Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,021
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Dacwad ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Mahad Cabdalla Cawad u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka in uu ku xad gubday xeerhoosaadka Baarlamaanka Soomaalia. Sidoo kalena uu qaab qaldan u maamulay kulankii Golaha Shacabka ee Sabtidiii la soo dhaafay, sida uu hadalka u dhigay.. Ugu dmabeyn Xildhibaan Mahad Salaad oo eedan cuskaday qodobo Dastuuri ah ayaa ka dalbaday guddoonka BFS in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Mahad Cabdalla Cawad Oo Dacwad laga gudbiyay appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa looga hadlay go’aankii shalay ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo qodobo ka soo saaray khilaafka labada dhinac. Warkan ka soo baxay golaha iskaashiga, oo uu hadda guddoomiye u yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa lagu sheegay in ay si kalsooni leh u taageerayaan dadaallada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale goluhu waxa uu sheegay in uu diyaar u yahaya in Aqalka Sare uu kala shaqeeyo sida xal loogu heli karo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Khilaafkan oo muddo soo jiitamayay ayaa saameyn ku yeeshay wadashaqeynta labada dhinac, inkasoo weli ay socdaan dadaallo lagu xalinayo khilaafkaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post GIDG Oo soo dhaweeyay go’aankii Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Warqad ka soo baxday Goordhow guddoonka golaha Baarlamaanka Soomaaliy ayaa lagu kala diray guddigii Maaliyada Soomaaliya. Hoos Ka Aqriso Warqada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Guddigii Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya oo la kala diray appeared first on Puntland Post.
  5. Qoraal ka soo baxay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayuu ku dhawaaqay in la kala diray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka. Muudeey waxaa uu ku sababeeyey: Markii caddaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun. 2. Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda, 3. La tashtay guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad Intaasi kadib, waxaa uu soo saaray go’aankan: Waa la kala diray xubnaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Waxaa degdeg loo magacaabaa guddi maaliyadeed oo cusub Waxaa degdeg loo qaban-doonnaa doorashada guddoon cusub ilaa hadda xubnaha guddiga kama hadlin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddiga Doorshooyinka Somaliland oo maanta warbaahinta u shaaciyey inay doorashooyinkii dalka ka dhici lahaa bilowga sanadka 2019 aaney dhaceen , ayaa su,aalihii ay warbaahintu weydiin laheyd ka cararay isla markaana warbaahinta aan ka ogolaan wax su’aalo ah, Halkan Hoose Ka DAAWO Source
  7. Qardho-[Puntland Post]-Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si weyn ugu soo dhaweeyey Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay isimada, Nabadoonada,Siyaasiyiinta,Ururada Haweenka,Ururada Bulshada, iyo waxgarad kala duwan. Musharaxa ayaa loogu hortagay meel ka baxsan Magaalada waxaana lagu soo galbiyey Fardo si gaar ah loogu talagalay soo dhaweynta Musharaxa. Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khudbad kooban u jeediyey Boqolaal qof oo sidoo kale isugu soo baxay Banaanka hoolka Beeyada Magaalada Qardho, waxaana dhammaan dadka soo dhaweeyey ay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin Musharax Siciid Cabdullaahi Deni. Nabadoon Maxamed Aadan Cali (Xangaag) oo ka hadlay soo dhaweynta Musharax Siciid Deni ayaa Sheegay in uu ku faraxsanyahay soo dhaweynta Musharaxa, waxa uuna Sheegay in Musharax Deni yahay Shaqsi saameyn ku leh Bulshada oo aad loo yaqaano. Musharax Siciid Deni ayaa ka Mahadceliyey sida weyn ee loo soo dhaweeyey “Aad ayaa ugu faraxsanahay sida la iigu soo dhaweeyey Magaalada Qardho, Saaka halkaan waxaan si Nabadgalyo ah isku weydaaranay Madaxweynaha hadda ee Puntland, Insha’allaah Madaxtooyadana sidaas oo kale ayaan isku weydaaran doonaa si nabad ah” …….. Soo dhaweynta maanta oo aheyd mid saameyn leh ayaa waxaa cad in Musharax Siciid Deni yahay Musharaxa kaliya ee illaa iyo hadda heysta Taageerada Dhammaan Reer Puntland. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyey Qardho appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoonka Golaha Shacabka BFS ayaa goor dhow kala diray Guddigii Miisaaniyada, Maalliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka ee Golahaasi. Warqad ka soo baxday Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa lagu kala diray Guddiga, iyadoo la soo dhisi doono Guddi cusub. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Guddiga Maaliyadda G/ Shacabka Oo la kala diray appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-281118-sx.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ayaa kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub. Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala deristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka. Waxaa sidoo warqadda lagu sheegay in sababta kala dirista ay tahay yada oo xubnaha guddiga ay is-khilaafeen, iskuna hor khilaafeen guddoonka hortiisa. Warqadda Muudeey ayaa sidoo kale u muuqata in kala dirista ay tahay mid ku timid soo jeedinta guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad, oo si aad ah ugu xiran xukuumadda. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo gyddigan ay dhowaan soo saareen warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo fadeexad ay ka raacday arrintan. Kala diristan ayaa muujineysa awoodda xukuumadda iyo sida baarlamanka u noqday meel ay xukuumadda maamusho. Hoos ka aqriso warqadda.
  11. Xildhibaan Mahad Salaad, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad isaga ku eedeeyey in Cawad uu si ula kac ah u baalmaray sharciga kulankii Golaha Shacabka ku yeeshay 24 bishaan xarunta Golaha Shacabka, wuxuuna dalbaday in tillaabo sharci ah laga qaado. Mudane Mahad Salaad waxaa uu sheegay in guddiga joogtada aanu shirin mudo afar asbuuc ah, guddoonkana uu go’aan ka gaaro ajendaha, sidaa darteedna gudoomiye ku xigeenka labaad isaga uu marooqsaday awoodii golaha shacabka taas oo meel ka dhac ku ah xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo waajibaadka shaqo ee gudiyadu u idmanyihiin. Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu difaacay qoraalka guddiga maaliyadda isaga oo sheegay qoraaladii gudiga kasoo baxay uu saxiixay gudoomiyaha gudiga, sifo sharci ahna loogu soo gudbiyay guddoonka golaha, looguna soo daray ajandaha golaha, isla markaana faqrooyinka Gudoomiye ku xigeenka labaad soo daliishaday ee ku xusan qodobkaan ee ku jirtay hadal jeedintiisii lama xariiraan arimaha maaliyadeed ee si cad sharcigu u qeexay ee waa arimo uu ka lahaa dano siyaasadeed oo ujeedadeedu ahayd in meesha looga saaro warbixintii guddiga maaliyada. Mr. Salaad waxaa uu aflagaado ku tilmaamay hadalkii wasiirrada ka jeediyeen gola shacabka “Wasiiradii uu hadalka siiyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha waxay Golaha hortiisa ku aflagaadeen xubnaha gudiga, iyaga oo gudiga ku sifeeyay erayo anshaxxumo ah, gefna ku ah sharafta iyo xasaanada Xildhibaanada. Iyaga oo iska indho tiraya cadeymaha