-
Content Count
207,023 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa si aan la fileyn kaga hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya shalay ay geysay magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ka tagay ciidamo badan oo tayaysan kuwaasi oo xaqiijin kara amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Wuxuu sheegay in arin aan la aqbali karin inay tahay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo, maadaama horey ay u joogeen ciidamo badan oo ku filan amaanka deegaanada doorashada ay ka dhaceyso. “Deegaanka dowlad ayaa ka jirta, Shariif Xasan markuu meesha ka tagayay wuxuu ka tagay ciidamo badan oo tayeysan kuwaasi oo amaanka xaqiijin kara, ciidamadaasi inay sugaan amniga doorashada wey ku filan yihiin” Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in dadkii ka dambeeyay amarka ciidamada lagu geeyay magaalada Baydhabo lagula xisaabtami doono, waxii ka yimaada. “Marka wax kaloo dheeri ah ma jirto, ciddii ka dambeysay amarka ciidamada lagu geeyay magaalada Baydhabo iyadaa lagula xisaabtamayaa”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)- Wuxuu ahaa kulan wajigabax ah, mana uusan fileynin in sidaas ay ula dhaqmi doonaan beesha Hariin ,laakiin lama filaan ayuu la kulmay musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay joojisay taageero maaliyadeed oo ay siineysay musharax Cabdicasiis Lafta Gareen, kadib markii ay hoos u dhacday rajada laga qabo inuu guuleysto. Dood badan ayaa ka timmid sida uu Lafta Gareen ugu guuleysan karo doorashada dhici doonta 5ta bishaan December, waxaana aan xogta ku helnay in Dowlada dhexe ay dib u gurasho sameysay ,madaama ay adkaatay in Digil iyo Mirifle laga gado Cabdicasiis Lafta Gareen , oo gobalka taariikh madoow kuleh. Musharax Lafta Gareen ayaa asbuucan la fariistay ganacsatada iyo waxgaradka beesha uu ka dhashay ee Hariin ee ku sugan Baydhabo waxaana uu weydiistay taageero maaliyadeed, laakiin kama uusan helin jawaabtii uu rabay. Mid ka mid ah ganacsatadii kulanka ka qeyb gashay oo diiday in aan magaciisa xigano ayaa u sheegay Caasimada Online inuu Lafta Gareen dalbaday lacag dhan $300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar). Wuxuu sheegay inuu aad ugu celceliyay “Balan ayaa rag iiga baxeen, dadka qaar isku haleyn ma galaan” iyo ereyo kale oo loo fahmay inuu ula jeedo Dowlada dhexe. Ganacsatada beesha Hariin ayaa sheegay in aaney hada awoodin iney wax dhaqaale ah ku taageeraan Lafta Gareen, iyagoo ku dooday inuusan markii hore isku sharaxin talada beeshiisa. Nin ka mid ah odayaashii meesha ka hadlay ayaa yiri “Qoladii kusoo dirtay ha dhameystirto howsha” Waxaa la sheegay in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ay taasi niyad jab iyo rajo beel kusii riday. Kulankaan lagu hugoobay ayaa kusoo aadaya iyadoo ay maalmo uun ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammadi, oo ah safiirka dalka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya iyo ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Imaaraadka iyo UN-ka iyo weliba sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xarunta safaadadda Imaaraadka ee Muqdisho, waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sida la sheegay dadaallada ay Imaaraadka iyo UN-kaba ka wadaan gudaha Soomaaliya. Safiirka Imaaraadka Al Xammadi, waxaa uu u balanqaaday Nicholas Haysom in Abu Dhabi kala shaqeyn-doonto dadaallada lagu soo celiyo xasiloonida, sugidda amniga iyo horumarinta Soomaaliya. Dhankiisa Haysom, waxaa uu Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo sida ay qeyb uga yihiin horumarka iyo xasiloonida dalkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray jadwalka soo xulista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxweynaha, kaddib qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee Puntland uu furmo doono 01/01/2019, iyagoo dooran doona Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Puntland Oo ay ka bilaabanayaan doorashooyinka Golaha Wakiilada maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay, kaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab. Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay. Hawlgalkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso. Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka. Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen. Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen. The post Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay gobolka Baay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baadhabo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada K/ Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa , iyaga oo xaqiijinaya amniga magaaladaasi. Qaban qaabada doorashada maamulkaasi ayaa si habsami leh u socota, taasi oo la filayo in ay dhacdo 5 bishan December ee 2018-ka. Dhinaca kale wasiirka amniga K/Galbeed Xasan Xuseen oo la hadlay VOA-da ayaa ka warbixiyay Ciidamo gaar oo ay dowladda u dirtay maamulkaasi. Wasiirka ayaa sheegay in DFS ay ka dalbadeen Askartaasi, si loo sugo amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed. Waxaana uu uga mahadceliyay dowladda dhexe ee federaalka, sida ay uga jaawabtay codsigooda. Hlakan hoose ka dhageyso Cidka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Jaamac-1.mp3 The post Ammaanka Baydhabo Oo si weyn loo adkeeyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-011218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxgaradka K/galbeed ayaa kasoo horjeeda ciidanka Booliiska ah ee ay dhowaan dowladda federaalka geysay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Waxa ay waxgaradkan u arkaan in dano gaar ah laga leeyahay oo dowladda ay dooneyso iney musharrax gaar ah ku naas nuujiso. Malaaq Cali C/raxmaan Shiino oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in wasaaradda amniga iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo kala hadli doonaan arrimahan. Waxa u tilmaamay in ay weydiin doonaan wasaaradda amniga K/galbeed sababta ay ciidamadan u yimaadeen magaalada Baydhabo. “Sababta loo keenay maba ogin, laakiinse wasaaradda amniga K/galbeed ayaan la ballansannahay oo aan weydiin doonnaa sababta taasi keentay, waxaan sidoo kale rabnaa in saraakiisha ciidanka Itoobiya ee jooga Baydhabo sidaas oo kale u weydiinno” ayuu yiri Malaaqa. Ciidamada dowladda federaalka ay geysay magaalada Baydhabo ayaa noqday kuwa kaliya ee sida aadka ah looga hadal hayo magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Berbera (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera, socdaalkaasi ayaana qeyb ka ah safar labo todobaad qaatay oo uu ku tagay deegaanada Somaliland. Isaga oo saraakiisha ciidamada kula hadlayay magaalada Berbera ayuu sheegay inuu amar ku bixinayo in ciidamada Somaliland ay heegan adag galaan, waxaana uu fariintaasi u diray ciidamada ku sugan deegaanada dhanka xuduuda. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu ku laaban doono magaalada Hargeysa isaga oo isku shaandheyn ku sameynaya golaha Wasiirada maamulkiisa. Arinta la hadal hayo ayaa ah inuu amar siiyay ciidamada ku sugan deegaanada gobolka Sool, gaar ahaan ciidamada ku jira difaaca aaga Tukaraq. Puntland ayaa walaac ka muujisay amarkaasi la siiyay ciidamada ku sugan aaga Tukaraq, waxaana xubno ka tirsan Puntland ay sheegeen inay arintaasi keeni karto in dhiig kale uu ku daato gobolka Sool. Marar badan ayay labada dhinac ku dagaalameen gobolka Sool, laakiin waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay socday waan waan arimahaasi lagu dhameynayo. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Todobaadkii tagey, gaar ahaan Khamiistii aynu kasoo gudubnay waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay la geeyey ciidamo Booliis ah oo tiro ahaan gaaraya 100, kuwaasi oo ay halkaasi u dirtey dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa jirtay hadal hayn badan oo arrintan ka timid, iyadoo durbaba ay kahor yimaadeen ciidankaasi siyaasiyiin, xildhibaanno iyo waxgarad ku sugan magaaladaasi. Wasaaradda amniga K/galbeed ayaa sheegtay in ciidanka la geeyey magaalada Baydhabo ay iyaga ka dalbadeen dowladda federaalka Soomaaliya si ay ammaanka magaaladaasi wax uga qabteen. Xasan Xuseen Maxamed, wasiirka wasaaraddan ayaa sheegay in ciidamadan ay sugi doonaan ammaanka halka ay ka dhici doonto doorashada, sidoo kalena ay la socon doonaan dhaq-dhaqaaqa amni ee magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/warka-baydhaba-ciidamada.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay xaalad ahaan deggan yihiin deegaannada Jilib Marka iyo Gendershe ee gobolkaasi, halkaasi oo ay ku dagaallameen ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa Al-shabaab. Maxamed Cumar oo ah guddoomiyaha magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog, in Al-shabaab dagaal looga saaray deegaannadaasi. Waxa uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka ay Labo jeer ku noqdeen deegaankaasi iyadoo ugu dambeynna ka saaray Al-shabaab. Waxa uu tilmaamay in deegaannadaasi ay gacanta ku hayaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana ay jiraan duqeymo ka dhacay deegannadaasi. “Al-shabaab waa kuwo dhuumaaleysanaya, markii culeys la saaro howtka ayeey ku cararaan, markii laga soo noqdana wey yimaadaan deegaannadaasi” ayuu yiri guddoomiyaha. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada ku dhow magaalada Marka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney howlgal qorsheysan ku dishey saraakiil ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka oo taageero ka helaya kuwo caalami ah in ay weerar qorsheysan ku qaadeen gobolka Baay halkaasi oo ay ku dileen saraakiil Al-shabaab ah. War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay. Hawlkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Ka tirsan Al shabab Shabaab Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Al Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka. Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta sida war saxaafadedkan lagu sheegay wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen. Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen. Source: goobjoog.com
-
Markii ay wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ahna xildhibaan, Khadiija Maxamed Diiriye ay sheegtay in guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uusan wax ka bedeli karin go’aanka uu ku xigeenkiisa ku kala diray guddiga maaliyadda, dad baan ayey la-yaab ku noqotay. Hadalkeeda ayaa yimid ayada oo aad loo rumeysan yahay in Mursal ay keensatay xukuumadda, oo uusan qaadi karin go’aan ka dhan ah ra’iisul wasaaraha. Hase yeeshee wareysi uu siiyey VOA ayuu Mursal ku caddeeyey in wax walba oo laga xanto ay sax yihiin. Mursal ayaa diiday inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan kala dirista guddiga, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho tegi doono, oo uu eegi doono warqadda lagu kala diray guddiga kadibna ku dhawaaqi doono go’aankiisa. Su’aasha ayaa ah warqadda miyuusan weli arkin Mursal, mase waxa uu shaki ka qabaa sax ahaanshaheeda, haddiise ay sidaas jirto muxuu u bixiyey wareysi, oo uu ugu gaabsan waayey inuu marka uu warqadda arko kaliya uu jawaabi karo. Waxaa muuqata inuu doonayo inuu muujiyo inaan xafiiska Kheyre laga maamulin, haddana uusan ku dhiiran karin inuu sidaas caddeeyo. Mursal ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in