Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,102
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa sheegay in 24-kii bishan ay duqeyn ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen meel 23 mile u jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay 35 ka mid ah maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, ayada oo wax khasaare ah aysan kasoo gaarin shacabka. Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lala helay koox mintidiin ah oo Shabaab ka tirsan xilli ay isaga gudbiyeen laba deegaan oo baadiye ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan. “Weerarkaas waxa uu ka hor-tagay halis ku wajahneyd saaxiibadeenna iyo shacabka Soomaaliyeed, ka hor inta Al-Shabaab aysan awood u yeelan inay is abaabusho” ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maj. Gen. Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgallada AFRICOM. “Waxaan sii wadi doonnaa inaan taageerno saaxiibadeenna Soomaaliiya, gaar ahaan marka howl-galladooda ay na siiyana fursad aan dagaalka ugu billowno Al-Shabaab, taasi oo qeyb ka ah xeeladdeena” ayuu yiri. VOA
  2. Madaxweynaha dowladda Puntlans Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Caa’isha Ilyaas Aadan oo si arxan-darraa looogu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa tacsi loogu diray dhammaan shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaanna eheladii qaraaabadii iyo qoyskii ay ka baxday Caa’isha. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku amray hay’adaha amniga in ay si deg deg ah uga hawlgalaan baarista dilka marxuumadda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo amray in baaritan deg deg ah lagu sameeyo dilka Caa’isha appeared first on Puntland Post.
  3. Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa soo saartay warghalin ku socota maamulka gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo, wargalintaas oo ku saabsan in lasoo dhiso golaha deegaanka [...] Source
  4. Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda ay fuliyeen duqeyntii xalay ka dhacday degaanka Hees oo 28 mile dhinaca barri uga aadan magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan. AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkaasi cirka ah ay la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo ku socdaalayey tuulooyinka miyiga ah, ayna ku dileen 35 xubnood, sida ku cad war-saxaafadeedka. “Illaa iyo haatan waxaan xaqiijin karnaa inaanu jirin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaartay howlgalkaasi,” ayaa lagu yiri bayaanka. Ma jiro jawaab oo ku saabsan sheegashada dowladda Mareykanka oo kasoo baxay dhanka xarakada Al-Shabaab. Axadii ayey aheyd markii Mareykanka uu sheegtay in labo xubnood oo Al-Shabaab ah uu ku dilay kadib afar duqeymo oo uu ka geystay degaanada Awdheegle, Janaale iyo Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Hadal uu shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka sheegay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxa uu muran xooggan ka dhex abuuray bulshada reer Somaliland. Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa si adag u naqdiyay hadalkaa ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dadka buraha bulshada wax ku qora ayaa si weyn u qaada dhigay hadalkan Madaxweynuhu ka sheegay Magaalada Boorama iyada dadka qaar sheegayaan in hadalkaasi uu ahaa mid lagu kala qaybinayo bulshada Somaliland iyo mid qadaf ku ah bulshada reer Somaliland ee gobollada Bariga Somaliland, dad qaar ayaa waxa ay sheegayaan in hadalkaasi uu meel ka dhac ku ahaa meeqaamka Madaxweyne Muuse Biixi maadaama oo uu yahay Madaxweyne ka soo jeeda galbeedka Somaliland meesha uu hadalka ka sheegayna ay ahayd galbeedka Somaliland. Halkan hoose ka DAAWO hadalka Madaxweynaha iyo qaabka ay uga hadleen xisbiyadda UCID iyo WADDANI Source
