Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,021
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu ka dhaco shir looga hadlayo ammaanka dalka. Shirkan waxaa ka qeybgali doona safiirada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sidoo kale saraakiil ciidan. Ammaanka magaalada B/weyne ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo badan la dhigay inta u dhaxeysa garoonka magaaladaasi iyo gudaha B/weyne. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Hirshabelle. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-London)-Xisbiga WADDANI Oo Duray Xaflad Xukumadda Muuse Biixi Ku Qabanayso Dalka Ingiriiska, Waxa Ay Daaran Tahay+Saylaci Iyo Guddoomiyaha Maxakmadda Sare Oo Ka Qeyb-Galaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa waxay saakay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ku dileen Maamulaha mid ka mid ah iskuullada ku yaalla degmadaasi. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in rag dhallinyaro ah ay u yimaadeen maamulahan xilli uu shaqadiisa caadiga ah ku jirey, waxaana la tilmaamay in dhowr xabad ay madaxa kaga dhufteen. Marxuumka ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdalla, waxaana la ogeyn sababta loo diley iyo sidoo kale cidda dilkaasi ka dambeysay. Xilliga dilkan uu dhacayey waxaa fasallada si caadi ah ugu jiray ardayda iyo macallimiinta, waxaana socotey xiisadaha iskuulka. Dilalka sidan oo kale ah ayaa maalmahan dambe kusoo noqnoqday meello ka mid ah dalka, iyadoo Muqdisho Bishii hore lagu diley maamule iskuul iyo ku xigeenkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-London)-Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa lagu ammaanay in aanu ka cabsanin in uu kursiga kaydka galiyo ciyaartoydiisa. Waxaa sidaas qaba Ian Wright oo ah laacib horay ugu soo dheelay kooxda Arsenal, wuxuuna sheegay in tababare Emery uu leeyahay waxyaabo badan oo uu ku ammaanan yahay, go’aammada uu qaatana ay ku salaysan yihiin waxa danta u ah kooxda Arsenal. Tababaraha Arsenal ayaan safin Mesut Ozil ciyaartii ay Axaddii Bournemouth la dheeleen, taas oo Arsenal ay ku badisay 2-1. Arsenal oo saddex jeer oo isku xigta barbarro gashay ayaan safin Ozil ciyaartii u dambaysay ee ay badiyeen, inkastoo soddon jirkaasi uu yahay ciyaaryahanka ugu mushahaar qaalisan kooxda isaga oo toddobaad kaste qaata 350,000 oo gini. Kooxda Newcastle ee ka dheesha Horyaalka Ingiriiska ayaa xaqiijisay guushii saddexaad ee xidhiidh ah iyadoo ka badisay kooxda Burnley. Newcastle oo ka faa’iidaysatay habacsanaantii difaaca kooxdan ayaa hadda sidaas ku gashay kaalinta 13 ee shaxda kala horraynta Premier League-ga. Ciyaartaasina waxay ku soo dhammaatay 2-1 ay guushu ku raacday Newcastle. Natiijadaas ayaana u horseedaysa in Burnley ay gasho kaalinta 17, iyada oo hal dhibic ka sarraysa khadka cas ee saddexda koox ee ugu liidata Horyaalka. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday ruux la sheegay inuu ka tirsanaa Al Shabaab balse uu isku ekeysiin jiray ciidamada dowladda Soomaaliya. Cali Maxamed Cabdullaahi oo Al Shabaab ku biiray Shan sano ka hor ayaa la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka dilalka qorsheysan ee ka dhacayay magaalada Muqdisho, balse uu isku ekeysiiyay ciidamada dowladda. Cali ayaa la sheegay in lagu qabtay isgoyska Shaqaalaha ee gobolka Banaadir Bishii Shanaad ee sanadkaan, waxaana xiligaasi uu qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidamada xooga oo loosoo tilmaamay dilkiisa. Sababta uu u doortay amniyaadka Al Shabaab ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka. Qoraal kasoo baxay maxkamadda xukuntay Cali aya u qornaa Sidan:- Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku kala xukuntay 1- Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay a- Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali b- Cabdullaahi Subeyr cumar iyo C- cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada. Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. (SLT-Jowhar)-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar uu xalay ku diley xaaskiisa guri ay ka degenaayeen xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar. Dilka haweeneydan oo la sheegay in ay xaamilo ahayd lana odhan jirey Jamiilo Sh. Cali Ibraahim oo 32 jir ahayd ayaa ka dambeysay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo seygeedii oo lagu sheegay magaciisa Cali Dheere. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in markii ay murmeen uu bastoolad uu lahaa dhowr xabadood ku dhuftay. Sarkaalka dilka geystey ayaa la sheegay in ay ciidamadu soo qabteen xabsigana la dhigey. Dilkan naxdinta leh ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dambiyada iyo maandooriyaha(UNODC) ay soo saartay warbixin sheegeysa in maalin walba caalamka lagu dilo illaa 137 haween ah kuwaasoo dilkoodana ay ka dambeeyaan xubin ka mid ah qoyskooda Source
  7. Muqdisho ( Sh. M. Networki )-War ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay weeraradii qaraxyada ahaa ee shalay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas Haysom ayaa ku tilmaamay weeraradaasi kuwo wuxuushnimo ah oo ay geysteen kooxo uu ugu yeeray Argagixiso. Mr Haysom ayaa xusay in weeraradaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad aan waxba galabsan oo isugu jiray Rag, Haween iyo Caruur. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in QM ay ka soo horjeedo falalka ceynkani oo kale ah, islamarkaana ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn waxa uu Taci u diray dhammaan ehalladii ay dadkoodu waxyeaalado ka soo gaartay weeraradaasi. Qaraxyadani oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo Rayid ahaa oo aan waxba galabsan. The post QM Oo cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Zimbabwe)-Hoggaamiyaha mucaaradka ugu tunka wayn dalka Zimbabwe ayaa diiday in uu taageerayaashiisa ku dhiirigaliyay in ay dhigaan mudaaharaadkii rabshadaha watay ee doorashada ka dib dhacay kaas oo horseeday in ay lix ruux dhintaan bishii Agoosto. Nelson Chamisa ayaa madaxweyne Emmerson Mnangangwa ku ku dhaliilay go’aanka uu milatariga ku adeegsaday si ay rabshadaha u joojiyaan. Toddobo ruux oo baadhitaan ku sameeya arrintaas ayaana bishii Sabtembar la sameeyay si ay baadhitaan ugu sameeyaan dilkaas. Nelson Chamisa ayaa sheegay in xisbiga uu hogaaminayo uusan ku baaqin dibedbaxyo koowdii bishi siddeedaad ee sannadkan. waxaa uuna sidoo kale sheegay in lix ka mid ah dadkii la toogtay aysan xubin ka ahayn xisbigiisa. Xiisad ka dhalatay doorashada Zimbabwe Zimbabwe: tirinta codadkii doorashada oo la bilaabay Xisbiga MDC ayaa ugu baaqay guddiga baaritaanka sameynaya oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee koonfur Afrika inay xaqiiqada dhabta ah ka sal gaaran. Cid doonaysa ma jirto inay qaadato masuuliyadda wixii maalinkaas dhacay, taliyaha cidammada Zimbabwe ayaase qirtay in askarta ay rasaas fureen balse waxaa uu meesha ka saaray inay dibad baxayasha bartilmaamedsadeen. Dibedbaxyadda ayaa dhacay ka dib markii guddiga doorashada uu ku dhawaaqay in madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi dhamaadkii bishii toddobaad. Doorashadii ka dhacday dalkaasi oo aheyd middii ugu horraysay ee uusan ka qayb galin madaxweynihii mudada dheer soo maamulayay dalkaasi, Robert Mugabe ayaa rabshadihii ka dhahsay waxaa ku dhintay dhawr qof. Source
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo Soomaaliya ku yimid booqasho rasmi ah oo sedax maalin qaadanaysa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubnaha wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarrada laga gaaray qorshaha mas’uuliyadda amniga dalka ay kula wareegayso dawladda federaalka Soomaaliya, tababarka iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya si qorshaha kala guurka loogu dhaqan geliyo hannaankii horay loogu qorsheeyay. Safiirka Djbouti u fadhiya dalka Ethiopia, Mohamed Idriss Farah, ahna guddoomiyaha xilligaan ee golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo hoggaaminaya xubnaha wadfiga ayaa ra’iisul wasaaaraha uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo dalka loogu sameeyay, waxa uuna ku ammaanay hoggaanka dalka horumarka muuqda