-
Content Count
207,041 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay baahinayeen xogo diblomaasiyadeed oo ay sheegeen in ay ka heleen ilo wareedyo u dhuun daloola dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya iyaga oo sheegay halka ay salka ku hayso cadaadis ay ku tilmaamen in ay dawladda Itoobiya saartay Somaliland warkaasi oo idaacadaha iyo warbaahinta Online-ka ah ee Muqdisho si weyn u baahinayeen habeenadii ugu dambaysay. Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu yahay sarkaalka isagu go’aansaday in uu gabi ahaanba soo laabo xidhiidhadii ay Itoobiya la lahayd maamul Goboleedyada dalkaasi iyo Soomaaliya iyo waliba inuu hoos u dhigo xidhiidhkii ay Addis Ababa la lahayd Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo kalsooni weyn siiyey Madaxweynaha dawladda Muqdisho Maxamed Cabdilaahi Farmaajo horena ugu ballan qaaday in Itoobiya ay Soomaalida hal jiho kala xidhiidhi doonaan oo ah dawladda Muqdisho ee Federaalka sheegata. Warbixinahan ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay wajahaysay cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowladda Ethiopia kadib markii ay soo baxday qorshe qarsoon oo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweynaha Muqdisho Farmaajo. Xogahan ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu dhowaan amray in xafiiskii Somaliland ee magaalada Addis-Ababa loo raro magaalada Diri Dhaba, taasi oo qeyb ka ah tallaabooyin lagu yaraynayo heerkii diblomaasiyadeed ee dowladda Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeyey iyada oo aanu wali Abiy Axmed kulan la yeelan Madaxweyne Muuse Biixi. Ethiopia ayaa sidoo kale dhowaan la baxday qunsulkeedii Hargeysa. Ilo-wareedyada xogta laga helay ayaa sheegay Somaliland ay aad uga xumaatay dhawaan markii ciidamo ka socda Liyuu Booliska dalka Itoobiya ee Gaar ahaan Kililka shanaad ay dhexdhexaadin ka gaysteen beelihii walaalaha ahaa eeku diriray Gobolka Sool iyaga oo aan wax wada shaqayn ah kala yeelan arrinkaasi dawladda Somaliland. Arrinta layaabka leh ee wararkan ku jirta ayaa ah xogo ay sheegeen in ay ku heleen in dawladda Somaliland xidhiidh la samaysay maamul Goboleedyada dalkaasi Soomaaliya si ay cadaadis ugu saaraan dawladdooda dhexe oo ay garab ku siiso siyaasaddii ay Maamul Goboleedyadu ku wiiqayeen dawladooda arrinkaasi oo aan la ogayn xaqiiqadiisa iyo halka uu salka ku hayo. Dhinaca kale, Farmaajo ayaa la sheegay inuu xidhiidh dhow la leeyahay oo uu haysto taageerada madaxweynaha dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed qudhiisa. Tani waxa ay keentay in qaab lala yaabay uu Madaxweynaha Kililku Somaliland ugu soo daray mar uu ka hadlay xaalad amni oo uu sheegay in ay dalkiisa kaga imanayso Puntland, Jubbaland kuwaasi oo uu ku lammaaneeyey Somaliland. waa markii ugu horraysay ee Masuul dawladda Itoobiya ahi uu Somaliland ku xidhiidhiyo dhibaato ay gaysan karaan maamulada Soomaaliya oo ay Itoobiya u gaysan karaan. Arrinkaasi oo aad uga cadhaysiiyey Somaliland. Dhinaca kale xogtan waxa lagu sheegay in Farmaajo uu lahaa fikradda uu Mustaf Cagjar ku dhex-dhexaadinayo beelaha Sool clan ee ku dagaalamay gobolka Sool ee Somaliland, kuwaas oo lagu heshiisiinayo magaalada Jig-Jiga, taasi oo sidoo kale dharbaaxo kale oo siyaasadeed ku noqotay dowladda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Source
-
Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in maanta Askari ka tirsanaa Ciidanka DFS lagu dilay magaaladaasi. Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/qani Maxamed, waxaana la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in Askarigani loo dilay Qorigii uu watay dartiis, kaas oo ay horay uga sii qaateen Dableydii ka dambeysay dilkiisa. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dikaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka M/ Beled-Xaawo oo ku aadan dilkaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa howlgallo ka sameeyay halkaasi, inkastoo aysan saraakiisha amnigu ka hadlin baaritaanadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha magaalada Beled-Xaawo ka dhacayay falal amaan dari oo isugu jiray dilal qorsheysan iyo weeraro intaba. The post Askari ka tirsanaa NISA Oo lagu dilay Beled-Xaawo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aan la dhisi karin guddiga la dagaalanka Musuq Maasuqa iyadoo aan la meelmarin sharciga la dagaalanka Musuqa. Hadalkaan waxaa sheegay wasiirka wasaaradda Xasan Xuseen Xaaji, isaga oo intaasi raaciyey in muhiimadda Koowaad tahay in sharcigan uu baarlamaanka ansixiyo kadibna uu madaxweynaha saxiixo. Markii intaas ay dhacdo ayuu sheegay in la qaban doono araajida xubnaha doonaya iney ka mid noqdaan guddigan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Wasiirka-Cadaaladda.