Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,025
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Taliska Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Dagaalyahannada Al Shabaab. AMISOM ayaa beenisay in Askar ka tirsan Ciidamadeeda lagu dilay dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka Shalanbood ee gobolkaasi. Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in Al Shabaab ay soo weerareen fariisimahooda, islamarkaana ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigeen. Waxaana ay AMISOM intaasi ay ku dartay in wax khasaare ah uusan weerarkaasi ka soo gaarin Ciidamadeeda. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Al Shabaab ay sheegteen in 2 ka tirsanaa Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ay ku dileen weerarkaasi. The post AMISOM Oo war ka soo saartay weerar ka dhacay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Hoosaadka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ku xusan in golaha uu dhisayo guddiyada(ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa. Qodobkaas sida ku xusan, guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu leeyahay soo-jeedin, laakin dhisidda iyo baab’inta intaba waxaa leh aqalka golaha shacabka. Mar haddii isla qodobkaas lagu sheegay in golaha ay guddiga uun dhisayaan, isla markaana aaney shaqo ku laheyn madaxda guddiyada, qodob 58aad ee isla Xeer Hoosaadka waxaa uu ka sheekeynayaa sida ay tahay in guddiyada ay guddoon u yeeshaan, qaabka doorashada iyo sida warbixinnada u gudbiyaan. Qodobka 57aad waxaa uu xusayaa shaqada guddiyada oo ay ku jiraan: In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado, In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso. In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada, In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso iyo In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobadaas Xeer Hoosaadka Oo Faah-faahsan: Qodobka 56-aad: Xeerarka Guud Hannaanka sharciyeed ee Golaha Shacabka waxaa uu saameeyaa guddiyada si la mid ah sida uu Golaha Shacabka u saameeyo. Golaha Shacabku waxaa uu dhisaa oo ogoolaanayaa guddiyo (ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa. Guddigu waxaa uu arrin khaas ah oo leh waqti cayiman aawadeed ugu soo darsan karaa xubnihiisa qof aan horey uga mid ahayn guddiga, kadib marka xubnaha guddigu arrintaas isla aqbalaan. Xubinta lagu soo daray guddiga waay ka qeyb gali kartaa fadhiyada guddiga lakiin malaha xuquuqda cod bixinta ee arimaha uu guddigu go,aanada ka gaarayo. Marka ay jiraan duruufo, guddiyadu waxaa ay isla isticmaali karaan qalabka iyo adeegyada kale ee la heli karo. Guddomiyaha Golaha Shacabku, asagoo la tashanaya ku xigeenadiisia, waxa uu magacaabaa guddiyo u xilsaaran in ay qabtaan howlo gaar ah, warbixintoodana u soo gudbiya Guddoonka Golaha Shacabka , si loo horgeeyo Golaha Shacabka. Haddii hal shaqo ay ka wada dhaxayso dhowr guddi, guddiga arrinka masuulka ka ah iyo guddiyada hawshu kala dhaxayso waa inaay isku waafaqaan waqti xaddidan oo ku haboon gudbinta aragtiyadooda. Haddii ayna gaarin waqti xaddidan waxaa waqtiga go,aaminaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka, asaga Guddoonka sidaas ku wargalinaya. Qodobka 57-aad: Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka, marka lagu daro shaqooyinka ayaga u khaaska ah ee xeer-hoosaadkani farayo, waxay ahaanayaan sida soo socota. a) In ay fuliyaan shaqo kasta oo uu Golaha Shacabka u xilsaaro, b) In ay baaraan, ka doodaan,talana ka soo bixiyaan sharciyada qabyada ah ee la hor keeno Golaha Shacabka c) In ay keenaan sharci kasta oo qabyo ah ama qaraaro qabyo ah oo ku saabsan waxyabaha ay shaqadoodu tahay, marka laga reebo hindise sharciyeed la xiriira miisaaniyadda sanadlaha iyadoo ay isku raaceen ugu yaraan10 xubnood ee Guddiga d) In ay Golaha Shacabka u soo jeediyaan sharciyo qabyo ah (hidiso sharciyeed) oo ay tahay in xukuumada loo faro in ay kafaalo qaado. e) In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado. f) In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso. g) In ay ka talo bixiyaan ama ay cadeeyaan arrimaha Golaha Shacabka u soo gudbiyo. h) In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada. i) In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso. j) In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray. k) In ay bilaabaan baaritaan la xiriira shaqada guddi kasta u xilsaaran yahay l) In ay sameeyaan cilmi baaris ku saabsan shaqada guddi kasta u xilsaaranyahay m) In ay sameeyaan dadaal kasta oo ay kula falgelayaan kuna kasbanayaan bulshada rayidka ah, n) In ay Golaha Shacabka ku wargaliyaan shaqooyinkooda. Qodobka 58-aad: Guddoonka Guddiyada Guddi kasta ee Golaha Shacabka waa inuu yeeshaa Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn oo ah hogaanka guddigaa. Xubin kasta oo ka mid ah guddoonka guddiga waa in laga dhex doortaa xubnaha gudiga dhexdooda laguna doortaa cod aqlabiyad ah oo ka yimid xubnaha guddiga. Gudoomiyaha guddiga ayaa