Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,037
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirkii Khamiislaha ee Golaha wasiirada Puntland ayaa qabsoomay jimcihii maanta kadib markii uu shalay u baaqday safarkii madaxweyne Gaas iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa ay ugu maqnaayeen degaanno kamid ah gobolada Karkaar iyo Hayland. War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu faahfaahiyay qodobadii looga hadlay shirka,waxaana lagu sheegay in safarkii madaxweynuhu ku tegay gobolada Karkaar iyo Hayland uu ka soo daah-furay mashaariic horumarineed,islamarkaana uu ka soo dhagax-dhigay mashaariic cusub. Mashaariicda madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah Isbitaalka weyn ee degmada Qardho iyo xarunta Turobataariyada ee isla degmadaas, sidoo kale waxaa madaxweynuhu degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland ka dhagax dhigay wadda laami ah oo isku’ xidhi doonta Xiingalool&Sheerbi iyo xarun loo dhisayo barakacayaasha oo ka kooban 100 guri. Dhinaca kale war-murtiyeedka oo looga hadlay khilaafka Federaalka ayaa lagu sheegay in Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka dhexayso qaanuun iyo awood-qeybsi sharci ah,haddii taasi la waayana aan la wada-shaqeyn karin,waxaana war-murtiyeedka ku xusan in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu raalli-gelin ka baxshay hadal uu maalmo ka hor ku taageeray xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyntii, Puntland waxay soo dhowaysay dhex-dhexaadinta uu wado guddiga Aqalka sare u xil-saaray xallinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada,kaasoo Puntland ku tilmaantay tallaabo wanaagsan,balse ay sheegtay in aan weli la dhammayn qodobadii laga cabanayey. PUNTLAND POST The post Camey oo raalli-gelin ka bixiyay hadal uu ku taageeray Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-London)- Wafti ka Socda Somaliland oo Lagusoo Dhaweeyay Magaalada London Source
  3. (SLT-Muqdisho)-Xukuumadda Somalia ayaa Ka Hadashay Wadahadalkii Ay Kula Jirtay Somaliland. Source
  4. (SLT-Nairobi)-Shirka Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo Ka Furmay Dalka Kenya Source
  5. (SLT-Saaxil)- Madaxwaynaha Somaliland Oo Mashaariiix Horumarineed Ka Dhagax Dhigay Gobolka Saaxil. Source
  6. Somaliland: Guddiga Doorashooyinka Oo Soo Bandhigay Caqabada Haysta. Guddiga Doorashooyinka Ee Somaliland (NEC) ayaa so bandhigay waraaq dheer oo ay ku qorantahay caqabada ka hor istaagtay qabitaanka doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deggeenada. Waraaqaadan dheer waxaa ku tixan kulano fara badan oo NEC la yeelatay, Madaxweynaha, Golayaasha iyo Xisbiyadda. Hadaba su’aash meesha taale waxa weeye, haddii la qabtay doorashadii madaxweynaha 2017, maxaa loo isticmaali waayey xafiisyadii iyo diiwaangelintii xilligaa la isticmaalay? Dadka la diiwangeligey waa dadkii uun, laga yaabaa in ay waxoogaa ku soo kordhaan. Maxaa is badeley? Haddii la hayo, oo aan la tuurin waraaqihii iyo tirakoobkii dadkii la diiwangeliyey, maxaa keenay in diiwangelin cusub la sameeyo? Ma xisaabtaa markii hore khaldaneyd? Mida kale, haddii xisbiga Waddani joojiyey wada shaqayntiin NEC, dee, markaa NEC kalsoonidii loo hayey baa luntay. Ha is casilaan. Hebel baan la shirnay, iyo halkan baan marnay, socon mayso. Waxaa loo baahnaa in ay berri hore isu diyaariyaan doorashada, oo hawsha si taxan u wadaan. Xafiis baan shaakh ku cabiyay, hebelna waan la sheekaystay umadda Somaliland mari mayso. Waxaad moodaa in ay NEC weligood waxba ka baraneyn doorashooyinka soo mara, iyo sidii hawsha loo horumarin lahaa. Waa hadii aan lacag lagu shubin, socon mayso meeshu. Tobon billood oo dambe NEC maanta fadhida Somaliland waxba kam sugeyso, iyaga iyo Golaha Wakiiladaba. Allow sahal amuuraha. Allaa Mahad Leh Ahmed Kheyre Qaran News
