-
Content Count
209,079 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka duulista hawada Soomaaliya oo goordhow la hadlay wariyaasha ayaa been abuur ku tilmaamay warar uu sheegay in laga faafiyay. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in warkaasi ay soo abaabuleen dad dano gaar ah leh oo ay kamid yihiin shirkado dano siyaasadeed ka leh Soomaaliya iyo siyaasiin mucaarad ah. Warkaasi oo ay baahiyeen qaar kamid warbaahinta Soomaalida ayuu wasiir Oomaar ku sheegay in ay tahay mid aan waxba ka jirin. Waxa uu soo hadal qaaday warar la is la dhexmarayay oo ku aadan in Wasiirka lagu heysto arimo musuqmaasuq iyo shirkad uu shaqada ka joojiyay ayuu arimahaasi ku sheegay in ay tahay mid aan waxba ka jirin. Qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa tabisay warar la xariira in Wasiir Oomaar loo heysto arimo musuq maasuq. Hoos ka dhageyso codka Wasiirka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Wasiir-Oomaar.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Oomaar oo beeniyay in musuqmaasuq loo xiray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay ninkii hoggaaminayay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Ciidamaa amnigu ay soo qabteen wadahii Gaarigii danbe ee ku qarxay Taallada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere. War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in weerradan qorshahoodu uu ahaa in lagu laga beegsado xarunta Murtida iyo madadaalada ee National Terte-ka Qaranka,halkaas oo Maalmahan ay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda oo iskaashanaya ay dayactir ka wadeen. Qoraalkan ayaa gebagabdii lagu yiri ,” ficilladooda arxandarrada ah nama wiiqo doono, dibna nooma celin doono inta Ciidanka iyo Shacabka iskaashanayaan” Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadan oo labo ahaa, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen Saraakiil iyo Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya. The post NISA Oo sheegtay in la qabtay ninkii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-221218-SX.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay ku guuleysteen soo qabashada ruux ay ku sheegeen inuu ahaa hoggaamiyihii ka dambeeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. NISA qoraalka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay hawlgal ciidanka ay sameeyeen in lagu soo qabtay ruuxa ka dambeeyay labada qarax ee maanta ka dhacay Muqdisho. Waxa kale oo NISA ay sheegtay in la soo qabtay ruuxii waday gaariga labaad ee ku qarxay Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho oo inta uusan qarxin ka hor la qabtay ninkii waday. Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ma aysan sheegin magaca qofka la soo qabtay ee ay sheegtay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyada dhacay. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda laba qarax oo gaadiid loo adeegsaday oo mid ka mid ah lagu dhuftay Koontaroolka Ciidanka Koofi gaduuda ay ku leeyihiin Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.
-
Weriye Caana & 3 ka mida shaqaalaha Universal TV oo ku geeriyooday qarax +SAWIRRO Waxaa qaraxyadii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday wariye Cawil Daahir Salaad iyo saddex shaqaale ah oo ka hawlgalaayay Tv-ga Universal, xaruntiisa magaalada Muqdisho. Wariye Cawil Daahir Salaad iyo saddex ka mid ah Shaqaalaha Tv-ga Universal , ayaa gaari maraayay xilliga qaraxa uu dhacaayay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho halkaas oo gaari qarax laga soo buuxiyay lagu weeraray bar kontrol. Sidoo kale dadka waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxyadaasi waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax oo dhaawac fudud uu soo gaaray. Ciidamo ilaalo u ahaa gudoomiye Tuulax, ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi kuwaasi oo gaaraya illaa 5 askari, sida wararka ay sheegayaan. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Warsame Joodax dhaawac fudud uu soo gaaray, maadaama uu isna goobta uu maraayay xilliga qaraxa uu dhacaayay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa soo saaray qoraalo ay kaga hadlayaan bartilmaameydka qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho. Qoraalka Hay’adda ayaa lagu sheegay in bartilmaameydka qaraxa koowaad uu ahaa xarunta Tiyaatarka Qaranka oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen olalaha is xilqaan oo dib loogu dhisayo Tiyaatarka. Waxaa maanta goobta ku sugnaa Shaqaalaha wasaaradda Ganacsiga oo qaarkood la sheegay in dhaawacyo fudud ay soo gaareen. Qoraal kale oo Hay’adda ay soo saartay ayaa lagu sheegay in la qabtay ruuxii hogaaminayay qaraxyada maanta ka dhacay Muqdisho oo sida la sheegay ka dagay gaariga labaad ee ku qarxay Daljirka Dahsoon.