Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,023
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargaysa) Sheekh Aadan Xaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo kamid ah culimada Waa Wayn ee Somaliland ayaa ka hadlay dhulka laga dhisaayo Madaxtooyada cusub. Hoos ka DAAWO . Source
  2. Garowe Puntlandi:- Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay khilaafka Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Xamar iyo dedaaladii dhex dhexaadinayd [...] Source
  3. Waa Madal kulmisay dhalinyar mud iyo labeen ka ahaa masrixiyadahii doorashadii u danbaysay ee lagu doortay madaxwayne Muuse Bixi Cabdi. Rag badan oo goobta ka soo xaadiray wakhtigii ololaha indhaha ismay siin karayn, wallow ay dhacdana waaba la is gacan saarayey. Laba garab oo kala fog oo labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE ayey kala ahaayeen . Way kala irdhoobeen wallow ay dan, deegaan, mag iyo tolnimo wadaag ahaayeen. Waxase I yaab galiyey tolow maxaa mideeyey maanta oo isku keenay? Huteel Mansoor ayaa waxa ka qabsoomay kulan siyaasadeed kulmisay dhalinyarta aanu haybta hoose wadaagno kana mid ah kuwa ku nool degmooyinka 26ka Juun iyo Ibraahim Koodbuur ee Magalada Hargaisa. Haybtaasi ma ku sheegaa akhriste? Ma xuma ee igu sin.Dhalinyartan ayaa waxa isku keenay dareenka ah sidii dhalinyarta Somaliland kaalin ugu yeelan lahayd xulista musharixiinta gole deegaanada una garabsiin lahaayeen waayeelka ku kaliyeystay kala doorista cidii ku matali lahayd siyaasada bulshooyinka kala duwan. Arintan oo xal u noqon karta in la horimarin karo habka xulista musharaxiinta si loo helo qof leh kartida uu ku matali karo masiirka bulshadiisa. Dhalinta dhuungalaysa siyaasada waxa horyaal dhamaantood siday laba isdiido isku ogalaysiiyaan. Waa isleeg iyo masalo siyaasadeed oo aan wali la miisaamin. Masaladan adiguba isku day oo sideed hadafkaaga siyaasiga iyo danta tolkaa isku xisbi uga dhigi kartaa… Horteen jiraba hore u waa? Kulan siyaasadeedkan ayaa muunad u ah sidii ay dhalinta Somaliland ugu diyaar yihiin in la gaadhay wakhtigii siyasada hayb matalka looga digo rogan lahaa Xisbi iyo deegaan doorasho xad sugan leh. Dhacdadan ku cusub saaxada siyaasada ayaa hoge-tusaale inoogu filan in dhalinyarta wadanku fahamto in dilmuqraadiyadu tahay in aan sidii Lo’da wado raad qudha la isku daba istaagin loona diyaar garoobo ka midho dhalintii hankii uu Macalin Gaariye (IHUN) maansada ku tibaaxay ee uu yidhi (wuxuunbaa ehel ii ah, dad ninkaan af-aqaan ee na midayso ujeedo). Raga Goobta ka soo xaadiray ayaa waxa ka mid ahaa rag kala irdhoobay wakhtigii ololaha. Waa Xamse Khayre, Gudoomiyihii ololihii Rajada shacabka ee Xisbigi WADDANI, Waa Agaasime Wali , Xisbiyahan Axmed Ciisood, Mutacalin Mustafe Cabdi iyo Rag kale oo badan oo dhamaan reer Hargaisa ah lana abtirsiin-wadaag hoose la ah beeralaydii Maddar ilaa bandarkii Gabiley lana Guri wadaag ah dadka Caasimada ku nool. Waxa marti galinta fidiyey Maxamed Sheekh Cabdiraxman oo rabay bal in uu matacalinka ay haybta haybta iyo Hargaysa wadaagaan sidii hankiisa musharax ee golaha caasimada u ogaan lahaayeen iyo in laga wada tashado sidii la isku ogolaysiin lahaa Xisbiga uu iska soo sharaxi doono iyo danta tolka hadii codka sanadkana tolnimo lagu bixinayo sida caadadeena ah walibana loo guuso isaga. Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Gudoomiyihii ololaha Xisbiga Waddani, oo madasha shamaceeda ifayey ahaa kuna soo shaac baxay sidii uu ugu dhiiraday ka mid noqoshada xisbi uu calanside u yahay musharax ay kala Hayb yihiin halka Mr. Wali ahaa Kulmiyahan xadhkaha u xidhay taabo galintii aragtidii Horaa loo soconayaa… kulanka ayaa dhaliyey dood la islana qaatay in iyadoo hayb wadaag la yahay hadana la kala xisbi ama isku xisbi la noqon karo. Waxa gun iyo baar la isla qaatay in maadama iyagu kasoo jeedaan bulsho iyo dad loo majeeranayo aqoon iyo tijaarad, kana mid ah dadka uu ilaahay ku beeray Caasimada Hargaisa, bal soo xulista musharax deegaanka marka hore saamayn lagu yeesho waliba ay talaabada hore qaadaan oo dhalinyartana tusaale ugu noqdaan in kaalintooda ka qaataan soo xulista musharixiinta haday xaga xisbiga iyo hogaamiyaasha dhaqanka beeshooda tahayba oo wakhtigan loo aaminay in ay tahay shaqo waayeel iyo xisbiyada siyaasiga oo ka dhaxaysa. Guntii iyo Gebo-gabadii waxay ila tahay in la gaadhay wakhtigii dhalinyarta mutacalinka ee garaadka siyaasadeed ku fikiraysa ee degmooyinka 26 Jun iyo Ibraahim Koodbuur, in loo baahan yahay in kulano ka balaadhan kan maalinta dhawayd ka dhacay Maansoor in la isku yimaado si loo weeleeyo codkeena caasimada Hargaisa. Miyaanay ahayn in wado ku dayasho mudana loo jeexo degmooyinka kale ee dhalinta reer Hargaysa.. Dad iyo duunyo ma guurto dhaxays ahiba way ku dhaqan yihiin Hargaisa, waana xuduntii kulmisay Somaliland oo dhan ee waxa iga waydiin ah dhalinta reer Hargaisa ma dumin karaan siyaasada hayb-matalka ah ee aynu ka dhaxalnay lododkii siyaasiinta ahaa ee inaga horeeyey. Waanu idin ilaynaynaa dhalinta reer Hargaysaw ee horseed u noqda dhalinyarta dalka guud. Muxyadiin Yussuf Awrabaax galbeedi1988@gmail.com Source
  4. Muuse Biixi Cabdi ayaynu aragnaa inta badan khudbadihiisa ama hadaladiisa isaga oo ku soo qaadanaya Soomaaliya. Marba meel ayuu hadalka ka soo geliyaa, mar wuu dhalliilaa, mar wuu u hanjabaa, marna siyaasaddooda ayuu ka hadlaa oo dhex dabaashaa. Muddadii uu xilka hayay Muuse khaladaadka siyaasaddeed ee uu dhex dabaalanaayo ayay arrintani kow ka tahay. Mararka qaar waxaan idhaahdaa; tallow madaxweynuhu ma wuxuu ka hadlo ayuu wayay? Hase yeeshee waxa ii soo baxda in uu u hamuun qabo in uu la hadlo Soomaaliya. Madaxwayneyaashii Muuse ka horeeyay ee Somaliland soo maray dhaqanka noocan ah may lahayn, intaan ka war hayo. Waxaan garanayaa in ay maalin la hadli jireen oo ay si miisaaman oo macno leh ay ula hadli jireen, kadibna hadalkaasi saameyn iyo isbedel yeelan jireen. Inta kalena ay dadnta dalkooda iyo dadkooda ka hadli jireen. Soomaaliya oo uu Muuse Biixi la hadlo maalin walba oo uu fagaare iyo warbaahintaba marka uu soo hor istaago ma soo jawaabaan. Sababtu ma cadda hase yeeshee waxay u dhowdahay uun in hadal micno ah oo ay ka soo jawaabaan aanu u muuqan iyaga. Ma diidani in madaxwaynuhu Soomaaliya la hadlo oo wixii laga tabanaayo u sheego isaga oo metalaya shacabkiisa, bal se waxaan diidanahay qaabkan uu wax u waddo. Saacad walba, iyo maalin walba haddii aad Soomaaliya u jawaabto ood ka hadasho waad xikmad guuri oo xattaa shacabku hadhow dan iyo muraad toona kama yeelan doonan marka ay maqlaan; Muuse Biixi ayaa Soomaaliya la hadlay ama farriin u diray – Soomaaliya qudheedu haddaad la hadasho iyo haddii kaleba micno u sameyn mayso. Xisaabta ku darso mudane madaxweyne; la hadalka badan ee dawladda Soomaaliya mararka qaar dawakhaad laga qaadi doonno. Waxaaba laga yaabaa in uu madaxwaynaha ujeedadiisu tahay in uu kasbado taageerada shacabka Somaliland ama ugu yaraan in uu hadalkaasi sababo isku soo dhowaansho dhanka shacbiga ah laakiin madaxwaynuhu ma dhaadin in ka hadalkani dhaawac ku yeelanayo shakhsiyaddiisa oo hadalkiisuba wax ka soo qaad yeelan waayo. Tusaale; maanta ayaad tidhi ma oggolin wada-hadal na dhex mara. Beri ayaa beesha caalamku caddaadis kugu saari doontaa in aad aqbasho wada-hadal ay idin dhexdhexaadin doonnaan. Markaa madaxweyne mar labaad miyaad odhan diyaar ayaanu u nahay wada-hadal anagga iyo Soomaaliya na