  7. (SLT-London) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa soo gaadhay Dalka Ingiriiska. Hoos ka DAAWO Source
  8. (SLT-Barlin)Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaaa sheegaya in diyaarad ay saarneyd haweeneyda madaxda ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel kuna sii jeeday dalka Argentine ayaa si deg-deg ah dhulka u fariisatay kadib markii cillad farsamo ay soo wajahday. Diyaarada oo nooceedu ahaa Airbus A340 ayaa waxaa la socday wafdi ay hogaaminayso Angela Merkel oo ka qeybgali lahaa shirka G20 oo ka dhacaya magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina waxaana si deg-deg ah loo fariisiyay garoonka diyaaradaha magaalada Cologne. Xilligii la dareemay in diyaaradu ay cillad soo wajahday ayaa waxa ay dul maraysay hawada dalka Netherland saacad kadib markii ay duushay waxana uu sheegay duuliyihii in cillad farsamo ay hayso balse aysan diyaaradu halis ku jirin. Diyaarad nooca kuwa ciidamada ah ayaa loo diyaariyay wafdiga ay horkacayso Angela Merkel in ay u raacaan dalka Argentina oo maanta oo Jimce ah uu ka furmayo shirka G20 taas oo bedel u ah diyaaradii cillada ku timid. Source
  9. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray qoraal lagu faragalinayo doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha iyo ku xigeenka. Madaxweyne Gaas ayaa qoraalka ku sheegay in beelaha Puntland ay Baarlamaanka cusub u soo gubiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018, iyagoo ku dadaalaya in ay khilaafka ku soo dhameystaan dhexdooda. Sidoo kale Cabdiwali Gaas ayaa qoraalka ku sheegay in kalfadhiga ugu horreeya Baaralamaanka cusub ee Puntland furmi doono 01/01/2019, iyagoo doorashada Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka dooran doona inta u dhexaysa 1-da ilaa 6 Janaayo 2019, wuxuuna intaas ku daray in doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenku dhacayso 8-da Janaayo 2019. Warka ka soo baxay Cabdiwali Gaas ayaa faragalin ku ah shaqooyinkii Guddiyada ansixinta iyo xalinta khilaafaadka xulista Baarlamaanka, doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka, kuwaas oo iyagu awood u leh in ay cayimaan xiliga ay qabanayaan howlahaas. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warkan soo saaray, isagoo aan wali soo magacaabin Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ahayd shaqada ugu horeysa ee doorshada. Cabdiwali Gaas ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in uu ku dhawaaqo musharax Madaxweyne Puntland 2019. PUNTLAND POST The post Cabdiwali Gaas oo war ka soo saaray doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray qoraal ku saabsan habka soo xulista xildhibaanada cusub ee baralamanka Puntland iyo xilliga doorashada maamulkaas. Gaas ayaa ka dalbaday beelaha Puntland inay si waafaqsan dastuurka Puntland usoo xushaan dhammaan xubnaha uga mid noqonaya golaha wakiilada Puntland, inta ka horeysa 1-ka bisha December ee soo socota, una soo gudbiyaan guddiga ansixita. Gaas ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in kalfadhigga koowaad ee golaha cusub uu billaaban doono kowda bisha Janaayo ee sanadka 2019. Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay dhici doonto 8-da bisha Janaayo 2019, sida markii horeba uu qorshuhu ahaa. Qoraalka Gaas ayaa meesha ka saaray cabsidii laga qabay iyo eedeymihii musharaxiinta mucaaradka ee ahaa in Gaas uu doonayo in doorashada uu dib u dhigo, oo waqtiga uu korarsado. Hoos ka aqri warqadda Gaas