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Sheekh Aadan Cilmi, ayaa ka war bixiyay socdaal shaqo oo uu ku joogo dalka Ingiriska, isaga iyo wefti uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Wasiir Maxamed Xaaji Aadan waxa uu sheegay in ay kulamo kala duwan la yeesheen madax kala duwan oo ka tirsan gobolada dalka Ingiriiska iyo shir guddoonka baarlamaanada dalkaas. Waxa kale oo uu intaa raaciyay in qaddiyadda Somaliland ay tahay mid dalka Ingiriisku uu ka dheregsan yahay oo uu ogyahay in Somaliland xornimadeeda ay ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska. Isla markaana aanay jirin wax midaw ah oo ay Somaliland iyo Soomaaliya wada galeen oo sharci ahaa oo ku adkayn kara in Somaliland ay aqoonsi ku waydo. Waxaanu intaa raaciyay in qaddiyadda ictiraafka Somaliland tahay mid ay si wayn uga hawl gelayaan ka xukuumad ahaan, isla markaana u qabanayaan looyaro caalami ah oo u dooda madax bannaanida Somaliland, isla markaana xambaara oo goleyaasha baarlamaanada Yurub iyo dawladaha si xaqiiqo ah u hor dhiga dood adag. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in masiirka ummadda Somaliland uu ka wayn yahay wax koox yari ay iska afduuban karto oo siday doonto ka yeeli karto. Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay shir aad u wayn oo ay u qabteen guud ahaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalalka Yurub oo isugu yimi shir ka qabsoomay London oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibedda gaar ahaan safiirka Somaliland u joogta dalka Ingiriiska Danjire Ayaan Maxamuud Cashuur, kulankaas oo jaaliyadda reer Somaliland ee dalalka Yurub ay wakiillo miisaan leh u soo dirteen. Waxaa kale oo uu ka hadlay kulan muhiim ah oo ay kula kulmayaan guddiyada arrimaha dibedda ee labada baarlamaan ee Ingiriisa oo loo ballan san yahay shanta bishan oo lagaga hadli doono qaddiyadda Somaliland. Waxaanu sidaa ku sheegay wasiir Maxamed Xaaji Aadan waraysi gaar ah oo uu khadka Taleefanka ku siiyay wargayska Dawan isagoo ku sugan magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska. Ugu horrayn wasiirka oo ka hadlaya sida ay qadiyadda Somaliland tahay ee ay uga duwan tahay sida Soomaaliya ku doodo in Somaliland la midawday,ayaa yidhi. “horta qadiyadda Somaliland way ka duwan tahay sida ay Soomaaliya sheegato ee ah in la midoobay taasoo ah wax xaqiiqada ka fog oo aan jirin manay dhicin meel dadka reer Somaliland markii ay xorriyadda qaateen ee ay dawladnimadooda ka qaateen boqortooyadii Ingiriiska meel umadda reer Somaliland wax lagu waydiiyay oo ay ku raaceen ama ku doorteen in ay Soomaaliya la midoobaan. Markii Somaliland boqortooyada Ingiriisku siisay xornimada ee loogu dhawaaqay waxay Somaliland yeelatay dawlad kooban oo ah 4 wasiir iyo 33 xildhibaan, tiradaa yare e wasiirada iyo xildhibaanada ah oo ah sahqsiyaad kooban,ayaa Xamar tegay oo dawlad Soomaaliya dhisatay uun isku dhex tuuray,laakiin may jirin meel dadka reer Somaliland afti lagaga qaaday oo lagu waydiiyay in ay Soomaaliya la midoobayaan iyo in kale markaa is raac wax la yidhaahdo oo dhacay oo sharci ahi ma jiro 60-illaa 91 ayay sharci darro iyo xaaraan Soomaaliya ku haysatay Somaliland taana waxaa soo afmeeray halgankii dadka reer Somaliland xorriyadooda ku soo ceshanayeen oo ka soo bilaabmay inqilaabkii 1961-dii.. sidaa darteed qadiyadda Somaliland waxaanu u qabanaynaa looyarro caalami ah oo ka dooda oo dhugmantiyada la hayo ee ingiriiskii aynu xornimada kaga qaadanay caalamka baarlamaanadooda kaga dooda illayn ma jiro wax dhugmati ah oo kaa ka dambeeyay oo Somaliland cid kula midawday iyo mid ay Soomaaliya gashay midna e,imikaba afar wasiir way la joogaan hadday Soomaaliya dal u hayaanna way u geyn lahaayeen e,markaa hawshaa waanu wadnaa wixii ay qoraalo iyo caddaymo u baahnaydna waanu wadnaa.” Wasiirka oo ka hadlayay shir weyn oo ay la yeesheen jaaliyadda reer Somaliland ee Yurub oo lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibedda gaar ahaan safiirka Somaliland u jooga dalka ingiriiska oo jaaliyadaha Somaliland ee Yurub wakiilo u soo dirteen,ayaa yidhi. “London waxaanu ku qabanay shir weyn oo la isku arkay oo ay ka soo qayn galeen dhammaan laaliyadaha Yurub ee Somaliland oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland gaar ahaan Denjiraha Somaliland