dhex mara? Si taas la mid ah madaxwaynuhu waxa uu colaadda Tukaraq iyo xiisadda Puntland ugu soo cel-celiyaan si joogto ah oo aad mooddo in mar walba ay wax ka soo cusboonaadeen. Isagoo xittaa mararka qaar u jawaabay afhayeenka Cabdiwali Gaas. Mudane madaxwayne kaarka ku hayaa kululaa. Tukaraq maanta gacanta Somaliland ayay ku jirtaa Puntland ood xoog iyo xiinyaba kaga qaaday sidaad uga hadlayso ugama hadlaan ee halkee ayay wax ka khaldan yihiin. Hoggaamiyuhu in uu dagaal ka hadlo inta ugu badan iyo in uu horumar ka hadlo iyada lafteedu waa qiimayn ay diblomaasiyaddu akhrido oo muujinaysa garaadka hoggaamiyaha iyo waxa uu xiiseeyo. Marka ay sidaas tahay miyaanay madaxwayne kula qumanayn in aad mar ama laba goor si waafiya oo xaqiiq ah intood ula hadasho aad ka aamusto Soomaaliya. Taasi waxay keenaysaa in xattaa lagu dhageysto, dadku ay xiiseeyaan hadalkaga. Caalamka qudhiisu markaad maalin walba aad Soomaaliya la hadasho waxay kuu arkayaan uun nin aan macnaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda wax badan ka garanaynin. Mudane madaxwayne horaa loo yidhi; nin hadlay nin aamusaa ka badiyay, maanta waad la hadashay ku dhawaad 20 jeer kuuma soo jawaabaan oo way kaa aamuseen! Ha micno guurin madaxwayne. Source
  5. Xilligii Ingiriisku joogay dhulkan Somaliland dadka reer Burco way ka dabeecad iyo caado duwanaayeen dadyowga kale sida ay haddaba wax badan ugaga gadisan yihiin lknse Xilligaa Burco iyo ingiriisku judhiiba way is fahmeen waxaanuu dareemay ingiriisku in aanay Burco ahyn meel degdeg ugu rabaysmaysa damaciisa Dahaadhan Ka dibna Marhadii ay si shishe isu arkeen Ayuu ingiriisku Wuxuu dejiyay qorshe Farshaxamaysan oo uu xarunta maamulkiisa Hargaysa ku gaynayo, balse intii aanu Xarunta maxmiyada aanu Hargaysa ka dhigin ayay magaalooyinkii waawaynaa odayaashii iyo waxgaradkii joogay wax badan is yidhaahdeen. Burco iyo Hargaysa ayaa kamid ahaa magaalooyinka dad badan ku noolaa degenaa Burco ayuu ingiriisku la kulmay oo ku yidhi Magaalada Burco Horta yaa iska leh kadibna waxay Odayadii Burco ugu jawaabeen sida uu ileehay nooleeyahay ayay Ragayagan kula Hadlaya iyo inta aanu matelnaa uleeyihin Burco Saraakiishii ingiriis ee maxmiyadu okayda ayay siiyeen ragii Burco kadibna socod koodii ayay sii wateen. Ileen waa niman raba magaalo ilaahay leeyahaye Hargaysa ayuu ingiriisku iyana Ragii joogay la kulmay kadibna isla waydiintii Burco tu lamida ayaa ragii hargysa la waydiiyay Reer Hargysa waxay ku yidhaahdeen ingiriiskii Magaalada Hargaysa ilaahay baa iska leh kadib na ……. Markaas muu in giriisku go’aansaday inuu kala doorto Magaalada ragii lahaa sheegteen iyo Magaalada aan Cidna sheegan ee ilaahay leeyahay sidaas ayuuna Hargaysa ugu doortay Xarunta maamulkiisa guud ee Maxmiyadda in ay noqoto Sida taariikhta kucad Deegaanada Togdheer ee Burco xarunta utahay ayaa ahaa kamid ahaa ama ahaa halkii Uhoraysay ee Ingiriisku saliga dhigto, markaa Hadalka Maayerka Burco Waxaa la odhan karaa waa saxdii oo Burco waa magaaladii Ragga… Source
  6. Sidaynu ognahay komishinka doorashooyinka qaranka waxay ku dhawaqeen inaysan qabsoomaynin doorashada waqtigii loogu tala galay. Hadaba waxaa is waydiin mudan cidda mas’uuliyada iska leh dib u dhaca doorashada jamhuuriyada Somaliland, sans-serif; text-align: justify;”> Bulshada ka faaloota arimaha siyaasada Somaliland waxay eeda ugu wayn ee dib u dhaca doorashada jamhuuriyada Somaliland saarayaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo ah kan looga fadhiyo inuu dalka ka hirgaliyo doorasho. Sidaynu ogsoonahay xisbiga ugu aqlabiyada badan dhinaca mucaaradka ayaa ka biya diiday sanadkan awalkisii komishinka doorashooyinka qaranka, waxayna soo jeediyeen in labadalo komishinka doorashooyinka qaranka, balse arinka waxaa ka hor yimid madaxweyne muuse, isagoona sheegay badalka la badala komishinka waxay carqalad ku keenaysaa doorashadii madaxtooyada ee ina soo dhaaftay. Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay isku dhajintan uu madaxweyne muuse isku dhajinayo sii joogista komishinka doorashooyinka qaranka waxay horseedi kartaa inay soo fara galiyaan dowladaha daneeya doorashooyinka Somaliland, Komishinka doorashooyinka qaranka waxaa ka dhalan kara isku dhajinta kuraasta ay ku fadhiyaan shaki, shakigasoo la oron karo ma waxaa jirta data ay hayaan, tasoo u sahli karta xisbiga kulmiye inay helaan kuraasta ugu badan golayaasha qaranka, hadaysan jirin wax u qarsoon mas’uuliyinta komishinka doorashooyinka qaranka, waxaa haboon in ay baneyaan kuraasta ay ku fadhiyaan, si loo helo mas’uuliyin cusub, leh aqoon iyo karti ay ku qaban karaan doorashoyinka golayaasha qaranka. Gunti iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan madaxweyne muuse waxaan ugu baaqayaa inuu u hogaansamo xisbiga ugu aqlabiyada badan dhinaca mucaaradka soo jeedintiisa, si loo helo komishin doorasho lagu kalsoonankaro. Dalkan bulshadiisa waxay diyaar u yihin inay doortaan golayaal qaran, kuwasoo la jaan qadaya xaalada ka taagan Somaliland, Source
  7. Ninbaa soo galay hudheel wuxuu dalbaday waslad Xagalo ah, kolkuu kuruskii qawlallada ka tufay ee uu dhergay, labadii gacmood iyo afkoo hareedan intuu soo dhaqday ayuu maqlkii isi soo quturay, la’ye lacagta intaasaad qabtaaye bixi, intuu laba indhood ood mooddo kabbo dhiiga galka ka saaray ayuu yidhi lacag ma hayo. Maqalhayii intuu meheradiisa u tudhay ayuu ku yidhi lacagna ha bixine adeer iska bax, intuu gafuurka kor u taagay oo uu faraha indhaha ka geshay ayuu yidhi haddaan dhergo maba tago! Ninkaa waxa ka dhigan golaha wakiillada ee afar iyo tobanka sano aynu biilinaynay ee cashuurteenna carruuraha ku korsaday tagimaayaan. Kuraastaa ay ku fadhiyaan waxaan hadimo iyo hagardaamo ahayn qaranku kuma qabo, shaqada ay qabteen mid manfac leh oo la majeeran doono maaha, tagimaayaan oo mushaharka ka tagimaayaan illaa shacabkii kuraasta lahaa ka tashadaan oo kuraasta qasab lagaga soo jiido. Waa axmaq aan iimaan iyo ummadnimo lahayn waxaan ahayn sanqadha doollarka ma maqlaan. Garaad cay iyo liitinimay innagu tahay in markii shanaad ay u shanlaysanayaan kordhin, dhaqankaasi waa mid ceeb ku noqday dawladnimadeena boogna innagu ah, in gole xilkii loo dhaarshay ku fashilmay oo aan manfac inoo lahayn kolba muddada loo jadiidiyo. Muddo-xileed xadidan ayaynu dooranay oo ay ahaayeen wakiillo inna metela illaa manta xeerkii lagu dooran lahaa may hirgelin shuruuc kale ha joogeene. Ummadaha dunda ee damiirkoodu noolyahay sida aynu u xisaabtanno uma dhaqmaan, danbaa midaysa innagana reernimo iyo qabyaaladba inna midaysa. Source
  8. (SLT-Gaboose) Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray jadwalka soo xulista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxweynaha, kaddib qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa. C/weli Gaas ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in Beelaha ku dhaqan Gobolada Puntland ay u soo xushaan golaha wakiilada si waafaqsan dastuurka, una soo gudbiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee Puntland uu furmo doono 01/01/2019, iyagoo dooran doona Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Doorashada Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa dhici doonto 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2019. Dhinaca kale warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in C/weli Gaas uu ku dhawaaqi doono maalmaha soo socda inuu yahay Musharax mar kale u tartamaya xilka Madaxweynaha, si uu mar kale ugu guuleysto. Source