iyo dokumentiyada guddiga maaliyadu hayo ee cadeynaya musuqmaasuq baahsan, ku tumasho sharciyada maamulka maaliyada dalka, ku xadgudub qaraaraadkii Golaha Shacabka iyo naasnuujin ka dhex jirta hay’adaha dowlada qaarkood oo ay ugu horeyso wasaarada maaliyada sida Hantidhowrka Qaranka soo cadeeyay kuna cad warbixinta gudiga maaliyada”. Ugu dambeyntii, Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu dalbaday in Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad tallaabo sharci ah laga qaado, uu raalli-gelin ka bixiyo hab-dhaqankiisa, sida uu uga tuntay xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo siyaasadeeynta shaqooyinka la xisaabtan iyo kor-joogtayn ee Gudiyada Golaha Shacabku u xilsaaranyihiin. Source: goobjoog.com
  12. Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo la filayay in ay dhacdo 27-ka bisha March ee sannadka 2019ka. Gudoomiyaha guddidaasi Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka hor yimaadeen caqabado ay kamid yihiin Xisbiga Waddani oo kalsoonidii kala noqday, diiwaangalintii codbixiyeyaasha oo aan weli la bilaabin. Wuxuu sheegay Cabdiqaadir Iimaan Warsame in hawlaha guddida u yaallaa qaadan karaan muddo ku siman toban bilood, hase ahaatee muu sheegin wakhtiga danbe ee la qaban doono. Waa markii shanaad ee ay dib u dhacdo doorashada baarlamaanka Somaliland, iyadoo baarlamaanka Somaliland la doortay sannadkii 2005tii. Halkan ka akhriso shanta jeer ee ay dib u dhacday doorashada Baarlamaanka Somaliland; 30. 2010 — June.30. 2013 30. 2013 — Feberuary.27.2015 27.2015 — October.27. 2017 27. 2017 — March.27.2019 2019—-Lama garanayo. Source: goobjoog.com
  13. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kalsooni leh u soo dhoweeyay go’aankii shalay ka soo baxay guddiga Aqalka sare ee u xil-saaran xal u helidda khilaafka xukuumadda Federaalka iyo GIDG. War-muriyeed ka soo baxay Golaha islaashiga oo uu ku saxiixanyah guddoomiyaha Golaha ahna madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa lagu sheegay in ay Aqalka sare kala shaqeynayan xal u helidda khilaafka jira ee salka ku haya fulin la’aanta xukuumadda Federaalka ee wixii lagu heshiiyay,sida qoraalka loo dhigay. PUNTLAND POST The post GIDG oo soo dhoweeyay go’aankii Aqalka sare appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Hargaysa) Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa Sheegay in aanay Dalka doorasho ka dhacayn . Hoos ka DAAWO Source
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa ay War-Saxaafadeed ka soo saareen Go’aankii Guddiga Aqalka Sare ee xalinta khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada. War kasoo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda oo hadda uu Gudoomiye ka yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si buuxda loogu taageeray dadaallada Aqalka Sare. Sidoo kale Golaha Iskaashiga ayaa qoralkooda waxa ay ku sheegeen inay diyaar u yihiin in Guddiga Aqalka Sare ka gacan siiyaan dhameystirka xalinta khilaafka dowladda iyo Dowlad goboleedyada. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ka mid ahaa ergadii Somaliland ee ka qayb gashay shirkii Djibouti ka qabsoomay December 2014 ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu jeex-jeexay heshiis uu dalka Djibouti kula saxeexday madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Dr. Xuseen Bulxan oo hadal ka jeediyay kulan Hargeysa ka dhacay oo lagaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu sheegay in Soomaaliya wakhtigaas ka cadhootay in dalka Djibouti lagu soo daro wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya si ay Djibouti u noqoto xidhaaga dhinaca heshiiska jebiya. Dr. Bulxan oo arrintaas ka hadlaayay wuxuu yidhi “Tii ahayd dawlad kale ma doonayno ayaanu aniga iyo Yuusuf (Yuusuf Garaad) ku heshiinay in Djibouti noqoto xidhaaga haddii wada hadalada Istanbul socon waayo, anaana fikrada soo dhigay markii la diiday wax kale ayaan idhi Djibouti halagu daro.