Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,053
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxa uu soo bandhigay walaac beesha caalamku ka qabto dib u dhaca doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Howlgalkaan ayaa ahaa mid ammaanka magaaladaasi lagu xaqiijinayey, iyadoo dhanka kalena lagu raadinayey rag shalay la sheegay in Bam gacmeed ku tuureen gurio ku yaalla magaaladaasi. Howlgalkan ayaa xooggiisa waxay ciidamada ka sameeyeen sida la sheegay xaafadda Wadajir ee Baydhabo, iyadoo dad badan lagu soo qabtay. Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamada ay soo qabteen dad u badan dhallinyaro, kuwaasi oo su’aallo lagu weydiinayo saldhigga Baydhabo. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, halkaasi oo lagu wado in 19-ka bishan ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha K/galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa si iskood ah magaalada Muqdisho uga sameeyey Bangi lagu keydiyo dhiigga. Maalin walba waxaa xaruntan taga dhallinyaro badan oo dhiigooda ugu deeqa dadka Soomaaliyeed kale ee u baahan. Waxa ay sheegeen dhallinyaradan in maadaama dalka aanu lahayn meel dhiig lagu keydiyo ay go’aansadeen in shaqadaasi ay dadkooda u qabtaan. Dhallinyaradan ayaa sheegay in si bilaash ah ku shaqeeyaan, islamarkaana dadka dhiigga u baahan ay si bilaash ah ku siiyaan iyaga oo aan wax shuruud ah ku xirin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/War-Ibraahim-Xaaji-sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Berbera)-Nin U Dhashay Dalka China Oo Dalxiis Ku Joogay Somaliland Oo Islaamay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiyadda Joogtada ah ee golaha Shacabka. Kulanka ayaa lagu waddaa in uu dhaco galabta, waxaana diiradda lagu saari doonaa Dejinta Ajendeyaasha Golaha Shacabka ee Bishaan. Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli wali ay taagan tahay xiisad ka dhalatay kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, oo xildhibaanada qaarkood ay walaac ka muujiyeen. Kulankaan deg deg ah ayaa kusoo beegmaya xilli Afartii Kulan ee ugu dambeysay ee golaha Shacabka uu baaqday. Wadahadal saacaddihii lasoo dhaafay u socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la isku mari waayay. Waxyaabaha Wadahaddalada looga hadlaayay waxaa ka mid ahaa Kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ciidankii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay geystay Baydhabo iyo Musharaxnimadda Sheekh Mukhtaar Roobow. Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin. Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah 1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo 2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin 3- In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Garoowe ( Sh. M. Network )-Jahwareer siyaasadeed ayaa xillagan ka taagan deegaanada maamulka Puntland, waxaana uu ka dhashay magacaabida laba guddi oo ay waqtiyo isku dhow soo kala saareen Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey. Madaxweynaha Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay xubnaha guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Golaha Wakiilada maamulkaasi, waxaana xigtay magacaabistaas Digreeto midan la mid ah oo uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Arrintan ayaa waxa ay dhalisay muran siyaasadeed oo ka dhex oogmay labadaasi mas’uul. Sidoo kale deegaanada maamulka Puntland waxaa ka taagan hadal heynta khilaafka cusub ee arrimaha doorashooyinka maamulkaasi. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in Gaas uu baal maray habraacii loo marayay dhismaha guddigan, maadaama ay aheyd Dastuuriyan in uu kala tashado magacaabista guddigani, isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi. Dhankiisa Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo saacado ka hor la kulmay guddiga uu shalay magacaabay ayaa tilmaamay in guddigaasi uu ku dhisan yahay hab cadaalad ah, hadalkaas oo u muuqday mid ka soo horjeeda fikirka uu qabo ku xigeenkiisa Camey. Ugu dambeyn qaar ka mid ah Musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka sare ee Puntland oo shir jaraa’d maanta ku qabtay Garoowe ayaa ka soo horjeestay xubnaha Gaas u magacaabay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Puntland. The post Xiisado siyaasadeed Oo ka jira deegaanada Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  7. An AU delegation led by the head of AMISOM, Francisco Madeira has arrived in Kismayu, the administrative capital of Jubbaland state. Jubbaland officials and AMISOM official have received the AU officials at Kismayu Airport. Officials held talks with Jubbaland authorities on security in Kismayu town. The sides focused on the liberation of areas under the control of Al-Shabaab. Both Jubbaland state and AU officials have agreed on Somali military and AMISOM launch joint operations against Al-Shabaab. Madeira who spoke to the media has commended Jubbaland state for its commitment to stabilize the region. “We appreciate Jubbaland for its efforts to achieve last peace. The leaders of Jubbaland have put more efforts stepped the security,” said Madeira. The president Madobe has praised AMISOM forces for their commitment to helping the state to defeat Al-Shabaab fighters. After the meeting, the two leaders accompanied by Mohamed Siyad Adan, the deputy president of Jubbaland and Hassan Guleid Hassan, Jubbaland Police commissioner attended a ceremony to opened a newly built police station in Farjano suburb. Among other AU officials who attended the ceremony is AMISOM acting Police Commissioner Ms. Christine Alalo. The post AU envoy holds talks with Jubbaland president in Kismayo city appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka NISA. Taliska Nabad Sugida Soomaaliya ayaa sheegay in Ninkan uu maleegayay Qaraxyo ka dhaca gudaha dalka. War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay. “Ciidanka Amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay xubin ka tirsan Alshabab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan”. Ayaa lagu yiro qoraalkan oo lagu bogga Twitter-ka ee NISA. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha M/ Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada Dalka ka socday Howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, kuwaas oo ay wadaan Ciidamada dowladda kuwa Midowga Africa ee AMISOM. The post Ciidanka amniga Oo qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo shalay kulan la yeeshay wefdi ka socday midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya. Madaxtooyadda ayaa waxa shaacisay in madaxweynaha iyo waftigu ay ka wada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-haddaladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu madaxweynuhu u sheegay xubnaha weftiga in ay Somaliland mar walba ka go’antahay inay hirgalaan wada hadaladu, balse ay Soomaaliya ka jeceshay hagar-daamada iyo Turan-turada qarannimada Somaliland oo ay ku foogan tahay, waxaanu sheegay madaxweynuhu in aanay Soomaaliya marnaba diyaar u ahayn in la furo wada hadalada labada dhinac. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa bishii hore mar uu safar ku marayay gobollada Bariga Somaliland waxa uu ku dhawaaqay in uu joojiyay wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku joojiyay wadahadalada ayaa waxaa ka hore uga soo horjeestay hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe. Warar xog-ogaal oo aanu helnay ayaa waxa ay sheegayaan in beesha caalamku ay Cadaadis ku saartay Madaxweynaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi uu bedelo mowqifkiisii ahaa inuu hakad geliyo wadahadaladiiSoomaaliya. Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.Com Source
