Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,053
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tacsi Tiiranyo Leh Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajacuun Geeridu waa Xaq!!!!. Maamulka,Saaxiibada & Dhamaan Bahda Qarannews waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ehelada,Xasabada Qaraabada & Saaxiibada Qoyska Reer Xaaji Cumar,Khaas ahaan Muqtaar Garaad Xaaji Cumar & Walaaladii oo Aabood Garaad Xaaji Cumar xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeisa,Saakana lagu aasay Xabaalaha Baqiic. Waxaanu leenahay Alla ha u raxmado Marxuum Garaad,Qabrigana ha u waasiciyo,Reer Garaad oo dhana Samir & Iiman Saadiqa haka siiyo. Mar labaad Waxaan Alle ugu baryaynaa inuu Janatul-Firdoows ka waraabiyo,Ehelka & Qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir & imaan ka siiyo. Aamiin Qaran News
  2. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka kooban siddeed xubnood oo dhamaantood rag ah. Magacyadda Guddiga 1- Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre (Guddoomiye) 2- Maxamed Cabdikariin Maxamuud 3- Burhaan Maxamuud Cilmi 4- Caydaruus Axmed Faarax 5- Axmed Cali Cabdullaahi 6- Maxamed Abshir Garaad Maxamed 7- Xaaji Xuseen Cali Xasan 8- Maxamed Cabdiqaadir Cismaan (Xoghayn) Xeerkan ayaa la sheegay in loo cuskadey xeerarkii horay loogu magacaaabi jiray Guddigan, sidoo kale laguma xusin in wax talo ah la weydiiyey musharixiinta Puntland iyo cid kale. PUNTLAND POST The post Puntland: Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka ee magacaabista golaha wakiillada Puntland. Haddaba Halkan Ka Akhriso, Magacyada Guddiga: Source: goobjoog.com
  4. ( Qeybti labaad ):Abiy Ahmed ma ka faa’ideysan doona khaladaadki u Gorbachev ku burburiyey Soviey Union ? Rushku iyo Ethiopia waxey wadaagaan sifooyin badan Bashe Cabdi Gabobe Haddaba markey bannaan baxyadi iyo qalalaasihi joogsan waayen aya 16 october, 2016 dalka lagu soo rogey xaalad deg dega, taaso sababtey in isgaadhsiinta, internetka, kulamada dadka iyo warbaahinta aad loo kontroolo dad badan na xabsiga loo taxaabo. Hasa yeeshey, kacdoonki shacbiga labada qawmiyadood Oromo iyo Amxaaro marna mu joogsan, waxaaney geyeysiisey dalka khasaare nafeed, dhaqaale, ammaan darro iyo sumcad xumo. Waxaana cambaareeyey xadgudubyada bani’aadamnimo dawladaha reer galbeed iyo hay’adaha ququuq al iinsaan ee adduunka. Haddaba markey xaaladdu halkaas mareyso ayey ka fursan weydey innu prime minister Haile Desalegn ku dhawaaqo 21 feb, 2018 innu iska casiley prime ministernimadi iyo guddoominimadi xisbiga isago qirey in loo bahan yahey hoggaan cusub oo wax ka qaban kara dhibaatooyinka jira, ilaa inta xisbigu cid u dooranayana u sii heyn doono labada xil. Waxaana loo doortey mudane Abyi Ahmed, prime minister iyo guddoomiyaha xisbiga EPRDF 2 April, 2018. Mudane Abi Axmed wuxu markiba ku talaabsadey isbedel balaadhan oo xawli ku socda oo saameyn weyn ku yeeshey Ethoipia Iyo geeska Afrika muddada gaban ee ka soo wareegtey marki xukunka dawladda Ethiopia loo caleemo saarey April 2018. Wuxu la heshiyey Eriteria isago 5 June, 2018 aqbaley go’aanki ka soo baxey shirki nabadeynta Algiers ee xabad joojinta (Algiers Peace Accord ) iyo go’aanki 2002 ay diidaneyd Ethiopia ee ay soo saartey guddida xadeynta xuduudaha Ethiopia iyo Eriteria ( Ethiopia Eriteria Boundary Commission ) ee Jamciyadda quruumaha u xil saartey oo go’aamisey in mandaqadda BADME iyo dhawr goobood oo kale ay ledahey dawladda Eriteria, Ethiopiana ay waajib ku tahey iney ciidamadeeda iyo maamulkeeda ba kala baxdo. ( Xigasho, Abraham