-
Content Count
207,037 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay xaalad ahaan deggan yihiin deegaannada Jilib Marka iyo Gendershe ee gobolkaasi, halkaasi oo ay ku dagaallameen ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa Al-shabaab. Maxamed Cumar oo ah guddoomiyaha magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog, in Al-shabaab dagaal looga saaray deegaannadaasi. Waxa uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka ay Labo jeer ku noqdeen deegaankaasi iyadoo ugu dambeynna ka saaray Al-shabaab. Waxa uu tilmaamay in deegaannadaasi ay gacanta ku hayaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana ay jiraan duqeymo ka dhacay deegannadaasi. “Al-shabaab waa kuwo dhuumaaleysanaya, markii culeys la saaro howtka ayeey ku cararaan, markii laga soo noqdana wey yimaadaan deegaannadaasi” ayuu yiri guddoomiyaha. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada ku dhow magaalada Marka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney howlgal qorsheysan ku dishey saraakiil ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka oo taageero ka helaya kuwo caalami ah in ay weerar qorsheysan ku qaadeen gobolka Baay halkaasi oo ay ku dileen saraakiil Al-shabaab ah. War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay. Hawlkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Ka tirsan Al shabab Shabaab Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Al Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka. Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta sida war saxaafadedkan lagu sheegay wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen. Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen. Source: goobjoog.com
-
Markii ay wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ahna xildhibaan, Khadiija Maxamed Diiriye ay sheegtay in guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uusan wax ka bedeli karin go’aanka uu ku xigeenkiisa ku kala diray guddiga maaliyadda, dad baan ayey la-yaab ku noqotay. Hadalkeeda ayaa yimid ayada oo aad loo rumeysan yahay in Mursal ay keensatay xukuumadda, oo uusan qaadi karin go’aan ka dhan ah ra’iisul wasaaraha. Hase yeeshee wareysi uu siiyey VOA ayuu Mursal ku caddeeyey in wax walba oo laga xanto ay sax yihiin. Mursal ayaa diiday inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan kala dirista guddiga, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho tegi doono, oo uu eegi doono warqadda lagu kala diray guddiga kadibna ku dhawaaqi doono go’aankiisa. Su’aasha ayaa ah warqadda miyuusan weli arkin Mursal, mase waxa uu shaki ka qabaa sax ahaanshaheeda, haddiise ay sidaas jirto muxuu u bixiyey wareysi, oo uu ugu gaabsan waayey inuu marka uu warqadda arko kaliya uu jawaabi karo. Waxaa muuqata inuu doonayo inuu muujiyo inaan xafiiska Kheyre laga maamulin, haddana uusan ku dhiiran karin inuu sidaas caddeeyo. Mursal ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in la sameeyo arrin ka baxsan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka, balse mar la weydiiyey waxa uu arrintaas sharciga ka qabo waxa uu diiday inuu caddeeyo. Waxaa la weydiiyey “muxuu xeer hoosaadka ka qabaa in la kala diro guddiga” wuxuuna yiri “waxaan eegi doonaa xeer-hoosaadka” guddoomiyaha ma waxa uu inoo sheegayaa inuusanba aqoon xeeer-hoosaadka golaha uu maamulo oo uu u baahan yahay inuu eego? Kasoo gudub, mar la weydiiyey cidda awoodda leh inay kala dirto guddiga, waxa uu sheegay in guddiga ay kala diri karto ciddii sameysay, uuna ku baxayo sidii uu ku yimid. Waa jawaab wanaagsan, balse markii la weydiiyey cidda guddiga sameysay, wuu ku dhiiran waayey inuu sheego, sababtoo ah waxaa halkaas laga heli lahaa jawaabta dadku is-weydiinayaan. Tii ugu yaabka badneyd ayaa ahayd markii la weydiiyey “Maxaad sameyneysa haddii marka aad Xamar tagto aad ogaato in kala dirista guddiga ay sharci darro tahay oo aysan waafaqesneyn xeer hoosaadka?” waxay ahaan lahayd jawaab wanaagsan inuu yiraahdo “Haddii kala dirista aysan waafaqsaneyn sharciga waan diidi doonaa”, balse Mursal waa uu diiday inuu jawaab bixiyo. Wareysiga uu siiyey VOA, waxa uu Mursal ugu talo-galay inuu ku muujiyo inuusan xukuumadda la-hayste u ahayn, balse waxa uu taa beddelkeeda ku xaqiijiyey in xaqiiqdii laga maamulo xafiiska Kheyre. Khadiijie Diiriye waa ay saxneyd, Mursal waxaa laga maamulaa xafiiska Kheyre. Hoos ka dhageyso wareysiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/mursal.mp3W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Somalia waxa ay aqbashay in ay qeyb ka noqoto heshiis ay dowladaha Kenya, France, Madagascar, Seychelles and Djibouti ku wadaagayaan mukhaabaraad badda ah si looga hortago kalluumeysiga sharci darada ah iyo wasakhda lagu shubo xeebaha badweynta India. Arbacaddii ayey wadamadaas kor ku xusan wada saxiixeen heshiiskaas, walow