Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,037
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Jigjiga ee xrunta Somali State ay gaaraan hoggaanka jabhadda ONLF oo maalintii shalay ahayd lagu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wararka waxay sheegayaan in si weyn looga diyaar garoobay Jigjiga, islamarkaana dadka ay doonayaan in si hufnaan ah kusoo dhoweeyaan madaxda ONLF. Waddooyinka waaweyn ee Jigjiga ayaa lagu xardhay calanka ONLF iyo sidoo kale sawiradda madaxda jabhaddaasi. In ka badan 20 sano ayeey ONLF la dagaallamayeen ciidanka Itoobiya iyo Soomaalidii taageereysay, wallow isbedallada Abiy ay sababeen in madaxda ONLF iyo ciidankoodaba si nabad ah ku tagaan Jigjiga. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Shacabka ku dhaqan nawaaxiga isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo baraarugay dhagxaan ay dowladda federaalka ku xirtay kala wareeggii Isgoyskaasi. Gaadiidka ka yimaada dhanka KM-4 islamarkaana u socda dhanka Buulo-xubey ayaan suurtagal ahayn inuu ka leexdo Isgoyska Zoobe, wuuxna aadi doonaa dhanka Banaadir. Sidoo kale, gaariga ka yimaada dhanka Buulo-xuubey una socda dhanka Isgoyska Banaadir ayaa kasoo wareegan doona Laami yaraha Zoobe ee Muqdisho. Tani waxay sii keeni doontaa saxmad daran oo wadadan ah, iyadoo meelaha gaadiidka kasoo kala leexan doonaan ay tahay meello yar yar oo aan suurtagal ahayn gaadiid badan in si caadi ah isaga soo kala gudbaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jirtay hadalhayn aad u badan oo ku aaddan in musharraxiin u taagan xilka madaxweyne ee maamulka K/galbeed ay ciidamo la tageen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wasiirka warfaafinta K/galbeed Xasan Cabdi ayaa xaqiijiyey in musharraxiinta qaar ay ciidan iyo hubba la tageen magaaladaasi, balse waa uu sababeeyey. Waxa uu tilmaamay in qaarkood ay xilal sar-sare ka hayeen dowladda dhexe, xaaladda dalka ka jirta awgeedna ay ku qasbanaadeen in ilaaladooda horey usoo kaxeystaan. Sidoo kale, waxa uu sheegay in wax dhib ah aanay ku jirin in musharraxiinta ay wataan askar dowladda ah, maadaama ammaanka la xaqiijinayo. Horey saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ka dalbaday musharraxiinta in ciidamadooda aanay ku dhex milmin waxa socda, islamarkaana ay joojiyeen dhaq-dhaqaaqyada wax u dhimi kara ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Sacuudiga miyuu bedelay mowqifkii Qatar+Boqor Salman oo tallaabo cusub oo aan la fileynin qaaday Diblumaasiyiin xog ogaal ah ayaa u sheegay wargeys kasoo baxa dalka Kuwait in xoghayaha Guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka uu booqan doono magaalada Doha ee dalka Qatar, isaga oo ka wakiil ah Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan. Ujeedada Booqashada Xoghayaha uu ku tagayo magaalada Doha ayaa ah in Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad inuu ku casuumo ka qeyb galka Shirka golaha iskaashiga Khaliijka. Shirka ayaa la qorsheynayay in 9 December uu ka furmo magaalada Damaam ee bariga dalka Sacuudi Carabiga, laakiin xogaha ayaa sheegaya in hadda lagu qaban doono Dalka Cuman, oo tariiq wanaagsan ku leh dhexdhexaadinta khilaafka wadamada Khaliijka. Ujeedada shirka looga badalay magaalada Damaam ayaa ah in lagu dajiyo xiisadda soo bilaabatay sanadkii 2017 islamarkaana la xaqiijiyo guulaha iyo ujeedooyinka shirka laga leeyahay. Dowladda Kuwait, ayaa dadaal badan ku bixisay in shirkaasi la qabto iyadoo ay xaadir yihiin madaxda dalka Qatar, waxaana hadda la doonayaa in xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka uu ku qanciyo boqorka dalka Qatar in shirkaasi uu ka qeyb galo. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Qatar Khaalid Al Jarallah ayaa sheegay in shirka la qaban doono waqtigiisa iyada oo ay ka qeyb galayaan dhamaan wadamada ku bahoobay golaha iskaashiga Khaliijka. Qaran News
  5. Erdogan oo dalbaday in loo soo gacan geliyo dadka looga shakisan yahay dilkii Jamaal Khaashuqji+Meelaha Sacuudigu hubka ka iibsado Erdogan wuxuu sheegay in uusan waxyeello u gaysaneeynin sumcadda boqortooyada Sucuudiga qoyska Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dowladda Sucuudi Carabiya inay usoo gacan geliso dadka ku sugan dalkaasi ee looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashugji. Recep oo ka hadlayay shirka dalalka ku horumaray dhaqaalaha ee ka socday Argentina ayaa sheegay in arrinta Khaashuqji aanan loogu talagelin in shirka looga hadlo balse ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo kaliya ah ayaa kulanka kusoo hadal qaaday dhacdada ku aadan Khaashuqji. Dowladda Sucuudiga ayaa 11 qof u xirtay dilka balse ma jiraan go’aan ay dadkan ugu dhiibeyso Turkiga. Walwalka Erdogan Madaxweynaha Turkiga Erdogan wuxuu si wayn ugu murugeysan yahay jaawabta uu Sucuudiga ka bixiyay dilka Jamaal Khaashuqji. Wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta Sucuudiga inay hayaan been iyo hadallo is-burinayo isla markaasna ay baddalayaan sida ay wax u dhaceen ayna diideen inay macluumaad la wadagaan baarayaasha Turkiga. Wuxuu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu kulanka madaxda G20 ka sheegay ‘sharraxaad aanan la rumeysan karin’ oo ku aadan dilka Khaashuqji. Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dooday in boqortooyada aanan eedeymo loo jeedin karin tan iyo inta laga caddeynayo dambiga. Erdogan muxuu ka yiri dilka Khaashuqji? Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku tilmaamay arrinta ku saabsan saxafigii la waayey – xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sucuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbuul mid niyad jab ah. Saraakiisha Turkiga ayaa rumaysan in Jamal Khashoggi – oo ahaa nin dhaliila madaxda Sucuudiga – in lagu dhex dilay dhismaha qunsuliyadda. Mr Erdogan ayaa sheegay in uu asago shakhsi ahaan isha ku hayn doono baadhitaanka lagu hayo arrintan, uuna dunida ku wargalin doono wixii kasoo baxa. Jamal Khashoggi ayaa aaday qunsuliyadda uu dalkiisu ku leeyahay Istanbul talaadadii lasoo dhaafay si uu uga soo qaato warqado la xidhiidha arooskiisa oo dhici lahaa. Taariikh nololeedkii Jamaal Khaashuuqji Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Khaashuqji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay. Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashuqji oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga. Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada. Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof. Khaashuqji boggiiska Twitter-ka waxa ku taxan 1.6 milyan oo qof Dilka Jamaal Khaashuqji iyo siyaasadda Bariga Dhexe Inta badan awoodaha qoyska boqortooyada waxaa gacanta ku haya Maxamed Bin Salmaan, dadka hadda looga shakinsan yahay dilka waxay hoos tagaan isaga, khuburrada ku sugan Sucuudiga waxay rumaysan yihiin inay suurogal ahayn in la fuliyay dilkan iyadoo aysan ammaro kasoo bixin maamulka sare ee boqortooyada. Inta badan waxaa laga dhuur sugaya, inta ay gaarsiisan yihiin caddeymaha ah in Maxamed Bin Salmaan uu si toos ugu lug lahaa dhacdada. Maxamed Bin Salmaan wuxuu sheegay in uusan wax ka ogayn dilka Weriye Jamaal Kaashogji Turkiga muxuu ka qaban doona dilka Jamaal? Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu ceersanaya dhaxal sugaha sida Bisadda ay u ceersato Jiirka. Recep wuxuu doonaya inuu xalliyo qalalaasaha isagoo raadinaya waddo sharci oo lagu maxkamadeeyo dadka lagu tuhunsan yahay dilka Khaashogji, wuxuuna farta ku fiiqaya dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan. Turkiga iyo Sucuudiga waxay door muhiim ah ku leeyihiin dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka, labaduba waa dalal Sunniyiin ah, waxay doonayaan inay majaraha u qabtaan hogganka dalalka Bariga Dhexe. Erdogan waxay u noqonaysaa inuu adkeeyo arrimaha dalkiisa taaso u horseedi karto inuu xoojiyo xiriirka kala dhexeeyo Mareykanka. Xiriirka xukuumadaha Washington iyo Riyadh kuma salaysno oo kaliya ah heshiisyada hubka, waxay lahaayeen xiriir soo jireen ah oo ay isu la wadaagaan muhiimadda straatiijiyadda gobolka iyo iskaashi dhanka xoojinta ammaanka. Arrinta shidaalka ayaa ka qayb ah xiriirkooda, Mareykanka qudhiisa kuma tiirsano oo kaliya ah shidaalka ceyrinka ah ee Sucuudiga, boqortooyada waxay ku tiirsan tahay dhaqaalaha kasoo galo shidaalka. Isbaddallada uu wado dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan waxay horseedeen tallaabooyin dhibaato leh, wuxuu mas’uul ka ahaa in Sucuudiga uu go’doomiyo Qatar , afduubkii ku meel gaarka ah ee lagu sameeyay ra’iisul wasaarihii Lubnaan iyo dagaalka Sucuudiga uu ka wado Yemen. Howlgalka uu Sucuudiga ka wado Yemen wuxuu dhaliyay waxyeelleenta rayidka iyo maacluul dalkaasi ka taagan, waa sida Mareykanka uu qabo, siyaasadda dhaxal sugaha waxay kasoo horjeedaa fikradda ah suggida amniga dalka Yemen. Xaaladda ayaa sii xumaatay sababtoo ah maamulka Trump wuxuu gogosha dhigtay guriga Maxamed Bin Salmaan. Trump wuxuu doonaya saddex arrimood, inuu ka caawiyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada gobolka, wadahallada Falastiiniyiinta iyo Israa’iil iyo in Sucuudiga ka qayb qaato dadaallada maamulka Trump ee ku aadan xoojinta cunaqabataynta dhaqaale ee saran Iiraan. Ma laga yaaba in Sucuudiga uu xakameeyo ninka sida xowli ah ku socda? Toddobaadkii lasoo dhaafay shirkii ganacsiga ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Riyadh waxaa si kalsooni ay ku dheehantahay u shir guddoominayay Maxamed Bin Salmaan oo ay u muuqatay in dalkiisa aysan waxbo ka qasnayn. Ruushka wuxuu sheegay inuu ka dhuur sugayo baaritannada socda isla markaasna la aamino hadalka Sucuudiga uu kasoo saaray dilka Kaashogji, xukuumadda Moscow waxay ku rajo wayn tahay in mustaqbalka Sucuudiga ay la gasho heshiis dhanka hubka ay uga iibinayso. Ceelasha shidaalka Sucuudiga Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu doonaya inuu xoojisto danaha uu ka leeyahay dalalka gobolka. Reer galbeedku,waxay ogyihiin in hubka inuu yahay seef labo af leh, balse waxaa uga darran dhaqaalaha ay ka helayaan, Sucuudiga inaba kama maarmo hubka uga yimaado reer galbeedka. Hubka, khuburrada iyo la-taliyeyaasha reer galbeedka ayaa sababay in diyaaradaha Sucuudiga ay weli duqeyn ka gaystaan hawada dalka Yemen. Qaran News
  6. Hargeysa ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in marnaba aysan la midoobi doonin Soomaaliya inteeda kale. Madaxweyne Biixi ayaa tilmaamay in madaxda Soomaaliya haatan ay qorsheynayaan in Somaliland ay markale wadahadal isugu yimaadaan. Waxaana uu shaaca ka qaaday in maamulkiisa iyo shacabkuba aysan diyaar u aheyn wadahadallo dambe oo ay la galaan dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-ismacil-turki.mp3 iix The post Madaxweyne Biixi “Somaliland lama Midoobi doonto Soomaaliya” appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Jigjiga (Caasimada Online)-Waxaa diyaar garow balaaran uu ka jiraa magaalada Jigjiga oo maanta la filayo inuu gaaro hogaamiyaha Jabhadda ONLF oo muddo badan dagaal kula jirtay Ethiopia. Wafdiga uu hogaaminayo hogaamiyaha ONLF ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, wuxuuna qeyb ka ahaa safarkiisa heshiiskii ay la galeen dowladda Ethiopia. Calanka dowlad Deegaanka iyo astaanta ONLF ayaa si weyn loogu xardhay waddooyinka waaweyn ee magaalada Jigjiga, halkaasi oo maanta hogaamiyaha uu tagi doono, waxaana kaga horeeyay boqolaal askar ka tirsan ONLF. Hogaamiyaha ONLF ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka doonayaan xaqii ay muddo u dagaalamayeen inay helaan, maadaama heshiiskooda uu qeyb ka ahaa in xuquuqdooda la siiyo. Ururka ONLF ayaa in ka badan 20 sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale. Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada ka socda dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  8. Jigjiga ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa maanta ku wajahan magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Dalka Ethiopia. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Calanka Ururka ONLF ayaa saaka ka babanaya waddooyinka waa weyn ee Jigjiga, si loogu soo dhaaweyo xubnaha ka socda Ururkaasi. Xubnahani oo tiradoodu ay gaareyso 20 ayaa shalay si maamuus leh loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ba ee caasimadda dalka Ethiopia. Jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia ayaa bishii la soo dhaafay Asmara ku saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay labada dhinac. Heshiiskaasi ayaa ONLF u ogolaanaya in ay si nabad ah ku raadsato hankeeda siyaasadeed ee Ethiopia, iyadoona Ciidankeeda lagu biirinayo kuwa dalkaasi. The post Wafdi ka socda ONLF Oo ku wajahan magaalada Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay Dhagxaan waa weyn ku jaray qeyb ka mid ah Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Dhagxaantan ayaa la sheegay in la dhigay bartamaha Isgoyska, gaar ahaan halkii dhawaan laga dhalisay Taalada 14-ka Ocotber. Arrintan ayaa saameyn ku yeelaneysa Wadayaasha Gaadiidka, maadaama aysan Waddadaasi u goyn karin dhinaca Buulo-Xuubey. Tallaabadan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid lagu yareynayo ciriirigii xooganaa ee ka jiray Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysaneysa mashquulka iyo dhibaatada kale ee shacabka ku qabaan Isgoyskaasi. The post Maamulka G/ Banaadir Oo dhagxaan ku jaray Zoobe appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa Sacuudiga ka dalbaday iney soo dhibaan kooxdii dishay qoraaga Jamaal Khashoggi. Erdoğan oo hadlayey kadib shirka G20 ayaa sheegay in shirka aan arrimahaas looga hadlin balse uu si gooni ah uga hadlay ra’isul wasaaraha Canada. Sacuudiga ayaa arrinta dilka u xirtay 11 qof, laakin ma jirto wax muujinaya inay u dhiibi-doonaan dalka Turkiga. Dhinaca kale, dalka Sacuudiga waxaa ay beeniyeen inuu dilka ku lug lahaa dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan, waxaana sidaasi qaba madaxweynaha Mareykanka Trump. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee M/Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu u dhexeeyay Madaxweynaha, R/wasaaraha, guddoomniyaha Aqalka Sare , guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankan uu isugu xubnahani Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sheegay in diirada lagu saaray khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo arrimaha doorashada K/ Galbeed. Tan iyo markii la kala diray guddigii Maaliyadda ee Golaha Shacabka waxaa jiray khilaaf iyo dood adag oo u dhexeysa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. The post Madaxda DFS Oo kulan ku yeeshay xarunta Madatooyada appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Dhaga adayga xukuumada ,, Hal adayga xisbiga wadani iyo indha adayga komoshinka doorashooyinka ,…. Doorashadii madaxtooyada ee dalka kadhacday bishii november 2017 kii waxa ka muuqday madmadow kadib markii suuqa laga helay buugii oroginal ka ahaaa ee kaadhadhka lagu codaynayay , iyo waliba inay codeeyeen dad da,doodu kayartahay qaangaadh ,. isla markaana aanay gudida doorashooyinka qaranku si cadaaliya ugu garsoorin sadexdii xisbi ee kutartamayay doorashada madaxwaynaha ,,,, Hadaba xisbiga wadani inkaste oo ay ogolaadeen natiijadii ay soosaareen komoshinku ee madaxwaynaha loogu cumaamaday muuse biixi cabdi ,,, hadana bishii march 2018 waxay soosaareen war bixin ka koobnayd 14 bog ,, oo ay u gudbiyeen madaxwaynaha qaranka muuse biixi kuna sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen gudida doorashoyinka ,, kana dalbadeen inuu madaxwaynuhu kala diro xubnaha komoshinka lanasoo magacaabo xubno cusub oolaga sooxulo sadexda xisbi ,,, Taasna uu madaxwaynuhu aanu dheg jalaq usiiin halkii laga filayay inuu kasoo jawaabo waliba ficil kaga jawaabana uu isla soo taagay madaxwaynuhu inuu yidhaahdo gudida komoshinku waxay qabteen doorasho xor iyo xalaala waxaanay mudan yihiiin bilad sharaf…. Hadaba madaxwaynuhu si kaste hakusoo baxo oo komoshinkani ugu xalaaleeyay inuu noqodo madaxwaynaha qaranka somaliland shanta snaadood ee soosocda laakiiin waxa u eekayd isagoo ixtiraamaya xisbiyada qaranka maadaamo oo ay yidhaahdedeen xeerbeegtidan ama garsoorayaashan kuma qanacsanin inay mardanbe inoo garsooraane aynu keeno xubno cusub oo kaakooban sadexda xisbi oolagu wada qanacsanyahay … Waxaanay taasi keentay in xitaaa shirkii sadexda xisbi qaran ee dhacay dabayaaqadii bishii sagaalaad ee xalinta khilaafkan lagu kala kaco xukuumaduna ku adkaysato inaanay bedelayn komoshinkan ,,,, Hadaba hal adayga xisbiga wadani in labedelo gudida komoshinka iyo dhaga adayga madaxwaynaha inaanu diyaar u ahayn in uubedelo komoshinka iyo indha adayga gudida komoshinku , waxay dhaxalsiisay in waqtigii loogu tala galay inay ku qabsoonto doorashooyinka is barkan ee baarlamaanka iyo Golaha Deegaanku aaany ku qabsoomayn waqtigii loogu tala galay oo ahaa march 2019. Tani waxay keeni doontaa go.doon ama handaraab kale oo dowladaha beesha caalamka ka caawiya doorashoyinka somaliland ay kusoo rogaaan ,,,,, Waxaanaynu eegi doonaa maalmaha soosocda in golaha gurtida miiska ay u sarantahay sidii caadada u ahayd inay shaanbada ugu dhuftaan mudo kordhin loo sameeyo sadexda gole ee baarlamaanka deegaanka iyo gurtida Waxa kale oo aynu eegi doonaa labada xisbi mucaarad maxay yeeli doonaaan hadii ay dhacdo in doorashadu kudhacdo mudadii loogu tala galay ,,, Qalinkii .. Qoraa Ahmed Lababaale Qaran News