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Dr. Bulxan yidhi “Markii aanu ula tagnay ayaa la yidhi ma doonayno Djibouti inaad soo gelisaan oo anaga iyo Djibouti ayaad isku kaayo dilaysaan. Cabdikariim (Cabdikariim Guuleed, wasiirkii daakhiliga ee Xasan Sheekh] markuu diiday ayaanu nidhi ma adigaa Cabdikariimoow Madaxweyne ah mise Xasan Sheekh, markii Xasan loo dhiibay nuqul, ayaa Cabdikariim intuu cararay ku yidhi Xasan Sheekh arrinkaas diid, Xasan Sheekh ayaa Wasiir Maxamed Biixi isna ku yidhi sidii, dabadeed Maxamed Biixi ayaa ku yidhi Xasan Sheekh madaxweyne arinkan aad leedahay ka saar ma arrinka Djibouti ayaad doonaysaa inaan ka saarno markaas ayuu arrinkii fashilmay oo uu Ismaaciil Cumar Geelana kor u soo fadhiistay waayahay ee ku daayay ayuu yidhi waanu saxeexay. Madaarkii ayuu Xasan Sheekh ku jeex jeexay heshiiskii, sidaan warar rasmi ah ku helay.” Qodobada sannadkaas 2014 ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen ayaa kala ahaa: 1. Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo waqti ku jaan go’an 2. Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn. 3. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen. 4. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal iyo dawlado saxiib ah. 5. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara , in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo budhcad badeedka. 6. In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Febraayo ee 2015 kana dhaco stanbul. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinka looga baahan yahay inay is casilaan, madaama uu tilmaamay in Xisbiyadii Mucaaradka ahaa ay kalsoonidii kala noqdeen. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Barlamaanka sii joogayaan, ilaa iyo inta laga helayo Barlamaan iyaga bedelo, oo la soo doortay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Sharci saxda ah waxaa weeye in ilaa inta laga helayo Barlamaan la soo doortay, oo Sharci lagu soo doortay anaga ayaa fadhiyeyna, sharci ayaana ku fadhiyeynaa, waana ceeb dal dhisan in Barlamaankiisa sharci daro lagu sheego, ninkaas yidhina khalad buu u yidhi, Doorashada oo dhacdana waxaa ka horeeya Saami-qaybsigii, tirikoobkii baa ka horeeya, Dastuurkii oo la furo ayaa ka horeeya, waayo waa in Beelaha darafyada saamigoodii la siiya, haddii kale Beesha Dhexe ayuun baa kuraasta ugu badan mar walba helaya”. Xildhibaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Doorasho lama qaban karo ilaa iyo Komishankani is casilaan, oo ay meesha iskaga tagaan, haddii ay Komishankani dadka iyo dalkaba ka naxayaan, waxa u wanaagsan inay is casilaan, maxaa yeelay Xisbiyadii Mucaaradka ahaa, gaar ahaan Xisbigii kaalinta labaad ka galay Doorashada, ahaana Xisbigii ugu codka badnaa marka laga yimaado Xisbiga Kulmiye, ayaa kalsoonidii kala noqday Komishanka, sidoo kale Xisbiga, sidaas oo ay tahay yey Doorasho u qabanayaan Komishankani, si Komishan kale oo bedelo loo helo, hawshana loo dhaqaajiyo, waa inay Komishkani is casilaan, xilalkana baneeyaan”. Source
  18. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kalsooni ku jirto u soo dhoweeyey go’aanka aqalka sare iyo warbixintii guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF Qoraal uu ku saxiixnaa guddoomiyaha golaha ahna madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wuxuu sheegay in goluhu balanqaadayo inuu diyaar u yahay in aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah kala shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka jira, oo salka ku haya fulinta ballamaha ay ku jiraan danta Soomaaliyeed. Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada: Source: goobjoog.com