Somalia oo qeyb ka ahayd shirkii dhawaan Nairobi ku soo gabagaboobay ee Blue Economy aysan wali heshiiska qallinka ku duugin. Hase ahaatee, waxaa jira su’aalo badan oo ka dhalanaya ogolaanshaha Somalia ee ah in ay qeyb ka noqoto heshiiskaas wadaaga mukhaabaraadka badweynta Hindiya. Maxaa ka mid ah? Yaa ka soo shaqeeyey heshiiskan? Sida la’isku raacsan yahay, wadamada waxa ay siyaasadooda arrimaha dibadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay galayaan ku saleeyaan danihiisa “National Interest”, hadaba, sidee ku yimi hindishan oo ayaa daaha gadaashiisa ka riixaya? Waxaa dhici karta haddii aan la’iska indha tiro arrintaas oo aan la’iska baandheyn in Kenya tahay cidda soo dhoodhoobtay heshiiskan oo halis ku noqon kara dalkeena. Sidee ayuu saxiixa heshiiskan ku sameyn karaa muranka badda ee Somalia iyo Kenya u dhexeeya? Wali maxkamadda cadaaladda ee aduunka (ICJ) waxaa ka socota dacwadda kiiska Badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, taas oo jirta, waxaa dhici karta in Kenya ka dhex aragtay hindisahan in ay ku indha sarcaadiso kiiskaas oo heshiiskaas uu wiiqo halka ay Somalia ka taagan tahay dacwadda. Somalia ma u baahan tahay in ay sharci yaqaano kala tashato arrintan inta aysan saxiixin heshiiskan? Caadiyan wadamada inta aysan gelin heshiisyo ku keeni kara cawaaqib xumo qaran, waxa ay sameeyaan xuuraansi iyo rog rogid dhinac walba oo ku saabsan faa’idada iyo khasaaraha ka dhalan kara heshiisyada ceynkaas ah. Gunaanad Dowladda Somalia waxaa la gudboon in ay fiiro dheer u yeelato heshiiskan oo aysan ku gelin madax madax. Sidoo kale waxaa la gudboon in ay tashi ka gasho oo iyada oo fiirineysa kiiska Badda ee maxkmadda yaal sida uu u sameyn karo oo aan sidii Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur meel mugdi ah looga saxiixin warqad dhawr sadar ah oo dalka halis ku noqon karta sidii dhacday 2009. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Abyi Ahmed ma ka faa’ideysan doona khaladaadki Gorbachev ku burburiyey Soviet Union Ethiopia iyo Ruusku waxey wadaagaan sifooyin badan : Ethiopia taariikhdeeda marnaba kumey dhaqmin nidaam dimuqraadi ah, waayo waxa xunka heystey boqortooyo guun ah oo ku dhaqanta diinta Christian Orthodox laakiin waxa 1974 xukunka ka tuuray kacdoon military ( Derg ) oo aaminsana mabda’a shuuciga ee lininism-marxism oo dhiig badan ku daatey boqorki Haile Selassie iyo qaar qoyskisana xabsiga lagu diley ( xigasho, maxkamadda Ethiopia 1994 ). Waxa kalo la khaarijey madaxi golaha kacaanka( Derg ) general Aman Andom iyo saraakil badan( xigasho, Nazaret.com ) , madaxtinimadina Ethiopia waxa qabsadey nin adag oo 35 jir ah oo la yidha Mengisto Xaille Maryam ( Gaanshaale ). Madaxweyne Mengisto Xaille Maryam wuxu isu dalacsiyey gaashaanle sare ( Colonel ) wuxuna la wareegey ( Qarameeyey ) hantidi gaar ka loo laha waxaanu xoojeyey xidhiidhka siyaasi, diblumaasi, military ee dawladda Soviet Union waxaanu dhabarka ujeediyey dawladaha reer galbeed ee weligood Ethiopia xidhiidhka qotada dheer la laheyd. Ciddi ku mucaaridana, dhegta dhiig u darey. ,Dagaalki Somalia iyo Ethiopia 1977, Xaille Maryam wuxu ka heley dawladaha Soviet Union, Cuba, South Yemen iyo Isreal ( xigasho, Wikipedia, The Ogaden war ) gargaar military, dhaqaale iyo ciidan oo guusha u horseedey. 1991, markey dawladdi Soviet Union burburtey ayuu Mengesto waayey taageeradi dhaqaale, siyaasi iyo military ee u ka heli jirey, taaso u fudeydisey isbaheysigi jabhadaha EPRDF ( Ethiopia People’s Revolutionary Democratic Front oo hormood u aheyd Tigre People’s Liberation Front ‘’TPLF’ ) iyo EPLF ( Eritrea People’s Liberation Front ) iney EPRDF oo u hoggaaminaayo mudane Meles Zenawi Ethiopia qabsato, halka EPLF oo u hoggaaminaayo Asiasi Afworki. Eritrea qabsato, Mengeste na Zambabwe u baxsado.. Inkasto EPRDF marki halganka ku jirtey aaminsaneyd mabda’a Marxism-Lininism, laakiin marku Soviet Union ki burburey xunkina qabsatey waxey dantu ku kaliftey in mudane Meles Zenawi dhaqaalihi dib u furfuro oo hantidi gaar aheyd dib ugu celiyo dadki laha kuna guuleystey innu soo jiito maal gashi caalaami ah. Taaso ka dhigtey Ethiopia mid ka mid ah, dawladaha dhaqaalaheeda ugu koritaanka weyn adduunka, celcelis ahaan 10% GDP ( Source: Trading Economic. Com ( National Bank of Ethiopia ) ) Mudane Meles wu ka dhabeeyey balanqaadki u kula heeshey Isiase Afworke in afti loo qaado shacabka Eritrea markey waddanka xoreyaan. Waana la qaadey aftidi 1993 oo shacabka 98% waxey u codeeyeen iney ka go’aan Ethopia Mudane Meles wuxu dhisey ciidan xoog badan taaso ka dhigtey Ethiopia mid ka mid ah ciidamada Afrika ugu awoodda badan waxaanu ka guuleystey Eritrea dagaalka muranku ka dhashey mandaqadda Badme 1998-2000 oo boqolaal kun dad ihi ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen iyo maxaakimta Somalia oo ilaa Xamar ciidamada