Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,041
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Sh/ Dhexe ayaa ku warramaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka M/ Jowhar ee xarunta gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay u dhexeyso laba Maleeshiyo Beeleed oo shalay ku dagaalamay halkaasi. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxeen arrintaasi, si looga hortago sii socoshada colaadaasi. C/laahi Maxamed oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee G/ Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Ciidamo ay u direen deegaanada Maandheere iyo Kongo ee gobolkaasi. Waxaana uu tilmaamay in Odayaasha labada dhinac ay soo dhaweeyeen dadaallada nabadeed ee ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cabdi-Qani-.mp3 The post Xiisad xoogan Oo ka taagan duleedka M/ Jowhar appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-031218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha ONLF ayaa axaddii soo gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Itoobiya. Wafdiga waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha ONLF Admiral Maxamed Cusmaan, xogheyaha guud ee ururka Cabdiraxmaan Mahdi, waxaa kale oo la socday madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Muxumed, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo golihiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale, Xildhibaanka degmada Kamukunji, Nairobi Yusuf Xasan, Guddoomiyaha Garisa Cali Qorane, AMP. Maxamed Abdi Afey oo ah u qaabilsanaha UNka ee arrimaha qaxootiga geeska Afrika, Xildhibaan Axmed Xaashi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo qaar kale. Guddoomiyaha ONLF oo mar sii horeysay hadlayey ayaa sheegay in Jigjiga ka bilaabayaan wada hadal ay ka galaan dowladda deegaanka iyo federaalka ah oo ku saabsan siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaa kale oo ay qaban-doonaan shirka midnimada iyo safar ay ku tagaan gobollada dalka. Arrimaha ugu muhiimsan ay ururka iyo maamullada ay ka wada hadli-doonaan waxaa ugu muhiimsan aayo ka talinta dadka Soomaalida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wasiirkii hore ee haweenka Puntland, marwo Caasho Geelle Diiriye, ayaa sheegtay inaysna jirin cid ku dhici karta inay faro galin ama qalqalin gelin ku sameyso [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu dhex maray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iy kaaliyaha arrimaha dibadda Mareykana u qaabilsan Africa. Tibor P. Nagy, oo Safar ku maraya dalalka Geeska Africa ayaa madaxweyne Geelle kala hadlay seddex arin oo ay kamid tahay isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iy Eritrea ay hormuudka ka yihiin. Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya iyo dagaal xuduudka u dhaxeeyay Eritrea iyo Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa waxyaabaha labada masuul ay ka wada hadleen, waxaana madaxda Jabuuti ay sheegeen in wanaag uu kusoo dhamaaday Shirka. Dowladda Mareykanka ayaa il gaar ah ku heysa isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia ay wadaan, maadaama Mareykanka uu dagaal dhaqaale kula jiro Dowladda Shiinaha oo saameyn ku leh geeska Africa. Jabuuti Ciidamo ka socda kuna howlgala Magaca AMISOM ayaa ku sugan Bartamaha Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegayaan in ballanqaadyo lagu hormarinayo Ciidankaas ay ka heleen Mareykanka. Dowladaha Sudan, Kenya, Uganda iyo Jabuuti ayaa doonaya dhankooda inay qeyb ka noqdaan isbadalka geeska Africa, waxaana madaxda dalalkaasi ay kulamo la qaateen madaxda dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia, si qeyb kaga noqdaan isbadalka geeska Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Istanbul (Caasimada Online) – Wargeyska Yeni Şafak ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa Maalintii Sabtida aheyd qoray inay Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay wafdi ka koobnaa laba Askri iyo laba sirdoon