-
Content Count
207,041 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A sustained water system was launched on Sunday by Somaliland, the EU and the UN children’s fund (UNICEF) in northern Somalia. According to a joint statement issued in Mogadishu, some 800,000 people will now have sustainable access to safe drinking water thanks to the concerted efforts by Somaliland government, private water companies and communities. “Water is a basic right. It plays a crucial role in our lives. We are glad that the people of Somaliland and in particular Tog Wajaale now have access to clean and affordable water,” EU Chargé d’Affaires to Somalia Fulgencio Garrido Ruiz said. “We are extremely proud to be here, witnessing this important milestone and the realization of the prayers of so many communities to have access to safe and clean water for the first time,” he added. Water systems in four towns — Borama, Burao, Erigavo and Tog Wajaale — were rehabilitated or rebuilt with the funding provided by the EU and technical support from UNICEF and partners. According to UNICEF, some 68 percent of the population have access to a reliable water source in Somaliland. However, the disparity between urban and rural areas is significant, the UN agency said, noting that only 28 percent of households can access an improved water source in rural areas. For many Somaliland communities, their struggle to get clean water is compounded by poor infrastructure and intensifies in periods of crisis such as the 2017 drought. UNICEF Acting Representative Jesper Moller said access to safe, affordable and sustainable water is a dream for so many people in Somaliland. “Today, that dream has finally been realized for many children, women and their families in Somaliland. We are grateful for the government’s strong leadership and the EU’s generous funding in making this huge undertaking a success,” said Moller. He said the water project is a true testament to the commitment and hard work of all partners involved, and the courage, resourcefulness and resilience of the people of Somaliland. Source: XinhuaNet
-
Following the commencement of the newly built Ethiopia – Djibouti railway transport and the growing number of middle class in Ethiopia, Djibouti says it is targeting to boost the number of Ethiopian tourists and co-market the two nations as single destination. “We have seen steady increase of tourists from Ethiopia over the past two years. But that is not enough. We are working to increase the number of tourists from Ethiopia. We will open our office in Addis Ababa next month to provide information about the tourist attractions of Djibouti to Ethiopians, “says Osman Abdi Mohamed, CEO of National Tourism Office of Djibouti. Since the railway between the two countries has started operations, it makes easy and affordable for Ethiopians to spend their holidays with families enjoying the Red Sea coasts in Djibouti, according to Yousouf Mousa Dawaleh, President of Djibouti Chamber of Commerce. Ethiopia and Djibouti are connected via road, railway and electricity. Ethiopia has also been providing water to Djibouti over the past few years. Further binding together, the two countries have also signed an agreement in 2016, which will enable Djiboutians to be treated like Ethiopians and vice versa, according to Mr. Yousouf. Djibouti Port has also been handling over 80% of Ethiopian international trade for the past two decades. Meanwhile Assab and Massawa ports of Eritrea are expected to take some of Ethiopia’s import and export goods from Djibouti Port, following the recent restoration of peace between Ethiopia and Eritrea. “We have a lot of interdependence. We expect more Ethiopian businesses to invest in Djibouti,” he said, indicating that many Djiboutians are also engaged in multiple businesses in Ethiopia, ranging from real estate