Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,041
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Astaamo badan ayaa muujinaya in shidaal badda Soomaaliya(Indian Ocean) inuu ku jiro. Astaamahaas waxaa ka mid ah badda sal keeda inuu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado asagoo dareere ah ama hawo (gas) ah. Dayax-gacmeedya baara dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaas ka jiro. Taas waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baareyaasha /sahmiyeyaasha in badda salkeeda dhulka ah in khayraad dabiici yallaan. Baaristii Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fariisan) ee leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin. Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo. Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku aaddan Jubbaland, KG, Benadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baarista jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Horay botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku jiro badda hoos teeda. Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen. Shirkadaha Soomaaliya heshiis la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Askarta ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988. Heshiis kaas weli wuu jiraa maadaama ay Shirkadahaas ay waajibaad kooda ay gudanayaan oo ay la shaqeeyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Shirkadahaas wuxuu gaarayaa badda ay ka shaqaynayaan min Bandar Bayla ilaa Marka badda aan moolka ahayn. Waxaa kaloo heshiis nooc kale ah Soomaaliya hadda kula jirta Soma Oil and Gas. Heshiis kaas wuxuu sheegayaa in ay Soma ka bixiso Somalia qarashka baarista badda, iyadana la siiyo 12 balook ama 60,000 km2. Soma way qabatay waajib keedii marka loo fiiriyo heshiis kii ay la gashay Soomaaliya; laakiin Soomaaliya ayaa laga rabaa inay dhiibto 12 balook oo la baarayo lana qodayo. Soma waa shirkad yar oo aan dhaqaale ahaan awoodin inay qabato shaqadaas. Sidaas awgeed waxay ku wareejinaysaa hawshaas shirkado awood leh dhinaca teknoolojiyada, dhaqaalaha , lehna khibrado hawlahaas lagu fuliyo. Wareejinta ayay ka faaiidaysaa oo “farm-out” sammaynaysaa. Lacagta ay ka sammaynayso ayaa balaayiin ka badan intii iyada ka gashay oo ay sheegato inay tahay 43 Milyan USD. Meeshaas waaye meesha laga rabo inay Soomaaliya ka digtoonaato. Soma Oil and Gas waxay isu diyaarisay July 2018 ka dib inay hawsha la wadaagto shirkado sida Total ama ONGC (Oil and Natural Gas Corporation Ltd of India) iyo Tullow Oil. Haddii Farm-in ama Farm-out sammaynayaan, waa in Capital Tax Gain fiican la dul saaraa, oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo hindistaa. Sida iminka uu xaalku yahay, shirkadaha kale ee badda Soomaaliya xiisaynaya waxaa ka mid ah Liberty ama Petro Quest (Arizona, USA) oo rabta inay Dawladda Federaalka la gasho heshiis Soo-saar Wadaag. Shirkadaha Total (France) iyo ENI (Talyaani) damac weyn ayaa ku jira inay Soomaaliya la galaan heshiisyo baaris iyo soo-saar shidaal. Shirkadaha heshiiska la galo dowladda federaalka ah marka lag soo tago waxaa jira shirkado kale oo heshiis gaar ah la galay dowlad goboleedyada iyo Somaliland. Si shirkadahaas loola falgalo, Soomaaliya waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeerhoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadayo Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada (oo u baahan in la qoro). Sidaas awgeed, lama dhayalsan karo hawlaha loo baahan yahay inaan la qabanin oo lagu boodo heshiisyo ka soo gaaraya Soomaaliya khasaare sannado badan soo socota. Heshiisyada batroolka waa muddo dheer (long-term agreements) oo gaaraya 25 sano. Taxadir iyo habsami waa in hawlaha loo galaa, oo si-diyaarinta xoog badan la saaraa. Goobjoog News, Xogtan waxaa ay u gaar tahay Goobjoog News, lama qaadan karo xigasho la’aan Si, Akhri Goobjoog News Iyo Qormooyin La Xiriira Shidaalka: Ka Hor Shirka London, Wax Ka Ogow Soma Oil and Gas iyo Qandaraaska Shidaalka Soomaaliya Wax Ka Ogow, Habraaca Ay Soomaaliya Ku soo Saari Karto Shidaal Source: goobjoog.com
