Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,041
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo maalmihii ugu dambeeyay ku maqnaa dalka Turkey ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano badan oo baarlamaanka mid ah, waxaana xildhibanada ay ahaayeen kuwo u badan mucaaradka. Guddoomiye Maxamed Mursal, ayaa ka sheegay magaalada Istanbul ee dalka Turkey in wax uu ka qaban doono arinta la xiriirka khilaafka ka dhashay kala derista guddiga maaliyadda baarlamaanka. “Waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina Xildhibaanada Sharafta leh, waan idin kaga mahad celinayaa sida walaaltinimada ah ee aad ii soo dhaweyseen, wixii shaqo ah guri ayaan leenahay halkaasi ayaan uga hadleynaa, halkaan wax shaqo ah ugama hadleyno waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina.” Ayuu yiri Gudoomiye Mursal. Xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay inay ku farsan yihiin inay kusoo dhaweeyaan magaalada Muqdisho guddoomiyaha baarlamaanka, oo wareysihii uu siiyay VOA u muuqday mid uu Mucaaradka kula safnaa. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur , Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xildhibaano kale ayaa kamid ahaa xildhibaanada soo dhaweeyay, waxaana ay sheegeen inay sugayaan natiijada balanqaadyada uu sameeyay Guddoomiyaha. Xiisad ayaa ka dhalatay kala deristii guddiga maaliyadda baarlamaanka iyadoo maanta maalintii seddexaad uu baaqday shirkii golaha shacabka. Mucaaadka ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maxamed Cabdi Waare oo si weyn u dhaliilsanaa Siyaasadda Kheyre iyo Farmaajo, walow markii dambe uu la heshiiyay, lamana oga sida xaalka guddoomiyaha baarlamaanka uu noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Waxaa maagaalada Kismaayo kusoo wajahan kooxda Melbourne ee jaaliyada ciyaaraha dalka Ausralia oo sanadkii saddex wadanka u imaanysa ciyaaro saaxiibtinomo iyo is dhaxgal bulsho waana kolkii kowaad ay booqasho ku tagaan degnaanada Jubland waxayna arintan fursad u tahay bahda isboortiga iyo kooxaha ka dhisan Gobolka Jubada Hoose oo ay kasoo baxeyn ciyaartooy caan ah Gudoomiyahay xiriirka kubbadda cagta Jubaland Axmed Faarax Taqal (Timijilic) ayaa sheegay booqashada kooxdan ka imaanysa Austarialia ay ugu fadhiso micno weyn sanadaha soo aadan ay la yeelandoonaan wada shaqeyn buuxda si loo horomariyo ciyaaraha uu gobolka ku xoogan yahay Kooxda jubaland oo iminka si wanaagsan ugu diyaar garoobaysa ka qeyb galka ciyaaraha maamu-Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir ahna horyaalka maamul Goboleedyada fasal ciyareedkii hore ayay kula ciyaaridoonaan magaalada Kismaayo waana ciyaar xiiso badan oo ay sugayaan shacabka reer Kismaayo Ciyaartooyd matalaysa Jubaland ee loo diyaariyay in ay la ciyaarayaan dhigooda qurbaha ayaa booqashada kooxdan ku tilmaamay waji cusub oo ku aadan horomarka isboortiga deegaanadooda Macalimiinta farsamada xiriirka kubbadda cagta oo aan la kulanay ayaa inoo sheegay booqashooyinka kooxaha qurbaha hadii ay sii socdaan sanadaha soo aadan ay gundhig u noqandoonaan horomarka iyo is badalka natiijooyinka xulka qaranka lagan faa’idaysandoono farsamo laaciibtiina imaanaya wadanka Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada daa’daalo ku aadan in caasimada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka sanadaha soo aadan lagu qabto ciyaaraha Somali Week oo ay inta badan dhelaan kooxaha qurbajoogta hadii arinta hergashan dad badan ayaa aaminsan in laga faa’ididoono wax badan oo horomar u ah kobaca ciyaaraha gudaha Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Source: goobjoog.com
  3. Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab iyo ciidamo ay wateen. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal lagu fuliyay gobolka Baay lagu dilay saraakiil iyo ciidamo Al-Shabaab katirsan Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:- Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay. Hawlgalkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso. Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka. Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen. Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliyta” Waxaan Dilnay Saraakiil iyo Dagaalamayaal Al-shabaab ah” appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Baadhis dheer oo Wargeyska Foore muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa oo ku aaddan kulamadii xasaasiga ahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay Odayaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka Degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo mudadii uu ku sugnaa Gobolkaasi safarkiisii Toddobaadkan ayaa waxa noo suurto gashay in aanu xogo rasmi ah ka helno natiijada qodobadii ugu shishlaa ee kulamadaasi lagu soo qaaday ee ay labada dhinac ka wada hadleen. Kulamo gooni gooni ah oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Magaalooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo kula qaatay Wax-garadka iyo Odayaasha Beelaha deegaamadaasi ayaa inta badan nuxurka qodobadii laga wad hadlay waxa ay ku salaysnaayeen xaaladaha siyaasadeed iyo wadciga dalku wakhtigan marayo iyo gaar ahaan waxa ay sida gaarka ah u tabayeen beelaha uu odayaashooda kulamadaasi kula qaatay ee ay door bidayeen in ay kala hadlaan oo ay sii diyaarsadeen. Markii haddaba Madaxweyne Muuse Biixi ka soo laabtay safarkii uu ku tagay Gobolka Sool iyo gaar ahaan jiidda hore ee ciidamada qaranka waxa uu toos ugu gudbay Gobolka Sanaag isaga oo cagtiisa koowaad ku negaaday Degmada Ceel-Afweyn oo uu u dhaxay, maadaama Degmadaasi oo ahayd Degmo xaaladdeeda siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaaleba muhiimad gaar ah u lahayd safarka Madaxweynaha. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Magaalada Ceel-Afweyn kula kulmay odayaasha iyo wax-garadka Beesha Galbeedka Sanaag oo ay isku wajaheen kulan xasaasi ahaa oo wax badan labada dhinas is dhaafsadeen waxaana ajandayaasha kulankaasi naloo xaqiijiyey in ay ka mid ahaayeen Mustaqbalka Xisbiga KULMIYE, Amar Madaxweynuhu odayaasha ku siiyay in ay degdeg ugu soo qabtaan ninkii gaystay dilkii ugu dambeeyey ee Deegaanka Ceel-Afaweyn ka dhacay kadib heshiiskii la isla gaadhay iyo sidii ay dhinacooda uga dhammays tiri lahaayeen axdigii iyo ballantii lagu galay qodobadii shirkii nabadaynta Beelaha reer Ceel Afweyn. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaasi ka gaws qabsaday wareejinta Mustaqbalka xisbiga KULMIYE oo uu ku sheegay in xisbiga KULMIYE yahay mid qaranku wada leeyahay oo ka baxsan mid laba beelood is waydiisan karaan isaga oo ku soo hal qabsaday qaabkii uu ku hantiyey Guddoomiye-nimada xisbiga KULMIYE ee uu ugala wareegay Axmed Siilaanyo isaga oo sheegay in isaga iyo Siilaanyo wakhtigaa shakhsiyan ka siyaasiyiin ahaan isku ogolaayeen balse aanay ahayn wax laba beelood isku waydaarsadeen lahaanshaha xisbiga KULMIYE Arrinkaasina yahay mid siyaasi ah oo xisbiga gudihiisa u yaalla Mustaqbalka sida uu wax u dhiganayo. Dhinaca kale haddaba markii Madaxweynuhu tagay Magaalada Ceerigaabo ayaa Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulan uu Madaxweynuhu kula qaatay Degmada Ceerigaabo odayaasha iyo wax-garadka beesha Habar Yoonis ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in ay labada dhinac ku naaqisheen qodobo dhawr ah oo ay labada dhinac danaynayeen waxaana ugu muhiimsanaa Xaaladda Nabad gelyo ee Gobolkaasi, xoojinta heshiiskii nabadeed ee Gobolkaasi ka dhacay, Fulinta qodobadii heshiiskaasi, Jabhadda Caarre, Saami qaybsiga xukuumaddiisa ee Beeshaasi ku aaddan iyo waliba adeegyada ay xukuumaddu ugu talo gashay deegaamada beeshaasi. Dhinaca kale xogahani waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Odayaasha Beeshu ay Madaxweynaha ka dalbadeen in uu degdeg u sii daayo Axmed Cadib ooh ore loo xidhay iyo in ay iyagu ka dhaqan ahaan wax ka qaban doonaan Arrinka Kornayl Caarre. Labada dhinac ayaa la sheegay in ay si weyn kulankaasi iskula fahmeen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen. Foore Source
  5. Baydhabo (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa xog cusub ka bixiyay ciidamada dowladda ay geysay magaalada Baydhabo oo dhawaan doorasho ay ka dhaceyso. Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo ay yihiin ciidamadii sanad ka hor weeraray gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho. Ciidamadaasi ayuu sheegay in ciidamadaasi kaliya ay yihiin ciidamadii oo magacii NISA laga badalay islamarkaana la geeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. “Waxaan xog ku helay in ciidanka lagu sheegay in ay Boolis yihiin ee Badhabo loo daabulay ay yihiin kuwii hoygayga soo weeraray 17 December e sanadkii hore, kuwaasoo dilay 5 wiil oo ilaaladayda ahayd, xabaal wadareedna ku aasay” “Keliya waxaa laga bedelay magacii iyo dharkii NISA oo waxaa loo geliyey dhar Booliska. Shaki iigama jiro in ay fidno iyo fadqalalo Baydhabo ka abuurayaan. Sanad ka hor ayaan shacabka uga dignay ujeedka gurracan ee kooxda Villa Somalia. Waa Ilaaheey mahadii in dadka badankii ay haatan soo baraarugeen” “Fariinteenu waa sahal. Nacasnimo talinta caynkaan oo kala ah, waxa keli ah ee lagu celin karaa waa awood shacab oo abaabulan midna ah” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur oo si weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-0Xukuumada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland kaalin muhiim ah ka qaadato la dagaalanka cidhibtirka Argagixisada ee Gobolka, oo dhinacyo badan ay ka taageeraan. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Ingiriiska Harriet Baldwin oo khamiistii Xildhibaan Jim Cunningham, oo xisbiga Shaqaalaha ka tirsan, ka weydiiyey wadaxaajoodyadii u dambeeyey ee Ingiriisku kala yeesho Somaliland, dhinaca amaanka Gobolka iyo Madaxbanaanida Somaliland ee mustaqbalka, ayey tidhi, “Arrimaha amaanka ayaa ka wada hadalnay Madaxweyne Muuse Biixi socdaalkii aan ku tegay Hargeysa 7da, bishii Oktoobar. Somaliland kaalin muhiim ah ayey ka qaadataa cidhibtirka halista argagixisada ee Gobolka, Ingiriiskuna waxuu u fidiyaa taageero dhinacyo kala duwan leh, oo kor loogu qaadato awoodeeda baajinta halista argixisada, uruurinta caddaymaha, iyo ku dhaqanka xuquuqal-insaanka iyo sharciga. Ingiriisku waxuu kaloo taageera dedaalada Somaliland ku biiriso xasiloonida Gobolka, iskaashi uu kala sameeyo Booliiska, garsoorka iyo Ururada Bulshada. Waxaan walwal ka qabna adagaaladii horaantii sannadkan ka dhacay magaalada Tukaraq, waxaanan si adag ugu dhiirigelinaynaa in dhinacyada si ay ugu xalliyaan khilaafaadka nabad ay raacaan geeddi-socodka dhexdhexaadinta ay hoggaamineyso Hay’adda Inter-Government Authority Development (IGAD). Mar ay ka hadlaysay mowqifka Ingiriiska ee madaxbanaani Somaliland hesho mustaqbalka, Mr. Cunningham oo xildhibaanada isku-dhafka saaxiibada Somaliland ka tirsan, weydiiyey ayey raacisay, “Ingiriisku ma aqoonsana cadaynta madaxbannaanida Somaliland. Mawqifkayaga mudada dheer ayaa ah in Soomaalidu gudahooda ka gaadhaan masiirka Somaliland qaab wadahadal, wadammada Gobolkuna taageeraan natiijada ka soo baxda. Source
  7. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu baajiyey kulankii la filayey inuu la yeesho Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay ka wada qeyb galayaan shirka dalalka G20 oo ka dhacaya dalka Argentina. Go’aanka Trump ayaa kusoo beegmay xili uu khamiistii shalay u safrayey magaalada caasimahada Argentina ee Buenos Aires, kadib markii ay soo shaac baxday in Qareenkiisii hore Micheal Cohen lagu helay danbiyo ah inuu been u sheegay danbi baarayaasha FBI ee baaraya xiriirka ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka xiligii doorashada uu ku jiray. Micheal Cohen oo ahaa Qareenkii hore ee Trump ayaa la sheegay inuu danbi-baarayaasha ka qariyey gorgortankii Trump kula jiray Ruushka dhismaha hotel uu doonayey inuu ka dhisto magaalada Moscow, arrintan oo dhaawici karta Madaxweynaha Maraykanka oo isagu weli beeninaya inuu wax xiriir qarsoodi ah lalahaa Ruushka. Balse Trump ayaa ku dooday in baaqashada la kulanka Putin ay la xariirto xiisada hada ka dhex taagan Ruushka iyo Ukraine. Source
