-
Content Count
207,021 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ka careysay baaqashada kulanka baarlamaanka oo maalintii labaad baaqday ayaa dacwad ka gudbiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka. Qoraalka kasoo baxay xildhibaanada baarlamaanka lag shaaciyay inay ka dacwoonayaan baaqashada kulanka baarlamaanka inuu door ku leeyahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay in arintaan Guddoonka baarlamaanka uu wax ka qabto. Hoos ka akhriso qoraalka xildhibaanada qaar ay soo saareen
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sheegay in maamulkiisu uu soo dhaweynayo War-Murtiyeedkii shalay ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xirsi Jaamac Gaani ayaa xusay in ay muhiim tahay in wax weliba lagu dhameeyo is faham iyo tanaasul, si loo badbaadiyo dalka. Waxaana uu ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya in ay tix galiyaan dadaallada ay wadaan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-soofeesane.mp3 The post Jubbaland Oo soo dhaweysay Go’aankii Golaha Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa ay saaka iskugu yeedheen warbaahinta dalka iyada oo la filaayo inay warbaahinta la hadlaan. Illaa hadda ma cadda arrimaha rasmiga ah ee guddida doorashooyinka ay ka hadli doono warbaahinta, balse warar u dhuun daloola Kominshanka ayaa sheegay in la filaayo in kominshanku ay saaka si rasmi ah u shaaciyaan in dib u dhac ku imanaayo wakhtigii hore loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka golleyaasha Wakiilada iyo deegaanku. Hoggaanka xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa la filayaa inay si weyn uga soo horjeedaan go’aanka ay ku dhawaaqi doonaan komishanka doorashooyinku. Halkan si toos ah ugala soco wixii warar ah ka soo kordha. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Khayre ayaa xalay kormeer ku sameeyey qaar kamod ah waddooyinka uu maamulka gobolka Banaadir ka wado Howlaha Nadafadeed, wuxuuna qaybo ka mid ah meelihii uu booqday kula soo qaatay kulamo xog wareysi ah Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda, si uu u qiimeeyo isla markaana indhahiisa ugu arko sida ay u socdaan howlaha dardar galinta bilicda iyo nadaafada Caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen in ay socdaan howlo lagu xoojinayo nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso si loo helo Caasimad bilic iyo amni leh. Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukumadda, Aadan Isaaq Cali oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa xusay in dowladda muhiimada weyn siinayso Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo. Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu la qaatay dadkii ku caweynayey waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan. Dadkiii uu kula kulmay waddooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya waydiinayey Su’aalo ka turjumayey dowladnimada iyo dal jaceylka,islamarkaana ku bogaadiyey in mar kasta ay noqdaan kuwa u taagan ilaalinta dowladnimada. Tani waxay dhalinyarada Soomaaliyeed u horseedaysaa in ay helaan mustaqbal wanaagsan oo ay kula tartamaan dadka asaagooda ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay kormeeray qeyba kamid ah magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo xalay diyaarado dagaal ka fuliyeen deegaan ku dhow deegaanka Goodirley ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan. Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in dhowr gantaal ay diyaaradahan ku dhufteen saldhig weyn oo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi. Lama oga weli khasaaraha ka dhashay duqeyntan, balse waxaa jirta waxyeello soo gaartay dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan. 19-kii bishan ayeey ahayd markii isla deegaankan ay duqeyn ka fuliyeen diyaarado dagaal, iyadoo halkaasi ku dhinteen in ka badan 30 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka wasaaradda difaaca ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali Ammar Dambe ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog ku sheegay in dhowaan ciidanka xoogga dalka ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab. Waxa uu sheegay in la diyaariyey ciidamo loogu magac-daray badbaado Kow iyo Badbaado Laba oo uu tilmaamay in Al-shabaab ka saari doonaan Labada Shabelle. Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ciidanka xoogga dalka oo isku filan ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab, dalkana nabada uga dhigi lahaayeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wasiir-Xasan-Cali-Amar-dambe-waxaan-diyaarinay-Ciidamo-la-dagaalama-Alsha.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay iney cambaareynayaan xarigga Wariye Nuur Ismaaciil oo in ka badan 7 cisho u xiran dowladda federaalka ah. Waxa uu sheegay xildhibaanka in sharci darro ay tahay qof muwaadin ah inuu xabsi ku jiro 24 saac ka badan maxkamad la’aan. Ka xildhibaanno ahaan ayuu sheegay iney arrintan dabageli doonaan, islamarkaana aysan aqbali doonin in qofka muwaadinka ah laga qaado karaamada. Xildhibaan Fiqi ayaa ugu baaqay cid walbo oo xarigga wariye Nuur ka dambeysay iney sii deyso. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Xildhibaan-Fiqi-Weriye-Nuur-Ismaaciil-Sheekh-waxa-uu-ku-xiran-yahay-sharci.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish lagu qabtay xuduuda u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico, waxaana ku jira dhalinyaro Soomaali ah. 15 Xubnood oo ka tirsan labada kooxood ayaa dowladda Mareykanka waxay sheegtay in la qabray intii u dhaxeysay 2001 ilaa 2018, waxaana la sheegay in xubnahaasi ay dirsadeen labada urur oo dagaal kula jira danaha reer galbeedka ee caalamka. Dhalinyarada ayaa waxaa ku jiro Soomaali badan oo dalal kala duwan laga qabtay, waxaana kamid ah:- 1-Cabdulahi Shariif, Somalia, lagu xiray Alberta, Canada, September 2017, ka tirsan Daacish. 2-Ibrahim Qoordheere, Waa Somali, waxaa lagu xiray Costa Rica, March 2017,ka tirsan al-Shabaab 3-Abdullahi Cumar Fidse, Waa Somali, waxaa lagu xiray Sohdinta Mexico-Texas , June 2008, ka tirsan Al-shabaab 4-Maxamed Axmad Dhaqane, Waa Somali, waxaa lagu xiray sohdinta Mexico-Texas , October 2008, ka tirsan Al Itixaad Al Islaami . 5-Qof aan la magacaabin u dhashay Somalia , waxaa lagu xiray sohdinta Texas-Mexico, June 2014, ka tirsan al-Shabaab. 6- Qof aan la magacaabin, u dhashay Somalia, lagu xiray sohdint Mexico-California, May 2011, ka tirsan Al-shabab, Aabbihiis, Hooyadiis iyo Afar Carruur ah oo la dhalatay ayaa sidoo kale ku jira liiska Argagixisada isha lagu hayo. Sagaal ruux oo kale oo la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Afghanistan,Lebanan, Pakistan, Sri Lankan iyo Bangladesh ayaa lagu qabtay xuduuda ay wadaagaan Mexico iyo Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimadad@live.com
-