usoo direyn Deegaanada ay heystaan Kooxda gooni isku taagga ah ee Kurdiyiinta ee ku xooggan waqooyiga Suuriya. Wargeyska ayaa sheegay in Sababta loo soo diray wafdigaan ay tahay sidii loo maal gelin lahaa illaa 12 Fadhiisin oo ay dagi doonaan Ciidamo Mareykan ah oo caawin doono Kurdiyiinta. Sida uu qoray wargeyskaan oo si weyn ugu dhow Dowladda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa u fahamtay in Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay iclaamiyeen Dagaal ka dhan ah Dalka Turkiga. Waxaa la sheegay in Wafdigaan gaaray halkaas ay qorshihiisa lahaayeen Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Amiirka Imaaraadka Maxamed Bin Zaid. Wafdigaan ay direeen Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Booqasho ku tagay deegaano ay kamid yihiin Al-Hasakah, Kobanî, Manbij iyo Tell Abyad, waxayna kulamo la qaateen hoggaamiyaal ka tirsan Kooxda Kurdiyiinta waxaana la isku fahmay meelaha laga sameynsan doono Saldhigyada. Sida uu Wargeyska Sheegay wafdigaan isugu jiray Sacuudiyaan iyo Imaaraad waxaa hoggaaminayey Wasiirka Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe Thamer Al-Sabhan. Wafdigaan ayaa markii ugu horeysay kulamo kul qaatay Deegaanka Al-Hasakah Ergeyga Madaxweynaha Mareykanka Trump u Qaabilsan Gobolka Brett H. McGurk, waxayna labada dhinac isku raaceyn in Mushaar la siiyo illaa 30 Kun oo kamid ah Ciidamada Kurdiyiinta ee halkaas ku sugan. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in Ciidamadaan loo bixiyo (Ilaaliyaasha Xuduuda) waxaana Dowladaha Khaliijka loo xil saaray Tababarka iyo Hubeynta Ciidamadaan. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale Ballan qaaday inay bixin doonaan Saadka ku bixi doono Ciidamadaas. Arrintaan ayaa sii kala foggeyn doonto Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga, waxaana muuqato inuu go’i doono xiriirka u dhaxeeyo Dowladahaan oo markii hore mugdi ku jiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ku caanbaxday seddex dabeecadood oo caqabad ku ah horumarka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sheegay in tan iyo markii la ansixiyay xukuumadda Soomaaliya ay jiraan walwal badan oo laga qabo xukuumadda, isaga oo sheegay in Maquunis iyo hanjabadaad ay ku caanbaxday xukuumadda. “8 february 2017 ilaa iyo hadda waxaad moodaa in dadka ay muujinayaan walwal farabadan oo ah qaab dhaqanka Xukuumadda, Xukuumadan waxa ay doorbideysaa in ay wax walbo ku wadato Maquunis, hantadaad iyo Musuq Maasuq”ayuu yiri Xildhibaanka. Handadaada, Maquuninta iyo Musuq Maasuq ayuu sheegay inay yihiin kuwa walwalka badan u horseedaya shacabka iyo baarlamaanka, taasina ay ku caanbaxday xukuumadda Soomaaliya. Saameynta walwalka laga qaaday hab dhaqanka xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay gaareen magaalooyinka kala duwan ee dalka Soomaaliya. Weeraradii kala duwanaa ee dalka ka dhacay oo qaarkood siyaasiyiin lagu qaaday ayuu sheegay inay qeyb ka ahaayeen handadaada xukuumadda ay sameyneysay, taasina ay keeneyso niyad jab. Weerarkii Bariire, Dhiibitaankii Qalbi Dhagax, aqoonsigii ONLF ee argagixisada u aqonsatay xukuumadda Soomaaliya iyo weeraradii Siyaasiyiinta qaar loogu geystay magaalada Muqdisho ayuu tusaalooyin usoo qaatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Musharaxa ugu cad cad doraashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Cabdicasiis Laftagareen ayaa wareysi ku xaqiijiyey tuhunkii laga qabay ee ahaa in uu gacan saar la leeyahay Xukumadda Federal-ka ah. Sir ma ahayn, Laftagareen waxa uu ku caan baxay shaabadda ah ‘Dowladda ayaa wadata!” taas oo uu ku lumiyey shacabka Koonfur Galbeed intooda badan. Hase ahaatee, wareysigii uu shalay bixiyey mala oran karaa, wixii awal tuhun ahaa isagaa turxaan bixiyey? Waxa uu yiri, “Doorashada waa soo dhawdahay haddii doorasho la galaanaya dad badan oo waxaa iska jira nin walba waxa uu rabo sheegaya, maanta waxa loo baahanyahay oo wax dooranaya waa xildhibaanada Koonfur Galbeed ma aha