T Zere, Aljazeera ). Wuxu soo celiyey xidhiidhki diblumaasi, ganacsi iyo isu socodka ( dhul iyo cir ) labada shacab ee kala xidhna labaatanka sanadood ( 1998—2018 ) iwm. Wuxu cafis u fidiyey kumanaan maxaabis ah oo fikirkooda u xidhna iyo jabhado iyo ururo siyaasi ah oo maamulki hore ku tilmaamy argagixiso sida ONLF, OLF iyo Ginbot 7 Wuxu isbedel balaadhan ku sameeyey hay’adihi amniga, garsoorka, ciidamada iyo madaxdi goboladda oo qaar kood xabsiga loo taxaabey iyago lagu eedeyey xadgudubyo xuquuda bani’aadamnimo. Wuxu dhisey dawlad kooban ( labaatan wasiir, toban dumar iyo toban rag ah ). Waxaanu wasaarado muhim ah siiyey qowmiyadaha aan ku jirin EPRDF sida Somalida oo u siiyey maaliyadda iyo Cafarta oo u siiyey gaashaandhiga. Wuxu ka dhex bilaabey dib u heshisiin dawladdaha geeska afrika ee colaaduhu u dhexeyeen sida Somalia iyo Eritrea , Djibouti iyo Eritrea iwm… Wuxu hoos u dhigey colaaddi wabiga Nile ka ee u dhexeysey Ethiopia Masar Sudan ( waxa hakad galey mashruci weyna ee Daamka ( Grand Ethiopia Renaissance Dam ) Wuxu xoojiyey xidhiidhki ka dhexey Ethiopia iyo Marykanka- Europe iyo Carabta khaliijka ee hodanka ku ah shidaalka, dawladahaaso la tuhusan yahey iney ka dambeyaan siyaasadihisan cusub oo ka mid noqonaysa ka hortagga is balaadhinta dhaaqle iyo military ee China taaso ka duwan siyaasaddi hore ee isku dheeli tiraaysey reer galbeedka iyo xooggaga cusub ee dhaqaale sida India, Turkiga, South Afrika ( guud Afrika ), Brazil, China iyo iwm Haddaba waxeynu qireyna innu mudane raisal wasaare Abiy Ahmed ilaa hadda ay si habsami ah u socdaan talaabooyinka u qaadey ee kor ku xusan laakin imtixaan ka weyni wuxu imanaya marka axsaabta la furo oo doorashooyinka loo diyaar garoobaayo. Waayo, waxeynu wada oggsoonahey in Ethiopia aaney hore uga dhicin doorashooyin dimoqraadi ah oo xor oo xalaal ah, waayo arag la’aantaso warwarkeeda leh madaama shcabka Ethiopia u qeybsan yahey qawmiyado khilaaf ba’aan oo xuduudeed iyo xurgufo siyaasadeed oo gaamurtey ka dhexeeyaan. Qawmiyadaha laftoodu waxey u qebsan yihiin qabaa’il dhexdooda iska soo horjeeda iyo mandaqado dano kala duwan leh.Taaso u dheer tahey waayo arag la’aanta xukuumadda, jabhadaha muddo dheer halgan hubaysan ku jire oo tacadiyo ka tirsanaya guud ahaan EPRDF gaar ahaan hayadaha amniga ee u saraakisheeda sare ka mid aha Ahmed Abiy. Waxa xusid mudan in Axmed Abiy u ururka OLF kala kulmi doono tartan adag qawmiyadda Oromia dhexdeeda ee u ka soo jeedo madaama shacabka Oromia ay taageera xoog leh u hayaan ururka OLF iyago qadarinaya halganka dheer ee adag ee naf iyo maal ba u hureen si ay xuquuqda iyo kramada shacabkooda u badbaadiyaan. Waxa marag ma doon u ah taageerada xoogga leh ee ay shacabka Oromia u hayaan madaxda OLF sida xoog leh ee qiraysan ee ay ugu soo baxeen markey ka soo degeen Airporka Addisa baba. Eng Bashe C Gaboobe Email: gaboobe _3@hotmail.com Qaran News
  5. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland (Vetting Committee), kadib markii ay maanta kasoo baxday Xeer Madaxweyne Lr. [...] Source
  6. Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Bosaaso ayaa waxa uu ka hadlay xaalada guud Puntland ay ku sugantahay. Cali Xaaji [...] Source