development to logistics businesses. One of the challenges to boost the number of Ethiopians visiting Djibouti for leisure would be the shortage of the hard currency Ethiopia is currently facing. Reports show that discussions are underway between the officials of the two countries about the possibility of Ethiopians using their own currency while in Djibouti. Though not officially promoted by the government, it is not a problem to find older women on the streets of Djibouti, who convert Ethiopian birr to Djibouti Frank. Meanwhile officially, it is forbidden to take out of the country more than 4,000 birr [Ethiopian currency] to Djibouti. T he maximum amount one can hold coming into Ethiopia or leaving Ethiopia to other countries except Djibouti, is 1,000 birr, according to the directive of the National Bank of Ethiopia. Recently Djibouti has introduced online visa for all citizens of the world. The country has also made available visa on arrival for many countries, according to Mr. Osman. Destination Ethiopia – Djibouti Ethiopia and Djibouti are also working to market their two countries as single tourist destination. Last year tour operators from Ethiopia have met their counter parts in Djibouti to discuss on how to do joint market the country’s tourist attraction in a package. The next meeting is expected in the coming months in Addis Ababa, Ethiopia, according to Mr. Osman. “Ethiopia has many historical tourist attractions registered by UNSCO. But Djibouti has what Ethiopia does not have, such as seaside beaches. Tourists who go to Ethiopia can go to Djibouti to visit such areas. Likewise, tourists who come to Djibouti can also go to Ethiopia to see what is not available in Djibouti if we prepare one package tour,” he said. Djibouti is in top the tourist destinations in 2018, according to Mr. Osman. He stated that in 2017, 140,000 tourists have visited Djibouti and tourism contributed to 3% of the gross domestic products (GDP) of the country. The government is now planning to boost this share to 5% in the coming years as speculated in the national tourism master plan of the country expected to be approved by the government soon. After five years, the government plans to increase the number of tourists arriving to the country to half a million, according to Mr. Osman, who briefed visiting international journalists from Ethiopia in his office this afternoon. In addition to Ethiopian tourists, Djibouti is also planning to boost the number of tourists from China, Middle East countries as well as Spanish speaking countries. Currently the majority of tourist are coming to Djibouti is from French speaking countries. To diversify its source of tourists, the government is planning to provide assistance to tour operators to train their staff in multiple languages, which includes Amharic, Chinese, Spanish and English. French, Arabic and to some extent English, are among the most spoken language in the tiny in Eastern Africa country, which has a total population of around a million, dominantly the Somali and Afar communities, who are also found in the neighboring Ethiopia and Eritrea. Source: New Business Ethiopia
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay maalinta caalamiga ah ee Naafada Adduunka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso u adeegidda dadka naafada ah. Farmaajo ayaa xusay masuuliyadda gaarka ah iyo midda wadareed ee ku aaddan dadka naafada ah sidii ay u heli lahaayeen adeegyada asaasiga u ah iyo xuquuq dhammeystiran. Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare ugu baaqay in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taas oo aasaas u ah mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah. “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taasi oo fududayn doonta in dadka naafada ah ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhisay tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalka. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambeyn ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay is caawiyaan, si gaar ahna loo garab istaago dadka Naafada ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Aqalka Sare ka codsaday meel-marinta Qodob muhiim ah appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Kulan looga hadlay Ammaanka maamul-goboleedka Jubbaland oo ay ka qayb-galeen xubno ka socday ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxeyne Axmed Madoobe. Kulankan oo ah mid dhawrkii biloodba mar la qabto ayaa xunihii AMISOM ee ka qayb-galay ka mid ahaa; Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Francisco Madeira iyo Mas’uuliyiin kale oo kasocday hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia. Intii uu kulanku socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amni ee heer Dowlad-goboleed, xoraynta deegannada iyo Qaabeynta hawl-gallada dhanka ka ah Al-shabaab iyo sidii dhammaan dhinacyada ay khusayso ay doorkooda u soo bandhigi lahayeen iyo natiijada isla-falgalka dhinacyada hawl-gallada amniga kala shaqeeya maamulka Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] oo intii uu kulanku socday la hadlay mas’uuliyiintii shirka fadhiyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu sharraxaad ka siiyo guddigan hawl-gallada ka socda Jubbaland sida amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab. “Jubbaland waxaa ka go’an inay deegaannadeeda ka xoreyso Al-shabaab, bales ay doonayaan inay gacan muuqata lagu sidii kooxaha dagaallada wada looga saari lahaa deegaannada ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri Madoobe. Sidoo kale, Danjire Francisco Madeira ayaa Jubbaland ku ammaanay sida ay uga go’an tahay xasilloonida iyo nabadeynta deegaanadooda iyo guud ahaan Somalia, isagoo xusay inay door mhiim ah kaga jirto dhismaha hannaanka nabad-galyo iyo hormar ee guud ahaan dalka. Ugu dambeyn, Guddiga ka socda Midowga Afrika ayaa waxaa lagu wadaa inay booqashooyin noocan oo kale ah ku bixiyaan qaybo ka mid ah gobollada dalka, iyagoo warbixinta ay ururiyaanna u gudin doona Guddiga Ammaanka iyo Nabad-galyada ee Ururka Midowga Afrika. PUNTLAND POST The post Guddi ka Socda Midowga Afrika oo shir gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo[Puntland Post]-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maanta shir gudoomiyay kullanka golaha amniga Jubbaland. Kulankan oo ah mid dhowrkii biloodba mar la qabto waxaa maanta ka qayb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo masuuliyiin kale oo kasocday howlgalka AMISOM. kulankan ayaa lagaga hadlaa xaaladaha amaanka ee heer Dowlad Goboleed xoraynta deeganada iyo qaabaynta howlgalada lagu qaadayo Al-Shabaab iyo sidii dhamaan dhinacyada ay qusayso ay doorkooda usoo bandhigi lahayeen iyo natiijada isla falgalka dhamaan dhinacyada howlaha amniga kala shaqeeya Jubbaland. Danjire Francisco Madeira ayaa Jubbaland ku amaanay sida ay uga go’an tahay xasiloonida iyo nabadaynta Soomaaliya iyadoo ay door muuqda kaga jirto dhismaha hanaanka nabadgalyo iyo hormar ee guud ahaan wadanka. DHAMAAD Cabdiqani Boos Puntland Post The post Akhriso:-Qodobo Kasoo Baxay Shirka Golaha Amniga Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa kulan la yeeshay Qaar ka mida xubnaha Guddiga Maaliyada ee uu dhowaan kala diray Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka C/weli Ibraahim Sheekh Muudey. Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa ka qeyb galay garabka Guddiga ee soo diyaariyey warbixinta Muranka dhalisay ee Arrimaha Miisanaiyadda dowladda 2018, waxaana kla mid ahaa guddoomiyaha iyo xoghayaha guddigaasi, iyadoo looga hadlay xaaladda Guddiga iyo go’aankii lagu kala diray. Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu xubnaha uu la kulmay ee guddiga uu weydiiyay sida ay Guddi ahaan u sii wada-shaqeyn karaan, kadib khilaafkii baarlamaanka hortiisa ay ku kala qeybsameen iyo qaabka ugu haboon ee xal loogu heli karo arrintooda. Dhinaca kale shirar is daba joog ah ayuu shalay, xalay iyo maanta la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka xildhibaannada iska horjeeda, xukuumadda iyo Madaxtooyada oo dhammaantood kala wata go’aanno kala duwan, waxaana la sheegay inuu ku adkeystay inuu isagu dib ugu celin doono Baarlamaanka arrinta Guddiga Maaliyadda si ay go’aan uga gaaraan. Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka ayaa ka horjeeda go’aanka Guddoomiye Mursal, waxaana laga cabsi qabaa in Guddoonku kala qeybsamo, iyadoo markii hore khilaafku ka taagnaa Guddi ka tirsan Baaralmaanka, laakiin ay muuqato inuu saameyn ku yeelan doono Guddoonka Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Muqdisho-[Puntland Post]Mas’uuliyiinta Hay’adda socdaalka ee dawlada Soomaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin mudada kooban ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin ka bixiyay, waxaana ay sheegeen in dhammaan xarumaha bixinta baasaboorada ee dalka ku kala yaal ay howlgali doonaan. War ka soo baxay Masuuliyiinta Hay,adda Socdalka ee Soomaliya ka soo baxay ayaa lagu sheegay in maalmahii la soo dhaafay ay wadeen horumarin iyo dib u habeyn lagu sameynayay habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah lana bilaabi doono bixinta baasaboorka maalinta Talaadada ah ee soo socota kuna beegan 4ta December’. Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dawlada Soomliya ayaa xarumo ka furtay qaar ka mid ah magaalooyinka dalka waxayna taasi u fududeysay shacabka in iyagoo aan imaan caasimadda in gobolada ay ku sugan yihiin ku helaan baasaboorka, iyadoo loo qabanayo adeegyada ay u baahan yihiin. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Hay,adda Socdalka Soomaliya oo shaacisay xilliga dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Doha)-Qatar ayaa maanta sheegtay inay ka baxeyso ururka dalalka saliidda dhoofiya ee OPEC laga billaabi bisha Janaayo ee sanadda 2019, si ay diiradda u saarto dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee la qafiifiyey (LNG). Isaga oo maanta weriyayaasha kula hadlayey magaalada Doha, ayaa wasiirka tamarta Qatar, Saad Sherida al-Kaabi waxa uu sheegay in dalkiisa oo ah kan dhoofiya gaaska ugu badan ee dabiiiciga ah ee LNG uu qorsheynayo inuu kordhiyo dhoofintiisa. Qatar ayaa sanadkii soo saarta 77 milyan oo tan oo gaas dabiici ah, hase yeeshee waxa uu al-Kaabi sheegay inay gaarsiin doonaan 110 milyan oo tan. Qatar ayaa sidoo kale dooneysa inay kordhiso wax soo saarkeeda saliida ceeriin oo hadda ah 4.8 oo barmiil maalinkii, ayna gaarsiiso 6.5 milyan oo barmiil, sida uu sheegay wasiirka. Qatar ayaa xiisad diblomaasiyeed waxa ay kala dhaxeysaa dalka Sacuudiga oo ah kan ugu awoodda badan dalalka OPEC, hase yeeshee al-Kaabi ayaa sheegay in go’aanka Qatar ay kaga baxeyso ururka uusan xiriir la lahayn arrimo siyaasadeed. Ururka OPEC oo xaruntiisu tahay magaalada Vienna ee dalka Austria ayaan weli ka jawaabin go’aanka Qatar. Source
-
Xogo Xasaasiya: Qorshe Liddi Ku Ah Somaliland Oo Uu Abiy Ahmed Ku Mashquulsan Yahay+Culays Diblomaasiyadeed Oo Uu Saarayo Xukuumadda Biixi + Safaaraddiisii Hargeysa Oo Uu Xidhayo Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay baahinayeen xogo diblomaasiyadeed oo ay sheegeen in ay ka heleen ilo wareedyo u dhuun daloola dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya iyaga oo sheegay halka ay salka ku hayso cadaadis ay ku tilmaamen in ay dawladda Itoobiya saartay Somaliland warkaasi oo idaacadaha iyo warbaahinta Online-ka ah ee Muqdisho si weyn u baahinayeen habeenadii ugu dambaysay. Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu yahay sarkaalka isagu go’aansaday in uu gabi ahaanba soo laabo xidhiidhadii ay Itoobiya la lahayd maamul Goboleedyada dalkaasi iyo Soomaaliya iyo waliba inuu hoos u dhigo xidhiidhkii ay Addis Ababa la lahayd Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo kalsooni weyn siiyey Madaxweynaha dawladda Muqdisho Maxamed Cabdilaahi Farmaajo horena ugu ballan qaaday in Itoobiya ay Soomaalida hal jiho kala xidhiidhi doonaan oo ah dawladda Muqdisho ee Federaalka sheegata. Warbixinahan ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay wajahaysay cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowladda Ethiopia kadib markii ay soo baxday qorshe qarsoon oo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweynaha Muqdisho Farmaajo. Xogahan ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu dhowaan amray in xafiiskii Somaliland ee magaalada Addis-Ababa loo raro magaalada Diri Dhaba, taasi oo qeyb ka ah tallaabooyin lagu yaraynayo heerkii diblomaasiyadeed ee dowladda Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeyey iyada oo aanu wali Abiy Axmed kulan la yeelan Madaxweyne Muuse Biixi. Ethiopia ayaa sidoo kale dhowaan la baxday qunsulkeedii Hargeysa. Ilo-wareedyada xogta laga helay ayaa sheegay Somaliland ay aad uga xumaatay dhawaan markii ciidamo ka socda Liyuu Booliska dalka Itoobiya ee Gaar ahaan Kililka shanaad ay dhexdhexaadin ka gaysteen beelihii walaalaha ahaa eeku diriray Gobolka Sool iyaga oo aan wax wada shaqayn ah kala yeelan arrinkaasi dawladda Somaliland. Arrinta layaabka leh ee wararkan ku jirta ayaa ah xogo ay sheegeen in ay ku heleen in dawladda Somaliland xidhiidh la samaysay maamul Goboleedyada dalkaasi Soomaaliya si ay cadaadis ugu saaraan dawladdooda dhexe oo ay garab ku siiso siyaasaddii ay Maamul Goboleedyadu ku wiiqayeen dawladooda arrinkaasi oo aan la ogayn xaqiiqadiisa iyo halka uu salka ku hayo. Dhinaca kale, Farmaajo ayaa la sheegay inuu xidhiidh dhow la leeyahay oo uu haysto taageerada madaxweynaha dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed qudhiisa. Tani waxa ay keentay in qaab lala yaabay uu Madaxweynaha Kililku Somaliland ugu soo daray mar uu ka hadlay xaalad amni oo uu sheegay in ay dalkiisa kaga imanayso Puntland, Jubbaland kuwaasi oo uu ku lammaaneeyey Somaliland. waa markii ugu horraysay ee Masuul dawladda Itoobiya ahi uu Somaliland ku xidhiidhiyo dhibaato ay gaysan karaan maamulada Soomaaliya oo ay Itoobiya u gaysan karaan. Arrinkaasi oo aad uga cadhaysiiyey Somaliland. Dhinaca kale xogtan waxa lagu sheegay in Farmaajo uu lahaa fikradda uu Mustaf Cagjar ku dhex-dhexaadinayo beelaha Sool clan ee ku dagaalamay gobolka Sool ee Somaliland, kuwaas oo lagu heshiisiinayo magaalada Jig-Jiga, taasi oo sidoo kale dharbaaxo kale oo siyaasadeed ku noqotay dowladda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka digay dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa xilli aan wali la ansixin Sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa. Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan Sharciga la dagaalanka Musuqmaasuqa, waxaana intaasi ka dib saxiixi doona Madaxweynaha Soomaaliya. Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in faafinta rasmiga ah markii lasoo saaro ka dib la dhisi doona guddiga la dagaalanka Musuq Maasuqa. Wasiirka ayaa waxaa uu ka digay in Dhismaha Guddiga xilli sharciga aan la marsiin Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sheegeysay bilihii lasoo dhaafay in si deg deg ah loo dhisi doono guddiga la dagaalanka musuq maasuqa. Dhowaan ayaa guddiga maaliyadda baarlamanka waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay musuq-maasuq xooggan ku kacday, ayada oo la la’yahay lacag dhan 42 milyan oo dollar, eedaas oo xukuumadda ay beenisay. Diidmada dhismaha guddigan ayaa abuuri kara shaki ku saabsan in xukuumadda aysan diyaar u ahayn in musuq-maasuqa lala dagaalamo. Hoos ka dhageyso wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Wasiirka-Cadaaladda.