-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland: Golaha Wakiilada Ee Fashilmay Oo Sannad Kale Fadhiyaya Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa u muddo kordhis u sameeyey Golaha Wakiilada. Golahan sida baas u fashilmay, ee xishood ka tagay, ee wax ma tar ah, ee aan waxba isku falayn, ayaa ilaa iyo December 2019, ku dul daacaya dadka Somaliland. Subxaana Laah. Asxaabtan 14 sannadood meesha soo fadhiday, ee noqday “rubber stamp”, shaabad cid walba isticmaasho, miyaa weli sannad kale ina sii horjoogaya? Waa cajiib!! Waxba ma aha, waxaa balan ah, haddii Eebe raali ka noqdo, oo lagu heshiiyo saami qaybsiga, inta wakiil ee dumar noqon, iyo inta ka socota beelaha tirada yar, iyo guddiga doorashooyinka ee qaranka, oo ay doorashadu qabsanto, in aanu mid maanta fadhiyaa soo noqon. Nasiib daro, xisbiyadda dalka uun baa soo xulaya musharaxiinta, markaa, waxaan filayaa in ay kuwii uun soo noqday. Haddii ay sidaas dhacdo, musharaxuu madaxbanaan baa loo baahanyahay. Somalilnd horumar dimuqraadi ma gaadhaso haddii aan la habeyn golayaasha qaranka. Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___Qubanaha-230119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Tan iyo intii somaliland gooni isutaageeda kala soo noqotay dawladdii kacaanka ee dagaalka qadhaadh ay la galeen urur waynihii snm waxa qorshaha kaliya ee somaliland gooni isutaageeda ula soo noqotay ahaa sidii ay mar uun u noqon lahayd dawlad iskeed u jirta islamarkaana ay u dhanyihiin imkaaniyaadkii dawladnimo Qodobadda ugu waawayn ee dawladii kacaanka loola diriray waxa kamid ahaa cadaalad darro, eex, qaraabo kiil iyo dulmi dhinac walba ah haday tahay xoriyad la’aan iyo haday tahay dhiiga dadka oo la banaystay Hadaba somaliland oo maanta jirta 28 sanno jirsatay maxaa u qabsoomay dawladnimadeedii maxaase ka qaloocmay mudadaas muxuuse kaga duwanyahay nidaamkeedu nidaamkii afwayne ee laga soo dagaalamay? Hadii aynu su’aalahan is nidhaa ka jawaaba ma jirto wax buuran oo la sheego in nidaamka somaliland ka jiraa uu kaga duwan yahay nidaamkii afwayne waayo su’aalaha aynu kor isku soo waydiinay badankoodu somaliland maanta way ka dhacaan waxaana taas dheer adeegyo dawladeed oo wakhtigii afwayne dadku heli jiray sida , waxbarasho, biyo caafimaad iwm ma jirto hadda somaliland waxaas oo dhami waxaana intaas u dheer in dulmigii dadka reer somaliland duurka u galeen inay baabiyaan dib uga soo curtay somaliland islamarkaana aanu jirin wax sharciyad ah oo dawladda dalka haysataa ay marto balse masuul kastaaba sida uu doono ayuu ugu takri falaa sharciga ha ugu sareeyo madaxwaynuhuye Mudooyinkii u dambeeyay khaasatan intan ay jireen xukuumadaha kulmiye waxa dalka kusoo badanayay xadhiga iyo cadaalad daradda lagula kaco dadka muwaadiniinta ah iyadoo aan sifo sharciya loo marin islamarkaana waxa meesha ka baxay garsoorkii iyo nidaamkii cadaaladeed ee dalka madaxwaynaha hadda jooga oo inta badan marka uu fagaarayaasha ka khudbadaynaayo dumarka iyo caruurta uga sheekeeya dhibataadii kacaanku ma garwaaqsanyahay in wax ka xun dulmigii kacaanku dalka uu haysto mise wuu is diidsiiyaa isagoo xaqiiqda og. Waxaynu ognahay inay jeelasha dalka ku jiraan qaar kamida acyaantii iyo birmagaydadii dalkani iyadoo dadwaynuhu daawanayaan sida loola macaamilayo islamarkaana wali la