la sameeyo arrin ka baxsan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka, balse mar la weydiiyey waxa uu arrintaas sharciga ka qabo waxa uu diiday inuu caddeeyo. Waxaa la weydiiyey “muxuu xeer hoosaadka ka qabaa in la kala diro guddiga” wuxuuna yiri “waxaan eegi doonaa xeer-hoosaadka” guddoomiyaha ma waxa uu inoo sheegayaa inuusanba aqoon xeeer-hoosaadka golaha uu maamulo oo uu u baahan yahay inuu eego? Kasoo gudub, mar la weydiiyey cidda awoodda leh inay kala dirto guddiga, waxa uu sheegay in guddiga ay kala diri karto ciddii sameysay, uuna ku baxayo sidii uu ku yimid. Waa jawaab wanaagsan, balse markii la weydiiyey cidda guddiga sameysay, wuu ku dhiiran waayey inuu sheego, sababtoo ah waxaa halkaas laga heli lahaa jawaabta dadku is-weydiinayaan. Tii ugu yaabka badneyd ayaa ahayd markii la weydiiyey “Maxaad sameyneysa haddii marka aad Xamar tagto aad ogaato in kala dirista guddiga ay sharci darro tahay oo aysan waafaqesneyn xeer hoosaadka?” waxay ahaan lahayd jawaab wanaagsan inuu yiraahdo “Haddii kala dirista aysan waafaqsaneyn sharciga waan diidi doonaa”, balse Mursal waa uu diiday inuu jawaab bixiyo. Wareysiga uu siiyey VOA, waxa uu Mursal ugu talo-galay inuu ku muujiyo inuusan xukuumadda la-hayste u ahayn, balse waxa uu taa beddelkeeda ku xaqiijiyey in xaqiiqdii laga maamulo xafiiska Kheyre. Khadiijie Diiriye waa ay saxneyd, Mursal waxaa laga maamulaa xafiiska Kheyre. Hoos ka dhageyso wareysiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/mursal.mp3W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Somalia waxa ay aqbashay in ay qeyb ka noqoto heshiis ay dowladaha Kenya, France, Madagascar, Seychelles and Djibouti ku wadaagayaan mukhaabaraad badda ah si looga hortago kalluumeysiga sharci darada ah iyo wasakhda lagu shubo xeebaha badweynta India. Arbacaddii ayey wadamadaas kor ku xusan wada saxiixeen heshiiskaas, walow Somalia oo qeyb ka ahayd shirkii dhawaan Nairobi ku soo gabagaboobay ee Blue Economy aysan wali heshiiska qallinka ku duugin. Hase ahaatee, waxaa jira su’aalo badan oo ka dhalanaya ogolaanshaha Somalia ee ah in ay qeyb ka noqoto heshiiskaas wadaaga mukhaabaraadka badweynta Hindiya. Maxaa ka mid ah? Yaa ka soo shaqeeyey heshiiskan? Sida la’isku raacsan yahay, wadamada waxa ay siyaasadooda arrimaha dibadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay galayaan ku saleeyaan danihiisa “National Interest”, hadaba, sidee ku yimi hindishan oo ayaa daaha gadaashiisa ka riixaya? Waxaa dhici karta haddii aan la’iska indha tiro arrintaas oo aan la’iska baandheyn in Kenya tahay cidda soo dhoodhoobtay heshiiskan oo halis ku noqon kara dalkeena. Sidee ayuu saxiixa heshiiskan ku sameyn karaa muranka badda ee Somalia iyo Kenya u dhexeeya? Wali maxkamadda cadaaladda ee aduunka (ICJ) waxaa ka socota dacwadda kiiska Badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, taas oo jirta, waxaa dhici karta in Kenya ka dhex aragtay hindisahan in ay ku indha sarcaadiso kiiskaas oo heshiiskaas uu wiiqo halka ay Somalia ka taagan tahay dacwadda. Somalia ma u baahan tahay in ay sharci yaqaano kala tashato arrintan inta aysan saxiixin heshiiskan? Caadiyan wadamada inta aysan gelin heshiisyo ku keeni kara cawaaqib xumo qaran, waxa ay sameeyaan xuuraansi iyo rog rogid dhinac walba oo ku saabsan faa’idada iyo khasaaraha ka dhalan kara heshiisyada ceynkaas ah. Gunaanad Dowladda Somalia waxaa la gudboon in ay fiiro dheer u yeelato heshiiskan oo aysan ku gelin madax madax. Sidoo kale waxaa la gudboon in ay tashi ka gasho oo iyada oo fiirineysa kiiska Badda ee maxkmadda yaal sida uu u sameyn karo oo aan sidii Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur meel mugdi ah looga saxiixin warqad dhawr sadar ah oo dalka halis ku noqon karta sidii dhacday 2009. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Abyi Ahmed ma ka faa’ideysan doona khaladaadki Gorbachev ku burburiyey Soviet Union Ethiopia iyo Ruusku waxey wadaagaan sifooyin badan : Ethiopia taariikhdeeda marnaba kumey dhaqmin nidaam dimuqraadi ah, waayo waxa xunka heystey boqortooyo guun ah oo ku dhaqanta diinta Christian Orthodox laakiin waxa 1974 xukunka ka tuuray kacdoon military ( Derg ) oo aaminsana mabda’a shuuciga ee lininism-marxism oo dhiig badan ku daatey boqorki Haile Selassie iyo qaar qoyskisana xabsiga lagu diley ( xigasho, maxkamadda Ethiopia 1994 ). Waxa kalo la khaarijey madaxi golaha kacaanka( Derg ) general Aman Andom iyo saraakil badan( xigasho, Nazaret.com ) , madaxtinimadina Ethiopia waxa qabsadey nin adag oo 35 jir ah oo la yidha Mengisto Xaille Maryam ( Gaanshaale ). Madaxweyne Mengisto Xaille Maryam wuxu isu dalacsiyey gaashaanle sare ( Colonel ) wuxuna la wareegey ( Qarameeyey ) hantidi gaar ka loo laha waxaanu xoojeyey xidhiidhka siyaasi, diblumaasi, military ee dawladda Soviet Union waxaanu dhabarka ujeediyey dawladaha reer galbeed ee weligood Ethiopia xidhiidhka qotada dheer la laheyd. Ciddi ku mucaaridana, dhegta dhiig u darey. ,Dagaalki Somalia iyo Ethiopia 1977, Xaille Maryam wuxu ka heley dawladaha Soviet Union, Cuba, South Yemen iyo Isreal ( xigasho, Wikipedia, The Ogaden war ) gargaar military, dhaqaale iyo ciidan oo guusha u horseedey. 1991, markey dawladdi Soviet Union burburtey ayuu Mengesto waayey taageeradi dhaqaale, siyaasi iyo military ee u ka heli jirey, taaso u fudeydisey isbaheysigi jabhadaha EPRDF ( Ethiopia People’s Revolutionary Democratic Front oo hormood u aheyd Tigre People’s Liberation Front ‘’TPLF’ ) iyo EPLF ( Eritrea People’s Liberation Front ) iney EPRDF oo u hoggaaminaayo mudane Meles Zenawi Ethiopia qabsato, halka EPLF oo u hoggaaminaayo Asiasi Afworki. Eritrea qabsato, Mengeste na Zambabwe u baxsado.. Inkasto EPRDF marki halganka ku jirtey aaminsaneyd mabda’a Marxism-Lininism, laakiin marku Soviet Union ki burburey xunkina qabsatey waxey dantu ku kaliftey in mudane Meles Zenawi dhaqaalihi dib u furfuro oo hantidi gaar aheyd dib ugu celiyo dadki laha kuna guuleystey innu soo jiito maal gashi caalaami ah. Taaso ka dhigtey Ethiopia mid ka mid ah, dawladaha dhaqaalaheeda ugu koritaanka weyn adduunka, celcelis ahaan 10% GDP ( Source: Trading Economic. Com ( National Bank of Ethiopia ) ) Mudane Meles wu ka dhabeeyey balanqaadki u kula heeshey Isiase Afworke in afti loo qaado shacabka Eritrea markey waddanka xoreyaan. Waana la qaadey aftidi 1993 oo shacabka 98% waxey u codeeyeen iney ka go’aan Ethopia Mudane Meles wuxu dhisey ciidan xoog badan taaso ka dhigtey Ethiopia mid ka mid ah ciidamada Afrika ugu awoodda badan waxaanu ka guuleystey Eritrea dagaalka muranku ka dhashey mandaqadda Badme 1998-2000 oo boqolaal kun dad ihi ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen iyo maxaakimta Somalia oo ilaa Xamar ciidamada Ethiopian gaadheen Inkasto mudane Meles gaadhsiyey Ethiopia horumar dhaqaale oo weyn laakiin may jirin horumar siyaasadeed sida dimuqraadiyadda iyo xoriyat qawlka oo waxey EPRDF ku guuleysan jirtey doorashada 99% . Haddaba marku dhintey mudane Meles Zenawi, qorshuhu wuxu u dhacey sidu ugu tala galey oo waxa hoggaanki EPRDF la wareegey kuxigeenkisi mudane Hailemariam Desalegn kaaso madax ka aha xisbiga SEPDF ( Southern Ethiopia People’s Democratic Front ) ee ku jira isbaheysiga EPRDF. Waxa muddo dheer isa soo taraayey saluuga labada xisbi OPDO ( Oromo People’s Democratic Front ) iyo ANDM ( Amhara National Democratic Movement ) ay saluugsanayeen qaabka loo qeybiyo kheyraadka iyo shaqooyinka sar sare ee dalka iyago ka mid ah isbaheysiga EPRDF kana soo jeeda labada qawmiyadooda ee ugu tiro badan Ethiopia ( xigasho, Paulos Milkisa, Ethiopia, The