Ethiopian gaadheen Inkasto mudane Meles gaadhsiyey Ethiopia horumar dhaqaale oo weyn laakiin may jirin horumar siyaasadeed sida dimuqraadiyadda iyo xoriyat qawlka oo waxey EPRDF ku guuleysan jirtey doorashada 99% . Haddaba marku dhintey mudane Meles Zenawi, qorshuhu wuxu u dhacey sidu ugu tala galey oo waxa hoggaanki EPRDF la wareegey kuxigeenkisi mudane Hailemariam Desalegn kaaso madax ka aha xisbiga SEPDF ( Southern Ethiopia People’s Democratic Front ) ee ku jira isbaheysiga EPRDF. Waxa muddo dheer isa soo taraayey saluuga labada xisbi OPDO ( Oromo People’s Democratic Front ) iyo ANDM ( Amhara National Democratic Movement ) ay saluugsanayeen qaabka loo qeybiyo kheyraadka iyo shaqooyinka sar sare ee dalka iyago ka mid ah isbaheysiga EPRDF kana soo jeeda labada qawmiyadooda ee ugu tiro badan Ethiopia ( xigasho, Paulos Milkisa, Ethiopia, The TPLF and Roots of 2001 Political Tremor ), dareenkaaso ugu dambeynti hoos u dhaadhacey oo shacabki labada qawmiyadood ka abaabuleen Addisababa iyo degaanadooda kacdoonno iyo bannaan baxyo isdeba joog ah oo dad badan ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen, kumanaan kun na xabsiga loo taxaabey. La soco qeybaha kale Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Musharaxa dowladdu wadato ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, gudoomiyihii hore Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Wasiirkii hore ee gaashaan dhigga Cabdixakiin Fiqi ayaa ku kulmay magaalada Beydhabo. Kulanka dhexmaray saddexda mas’uul wax walba oo ay ka hadleen, haddii ay ahaan lahayd arrimaha doorashada, siyaasadda iyo mustaqbalka Koonfur Galbeed waxaa ka saameyn badatay oo bulsho la yaabtay goobta ay ku kulmeen iyo qaabkii ay u taalay. Hoos ka eeg goobta uu kulanka ka dhacay iyo sida ay u egtahay Maxaa kuu muuqda? Goob yar oo ay ku hereereysan tahay ama ku oodan carrada/ciidda difaaca laga dhigto! Cajiib, waa Baydhabo, xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed oo sidaas u ekaan karta meel ay ku kulmayaan labeentii bulshada maamulkaas iyo Soomaalida. Farriin noocee ah ayey u direysaa bulshada Koonfur Galbeed? Sawirkaas iyo kuwa kale ee la mid ka ah waxa ay caadiyan u dirayaan bushada reer Koonfur Galbeed in ay doortaan hoggaamiye samatabixya oo ka saara xaaladda amni daro ee ka jirta maamulkaas gaar ahaan Baydhabo. Waa sax, shacabka iyaga maanta ma leh dookha oo ma awoodaan In toos u doortaan hoggaanka ay rabaan balse waxa ay ku cadaadin karaan xildhibaanada matala halka xildhibaanada qudheeda ay arkaan xaaladda ka jirta mamaulkaas iyo qofka mudan in ay keenaan. Dhawr musharax oo ay ka mid yihiin Robow iyo Laftagareen ayaa ku loolamaya xilka Madaxweyne ee Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo lala eegtay saldhigyo ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaano maalmihii ugu dambeeyay lagu dagaalamayay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Madaafiicda ugu badan ayaa lala eegtay saldhigyo dhowr ah oo ku yaala gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ilaa xalay la maqlayay dhawaqa madaafiicda lala eeganayay saldhigyada Al Shabaab. Deegaano duleedka ka ah Jilib Marko oo Shabeelaha Hoose ka tirsan ayaa waxaa ka dhacday ku dhawaad ilaa 6 madfac xoogan oo ciidamada AMISOM ay ku ridayeen saldhigyada Al Shabaab. Qalqal weyn ayaa soo wajahay dadka degen deegaanada maalmihii ugu dambeeyay lagu dagaalamayay oo xalay madaafiic badan loogu daray, waxaana ay bilaabeen inay ka hayaamaan deegaanadooda. AMISOM ayaa guulo ka sheegatay Duqeynta ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen inay ku dileen Al Shabaab badan oo qorsheynayay weeraro ka dhan ah ciidamada isbaheysanaya. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda xalay lagu garaacayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, laakiin AMISOM waxay sheegeen inay u dileen 10 kamid ah Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – C/fataax Ibrahim Cumar Shaaweey oo hadda ah agaasime ku xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa booqasho ku yimid magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo sanado ka hor dowladda Ingiriiska ay u diiday inay siiso sharciga deganaanshaha UK. Mr. Shaaweey oo hadda casuumaad dowladeed ku yimid ayaa booqashadiisa ay tahay mid uu magaalada London ugu qeyb gelaayo aqoon kororsi ku saabsan arrimaha socdaalka. Shirkaan ayaa ka qeybgalaaya wakiilo ka socda Immigration-da dalal dhowr ah oo qaarada Afrika ah, waxaana uu madalayaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia. C/fataax Shaaweey ayaa mudo sanado ah ku noolaa magaalada London, isagoo dowladda Ingiriiska ka waayay deganaanshaha ama sharciga dadka magangelyo doonka ah ama kuwa baxsadka ah ee arrimo jira awgood dalalkooda ugu soo barara, hase ahaatee sanado kadib isaga tegay UK, isagoo dalkii ku laabtay. Arrinta dadka London ee aqoonta u leh C/fataax Shaaweey ayaa ah in dowladdii shalay sharciga u diiday in ay maanta casuumaad visa ah soo siiso isagoo weliba mas’uul ah. Cali Muxiyaddiin Caasimada Online London