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka ee Golaha Wakiilada maamulkaasi. War qoraal ah oo uu ku saxiixnaa Madaxweyne Gaas ayaa lagu magacaabay guddigaasi oo ka kooban illaa iyo Sideed xubnood. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Gaas Oo Magacaabay guddiga xalinta Khilaafaadka Ee Golaha Wakiilada Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidanka amniga ee DFS ayaa maanta fashiliyay qaraxyo Miino oo lagu aasay agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Qaraxyada oo 2 ahaa ayaa la sheegay in lagu soo wargaliyay Ciidamada, kadibna ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan mid ka mid ah qaraxyadaasi, halka kan kalena uu qarxay. Ma jiro wax khasaare ah oo ku dhashay qaraxyadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Maalmihii dambe Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday gudaha magaalada Muqdisho. The post Ciidanka amniga Oo fashiliyay qaraxyo lagu aasay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beledxaawo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in xaasaskii Al-Shabaab ee dhawaan laga saaray degmadaasi ay dib ugu soo laabteen. Arintan ka dambeysay kadib markii ay kulan yeesheen Odayaasha dhaqan degmada Beledxaawo iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab. Odayaasha iyo Shabaab ayaa waxaa ay ka wadahadleen ay culeyska ka dulqaadaan shacabka ku dhaqan degmada, islamarkaana ay xaasaskooda ay dib ugu soo celiyaan degmada is loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhacaya Degmadaasi. Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in La badali doono Maamulka Degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo, sida ay sheegayaan warar aan heleeno. Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii Maamulka degmada Beledxaawo ay Tabasho ka muujiyeen shacabka ku dhaqan degmadaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay go’doomineyso Beled-Xaawo haddii aan laga laaban go’aankaan xaasaskooda looga saaray degmadaas. Odayaasha Dhaqanka ayaa Maamulka degmadaas ku cadaadinayey inay go’aankaas ka laabtaan maadaama ay hanjabaad kala kulmayaan Kooxdaas. Xaasaaska iyo Carruurta Al-Shabaab ayaa dhawaan magaaladaas laga saarayo iyadoo ay dadka deegaanka isku khilaafsanayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Netwk )-Iyadoo maanta loo dabaal dagayo maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa waxa ay Naafada Soomaaliyeed ka cabanayaan dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan bulshada. Qaar ka mid ah dadka Naafada ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in tacadi weyn loo geystay saakay, kaddib markii meel lagu xareeyay, la’iskuna Sawiray, iyaga oo aan waxba la siin. Sidoo kale waxa ay tilmameen in magacyo xun xun loogu yeero dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo aysan raali ka aheyn. Dhinaca kale war ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Naafada ah. “Caawinaad dhab ah iyo qadarin ayey u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee qaba baahiyaha gaarka ah” ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Qaramada Midoobay. In ka badan 1 Billion oo Qof ayaa lagu sheegay dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaasi oo 80% ay ku nool yihiin Wadamada soo koraya. The post Qaar ka mid ah dadka Naafada ah Oo dalbaday in la Caawiyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii KMG ahayd Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, ayaa shaqaaleeyey shirkad sardoon oo ajnabi ah, si ay u maamusho ololihiisa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee 2020, oo uu isku soo sharxi doono, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Sida ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Galmudug ay Caasimada Online u sheegeen, ololaha doorashada Xuseen Caydiid ayaa waxaa maamuli doono SAACS Independent Intelligence Agency, gaar ahaan madaxa howl-gallada shirkaddaas Rey Santana. Guddoomiyihii hore ee isbahaysiga SNA, Xuseen Caydiid ayaa sida la sheegay doonaya inuu ololihiisa doorashada u galo qaab aan horey Soomaaliya uga dhicin, asaga oo shirkaddan sirdoon u adeegsanaya inay usoo ururiso xogta iyo macluumaadka musharaxiinta la loolamaya. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Xuseen Caydiid ayaa waxa uu si aad ah ula dhacay macluumaad uruurinta ay shirkaddan hore ugu sameysay madaxweynaha Gamudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo horey u shaqaaleeyey. Halkan ka akhri war arrintaas ku saabsan. Tallaabada Xuseen Caydiid oo ah mid ku cusub Soomaaliya ayaa walaac gelin doonta musharaxiin badan. Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency, ayaa waxa uu fadhigeedu yahay magaalada Miami ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka, waxaana madax ka ah gabar Cuban-American ah, oo lagu magacaabo Marissa Santana. Shirkadda SAACS Independent Intelligence Agency ayaa waxa ay sidoo kale tan iyo sanadii 2015 la shaqeyneysay shirkad Soomaali ah oo lagu magacaabo Galeyr Security Services Corps (GSS), oo iyana dhanka ammaanka ka shaqeysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Galmudug ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay M/ Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi. Ciidamadani oo aad u badan ayaa lagu arkayay xaafado ka tirsan Dhuusomareeb, iyagoona fariisimo cusub ka sameystay qeybo ka mid ah magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo aan la xariirnay ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay ka qeyb qaadaan doonaan xaqiijinta amniga iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka Galgaduud. Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa howlgallo xoogan ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Galmudug Oo dhaq dhaqaaqyo ka bilowday Dhuusomareeb appeared first on Shabelle. View the full article
-
Columbus ( Sh. M. Network )-Gabdhahani Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabi jiray Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed ayaa ku Geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay magaalada Columbus gobolka Ohio ee dalka Mareykanka. Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah ku aadan waxyaabaha sababay shilkaasi. Sidoo kale waxaa shilkan ku dhintay Qof Saddexaad oo magaciis lagu sheegay Gabriel Reid. Ehellada Gabdhahaasi oo walaalo ahaa ayaa sidoo kale sheegay in dhaawac uu soo gaaray Gabar kale oo lagu magacaabo Aamino Maxamed oo iyaduna la dhalatay Gabdhaha Geeriyooday. Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa si weyn uga naxay Geerida Gabdhahaasi Soomaaliyeed oo ahaa kuwo da’ yar ah. Dhawaantaan ayey ahayd markii meel War ah oo ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota laga helay Meydadka 2 Gabdhood oo Soomaali ah, kuwaasi oo aan illaa iyo hadda la ogeyn waxa sababay Geeridooda. The post Gabdho Soomaaliyeed Oo ku Geeriyooday shil ka dhacay gudaha dalka Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Inkasta oo ay adag tahay in si dhib yar xogtan si dhab ah loo wada ogaado haddana illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo warbaahintu heshay ayaa daaha ka rogay cadadka lacag cadaan ah oo la garab qaaday Safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Doraad kaga soo guryo noqday Gobolada Bariga Somaliland kuwaasi oo uu kala kulmay soo dhawayn diiran iyo Martigalin cudoon. Warar lagu kalsoon yahay oo lagu baahiyay Shabakadaha wararka ee ayaa iftiimiyay in safarkii 14-ka Maalmood qaatay ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay Gobolada Bari ee Somaliland ay kaga baxday lacag cadaan ah oo kor u dhaafaysa Hal milyan oo Dollarka oo lacagta Maraykanka ah, inkasta oo ay warar kale sheegayaan inay hawlwadeenada Safarka Madaxweynuhu ay markii dambe kordhisteen oo ay lacag kale soo