-
Content Count
209,039 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo dalkiisa ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa soo jeediyay in taageerada la siiyo ciidamada AMISOM laga wareejiyo. Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayuu soo jeediyay in taageerada AMISOM loo wareejiyo dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya si ay AMISOM amaanka dalka kala wareegaan. Madaxda Caalamka ee taageera Ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda ayuu sheegay in looga baahan yahay inay doorweyn ka ciyaaraan tayeynta ciidamada Soomaaliya, maadaama ladoonayo inay amaanka guud ahaan AMISOM kala wareegaan. Tayeynta hay’adaha ciidamada ayuu sheegay inay tahay halka ugu haboon ee dhaqaalo lagu bixiyo, isaga oo ku taliyay in taageerada AMISOM ee badan loo weeciyo dhismaha ciidamada xooga dalka. Musaveni ayaa hadalkaan shaaciyay kadib kulan uu la qaatay Kaaliyaha cusub ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Bariga Afrika, Ambassador Makila James. Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo si toos ah kaga mid ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo muddo 11 sano ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Is jiijiid dheer kadib tanaasulkii Shariif, xiritaanki Roobow, banaabaxyadii Baydhaba, waxaa gebi ahaanbi lagu kale baxay doorashadi madaxtinimada ee Koonfur-galbeed taasoo muddo dhowr jeer baaqatay, si kastaba ha ahaatee, Cabdicaziz Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ku guuleystay madaxweynaha Koonfur-galbeed. Haddaba aan halkan idinku soo gudbiyo seddex waxyaabood oo aan ka baran karno doorashada Koonfur-Galbeed. 1) – Ninkii xoogaa heysta bay xaajo u toostaa Marka aad u kuurgasho qaababka ay u dhacaan doorashooyinka Soomaaliya, waxaa kuu soo baxaya in kaliya ninkii xoogaa heysta ay xaajadu u toosto, lacagtuna tahay mid wax doorata, si kale hadaan u dhaho, Xildhibaanka wax dooranaya ma ahan mid qadiyad ama hadaf guud ka leh cidda la dooranayo. Taas sababteeda miyaad aqriste I weydiin?! Xaq baad u leedahay, aan jawaabta kuu dedejiyee, Xildhibaanka wax dooranaya laftigiisa ma ahan mid si caddaalad ah lagu soo doortay si uu u kasbado kursigaasna kaash badan baa kaga baxay. Codkiisu wuxuu ugu deeqaa shaqsiga dantiisa gaarka ah fulinaya, isagoon danna ka gelin danta guud ee bulshada uu metelo, wallow ay jiraan qaar wanaagsan laakin sida ay u badanyihiin baan ka hadlay. 2) – Saameynta taageerada Dowladda Sida muuqatay madaxweynaha la doortay ee Cabdicaziz laftagareen waxa uu taageero dhinac kasta leh ka helayay dowladda federaalka Soomaaliya. Kana garo taas dadaalkii ay dowladda ku bixisay doorashada KG. Dhabcan sida la fahmi karo dowladda ayaa u jeedkeedu ahaa inay madaxtimada Koonfur-galbeed kusoo baxo shaqsi ay isku aragti yihiin amaba ay wada shaqeyn karaan. Maadaama maamulkii hore ee Shariif ay kala aragti duwanaayeen. Waxaana muuqanaysa in taageerada dowladda ay saameyn weyn ku yeelan doonta doorashooyinka xiga cidda noqoneysa madaxda maamul goboleedyada. 3) – Dowladda waxa ka go’an inay madaxda maamulada kale meesha ka saarto Kadib khilaaf daba-dheeraaday oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo dib u dhigay hannaanki horay u socodka dowlada, ayaa waxaa hadda muuqanaya in xal lagu kala quustay, dowladdana xusul duub xooggan ugu jirto sir iyo saaq kastaba ha u martee sidii ay gebi ahaanba meesha uga saari laheyd madaxda maamul goboleedyada kale, iyadoo ku dadaaleysa inay keento shaqsiyaad iyada ay isku aragti yihiin. Waxa ay hadda soo afjartay maamuladi Hirshabeelle iyo Koonfur-Galbeed iyadoo hadda u muuqata inay u tafaxeydeynaso sidii ay meesha looga saari lahaa madaxda maamulada Puntland, Jubaland iyo Galmudag oo ay kala hoggaamiyaan Gaas, Madoobe iyo Xaaf, waxeyna howsha u muuqataa faanoole weli fara kama qodna. Dhanka kale, madaxda dowladda federaal ayaa dagaal ba’an ugu jira sidii ay markale ugu soo noqon lahaayeen hoggaanka madaxtinimo ee doorashada 2021, taasoo ku xiran inay taageero xooggan ku yeeshaan maamul gobaleedyada kale. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Mudadii Muuse xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku gu’ jirsaday Kursiga, Isaga oo Durba sanad baarka ka jaray intii uu xilka hayey. Mudane Muuse oo loolankii ololaha ku galay halku dhigo ay ka mid ahaayeen BERI MAANTA DHAANTA oo uu kawaday Dawlad iyo Kulmiye dhaami doona dowladii Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee wakhtigaa jirtay, sidoo kale isku bedelkii Kursiga Kulmiye ka dhigay isbedel kuna naalooday Inuu soo wado wax qabad, dhaqaale kobcin, shaqo-abuur, dowlad kooban, cadaalad iyo ismaqal iyo wada shaqayn. Dhaarna ku maray Sinaan iyo cadaalad ciddii u codaysay iyo ciddii ka codaysayba inaanu ukala Xaglin doonin oo HORE LOO SOCONAAYO. Hadaba sanadka uu joogay xafiiska maka dhabeeyey halku dhigyadii iyo balanqaadyadii? Marka si dhab ah loogu kuur galo waa Maya, waayo intii uu madaxweyne Muuse joogay waxaad moodaa in wadankii jar ka laalaadsamay oo uu dalaw inuu ka shalwado qarka u saaranyey, Haday tahay dhaqaale, cadaalad iyo maamul ba. Dhaqaalaha ilaa intii uu muuse xilka qabtay Shillinkii Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa wuu sii qiimo dhacayaa, maciishadiina cirka ayey isku shareertay intii ay Somaliland jirtay meel aanu sixirbararku gaadhin ayuu gaadhay mudadaa. Halkii qorshe lagu maareeyo ay Xukuumada Mudane Muuse keeni lahayd waxay keentay Handaraab, kooto iyo xayiraad Taas oo sii cakirtay xaladii dhaqaale ee dalka sababtayna in muwaadiniin badan oo qaadaa-madherge ah ay galaafatay oo ay meheradihii isbixin kariwaayaan oo ay ka xidhmeen, halka kuwa ku xoogsada gaadiidka iyana Xayiraad iyo Xanimaad loogu gaystay iyaga oo lagu am’ray in aanay ka shaqaysan karin goobo kooban oo cayiman mooyee, sidoo kale in Shiidaalkii qaali noqday oo cidi goyn weydey iyaga oo ladaalaadhacaaya duruufaha suuqyada ka jira xayiraadna u dheer tahay in hadana qasab lagaga dhigay in taarikada gaadiidka badalaan oo iibsadaan tacusub ee Xukuumada Muuse Biixi si Lacag looga sameeyo muwaadiniintaa silicsan, shaqo abuur warkeed daa, iyana Danyartii waxay goyn kariwaayeen quutal-daruurigii oo way macaluuleen. Dhanka kale Dalkii oo faraha ka baxaaya Taas oo ay sabab u tahay in shacabkii la dhex dhigay kala Qaybsanaan baahsan oo wax wada lahaanshihii meesha kabaxay markii muwaadiniintii loo kala Xagliyey loona kala Sad-buriyey kala fogaanshahaa ay caddaalad darada xukuumadu sababta utahay awgeed ay dhacday taariikhda markii ugu horaysay in maamul goboleed Soomaaliya ahi gudaha Jamhuuriyada Somaliland shir ku qabsadaan oo uu madaxweynaha puntiland dhex taxtaxaasho Somaliland siddoo kale in Somaliland gudaheeda Jabhado hubaysani ka samaysmaan kuna dhawaaqeen in ay Cadaalad darada dalka ku habsatay qoriga u Qaateen. Waxa iyana la gabay Ictiraaf raadintii iyo iib-geyntii qadiyada Somaliland iyada oo uu Maqaamkii Somaliland dunida ku higsanaysay uu hoos u dhacay, Xirfad Diblamaasi la’aan, kala qoqobnaan iyo talo wadaag la’aan awgeed. Isku soo xooriyoo mudadaa Mudane Muuse Biixi Cabdi xilka hayey Waa Dal Xidhmay, Dhaqaale Xidhmay, Meherado Xidhmay, Xayiraad iyo Dhan u Xaglin, Una dheertahay Xin iyo Ku Xumayn ay Xukuumadu Muuse Biixi gudaheeda is XagXaganayso. Ilaahaybaa mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Roma (Caasimada Online)-Ciidamada booliska ee dalka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo 20 sano jir ah, kaasi oo la sheegay inuu damacsanaa inuu qarxiyo kaniisado ku yaala bariga dalka Talyaaniga. Taliska ciidamada booliska ayaa sheegay in ruuxaasi uu damacsanaa in qaraxyo waaweyn uu ku weeraro halka lagu magacaabo Basilica of San Pietro oo u taala magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, isaga oo la sheegay in xiliga ciida Karismaska (Christmas) uu doonayay inuu fuliyo weerarka. Muxsin Ibrahim Omar oo loo yaqaan Anas Khalil ayaa la xiray kadib markii la helay cadeymo muujinayo inuu qorsheynayay weeraro ka dhan ah goobaha ay ku kulmayaan dadka maalintaasi ciidaya. Mr Khaliil, ayaa la sheegay in lagu helay cadeymo muujinayo inuu aamisan yahay afkaar argagixisannimo, abuurid fitno, ka raali-ahaansho fal argagixisinnimo iyo heysasho aalado laga sameeyo qaraxyo oo halis ah. Waxaa Laamaha amaanka ee baaritaanka waday ay sheegeen in muwaadinka Soomaaliyeed uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalal Soomaaliya ay ku jirto. “Waxaan rajeynaa in kii dila Kirishtaanka, Cadowha Ilaahey inuu yahay walaalkeen, meeshii uu ka yimaadaba haddiiba uu dilayo Kirishtaan waa walaalkeen” 20 jirkaan ayaa hadalladaas yiri markii weerar ka dhacay Strasbourg Decembertii tagtay 11keeda. Sida ay sheegaan baareyaasha ka hortaga argagixisada ee gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Talyaaniga Caasimada@live.com
-