  11. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, isagoo kasoo horjeestay in ciidamo laga qaado Muqdisho la geeyo Baydhabo. Mursal oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur-galbeed ayaa sheegay inaan loo baahnayn in ciidammo kale la geeyo Baydhabo cidii geysana wax laga weydiin doono wixii qalalaase ah ee ka dhaca degmadaas. “Deegaanka waxaan u malaynayaa in ciidammo suga amniga oo ku filan ay joogaan, gaar ahaan ammaanka Doorashada wax kaloo dheeri ah ciddii ku darta iyadaa lagula xisaabtami doona,” ayuu yiri Mursal oo jooga Turkiga. Wareysi uu Mursal siiyay VOA-da ayuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in doorashada madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed lagu wado inay dhacdo 05-ta December. Wuxuuna yiri. “Waxaan rabnaa in doorashada si cad ay u dhacdo waxaan la hadlay ku-simaha madaxweynaha guddiga doorashadana waa joogaan.” Sidoo kale, Mar wax laga weydiiyay in xukuumadda Soomaaliya ay wadato musharax gaar ah, ayuu sheegay inuusan ogeyn musharax gaar ah oo ay dowladdu wadato. Mar wax laga weydiiyay musharraxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow ayuu yiri; “Muqtaar Roobow waa muwaadin Soomaaliyeed dowladda Somalia ayaa la gashay heshiis, iyadaa keentay Muqdisho xerada nabad-sugidda ayuuna deggenaa, ogaal la’aanna Baydhabo kuma tegin, musharax ayuu noqday shahaadana waa la siiyay xaq ayuu u leeyahay inuu u tartamo. Dowladdu haddii ay ujeedo kale ka leedahay sanad ka badan Muqdisho ayuu joogay.” Dhanka kale, Mar wax laga weydiiyay inay tallaabo qaadi karto Dowladda FS taasoo ay doorashada uga joojinayso Sheekh Mukhtaar Roobow, ayuu kaga jawaabay inaysan Dowladdu qaadi karin tallaabo noocaas ah. “Waa khalad in Dowladda Somalia ay fara-geliso musharraxnimada xilligaan ee Mukhtaar Roobow, waayo wuxuu ka mid yahay xubnaha faraha badan ee u ordaya xilka,” ayuu yri Maxamed Mursal oo muujiyay in fara-gelinno lagu wado xilligan doorashada lagu wado inay toddobaadka soo socda ka dhacdo Baydhabo. Hadalkiisa ayaa wuxuu imaanayaa xilli ciidammo fara badan oo la sheegay inay yihiin booliis maanta la geeyay Baydhabo, kuwaasoo la sheegay inay sugi doonaan ammaanka guud ee Baydhabo inta ay socoto doorashada la filayo inay dhacdo bisha soo socota, inkastoo xildhibaanno fara badan ay kasoo horjeesteen ciidamadaas. Ugu dambeyn, Xiisad ayaa laga soo sheegayaa magaalada Baydhabo, taasoo ka dhalatay ciidamadii maanta la geeyay Baydhabo, kuwaasoo ay dowladdu sheegtay inay ka shaqeyn doonaan amniga doorashada lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo. PUNTLAND POST The post MURSAL: Baydhabo Ciidamo uma baahna ciddii ciidan geysana iyadaa lagula Xisaabtamayaa appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xeer ku soo saaray waqtiyada la soo gudbinaayo liiska wakiilada Puntland, xilliga ay tahay iney doortaan guddoonka iyo xataa doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Qoraalka Madaxweyne Gaas waxaa ka mid ahaa: 1. In beelaha Puntland golaha wakiillada u soo xushaan si waafaqsan dastuurka Puntland, una soo gudbiyaan guddiga anshaxa iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/2018. 2. Waxaa la furayaa kalfadhiga ugu horeeya ee golaha wakiilada Puntland ee cusub 01/01/2019, iyaga oo dhameystiran doona howshooda gaarka ah inta u dhaxeysa 1da ilaa 6da Janaayo 2019ka sida: guddoonka, guddiga doorashada iyo wixii la xiriira. 3. Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa ay dhaceysaa 08/01/2019 4. Waxaa xeer gaar ah lagu soo saari-doonaa magacaabista ansixinta xalinta khilaafaadka Wareegtada Akhriso: Source: goobjoog.com