  6. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in la weysan yahay gabadhii labaad oo ah gabar la da’ ah gabadhii saaka meydkeeda la helay. Qoyska Gabadha ay ka maqan tahay ayaa shaaciyay inay ka maqan tahay gabadhooda seddexdii maalin ee lasoo dhaafay, waxaana hadda ay dalbadeen in lala baadi goobo. Walwal hor leh ayaa soo wajahay qoyskaan, kadib markii waaberigii saaka magaalada Gaalkacyo laga helay meydka Gabar yar oo lagu magacaabo Caaisha oo jirdil badan uu ka muuqday jirkeeda. Gabadha maqan ayaa magaceeda lagu sheegay Hani Maxamed Warsame waana 13 sano jir, iyada ehelka ay sheegeen inay doonayaan cid walbaa inay ka qeyb qaadato baadi goobka gabadhooda maqan. Hooyada dhashay gabadha oo lagu magacaabo Sahro C/Nuur ayaa ka dalbaday Shacabka Gaalkacyo inay la xiriiraan haddii ay meel ku arkaan Gabadhooda. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saacado kadib ka hadlay dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Wuxuu hadalka jeediyay kadib markii uu ka qeyb galay musaanad arday badan ku qalin jibinayeen, wuxuuna sheegay in laamaha amaanka eee Puntland uu rajeynayo inay talaabo cad ka qaadi doonaan dadkii falkaasi ka dambeeyay. Shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo ayuu ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan falalkaasi oo kale, maadaama sida uu sheegay in Caa’isho ay aheyd gabar aad u da’yar oo fal xanuun badan lagu sameeyay. Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa arintaan ka hadlay, isaga oo sheegay inay socdaan baaritaanadii ugu dambeeyay oo lagu baadi goobayo dadkii falkaasi ka dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay. Shirk ayaa looga hadlay xulashada hannaanka federaaleynta Maaliyadda, Qaan-gaarsiinta Maamul gobaleedyada, Hannaanka iyo qorshaha dhab-u-heshiinta qaran, Qiimaynta iyo maal-gelinta Halbeegyada Tubaha Qaranka. Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa ka qayb galayaasha shirka usoo jeedisay xulshooyinka hannaanka Federaalaynta Maaliyadda Dalka arrintaas oo si qota dheer looga hadlay intii uu socday shirka. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada. Shirkaasi looga hadlay dib-u-habaynta iyo tayeeynta adeegyada caafimaad ee isbitaalka Banaadir, qorshaha tayaynta shaqaalaha rayidka iyo qorshaha ololaha isxilqaan ee 2019 lagu dhisayo Jamaacadda Umadda, Bangiga dhiiga, Isbitaalka Xooga, Maktabadda, Madbacadda Qaranka, taallooyinka taariikhiga ah iyo jardiinooyinka magaalada Muqdisho. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-250219.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu berri safar ugu baxo magaalada Doha ee dalka Qatar, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online. Safarkan ayaa la sheegay inuu daba socodo laba safar oo hore oo madaxweynaha uu ku tegay dalka Qatar oo saaxib dhow la ah dowladda. Sida aan xogta ku helnay madaxweynaha ayaa madaxda dalkaas kala hadli doona xiriirka labada dal, iyo fulinta mashaariic iyo barnaamijyo ay horey ugu heshiiyeen labada dal, kuwaas oo lagu caawinaya Soomaaliya. Safarkan ayaa imanaya, ayada oo uu madaxweynaha isla maanta uu dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka, xasilooni darrada iyo isbeddelka cimilada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah xisbi xaakimka KULMIYE ayaa waxa uu ka hadlay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo maanta xorriyadiisa dib u helay. Siyaasi Cali Guray ayaa waxa uu sheegay in markii hore uu xadhigiisu ahaa sharci-darro, sababta loo xidhayna ay ahayd cid uu ka cadhaysiiyay. Cali Guray ayaa qoraal uu arrintaa kaga soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu ku yidhi: “MAXKAMADDA GOBOLKA WAAN HAMBALYAYNAYAA Marka horeba xadhigiisu sharci muu ahayn ee cid ayuu ka