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-04122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Talaabada bareerka ah iyo jar-iska xoornimada ah ee uu qaaday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Camey ee uu ku magacaabay gudiga aan [...] Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaan soo dhawayn dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanka Somaliland oo qorshaysnaa March 2019 in la qabto. Guddiga doorashooyinka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dib u dhac ku yimid doorashooyinkii Baarlamaanka iyo deegaanka, waxaanay soo bandhigeen dhawr duruufood oo caqabad ku noqtay qabsoomida doorashadaas. Ma jiro wakhti weli loo cayimay inay doorashooyinku dalka kaga qabsoomaan. Diblomaasi reer galbeed ah oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego, maadaama oo aanu u xilsaarnayn inuu saxaafadda la hadlo, ayaa Geeska Afrika u sheegay in dalalka Somaliland ka taageera doorashoyinka iyo dimuqraadiyadu aanay soo dhawayn dib u dhacan ku yimid doorashooyinka, “Waa wax laga xumaado, lagamana soo dhawayn dhankayaga. Waxa jira shir ay dalalka deeq bixiyayaasha ahi ka yeesheen dib u dhacan, mana aha mid la aqbali karo.” Sidaas waxa yidhi diblomaasiga u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay “Wefti ayaa loo soo diray Hargeysa, lana kulmay Madaxweynaha iyo guddiga doorashooyinka iyo dhinacyada kale, waxaana muhiim ah inaanay Somaliland ka dhicin tareenka ay saarnayd ee magaca u soo jiiday ee dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka” Diblomaasigani wuxuu Geeska Afrika u sheegay inay muhiim tahay in xisbiyada iyo xukuumadu kulan wada jir ah ka yeesheen sidii loo xaadhi lahaa caqabad kasta oo ku gudban doorashooyinka, “Waa muhiim inay xukuumadda iyo mucaaradku yeesheen wada shaqayn oo ay soo celiyaan xidhiidhkoodii hore, haddii kale arrimahani uma wanaagsana Somaliland.” Ayuu yidhi. Wuxuu diblomaasigani sheegay inay jiraan aragtiyo soo jeedinaya in muddo kordhinta loo samaynayo wakiilada iyo deegaanka lagu koobo dhawr bilood si ugu dambayn doorashooyinka loo qabto bisha Oktoobar ee 2019, bilahaas koobana lagu xaadho caqabadaha yaala jidka doorashooyinka loo marayo. Source
  13. Wararka inaga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulamo lagu kala kacay uu dhacayey Saacadihii lasoo dhaafay oo udhaxeeyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo. Gudoomiye Mursal ayaa ka biyo diiday inuu sharci ka dhigo kala diristii Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka,Inuu tartami Karin Mukhtaar Rooboow oo Dawladu diidan tahay balse Mursal uu kasoo horjeedo qadiyadaas iyo Ciidankii la geeyey Baydhabo oo lagu murmay qudhooda. Madaxda Dawlada ayaa waxay seddexdaas Qodob sida uu uga istaagay Maxamed Mursal aysan ku qancin waana mida keentay in lagu kala tago kulamadii dhacay. Ma jirto warbaahinta Xog ay heshay intaan ka badan,waxaase la helay akhbaar hoose saraakiisha Xafiisyada Madaxda ka shaqeysa oo xaqiijiyey in la isku mari waayey kulamadii dhacay. Afhayeenka Golaha Shacabka waxa uu ku cel celinayaa inuusan ku qancin kala diristii gudiga Maaliyada Golaha Shacabka isagoo ku adkeystay inay shaqadooda sii wataan,xilli R/wasaaraha iyo Madaxweynaha ay taas ka biyo diidan yihiin. Ambassador Mursal ayaa Mar soo noqday Wasiirkii Difaaca Dalka ka hor inta Gudoomiyaha Golaha Shacabka loo dooran,kuna darso oo Xilkaan inuu helo waxaa usahlay R/wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo,lamana oga sida uu xaalka noqon karo hadii khilaafka sii socdo. PUNTLAND POST The post Khilaaf soo kala dhaxgalay madaxda ugu sareeyso dowlada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. War ka soo baxay hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay qabteen sarkaal katirsan Al-shabaab oo abaabulayay qaraxyo uu ka geysto Muqdisho. NISA oo war kooban soo saartay ayaa ku sheegtay in ay si farsamaysan u qabatay sarkaalkaasi, islamarkaasina uu san dhiig ku daadan. “Ciidanka amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay dhagarqabe Al-shabaab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay NISA Hay’adda NISA ayaa howlgalo ka wado magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaasi oo ay kaga hortageyso weeraro Al-shabaab ay ka gestaan Muqdisho. PUNTLAND POST The post NISA “Waxaan qabanay shabaab qaraxyo maleegayay” appeared first on Puntland Post.