xildhibaanada Federal-ka ah. Xidhibaanada Federal-ka ah ee Colleague-geyga ah waa mahadsanyihiin shaqadoodii waa soo qabteen, madaxweyney doorteen, gudoomiye baarlamaan ay doorteen, ku xigeen ay doorteen, ku xigeynno ayey doorteen, wixii wajibaadkooda ah oo shaqadooda ah wey haystaan, crisis-kii iyo buuqii ka jiray Xamar waxaan ka codsanayaa in aysan noo soo rarin oo inta ay noo keenin” Wuxuu intaas ku daray “Ma hayn karno anaga culeys iyo khilaaf maxay eheedey dhibaato waa mahadsanyihiin, media iyo idaacado waxa ay yaalaan Xamar waxa ay xildhibaan u yihiin Xamar, haka hadleen, xuquuqdii naga maqneyd hanoo raadiyaan, hanoo warsadeen wixii aan u baahneyn hanoo weydiiyeen, laakiin iyaguu na agfadhiya, oo dowlad ka tirsan in ay na dhahaan dowlad ayaa nagu soo duushay qabiil ayaa nagu soo duulay masiiba dhaceyso 91-kii qaxayaa waa idinku galiniin masiibo ma rabno ilaahay ayaan ka magangalnay idinkana ilaahay imaanka ha’idinku sugo dalkiina iyo dadkiina u shaqeeya, baarlamaanka shaqaa utaalo, waxaa laga hadlaayaa 100 ajendo ayaa taalo oo horumarka dalka ah ka qeyb qaata oo hormarka ay reer Koonfur Galbeed idiin xilsaarteen aada ninkii musharax ah oo sidoo kale xildhbaan ah ha yimaado hala doorto ha shaqeeo. Ninkii nin taageeraayo wey furan tahay waa la taageeri karaa, laakiin yaan lagu taageerin taageero ma noqoneyso in habeen iyo maalin idaacad laga qeyliyo”. Wareysigan uu afka ku furtay waxaa laga dhadhansan karaa in ay soo kartay daacadda laga faafiyey ee ku saabsan in ay dowladda riixeyso isaga oo hadda u muuqda mid leh “Waa la’I wataayee, tartama oo iga adkaada, warka bandanna daaya!” Daacadda laga faafiyey Cabdicasiis Laftagareen waxa ay taageero badan u sameysay ku xigeenkii hore ee Al- Shabaab Mukhtaar Robow Abu Mansuur oo ay bulshada Soomaaliyeed aad uga walaacsan yihiin musharaxnimadiisa. Hase, ahaatee, ra’yi caamka bulshada Koonfur Galbeed waxaa hubaal ah in ay taageersan yihiin Roobow. W/Q: Xasan Aadan Muumin Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxa madhabta Evangelical-ka ee Kirishtan ee dalka Mareykanka Joel Rosenberg, ayaa shaaciyey in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu u ballan-qaaday in kaniisado laga dhiso dhulka labada masjid ee barakeysan, balse uu waqti siiyo. Rosenberg oo ah nin u ololeeya, si aad ahna u difaaca Israel, ayaa wareysi uu siiyey teleefishinka Israel ee i24 ku sheegay in kulan uu Bin Salmaan bishii October kula yeeshay Riyadh uu kala hadlay sidii kaniisado looga furi lahaa Sacuudiga. Rosenberg ayaa sheegay in Maxamed bin Salmaan uu ballan-qaaday inuu arrintan kala hadli doono culimada, si uu ogaado waxa diinta ka qabto. “Wuxuu ii sheegay in kaniisad la furo waqtigan ay hadiyad u noqon karto Al-Qacida, balse wuxuu codsaday waqti dheeri ah iyo inuu ka shaqeynayo arrintan” ayuu yiri Rosenberg. Bin Salmaan ayaa waftiga kirishtan-ka ku marti-qaaday Riyadh, bishii October, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu ku doonayo inuu reer galbeedka ugu muujiyo inuu yahay is-beddel doon diyaar u ah inuu dunida la macaalimo, sidoo kalena xiriir wanaagsan la yeesho Israel. Rosenberg waa mid ka mid ah taageerayaasha ugu weyn Israel, wuxuuna mar la-taliya dhinaca warbaahinta ah u ahaa ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Ninkan ayaa horey u daabacay buug uu ugu magac daray “The Torah and Damuscus” oo ku baaqaya in la burburiyo caasimadda dalka Syria, si loogu guuleysto damaca kirishtanka ka hor soo bixitaanka waxa ay ku sheegaan “bad-baadiyahooda”. Buugaas ayaa ka mid ahaa kuwii loogu iibsiga badnaa Mareykanka sanadii 2016. La-kulanka Maxamed Bin Salmaan, ee Rosenberg – oo ah nin sidoo kale lacag u ururiya ciidamada Yahuudda ee haysta dhulka Qudus – ayaa ka careysiiyey muslimiin badan. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Yaxye Sheikh Caamir oo ah aqoon yahan ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ayaa ka hadlay isqabqabsigii ka dhashay warqaddii kasoo baxday guddiga maaliyadda ee la xiriirtay Wasaaradda maaliyadda iyo gobolka Banaadir. Prof Yaxye Sheikh Caamir ayaa sheegay in wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya isaga uusan laheyn khaladka loo jeediyay wasaaradda maaliyadda, isaga oo sheegay inaan loo baahneyn in shaqsi la abaaro. Haddii eedeynta loo jeediyay wasaaradda maaliyadda ay sax tahay ayuu sheegay inay wanaagsan tahay in wasiirka maaliyadda uu xilka isaga tago, maadaama wasaaradda dhan ay fashilan tahay isagana uu hogaaminayo. Wasiirka maaliyadda ayuu sheegay inuusan aheyn ruux leh taqasuska shaqaalaha, haddana ay ku xiriiraan wasaaradda oo aysan joojin dad taqasus u leh howlaha ay qabanayaan, taasina ay qeyb ka tahay fashilka wasaaradda. “Sharci ayaa jira oo wasaaradda leedahay, haddii wasaaradiisa ay fulin weysay sharciga inuu iscasilo ayay aheyd, Aniga haddii aan ahaan lahaa sidaa ayaan sameyn lahaa, aniga 1984 ayaan ka ruqseystay wasaaradda, dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in wasaaradda aysan joogin shaqsiyaad taqasus u leh shaqooyinka laga rabo”ayuu yiri Prof Yaxye Sheikh Caamir. Ugu dambeyn aqoonyahanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo xubnaha mucaaradka ah inaysan shaqsiyaad ku eedeeyn fashilka ku yimaada hay’addaha dowladda, taa badalkeedana loo baahan yahay in guud ahaan wasaaradda ama hay’adda la eedeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Washington (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyay ee xukunkiisa George H.W Bush wuxuu go’aansaday inuu howlgal uu ka fuliyo Soomaaliya, isaga oo amray in inka badan 20,000 oo askari loo diro Soomaaliya “Si loo badbaadiyo kumanaan rayid ah oo geeriyoonayay”. Bilooyin gudahood sawirkii dhimashada askarta Mareykanka ee lagu jiid jiiday waddooyinka Muqdisho ayaa badalay hanaankii Mareykanka uu ugu soo dhawaanayay Africa, waxaana ilaa iyo hadda muuqata in isbadalkii laga dhaxlay Bush lagula dhaqmayo Qaarada Africa. Ciidamada Mareykanka ayaa ka howlgala Soomaliya iyo dalal kale oo Africa ah iyaga oo ka fuliya howlo meletari oo aan badneyn, waxaana kamid ah howlgalo gaar ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn. Xiligii Madaxweyne Bush, xaalka sidaa wuu ka duwanaa, Howlgalka Soomaaliya waxaa uu ahaa iyadoo la matalayay caawinaad loo sameynayay difaacida dadka oo laga difaacayay inay waxyeelo kasoo gaarto hogaamiye kooxeedyada marka gargaar lasoo gaarsiiyo, waxaana xiligaasi qaramada midoobay ay qiyaastay in 300,000 oo Soomaali ah inay dhinteen. Madaxweyne Bush ayaa noqday madaxweynaha kaliya oo markii ugu horeysay soo booqday Soomaaliya, waxaa xiligaasi ciidamada Mareykanka ay hogaaminayeen howlgalkii Qaamada Midoobay ku caawineysay Soomaaliya, waxaana howlgalkaasi loogu magac daray “howlgalkii rajo soo celinta”. Iyadoo xaalada bini’aadanimo kasii dartay, haddana dib u dhiska Soomaaliya ayaa noqday Muhiimada Koowaad, Dhamaadkii October 1993 markii ciidamada Mareykanka ay weerareen Maxamed Faarax Ceydiid, dad badan ayay diyaaradaha Mareykanka ku dileen Muqdisho, waxaana xigtay in 18 askari oo American ah lagu jiidjiido Muqdisho. Madaxweyne Trump ayaa dhawaan shaaciyay inuu booqan doono aagaga Dagaalka, laakiin fursadaha lama oga inay Soomaaliya ka mid noqon doonto, waxaana mamulka Trumo hadda ciidamada ka jooga Soomaaliya lagu qiyaasaa 500. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Qaahira (Caasimada Online) – Soomaaliya waxa ay qorsheeneysaa in ay ku dhawaaqdo markii ugu horreeysay in ay Shidaal baaris ku qotoma xeerka caalamiga ah ay sameyso, waxa ayna Masar ka raadisay khibrad la xiriirta dhinacaas, sidaas waxaa sheegay Wasiirka Betroolka iyo macdanta ee Masar, Tariq el-Molla. Fursadaha ah in shidaal laga helo Soomaaliya ayaa sare u kacay maadama ay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Africa, ayuu wasiirka yiri Jimcihii. Xilli uu shir la yeeshay wasiirka Betroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Abdirashid Mohamed, el-Molla waxa uu sheegay in