  13. Baydhabo (Caasimada Online)- Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sabab cajiib ah u yeeshay qorshaha 19 December loo geeyay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Ujeedada laga leeyahay doorashada Koofur Galbeed ee dhamaadka December ayay ku sheegtay in la doonayo in korjoogto la’aan la rabo in doorashadaasi ay ka dhacdo magaalada Baydhabo. Waxay ku eedeysay xukuumadda Soomaaliya inay ka dambeyso arinta oo ay dooneyso in wakiilada Beesha caalamka oo aan joogin doorashada inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, sida ay hadalka u dhigtay. Waxay sheegtay in dadka ajaaniibta ee jooga Soomaaliya ay aadayaan fasaxa Kirismaska, sidaasina ay kaga maqnaan karaan doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Amaanka magaalada ayay dhinaca kale sheegtay inay qalqal galin karaan ciidamadii badnaa ee dhawaan la geeyay magaalada Baydhabo, iyadoo ka digtay in ciidamadaasi ay qeyb ka noqdaan qorshaha qalqalin gelinta amaan ee Baydhabo. Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa shalay markii seddaxaad dib u dhigay doorashada iyaga oo ku dooday in aysan heysan agab doorasho oo ku filan iyo wakiillada Beesha Caalamka oo aan ku iman karin waqtiga ka harsan doorashada. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  14. (SLT-Istanbul)-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dowladda Sucuudi Carabiya inay usoo gacan geliso dadka ku sugan dalkaasi ee looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashugji. Recep oo ka hadlayay shirka dalalka ku horumaray dhaqaalaha ee ka socday Argentina ayaa sheegay in arrinta Khaashuqji aanan loogu talagelin in shirka looga hadlo balse ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo kaliya ah ayaa kulanka kusoo hadal qaaday dhacdada ku aadan Khaashuqji. Dowladda Sucuudiga ayaa 11 qof u xirtay dilka balse ma jiraan go’aan ay dadkan ugu dhiibeyso Turkiga. Walwalka Erdogan Madaxweynaha Turkiga Erdogan wuxuu si wayn ugu murugeysan yahay jaawabta uu Sucuudiga ka bixiyay dilka Jamaal Khaashuqji. Wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta Sucuudiga inay hayaan been iyo hadallo is-burinayo isla markaasna ay baddalayaan sida ay wax u dhaceen ayna diideen inay macluumaad la wadagaan baarayaasha Turkiga. Wuxuu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu kulanka madaxda G20 ka sheegay ‘sharraxaad aanan la rumeysan karin’ oo ku aadan dilka Khaashuqji. Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dooday in boqortooyada aanan eedeymo loo jeedin karin tan iyo inta laga caddeynayo dambiga. Erdogan muxuu ka yiri dilka Khaashuqji? Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku tilmaamay arrinta ku saabsan saxafigii la waayey – xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sucuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbuul mid niyad jab ah. Saraakiisha Turkiga ayaa rumaysan in Jamal Khashoggi – oo ahaa nin dhaliila madaxda Sucuudiga – in lagu dhex dilay dhismaha qunsuliyadda. Mr Erdogan ayaa sheegay in uu asago shakhsi ahaan isha ku hayn doono baadhitaanka lagu hayo arrintan, uuna dunida ku wargalin doono wixii kasoo baxa. Jamal Khashoggi ayaa aaday qunsuliyadda uu dalkiisu ku leeyahay Istanbul talaadadii lasoo dhaafay si uu uga soo qaato warqado la xidhiidha arooskiisa oo dhici lahaa. Taariikh nololeedkii Jamaal Khaashuuqji Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Khaashuqji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay. Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashuqji oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga. Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada. Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionKhaashuqji boggiiska Twitter-ka waxa ku taxan 1.6 milyan oo qof Dilka Jamaal Khaashuqji iyo siyaasadda Bariga Dhexe Inta badan awoodaha qoyska boqortooyada waxaa gacanta ku haya Maxamed Bin Salmaan, dadka hadda looga shakinsan yahay dilka waxay hoos tagaan isaga, khuburrada ku sugan Sucuudiga waxay rumaysan yihiin inay suurogal ahayn in la fuliyay dilkan iyadoo aysan ammaro kasoo bixin maamulka sare ee boqortooyada. Inta badan waxaa laga dhuur sugaya, inta ay gaarsiisan yihiin caddeymaha ah in Maxamed Bin Salmaan uu si toos ugu lug lahaa dhacdada. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionMaxamed Bin Salmaan wuxuu sheegay in uusan wax ka ogayn dilka Weriye Jamaal Kaashogji Turkiga muxuu ka qaban doona dilka Jamaal? Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu ceersanaya dhaxal sugaha sida Bisadda ay u ceersato Jiirka. Recep wuxuu doonaya inuu xalliyo qalalaasaha isagoo raadinaya waddo sharci oo lagu maxkamadeeyo dadka lagu tuhunsan yahay dilka Khaashogji, wuxuuna farta ku fiiqaya dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan. Turkiga iyo Sucuudiga waxay door muhiim ah ku leeyihiin dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka, labaduba waa dalal Sunniyiin ah, waxay doonayaan inay majaraha u qabtaan hogganka dalalka Bariga Dhexe. Erdogan waxay u noqonaysaa inuu adkeeyo arrimaha dalkiisa taaso u horseedi karto inuu xoojiyo xiriirka kala dhexeeyo Mareykanka. Xiriirka xukuumadaha Washington iyo Riyadh kuma salaysno oo kaliya ah heshiisyada hubka, waxay lahaayeen xiriir soo jireen ah oo ay isu la wadaagaan muhiimadda straatiijiyadda gobolka iyo iskaashi dhanka xoojinta ammaanka. Arrinta shidaalka ayaa ka qayb ah xiriirkooda, Mareykanka qudhiisa kuma tiirsano oo kaliya ah shidaalka ceyrinka ah ee Sucuudiga, boqortooyada waxay ku tiirsan tahay dhaqaalaha kasoo galo shidaalka. Isbaddallada uu wado dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan waxay horseedeen tallaabooyin dhibaato leh, wuxuu mas’uul ka ahaa in Sucuudiga uu go’doomiyo Qatar , afduubkii ku meel gaarka ah ee lagu sameeyay ra’iisul wasaarihii Lubnaan iyo dagaalka Sucuudiga uu ka wado Yemen. Howlgalka uu Sucuudiga ka wado Yemen wuxuu dhaliyay waxyeelleenta rayidka iyo maacluul dalkaasi ka taagan, waa sida Mareykanka uu qabo, siyaasadda dhaxal sugaha waxay kasoo horjeedaa fikradda ah suggida amniga dalka Yemen. Xaaladda ayaa sii xumaatay sababtoo ah maamulka Trump wuxuu gogosha dhigtay guriga Maxamed Bin Salmaan. Trump wuxuu doonaya saddex arrimood, inuu ka caawiyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada gobolka, wadahallada Falastiiniyiinta iyo Israa’iil iyo in Sucuudiga ka qayb qaato dadaallada maamulka Trump ee ku aadan xoojinta cunaqabataynta dhaqaale ee saran Iiraan. Ma laga yaaba in Sucuudiga uu xakameeyo ninka sida xowli ah ku socda? Toddobaadkii lasoo dhaafay shirkii ganacsiga ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Riyadh waxaa si kalsooni ay ku dheehantahay u shir guddoominayay Maxamed Bin Salmaan oo ay u muuqatay in dalkiisa aysan waxbo ka qasnayn. Ruushka wuxuu sheegay inuu ka dhuur sugayo baaritannada socda isla markaasna la aamino hadalka Sucuudiga uu kasoo saaray dilka Kaashogji, xukuumadda Moscow waxay ku rajo wayn tahay in mustaqbalka Sucuudiga ay la gasho heshiis dhanka hubka ay uga iibinayso. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionCeelasha shidaalka Sucuudiga Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu doonaya inuu xoojisto danaha uu ka leeyahay dalalka gobolka. Reer galbeedku,waxay ogyihiin in hubka inuu yahay seef labo af leh, balse waxaa uga darran dhaqaalaha ay ka helayaan, Sucuudiga inaba kama maarmo hubka uga yimaado reer galbeedka. Hubka, khuburrada iyo la-taliyeyaasha reer galbeedka ayaa sababay in diyaaradaha Sucuudiga ay weli duqeyn ka gaystaan hawada dalka Yemen. Source
  15. Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-021218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. (SLT-Burundi)-Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin hormar la’aanta wadahadalada nabadda ee dalka Burundi. Saraakiisha Midowga Afrika ayaa waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya dalkaasi Burundi in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sababai karta in xurguftu ay sii dheeraato. Digniinta ayaa soo baxday ak dib markii dowladda Burunta ay soo saartay warqad caalami ah oo lagu soo xirayo madaxwaynihii hore ee dalkaasi Pierre Buyoya. Waxaa sidoo kale dowladda Burundi ay amartay in la soo xiro 16 saraakaal oo sarsare. Xukuumadda Burundi ayaa madaxwaynihii hore ee dalkaasi Pierre Buyoya iyo saraakiisha kale ku eedeeysay in ay ka masuul ahaayeen dilkii madaxwaynihii ugu horeeyay ee dalkaasi si dimuqraadiyad ah loo soo doortay Digniinta Midowga Afrika ayaa u muuqata mid loola jeedo dowladda Burundi. Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo mucaaradka ayaa la isku mari waayay. Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in dowladda ay dib u soo kicinayso boogihii hore eek u salaysnaa qoomiyadaha ka dib markii ay soo asartay warqada lagu soo xirayo madaxwaynihii hore Pierre Buyoya. Tallaabadani ayaa waji gabax ku ah Midowga Afrika sababtoo ah Mr Buyoya ayaa imika ah wakiilka gaarka ah ee AU ee dalka Mali. Dilkii sanaddii 1993 lagu khaarijiyay madaxwayne Melchior Ndadaye oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyaay ee qoomiyada Hutu ayaa dalkaasi ka dhaliyay dagaal sokeeyay oo ay ku dhinteen dad gaarayay 300’000 oo qof sanadii. Mr Buyoya oo laba jeer ooh ore afgembi dalkaasi kula wareegay ayaa si carol eh uga jawaabay eedeeynta ah in uu isaga ka dambeeyay dilka madaxwaynihii hore. Source
  17. (SLT-Argentina)-Hogaamiyayaashani 20 dal ee dhanka dhaqaalaha ugu tunka wayn caalamka ayaa isku afgartay in dib boorka looga jafo nidaamka ganacsiga caalamka. Bayaan ay soo saareen madaxda dalalkan ayaa waxaa lagu sheegay in lagu heshiiyay isbadal guud oo lagu sameeyo qaabka ururka ganacsiga u imika u shaqeeyo. Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa wariyayaasah u sheegay in ay jirto baahi loo qabo in la casriyeeyo ururka ganacsiga aduunka. Waxyaabaha ajandooyiinka laga wadahadlay ugu sareeyay waxaa ka mid ahaa arrinta cansuuraha. Dhanka kale Mareykanka iyo Shiinaha ayay u muuqataa in ay is afgarad ka gaareen dagaalkii ganacsiga ee u dhaxeeyay. Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa kulan ay yeesheen ka dib shirwaynaha wadamada G20 waxay isku raaceen in la jooojiyo muddo 90 maalmood ah canshuraha cusub ee ay horay u soo rogeen. Saraakiisha Shiinaha ayaa waxay sheegeen in ay Mareykanka isku afgarteen in wax canshuura cusub aan la soo rogin wax ka dambeeya 1 bisha Janaayo. Madaxwaynaha Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in uu rajaynayo in heshiis la gaaro si hoos loogu dhigo xiisadda ka dhalatay khilaafka ganacsiga. Dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa billaabmay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu canshuuro dheeraad ah ku soo rogay badeecooyiinka Shiinaha laga keeno. Shiinaha ayaa dhankooda ku jawaabay canshuuro dheeraad ah oo ay ku soo rogeen badeecooyiinka Mareykanka ee shiinaha loo dhoofiyo. Source