  13. Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ciidamo gaar u tababaran oo maanta la geeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Ciidamadaasi oo ka badan 100 askari ayaa doorweyn ku lahaan doono xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, inta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed, sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay in ciidamadaasi ay u tageen magaalada Baydhabo inay xaqiijiyaan amaanka magaaladaasi. “Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada Baydhabo horeyna wey u joogeen”. “Kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socotaan deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashadana waxaa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed. Sababta ciidamada loo geeyay magaalada Baydhabo ayuu ku sheegay in Al Shabaab ay doonayaan in weeraro ka geystaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, ciidamadaasina ay ka hortagi doonaan. “Al-Shabaab waxa ay doonayaan inay falal amni darro ka geystaan deegaanada Koonfur galbeed, ciidankana waxa ay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxa ay u yimaadeen sugidda amniga” “Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada naloo keenay oo ka shaqeynaya Nabad galyada”. ayuu hadalkiisa ku daray. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimad@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo shan qodob oo uga baxay wareysi uu guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan siiyey idaacadda VOA. Hoos ka aqriso. WARKA GUDDOOMIYUHU WAA CAD YAHAY: Waxaan dhagaystay waraysi idaacadda VOA-du ay la yeelatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Xil. Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo hadda ku sugan dalka Turkiga, laguna wado inuu Muqdisho soo gaaro maalinca berito ah. waraysigu wuxuu ku saabsanaa go’aankii guddoomiye KXG koowaad uu ku kala diray guddiga maaliyadda 28 November 2018. Guddoomiye Maxamed Mursal waraysigiisa wuxuu ku caddeeyey dhowr arrimood arrimood oo muhiim ah: In la ilaalin doono dastuurka iyo xeerhoosaadka golaha shacabka ayna noqon doonaan kuwa hagi doona go’aan ka gaarista arrinta taagan. Wuxuu muujiyey Madax banaanida Barlamaanka, mana jirto caqli keeni kara in barlamaanka la hoosgeeyo golaha fulinta ayuu ku daray. Arrinta kala drista guddiga, wuxuu caddeeyey; in xeerhoosaadku wuxuu qabo la raaci doono, haddii uu qabo in guddoonku kala diri karo guddiga sidaas ayey noqonaysaa, haddii uusan qabinna in guddoonku kala diri karo guddigana guddigii ma noqonayo mid la kala diray, mar walba waxaa na hagaya xeerhoosaadka. asagaana wax kala saaraya. Guddoomiye ku xigeenka koowaad go’aankiisa wixii uu ku saleeyey iyo waxyaabihii ay soo saareena weli inuusan arkin isla markaana uusan aqrin ayuu sheegay, sidaas awgeed marka uu yimaado Muqdisho uu arki doono. In Golaha Shacabka oo fadhigii loo diiday in uu fariisan doono ayuu ku soo gabagabeeyey, hawlihiisiina wadan doono. Guddoomiye Mursal wuxuu waraysigiisa kooban ku muujiyey mas’uuliyad, xilkasnimo, aqoon dhanka sharciga dalka iyo inuu go’aanka u soo celiyo Golaha shacabka oo ay ku jiraan 276 Xildhibaan, waxaan rajaynaynaa in uu dhammaan doono khilaafka lagu soo dhextuuray Barlamaanka iyo kawa kale ee taaganba.