Maamulka Trump ayaa lagu eedeeyey go’aanka ah iney ka baxayaan dalka Suuriya, iyaga oo sabab uga dhigay inay jabiyeen ururka Daacish, arrintan waxaa walaac ka keenay dalalka daneeya arrimaha dalkaasi. Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka(Pentagon) ayaa sheegtay in dagaalka uu gali-doono marxalad kale, taasi oo aaney faahfaahin ka bixin. In ka badan 20 kun oo ciidamo Mareykan ah ayaa qeyb ka ahaa xureynta qeybo ka mid ah waqooyi bari ee dalkaasi Suuriya. Go’aanka hore ee Mareykanka waxaa uu ahaa in ay sii joogaan Suuriya, si aaney Daacish ma kale u soo laaban. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Galmudug ee Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ku doorteen Magaalada Cadaado Axmed Baasto ayaa Hambalyo u jeediyay Madaxweynaha Cusub ee Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen. Mudane Axmed Baasto ayaa hoosta ka xariiqay in Cabdicasiis Lafta Gareen uu yahay shaqsi samata bixin kara shacabka maamulkaasi Koofur Galbeed. Sidaas daraadeed ayuu ka dalbaday shacabka deegaanadaasi in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub. Shalay doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Madaxweyne loogu doortay maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. The post Madaxweyne Axmed Baasto oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub Maamulka Koofur Galbeed. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh.M.Network):-Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Baydhabo lagu qabto shir looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Kulankaan oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Cusub ee Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan Masuuliyiin kala duwan oo Madaxweynaha Cusub uu ka mid yahay. Waxgaradka ayaana lagu wadaa in Madaxweynaha ay faah faahin ka siiyaan xaaladda deegaanada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoona qeybaha magaaladaasi lagu arkayo Ciidamo la soo dhoobay. Shalay doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu doortay Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. The post Shir looga hadlayo Xaaladaha deegaanada Maamulka K.Galbeed oo maanta ka dhacaya Magaalada Baydhabo. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaa la Aasaasay 20,kii Diseembar 1943kii, waana kan ugu faca weyn Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed. W A A J I B A A D K A CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED. Waajibaadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:- 1- Sugidda Nabad Gelyada Gudaha 2- Ka hortegidda wixii nabadgelyo xumo keeni kara 3- Ilaalinta sharciga dowladda iyo hantida qaranka iyo caddaaladda bulshada, isagoo la shaqeynayo bulshada iyo hay’adaha caddaaladda. 4- Ka qeybgalka difaaca dalka, isagoo garabsanaya Wasaaradda Gaashaan-dhigga iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed. QAAB DHISMEEDKA CIIDANKA. Ciidanka booliiska soomaaliyeed, wuxuu leeyahay qaab dhismeed guud oo kala ah: – Taliyaha – Taliye xigeenno – Hoggaano – Qeybo – Saldhigyo – Laamo. – Hoggaannada ciidanka waxay kala yihiin:- 1- H o g g a a n k a Ciidanka 2- H o g g a a n k a Maalyadda 3- Hoggaanka Saadka 4- H o g g a a n k a Nabadgelyada waddooyinka. 5- H o g g a a n k a Tababarrada. 6- H o g g a a n k a Caafimaadka. 7- H o g g a a n k a Gaadiidka. 8- H o g g a a n k a Ilaalinta Canshuuraha. 9- H o g g a a n k a Isgaarsiinta. 10- H o g g a a n k a Dhismaha. 11- H o g g a a n k a Baarista Dembiyada. 12- H o g g a a n k a Howlgelinta. 13- H o g g a a n k a siyaasadda. LAAMAHA CIIDANKA BOOLIISKA 1- Laanta Baarista Dembiyad 2- L a a n t a Canshuuraha. 3- Laanta Socotada. 4- Laanta Birmadka Booliiska. QEYBAHA CIIDANKA BOOLIISKA. 1- Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir. 2- Qeybaha Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe ee ( Kismaayo ). 3- Qeybta Gobollada Baay iyo Bakool iyo Gedo ( Baydhabo ). 4- Qeybta Gobolka Hiiraan (Beled Weyne). 5- Qeybta Gobolka Mudug ( Gaalkacyo ). 6- Qeybta Gobolka Bari ( Boosaaso ). 7- Qeybta Gobolka Togdheer ( Burco ). 8- Qeybta Gobolka Waqooyi Galbeed ( Hargeysa ). Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo lahaa dugsiyo tababar iyo xarumo caafimaad waxaana ka mid ahaa: 1. Akadeemiyada Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho (Dugsiga Sare ee Booliiska Xamar “Scuola di Polizia“), waxaana hoos imaanayay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Beledweyne iyo Dugsiga Tababarka Gaadiidka ee Baydhabo (Cali Salaamey), Dugsiga Tababarka Carmo, Gobolka Bari. 2. Isbitaalka Madiina ee Booliiska Soomaaliyeed iyo Xarunta Agoonta Booliiska. Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, wuxuu kaloo saldhigyo booliis ku lahaa degmo kasta oo ka mid ah Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo Tuulooyinkana ay ku lahaayeen Rugo Booliis, gaar ahaan kuwa ku yaalla Xudduudaha aan la wadaagno Dalalka Deriska ah. Ciidanka booliiska soomaaliyeed waa ciidanka ugu faca weyn ciidamad qalabka sida oo howshiisu har iyo habeen socoto oo aan nasasho lahayn, mar haddii la raaciyay nabadda dalka iyo dadka naf iyo hantiba, waxayna ilaaliyaan sharciga dalka. Ciidanka booliska soomaaliyeed, wuxuu ka soo qeyb qaatay dagaalladii dalka lagu difaacayay ee 1977kii, iyadoo ay u dheer tahay gudashada wajibaadka sugidda ammniga gudaha iyo u