ixtiraamayo sharciyadda iyo kala dambaynta dalka balse dawladda jirtaa taas way iska indho tiraysaa hadii dulmigu sii jiro waxaa biyo kama dhibcaana inaanu dalkani sii jiri doonin ee uu mari doono meel ka xun halkii la mariyay tii kacaanka. Madaxda dalka waxaan ku boorin lahaa inaanay hodin nabad galyadda iyo xasiloonida dalku oo aanay moodin in nabadgalyadu jirayso iyadoo dulmi lagu hoos samaynaayo balse ha garwaaqsadaan in waxa nabadda qurxiya ee ay ku taagantahay tahay cadaaladda iyo dulmiga oo la suuliyo waxaynu ka wada dharagsanahay cawaaqib xumadda ka dhalata dulmiga oo xoogaysta Waxaan ku soo gunaanadi lahaa qoraal kayga in nimcadda ilaahay ina siiyay aynu ku shugri naqno islamarkaana aynu fahano in alle subxaanahuu watacaalaa ina eegayo oo aynu isku noqono islamarkaana aynu ku cibro qaadano waxa hareeraheena ka socda. Wabilaahi Tawfiiq Axmed Aadan Rooble axmedrooble77@gmail.com Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weerar culus ku qaaday hogaanka dowladda federaalka ee iminka, oo uu ku sheegay kuwan aan awoodin inay dalka ku hogaamiyaan guulo. Sheekh Shariif oo madaxweyne ahaa intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2011, ayaa sheegay in hoggaanka hadda haya talada dalka oo aana woodin inay nabad iyo xasilooni dalka kusoo celiyaan darteed, ay ku qasabtay inuu dib ugu soo laabto siyaasadda. Wareysi uu siiyey wargeyska The Standard ee Nairobi, ayuu Sheekh ku sheegay in muddo xileedkiisii uu si guul leh u qaaday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, balse waxa uu yiri “Markii aan xafiiska ka tagay, kooxaha xagjiriinta dib ayey usoo laba kacleeyeen” “Markii aan ahaa madaxweynaha waxaan awoodnay inaan amniga kusoo celino Soomaaliya. Waxaan dalka u keennay nabad, wuuna mideysnaa” ayuu yiri Sheekh Shariif. Waxa uu ballan-qaaday in haddii dib loo doorto uu beesha caalamka ku cadaadin doono inay sare u qaaddo tayada iyo awoodda ciidamada qaranka Soomaaliy. Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuu aas-aasay xisbi cusub oo loogu magac daray Himilo Qaran, kaasi oo u loolami doona hoggaanka dalka, marka la gaaro doorashooyinka soo socda. “Waxaan xaqiijinayaa inaan noqon doono musharax xisbiga Himilo Qaran ee 2020. Waxaan dareemaya in hoggaanka hadda jira ay shacabka Soomaaliyeed ula dhaqmeen si aysan u qalmin. Waxaan doonayaa inaan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid xooggan” ayuu yiri. “Hay’adihii dowliga ahaa ee aan dhisay intii aan xukunka hayey ayaa marba marba ka dambeysay sii daciifayey. Muhiimadeyda koowaad waxay noqon doontaa haddii dib la ii doorto inaan nabadda dib usoo celiyo, oo dib loo xoojiyo hay’adaha dowliga ah” ayuu sii raaciyey. Waa erayadii ugu xoogganaa ee Sheekh Shariif uu ku weeraro hoggaanka dowladda hadda jirta, isaga oo inta badan ahaa nin qunyar socod ah oo inta badan iska ilaaliya inuu so toos ah dowladda u dhaliilo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Alle ha u naxariistee, Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo kamid ahaa as’aasayaashii dowladda Puntland sannadkii 1998-dii marna soo noqday taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe. Qeyb kamid ah taariikhda Gen Carays Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) wuxuu dhashay qiyaastii 1940-tameeyadii, Waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo sareba wuxuu ku soo qaatay magaalada Muqdisho, gaar ahaanna iskuul la oron jiray Geometry oo deris la’ aahaa isbitaalkii Digfeer ee haatan loo yaqaan (Recep Tayyip Erdogan). Sannadkii 1971-kii ayuu ku biiray ciidamadii militariga Soomaaliya,isagoo tababarro kala duwan ku qaatay dhinaca madaafiicda iyo gantaalaha (artillery & missiles), islamarkaana kamid noqday saraakiishii sare ee hoggaanka “madaafiicda iyo gantaalaha) ciidamadii xoogga dalka. Mudadii uu ka tirsanaa ciidamada militariga, wuxuu ka soo shaqeeyay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Berbera iyo sidoo saldhigii ciidamada Cirka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaah hoose oo uu wakhti kooban ka shaqeeyay. Kolkii la as’aasay jabhaddii SSDF oo markii u horraysay dagaal hubaysan ku wajahday dowladdii militariga Soomaaliya, Gen Carays wuxuu ku biiray jabhadda (SSDF)isagoo kamid noqday saraakiishii taliska dhexe oo hoggaaminaysay jabhaddaasi. Sannadkii 1998-dii wuxuu kamid ahaa as’aasayaashii dowladda Puntland, waxaana madaxweynihii u horreeyay, Cabdullaahi Yuusuf Axmed u magacaabay taliyaha ciidamada Daraawiishta, isagoo xilkaasi hayay mudda 7 sano ah. Mudadii uu ahaa taliyaha Daraawiishta wuxuu dhisay ciidamo tiro iyo tayo ahaanba diyaarsan oo tiir-dhexaad u ahaa difaaca dhulka Puntland, sidoo kalena wuxuu kaalin weyn ka qaatay heshiisyadii gudaha Puntland, gaar ahaann heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu so af-jaray colaadii Cabdullaahi Yuusuf iyo golihii la baxday (GBP) ee uu hoggaaminayay Cadde Muuse. 5 bishii may ee sannadkii 2003 Gen Carays oo ahaa taliyaha ciidamada Daraawiishta, islamarkaana wakil ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa huteel la oron jiray Banaroma oo ku yaallay magaalada Boosaaso, wuxuu heshiis taariikhi ah kula saxiixday gen Cadde Muuse oo hoggaaminayay gole la baxay Badbaadada Puntland oo ka horjeeday Cabdullaahi Yuusuf. Heshiiskaa taariikhiga ah oo ay garwadeen ka ahaayeen, boqor Buurmadow iyo Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa waxaa lagu so af-jaray colaad kala qeybisay Puntland oo u dhexaysay laba garab oo ay kala hoggaaminayan Cadde Muuse oo Ceel Afweyn joogay iyo Cabdullaahi yuusuf Axmed. Gen Carays wuxuu sidoo kale la soo shaqeeyay dowladdii TFG-da xilligii Cabdullaahi Yusuf Axmed isagoo markii dambena noqday la-taliyaha amniga Qaranka ,ra’iisul wasaarihii xukuumadda Federaalka KMG Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke sannadkii 2009-kii. 21 bishii July sannadkii 2010-kii, madaxweynihii Puntland ee xilligaasi Cabdiraxmaan SH. Maxamed(Faroole) ayaa la taliyihiisa dhinaca amniga iyo difaaca u magacaabay Gen Carays, hase yeeshee wuxuu xilkaasi iska casilay 10 November 2013 isagoo ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha Puntland. Gen Carays ayaa markii dambe ka tanaasulay, murashaxnimadiisa madaxtinimada Puntland ee sannadkaasi 2014-kii, waxaase madaxweynihii doorashada ku guulaystay, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) mar kale u magacaabay la-taliyihiisa dhinaca amniga iyo difaaca, xilkaasoo uu hayay ilaa iyo hadda oo uu geeriyooday. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Taariikhda General Cabdullaahi Mire Carays oo kooban appeared first on Puntland Post.