  2. Madaxweyne Gaas ayaa lagu wadaa inuu maalinta berrito ku dhawaaqo guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada, kuwaas oo si aad ah loo wada sugayo magacaabidooda [...] Source
  3. Maamulka gobolka Banaadir ayaa 25-November dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose xamar ama Muqdisho City Club oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo ka mid aheyd kooxaha ugu weyn kubbadda cagta dalka sanadihii lasoo dhaafay wax qabad wanaagsan kusoo bandhigtay tartamadda kubbadda cagta gudaha,Jaamacada carabta,Bariga iyo Bartamaha. “Dib usoo nooleenta kooxda Dowlada Hoose ee Muqdisho waxa ay qaadtay mudo afar sano ah waxayna soo wada martay gudoomiyaasha kala duwanaa ee soo maray xafiiska Gobolka Banaadir waan u mahad celinaynaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay dib usoo celinta kooxda dowlada hoose ee Muqdisho”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha u sheegay la tilyaha isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar). Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxda caasimada oo marar badan codsaday soo celinta magacii taariikhiga ahaa ee Muqdishio City Club ayaa u mahad celiyay shaqsiyaadkii gacanta weyn ka geestay arintan,iyagoo dhinaca kale balan qaaday in ay diyaar u yihiin talo iyo horomar ku aadan kooxdoodii ay usoo ciyaareyn. “Waxaa jiro heshiiyo ay horay u galeyn kooxda dowlada hoose ee Muqdisho iyo naadiga Ac-Milan oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn kubbadda cagta dalka Taliyaaniga waxaan gacanta ku hayaan heshiiyo badan oo horay u dhaxmaray labada dhinac iminka waxaan doonaynaa in aan dib usoo celino dhamaan kaalintii ay kooxda caasimada ay ku laheyd caalamka iyo dalalka dariska ah ee Afrika”waxaa sidaas Goojoog uga waramaya Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo la tilyaha isboortiga Gobolka Banaadir. Naadiga dowlada hoose ee Muqdishio waxa ay ku guulaystay 3-jeer oo horyalka kubbadda cagta iyo 3-jeer oo koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse,halka intii u dhaxaysay 1986-1987 ay magac ahaan ku matashay xulka qaranka da’yarta kubbadda cagta,iyagoo kaalin wanaagsan kasoo hooyay ciyaarihii ay ka qeyb galeyn. “Fursada ugu weyn ay haystaan xidigaha iyo macalimiinta iminka ku dheelya magaca dowlada hoose ee Muqdisho ayaa ah in ay helaan xaquuq rasmi maadaama Gobolka Banaadir dhaqaalo soo galo lagu maamulo dhamaan gobolada dalka tani waaa guul iyo horomar ku aadan horomarinta ciyaaraha Gobolka Banaadir” waxaa Barnaamijka Xeyndaabka u sheegay Daa’uud Axmed Dheere oo ah layliyaha kooxda kolayga ee Muqdisho. Horaanta sanadka cusub ee 2019 ayaa laga yaabaa in kooxda dowlada Hoose ee Muqdisho ay la ciyaarto kooxda Dekedda Somali Supper Cup madaama kooxdii hore ee Banaadir SC ayaa hanatay koobka Jeneraal Daa’uud,halka wiilasha Dekedda ay iyagana labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay ay ku guulaysteyn horyaalka Somali Premier Legaue waana tijaabada uga horeesaya ee laga sugayo kooxda dowlada hoose ee Muqdisho. Halkaan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Dib Usoo Celinta Kooxda Dowlada Hoose Ee Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  4. Musharax Cali Xaaji Warsame, oo u taagan xilka madaxweynaha dowladda Puntland ee 2019, ayaa maanta si balaaran loogusoo dhoweeyay magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland. [...] Source