saxiixaya go’aanada guddiga. Hadii Gudoomiyaha maqanyahay waxaa shaqadiisa qabanaya gudoomiye ku xigeenka, hadii labadooda maqanyihiin waxaa howshaoda qabanaya xoghayaha guddiga, hadii isana maqanyahay, Guddigu qof ayay iska dooranayaan oo sii wada howsha Guddiga. Waxaana la ogaysiinayaa Gudoomiyaha Guddiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Taliska Ciidanka Booliska maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in ay heleen Xog dheeraad ah oo ku aadan weerarkii 26 kii bishan lagu qaaday xarun uu magaalada Gaalkacyo ku lahaa Sheekh Cabdiweli Cali Climi Yare. Taliye ku xigeenka Booliska maamulkaasi Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ay ogaadeen Gurigii laga soo abaabulay weerarkaasi. Waxaana uu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan arrintaasi. Isniintii la soo dhaafay ee todobaadkan ayey aheyd markii weerar ku bilowday qaraxyo Al Shabaab ay ku qaadeen K/ magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. The post Galmudug Oo shaacisay xog ku aadan Weerarkii Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
  4. For the past weeks, I have been hearing the word “CORRUPTION” coming from Mogadishu, Somalia. two prominent authors come to my mind, Joseph Serio, who wrote the book about “Investigating the Russian Mafia: An Introduction for Students, Law Enforcement, and International Business” and Roberto Saviano wrote the “Gomorrah”. Roberto and Serio had different experiences of what has been going on in their respective countries. Both didn’t know what was going on until they investigate more about the real problems. Roberto from Italy, particularly Naples see his city controlled by Mafia without the knowledge of the rest; while Serio from Russia could not get any one with knowledge about whether there is mafia in Russia, as most of the responses he got was “there is no mafia in Russia, but the Mafia is in Italy”. During my research years, I had the privilege of writing about this mafias. The connection I would like to make is that Somalia was colonized by Italy and later have close relations with Russia as Somalia was partly a USSR ally and somewhat socialist state. did Somalia learn anything from those countries? is there a corruption or mafia groups in Somalia? Mafia in Russia The first issue to know about Mafia in Russia was difficulty in studying or understanding about mafia in that region. Problems in terminology, it was hard for many to know the right definitions or meaning of mafia. During the soviet period, organized crime in Russia started as long as the time of the imperial Tsars and had been practicing until the Soviet era that “thieves-in-law” arose as heads of prison groups in gulags (Soviet prison labor camps), and their honor code became more defined. after Joseph Stalin’ death, followed by the fall of the Soviet Union, more gangs emerged in a prosperous black market, exploiting the unstable governments of the former Republics, and at its highest point, even controlling as much of Russian economy. There are no outside gangs but the top officials who enrich themselves from the wealthy of the citizens run everything now. They become the wealthiest oligarchs. The police firmly state to anyone asks them whether Russian Mafia exists “there is no Russian Mafia” basically saying mafia is in Italy not in Russia (9). This has started late 60’s on the Brezhnev regime famously known for corrupt bureaucracy as the people become dissatisfied. During this time “the word Mafia was conveyed an idea of access rather traditional criminal organizations and their structures and activities”. the stores owned by soviets were controlled by managers and clerks they take everything they want to sell or exchange without consent. It was state owned property, so no one had really cared”. when goods are in shortage only friends and family will be served, if you don’t know anyone in the area you have to bribe otherwise you will not get that goods. Restaurants pretend to be closed while they are open, and only who gave them bribe will be allowed to enter. (12,13). The whole environment was almost based on corruption. After late 80’s up to 90’s crime groups become apparent Mafia as the media now freely reports about the Mafia in Russia. The state as the mafia: The communist party was operating like mafia style such as corruption, bribery. A system that ordinary person cannot do anything because those in power are strong. Serio’s view during his stay in Russia that there was mafia presence and influence in every sector of Russia both private and public. He came across to a man reporting that one of the mafia boss attending ministerial meetings. But there are difficulties in dealing or publicly denouncing the mafia. The journalists had difficulty in investigating the Russian mafia because of the continuous change “a criminal yesterday was a businessman today. What was illegal yesterday is legal today”. (61) The existence of these Russian mafia