  15. War saxaafadeed: Annaga oo ah golaha musharrixiinta dawladda Puntland 2019 oo magacyadoodu hoos ku qoran yihiin: 1. Dr. Aadan Maxamad Ciise (Gaadaale) 2. Eng. Cabdirizaaq [...] Source
  16. Madaxweyne Gaas ayaa maanta kulankii ugu horeysay la qaatay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland oo uu Madaxweynuhu shalay magacaabay. Madaxweynaha ayaa [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay weerarkii lagu dilay Cabdiweli Sheekh Cilmi Yare ee magaalada Gaalkacyo, isagoo bogaadiyey tallaabadii ay Alshabaab ka qaadeen. Sheekha oo muuqaal soo duubay, isagoo xabsi guri uga jira dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Alshabaab ku raacsan yahay tallaabadii ay ka qaadeen Sheekh C/weli, isagoo dhinaca kale sheegay in khaladaadkooda leeyihiin. Sheekh Xasan Daahir wuxuu faahfaahin ka bixiyey go’aanadii culimada Soomaalida ka qaateen wadaadka reer Gaalkacyo iyo xukunka laga qaatay ee ahaa inuu ka baxay diinta iyo cidda fulineysa. Halkaan hoose ka daawo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  18. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in khilaaf xoogan uu ka dhex dhaliyo Guddigii uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Puntland. Isaga oo la hadlayay Voa-da Cameey ayaa sheegay in Madaxweyne Gaas uu baal maray xeerkii Magacaabida Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafka Golaha Wakiilada Puntland. Sidoo kale waxa uu sheegay in Cabduweli Gaas uusan kala tashan Magacaabista taas oo uu sheegay inay waajib tahay,sababta kale ayuu sheegay inay Guddiga qeyb ka yihiin Xubno Maamulka Puntland hadda ka tirsan ehelo dhowna ay yihiin Madaxweynaha. Shalay Gelinii dambe ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey waxa uu Magacaabay Guddi kale,isaga oo kulan la qaatay Xubnaha ku midoobay musharixiinta Madaxweynaha Puntland. 20 Sano oo uu Maamulka Puntland jiro waa markii ugu horeysay oo Madaxda Maamulkaas isku khilaafaan Guddigaas,waxaana dad badan khilaafkaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa u arkaan mid jahwareer gelinaya Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso Codka Camey https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Madaxweyne-ku-xigeen-Cameey.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@Live.com
  19. 16 murasharax oo kamid ah murashixiinta madaxtinimada Puntland, ayaa ka hor yimid guddigii xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Gaas. [...] Source
  20. At least ten people were reported to have been arrested in a massive security operation by Southwest State police in connection with a bomb attack in the region’s capital, Baidoa. Local residents said the sweep was carried out in parts of the city, targeting houses suspected to be the hideout for Al-Shabaab sleeping cells mixed into the population. The arrest came after a grenade attack on a house in Baidoa has left regional MP wounded on Monday afternoon. The attack happened amid rising tension in the Southwest State. The region is heading to the polls on December 19 to elect next president after former resigned last month in unprecedented move ahead of the presidential election. Several candidates including former Al-Shabaab deputy leader Mukhtar Robow are vying for the top seat in Southwest state of Somalia in the upcoming polls. The post A dozen detained in a massive security sweep in Baidoa city appeared first on Shabelle. View the full article
  21. The Police in Minneapolis has charged a man with allegedly threatening a group of Somali teenagers with a gun inside a McDonald’s restaurant. The suspect, Lloyd Johnson, is facing felony charges when he appears in court at a date to be determined. According to the complaint against Johnson, two girls were trying to pay for their food with a digital app that was not working. Johnson stood behind the girls and remarked that they were probably trying to pay with an EBT card — an electronic card many poor citizens use to obtain government food assistance. When one of the girls turned around, Johnson allegedly raised his fist. When other Somali teens approached, Johnson is accused of stepping away, pulling a handgun, and backing out of the restaurant. Police used a cellphone and a McDonald’s security camera to identify the suspect. A Hennepin County, Minnesota, the prosecutor accused Johnson of doing “everything he could” to provoke a confrontation, adding it is sheer luck no one was hurt. There has been no comment from Johnson or an attorney. The Minneapolis-St. Paul area has one of the largest Somali diasporas in the United States. The Cedar-Riverside neighborhood in Minneapolis is known locally as “Little Mogadishu.” The post Minneapolis Man Accused of Pulling Gun on Somali Teens appeared first on Shabelle. View the full article