adeegidda bulshada taasina waa midda ka dhigtay booliiska in loogu yeero saaxiibka bulshada ee ogaada wax kasta inyesan dhicin ee fashiliya iyo kala dambeynta. Ciidanka booliska soomaaliyeed, iyadoo ay u dheer tahay waajibaadkiisa gaar ahaaneed ee ilaalinta nabadgelyada gudaha wuxuuna ka soo qeyb qaatay halgankii gobonnimo doonka, isagoo si hoose ula shaqeynaayay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ee SYL. Wixii ka dambeeyey burburkii dowladnimo ee Soomaaliya 1991-dii, ciidamada booliska Soomaaliyeed waxa ay u burbureen si la mid ah qeybihii kale ee dowladda Soomaaliya ka koobneyd, balse horaantii qarniga 21-aad ayaa dib loo asaasay ciidanka. Markii magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo doortey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa waxa uu Cabdiqaasim taliyaha booliiska Soomalaiyeed u magacaabay Jeneraal Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana dib loo asaasay ciidamadii booliska Soomaaliyeed oo markaasi 10 sano aanan hawlgalin. 20kii bishii Diseembar, 2005 waxaa iyana markii ugu horeysey dib loo furey dugsigii tabobarka booliska Soomaaliyeed ee degmada Carmo, ee gobolka Bari, tanina waxa ay ahayd talaabo kale oo loo qaadey dhanka dib usoo celinta ciidamada booliska Soomaaliyeed. Carmo waxa ay magaalada Boosaaso dhanka Koonfureed ka xigtaa 100km. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ah ciidan aad loo jecelyahay, iyada oo sanad guurada 71-aad laga xusey qeybo kala duwan oo dalka ka mid ah sida magaalooyinka Gaalkacayo iyo Baydhabo. Inkasta oo wali ay jiraan caqabado ay ciidamada kala wadaagaan dalka intiisa kale, hadane waxaa jira talaabooyin horukac leh oo uu qaadey ciidanka, tusaale ahaan waxaa hadda shaqeeya oo dib loo furey saldhigyada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo saldhigyada magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyada oo ciidamo boolis ah la geynayo tuulooyinka iyo deegaanada dhawaan soo galay gacanta dowladda. Waxaase wali ciidamada booliska ka dhiman xagga tabobarka, qalabeynta iyo waliba kordhinta tiradooda. The post Warbixin ku saabsan Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa durba bilaabay kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo shacabka ku dhaqan magaalada, odayaasha iyo saraakiisha ciidamada. Lafta Gareen, ayaa xalay kulan saacado qaatay la yeeshay saraakiisha ciidamada booliska Koofur Galbeed isaga oo kala hadlay xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo oo doorashada ka hor ay rabshado ka dhaceen. Saraakiisha ciidamada booliska ayaa laga dalbaday inay xaqiijiyeen amaanka magaalada Baydhabo, waxaana madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed uu u balanqaaday inuu ka shaqeyn doono tayeynta ciidamada booliska. Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed ayaa ku amray ciidamada booliska inay maanta magaalada Baydhabo ku qabtaan sanad guurada ciidamada booliska oo inta badan laga xuso gobolada dalka Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa kulamo la qaatay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Baydhabo, isaga oo u balanqaaday inuu joogteyn doono kulamada uu kala tashanayo horumarinta Koofur Galbeed. Lafta Gareen ayaa shalay loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana lagu dhaariyay isla goobtii lagu doortay inkasta oo aan wali la caleemasaarin. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimad@live.com
-
Maanta waxaa loo dabaaldagayaa 75-guuradii ka soo wareegtey markii la asaasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo beegneyd December 20, 1943-dii. Ciidanka Booliiska waxaa uu jiray Taariikhdaas ka hor sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay General Jamac Maxamed Qalib oo horay u soo noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed. Gumeystayaashii reer Yurub ayaa dhisay Ciidan Booliis Soomaaliyeed ah sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye. Dagaalkii Labaad ee Aduunka 1941, waxaa dalkeena la wareegay Ingiriiska, oo waatii laga adkaaday gumeystihii Talyaaniga ee Fajistaha ahaa, dalka oo dhan waxaa qabsaday gumeystaha Ingiriiska, 10kii sano uu Ingiriiska dalka heystay waxaa loo yaqaanay Booliiska Soomaaliyeed Chermarmie. 1958: Ra’isul wasaarihii xukuumadii Daakhiliyada Cabdulahi Ciise Maxamud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu booliiska Soomaaliyeed Madax uga dhigay Shakhsi Soomaali ah kaas oo ahaa Maxamed Abshir, isagoo noqday Taliyihii ugu horeeyay oo Soomaali ah uu yeesho Booliiska Soomaaliyeed. Sanadii 1960kii markii xuriyadda la qaatay waxaa dalka laga hirgaliyay Booliis rasmi ah, waxaa la isku daray Booliiskii Waqooyi iyo Midkii Koofureed, waxaa tiradiisa lagu sheegaa in uu ka koobnaa ilaa 3700 askari. 