-
Jilib (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in duqeymo ay fuliyeen ciidamadeeda lagu dilay dhowr boqol oo ka tirsan dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab. Qorala lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe. Howlgalkan ayaa ka dhacay ilaa iyo shan goob, oo ay ka mid yihiin xarunta Difaacyada oo ah goob ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, Xarunta Amniyaadka, Xarunta Saadka, goob ay ku diyaariyaan qaraxyada iyo Xarunta maaliyadda oo ah goob ay ku keydsadaan xoolaha iyo lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan shacabka, kuwaasi oo gebi ahaanba la bur buriyay, kaddib markii duqeyn xagga cirka ah lala geystay, sida ay sheegtay dowladda. “Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay dhowr boqol oo ka tirsan argagixisada, maadaama ay goobahaas ku sugnaayeen maleeshiyaad lagu qiyaasay 700, oo isugu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta lagu bur buriyay 30 gaadiidka dagaalka ah” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Sida ay dowladda sheegtay, xarunta Shabaab u ahayd difaaca ayaa lala eegtay saddex gantaal, waxaana goobtaasi ay argagixisadu ku diyaarineysay maleeshiyaad ay ka soo aruuriyeen gobollada dalka, iyadoo inta duqeynta ka badbaaday ay goobta ka firxadeen. Madaxda saree e dowladda ay sheegtay in howlgalka uu dhaawac culus ka soo gaaray waxaa ka mid ah Cabdi Nuur Abuu Basma, oo u qaabilsanaa degmada Jilib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhaawacantay markii qarax uu ka dhacay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nooca ay Soomaalidu utaqaano Qooqanta kaasoo lagu soo xiray waxyaabo qarxa. Illaa iyo haatan lama ogga cidda iska lahayd gaariga qaraxay, kaasoo xiliga uu qarxayay uusan qofna saarneen. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata falalka noocaan ah ee ka dhaca Muqdisho. Maalmihii lasoo dhaafay amniga Muqdisho ayaa ahaa mid faraha kasii baxayay iyadda oo ay dhacayeen dilal qorsheysan. The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha qaraxii Taleex appeared first on Shabelle. View the full article
-
Three men from Lansing, Michigan, were arrested for allegedly supporting ISIS — with one of them taken into custody as he prepared to fly to Somalia, authorities said Tuesday. Muse Abdikadir Muse, 23, his brother Mohamud Abdikadir Muse, 20, and another relative, 26-year-old Mohamed Salat Haji, were all charged with conspiring to provide material support to a terrorist organization, prosecutor said. Agents arrested Muse Muse at Gerald R. Ford Airport in Grand Rapids on Monday, when he was about to take a series of flights that would have eventually landed him in Mogadishu, Somalia, according to a federal complaint. Mohamud Muse and Haji were arrested hours later. The three defendants had all “pledged allegiance to ISIS through videos they recorded themselves,” according to a statement by the Department of Justice. Haji and Mohamud Muse had “aided in the purchase of the ticket and drove Muse Muse to the Grand Rapids airport, each knowing the true purpose of the travel was for Muse Muse to join and fight for ISIS,” federal authorities said. All three men face up to 20 years in prison if convicted. The three men are naturalized US citizens who were born in Kenya, officials said. “Muse Muse and Haji allegedly discussed with each other their desire to join ISIS, to kill non-believers, and even to potentially use a car for a martyrdom operation to run down non-believers here in the United States if they could not travel overseas to fight for ISIS,” according to prosecutors. It wasn’t immediately clear if the three men had lawyers. The investigation began in April 2016 when agents found pro-ISIS writings on Mohamud Muse’s Facebook page and they were later contacted by an FBI agent, posing as an ISIS recruiter, according to the federal complaint. Muse Muse’s airfare was $1,799 and the family asked for the phony ISIS recruiter to contribute $1,200, officials said. The FBI said it came through with the $1,200, to help buy the ticket. Source: NBC NEWS