  22. (SLT-Jigjiga)-Illaahay ha u naxariisto Abwaan Cabdixakiin Cabdillaahi Jibriil (Abwaan Qiiq) oo maalmahan-ba xanuun u jiifay ayaa waxa uu goor dhawayd ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdixakiin Cabdillaahi Jibriil (Abwaan Qiiq) waxa ka mid ah abwaaniinta ugu caansan gobolka Awdal, waxaanu door weyn ka qaatay heesaha ay qaadaan kooxda xiddigaha geesku oo uu inta badan sameeyay Abwaanku. Source
  23. Nairobi (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay afduub haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga loogu geystay dalka Kenya, waxaana hadda xabsiga la dhigay seddex ruux oo lala xiriirinayo inay kiiska wax ka ogaayeen. Wargeyska Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in seddex ruux oo Soomaali ah loo xiray afduubka haweeneyda u dhalatay dalka Talyaaniga oo Al Shabaab la rumeysan yahay inay ku heystaan keynta Boni ee dalka Kenya. Dumal Xaaji Cusmaan, Xasan Barrow Khamiis iyo Ruqiyo Nuuno oo dhamaantood loo heysto falka haweeneyda lagu afduubtay ayaa la sheegay inay maxkamad kasoo muuqanayaan. Seddexda eedeysane ayaa maxkamadda waxay amartay in xabsiga lagu hayo ilaa bartamaha bishaan si baaritaan loogu sameeyo lana ogaado waxa ay ka ogaayeen kiiska afduubka haweeneyda. Eedeysanayaasha waxaa loo heystaa inay gacan siiyeen kooxihii qafaashay Haweeneyda u dhalatay Talyaaniga, taasi oo bishii hore ee November 20-keedii laga qafaashay Gobalka Xeebta ee dalka Kenya. Silvia Romano oo macalimad aheyd ayaa laga afduubtay deegaanka Chakaka ee gobolka xeebta, waxaana socda dadaalo lagu badbaadinayo haweeneydaasi. Talyaaniga ayaa shaaciyay maalin ka hor inay doonayaan in wadahadal lagu soo daayo haweeneyda, waxaana Kenya ay dooneysaa in xoog Al Shabaab looga soo furto haweeneyda ay afduubteen. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@Live.com
  24. (SLT-Nigeria)-Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa lagu eedeeyay in uu u diray nin isaga u eg shir Qaramada Midoobay uga socda dalka Poland kaas oo looga arrinsanayo mushkiladaha cimilada adduunka. Eedeyntan ayaa timid kadib markii shirkaasi lagu dhex arkay madaxweyne Muhammadu Buhari oo xayi ah, halka horay loogu ogaa nin caafimaad ahaa liita islamarkaana mudo 5 bilood ka badan isbitaal ku yaal magaalada London loogu dabiibayay xanuun uusan wali shaacin. Arrintan ayaa sababtay in madaxweynaha oo ku sugan dalka Poland uu beenimo warar uu ku sheebay been abuur kuwaas oo baraha bulshada si weyn looga hadalhayo. “Waxaad arkeysaan waa anigii saxda ahaa, waxa i shabaha oo shirkaan ku sugan ma jiraan. Dhammaadka bishan ayaa waxaan u dabaaldagayaa dhalashadeysa sannadka 76-aad”, ayuu yiri madaxweyne Muhammadu Buhari mar wax laga weydiiyay eedeymahan cusub. Shirkan maanta ka furmay dalka Poland ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 200 oo waddan, waxaana ujeedkiisu yahay sidii wax looga qaban lahaa halista cimilada adduunka iyo waxyaalaha sababa. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 12 sano oo qura ay haystaan in isbaddel lagu keeno haddii kale ay faraha ka baxayaan aarimaha kuleylaha, fatahaadaha, abaarta iwm. Source
  25. (SLT-Addis Ababa)-Dibad-baxyo ayaa ka socda ugu yaraan 10 magaalo oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana looga codsanayaa dowladda inay wax ka qabato rabshadaha ka dhacay halkaasi. Labadii bilood ee la soo dhaafay, in ka badan 30 qof ayaa lagu dilay gobolka Benishangul-Gumuz oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago Suudaanta Koonfureed. Dagaallada halkaasi ka dhacay waxaa ku dhintay 17 kamid ah ciidammada dowladda halka kumannaan qof ay ka barakaceen. Dowladda federaalka iyo maamullada waxay sheegeen in colaadda ay hurinayaan dad kasoo horjeedo isbaddallada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ka socda Itoobiya oo uu gadhwadeenka ka yahay ra’iisal wasaare Abiy Axmed, sid ay baahisay Idaacadda BBC-da. Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen in xabsiga loo taxaabay in ka badan 200 qof oo lala xidhiidhinayo rabshadaha. Source