  18. Waxaa magaalada Addis Ababa lagusoo dhoweeyay gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Admiral Maxamad Cumar Cismaan iyo wafti balaadhan oo ku weheliya socdaalkan. Magaalada Addis [...] Source
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ka mid ahaa ergadii Somaliland ee ka qayb gashay shirkii Djibouti ka qabsoomay December 2014 ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu jeex-jeexay heshiis uu dalka Djibouti kula saxeexday madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Dr. Xuseen Bulxan oo hadal ka jeediyay kulan Hargeysa ka dhacay oo lagaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu sheegay in Soomaaliya wakhtigaas ka cadhootay in dalka Djibouti lagu soo daro wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya si ay Djibouti u noqoto xidhaaga dhinaca heshiiska jebiya. Dr. Bulxan oo arrintaas ka hadlaayay wuxuu yidhi “Tii ahayd dawlad kale ma doonayno ayaanu aniga iyo Yuusuf (Yuusuf Garaad) ku heshiinay in Djibouti noqoto xidhaaga haddii wada hadalada Istanbul socon waayo, anaana fikrada soo dhigay markii la diiday wax kale ayaan idhi Djibouti halagu daro.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Dr. Bulxan yidhi “Markii aanu ula tagnay ayaa la yidhi ma doonayno Djibouti inaad soo gelisaan oo anaga iyo Djibouti ayaad isku kaayo dilaysaan. Cabdikariim (Cabdikariim Guuleed, wasiirkii daakhiliga ee Xasan Sheekh] markuu diiday ayaanu nidhi ma adigaa Cabdikariimoow Madaxweyne ah mise Xasan Sheekh, markii Xasan loo dhiibay nuqul, ayaa Cabdikariim intuu cararay ku yidhi Xasan Sheekh arrinkaas diid, Xasan Sheekh ayaa Wasiir Maxamed Biixi isna ku yidhi sidii, dabadeed Maxamed Biixi ayaa ku yidhi Xasan Sheekh madaxweyne arinkan aad leedahay ka saar ma arrinka Djibouti ayaad doonaysaa inaan ka saarno markaas ayuu arrinkii fashilmay oo uu Ismaaciil Cumar Geelana kor u soo fadhiistay waayahay ee ku daayay ayuu yidhi waanu saxeexay. Madaarkii ayuu Xasan Sheekh ku jeex jeexay heshiiskii, sidaan warar rasmi ah ku helay.” Qodobada sannadkaas 2014 ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen ayaa kala ahaa: 1. Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo waqti ku jaan go’an 2. Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn. 3. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen. 4. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal iyo dawlado saxiib ah. 5. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara, in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo budhcad badeedka. 6. In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Febraayo ee 2015 kana dhaco Istanbul. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Isgoyska Soobe “14 October” oo dad badan ay ku dhinteen sanadkii hore ayaa waxaa lagu xiray dhagxaan badan, iyadoo la joojiyay gaadiidkii halkaasi ku kala leexan jiray. Dhagxaanta lagu xiray bartamaha Isgoyska ayaa suuragal ka dhigeyn in gaadiidka doonaya dhanka xaafadaha Degmada Wadajir inay ka leexdaan isgoyska, maadaama dhagxaan lagu xiray, balse waxay soo mari karaan wareeg dheer. Ujeedada ugu weyn ee halkaasi dhagxaanta loogu xiray ayaa xogaha aan heleyno waxay tahay in la doonayo in lagu yareeyo mashquulka badan ee ka dhasha gaadiidka ku kulma halkaasi. Saraakiisha waddooyinka ee dowladda ayaa ka gaabsaday inay xog badan ka bixiyaan cidda bixisay amarka dhagxaanta loo dhigay isgoyska iyo ujeedada laga leeyahay, balse waxay sheegeen in la doonayo in mashquulka badan ee gaadiidka lagu yareeyo. Waxaa halkaasi ku kulma gaadiidka ka yimaada dhanka Isgoyska banaadir, kuwa ka yimaada isgoyska KM4 iyo kuwa ka yimaada dhanka Wadajir, waxaana ka dhasha ciriiri badan, maadaama gaari walbaa uu doonayo inuu leexdo ama uu gudbo. Gaadiidka u leexan jiray dhanka Xaafadaha Degmada Wadajir ayaa hadda heysta kaliya fursad ay kaga leexan karaan wasaaradda arrimaha dibadda horteeda, iyaga oo sii maraya laami yaraha Soobe. Dad badan ayaa dhaliilay qorshahan waxaana ay sheegeen inay qeyb ka tahay xiritaankii waddooyinka oo ay sameyn jireen madaxda dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London. Qormadan waxaan ku baareynaa shirkadda Soma Oil and Gas oo qeyb ka ah qandaraasyada faa’ido iyo khasaaro. Sidee Loo Samdeeyey? Shirkadda Soma Oil and Gas waxaa lagu rejister-gareeyay Company House-ka dalka UK April 2013. Waxaa sameeyay ragga magacyadooda hoos ku qoran, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheikh uu tagay Uk 2013 kii: Michael Howard oo madax ka ahaa Xisbiga Conservatives, UK ,The Earl of Clanwilliam oo xubin ka ahaa Aqalka Lords ee Ingiriiska (Boqortooyada UK), Robert Allen Sheppard oo Mareykan ah, oo u soo shaqeeyay shirkado badan ee shidaal soo-saarayaal ahaa, ayna ka mid tahay British Petroleum, oo billowgii shirkadda ka ahaa Maareeyaha Guud (Chief Executive Officer), Basil Shiblaq, oo ahaa Ku-Xigeenka Maareeyaha Guud ee Shirkadda, wuxuu lee yahay khibrado aad u dheer oo maalgelinta khayraad ka dabiiciga ah. Horay wuxuu soo sameeyay shirkadda Ophir ee baarta shidaalka. Waa Lubnaani Masiixi ah. Lahaashaha Shirkadda: Lahaashaha shirkadda waxay ku salaysan tahay saamiyo ay kala lee yihiin badan keeda ragga kor ku qoran. Waxaa mudan in la sheego dad Soomaali