  15. Baydhabo (PP) ─ Ciidammo tirada lagu sheegay 80-askari oo ka tirsan kuwa booliiska Soomaaliya oo si gaar ah u tababaran ayaa maanta la geeyay magaalada Baydhabo, halkaasoo lagu wado in 05-ta bisha December ee soo socda ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulkaas. Laba diyaaradood oo gaar ah ayaa ciidankan laba jeer oo kala duwan Baydhabo geeyay iyagoo ka dajiyay garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasoo muddo kooban kaddib laga qaaday, waxaana xilliga ay dagayeen garoonka ku sugnaa xubno ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed. Wararka laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada la geeyay saldhigga booliiska Baydhabo oo ay haatan ku suggan yihiin,, waxaana durba shir jaraa’id oo ay arrintan uga cabanayaan ku qabtay Baydhabo xubno ka tirsan Baalamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaannada Koonfur-galbeed. Xildhibaan Sh. Aadan Madoobe oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Somalia, isla markaana ka mid ah xildhibaannada goob-joogga ka noqonaya doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo ayaa tallaabadan ku sheegay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada dhacaysa. “Ciidamadan waa kuwo la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada lagu wado inay Baydhabo ka dhacdo, waana wax aan garan la’nahay sababta loo keenay Baydhabo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Sheekh Aadan Madoobe, ayaa hadalkiisa ku daray in madaxweynaha DF ay u direen warbixin ay kaga cabanayaan ciidamadan iyo fara-gelin uu sheegay in lagu hayo doorashada la fliayo inay dhawaan ka dhacdo Baydhabo. Tallaabada ciidamadan lagu geeyay Baydhabo ayaa waxay imaanaysaa xilli ay magaaladaas ka socdaan ololayaal ay wadaan musharraxiinta hoggaanka maamulkaas u tartamaya oo tiradoodu ka badan tabay toban musharrax. Dhanka kale, Horay ayaa waxaa magaalada Baydhabo loo geeyay gaadiidka aanay rasaastu karin, kuwaasoo la sheegay in Dowladda Federaalka ay ugu talo-gashay inuu ku socdo mid ka mid ah musharraxiinta maamulkaa oo la sheegay inay dowladdu wadato. Ugu dmabeyn, Doorashada Hoggaanka sare ee maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxaa xubnaha ku tartamaya ka mid ah afhayeenkii hore ee Kooxda Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo sannadkii hore kasoo goostay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidammo Gaar ah oo Baydhabo la Geeyay iyo Xildhibaanno Cabasho ka keenay Ciidamadan appeared first on Puntland Post.
  16. Mandheera (PP) ─ Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya waxaa ka socda qaban-qaabada bandhigga toddobaadka dhaqanka guud ee Soomaalida oo magaaladaas ay marti-gelin doonto dhawaan. Bandhiggan, ayaa lagu marti-qaaday dhammaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, si ay ugu dabaal-dagaan isla markaana ugu muujiyaan hiddaha iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed. Madaxa maamulka waxbarashada iyo dhaqanka Mandheera, Cisuddiin C/llahi ayaa sheegay inay qaban-qaabadu marayso meel wanaagsan, wuxuuna ku daray intaas inay sameeyeen qorshayaal ay ugu talo-galeen inay xafladu ku dhacdo si nabad-galyo ah. Sidoo kale, mas’uulkan ayaa sheegay inuu bandhiggaan u furan yahay gabi ahaan qaybaha kala duwan ee shacabka ku hadasha Af-Soomaaliga, si ay wax ugu bartaan dhaqankooda dalxiisayaasha iyo martida kaleba. Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Roba oo isaguna hadlay ayaa sheegay inay Mandheera kusoo dhaweynayaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Geeska Afrika. “Waxaan ku casuunnay qof kasta inuu bandhigan kasoo qayb-galo, si uu u barto dhaqankeenna, taasina waxay xasuusin doontaa jiilalka cusub dhacdooyinkii qarniyo hore, taasoo muhiim u ah ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cali Roba. Ugu dambeyn, Munaasabaddan ayaa lagu soo bandhigi doonaa Taariikhda ummadda Soomaaliyeed, sugaan kala duwan iyo cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin Soomaalida. PUNTLAND POST The post Todobaadka Dhaqanka Soomaalida oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Mandheera appeared first on Puntland Post.
