysa hal qeyb oo ah xukuumadda, maadaama baarlamanka la safan yahay, garsoorne uusanba jirin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Halkan ka aqri qeybtii koowaad Salafiya Jadiidiyah Inkastoo aysan salafiyada magacan loogu yeero aysan ogolayn tilmaantan ayey haddana ku sifaysanyihiin macnaha uu xambaarsan yahay. Taariikhda dhaqdhaqaaqan ayaa asal ahaan loo tiriyaa inuu soo ifbaxay wakhtigii dagaalkii “duufaantii saxaaraha” ee maraykanku uu ku qaaday dalka Ciraaq kadib waxyar markii uu Saddaam Xuseyn qabsaday Kuwait. Markii uu keligii taliye Saddaam si lama filaan ah ula wareegay Kuwait ayaa cabsi badani soo wajahday wadanka Sucuudiga iyagoo ka yaabay inuu ku soo siqo dhanka sucuudiga oo markaa cudud ciidan oo ay iskaga caabbiyaan aan lahayn. Maraykanka oo ay xulufo taariikhi ah yihiin Sucuudiga ayaa markiiba u soo bandhigay inay keenaan ciidamo Boqortooyada Sucuudiga, si ay uga difaacaan Saddaam. Waxaa markiiba billowday dood diini ah oo salka ku haysa “Gaal ma la kaalmaysan karaa? Dhulka Xaramaynka gaal inuu difaaco oo Muslim ka difaaco ma bannaan tahay? Waxaa la soo sheegaa in Usama bin Laden oo markaas ka soo noqday Afghanistan oo carcartiisa qabay uu soo jeediyey in isaga iyo ciidamadiisu ku filan yihiin inay difaacaan Sucuudiga oo aanan loo baahnayn in ciidamo gaalo ah dhulka barakaysan la soo dhoobo. Wuxuu ka digay Usama in cawaaqib xumo ay ka dhalanayso in gaalo loo ogolaado inay soo degaan Xarameynka. Culimada ka hor yimid arrintan waxaa ka mid ahaa Sh. Salman Al-Cawdah, Sh. Safar Xawalah, Sh. Caa’id Alqarni iyo kuwo kale oo badan. Markii dambe Sh. Ibnu baaz ayaa fatwooday inay bannaan tahay in la kaalmaysto gaalo haddii saa’il laga celinayo Muslimiinta awood kale oo lagu difaacana aan loo heynin. Sida dadka la socday saxwada islaamka ay ka warhayeen markaas iyada ah culimadan ka hortimid doonista dowladda Sucuudiga ee ah in Maraykanku difaaco jiritaanka Boqortooyada sumcad badan ayey ku dhex lahaayeen saaxadda saxwada iyo midda Caalamka Islaamkaba, waxayna u muuqdeen kuwo Khalkhal gelin kara jiritaanka Boqortooyada iyo danaheeda siyaasadeed. Sida uu mar kale ku qoray Cabdishakuur Mire Aadam buuggiisa Koboca Islaamiyiinta ee Soomaaliya, waxaa loo baahday dhaqdhaqaaq diini ah oo dheeli-tira midka salafiyada jihaad doonka ah ee ka hortimid siyaadada dagaalka ee Sucuudiga. Wuxuuna Amiir Naa’if bin Cabdilcaziiz qaabeeyey amaamudkii ugu horreeyey ee kooxda loogu yeero Salifyah Jadiidah. Koox diimeedkan ayaa dadaalkooda ugu badan ku bixiya ladagaalanka waxa ay ugu yeeraan bidcada iyo xisbiyada oo ay ku duraan salafiyada kale oo ay ku eedeeyaan inay urur-diimeedyo diintu diiday ay sameysteen. Waxay ku andacoodaan in xukuumadaha islaamka nooca ay doonaanba xukunka ha ku qabsadaane in ay yihiin amiirkii mu’miniinta, in laga horyimaadana ay tahay khawaarijnimo. Ujeedada ugu weyn oo loo aasaasay waxay ahayd inay sharciyad siiyaan istiraatiijiyaadka Boqortooyada una galiyaan shaadh diimeed. Waxaan la inkiri karin in culimada hoggaanka u qabtay aragtidan cusub marka laga reebo kuwa ay sida tooska ah ugu tallaaleen dowladdu, ay diin iyo Alle u dhawaansho ka tahay waxa ay dadka ugu yeerayaan laakiin waxaad xusuusataa in aragtida asal ahaan la sameeyo ciddii maraakis iyo dhaqaale u haysatana warkeedaba daa. Fartayda Yaa Subagga ku Dhuuqay Iyadoo Maxamed bin Salmaan (MBS) uu ku faanayo in faafinta dhaqdhaqaaqa saxwada islaamiga ah ama wahaabiyada ay ka turjumaysay rabitaanka saaxiibbadii dagaalkii qaboobaa, ayaa wuxuu sheegay in haddana loo noqonayo wuxuu ugu yeeray wakhtigii ka horreeyey 1979-kii oo ku aaddan markii ay kacaankii Khumeyni iyo shiicadiisii ay la wareegeen hoggaanka dalka iiraan. Haddana waxay wali waddamo badan oo muslimiin ah oo Soomaaliya ka mid tahay ay la il-xunyihiin duuflaalintii iyo dhaqan roggii lagu sameeyey dhalinyaro badan oo jihaad beeneed inta badan lagu waxyeelaynayo shucuubtooda lagu halakeeyey. Haddaba iyadoo beryahan adduunku muslim iyo gaalba ay la argagaxsan yihiin falka foosha xun