1961-dii waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxyaabaha ay u xilsaarnaayeen waxaa ka mid ah ama qeybaha ay ka koobnaayeen kuwa Roondada, nabadgalyadda waddooyinka, baarista dambiyada, xogdoonka, iyo waliba la dagaalanka falaagonimada. October 21, 1969-kii Markii Jaalle Maxamed Siyaad uu dalka Inqilaab ku qabsaday waxaa uu sameeyay maalin u gaar ah Booliiska isagoo Taariikhda dib ugu celiyay aasaaskii SYL, waxaa uu maalinta booliiska ka dhigay December 20, 1943-dii, lama oga sababta uu go’aankaas u qaatay iyadoo Booliiska uu xiligaas ka hore jiray ama dhisnaa sida aan soo sheegnay. Sanadkii 1971-dii ayaa waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya. Dalkeenna waxaa uu lahaa goobo tababar sida Iskoole Bolisia ama Akaademiyadda Booliiska, waxaa tababaro lagu siin jiray dhamaan qeybaha kala duwan ee Booliiska. Wixii ka horeeyay 1991kii iyo burburkii dowladdii Jaalle Siyaad, waxaa Booliiska Madax ka noqday Shakhsiyaad caan ah oo Soomaali ah sida: Maxamed Abshir, Qoorsheel, Xuseen Kulmiye, Gen. Jamac Maxamed Qalib, Cabdulahi Maxamed Xasan(Matukade), Aden Cabdi Kukay, Axmed Jamac Muse iyo Cabdiraxman Guulwade. Burburkii Qarannimo 1991-kii, ciidamada booliska Soomaaliyeed waxa ay u burbureen si la mid ah qeybihii kale ee dowladda Soomaaliya ka koobneyd, balse horaantii qarniga 21-aad ayaa dib loo asaasay ciidanka. Markii magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo doortey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan sanadkii 2000 ayaa waxa uu Cabdiqaasim taliyaha booliiska Soomalaiyeed u magacaabay Muumin kadibna General Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana dib loo asaasay ciidamadii booliska Soomaaliyeed oo markaasi 10 sano aanan hawlgalin. Dowladdii Carte wixii ka dambeeyay Booliiska waxaa ay ka mid ahaayeen ciidamada ay sheegato dowlad walbo oo timaada, Lakin waxaa su’aalo badan ka jiraan waxqabadkooda iyo sababta keentay tayo la’aanta ciidanka Booliiska. Maanta Booliiska malaha wada shaqeyn dhexdooda ah, waxaa dalka hesta gawaari Taargo la’aanta ah oo aan la aqoon meel loogu hagaago, amni darro, Tabarbarada Booliiska waxaa bixiyo dalal daris ah iyo kuwoo shisheeye oo intooda badan aan rabin nabadda, xitaa Dicepiline Booliiska iyo la dhaqankooda shacabka dhib badan ayaa ka jira. Dhanka kale maanta waa maalinta Booliiska, waxaa ay dhigi doonaan xaflado waaweyn, isagoo ubaxyo sita, qoslaya,u heesaya madaxda hortooda fadhida, una garaacaya Bambeyda, Lakin waxaa jira xaqiiq madaxda iska indho tiraan, Booliiska waxaa heysta daryeel la’aan, mushaarka oo yar iyo xuquuqdooda oo aanany dowladda Mas’uuliyad iska saarin, lamana oga goorta Soomaaliya yeelan doonto Ciidamo Booliiska oo dhinac walbo ka dhameystiran, waxaa kale oo aan la ogeyn goorta la hirgelin-doono dhismaha ciidamada 32 kun oo booliiska ee sanadkii hore lagu heshiisyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Sanad guuradda 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Ciidankaasi. “Aniggoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Ciidanka Xoogga dalka Waxaan Hambalyo u dirayaa Sarreeyaasha , Saraakiisha, Saraakiil xiggeennada, Alifleyd iyo dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Maalinta berri ah u dabaal dagaya Sanad guurrada 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Dalka. Dhanka Kale Abaanduullaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa isna dhankiisa waxa uu hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. “Sanadguurada 75aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed awgeed, waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Booliska, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u rajeynayaa inay horumar ku gaaraan Sanadkaan kiisa kale” ayuu yiri S/guuto Odowaa. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidanka Booliislka Soomaaliyeed Sanadguurada 75aad ee aas aaska Booliiska oo kubeegan Maalinta Berri ah oo Taariikhdu tahay 20 December S/Guud Bashiir Mohamed Jamac ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Guud ahaan Dalka. The post Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed oo Hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-201218.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online)-Magaalada Jowhar oo ah caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa noqotay magaalo ay kawada tagaan madaxda maamulka Hirshabeelle , Kan gobolka iyo kan degmada Jowhar. Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay ma jirin kulan wasiiro oo ka dhacay magaalada Jowhar, sidoo kale ma jirin dhaqdhaqaaq maamul maadaama afarka masuul ee ugu sareysay ay ka tageen magaalada. Waxaa sido kale la dareemay inay magaalada aad u yaraadeen ciidamadii joogi jiray, maadaama ilaalada afarta masuul ee ugu sareysay ay qeyb ka ahaayeen kuwa xaqiijinayo amaanka magaalada Jowhar. Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa intooda badan ka maqan magaalada Jowhar iyaga oo heystay fasaxooda caadiga ah, waxaana uu ku eg yahay 21 December oo beri ku beegan, balse waxaa muuqata in kulankooda uusan furmi karin maadaama guddoonka baarlamaanka ka maqan yihiin Jowhar. Madaxweynaha iyo xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenka koowaad ayaa ka maqan Jowhar, waxaa sidoo kale maamulka Degmada ay ka maqan yihiin magaalada, iyagoo masuuliyiinta inta badan ku sugan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa muddo kooban ama dhowr jeer oo kali ah qabtay shirka Golaha Wasiirrada, taas oo micnaheedu tahay in waxbadka dowladnimo ee ay u baahanyihiin dadka Hirshabeelle aysan ku heysan maamulkooda. Amaanka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ah mid sii xumaanaya iyada oo Al-shabaab ay go’doomiyeen waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar islamarkaana saraakiisha maamulka Hirshabeelle aysan dhulkaba mari karin. Inta badan xildhibaanada iyo xubnaha kale ee maamulka Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna ku laabtaan magaalada Marka doorasho ama mooshin uu jiro, taasi oo caqabad ku ah horumar uu gaaro maamulka Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Lacagtii Xukumada Farmaajo ku bixisay in Lafta-gareen Madaxweyne looga dhigo Maamulka Koonfur-galbeed Somalia oo la soo bandhigay Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarash gaadhaya saddex milyan oo dollar ku bixisay sidii Cabdcasiis Lafta-gareen loogu dooran lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida uu sheegay, wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Xukuumadda Kheyre, Saalax Sheekh Cismaan. Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay doorashadii ka dhacday Baydhabo mid lagu shubtay, oo aan u dhicin hanaan hufan oo xor iyo xalaal ah. Eng Saalad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo ay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha barakacayaasha Baydhabo ay Xukuumadd Soomaaliya ay lacag intaasi le’eg ku kharash gareyso Guusha Lafta Gareen. Doorashadii shalay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaakusoo baxay Cabdicasiia Lafta Gareen, oo ahaa Musharax ay dowladda Farmaajo Muqdisho ka soo dirtay, isagoo hub, ciidan iyo lacag watana ka degay Baydhabo bishii lasoo dhaafay. Dowladda Federaalka wali kama aysan jawaabin eedeyntan. Lafta Gareen ayaa helay codad aad u badan wareeggii kowaad, kuwaasi oo gaadhaya 101, halka musharixii ugu dhawaa, Aadan Saransoor uu helay 22 cod, iyadoo doorashadu ahayd mid qaadatey mudo ka yar saddex saacadood. Qaran News
-
Denmark oo ku dhawaaqday go’aan saameynaya 1000 qof oo Soomaali ah+Lacag la siinayo Dowladda Denmark ayaa ku dhawaaqday go’aan saameynaya kun Ruux oo Soomaali ah, waxaana dhamaantood dadkaasi lagu soo celin doonaa Soomaaliya. Denmark ayaa shaacisay in dhamaan dadkaasi ay lumiyeen sharciga deganaanshaha dalkaasi, islamarkaana lagu celin doono dalka Soomaaliya. Inger Støjberg oo ah wasiirka socdaalka ee dalka Denmark ayaa shaacisay in dadkaasi ay baadhitaan ku bilaabeen badhtamihii sanadkii 2017, islamarkaana la ogaaday inay lumiyeen sharciyada dal ku jooga dalkaasi. dibna loogu celin doono Soomaaliya. Waxay wasiirka ay sheegtay in hadda Soomaaliya ay ka jiraan meelo badan oo amaan ah, islamarkaana dadkaasi ay dib ugu laaban karaan dalkooda iyaga oo la midoobayo ehelkooda. Dowladda Denmark ayaa sheegtay in qofkasta oo ku laabanaya dalkiisa, la siinayo taageero dhinaca safarka ah oo gaadheysa $16,056 oo doollar oo ah dadka waaweyn halka Carruurta qofkiiba la siinayo $4,817 oo doollar. Dowladda Denmark ayaa sheegtay 42 Qof oo Soomaali ah dalkooda dib loogu celiyay sanadkii 2017dii, halka sanadkan 2018 ay dib u celisay 32 Qof oo Soomaali ah. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa daaha gadaashiisa ka shaqeynaya isaga oo doonaya in la wanaajiyo xiriirka u dhaxeeya maamulka Yahuuda Israel iyo boqortooyada Sacuudiga. Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaare Netanyahu hadafkiisu uu yahay in la abuuro xiriir wanaagsan oo u dhaxeeya labada dowladood ka hor doorashada 2019 ka dhacaysa Israel, waxaana howshaasi ka shaqeynaya madaxa Sirdoonka Israel Yossi Cohen. Mr Cohen ayaa masuul ka ahaa fududeynta Booqashadii Netanyahu 26-Bishii October uu ku tagay dalka Cumaan, waxaana xiligaasi ujeedada socdaalkiisa uu ahaa inuu dhiso xiriirka kala dhaxeeya Sacuudiga. Netanyahu ayaa garab istaagay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan kadib markii uu cambaareeyn kala kulmay caalamka, isaga oo ku eedeysan inuu lahaa amarkii lagu dilay Wariye Jamaal Kashoqji oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Warbixino laga soo xigtay diblumaasiyiin sar sare ayaa sheegay in Israel ay xiriiro kala duwan la sameysay dalal badan oo carabta ah si loo xisaabiyo ama loola socdo danaha Iran sida ka muuqata Sacuudiga. Netanyahu ayaa intii uu ku sugnaa dalka Cumaan wuxuu sheegay iney jiri doonto booqasho uu ku tagayo dalal kale oo Muslim ah, kuwaasi oo hadda Israel xiriir wanaagsan iyo xiriir diblumaasi uusan kala dhaxeyn. Wasiirka arrimaha dibadda Baxreyn Sheikh Khalid Al Khalifa ayaa xiisadda kiciyay waxaana uu sheegay in wadanka Baxreyn uu noqon doono wadanka labaad ee uu booqan doono Netanyahu, wuxuuna Twitter-kiisa sidaasi kusoo qoray isla maalintii uu Netanyahu joogay dalka Cumaan. “Inkastoo Khilaafka jiro, Mr Benjamin Netanyahu wuxuu meel muhiim ah ka joogaa muhuumadda hergelinta xasiloonida gobolka Sidoo kale Sacuudiga ayaa door ku lahaan kara arintan”ayuu yiri Al Khalifa. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saaka xiran waddooyin waaweyn oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo loo diidayo gaadiidka dadweynaha, balse waxaa loo ogol yahay inay dadka lugtooda adeegsadaan. Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa saaka loo xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxayna maanta u dabaal dagayaan sanadkii 75aad ee kasoo wareegatay aasaaska ciidanka booliska. Labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamada booliska ayaa tijaabooyin kala duwan ku sameynayay magaalada Muqdisho, waxaana qaarkood shalay loosoo xiray tababar kaga socday xarunta tababarka ciidamada ee Turkey ku leeyihiin Muqdisho. Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa lagu bilaabay 3500 oo askari oo xiligaasi tababar kala duwan ku qaatay magaalooyinka Mandheera,Beledweyne iyo Muqdisho, waxaana kadib ciidamada laga dhex xulay ciidamada kala duwan ee dalka. La taliyaha amniga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka ah ee hadda jirta ay leedahay 5,000 oo Askar oo meletari ah, kuwaasi oo diiwaangeshan islamarkaana mushaarkooda si joogto ah u hela. Xafladda ciidamada booliska ayaa lagu dhigayaa garoonka kubbada cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan masuuliyiinta kala duwan ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qarash gaaraya saddex milyan oo dollar ku bixisay sidii Cabdcasiis Lafta-gareen loogu dooran lahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida uu sheegay, wasiirkii hore ee Howlaha guud ee Xukuumadda Kheyre, Saalax Sheekh Cismaan. Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay doorashadii ka dhacday Baydhabo mid lagu shubtay, oo aan u dhicin hanaan hufan oo xor iyo xalaal ah. Eng Saalad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo ay malaayiin shacab Soomaaliyeed ah ay ku dhibaateysan yihiin xeryaha barakaciyaasha Baydhabo ay Xukuumadd Soomaaliya ay lacag intaasi la eg ku kharasha gareyso Guusha Lafta Gareen. Doorashadii shalay xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo baxay Cabdicasiia Lafta Gareen, oo ahaa Musharax ay dowladda Muqdisho kasoo dirtay, isagoo hub, ciidan iyo lacag wata ka degay Baydhabo bishii lasoo dhaafay. Dowladda Federaalka wali kama aysan jawaabin eedeyntan. Lafta Gareen ayaa helay codad aad u badan wareeggii kowaad, kuwaasi oo gaaraya 101, halka musharixii ugu dhawaa, Aadan Saransoor uu ku guuleystay 22 cod, iyadoo doorashada ay ahayd mid qaadatey mudo ka yar saddex saacadood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Denmark ayaa ku dhawaaqday go’aan saameynaya kun Ruux oo Soomaali ah, waxaana dhamaantood dadkaasi lagu soo celin doonaa dalka Soomaaliya. Denmark ayaa shaacisay in dhamaan dadkaasi ay lumiyeen sharciga deganaanshaha dalkaasi, islamarkaana lagu celin doono dalka Soomaaliya. Inger Støjberg oo ah wasiirka socdaalka ee dalka Denmark ayaa shaacisay in dadkaasi ay baaritaan ku bilaabeen bartamihii sanadkii 2017, islamarkaana la ogaaday inay lumiyeen sharciyada dal ku jooga dalkaasi. dibna loogu celin doono Soomaaliya. Waxay wasiirka ay sheegtay in hadda Soomaaliya ay ka jiraan meelo badan oo amaan ah, islamarkaana dadkaasi ay dib ugu laaban karaan dalkooda iyaga oo la midoobayo ehelkooda. Dowladda Denmark ayaa sheegtay in qofkasta oo ku laabanaya dalkiisa, la siinayo taageero dhinaca safarka ah oo gaareysa $16,056 oo doollar oo ah dadka waaweyn halka Carruurta qofkiiba la siinayo $4,817 oo doollar. Dowladda Denmark ayaa sheegtay 42 Qof oo Soomaali ah dalkooda dib loogu celiyay sanadkii 2017i, halka sanadkan 2018 ay dib u celisay 32 Qof oo Soomaali ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Inkastoo