-
Garowe (Caasimada Online) – Eng Maxamed Cismaan Cali Maad oo kamid ah ganacsatada ugu waaweyn Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in uu isu tagay Xilka Madaxtinimo ee Puntland. Musharaxan ayaa ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa xili dambe iyadoo ay jireen rag ka horeeyay oo la arkayay iyagoo samynaya olale ay ku doonayan xilkaas in ay ku hantaan. Maxamed Cismaan ayaa deggan Imaaradka iyo Ingiriiska waxaana ganacsigiisa marka laga soo tago Yurub Imaraadka iyo Soomaaliya uu ka shaqeeya Bartamaha iyo Galbeedka Afrika.inkastoo uu saaxibo badan ku laha siyaasadda haddana waa markii ugu horaysay ee uu sheego in uu u tartamayo xilkaas Madaxtinimo isla markana ay ku kaliftay sida uu ku sheeegay shaacintiisa marku arkay xaaladda dalka marayo.. Mar qura ayaa dabayaaqadii bishaan November lagu arkay magalooyinka waaweyn ee Puntland Sawirada Musharaxan maalqabeenka ah. Puntland oo dhisan in ka badan 20 sanno weli kama gudbin nidaamka qabiilka oo lagu soo doorto Madaxweynaha waxana isku dayo badan oo lagu doonayay in uu ka hirgalo Nidaamka Xisbiyada Badan uu noqday mid fashilmay.Musharaxan ayaa sxb dhow la ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaliya AUN Cabdullahi Yusuf Axmed isla markaana ahaa Asaasihii Puntland iyo Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulkaas, wuxuuna Marxuumka ku muujiyay Musharaxan Maxamed Cismaan Cali Maad Buugiisi Halgan iyo Hagardaamo isagoo kaalintii ugu weynayd ka qaatay Xaaladihii Caafimad ee Marxuumka lagula tacaalayay. Maxamed Cismaan ayaa u muuqda Musharaxa ugu da’da weyn inta hadda sharaxan waana aqoonyahan bartay Cilmiga Ingineeriyada.Shaacinta Ganacsadahan weyn ayaa wax badan ka badalaysa qaabka saadaalintii hore ee Doorashada Puntland marka loo eego xaladda ka jirta gudaha Puntland. Dhanka dhaqanka oo iyagu leh Go’aanka soo saarista xildhibaanka ayaa sidoo kale la tilmaamaya in Ganacsahan maalqabeenka ah uu gacan saar la leeyahay.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha xukuumadda Itoobiya ayaa isku raacay sharci qabyo ah oo ku saabsan dhismaha ciidamada badda iyo horumarinta hay’addaha amniga. Sharcigaan oo ah mid cusub ayaa la hor keenay galaha xukuumadda Itoobiya iyagoona cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigaan oo loo gudbin doono baarlamaanka si dhankoodana u ansixiyaan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed. Sharcigaan ayaa dhigaayo in la dhiso ciidamo xooggan oo badda ah, waxayna noqoneysaa taariikhda Itoobiya oo bad laheyn markii ugu horeysay ee ciidamo badda loo sameeyo. Qoraal (akhriso) kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in golaha xukuumadda ansixiyeen hindise sharciyeedkaan cusub ee qeexaya dhismaha ciidamo xooggan oo badda ah iyo horumarinta laamaha amniga. Qoraalka Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay qaab dhismeedka ciidamada cusub ay mudan tahay in dib loo eego qaabka loo dhisayo, kuwaasi oo ay ku jiraan kuwa badda, wuxuuna sheegay in ciidamadaan ay noqon doonaan kuwo la tixgeliyo mustaqbalka. Cali Muxiyaddiin Caasimada Online
-
This week Istanbul will host two separate but related international conferences on mediation. One will be devoted to the state of play in the conflict map and capacity for mediation within the membership of the Organization for Islamic Cooperation (OIC). The second one will adopt a broad scope and discuss the connections between sustainable development, peace and mediation; the ways to increase gender and youth inclusion in mediation processes; and a thought provoking session on the role of big data and artificial intelligence in conflict and mediation analysis. It may be thought that conferences are conferences but the Istanbul Mediation Conferences have proven rather influential in cultivating a shared understanding of issues and an agenda for action in the field of mediation and peaceful conflict resolution. As the host of these conferences and the only country that co-chairs the Friends of Mediation Groups in three distinct important international organizations, namely the United Nations, the OIC and the OSCE, Turkey has the ability to share the findings of these conferences in these international organizations. The fact of the matter is that humanity is facing a distinct challenge in the 21st century. Just when many people thought that the glass is half full in terms of the achievements in international law, institutions, democracy and the rule of law, accountability, free trade, gender equality and others, the empty half of the glass has begun to reassert itself. The symptoms are known to all of