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirrada dalalka midawga Yurub ee Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa danjirayaasha kala hadlay caqabadaha dalka ka jira, halbeegyada dawladdu ay doonayso in lagu guulaysto sannadka 2019, dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo ciidanka Qaranka. Kulanka uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre la yeeshay safiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo taageerada midawga Yurub ay ka gaysanayso dadaalada nabadda iyo horumarka Soomaaliya. The post RW Kheyre oo la kulmay wafdi ka socda Midawga Yurub appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-23012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaadday magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii dhowaan isku qarxiyey xerada ciidamada dowladda ee deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.. Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa barnamaij ay baahisya ku sheegtay in ninkaas lagu magacaabay Cabdi Naasir Xasan Salaad oo loo yaqaan Badbaado. Cabdi Naasir Xasan Salaad ayaa Shabaab ay sheegtay inuu ahaa 23 jir ka soo jeeda beesha Duduble, gaar ahaan jufada Awr-wadeen. Ninkan ayaa la sheegay inuu adeer u ahaa Sheekh Cabdullaahi Salaad oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta Al-Shabaab, oo horey loogu dilay dagaalkii Shabaab ay Muqdisho kula galeen ciidamada Itoobiya. Cabdi Naasir, ayaa sida ay sheegtay Al-Shabaab, waxa uu ku dhashay kuna bar-baaray magaalada Muqdisho. Waxa uu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray sanadii 2010-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
At least four people were reported to have been wounded when a car bomb went off at a bank in Mogadishu on Wednesday afternoon. Police cordoned off the scene following the explosion which took place at Taleh intersection located in the downtown Mogadishu. The wounded have been rushed to various hospitals in the city, according to a witness, who spoke to Radio Shabelle by phone. There was no immediate claim of responsibility for the car bomb, but, police blamed Al Shabaab for being behind the incident. The post Car bomb in Somali capital wounds at least four people appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in wax laga bedali doono xiriirkii diblumaasi oo ay la lahaayeen Maraykanka, kadib markii la shaaciyey Filim uu soo saaray Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Mike Pence oo lagu taageerayo mudaharaadyada ay wadaan mucaaridka Venezuela ee looga soo horjeedo xukuumada Maduro. Nicolas Maduro oo ku guuleystay doorashadii sanadkii lasoo dhaafay ka dhacday dalkaasi oo bishan markale xilka loo dhaariyey ayaa horey u sheegay in Maraykanka uu yahay kan soo abaabulay xiisada ka taagan dalkaasi ee Dhaqaale iyo Siyaasadeed. Dalka Venezuela oo ay cunaqabateyn saareen Maraykanka ayaa waxaa xiligan ka jira sicir-bararka ugu sareeya caalamka, waxaana xukuumadaasi si aan kala joogsi lahayn ugu socda mudaharaadyo ay qabanayaan mucaaridka oo sheegay inaysan aqoonsaneyn natiijadii doorashadii ugu danbeysay oo ay qaadaceen inay ka qeyb qaataan qaar kamid ah xisbiyada Mucaaridka. Fariinta Muuqaalka ah ee ka timid Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Pence ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu garab taagan yahay Xildhibaanada Mucaaridka ee gadoodka ka wada Baarlamaanka dalkaasi iyo waliba shacabka Mudaharaadaya, waxaana lagu soo beegay maalin kahor xili la filayo inay banaanbaxyo waaweyn ka dhacaan dalka Venezuela. “…Nicolas Maduro waa Kali-Taliye aan xaq u lahayn awooda uu heysto, wuxuuna xabsiga dhigay cid walba oo mucaarid ku ahayd….” ayaa kamid ahaa hadalada Mike Pence oo sheegay inuu ku hadlayo codka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Source
-