Geneva ( Sh. M. Network )-Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/naasir Saciid Muuse ayaa ka qeyb galay Shir weyne guud oo looga hadlayo ka hor-tagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa iyo siddii wax loogu qaban lahaa dadka Waxyeelada ay ka soo gaarto Qaraxyada. Shirkaan oo ka socda Magaaladda Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay marka laga soo tago Wafdiga Soomaaliya ka socda Madax kala duwan oo ka kala yimid Wadamada Caalamka. Sidoo kale Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhisa Dalka Switzerland Marwo Faadumo Insaani iyo Masuuliyiin kale oo Wafdiga Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Amniga uu hoggaaminayo qeyb ka ah. Shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro Qodobo dhowr ah oo ku saabsan ka hor-tagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa iyo siddii wax loogu qaban lahaa dadka Waxyeelada ay ka soo gaarto Qaraxyada. The post Soomaaliya Oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Switzerland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, Ururka NUSOJ iyo xisbiyo siyaasadeed ayaa dalbaday sii-deynta weriye todobaad ka badan u xiran ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ah mudane ka tirsan guddiga warfaafinta iyo isgaarsiinta golaha shacabka ee BFS ayaa difaacay xuriyadda fikirka isaga oo dalbaday in la sii daayo wariye Nuur Ismacil Sheekh oo u xiran ciidamada ammaanka. Mudane Shuuriye oo arrintaas ka hadlaya waxaa qoraalkiisa ka mid ahaa “Anigoo ah mudane ka tirsan Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka ee BFS waxaan welwel iyo walaac ka muujinayaa xadgudubka iyo caburinta xoriyatul qowlka xukuumaddu ku hayso warbaahinta madaxa bannaan iyo wariyaasha afkaartooda ku qora baraha bulshada sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya Qoddobkiisa 18 aad faqradiisa (1), (2), (3) oo u qoran sidan. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho so bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar. Xoriyatul qowlku waxaa ka mid ah, xorriyada hadalka saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektarooniga ah. Xildhibaan Saabir waxaa uu dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo weriyaha “Mar hadii sharciga dalka sidaas qorayo waxaan cod dheer ku leeyahay in si deg deg ah loo siiyo xoriyadiisa wariye Nuur Ismacil Sheekh kaas oo loo xiray fikirkiisa uu ku qoray baraha bulshada ilaa hadana aan la keenin maxkamad”. Dhankiisa, Xildhibaan Axmed Macalin fiqi ayaa sheegay in tifaftiraha Website-ka Shaaciye Nuur Ismacil Sheekh uu 9 cisho ku xiran yahay Muqdisho, isaga oo dalbaday in la sii-daayo. Xildhibaan Axmed Fiqi oo arrintaas ka hadalay““Haddii aan nahay xildhibaannada waxaa ay mas’uuliyad akhlaaqeed naga saaran tahay in aan ilaalino dadka loo awood sheegto, loogu awood sheegto iyaga oo cabiraya fikirkooda, ra’yigooda xorta ah, aragtidooda gaar ah, dalka ay ku noolyihiin iyo duruufta ay ku nool yihiin, dadkaas in la ilaaliyo waajib ayaa naga saaran, dadka aan golaha shacabka ugu jirno ayey ka mid yihiin”. Mudane Fiqi oo sii-hadlaya“ Waxaan cambaareyneynaa, in qofka dastuurka u siinayo, xaq qodobadiisa inuu si xor ra’yigiisa cabiro, si xor ah dadka meel isugu iman karaan, si xor mudaaharaadi karaan, iyada oo ra’yigooda cabira oo aan dhib, xoog iyo qarbudaad wadin, in qofkaas loogu awood sheegto in ciidamaddii aammaanka loo diro, la yiraahdo hala soo qabto, xuriyaddiisa laga qaado, ehellkiisa, caruurtiisa xaqa uu u lahaa in la noolaado, waalidkii inuu u shaqeeyo xaqa uu u lahaa in xabsi la geliyey, arrintaasi waa cambaareyneynaa, arrin ku jirto dastuurka iyo shuruucda dalka ma aha, waa wax waqtiyo hore la soo miin guuriyey waaye, qof caqligiisa ku jirto qofka xorta ah la la caburiyo, waqti kale oo la soo gudbey ayuu ku nool yahay”, isaga oo ugu dambeyntii ku baaqay in cid walbo oo heysata iska soo deyso, xuriyaddana aan la xiri karin. Dhinaca kale, xisbiga Wadajir ayaa cambaareeyey xariga weriyaha iyaga oo ku sheegay isku day kale oo xuriyadda hadalka iyo ra’yiga lagu caburinayo, af qabasho iyo xadgudub qaawan oo dastuurka lagu sameynayo. Wadajir waxaa uu dhaqan kali talis ah ku tilmaamay