-
Content Count
207,053 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu dhowaan dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho, kaddib bilo uu ka maqnaa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo iskiis u galay musaafuris, kaddib markii Ciidamada Amniga ay ku weerareen hoygiisa sanad ka hore, isla markaana ay dowladda Federaalka xabsiga dhigtay ayaa ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay dooneyso in Soomaaliya dib ugu soo celiyaan maalmihii madoobaa ee hore. Mr Warsame oo wareysi siiyay Wargeyska Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay tahay mid dooneysa inay dib u soo celiyaan aragtidii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre sida uu yiri. Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda uu dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho, si uu u xuso sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii dowladda Federaalka ay xabsi dhigtay, kaddib howl gal lagu qaaday hoygiisa oo dhacay 17 September, kaasoo ay ku dhinteen darawalkiisa iyo 4 ka mid ah Ilaaladiisa. “Waxaan ahay Hoggaamiye Xisbi mucaarad ku ah Dowladda Federaalka Soomaaloiya, Waxaa i soo weerartay in ka badan 20 Saraakiil Amniga, kuwaasi oo dilay 5 ka mid ah Shaqaalaheyg”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo la hadlay Wargeyska The Standard. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in maalmo uu ku qaatay Xabsiga, waxaana uu ku dooday in Saraakiisha Sirdoonka aysan Maxkabadda u gudbin xitaa hal caddeyn ah oo muujinaya dambiga lagu soo xiray. Hase ahaatee Xeer Ilaalinta Qaranka Soomaaliya ayaa ku eedeysay in Siyaasigan uu ku howlanaa fal qaran dumisnimo iyo eedeymo kala duwan. Source
-
(SLT-Washington)-Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn lagu dilay Abu al-Umarayn, oo ka tirsan kooxda IS islamarkana sida la sheegay dilay dhowr qof oo u dhashay dalalka reer galbeedka ee u shaqaynayay hay’adaha gargaarka. Ninkani ayaa sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka waxaa lagu dilay duqayn laga fuliyay gudaha dalka Suuriya. Ciidamada isbahaysiga ayaa waxay fuliyeen “weerar la xaqiijiyay ” axaddii kaasi oo lala bartilmaameedsaday hogaamiyayaasha IS ee uu ka midka yahay Umarayn ee ku sugan koonfur bari Suuriya axaddii,waxaa sidaasi sheegay militariga Mareykanka. Ninkan ayaa la rumaysan yahay in uu masuul ka ahaa dilkii Cabdul-Raxman Kassig oo ahaa nin Mareykanka u dhashay oo hay’ad gargaar u shaqaynayay islamarkana qoorta laga gooyay November 2014. Cabdul-Raxman Kassig ayaa asaasay hay’ad gargaar si uu u caawiyo dadka reer Suuriya. Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in Umarayn “uu halis ku ahaa xoogaga isbahaysiga”. Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay “in uu ku lug lahaa dilka muwaadiniin Mareykan ah. Kooxda la baxday dowladda islamka ayaa waxaa gacantooda ka baxay ku dhawaad dhammaan dhulka ay horey u maamuli jireen ee Ciraaq iyo Suuriya. Dad gaaraya 10 milyan ayaa ku nool goobaha ay IS horey gacanta ugu hayn jireen. Balse militariga Mareykanka ayaa waxay sheegeen in 98% goobihii ay haysteen kooxda IS laga saaray. Source
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saraakiil u dhalatay dalka Mareykanka ay tageen magaaladaasi. Magaalada Dhuusomareeb waxaa maalin ka hor tagay ciidamada DANAB oo tababar ka hela saraakiisha Mareykanka kuwaasi oo kasoo dhaqaaqay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Saraakiisha ka socota dowladda Mareykanka iyo saraakiisha ciidamada DANAB ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusomareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda. Kulanka kadib saraakiisha ayaa cadeeyay inay doonayaan inay sahmiyaan saldhig ciidamada DANAB ay ku yeeshaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, si halkaasi looga qaado weerarada ka dhan ah Al Shabaab. Ciidamada DANAB ayaa hadda xarun ku leh magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana xogaha aan heleyno ay sheegayaan in saldhiga magaalada Dhuusomareeb uu muhiim u yahay Mareykanka. Waxaa la doonayaa in saldhigaasi laga dhigo Saldhiga Mareykanka ku leeyahay Bartamaha Soomaaliya, isaga oo tababar ku siinaya ciidamada Galmudug, waxaana halkaasi la qaadi doonaa weerarada ugu badan ee ka dhanka ah Al Shabaab, sida xogaha aan ku heleyno. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Madaxa hay’adda sirdoonka ee CIA ayaa aqalka Congress-ka kala hadli doonta dilkii saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoqji, sida ay ku warramayso warbaahinta Maraykanka. Waxaa lagu soo warramayaa in Gina Haspel ay la hadashay hoggaamiyeyaasha Senate-ka Talaadadan. Gina ayaa ka baaqatay kulankii toddobaadkii hore xogta lagula wadaagayay wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka gaashaan dhigga. Khashoqji ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul bishii Oktoobar. Warbaahinta Maraykankuna waxay ku warramaysaa in hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ay baaritaankeeda ku soo gunaanadday “in ay u badan tahay in Maxamed Bin Salmaan uu amray” dilkaas. Dawladda Sacuudiga ayaa dacwado ku soo oogtay 11 ruux, balse waxay diiday in amiirku uu ku lug lahaa dilka. Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in CIA ay hayso caddaymo muujinaya fariimo ay is waydaarsadeen amiir Sacuud al Qahtani, kaas oo lagu eedeeyay in uu dusha kala socday dilka. Wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo wasiirka gaashaan dhigga James Mattis ayaa senetarrada u sheegay toddobaadkii hore in aysan jirin caddaymo toos ah oo muujinaya in amiirka dhaxalka leh uu ku lug leeyahay dilka. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in baaritaanka CIA aan wali la soo af jarin. 20 bishii Nofembar ayuuna sheegay “Way dhici kartaa in amiirku uu masiibadan ka war hayay wayna dhici kartaa in uusan ka war hayn.” Dhanka kalana waxaa jira warar sheegaya in Gina Haspel ay ka carootay in warbaahinta loo dusiyay in macluumaadka ay CIA ogaatay. CIA wali kama hadlin warka ku saabsan in ay macluumaad bixinayaan Talaadada. Kumuu ahaa Jamal Khashoqji? Wuxuu ahaa saxafi caan ah oo ka soo warramay warar waawayn oo ay ka mid yihiin qabsashadii Soviet-ka ee Afghanistan, soo caan bixiddii Osama Bin Laden, wuxuuna u warrami jiray war baahinno kala duwan. Tobannaan sano ayuu aad ugu dhawaa qoyska boqortooyada wuxuuna lataliye u noqday dawladda. Balse markii dambe iskii ayuu dibad joog ugu noqday dalka Maraykanka. Intii uu halkaas joogayna wuxuu wargayska Washington Post ku qori jiray maqaal bille ah oo uu ku dhaliili jiray Maxamed Bin Salmaan. Source
-
Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in la iska himaamay wadahadalkii la doonayay in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug. Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sidii khilaafkaasi loo dhameyn lahaa, laakiin madaxweyne Xaaf uu noqday shaqsiga wadahadalka uu ka socon waayay. Wuxuu ku eedeeyay in marka howsha isku dhawaato uu la xiriiro xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda ee Jooga Muqdisho, kuwaasi oo badalaya aragtidiiisa dib u heshiisiinta, sida uu hadalka u dhigay. Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Galmudug ayuu sheegay inay ka war sugayaan go’aanka dowladda Soomaaliya ay arintaan ka qaadaneyso. “Mar walbaa go’aanka dowladda ayaan ka war sugeynaa, annaga wax walbaa waan kaga tanaasulnay Xaaf Waana kaga tanaasuleynaa, laakiin Xaaf marka heshiis la gali rabo wuxuu u gacan haatinayaa dadka mucaaradka ku ah dowladda oo xaaladda kusii dheelaya”. “Marka Mucaaradka meesha ka baxaan ayuu Xaaf Quusan doonaa isna dhiibi doonaa, waana sugeyna waqtigey noqotaba”ayuu yiri Carabeey. Xiisadda ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa sababay in labo guddoomiye baarlamaan iyo labo madaxweyne uu yeesho maamulka Galmudug, kuwaasi oo saldhig ka kala dhigtay Cadaado