Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,067
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaan soo dhawayn dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanka Somaliland oo qorshaysnaa March 2019 in la qabto. Guddiga doorashooyinka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dib u dhac ku yimid doorashooyinkii Baarlamaanka iyo deegaanka, waxaanay soo bandhigeen dhawr duruufood oo caqabad ku noqtay qabsoomida doorashadaas. Ma jiro wakhti weli loo cayimay inay doorashooyinku dalka kaga qabsoomaan. Diblomaasi reer galbeed ah oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego, maadaama oo aanu u xilsaarnayn inuu saxaafadda la hadlo, ayaa Geeska Afrika u sheegay in dalalka Somaliland ka taageera doorashoyinka iyo dimuqraadiyadu aanay soo dhawayn dib u dhacan ku yimid doorashooyinka, “Waa wax laga xumaado, lagamana soo dhawayn dhankayaga. Waxa jira shir ay dalalka deeq bixiyayaasha ahi ka yeesheen dib u dhacan, mana aha mid la aqbali karo.” Sidaas waxa yidhi diblomaasiga u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay “Wefti ayaa loo soo diray Hargeysa, lana kulmay Madaxweynaha iyo guddiga doorashooyinka iyo dhinacyada kale, waxaana muhiim ah inaanay Somaliland ka dhicin tareenka ay saarnayd ee magaca u soo jiiday ee dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka” Diblomaasigani wuxuu Geeska Afrika u sheegay inay muhiim tahay in xisbiyada iyo xukuumadu kulan wada jir ah ka yeesheen sidii loo xaadhi lahaa caqabad kasta oo ku gudban doorashooyinka, “Waa muhiim inay xukuumadda iyo mucaaradku yeesheen wada shaqayn oo ay soo celiyaan xidhiidhkoodii hore, haddii kale arrimahani uma wanaagsana Somaliland.” Ayuu yidhi. Wuxuu diblomaasigani sheegay inay jiraan aragtiyo soo jeedinaya in muddo kordhinta loo samaynayo wakiilada iyo deegaanka lagu koobo dhawr bilood si ugu dambayn doorashooyinka loo qabto bisha Oktoobar ee 2019, bilahaas koobana lagu xaadho caqabadaha yaala jidka doorashooyinka loo marayo. Source
  2. Wararka inaga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulamo lagu kala kacay uu dhacayey Saacadihii lasoo dhaafay oo udhaxeeyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo. Gudoomiye Mursal ayaa ka biyo diiday inuu sharci ka dhigo kala diristii Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka,Inuu tartami Karin Mukhtaar Rooboow oo Dawladu diidan tahay balse Mursal uu kasoo horjeedo qadiyadaas iyo Ciidankii la geeyey Baydhabo oo lagu murmay qudhooda. Madaxda Dawlada ayaa waxay seddexdaas Qodob sida uu uga istaagay Maxamed Mursal aysan ku qancin waana mida keentay in lagu kala tago kulamadii dhacay. Ma jirto warbaahinta Xog ay heshay intaan ka badan,waxaase la helay akhbaar hoose saraakiisha Xafiisyada Madaxda ka shaqeysa oo xaqiijiyey in la isku mari waayey kulamadii dhacay. Afhayeenka Golaha Shacabka waxa uu ku cel celinayaa inuusan ku qancin kala diristii gudiga Maaliyada Golaha Shacabka isagoo ku adkeystay inay shaqadooda sii wataan,xilli R/wasaaraha iyo Madaxweynaha ay taas ka biyo diidan yihiin. Ambassador Mursal ayaa Mar soo noqday Wasiirkii Difaaca Dalka ka hor inta Gudoomiyaha Golaha Shacabka loo dooran,kuna darso oo Xilkaan inuu helo waxaa usahlay R/wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo,lamana oga sida uu xaalka noqon karo hadii khilaafka sii socdo. PUNTLAND POST The post Khilaaf soo kala dhaxgalay madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  3. War ka soo baxay hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay qabteen sarkaal katirsan Al-shabaab oo abaabulayay qaraxyo uu ka geysto Muqdisho. NISA oo war kooban soo saartay ayaa ku sheegtay in ay si farsamaysan u qabatay sarkaalkaasi, islamarkaasina uu san dhiig ku daadan. “Ciidanka amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay dhagarqabe Al-shabaab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay NISA Hay’adda NISA ayaa howlgalo ka wado magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaasi oo ay kaga hortageyso weeraro Al-shabaab ay ka gestaan Muqdisho. PUNTLAND POST The post NISA “Waxaan qabanay shabaab qaraxyo maleegayay” appeared first on Puntland Post.