is benefited the Russian government officials. The media also benefits in getting good stories to attract more viewers. The Russian law enforcement will get more funds. The number of organized groups in Russia were uncountable. A good example is “in 1987 police uncovered 12,000 criminal groups that displayed ‘signs of organization”. Also, later in 1992, almost 3 million people were reported to be part of that groups (86, 91,92). Other problems encountered during their investigations were so many such as the statistics unreliable fake and misleading because reports come from the corrupted store managers, so what do you expect from them. Most of the activities of these criminals were going after the money by any means, whether it’s gambling, prison gangs, making fake documents, drugs. Students and tailors go into the gambling business and started making a lot of money. activities related to the organized criminals has impacted every sector, every business and every position. stealing of such thing become widespread and common to enrich themselves. It has been agreed later that there were thousands of organized groups both in Soviet Union and post-soviet Russia. “those collection of three or more people engaged in criminal activity with some degree of organization and planning” (213). It was traced back to the communist regime of the USSR. In the private sector, the successful capitalists are the oligarchs that have control of industries thus make them billions of dollars every year, which they use to corrupt politicians and public services for their own gain. The criminal underworld has its fingers throughout the political and economic world of Russia and use this to their advantage every chance they can. Corruption and bribery dominates all. With these the average Russian stands small chance at success. No one can compete or try to win from them. Italy: The Commorah – Gomorrah is a book written by Roberto Saviano on his direct account on what has devastated his city of Naples in Italy, the most ruthless rulers with the most organized crimes whose networks operate internationally. Gomorrah is the name used to Mafia based in Naples………….. In politics, they pay everything to the state, have a lot of control in the area. they change government, control politicians, buyoff politicians. Determine who is to be elected to the office so politicians need them. They cannot be elected without them. Saviano’s devastating account of his homeland is highly emotional, the mafia uses organized crime to continue their dominance and existence throughout the world. They kill the small business and create an environment that no one can compete with them. They enslave people especially immigrants, test drug on people; The whole society are all impacted by the drugs making almost everybody to become drug addict. they corrupt the government officials and kill any one opposes them. is the whole system in Somalia just functions just as the mafia in Russia and Italy? For sure Al-Shabaab fits the number one mafia group very close to Gomorrah. what’s is corruption? we even don’t know. Some would say there is no corruption in Somalia. current administration has zero tolerance to corruption and have arrested some of the government employees for corruption. Recently some officers were found to be getting double salary (It’s very common to some states to prosecute low level employees found of corruption; If you steal millions, you are save but if you deal with less than $100 thousand, then you will be in trouble). The Federal Parliament’s Committee on Budget, Finance and Planning recent report that millions of dollars are missing or spent to agencies created/owned by top officials, but when Asked the ministry of in charge said that there is no corruption because IMF and World bank give this administration an A+. to prove further that there is no corruption, those parliamentary committee reported about the corruption and mismanagement of funds is disbanded/dissolved, so no worries about any future report about any misuse of funds or corruption. It needs to be thoroughly investigated whether there is corruption in Somalia, whether there are mafia groups that operates in Somalia, and how many mafia groups? do you think there may be no less than 20,000 mafia groups in Somalia? because everything is corrupted, you cannot know whether there is corruption just the way Joseph Serio could not get a real answer from Russian’s whether there is Mafia in Russia. Solutions: Let the whole budget be divided to all people in Somalia. budget 2019 – $340,060149 divide by 15 million Somalis become 2.2 thousand dollars per year to somali citizens in the region. In this way no one will complain about corruption. Privatize the government – for example let a private company owns and builds the police, another company on military, another company on Courts and so one, in this way there will be no one complaining about “didn’t receive salary last month”. Prove private companies in Somalia (like hormud) employees, agendas, policies, revenue are well developed and managed. Sell the country to highest bidder and distribute the money to citizens in this way no complains of corruption, power, 4.5, and so on will not be heard again; everyone will become reach and live freely anywhere. May God save Somalia. By: Mahad Wayax Mahadhassan045@gmail.com DISCLAIMER! The views and opinions expressed here are those of the authors and do not necessarily reflect the editorial position of Caasimada Online.