mas’uulka soo booqday ku nuux nuuxsaday in dalkiisa raadinayo in uu ka faa’ideysto khibradda Masar marka ay timaado dhinaca shidaal sahminta iyo sida lagu bixiyo qandaraasyada caalamiga ah.” Wasiirka Masar waxa uu sheegay in Soomaaliya leedahay rejo ah in shidaal laga helo iyo sidoo kale in ay khibradda Masar ka faa’iddo. Waxa uu ku celiyey in Masar ay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta macdanta Soomaaliya taas oo kobcinta doonta qeybaha kale ee Soomaaliya. Mollah waxa uu qiray in wadashaqeyntaas ay Soomaaliya ka faa’idi doonto maadama ay muddo dhaqaale burbur colaado sokeeye sababeen ku jirtay. Wasiirka Masar waxa uu sheegay in uu dhiggiisa ka ogolaaday in kulammo dheeri ah ay ka wada galaan sidii loo horumarin lahaa dhinaca shidaalka iyo sahmintiisa. Waxa uu ku nuux nuuxsaday sida ay Qaahira uga go’antahay in ay wadamada Qaaradda Africa uga gacan siiso kala shaqeynta meelaha ay danta ka wadaagaan bulshada Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. 1- Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka gaabiyeen dar-dar gelintii qodoban soo socda: A) Habraacii wadashaqeyneed ee ay la yeelan lahayeen Golaha Baarlamaanka si Baarlamaanku xeerarka saami qaybsiga u curiyaan B) Dar-dar gelintii iyo dib u furistii Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha si howshu u kala socoto oo mudada qorshe hawleedku u soo gaabato C) Miisaaniyada Doorashooyinka iyo Diiwaan gelinta oo aanay ka soo wada xareyn badhkii Xukuumada si diiwaan gelinta Codbixiyayaasha loo sii bilaabo D) Waxay ka gaabiyeen Hab-raacii wada shaqeyneed ee Madaxweynaha iyo ogeysiintii Garsoorka si xukuumadu xil-isaga saarto miisaaniyada qaybta kaga aadan oo dhan E) Waxay ka gaabiyeen dhamaan wada shaqeyntii Waaxyaha qaranka waayo way arkaayeen saansaanta mudo kordhinta ee ay la sugeen waqtigan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ee ay ku dhawaaqeen in doorashadu dib u dhaceyso. waxay aheyd in ay 6 bilood ka hor sii iclaamiyaan liiska codbixiyayaasha iyo jidwalka habsami u socodka hawlaha Diiwaan gelinta codbixiyayaasha. 2- Golaha Baarlamaanku waxay iyana dhegaha ka fureysteen qodobadan hoose : A) in ay diyaariyaan shuruucdii Saami-qeybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada Gobolada oo mudo aad u dheer soo cakirnaa oo ilaa Doorashadii hore hortaalay.. B) Waxay ku fashilmeen in ay xeerarka labada Doorasho ee isku sidkan ay is waafajiyaan oo aanay howsha isla wada sugin ee sii falkiyaan. C) Waxay ku fashilmeen ku dhaqankii waajibaadkii Dastuuriga ahaa ee ay Kuraasta Baarlamaanka ku baneyn lahaayeen maadaama mudo xileedkoodii uu dhamaaday. 3- Madaxtooyadu waxay ka gaabisay qodobadan hoose : A) in ay dabo galaan Xeerarka Baarlamaanku miiska hoostiisa uu dhigay ee ay diyaarin waayeen mudada dheer. B) Waxay ku fashilmeen Miisaaniyada Doorashooyinka ee komishanka qaranku u soo gudbiyey ee ay qaybtooda soo dhameystiri waayeen. C) Madaxweynuhu wuxuu ka gaabiyey Isfahan la’aantii ay is fahmi waayeen asxaabta qaranka ee mucaaridka ah. D) Madaxtooyadu waxay ka gaabisay dar-dar gelintii dhamaan qorsheyaashii lagu gaadhi lahaa in Doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto. E) Madaxtooyadu waxay ku ribatay ku dhaqankii Dastuurka qaranka iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee Hanaanka Geedi socodka Dimuqraadiyada JSL ku dhisneynd Maadaama Doorashooyinkii dib u dhaceen . Golaha Baarlamaanka waxaa mudo kordhin qayrul sharci ah loo sameeyey 3 Jeer oo hore, waxaanay kuraasta ku fadhiyaan mudo 3 term ah iyada oo aan marna la qiimeyn ku dhaqanka xeerarka Dastuurka qaranka ee sida cad u qeexaaya waajibaadka Dastuuriga ah ee saaran Sadexda Dhar-dhaar ee Qaranku ka kooban yahay. Shuruucda Dastuurka ee sida Badheedhka ah loo jebiyey waxaa ka mid ah dhamaan shuruucdii isla xisaabtanka qoleyaasha qaranka sida ay qeexayaan qodobada 37-aad oo qeexaya waajibaadka isla xisaabtanka, qodobada 56-aad iyo 97-aad oo qeexaaya awoodaha isla xisaabtanka