  9. (SLT-Muqdisho) Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amaro ku soo rogay dhammaan Golihiisa Wasiirada, isagoo faray in ka hor dhamaadka bisha December ay dhameystiraan howlaha uga harsan qorsho howleedka sanadkan sii dhamaanaya ee 2018. Kulankii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray qorshe howleedka sanadkan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in Wasiir walba soo dhameystiro howshiisa. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhameystirka qorshe howleedka sanadkan ay fududaaneyso in si fudud looga gudbo qorshayaasha qaran ee sanadkan 2019 Amarada la faray Wasiirada ayaa ka mid ah in aanay dalka ka bixi karin, haddii aysan la soo gudbaan xaalado kale oo gaar ah Ugu dambeyn kulanka ayaa lagu soo bandhigay hal-beegyada tubaha Wasaaradaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guuleysto sanadkan dhamaadka ah. Source
  10. Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ugu baaqay beelaha Puntland inay si waafaqsan dastuurka Puntland usoo xushaan wakiiladooda, unasoo gudbiyaan guddiga xalinta khilaafaadka [...] Source
  11. Buenos Aires (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa muuqaal laga duubay isaga oo u digaya dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, markaasi oo si lama filaan ah ay kaamirada u qabatay. Labada dhinac ayaa wada-hadal aan rasmi ahayn uu ku dhinac yeeshay shirka dalalka dhqaalaha adduunka ugu sarreeya ee G-20 oo ka socda dalka Argentina. Macron ayaa la maqlay isaga oo leh “Waan walaacsanahay, waan walaacsanahay….waan kuu sheegay” “Haa, waad ii sheegay” ayuu ku jawaabay Amiir Maxamed, “Aad baad u mahadsan tahay” “Marnaba ima dhageysatid” ayuu yiri Macron. “Maya, dabcan waan ku dhageystaa” ayuu ku jawaabay Maxamed Bin Salmaan, oo dhoola caddeynaya kadib markii uu dareemay in kaamiro ay duubeyso. “Sababtoo ah waan kuu sheegay. Aad ayey muhiim kuugu ahayd” ayuu yiri Macron oo dhoola caddeynaya ka hor inta uusan billaabin inuu ka durqo amiirka. Macron ayaa markaas yiri wax aan la maqal, balse Maxamed Bin Salmaan ayaa ku jawaabay “Waa caadi, wax waan ka qaban karaa” Xoogaa kadib ayaa Macron la maqlay isaga oo leh “Waxaan ahay nin ka dhabeeya wixii uu yiraahdo” Lama yaqaan waxa ay ku saabsaneyd sheekadooda balse madaxtooyada Faransiiska ee Élysée Palace ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay muddo shan daqiiqo ah wada-hadleen, islamarkaana Macron uu Amiirka u gudbiyey farriin adag oo ku saabsan dilka weriye Jamaal Khaashuqji iyo inuu xal u helo dagaalka Yemen. Hoos ka daawo muuqaalka
  12. Shirkii Khamiislaha ee Golaha wasiirada Puntland ayaa qabsoomay jimcihii maanta kadib markii uu shalay u baaqday safarkii madaxweyne Gaas iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa ay ugu maqnaayeen degaanno kamid ah gobolada Karkaar iyo Hayland. War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu faahfaahiyay qodobadii looga hadlay shirka,waxaana lagu sheegay in safarkii madaxweynuhu ku tegay gobolada Karkaar iyo Hayland uu ka soo daah-furay mashaariic horumarineed,islamarkaana uu ka soo dhagax-dhigay mashaariic cusub. Mashaariicda madaxweynuhu daah-furay ayaa kala ah Isbitaalka weyn ee degmada Qardho iyo xarunta Turobataariyada ee isla degmadaas, sidoo kale waxaa madaxweynuhu degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland ka dhagax dhigay wadda laami ah oo isku’ xidhi doonta Xiingalool&Sheerbi iyo xarun loo dhisayo barakacayaasha oo ka kooban 100 guri. Dhinaca kale war-murtiyeedka oo looga hadlay khilaafka Federaalka ayaa lagu sheegay in Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka dhexayso qaanuun iyo awood-qeybsi