-
Content Count
207,041 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa saaka kulan la qaatay Madaxa Xafiiska Midawga Yurub ( EU ) Mr.David Korpela kulankaas oo Ka dhacay Hotel Maansoor, Labada Geesood Waxay ka wadahadleen Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Degaanka ee Ku mudaysnaa Bisha March 2019. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa warbixin Ka siiyey xaalada doorashooyinka iyo halka Komishanka wax u marayaan. Safiirka ayaa Komishanka uga waramay sida ay diyaar ugu yihiin inay gacan ka gaystaan Dimuqraadiyada Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxa howgalka Zambia ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Cecilia Kabube ayaa hoos u dhigtay amaanka magaalada Muqdisho oo mudooyinkii ugu dambeeyay laamaha amaanka guulo ay ka sheeganayeen. Haweeneydaan waa hogaamiyaha dhowr ciidan oo kamid ah booliska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo qeyb ka qaata xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho iyo howlgalada ay sameeyaan ciidamada. Haweeneyda ayaa waxaa wariyaal ka socday Africa ay kula kulmeen magaalada Muqdisho, iyada oo hogaamineysay ciidamo ka kooban Soomaaliya, Ghana,Seire Leone ,Kenya iyo kuwo kale. Kadib wareysi ay bixisay ayay ku sheegtay inay adag tahay marka ciidamada ay howlgal ka sameynayaan magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in xaaladda amaan aysan mar walbaa hagaagsaneyn. “Waa howl adag, qof la aamini karo ma jiro, ma taqaanid qofka doonaya in uu ku dilo, mararka qaar kuwo boolis isu ekeysiiya ayaa dilaya biri mageydada, ma aamino booliska, iyaguna nama aaminaan, ilaa aan muddo dheer isla shaqeyno, waxaa ay wataan gaadiid u gaar ah,annagana waxaan wadannaa gaadiid noo gaar ah.”ayay tiri haweeyneydaan. “Waxa na ilaaliya waa cibaadada,dhaqan ayey u tahay saraakiisha halkan in ay cibaadeystaan, ma jirto meel amaan ah Muqdisho gudaheeda,dhimashada caadi ayey ka tahay, rasaasta xilli kasta ayaad maqleysaa, Qaraxyada ayaa la mid ah,” ayey hadalkeeda raacisay Kabube. Laamaha amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sheegay inay ku guuleysteen xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho, balse waxaa dhacayay dilal qorsheysan oo kooxaha ka horjeeda dowladda ay geysanayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somalia’s top leaders have held a special meeting at the office of the President in the heavily fortified hilltop presidential compound in the capital, Mogadishu on Saturday night. The meeting was deliberate between the President, the Prime Minister, the Senate chairman, and House of the People of the Federal parliament speaker and his two deputies. The meeting was attended by President Mohammed Abdullahi Mohamed Farmajo. A source close to the meeting said that the overnight meeting was focused on the controversy among members of the House of the People and the Southwest election. Since the disbanding of the House of the People’s Finance committee last week, there has been a standoff and wrangling among the Members of the Somali Parliament. The post Somalia’s top leaders meet over current situation in the country appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Jigjiga)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Jigjiga ee xrunta Somali State ay gaaraan hoggaanka jabhadda ONLF oo maalintii shalay ahayd lagu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wararka waxay sheegayaan in si weyn looga diyaar garoobay Jigjiga, islamarkaana dadka ay doonayaan in si hufnaan ah kusoo dhoweeyaan madaxda ONLF. Waddooyinka waaweyn ee Jigjiga ayaa lagu xardhay calanka ONLF iyo sidoo kale sawiradda madaxda jabhaddaasi. In ka badan 20 sano ayeey ONLF la dagaallamayeen ciidanka Itoobiya iyo Soomaalidii taageereysay, wallow isbedallada Abiy ay sababeen in madaxda ONLF iyo ciidankoodaba si nabad ah ku tagaan Jigjiga. Source
-
Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Jigjiga ee xrunta Somali State ay gaaraan hoggaanka jabhadda ONLF oo maalintii shalay ahayd lagu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wararka waxay sheegayaan in si weyn looga diyaar garoobay Jigjiga, islamarkaana dadka ay doonayaan in si hufnaan ah kusoo dhoweeyaan madaxda ONLF. Waddooyinka waaweyn ee Jigjiga ayaa lagu xardhay calanka ONLF iyo sidoo kale sawiradda madaxda jabhaddaasi. In ka badan 20 sano ayeey ONLF la dagaallamayeen ciidanka Itoobiya iyo Soomaalidii taageereysay, wallow isbedallada Abiy ay sababeen in madaxda ONLF iyo ciidankoodaba si nabad ah ku tagaan Jigjiga. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shacabka ku dhaqan nawaaxiga isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo baraarugay dhagxaan ay dowladda federaalka ku xirtay kala wareeggii Isgoyskaasi. Gaadiidka ka yimaada dhanka KM-4 islamarkaana u socda dhanka Buulo-xubey ayaan suurtagal ahayn inuu ka leexdo Isgoyska Zoobe, wuuxna aadi doonaa dhanka Banaadir. Sidoo kale, gaariga ka yimaada dhanka Buulo-xuubey una socda dhanka Isgoyska Banaadir ayaa kasoo wareegan doona Laami yaraha Zoobe ee Muqdisho. Tani waxay sii keeni doontaa saxmad daran oo wadadan ah, iyadoo meelaha gaadiidka kasoo kala leexan doonaan ay tahay meello yar yar oo aan suurtagal ahayn gaadiid badan in si caadi ah isaga soo kala gudbaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jirtay hadalhayn aad u badan oo ku aaddan in musharraxiin u taagan xilka madaxweyne ee maamulka K/galbeed ay ciidamo la tageen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wasiirka warfaafinta K/galbeed Xasan Cabdi ayaa xaqiijiyey in musharraxiinta qaar ay ciidan iyo hubba la tageen magaaladaasi, balse waa uu sababeeyey. Waxa uu tilmaamay in qaarkood ay xilal sar-sare ka hayeen dowladda dhexe, xaaladda dalka ka jirta awgeedna ay ku qasbanaadeen in ilaaladooda horey usoo kaxeystaan. Sidoo kale, waxa uu sheegay in wax dhib ah aanay ku jirin in musharraxiinta ay wataan askar dowladda ah, maadaama ammaanka la xaqiijinayo. Horey saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ka dalbaday musharraxiinta in ciidamadooda aanay ku dhex milmin waxa socda, islamarkaana ay joojiyeen dhaq-dhaqaaqyada wax u dhimi kara ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sacuudiga miyuu bedelay mowqifkii Qatar+Boqor Salman oo tallaabo cusub oo aan la fileynin qaaday Diblumaasiyiin xog ogaal ah ayaa u sheegay wargeys kasoo baxa dalka Kuwait in xoghayaha Guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka uu booqan doono magaalada Doha ee dalka Qatar, isaga oo ka wakiil ah Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan. Ujeedada Booqashada Xoghayaha uu ku tagayo magaalada Doha ayaa ah in Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad inuu ku casuumo ka qeyb galka Shirka golaha iskaashiga Khaliijka. Shirka ayaa la qorsheynayay in 9 December uu ka furmo magaalada Damaam ee bariga dalka Sacuudi Carabiga, laakiin xogaha ayaa sheegaya in hadda lagu qaban doono Dalka Cuman, oo tariiq wanaagsan ku leh dhexdhexaadinta khilaafka wadamada Khaliijka. Ujeedada shirka looga badalay magaalada Damaam ayaa ah in lagu dajiyo xiisadda soo bilaabatay sanadkii 2017 islamarkaana la xaqiijiyo guulaha iyo ujeedooyinka shirka laga leeyahay. Dowladda Kuwait, ayaa dadaal badan ku bixisay in shirkaasi la qabto iyadoo ay xaadir yihiin madaxda dalka Qatar, waxaana hadda la doonayaa in xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka uu ku qanciyo boqorka dalka Qatar in shirkaasi uu ka qeyb galo. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Qatar Khaalid Al Jarallah ayaa sheegay in shirka la qaban doono waqtigiisa iyada oo ay ka qeyb galayaan dhamaan wadamada ku bahoobay golaha iskaashiga Khaliijka. Qaran News
-
Erdogan oo dalbaday in loo soo gacan geliyo dadka looga shakisan yahay dilkii Jamaal Khaashuqji+Meelaha Sacuudigu hubka ka iibsado Erdogan wuxuu sheegay in uusan waxyeello u gaysaneeynin sumcadda boqortooyada Sucuudiga qoyska Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dowladda Sucuudi Carabiya inay usoo gacan geliso dadka ku sugan dalkaasi ee looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashugji. Recep oo ka hadlayay shirka dalalka ku horumaray dhaqaalaha ee ka socday Argentina ayaa sheegay in arrinta Khaashuqji aanan loogu talagelin in shirka looga hadlo balse ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo kaliya ah ayaa kulanka kusoo hadal qaaday dhacdada ku aadan Khaashuqji. Dowladda Sucuudiga ayaa 11 qof u xirtay dilka balse ma jiraan go’aan ay dadkan ugu dhiibeyso Turkiga. Walwalka Erdogan Madaxweynaha Turkiga Erdogan wuxuu si wayn ugu murugeysan yahay jaawabta uu Sucuudiga ka bixiyay dilka Jamaal Khaashuqji. Wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta Sucuudiga inay hayaan been iyo hadallo is-burinayo isla markaasna ay baddalayaan sida ay wax u dhaceen ayna diideen inay macluumaad la wadagaan baarayaasha Turkiga. Wuxuu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu kulanka madaxda G20 ka sheegay ‘sharraxaad aanan la rumeysan karin’ oo ku aadan dilka Khaashuqji. Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dooday in boqortooyada aanan eedeymo loo jeedin karin tan iyo inta laga caddeynayo dambiga. Erdogan muxuu ka yiri dilka Khaashuqji? Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku tilmaamay arrinta ku saabsan saxafigii la waayey – xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sucuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbuul mid niyad jab ah. Saraakiisha Turkiga ayaa rumaysan in Jamal Khashoggi – oo ahaa nin dhaliila madaxda Sucuudiga – in lagu dhex dilay dhismaha qunsuliyadda. Mr Erdogan ayaa sheegay in uu asago shakhsi ahaan isha ku hayn doono baadhitaanka lagu hayo arrintan, uuna dunida ku wargalin doono wixii kasoo baxa. Jamal Khashoggi ayaa aaday qunsuliyadda uu dalkiisu ku leeyahay Istanbul talaadadii lasoo dhaafay si uu uga soo qaato warqado la xidhiidha arooskiisa oo dhici lahaa. Taariikh nololeedkii Jamaal Khaashuuqji Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Khaashuqji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay. Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashuqji oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga. Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada. Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof. Khaashuqji boggiiska Twitter-ka waxa ku taxan 1.6 milyan oo qof Dilka Jamaal Khaashuqji iyo siyaasadda Bariga Dhexe Inta badan awoodaha qoyska boqortooyada waxaa gacanta ku haya Maxamed Bin Salmaan, dadka hadda looga shakinsan yahay dilka waxay hoos tagaan isaga, khuburrada ku sugan Sucuudiga waxay rumaysan yihiin inay suurogal ahayn in la fuliyay dilkan iyadoo aysan ammaro kasoo bixin maamulka sare ee boqortooyada. Inta badan waxaa laga dhuur sugaya, inta ay gaarsiisan yihiin caddeymaha ah in Maxamed Bin Salmaan uu si toos ugu lug lahaa dhacdada. Maxamed Bin Salmaan wuxuu sheegay in uusan wax ka ogayn dilka Weriye Jamaal Kaashogji Turkiga muxuu ka qaban doona dilka Jamaal? Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu ceersanaya dhaxal sugaha sida Bisadda ay u ceersato Jiirka. Recep wuxuu doonaya inuu xalliyo qalalaasaha isagoo raadinaya waddo sharci oo lagu maxkamadeeyo dadka lagu tuhunsan yahay dilka Khaashogji, wuxuuna farta ku fiiqaya dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan. Turkiga iyo Sucuudiga waxay door muhiim ah ku leeyihiin dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka, labaduba waa dalal Sunniyiin ah, waxay doonayaan inay majaraha u qabtaan hogganka dalalka Bariga Dhexe. Erdogan waxay u noqonaysaa inuu adkeeyo arrimaha dalkiisa taaso u horseedi karto inuu xoojiyo xiriirka kala dhexeeyo Mareykanka. Xiriirka xukuumadaha Washington iyo Riyadh kuma salaysno oo kaliya ah heshiisyada hubka, waxay lahaayeen xiriir soo jireen ah oo ay isu la wadaagaan muhiimadda straatiijiyadda gobolka iyo iskaashi dhanka xoojinta ammaanka. Arrinta shidaalka ayaa ka qayb ah xiriirkooda, Mareykanka qudhiisa kuma tiirsano oo kaliya ah shidaalka ceyrinka ah ee Sucuudiga, boqortooyada waxay ku tiirsan tahay dhaqaalaha kasoo galo shidaalka. Isbaddallada uu wado dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan waxay horseedeen tallaabooyin dhibaato leh, wuxuu mas’uul ka ahaa in Sucuudiga uu go’doomiyo Qatar , afduubkii ku meel gaarka ah ee lagu sameeyay ra’iisul wasaarihii Lubnaan iyo dagaalka Sucuudiga uu ka wado Yemen. Howlgalka uu Sucuudiga ka wado Yemen wuxuu dhaliyay waxyeelleenta rayidka iyo maacluul dalkaasi ka taagan, waa sida Mareykanka uu qabo, siyaasadda dhaxal sugaha waxay kasoo horjeedaa fikradda ah suggida amniga dalka Yemen. Xaaladda ayaa sii xumaatay sababtoo ah maamulka Trump wuxuu gogosha dhigtay guriga Maxamed Bin Salmaan. Trump wuxuu doonaya saddex arrimood, inuu ka caawiyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada gobolka, wadahallada Falastiiniyiinta iyo Israa’iil iyo in Sucuudiga ka qayb qaato dadaallada maamulka Trump ee ku aadan