  19. Gudiga doorashooyinka qaranka oo saaka la hadlay warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday in aan dalka doorashooyin ka qabsoomin doonin siiba doorashooyinka wakiilada iyo golaha deegaanka. Gudiga ayaa sheegay in ayna haynin lacagtii doorashooyinkaasi lagu qaban lahaa iyo iyaga oo sheegay in Xisbiga Waddani uu kala laabtay kalsoonidii. Waxana meesha ka muuqato in gudiga doorashooyinku ay Gabi ahaanba ku fashilmeen wadida shaqadii loo igmaday, waxana haboon in ay is casilaan iyaga oo eegaaya oo dhawraya danta umadda. Qaran News
  20. Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo la filayay in ay dhacdo 27-ka bisha March ee sannadka 2019ka. Gudoomiyaha guddidaasi Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka hor yimaadeen caqabado ay kamid yihiin Xisbiga Waddani oo kalsoonidii kala noqday, diiwaangalintii codbixiyeyaasha oo aan weli la bilaabin. Wuxuu sheegay Cabdiqaadir Iimaan Warsame in hawlaha guddida u yaallaa qaadan karaan muddo ku siman toban bilood, hase ahaatee muu sheegin wakhtiga danbe ee la qaban doono. Waa markii shanaad ee ay dib u dhacdo doorashada baarlamaanka Somaliland, iyadoo baarlamaanka Somaliland la doortay sannadkii 2005tii. Halkan ka akhriso shanta jeer ee ay dib u dhacday doorashada Baarlamaanka Somaliland; October.30. 2010 — June.30. 2013 June.30. 2013 — Feberuary.27.2015 Feberuary.27.2015 — October.27. 2017 October.27. 2017 — March.27.2019 2019—-Lama garanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. GUNDHIG jeedka ugu weyn ee dowlad ama maamul loo dhisto waxaa weeye in bulshada ku dhaqan waddanka/gobolka dowladda dhisanaya ay helaan adeegga guud ee dadka ka dhexeeya. Adeegyada guud waxaa tusaale u ah “nabad gelyada, wax barashada, caafimaadka, waddooyinka, xiriirka dalku la leeyahay dunida kale iwm”. Tilmaamaha danta guud iyo danta gaarka ah ku kala duwanyihiin waxaa ka mid ah, baahida wadareed ee bulshada u dhexaysa iyo baahida gaarka ah ee qof ama koox dad ah u gaar ah. Madaxda loo doorto haqab-tirka baahiyaha guud iyo fulinta adeeg-wadareedka bulshadu, waxay ka dhiganyihiin shaqaalaha loo adeegsado danta gaarka loo leeyahay. Haddaan weedhaas faahfaahiyo, qofkii loo igmado xil bulshadu leedahay waxaa lagama maarmaan ah in lagula xisaabtamo fulinta shaqada loo dirsaday sida qofka sida gaarka ah loo adeegsaday. Tusaale: Shirkadaha ama ganacsiyada gaarka loo leeyahay waxaa ka jira isla xisaabtan ku salaysan danta hormarinta ama ilaalinta hantida ganacsiga oo haddii qof shaqaale ka ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ka maqnaado shaqadiisa ama heshiiskii lala galay uu jebiyo, waxaa badanaa lagu fuliyaa ciqaab u dhiganta dayaca ama gaabiska shaqaalahaasu sameeyay………. Haddaba, qofka danta guud loo dirsado (Madax weyne, wasiir, maamule dan guud iwm), waxaa lagama maarmaan ah in lagula xisaabtamo gudashada shaqada bulshadu u dirsatay. Si xisaabtankaas guud loo helo waxaa lagama maarmaan ah arrimaha soo socda. Hal beeg qoran oo tibaaxaya awoodda iyo aqoonta xirfadeed ee adeeguha laga rabo inta aan xilka loo dhiibin. Xeer caddaynaya ciqaabta uu mudanyahay masuulka gudan waaya shaqada loo igmaday ama tagri fal ku sameeya hantida iyo danta Guddi ama hay’ad sharciyeed oo awood fulineed u leh sixitaanka, shaqo ka joojinta am axil-ka qaadista adeegaha gudan waayay ama dayacay