u joogta dalka Ingiriiska Ayaan,waxaanan jaaliyadda kala hadalnay sadex qodob oo muhiim ah oo kala ah 1. In ay midnimadooda Somalilandnimadooda iyo isku duubnaantooda in ay illaaliyaan oo ay ka gudbaan qabyaaladda iyo kala xuluufaysiga isla markaana reer Somaliland ay ahaato waxa mideeya.2 in ay dalalka ay joogaan ay ka muuqdaan oo ay wax ka noqdaan iyo ta sadexaad oo ah in ay dalkoodii wax gasahdaan oo ay aqoon iyo maalgashiba ku soo celiyaan oo aanay qurbaha isku illaawin.sadexdaa qodobna aad ayay usoo dhaweeyeen waxaakale oo aanu ga waranay halka dalku marayo iyo sida asxaab iyo xukuumadba looga wada shaqaynayo danta qaranka iyo horumarintiisa waxaanan aad uga waaninay in ay ka fogaadaan waxyaabaha inta badan lagu xanto qurbe jooga ee ah hadalada iyo qoraalada aan wanaagsanayn ee lasoo dhigo baraha bulshada.” Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in kulan hore ay ula yeesheen shir guddoonka labada aqal baarlamaan ee Ingiriiska in ay ka codsadeen kulan ay la yeeshaan xildhibaanada labada aqal gaar ahaan gudiyada arrimaha dibedda taasoo laga aqbalay isla markaana loo muddeeyay in ay kulan wada yeeshaan 5 ta bishan,kulankaas oo uu tilmaamay wasiirku in ay ku soo bandhigayaan qadiyadda Somaliland. “waxaanu ka codsanay markii aanu kulanka koobaad la yeelanay shir guddoonka labada baarlamaan ee Ingiriiska in ay noo qabtaan kulan dambe oo aanu kaga qayb galno fadhiga labada guddi arrimo dibadeed ee baarlamaanka Ingiriiska si aanu qadiyadda Somaliland qoraal iyo hadal labadaba ugu soo bandhigno taana waa nalaga aqbay oo waxaanu ballan sannahay 5-ta bishan.”ayuu yidhi wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo isagooku sugan London u waramay wargayska Dawan. Source
-
Sacuudiga iyo Imaaraadka oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah Turkiga Wargeyska Yeni Şafak ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa Maalintii Sabtida aheyd qoray inay Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay wafdi ka koobnaa laba Askri iyo laba sirdoon usoo direyn Deegaanada ay heystaan Kooxda gooni isku taagga ah ee Kurdiyiinta ee ku xooggan waqooyiga Suuriya. Wargeyska ayaa sheegay in Sababta loo soo diray wafdigaan ay tahay sidii loo maal gelin lahaa illaa 12 Fadhiisin oo ay dagi doonaan Ciidamo Mareykan ah oo caawin doono Kurdiyiinta. Sida uu qoray wargeyskaan oo si weyn ugu dhow Dowladda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa u fahamtay in Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay iclaamiyeen Dagaal ka dhan ah Dalka Turkiga. Waxaa la sheegay in Wafdigaan gaaray halkaas ay qorshihiisa lahaayeen Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Amiirka Imaaraadka Maxamed Bin Zaid. Wafdigaan ay direeen Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Booqasho ku tagay deegaano ay kamid yihiin Al-Hasakah, Kobanî, Manbij iyo Tell Abyad, waxayna kulamo la qaateen hoggaamiyaal ka tirsan Kooxda Kurdiyiinta waxaana la isku fahmay meelaha laga sameynsan doono Saldhigyada. Sida uu Wargeyska Sheegay wafdigaan isugu jiray Sacuudiyaan iyo Imaaraad waxaa hoggaaminayey Wasiirka Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe Thamer Al-Sabhan. Wafdigaan ayaa markii ugu horeysay kulamo kul qaatay Deegaanka Al-Hasakah Ergeyga Madaxweynaha Mareykanka Trump u Qaabilsan Gobolka Brett H. McGurk, waxayna labada dhinac isku raaceyn in Mushaar la siiyo illaa 30 Kun oo kamid ah Ciidamada Kurdiyiinta ee halkaas ku sugan. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in Ciidamadaan loo bixiyo (Ilaaliyaasha Xuduuda) waxaana Dowladaha Khaliijka loo xil saaray Tababarka iyo Hubeynta Ciidamadaan. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale Ballan qaaday inay bixin doonaan Saadka ku bixi doono Ciidamadaas. Arrintaan ayaa sii kala foggeyn doonto Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga, waxaana muuqato inuu go’i doono xiriirka u dhaxeeyo Dowladahaan oo markii hore mugdi ku jiray. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa jimcihii Doraad Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ku qabatay shirka maalgashiga Somaliland, waxaana ka qayb galay afar wasiir oo ka tagay magaalada Hargeysa. Shirkan waxa soo qaban qaabiyay Safiirka Xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya Baashe Cawil. Shirkan ayaa waxa ka baaqday xubno ka tirsan dawladda Kenya oo hore Somaliland ay u shaacisay inay ka qayb geli doonaan. Wasiirka ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa hore loo sheegay inuu ka qayb galayo furitaanka shirkan. Laakiin Wasiir Munya iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Kenya oo la filayay inay shirkaasi ganacsi ka qayb galayaan ayaa ka baaqday shirkaas maalgashiga Somaliland, waxaanay arintaasi isku badeshay waji kale. Si rasmi ah looma sheegin sababta keentay inay Wasiirka Kenya iyo Masuuliyiinta kale ka baaqdaan shirkan ama xitaa inay jirto in markii horeba ay ballan-qaadeen imaansho. Waxase shirka ka hadlay guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Dalka Kenya James Meru oo isagu shirkaasi ka soo qayb galay islamarkaana hadal ka jeediyay. Wasiirada ka socday Xukuumadda Somaliland ee Hargeysa ka tagay oo kala ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda Yasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad, Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac iyo Wasiirka Macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa shirkaasi ka jeediyay khudbado kala duwan oo ay ganacstada Kenya ugu baaqayeen inay Maalgashadaan Wadanka Somaliland oo ay ganacsigooda soo gaadhsiiyaan. Guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isna shirka ka qayb galay isagoo ka hadlay doorka ganacsgada Somaliland iyo heerka uu marayo. Dawladda Somaliland ayaa dhowaanahan gudbineysay farriimo ay ku muujineyso inay isu soo dhowaanayaan dowladda Kenya, oo sida dal Madax bannaan oo kale loola macaamilo, hase yeeshee shirka Nairobi ayaa muujiyay xaalad taasi ka duwan. Source
-
A statement from the Immigration and Naturalization Authority said the resumption of the Somali passport issuance after days-long hiatus. The agency has announced that it is extremely saddened by the convenience of passport issuance and apologized to the public at large. The statement further said that the agency in the past few days has been developing and reforming the Somali passport system and will resume operations on Tuesday 4 December. The Somali Immigration department has succeeded to open centers in cities in the country, thereby facilitating the public access to the passport in their regions. The post Somali government announced the resumption of passport issuance appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemnayaa gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ciidamo fara badan ayaa lagu soo warramayaa in lagu arkayo Waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi. Sida uu soo warinayo Wariyaha Shabelle ee Baydhabo Maslax Raage Ciidamadaasi ayaa waxaa ku jira cutubyo ka tirsan kuwa IItoobiya oo la dhigay gudaha magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Askar kale oo ay wataan qaar ka mid ah Musharraxiinta lagu arkayo qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Arrintan ayaa wal wal weyn ku beertay dadka deegaanka oo ka cabsi qabo in xiisado hor leh ay ka dhashaan Ciidamadaasi. 19 bishan December ayaa la filayaa in la qabto doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed oo ay u taagan yihiin ku dhawaad 10 Musharrax. The post Xalad kacsanaan ah Oo ka taagan magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada, kaais oo ansixin doona dhammaan xildhibaanada ay beelaha soo xushaan, Magacaabistaan ayaa timid xilli Horay Musharaxiinta ay sheegeen in madaxweynuhu faragalin uu ku hayo howlaha doorashadda, ayna kasoo horjeysteen warqad uu soo saarey Gaas, oo ku saabsan jawdalka xulista Xildhibaanada cusub iyo doorashada madaxweynaha. Musharaxiinta qaar ayaa rumeysan in guddiga uu noqon karo mid ansixiya inta badan xildhibaano taabacsan Gaas oo sidaas uu doorashada ugu guuleysan karo. Doorashada Puntland ayaa la qorsheeyey inay dhacdo sideedda bisha soo socota ee Janaayo, hase yeeshee waxaa muuqata inay jiraan khilaafyo dhowr ah oo dib u dhigi kara, waxaana laga cabsi qabaa in musharaxiin badan ay qaadacaan HALKAN KA AKHRI LIISKA MAGACYADA GUDDIGA:
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan Doob ayaa waxa uu soo bandhigay arrimo fadeexad ku ah dawladnimada oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku kacay intii ku guda jiray safarkiisii uu ku marayay gobolada bariga Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-031218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe[Puntland Post]-Musharax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumada Puntland, iyada oo ay soo dhaweeyeen boqolaal kamid ah shacabka magaalada Garowe waxaana looga hortagay musharrax Deni meel 20 KM dhanka Barriga ka xigta magaalada Garoowe, halkaas oo ay ku muujiyeen Shacabka dareenkooda ay ku doonayaan rabitaanka dawladnimo aan laheyn musuqmaasuq iyo wax isdaba marin. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo dadweynaha kala hadlay barxadda ay caanka ku tahay caasimadda Puntlad, ayaa shacabka u balan qaaday Isbedelka ay doonayaan… “Garoowe waxay ku astaysan tahay Taariikhda casriga ah ee Soomaaliya taariikh wanaagsan oo marna aan go’i doonin, waxaa laga doonayaa shacabka Reer Garoowe iyo shacabka reer Puntland inay ilaaliyaan taariikhdaas quruxda badan iyo dowladnimadaas ayna dhidibada u aasaan kana ilaaliyaan turxaan kasta oo ku dhici karta”… Mudane Denni ayaa sheegay in Xukuumadda Gaas ay ku fashilantay in ay dalkaan gaarsiiso wax badan oo horumar ah, gaar ahaana wixii ay balan qaaday, 20 sanno ka dibna Puntland muran ay galiyeen xaduudaheedii Dastuuriga ahaa oo ay kala dhantaaleen midnimadii Dalka….”Waxaa nasiib darro ah shantii sano ee lasoo dhaafay, dowladda Madaxweyne Gaas in uusan ku guuleysan in uu horumariyo maamulkii dowladnimo, waxaan ognahay Wasaaradihii oo dhan inay xiran yihiin, waxaan la soconnaa shaqooyinkii Wasaaradaha oo dhan in Madaxtooyada la hoos geeyay, waxaan ognahay mashruucii soo baxaba in meel gaar ah loo leexiyo, waxaa kor u kacay Musuqmaasuqii, waxaa la hunguriyeeyay midnimadii Puntland, waxaa lagu soo xadgudbay xuduuddii dalka, waxaas oo dhan waxaa saldhig u ah hoggaanka maanta jooga oo u baahan in isbeddel lagu sameeyo”…….. Musharaxa Siciid Deni ayaa sheegay in Xukuumadda Gaas ay is hor istaag ku sameysay Mashruuc ku kacayay 23 Malyan oo lacagta Midowga Yurub ah, taas oo wax looga qaban lahaa helitaanka biyo macaan, xiligii uu ahaa Wasiirka qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah ee dawladda Faderaalka Soomaaliya. Musharraxu wuxuu ka hadlay maqnaanshaha iyo kala dhantaalida maanta dul-hoganaysa Puntlandtii la wada dhistay 20 sanno ka hor, wuxuuna cadeeyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu yahay ninka bixiyey deegaanka Tukaraq oo u dambeysay….”Waxaan aad iyo aad uga xumahay in gobolka Sool gacanta Puntland ka maqan yahay, waa ceeb, Madaxweyne Gaas wuxuu yiri “Laascaano Faataxo laguma qabsan” laakiin Innaa Acdaynaa buu ku bixiyay Tukaraq saxna ma’ahan in loo hibeeyo annagoo leh awooddaas ciidan iyo awooddaas dhaqaale”…… Musharraxa ayaa ka hadlay hannaanka Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Puntland ahayd cidda dhistay dawladda Faderaalka ee hadda jirta, isla markaasna ay ku bixisay Maal, waqti iyo dadaal nooc kasta oo uu yahay, Madaxda hadda joogtaana ay ka been sheegayaan xaqiiqada rasmiga ah ee wada hadalada ay la leeyihiin maamulka dawladda Faderaalka. Musharrax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Garoowe, isagoo kulamo la yeelan doona qeybaha kala duwan ee bulshada. The post Musharrax Siciid Deni oo Garowe lagu soo dhaweeyay maanta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laga soo billaabo sanadkii 2014, dekedda Muqdisho waxaa ka taagan muran iyo is faham xumo u dhexeysa dhinacyada kala ah Wasaaradda gaadiidka, Dekdedda, ganacsatada wax ka dhoofisata kana soo degsata dekadda iyo gaadiidleyda suuqyada u daabusha Badeecadada kasoo degta Dekedda Xamar. Sababta ugu weyn ee keentay murankan iyo wadashaqeyn xumida waxa ay ahayd markii xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kala dirtay ama ay baabi’isay Iskaashatii dekedda Muqdisho iyada oo lagu eedeeyey in Iskaashatadu ay muddo dheer ka shaqeyneysay dekedda, sidaas awgeedna ay tahay in la sameeyo shirkado gaar loo leeyahay oo qabta shaqada maamulka gaadiidka dekedda kashaqeynaya dekedda ee daabulaya qalabka iyo badeecadada kala duwan ee ka soo degta ama ka dhoofta dekedda, balse sameyntii shirkadihaas lama marsiin nidaamka tartanka furan, taas beddelkeedana waxaa sameynta shirkadahaas kawada shaqeeyey wasaaradda gaadiidka iyo shirkado ganacsi kuwaas oo 4 shirkadood markii koowaad si aan tartan iyo nidaam ahayn kusiiyey howsha gaadiid gelinta dekedda Muqdisho. Kaddib 2016 markii ay xilka timid xukuumadda Nabad & Nolol waxa ay wasaaradda gaadiidku iskudayday in ay wax kabeddesho qaabdhismeedka shirkadaha gaadiidka geliya dekedda, balse waxa ay wasaaraddu qaadday tallaabo uga sii dartay xaalka oo ay sababtay muran iyo khilaaf hor leh. Shirkadaha gaadiidka gelinaya dekedda ayay wasaaradda gaadiidku gaarsiisay 60 shirkadood oo mid walba ay adeegsanaysay dhaqaale si loogu daro Liiska shirkadaha, hayeeshee taasi waxa ay uga sii dartay xaalka, mar dambe ayay wasaaradda ku laabatay dib u habeynta shirkadaha, waxa ayna soosartay 6 shirkadood oo keli ah kuwaas oo aan tartan ku iman