xoojinta cunaqabataynta dhaqaale ee saran Iiraan. Ma laga yaaba in Sucuudiga uu xakameeyo ninka sida xowli ah ku socda? Toddobaadkii lasoo dhaafay shirkii ganacsiga ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Riyadh waxaa si kalsooni ay ku dheehantahay u shir guddoominayay Maxamed Bin Salmaan oo ay u muuqatay in dalkiisa aysan waxbo ka qasnayn. Ruushka wuxuu sheegay inuu ka dhuur sugayo baaritannada socda isla markaasna la aamino hadalka Sucuudiga uu kasoo saaray dilka Kaashogji, xukuumadda Moscow waxay ku rajo wayn tahay in mustaqbalka Sucuudiga ay la gasho heshiis dhanka hubka ay uga iibinayso. Ceelasha shidaalka Sucuudiga Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu doonaya inuu xoojisto danaha uu ka leeyahay dalalka gobolka. Reer galbeedku,waxay ogyihiin in hubka inuu yahay seef labo af leh, balse waxaa uga darran dhaqaalaha ay ka helayaan, Sucuudiga inaba kama maarmo hubka uga yimaado reer galbeedka. Hubka, khuburrada iyo la-taliyeyaasha reer galbeedka ayaa sababay in diyaaradaha Sucuudiga ay weli duqeyn ka gaystaan hawada dalka Yemen. Qaran News
-
Hargeysa ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in marnaba aysan la midoobi doonin Soomaaliya inteeda kale. Madaxweyne Biixi ayaa tilmaamay in madaxda Soomaaliya haatan ay qorsheynayaan in Somaliland ay markale wadahadal isugu yimaadaan. Waxaana uu shaaca ka qaaday in maamulkiisa iyo shacabkuba aysan diyaar u aheyn wadahadallo dambe oo ay la galaan dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-ismacil-turki.mp3 iix The post Madaxweyne Biixi “Somaliland lama Midoobi doonto Soomaaliya” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Waxaa diyaar garow balaaran uu ka jiraa magaalada Jigjiga oo maanta la filayo inuu gaaro hogaamiyaha Jabhadda ONLF oo muddo badan dagaal kula jirtay Ethiopia. Wafdiga uu hogaaminayo hogaamiyaha ONLF ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, wuxuuna qeyb ka ahaa safarkiisa heshiiskii ay la galeen dowladda Ethiopia. Calanka dowlad Deegaanka iyo astaanta ONLF ayaa si weyn loogu xardhay waddooyinka waaweyn ee magaalada Jigjiga, halkaasi oo maanta hogaamiyaha uu tagi doono, waxaana kaga horeeyay boqolaal askar ka tirsan ONLF. Hogaamiyaha ONLF ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka doonayaan xaqii ay muddo u dagaalamayeen inay helaan, maadaama heshiiskooda uu qeyb ka ahaa in xuquuqdooda la siiyo. Ururka ONLF ayaa in ka badan 20 sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale. Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada ka socda dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Jigjiga ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa maanta ku wajahan magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Dalka Ethiopia. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Calanka Ururka ONLF ayaa saaka ka babanaya waddooyinka waa weyn ee Jigjiga, si loogu soo dhaaweyo xubnaha ka socda Ururkaasi. Xubnahani oo tiradoodu ay gaareyso 20 ayaa shalay si maamuus leh loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ba ee caasimadda dalka Ethiopia. Jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia ayaa bishii la soo dhaafay Asmara ku saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay labada dhinac. Heshiiskaasi ayaa ONLF u ogolaanaya in ay si nabad ah ku raadsato hankeeda siyaasadeed ee Ethiopia, iyadoona Ciidankeeda lagu biirinayo kuwa dalkaasi. The post Wafdi ka socda ONLF Oo ku wajahan magaalada Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay Dhagxaan waa weyn ku jaray qeyb ka mid ah Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Dhagxaantan ayaa la sheegay in la dhigay bartamaha Isgoyska, gaar ahaan halkii dhawaan laga dhalisay Taalada 14-ka Ocotber. Arrintan ayaa saameyn ku yeelaneysa Wadayaasha Gaadiidka, maadaama aysan Waddadaasi u goyn karin dhinaca Buulo-Xuubey. Tallaabadan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid lagu yareynayo ciriirigii xooganaa ee ka jiray Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysaneysa mashquulka iyo dhibaatada kale ee shacabka ku qabaan Isgoyskaasi. The post Maamulka G/ Banaadir Oo dhagxaan ku jaray Zoobe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa Sacuudiga ka dalbaday iney soo dhibaan kooxdii dishay qoraaga Jamaal Khashoggi. Erdoğan oo hadlayey kadib shirka G20 ayaa sheegay in shirka aan arrimahaas looga hadlin balse uu si gooni ah uga hadlay ra’isul wasaaraha Canada. Sacuudiga ayaa arrinta dilka u xirtay 11 qof, laakin ma jirto wax muujinaya inay u dhiibi-doonaan dalka Turkiga. Dhinaca kale, dalka Sacuudiga waxaa ay beeniyeen inuu dilka ku lug lahaa dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan, waxaana sidaasi qaba madaxweynaha Mareykanka Trump. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee M/Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu u dhexeeyay Madaxweynaha, R/wasaaraha, guddoomniyaha Aqalka Sare , guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku xigeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankan uu isugu xubnahani Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Ilo ku dhow kulankaasi ayaa sheegay in diirada lagu saaray khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo arrimaha doorashada K/ Galbeed. Tan iyo markii la kala diray guddigii Maaliyadda ee Golaha Shacabka waxaa jiray khilaaf iyo dood adag oo u dhexeysa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. The post Madaxda DFS Oo kulan ku yeeshay xarunta Madatooyada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhaga adayga xukuumada ,, Hal adayga xisbiga wadani iyo indha adayga komoshinka doorashooyinka ,…. Doorashadii madaxtooyada ee dalka kadhacday bishii november 2017 kii waxa ka muuqday madmadow kadib markii suuqa laga helay buugii oroginal ka ahaaa ee kaadhadhka lagu codaynayay , iyo waliba inay codeeyeen dad da,doodu kayartahay qaangaadh ,. isla markaana aanay gudida doorashooyinka qaranku si cadaaliya ugu garsoorin sadexdii xisbi ee kutartamayay doorashada madaxwaynaha ,,,, Hadaba xisbiga wadani inkaste oo ay ogolaadeen natiijadii ay soosaareen komoshinku ee madaxwaynaha loogu cumaamaday muuse biixi cabdi ,,, hadana bishii march 2018 waxay soosaareen war bixin ka koobnayd 14 bog ,, oo ay u gudbiyeen madaxwaynaha qaranka muuse biixi kuna sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen gudida doorashoyinka ,, kana dalbadeen inuu madaxwaynuhu kala diro xubnaha komoshinka lanasoo magacaabo xubno cusub oolaga sooxulo sadexda xisbi ,,, Taasna uu madaxwaynuhu aanu dheg jalaq usiiin halkii laga filayay inuu kasoo jawaabo waliba ficil kaga jawaabana uu isla soo taagay madaxwaynuhu inuu yidhaahdo gudida komoshinku waxay qabteen doorasho xor iyo xalaala waxaanay mudan yihiiin bilad sharaf…. Hadaba madaxwaynuhu si kaste hakusoo baxo oo komoshinkani ugu xalaaleeyay inuu noqodo madaxwaynaha qaranka somaliland shanta snaadood ee soosocda laakiiin waxa u eekayd isagoo ixtiraamaya xisbiyada qaranka maadaamo oo ay yidhaahdedeen xeerbeegtidan ama garsoorayaashan kuma qanacsanin inay mardanbe inoo garsooraane aynu keeno xubno cusub oo kaakooban sadexda xisbi oolagu wada qanacsanyahay … Waxaanay taasi keentay in xitaaa shirkii sadexda xisbi qaran ee dhacay dabayaaqadii bishii sagaalaad ee xalinta khilaafkan lagu kala kaco xukuumaduna ku adkaysato inaanay bedelayn komoshinkan ,,,, Hadaba hal adayga xisbiga wadani in labedelo gudida komoshinka iyo dhaga adayga madaxwaynaha inaanu diyaar u ahayn in uubedelo komoshinka iyo indha adayga gudida komoshinku , waxay dhaxalsiisay in waqtigii loogu tala galay inay ku qabsoonto doorashooyinka is barkan ee baarlamaanka iyo Golaha Deegaanku aaany ku qabsoomayn waqtigii loogu tala galay oo ahaa march 2019. Tani waxay keeni doontaa go.doon ama handaraab kale oo dowladaha beesha caalamka ka caawiya doorashoyinka somaliland ay kusoo rogaaan ,,,,, Waxaanaynu eegi doonaa maalmaha soosocda in golaha gurtida miiska ay u sarantahay sidii caadada u ahayd inay shaanbada ugu dhuftaan mudo kordhin loo sameeyo sadexda gole ee baarlamaanka deegaanka iyo gurtida Waxa kale oo aynu eegi doonaa labada xisbi mucaarad maxay yeeli doonaaan hadii ay dhacdo in doorashadu kudhacdo mudadii loogu tala galay ,,, Qalinkii .. Qoraa Ahmed Lababaale Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online)- Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sabab cajiib ah u yeeshay qorshaha 19 December loo geeyay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Ujeedada laga leeyahay doorashada Koofur Galbeed ee dhamaadka December ayay ku sheegtay in la doonayo in korjoogto la’aan la rabo in doorashadaasi ay ka dhacdo magaalada Baydhabo. Waxay ku eedeysay xukuumadda Soomaaliya inay ka dambeyso arinta oo ay dooneyso in wakiilada Beesha caalamka oo aan joogin doorashada inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, sida ay hadalka u dhigtay. Waxay sheegtay in dadka ajaaniibta ee jooga Soomaaliya ay aadayaan fasaxa Kirismaska, sidaasina ay kaga maqnaan karaan doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Amaanka magaalada ayay dhinaca kale sheegtay inay qalqal galin karaan ciidamadii badnaa ee dhawaan la geeyay magaalada Baydhabo, iyadoo ka digtay in ciidamadaasi ay qeyb ka noqdaan qorshaha qalqalin gelinta amaan ee Baydhabo. Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa shalay markii seddaxaad dib u dhigay doorashada iyaga oo ku dooday in aysan heysan agab doorasho oo ku filan iyo wakiillada Beesha Caalamka oo aan ku iman karin waqtiga ka harsan doorashada. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
(SLT-Istanbul)-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dowladda Sucuudi Carabiya inay usoo gacan geliso dadka ku sugan dalkaasi ee looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashugji. Recep oo ka hadlayay shirka dalalka ku horumaray dhaqaalaha ee ka socday Argentina ayaa sheegay in arrinta Khaashuqji aanan loogu talagelin in shirka looga hadlo balse ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau oo kaliya ah ayaa kulanka kusoo hadal qaaday dhacdada ku aadan Khaashuqji. Dowladda Sucuudiga ayaa 11 qof u xirtay dilka balse ma jiraan go’aan ay dadkan ugu dhiibeyso Turkiga. Walwalka Erdogan Madaxweynaha Turkiga Erdogan wuxuu si wayn ugu murugeysan yahay jaawabta uu Sucuudiga ka bixiyay dilka Jamaal Khaashuqji. Wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta Sucuudiga inay hayaan been iyo hadallo is-burinayo isla markaasna ay baddalayaan sida ay wax u dhaceen ayna diideen inay macluumaad la wadagaan baarayaasha Turkiga. Wuxuu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu kulanka madaxda G20 ka sheegay ‘sharraxaad aanan la rumeysan karin’ oo ku aadan dilka Khaashuqji. Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dooday in boqortooyada aanan eedeymo loo jeedin karin tan iyo inta laga caddeynayo dambiga. Erdogan muxuu ka yiri dilka Khaashuqji? Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku tilmaamay arrinta ku saabsan saxafigii la waayey – xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sucuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbuul mid niyad jab ah. Saraakiisha Turkiga ayaa rumaysan in Jamal Khashoggi – oo ahaa nin dhaliila madaxda Sucuudiga – in lagu dhex dilay dhismaha qunsuliyadda. Mr Erdogan ayaa sheegay in uu asago shakhsi ahaan isha ku hayn doono baadhitaanka lagu hayo arrintan, uuna dunida ku wargalin doono wixii kasoo baxa. Jamal Khashoggi ayaa aaday qunsuliyadda uu dalkiisu ku leeyahay Istanbul talaadadii lasoo dhaafay si uu uga soo qaato warqado la xidhiidha arooskiisa oo dhici lahaa. Taariikh nololeedkii Jamaal Khaashuuqji Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Khaashuqji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay. Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Khaashuqji oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga. Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada. Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionKhaashuqji boggiiska Twitter-ka waxa ku taxan 1.6 milyan oo qof Dilka Jamaal Khaashuqji iyo siyaasadda Bariga Dhexe Inta badan awoodaha qoyska boqortooyada waxaa gacanta ku haya Maxamed Bin Salmaan, dadka hadda looga shakinsan yahay dilka waxay hoos tagaan isaga, khuburrada ku sugan Sucuudiga waxay rumaysan yihiin inay suurogal ahayn in la fuliyay dilkan iyadoo aysan ammaro kasoo bixin maamulka sare ee boqortooyada. Inta badan waxaa laga dhuur sugaya, inta ay gaarsiisan yihiin caddeymaha ah in Maxamed Bin Salmaan uu si toos ugu lug lahaa dhacdada. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionMaxamed Bin Salmaan wuxuu sheegay in uusan wax ka ogayn dilka Weriye Jamaal Kaashogji Turkiga muxuu ka qaban doona dilka Jamaal? Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu ceersanaya dhaxal sugaha sida Bisadda ay u ceersato Jiirka. Recep wuxuu doonaya inuu xalliyo qalalaasaha isagoo raadinaya waddo sharci oo lagu maxkamadeeyo dadka lagu tuhunsan yahay dilka Khaashogji, wuxuuna farta ku fiiqaya dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan. Turkiga iyo Sucuudiga waxay door muhiim ah ku leeyihiin dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka, labaduba waa dalal Sunniyiin ah, waxay doonayaan inay majaraha u qabtaan hogganka dalalka Bariga Dhexe. Erdogan waxay u noqonaysaa inuu adkeeyo arrimaha dalkiisa taaso u horseedi karto inuu xoojiyo xiriirka kala dhexeeyo Mareykanka. Xiriirka xukuumadaha Washington iyo Riyadh kuma salaysno oo kaliya ah heshiisyada hubka, waxay lahaayeen xiriir soo jireen ah oo ay isu la wadaagaan muhiimadda straatiijiyadda gobolka iyo iskaashi dhanka xoojinta ammaanka. Arrinta shidaalka ayaa ka qayb ah xiriirkooda, Mareykanka qudhiisa kuma tiirsano oo kaliya ah shidaalka ceyrinka ah ee Sucuudiga, boqortooyada waxay ku tiirsan tahay dhaqaalaha kasoo galo shidaalka. Isbaddallada uu wado dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan waxay horseedeen tallaabooyin dhibaato leh, wuxuu mas’uul ka ahaa in Sucuudiga uu go’doomiyo Qatar , afduubkii ku meel gaarka ah ee lagu sameeyay ra’iisul wasaarihii Lubnaan iyo dagaalka Sucuudiga uu ka wado Yemen. Howlgalka uu Sucuudiga ka wado Yemen wuxuu dhaliyay waxyeelleenta rayidka iyo maacluul dalkaasi ka taagan, waa sida Mareykanka uu qabo, siyaasadda dhaxal sugaha waxay kasoo horjeedaa fikradda ah suggida amniga dalka Yemen. Xaaladda ayaa sii xumaatay sababtoo ah maamulka Trump wuxuu gogosha dhigtay guriga Maxamed Bin Salmaan. Trump wuxuu doonaya saddex arrimood, inuu ka caawiyo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada gobolka, wadahallada Falastiiniyiinta iyo Israa’iil iyo in Sucuudiga ka qayb qaato dadaallada maamulka Trump ee ku aadan xoojinta cunaqabataynta dhaqaale ee saran Iiraan. Ma laga yaaba in Sucuudiga uu xakameeyo ninka sida xowli ah ku socda? Toddobaadkii lasoo dhaafay shirkii ganacsiga ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Riyadh waxaa si kalsooni ay ku dheehantahay u shir guddoominayay Maxamed Bin Salmaan oo ay u muuqatay in dalkiisa aysan waxbo ka qasnayn. Ruushka wuxuu sheegay inuu ka dhuur sugayo baaritannada socda isla markaasna la aamino hadalka Sucuudiga uu kasoo saaray dilka Kaashogji, xukuumadda Moscow waxay ku rajo wayn tahay in mustaqbalka Sucuudiga ay la gasho heshiis dhanka hubka ay uga iibinayso. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionCeelasha shidaalka Sucuudiga Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu doonaya inuu xoojisto danaha uu ka leeyahay dalalka gobolka. Reer galbeedku,waxay ogyihiin in hubka inuu yahay seef labo af leh, balse waxaa uga darran dhaqaalaha ay ka helayaan, Sucuudiga inaba kama maarmo hubka uga yimaado reer galbeedka. Hubka, khuburrada iyo la-taliyeyaasha reer galbeedka ayaa sababay in diyaaradaha Sucuudiga ay weli duqeyn ka gaystaan hawada dalka Yemen. Source
-
Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-021218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Burundi)-Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin hormar la’aanta wadahadalada nabadda ee dalka Burundi. Saraakiisha Midowga Afrika ayaa waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya dalkaasi Burundi in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sababai karta in xurguftu ay sii dheeraato. Digniinta ayaa soo baxday ak dib markii dowladda Burunta ay soo saartay warqad caalami ah oo lagu soo xirayo madaxwaynihii hore ee dalkaasi Pierre Buyoya. Waxaa sidoo kale dowladda Burundi ay amartay in la soo xiro 16 saraakaal oo sarsare. Xukuumadda Burundi ayaa madaxwaynihii hore ee dalkaasi Pierre Buyoya iyo saraakiisha kale ku eedeeysay in ay ka masuul ahaayeen dilkii madaxwaynihii ugu horeeyay ee dalkaasi si dimuqraadiyad ah loo soo doortay Digniinta Midowga Afrika ayaa u muuqata mid loola jeedo dowladda Burundi. Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo mucaaradka ayaa la isku mari waayay. Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in dowladda ay dib u soo kicinayso boogihii hore eek u salaysnaa qoomiyadaha ka dib markii ay soo asartay warqada lagu soo xirayo madaxwaynihii hore Pierre Buyoya. Tallaabadani ayaa waji gabax ku ah Midowga Afrika sababtoo ah Mr Buyoya ayaa imika ah wakiilka gaarka ah ee AU ee dalka Mali. Dilkii sanaddii 1993 lagu khaarijiyay madaxwayne Melchior Ndadaye oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyaay ee qoomiyada Hutu ayaa dalkaasi ka dhaliyay dagaal sokeeyay oo ay ku dhinteen dad gaarayay 300’000 oo qof sanadii. Mr Buyoya oo laba jeer ooh ore afgembi dalkaasi kula wareegay ayaa si carol eh uga jawaabay eedeeynta ah in uu isaga ka dambeeyay dilka madaxwaynihii hore. Source