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow sheegtay in gacanta ay ku hayaan qofkii hogaaminayay weerarkii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo darawalkii waday gaariga dambe ee ku qarxay Daljirka Daahsoon. War ay soo saartay NISA ayey ku sheegtay in ciidamada amaanku ay gacanta ku hayaan hogaamiyihii soo abaabulay weeraradii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho. NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitterkeeda ku sheegtay warkaaasi. Ku dhowaad 15 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo is xigay oo is miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa wariyayaal caan ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in la qabtay hogaamiyihii soo abaabulay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Labo qarax, kuwaasi oo geystay khasaare isugu jir dhimasho iyo dhaawac. Qaraxii Koowaad ayaa ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halka midka Labaadna uu ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon. Inta la hubo waxaa qaraxan ku dhintey 10 qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: Source: goobjoog.com
-
siciid-dahabshiil.jpg Gudoomiyaha Shirkada TalkRemit Siciid Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo ah wiil uu dhalay ganacsadaha weyn ee Dahabshiil ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey APP cusub oo aad lacagta meeshii aad adduunka ka doontid ugu dirsan kartid. APP-kan cusub oo lagu magacaabo TalkRemit ayaa waxaa maalgeliyey Gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid. SIciid Dahabshiil oo u waramayey Telefishanka BBC qaybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in APP-kani uu soo kordhin doono adeegyo fududaynaya isu dirka lacagaha iyo horumarka Ganacsiga, iyadoo ay dheertahay inaad APP-kan kala hadli kartid ehelkaaga ama qofkaad lacagta u dirtay, wuxuu leeyahay messenger sida Whatsapp ka oo kale ah, uma baahnid inaad xawaalad tagto, meelkasta oo aad joogto waxaad isticmaali kartaa Guri, Xafiis, Shaqada ama Suuqa . APP-kan waxaad ka heli kartaa Play Store ama Andriod. HOOS KA DAAWO WARAYSIGII GUDOOMIYE SMS: Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo labo ahaa oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo adeegsaday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay. Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen. Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaariga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho. Dadka waxyeelada ay kasoo gaartay weerarkii maanta waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxii Labaad. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhaawac uusoo gaaray xildhibaan Warsame Joodax oo qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka. Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa xaqiijiyay in labo ruux oo ka dagay gaariga labaad ee qarxay gacanta lagu dhigay, waxaana mid kamid ah uu watay gacanta ciidamada ay ka wada hadlaan. Sidoo kale waxaa jira dad badan oo rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Police in Somalia says a suicide car bombing near the presidential palace has killed at least six people and wounded several others. Colonel Ahmed Mohamud says those killed in the Saturday morning blast include soldiers and civilians. Captain Mohamed Hussein says the bomber targeted a military checkpoint near the rear entrance of the heavily fortified palace. Police say lawmakers and other officials had been traveling nearby on what is a business day in the Horn of Africa nation. A second blast was heard shortly afterward nearby in Mogadishu as a plume of smoke rose over the capital. There is no immediate claim of responsibility for the blast. The al-Qaeda-linked al-Shabaab extremist group often targets the capital. The post At least 6 people killed in twin explosions in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Allaha u naxariistee Wariye Cawil Axmed Absuge oo loo yaqaanay Cawil Daahir Salaad ayaa ku geeriyooday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay agagaarka Tiyaatar-ka Muqdisho, kaa soo ka mid ahaa laba qarax oo maanta ka dhacay Muqdisho. Marxuumka ayaa ahaa madaxii barmij soo-saare ka tirsanaa Telefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee Universal, wuxuuna inta badan qaban jiray barnaamijyada doodaha siyaasadeed ee la isugu keeno siyaasiyiinta kala afkaaraha duwan. Wararka ayaa waxay sheegayaan in marxuumka iyo shaqaale kale oo ka tirsanaa Telefishinka Universal oo watay gaari uu qaraxu ku qabsaday goobta uu ka dhacay, maydkiisana goor-dambe la helay. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya inay jiraan xubno kale oo ka tirsanaa Universal TV ay ku dhinteen qaraxa, balse aan la sheegin magacyadooda iyo shaqooyinkooda, iyadoo ay jiraan kuwo kale oo iyaguna ku dhaawacmay. Dhanka kale, Wariye Cawil Daahir ayaa wuxuu dagganaa dalka Ingiriiska sannadihii u dambeeyay, wuxuuna ka mid ahaa wariyeyaasha muddada fog kasoo shaqeynayay warbaahinnada kala duwan ee Soomaalida. Markii uu dhacay burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, wuxuu ka mid ahaa shaqaalihii idaacado kooban oo ka hawlgeli jiray Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid ahayd Idaacadda Banaadir oo weli shaqeysa. Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa wuxuu kamid noqonayaa wariyeyaashii sannadkan ku geeriyooda Somalia, kuwaasoo qaarkood la dilay, inkastoo isagu uu ku dhintay mid ka mid ah Qaraxyadii Muqdisho ka dhacayay. PUNTLAND POST The post Wariye caan ah oo ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahin:-Qaraxyo khasaaro geystay Oo ka dhacay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Qaraxyada oo 2 ahaa ayaa waxa ay ka kala dhaceen agagaarka xarunta Tiyaatarka iyo nawaaxiga Taaladda Dal Jirka Daahsoon degmada Boomdheere ee gobolka Banaadir. Qaraxa koowaad oo Ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay Barkoontarool oo ku taalla xarunta Tiyaartanka oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale qaraxa labaad oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay agagaarka Taallada Daljirka Daahsoon ee M/ Muqdisho Ugu yaraan illaa 5 Qof ayaa ku dhintay qaraxyadan, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale, sida uu Shabelle u xaqiijiyay C/qaadir Cabdullahi Cali oo ka mid ah Darawallada Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambalaas. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa Wariyeyaasha Talevision-ka Universal iyo saddex Qof oo kale oo ka mid aheyd shaqaalaha Tv-gaasi. Sidoo kale dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda G/ Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax oo la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray qaraxii 2 ee ka dhacay Taaladda Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxa koowaad isna dadka ku dhaawacmay uu ka mid yahay Xilhibaan Warsame Maxamed Xasan(Joodax) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxyadaasi. The post Faah faahin:-Qaraxyo khasaaro geystay Oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article -
Gudi uu gudoomiyaha Golaha guurtida Somalilan du saarey inay xal ka keenaan cabasho ay qaar ka mid ah haweenka Somaliland ka gudbiyeen Buug uu qoray wasiirka Warfaafinta Somaliland Md Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa maanta arintaasi go,aan ka soo saarey Guddidan oo uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Sul. Ismaciil ayaa waxaa uu iminka si rasmi ah ugu dhawaaqey in guddidii guurtidu ay go,aamisay in gabi ahaan-ba buugaas la gubo . Dhawaan ayey aheyd markii haweenka Somaliland qaar ka mid ahi ay cabasho ka dhan ah buuga uu qoray wasiir Guri barwaaqo ay u gudbiyeen golaha guurtida Somaliland Ilays Qaran News
-
Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa Kulankii kowaad ee saaxiibtinimo caasimada kula ciyaartay wiilasha Muqdisho United waxaana ciyaartaas 1-0 ku badiyay kooxda Muqdisho United oo dhawaan usoo gudubtay horyaalka . Tababaraha kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir oo la hadlay Goobjoog waxa uu sheegay in uu aad ugu farax sanahay in kooxdiisa ay ciyaarto Muqdisho u jeedka kulankan uu ahaa is dhaxgal bulsho iyo ciyaar saaxiibtinimo iyo in ay is bartaam dhalinyarada gudaha iyo kuwa qurbaha. Halkan Ka Aqriso Kulamada kusoo wajahan Som United 24-12-2018-Som United VS Madbacada 26-12-2018– L.L.P Jeenyo VS Som United 28-12-2018-Som United VS Muqdisho City Isku soo wada duub waa kooxdii Saddexaad oo sanadkan ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho imaanaysa dalka waxaana arintan bogaadiyay bahda ciyaaraha wadanka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 12-qof oo ay ku jiraan ciidammo iyo shacab ayaa ku dhintay labadii Qarax ee maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax. Qaraxii koowaad ayaa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Muqdisho, Waaxana dadka ku dhintay ay u badnaayeen shacab, sidoo kalena waxay khasaare aad u xooggan ay kasoo gaartay ciidammo ku sugnaa bar-koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Somalia. Sidoo kale, Qaraxii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon oo ku dhaw halka qaraxii 1-aad uu ka dhacay, waxaana qaraxaas uu dhaawac kasoo gaaray guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir. “Inta badan ilaaladii guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir waa la waayay, waxaana aragnay dhimashada qaar ka mid ah iyo dhaawacyo ay ku jiro kuwo aad u daran,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah xubnaha maamulka gobolka Banaadir. Guddoomiye ku xigeenka dhaawacmay ayaa haatan lagu daweynayaa mid ka mid ah goobaha caafimaadka Muqdisho, waxaana wararka la hellayo ay sheegayaan in dhaawiciisa uu yahay mid fudud. Dhanka kale, Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, waxayna kooxdu sheegtay inay ku dileen askar iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia. Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin khaaaraha ka dhashay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho, kwuaasoo ahaa qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu fuliyay gaadiid waxyaabaha Qarxa laga buuxiyay. Ugu dambeyn, Qaraxyada noocan oo kale ayaa geysta khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana muuqata in Dowladda Federaalka aysan awood u lahayn inay joojiso qarxyada ay Al-shabaab ka geysanayso Xamar. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Khasaarihii Qaraxyadii Muqdisho iyo Guddoomiye ku xigeen ku dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
-
Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ah shaqaalaha Universal Tv ayaa u dhintey Qaraxii Koowaad ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in qaraxan oo ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka magaalada Muqdisho ay sidoo kale ku dhinteen dad halkaasi ka dhawaa. Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Maxamed Tuulax ayaa isna lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku dhaawacmay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska hay’adda dambi baarista CID-da ayaa maanta soo bandhigay qalab iyo dad ku howlanaa sameynta Dukumintiyo been abuur ah. Dadkan iyo qalabka ay isticmaalayeen ayaa waxaa Warbaahinta loogu soo bandhogay xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho. Taliyaha hoggaanka dambi baarista CID-da Bishaar Abshir Geedi oo Warbaahinta kula hadlay halkaasi ayaa sheegay in howlgal ay iska kaashadeen hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo hay’adda dambaarista lagu soo qabtay dadkaasi. Kornel Bishaar Abshir Geedi ayaa intaasi ku daraya in Ragga la soo qabtay oo gaaraya ku dhawaad 10 Qof, gacanta lagu soo dhigay, xilli ay ku howlanaayeen sameynta Baasaboorada,Shahaadooyinka Jaamacadaha, Dugsiga Sare, iyo Dhalashooyinka sugnaanta ah oo ay bixiso dowladda hoose ee Xamar, kuwaas oo sharci darro ah. Ma’ahan markii ugu horreysay oo Ciidamada amnigu ay soo qabtaan dad ku howlanaa Dukumintiyo been abuur ah, kuwaas oo ay xirtay dowladd Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Hay’adda dambi baarista Oo soo bandhigtay dad ku howlanaa sameynta Dukumintiyo been abuur ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jawiga magaalada Muqdisho oo deganaa muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa mar qura isbadalay, kadib dhawaq xoogan oo qarax oo laga maqlay magaalada Muqdisho. Uuro ayaa cirka isku shareertay, waxaana daba socday rasaas xoogan oo dhacaysa, taasi oo loo malaynayay inay aheyd in meel la wareeray gudaha loo galay, balse wuxuu ahaa qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka isgoyska Xaawa Taako oo ku dhow goob laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya. Dad badan oo shacab ah kuna sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayay waxyeelada ugu badan soo gaartay, walow aanan ilaa iyo hadda la xaqiijin tirada dadka waxyeelada ay soo gaartay. Qaraxa koowaad ayaa dad ku sugnaa dhismaha Hooyooyinka waxay sheegayaan inuu gaari gaari ciidan oo lagu buufiyay astaanta ciidamada booliska, kaasi oo ka dhacay tiyaatarka qaranka agtiisa. Intii lagu howlahaa qaraxa koowaad ayaa waxaa dhacay qarax kale oo xoogan oo ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon. Qaraxa labaad ayaa ahaa gaari SURF ah oo laga buuxiyay waxyaabaha, waxaana la sheegay inay saarnaayeen labo ruux oo mid kamid ah uu watay gacanka ciidamada ay ku wada hadlaan. Ciidamada amaanka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo mid kamid ah la sheegay inuu sheegay inuu naftiia nacay. Warar soo baxaya ayaa sheegay in dhaawac uu gaaray guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, waxaana la waayay gabi ahaanba gaari Cabdi Bille ah oo la socday. Sidoo kale waxaa soo baxaya ayaa sheegaya in waxyeelo ay soo gaartay shaqaalo ka tirsan TV Universal, waxaana la sheegay inuu qaraxa ku dhintay darawalka gaariga Universal iyo wariye Cawil Daahir Salaad. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka. La soco khasaaraha Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com