  8. Tan iyo xilligii la furay kanaalka Suweys sanadkii 1869 kii, manddiqadda geeska Afrika waxa ay lahayd ahmiyad gooniya. Waddammadii maal galinta kanaalka iska lahaa oo ahaa boqortooyadii Ingiriis ka iyo Faransiis kuba waxa ay markiiba bilaabeen sidii ay marinka kanaalka u hanan lahaayeen. Kuwaas oo saldhigyo ciidan ka samaystay marsooyinka Cadan iyo Tojora. Si’ay u sugto amaanka Niilka iyo kanaalka Suways, dawladdii Mohamed Ali ee ka talinaysey Masar iyana sidaas oo kale ayay lahayd damac dhulballaarsi. Waxa ayna dawladdii Turkida kala wareegtay xeebihii Eritrea iyo Soomaaliya. Aakhirkiina loolan kaan waxaa ku guulaystey waddammadii gumaystihii reer Yurub oo iyagu kala qaatay marsooyin kii marinka badda cas iyo gacanka cadmeed. LOOLANKII QUWADIHII WAAWAYNAA IYO GEESKA AFRIKA. Kolkii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunidu, caalamku waxa uu u kala baxay labo xero oo uu ka dhaxeeyey tartan iyo xifaaltan siyaasadeed. Waa labo xero oo ku kala gadisanaa aragtida siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo diintaba. Waa xeradii reer galbeedka hanti-goosigaa iyo tii reer barigii hanti-wadaaga ahaa. Dal walba oo xoriyaddiisa helaba waxaa looga gacan haatinayey xero ka mida labadii xero ee uu tartanku ka dhexeeyey. Sidaas ayaana dagaalkii qaboobaa uu caalamkii ugu fiday. Dagaalkani meelaha uu ugaxda dhigay ayuu geeska Afrika ka mid ahaa. Dagaalkii qaboobaa ee ay quwadihii waawaynaa isku hayeen, waxa uu dagaal kulul ku noqday kuwii yaryaraa ee lagu dirirayey, waxa uuna aakhirkii meesha ka saaray dawladnimadii Soomaalida. AFARTAN SANO KABACDI IYO DAGAAL KALE OO QABOW Afartan sano ka bacdi mar kale ayaynu arkaynaa loolan xoog badan oo mar kale geeska ka aloosan. Iminka waxaa is haya tobannaan quwadood oo kala masaalix iyo aragtiya. Intooda badani waxa ay ku yimaadeen dagaalkii burcad badeedda. Kuwo kalana waxa ay la socdeen gugii carbeed. Kuwana waxa ay dagaal kula jiraan kuwo kale oo geeska saamayn ku leh. Sida Sacuudiga iyo Iiraan, Imaaraadka iyo Qadar. Masar iyo Ethiopia. China iyo Maraykanka. Eritrea Iyo Jabuuti. Turkida iyo Emaaraadka. Sudan iyo Maraykanka. Emaaraadka iyo Jabuuti iyo Soomaaliya iyo maamulladeeda. Su’aasha muhiimka ah ayaase ah maxaa laysku hayaa? Jawaabtu waa in laysku hayo dano dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed. DANO SIYAASADEED Wixii ka dambeeyey gugii carbeed waxaa jiray cabsi aad u xoog badan oo soo wajahday dawladaha khaliijka gaar ahaan Emaraadka iyo Sucuudiga. Waxa ay cabsi xoogan ka qabaan shucuubtooda, gaar ahaan islaamka siyaasigaa. Waxay garawsan yihiin kacaanadu in aysan dhakhso u dhiman. Sidaas daraadeed mar ay ahaataba dabku inuu iyaga soo gaari doono ayay qabaan. Waxaa gobolka ku sugan Turkiya iyo Qadar oo labaduba ahaa mashiinkii riixayey gugii carbeed. Inta labadaasi ay gobalka joogaana, xulufada Sacuudiga fadhi uma yaal. Dhanka kalana tan iyo markii uu Turkigu soo galay masraxa siyaasadda Soomaalida waxaa jirey walaac sii kordhayey oo ay qabaan dawladaha reer galbeedku, laakiin shakigaasi waxa uu sii kordhay kolkii Turkidu ay saldhigga milateri ka heshay Soomaaliya. Mid kaa la midana ay la saxiixatay dalka Sudan oo lagu guddoon siiyey marsada Zawakin. Toddobadii Febaraayo, maalin ka hor doorashadii madaxwayne Farmaajo, wargayska afka dheer ee New York Times waxa uu qoray maqaal dheer oo ku saabsanaa kala gadashada cododka iyo saamaynta shisheeyaha. Waxaa indhahayga soo jiitay kolkii uu Sudan ku soo daray qolyaha saamaynta ku leh Soomaalida. Wuxuu yiri “Sudan ayaa iyaduna wadata dadkeeda maxaa yeelay waxa ay rabtaa inay cid ku yeelato sirdoonka Soomaalida oo ay CIA wada shaqeeyaan, si ay u hesho xogta Maraykanka ee gobalka“Cajiib! marna ma is waydiisay sababta ay boqolaal Soomaaliya oo Sudan wax ku soo bartay ay jagooyin sarsare uga qabtaan dalka? Dagaalka biyaha ee u dhaxeeya Masar iyo Ethiopia ayaa isna ah mushkilad aan xal lahayn. Shakiga Ethiopia ee ku wajahan saldhigyada Emaaraadkuna wali waa taagan yahay, xitaa iyaga oo iminka aad isugu dhow. Maxaa yeelay ethiopia ayaa shaki ka qabta Masaarida oo xiriir dhaw la leh Emaaraadka. DANO DHAQAALE Dhawr sano ka hor ayay ahayd markii Anwar Cishqi oo ahaa lataliye hore ee boqortooyada Sacuudiga iyo Janaraal hore oo sirdoon, uu Isra’il uga dhawaaqay inay jirto khidad la doonayo in geeska Afrika hal dawlad oo Ethiopia madax u tahay loo sameeyo, si looga faa’iidaysto khayraadka gobalka. Markii waxaa loo arkayey nin riyoonaya, laakiin iminka waxa uu u egyahay nin xaqiiq ku hadlayey. Dhanka kalana waxaa jira isbalaarin xoog badan oo Emaaraadku ka wado gobalka ka gadaal intii heshiisku uu dhex maray Shiinaha iyo Jabuuti kaas oo sababay in Emaaraadka laga saaro dakadda Dooraale ee Jabuuti. Wixii ka dambeeyay bilowgii murankaan 2012 Emaaraadku waxa uu boos celis u qabsaday marsooyinka Casab, Suqaddara, Berbera, Bosaso iyo Mukala. Turkiya ayaa iyana leh dano dhaqaale oo ku saabsan mustaqbalka fog, waxa ugu wayn oo ay danaynayso ayaana ah maalgalin ay ku samaysato khayraadka dabiicigaa oo ay baahi wayn u qabto. Gacanka ciriiryoon ee Hormuz oo ay marto in ku dhow 40% saliidda caalamka ayaa waxa uu gacanta ugu jiraa dalka Iran. Dhawr goor oo hore ayayna ku hanjabeen inay xirayaan. Sacuudiga iyo xulufadiisa ayaa waxaa dhabar-jab ku noqotay kolkii xuutiyiinta oo ay taageeraan Iran ay la wareegtay marsada Xudeyda oo kulaalaysa marinka kele ee isna muhiimkaa ee Baabul Mandab. Taas oo muhiimad gooniya siisay saldhigyada cusub ee xulufadu gobalka ka hir gasheen. SHIINAHA WAA LA SHARAYSTAY Kolkii