-
(SLT-Argentina)-Hogaamiyayaashani 20 dal ee dhanka dhaqaalaha ugu tunka wayn caalamka ayaa isku afgartay in dib boorka looga jafo nidaamka ganacsiga caalamka. Bayaan ay soo saareen madaxda dalalkan ayaa waxaa lagu sheegay in lagu heshiiyay isbadal guud oo lagu sameeyo qaabka ururka ganacsiga u imika u shaqeeyo. Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa wariyayaasah u sheegay in ay jirto baahi loo qabo in la casriyeeyo ururka ganacsiga aduunka. Waxyaabaha ajandooyiinka laga wadahadlay ugu sareeyay waxaa ka mid ahaa arrinta cansuuraha. Dhanka kale Mareykanka iyo Shiinaha ayay u muuqataa in ay is afgarad ka gaareen dagaalkii ganacsiga ee u dhaxeeyay. Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa kulan ay yeesheen ka dib shirwaynaha wadamada G20 waxay isku raaceen in la jooojiyo muddo 90 maalmood ah canshuraha cusub ee ay horay u soo rogeen. Saraakiisha Shiinaha ayaa waxay sheegeen in ay Mareykanka isku afgarteen in wax canshuura cusub aan la soo rogin wax ka dambeeya 1 bisha Janaayo. Madaxwaynaha Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in uu rajaynayo in heshiis la gaaro si hoos loogu dhigo xiisadda ka dhalatay khilaafka ganacsiga. Dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka ayaa billaabmay ka dib markii uu madaxwayne Trump uu canshuuro dheeraad ah ku soo rogay badeecooyiinka Shiinaha laga keeno. Shiinaha ayaa dhankooda ku jawaabay canshuuro dheeraad ah oo ay ku soo rogeen badeecooyiinka Mareykanka ee shiinaha loo dhoofiyo. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ka mid ahaa ergadii Somaliland ee ka qayb gashay shirkii Djibouti ka qabsoomay December 2014 ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu jeex-jeexay heshiis uu dalka Djibouti kula saxeexday madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Dr. Xuseen Bulxan oo hadal ka jeediyay kulan Hargeysa ka dhacay oo lagaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu sheegay in Soomaaliya wakhtigaas ka cadhootay in dalka Djibouti lagu soo daro wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya si ay Djibouti u noqoto xidhaaga dhinaca heshiiska jebiya. Dr. Bulxan oo arrintaas ka hadlaayay wuxuu yidhi “Tii ahayd dawlad kale ma doonayno ayaanu aniga iyo Yuusuf (Yuusuf Garaad) ku heshiinay in Djibouti noqoto xidhaaga haddii wada hadalada Istanbul socon waayo, anaana fikrada soo dhigay markii la diiday wax kale ayaan idhi Djibouti halagu daro.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Dr. Bulxan yidhi “Markii aanu ula tagnay ayaa la yidhi ma doonayno Djibouti inaad soo gelisaan oo anaga iyo Djibouti ayaad isku kaayo dilaysaan. Cabdikariim (Cabdikariim Guuleed, wasiirkii daakhiliga ee Xasan Sheekh] markuu diiday ayaanu nidhi ma adigaa Cabdikariimoow Madaxweyne ah mise Xasan Sheekh, markii Xasan loo dhiibay nuqul, ayaa Cabdikariim intuu cararay ku yidhi Xasan Sheekh arrinkaas diid, Xasan Sheekh ayaa Wasiir Maxamed Biixi isna ku yidhi sidii, dabadeed Maxamed Biixi ayaa ku yidhi Xasan Sheekh madaxweyne arinkan aad leedahay ka saar ma arrinka Djibouti ayaad doonaysaa inaan ka saarno markaas ayuu arrinkii fashilmay oo uu Ismaaciil Cumar Geelana kor u soo fadhiistay waayahay ee ku daayay ayuu yidhi waanu saxeexay. Madaarkii ayuu Xasan Sheekh ku jeex jeexay heshiiskii, sidaan warar rasmi ah ku helay.” Qodobada sannadkaas 2014 ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen ayaa kala ahaa: 1. Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo waqti ku jaan go’an 2. Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn. 3. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen. 4. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal iyo dawlado saxiib ah. 5. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara, in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo budhcad badeedka. 6. In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Febraayo ee 2015 kana dhaco Istanbul. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com