TPLF and Roots of 2001 Political Tremor ), dareenkaaso ugu dambeynti hoos u dhaadhacey oo shacabki labada qawmiyadood ka abaabuleen Addisababa iyo degaanadooda kacdoonno iyo bannaan baxyo isdeba joog ah oo dad badan ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen, kumanaan kun na xabsiga loo taxaabey. La soco qeybaha kale Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Musharaxa dowladdu wadato ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, gudoomiyihii hore Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Wasiirkii hore ee gaashaan dhigga Cabdixakiin Fiqi ayaa ku kulmay magaalada Beydhabo. Kulanka dhexmaray saddexda mas’uul wax walba oo ay ka hadleen, haddii ay ahaan lahayd arrimaha doorashada, siyaasadda iyo mustaqbalka Koonfur Galbeed waxaa ka saameyn badatay oo bulsho la yaabtay goobta ay ku kulmeen iyo qaabkii ay u taalay. Hoos ka eeg goobta uu kulanka ka dhacay iyo sida ay u egtahay Maxaa kuu muuqda? Goob yar oo ay ku hereereysan tahay ama ku oodan carrada/ciidda difaaca laga dhigto! Cajiib, waa Baydhabo, xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed oo sidaas u ekaan karta meel ay ku kulmayaan labeentii bulshada maamulkaas iyo Soomaalida. Farriin noocee ah ayey u direysaa bulshada Koonfur Galbeed? Sawirkaas iyo kuwa kale ee la mid ka ah waxa ay caadiyan u dirayaan bushada reer Koonfur Galbeed in ay doortaan hoggaamiye samatabixya oo ka saara xaaladda amni daro ee ka jirta maamulkaas gaar ahaan Baydhabo. Waa sax, shacabka iyaga maanta ma leh dookha oo ma awoodaan In toos u doortaan hoggaanka ay rabaan balse waxa ay ku cadaadin karaan xildhibaanada matala halka xildhibaanada qudheeda ay arkaan xaaladda ka jirta mamaulkaas iyo qofka mudan in ay keenaan. Dhawr musharax oo ay ka mid yihiin Robow iyo Laftagareen ayaa ku loolamaya xilka Madaxweyne ee Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo lala eegtay saldhigyo ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaano maalmihii ugu dambeeyay lagu dagaalamayay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Madaafiicda ugu badan ayaa lala eegtay saldhigyo dhowr ah oo ku yaala gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ilaa xalay la maqlayay dhawaqa madaafiicda lala eeganayay saldhigyada Al Shabaab. Deegaano duleedka ka ah Jilib Marko oo Shabeelaha Hoose ka tirsan ayaa waxaa ka dhacday ku dhawaad ilaa 6 madfac xoogan oo ciidamada AMISOM ay ku ridayeen saldhigyada Al Shabaab. Qalqal weyn ayaa soo wajahay dadka degen deegaanada maalmihii ugu dambeeyay lagu dagaalamayay oo xalay madaafiic badan loogu daray, waxaana ay bilaabeen inay ka hayaamaan deegaanadooda. AMISOM ayaa guulo ka sheegatay Duqeynta ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen inay ku dileen Al Shabaab badan oo qorsheynayay weeraro ka dhan ah ciidamada isbaheysanaya. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda xalay lagu garaacayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, laakiin AMISOM waxay sheegeen inay u dileen 10 kamid ah Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – C/fataax Ibrahim Cumar Shaaweey oo hadda ah agaasime ku xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa booqasho ku yimid magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo sanado ka hor dowladda Ingiriiska ay u diiday inay siiso sharciga deganaanshaha UK. Mr. Shaaweey oo hadda casuumaad dowladeed ku yimid ayaa booqashadiisa ay tahay mid uu magaalada London ugu qeyb gelaayo aqoon kororsi ku saabsan arrimaha socdaalka. Shirkaan ayaa ka qeybgalaaya wakiilo ka socda Immigration-da dalal dhowr ah oo qaarada Afrika ah, waxaana uu madalayaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia. C/fataax Shaaweey ayaa mudo sanado ah ku noolaa magaalada London, isagoo dowladda Ingiriiska ka waayay deganaanshaha ama sharciga dadka magangelyo doonka ah ama kuwa baxsadka ah ee arrimo jira awgood dalalkooda ugu soo barara, hase ahaatee sanado kadib isaga tegay UK, isagoo dalkii ku laabtay. Arrinta dadka London ee aqoonta u leh C/fataax Shaaweey ayaa ah in dowladdii shalay sharciga u diiday in ay maanta casuumaad visa ah soo siiso isagoo weliba mas’uul ah. Cali Muxiyaddiin Caasimada Online London