waaxyaha qaranka. Waxaa la jebiyey Hanaankii Dimuqraadiga ahaa, maamul-wanaagii, milgihii iyo macnihii dawladnimo, Waxaa la jebiyey Xil-gudashadii I, is-xisaabintii iyo Xaliibnaantii sadexda hayadood ee qaranka JSL ugu sareeya oo kala ah Fulinta, Xeerdejinta iyo Garsoorka. Dhamaan waxaa xilkoodii gabay hayadihii isla Xisaabtami lahaa ee xilkooda Dastuuriga ah gudan lahaa kuwaa soo Waaxiba ay Waaxda kale xilkii u kordhinayso oo hada xaalkoodii uu iska noqday “dhabarka ii xoq- aan kuu xogee” taas oo shacab weynihii doortay iyo musharaxiintii iyaga bedeli lahaa si badheedh ah loogu heshiiyey si kuraasta loogu sii fadhiyo mudo dheer. ” Bal waa taase shacabka reer Somaalilaan mar qudha ha loo sheego cida xilkeedii gudan wayday ee masuulka ka noqonaysa Doorashooyinkaa mudada dheer dib ugu sii dhacaya.? Waxaa la caayayaa waa caqligii shacab weynihii doortay ee dirtay ee maandheytka mudada kooban ee 5-ta sano ah siiyey. Doorashooyinka mar kasta dib u dhacaaya ee aan waqtigooda lagu qaban waxay Saameyn xoogan oo taban ku yeelanaysaa Sumcadii iyo karaamadii Somalilaan waxaana ay ka dhigaysaa Sawirkii guud ee Somalilaan qorax madow oo sii dhacaysa. Waxay aheyd in aanay ciida ku rafan ee Komishanka doorashooyinku 6 bilood ka hor ay is cadeeyaan oo ay sii sheegaan in doorashadu dib u dhacayso.. Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan inagu ah in Doorashada Baarlamaanku ay 5-jeer dib u dhacdo halka Dawlada Federaalka Somaaliya ay 3 doorasho baarlamaan qabsatay halka inaga ay hal baarlamaan ina hor fadhiyeen 13 sanadood. Maadaama Sababta ugu weyn ee Doorashooyinku dib ugu dhaceen ay tahay Xeerarka cakiran ee Saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka oo mudo dheer ay ansixin waayeen golaha baarlamaanku waa in uu madaxweynuhu arintaa soo fara geliyaa oo go’aan adag ka qaataa si doorashadu waqti dhow ugu qabsoonto. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu geygeyso ” !! Allaa Mahada Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-02122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Wararka haatan naga soo gaaraya duleedka degmada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal culus oo u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada daga. Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa inta u dhaxeeyso deegaanada Maandheere iyo koongo ee duleedka degmada Jowhar. Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo beeraleey ah oo isku heeysto dhul beero ah oo ku yeela deegaankaasi. dagaalka ayaa galabta ilaa hadda halkaasi si toos ah uga socdo inta u dhaxeeyso Maandheere iyo koongo ee gobolka Sh/Dhexe. Maamulka Hir Shabelle ayaa isku dayaya in ay joojiyaan dagaalkaasi islamarkaasina dhinacyadaasi kala dhaxgalaan. Mid kamid ah dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya oo la hadlay Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku soo qaadeen dad doonaya in ay qaateen dhul beereedyo ay leeyihiin. Hoos ka Dhageeyso wareeysiga waxaa wareeystay Wariye Cowke oo PP Katirsan https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Wareeysi-Dagaal-Duleedka-Jowhar-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dagaal Caawa ka soconayo duleedka Jowhar appeared first on Puntland Post.
  16. Masuuliyiin sar sare oo katirsan ONLF ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jig Jiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Afhayeenka ONLF Cadaani Hirmooge oo la hadlay wariyaasha ayaa faah faahin ka bixiyay socdaal ay maanta ku tageen Jig Jiga. Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in ay tagi doonaan deegaano katirsan ismaamulka Itoobiya islamarkaasina ay la kulmi doonaan dadka deegaanadaasi. Mar wax laga weeydiiyay in ay ka tanaasulayaan fikirkoodii ayuu sheegay in aanay ka tanaasulin fikradooda hayeeshee ay joojiyeen dagaalkii ay wadeen. Dhowaan ayeey aheyd markii heshiis ay wada gaareen Itoobiyo iyo ururka ONLF oo dagaal muddo dheer kula jirtay dowlada Itoobiya. Hoos ka Dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/cadaani-hirmooge.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Cadaani Hirmooge ” Si fiican ayaa naloogu soo dhoweeyay Jig Jiga” appeared first on Puntland Post.