  5. Qofku inkastuu is yeel-yeelo, oo is yidhaaho shaadh kale u soo gasho ummadda, sidda jirji-roolaha kolba midab isu yeel, yaan lagaa garan, oo wax aanad ahayn iska dhig, weji kii aad lahayn ka duwan la soo bax, oo sumcad beena samayso, si kaste oo uu is yidhaaho booga-haaga qari iyo waxa aad tahay yaan la ogaane, dafiro sawirka shakhsinima-diisu ay tilmaamayso ama dambabas oo go’ kale huwo aan lagugu aqoonin, in yar bay taasi u shaqaysaa mudo kooban ah, aakhirka-se way soo gabtaa, oo xagga samadda baa rabbi ka kashifaa, waxana uu hoos yimaadaa cadceedda oo duhur ah, isaga oo qaawan iskana xayday maraddii, banaan taagan buu is arkaa, wixii uu is lahaa ded-na, uu af-kiisu hayn kari waayey, sheegaayana ceeb-tiisa. ilayn qofka dib loo abuuri-maayo’e, iyadda oo aan meel kale looga iman, cid sheegtay-na aanay jirin buu is qarxiyaa isaga laf-tiisu, sidda askarigan la yidhaaho ” Raggii Ma Adigaa Ka Hadhay” wax uu galgasho-ba, hadba ciiro aan qarinayn uu is yidhaaho dhgex qaad-ba, wuxu ku dambeeyaa sheekaddii ahayd ” Daahir Yaa Shamis”, iyadaana is shaacisa, oo is faafisa, meel walbana sidda tv-yadda iyo idaacaddii BBc-da iska sii daysa, waxa ahdaba. Nimaan taqaano uur-kiisa baad ku jirtaa baa hore loo yidhiye, haduu askarigii uu si wacan isugu sii dhamooqay waqdiisii, bal daya wuxu maantana la yimi, si kaste oo wax loogu sheego, isma doorsho dhagax. Ilaah ha u naxariisto’e Ismaaciil cagaf baa waxa ka mid ah baydadka ku jira heesi-hiisa qaraamiga ah baa wuxu yidhi ” Dhirtoo I maqashaan I dhaafteen, oo dhagaxay damqan-laa dhadhaabka ah” u jeedadu waxa weeye, dhegihii ilaah waaniyaa waansan, ee kani waa dameer sayax daaqay iyo kibirkii dherga ee uu la danaaniyi jirey. bal daya wuxu yidhi, idin-ba waad yaabi doon-taane. Wuxu saxeexay, oo uu dib ugu celiyey golaha xildhi-dhibaanada, inta badanina ay ka soo jeedo xafadaha la baxay jeegaanta, ee khaladka isu bahaystay ugu sacab tumayaan ankaaka ku fadhina kursiga. bal maskaxdan eega ummad yahay, wuxu yidhi isaga oo u sii meel banaysa-naaya, in dadka la iska laayo “Haddii uu Askari dilo ruux shicib ah, Ma la maxakama-daynaayo, loona xidhi-maayo, magna laga bixin-maayo” taas oo micna-heedu yahay, wixiisii xilka lahaa, wixii juuq yidhaaha, rasaas ha lagu furo, geeri iyo mag la’aan, waa muwaadi-niinta ha la laayo oo sideedda ah, oo waxa uu maleeshi-yaadkii jeegaanta u fasaxay, in ay laayaan wixii aan jeegaanta ahayn, caqliga askarigu waa kaas, ka ay noogu sheegaan maamul buu hayaa. mase iman doonto ee dhuunta baa la iska mudi, ee ha timaado, . waa loo mina fadhiyaaye. Aqoonta handaraab qof-na kama dedna, in uu is bartaa baa wanaagsan, inta aanu ciyaalku ogaan, oo uu is banbaaniyo, sidda tooska ahna uu u dhqamo ama u socdo, waayo isagaa isi soo xidhaya, oo garkii lagu xidhaayey xagli-hiisa ku sita, siddii doqntii la yidhi, hogaanka lagu dabaayo iyadad baa soo qaadata, kanina akhristaw isaga baa isku kala goynaaya qoofal laba qufule ah, hadhawna bacaac la soo jeesanaaya marka runta lagu qarxiyo,oo sidiisii odhan doona war-baahinta baa wax la iga yidhaaha, oo la iga caayaa. Somalidu hore waxay u tidhi ” Bahal Caydhin ma daayo, nina caadi ma baajo’e”, askarigu waa kii aynu naqaanay uun, maalin-ba waxa uu keenaa tii hore bay fadhiiso odhanay-saa, kuwa hor booda-yaana runta uma sheegaan, oo waa kuwii la yidhi ” Duqsigu dant-iisuu wisikh-da ugu jiraa,oo dantoodda bay ku wataan, ay inta musha-haaradda ah iyo dhaca hantidda muwaadi-niinta boobka lagu xaalufi-naayo. waa murtiddii ahayd “Adhi Jiri ma kala abaal waydo ama tuug-tuug ma sheego” Waxan ku soo dabray qoraalkan, waa inoo markaa iyo waaya-heedda. kani isga ba aisi soo handaraa-baayee. N.B Nimaad Taqaano Uur-kiisa Baad Ku Jirtaa! Qore Abdi-Shotaly abdijahmed2014@hotmail.com Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxa uu eedaymo u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Kenya ayaa maanta lagu soo warramayaa in ay howlgallo ka wadaan xadka Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka socdaan agagaarka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaano dhowr ah oo dhaca xadka labada dal. Ciidamada ayaa baaraya Dadka iyo Gaadiidka isaga kala gooshaya xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. U jeedka howlgalladan lama oga, hase’ahaatee Ciidanka ayaa gacanta kud higay tiro dad ah oo ay ka shakiyeen. Maalmihii dambe Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa sare u qaaday weeraro ay ku fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. The post Ciidamada Kenya Oo howlgallo ka wada xadka Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga dowladda Puntland ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan ku saabsan dowrka haweenka iyo siyaasada Puntland. kulanka ayaa waxaa ka soo [...] Source