iyo dilka arxan la’aanta ee lagula kacay wariyihii Jamal Khashoqji oo loo tiirinayo inuu ka dambeeyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudigu, Maxamed bin Salmaan, iyo culimada tirada badan oo ay ka mid yihiin Salman Al-cowdah iyo Safar Xawaalah ee ku silicsan xabsiyada waddankaas, cidna miyey ka dahsoon tahay in danaha dowladda sucuudigu ka horreeyaan midda diinta, xuquuqda insaanka, xorriyada shaqsiga iyo waliba dhiigga muslimku?Dhaqadhaqaaqa Alshabaab oo lagu sheego inuu ka mid yahay ururada ay aadka u dhex galeen sirdoonada waddamada Carabta iyo kuwa caalamkuba ayaa wali dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed u haystaan inuu raadinayo ama doonayo soo celinta khilaafadii islaamka. Nin waddaad ah ayaa waa hore igu yiri ninayhow wadaaddada Soomaalida maxaa saraakiishii ciidamada ee Soomaaliya u badiyey? Hoos uma aanan fiirinin su’aasha uu markaa ninku I weydiiyey laakiin waxaa hubaal ah in sida khamiisyadu u wada cad yihiin aysan arrintu suusuubi u wada ahayn. Waxaa nin waa hore laga sheegay: war nimanyahow fartayda yaa subagga ku dhuuqay? W.Q: Aqbal Aabi Wardheernews.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London. Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa halka ay Soomaaliya maanta joogto diyaar-garow ahaan iyo maxaa naga dhimman oo loo baahanyahay in la qabto ka hor shirka London, waxaan ku soo koobnay 12 qodob, oo aan la bilaabi karin wax shaqo am heshiis ah iyada uu hal qodob ka dhimman yahay. (1): Ma Jiraan Wax Diyaar Ah: Meesha Soomaaliya ay iminka joogto ayaan ka bilaabaynaa. Hawsha hadda u qabsan Dawladda Federaalka waxaan ku soo gaabin karnaa sidaan: Heshiiska maamulka iyo wadaagga kheyraadka oo ay wada saxiixdeen Dawladaha Xubin Federaalka ah iyo Dawladda Federaalka. Sharciga Batroolka oo Baarlamaanka Federaalka la yaalla Xeerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement. Waxaa la diyaariyay Modeelka Soomaaliyeed ee Soo-saar Wadaagga Shidaalka (Model Production Sharing Agreement). Shirkad kasta oo Soomaaliya la galayso heshiis waxay kula galaysaa Modeelka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo diyaar ah xogahii saysmikada ee badda (2-D seismic data), oo tilmaamaya meelaha laga yaabo inuu shidaal ku jiro oo biyaha badda ka hooseeya. (1): Maxay Tahay In La Qabto Ka Hor Shirka: Waa muhiim in aan isweydiinno, maxaa naga dhimman oo loo baahan yahay inay diyaar noo ahaato? Intaan ayaa naga dhimman ka hor bid -round ga (bixinta qandaraas balook- yada): Si sax ah in loo ogaado shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada. Balookyada ka dib waxay noqonayaan kala qiimo, oo ay ku kala duwanaanayaan mugga shidaalka oo la qiyaasay. Waxaa xiga in la sameeyo qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). Ka dib Wasaaradda Batroolka waxay soo xulaysaa balookyada shidaalka ee u diyaarsan inay qandaraaska ka mid noqdaan. Dokumeentiyada, xogaha seismikada, iyo maabab oo diyaar ah ayaa la hor-geynayaa Golaha Wasiirada oo ka dib markay ansixiyaan u gudbinaya Baarlamanka Federaalka, si u soo ansaxiyo. Dhinaca kale waa inay diyaar ahaadaan Sharciyada iyo xeer-hoosaadyada kor ku xusan oo dhammaan is-waafaqsan. Is-waafajinta sharciyada waa hawl weli ka dhimman shaqada. Waxaa kale loo baahan yahay Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) inuu diyaar yahay. Sidaan og nahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa faraha ku hayso hawshaas. Waxaa dhawaan la billaabayaa daraaf-garaynta Sharciga Cashuuraadka. Hawlaha. Ma lihin dad nagu filan oo aqoon iyo khibrad u leh hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Waa in la diyaariyaa khayraad aadami ah oo hanan karo hawlaha ilaalinta iyo horumarinta khayraadka in loo soo bixiyo. Sidaas awgeed, waxaa muuqata in loo baahan yahay hawlaha dhimman si wanaagsan in loo dhammaystiro. Ma dhici karto si qabyo ah in loo gudo galo hawsha bixinta balookyada. Haddii kale, waxay la mid noqonaysaa inaan gadno khayraadka waddanka qiimo raqiis ah oo aad iyo aad u yar.