us and need no reminding. Trade wars, new forms of international exploitation, geopolitical competitions, great power proxy wars, disintegrating nation states, terrorism, xenophobia, animosity against Islam, raging inequalities and injustice count among the contemporary trends that make up the glass half empty. The challenges of humanity are eating away the achievements and opportunities of humanity. Which side will prevail? The answer depends on how we respond to challenges, including on how much we humans can work together towards positive outcomes. One point is clear: unless we take initiative and be enterprising and humanitarian, the bad will prevail. Wait-and-see attitude is no longer tenable. Policy options differ from mediation to actual use of force against terrorists. Take the situation in Syria. Turkey’s enterprising and humanitarian approach cleared a total of 4000 square kilometers from two terrorist organizations, DEASH and PKK/PYD/YPG. Had we not intervened, our people would have been under continued assault from these terrorists and a political solution to the Syrian tragedy would have been unreachable. Turkey is doing utmost to relieve humanitarian suffering, hosting the greatest number of refugees worldwide, spending more than the biggest economy in the world as the world’s top humanitarian spender. Turkey is also brokering agreements that save tens if not hundreds of thousands of lives and promoting a political solution based on the territorial integrity of the neighboring Syria. I gave the example of Syria for a reason. Syria demonstrates to us once again that prevention is important because once the fire of conflict engulfs a nation, then the only thing that remains predictable is that there will be unpredictable consequences on that state. One generation of citizens will be wasted in one way or the other; the future will also be bleak. Everyone, including those who are thousands of kilometers away will come to suffer, either in the form of terrorist threat, economic shock, irregular migration, or wounded human conscience. If prevention and peaceful resolution of conflicts are of paramount importance, then we must take it seriously. This appreciation is driving Turkey’s efforts in the field of mediation as the co-chair of the UN, OSCE and OIC friends of mediation groups and the host to a capacity building mediation training program and the two mediation conferences that we will organize in Istanbul this week. Mevlüt ÇAVUŞOĞLU Minister of Foreign Affairs of the Republic of Turkey
-
Waa Madal kulmisay dhalinyar mud iyo labeen ka ahaa masrixiyadahii doorashadii u danbaysay ee lagu doortay madaxwayne Muuse Bixi Cabdi. Rag badan oo goobta ka soo xaadiray wakhtigii ololaha indhaha ismay siin karayn, wallow ay dhacdana waaba la is gacan saarayey. Laba garab oo kala fog oo labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE ayey kala ahaayeen . Way kala irdhoobeen wallow ay dan, deegaan, mag iyo tolnimo wadaag ahaayeen. Waxase I yaab galiyey tolow maxaa mideeyey maanta oo isku keenay? Huteel Mansoor ayaa waxa ka qabsoomay kulan siyaasadeed kulmisay dhalinyarta aanu haybta hoose wadaagno kana mid ah kuwa ku nool degmooyinka 26ka Juun iyo Ibraahim Koodbuur ee Magalada Hargaisa. Haybtaasi ma ku sheegaa akhriste? Ma xuma ee igu sin.Dhalinyartan ayaa waxa isku keenay dareenka ah sidii dhalinyarta Somaliland kaalin ugu yeelan lahayd xulista musharixiinta gole deegaanada una garabsiin lahaayeen waayeelka ku kaliyeystay kala doorista cidii ku matali lahayd siyaasada bulshooyinka kala duwan. Arintan oo xal u noqon karta in la horimarin karo habka xulista musharaxiinta si loo helo qof leh kartida uu ku matali karo masiirka bulshadiisa. Dhalinta dhuungalaysa siyaasada waxa horyaal dhamaantood siday laba isdiido isku ogalaysiiyaan. Waa isleeg iyo masalo siyaasadeed oo aan wali la miisaamin. Masaladan adiguba isku day oo sideed hadafkaaga siyaasiga iyo danta tolkaa isku xisbi uga dhigi kartaa… Horteen jiraba hore u waa? Kulan siyaasadeedkan ayaa muunad u ah sidii ay dhalinta Somaliland ugu diyaar yihiin in la gaadhay wakhtigii siyasada hayb matalka looga digo rogan lahaa Xisbi iyo deegaan doorasho xad sugan leh. Dhacdadan ku cusub saaxada siyaasada ayaa hoge-tusaale inoogu filan in dhalinyarta wadanku fahamto in dilmuqraadiyadu tahay in aan sidii Lo’da wado raad qudha la isku daba istaagin loona diyaar garoobo ka midho dhalintii hankii uu Macalin Gaariye (IHUN) maansada ku tibaaxay ee uu yidhi (wuxuunbaa ehel ii ah, dad ninkaan af-aqaan ee na midayso ujeedo). Raga Goobta ka soo xaadiray ayaa waxa ka mid ahaa rag kala irdhoobay wakhtigii ololaha. Waa Xamse Khayre, Gudoomiyihii ololihii Rajada shacabka ee Xisbigi WADDANI, Waa Agaasime Wali , Xisbiyahan Axmed Ciisood, Mutacalin Mustafe Cabdi iyo Rag kale oo badan oo dhamaan reer Hargaisa ah lana abtirsiin-wadaag hoose la ah beeralaydii Maddar ilaa bandarkii Gabiley lana Guri wadaag ah dadka Caasimada ku nool. Waxa marti galinta fidiyey Maxamed Sheekh Cabdiraxman oo rabay bal in uu matacalinka ay haybta haybta iyo Hargaysa wadaagaan sidii hankiisa musharax ee golaha caasimada u ogaan lahaayeen iyo in laga wada tashado sidii la isku ogolaysiin lahaa Xisbiga uu iska soo sharaxi doono iyo danta tolka hadii codka sanadkana tolnimo lagu bixinayo sida caadadeena ah walibana loo guuso isaga. Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Gudoomiyihii ololaha Xisbiga Waddani, oo madasha shamaceeda ifayey ahaa kuna soo shaac baxay sidii uu ugu dhiiraday ka mid noqoshada xisbi uu calanside u yahay musharax ay kala Hayb yihiin halka Mr. Wali ahaa Kulmiyahan xadhkaha u xidhay taabo galintii aragtidii Horaa loo soconayaa… kulanka ayaa dhaliyey dood la islana qaatay in iyadoo hayb wadaag la yahay hadana la kala xisbi ama isku xisbi la noqon karo. Waxa gun iyo baar la isla qaatay in maadama iyagu kasoo jeedaan bulsho iyo dad loo majeeranayo aqoon iyo tijaarad, kana mid ah dadka uu ilaahay ku beeray Caasimada Hargaisa, bal soo xulista musharax deegaanka marka hore saamayn lagu yeesho waliba ay talaabada hore qaadaan oo dhalinyartana tusaale ugu noqdaan in kaalintooda ka qaataan soo xulista musharixiinta haday xaga xisbiga iyo hogaamiyaasha dhaqanka beeshooda tahayba oo wakhtigan loo aaminay in ay tahay shaqo waayeel iyo xisbiyada siyaasiga oo ka dhaxaysa. Guntii iyo Gebo-gabadii waxay ila tahay in la gaadhay wakhtigii dhalinyarta mutacalinka ee garaadka siyaasadeed ku fikiraysa ee degmooyinka 26 Jun iyo Ibraahim Koodbuur, in loo baahan yahay in kulano ka balaadhan kan maalinta dhawayd ka dhacay Maansoor in la isku yimaado si loo weeleeyo codkeena caasimada Hargaisa. Miyaanay ahayn in wado ku dayasho mudana loo jeexo degmooyinka kale ee dhalinta reer Hargaysa.. Dad iyo duunyo ma guurto dhaxays ahiba way ku dhaqan yihiin Hargaisa, waana xuduntii kulmisay Somaliland oo dhan ee waxa iga waydiin ah dhalinta reer Hargaisa ma dumin karaan siyaasada hayb-matalka ah ee aynu ka dhaxalnay lododkii siyaasiinta ahaa ee inaga horeeyey. Waanu idin ilaynaynaa dhalinta reer Hargaysaw ee horseed u noqda dhalinyarta dalka guud. Muxyadiin Yussuf Awrabaax galbeedi1988@gmail.com Source
-
Muuse Biixi Cabdi ayaynu aragnaa inta badan khudbadihiisa ama hadaladiisa isaga oo ku soo qaadanaya Soomaaliya. Marba meel ayuu hadalka ka soo geliyaa, mar wuu dhalliilaa, mar wuu u hanjabaa, marna siyaasaddooda ayuu ka hadlaa oo dhex dabaashaa. Muddadii uu xilka hayay Muuse khaladaadka siyaasaddeed ee uu dhex dabaalanaayo ayay arrintani kow ka tahay. Mararka qaar waxaan idhaahdaa; tallow madaxweynuhu ma wuxuu ka hadlo ayuu wayay? Hase yeeshee waxa ii soo baxda in uu u hamuun qabo in uu la hadlo Soomaaliya. Madaxwayneyaashii Muuse ka horeeyay ee Somaliland soo maray dhaqanka noocan ah may lahayn, intaan ka war hayo. Waxaan garanayaa in ay maalin la hadli jireen oo ay si miisaaman oo macno leh ay ula hadli jireen, kadibna hadalkaasi saameyn iyo isbedel yeelan jireen. Inta kalena ay dadnta dalkooda iyo dadkooda ka hadli jireen. Soomaaliya oo uu Muuse Biixi la hadlo maalin walba oo uu fagaare iyo warbaahintaba marka uu soo hor istaago ma soo jawaabaan. Sababtu ma cadda hase yeeshee waxay u dhowdahay uun in hadal micno ah oo ay ka soo jawaabaan aanu u muuqan iyaga. Ma diidani in madaxwaynuhu Soomaaliya la hadlo oo wixii laga tabanaayo u sheego isaga oo metalaya shacabkiisa, bal se waxaan diidanahay qaabkan uu wax u waddo. Saacad walba, iyo maalin walba haddii aad Soomaaliya u jawaabto ood ka hadasho waad xikmad guuri oo xattaa shacabku hadhow dan iyo muraad toona kama yeelan doonan marka ay maqlaan; Muuse Biixi ayaa Soomaaliya la hadlay ama farriin u diray – Soomaaliya qudheedu haddaad la hadasho iyo haddii kaleba micno u sameyn mayso. Xisaabta ku darso mudane madaxweyne; la hadalka badan ee dawladda Soomaaliya mararka qaar dawakhaad laga qaadi doonno. Waxaaba laga yaabaa in uu madaxwaynaha ujeedadiisu tahay in uu kasbado taageerada shacabka Somaliland ama ugu yaraan in uu hadalkaasi sababo isku soo dhowaansho dhanka shacbiga ah laakiin madaxwaynuhu ma dhaadin in ka hadalkani dhaawac ku yeelanayo shakhsiyaddiisa oo hadalkiisuba wax ka soo qaad yeelan waayo. Tusaale; maanta ayaad tidhi ma oggolin wada-hadal na dhex mara. Beri ayaa beesha caalamku caddaadis kugu saari doontaa in aad aqbasho wada-hadal ay idin dhexdhexaadin doonnaan. Markaa madaxweyne mar labaad miyaad odhan diyaar ayaanu u nahay wada-hadal anagga iyo Soomaaliya na dhex mara? Si taas la mid ah madaxwaynuhu waxa uu colaadda Tukaraq iyo xiisadda Puntland ugu soo cel-celiyaan si joogto ah oo aad mooddo in mar walba ay wax ka soo cusboonaadeen. Isagoo xittaa mararka qaar