  4. War saxaafadeed: Annaga oo ah golaha musharrixiinta dawladda Puntland 2019 oo magacyadoodu hoos ku qoran yihiin: 1. Dr. Aadan Maxamad Ciise (Gaadaale) 2. Eng. Cabdirizaaq [...] Source
  5. Madaxweyne Gaas ayaa maanta kulankii ugu horeysay la qaatay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland oo uu Madaxweynuhu shalay magacaabay. Madaxweynaha ayaa [...] Source
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay weerarkii lagu dilay Cabdiweli Sheekh Cilmi Yare ee magaalada Gaalkacyo, isagoo bogaadiyey tallaabadii ay Alshabaab ka qaadeen. Sheekha oo muuqaal soo duubay, isagoo xabsi guri uga jira dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Alshabaab ku raacsan yahay tallaabadii ay ka qaadeen Sheekh C/weli, isagoo dhinaca kale sheegay in khaladaadkooda leeyihiin. Sheekh Xasan Daahir wuxuu faahfaahin ka bixiyey go’aanadii culimada Soomaalida ka qaateen wadaadka reer Gaalkacyo iyo xukunka laga qaatay ee ahaa inuu ka baxay diinta iyo cidda fulineysa. Halkaan hoose ka daawo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  7. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in khilaaf xoogan uu ka dhex dhaliyo Guddigii uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Puntland. Isaga oo la hadlayay Voa-da Cameey ayaa sheegay in Madaxweyne Gaas uu baal maray xeerkii Magacaabida Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafka Golaha Wakiilada Puntland. Sidoo kale waxa uu sheegay in Cabduweli Gaas uusan kala tashan Magacaabista taas oo uu sheegay inay waajib tahay,sababta kale ayuu sheegay inay Guddiga qeyb ka yihiin Xubno Maamulka Puntland hadda ka tirsan ehelo dhowna ay yihiin Madaxweynaha. Shalay Gelinii dambe ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey waxa uu Magacaabay Guddi kale,isaga oo kulan la qaatay Xubnaha ku midoobay musharixiinta Madaxweynaha Puntland. 20 Sano oo uu Maamulka Puntland jiro waa markii ugu horeysay oo Madaxda Maamulkaas isku khilaafaan Guddigaas,waxaana dad badan khilaafkaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa u arkaan mid jahwareer gelinaya Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso Codka Camey https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Madaxweyne-ku-xigeen-Cameey.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@Live.com
  8. 16 murasharax oo kamid ah murashixiinta madaxtinimada Puntland, ayaa ka hor yimid guddigii xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Gaas. [...] Source
  9. At least ten people were reported to have been arrested in a massive security operation by Southwest State police in connection with a bomb attack in the region’s capital, Baidoa. Local residents said the sweep was carried out in parts of the city, targeting houses suspected to be the hideout for Al-Shabaab sleeping cells mixed into the population. The arrest came after a grenade attack on a house in Baidoa has left regional MP wounded on Monday afternoon. The attack happened amid rising tension in the Southwest State. The region is heading to the polls on December 19 to elect next president after former resigned last month in unprecedented move ahead of the presidential election. Several candidates including former Al-Shabaab deputy leader Mukhtar Robow are vying for the top seat in Southwest state of Somalia in the upcoming polls. The post A dozen detained in a massive security sweep in Baidoa city appeared first on Shabelle. View the full article