(SLT-Roma) Raysalwasaare kuxigeenka Italy Luigi Di Maio iyo Madaxweynaha France Macron Dowlada France ayaa si weyn uga carootay hadal uu soo jeediyey Raysalwasaare kuxigeenka Talyaaniga oo sheegay in tahriibta badan ee Afrika ka imaaneysa ay sabab u tahay burburka Dhaqaale ee uu Faransiiska ku hayo Qaarada Afrika tan iyo xiligii gume RW/kuxigeenka Italy, Luigi Di Maio oo todobaadkan khudbad kasoo jeediyey magaalada Qaahira ee dalka Masar oo uu safar ku joogay ayaa eedeyn weyn dusha uga tuuray dalka France oo ay ka wada tirsan yihiin Midowga Yurub. Xiriirka France iyo Italy ayaa sii xumaanayey tan iyo markii ay awooda Talyaaniga la wareegeen xisbiga mayilka adag ee 5 Stars loo yaqaan, isbaheysigaasi xisbiyada Talyaaniga ayey ku jiraan xisbiyada xagjirka ah ee sida weyn uga soo horjeeda Afrikaanka Tahriibta ku tagaya dalkaasi. Khudbada uu soo jeediyey Luigi Di Maio Axadii lasoo dhaafay ayuu ku sheegay in hada wax badan uu ka bedalay hadaladiisa ka dhanka ahaa Tahriibta isla markaana uu hada kadib ka hadli doono wax sababa Tahriibta, isagoo sheegay in sababaha ugu waaweyn oo ay Tahriibayaasha Afrika u imaanayaan Yurub ay tahay, maadaama wadamo badan oo ka tirsan Afrika ay dhaqaale xumo ka jirto taasi oo uu sheegay inay sabab u yihiin dalalkii Gumeystayaasha ahaa ee reer Yurub oo qaarkood weli si dad-ban u gumeysta dhaqaalaha Afrika, isagoona sheegay in dalka France ugu horeeyo wadamadaasi burburiyey dhaqaalaha Afrika. “…Sababta burburka ku keenaysa Afrika waxaa weeye Gumeystayaashii Yurub oo qaarkood weli aan joojin gumeysigii ay ku hayeen Afrika, maaha in dhalinyarada Afrika ku dhintaan xeebaheena…” “…France kama mid ahaateen wadamada ugu dhaqaalaha badan Caalamka hadii aysan heysan lahayn wadamo ay gumeysato..” ayuu yiri Luigi Di Maio si gaar ah uga hadlay Lacagta Franc oo ay isticmaalaan ugu yaraan 14 wadan oo Afrikaan ah in weli laga maamulo Bangiga Dhexe ee France. Hadaladan ayaa keenay in dowlada France ay u yeerto Safiirka Talyaaniga wadankooda u fadhiya iyagoo codsaday in dowlada Italy ay raali gelin ka bixiso hadalada kasoo yeeray Raysalwasaare kuxigeenkooda, balse Luigi Di Maio ayaa sheegay inuu ku adkeysanayo hadaladiisa. Luigi Di Maio oo diiday inuu raali gelin siiyo France ayaa markale sheegay in France ay boob ku heyso khayraadka Afrika. “…Waxaa tusaale kuugu filan waxa Faransiiska ka wado dalka Liibiya, ma rabaan inuu dalkaasi horumaro kaliya waxay daneenayaan Shidaalka dalkaasi ku jira, waxayna kasoo horjeedaan in Talyaaniga shidaalkaas isna ka faa’iideysto…” ayuu yiri Raysalwasaare kuxigeenka Talyaaniga. Italy iyo France ayaa loolan xoogan ugu jira dalka Liibiya siyaasadiisa iyadoo wadamadaasi oo ka tirsan NATO ka mid ahaayeen kuwii burburiyey xukuumadii Col.Mucamar Al Qadafi. Source
-
Alle ha u naxariistee, tiir kamid ahaa as’aasayaashii dowladda Puntland, marna soo noqday taliyihii ciidamada Daraawiishta Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa shacabka Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyya geerida marxuumka, waxaana uu Alle uga beryay in uu janna fardowsa ka waraabiyo. Madaxweynaha ayaa magacaabay guddi 10 xubnood ah oo ka kooban wasiiro, taliyaaal ciidan iyo agaasimayaal, kuwaasoo diyaarinaya aas-qaran oo loo sameyn doono marxuumka. Taariikhdiisa goor dhow kala soco Puntland post The post Tiir kamid ah as’aasayaashii Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sani jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska. Antony Thomas ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ay aheyd 19-kii Bishaan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho waxay ka qabteen Antony Thomas, islamarkaana loo gudbiyey qeybta Dambi baarista ee C.I.D. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu gudaha Soomaaliya ka shaqeyenayey muddo. Oomaar waxa uu sheegay in ninkan uu markii la qabanayey raaci alaha diyaaradda Ethiopian Airlines. Wasiirka ayaa sheegay in boorso uu ninkan saaran lahaa xamuulka diyaaradda (Cargo) uu ku ritay gasacad ay ku jireen walxo looga shakiyey inay yihiin kuwa qarxa, balse markii dambe aan noqon. Waxa uu sheegay in markii la weydiiyey uu shaaca ka qaaday inuu markii uu Soomaaliya imanayey uu watay, islamarkaana uu doonayey inuu dib ugula laabto dalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay bambaanooyin ku weerareen guriga guddoomiyihii guddiga doorashada Koofur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan uu kusugnaa guriga xiliga bambooyinka lagu weerarayay, waxaana kadib goobta isaga cararay kooxahii weerarka geystay. Carfo, ayaa noqday guddoomiyihii guddiga doorashada, balse markii dambe ayuu iska casilay, waxaana weerarka caawa gurigiisa lagu qaaday ay waxyeelo kasoo gaaray mid kamid ah ilaaladiisa iyo ruux wadada marayay. Lama sheegin waxyeelo xildhibaan Carfo kasoo gaartay weerarka, balse waxaa dhaawacay oday marayay gurigiisa agtiisa iyo mid kamid ah ilaalada xildhibaanka, kuwaasi oo xaaladooda aysan darneyn. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in bam gacmeed lagu weeraray guriga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Marwo Muraayo Ibraahim Madeer. Lasoco waxii kasoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Wasirka wasaaradda warfaafinta Abdiraxman Abdillahi Guribarwaaqo qoraalka uu ugu jawaabayo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Dr Abdirahman Mohamed Abdilhaali Cirro hadal uu u jeediyay maruu lahadlayay taageerayaasha Xisbiga oo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaa Airport ka Hargeisa 20/01/2018. oo uu ku faafiyay Wakaladda Wararka Somaliland ee SOLNA. waxuu sidiI caadada u ahayd kula dulkufay hadal aan xaaqiiqo ahayn oo iska mala awaal ah, marka 2aadna ayka muuqato Nacayb, Xaqiraad iyo qardojeex indho la’aana oo uu kula kacay Maamulka Khatumo State. Waxa nacayb aanu qarsanayn u qabaa Maamulki Khatumo State oo magaciisa ugu yeedhay ama kusoo koobay Cali Khalif taaso cadaynaysa nacaynka iyo xaqiraada ku jirta inuu xuso ama soo qaado magaca Khaatumo State. Waxa uu iska mala awaalayaa isagoon wax reference ama taarikh ah sheegin imuu 12 sano Gudoomiye Abdirahman Cirro hortaagnaa in xeerarka doorashooyinka la ansixyo, waa hadal layska yidhi, oo been ah, wax macno ahna bulshada usamaynayn waayo bulshadu waa kuwo aqoon leh oo aan qaadanayn hadal noocaas ah oo kasoo yeedhay Nin Masuuliyad Qaranaka u haya, hadalkaasi waa (KU MAQIIQ) uun iyo Dawladaadda Wasirka aad tahay difaac. Waxuu xusay Wasirku Gudoomiye Abdirahmaan Mohamed Abdillahi inuu ka warwareegayo inay doorasho dhacdo laakiin muu sheegin sababta uu uga warwareegayo doorashada Parliament ku inay qabsoonto, (waxaan u daynayaa hadalkaa akhristayaasha Maqaalkan inay faaleeyan) waxaan qabaa anigu inay tahay uun (KU MAQIIQ) waayo Xsbiga Wadani wuu cadeeyay inuu diyaar u yahay inay doorasho qabsoonto, doorashaduna maaha tii Madaxweynaaye waa tii Parliament ka. Waxa kale oo uu ka hadlay Wasir Guribarwaaqo Xisbga Wadani inuu kaxaysto oo uu la baxo Xibintiisa ugu jirta Komishanka Doorashooyinka Qaranka, hadalkaas oo ah hadal ilaa iyo xad foolxumo ku ah Hay’adaha Qaranka in loo kala abtiriyo waxaanay cadaynaysa siina xoojinaysa Xubnaha Komishanka Xisbiga Kulmiye ugu jiraa inaanay ahayn kuwo dhex ah oo ay yihiin qaar Kulmiye dantisa Komishan u ah, taasoo aanu marnaba Xisbiga Wadani qabin Xubintuu magacaabay inay isaga u joogto, ee tahay Xubin ka mida Komishanka Qaran oo dhamaan Xisbiyada u dhaxaysa, marqudhana aanu meelna ku xusin, waxuu hadalkaasi meelka dhac ku tahay Komishanka Qaranka ee midka ah, iyo Haybadda Qaranimada Somaliland, waa hadal aan sidii caadada u ahayd Wasir Guribarwaaqo aan loo meel deyin waa (KU MAQIIQ). S. Wasir Guribarwaaqo waa kuma hadaba? J. waxa weeye ninka buuga qoray ay ka buuxdo aflagaada iyo meelka dhaca aan lasoo koobin karin weliba Wasir nimona ku helay, dhaqanka Somalida ragu markay gole ka hadlayaan waxaa jira Hadalo iyo Maahmaahyo aan lasoo qaadan oo la yidhaa NIN WAYN OO HADALKA DHACAY WAA GEED QOLOFI KA DHACDAY taas oo kale ayuu ka dhiganyay Wasir Guribarwaaqo, waxaa jira birmo gaydo dhaqanka Somalida, wanaa kuwaa uu buugisa ku xardhay wasirkuu, Sayid Mohamed Abdilleh Hassan (Rahimahu Allaah) waxuu ahaa Geesi u dhashay dalka Somaliland, Wasir Guribarwaaqo oo ah Wasirka Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka, iyo Wacyi gelintu waxuu Wasirka sida gaarka ah uga masuulka ah imuu maamuuso, magaciisana wayneeyo, taas badalkeedii aflagaado iyo cay beena ayuu ka qaray buugisan, Waxaynu dhamaanteen wada ognay Sayid Mohamed Abdalle Hassan (R Allh) in buugaag iyo qoraalo badan Cadaan iyo Madowba ka qoreen laguna tilmaamo Geesi geeska Afrika, dalalka jaarka Somaliland la ahina ay Taalooyin u dhiseen sidaa Soamliya iyo Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia, waa nasiib darro. Wasir Guribarwaaqo waxaad la socotaan inu Hablaa Somaliland oo dhan caayay buugiisana ku qoray, taasoo ah Gef aad u wayn oon lasoo koobi Akhiro iyo