  7. Madaxweynaha Kililka Hadalkiisa Maxaa Daba Socda: Warkan ka soo yeedhay madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee DDS ayaa dad badan fajac ku riday, waxase xaqiiqadu tahay waa war aanu ka fiirsan oo iska soo tuur ah. Waxaya hore u aragnay madaxweynihii isagaka horeeyey ee Ilay oo isticmaalaya hayadaha nabad gelyad oo dad u dhashy kililka shanaad o ku siugnaa xilligaa deegaananad uu madaxweynaha hadduu ku tiraabay in laga soo weerayo marba mid uu isagu garanayo odhan jiray dembibuu iga galaye ii oo dhiiba loona dhiibi jiray si loo ilalliyo nabad gelyada iyo wad shaqaynta. Kan hadda meesha yimi isna wadadii kii hruu hayaa waxan uu soo wadaana waa hebel iyo hebel ii soo dhiiba. Kani waa layli syaasadeed oo arrintii heer madaxweyne ayuu kaga bilaabay saxaafadana waa la soo fadhiistay, halka Ilay uu soo mari jiray haydaha nabad gelyada. Horaa loo yidhi siyaasaddu saaxiib joogta ah ma leh laakiin dano joogta ah ayay leedahaye, ninkani hadda isagaa kursiga ku fadhiya ee saddexda maamul ee uu magcaabayba waxan u soo jeedinyaa inay u dhiibaan dadkan uu ka baqanayo inay soo weeraraan, isagaana garnaya kuwa ay yihiin oo sheegi doona. Dad badan ayaa sheega in ninkani Somaliland oonu weligii arag waxna u gelin ku khafiiifay, haddana Jubbland iyo Puntland buu ku soo daray. Waa nin ay muuqato inaan fahamsanayn masuuliyadda ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa oo meelo kale oon lagaba aqoon isooga hanqal taagaya. Xilligii Ilay, kooxahaaa uu ugaadhsan jiray Ilray kuwa taageersani waxay odhan jireen Axmaraa baa loo dhiibay, inagoo og in Axmaaro warkeeda uu ugu dambeeyey xilligii Mangiste. Haddana kuwan uu Cgajar doonyao marka la dhiibo taageeryaashoodu waxy odhan doonaan Axmaaraa loo dhiibay. Taasi waxay ina tusaysaa inay Axmaar u yaqaanaan marba ka kursiga ku fadhiya. Abokor Baaruud Baruda2006@gmail.com Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirarkii Golaha Shacabka ayaa hakad ku jirta, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka ka dhashay kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Golahaasi, kadib warbixin muran dhalisay oo ku saabsan miisaaniyada 2018. Guddoonka Baarlamaanka ayaan isku raacsaneyn qaabka loo kala diray Guddiga Maaliyadda, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka oo Sabtidii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho uu ku adkeystay in arrinta Guddiga Maaliyadda lagu celiyo Baarlamaanka si ay go’aan uga gaaraan. Waxaa horumar laga gaari waayey kulamo xiriir ah oo u socday madaxda dowladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo dhinaca kale Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenadiisa ay isla fahmi waayeen qaabka wajahayo khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda. Dhinaca kale waxaa Guddoonka Baarlamaanka horyaalla dacwad ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, waxaan laga cabsi qabaa inay dhibaato noqoto heshiis ay saddexda nin ee guddoonka ah ka gaaraan arrimaha hor yaalla. Xarunta Guddoomiye Mursal ayaa noqotay mid mashquul badan, kadib markii ay halkaasi iska xaadiriyeen xildhibaannada mucaaradk ah oo olole ugu jira inay guddoomiyaha Baarlamaanka dhinacooda u soo jiidaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdishi Caasimad@live.com
  9. Astaamo badan ayaa muujinaya in shidaal badda Soomaaliya(Indian Ocean) inuu ku jiro. Astaamahaas waxaa ka mid ah badda sal keeda inuu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado asagoo dareere ah ama hawo (gas) ah. Dayax-gacmeedya baara dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaas ka jiro. Taas waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baareyaasha /sahmiyeyaasha in badda salkeeda dhulka ah in khayraad dabiici yallaan. Baaristii Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fariisan) ee leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin. Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo. Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku aaddan Jubbaland, KG, Benadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baarista jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Horay botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku jiro badda hoos teeda. Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen. Shirkadaha Soomaaliya heshiis la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Askarta ee Diktatooriyadda ee Maxamed Siyaad Barre, November 1988. Heshiis kaas weli wuu jiraa maadaama ay Shirkadahaas ay waajibaad kooda ay gudanayaan oo ay la shaqeeyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Shirkadahaas wuxuu gaarayaa badda ay ka shaqaynayaan min Bandar Bayla ilaa Marka badda aan moolka ahayn. Waxaa kaloo heshiis nooc kale ah Soomaaliya hadda kula jirta Soma Oil and Gas. Heshiis kaas wuxuu sheegayaa in ay Soma ka bixiso Somalia qarashka baarista badda, iyadana la siiyo 12 balook ama 60,000 km2. Soma way qabatay waajib keedii marka loo fiiriyo heshiis kii ay la gashay Soomaaliya; laakiin Soomaaliya ayaa laga rabaa inay dhiibto 12 balook oo la baarayo lana qodayo. Soma waa shirkad yar oo aan dhaqaale ahaan awoodin inay qabato shaqadaas. Sidaas awgeed waxay ku wareejinaysaa hawshaas shirkado awood leh dhinaca teknoolojiyada, dhaqaalaha , lehna khibrado hawlahaas lagu fuliyo. Wareejinta ayay ka faaiidaysaa oo “farm-out” sammaynaysaa. Lacagta ay ka sammaynayso ayaa balaayiin ka badan intii iyada ka gashay oo ay sheegato inay tahay 43 Milyan USD. Meeshaas waaye meesha laga rabo inay Soomaaliya ka digtoonaato. Soma Oil and Gas waxay isu diyaarisay July 2018 ka dib inay hawsha la wadaagto shirkado sida Total ama ONGC (Oil and Natural Gas Corporation Ltd of India) iyo Tullow Oil. Haddii Farm-in ama Farm-out sammaynayaan, waa in Capital Tax Gain fiican la dul saaraa, oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo hindistaa. Sida iminka uu xaalku yahay, shirkadaha kale ee badda Soomaaliya xiisaynaya waxaa ka mid ah Liberty ama Petro Quest (Arizona, USA) oo rabta inay Dawladda Federaalka la gasho heshiis Soo-saar Wadaag. Shirkadaha Total (France) iyo ENI (Talyaani) damac weyn ayaa ku jira inay Soomaaliya la galaan heshiisyo baaris iyo soo-saar shidaal. Shirkadaha heshiiska la galo dowladda federaalka ah marka lag soo tago waxaa jira shirkado kale oo heshiis gaar ah la galay dowlad goboleedyada iyo Somaliland. Si shirkadahaas loola falgalo, Soomaaliya waxay u baahan tahay Sharicyo iyo Xeerhoosaadyo is-waafaqsan, Qaab-heshiiseedka Wadaagga Soo-saarka oo isagana markiisa la jaan-qaadayo Sharciga Batroolka, Sharciga Cashuuraadka (oo aan weli jirin) iyo Sharciga Bii’ada (oo u baahan in la qoro). Sidaas awgeed, lama dhayalsan karo hawlaha loo baahan yahay inaan la qabanin oo lagu boodo heshiisyo ka soo gaaraya Soomaaliya khasaare sannado badan soo socota. Heshiisyada batroolka waa muddo dheer (long-term agreements) oo gaaraya 25 sano. Taxadir iyo habsami waa in hawlaha loo galaa, oo si-diyaarinta xoog badan la saaraa. Goobjoog News, Xogtan waxaa ay u gaar tahay Goobjoog News, lama qaadan karo xigasho la’aan Si, Akhri Goobjoog News Iyo Qormooyin La Xiriira Shidaalka: Ka Hor Shirka London, Wax Ka Ogow Soma Oil and Gas iyo Qandaraaska Shidaalka Soomaaliya Wax Ka Ogow, Habraaca Ay Soomaaliya Ku soo Saari Karto Shidaal Source: goobjoog.com
  10. Madaxweyne Gaas ayaa lagu wadaa inuu maalinta berrito ku dhawaaqo guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada, kuwaas oo si aad ah loo wada sugayo magacaabidooda [...] Source