  10. The Police in Minneapolis has charged a man with allegedly threatening a group of Somali teenagers with a gun inside a McDonald’s restaurant. The suspect, Lloyd Johnson, is facing felony charges when he appears in court at a date to be determined. According to the complaint against Johnson, two girls were trying to pay for their food with a digital app that was not working. Johnson stood behind the girls and remarked that they were probably trying to pay with an EBT card — an electronic card many poor citizens use to obtain government food assistance. When one of the girls turned around, Johnson allegedly raised his fist. When other Somali teens approached, Johnson is accused of stepping away, pulling a handgun, and backing out of the restaurant. Police used a cellphone and a McDonald’s security camera to identify the suspect. A Hennepin County, Minnesota, the prosecutor accused Johnson of doing “everything he could” to provoke a confrontation, adding it is sheer luck no one was hurt. There has been no comment from Johnson or an attorney. The Minneapolis-St. Paul area has one of the largest Somali diasporas in the United States. The Cedar-Riverside neighborhood in Minneapolis is known locally as “Little Mogadishu.” The post Minneapolis Man Accused of Pulling Gun on Somali Teens appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Jigjiga)-Illaahay ha u naxariisto Abwaan Cabdixakiin Cabdillaahi Jibriil (Abwaan Qiiq) oo maalmahan-ba xanuun u jiifay ayaa waxa uu goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdixakiin Cabdillaahi Jibriil (Abwaan Qiiq) waxa ka mid ah abwaaniinta ugu caansan gobolka Awdal, waxaanu door weyn ka qaatay heesaha ay qaadaan kooxda xiddigaha geesku oo uu inta badan sameeyay Abwaanku. Source
  12. Nairobi (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay afduub haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga loogu geystay dalka Kenya, waxaana hadda xabsiga la dhigay seddex ruux oo lala xiriirinayo inay kiiska wax ka ogaayeen. Wargeyska Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in seddex ruux oo Soomaali ah loo xiray afduubka haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga oo Al Shabaab la rumeysan yahay inay ku heystaan keynta Boni ee dalka Kenya. Dumal Xaaji Cusmaan, Xasan Barrow Khamiis iyo Ruqiyo Nuuno oo dhamaantood loo heysto falka haweeneyda lagu afduubtay ayaa la sheegay inay maxkamad kasoo muuqanayaan. Seddexda eedeysane ayaa maxkamadda waxay amartay in xabsiga lagu hayo ilaa bartamaha bishaan si baaritaan loogu sameeyo lana ogaado waxa ay ka ogaayeen kiiska afduubka haweeneyda. Eedeysanayaasha waxaa loo heystaa inay gacan siiyeen kooxihii qafaashay Haweeneyda u dhalatay Talyaaniga, taasi oo bishii hore ee November 20-keedii laga qafaashay Gobalka Xeebta ee dalka Kenya. Silvia Romano oo macalimad aheyd ayaa laga afduubtay deegaanka Chakaka ee gobolka xeebta, waxaana socda dadaalo lagu badbaadinayo haweeneydaasi. Talyaaniga ayaa shaaciyay maalin ka hor inay doonayaan in wadahadal lagu soo daayo haweeneyda, waxaana Kenya ay dooneysaa in xoog Al Shabaab looga soo furto haweeneyda ay afduubteen. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@Live.com
  13. (SLT-Nigeria)-Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa lagu eedeeyay in uu u diray nin isaga u eg shir Qaramada Midoobay uga socda dalka Poland kaas oo looga arrinsanayo mushkiladaha cimilada adduunka. Eedeyntan ayaa timid kadib markii shirkaasi lagu dhex arkay madaxweyne Muhammadu Buhari oo xayi ah, halka horay loogu ogaa nin caafimaad ahaa liita islamarkaana mudo 5 bilood ka badan isbitaal ku yaal magaalada London loogu dabiibayay xanuun uusan wali shaacin. Arrintan ayaa sababtay in madaxweynaha oo ku sugan dalka Poland uu beenimo warar uu ku sheebay been abuur kuwaas oo baraha bulshada si weyn looga hadalhayo. “Waxaad arkeysaan waa anigii saxda ahaa, waxa i shabaha oo shirkaan ku sugan ma jiraan. Dhammaadka bishan ayaa waxaan u dabaaldagayaa dhalashadeysa sannadka 76-aad”, ayuu yiri madaxweyne Muhammadu Buhari mar wax laga weydiiyay eedeymahan cusub. Shirkan maanta ka furmay dalka Poland ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 200 oo waddan, waxaana ujeedkiisu yahay sidii wax looga qaban lahaa halista cimilada adduunka iyo waxyaalaha sababa. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 12 sano oo qura ay haystaan in isbaddel lagu keeno haddii kale ay faraha ka baxayaan aarimaha kuleylaha, fatahaadaha, abaarta iwm. Source
  14. (SLT-Addis Ababa)-Dibad-baxyo ayaa ka socda ugu yaraan 10 magaalo oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana looga codsanayaa dowladda inay wax ka qabato rabshadaha ka dhacay halkaasi. Labadii bilood ee la soo dhaafay, in ka badan 30 qof ayaa lagu dilay gobolka Benishangul-Gumuz oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago Suudaanta Koonfureed. Dagaallada halkaasi ka dhacay waxaa ku dhintay 17 kamid ah ciidammada dowladda halka kumannaan qof ay ka barakaceen. Dowladda federaalka iyo maamullada waxay sheegeen in colaadda ay hurinayaan dad kasoo horjeedo isbaddallada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ka socda Itoobiya oo uu gadhwadeenka ka yahay ra’iisal wasaare Abiy Axmed, sid ay baahisay Idaacadda BBC-da. Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in xabsiga loo taxaabay in ka badan 200 qof oo lala xidhiidhinayo rabshadaha. Source
  15. Maxaabiista ku xiran xabsiyada Puntland gaar ahaan xabsiga dhexe ee Garowe, ayaa ah kuwa dhifka iyo naadirka ah ee hela fursado ay ku dhistaan mustaqbal [...] Source
  16. (SLT-Muqdisho)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu dhowaan dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho, kaddib bilo uu ka maqnaa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo iskiis u galay musaafuris, kaddib markii Ciidamada Amniga ay ku weerareen hoygiisa sanad ka hore, isla markaana ay dowladda Federaalka xabsiga dhigtay ayaa ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay dooneyso in Soomaaliya dib ugu soo celiyaan maalmihii madoobaa ee hore. Mr Warsame oo wareysi siiyay Wargeyska Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay tahay mid dooneysa inay dib u soo celiyaan aragtidii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre sida uu yiri. Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda uu dib ugu laaban doono magaalada Muqdisho, si uu u xuso sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii dowladda Federaalka ay xabsi dhigtay, kaddib howl gal lagu qaaday hoygiisa oo dhacay 17 September, kaasoo ay ku dhinteen darawalkiisa iyo 4 ka mid ah Ilaaladiisa. “Waxaan ahay Hoggaamiye Xisbi mucaarad ku ah Dowladda Federaalka Soomaaloiya, Waxaa i soo weerartay in ka badan 20 Saraakiil Amniga, kuwaasi oo dilay 5 ka mid ah Shaqaalaheyg”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo la hadlay Wargeyska The Standard. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in maalmo uu ku qaatay Xabsiga, waxaana uu ku dooday in Saraakiisha Sirdoonka aysan Maxkabadda u gudbin xitaa hal caddeyn ah oo muujinaya dambiga lagu soo xiray. Hase ahaatee Xeer Ilaalinta Qaranka Soomaaliya ayaa ku eedeysay in Siyaasigan uu ku howlanaa fal qaran dumisnimo iyo eedeymo kala duwan. Source