cadhaysiiyay waana lagu cadho-burburay. Markaa xaq buu u lahaa inu xoriyadiisa dib u helo. Waxa fiican in sharcigu sareeyo sharcigana loo wada sinaado mar kasta si xukunku u noqdo qaynuunka. Go’aanka Maxkamadda Gobolku waa mid sharci oo cadaalad ah” Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdi Maxaed Sammaale ayaa si cadho leh uga jawaabay su’aal maanta laga waydiiyay siyaasiyiin hore looga caydhiyay xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Hooyada dhashay gabadhii lagu dilay magaalada Gaalkacyo markii la kufsaday kadib ayaa xog dheeri ah ka bixisay qaabka ay ku waayeen gabadhooda iyo sida loo dilay. Hooyada oo lagu magacaabo Seynab C/Wahaab ayaa sheegtay in Gabadheeda Caaisha ay weysay gelinkii dambe ee shalay markii ay u dirsatay inay suuqa hilib kasoo iibiso, balse la arkay meydkeeda markuu waaga baryay. Seynab C/wahaab ayaa sheegtay in falka uu ka dhacay agagaarka xerada Siinaay oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxayna sheegtay in dhaawac uu ka muuqday qaarka sare ee jirkeeda. Waxay sheegtay in arintaan ay aheyd fal ay aad kaga naxeen, iyadoo sheegtay in dhaawac daran uu kamuuqday qeybaha hoose ee jirkeeda, iyada oo sheegtay in ugu yaraan rag badan loo malaynayo inay kufsadeen. Hooyo Seynab waxay sheegtay in hadda ay u joogaan 7 caruur ah, balse wali ay socdaan baaritaan isamarkaana aan wali la aasin gabadheeda yar oo 13 sano jir aheyd. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Hooyada-dhashay-gabadhabii-kufsiga-iyo-dilka-loo-gaystay-oo-la-hadashay-DMI.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Gunmen in Somalia opened fire on Monday on a team of roadside workers, killing 9 and wounding several others, witnesses said. The workers, who included both men and women, were clearing scrubland alongside a road in the Hawa-Abdi area, some 18 kilometres (11 miles) north outside the capital Mogadishu. “Several gunmen attacked innocent civilians, who were clearing bushes along the road,” said Mohamed Adan, a local security official, saying eight people had been killed. Witnesses confirmed the incident, adding that several others were wounded by the gunfire. “It was a horrible attack,” said Fadumo Kulow, who passed by the site of the killing soon after. “Eight people were killed, and six others were wounded.” Ahmed Moalim, another witness, said the wounded were rushed to hospital in Mogadishu. No group has claimed responsibility for the killings, nor was it immediately clear why the workers were attacked. Somalia’s Al-Shabaab insurgents have carried out a string of attacks against those supporting the government. View the full article
  14. (SLT-Burco)-Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Togdheer ayaa waxa uu jawaab adag ka bixiyay hadal shalay ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Gunmen in Somalia opened fire on Monday on a team of roadside workers, killing eight and wounding several others, witnesses said. The workers, who included both men and women, were clearing scrubland alongside a road in the Hawa-Abdi area, some 18 kilometres (11 miles) north outside the capital Mogadishu. “Several gunmen attacked innocent civilians, who were clearing bushes along the road,” said Mohamed Adan, a local security official, saying eight people had been killed. Witnesses confirmed the incident, adding that several others were wounded by the gunfire. “It was a horrible attack,” said Fadumo Kulow, who passed by the site of the killing soon after. “Eight people were killed, and six others were wounded.” Ahmed Moalim, another witness, said the wounded were rushed to hospital in Mogadishu. No group has claimed responsibility for the killings, nor was it immediately clear why the workers were attacked. Somalia’s Al-Shabaab insurgents have carried out a string of attacks against those supporting the government. Source: AFP