  9. May ahayn wax lala yaabo hadalkii dhawaan uu jeediyey taliye ku xigeenka ciidanka difaaca Itoobiya oo ahaa in dalka Itoobiya yahay wadan weyn islamarkaana leh ciidamada ugu xooga badan Afrika, sidaas darteedna Ra’isal wasaare Abiy waxaa uu keeney qorshe lagu dhiso ciidamada Badda dalkaan. ” Anagoo og in dalka Itoobiya aanu laheyn Badd, laakiin waxaan aad ugu dhownahay baddda Cas iyo Badweynta Hindiya. Hadda waxaan markhaati ka nahay in dalal badan muujinayaan rabitaankooda inay ciidamo badeed ka dhisaan Somalia sida Jabuuti, Eritrea iyo Puntland, marka anaga maxaa diidaya anagoo 60KM u jirna badaha Soomaaliya.”Janaraal Burhanu wuxuu ugu dambayantii sheegay. “Hogaanka Raysalwasaare Abiya Axmed waxa uu leeyahay aragti fog oo ah in la dhiso ciidamo badeed oo xoog badan kuwasoo ku hubeysan qalabka casriga ah.” Hasayeeshee damaca badd-doonka Itoobiya wuxuu ii xoogaystay markii uu maamuulkii Tigreegu ogolaaday in dalka Erateraya noqdo dal ka madaxbannaan Itoobiya inteed kale sannadkii 1993. Boqorradii Tigree ee Itoobiya xukumi jiray waxa ugu dambeeyey Boqor Teodoros oo sannadkii 1863-kii is-diley, waxaa xilkii kala wareegay Boqor Yohannes 4-aad oo dhintay sannadkii 1889. Geeridii Yohannes waxa ay soo afjartay boqortooyadii guunka ahayd ee (Axum Empire) ee soo taxnayd illaa qarnigii Caamul-fiil, wixii wakhtigaasi ka dambeeyey waxa la wareegay Boqor Mililik oo Axmaaro ahaa. Haddii aynu dib ugu noqono qoraalkeennii hore, waa taariikh soo jireen ah damaca ay Itoobiya ku doonayso dhul iyo xeeb ay Soomaalidu leedahay, marka la isku geeyo hadalkaa sare ee taliyaha iyo hadalkii ay hore u tidhi Kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ee Afrika Janday Frazer oo ahayd habar aaminsan diinta Restafeeriyaanka iyo inuu shaydaan Bob Marley yahay nebi madow ayaa tidhi” in Itoobiya oo boqol Miylan ahi ay badd la’aan noqoto, xeebihii Geeska Afrikana ay dadyow tiro yari haystaan macquul maaha”. Wixii ka dambeeyey sannadkii 1869-kii ee la furay biyo-mareenka “ Suweys Kanal” waxa sii kordhay mihiimadda ay xeebaha Soomaalidu leeyihiin. Waxa taasi iyana dhinac socotay damaca Itoobiya ee helitaanka dhul iyo bad ay Soomaali leedahay. Markii ay reer Yurub qabsadeen Afrika ee ay Boqortooyadii Itoobiya ku hungowday in qaybsiga laga talogeliyo ayuu Boqor Mililik u qoray reer Yurub waraaq caan ahayd oo ku leeyahay “ haddii Yurub ay qaybsatay afrika aniguna noqon mayno daawade, gacmaha ka laabta”.Hanjabadaasi wuu kaga dhabeeyey waa kii qacdii horeba qabsaday Harar illaa Iimey oo Soomaalidu lahayd. Maamuladii Boqortooyada Itoobiya ka soo talin jiray dhammaantood waxa ay ka sinaayeen in Soomaalidu ay ahaayeen kuwa ka tirsan Boqortooyadooda oo aanay weligood maamul yeelan. Buugga “Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya iyo Males Zanawi oo siyaasaddii Soomaaliya si buuxda gacanta ugu dhigay. Wakhtigan aynu joognana Raysal wasaaraha cusub ee Abiya Axmed wuxuu wataa hinse qaab is-dhexgal ah ay Itoobiya si nabadgeliyo ah ay Soomaalida u liqdo. Hindisihiisa waxa saldhig u ah kelma af-gobaadsi ah “ waa in la iska iloobo colaadihii hore uga dhexayn jiray Itoobiyaanka iyo Soomaalida”. Waana siyaasaddii boqorrada oo qaab qabow loo dhigay. Markii uu ka soo laabtay safarkiisii koowaad ee Muqdisho ku tago wuxuu yidhi “ In labada ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay isku noqonayaan hal dal oo leh hal madaxweyne. Wuxuu sheegay in xeebtaa dheere ee Soomaaliya aanu hal marab taagnayn”. Isna waynu eegi waxa ay taariikhda Itoobiya ku xusto. Damaca dal-doonista Boqorrada Itoobiya wuu sii kala darnaa, oo qaarkood way diidanaayeen gebi ahaanba jiritaanka dhulka Soomaalida geeska afrika. Bal hadda hadalkan dhugo “Rennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi “dhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahay”? Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay lo’da u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. “Somalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters. And there is not a Muslim country, as everyone knows”. Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi. Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa ‘French Somali Coast’ waxa loo beddelay ‘Afar and Issa Territory’. Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayey” Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshay”. Tan iyo xilligii Xayle Selaasi Boqorka ahaa, waxa Itoobiya doorbidaysay in ay Saylac dakad ka sameysato. Waxa mashruucaasi sii xoogaystay xilligii Mangistu Xayle Maryam oo daraasad ballaadhan oo ku aaddan dhinaca dhismaha, jidka Saylac iyo Dirdhabe iyo kharashka ku baxaya dhammaystiray. Arrinta Saylac waxa si farsamaysan wax uga qoray John Spencer oo la taliye u ahaa Xayle Selaasi. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@hotmail.com Tixraacyo: Hadimadii Gumeysiga……………….C/qadir Aroma ‘AHN’ Taangiga Tigreega…………………….C/qadir Aroma ‘AHN’ The Ethiopian Intervention………. Dr. C/weli Dahir Qorane Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Muuse Biixi Oo Diiday Inay Canshuurta Ku Qaado Shillinka Somaliland, Dollarna Dalbatay Iyo Bulshada Oo Ka Cabanaysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in imaanshaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo dibadda ugu maqan howlo u gaar ah aanay waxba ka bedeli doonin kala diridii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudeey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda iyo Miisaniyadda. Qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku tiri” “Imaanshaha Guddoomiye Mursal waxba kama bedeli karto qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey” Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadalo ka soo yeeray qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasoo sheegaya in Guddoomiye Mursal uu ka soo horjeedo kala dirida Guddiga Maaliyadda. Inkastoo la sheegay inay sharci darro tahay kala dirida uu Guddoomiye C/weli Muudey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda, hadana waxaa la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Guddoomiye Mursal oo qudhiisa lagu xagliyo inuu u janjeero dhanka Xukuumadda oo la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeysay. qorshaha lagu kala diray Guddiga Maaliyadda. Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa lagu kala diray Guddiga, iyadoo guddigu sheegay inuu soo dhisi doono Guddi cusub Tallaabadan ayaa ka dhigan in dhammaan xubnihii Guddigaas oo u badnaa Mucaaradka in la kala diray, taasoo muujineysa inay sabab u tahay saameynti iyo doodii ka dhalatay warbixintii Guddiga Maaliyadda ka soo saareen musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka. Wararka qaar ayaa sheegaya in kala dirista Guddigan ay Xukuumadda gadaal ka riixeysay, kaddib markii ay kala kulantay Guddiga Maaliyadda cadaadis. Waa markii u horeysay ee Guddoonka Golaha shacabka kala diro Guddi ka mid ah Golaha oo u xilsaaran la xisaabtanka hey’adaha dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) ayaa magacaabay Hanti Dhowraha guud ee maamulkaasi, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Digreetadan oo ku taariikheysney d 27 November oo shalay ku beegneyd ayaa waxaa Hanti Dhowraha Jubbaland loogu magacaabay Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Axmed Madoobe Oo magacaabay Hanti Dhowraha Jubbaland appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Jigjiga ( Sh. M. Network )-Wafdi ka kooban 20 xubnood oo ka socda hoggaanka sare ee ONLF ayaa Sabtida soo socota oo ku began 1-da December ku wajahan dalka Ethiopia. Xubnahani ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha ONLF Maxamed Cumar, sida uu sheegay Afhayeenka Jabhaddaasi. Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xilli todobaadkii la soo dhaafay ay Ciidamada ONLF ku laabteen magaalada Jigjiga, iyagoo ka soo guuray xeryahooda dalka Eritrea. ONLF iyo dowladda Ethiopia ayaa Asmra bishii la soo dhaafay ku saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay labada dhinac. Heshiiskan ayaa u ogolaanaya ONLF in ay si nabad ah ku raadsato hankeeda siyaasadeed ee Ethiopia, iyadoona Ciidankeeda lagu biirinayo kuwa dalkaasi. Dhawaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa wadahadal la furay xisbiyada siyaasadeed ee Ethiopia, kuwaas oo uu kala tashanayo doorashada dalkaasi ee 2020-ka. The post Wafdi ka socda Jabhadda ONLF Oo booqanaya dalka Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid saraakiisha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa waxa si adag uga hadlay dib u dhac ku yimaada golleyaasha wakiillada iyo deegaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Ciidanka Galmudug ayaa xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo ku qabtay rag lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen dilkii wadaadkii Suufiga ahaa ee Cabdiweli Cilmi Yare [...] Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Shacabka magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay arigtidooda ka dhiibteen dib u dhaca doorashada ee golayaasha wakiilada iyo deeganka waxaana ay shacabka qaarkood sheegen in golayaasha wakiiladu oo sharci dajintii dalka ah ay iyagu muddo badan sharci daro meesha ku fadhiyaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo iyo doodo ayaa ka yimid sharciyadda uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey uu ku kala diray Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa cuskanaya qodobo sharciyeed, taasoo ah in Guddoonka aanu awood u laheyn inuu kala diro Guddi ka mid ah Golaha Shacabka. Xubnaha Guddiyada Golaha Shacabka waxaa soo jeediya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo la tashanaya kuxigeenadiisa kadibna waxaa ogollaada Golaha Shacabka sida ku cad Qodobka 56aad, Faqradiisa 2aad ee Xee rhoosaadka Golaha Shacabka. Sida lagu magacaabay oo kale, waxaa guddiga lagu kala diri karaa marka uu Guddoomiyaha soo jeediyo, Golahana uu aqbalo. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka, horayna u soo noqday Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaankii KMG ayaa sheegay in haddii go’aan la gaarayo ay tahay midka Golaha uu gaaro. “Haddii go’aan ama qaraar la gaari karo waa midka Golaha uu gaaro, go’aan uu Gole shacab gaaro ayaa lagu kala diri karaa, Guddi ha noqdo ama Guddoomiye ha noqdo, go’aan gaaris arrinteeda la hal maasha waxaa is ka leh Golaha Shacabka, asiga ayaa awood u siinaya cid kasta ha noqotee”ayuu yiri Maxamed Cumar Dhalxa. C/weli Muudey ayaa sheegay inuu Guddiga kala diray, kaddib markii uu la tashtay Guddoomiye kuxigeenka labaad, isla markaana uu Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda soo kala dhex galay khilaaf. Go’aanka kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa sabab u ah, kaddib markii Guddiga dhowaan soo bandhigay warbixin lagu sheegay in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda, isla markaana ay laanta Fulinta sameysay wax is daba marin iyo lacago la lunsatay. Dadka odorasa arrimahan oo kale ayaa sheegaya in khilaafka Baarlamaanka dhexdiisa uu sababi karo in mar kale Golaha noqdo mid qalalaaso siyaasadeed, kaasoo saameyn ku yeesha kulamadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxaa uu si adag uga Hadley dib u dhaca doorashooyinka Somaliland ee ay shalay ku dhawaaqeen kominshanka doorashooyinku. Xibsiga UCID waxaa uu dib u dhacaas ku tilmaamay arrin aan la aqbali Karin isla markaana waxaa uu mas’uulyadeeda dusha u saaray xukuumadda iyo madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii ka dambeeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo la soo dhigay bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada amnigu ay qabteen Maskaxdii ka dambeysay weerarkaasi. Sidoo kale taliska NISA ayaa tilmaamay in ninkaasi la horgeyn doono sharciga, si looga qaado tallaabo adag. “Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu ku soo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi, Waxaana la horgayn doonaa sharciga”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda NISA. Sagaalkii bishan November ayey aheyd markii weeraro qaraxyo ahaa lagu qaaday dhismaha Hotel Saxafi, kaas oo ay ku dhinteen dad Rayid ah oo aan waxba galabsan. Al Shabaab oo dagaal kula jira Ciidamada dowladda kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi. The post Ninkii ka dambeeyay Weerarkii Hotel Saxafi Oo la qabtay appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland UCID iyo WADDANI ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddida doorashooyinka ku eedeeyay dib u dhaca markii shanaad ku yimid doorashada baarlamaanka iyo degaanka. Laba xisbi mucaaarid ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland. Guddoomiyaha kumeel gaadhka ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan aanay aqbali doonin doorasho dambe oo ay qabtaan guddida hadda joogta, haddii kuwa hadda jooga la kala dirana loo baahan yahay in loo sinaado tirada xubnaha guddida cusub. Dhinaca kale, Guddoomiye kuxigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan oo isna warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay shacabka ugu baaqayaan banaanbaxyo, haddii mar dambe muddo kordhin aan laga heshiin loo sameeyo baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka Somaliland. Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in ay dib u dhacday doorashadii baarlamaanka iyo degaanka taasi oo la filaayay in ay qabsoonto bisha march ee sanadka soo socda. Goobjoog News, Somaliland. Source: goobjoog.com
  21. Two herders from Wajir County, who were kidnapped Al-Shabaab militants a week ago, have been released after five days of negotiation between two clans in Somalia. Wajir County commissioner Loyford Kibaara confirmed their release saying the herders arrived safely in Khorof Kharar on Wednesday. The herders were abducted on Thursday after they resisted to pay zakat (a form of Islamic offering) to the militant group. The unknown number of militants, who accused the herders of grazing animals on the Somali border, also took away six camels belonging to the herders. The abduction prompted elders from Degodia-Fai that reside in Wajir to visit the Marehan elders in Somalia to negotiate for the release of the two who were abducted along the Kenyan border while grazing their animals. They managed to secure the release of the victims but were not allowed to take back their camels. Mr Kibaara said the government had stepped up security in border towns including Konton, Riba, Khorof Kharar and Qarsa. “We have deployed security personnel on the border areas to prevent a similar incident,” he said. He called on the residents to be on the lookout and always share information with security agencies so as to fight terrorism in