  11. Maamulka gobolka Banaadir ayaa 25-November dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose xamar ama Muqdisho City Club oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo ka mid aheyd kooxaha ugu weyn kubbadda cagta dalka sanadihii lasoo dhaafay wax qabad wanaagsan kusoo bandhigtay tartamadda kubbadda cagta gudaha,Jaamacada carabta,Bariga iyo Bartamaha. “Dib usoo nooleenta kooxda Dowlada Hoose ee Muqdisho waxa ay qaadtay mudo afar sano ah waxayna soo wada martay gudoomiyaasha kala duwanaa ee soo maray xafiiska Gobolka Banaadir waan u mahad celinaynaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay dib usoo celinta kooxda dowlada hoose ee Muqdisho”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha u sheegay la tilyaha isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar). Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxda caasimada oo marar badan codsaday soo celinta magacii taariikhiga ahaa ee Muqdishio City Club ayaa u mahad celiyay shaqsiyaadkii gacanta weyn ka geestay arintan,iyagoo dhinaca kale balan qaaday in ay diyaar u yihiin talo iyo horomar ku aadan kooxdoodii ay usoo ciyaareyn. “Waxaa jiro heshiiyo ay horay u galeyn kooxda dowlada hoose ee Muqdisho iyo naadiga Ac-Milan oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn kubbadda cagta dalka Taliyaaniga waxaan gacanta ku hayaan heshiiyo badan oo horay u dhaxmaray labada dhinac iminka waxaan doonaynaa in aan dib usoo celino dhamaan kaalintii ay kooxda caasimada ay ku laheyd caalamka iyo dalalka dariska ah ee Afrika”waxaa sidaas Goojoog uga waramaya Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo la tilyaha isboortiga Gobolka Banaadir. Naadiga dowlada hoose ee Muqdishio waxa ay ku guulaystay 3-jeer oo horyalka kubbadda cagta iyo 3-jeer oo koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse,halka intii u dhaxaysay 1986-1987 ay magac ahaan ku matashay xulka qaranka da’yarta kubbadda cagta,iyagoo kaalin wanaagsan kasoo hooyay ciyaarihii ay ka qeyb galeyn. “Fursada ugu weyn ay haystaan xidigaha iyo macalimiinta iminka ku dheelya magaca dowlada hoose ee Muqdisho ayaa ah in ay helaan xaquuq rasmi maadaama Gobolka Banaadir dhaqaalo soo galo lagu maamulo dhamaan gobolada dalka tani waaa guul iyo horomar ku aadan horomarinta ciyaaraha Gobolka Banaadir” waxaa Barnaamijka Xeyndaabka u sheegay Daa’uud Axmed Dheere oo ah layliyaha kooxda kolayga ee Muqdisho. Horaanta sanadka cusub ee 2019 ayaa laga yaabaa in kooxda dowlada Hoose ee Muqdisho ay la ciyaarto kooxda Dekedda Somali Supper Cup madaama kooxdii hore ee Banaadir SC ayaa hanatay koobka Jeneraal Daa’uud,halka wiilasha Dekedda ay iyagana labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay ay ku guulaysteyn horyaalka Somali Premier Legaue waana tijaabada uga horeesaya ee laga sugayo kooxda dowlada hoose ee Muqdisho. Halkaan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Dib Usoo Celinta Kooxda Dowlada Hoose Ee Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Musharax Cali Xaaji Warsame, oo u taagan xilka madaxweynaha dowladda Puntland ee 2019, ayaa maanta si balaaran loogusoo dhoweeyay magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland. [...] Source