  16. (SLT-Hargaysa) Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu si cad uga hadlay hankiisa siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE, qaabkii uu ku helay kaadhka golaha dhexe ee KULMIYE iyo waliba sida ay u dhacday in ay xubno wasiirradii hore ka mid ahaa maanta uga maqan yihiin shirka Golaha dhexe ee Boorama ka qabsoomay. Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo mar dhawayd qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku yidhi sidan: “Siyaasiyiinta degan ama xigmadda u saaxiibka ahi ma qariyaan hankooda iyo hilinka ay u marayaan, sidoo kalana waxa ay yaqaanaan hoos walba hadalka ku haboon, sidaas awgeed shirkan golaha dhexe sida qorshaysan lagu dooran maayo hogaanka sare ee xisbiga se’ waxa la qabyo tirayaa meelo yar-yar oo banaanaa ama aan gole dhexe ansixin anniga iyo ujeedadayda xisbigana “xaya-cala-salaah iyo hadeeda”. Siyaasiyiinta kamid ka ahaa xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee aan nasiibka u helin inay maanta ka soo qayb-galaan shirkan, ama ba’se aan helin kaadhka golaha dhexe waxaan jecelahay inaan cadeeyo in aan ujeedo gaara oo looga gol-leeyahay jirin, anniguba kuma jirin golaha dhexe laakiin boos banaan ayaan galay, wasiir Xagla-toosiye qudhiisu kuma jirin golaha dhexe balse nin baneeyay ayuu booskiisa galay, sidaas awgeed ma jirto faquuq u gaara siyaasiyiintaas aan helin kaadhka golaha dhexe hadii iyaga la cadaadinayo ama cidi faquuqaysana waan ka gil-gilan lahaa laakiin xisbigu xurmo iyo xaqdhawr iyo abaal-dahabi ah ayuu u hayaa siyaasiyiintaasi miisaanka ku leh bulshadda”. Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu. Maalmihii ugu dambeeyey waxa si weyn loo hadal hayay halka ay marayso hanka siyaasadeed ee Siyaasi Xaashi iyo waliba arrimo kale oo la xidhiidha xaaladda xisbiga KULMIYE. Source
  17. (SLT- Venezuela)Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Mike Pompeo ayaa waxa uu sheegay in maalmaha u haray madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro “ay yihiin kuwo tirsan” kaddib iskudhacyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhashay gargaar bini’aadamnimo oo halkaas la gayn lahaa. “In la sheego maalinta rasmiga ah waa ay adag tahay. Waxaanse ku kalsoonahay in dadka Venezuela ay xaqiijin doonaan in maalmaha Maduro ay yihiin kuwo tirsan,” Mr Pompeo ayaa u sheegay warbaahinta CNN. Laba qof ayaa Sabtidii ku dhintay iskudhacyada u dhaxeeyay dadka rayidka ah iyo ciidamo daacad u ah Mr Maduro, kuwaas oo hor istaagay in gargaar halkaas la gaarsiiyo. Madaxweynaha ku meelgaarka ah ee iskii isku magacaabay Juan Guaidó ayaa sheegay inay qasab tahay in Mr Maduro uu iscasilo. dowladood u aqoonsadeen inuu yahay hogaamiye ku meelgaar ah, ayaa waxa uu dalalka kale ugu baaqay inay dib u eegaan “dhammaan tallaabooyinka” xilka loogaga qaadi karo Mr Maduro kaddib dedaalo uu mucaaradku horkacayay oo looga gol lahaa sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa goobaha ay dhibaatooyinka ka jiraan. Waxaa kale oo uu sheegay inuu ka qeybgeli doono kulan ay tagayaan inta badan hogaamiyayaasha dalalka Laatiin Ameerika oo Isniinta ka dhacaya dalka Colombia, walow ay saaran tahay xayiraad dhanka socdaalka ah oo uu ku soo rogay Mr Maduro. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa Washington ku matali doona wadahadallada Bogota. Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa Axaddii sheegay in Mr Pence uu qorsheynayo inuu wadahadallada Isniinta kaga dhawaaqi doono “tallaabooyin adag” iyo “ficil” wax looga qabanayo dhibaatada, waxaa sidaasi ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Dhanka kale, dalalka Colombia iyo Brazil ayaa waxa ay sheegeen inay sii kordhin doonaan cadaadiska ay ku hayaan Mr Maduro si uu xilka u banneeyo. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaanan meesha ka saarin quwad milateri in loo adeegsado dhibaatada Doonni sidday gargaar uu Mareykanka soo dhiibay oo ka soo kicitintay Puerto Rico kuna wajahneyd Venezuela ayaa waxaa lagu qasbay inay ku xirato dhulka ay Holland ka taliso ee Curaçao kaddib markii uu dhexda ku hakiyeen ciidammada badda ee Venezuela ee ku sugan xeebaha waqooyi ee dalkaasi, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP. Doonida ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay saaran yihiin sagaal konteenar oo laga soo buuxiyay cunno iyo dawooyin. Mr Maduro, oo sheegaya inuu yahay madaxweynaha saxda ah ayna baritaarayaan dalalka ay xulafada ku yihiin dhinaca dhaqaalaha ee ay ka midka yihiin Ruushka, Cuba iyo Shiinaha, ayaa waxa uu ka digay in keenista gargaar ajnabi ay wadadi u xaari doonto faragelin milateri oo uu Mareykanku soo qaado. Mr Guaidó, oo bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay inuu yahay madaxweyne ku meelgaar ah, ayaa waxa uu ku doodayaa in eedaha ah in ay jireen wax isdaba marin ka jirtay doorashadii 2018 uu hogaanka Mr Maduro yahay mid aan sharci ku dhisnayn. Source
  18. (SLT-Gaalkacyo)-Waxaa magaalada Galkacyo meydkeeda laga helay gabadh yar oo 12 sano jir ah, taasi oo shalay laga afduubay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafadooda. Taliyaha booliska Gobolka Mudug ee qeybta Puntland Gashaanle Sare Axmad Cismaan Cali ayaa arrintaasi BBC-da u xaqiijiyay. “Gabadhaasi way dhimatay, intii dhashay samir iyo iimaan alle haka siiyo, ilma yar ayay ahayd, reekooda ayaa adeeg u dirsaday, ka dibna waa la afduubtay” ayuu sheegay sarkaalkan ka tirsan booliska. Taliyaha ayaa intaa raaciyay in baadhayaashu ay caddeeyeen in ilmahaasi yar jirdil iyo kufsi loo geystay, wuxuuna intaa ku daray in dadkii lagu tuhmayay in arrintaasi ay ka dambeyeen lagu raad joogo, kuwa kalena loo soo qabtay falkan foosha xun. Waxaa kale oo taliyaha uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaas oo ay doonayaan in dadkii geystay falkan cadaaladda la hor keeno. Source
  19. In ka badan 10 gaadiidka xamuulka qaada oo siday boqolaal kamid ah shacabka Oromada iyo agabkoodii oo ay galbinayeen ciidamada ammaanka, ayaa maanta ka gudbay [...] Source
  20. (SLT-Burco)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan Doob ayaa waxa ka gilgishay weedho Xajiimaysan oo ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn u mucaaradsan siyaasadda ay dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay Khilaafka la sheegay inuu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Mahad Salaad oo inta badan mucaaradnimo looga bartay ayaa difaacay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna ku baaqay inaan meel looga dhicin sharafta Ra’isul wasaaraha. Mahad Salaad ayaa Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu cinwaan ugu dhigay AFAREY AAN UGU MAGAC DARAY HAKU MASHQUULININA MUDANAHA MAANDHAHEEY!. Wuxuu sheegay in Mulkiga uu bixiyo Alle isla markasna uu Xasan Cali Kheyre mudan yahay inuu noqdo Madaxweyne, wuxuuna ku baaqay inaan lagu mashquulin. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Mahad Salaad soo dhigay Facebook: AFAREY AAN UGU MAGAC DARAY HAKU MASHQUULININA MUDANAHA MAANDHAHEEY! Mudane haya mas’uuliyadii loo igmaday waxa lagu maagayo bal noo sheeg maandhaheey! Mid gabay mas’uuliyadii loo igmaday macaash uu baxiyay haku maagin mas’uul meelmariyay middii uu lahaa maandhaheey! Muddo aan la gaarin madasheed adigoo u mindiya sahanaya mudanaha meel ha uga dhicin maandhaheey! Xilku waa meerto mulkigana Allaa baxshee hadii uu muhdana waa mudanyahee haku MASHQUULININA mudanaha maandhaheey! Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com