  17. Istanbul (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wareysi uu siiyey idaacadda VOA uga hadlay kala diristii guddiga maaliyadda baarlamanka ee uu ku dhowaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdi Weli Muudeey. Mursal ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in la sameeyo arrin ka baxsan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka, balse waxa uu diiday inuu sheego waxa sharciga uu arrintaas ka qabo Guddoomiyaha oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay inuu berri tagi doono magaalada Muqdisho, eegi doona warqadda lagu kala eryey guddiga iyo sharciga baarlamanka, kadibna bixin dooni jawaab cad oo ku saabsan arrintan. Mursal ayaa u muuqday inuusan ku dhiiri karin inuu ka hor-yimaado xukuumadda, islamarkaana uusan dooneyn in loo arko qof xukuumadda ka baqaya, taasi oo jawaabtiisa ka dhigtay mid aan caddeyn. Shalay ayaa wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka, si aad ahna ugu dhow xukuumadda ay sheegtay in Mursal uusan waxba ka beddeli karin go’aanka Muudey. Xoghayaha guddiga maaliyadda ee la kala diray Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa isna maalintii la kala diray guddiga sheegay inuu la hadlay Mursal, oo uu u sheegay in ay sharci darro tahay in la kala diro guddiga. Hoos ka dhageyso wareysiga Mursal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/mursal.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Waa mas’uul haya xil aad u sarreeya. Laakiin sirta furan ee suuqa u taalla, oo runna noqon karta sida uu kursigaas ku helay marka la eego; sidoo kalena been noqon karta, waa in uu yahay qof kursi la keensaday, oo aanan u madax bannaaneyn go’aanada uu sharciyan gaari karo, ama qeyb ka noqon karo. Maanta oo ay Golihii Shacabka ka taagan tahay mushkilad ku saabsan jiritaanka iyo shaqada Guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka, Guddoomiye Mursal wuxuu heystaa fursad aad u weyn oo uu shacabka Soomaaliyeed ugu muujin karo in baarlammaanka uu yahay meel uu nidaam ka jiro, asaguna uu yahay mas’uul go’aanadiisa u madax bannaan! Sidoo kale mushkilad kale oo aan si toos ah loo ogeyn go’aanka uu ka qaatay ayaa ka taagan gobolkiisa. Fursadaha iyo go’aanada masiirkaaga jaangoynaya haddii ay ku baal maraan, ma tihid mas’uul, keliya waxaa tahay mushaar qaate haya xil maamuus! Hoggaamiyaasha ugu magaca dheer taariikhda caalamka ma aha kuwa muddada ugu dheer hayay xilalka, ee waa kuwa qaatay go’aanno aan lagu dhiiran karreyn. Guddoomiye adiga uun is shaabadeey maanta! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Baydhabo (Sh.M.Network) – Diyaarad siday ku dhowaad 50 ciidan oo labisan dareeska Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay ay ka dejisay garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed. Ciidamada ayaa loogu talagalay inay sugayaan nabad-gelyadda caasimad goboleedka Baay, halkaasi oo lagu wado in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto doorashada madaxwaynaha maamulkaan. Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee gobolka Bay ayaa ciidamada soo dhaweeyay, xili uu dejiyay xero loo sii diyaariyay. Doorashada Koonfur Galbeed oo ay ku loolamayaan murashaxiin dhowr ah ayaa la filayaa inay dhacdo 5-ta bisha dambe ee December 2018. The post Ciidamo ka socda dowlada dhexe oo gaarey Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Waxaa Magaalada London soo gaadhay Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Mudane Eng Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici oo daal ka muuqdo kadib markii uu safar dheer Hargeysa kaga baxay Jabuuti-Paris-Brussels-London ugu dambayntii soo gaadhay maanta mar ay saacada London ahayd 08:20. Eng Saylici oo diyaarada Ethiopia Ailines diiday inuu Hargeysa kasoo raaco si safarkiisu ugu fududaado Cariga Ingiriiska ayaa maanta ku nasaya Hilton Hotel Hill magaalada London maalinta Beri ahna Magaalada London kaga qaybgalaya shir loo bixiyay shirka Jaaliyada Somaliland,oo xisbiga Kulmiye kusoo bandhigayo guulihii uu Somaliland ka gaadhay mudadii uu maamulayay iyo sanadka waxa u qabsoomay Xukuumada Cusub ee Madaxwayne Muuse Biixi. Qayb Ka Mida Jaaliyada Somaliland oo shirkani ka hadashay ayaa durbaba muujiyay sida shirkani uu khaas ugu yahay taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo u badan beelaha isbaahaystay ee Jeegaanta. Qaar ka mida jaaliyada Somaliland oo Boramanews la hadlay ayaa durbaba socdaalka Saylici ku sheegay mid dalxiis ah oo aan waxba ku kordhin karin jaaliyada ku kala tagay doorashadii Madaxtinimada ee qabiilada Somaliland kala qaybisay,waxayna sheegeen in Eng Saylici awoodiisa oo kooban uu go,aan iyo talo midna keeni karin balse taladu ka go,do madaxda sare ee Jeegaanta ama madaxwaynaha Somaliland ee Muuse Biixi. Mid ka mida jaaliyada ayaa carabka ku adkeeyay Saylici shirka London wax uu kusoo kordhin karo inaysan jirin laakiin laga dhagaysan doono kaliya inuu shacabka u duceeyo. Eng Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici oo ah masuulka ugu sareeya ee Galbeedka ku matalaya xukuumada Somaliland ayaa la ogayn inuu si gaara ula kulmi doono jaaliyada Galbeedka. Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici ayaa la filayaa in hal asbuuc joogo cariga ingiriiska markhaatina ka noqdo halka ay ku dambaysay midnimadii iyo laxejecladii jaaliyadu ka qabeen dhulkooga hooyo oo dhaawac halisa gaadhsiiyeen isbaahaysi isku koobay awooda Somaliland. Cabdoo Xaaji Boramanews/London Qaran News
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay meel wanaagsan umareyso weeraradda ka dhaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Hadalkan ayaa Dowladu waxaa ay ka jeedisay kulan looga hadlayay doorka ay haweenku ku yeelan karaan ilaalinta Nabada iyo ka hortaga dhacdooyinka ku saleysan waxa loogu yeero xagjirnimada. Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aadan Dhuuboow ayaa hoosta ka xariiqay in waasaradiisu ay wado qorshe dhalinyarada looga wacyigalinayo in aysan ka qayb qaadan Falalka lidiga ku ah amniga. Dhuuboow oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in arintaasi ay dowladdu u xilsaartay culumo’udiin dalka dibadiisa laga keenay. Sheekh Aweys Maxamed Cumar oo kamid ah mashaa’iqda shaqadan wacyi galinta loo xilsaaray, kaasi idaacadda Shabelle uga waramay qaabka ay culimadda iyo dowlada isku kaashan karaa ayaan rajo wayn muujiyay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo hore waxay balan-qaadey inay ka go’an tahay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa xasilooni, iyo inay ciribtireyso wax kasta oo carqalad ku noqon kara arrintaasi. The post XFS oo sheegtay inay ka hortageyso weerarada ka dhaca Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Al-Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku ekeysay saldhig ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Weerarka waxaa ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo dhex-maray ciidamada dowlada ee Saldhiga ku sugnaa iyo xoogaga Al-Shabaab. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay, inksta oo aanan la ogayn tirade saxda ah ee labada dhinac ka wax noqotay. Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay dagaal ku qabsadeen degaanka, islamarkaana ay si buuxda umaamulayaan. Ma jiro war rasmi ah ah oo ay dagaaladaan kasoo saareen Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka. Deegaanka Goofgaduud ayaa muhiim u ah sugida amniga magaalada Baydhabo oo dhowaan ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed. Dhowr jeer oo hore deegaanka ayaa waxaa ka dhacay dagaalo u muuqday in deegaanka gacan ku heentiisa ay ku loolamayaan Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada oo halkaasi saldhigyo ku leh. The post Saldhig ay ciidanka DFS ku leeyihiin G/Bay oo la weeraray appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Bosaso-[Puntland Post ]Shirkadaha Tawfiiq iyo Waabari Group ayaa macaamiishooda waxa ay gudoonsiisay abaalmarino kala duwan oo iskugu jira gawaari,alaabta guryaha labtono iyo hadyado kale . Munasabada abaalmarinahan lagu gudoonsiinayay ayaa lagu qabtaya Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari waxana ka qeyb galay gudoomiye ku-xigeenka Rugta ganacsiga Puntland Madaxda shirkada Tawfiiq iyo Waabari, Group iyo ganacsato munasabada lagu casuumay. Maamulaha Shirkada Tawfiiq ee qeybta Puntland Maxamed Daahir Faarax oo ugu horan ka hadlay goobta ayaa sheegay in abaalmarintan ay uga dan leeyihiin sidii ay macaamiishooda ay u dhiiri galin lahayen . Sanadkiiba mar ayan qabana abaalmarintan waxana ay naga tahay dhiiri galin iyo in aanu bulshada tusno sidii aanu markasta diyaarka ugu nahay soo dhaweyntooda . waxan u mahad celinayna ganacsatada dadaalka ku bixiyay sidii ay abaalmarintan u qaadan lahaa . waxay noo tahay Farxad wana sii wadi doona abaalmarinaha noocan oo kale ah insha allah” sidaas waxa yiri Maamulaha shirkada Tawfiiq ee Puntland Maxamed Daahir Faarax. Gudoomiyaha Shirkada Waabari Group oo ka mid ah shirkadaha ay baha wadagta yihiin Tawfiiq oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay tani tahay niyad wanag ay u muujinayaan ganacsatada ku xiran badeecadooda islamarkan ay ku faraxsan yihiin dadaalka ay ganacsatadu wado. Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Cabdi Waabari oo ugu danbatiin goobta ka hadlaya ayaa madaxda shirkada Tawfiqiq ku amaanay sida ay markasta macamiishooda y diyarka ugu yihiin islamarkan ay ku dhiiri galiyaan. ugu danbantii ayaa waxa munsabada lagu doonsiiyay abaalmarino kala duwan macaamiishii ku xirnayd badeecadoda . The post Shirkadaha Tawfiiq iyo Waabari Group oo abaalmarino gudoonsiiyay Macamiishooda appeared first on Puntland Post.
  24. Data Grid Somalia undertook a study in October 2018 to assess the upcoming Presidential election. The study sought to establish the major election issues in Puntland; gauge the perceptions of the opinion leaders on the electoral process; identify the factors that would likely influence the choice of president; identify the desired traits or qualities of the president-to-be; and examine factors that continue to impede the holding popular election in Puntland. The study design adopted a qualitative approach involving the use of in-depth interviews to collect data from various opinion leaders: politicians, clan leaders (traditional elders) and civil society members in the regional state towns of Garowe and Galkacyo. Read more….in here