  5. Dalka Qatar ayaa maanta oo isniin ah sheegay iney isaga baxayaan ururka dalalka shidaalka soo saara ee OPEC, maalmo kadib kulan dhex maray shirkadda iyo xulafadeeda. Isaga oo shir jaraa’id ka hadlayey wasiirka tamarka Qatar Sacad al-Kaabi ayaa sheegay in dalkiisa uu ka bixi doonno OPEC January 1, 2019, taasi oo soo afjareysa urur ay xubin ka ahaayeen nus qarni. Sababta waxaa ay Qatar ku sheegtay si ay u wanaajiso kaalinteeda iyo istaraatiijijad ku saabsan dib u habeyn oo muddo dheer ah. Qatar inkasta oo ay ka mid tahay dalalka ugu yar xagga wax soo saarka shidaalka marka la barbardhigo Sacuudiga, waxaa ay kaalinta 1aad uga jirtaa wax soo saarka gaaska dabiiciga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Warsaxaafadeed. Ku : dhamaan Gudoomiyeyaasha Waxbarashada Gobolada Puntland. OG: Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Waxbarashada Puntland. OG: Dhamaan Maamulayaasha Iskuulada Dugsiyada Hoose/dhexe iyo sare. OG: Agaasime waaxeedadda Wasaarada [...] Source
  7. Nairobi (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa warbixin ka qoray habka dhaqanka Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan marka hore soo bandhigin aragtidooda hogaamineed, balse marka doorashada soo dhawaato usoo hanqal taaga hogaaminta dalka. Siyaasiga, ayaa sheegay in hab dhaqankaasi kaliya laga helo Soomaaliya, isaga oo sheegay inay taasi cadeyn u tahay in shaqsi walbaa oo aan soo bandhigin aragtidiisa sanado ka hor doorashada, inuu doonayo kaliya talada dalka oo xalka dalka uusan dooneyn. Hoos ka akhriso qoraalka Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur:- Dawladnimada casriga ah ee dunida maanta ka jirta iyo hannaanka siyaasadeed ee Dimoqaraadiga ahi waxay ku dhisan yihiin in siyaasigii han kaga jiro hogaan heer qaran ama gobol in uu bulshadu u soo bandhigo aragtidiisa iyo mowqifkiisa ku aadan waxa dalkiisa ama deegaankiisa ka dhacaya. Hadii uu ku qanacsan yahay sida ay wax u socdaana waa in uu ku taageeraa oo uusan ka bakhaylin hogaanka talada haya heer Qaran ama Gobol. Hadii uu ka aragti duwan yahayna waa in uu dhaliisha uu qabo iyo mowqifka uu kaga duwan yahay si hufan u soo jeediyaa. Maan gal maaha in uu yiraahdo ma jirto wax aan dhaliilay ama la dhacay, mowqif ma lihi meel dhexaan taagnahay . Soomaaliya keliya uun bay ka suurowdaa in aad saacadaha ugu danbeeya soo dhacdo adigoo ku doodaya aniga kaga haboon kan hoggaanka haya, iyadoo aysan jirin wax aad dhaliishay iyo mowqif aad dhibsatay ama aad ku taageetay oo aan ka ahayn in aad kursi rabto oo keli ah. Waa tan keentay in siyaasadeenu ay noqoto saadaal la’aan, saacadaha ugu danbeeya, saf wada siman iyo nasiibku wuxuu kaa siiyo oo aysan aragti, mowqif, wax aad u taagnayd aysna macno ku fadhiyin. Tani kuma eka hogaanka heer qaran oo keli ah, bal eeg Puntland iyo Koonfur Galbeed. Imisa musharax ayaa taagan oo aysan jirin cid horay u maqashay aragti ama mowqif ay Gaas ama Shariif Xasan kaga duwanaayeen, ku dhaliileen, ama ku taageereen oo aan ka ahayn in ay kursiga uun ka kacsan rabaan. Haddaba, annigoo taa ka duulaya ayaan waxaan halkan ka bogaadinayaa Gudoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qadir Cosoble oo soo bandhigay aragtidiisa ku aadan wixii soo dhacay iyo xaalka uu maanta dalku marayo. Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa sida uu uga hadlay weerarkii xadgudubka ahaa ee sanad ka hor lagu qaaday hoygayga Muqdisho. Haddaba hadii uu hankaagu yahay hogaan heer dal ama deegaan oo uusan hoos ka tuur kale jirin cadeey aragtidaada iyo mowqifkaaga si Shacabku u ogaado waxa aad qabto iyo halka aad taagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimad@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro ayaa waxa uu guddoomiyaha gobolka Awdal u magacaabay Maxamed Aadan Suldaan. Halkan hoose ka akriso: Source
  9. Wararka laga helayo degmada B/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in gudaha degmadaas dabley hubaysan ay toogasho ku dileen mid ka mid Saraakiisha ciidamada Nabad sugidda ee ka howlgala degmadaasi sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen xubno ka tirsn Maamuka degmada. Cabdi Qani Axmed Faarax oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ee degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayey Xaley goor dambe waxaa toogasho ku diley Labo nin oo ku hubeysan Bistoolado,iyagoona dilka ka dib halkaasi ka Qaatey Qori Ak47 oo uu ku hubaysnaa sarkaalkaasi. Dableydii dilka geysatey ayaa durbadiiba goobta isaga baxsadey,waxaana maanta Baladxaawo ka soconayaan baaritaanno ay sameynayaan Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Reports from Jowhar indicate that the fighting took place at the outskirts of the town, which is the regional capital of Middle Shabelle. The tension which is brewing between two tribal militias who fought in the area in the past few days forced many families to flee their houses and seek shelters nearby villages. Meanwhile, Somali military forces were reported to have left for the battle zones to de-escalate the tension and prevent the continuation of the war in Mandheere and Kongo. Abdullahi Mohamed, one of the Somali military commanders in the region, told Radio Shabelle that the two sides welcomed the peace efforts by the Somali government. The post Tension brewing on the outskirts of Jowhar following battle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Laascaanood)-Maayarkii hore ee magaalada Laascanood isla markaana iminka ah xildhibaan ka tirsan golaha deeganka ayaa waxaa uu sheegay in uu dhaliilsan yahay safarkii madaxweyne Biixi ku yimid gobalka Sool isaga oo sabab uga dhigay in madaxweynuhu aanu waxba xadhiga ka jarin waxna aanu dhagax dhigin intii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Ohio)-Saraakiisha Booliiska gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa baadhitaan ku wada sababta ka danbeysay gaadhiga labo gabdhood oo walaalo ahaa oo shil baabuur ku geeriyooday habeenkii Axad ee todobaadkan. Labada gabdhood ayaa lagu kala magacaabi jiray Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed, waxaa sidoo kale shilka uu dhaawac ka soo gaaray Amina Maxamed oo ay walaalo ahaayeen hablaha geeriyooday. Baaritaan hor dhac ah oo ay saareen saraakiisha Booliiska ayaa sheegaya in gabdhahan uu shilka ku dhacay kaddib markii gaarigooda oo xowli sare ku socday uu ku dhacay gaari kale. Saddexda Gabdhood ayaa la sheegay in ay ka soo laabteen booqasho ay ugu tageen dad ay asxaab ahaayeen waxaana waqtiga uu shilkan ku dhacay ay ku soo socdeen gurigooda. Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid labada Gabdhood ee walaalaha ah oo la sheegay markii ay shilka galaayeen in ay booqasho ka yimaadeen. Dhawaan ayeey aheyd markii Labo Gabdhood oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay Mareykanka, ka dib markii goob wabi ah ay kula dhaceen gaarigii ay wateen. Source