iyo Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Madrid)-Luka Modric oo khadka dhexe uga dheela kooxda Real Madrid iyo qarankiisa Croatia ayaa ku guulaystay abaalmarinta qaaliga ah ee kubbadda ee Ballon d’Or 2018, wuxuuna noqonayaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee abaalmarintaas hela tobankii sano ee ugu dambeeyay marka laga reebo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Luka oo 33 jir ah ayaa markii saddexaad ku guulaystay koobka qiimaha badan ee Horyaallada Yurub bishii May ka hor intii uusan dalkiisa Croatia gacan ka siinin in ay markii koobaad gaaraan ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka. Kaka oo afka hore uga dheeli jiray Brazil iyo AC Milan ayaa ahaa ciyaartoygii ugu dambeeyay ee ku guulaysta abaalmarintan marka laga soo tago Messi iyo Ronaldo. Ronaldo oo xagaagii ka tagay Real Madrid kuna biiray Juventus ayaa galay kaalinta labaad. Messi oo afka hore uga dheela Barcelona ayaa kaalinta shanaad galay, Antoine Griezmann oo u dheela Atletico Madrid ayaa galay kaalinta saddexaad Kylian Mbappe oo ay dalka Faransiiska u wada qaadeen Koobka Adduunkana wuxuu galay kaalinta afraad. Tobanka kaalmood ee ugu horreeya abaalmarinta Ballon d’Or 1. Luka Modric (Real Madrid iyo Croatia) 2. Cristiano Ronaldo (Juventus iyo Portugal) 3. Antoine Griezmann (Atletico Madrid iyo France) 4. Kylian Mbappe (Paris St-Germain iyo France) 5. Lionel Messi (Barcelona iyo Argentina) 6. Mohamed Salah (Liverpool iyo Egypt) 7. Raphael Varane (Real Madrid iyo France) 8. Eden Hazard (Chelsea iyo Belgium) 9. Kevin de Bruyne (Manchester City iyo Belgium) 10. Harry Kane (Tottenham iyo England) Source
-
New York ( Sh. M. Network )-Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi ah oo gaaraya 4 sano ku riday Veronica Ofelia, kaas oo loo hesyto in dalkaasi uu si sharci darro ah ku soo galiyay dad ay ku jiraan kuwa Soomaali ah. Xeer ilaaliyaha gobolka Texes ee dalkaasi ayaa sheegay in ninkani iyo sidoo kale 5 qof oo ahaa Shabakad isku xiran ay ku lug lahaayeen howlo sharci darro ah oo ay dadka Lacago badan uga qaadan jireen, si ay u soo galiyaan gudaha Mareykanka, yagoo soo dhaafsiinaya xadka Mareykanku uu la wadaago dalka Mexico. Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in kooxdan howlahani ay soo waday, tan iyo sanadkii 2007-dii, ayna soo galiyeen Mareykanka dad ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Romania, Eritrea, China, Macedonia, Honduras, El Salvador iyo Mexico. Maamulka Madaxweyne Trump ayaa horay uga mamnuucday dalkaasi in ay tagaan Muwaadiniinta dalal ay ka mid tahay soomaaliya. The post Mareykanka Oo xukumay nin loo heysto in Soomaali uu geeyay dalkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saaka xiisad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Xiisadan ayaa ka dhalatay dil shalay degmadaasi loogu geystay Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda, kaas oo kooxihii dilay ay Qoriga horay uga qaateen. Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa saaka lagu arkayaa qeybo ka mid ah degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamadu dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilaabeen halkaasi. Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyo kan Beled-Xaawo oo ku aadan xiisadaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal xoogan ka muujinaya in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Ammaanka Beled-Xaawo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid kacsan, iyadoona Al Shabaab siyaabo kala duwan ay dilal uga geysteen degmadaasi. The post Xiisad xoogan Oo ka taagan degmada Beled-Xaawo appeared first on Shabelle. View the full article
-
TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 3AAD Ma ogtahay in LIBERLAND caawa ay haysato lacag dhan 140,000,000$ boqol iyo Afartan milayan oo doolar, Halka Somaliland caawa ay dayn ku jirto. Ma ogtahay in Miisaniyada LIBERLAND ee sanad kan 2018 si saafi ah u soo xidhantay, Halka miisaniyada Somaliland ee sanadkan 2018 cajisi wayni ku jiro. Ma ogtahay in miisaaniyada LIBERLAND ee ictiraaf raadintu ka badan yahay miisaaniyada 7 wasaaradood oo SOMALILAND ah. Ma ogtahay in miisaaniyada safaaradaha ama xafiisyada dibada ee LIBERLAND ka badan yahay Miisaaniyada wasaarada Arimaha dibada iyo dhamaan safaaradaha ama xafiisyada Somaliland ku leedahay dibada. Ma ogtahay in Dublumaasiyiin ka shaqeeya sadex safaaradood oo LIBERLAND ah inay ka badan yihiin dhamaan Diblumasiyiin ka shaqeeya saraafadaha Somaliland oo dhan. KAAF IYO KALA DHEERI Maihi nin ku faraxsan daynta uu dalkeenu ku jiro, Ma ihi nin ku jees jeesaya jiitanka ictiraaf raadinta qaranka ee waxaan u jeedaa dhiiri galinta dadkeena, dalkeena, Dawladeena, iyo siyaasiyiin teenan iyagu isku mashquulsan, ee marka ictiraaf raadinta lasoo qaado sidii qarandida dhulka eegaya iyaguna is eegaya. Dariiqii Dawladnimo Qaran-nimo iyo ictiraaf raadin mahayno ee waynu canjilaynaa, Qaar kamida Aduun waynuhu waxa inoo arkaan :- -( BEELO WADA DAGAN OO SIYAAD BARE KA RAYSTAY NABADANA DUGSANAYA)- La soco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 4AAD oo ka hadlaysa badka ama masaaxada dhulka LIBERLAND ee dhan 7km2 Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Waxaa maalmahan dambe si sabab la’aan ah hakad u galay kulamadii xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo shaqooyin badan ay jireen. Wixii ka dambeeyey kala diristii guddiga maaliyadda ee golahaasi waxaa yimid kala aragti duwanaanshiyo badan, iyadoo guddoonkana sabab la’aan u baajiyey kulamada. Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka, wuxuu u sheegay Goobjoog, inaan lala soo socodsiin baaqashada kulamada isaga mas’uuliyadda arrintaasi ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka: Goobjoog New Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanayaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegayaa in qaar kamid ah xubno uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland ay ka soo horjeesteen magacaabistaasi. Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa xalay magacabay xubno uu ku sheegay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka,isagoo ka hor yimid guddigii uu shalay magacaabay madaxweyne Gaas. Magacyada 8 xubnood oo Camey magacaabay ayaa waxaa ku jira Nabaddoon Khaliif Awcali,waxaana wararka haatan ka imaanaya Garoowe ay sheegayaan in Nabaddoonku uu mar dhow shir jaraa’id halkaasi ku qaban doono,isagoo ka horjeesan doona magacaabista Camey. Sidoo kale ilaa 3 xubnood oo ka tirsan guddiga uu magacaabay mudane Camey ayaa la soo sheegayaa in ay diideen,waxaana la filayaa in ay saxaafadda la hadlaan. Wixii ka soo kordha kala soco PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah guddigii uu magacaabay Camey oo ka soo horjeestay appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa soo shaac baxaya khilaafka ka dhaxeeya madaxda ugu sarreysa ee dowlad goboleedka Puntland, iyadoo ay soo dhow dahay doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi. Shalay, madaxweyne C/weli Gaas ayaa magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, hase ahaatee madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Injineer Camey ayaa isna dhankiisa soo magacaabay guddiga xallinta Khilaafaadka. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
-
Curfiga Protocolka Tahniyadaha Duwaliga ah Runtii waxa inagu ceeb qaran ah sida wasiirkeena Arimaha dibadu uga qayb qaateen tahniyada sanad guurada 47 ee midawga Emaaraadka. Dadaal waa muhiim laakiin waxa mustaxiil ah ama meel ka dhac wayn ah inuu wasiir tahniyeeyo Maalin Qaran oo dawladeed waliba dawlad qaab boqortooyo ah isagoon madaxwaynaheenu tahniyeeyn. Caalamka oo dhan Tahniyadaha maalmaha Qaranka waxa dira BOQOR, MADAXWAYNE, ama AMIIR, sidoo kale waxa si toos ah u gudooma qofka u sareeya dalkaa BOQOR, MADAXWAYNE, ama AMIIR, Sharafta iyo karaamada dalkeenu waxay ahayd in Madaxwayne Muuse