Aduunba ku xun, Hadaba guntii iyo gabogabadii waxaan isoo jeedin lahaa Wasir Guribarwaaqo inuu Xilka wasiirnimo ee uu ummadda u hayo uu iska Casilo waayo wuu ku fashilamay. S. Wasirku Magaca GURIBARWAAQO mow qalmaa markaad waxaaso dhan eegto? Faisal Gamadid. fmgdid@googlemail.com Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidda ay idaacada Shabelle u sheegeen Goobjoogayaal, qaraxa oo ka dhashay gaari walxo qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay isgoyska Taleex. Inta la xaqiijiyay afar ruux oo shacab badan ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo goobaha caafimaadka loola caray. Ma jirto cid sheegata mas’uuliyadda weerarkan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa falalka noocaan ah ka geystay guud ahaan dalka. The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Kenyan opposition party has renewed its call to withdraw the military from neighboring Somalia. The demand comes one week after the deadly Nairobi hotel attack that was claimed by al-Shabaab which claimed the lives of more than 21 people including two British and one US nationals. Ford Kenya leader Moses Wetang’ula has reiterated his call for Kenyan Defense Forces under the banner of AMISOM to be recalled from Somalia. Addressing the media in his office on Tuesday in the capital Nairobi, Wetang’ula said Kenya’s mission was stabilizing Somalia through the creation of buffer zone, which was contested by both state and non-state actors. Moses Wetangula, the current Bungoma Senator, was the Foreign Affairs minister when Kenyan soldiers crossed the border into Somalia in October 2011. “Somalia sees Kenya as a source of occupation and, therefore, there is need to take a soberer means of addressing the security issues in the region,” he said. He expressed fears over the trend of terror attacks in Kenya and called for a change of tact in fighting terrorism. “What is worrying is that the attackers are our youngsters that have been converted,” he said. The senator blamed the Judiciary for delaying and taking long to prosecute terror-related cases and individuals accused of taking part in financing and masterminding the attacks that occur in the country. The post Kenya urged to withdraw its troops from Somalia attack Nairobi attack appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa bilowday hawlgallo ay ku diiwaangelinayso madarasadaha Quraanka, isla markaana loogu samaynayo manhaj isku mid ah. Arrintan ayaa la sheegay in lagu doonayo in la helo macallimiin tababaran, ardaydana looga ilaaliyo inay ku faafaan afkaar aan habboonayn. Shir maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta madarasadaha, culimada qaarkood, masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa iyo masuuliyiinta ciidamada Booliiska, ayaa arrintaasi laga shaaciyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
23/1/2019 Dadwaynow waxaad waydiisaan madaxwayne muuse iyo gudoomiyaha ururka ucid ,halkee la mariyey sawirkii indhaha ee dadwaynaha laga qaaday ee lahaa doorasho ayaad ku galaysaan si aanu ku celcelis u dhicin ,hadaba waxaa iswaydiin leh reer somalilanow miyaad ku gasheen doorasho ? xagee la geeyey kaadhadhkii indhaha ee la idinka qaaday? Komiishanku se maxay dadka beenta ugu sheegayeen iyagoon sawirkaa indhah doorasho ku qaban? Xageese ay geeyeen miyey daadiyeen , inta suaalahaasi taagan yahiina oo aanay komiishanka iyo faysal iyo muuse ka jawaabin ma dhacayso in komiishanka laga laabta kala diridooda ,waayo ,waxay galeen khiyaamo sawir beenanan dadkay ka qaadeen dooroshana laguma galin, Markaa ma faysal ,faysal waxa uu rabaa in uu bililiqaysto codka musharaxiinta oo uu ku soo saaro kuwa qabiilkiisa sidii horeba u dhacday , muusana isna nin uu doonayo mooyee nin kale oo cod ku soo baxayaa majiro ee waxaa haboon in loo dhug yeesho dadwaynow khiyaamada ay damacsan yahiin muuse shaani iyo laba wajiile faysal . Dadku waxay u arkaan in labadan nin daacad ,waa labdii nine e khalkhlaka galiyey doorashii dowladaha hoose ee sandkii 2012kii, ee ninkii ay rabeen uun keenay meesha, qabashada doorasha ee eega waxa ragani damacsanyahiin , waa rag bahashu fadhfadhud. By : Khadar Adam Aw Muuse mixile190@gmail.com Source