ee laga gaaray sugidda amniga iyo hanaanka siyaasadda dalka. Amb. Mohamed Idriss Farah ayaa sheegay in u jeedada booqashadoodu ay tahay qiimaynta xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha kala guurka ah ee mas’uuliyadda amniga dalka si taxadar leh loogu wareejinayo ciidanka amniga Soomaaliya. “Waxa aan uga mahadcelinayaa midawga Afrika garab istaaggooda joogtada ah ee ay ku taageerayaan Soomaaliya. Ciidamo isugu jira rag iyo haween ka socda midawga Afrika ayaa naftooda ku waayay halkaan iyaga oo Soomaaliya difaacaya. Dalalkiinna ayaa la idinku soo weearay hase yeeshee kama labalabanya in aad nasii taageertaan”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa wafdiga si qota dheer uga warbixiyay tubaha dawladda ee Soomaaliya u horseedaya nabad iyo barwaaqo, waxa uuna adkeeyay in si looga run sheego qaybta amniga iyo qorshaha kala guurka ay tahay muhiim tahay in wax badan la qabto. Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa midawga Afrika ugu baaqay in beesha caalamka ay ku dhiirri geliyaan in Soomaaliya lagu taageero ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dalka u horseedaya nabad iyo Barwaaqo. The post R/wasaare Kheyre Oo kulan la qaatay Wafdiga Midowga Africa appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Muqdish)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa shalay shir guddoomiyay shir ka dhacay Xarunta Xalane oo looga hadlayay tubta Amniga iyo Cadaaladda ee ay u qorsheysay dawladda Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, AMISOM, UNSOM iyo Saraakiil ciidan oo ka kala socday Mareykanka iyo Midowga Yurub. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulanka ka sheegay in dowladda ay dadaal badna u gashay sidii dib u habeyn lagu sameyn lahaa hey’adaha amniga dalka, ayna ka go’an tahay in la helo amni la isku haleyn karo. “Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maalgelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb. Yamamoto uu wax ka shir guddoomiyo, kaddib markii todobaadkii hore laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga. Source
  11. Jowhar (PP) ─ Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee degmada Jowhar, Ibraahin Maxamed Cali (Cali Dheere) ayaa la sheegay inuu xalay xafadda Hanti-wadaag uu ku dilay xaaskiisa oo Xaamilo ahayd. Shacabka xaafadda la daggan ayaa xaqiijiyay in haweeneyda la dilay lagu Magacaabi jiray Jamiilo Sheekh Cali Ibraahim, ayna muddo wada-joogeen maareeyaha garoonka diyaaradaha Jowhar. Dadka deegaanka ayaa xusay in Maareeye Cali Dheere uu dilka xaaskiisa u adeegsaday rasaas, isla markaana uu madaxa kaga dhuftay dhawr xabbo oo sababay inay isla goobta lagu toogtay ku geeriyooto. Sidoo kale, Ehelada Marxuumadda ayaa sheegay inay aad uga naxeen falka dilka ah ee loo gaystay Gabadhooda oo Xaamilo ahayd, uuna dilay ninkii ay u dhaxday, iyagoo sheegay inaysan ogeyn sababta uu maareeyuhu u dilay xaaskiisa oo uur u lahayd. Dhanka kale, Ciidamada Booliska Jowhar ayaa la sheegay inay soo qabteen gacan-ku-dhiiglaha dilay xaaskiisa, haddana uu ku xiran yahay Jowhar, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaan sida ay wax u dhaceen saacadaha soo socda. Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo mas’uul jago sar ka haya maamulka HirShabele uu dil u geysto xaaskiisa lamana oga go’aanka kama dambeysta ah ee laga qaadan doono maareeya xalay dilay xaaskiisa, arrintan oo aad uga fajanisay shacabka ku nool degmada Jowhar iyo nawaaxigeeda. PUNTLAND POST The post Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo xalay toogtay xaaskiisa oo xaamilo ahayd appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xuseen oo maamule ka ahaa Iskuul ku yaalla degmadaasi. Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Marxuumka waxa ay ku toogteen Xaafadda Coca Cola ee degmada Yaaqshiid, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Illaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, balse waxa uu qeyb ka noqonayaa dilal qorsheysan oo maalmihii dambe ka dhacayay gudaha M/ Muqdisho. The post Maamule Iskuul Oo xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (PP) ─ Wakiilka Gaarka ah ee aramada Midoobay u Qaabilsan Somalia, Nicholas Haysom ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lagu dilay sheekh caan ahaa iyo tiro kale oo ah dad rayid ah. Danjire Haysom ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa Muqdisho ku yiri: “Weerarradii maanta lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka.” “Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.” ayuu yiri Ma rkale Haysom. Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii aroortii hore shalay lagu qaaday xarun uu leeyahay wadaadka Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi ee ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo. Dhanka kale, Warbaahintu waxay sheegtay in Wadaadku uu horey kooxda jihaad doonka uga helay hanjabaad ah inay dili doonaan. Ugu dambeyn, Gaari miineysan ayaa lagu qarxiyay suuq mashquul ah oo ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla degmada Wadajir ee Muqdisho shalay galab, waxaana ciidamada amniga Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen qof laga shakisan yahay inuu ku lug lahaa. PUNTLAND POST The post Ergayga QM ee Somalia oo si adag uga hadlay Qarxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  14. Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Uhurru Kenyatta, madaxweynaha dalka Kenya. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ka dhaxeeya sidii loo wanaajin lahaa iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al SHabaab oo shacabka labada dal dhibaato ku haya. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirka dhaqaalaha baddaha, waxaana uu kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo uu kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan. Soomaaliya waxaa ay bilihii dambe qeyb ka ahayd isbaheysiga is dhexgalka geeska Afrika oo ay ilaa hadda ku jiraan Dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea, waxaana uu qorshaha uu yahay in dalal kale lagu daro. Kenya,Jabuuti, Sudan iyo Uganda ayaa la doonayaa inay qeyb ka noqdaan isbaheysiga geeska Africa, iyadoo kadib madaxda qorshahooda uu yahay inay sameeyaan dhaqdhaqaaq dadka geeska Africa u ogolaanayo inay is dhex galaan. Kenyatta ayaa bogaadiyay isbaheysiga cusub ee geeska Africa, isaga oo sheegay inuu wax badan ka badali doono is dhexgalka Bulsho ee geeska, dhaqaalaha iyo amanka gobolka geeska africa. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  15. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari la sheegay in lagu diyaarinayay Guri ku yaalla agagaarka Warshadda Taraq iyo Sigaarka ee Waddadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray Qosykii daganaa Gurigaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo gacanta ku dhigay xubno ka mid ah Qoyskii daganaaa Guriga uu qaraxu ka dhacay. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha laamaha amnigu ay ka soo saareen qaraxaasi. Shalay ayey aheyd markii qarax Gaari oo ku dhinteen dad badan oo Rayid ahaa uu ka dhacay Suuqa ku yaalla Xaafadda Kaawo Godey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. The post Qarax Gaari Oo ka dhacay Guri ku yaalla Waddada Warshadaha appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Nairobi ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku suganyahay xiligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale Jaaliyadda uga warbixiyay isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud. Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qeyb-galay shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha ee ka socda halkaasi. The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee dalka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Boolsika Soomaliya ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda Isgosyada Banaadir, Soobe, KM4, Taleex ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa baaraya Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee isticmaalaya Isgoysyadaasi. Xiriiro aan la sameynaya saraakiisha laamaha ammaanka ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan howlgalladaasi. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka oo uu ugu dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay degmada Wadajir ee G/ Banaadir. The post Ciidamada amniga Oo saaka howlgallo ka wada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha. Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirka dhibaatooyinka lagu hayo badda Soomaaliya, mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinkaas iyo tallaabooyinka lagaga hortagayo dhammaan xad gudubyada lagu hayo xeebaheenna. “Caqabadaha deegaan ee saamaynta ugu badan ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee badda Soomaaliya, qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan ka faa’iideysiga khayraadka badda iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha. “Dowladdaydu waxa ay garoowsan tahay in khayraadka baaxadda weyn ee aan leenahay ee weli aan la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqo la’aanta. Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran.” Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga badaha, xoojinta iskaashiga, xal u helidda caqabadaha ku xeeran kafaaiidaysiga khayraadka iyo isu-socodka gaadiidka badda. The post Madaxweyne Farmaajo Oo khubad ka jeediyay shirka dhaqaalaha Ee Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Baydhabo (Caasimada Online)-Musharixiinta Koofur Galbeed ee maalinta beri ah ka qeyb galaysa doorashada Koofur Galbeed ayaa loo jeediyay digniintii ugu dambeysay ee dhanka amaanka ah. Wasiirka amniga Koofur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen ayaa ugu digay musharixiinta inay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo carqalad ku noqon kara amaanka magaalada Baydhabo oo beri ay doorasho ka dhaceyso. Wasiirka ayaa ugu baaqay musharixiinta tirada badan inay ka shaqeeyaan xil iska saarida amaanka magaalada Baydhabo, isaga oo ka digay gaadiidkooda tirada badan inay qeyb ka noqdaan amni darada magaalada. Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Musharaxiinta aysan ku xad gudbin hanaanka lagu xaqiijinaayo Ammaanka xilli ay jiraan Musharaxiin hub badan la galay Magaalada Baydhabo, sida uu wasiirka sheegay. Talaabo sharciga waafaqsan ayuu sheegay inay ka qaadi doonaan dadka isku daya inay ka hor yimaadaan hanaanka sugidda amaan ee magaalada Baydhabo xiliga doorashada ay dhaceyso. Beri oo ah maalin arbaco ah ayaa la qorsheynayaa inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  20. Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho ee lagu dilay dad rayid ahaa. “Weerarradii lala beegsaday dad rayid ah ee joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo waxay muujinayaan sida kooxada xagjirka ah ayna ugu aabayeelin una qadarinin xurmada ay leedahay nolosha baniaadanka,” ayuu yiri Mudane Haysom. “Ma jiro ajenda siyaasadeed ee xalaal ah oo lagu gaari karo dil aan loo meel-dayin ee loo geysto dad rayid ah oo isugu jira rag, haween iyo carruur, Qaramada Midoobayna waxay la garab taagantahay dadka iyo dowladda Soomaaliya sida ay u diidanyihiin xagjirnimada. Waxaan tacsi u diraynaa qoysaska iyo asxaabta dadkii dhintay, waxaana inta dhaawaca ah u rajeynaynaa inay si buuxda uga soo kabtaan dhaawacyadooda.”ayuu raaciyay Mudane Nicholas Haysom. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-271118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib warbixintii guddigha maaliyadda baarlamanka ee banaanka usoo saartay musuq-maasuqa xukuumadda Kheyre, ra’iisul wasaaraha ayaa dagaal siyaasadeed billaabay isaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah xubnaha guddiga oo xukuumadda ku xiran, kuwaasi oo soo saaray qoraalo lagu taageerayo xukuumadda. Hase yeeshee marka aad si wanaagsan u eegto qoraaladooda iyo habka ay u difaacayaan xukuumadda, waxaa kusoo baxaysa in ayaga oo aan is ogeyn ay xukuumadda ku qirayaan xatooyada markii hore ay warbixinta guddiga ku eedeysay xukuumadda. Bal si wanaagsan u fiirso qodobada hoose, kadibna is-weydii. 