  13. Dalka Qatar ayaa maanta oo isniin ah sheegay iney isaga baxayaan ururka dalalka shidaalka soo saara ee OPEC, maalmo kadib kulan dhex maray shirkadda iyo xulafadeeda. Isaga oo shir jaraa’id ka hadlayey wasiirka tamarka Qatar Sacad al-Kaabi ayaa sheegay in dalkiisa uu ka bixi doonno OPEC January 1, 2019, taasi oo soo afjareysa urur ay xubin ka ahaayeen nus qarni. Sababta waxaa ay Qatar ku sheegtay si ay u wanaajiso kaalinteeda iyo istaraatiijijad ku saabsan dib u habeyn oo muddo dheer ah. Qatar inkasta oo ay ka mid tahay dalalka ugu yar xagga wax soo saarka shidaalka marka la barbardhigo Sacuudiga, waxaa ay kaalinta 1aad uga jirtaa wax soo saarka gaaska dabiiciga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Warsaxaafadeed. Ku : dhamaan Gudoomiyeyaasha Waxbarashada Gobolada Puntland. OG: Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Waxbarashada Puntland. OG: Dhamaan Maamulayaasha Iskuulada Dugsiyada Hoose/dhexe iyo sare. OG: Agaasime waaxeedadda Wasaarada [...] Source
  15. Nairobi (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa warbixin ka qoray habka dhaqanka Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan marka hore soo bandhigin aragtidooda hogaamineed, balse marka doorashada soo dhawaato usoo hanqal taaga hogaaminta dalka. Siyaasiga, ayaa sheegay in hab dhaqankaasi kaliya laga helo Soomaaliya, isaga oo sheegay inay taasi cadeyn u tahay in shaqsi walbaa oo aan soo bandhigin aragtidiisa sanado ka hor doorashada, inuu doonayo kaliya talada dalka oo xalka dalka uusan dooneyn. Hoos ka akhriso qoraalka Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur:- Dawladnimada casriga ah ee dunida maanta ka jirta iyo hannaanka siyaasadeed ee Dimoqaraadiga ahi waxay ku dhisan yihiin in siyaasigii han kaga jiro hogaan heer qaran ama gobol in uu bulshadu u soo bandhigo aragtidiisa iyo mowqifkiisa ku aadan waxa dalkiisa ama deegaankiisa ka dhacaya. Hadii uu ku qanacsan yahay sida ay wax u socdaana waa in uu ku taageeraa oo uusan ka bakhaylin hogaanka talada haya heer Qaran ama Gobol. Hadii uu ka aragti duwan yahayna waa in uu dhaliisha uu qabo iyo mowqifka uu kaga duwan yahay si hufan u soo jeediyaa. Maan gal maaha in uu yiraahdo ma jirto wax aan dhaliilay ama la dhacay, mowqif ma lihi meel dhexaan taagnahay . Soomaaliya keliya uun bay ka suurowdaa in aad saacadaha ugu danbeeya soo dhacdo adigoo ku doodaya aniga kaga haboon kan hoggaanka haya, iyadoo aysan jirin wax aad dhaliishay iyo mowqif aad dhibsatay ama aad ku taageetay oo aan ka ahayn in aad kursi rabto oo keli ah. Waa tan keentay in siyaasadeenu ay noqoto saadaal la’aan, saacadaha ugu danbeeya, saf wada siman iyo nasiibku wuxuu kaa siiyo oo aysan aragti, mowqif, wax aad u taagnayd aysna macno ku fadhiyin. Tani kuma eka hogaanka heer qaran oo keli ah, bal eeg Puntland iyo Koonfur Galbeed. Imisa musharax ayaa taagan oo aysan jirin cid horay u maqashay aragti ama mowqif ay Gaas ama Shariif Xasan kaga duwanaayeen, ku dhaliileen, ama ku taageereen oo aan ka ahayn in ay kursiga uun ka kacsan rabaan. Haddaba, annigoo taa ka duulaya ayaan waxaan halkan ka bogaadinayaa Gudoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qadir Cosoble oo soo bandhigay aragtidiisa ku aadan wixii soo dhacay iyo xaalka uu maanta dalku marayo. Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa sida uu uga hadlay weerarkii xadgudubka ahaa ee sanad ka hor lagu qaaday hoygayga Muqdisho. Haddaba hadii uu hankaagu yahay hogaan heer dal ama deegaan oo uusan hoos ka tuur kale jirin cadeey aragtidaada iyo mowqifkaaga si Shacabku u ogaado waxa aad qabto iyo halka aad taagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimad@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro ayaa waxa uu guddoomiyaha gobolka Awdal u magacaabay Maxamed Aadan Suldaan. Halkan hoose ka akriso: Source