  17. (SLT-Washington)-Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn lagu dilay Abu al-Umarayn, oo ka tirsan kooxda IS islamarkana sida la sheegay dilay dhowr qof oo u dhashay dalalka reer galbeedka ee u shaqaynayay hay’adaha gargaarka. Ninkani ayaa sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka waxaa lagu dilay duqayn laga fuliyay gudaha dalka Suuriya. Ciidamada isbahaysiga ayaa waxay fuliyeen “weerar la xaqiijiyay ” axaddii kaasi oo lala bartilmaameedsaday hogaamiyayaasha IS ee uu ka midka yahay Umarayn ee ku sugan koonfur bari Suuriya axaddii,waxaa sidaasi sheegay militariga Mareykanka. Ninkan ayaa la rumaysan yahay in uu masuul ka ahaa dilkii Cabdul-Raxman Kassig oo ahaa nin Mareykanka u dhashay oo hay’ad gargaar u shaqaynayay islamarkana qoorta laga gooyay November 2014. Cabdul-Raxman Kassig ayaa asaasay hay’ad gargaar si uu u caawiyo dadka reer Suuriya. Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in Umarayn “uu halis ku ahaa xoogaga isbahaysiga”. Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay “in uu ku lug lahaa dilka muwaadiniin Mareykan ah. Kooxda la baxday dowladda islamka ayaa waxaa gacantooda ka baxay ku dhawaad dhammaan dhulka ay horey u maamuli jireen ee Ciraaq iyo Suuriya. Dad gaaraya 10 milyan ayaa ku nool goobaha ay IS horey gacanta ugu hayn jireen. Balse militariga Mareykanka ayaa waxay sheegeen in 98% goobihii ay haysteen kooxda IS laga saaray. Source
  18. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saraakiil u dhalatay dalka Mareykanka ay tageen magaaladaasi. Magaalada Dhuusomareeb waxaa maalin ka hor tagay ciidamada DANAB oo tababar ka hela saraakiisha Mareykanka kuwaasi oo kasoo dhaqaaqay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Saraakiisha ka socota dowladda Mareykanka iyo saraakiisha ciidamada DANAB ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusomareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda. Kulanka kadib saraakiisha ayaa cadeeyay inay doonayaan inay sahmiyaan saldhig ciidamada DANAB ay ku yeeshaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, si halkaasi looga qaado weerarada ka dhan ah Al Shabaab. Ciidamada DANAB ayaa hadda xarun ku leh magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana xogaha aan heleyno ay sheegayaan in saldhiga magaalada Dhuusomareeb uu muhiim u yahay Mareykanka. Waxaa la doonayaa in saldhigaasi laga dhigo Saldhiga Mareykanka ku leeyahay Bartamaha Soomaaliya, isaga oo tababar ku siinaya ciidamada Galmudug, waxaana halkaasi la qaadi doonaa weerarada ugu badan ee ka dhanka ah Al Shabaab, sida xogaha aan ku heleyno. Caasimada Online Xafiiska Galgaduud Caasimada@live.com
  19. (SLT-Washington)-Madaxa hay’adda sirdoonka ee CIA ayaa aqalka Congress-ka kala hadli doonta dilkii saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoqji, sida ay ku warramayso warbaahinta Maraykanka. Waxaa lagu soo warramayaa in Gina Haspel ay la hadashay hoggaamiyeyaasha Senate-ka Talaadadan. Gina ayaa ka baaqatay kulankii toddobaadkii hore xogta lagula wadaagayay wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka gaashaan dhigga. Khashoqji ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul bishii Oktoobar. Warbaahinta Maraykankuna waxay ku warramaysaa in hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ay baaritaankeeda ku soo gunaanadday “in ay u badan tahay in Maxamed Bin Salmaan uu amray” dilkaas. Dawladda Sacuudiga ayaa dacwado ku soo oogtay 11 ruux, balse waxay diiday in amiirku uu ku lug lahaa dilka. Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in CIA ay hayso caddaymo muujinaya fariimo ay is waydaarsadeen amiir Sacuud al Qahtani, kaas oo lagu eedeeyay in uu dusha kala socday dilka. Wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo wasiirka gaashaan dhigga James Mattis ayaa senetarrada u sheegay toddobaadkii hore in aysan jirin caddaymo toos ah oo muujinaya in amiirka dhaxalka leh uu ku lug leeyahay dilka. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in baaritaanka CIA aan wali la soo af jarin. 