qandaraaska. Xilligii iskashadata gaadiidku waxa uu dekedda ku geli jiray lacag u dhexeysa Shsom 100.000 oo u dhiganta $4-7, balse waxa ay gaartay Shsom 3,300.000 (Saddex milyan iyo sadex boqol oo kun oo u dhiganta $150, waxa jirta lacag ay ogtahay xukuumadda Soomaaliya in laga qaado gaadiidka gelaya dekedda Muqdisoho oo gaareysa $70.00, taas oo lagu sheegay in loogu talagalay dhismaha Waddooynka, hayeeshee Wasaaradda gaadiidka iyo shirkadaga gaarka looleeyahay ee maamula gaadiidka gelaya dekedda ayaa qaatay go’aan ah in lacagtaas lagu daro $80, taas oo wadarta lacagta kadhigtay $150. Cali Gacal Gaabow agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa sheegay in dadka ka cabanaya dekedda Muqdisho iyo Wasaaradda gaadiidku aysan ahayn gaadiidley balse ay yihiin Dallaal gaadiid oo doonaya in ay sidaas kushaqeystaan. Balse Dadka uu agaasimuhu ku sheegay dallaalka waxa ay dhankooda sheegayaan in gaadiidkooda lagu horayo bannaanka dekedda maaddaama aanay bixin karin lacagta laga doonayo si ay uga xamaashaan dekedda Muqdisho, taas beddelkeediina ay doorteen in ay cabasho u gudbiyaan hay’adaha kale ee dowladda, waxa ay agaasimaha Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ku eedeeyee in uu ku milmay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee kashaqeeya gaadiidka dekedda Muqdisho. Madax katirsan shirkadaha ayaa sheegay in sababta lacagtaas loo qaado ay tahay in shirkaduhu u baahan yihiin dhaqaale ay ku shaqeeyaan oo ay kuwadaan howlahooda. Shiradaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeysta gelinta gaadiidka dekedda Muqdisho ayaa haysta awoodda ogolaanshaha iyo diidmada gaadiidka gelaya dekedda si uu uga qaybqaato daabulidda badeecada, shirkadahan ayaa awoodaas u adeegsada si keli ah oo aan cid kale kulugyeelan karin sidaas awgeed waxa ay xiriir iyo saaxiibtimo ku dhisan dhaqaale la yeesheen dhammaan madaxda iyo hay’adaha saameyn iyo go’aan ku yeelan kara wax ka beddelidda habkooda shaqada sida wasaaradda gaadiidka, maamulka dekedda Muqdisho, hay’adaha nabadgelyada iyo xitaa ganacsatada qaarkood. Waxa ay shirkadahani kusoo rogeen gaadiidleyda dekedda ka daabusha badeecada iyo qalabkaba xeerar adag oo ay sameysteen, sida in gaadiidkii raba in uu galo dekedda in uu bixiyo dabaaji lacageed oo u dhexeeya $1,000-$2,000 oo Dollar, sidaas oo kale waxa ay gaari kasta kaqaadaan maalinkii marka uu gelayo dekedda lacag kaladuwan oo u dhexeysa $140-165, taas oo ay shirkad walba oo kamid ah shirkadahan ay si iskeed ah uga qaaddo gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho, arrinta cajiibka ah ayaa ah in gaadiidka ay kaqaadaan lacagta u dhexeysa $140-$165 ay xaashida lacag qabashada (Receipt) ugu qoraan oo keli ah $10 (toban Dollar), Warqadahaas lacag qabashadu waa kuwo ay iyagu sameysteen oo aan marin xisaabta dowladda. Magacyada shirkadaha iyo lacagta ay ka qaadaan gaadiidka dekedda Muqdisho 6da Shirkadood ee gaadiidka gelisa dekedda Muqdisho waxa ay qaadaan lacag kala duwan oo aan isla ekeyn, waxaana lacagtaas lagu diraa taleefoonka gacanta, taas oo lagayaabo in ay tahay maamul xumo kale oo maaliyadeed. Sida loo wadaago lacagta Marka laga reebo lacagta waddooyinka loo qoondeeyey oo ay qudheeda ganacsatadu ku muransan yihiin ayna suuragal tahay in bixinteedu istaagto ayaa haddana lacagta dheeriga ah ee ay wasaaradda gaadiidka iyo shirakduhu kudareen gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho waxa jira hab lo wadaago oo si maalinle ah loogu qaybsado lacagtaas, madax katirsan Shirkdaha qaarkood ayaa sheegay saxnaanta habkan. Sida loo wadaago Gaadiidka 6da Shirkadood ee kashaqeeya gaadiid gelinta dekedda Muqdisho ayaa qaybsaday ama wadaaga oo keensada gaadiidka gelaya dekedda Muqdisho sidaas awgeed gaadiid kale ee aan xiriir iyo saaxiibtinimo lalahayn shirkadaha ama aan iska bixin karin lacagta lagu gelayo dekedda ma shaqeynsan karo, taasina waa sababta ay gaadiidleyda qaarkood uga cabanayaan muddo dheer Wasaarada gaadiidka, Maamulka dekedda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee maamula gaadiidka geleya dekedda Muqdisho. Radio Mustaqbal
-