  17. Wararka laga helayo degmada B/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in gudaha degmadaas dabley hubaysan ay toogasho ku dileen mid ka mid Saraakiisha ciidamada Nabad sugidda ee ka howlgala degmadaasi sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen xubno ka tirsn Maamuka degmada. Cabdi Qani Axmed Faarax oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ee degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayey Xaley goor dambe waxaa toogasho ku diley Labo nin oo ku hubeysan Bistoolado,iyagoona dilka ka dib halkaasi ka Qaatey Qori Ak47 oo uu ku hubaysnaa sarkaalkaasi. Dableydii dilka geysatey ayaa durbadiiba goobta isaga baxsadey,waxaana maanta Baladxaawo ka soconayaan baaritaanno ay sameynayaan Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Reports from Jowhar indicate that the fighting took place at the outskirts of the town, which is the regional capital of Middle Shabelle. The tension which is brewing between two tribal militias who fought in the area in the past few days forced many families to flee their houses and seek shelters nearby villages. Meanwhile, Somali military forces were reported to have left for the battle zones to de-escalate the tension and prevent the continuation of the war in Mandheere and Kongo. Abdullahi Mohamed, one of the Somali military commanders in the region, told Radio Shabelle that the two sides welcomed the peace efforts by the Somali government. The post Tension brewing on the outskirts of Jowhar following battle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Laascaanood)-Maayarkii hore ee magaalada Laascanood isla markaana iminka ah xildhibaan ka tirsan golaha deeganka ayaa waxaa uu sheegay in uu dhaliilsan yahay safarkii madaxweyne Biixi ku yimid gobalka Sool isaga oo sabab uga dhigay in madaxweynuhu aanu waxba xadhiga ka jarin waxna aanu dhagax dhigin intii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Ohio)-Saraakiisha Booliiska gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa baadhitaan ku wada sababta ka danbeysay gaadhiga labo gabdhood oo walaalo ahaa oo shil baabuur ku geeriyooday habeenkii Axad ee todobaadkan. Labada gabdhood ayaa lagu kala magacaabi jiray Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed, waxaa sidoo kale shilka uu dhaawac ka soo gaaray Amina Maxamed oo ay walaalo ahaayeen hablaha geeriyooday. Baaritaan hor dhac ah oo ay saareen saraakiisha Booliiska ayaa sheegaya in gabdhahan uu shilka ku dhacay kaddib markii gaarigooda oo xowli sare ku socday uu ku dhacay gaari kale. Saddexda Gabdhood ayaa la sheegay in ay ka soo laabteen booqasho ay ugu tageen dad ay asxaab ahaayeen waxaana waqtiga uu shilkan ku dhacay ay ku soo socdeen gurigooda. Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid labada Gabdhood ee walaalaha ah oo la sheegay markii ay shilka galaayeen in ay booqasho ka yimaadeen. Dhawaan ayeey aheyd markii Labo Gabdhood oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay Mareykanka, ka dib markii goob wabi ah ay kula dhaceen gaarigii ay wateen. Source
  21. (SLT-Qaahira)-Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Masar, Dr. Daariq Al-mala ayaa shaaca ka qaaday inay Khubaro u soo diri doonaa dalka Soomaaliya, si ay sahmin ugu sameeyaan Kaydadka Shidaalka ee Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geystaan Soo-saarka Shidaalka. Wasiir Daariq Al-mala waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya, Md. C/rashiid Maxamed oo maalmahan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Wasiir C/rashiid Maxamed oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu ka codsaday dhigiisa dalka Masar inay Somalia u soo diraan Khubaro gacan ka geysta Sahminta iyo Soo-saarista Shidaalka iyo Kheyraadka Dabiiciga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Somalia leedahay xeebta ugu dheer ee Qaaradda Afrika, isla markaana ay ku jiraan Kaydadka dihan oo Shidaaal iyo Gaaska Dabiiciga. Source