20 bishii Nofembar ayuuna sheegay “Way dhici kartaa in amiirku uu masiibadan ka war hayay wayna dhici kartaa in uusan ka war hayn.” Dhanka kalana waxaa jira warar sheegaya in Gina Haspel ay ka carootay in warbaahinta loo dusiyay in macluumaadka ay CIA ogaatay. CIA wali kama hadlin warka ku saabsan in ay macluumaad bixinayaan Talaadada. Kumuu ahaa Jamal Khashoqji? Wuxuu ahaa saxafi caan ah oo ka soo warramay warar waawayn oo ay ka mid yihiin qabsashadii Soviet-ka ee Afghanistan, soo caan bixiddii Osama Bin Laden, wuxuuna u warrami jiray war baahinno kala duwan. Tobannaan sano ayuu aad ugu dhawaa qoyska boqortooyada wuxuuna lataliye u noqday dawladda. Balse markii dambe iskii ayuu dibad joog ugu noqday dalka Maraykanka. Intii uu halkaas joogayna wuxuu wargayska Washington Post ku qori jiray maqaal bille ah oo uu ku dhaliili jiray Maxamed Bin Salmaan. Source
  20. Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in la iska himaamay wadahadalkii la doonayay in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug. Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sidii khilaafkaasi loo dhameyn lahaa, laakiin madaxweyne Xaaf uu noqday shaqsiga wadahadalka uu ka socon waayay. Wuxuu ku eedeeyay in marka howsha isku dhawaato uu la xiriiro xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda ee Jooga Muqdisho, kuwaasi oo badalaya aragtidiiisa dib u heshiisiinta, sida uu hadalka u dhigay. Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Galmudug ayuu sheegay inay ka war sugayaan go’aanka dowladda Soomaaliya ay arintaan ka qaadaneyso. “Mar walbaa go’aanka dowladda ayaan ka war sugeynaa, annaga wax walbaa waan kaga tanaasulnay Xaaf Waana kaga tanaasuleynaa, laakiin Xaaf marka heshiis la gali rabo wuxuu u gacan haatinayaa dadka mucaaradka ku ah dowladda oo xaaladda kusii dheelaya”. “Marka Mucaaradka meesha ka baxaan ayuu Xaaf Quusan doonaa isna dhiibi doonaa, waana sugeyna waqtigey noqotaba”ayuu yiri Carabeey. Xiisadda ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug ayaa sababay in labo guddoomiye baarlamaan iyo labo madaxweyne uu yeesho maamulka Galmudug, kuwaasi oo saldhig ka kala dhigtay Cadaado iyo Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. (SLT-Madrid)-Luka Modric oo khadka dhexe uga dheela kooxda Real Madrid iyo qarankiisa Croatia ayaa ku guulaystay abaalmarinta qaaliga ah ee kubbadda ee Ballon d’Or 2018, wuxuuna noqonayaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee abaalmarintaas hela tobankii sano ee ugu dambeeyay marka laga reebo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Luka oo 33 jir ah ayaa markii saddexaad ku guulaystay koobka qiimaha badan ee Horyaallada Yurub bishii May ka hor intii uusan dalkiisa Croatia gacan ka siinin in ay markii koobaad gaaraan ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka. Kaka oo afka hore uga dheeli jiray Brazil iyo AC Milan ayaa ahaa ciyaartoygii ugu dambeeyay ee ku guulaysta abaalmarintan marka laga soo tago Messi iyo Ronaldo. Ronaldo oo xagaagii ka tagay Real Madrid kuna biiray Juventus ayaa galay kaalinta labaad. Messi oo afka hore uga dheela Barcelona ayaa kaalinta shanaad galay, Antoine Griezmann oo u dheela Atletico Madrid ayaa galay kaalinta saddexaad Kylian Mbappe oo ay dalka Faransiiska u wada qaadeen Koobka Adduunkana wuxuu galay kaalinta afraad. Tobanka kaalmood ee ugu horreeya abaalmarinta Ballon d’Or 1. Luka Modric (Real Madrid iyo Croatia) 2. Cristiano Ronaldo (Juventus iyo Portugal) 3. Antoine Griezmann (Atletico Madrid iyo France) 4. Kylian Mbappe (Paris St-Germain iyo France) 5. Lionel Messi (Barcelona iyo Argentina) 6. Mohamed Salah (Liverpool iyo Egypt) 7. Raphael Varane (Real Madrid iyo France) 8. Eden Hazard (Chelsea iyo Belgium) 9. Kevin de Bruyne (Manchester City iyo Belgium) 10. Harry Kane (Tottenham iyo England) Source