Tacsi Tiiranyo Leh Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajacuun Geeridu waa Xaq!!!!. Maamulka,Saaxiibada & Dhamaan Bahda Qarannews waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ehelada,Xasabada Qaraabada & Saaxiibada Qoyska Reer Xaaji Cumar,Khaas ahaan Muqtaar Garaad Xaaji Cumar & Walaaladii oo Aabood Garaad Xaaji Cumar xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeisa,Saakana lagu aasay Xabaalaha Baqiic. Waxaanu leenahay Alla ha u raxmado Marxuum Garaad,Qabrigana ha u waasiciyo,Reer Garaad oo dhana Samir & Iiman Saadiqa haka siiyo. Mar labaad Waxaan Alle ugu baryaynaa inuu Janatul-Firdoows ka waraabiyo,Ehelka & Qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir & imaan ka siiyo. Aamiin Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka kooban siddeed xubnood oo dhamaantood rag ah. Magacyadda Guddiga 1- Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre (Guddoomiye) 2- Maxamed Cabdikariin Maxamuud 3- Burhaan Maxamuud Cilmi 4- Caydaruus Axmed Faarax 5- Axmed Cali Cabdullaahi 6- Maxamed Abshir Garaad Maxamed 7- Xaaji Xuseen Cali Xasan 8- Maxamed Cabdiqaadir Cismaan (Xoghayn) Xeerkan ayaa la sheegay in loo cuskadey xeerarkii horay loogu magacaaabi jiray Guddigan, sidoo kale laguma xusin in wax talo ah la weydiiyey musharixiinta Puntland iyo cid kale. PUNTLAND POST The post Puntland: Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
( Qeybti labaad ):Abiy Ahmed ma ka faa’ideysan doona khaladaadki u Gorbachev ku burburiyey Soviey Union ? Rushku iyo Ethiopia waxey wadaagaan sifooyin badan Bashe Cabdi Gabobe Haddaba markey bannaan baxyadi iyo qalalaasihi joogsan waayen aya 16 october, 2016 dalka lagu soo rogey xaalad deg dega, taaso sababtey in isgaadhsiinta, internetka, kulamada dadka iyo warbaahinta aad loo kontroolo dad badan na xabsiga loo taxaabo. Hasa yeeshey, kacdoonki shacbiga labada qawmiyadood Oromo iyo Amxaaro marna mu joogsan, waxaaney geyeysiisey dalka khasaare nafeed, dhaqaale, ammaan darro iyo sumcad xumo. Waxaana cambaareeyey xadgudubyada bani’aadamnimo dawladaha reer galbeed iyo hay’adaha ququuq al iinsaan ee adduunka. Haddaba markey xaaladdu halkaas mareyso ayey ka fursan weydey innu prime minister Haile Desalegn ku dhawaaqo 21 feb, 2018 innu iska casiley prime ministernimadi iyo guddoominimadi xisbiga isago qirey in loo bahan yahey hoggaan cusub oo wax ka qaban kara dhibaatooyinka jira, ilaa inta xisbigu cid u dooranayana u sii heyn doono labada xil. Waxaana loo doortey mudane Abyi Ahmed, prime minister iyo guddoomiyaha xisbiga EPRDF 2 April, 2018. Mudane Abi Axmed wuxu markiba ku talaabsadey isbedel balaadhan oo xawli ku socda oo saameyn weyn ku yeeshey Ethoipia Iyo geeska Afrika muddada gaban ee ka soo wareegtey marki xukunka dawladda Ethiopia loo caleemo saarey April 2018. Wuxu la heshiyey Eriteria isago 5 June, 2018 aqbaley go’aanki ka soo baxey shirki nabadeynta Algiers ee xabad joojinta (Algiers Peace Accord ) iyo go’aanki 2002 ay diidaneyd Ethiopia ee ay soo saartey guddida xadeynta xuduudaha Ethiopia iyo Eriteria ( Ethiopia Eriteria Boundary Commission ) ee Jamciyadda quruumaha u xil saartey oo go’aamisey in mandaqadda BADME iyo dhawr goobood oo kale ay ledahey dawladda Eriteria, Ethiopiana ay waajib ku tahey iney ciidamadeeda iyo maamulkeeda ba kala baxdo. ( Xigasho, Abraham T Zere, Aljazeera ). Wuxu soo celiyey xidhiidhki diblumaasi, ganacsi iyo isu socodka ( dhul iyo cir ) labada shacab ee kala xidhna labaatanka sanadood ( 1998—2018 ) iwm. Wuxu cafis u fidiyey kumanaan maxaabis ah oo fikirkooda u xidhna iyo jabhado iyo ururo siyaasi ah oo maamulki hore ku tilmaamy argagixiso sida ONLF, OLF iyo Ginbot 7 Wuxu isbedel balaadhan ku sameeyey hay’adihi amniga, garsoorka, ciidamada iyo madaxdi goboladda oo qaar kood xabsiga loo taxaabey iyago lagu eedeyey xadgudubyo xuquuda bani’aadamnimo. Wuxu dhisey dawlad kooban ( labaatan wasiir, toban dumar iyo toban rag ah ). Waxaanu wasaarado muhim ah siiyey qowmiyadaha aan ku jirin EPRDF sida Somalida oo u siiyey maaliyadda iyo Cafarta oo u siiyey gaashaandhiga. Wuxu ka dhex bilaabey dib u heshisiin dawladdaha geeska afrika ee colaaduhu u dhexeyeen sida Somalia iyo Eritrea , Djibouti iyo Eritrea iwm… Wuxu hoos u dhigey colaaddi wabiga Nile ka ee u dhexeysey Ethiopia Masar Sudan ( waxa hakad galey mashruci weyna ee Daamka ( Grand Ethiopia Renaissance Dam ) Wuxu xoojiyey xidhiidhki ka dhexey Ethiopia iyo Marykanka- Europe iyo Carabta khaliijka ee hodanka ku ah shidaalka, dawladahaaso la tuhusan yahey iney ka dambeyaan siyaasadihisan cusub oo ka mid noqonaysa ka hortagga is balaadhinta dhaaqle iyo military ee China taaso ka duwan siyaasaddi hore ee isku dheeli tiraaysey reer galbeedka iyo xooggaga cusub ee dhaqaale sida India, Turkiga, South Afrika ( guud Afrika ), Brazil, China iyo iwm Haddaba waxeynu qireyna innu mudane raisal wasaare Abiy Ahmed ilaa hadda ay si habsami ah u socdaan talaabooyinka u qaadey ee kor ku xusan laakin imtixaan ka