xarigga sharci darrada ah ee weriyeyaasha, caburinta iyo cagajugleynta joogtada ah iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo weriye Nuur. Horay waxaa sii-deynta weriyaha u dalbaday ururka saxafiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Ceerigaabo)-Waftigii uu hoggaaminaayey madaxweynaha Somaliland oo muddo laba maalmood ah ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag ayaa saaka ka soo ambabaxay Magaalada Ceerigaabo. Waftiga Madaxweynaha ayaan u bixin bariga gobalka Sanaag oo dadku is weydiinaayeen in uu madaxweynuhu tagi doono, iyada maamulka Puntland uu faro-galin ka wado. Dad badan oo ay ka mid waxgaradka iyo xildhibaannada laga soo doorto bariga gobolka Sanaag ayaa waxa ay tuhun ka qabeen in aanu Madaxweynuhu booqan doonin bariga gobolka Sanaag, iyada arrintaasi ay fadeexad ku tahay safarka madaxweynaha. Waxaana waftigu ay dib ugu soo noqdeen waddada Ceerigaabo Burco illaa iyada oo la filaayo inuu madaxweynuhu dib ugu soo noqdey magaalada Hargeysa safarkiisii bariga na uu sidaas u soo gabo-gabeeyo. Source
-
Buulo-Burte ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen in sarkaal ka tirsanaa Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku dileen laba qarax oo ka dhacay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in sarkaal kale oo qaabilsanaa dhinaca Miino baarista ay ku dhaawaceen qaraxyadaasi oo ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee degmadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Dhinaca kale taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Maxamed Axmed Tareedisho ayaa ka warbixiyay howlgallada ka socda gobolka Hiiraan. Taliye Tareedisho ayaa sheegay in howlgalkii ugu dambeeyay oo ka dhacay nawaaxiga degmada Maxaas ay ku soo furteen Saanad Milatari. Waxaana uu intaasi ku daraya in howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ay sii socon doonaan, tan iyo inta Al Shabaab laga saarayo guud ahaan gobolkaasi. Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa todobaadyadii la soo dhaafay howlgallo Milatari ka waday gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. The post Sarkaal ka tirsanaa AMISOM Oo lagu dilay gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Habeenkii xalay aheyd waxaa gubatey warshada Daamurka ee Hargeysa ee uu leeyahay Ganacsade Cumaani taas oo ku dhex taalla xayn daabka Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa. Waxaa dabkaasi u soo gurmay ciidanka dabdamiska Somaliland isla markaana bakhtiiyey, Halkan Hoose Ka Daawo Source
-
Wararkq ka imaanayaa koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay duqeyn diyaaradeed lagu garaacay tuulada Goodirleey oo u dhow degaanka Caadka ee ka tirsan degmada Xarardheere. Duqeynta ayaa si gaar ah loogu beegsaday xarun ciidan oo malayshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyihiin tuulada Goodirleey,sida laga soo xigtay qaar kamid ah dadka degaanka. Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya duqeynta,balse faahfaahin dheeri ah kama sii bixin. Waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay duqeynta,maadaama ay yartahay xogta laga heli karo degaankaasi oo Al-shabaab ka taliso. Maalmahan dambe waxaa soo banayaa duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu garaacayo nawaaxiga degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug,kuwaasoo la sheegayo in geysanayan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Maraykanka. PUNTLAND POST The post Duqeyn laga soo sheegayo degaanno ka tirsan gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Xarardheere ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Xalay Diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay ka dhacday inta u dhexeysa deegaanka Caad iyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in deegaanada la duqeeyay ay fariisimo ku leeyihiin Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga Diyaaradaha dagaal ee fuliyay. Dhawaan ayey aheyd markii Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fuyliyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug. The post Diyaarado dagaal Oo duqeyn ka fuliyay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Siyaasyiinta dalka Kenya ayaa ku qasban inay meelmariyaan hindise sharciyeed ogolaanaya in dumarka baarlaamanka ku jira ay noqdaan saddex melood labo haddii aan sidaas layeelinna uu dalku halis ugu jiro in uu galo qalalaase dastuur, sida ay ku hanjabeen xildhibaannada taageersan biilkaas. Inkastoo dastuurkii Kenya ee la ansixiyay sannadkii 2010kii uu dhigayo in jinsi qudh ah uusan noqon karin saddex meeloodoow labo ka mid ah wax kaste oo xubnaheeda la soo doorto ama la magacaabo, dumarka ayaa 22 xubnood hadda ku leh Aqalka Hoose ee baarlamaanka halka Aqalka sarana ay ku leeyihiin 31 xubnood. Tan iyo sannadkii 2012 Maxkammadaha dalka Kenya ayaa ku amray baarlamaanka inay meelmariyaan hindise sharciyeedka jinsiyadda ama barlamaanku uu halis u gali doono in la kala diro. Dadaalada lagu meel marinayo sharcigan ayaana miro dhali waayay. Hadii barlamaanka la kala diro, waxaa lagu qasbanyahay in doorasho guud la qabto iyadoo dalka Kenya sannadkii aynu soo dhaafnay ay ka dhacday doorashooyiin rabshado ay harereeyeen. Maanta oo Arbaco ah ayaa la filaya in baarlamaanka uu cod u qaado hindise sharciyeedka jinsiyadda, waxaana tallaabadan si dhaw ula socda shacabka Kenya oo ku rajo weyn in arrintan muranka badan dhalisay lasoo afjaro. Maxkammada sare ayaa sannadkii 2017-kii sheegtay in Gudoomiyaha Maxkamadda sare laga codsan karo in uu Madaxweynaha kula taliyo in barlamaanka la kala diro hadii sharcigan la aansixin waayo. Qoondada dumarka ku jira barlamaanka Kenya ayaa aad u hoosaysa marka la barbardhigo dalalka ku yaala bariga Afrika sidda Ethiopia. Sudan, Burundi iyo Rwanda sida ku cad ururka ay ku mideeysanyihiin barlamaanada caalamka. Hindisahan waxaa taageero u muujiyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga halka tiro badan oo ka mid ah xilidhibaannadana ay cadeyeen in ay garab istaagi doonaan. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionMadaxweyne Uhuru Kenyatta oo khudbad u jeedinaya baarlamaanka Balse hindisahan ayaa sidoo kale wajahaya iska caabin adag oo waxaa laga cabsi qabaa in lagu guuldareysto sababo la xiriira in loo waayo taageeradii loo baahnaa. “way adagtahay in taageero loo helo laakin waxaa gacan nagu siiyay hogaamiyeyaasha xisbiyadda sidda Madaxweynaha iyo hogaamiyaha mucaaradka oo dhamaantood la hadlay xildhibaannadooda si ay ugu sheegan halista dalka uu wajihi karo hadii la ansixin waayo qoondada haweenka,” ayay tiri Safiya Cabdi Nuur oo ah xildhibaanad laga soo doorto deegaanka Ijaara oo BBC-da la hadashay. Safiya ayaa sidoo kale sheegtay in ragga baarlamaanka ku jira ee ka soo horjeeda hindisahan ay ku doodayaan in dumarka ay helayaan kuraas aysan u tartamin waxaa kale oo ay sheegeen in hogaamiyeyasha xisbiyadda ay fursadan u adeegsan karaan inay ku soo magacaabaan qaraabadooda iyaga oo ka duulaya qoondada haweenka. Haddii hindisahan la meel mariyo wuxuu dhaqan geli doonaa doorashadda soo socota, waxayna ku qasbi doonta canshuur bixiyeyaasha in ay dhiibaan mushaharaadka iyo gunooyiinka xubnaha cusub ee baarlamaanka. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kormeer ku sameeyey Waddooyinka maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado Howlaha Nadafadeed,isagoo qaybo ka mid ah Magaaladda kulamo xog wareysi ah kula soo qaatay Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda, si uu u qiimeeyo isla markaana in dhahiisa ugu arko sida ay u socdaan howlaha dar dar galinta bilicda iyo nadafadda Caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen in ay socdaan howlo lagu xoojinayo Nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso si loo helo Caasimad bilic iyo amni leh. Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiis ee xukumadd Adan ISaaq Cali oo warbaahinta qaran la hadlay ayaan xusay in dowladda muhiimada weyn siinayso Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo. Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu la qaatay dadkii ku caweynayey waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan. Dadkiii uu kula kulmay waddooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya waydiinayey Su’aalo ka turjumayey dowladnimada iyo dal jaceylka,kuwaasi oo uu si Caadi ah kuna bogaadiyey in mar kasta ay noqdaan kuwa ku tagan ilaalinta dowladnimada , taa oo horseedaysa in ay helaan mustaqbal wanaagsan ee ay kula tartamaan dadka asaagooda ah. The post Khayre Oo xalay kormeeray qeybo ka mid ah Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-281118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula xidhiidhay Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani, iyagoo isla soo qaaday Arrimo khuseeya Labada Dal. Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa taagerada Dowladda Qatar ay ka geeysanayso dib u dhiska dalka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo laamaha dowladda. Madaxweyne Farmaajo ayaa Amiirka Qatar la wadaagay Horumarada ay Soomaaliya ku talaabsatay muddadii la soo dhaafay. Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay Soomaaliya garab taagan tahay, gacanna ka geeysan doonto kobcinta dhaqaalaha dalka, dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha nolasha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan diblumaasiyiinta labada dal sidii sare loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal loona gaadhi lahaa iskaashi dhammaystiran oo ah dhammaan dhinacyada horumarka. Source
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa gudaha dalkaas ka sameeyey hawlgallo Militari oo qarsoodi ah kaddib warar sheegayey in ay jiraan isku dayo afgambi isaga lala damacsanaa, sidaas waxaa wargeyska Khaleeji Online u sheegay heesaga caanka ah ee Mujtahid. “Maxamed Bin Salmaan, kaddib markii uu ka tagay Sucuudi Carabiya, waxa uu u sheegay in ay jiraan qorsheyaal qoyska dhexdiisa ah oo lagu diyaarinayo afgambi ka dhan ah isaga,” sidaas waxaa yiri Mujtahid oo Twitter-ka ku soo gudbiya xogaha Sacuudiga. “Bin Salmaan waxa uu amray hawlgallo taxadar leh isaga oo ku amray ciidamada ilaaliya boqortooyada ee ku kala sugan Bariga iyo Galbeedka Riyaad in ay ka hortagaan afambi” waxaa sidaas Khaleej Online u sheegay Mujtahid. “Haddii uu Amiir Axmed dalbado in xukunka lagala wareego boqor Salmaan , waxa uu heli doonaa 95% taageerada qoyska, taas waxa ay walaac ku haysaa boqor Salmaan.” Amiirka mucaaradka ah, Ahmed bin Abdul Aziz al Saud, waxa uu ku soo laabtay caasimadda Riyaad kaddib sanad uu ka maqnaa, waxaana si diiran u soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan. Sida ay qortay New York Times, Ahmed Bin Abdul Aziz waxa uu ku soo laabtay Sucuudi Carabiya salaasadii, October 30, sida ay sheegeen saddex Sucuudiyaan ah oo ku dhaw boqortooyada waxaana madaarka ku soo dhaweeyey Maxamed Bin Salmaan. Amiirka waxa uu doonayaa in uu kaalin ka qaato is bedelada, taas oo ka dhigan in uu door lixaad leh ka ciyaarayo iyo dib u habbeyn lagu sameenayo qoyska boqortooyada ama in uu gacan ka geysto in la doorto qof bedela Bin Salmaan. Tan iyo khamiistii, dhaxalsugaha waxa uu booqasho ku marayaa dalal caalamka ah oo Imaaraadka uu ku jira, taasi oo ay ahayd meeshii ugu horreeysay oo uu tago socdaal uu ku kala bixinayo dunida oo ay ku jiraan wadammo carbeed. Waa safarkii kowaad oo uu Bin Salmaan ku baxo kaddib dilkii wariye Jamal Khaashuqji, oo isaga loo haysto. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