  17. Dableey hubeeysan ayaa rasaas qasaare geeystay ku furay gaari ay saarnaayeen dad rayid ah duleedka deegaanka Godin-labe ee gobolka Gal-Gaduud. 1 ruux oo dumar ahaa ayaa ku dhintay rasaastaasi tiro ku dhow 5 ruuxna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray rasaastaasi. Cabdisalaan Axmed Mire oo ah gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi oo la hadlay Puntland Post xafiiska warqabadkeeda ee Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu falkaasi u dhacay. Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan sida ay u soo qaban lahaayeen kooxahaasi falkaasi geeystay. Gobolka Gal-Gaduud ayaa dadka ku safraya waxa ay la kulmaan dhibaatooyin ay u geeystaan kooxo burcad ah oo dhibaatooyin u geeysta dadka safarka ee ku socdaalaya deeganada kala duwan ee gobolkaasi Gal-Gaduud. Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Waxaana Wareeystay Wariyaha PP ee Muqdisho Cowke https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Wareeysi-Cabdisalaan-Axmed-Mire-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dableey hubeeysan oo rasaas ku furay dad shacab ah Gobolka Gal-Gaduud appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada ayaa sheegaya in nin uu xaday gabar uu awoowe u ahaa kadib markii uu sheeko uu ka qaato soo dejiyey, sida hooyada dhashay gabadha ay sheegtay. Odayga oo magaciisa lagu koobay MAQSUUD aya la sheegay inuu dhawaan dibadda kasoo laabtay, waxaana uu afduubay gabadha uu ku sugneyd guriga ay ka degenaayeen xaafadda Midnimo ee deegaanka Siinka Dheer. Odayga ayaa tagay Xaafadda Ubax oo ah hooyada Gabadha Dhashay oo uu abti u ahaa, waxaana gabadha uu kasoo kaxeeyay guriga isagoo markii ugu dambeysay sheegayay inuu Talaal caafimaad geynayo. Waxaa markii uu soo qaaday kadib laga wacay taleefankiisii gacanta, waxaana uu u sheegay Hooyo Ubax inay ka sabarto gabadha, “Ka sabar Gabadhaan Mid kale alle haku siiyo”, kadibna wuxuu dansaday taleefankiisii oo ilaa iyo hadda dansan. Warar soo baxaya oo dadka deegaanka ay isla dhexmarayaan ayaa sheegaya in odayga uu dhaqaalo ka doonayo gabadha uu abtiga u yahay, walow aan ilaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn halka uu la aaday Gabadha yar. Waa dhacdo ku cusub dadka deegaanka Siinka Dheer, laakiin magaalada Muqdisho waxaa marar badan ka dhacay in la afduubto caruurta kadibna oo xubnaha muhiimka ah lagala baxo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi indha qarshe ayaa galinkii dambe ee maanta kulan Muqdisho kula qaatay ciidamada cutubyo katirsan ciidamada Miltariga dowlada Soomaaliya. Indha Qarshe ayaa la kulmay guutada 14-ka Octobar oo ah dhalinyaro dhameeystay waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacada oo dhowaan ku biiray ciidamada Milatariga Soomaaliya. Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidamada in ay qaadaan howlgal culus islamarkaasina dalk ay ka saaraan Al-shabaab. Saraakiisha ciidamada ayaa balan qaaday in ay qaadayaan howlgalo culus oo ka dhan Kooxda Al-shabaab . Hoos ka Dhageeyso Codka Taliyaha https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Taliyaha-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya oo fariin u diray ciidamada Miltariga appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)– Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah xorriyaddiisa dib ayaa sheegay in uu u xirnaa sifo sharci daro ah. Wariyaha oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inuu u xirnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisoow oo uu ku eedayay inuu kasoo horjeeday xorriyada hadalka. Nuur Imaaciil Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo cuskaday xarigiisa, isla markaana wax danbi ah lagu waayay. Wuxuu u mahad celiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo uu ka mid yahay iyo Xildhibaan Saadaq Macallin C/kariin, wariyeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo sii deyntiisa ka qeyb qaatay. Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, wuxuuna baraha bulshada uu kusoo bandhigaa afkaartiisa ku aadan dulduleelada siyaasadeed ee dalka ka jira. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  21. A suicide car bomb has gone off at a checkpoint near Somalia’s parliament and interior ministry in the capital Mogadishu on Sunday afternoon, killing at least one and injuring 2. The bomb exploded at the heavily guarded area and a police checkpoint. The latest reports said a civil servant was killed after a bomb under his car went off while driving on the busy Makka Al Mukarama road in Mogadishu. The police sealed off the scene following the explosion and removed the wreckage of the car from the area, allowing then the public movement and transportations. Al Shabaab is blamed for the attack targeting the government official. The post One dead, two injured in Mogadishu bomb explosion appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, oo u ku sheegay in Somaliland laga abaabulo qaraxyo. Mustafe Cagjar ayaa sheegay in meelo ay Somaliland ka mid tahay laga soo abaabulayo qaraxyo laga fuliyo Itoobiya, isagoo sheegay inay abaabulayaan dad ka tirsanaa nidaamkii hore ee Itoobiya. Eedda Mustafe Cagjar Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa isagoo eeddo u jeedinaya Somaliland wuxuu yidhi “Qaar baa jira meelahan jaarka ah Somaliland, Puntland iyo Jubaland jooga oo iyaguna wali soo abaabulaya qaraxyo oo xidhiidh la sameeyay Al-shabaab oo iyagana laga war hayo markaas iyada oo la raacayo booliska adduunka sidii arintaas loo wajihi lahaa ayaanu ka shaqaynaynaa, marnaba ma dhacayso dadkii masaakiinta ahaa ee halkan joogay dadkii ciqaabayay in hantidii ay boobeen ay la tagaan dibada ay ku noolaadaan oo ay meelahaas ku haystaan wax dhici karaysa maaha.” Jawaabta Somaliland Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay eeddaas. Waxaa Wasiirka oo u waramay telifishanka Bulsho uu yidhi “Somaliland caalamka oo dhami waa uu u war hayaa oo waa la’la socdaa xaaladeeda meel ay argagixiso ka jirto maaha cida ugu weyn ee la dagaalantay ee ka saartay dalkeeda ee 27 sanadood maalin ayay wax ka dhaceen inta la og yahay caalamkuna waa uu la socdaa markaas qofkii arimahaas ka hadlaa waa qof ujeedo kale leh ama ay si kale ka noqotay. Markaas arintaasi khalad u dhacdayaa iyo badheedh u dhacdayaaba waxaanu u aragnaa inay tahay arin aan meesha ku jirin oo khaldan.” Wasiirka oo la waydiiyay inay arintaas caalamka kala hadleen arrintan waxa uu yidhi“Aritaas dawladu waa ay ka hadashay, waraaqo iyo si kaleba waa laga wada hadlay” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  23. Hoggaamiyihii sare ee jabhadda ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee xarunta dowladd deegaanka [...] Source
  24. Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax culus oo galabnimaddii maanta oo Axad ah ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee degmada Xamar-wayne ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Inta la xaqiijiyay hal ruux oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Xoogi Jaamac, oo ahaa Agaasime waaxeed ka tirsan Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta, islamarkaana gaariga waday, ayaa ku geeryooday. Ma jirto illaa iyo haatan koox dhabarka saaratay masuuliyadda qaraxaan, oo meesha uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo isku socodka saacado hakad geliyay. Xukuumada Soomaaliya kama aysan hadlin sidoo kale qaraxaan iyo masuulka la tilmaamay in lagu dilay. Waa qaraxii ugu horeeyay ee bishaan December ka dhaca magaalo madaxda dalka, oo amnigeeda uu ahaa maalmihii aynu kasoo gudubnay mid ay si wayn usugayeen ciidaamda dowladda. The post Khasaaro ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article