Biixi Cadi diro tahniyadaa, Waxa kale oo jira in dawlad waliba leedahay qaab u gaara oo loo tahniyeeyo, iyo siiqo gooni ah oo loo qoro tahniyada dalkaa. Qaabka Emaraada loo tahniyeeyo maalintooda qaran waa sidan :- In Madaxwaynuhu ama masuulka dalkaasi tahniyeeyo Madaxwaynaha imaaraadka sheekh Khaliifa, In Madaxwaynuhu tahniyeeyo Madaxwayne ku xigeenka ahna Raysal wasaaraha ahna Xaakimka Dubai, In madaxwaynuhu Tahniyeeyo Mahamed Ala Nahyaan oo ah dhaxal sugaha Emaraadka. Mid walba waxaa loo qorayaa war qad u gooni ah midna mid kale warqadiisa kakale lagu xusimaayo, dhamaan waraaqaha E-mail lagu dirimaayo ee safiirka ama wakhiilka ayaa si toos ah u gaynaya Qasirga isagoo xidhan dharka hidaha iyo dhaqanka soamliland ama dalkuu matalayo. Emaraad waxay qaabilaan safiirada ama wakiilada sida waraaqaha 8:00 am ilaa 11:00am. Dawlad waliba wakhti u gooni ah ayaa loo asteeyaa lagana gudoomaa. intaa kadib wasiirka khaarajiga ama masuul kale wuxuu tahniyayn karaa dhigiisa haday macrifo shaqo ka dhaxayso tahniyad telefoon ama mid war qadeed oo aan la shaacin ama bartiisa Twitter ka ayuu ku baahin karaa masuulku. Dadaale ayaa wax barta ee Wasiir Fartoon wuu ku mahad sanyahay dadaalka. Alaa mahd leh Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dib kaga laabtay go’aan uu horey uga qaatay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo. Muuse Biixi ayaa 20-kii November kaga dhawaaqay magaalada Burco inaysan wadahadal la galeynin dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo, kadib cadaadis xoogan oo Somaliland soo wajahay. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada Somaliland lagu shaaciyay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka laabtay go’aankiisii hore ee wadahadalka la xiriiray. War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Muuse Biixi ee Hargeysa ayaa lagu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Arrinta isbadalka go’aanka Muuse Biixi ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii shalay wafdi ka socdo midowga Yurub ay gaareen magaalada Haregysa, iyaga oo halkaasi kula kulmay Muuse Biixi. War-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka caga jiideyso wadahadalka ay la galeyso Maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Mudane Carlo Campanile, Safiirka Talyaaniga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen diblomaasiyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa muujiyay sida uu ugu riyaaqsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isagoo carabka ku adkeeyay qoto dheerida xiriirka istiraatiijiyadeed, waxa uu carabaabay rajada uu ka qabo in la horumariyo iskaashiga laba dhinaclaha ah si loogu adeego dano wadaagga labada dal iyo waxyaabaha ka qeyb qaadanaya horumarka iyo barwaaqada laba shacab. Dhankiisa, Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu dib u soo celiyo iskaashiga qotada dheer ee kala dhexeyn jiray Soomaaliya si loo xoojiyo wax wadaagga heer kastaba leh, isagoo tilmaamay in Roma ay joogtayn doonto isku duwidda heerka sare ee Muqdisho si loo ballaariyo iskaashi wax ku ool ah oo ka dhasha mas’uuliyadda qaran oo ka guul keenta rajooyinka muwaadiniinta. The post Soomaaliya iyo Talyaaniga Oo ka wada hadlay xiriirka labada dal appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mid kamid ah musharrixiinta Puntland ayaa eedeymo u soo jeediyay madaxweynaha iminka talada haya ee Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Musharax Siciid Cabdulaahi Deni oo u taagan Xilka Madaxwayne ee Puntland ayaa isaga oo lagu soo dhoweeyay magaalada Garoowe Xarunta Puntland, wuxuuna ka hadlay Xaalada Guud ee dalka iyo Arimaha Puntland. Deni ayaa eedaymo kala duwan usoo jeediyey Xukuumadda C/wali gaas, wuxuuna sheegay inaanu ku guulaysan horumarinta Puntland. Sidoo kale, Deni ayaa sheegay inuu Gaas kala daadiyey Ciidankii puntland. C.wali Gaas inta uu nayiri Laascaanood Faataxo laguma qabsan ayuu Tukaraq bixiyey Puntland ayaa