ah inay ku jireen saamilayda, oo uu k mid ahaa Xasan Cali Khayre, oo ahaa agaasimaha gobolka (Regional Director) oo fadhigiisa ahaa Nairobi. Xasan Cali Khayre wuxuu ka baxay shirkadda hawsheeda markii loo magacaabay Raiisul Wasaaraha Soomaaliya. Isbeddelka Maamulka Shirkadda: Maamulka shirkadda dhowaan waa isbeddelay: Ragga kor ku qoran waxay 16 July 2018 si siman uga ruqseesteen agaasime-nimada. Hadda shirkadda waxaa weli agaasime-yaasha cusub ka mid ah William Richard Anderson (oo awal ahaan jiray CEO ga shirkadda). Is-beddelada cusub waxay ifafaale u yihiin Shirkadda Soma Oil and Gas in ay shirkad kale ku -dhex milantay oo xataa magaceeda is-beddelay. Waxaa dhici karta inay isu-diyaarinayso inay gasho Consortium oo magac cusub loo sammaynayo, ama ay leedahay oo aan annaga ogeynin. Mid waa hubaal: inay shirkadda isbeddel cusub ku socdo iminka. Khibradda iyo maaliyadda shirkaddaan: Shirkaddaan oo loo aasaasay inay Somalia oo kali ah ka shaqayso, wax khibrad ah ama maaliyad ah oo u yiilay meel ma jirin. Waa shirkad cusub oo loogu talo galay inay Soomaali ka shaqo gasho, lacag dayman ah, ama dad maal leh laga soo qeyb-geliyo oo laga siiyo saamiyo. Waxaa loogu talo galay heshiiska Soomaaliya ay la gasho in lagu maal-raadsado oo ka dibna hawlihii loo baahnaa la qabto. Maal-raadinta shirkadda waxay gaartay inay ka soo qeyb-galaan saami-ahaan bilyoneerka Ruushka ah ee Alexander Djaparidze. Waxaa kaloo shirkadda boor keeda ku soo biiray 2015 William Richard Anderson oo shirkado badan ka soo shaqeeyay; oo ay ka mid yihiin Euroasia Drilling Company, Geokinetics International Holdings iyo Prime Natural Resources Inc. Raggaas maal iyo khibrado way ku soo kordhiyeen shirkadda. Shaqada shirkadaan ay ka qabatay Soomaaliya: Afar bilood ka dib aasaaska shirkadda Soma Oil and Gas, shirkadda waxay timid Xamar 6da Agoosto, 2013, goor taasoo ay la saxiixatay Soomaaliya Heshiiska loo yaqaan “Heshiiska Khiyaarka Saysmikada (Seismic Option Agreement). Heshiiskan wuxu lee yahay sidaan: Soma Oil and Gas waajibaad keeda (obligations) Shirkadda Soma Oil and Gas waa inay ka baartaa badda Somaliya sal keeda shidaal. Waa inay samaysaa sahanka saysmikada (seismic survey). Qarashka ku bixi lahaa hawshaas waa inay la timaaddaa. Waa inay soo ururisaa xogahii hore oo ay ka soo gadataa shirkadaha haaya xogahaasi. Xogaha waxaa ka mid ah xogaha jiyo-fisikada (magnetic and gravimetric iyo seismic), reboorada ceelasha, well logs iyo reboorada jioolojiyeed. Waa inay Wasaaradda Batroolka ka dhex sammeeyaan Qolka Xogaha, si xogaha cusub iyo kuwii hore loogu kaydiyo iyo loogu darso. Waa inay sameeyaan Qiimaynta Gobolka ee Shidaalka (Regional Evaluation for oil and gas in onshore and marginal areas of Somalia). Sannadkii 2014 waxaa lagu daray heshiiska inay siiyaan mushaharad soo jiidan karta khubaro ka hawl gala wasaaradda (Capacity ga shaqaalaha oo la kordhiyo). Dawladda Federaalka xil keeda ku aaddan heshiiska Seismic Option waa sidee? Dawladda waa inay bixiso 12 balook oo baaris iyo soo-saar shidaal ah, oo ay Soma Oil and Gas ay ka dhex miranayso badda ay baartay oo la eg 114,000 km2. Shirkadda Soma Oil and Gas waxay ka shaqaynaysaa baarista /soo-saarka shidaalka iyada ama shirkado kale oo ay iyada keensatay. Waxaa loo oggol yahay inay shirkado ka khibrad ama ka maaliyad badan inay keensato oo ay kula gasho heshiis. Si ay waajibaad keeda uga soo baxdo, Soma Oil and Gas waxay ka gadatay shirkadda CGG xogaha duugga ah oo waayahii hore la soo uruuriyay. Waxay kaloo keensatay shirkadda RPS oo qiimaynta dhulka iyo badda iyo sida shidaal looga heli karo u sammaysay. Ugu dambayn, shirkadda Soma Oil and Gas waxay la timid shirkad u sammaysa Saysmikada badda oo lagu magacaabo SeaBird oo waddanka China laga lahaa. Shirkadahaas 3da ah ayaa Soma Oil and Gas shaqada u qabtay. Soma Oil and Gas heshiiska intii laga rabay way gudatay oo ah a, b, c, d iyo e. Somaaliya weli ma bixin 12 balook oo lagula gali lahaa Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement). Weli Soma Oil and Gas way ka sugaysaa inay Soomaaliya gudato waajib keeda ah bixinta balook yada. Heshiiska Soma Oil and Gas iyo Soomaaliya xaggee ka xun yahay? Weligaa dooro/digaag ma lagaaga gatay geel? Heshiiska waa sidaas. Soma Oil and Gas waxaa ka baxay lacag Doolar Mareekan ah 21 Milyan qiyaasta (in kastoo ay sheeganayso Doolar Mareekan 43 Milyan). Si kastaba ha ahaatee, lacag taas ama 21 ama 43 laguma beddelan karo 12 balook. Soma Oil and Gas waxaa faaiido u ah xataa 2 balook, laakiin in la siiyo 12 balook waa dooro ku gado hal geel ah. Cashuurta Capital Tax Gain: Soma Oil and Gas waxay timid Somalia mar laga baqayo badda Somalia, iskaba daayee in sahan iyo in la niyaysto shidaal laga qodo. Taas way ku ammaanan tahay Soma Oil and Gas. Dhinaca kale, waxay muujisay suurta-gal nimada in shidaal laga baaro badda Soomaaliya. In kastoo dadaal kaas ay sammaysay, haddana inta iyo mugga ay mudan tahay isla-shaqayn teeda waa inaan qiyaas ka haysano. Ma siin karno inay baaraan, kana soo saaraan shidaal 12 balook, ama 6 balook ama xataa 4 balook. Gorgortan xoog leh oo xanbaarsan maslaxadda waddanka waa in la tusiyaa shirkadda Soma Oil. Haddii 6 balook aan siino inay ka shaqeeyaan oo shirkado Farm-in ay keenaan, faaiidada ay ka helaan waa inaan cashuur ka qaadnaa, cashuur taas oo la dhaho Capital Gain Tax, la eg 35-50% faaiidada farm-in ka ay ka helaan. Goobjoog News