sharci ah,haddii taasi la waayana aan la wada-shaqeyn karin,waxaana war-murtiyeedka ku xusan in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu raalli-gelin ka baxshay hadal uu maalmo ka hor ku taageeray xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyntii, Puntland waxay soo dhowaysay dhex-dhexaadinta uu wado guddiga Aqalka sare u xil-saaray xallinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada,kaasoo Puntland ku tilmaantay tallaabo wanaagsan,balse ay sheegtay in aan weli la dhammayn qodobadii laga cabanayey. PUNTLAND POST The post Camey oo raalli-gelin ka bixiyay hadal uu ku taageeray Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-London)- Wafti ka Socda Somaliland oo Lagusoo Dhaweeyay Magaalada London Source
  14. (SLT-Muqdisho)-Xukuumadda Somalia ayaa Ka Hadashay Wadahadalkii Ay Kula Jirtay Somaliland. Source
  15. (SLT-Nairobi)-Shirka Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo Ka Furmay Dalka Kenya Source
  16. (SLT-Saaxil)- Madaxwaynaha Somaliland Oo Mashaariiix Horumarineed Ka Dhagax Dhigay Gobolka Saaxil. Source
  17. Somaliland: Guddiga Doorashooyinka Oo Soo Bandhigay Caqabada Haysta. Guddiga Doorashooyinka Ee Somaliland (NEC) ayaa so bandhigay waraaq dheer oo ay ku qorantahay caqabada ka hor istaagtay qabitaanka doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deggeenada. Waraaqaadan dheer waxaa ku tixan kulano fara badan oo NEC la yeelatay, Madaxweynaha, Golayaasha iyo Xisbiyadda. Hadaba su’aash meesha taale waxa weeye, haddii la qabtay doorashadii madaxweynaha 2017, maxaa loo isticmaali waayey xafiisyadii iyo diiwaangelintii xilligaa la isticmaalay? Dadka la diiwangeligey waa dadkii uun, laga yaabaa in ay waxoogaa ku soo kordhaan. Maxaa is badeley? Haddii la hayo, oo aan la tuurin waraaqihii iyo tirakoobkii dadkii la diiwangeliyey, maxaa keenay in diiwangelin cusub la sameeyo? Ma xisaabtaa markii hore khaldaneyd? Mida kale, haddii xisbiga Waddani joojiyey wada shaqayntiin NEC, dee, markaa NEC kalsoonidii loo hayey baa luntay. Ha is casilaan. Hebel baan la shirnay, iyo halkan baan marnay, socon mayso. Waxaa loo baahnaa in ay berri hore isu diyaariyaan doorashada, oo hawsha si taxan u wadaan. Xafiis baan shaakh ku cabiyay, hebelna waan la sheekaystay umadda Somaliland mari mayso. Waxaad moodaa in ay NEC weligood waxba ka baraneyn doorashooyinka soo mara, iyo sidii hawsha loo horumarin lahaa. Waa hadii aan lacag lagu shubin, socon mayso meeshu. Tobon billood oo dambe NEC maanta fadhida Somaliland waxba kam sugeyso, iyaga iyo Golaha Wakiiladaba. Allow sahal amuuraha. Allaa Mahad Leh Ahmed Kheyre Qaran News
  18. (SLT-London) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa soo gaadhay Dalka Ingiriiska. Hoos ka DAAWO Source
  19. (SLT-Barlin)Wararka ka imanaya dalka Jarmalka ayaaa sheegaya in diyaarad ay saarneyd haweeneyda madaxda ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel kuna sii jeeday dalka Argentine ayaa si deg-deg ah dhulka u fariisatay kadib markii cillad farsamo ay soo wajahday. Diyaarada oo nooceedu ahaa Airbus A340 ayaa waxaa la socday wafdi ay hogaaminayso Angela Merkel oo ka qeybgali lahaa shirka G20 oo ka dhacaya magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina waxaana si deg-deg ah loo fariisiyay garoonka diyaaradaha magaalada Cologne. Xilligii la dareemay in diyaaradu ay cillad soo wajahday ayaa waxa ay dul maraysay hawada dalka Netherland saacad kadib markii ay duushay waxana uu sheegay duuliyihii in cillad farsamo ay hayso balse aysan diyaaradu halis ku jirin. Diyaarad nooca kuwa ciidamada ah ayaa loo diyaariyay wafdiga ay horkacayso Angela Merkel in ay u raacaan dalka Argentina oo maanta oo Jimce ah uu ka furmayo shirka G20 taas oo bedel u ah diyaaradii cillada ku timid. Source