wajahaysa doorashada madaxweyne, waxaana jira musharraxiin badan oo xilkaasi isku soo taagay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Netwotk )-Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Booliska maamulka K/ Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi. Illaa 10 Ruux oo u badan dhalinyaro ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay howlghalladaasi, kuwaas oo looga shakisan yahay falalka amaan dari ee ka dhaca halkaasi Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay gelinkii dambe qarax ay waxyeelo ka soo gaartay Xildhibaan ka tirsanaa Koonfur Galbeed uu ka dhacay Guri ku yaalla xaafadda Wadajir magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulkaasi. The post Howlgallo dad lagu soo qabtay Oo laga sameeyay Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-041218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somaliand ayaa sheegtay in xilligan ay diyaar u tahay wadahadallo ay la yeelato dowladda federaalka Soomaaliya, kadib wufuud caalami ah oo shalay kulamo kula yeeshay Hargeysa madaxda Somaliland. Xildhibaan Nac-nac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog, wuxuu sheegay in wafdigii ka socday midowga Yurub ee gaaray Hargeysa ay ka dalbadeen in la wadahadlo. Wuxuu sheegay xildhibaanka in wadahadallada ay muhiim yihiin, balse loo baahan yahay in loo wadahadlo Laba dowladood oo kale. Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in loo wadahadli doono sidii loo kala bixi lahaa, ee aanay ahayn isku soo noqosho. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/XIL-SOMALILAND-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xog-xasaasiya:Cabsi & Xiisad Garoowe ka Aloosan+Musharixiin is-hubaynaya+Dagaal laga yaabo inuu ka dhex qarxo…. Sida Xogguhu tibaxayaan waxa isa soo taraya oo aad u xoogeysanaya walaaca laga qabo in dagaal uu ka dhaco magaalada oo uu sabateeda yeelanayo madaxweyne Cabdi Weli Gaas. Bulshada ayaa ka walaacsan gawaarida Tiknikada ah ee waardiyeynaya kolonyada musharixiinta madaxweyne ee Puntland xilli Gaas qaadanayo tallaabooyin abuuri karo isfahanwaa iyo gacan ka hadal. Doorashada oo lagu wado in ay dhacdo 8-da Janaayo sidii caadiga ahayd ayuu hadda Gaas u muuqdaa mid si walba isugu dayaya in uu u dib dhigo taas oo cadaatay kaddib markii uu maanta soo magacaabay gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada la soo xulayo. Arrintan waxaa aad uga biyo diidan shacabka iyo waliba musharixiinta oo u arka guddi u xaglin doona Gaas maadama uu isagu doortay. Arrinta shakiga dhalisay ee la yaabka leh ayaa ah, “Sidee musharax isagu u soo xuli karaa” guddi laga rabo in ay u sinnaadaan dhammaan loolamanaaysha? Gaas sidoo kale waxa uu dagaal ku furay Somaliland si uu u baajiyo doorashada sanadkan ee Puntland walow ay u muuqato taas in lagu fahmay oo ay u socon weyday. Cabsidan oo kale waxa ay jirtay sanadii 2009, xilligaas oo uu Faroole ku hanjabay in uu dagaalami doono haddii doorashada dib loo dhigo. Waxaa xiligaas madaxweyne ahaa AUN Jeneral Cadde Muuse oo rabay inuu sanad ku darsado xilka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaaka iyo Jinsiyadaha Soomalaiya ayaa billowday in ay joojiso muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland (Entry & Exit stamp) kuwaas oo kabaxaya garoonka Muqdisho ama soo degaya garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa dhowr muwaadin ka qaadday Baasabooradoodii, iyada oo loo sheegay in ay sameystaan Baasaboor cusub. Ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu jiro amar dowladeed oo ay fulineyso hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha kaas oo faraya in la mamnuuca astaan aan ahayn tan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gelid ama bixitaan ah in lagu dhufto ama la saaro Baasaboorka Soomaaliya. Sababta joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ayay sheegeen madax katirsan dowladda Soomaaliya in ay tahay in Dowladda Soomaaliya ay dhaqangelineysa sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la sameeyey sanadkii 1962, kaas oo dalka oo dhan wadaquseeya islamraakana mamnuucaya in Baasaboorka Soomaaliya lagu dhufto Astaan gelid ama bixid oo waddanka dhexdiisa ah taas oo aan ahayn Astaanta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya. Marka la fiiriyo sida uu u dhaqangalay amarka joojinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland waxa muuqata in uu jiro amar degdeg ah oo la socda dib u habaynta iyo horumarin lagu sameynanyey todobaadkii tegey hannaanka bixinta Baasaboorka. War lagu qoray barta Facebook ee hay’adda socdaalka iyo jinisyadaha ayaa u qornaa sidan: Inta la ogyahay illaa hadda waxa uu amarka joojiinta muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland saameeyey illaa 6 qof oo ka baxayey garoonka Muqdisho. Soo Wareejinta maamulka Hawada Soomaaliya Dadka lafagura Arrimaha socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa qaba in go’aanka lagu joojinayo muwaadiniinta wata Baasaboorka Soomaliga ah ee ay saaran tahay astaanta gelidda iyo kabixidda Somaliland ay sabab u tahay arrinta maamulka hawada Soomaaliya oo halkii laga maamulayey magaalada Nayrobi ee Kenya hadda laga maamulo magaalada Muqdisho sidaas awgeedna aanay hadda suuragal ahayn in hawada Soomaaliya ay adeegsadaan duulimaadyo aan fasax duulimaad ka haysan maamulka hawada Soomaaliya, taasina ay saameyn weyn ku leedahay duulimaadyada tegeya Hargeysa kuwaas oo fasax duulimaad uga baahan Muqdisho. Waxa kale oo jira oo isna saameyntiisa leh isbeddelka kadhacay geeska Afrika oo isna wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya siiyey awood badan oo aanay horay u lahayn sidaas oo kalana xukuumadda Soomaaliya u sameeyey xiriir hal weji ah oo ay dowladaha geesku kula dhaqmayaan Soomaaliya, taasna waxaa muujiyey Baaqii Baxardaar oo ay madaxda Itoobiya iyo Erateriya ku sheegeen in idnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan. Safarkii dhowaan madaxweynaha Somaliland uu ku maray magaalooyin kamid ah gobolada Waqooyi waxa uu ku sheegey Madaxweyne Muuse Biixi hadallo adag iyo cannaan aan diblomaasi ahayn oo uu dusha uga tuuray madaxda Soomaaliya, waxaa dad badani qabaan in tani jawaab u tahay Dhaqanka gaashaanle sare Muusi Biixi Cabdi. Somaliland oo iskudeyeysa in ay ka go’do Soomaaliya kana baxdo Jamhuuriyadda Somaaliya ayaa wadda ololeheeda gooni isutaagga muddo 27 sano ah balse weli ma muuqato suurtagalnimada in go’idda Somaliland, waxaane lagayaabaa in hab-dhaqanka madaxda Soomaaliland uu waxbadan hortaagan yahay.
-
Madaxweyne oo lagu eedeeyay in “nin isaga u eg” uu u diray shir ka socda Poland Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa lagu eedeeyay in uu u diray nin isaga u eg shir Qaramada Midoobay uga socda dalka Poland kaas oo looga arrinsanayo mushkiladaha cimilada adduunka. Eedeyntan ayaa timid kadib markii shirkaasi lagu dhex arkay madaxweyne Muhammadu Buhari oo xayi ah, halka horay loogu ogaa nin caafimaad ahaa liita islamarkaana mudo 5 bilood ka badan isbitaal ku yaal magaalada London loogu dabiibayay xanuun uusan wali shaacin. Arrintan ayaa sababtay in madaxweynaha oo ku sugan dalka Poland uu beenimo warar uu ku sheebay been abuur kuwaas oo baraha bulshada si weyn looga hadalhayo. ” – Waxaad arkeysaan waa anigii saxda ahaa, waxa i shabaha oo shirkaan ku sugan ma jiraan. Dhammaadka bishan ayaa waxaan u dabaaldagayaa dhalashadeysa sannadka 76-aad”, ayuu yiri madaxweyne Muhammadu Buhari mar wax laga weydiiyay eedeymahan cusub. Shirkan maanta ka furmay dalka Poland ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 200 oo waddan, waxaana ujeedkiisu yahay sidii wax looga qaban lahaa halista cimilada adduunka iyo waxyaalaha sababa. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 12 sano oo qura ay haystaan in isbaddel lagu keeno haddii kale ay faraha ka baxayaan aarimaha kuleylaha, fatahaadaha, abaarta iwm. Qaran News