u jawaabay afhayeenka Cabdiwali Gaas. Mudane madaxwayne kaarka ku hayaa kululaa. Tukaraq maanta gacanta Somaliland ayay ku jirtaa Puntland ood xoog iyo xiinyaba kaga qaaday sidaad uga hadlayso ugama hadlaan ee halkee ayay wax ka khaldan yihiin. Hoggaamiyuhu in uu dagaal ka hadlo inta ugu badan iyo in uu horumar ka hadlo iyada lafteedu waa qiimayn ay diblomaasiyaddu akhrido oo muujinaysa garaadka hoggaamiyaha iyo waxa uu xiiseeyo. Marka ay sidaas tahay miyaanay madaxwayne kula qumanayn in aad mar ama laba goor si waafiya oo xaqiiq ah intood ula hadasho aad ka aamusto Soomaaliya. Taasi waxay keenaysaa in xattaa lagu dhageysto, dadku ay xiiseeyaan hadalkaga. Caalamka qudhiisu markaad maalin walba aad Soomaaliya la hadasho waxay kuu arkayaan uun nin aan macnaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda wax badan ka garanaynin. Mudane madaxwayne horaa loo yidhi; nin hadlay nin aamusaa ka badiyay, maanta waad la hadashay ku dhawaad 20 jeer kuuma soo jawaabaan oo way kaa aamuseen! Ha micno guurin madaxwayne. Source
-
Xilligii Ingiriisku joogay dhulkan Somaliland dadka reer Burco way ka dabeecad iyo caado duwanaayeen dadyowga kale sida ay haddaba wax badan ugaga gadisan yihiin lknse Xilligaa Burco iyo ingiriisku judhiiba way is fahmeen waxaanuu dareemay ingiriisku in aanay Burco ahyn meel degdeg ugu rabaysmaysa damaciisa Dahaadhan Ka dibna Marhadii ay si shishe isu arkeen Ayuu ingiriisku Wuxuu dejiyay qorshe Farshaxamaysan oo uu xarunta maamulkiisa Hargaysa ku gaynayo, balse intii aanu Xarunta maxmiyada aanu Hargaysa ka dhigin ayay magaalooyinkii waawaynaa odayaashii iyo waxgaradkii joogay wax badan is yidhaahdeen. Burco iyo Hargaysa ayaa kamid ahaa magaalooyinka dad badan ku noolaa degenaa Burco ayuu ingiriisku la kulmay oo ku yidhi Magaalada Burco Horta yaa iska leh kadibna waxay Odayadii Burco ugu jawaabeen sida uu ileehay nooleeyahay ayay Ragayagan kula Hadlaya iyo inta aanu matelnaa uleeyihin Burco Saraakiishii ingiriis ee maxmiyadu okayda ayay siiyeen ragii Burco kadibna socod koodii ayay sii wateen. Ileen waa niman raba magaalo ilaahay leeyahaye Hargaysa ayuu ingiriisku iyana Ragii joogay la kulmay kadibna isla waydiintii Burco tu lamida ayaa ragii hargysa la waydiiyay Reer Hargysa waxay ku yidhaahdeen ingiriiskii Magaalada Hargaysa ilaahay baa iska leh kadib na ……. Markaas muu in giriisku go’aansaday inuu kala doorto Magaalada ragii lahaa sheegteen iyo Magaalada aan Cidna sheegan ee ilaahay leeyahay sidaas ayuuna Hargaysa ugu doortay Xarunta maamulkiisa guud ee Maxmiyadda in ay noqoto Sida taariikhta kucad Deegaanada Togdheer ee Burco xarunta utahay ayaa ahaa kamid ahaa ama ahaa halkii Uhoraysay ee Ingiriisku saliga dhigto, markaa Hadalka Maayerka Burco Waxaa la odhan karaa waa saxdii oo Burco waa magaaladii Ragga… Source
-
Sidaynu ognahay komishinka doorashooyinka qaranka waxay ku dhawaqeen inaysan qabsoomaynin doorashada waqtigii loogu tala galay. Hadaba waxaa is waydiin mudan cidda mas’uuliyada iska leh dib u dhaca doorashada jamhuuriyada Somaliland, sans-serif; text-align: justify;”> Bulshada ka faaloota arimaha siyaasada Somaliland waxay eeda ugu wayn ee dib u dhaca doorashada jamhuuriyada Somaliland saarayaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo ah kan looga fadhiyo inuu dalka ka hirgaliyo doorasho. Sidaynu ogsoonahay xisbiga ugu aqlabiyada badan dhinaca mucaaradka ayaa ka biya diiday sanadkan awalkisii komishinka doorashooyinka qaranka, waxayna soo jeediyeen in labadalo komishinka doorashooyinka qaranka, balse arinka waxaa ka hor yimid madaxweyne muuse, isagoona sheegay badalka la badala komishinka waxay carqalad ku keenaysaa doorashadii madaxtooyada ee ina soo dhaaftay. Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay isku dhajintan uu madaxweyne muuse isku dhajinayo sii joogista komishinka doorashooyinka qaranka waxay horseedi kartaa inay soo fara galiyaan dowladaha daneeya doorashooyinka Somaliland, Komishinka doorashooyinka qaranka waxaa ka dhalan kara isku dhajinta kuraasta ay ku fadhiyaan shaki, shakigasoo la oron karo ma waxaa jirta data ay hayaan, tasoo u sahli karta xisbiga kulmiye inay helaan kuraasta ugu badan golayaasha qaranka, hadaysan jirin wax u qarsoon mas’uuliyinta komishinka doorashooyinka qaranka, waxaa haboon in ay baneyaan kuraasta ay ku fadhiyaan, si loo helo mas’uuliyin cusub, leh aqoon iyo karti ay ku qaban karaan doorashoyinka golayaasha qaranka. Gunti iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan madaxweyne muuse waxaan ugu baaqayaa inuu u hogaansamo xisbiga ugu aqlabiyada badan dhinaca mucaaradka soo jeedintiisa, si loo helo komishin doorasho lagu kalsoonankaro. Dalkan bulshadiisa waxay diyaar u yihin inay doortaan golayaal qaran, kuwasoo la jaan qadaya xaalada ka taagan Somaliland, Source
-