Hab-raac rasmi ah oo si saamigal qumman ah u ilaalinaya danta bulshada iyo sharafta masuulka lala Waa in lagu faafiyo dhammaan xeerarka, hal-beegyada, hab raacyada iyo xuquuqda bulshada ama edeegaha JARIIDADDA RASMIGA AH (GAZETTE) ee bulshada wada gaarta si bulshadu u ogaato xuquuqda ruux walba leeyahay iyo waajibaadka DHIIRI GELIN IYO TALO SIIN Waxaa muhiim ah in bulshada loo adeegayo ku taageerto masuulka xilka u haya talo togan oo ka maran eexsi dhaqaale ama dan gaar ah, si ay ugu sahlanaato gudashada shaqadiisu, isla markaasna sinnaan iyo hawlkarnimo uu ku doorto shaqaalaha u qalma shaqooyinka kale. Sidoo kale waxaa muhiim ah in masuulka/masuuliyiinta lagu dhiiri geliyo gudashada xilka ay hayaan, waxaanse sax ahayn in masuuliyiinta loogu kala dhuunto eex iyo dano gaar ah oo caddaaladda burinaya shaqadoodana caqabad ku noqonaya. LAHAANSHO Cinwaanka maqaalka waxaa ka muuqda erayga lahaansho, qoraagu wuxuu eraygaas ula jeedaa labo arrimood oo kala ah Masuulka xilka haya bilowgiiba (intaan xilka loo igman) wuxuu ula sinnaa qabashada shaqadaas ummadda uu ka tirsanyahay ee u dooratay/dhiibtay, sidaas darteed waa in uu muujiyaa lahaansho asal ah oo ka fog tagri fal iyo dayac Sidoo kale marka shaqada loo doorto ka dib, waa in uu masuulku muujiyaa in xilku yahay mas’uuliyad loogu dirsaday in uu u guto sida ugu sarraysa ee uu awoodo maaddaama dad kale oo qaban lahaa isaga looga door LIBIN RAADIN Sidoo kale cinwaanka maqaalka waxaa ka muuqda erayga LIBIN-SHEEGASHO oo qoraagu ula jeedo weydiinta soo socota. Qofkii loo dirsado in uu shaqo qabto, oo shaqadii qaarkeed fuliya in badan oo kalena u harsantahay, ma laga filaa inuu ku faano ama dalbado in loogu sabciyo inta yare e u hir gashay iyadoo uusan xil weyn iska saarayn inta badan ee qabyada ka ah? Waxaa in badan dhagahayga kusoo dhaca masuuliyiin xil haya oo u beretama in ay ku faanaan ama sheegtaan hawl kooban oo ka mid ah walxo badan oo markii horeba loo dirsaday iyaga oo aan xoogga saarayn qabyada waajibkii laga sugayay, yaabkaygee, waxaan sidoo kale la kulmaa in badan oo ka mid ah bulshadii shaqada loo qaban lahaa oo sida saxda ah, la xisaabtami lahaa masuulka/masuuliyiinta oo ku mashquula difaac ku salaysan xisbi, koox ama reer. Marka laga hadlayo xisaabtanka ku aaddan gudashada danta guud ee bulshadu leedahay, waxaa sax ah in la adeegsado HALBEEG lagu cabbiro sida: Xilka loo doortay muggiisa iyo hawlaha laga rabay Wixii u qabsoomay Wixii qabsoomi waayay Caqabadaha uu masuulku sheego inay ka hor joogsadeen gudashada shaqadii qabsoomi weyday iyo caddaymaha uu soo bandhigo Taakulada iyo taageerada masuulku ka helay bulshada danleyda ah iyo wixii kale oo muhiim QOF SHAQO/WAAJIB LOO DIRSADAY HADDII UU WAXYAR KA FULIYO KUMA HABBOONA IN LOOGU SACAB TUMO INTA YAR EE U QABSOONTAY EE ABBAARTU WAXAY TAHAY IN UU DADAAL DHEER U GALO INTA BADAN EE U HARSAN BULSHADUNA KU TAAGEERTO DHIIRRI GELIN IYO TALOOYIN TOGAN. Haddii nin ganacsade ahi shaqaalaysiiyo nin uga shaqeeya meherad, toloow shaqaaluhu ma wuxuu sheegsheegaa shaqadiisa maalinlaha ah ee loo dirsaday ee weliba magdhaw lacageed lagu siiyey? Maya ayay ila tahay. GUNAANAD IYO TALOOYIN Si adeegaha danta guud shaqadooda ugu qabtaan sida ugu hufan waxaa muhiim ah arrimahaan In marka hore loo dejiyo halbeegyo loogu kala doorto tartamayaasha mudnaanta xilka loo dirsanayo dhanka aqooneed, awoodeed ama In La helo habraac caddaynaya awoodaha iyo shaqada laga rabo adeegaha/masuulka. Lifaaqyo caddaynaya heerka ciqaabeed ee masuulku ku mutaysanayo dayaca ama gudasho la’aanta shaqadiisa In la hirgeliyo guddi ama hay’ad awood u leh in ay la xisaabtanto mas’ulka ugu sarreeya adeegayaasha