-
Garowe (Caasimada Online) – Eng Maxamed Cismaan Cali Maad oo kamid ah ganacsatada ugu waaweyn Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in uu isu tagay Xilka Madaxtinimo ee Puntland. Musharaxan ayaa ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa xili dambe iyadoo ay jireen rag ka horeeyay oo la arkayay iyagoo samynaya olale ay ku doonayan xilkaas in ay ku hantaan. Maxamed Cismaan ayaa deggan Imaaradka iyo Ingiriiska waxaana ganacsigiisa marka laga soo tago Yurub Imaraadka iyo Soomaaliya uu ka shaqeeya Bartamaha iyo Galbeedka Afrika.inkastoo uu saaxibo badan ku laha siyaasadda haddana waa markii ugu horaysay ee uu sheego in uu u tartamayo xilkaas Madaxtinimo isla markana ay ku kaliftay sida uu ku sheeegay shaacintiisa marku arkay xaaladda dalka marayo.. Mar qura ayaa dabayaaqadii bishaan November lagu arkay magalooyinka waaweyn ee Puntland Sawirada Musharaxan maalqabeenka ah. Puntland oo dhisan in ka badan 20 sanno weli kama gudbin nidaamka qabiilka oo lagu soo doorto Madaxweynaha waxana isku dayo badan oo lagu doonayay in uu ka hirgalo Nidaamka Xisbiyada Badan uu noqday mid fashilmay.Musharaxan ayaa sxb dhow la ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaliya AUN Cabdullahi Yusuf Axmed isla markaana ahaa Asaasihii Puntland iyo Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulkaas, wuxuuna Marxuumka ku muujiyay Musharaxan Maxamed Cismaan Cali Maad Buugiisi Halgan iyo Hagardaamo isagoo kaalintii ugu weynayd ka qaatay Xaaladihii Caafimad ee Marxuumka lagula tacaalayay. Maxamed Cismaan ayaa u muuqda Musharaxa ugu da’da weyn inta hadda sharaxan waana aqoonyahan bartay Cilmiga Ingineeriyada.Shaacinta Ganacsadahan weyn ayaa wax badan ka badalaysa qaabka saadaalintii hore ee Doorashada Puntland marka loo eego xaladda ka jirta gudaha Puntland. Dhanka dhaqanka oo iyagu leh Go’aanka soo saarista xildhibaanka ayaa sidoo kale la tilmaamaya in Ganacsahan maalqabeenka ah uu gacan saar la leeyahay.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha xukuumadda Itoobiya ayaa isku raacay sharci qabyo ah oo ku saabsan dhismaha ciidamada badda iyo horumarinta hay’addaha amniga. Sharcigaan oo ah mid cusub ayaa la hor keenay galaha xukuumadda Itoobiya iyagoona cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigaan oo loo gudbin doono baarlamaanka si dhankoodana u ansixiyaan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed. Sharcigaan ayaa dhigaayo in la dhiso ciidamo xooggan oo badda ah, waxayna noqoneysaa taariikhda Itoobiya oo bad laheyn markii ugu horeysay ee ciidamo badda loo sameeyo. Qoraal (akhriso) kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in golaha xukuumadda ansixiyeen hindise sharciyeedkaan cusub ee qeexaya dhismaha ciidamo xooggan oo badda ah iyo horumarinta laamaha amniga. Qoraalka Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay qaab dhismeedka ciidamada cusub ay mudan tahay in dib loo eego qaabka loo dhisayo, kuwaasi oo ay ku jiraan kuwa badda, wuxuuna sheegay in ciidamadaan ay noqon doonaan kuwo la tixgeliyo mustaqbalka. Cali Muxiyaddiin Caasimada Online
-