  13. (SLT-Qaahira)-Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Masar, Dr. Daariq Al-mala ayaa shaaca ka qaaday inay Khubaro u soo diri doonaa dalka Soomaaliya, si ay sahmin ugu sameeyaan Kaydadka Shidaalka ee Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geystaan Soo-saarka Shidaalka. Wasiir Daariq Al-mala waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya, Md. C/rashiid Maxamed oo maalmahan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Wasiir C/rashiid Maxamed oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu ka codsaday dhigiisa dalka Masar inay Somalia u soo diraan Khubaro gacan ka geysta Sahminta iyo Soo-saarista Shidaalka iyo Kheyraadka Dabiiciga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Somalia leedahay xeebta ugu dheer ee Qaaradda Afrika, isla markaana ay ku jiraan Kaydadka dihan oo Shidaaal iyo Gaaska Dabiiciga. Source
  14. (SLT-Yeman)-Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa daad gurayn doonta dagaalame yaal ka dhaawacmay jabhadda Xuutiyiinta, sida ay sheegeen xulafada la dagaalamaysa jabhadda. Arrintan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiso kalsoonida ka hor wadahadallada ay labada dhinac yeelanayaan. Konton jabhad oo dhaawac ah ayaa lagu wadaa in laga qaado magaalada caasimadda ah ee Sanca taas oo ay gacanta ku hayaan Jabhaduhu, iyaga oo galinka dambe ee maanta la gayn doono Caman. Wadahadallada ay Qaramada Midoobay taageerayso ee u dhaxeeya jabhadda iyo dawladda uu Sacuudigu taageerayo ayaa lagu wadaa in uu dhaco maalmaha foodda inagu soo haya. Dagaalkan ayaa horseeday mashaakilkii banii’aadminimo ee ugu xumaa adduunka ee dhaca taariikhda dhaw. Dagaalka afarta sano ku dhawaadka ka socda Yemen ayay ku dhinteen kumannaan dad ah, malaayiin dad ahna waxay qarka u saaran yihiin macaluul. “Diyaaradda Qaramada Midoobay ayaa Isniinta ka dagi doonta garoonka caalamiga ah ee Sanca. Saddex dhakhtar oo Yemen u dhashay iyo dhakhtar Qaramada Midoobay ka socda ayaa dhaawacyada ka qaadi doona Sanca waxayna gayn doonaan Masqad.” Sida uu sheegay qof habeennimadii u hadlay xulafada. Wuxuu sheegay in tallaabadan uu codasaday Martin Griffiths oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, arrintaasna la isku agfartay si kalsooni loogu helo shirka Sweden ka dhacaya. Source
  15. (SLT-Washington)-Warbixin ay daabacday CNN ayaa lagu sheegay in fariimo ay isku weydaarsadeen WhatsApp Khashoggi iyo Cumar Cabdulcaziz oo ah arday ku nool dalka Canada inay iftiimin karaan dilka weriye Khashoggi. CNN oo heshay illaa afar boqol oo farriimo oo ay is weydaarsadeen Cumar iyo Khashoggi ayuu mid ka mid ah fariimahaas waxa uu weriyaha la diley ee Khashoggi ku tilmaamay dhaxalsugaha Sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman inuu yahay bahal aan cidna deyneyn xitaa kuwa taageerayaasha u ah. “Xariga waa mid aan loo meel dayin,waana kaligii taliye jecel xoog iyo cadaadis, waa sida bahalka oo kale oo jecel marwalba inuu wax cuno,lamana yaabayo in cadaadiska uu gaaro xitaa kuwa u sacaba tumaya iyo kuwo kalaba Allaa wax og,”ayaa ka mid ahayd farriimaha uu direy Khashoggi. Farriimahan oo uu Cumar Cabdulcaziz tusay CNN ayaa waxaa ka mid ah codad,sawiro iyo muuqaalo iyadoo qoraaladuna ay kashifayaan in labadooda ay qorsheynayeen inay sameeyaan dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo aalada internetka ku shaqeeya. Cumar Cabdulcaziz ayaa aaminsan in fariimaha ay is weydaarsanayeen dhexda loo galay oo ay boqortooyada Sacudi Carabiya ogaatay bishii August taasna ay u fududeysay shirkad laga leeyahay Israel. Cumar