bulshada (madax weynaha) isla markaasna awood fulineed oo madax bannaan la siiyo guddiga/xarunta. In bulshadu (mas’uuliyiinta bulshadu) ku taageeraan gudashada shaqooyinka iyadoo dhiirri gelin, duco, talooyin iyo iskaashi ku kaabaya adeegaha/adeegayaasha. Ilaalinta sharciga u yaal bulshada iyadoo loo simanyahay isla markaasna caddaalad lagu salaynayo shaqaalaysiinta ama fursadaha Filashada bulshadu waa in ay ka gun dheertahay lab la kac iyo sacab tun eek u salaysantahay qiimayn dhab ah ee masuulka lagu qiimaynayo gudashada adeegyadii loo dirsaday iyo ballan qaadkiisa. Qoraalkaan waxaa igu kallifay in aan bidhaamiyo ahmiyadda ay leedahay in ruux waliba xoogga saaro gudashada xilka uu bulshada u hayo isla markaasna la isku taageero taabba-gelinta hor-marka bulshada soomaaliyeed si turxaan la’aan iyo xanaf yari lehna la isu saxo ee aan lagu wiirsan qofkii wax ka khaldamaan sidoo kalena aan si indho la’aan ah eex loogu taageerin ruux dhalliil leh. Dhalliil kasta oo cilmiyaysan isla markaasna ka maran xanaf iyo ceebaal oo ku qotonta gaabiska uu la yimid adeegaha la dhalliilayo, waxay kobcin kartaa hanka bulshadu iyo filashada bulshada. Qore: Ismail Abdullahi Elmi The post Lahaansho mise libin raadin – Maqaal appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamul Goboleedka Jubaland ayaa soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay Golaha aqalka sare ee ahaa isku daygooda ay ku doonayaan in xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada. Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubaland, Xirsi Jaamac ayaa sheegay in Golaha aqalka sare ay dadaaleen laakiin sida uu sheegay laga tagay qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay cadaaladda,in dowladda dhexe ay fuliso wixii horay loogu heshiiyay iyo qodobo kale. Xirsi Jaamac ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada ay dhawaan War-safaxaafadeed ka soo saari doonaan Qodobada ay soo saareen aqalka sare ee ay kaga hadleen khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada. Golaha aqalka sare ee dalka ayaa shalay soo saaray qodobo ka kooban 8, oo ay ku sheegeen in ay yihiin tabashada dowlad Goboleedyada. Guddoomiyihii Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada waxaa uu ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkaas iska casilay,waxaa ku xigeen u ah Madaxweynaha Galmudug oo la filayo in War-saxaafadeedkaasi uu ka soo boxo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Xildhibaan Mahad Salaad, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad isaga ku eedeeyey in Cawad uu si ula kac ah u baalmaray sharciga kulankii Golaha Shacabka ku yeeshay 24 bishaan xarunta Golaha Shacabka, wuxuuna dalbaday in tillaabo sharci ah laga qaado. Mudane Mahad Salaad waxaa uu sheegay in guddiga joogtada aanu shirin mudo afar asbuuc ah, guddoonkana uu go’aan ka gaaro ajendaha, sidaa darteedna gudoomiye ku xigeenka labaad isaga uu marooqsaday awoodii golaha shacabka taas oo meel ka dhac ku ah xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo waajibaadka shaqo ee gudiyadu u idmanyihiin. Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu difaacay qoraalka guddiga maaliyadda isaga oo sheegay qoraaladii gudiga kasoo baxay uu saxiixay gudoomiyaha gudiga, sifo sharci ahna loogu soo gudbiyay guddoonka golaha, looguna soo daray ajandaha golaha, isla markaana faqrooyinka Gudoomiye ku xigeenka labaad soo daliishaday ee ku xusan qodobkaan ee ku jirtay hadal jeedintiisii lama xariiraan arimaha maaliyadeed ee si cad sharcigu u qeexay ee waa arimo uu ka lahaa dano siyaasadeed oo ujeedadeedu ahayd in meesha looga saaro warbixintii guddiga