aad fiiriso daruufaha gobalka ka jira iyo tillaabooyinka Abiye Ahmed waxaa kuu soo baxaya in baabuurka uusan kaligiis wadin ee lala wado. Raysal wasaare Abiye illaa iminka malahan siyaasad hufan oo ku wajahan arimaha gudaha ee dalkiisa, laakiin taas badelkeeda waxa uu leeyahay siyaasad dibadeed oo geeska midaynaysa. Haddaba sidee ayay labadaasi isu yeelayaan? Kolkii ugu horaysay ee raysal wazaaraha la magacaabayba Emaaraadku waxa ay ugu deeqeen saddex bilyan oo dollar oo deeq iyo dayn isugu jirta. Laguna kabayo dakhliga Ethiopia. Sidoo kalana Emaaraadku waxa ay sheegeen in ay iyaga ahaayeen cidda iska lahayd hindisaha heshiiska Eritrea. Haddaba si aynu u fahano biya dhaca sheekada waa in aynu dib u jaleec naa siyaasaddii EPRDF ee dalka lagu dhaqayey. Ethiopiadii Malas Sinawi, waxa ay kamid ahayd dhawr wadan oo Afrikaana sida Ruwanda iyo Uganda oo uu ka taliyo hal xisbi ayna cajabisay dhaqan siyaasadeedka iyo dhaqaalaha Shiinuhu. Inkasta oo ay Ethiopia muhiim u ahayd reer galbeedka haddana marna kuma aysan qanacsanayn aragtidooda ku wajahan Shiinaha. Shiinuhu waxa uu gacanta ku hayaa saddexda mashruuc ee ugu wayn ee ay Ethiopia leedahay oo kalana ah biya-xireenka Abay, ceelasha shidaalka iyo waddada xaddiidka. Shiinuhu waxa uu 2012 kii ka saaray Jabuuti Emaaraadka oo ah saaxiibka Maraykanka. Waxa uuna Jabuuti ka samaystay saldhigga kaliya ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dhulkiisa. Arintaani waxa ay walwal ku abuurtay Maraykanka. General Thomas Waldhauser Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika waxa uu gudiga difaaca ee aqlka odayaasha ka hor sheegay walaaca ay ka qabaan saldhiga Shiinaha ee Jabuuti. Sidoo kalana warqad ay dhawaan senatorada kala ah James Inhofe iyo Martin Heinrich ay u direen lataliyaha xagga amaanka ee madaxwayne Trump John Bolton ayay ku yiraahdeen “Madaxwayne Geelle waxa uu iibsanayaa dalkiisa isaga oo ku gadanaya beeca ugu sareeya wiiqayana awoodda Maraykanka, marna ma dhici karto in saldhigga keliya ee joogtadaa ee aan Afrika ku leenahay aan kula darisno China oo tartan naga dhaxeeyo” Waxa aad oggaataa joogitaanka Shiinaha ee Jabuuti waxa qiimaha u yeelayaa waa xiriirkii Ethiopiyada boqolka milyana iyo marinka gacanka cadmeed oo saliida caalamku marto. Sida ay aaminsan yihiin Indheer-garadka Tigreegu, Kolkii uu kacdoonkii Oromadu bilowday 2015 kii saaxiibadii hore oo Ethiopia waxa ay dhabarka u duween Ururkii TPLF si gobalka looga sooro xooggaga doolka ku yimid. Waana taas siyaasadda uu Abiy Ahmed fulinayaa Emaaraadkuna uu wakiilka ka yahay. SOOMAALIYA: MA GARAN GUNTA SHAXDA EE WAA GAWAAN RAACDAY Dawladda Soomaaliya ayaan iyadu meelna aan ka soo galin shaxdaan, maxaa wacay Emaaraadka oo ah darawalka shaxda ayaysan xiriir la lahayn. haddana nasiib daro goobta kama maqna. Laakiin hal ayay faa’iideen sida ay ku doodaan. Waxay la dhaceen martabad-sharafeed ay shaxdaan ka heleen, oo ah in maamul gobaleed yadooda ay Itoobiya ka xigsadaan. Taas ayaadna moodaa in Farmaajo oo aysan ka muuqan fahan iyo firfircooni siyaasadeed toona uu ku qancay. Somaliland ayaa iyana u eg goob laga diga rogtay maxaa yeelay heshiiska Eritrea ayaad moodaa inuu Emaaraadka uga muhiimsanyahay boos celiska Berbera. Marka laga reebo saldhigga ciidammada. Jabuuti ayaa ah dalka uu khasaaraha ugu badani ka soo gaarayo siyaasaddaan. Maxaa yeelay waxa ay bar-timaameed utahay siyaasadda Emaaraadka iyo Maraykanka ee Shiinaha ku aadan. waxa aad arkaysaa sida looga faquuqay wada xaajoodyada saddex geesoodkaa. horay ayuu u yiri Ahmed Ibn Saliim Madaxa Shirkadda Dubia World “anagaa Jabuuti dad ka dhignay waxaanse ku celinaynaa kobtii ay joogeen 2006 dii“. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi PUNTLAND POST The post Faallo: Dagaalka Qabow ee Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Rome)-Dowladda Talyaaniga ayaa waxay meelmarisay sharci cusub oo ku saabsan ammaanka iyo muhaajiriinta. Sharciga oo si weyn loo dhaleeceeyay ayey dowladda uga gol leedahay sidii ay ku soo afjari laheyd sharciga deganaashiyaha labada sanno ah ee ay ku bixin jirtay dhanka bini’aadamnimada,. Sidoo kale sharcigan waxaa ogolaanayaa inay sharciga caalamiga ah kala laabato dadka loo arko inay khatar ku yihiin bulshada. Arrintaas ayaa waxaa walaac ka muujisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, taas oo sheegtay in sharcigan cusub uu saameyn xun ku reebi doono dadka magangalyo doonka ah iyo waliba qaxootiga. Source
  10. George H.W. Bush, oo ahaa madaxweynihii 41aad ee Mareykanka inta u dhaxeysay January 20, 1989 – January 20, 1993 ayaa ku geeriyooday da’da 94 jirka. Bush-ka aabaha ah, waxaa uu Mareykanka ka dhigay dalka ugu awoodda badan dunida, isaga oo goobjoog u ahaa burburkii darbigii Berlin, jabkii Saddaam Xuseen ee dagaalkii Saxaraha ee looga xureeyey dalka Kuwait iyo burburkii midowgii Soviet. Doorashadii George W. Bush loo doortay madaxweynaha 43aad ee Mareykanka 2000, waxaa uu noqday aabihii 2aad oo wiilkiisa uu madax noqodon, waxaa uga horeeyey John Adams iyo John Quincy Adams. Dhinaca kale, George H.W. Bush waxaa uu qeyb ka yahaya Taariikhda Soomaaliya isaga oo 1992-dii, xilli dalka ay ka jireen dagaallo sokeeye iyo abaar, Soomaaliya keenay ciidamada Mareykanka si ay hormuud uga noqdaan howlgalkii “rajo soo celinta”, howl-galkaas waxaa uu daba socday kadib markii Dec 3, 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo hubaysan oo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanku iyada oo December 9 isla sanadkaan ay Muqdisho soo gaareen ciidamada badda Mareykanka. Ciidamada oo loo yaqaano UNITAF ama (UNOSOM I) waxaa ay Mareykanku lahaayeen 25,000 halka ciidamada guud ahaan ahaayeen ilaa 37,000. Dalalka Mareykanka ku wehliyey howl-galka UNITAF waxaa ka mid ahaa: Australia, Bangladesh, Belgium, Botswana, Canada, Egypt, Ethiopia, France, Germany, Greece, India, Ireland, Italy, Kuwait, Morocco, New Zealand, Nigeria, Norway, Pakistan, Saudi Arabia, Spain, Sweden, Tunisia, Turkey, United Arab Emirates, the United Kingdom iyo Zimbabwe. inta ciidamadan aan loo badalin (UNOSOM II) March 1993-dii, markii hore howl-galkoodu waxaa uu ku koobnaa inay ilaaliyaan howlaha banii’aadnimada. Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Bush uu yimid Soomaaliya December 31, 1992, isaga oo Baydhabo gaaray January 1, 1993-dii, muddada uu joogay wuxuu uu Muqdisho iyo Baydhaba ku booqday meelaha dhibaateysan, waxaa aad loogu xusuustaa inuu Soomaaliya ka badbaadiyey abaartii “cago-bararka”, taas oo dad badan dishay, howl-galkiisa waxaa lagu helay macaawino dadka iyo dalka wada gaartay. Markii uu Soomaaliya yimid kadib 19 maalin, waxaa xilka kala wareegay Bill Clinton, waxaana aad u xumaaday xiriirka hoggaamiyihii SNA Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo Mareykanka, tii keentay inay isku dhacaan. October 3, 1993: Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Maraykanka ee loo yaqaano Rangers iyo Delta Force ayaa isku dayey in ay qabtaan Jeneraal Maxamed Farax Caydiid kaasi oo la tuhunsanaa in uu ku suganyahay Hotel Olympic ee xaafadda Howl-wadaag, balse dagaal halkaas ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo Caydiid, Mareykanka waxaa laga dilay 18 askari iyo in ka badan 70 halkaas ayaa lagu dhaawacay, Soomaalida waxaa la qiyaasaa in 500 ku dhinteen, halka 1,000 ka badana ku dhaawacmeen. Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya 1994-kii bilo kadib markii 18 askari looga dilay dagaal dhex maray Mareykanka iyo Caydiid, waxa kale oo uu Maraykanka dalka kala baxay safiirkii u fadhiyey Soomaaliya Roberth Oakley. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SL-T Baydhabo)Xilli shan maalmood oo keliya ay naga xigto doorashada madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay gelinkii dambe ee maanta ciidamo aan tiradooda la shaacin geysay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ee maamul goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya. Hase yeshee, wasiirka amniga ee dowlad goboleedkaasi Xasan Xuseen Maxamed ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in ciidammada la geeyay magaalada Baydhabo ay iyagu dalbadeen. Wasiirka oo wax laga weydiiyay ciidammadaas ayaa sidoo kale sheegay in arrintaasi ay jirto. “Sax waaye wey jirtaa ciidamo boolis ah oo heer federaal ah ayaa la keenay magaalada Baydhabo, mana ahan markii ugu horreysay ee la keeno magaalada Baydhabo ciidan boolis oo federaal ah, horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badan waxaan rajeyneynaa in la keeno. Waad la socotaa deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah,” ayuu yiri Wasiirka amniga ee Koofur Galbeed. Lahaanshaha sawirkaSONNAImage captionWasiirka amniga maamul-goboleedka Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Al Shabaab ay qorsheynayaan inay weerarro ka geystaan deegannaada Koofur Galbeed, sidaasi darteedna loo baahan yahay ciidamo dheeraad ah. “Al-Shabaab waxay doonayaan inay falal amni darro ah ka geystaan deegaannada Koofur galbeed, ciidankana waxay ka shaqeyn doonaan amniga, ciidanka la keenay waxay u yimaadeen sugidda amniga, dowladda Koofur Galbeed ee Soomaaliya waxay ka mid tahay dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, wax dhibaato ahna kuma qabno ciidamada na loo keenay oo ka shaqeynaya nabadgelyada”. Ayuu hadalkiisa ku daray. Dhanka kale, tallaabadan ay ku dhaqaaqday dowladda federaalka ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofur Galbeed. Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamad Nuur oo loo yaqaanno Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay ka soo horjeeddo doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda Koofur Galbeed, taas beddelkeedana ay doonayaan in musharrax gaar ah uu ku soo baxo jagada madaxweynaha maamulka. Source
  12. (SLT-Washington)-Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush ayaa geeriyooday, sida uu xaqiijiyay wiilkiisa Goerge W Bush. George Bush Sr oo 94 jir ahaa ayaa soo noqday Madaxweynihii 41aad ee Mareykanka sannadihii 1989-1993, isagoo sidoo kale labo jeer Madaxweyne kuxigeen u ahaa Ronald Reagan. Bishii April ee sanadkan ayaa la dhigay Isbitaal, todobaad kaddib markii ay geeriyootay xaaskiisa Barbara. Intii uu talada hayay waxaa lagu xusuustaa inuu hormuud u ahaa dagaalkii Ciraaq lagu qaaday, markii ay ku duushay Kuwait, taasoo sabab u aheyd in dalka Ciraaq ka soo baxaan Kuwait. Waxaa uu ku guuldareystay in markii labaad dib loo soo doortay, waxaa ka guuleystay sanadkii 1993 doorashadii xilligiisa labaad Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton oo ka socday Xisbiga Dimoqraadiga. Hase ahaatee wiilkiisa George W Bush ayaa ka noqday Mareykanka Madaxweyne, isagoo bedelay Madaxweynihii aabihii xilka kaga guuleystay Bill Clinton oo 8 sano xilka hayay. George Bush Sr waxaa uu siyaasadda ku soo biiray sanadkii 1964, waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu caansanaa ee Xisbiga Rebublican, isagoo 40 jir ah ayuu noqday maalqabeen. Source