ayaa doonaya hadda in uu dacwad sharciga ah la tiigsado shirkada sameysay aalad lagu jabsaday taleefankiisa. “Jabsiga mobaylkeyga ayaa ahayd sababta ugu weyn ee keentay in la dilo Khashoggi.”ayuu CNN u sheegay Cumar Cabdulcaziz. Abdulaziz ayaa bilaabay inuu ka soo horjeesto isagoo arday ah kuna sugan dalka Canada,waxana ay boqortoyada Sacudiga ay kala laabatay deeq waxbarasho oo ay hore u siisay balse waxaa u oggolaaday in uu waxbarashadiisa sii wato dowlada Canada iyadoo saddex sano kadibna siisay magangalyo uu ugu noolaan karo dalka Canada. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Askari ka tirsanaa ciidamada NISA dhaawac daranna uu kasoo gaaray weerarkii Sanad ka hor ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2, ayaa waayay shaqadiisa kadib cabasho uu muujiyay. Askarigaan oo magaciisa ku koobay Nuur Samawade, ayaa sheegay in dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Naasa Hablood 2, Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay. Dhaawaciisa ayaa la geeyay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada Muqdisho, laakiin waxay siiyeen daawooyin kaalmaati ah, Maadaama sida uu sheegay lagu wargeliyay inaan dalka dhaawacyadiisa qaar wax looga qaban karin. Kadib Wareysi uu bixiyay oo uu kaga hadlayay xaaladiisa caafimaad ayuu ku dalbaday inaan la dayacin xaaladiisa, isaga oo ka dalbaday hay’ada ay quseyso inay wax u qabato, maadaama sida uu sheegay uu kasoo baxay waajibaadkii saarnaa. Maalmo kadib ayuu markale kasoo muuqday warbaahinta isaga oo sheegay in cabashadiisii ay sababtay in laga qaado ID-Card kii Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, laguna wargeliyo in shaqada laga ruqseeyay. Waa Niyad Jab iyo dhibato kale oo ciidamada ay la kulmaan marka ay ka dhamaadaan gudashada waajibadka saaran ayuu yiri Nuur Samawade “Marka aan caafimaad qabay waa la ii baahnaa, hadda oo aan dhaawacmayna waa lay tuuray”ayuu hadalkiisa kusii daray. Ma jiro jawaab dowladda iyo hay’adaha ay quseyso ay siiyeen Samawade, balse waxaa jawaab looga dhigay in shaqada laga joojiyay isaga oo dhaawac ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. (SLT-Taliban)-Mid ka mid ah abaanduulayaasha sarsare ee kooxda Taliban ayaa lagu dilay duqayn ay Mareykanka ka fuliyeen dalka Afqanistan. Mullah Cabdul Manan Akhund ayaa ahaa ” barasaabka “iyo madaxa militariga Taliban ee gobolka Helmand. Waxaa lagu dilay hogaamiyahani degmada Nawzad oo ka tirsan gobolka Helmand habeenimadii Sabtida ,sida ay sheegeen saraakiisha maamulka gobolkaasi. Kooxda Taliban ayaa waxa ay dhimashadiisa ku tilmaameen “jab wayn oo soo gaaray”. Balse waxa ay sheegeen in dilkiisa aysan ka hor istaagi doonin dadaalka ay ugu jiraan in ay dib ula wareegaan guud ahaan dalka Afqanistan. Afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha ee Afqanistan Najib Danish ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dhimashada Mullah Cabdul Manan ay jab wayn ku tahay Taliban “ayna hoos u dhigi doonto niyadooda”dagaalka ay ka wadaan Koonfurta dalkaasi. Gobolka Helmand ayaa ah goobtii ay ciidamada Britain ku sugnaayeen muddo 8 sano ah ka hor intii aan laga soo daadgureyn 2014. Qaybo badan oo gobolkaasi ka mid ah ayaa waxa imika gacanta ku haya kooxda Taliban. Baaritaan ay BBC samaysay horraantii sanadkan ayaa muujinayay in Talibaan ay dhul badan la wareegeen tan iyo 2014. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in 15 milyan oo qof oo ah kala bar dadka dalkaasi ay ku nool yihiin dhulka ay gacanta ku hayaan Taliban . Source