ay inta badan dadka Soomaalida ahi siyaasadda kaga faalloodaan baraha bulshada, haddana aaladda twitter-ka ayaa ah fagaare ay inta badan ku dooddaan dadka aqoonyahanka ah ee siyaasadda lafo-guraa. Twitterka oo qoraalka la ogolyahay in lagu qoraa uu aad u koobanyahay ayaa waxa jira dad reer Somaliland ah oo si maalinle ah ugu baahiya qoraalo iyo xoggo la xidhiidha Somaliland, waxaanay qoraaladooda oo ay ku qoraan luuqadaha Ingiriisida iyo Carabiga ugu babac dhigaan dadka Soomaalida ama ajaanibka ah ee faafiya qoraalada sumcad dilka ku ah Somaliland amaba kuwa taariikh khaldan ka baahinaya qaddiyadda Somaliland. Aqoonyahanada reer Somaliland ee sida maalinlaha ah qoraalada ku saabsan Somaliland iyo qadiyadeeda ugu baahiya twitterka waxa ka mid ah Dr. Maxamed Warsame Ducaale, Yuusuf Cabdi Gaboobe, Sarah Axmed Yuusuf, Siciid Shukri Xuseen iyo dad kale. Ka sokow qoraalada ay ugu jawaabayaan dadka Soomaalida ama ajaanibka ah ee baahiya qoraalada ku liddiga ah Somaliland, waxa ay qoraaladooda saldhig uga dhigaan hadba wixii ka soo kordha siyaasadaha dunida ee si uun saamayn ugu yeelanaya Somaliland. Tusaale ahaan Dr. Maxamed Warsame Ducaale iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxa ay qoraaladoodii u dambeeyay ee shalay kaga hadleen go’aan ay dawladda Soomaaliya dalkeeda kaga mamnuucday hay’adda cilmi baadhista ah ee SAHAN ee uu fadhigeedu yahay dalka Kenya oo uu agaasime ka yahay Mr. Matt Bryden oo u dhashay dalka Kanada. Mr. Matt, ayaa la aaminsanyahay inay dawladda Soomaaliya ku qaniintay faallo lagu qoray wargeyska caanka ah ee Washington post oo lagaga hadlay xadhiga Mukhaar Roobow oo uu Mr. Matt qaybo ka mid ah lagu soo xigtay hadalo uu wargeysku weydiiyay. Dr. Maxamed Warsame Ducaale, ayaa qoraal kooban oo uu soo geliyay bartiisa twitterka, wuxuu ku sheegay in Mr. Matt Bryden iyo ururkiisa SAHAN, laga soo dhawaynayo Somaliland. Sarah Axmed Yuusuf oo degen dalka dibadiisa, ayaa iyadu si maalinle ah qoraalo ugu baahisa sanduuqa ay ku leedahay twitterka, waxaanay qoraaladeeda oo u badan kuwo ay ku difaacayso Somaliland ku baahisaa luuqadda Ingiriisida. Sarah ayaa qoraalkeedii ugu dambeeyay ee shalay waxa ugu jawaabtay xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo shir ka dhacay Djibouti ku sheegtay inay Soomaaliya ku metesho Somaliland, “Marwo, shaqadaada siyaasadeed maaha mid aan ku metesho Somaliland, waxaad meteshaa naftaada, maaha Somaliland.” Ayay tidhi Sahra iyadoo u jawaabaysa xildhibaanad Fowsiya, waxaanay intaas raacisay inay dadka reer Somaliland iyagu doortaan xildhibaanadooda iyo madaxdooda siyaasadeed ee kale. Waxa kale oo ay muwaadiniintan iyo kuwo kaleba baahiyaan qoraalo koob-kooban balse nuxur badan xambaarsan oo ay kaga hadlaan dawladda Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo. Sidoo kalena siyaasadda gobalka Geeska Afrika ayay si maalinle ah u falanqeeyaan. Qoraalada ay baahiyaan ayay waxa kale oo ay mararka qaar ugu jawaabaan saxafiyiinta Koonfurta Soomaaliya ee ka shaqeeya warbaahinta caalamiga ah amaba saxafiyiinta ajaanibka ah ee laga yaabo inay mararka qaar taariikh khaldan ama xoggo aan la hubin ka baahiya Somaliland. Shakhsiyaadkan ayaa inkastoo aanay keli ku ahayn difaaca Somaliland iyo gudbinta wararkeeda, haddana waxay ka mid yihiin dadka ka dhex muuqda aaladda twitterka ee subax kasta soo gudbiya qoraalo kala duwan, waxaanay baahinta qoraaladooda bilaabeen markii ay dawladda Soomaaliya sida adag uga hortimid maalshashiga DP world ee dekedda Berbera. Waxaana jirtay dhawr goor oo ay xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiisha dawladda Soomaaliya si toos ah uga jawaabaan qoraalada ay reer Somaliland ku baahiyaan barahooda twitter-ka. Dad kale oo ajaanib ah ayaa iyaguna ka jawaaba qoraalada ay baahiyaan oo ku qoran luuqadda Ingiriisida, waxaanay taasi ku tusaysaa sida loogu xidhanyahay sanaaduuqda ay aqoonyahanadani ku leeyihiin twitter-ka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo munaasabada dabaaldaga aas aaska ciidamada Booliska Soomaaliya. Ciidamada Booliska oo ah hooyada ciidamada dalka ayaa la aas aasay 20 -kii December sanadkii 1943. Munaasaado balaaran oo lagu weeyneeynayo 75- guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidamada Booliska ayaa ka dhacaya Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya. Amaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana la sii xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho. Madaxda dalka ugu sareeysa ayaa ka qeeybgalaya xafladaha aas aaska ciidamada Booliska. Xasan Maxamed Samatar Cowke. Puntland Post Muqdisho The post Sanad guuradii 75-aad ee aas aaska Booliska oo laga xusayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.