  13. (SLT-Buenos Aires)-Hogaamiyeyaasha dunida ayaa furitaanka kulankooda G 20 ku bilaabay khilaaf iyo is afgaranwaa, taas oo sii kordhinaysa cabsida laga qabo in shirkaan ka dhacayo dalka Argentina uu ku guul dareeysto in uu ka soo baxo heshiis kama dambeeys ah. Madaxda ayaa waxa ay aad ugu kalaa qeeybsameen mowduucyada isbedelka cimilada, ganacsiga iyo dilkiI loo geystay weriye Khashoggi. G-20 waxaa ku bahoobay ilaa 19 dal oo ah kuwa ku hormaraya dhanka warshadaha iyo Midowga Yurub. Shirka wadamadaan ayaa waxaa la bilaabay sanadkii 2008-dii waxa ayna xubnaha ka tirsan fursad u siinaysaa in ay ku xalliyaan arrimaha siyaasadda ee ugu waaweyn oo markaasi tagan. Aminga magaalada Buenos Aires oo uu shirka ka dhacaayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo maalintii jimacahana laga dhigay maalin fasax ah, waxaana la xiray dhamaan ganacsiyada waaweyn ee magaalada. Dibedbaxayaal ka careeysan lacagta lagu kharash gareeyay shirka ayaa isugu soo baxay banaanka goobta uu ka dhacayo kulanka. Dhanka kalana Mareeykanka iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal ganacsi oo saameeyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida. Madaxweynaha Mareykanaka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha ayaa markii ugu horeeysay kulmi doona tan iyo markii canshuuraha lagu kordhiyay badeecadaha isaga kala goosha labada dal. Mareykanka ayaa shiinaha ku eedeeyay in ganacsigiisa uusan ahayn mid cadaalad ku saleeysan halka shiinuhuna uu Mareeykanka ku eedeeynayo in uu isku dayo in uu xakameeyo kobaca dhaqaalihiisa ku saleeysan sharciga. Ka hor kulanka cashada ee labada madaxweyne ayuu Mr Trump sheegay, in ay wanaagsanaan lahayd in ay heshiisa ka gaaraan khilaafka ganacsiga ee labada dal. Source
  14. Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xisri Cali Qarjab, ayaa sheegay cidii canshuur ama lacago baad ah argigixisadu uga qaadato gudaha Puntland inay lamid tahay inay [...] Source
  15. (SLT-Hindiya)-Haweeney u dhalatay dalka Hindiya oo bishii la soo dhaafay ku guul darreysatay isku day ay ku dooneysay iney ku gasho mid ka mid ah macbadyada ay barakeystaan dadka heysta diinta Hinduuga ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu soo oogay dacwad, ka dib markii ay Facebook-ga soo dhigtay sawir ay iska qaadday iyadoo ay “bowdadeeda qaawantahay”, xilli ay ku sii socotay macbadka. Rehana Fathima oo 32 sano jir ah ayaa si weyn looga yaqaannaa qeybo ka mid ah Hindiya, waxaa howlaha ay qabato ka mid ah farsamada isgaarsiinta, u doodidda xuquuqda dadka kale iyo xayeysiiska dharka. Ms Fathima ayaa maalintii talaadada ahayd xabsiga loo taxaabay xilli ay ku sugneyd xafiiskeeda oo ku yaalla magaalada Cochin, sida ay BBC-da u sheegtay saaxiibteed oo lagu magacaabo Aarthi SA. Markii la xiray ka dib, garsoore maxkamadeed oo ay ka soo hor muuqatay ayaa amray in 14 maalmood xabsiga lagu sii hayo, ilaa inta laga dhammeystirayo baaritaanka lagu hayo. Gabadhan ayaa lagu eedeeyay iney sawrikeeda xad gudub ugu geysatay diinta Hinduuga. Shirkadda Taleefannada ee dowladda oo ay shaqaale u ahayd ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojisay, si looga war sugo natiijada baaritaankeeda. Horraantii bishan ayey Fathima maxkamadda ka codsatay in ay soo saarto amar booliska ka mamnuucaya soo xiritaankeeda, hase ahaatee garsoorka ayaa ku gacan seyray codsigeeda, taasoo fududeysay in la xiro. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionDad mudaharaadeyaal ah ayaa bishii hore Rehana Fathima ka hor istaagay iney gudaha u gasho macbadka Dad mudaharaadeyaal ah ayaa bishii hore Rehana Fathima ka hor istaagay iney gudaha u gasho macbadka Sabarimala shrine oo gabi ahaanba laga mamnuucay haweenka ku jira “da’da ay cadaada ku helaan”. Dadka heysta diinta Hinduuga ayaa aaminsan in haweenka ay caadada ku dhacdo aysan nadiif ahayn, isla markaana aysan u qalmin iney galaan goobaha lagu cibaadeysto. Arrintan ayaa muran xoog leh ka dhalisay dalkaas, waxaana in muddo ahba socday mudaharaadyo lagu kala qeybsamay. Bishii 9aad ayey maxkamadda ugu sarreysa dalka Hindiya ku gacan seyrtay mamnuucitaankaasi, iyadoo amar ku bixisay in macbadkaas loo oggolaado dhammaan haweenka ay da’dooda kala duwantahay. Hase ahaatee dadka daacadda u ah dhaqanka macbadka ayaa diiday amarka maxkamadda, iyagoo isku gedaamay goobtaas, si ay uga hor istaagaan cid walba oo aan loo oggoleyn. Bishii Oktoober, Ms Fathima iyo haweeney kale oo saxafiyad ah ayaa isku dayay iney macbadka galaan, iyagoo gacan ka helayay in ka badan 100 askari oo ka tirsan booliska. Inkastoo ay tageen dusha sare ee buurta uu ku yaallo macbadka, isla markaana dhowr mitir u jirsadeen ablaabkiisa, haddana dib ayey u soo noqdeen maadaama uu qalalaase ka dhashay halkaas, ayna ismari waayeen booliska iyo dadkii diidanaa in loo gudbo macbadka. Hadda oo 2 bilood laga joogo markii uu amarka ka soo baxaya maxkamadda, wali ma jirto haweeney gashay macbadkaasi. Kumannaan qof ayaa loo xiray qalalaasaha ka dhashay arrintan, kuwaasi oo qaarkood la sii daayay, halka kuwo kalena ay wali xidhanyihiin. Source
  16. (SLT-Afghanistan)-Duqyn ay Mareykanka ka fuliyeen dalka Afqanistan Talaadadii ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 23 qof oo rayid ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay. Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in dadka ku dhintay duqayntani ay badankood yihiin caruur iyo haween. Weerarkani oo lagu qaaday goob ku taalla gobolka Helmand ayaa dhacay xilli ay howlgal si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afqanistaan. Baaryaasha ayaa sheegaya in caaruur gaaraya 10 iyo 8 haween ah laga yaabo in ay ku dhinteen duqayntaasi. Saraakiisha Mareykanka ayaa dhankooda sheegay in ay wali baarayaan dhacdadani. Khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah ee ka dhasha duqaymaha ayaa sare u kacay tan iyo intii ay Mareykanka ku dhawaaqeen istaatijiyada cusub ee Afqanistaan sanaddii aanu soo dhaafnay. Madaxwayne Trump ayaa ciidamo badan u huray Afqanistaan waxa uuna sare u qaaday duqaymaha lala bartilmaameedsanayo Taliban iyo kooxda IS. Howlgalka NATO ee ay horkacayaan Mareykanka ayaa waxay sheegeen in weerarkan Talaadadii dhacay uu ahaa mid ay uga jawaabayeen weerar ciidamada gaarka ah ee Afqanistan uga yimid Taaliban degmada lagu magacaabo Garmser. Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda sheegtay in ay diiwaangaliyeen 649 khasaaro dad rayid ah kuwaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray duqaymaha cirka sagaalkii bilood ee ugu horeysay sanadkan. Waa tiradii ugu badnayd ee khasaaraha rayidka Afqanistan tan iyo intii la bilaabay diiwaangalinta 2009. Source