  20. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray qoraal lagu faragalinayo doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha iyo ku xigeenka. Madaxweyne Gaas ayaa qoraalka ku sheegay in beelaha Puntland ay Baarlamaanka cusub u soo gubiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018, iyagoo ku dadaalaya in ay khilaafka ku soo dhameystaan dhexdooda. Sidoo kale Cabdiwali Gaas ayaa qoraalka ku sheegay in kalfadhiga ugu horreeya Baaralamaanka cusub ee Puntland furmi doono 01/01/2019, iyagoo doorashada Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka dooran doona inta u dhexaysa 1-da ilaa 6 Janaayo 2019, wuxuuna intaas ku daray in doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenku dhacayso 8-da Janaayo 2019. Warka ka soo baxay Cabdiwali Gaas ayaa faragalin ku ah shaqooyinkii Guddiyada ansixinta iyo xalinta khilaafaadka xulista Baarlamaanka, doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka, kuwaas oo iyagu awood u leh in ay cayimaan xiliga ay qabanayaan howlahaas. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warkan soo saaray, isagoo aan wali soo magacaabin Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ahayd shaqada ugu horeysa ee doorshada. Cabdiwali Gaas ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in uu ku dhawaaqo musharax Madaxweyne Puntland 2019. PUNTLAND POST The post Cabdiwali Gaas oo war ka soo saaray doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray qoraal ku saabsan habka soo xulista xildhibaanada cusub ee baralamanka Puntland iyo xilliga doorashada maamulkaas. Gaas ayaa ka dalbaday beelaha Puntland inay si waafaqsan dastuurka Puntland usoo xushaan dhammaan xubnaha uga mid noqonaya golaha wakiilada Puntland, inta ka horeysa 1-ka bisha December ee soo socota, una soo gudbiyaan guddiga ansixita. Gaas ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in kalfadhigga koowaad ee golaha cusub uu billaaban doono kowda bisha Janaayo ee sanadka 2019. Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay dhici doonto 8-da bisha Janaayo 2019, sida markii horeba uu qorshuhu ahaa. Qoraalka Gaas ayaa meesha ka saaray cabsidii laga qabay iyo eedeymihii musharaxiinta mucaaradka ee ahaa in Gaas uu doonayo in doorashada uu dib u dhigo, oo waqtiga uu korarsado. Hoos ka aqri warqadda Gaas
  22. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, isagoo kasoo horjeestay in ciidamo laga qaado Muqdisho la geeyo Baydhabo. Mursal oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur-galbeed ayaa sheegay inaan loo baahnayn in ciidammo kale la geeyo Baydhabo cidii geysana wax laga weydiin doono wixii qalalaase ah ee ka dhaca degmadaas. “Deegaanka waxaan u malaynayaa in ciidammo suga amniga oo ku filan ay joogaan, gaar ahaan ammaanka Doorashada wax kaloo dheeri ah ciddii ku darta iyadaa lagula xisaabtami doona,” ayuu yiri Mursal oo jooga Turkiga. Wareysi uu Mursal siiyay VOA-da ayuu ku sheegay inuu aaminsan yahay in doorashada madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed lagu wado inay dhacdo 05-ta December. Wuxuuna yiri. “Waxaan rabnaa in doorashada si cad ay u dhacdo waxaan la hadlay ku-simaha madaxweynaha guddiga doorashadana waa joogaan.” Sidoo kale, Mar wax laga weydiiyay in xukuumadda Soomaaliya ay wadato musharax gaar ah, ayuu sheegay inuusan ogeyn musharax gaar ah oo ay dowladdu wadato. Mar wax laga weydiiyay musharraxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow ayuu yiri; “Muqtaar Roobow waa muwaadin Soomaaliyeed dowladda Somalia ayaa la gashay heshiis, iyadaa keentay Muqdisho xerada nabad-sugidda ayuuna deggenaa, ogaal la’aanna Baydhabo kuma tegin, musharax ayuu