1 – Xubnaha guddiga ee tobanka gaaraya ee taageerada u muujiyey xukuumadda kadib warbixinta, iyo kadib markii uu Kheyre lasoo hadlay, waxay ku doodeen in kooramkii baarlamanka ee lagu soo bandhigay warbixinta uu ahaa mid aan buuxin, sidaa darteedna aysan sharci ahayn warbixinta guddiga maadaama sida ay sheegeen sharciga la hareer maray. 2 – Xubnahan waxay kale oo ku doodeen in warbixinta guddiga aysan ahayn mid loogu talo-galay in lasoo bandhigo ama warbaahinta lala wadaago ayna ahayd mid u gaar ah baarlamanka, sidaas darteedna ay qalad tahay warbixintaas. Marka aad labadaas qodob u fiirsato waxaa kuu soo baxaya laba su’aal oo kuu xaqiijinya in xubnaha guddiga ee difaacaya xukuumadda ay xaqiiqdii ayaga oo aan is ogeyn dambiga ku xaqiijinayaan ra’iisul wasaaraha, bal is-weydii labadan su’aal. 1 – Xubnaha ilaa iyo hadda waxay dood ka qabaan habka warbixinta loo soo bandhigay. Weli lagama hayo dood ku saabsan sax ahaanshaha warbixinta, mana beeninayaan waxa meesha ku qoran. Haddii difaacooda xukuumadda uu yahay mid sal leh, maxaysan ugu doodin sax ahaanshaha warbixinta intii ay ka doodi lahaayeen arrimo farsamo? 2 – Haddii ay dood ka qabaan warbixinta, maxaysan uga doodin inta aan la shaacin ama maalintii lasoo bandhigay, maxay ugu qaadatay dhowr maalmood inay jawaab soo saaraan. Tani soo ma muujineyso in lala soo hadlo oo kaash uu gaaray ama dano kale oo siyaasadeed ay dhaqaajiyeen? Xaqiiqda ayaa ah in xukuumadda aysan hayn wax ay isku difaacda iyo caddeymao muujinaya halka ay ku maqan tahay lacagta malaayiinta dollar ah ee lagu helay in ay musuq-maasuqday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle ayaa sheegaya in ruux ka tirsan maamulka Hirshabeelle inuu dilay xaaskiisa. Wararka ayaa sheegaya in ruux dilka geystay uu ahaa maareeyihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana magaciisa lagu koobay Cali Dheere. Haweeneyda Geeriyootay ayaa magaceeda lagu sheegay Jamiilo Sheikh Cali, waxaana da’deeda lagu sheegay 32 jir, iyadoo la sheegay inay xaamilo aheyd. Waxyaabaha ka dambeeya dilka haweeneyda ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay bastoolad ay ku murmeen kadibna uu toogtay, halka wararka qaar ay sheegayaan in haweeneyda ay ka maseertay haweeney lala guursaday. Rasaas ayuu ku furay sida wararka aan ku heleyno, iyadoo u geeriyooday, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen xili uu doonayay inuu ka baxsado magaalada. Saraakiisha amaanka waxay sheegeen in ruuxa falkaasi geystay uu ku xiran yahay saldhiga magaalada Jowhar, baaritaan kadibna maxkamad lasoo taagi doono. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  24. Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa ka hadlay dilalkii qorsheysnaa ee dhowaanahan magaalada Muqdisho loogu geysanayey qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda is-gaarsiinta Hormuud. Inkasta oo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta, haddana waxaa aad loo rumeysan yahay in dilalkan ay ka dambeyso kooxda Daacish, oo Hormuud ka dooneysa lacag baad ah, oo sida la sheegay Hormuud ay ku gacan seertay inay bixiso. Faarax Macallin ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku bogaadiyey shirkadda Hormuud inaysan u hogaansamin baadda iyo cabsi-gelinta kooxda Daacish, kuna adkeysatay inay ilaaliso mabaadi’deeda. “Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ka farcamay sida Daacish waa dambiileyaal abaabulan oo lacag ka baadaya bulshada gacansiga Soomaaliya. Qof kasta waa inuu ku garab is-taagaa Hormuud la dagaalanka dambiileyaashan” ayuu ku yiri Faarax Macallin qoraalka uu soo dhigay twitter. Waxa uu intaas ku daray “Waxaan ku bogaadinayaa Hormuud inay u taagan tahay ilaalinta mabaadi’da” Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan ku tiirsan dhaqaalaha ay ka baadaan ganacsatada Soomaaliya, oo ay ugu yeeraan Zako. Waxay sidoo kale baadaan dadka shacabka ah sida xoolaleyda iyo beeraleyda, ayaga oo dila ciddii diida inay lacag siiso. Inta badan shacabka ayaa bixiya lacagahan, sababtoo ah ma jirto cid ka difaaci karta kooxahan, maadaama dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay aad u awood liitaan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com