  22. New York ( Sh. M. Network )-Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi ah oo gaaraya 4 sano ku riday Veronica Ofelia, kaas oo loo hesyto in dalkaasi uu si sharci darro ah ku soo galiyay dad ay ku jiraan kuwa Soomaali ah. Xeer ilaaliyaha gobolka Texes ee dalkaasi ayaa sheegay in ninkani iyo sidoo kale 5 qof oo ahaa Shabakad isku xiran ay ku lug lahaayeen howlo sharci darro ah oo ay dadka Lacago badan uga qaadan jireen, si ay u soo galiyaan gudaha Mareykanka, yagoo soo dhaafsiinaya xadka Mareykanku uu la wadaago dalka Mexico. Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in kooxdan howlahani ay soo waday, tan iyo sanadkii 2007-dii, ayna soo galiyeen Mareykanka dad ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Romania, Eritrea, China, Macedonia, Honduras, El Salvador iyo Mexico. Maamulka Madaxweyne Trump ayaa horay uga mamnuucday dalkaasi in ay tagaan Muwaadiniinta dalal ay ka mid tahay soomaaliya. The post Mareykanka Oo xukumay nin loo heysto in Soomaali uu geeyay dalkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saaka xiisad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Xiisadan ayaa ka dhalatay dil shalay degmadaasi loogu geystay Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda, kaas oo kooxihii dilay ay Qoriga horay uga qaateen. Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa saaka lagu arkayaa qeybo ka mid ah degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamadu dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilaabeen halkaasi. Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyo kan Beled-Xaawo oo ku aadan xiisadaasi. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal xoogan ka muujinaya in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Ammaanka Beled-Xaawo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid kacsan, iyadoona Al Shabaab siyaabo kala duwan ay dilal uga geysteen degmadaasi. The post Xiisad xoogan Oo ka taagan degmada Beled-Xaawo appeared first on Shabelle. View the full article
  24. TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 3AAD Ma ogtahay in LIBERLAND caawa ay haysato lacag dhan 140,000,000$ boqol iyo Afartan milayan oo doolar, Halka Somaliland caawa ay dayn ku jirto. Ma ogtahay in Miisaniyada LIBERLAND ee sanad kan 2018 si saafi ah u soo xidhantay, Halka miisaniyada Somaliland ee sanadkan 2018 cajisi wayni ku jiro. Ma ogtahay in miisaaniyada LIBERLAND ee ictiraaf raadintu ka badan yahay miisaaniyada 7 wasaaradood oo SOMALILAND ah. Ma ogtahay in miisaaniyada safaaradaha ama xafiisyada dibada ee LIBERLAND ka badan yahay Miisaaniyada wasaarada Arimaha dibada iyo dhamaan safaaradaha ama xafiisyada Somaliland ku leedahay dibada. Ma ogtahay in Dublumaasiyiin ka shaqeeya sadex safaaradood oo LIBERLAND ah inay ka badan yihiin dhamaan Diblumasiyiin ka shaqeeya saraafadaha Somaliland oo dhan. KAAF IYO KALA DHEERI Maihi nin ku faraxsan daynta uu dalkeenu ku jiro, Ma ihi nin ku jees jeesaya jiitanka ictiraaf raadinta qaranka ee waxaan u jeedaa dhiiri galinta dadkeena, dalkeena, Dawladeena, iyo siyaasiyiin teenan iyagu isku mashquulsan, ee marka ictiraaf raadinta lasoo qaado sidii qarandida dhulka eegaya iyaguna is eegaya. Dariiqii Dawladnimo Qaran-nimo iyo ictiraaf raadin mahayno ee waynu canjilaynaa, Qaar kamida Aduun waynuhu waxa inoo arkaan :- -( BEELO WADA DAGAN OO SIYAAD BARE KA RAYSTAY NABADANA DUGSANAYA)- La soco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 4AAD oo ka hadlaysa badka ama masaaxada dhulka LIBERLAND ee dhan 7km2 Amb Ahmed Safiina Qaran News