noqday shahaadana waa la siiyay xaq ayuu u leeyahay inuu u tartamo. Dowladdu haddii ay ujeedo kale ka leedahay sanad ka badan Muqdisho ayuu joogay.” Dhanka kale, Mar wax laga weydiiyay inay tallaabo qaadi karto Dowladda FS taasoo ay doorashada uga joojinayso Sheekh Mukhtaar Roobow, ayuu kaga jawaabay inaysan Dowladdu qaadi karin tallaabo noocaas ah. “Waa khalad in Dowladda Somalia ay fara-geliso musharraxnimada xilligaan ee Mukhtaar Roobow, waayo wuxuu ka mid yahay xubnaha faraha badan ee u ordaya xilka,” ayuu yri Maxamed Mursal oo muujiyay in fara-gelinno lagu wado xilligan doorashada lagu wado inay toddobaadka soo socda ka dhacdo Baydhabo. Hadalkiisa ayaa wuxuu imaanayaa xilli ciidammo fara badan oo la sheegay inay yihiin booliis maanta la geeyay Baydhabo, kuwaasoo la sheegay inay sugi doonaan ammaanka guud ee Baydhabo inta ay socoto doorashada la filayo inay dhacdo bisha soo socota, inkastoo xildhibaanno fara badan ay kasoo horjeesteen ciidamadaas. Ugu dambeyn, Xiisad ayaa laga soo sheegayaa magaalada Baydhabo, taasoo ka dhalatay ciidamadii maanta la geeyay Baydhabo, kuwaasoo ay dowladdu sheegtay inay ka shaqeyn doonaan amniga doorashada lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo. PUNTLAND POST The post MURSAL: Baydhabo Ciidamo uma baahna ciddii ciidan geysana iyadaa lagula Xisaabtamayaa appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xeer ku soo saaray waqtiyada la soo gudbinaayo liiska wakiilada Puntland, xilliga ay tahay iney doortaan guddoonka iyo xataa doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Qoraalka Madaxweyne Gaas waxaa ka mid ahaa: 1. In beelaha Puntland golaha wakiillada u soo xushaan si waafaqsan dastuurka Puntland, una soo gudbiyaan guddiga anshaxa iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/2018. 2. Waxaa la furayaa kalfadhiga ugu horeeya ee golaha wakiilada Puntland ee cusub 01/01/2019, iyaga oo dhameystiran doona howshooda gaarka ah inta u dhaxeysa 1da ilaa 6da Janaayo 2019ka sida: guddoonka, guddiga doorashada iyo wixii la xiriira. 3. Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa ay dhaceysaa 08/01/2019 4. Waxaa xeer gaar ah lagu soo saari-doonaa magacaabista ansixinta xalinta khilaafaadka Wareegtada Akhriso: Source: goobjoog.com
  24. Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ciidamo gaar u tababaran oo maanta la geeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Ciidamadaasi oo ka badan 100 askari ayaa doorweyn ku lahaan doono xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, inta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed, sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay in ciidamadaasi ay u tageen magaalada Baydhabo inay xaqiijiyaan amaanka magaaladaasi. “Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, ciidan boolis oo federaal ah ma ahan markii ugu horeysay ee la keeno magaalada Baydhabo horeyna wey u joogeen”. “Kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno, Waad la socotaan deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashadana waxaa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed. Sababta ciidamada loo geeyay magaalada Baydhabo ayuu ku sheegay in Al Shabaab ay doonayaan in weeraro ka geystaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, ciidamadaasina ay ka hortagi doonaan. “Al-Shabaab waxa ay doonayaan inay falal amni darro ka geystaan deegaanada Koonfur galbeed, ciidankana waxa ay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxa ay u yimaadeen sugidda amniga” “Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada naloo keenay oo ka shaqeynaya Nabad galyada”. ayuu hadalkiisa ku daray. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimad@live.com