  22. (SLT-Yeman)-Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa daad gurayn doonta dagaalame yaal ka dhaawacmay jabhadda Xuutiyiinta, sida ay sheegeen xulafada la dagaalamaysa jabhadda. Arrintan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiso kalsoonida ka hor wadahadallada ay labada dhinac yeelanayaan. Konton jabhad oo dhaawac ah ayaa lagu wadaa in laga qaado magaalada caasimadda ah ee Sanca taas oo ay gacanta ku hayaan Jabhaduhu, iyaga oo galinka dambe ee maanta la gayn doono Caman. Wadahadallada ay Qaramada Midoobay taageerayso ee u dhaxeeya jabhadda iyo dawladda uu Sacuudigu taageerayo ayaa lagu wadaa in uu dhaco maalmaha foodda inagu soo haya. Dagaalkan ayaa horseeday mashaakilkii banii’aadminimo ee ugu xumaa adduunka ee dhaca taariikhda dhaw. Dagaalka afarta sano ku dhawaadka ka socda Yemen ayay ku dhinteen kumannaan dad ah, malaayiin dad ahna waxay qarka u saaran yihiin macaluul. “Diyaaradda Qaramada Midoobay ayaa Isniinta ka dagi doonta garoonka caalamiga ah ee Sanca. Saddex dhakhtar oo Yemen u dhashay iyo dhakhtar Qaramada Midoobay ka socda ayaa dhaawacyada ka qaadi doona Sanca waxayna gayn doonaan Masqad.” Sida uu sheegay qof habeennimadii u hadlay xulafada. Wuxuu sheegay in tallaabadan uu codasaday Martin Griffiths oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, arrintaasna la isku agfartay si kalsooni loogu helo shirka Sweden ka dhacaya. Source
  23. (SLT-Washington)-Warbixin ay daabacday CNN ayaa lagu sheegay in fariimo ay isku weydaarsadeen WhatsApp Khashoggi iyo Cumar Cabdulcaziz oo ah arday ku nool dalka Canada inay iftiimin karaan dilka weriye Khashoggi. CNN oo heshay illaa afar boqol oo farriimo oo ay is weydaarsadeen Cumar iyo Khashoggi ayuu mid ka mid ah fariimahaas waxa uu weriyaha la diley ee Khashoggi ku tilmaamay dhaxalsugaha Sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman inuu yahay bahal aan cidna deyneyn xitaa kuwa taageerayaasha u ah. “Xariga waa mid aan loo meel dayin,waana kaligii taliye jecel xoog iyo cadaadis, waa sida bahalka oo kale oo jecel marwalba inuu wax cuno,lamana yaabayo in cadaadiska uu gaaro xitaa kuwa u sacaba tumaya iyo kuwo kalaba Allaa wax og,”ayaa ka mid ahayd farriimaha uu direy Khashoggi. Farriimahan oo uu Cumar Cabdulcaziz tusay CNN ayaa waxaa ka mid ah codad,sawiro iyo muuqaalo iyadoo qoraaladuna ay kashifayaan in labadooda ay qorsheynayeen inay sameeyaan dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo aalada internetka ku shaqeeya. Cumar Cabdulcaziz ayaa aaminsan in fariimaha ay is weydaarsanayeen dhexda loo galay oo ay boqortooyada Sacudi Carabiya ogaatay bishii August taasna ay u fududeysay shirkad laga leeyahay Israel. Cumar ayaa doonaya hadda in uu dacwad sharciga ah la tiigsado shirkada sameysay aalad lagu jabsaday taleefankiisa. “Jabsiga mobaylkeyga ayaa ahayd sababta ugu weyn ee keentay in la dilo Khashoggi.”ayuu CNN u sheegay Cumar Cabdulcaziz. Abdulaziz ayaa bilaabay inuu ka soo horjeesto isagoo arday ah kuna sugan dalka Canada,waxana ay boqortoyada Sacudiga ay kala laabatay deeq waxbarasho oo ay hore u siisay balse waxaa u oggolaaday in uu waxbarashadiisa sii wato dowlada Canada iyadoo saddex sano kadibna siisay magangalyo uu ugu noolaan karo dalka Canada. Source