weyni wuxu imanaya marka axsaabta la furo oo doorashooyinka loo diyaar garoobaayo. Waayo, waxeynu wada oggsoonahey in Ethiopia aaney hore uga dhicin doorashooyin dimoqraadi ah oo xor oo xalaal ah, waayo arag la’aantaso warwarkeeda leh madaama shcabka Ethiopia u qeybsan yahey qawmiyado khilaaf ba’aan oo xuduudeed iyo xurgufo siyaasadeed oo gaamurtey ka dhexeeyaan. Qawmiyadaha laftoodu waxey u qebsan yihiin qabaa’il dhexdooda iska soo horjeeda iyo mandaqado dano kala duwan leh.Taaso u dheer tahey waayo arag la’aanta xukuumadda, jabhadaha muddo dheer halgan hubaysan ku jire oo tacadiyo ka tirsanaya guud ahaan EPRDF gaar ahaan hayadaha amniga ee u saraakisheeda sare ka mid aha Ahmed Abiy. Waxa xusid mudan in Axmed Abiy u ururka OLF kala kulmi doono tartan adag qawmiyadda Oromia dhexdeeda ee u ka soo jeedo madaama shacabka Oromia ay taageera xoog leh u hayaan ururka OLF iyago qadarinaya halganka dheer ee adag ee naf iyo maal ba u hureen si ay xuquuqda iyo kramada shacabkooda u badbaadiyaan. Waxa marag ma doon u ah taageerada xoogga leh ee ay shacabka Oromia u hayaan madaxda OLF sida xoog leh ee qiraysan ee ay ugu soo baxeen markey ka soo degeen Airporka Addisa baba. Eng Bashe C Gaboobe Email: gaboobe _3@hotmail.com Qaran News
-
Qaran News
-
Madaxweynaha Kililka Hadalkiisa Maxaa Daba Socda: Warkan ka soo yeedhay madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee DDS ayaa dad badan fajac ku riday, waxase xaqiiqadu tahay waa war aanu ka fiirsan oo iska soo tuur ah. Waxaya hore u aragnay madaxweynihii isagaka horeeyey ee Ilay oo isticmaalaya hayadaha nabad gelyad oo dad u dhashy kililka shanaad o ku siugnaa xilligaa deegaananad uu madaxweynaha hadduu ku tiraabay in laga soo weerayo marba mid uu isagu garanayo odhan jiray dembibuu iga galaye ii oo dhiiba loona dhiibi jiray si loo ilalliyo nabad gelyada iyo wad shaqaynta. Kan hadda meesha yimi isna wadadii kii hruu hayaa waxan uu soo wadaana waa hebel iyo hebel ii soo dhiiba. Kani waa layli syaasadeed oo arrintii heer madaxweyne ayuu kaga bilaabay saxaafadana waa la soo fadhiistay, halka Ilay uu soo mari jiray haydaha nabad gelyada. Horaa loo yidhi siyaasaddu saaxiib joogta ah ma leh laakiin dano joogta ah ayay leedahaye, ninkani hadda isagaa kursiga ku fadhiya ee saddexda maamul ee uu magcaabayba waxan u soo jeedinyaa inay u dhiibaan dadkan uu ka baqanayo inay soo weeraraan, isagaana garnaya kuwa ay yihiin oo sheegi doona. Dad badan ayaa sheega in ninkani Somaliland oonu weligii arag waxna u gelin ku khafiiifay, haddana Jubbland iyo Puntland buu ku soo daray. Waa nin ay muuqato inaan fahamsanayn masuuliyadda ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa oo meelo kale oon lagaba aqoon isooga hanqal taagaya. Xilligii Ilay, kooxahaaa uu ugaadhsan jiray Ilray kuwa taageersani waxay odhan jireen Axmaraa baa loo dhiibay, inagoo og in Axmaaro warkeeda uu ugu dambeeyey xilligii Mangiste. Haddana kuwan uu Cgajar doonyao marka la dhiibo taageeryaashoodu waxy odhan doonaan Axmaaraa loo dhiibay. Taasi waxay ina tusaysaa inay Axmaar u yaqaanaan marba ka kursiga ku fadhiya. Abokor Baaruud Baruda2006@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirarkii Golaha Shacabka ayaa hakad ku jirta, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka ka dhashay kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Golahaasi, kadib warbixin muran dhalisay oo ku saabsan miisaaniyada 2018. Guddoonka Baarlamaanka ayaan isku raacsaneyn qaabka loo kala diray Guddiga Maaliyadda, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka oo Sabtidii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho uu ku adkeystay in arrinta Guddiga Maaliyadda lagu celiyo Baarlamaanka si ay go’aan uga gaaraan. Waxaa horumar laga gaari waayey kulamo xiriir ah oo u socday madaxda dowladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo dhinaca kale Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenadiisa ay isla fahmi waayeen qaabka wajahayo khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda. Dhinaca kale waxaa Guddoonka Baarlamaanka horyaalla dacwad ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, waxaan laga cabsi qabaa inay dhibaato noqoto heshiis ay saddexda nin ee guddoonka ah ka gaaraan arrimaha hor yaalla. Xarunta Guddoomiye Mursal ayaa noqotay mid mashquul badan, kadib markii ay halkaasi iska xaadiriyeen xildhibaannada mucaaradk ah oo olole ugu jira inay guddoomiyaha Baarlamaanka dhinacooda u soo jiidaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdishi Caasimad@live.com