the county that has for many years be a target of Shabaab militants. Thei release of the herders, comes a week after an armed gang kidnapped an Italian, Ms Silvia Romano Constanca, a volunteer with a charity, in Chakama, 60km from the coastal town of Malindi, an area popular with Italian tourists and expatriates. The whereabouts of the 23-year-old remains unknown. The post Al-Shabaab frees two Kenyan herders after negotiations appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-29112018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Xeer Hoosaadka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ku xusan in golaha uu dhisayo guddiyada(ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa. Qodobkaas sida ku xusan, guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu leeyahay soo-jeedin, laakin dhisidda iyo baab’inta intaba waxaa leh aqalka golaha shacabka. Mar haddii isla qodobkaas lagu sheegay in golaha ay guddiga uun dhisayaan, isla markaana aaney shaqo ku laheyn madaxda guddiyada, qodob 58aad ee isla Xeer Hoosaadka waxaa uu ka sheekeynayaa sida ay tahay in guddiyada ay guddoon u yeeshaan, qaabka doorashada iyo sida warbixinnada u gudbiyaan. Qodobka 57aad waxaa uu xusayaa shaqada guddiyada oo ay ku jiraan: In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado, In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso. In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada, In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso iyo In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobadaas Xeer Hoosaadka Oo Faah-faahsan: Qodobka 56-aad: Xeerarka Guud Hannaanka sharciyeed ee Golaha Shacabka waxaa uu saameeyaa guddiyada si la mid ah sida uu Golaha Shacabka u saameeyo. Golaha Shacabku waxaa uu dhisaa oo ogoolaanayaa guddiyo (ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa. Guddigu waxaa uu arrin khaas ah oo leh waqti cayiman aawadeed ugu soo darsan karaa xubnihiisa qof aan horey uga mid ahayn guddiga, kadib marka xubnaha guddigu arrintaas isla aqbalaan. Xubinta lagu soo daray guddiga waay ka qeyb gali kartaa fadhiyada guddiga lakiin malaha xuquuqda cod bixinta ee arimaha uu guddigu go,aanada ka gaarayo. Marka ay jiraan duruufo, guddiyadu waxaa ay isla isticmaali karaan qalabka iyo adeegyada kale ee la heli karo. Guddomiyaha Golaha Shacabku, asagoo la tashanaya ku xigeenadiisia, waxa uu magacaabaa guddiyo u xilsaaran in ay qabtaan howlo gaar ah, warbixintoodana u soo gudbiya Guddoonka Golaha Shacabka , si loo horgeeyo Golaha Shacabka. Haddii hal shaqo ay ka wada dhaxayso dhowr guddi, guddiga arrinka masuulka ka ah iyo guddiyada hawshu kala dhaxayso waa inaay isku waafaqaan waqti xaddidan oo ku haboon gudbinta aragtiyadooda. Haddii ayna gaarin waqti xaddidan waxaa waqtiga go,aaminaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka, asaga Guddoonka sidaas ku wargalinaya. Qodobka 57-aad: Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka, marka lagu daro shaqooyinka ayaga u khaaska ah ee xeer-hoosaadkani farayo, waxay ahaanayaan sida soo socota. a) In ay fuliyaan shaqo kasta oo uu Golaha Shacabka u xilsaaro, b) In ay baaraan, ka doodaan,talana ka soo bixiyaan sharciyada qabyada ah ee la hor keeno Golaha Shacabka c) In ay keenaan sharci kasta oo qabyo ah ama qaraaro qabyo ah oo ku saabsan waxyabaha ay shaqadoodu tahay, marka laga reebo hindise sharciyeed la xiriira miisaaniyadda sanadlaha iyadoo ay isku raaceen ugu yaraan10 xubnood ee Guddiga d) In ay Golaha Shacabka u soo jeediyaan sharciyo qabyo ah (hidiso sharciyeed) oo ay tahay in xukuumada loo faro in ay kafaalo qaado. e) In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado. f) In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso. g) In ay ka talo bixiyaan ama ay cadeeyaan arrimaha Golaha Shacabka u soo gudbiyo. h) In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada. i) In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso. j) In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray. k) In ay bilaabaan baaritaan la xiriira shaqada guddi kasta u xilsaaran yahay l) In ay sameeyaan cilmi baaris ku saabsan shaqada guddi kasta u xilsaaranyahay m) In ay sameeyaan dadaal kasta oo ay kula falgelayaan kuna kasbanayaan bulshada rayidka ah, n) In ay Golaha Shacabka ku wargaliyaan shaqooyinkooda. Qodobka 58-aad: Guddoonka Guddiyada Guddi kasta ee Golaha Shacabka waa inuu yeeshaa Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn oo ah hogaanka guddigaa. Xubin kasta oo ka mid ah guddoonka guddiga waa in laga dhex doortaa xubnaha gudiga dhexdooda laguna doortaa cod aqlabiyad ah oo ka yimid xubnaha guddiga. Gudoomiyaha guddiga ayaa saxiixaya go’aanada guddiga. Hadii Gudoomiyaha maqanyahay waxaa shaqadiisa qabanaya gudoomiye ku xigeenka, hadii labadooda maqanyihiin waxaa howshaoda qabanaya xoghayaha guddiga, hadii isana maqanyahay, Guddigu qof ayay iska dooranayaan oo sii wada howsha Guddiga. Waxaana la ogaysiinayaa Gudoomiyaha Guddiga26. .. Goobjoog News Source: goobjoog.com