  18. (SL-T Hargaysa)Dowlada Dalka Sweden AyaaUgu Deeqday Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Qalab Kala Duwan oo Iskugu Jira Doonyaha Ilaaliya Badda Iyo Gadiid Kale, Source
  19. (SL-T Nairobi)-Dowlada Tallyaaniga ayaa bilowday inay wadahadal la gasho xubno la aamisan yahay inay Al Shabaab yihiin oo Kenya kasoo afduubay haweenay u dhalatay dalkaasi, sida warbaahinta Kenya ay baahisay. Al Shabaab ayaa 20-Kii Bishii lasoo dhaafay deegaanka Chakama kasoo afduubay haweeney lagu magacaabo Silvia Romano oo udhalatay dalka Talyaaniga, waxaana la rumeysan inay dhanka Soomaaliya lasoo aadeen. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadka Afduubay haweeneyda, balse dowladda Talyaaniga ayaa dooneysa in wadahadal lagu soo daayo haweeneyda, taasina ay sabab u tahay wadahadal ay la bilowday kooxda Al Shabaab oo afduubta ka dambeysay. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in kooxaha afduubka geystay ay la aadeen haweeneyda deegaanka Booni ee Keynta ah, waxaana socda baaritaanka lagu badbaadinayo haweeneyda. Source
  20. (SL-T Israel) – Madaxa madhabta Evangelical-ka ee Kirishtan ee dalka Mareykanka Joel Rosenberg, ayaa shaaciyey in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu u ballan-qaaday in kaniisado laga dhiso dhulka labada masjid ee barakeysan, balse uu waqti siiyo. Rosenberg oo ah nin u ololeeya, si aad ahna u difaaca Israel, ayaa wareysi uu siiyey teleefishinka Israel ee i24 ku sheegay in kulan uu Bin Salmaan bishii October kula yeeshay Riyadh uu kala hadlay sidii kaniisado looga furi lahaa Sacuudiga. Rosenberg ayaa sheegay in Maxamed bin Salmaan uu ballan-qaaday inuu arrintan kala hadli doono culimada, si uu ogaado waxa diinta ka qabto. “Wuxuu ii sheegay in kaniisad la furo waqtigan ay hadiyad u noqon karto Al-Qacida, balse wuxuu codsaday waqti dheeri ah iyo inuu ka shaqeynayo arrintan” ayuu yiri Rosenberg. Bin Salmaan ayaa waftiga kirishtan-ka ku marti-qaaday Riyadh, bishii October, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu ku doonayo inuu reer galbeedka ugu muujiyo inuu yahay is-beddel doon diyaar u ah inuu dunida la macaalimo, sidoo kalena xiriir wanaagsan la yeesho Israel. Rosenberg waa mid ka mid ah taageerayaasha ugu weyn Israel, wuxuuna mar la-taliya dhinaca warbaahinta ah u ahaa ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Ninkan ayaa horey u daabacay buug uu ugu magac daray “The Torah and Damuscus” oo ku baaqaya in la burburiyo caasimadda dalka Syria, si loogu guuleysto damaca kirishtanka ka hor soo bixitaanka waxa ay ku sheegaan “bad-baadiyahooda”. Buugaas ayaa ka mid ahaa kuwii loogu iibsiga badnaa Mareykanka sanadii 2016. La-kulanka Maxamed Bin Salmaan, ee Rosenberg – oo ah nin sidoo kale lacag u ururiya ciidamada Yahuudda ee haysta dhulka Qudus – ayaa ka careysiiyey muslimiin badan. SomalilanToday.Com Source
  21. Muqdisho (SL-T Djibouti)-Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu dhex maray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iy kaaliyaha arrimaha dibadda Mareykana u qaabilsan Africa. Tibor P. Nagy, oo Safar ku maraya dalalka Geeska Africa ayaa madaxweyne Geelle kala hadlay seddex arin oo ay kamid tahay isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iy Eritrea ay hormuudka ka yihiin. Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya iyo dagaal xuduudka u dhaxeeyay Eritrea iyo Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa waxyaabaha labada masuul ay ka wada hadleen, waxaana madaxda Jabuuti ay sheegeen in wanaag uu kusoo dhamaaday Shirka. Dowladda Mareykanka ayaa il gaar ah ku heysa isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia ay wadaan, maadaama Mareykanka uu dagaal dhaqaale kula jiro Dowladda Shiinaha oo saameyn ku leh geeska Africa. Jabuuti Ciidamo ka socda kuna howlgala Magaca AMISOM ayaa ku sugan Bartamaha Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegayaan in ballanqaadyo lagu hormarinayo Ciidankaas ay ka heleen Mareykanka. Dowladaha Sudan, Kenya, Uganda iyo Jabuuti ayaa doonaya dhankooda inay qeyb ka noqdaan isbadalka geeska Africa, waxaana madaxda dalalkaasi ay kulamo la qaateen madaxda dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia, si qeyb kaga noqdaan isbadalka geeska Africa. SomalilandToday.com Source
  22. Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa lagu sheegay in dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo maalmihii la soo dhaafay hakad ku jiray. Ugu horreyn hay’adda ayaa shaacisay in ay aad uga xun tahay mudada kooban ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin ka bixisay arrintaasi. Sidoo kale war ka soo baxay Hay’adan ayaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay wadeen horumarin iyo dib u habeyn lagu sameynayay habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah, lana bilaabi doono bixinta baasaboorka maalinta Talaadada ah ee soo socota kuna beegan 4ta December’. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa xarumo ka furtay magaalooyin dalka ka mid ah kuwaasoo laga qaadan karo Baasaboorka Soomaaliga ah, waxayna taasi u fududeysay shacabka in iyagoo aan imaan caasimadda in gobolada ay ku sugan yihiin ku helaan baasaboorka, iyadoo loo qabanayo adeegyada ay u baahan yihiin. The post DFS Oo shaacisay xilliga dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Tallyaaniga ayaa bilowday inay wadahadal la gasho xubno la aamisan yahay inay Al Shabaab yihiin oo Kenya kasoo afduubay haweenay u dhalatay dalkaasi, sida warbaahinta Kenya ay baahisay. Al Shabaab ayaa 20-Kii Bishii lasoo dhaafay deegaanka Chakama kasoo afduubay haweeney lagu magacaabo Silvia Romano oo udhalatay dalka Talyaaniga, waxaana la rumeysan inay dhanka Soomaaliya lasoo aadeen. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadka Afduubay haweeneyda, balse dowladda Talyaaniga ayaa dooneysa in wadahadal lagu soo daayo haweeneyda, taasina ay sabab u tahay wadahadal ay la bilowday kooxda Al Shabaab oo afduubta ka dambeysay. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in kooxaha afduubka geystay ay la aadeen haweeneyda deegaanka Booni ee Keynta ah, waxaana socda baaritaanka lagu badbaadinayo haweeneyda. Dowladda Talyaaniga ma sheegin halka uu marayo wadahadalka, haddii ay madaxfurasho weydiisteen qolada wax afduubtay iyo in uu guuleystay wadahadalka. Al-shabaab oo lagu eedeeyay afduubkaas wali kama hadlin, waxaana kaliya ku eedeysay Dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  24. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Cabdalla Maxamed Aadan oo ka mid ah siyaasiyiiyinka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa baaq culus u diray guddiga doorashada maamulkaasi. Siyaasi Cabdalla Maxamed Aadan oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka dalbaday guddiga doorashada in ay dardar galiyaan howlaha shaqo ee loo igmaday, islamarkaana ay fiiriyaan rabitaanka shacabka ku dhaqan deegaanada K/ Galbeed. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in DFS aysan saameyn gudaha ah ku laheyn doorashadaasi, balse kaliya ay ku leedahay Talo, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Soofa.mp3 The post Siyaasi Soomaaliyeed Oo Baaq u diray Guddiga Doorashada maamulka Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article