Ninbaa soo galay hudheel wuxuu dalbaday waslad Xagalo ah, kolkuu kuruskii qawlallada ka tufay ee uu dhergay, labadii gacmood iyo afkoo hareedan intuu soo dhaqday ayuu maqlkii isi soo quturay, la’ye lacagta intaasaad qabtaaye bixi, intuu laba indhood ood mooddo kabbo dhiiga galka ka saaray ayuu yidhi lacag ma hayo. Maqalhayii intuu meheradiisa u tudhay ayuu ku yidhi lacagna ha bixine adeer iska bax, intuu gafuurka kor u taagay oo uu faraha indhaha ka geshay ayuu yidhi haddaan dhergo maba tago! Ninkaa waxa ka dhigan golaha wakiillada ee afar iyo tobanka sano aynu biilinaynay ee cashuurteenna carruuraha ku korsaday tagimaayaan. Kuraastaa ay ku fadhiyaan waxaan hadimo iyo hagardaamo ahayn qaranku kuma qabo, shaqada ay qabteen mid manfac leh oo la majeeran doono maaha, tagimaayaan oo mushaharka ka tagimaayaan illaa shacabkii kuraasta lahaa ka tashadaan oo kuraasta qasab lagaga soo jiido. Waa axmaq aan iimaan iyo ummadnimo lahayn waxaan ahayn sanqadha doollarka ma maqlaan. Garaad cay iyo liitinimay innagu tahay in markii shanaad ay u shanlaysanayaan kordhin, dhaqankaasi waa mid ceeb ku noqday dawladnimadeena boogna innagu ah, in gole xilkii loo dhaarshay ku fashilmay oo aan manfac inoo lahayn kolba muddada loo jadiidiyo. Muddo-xileed xadidan ayaynu dooranay oo ay ahaayeen wakiillo inna metela illaa manta xeerkii lagu dooran lahaa may hirgelin shuruuc kale ha joogeene. Ummadaha dunda ee damiirkoodu noolyahay sida aynu u xisaabtanno uma dhaqmaan, danbaa midaysa innagana reernimo iyo qabyaaladba inna midaysa. Source
-
(SLT-Gaboose) Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray jadwalka soo xulista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxweynaha, kaddib qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa. C/weli Gaas ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in Beelaha ku dhaqan Gobolada Puntland ay u soo xushaan golaha wakiilada si waafaqsan dastuurka, una soo gudbiyaan Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/ 2018. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee Puntland uu furmo doono 01/01/2019, iyagoo dooran doona Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Doorashada Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa dhici doonto 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2019. Dhinaca kale warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in C/weli Gaas uu ku dhawaaqi doono maalmaha soo socda inuu yahay Musharax mar kale u tartamaya xilka Madaxweynaha, si uu mar kale ugu guuleysto. Source
-
(SLT-Muqdisho) Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amaro ku soo rogay dhammaan Golihiisa Wasiirada, isagoo faray in ka hor dhamaadka bisha December ay dhameystiraan howlaha uga harsan qorsho howleedka sanadkan sii dhamaanaya ee 2018. Kulankii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray qorshe howleedka sanadkan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in Wasiir walba soo dhameystiro howshiisa. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhameystirka qorshe howleedka sanadkan ay fududaaneyso in si fudud looga gudbo qorshayaasha qaran ee sanadkan 2019 Amarada la faray Wasiirada ayaa ka mid ah in aanay dalka ka bixi karin, haddii aysan la soo gudbaan xaalado kale oo gaar ah Ugu dambeyn kulanka ayaa lagu soo bandhigay hal-beegyada tubaha Wasaaradaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guuleysto sanadkan dhamaadka ah. Source
-
Buenos Aires (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa muuqaal laga duubay isaga oo u digaya dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, markaasi oo si lama filaan ah ay kaamirada u qabatay. Labada dhinac ayaa wada-hadal aan rasmi ahayn uu ku dhinac yeeshay shirka dalalka dhqaalaha adduunka ugu sarreeya ee G-20 oo ka socda dalka Argentina. Macron ayaa la maqlay isaga oo leh “Waan walaacsanahay, waan walaacsanahay….waan kuu sheegay” “Haa, waad ii sheegay” ayuu ku jawaabay Amiir Maxamed, “Aad baad u mahadsan tahay” “Marnaba ima dhageysatid” ayuu yiri Macron. “Maya, dabcan waan ku dhageystaa” ayuu ku jawaabay Maxamed Bin Salmaan, oo dhoola caddeynaya kadib markii uu dareemay in kaamiro ay duubeyso. “Sababtoo ah waan kuu sheegay. Aad ayey muhiim kuugu ahayd” ayuu yiri Macron oo dhoola caddeynaya ka hor inta uusan billaabin inuu ka durqo amiirka. Macron ayaa markaas yiri wax aan la maqal, balse Maxamed Bin Salmaan ayaa ku jawaabay “Waa caadi, wax waan ka qaban karaa” Xoogaa kadib ayaa Macron la maqlay isaga oo leh “Waxaan ahay nin ka dhabeeya wixii uu yiraahdo” Lama yaqaan waxa ay ku saabsaneyd sheekadooda balse madaxtooyada Faransiiska ee Élysée Palace ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay muddo shan daqiiqo ah wada-hadleen, islamarkaana Macron uu Amiirka u gudbiyey farriin adag oo ku saabsan dilka weriye Jamaal Khaashuqji iyo inuu xal u helo dagaalka Yemen. Hoos ka daawo muuqaalka