maaliyada. Mr. Salaad waxaa uu aflagaado ku tilmaamay hadalkii wasiirrada ka jeediyeen gola shacabka “Wasiiradii uu hadalka siiyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha waxay Golaha hortiisa ku aflagaadeen xubnaha gudiga, iyaga oo gudiga ku sifeeyay erayo anshaxxumo ah, gefna ku ah sharafta iyo xasaanada Xildhibaanada. Iyaga oo iska indho tiraya cadeymaha iyo dokumentiyada guddiga maaliyadu hayo ee cadeynaya musuqmaasuq baahsan, ku tumasho sharciyada maamulka maaliyada dalka, ku xadgudub qaraaraadkii Golaha Shacabka iyo naasnuujin ka dhex jirta hay’adaha dowlada qaarkood oo ay ugu horeyso wasaarada maaliyada sida Hantidhowrka Qaranka soo cadeeyay kuna cad warbixinta gudiga maaliyada”. Ugu dambeyntii, Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu dalbaday in Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad tallaabo sharci ah laga qaado, uu raalli-gelin ka bixiyo hab-dhaqankiisa, sida uu uga tuntay xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo siyaasadeeynta shaqooyinka la xisaabtan iyo kor-joogtayn ee Gudiyada Golaha Shacabku u xilsaaranyihiin. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka: Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan oo soo gaaray taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ugu sareeya Gen Thomas D. Waldhauser iyo saraakiil kale. Taliyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsan safaaradda. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in taliyaha uu u yimid magaalada Muqdisho sidii uu ula kulmi lahaa madaxda kala duwan ee dalka, isaga oo kala hadlayo howgalka Mareykanka uu ka wado Soomaaliya. Taliyaha ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirto Al Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya laga taageerayo wax uu ugu magaca daray D3s oo ah Difaaca, Diblomaasiyadda iyo Horumarka. Taliska uu Hogaamiyo Gen Thomas D. Waldhauser ayaa duqeymo badan todobaadkaan ka geystay gobolka Mudug, waxaana ay sheegeen inay ku dileen duqeymihii ugu dambeeyay inka badan 40 dagaalyahan. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. 25 bishan November Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose xamar ama Muqdisho city oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo ah ka mid aheyd kooxaha ugu weyn kubbadda cagta dalka sanadihii lasoo dhaafay hanatay ku guulaystay koobka kubbadda laga dhigay gudaha. Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxda dowlada hoose xamar ayaa sanadihii lasoo dhaafay madaxdii soo martay maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in dib loo howl geliyo kooxda caasimada,iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin ay si dhaw ula shaqeyndoonaan maamulka,ciyaartooyda iyo tababarayaasha. Gudoomiyahay Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa bogaadiyay dadkii ka shaqeeyay arintan,isagoo dhanka kale balanqaaday in ay garab istaagidoonaan laacibitiinta iyo macalimiinta ku dheelay sharafka caasimada Muqdisho “Waa Alla mahadii waqti dheer ka dib in aan dib usoo celino kooxdii Dowlada Hoose Ee Muqdisho Waxaan diyaar u nahay garab istaagida dhalinyarada ku ciyaaraysa magaca Caasimada””waxaa sidaas Goobjoog u sheegtay gudoomiye ku xigeynka arimaha bushada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jaketti. Isku soo wada duub Kooxda dowlada hoose ee Muqdishio ayaa horay u qaaday 3-jeer oo horyaal ah,2-jeer oo koobka jeneraal daa’uud,halka intii u dhaxaysay 1986-187 ay magac ahaan ku matashay xulka qaranka da’yarta kubbadda cagta Halkan Ka Daawo Waraysi Gaar Ah Oo Ay Basmo Caamir Siisay Goobjoog Sport W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com