dalbadeen oo laga daba geeyay kadib markii uu dhamaaday Halkaasi Milyan ee hore ee Gaadhi loo sii saaray Madaxweynaha, haddana majiro war rasmi ah oo arintaasi xaajiinaya in lacagtaasi laga daba geeyay ay jirto. Sida lagu baahiyay warbaahinta Qaar oo xogtan heshay, waxa safarka Madaxweynaha la socday Xisaabiyaha Khaaska ah ee Madaxtooyadda waxaanay lacagtaasi sida lagu tafsiiriyay ay ku baxaysay kulamada gaar ka ah ee uu Madaxweynuhu la qaadanayay Salaadiinta iyo Cuqaaasha Beelaha ku dhaqan Gobolada Bariga Somaliland oo uu Madaxweynuhu jufo jufo ula soo kulmay beelihii deganaa dhulkii uu safarka ku soo maray, waxaanu koox ahaan Cuqaasha iyo salaadiinta si muuqata ugu dhiibayay lacag Cadaan ah oo Dollar ah. Wararkan ayaa sheegaya in Cadadka Lacagta uu Madaxweynuhu gudoonsiinayay Salaadiinta iyo Cuqaasha la kulanta ay u dhexaysay 10-kun oo Dollar illaa 30-Kun oo dollar iyadoo uu ukala saraysiinayay hadba sida ay ukala tiro badan yihiin ee ay ukala xajmi wayn yihiin beel ahaan jufooyinkii uu kulamada la qaadanayay. Arintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Siyaasada Dawladdu ay Madaxweynaha ku dhaliilaan inuu handaraabay dalka oo ay cidhiidhi kujirto noloshii caadiga ahayd ee Shacabku iyagoo ula jeeda inay istaagtay lacagihii meertada ahaa ee Qasnadaha Dawladda kasoo bixi jirtay ee ay iskaga noolaayeen dadka Magaalooyinka ku nooli. Sidoo kale Madaxweyne Biixi Oo Hore Loogu Xaman Jiray Gacan Adayg Iyo Inuu Handaraabay Irmaantii Afmiishaarku Ladaaban Jiray ee Qasnadaha Dawladda kasoo bixi jirtay ayaa Noqday Madaxweynihii U Horeeyay Ee Lacag Cadaan Ah Jufooyin Hoose U Qaybiya oo waliba si badheedh ah oo muuqata lacag cadadkeeda la arkayo u qaybiya, lamana garanayo inay halkaasi kaga hadhi doonto naanaystii uu isaga laftiisu labada jeer ka hadlay ee Handaraab ee uu ku macneeyay inuu handaraabay Qasnadihii lacagta Dawladda,isagoo intii uu safarkiisan ku guda jiray oo uu Naanaystaasi ka hadlay ku sheegay inuu handaraabkii quful 99 ah u raaciyay. Source
-
Kulan wada-tashi ah oo ku saabsan dib u-eegista Dastuurka Soomaaliya,gaar ahaanna cutubyada la muraajaceeyay oo ay soo gaban qaabisay wasaaradda Dastuurka Puntland oo kaashanaysa hay’adda UNDP ayaa maanta Garoowe loogu qabtay xubno ka socday hay’adaha dowladda Puntland iyo Ururrada bulshada rayidka ah. Agaasimaha waaxda Dastuurka ee wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka iyo Dimuquraaddiyeynta Puntland, Yuusuf Ibraahim Saalax oo kulanka furay ayaa ka warbixiyay ujeedka ay u qabteen,wuxuuna sheegay in hadafku yahay sidii loo heli lahaa ra’yiga bulshada Puntland ay ka qabto arrimaha dib u-eegista Dastuurka Soomaaliya,gaar ahaanna cutubyada la muraajiceeyay. Agaasimaha ayaa intaasi raaciyay in ay dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland gaarsiin doonaan ra’yi uruurinta iyo wada-tashiga ku saabsan arrimaha dib u-eegista Dastuurka,islamarkaana bulshada lagu wacyi-gelin doono arrimahaasi. Dhinaca kale Caasho Cismaan Ismaaciil oo ah agaasimaha waaxda maamulka ee wasaaradda Dastuurka Puntland ayaa ku boorrisay xubnaha kulanka loo qabtay in ay soo bandhigaan fikirkooda ku aaddan dib u-eegista Dastuurka oo aysan la gabban,islamarkaana ay si fiican u dhuuxan xog is-weydaarsiga kulanka. La-taliyaha wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo Dimuquraaddiyeynta Puntland,Warsame Maxamuud Xassan(Kaytoon) ayaa sidoo kale xubnihii kulanka soo xaadiray sharraxaad ka siiyay hannaanka ugu wanaagsan ee wada-tashi bulsho looga samayn karo dib u-eegista Dastuurka,gaar ahaanna cutubyada waxka beddelka lagu sameeyya. Mudane Kaytoon oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsan uu yahay sidii ra’yi uruurin iyo wada-tashi buuxa looga samayn lahaa dib u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Kulan ku saabsan wada-tashiga dib u eegista Dastuurka oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.