(SLT-Senegal)-Madaxweynaha dalka Senegal, Mcky sall waxaa uu sheegay inay doonayaan in dhamaan farshaxanada laga qaaday dalkiisa iyo dalalka kale ee Afrika ee iminka yaala madxafka Fransiiska dib loogu soo celiyo qaaradda Afrika. Madaxweyne Macky Sall ayaa sidoo kale sheegay in arrintan uu ku wargeliyay dhigiisa Fransiiska, Emmanuel Marcon, waxaana uu yiri waxana dooneynaa in farshaxanada gaaraya tobanaanka kun ee la qaatay xiligii gumeystaha dib loogu soo celiyo dalalka Afrika. Wasiira dhaqanka ee dalka Senegal, Abdou Latif Coulibaly waxaa isna sheegay in durbaba dowladda Fransiiska ay weydiisteen inkabadan boqol farshaxan. Madxaf cusub oo lagu keydinayo ilbaxnimada iyo dhaqanka dadka madow ayaa lagu wada in laga furo dalka Senegal, kadib markii dowladda Shiinaha ay ku maalgelisay lacag dhan labaatan milyan oo doolar. Dowladda Benin ayaa horay iyadu na u dalbatay in lasoo celiyo dhamaan farshaxanadii laga qaatay dalkaasi xiligii gumeysiga. Arrinka ayaa sidoo kale imaaneysa iyaduu inta badan madxafyada Yurub ay oggolaadeen inay farshaxana badan ay dib ugu celiyaan dalka Nigeria. Dadka qaar ayaa arrinta u arka mid u wanaagsan sumacadda dalalka Yurub oo inta badan guumeystay qaaradda Afrika. Ousmane Aledji oo ah agaasimaha xarunta dhaqanka ee dalka Benin ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay qaabkan cusub ee la isku weedaarsanayo waxyaabaha dhaqanka iyo taariikhiga ah. Arrintan ayaa waxay sidoo kale imaaneysaa, kadib markii koox khubara ah ay madaxweynaha Fransiiska u gudbiyeen warbixin ka hadleysa qaabka loo celin karo farshana gaaraya tobanaanka kun ee yaala dalka Fransiiska, kuwaa oo intooda badan la qaatay xiligii gumeysiga. Hasayeshee madaxweyne Macroon ayaa ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo celin doono farshaxanadaasi. Source
-
(SLT-Gaalkacyo)-BBC-da waxaa u suurogashay inay hesho magacyada qaar dadkii shalay ku dhintay weerarkii lagu qaaday xarun Sh. Cabdiwali Sh. Cali Cilmi Yare uu ku lahaa magaalada Galkaacyo halkaaso ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof oo ku sugnaa xarunta. Cabdi Naafac sh Kulli sh Caalam oo kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka ayaa BBC-da u sheegay in hadda uu ku sugan yahay xaruntii lagu qaaday weerarka isla markaasna uu dhaawac yahay. Wuxuu sheegay in qaar kamid ahaa dadkii ku sugnaa xarunta ay dhinteen. “Xarunta waxaa joogay ku dhawaad 130 qof markii weerarka lagu soo qaadayay” ayuu yiri Cabdi Naafac. Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah: Shiikh CabdiWeli Shiikh Cali Cilmi Yare wadaadkii xarunta lahaa ee la weeraray. Farxaan Garyare Cali: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta. Suudi Cabdi Kulane: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta. Ceynaanshe Shikh: Wuxuu kamid ahaa dadkii qasaa’idka qaada jiray wuxuu sidoo kale garaaci jiray qalabka. Maxamed Qaliif Axmed: Qasaai’dka ayuu qaadi jiray. Sayad Bakar Shiikh Cabdi:Wuxuu ahaa sawir qaade ka tirsan xirta. Cabdi Mahad Cali Abshir: Durbaanka ayuu garaaci Jiray xiliyada loo baahdo. Shiikh Cali Shiikh Maxamed Cismaa: Culimada u adeega Shiikha la dilay. Cabdinuur Shiikh Cabdulweli Shiikh oo uu dhalay shiikha xarunta lahaa ahaana wiil , qasiidooyinka qaadi Jiray. Dumarka Ku dhintay qaraxa Waxay isugu jireen kuwo u adeega Shiikha Iyo kuwa qasiidooyinka wax Ka Qaadi Jiray. Nasra Sh.Cabdulwali shiikh Cali Xamdi xasan Sh.Axmed Xaawo cabdi Kulane Bilsan Shiikh Weerarkan ayaa isugu jira mid is qarxin ah iyo weerar toos ah oo lagu bartilmaameed saday xarunta wadaadkaas. Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Alshabaab digniin ugu dirty. Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqanaya magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland. Socdaalka madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuur-galka nolosha bulshada ku dhaqan degmada Dhahar,waxaana uu halkaasi ka daah-furayaa mashaariic kala duwan oo dhanka horumarinta ah,sida xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada. Socdaalka mudane Gaas ayaa noqonaya markii u horraysay ee madaxweyne Puntland uu booqdo degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland oo kamid ah degaannada ay wada-sheegtaan Puntland iyo Somaliland. Dhinaca kale socdaalka ayaa ku soo aaday xilli madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqasho ku joogo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag,isagoo kulamo halkaasi kula yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada. PUNTPAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo markii ugu horraysay booqanaya degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.
-
Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee matalaya dadka Naafada ah, Haweenka, dadka Matalaada Siyaasadeed aan lahayn iyo Barakacayaasha ayaa laga soo saaray talooyin muhiim ah. Waxaa ku jiray Sugidda xuquuqda dadka naafada ah, Iswaafajinta tabashada Dadka aan matalaada siyaasadeed lahayn iyo Dastuurka, Isu-Dheelitirka ragga iyo dumarka iyo matalaada siyaasadeed, sugidda xuquuqda dadka barakacayaasha, Lahaanshaha Dastuurk iyo arrimo kale. Qodobbada ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: Shirku wuxuu ku boorinyaa Dowladda Federaalka inay dardargeliso dhameystirka Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, sida uu farayo Qodobka 111B ee Dastuurka KMG ah. 2. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dardargeliyo dhismaha Xafiiska Gardoonka Dadweynaha, Sida ku cad Qodobka 111J ee Dastuurka KMG ah, si xal loogu helo cabashooyoinka dadka aan Matalaada Siyaasadeed Lahayn, dadka Naafada ah, Haweenka, Barakacayaasha, iyo dhamaan dadka Xuquuqdoonka. 3.Shirku waxa uu ugu baaqayaa Hay’adaha u Xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka inay Dastuurka ku sugaan qodobo tilmaamaya xuquuqda dadka Naafada ah islamarkaana siinaya takoor quman (Positive Discrimination), sida ku xusan Qodobka 11aad Farqadiisa 4aad ee Dastuurka KMG ah. 4. Shirku waxa uu ugu baaqayaa Dowladda inay la timaado qorshayaal iyo siyaasado cad-cad oo fududeynaya in ay dadka naafada ah ay Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka ahba ka helaan xuquuqaha iyo adeegyada ay ula simanyihiin dadka kale sida shaqada, waxbarashada, caafimaadka iyo fududeeynta isu-socodka. 5. Shirku waxa uu ku baqayaa in la ciribtiro caadooyinka iyo dhaqamada ku saleysan hoos u dhigidda haweenka. 6. Shirku waxa uu ku baqayaa in Hay’adaha u Xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ay Dastuurka ku sugaan qoondada haweenka ee boqolkiiba soddonka ee matalaadda siyaasadeed, mataladda xafiisyada loo tartamo iyo kuwa la isku magacaabo. 7. Shirku waxa uu ugu baaqayaa Barlamaanka JFS ansixinta Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinsiga kaasoo horyaalla Golaha Shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com