This week Istanbul will host two separate but related international conferences on mediation. One will be devoted to the state of play in the conflict map and capacity for mediation within the membership of the Organization for Islamic Cooperation (OIC). The second one will adopt a broad scope and discuss the connections between sustainable development, peace and mediation; the ways to increase gender and youth inclusion in mediation processes; and a thought provoking session on the role of big data and artificial intelligence in conflict and mediation analysis. It may be thought that conferences are conferences but the Istanbul Mediation Conferences have proven rather influential in cultivating a shared understanding of issues and an agenda for action in the field of mediation and peaceful conflict resolution. As the host of these conferences and the only country that co-chairs the Friends of Mediation Groups in three distinct important international organizations, namely the United Nations, the OIC and the OSCE, Turkey has the ability to share the findings of these conferences in these international organizations. The fact of the matter is that humanity is facing a distinct challenge in the 21st century. Just when many people thought that the glass is half full in terms of the achievements in international law, institutions, democracy and the rule of law, accountability, free trade, gender equality and others, the empty half of the glass has begun to reassert itself. The symptoms are known to all of us and need no reminding. Trade wars, new forms of international exploitation, geopolitical competitions, great power proxy wars, disintegrating nation states, terrorism, xenophobia, animosity against Islam, raging inequalities and injustice count among the contemporary trends that make up the glass half empty. The challenges of humanity are eating away the achievements and opportunities of humanity. Which side will prevail? The answer depends on how we respond to challenges, including on how much we humans can work together towards positive outcomes. One point is clear: unless we take initiative and be enterprising and humanitarian, the bad will prevail. Wait-and-see attitude is no longer tenable. Policy options differ from mediation to actual use of force against terrorists. Take the situation in Syria. Turkey’s enterprising and humanitarian approach cleared a total of 4000 square kilometers from two terrorist organizations, DEASH and PKK/PYD/YPG. Had we not intervened, our people would have been under continued assault from these terrorists and a political solution to the Syrian tragedy would have been unreachable. Turkey is doing utmost to relieve humanitarian suffering, hosting the greatest number of refugees worldwide, spending more than the biggest economy in the world as the world’s top humanitarian spender. Turkey is also brokering agreements that save tens if not hundreds of thousands of lives and promoting a political solution based on the territorial integrity of the neighboring Syria. I gave the example of Syria for a reason. Syria demonstrates to us once again that prevention is important because once the fire of conflict engulfs a nation, then the only thing that remains predictable is that there will be unpredictable consequences on that state. One generation of citizens will be wasted in one way or the other; the future will also be bleak. Everyone, including those who are thousands of kilometers away will come to suffer, either in the form of terrorist threat, economic shock, irregular migration, or wounded human conscience. If prevention and peaceful resolution of conflicts are of paramount importance, then we must take it seriously. This appreciation is driving Turkey’s efforts in the field of mediation as the co-chair of the UN, OSCE and OIC friends of mediation groups and the host to a capacity building mediation training program and the two mediation conferences that we will organize in Istanbul this week. Mevlüt ÇAVUŞOĞLU Minister of Foreign Affairs of the Republic of Turkey