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u daah-furtay hannaanka wada-tashiga xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, iyadoo munaasabaddaasi ay ka soo qeyb galeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Maareeyaha HIQ, Md. Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in hannaanka wada-tashiyadu ay yihiin nidaamka ay Hay’addu u mari doonto marka ay soo saareyso xeerar lagu nidaamiyo adeegyada noocyada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada, dadweynaha iyo daneeyeyaasha kalena looga dalbanayo inay talooyinkooda ku biiriyaan ka hor intaanan la dhaqan-gelinin. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in Hay’addu soo diyaarisay xeer-nidaamiyeyaal iyo dokomintiyo kale oo ay ka mid yihiin Habraaca Sharciyada (Rules of Procedures) oo qeexaya sida loo soo gudbin karo talooyinka la xiriira xeer-nidaamiyeyaasha, Xeer-nidaamiyaha Lambarrada (Numbering Regulation), Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Interconnection Regulation), iyo Ogeysiiska Dadweynaha ee Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Public Notice), Waajibaadka iyo Qaabka ay u ekaaneysoo rukhsadda shirkadaha Isgaarsiinta (License Template – Telecom Company), Jaantuska Qoondeynta Hirarka Qaranka (National Frequency Allocation Table), iyo Tilmaamaha Fasaxa Qalabka electronic ee dalka lagu adeegsanayo (Type Approval Guidelines) oo loogu talo galay in lagu kontoroolo tayada qalabka electroniga ah ee dalka lagu adeegsanayo. “Waxaan dareensanahay in fekerka hay’ad suuqa nidaamisa (regulator) ay dalkeena ku cusub tahay. Waxaa sidoo kale wax cusub ah in hay’addaas ay soo saarto xeer-nidaamiyeyaal dadweynuhu talo ka dhiiban karaan. Sidaasi darteed, waxaan ka codsaneynaa in daneeyeyaasha oo dhan ay soo gudbiyaan talooyinkooda, qaab waafaqsan Habraaca Sharciyada, mana aha oo kaliya inaan dhageysaneyno shirkadaha isgaarsiinta oo kaliya,” ayuu yiri Maareeyuhu. Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Md. Cusmaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, ayaa labaduba ku bogaadiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka inay billowday dhaqan-gelinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo u mareysa xeer-nidaamiyeyaal. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Maxamuud Xayir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Md. Daahir Maxamuud Geelle, oo sheegay in wasaaradahoodu ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Boostada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka maadaama ay jiraan dhinacyo badan oo ay iska kaashan doonaan sida canshuuraha iyo maareynta hirarka, sida uu qabo Sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo sheegaya in marka Wasaaradda Warfaafintu rukhsadda siiso shirkad warbaahineed in Wasaaradda Boostadu ay siin doonto shirkaddaas hirarkii ay ku shaqeyn lahayd. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo si rasmi ah u furay wada-tashiyadan ayaa ku ammaanay hoggaanka, Guddiga iyo shaqaalaha HIQ sidii ay ugu guuleysteen inay dhisaan hay’ad awood u leh inay gudato waajibka ka saaran nidaaminta suuqa isgaarsiinta. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in isgaarsiinta ay ahmiyad gaar ah u leedahay Xukuumaddan maadaama ay tahay mid saameyn ku leh dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo nolosha dalka. Wasiirka oo arrintaas tusaale ka bixinaya ayaa yiri “shirkadaha waxay ka faa’iidayaan in ay ka baxaan fowdadii suuqa ka jirtay; macaamiisha waxay ka faa’iidayaan inay helaan adeeg wanaagsan sida in shirkaduhu isku xirmaan oo hal taleefoon aad kula hadli karto dalka oo dhan, dawladduna waxay ka faa’iidi doontaa in dakhligeedu uu kordho, kaasoo qeyb ka mid ah dib loogu celinayo suuqa si loogu dhiso kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri wasiirku. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ay saameyn karaan xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada, sida shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay ka mid yihiin: Hormud, SomTel, NationLink, Golis, SomNet, iyo SomLink; Ururka Bankiyada Soomaaliyeed iyo xubnahooda; shirkadaha diiwaangeliya dotSO, shirkadaha telefishinada, ururrada jaamacadaha, iyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee xiriirka la leh xeerarkan.
  23. Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in dowladiisa ay ka hortagi doonto in leyrarka laga damiyo magaalada Barakeysan ee oo Israel ay xooga ku heysato ee Qudus. Isaga oo ka hadlay furitaanka kulanka 34 ee Guddiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmay magaalada Istanbul ayuu sheegay inay difaaci doonaan dadka reer Falastiin ee dhulkooda xooga lagu heysto. “Inta Muslimiinta difaacayaan xuquuqda, Cadaalada iyo xorriyadda, Falastiin wey sii jiri doontaa, Taariiqdeena ma ahan mid noo dhigeysa waxa dhacay oo kaliya, laakiin waa ilo cashar oo nagu horseedaya inaan xoogeysano nana dhiiri gelinaya”ayuu hadalkiisa kusii daray. Madaxweyne Erdogan ayaa salaan u diray “Dhalinyarada iyo haweenka Falastiin ee u dhabar adeegaya difaacidda Jerusalem, iyo qaxootiga Falastiiniyiinta oo ilmada ay kaga daadaneyso inka badan 70 sano gudaha guryahooda” “Waxaan u dirayaa salaan qaas ahaaneed dhulka ilbaxnimada iyo Nabadda, Falanstiin iyo QUDUS-ta wanaagsan, Wadnaha Islaamka Caalamka”ayuu yiri madaxweynaha dalka Turkey Mr Erdogan. Wuxuu ugu yeeray dhamaan muslimiinta inaysan ku dhicin dabinada “Shirqoolada” loo dhigayo, isaga oo kaga digay in looga faa’ideyso kala aragti duwanaantooda. “Waa inaan gelin qalbiyadeena xuduudo cusub iyo darbiyo adag, iyadoo xuduudaha nagu hareereysan ay dhiig ku daadanayaan”ayuu hadalkiisa kusii daray Erdogan. Caasimada online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com