  17. (SL-T Ceerigaabo) kulamadii xasaasiga ahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay Odayaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka Degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo mudadii uu ku sugnaa Gobolkaasi safarkiisii Toddobaadkan ayaa waxa noo suurto gashay in aanu xogo rasmi ah ka helno natiijada qodobadii ugu shishlaa ee kulamadaasi lagu soo qaaday ee ay labada dhinac ka wada hadleen. Kulamo gooni gooni ah oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Magaalooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo kula qaatay Wax-garadka iyo Odayaasha Beelaha deegaamadaasi ayaa inta badan nuxurka qodobadii laga wad hadlay waxa ay ku salaysnaayeen xaaladaha siyaasadeed iyo wadciga dalku wakhtigan marayo iyo gaar ahaan waxa ay sida gaarka ah u tabayeen beelaha uu odayaashooda kulamadaasi kula qaatay ee ay door bidayeen in ay kala hadlaan oo ay sii diyaarsadeen. Markii haddaba Madaxweyne Muuse Biixi ka soo laabtay safarkii uu ku tagay Gobolka Sool iyo gaar ahaan jiidda hore ee ciidamada qaranka waxa uu toos ugu gudbay Gobolka Sanaag isaga oo cagtiisa koowaad ku negaaday Degmada Ceel-Afweyn oo uu u dhaxay, maadaama Degmadaasi oo ahayd Degmo xaaladdeeda siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaaleba muhiimad gaar ah u lahayd safarka Madaxweynaha. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Magaalada Ceel-Afweyn kula kulmay odayaasha iyo wax-garadka Beesha Galbeedka Sanaag oo ay isku wajaheen kulan xasaasi ahaa oo wax badan labada dhinas is dhaafsadeen waxaana ajandayaasha kulankaasi naloo xaqiijiyey in ay ka mid ahaayeen Mustaqbalka Xisbiga KULMIYE, Amar Madaxweynuhu odayaasha ku siiyay in ay degdeg ugu soo qabtaan ninkii gaystay dilkii ugu dambeeyey ee Deegaanka Ceel-Afaweyn ka dhacay kadib heshiiskii la isla gaadhay iyo sidii ay dhinacooda uga dhammays tiri lahaayeen axdigii iyo ballantii lagu galay qodobadii shirkii nabadaynta Beelaha reer Ceel Afweyn. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaasi ka gaws qabsaday wareejinta Mustaqbalka xisbiga KULMIYE oo uu ku sheegay in xisbiga KULMIYE yahay mid qaranku wada leeyahay oo ka baxsan mid laba beelood is waydiisan karaan isaga oo ku soo hal qabsaday qaabkii uu ku hantiyey Guddoomiye-nimada xisbiga KULMIYE ee uu ugala wareegay Axmed Siilaanyo isaga oo sheegay in isaga iyo Siilaanyo wakhtigaa shakhsiyan ka siyaasiyiin ahaan isku ogolaayeen balse aanay ahayn wax laba beelood isku waydaarsadeen lahaanshaha xisbiga KULMIYE Arrinkaasina yahay mid siyaasi ah oo xisbiga gudihiisa u yaalla Mustaqbalka sida uu wax u dhiganayo. Dhinaca kale haddaba markii Madaxweynuhu tagay Magaalada Ceerigaabo ayaa Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulan uu Madaxweynuhu kula qaatay Degmada Ceerigaabo odayaasha iyo wax-garadka beesha Habar Yoonis ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in ay labada dhinac ku naaqisheen qodobo dhawr ah oo ay labada dhinac danaynayeen waxaana ugu muhiimsanaa Xaaladda Nabad gelyo ee Gobolkaasi, xoojinta heshiiskii nabadeed ee Gobolkaasi ka dhacay, Fulinta qodobadii heshiiskaasi, Jabhadda Caarre, Saami qaybsiga xukuumaddiisa ee Beeshaasi ku aaddan iyo waliba adeegyada ay xukuumaddu ugu talo gashay deegaamada beeshaasi. Dhinaca kale xogahani waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Odayaasha Beeshu ay Madaxweynaha ka dalbadeen in uu degdeg u sii daayo Axmed Cadib ooh ore loo xidhay iyo in ay iyagu ka dhaqan ahaan wax ka qaban doonaan Arrinka Kornayl Caarre. Labada dhinac ayaa la sheegay in ay si weyn kulankaasi iskula fahmeen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen. Source Wargayska Foore Source
  18. Muqdisho ( Sh. M/ Network )-Xukun Xasan Abshir ayaa ka so baxay si dhuumaaleysi ah aagga dhanaane ee gobalka shabeelaha Hoose. Ujeedada qarsoon ee kasoo tagista goobtiisa shaqo ayaa ahayd inuu dhac ka gaysto mid ka mid suuqyada magaalada . Markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayay si wada jir ah dhac ugu baraareen isaga, marxuum Saleebaan Cali Maxamed iyo askari kale oo baxsad ah ee uu Saleebaan Yaqiinay. Xukun Xasan Abshir ayay ciidamada amniga ka soo qabteen suuqa weyn Bakaaraha, waxaana xilligaasi uu Ku guda jiray dhac uu ugeysanayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo shaqa tegay Suuqa Bakaaraha. Shacabka ayaa Ku war geliyay ciidamada Amiga in suuqa uu ka socdo dhac ay geysanayaan rag ku hubaysan qoray Ak47 iyo Bistoolad. Ciidamada Amiga degmada Howlwadaag ayay isaga hor yimaadeen suuqa markii lagu amray in ay isdhiibaan ayuu bilaabay xabad Xukun Xasan Abshir taasi oo sababtay in uu geeriyoodo Saaxiibkiisa saleebaan halka sidoo kale uu baxsaday shaqsi kale oo la socday kaasi oo Ku hubeysnaa Bistoolad. Intaas kadib ayuu is dhiibay Xukun Xasan sidaana ay ciidamada amniga ugu soo wareejiyeen Hey’adaha Baarista. 15-10 ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta, isla xilligaas ayay garsoorka weydiisteen in loo dhaa dhiciyo xabsiga inta ay ka soo dhameystirayaan eedda eedeysanaha. Baaristooda kadib ayay 22 – bishii 11 ee sanadkan ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa aqbashay 4 cisha uun kadib in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Axmed oo ah Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa fadhiga hor keenay laba shaqsi oo shaqa joojin Ku sameeyeen intii ay dhacca wadeen xukun iyo saaxibbadiiis, afar kamid ah ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanaha, warqad muujineyso lacagta baadda ah oo ay ka qaateen masuul ka tirsan Shirkadda BaalGore iyo ID Card, ay u isticmaaleen baadda dadka, qoriga dhacca lagu geystay iyo Qiraal laga qoray eedeysane Xukun Xasan Abshir. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Ku dooday in loo naxariisto, loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan Ku gaaray in lagu xukumo Xukun Xasan Abshir 8-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale hadii uusan Ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. The post Maxkamadda CQS Oo xukuntay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa si aan la fileyn kaga hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya shalay ay geysay magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ka tagay ciidamo badan oo tayaysan kuwaasi oo xaqiijin kara amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Wuxuu sheegay in arin aan la aqbali karin inay tahay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo, maadaama horey ay u joogeen ciidamo badan oo ku filan amaanka deegaanada doorashada ay ka dhaceyso. “Deegaanka dowlad ayaa ka jirta, Shariif Xasan markuu meesha ka tagayay wuxuu ka tagay ciidamo badan oo tayeysan kuwaasi oo amaanka xaqiijin kara, ciidamadaasi inay sugaan amniga doorashada wey ku filan yihiin” Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in dadkii ka dambeeyay amarka ciidamada lagu geeyay magaalada Baydhabo lagula xisaabtami doono, waxii ka yimaada. “Marka wax kaloo dheeri ah ma jirto, ciddii ka dambeysay amarka ciidamada lagu geeyay magaalada Baydhabo iyadaa lagula xisaabtamayaa”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Baydhabo (Caasimada Online)- Wuxuu ahaa kulan wajigabax ah, mana uusan fileynin in sidaas ay ula dhaqmi doonaan beesha Hariin ,laakiin lama filaan ayuu la kulmay musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay joojisay taageero maaliyadeed oo ay siineysay musharax Cabdicasiis Lafta Gareen, kadib markii ay hoos u dhacday rajada laga qabo inuu guuleysto. Dood badan ayaa ka timmid sida uu Lafta Gareen ugu guuleysan karo doorashada dhici doonta 5ta bishaan December, waxaana aan xogta ku helnay in Dowlada dhexe ay dib u gurasho sameysay ,madaama ay adkaatay in Digil iyo Mirifle laga gado Cabdicasiis Lafta Gareen , oo gobalka taariikh madoow kuleh. Musharax Lafta Gareen ayaa asbuucan la fariistay ganacsatada iyo waxgaradka beesha uu ka dhashay ee Hariin ee ku sugan Baydhabo waxaana uu weydiistay taageero maaliyadeed, laakiin kama uusan helin jawaabtii uu rabay. Mid ka mid ah ganacsatadii kulanka ka qeyb gashay oo diiday in aan magaciisa xigano ayaa u sheegay Caasimada Online inuu Lafta Gareen dalbaday lacag dhan $300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar). Wuxuu sheegay inuu aad ugu celceliyay “Balan ayaa rag iiga baxeen, dadka qaar isku haleyn ma galaan” iyo ereyo kale oo loo fahmay inuu ula jeedo Dowlada dhexe. Ganacsatada beesha Hariin ayaa sheegay in aaney hada awoodin iney wax dhaqaale ah ku taageeraan Lafta Gareen, iyagoo ku dooday inuusan markii hore isku sharaxin talada beeshiisa. Nin ka mid ah odayaashii meesha ka hadlay ayaa yiri “Qoladii kusoo dirtay ha dhameystirto howsha” Waxaa la sheegay in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ay taasi niyad jab iyo rajo beel kusii riday. Kulankaan lagu hugoobay ayaa kusoo aadaya iyadoo ay maalmo uun ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammadi, oo ah safiirka dalka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya iyo ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Imaaraadka iyo UN-ka iyo weliba sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xarunta safaadadda Imaaraadka ee Muqdisho, waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo sida la sheegay dadaallada ay Imaaraadka iyo UN-kaba ka wadaan gudaha Soomaaliya. Safiirka Imaaraadka Al Xammadi, waxaa uu u balanqaaday Nicholas Haysom in Abu Dhabi kala shaqeyn-doonto dadaallada lagu soo celiyo xasiloonida, sugidda amniga iyo horumarinta Soomaaliya. Dhankiisa Haysom, waxaa uu Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo sida ay qeyb uga yihiin horumarka iyo xasiloonida dalkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray jadwalka soo xulista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxweynaha, kaddib qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee Puntland uu furmo doono 01/01/2019, iyagoo dooran doona Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Puntland Oo ay ka bilaabanayaan doorashooyinka Golaha Wakiilada maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Baydhabo ( Sh. M. Network )-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay, kaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab. Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa: Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay. Hawlgalkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso. Waxaa lagu dilay hawlgalka Sagaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo maleeshiyaad mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka. Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen. Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen. The post Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay gobolka Baay appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Baadhabo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada K/ Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa , iyaga oo xaqiijinaya amniga magaaladaasi. Qaban qaabada doorashada maamulkaasi ayaa si habsami leh u socota, taasi oo la filayo in ay dhacdo 5 bishan December ee 2018-ka. Dhinaca kale wasiirka amniga K/Galbeed Xasan Xuseen oo la hadlay VOA-da ayaa ka warbixiyay Ciidamo gaar oo ay dowladda u dirtay maamulkaasi. Wasiirka ayaa sheegay in DFS ay ka dalbadeen Askartaasi, si loo sugo amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed. Waxaana uu uga mahadceliyay dowladda dhexe ee federaalka, sida ay uga jaawabtay codsigooda. Hlakan hoose ka dhageyso Cidka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Jaamac-1.mp3 The post Ammaanka Baydhabo Oo si weyn loo adkeeyay appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Shirkadaha Tawfiiq iyo Waabari Group ayaa macaamiishooda waxa ay gudoonsiisay abaalmarino qaali ah oo isgu jira Garaawi, Talaagado, agabka cuntada lagu kariyo ,Tvyo, Laabtoobyo , [...] Source