Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,067
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Mehmet Yilmaz, Danjiraha idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya laba dal ee walaalaha ah. Waxa uu carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka laba geesoodka. Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka. PUNTLAND POST The post Cawad oo nuqul kamid ah aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee turkiga appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo kamid ah siyaasiyiinta la dhacsan hanaanka dowladda Soomaaliya ay wax u wado, ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo xilka uu rasmi ahaan ka hayo dowladda. Salaad Cali Jeelle, ayaa mar la weydiiyay waxa uu rasmi ahaan ka hayo dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu yahay lataliyaha siyaasadda ee madaxweynaha Soomaaliya, sida uu sheegay uu kala taliyo arrimaha siyaasadda iyo amaanka. Wuxuu mar labaad ku celiyay sababta uu horey ugu sheegay in Al Shabaab ay xubno ku dhex leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheegay inay taasi cadeyneyso ergooyinka ay Al Shabaab ku dhex dileen magaalada Muqdisho iyo meelaha ka baxsan. Dowladda Soomaaliya ee hadda dhisan ayuu sheegay in laga doonayo in dalka ay gaarsiiso doorasho cod iyo qofkii ah, islamarkaana ay la xisaabtami doonaan haddii aysan fulin balanqaadyadii horey ay hogaanka dalka u jeediyeen. Mar la weydiiyay sida isaga oo lataliye ah uu ula xisaabtami karo dowladda Soomaaliya ayuu yiri ”Madaxweyne Farmaajo waxaan saaxiib kula ahay wuxuu ii magacaabay la taliyihiisa Amniga iyo Siyaasadda oo heshiis ayaan kula jiraa, hadiise dalka doorasho qof iyo cod ah uu gaarsiin-waayo waa uu la xisaabtamayaa Xisbigeygu kamana aqbaleyno”. Wareysi dhinacyo badan taabanaya ayuu Salaad Cali Jeelle sidoo kale kaga hadlay khilaafka ka dhashay qoraalkii kasoo baxay guddiga maaliyadda Soomaaliya ee sababay xiisadda badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Garowe (Caasimada Online) – Inta ugu badan Musharixiinta sanadkaan dooneysa inay ka qeyb galaan doorashada ka dhaceysa deegaanada Puntland ayaa hal qabsi ka dhigta inay weerarayaan deegaanada Somaliland ay ka joogto Sool iyo Sanaag. Ujeedada ka dambeysa arintaan ayaa la sheegay inay tahay inay doonayaan codadka dadka deegaanadaasi kasoo jeeda ee kamid noqonaya xubnaha baarlamanka ee maamulka Puntland, iyaga oo ku beer laxowsanaya inay deegaanadooda xoreynayaan. Sababta kale ee ka dambeysa ayaa ah inay jirto xiisad dagaal oo Qabali ah oo u dhaxeysa musharixiinta aan kasoo jeedin deegaanada Sool iyo Sanaag iyo maamulka Somaliland, taasi oo fursad kale u noqoneysa musharixiinta inay kula dagaalamaan Somaliland. Qaar kamid ah aqoonyahanada Puntland ayaa sheegay in musharixiinta ku dhawaaqda inay dagaal la galayaan Somaliland ay doonayaan inay dhiig kale ay daadiyaan, balse aysan xalka rasmiga ah dooneyn. Dad badan ayaa isweydiinaya deegaanadii uu horey u sheegay madaxweyne Gaas inuu kusoo celin doono gacanta Puntland sababta wali ay u maqan yihiin, waxaana hadda cariiri sii galay deegaanka Tukaraq. Musharixiinta waxay sheegeen in gobolada Somaliland iyo Puntland ku murunsanyihiin ay ka dhigi doonaan Aag dagaal, Waxaase isweydiin mudan xubnaha ay codadka ka doonayaan ee deegaanadaasi kasoo jeeda “Ma waxay deegaanadooda la doonayaan in dhiig ku daato”. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  4. Wargeyska afka dheer Ee kasoo baxo Dalka turkiga Yeni Şafak ayaa qoray isaga oo soo xiganaayo ila wareedyo Sacuudiga iyo falastiin in Maxamed Daxlaan oo ah lataliya dhaxal sugaha imaaarada dubia ah ninka ugu Awooda badan Iskutaga imaaraatka Carabta Maxamed Bin zaayid in uu la kulmay jirdil aa U xoogan isla markaane la dhigay Qeybta gargaarka deg dega kadib marki uu diiday in uu dusha saarto mas’uuliyada Shirqoolkii lagu Dilay Wariye Jamaal Khashogji. Sida wargeysku qoray Ilo ku dhow dhow maxamed bin zaayid iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin salmaan ayaa xaaqiijiyeen in Maxamed Daxlaan lagu casuumay Xaflad ka dhacay dusha Doon lagu raxeeysto magaalada Dubia taas oo qeyb ka eheed booqashada Maxamed bin salmaan isbuucii lasoo dhaafay oo ay ku kulmeen ayagoo ka dalbadeen in Maxamed daxlaan uu Aqbalo in uu noqdo maskaxdii qorsheysay kana danbeysay amartayne Dilka Wariye jamaal khashogji taas oo ujeedadeedu eheed in tuhunka laga Fogeeyo Maxamed bin salmaan Dushane laga Saaro Maxamed Daxlaan. Maxamed Daxlaan oo horay uga tirsanaan jiray ururka Xureynta wadaniga Ee falastiin marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (fatax) Ayaa diiday in uu Aqbalo Dalabka loo soo bandhiga oo ah in uu dusha uu saarto Mas’uuliyada Dilka Wariye Jamaal Khashogji taas oo sababtay in uu la kulmo jirdil aad u xoogan oo ay u geysteen Koox aan la aqaanin Waxa uuna jirdilka ka dhacay bartamaha Dubia kadib marki ay Soo dhamaatay Kulankii Doonta Ee Seddex geesood ahaay. jirdilka loo geystay maxamed Daxlaan ayaa sababay in uu ka jabo qoorta , Waxaan lagu Daweeynayaa goob ka mid isbitaalada magaalada dubia oo aad loo ilaalinaayo iyada oo aan la ogaleeynin in lasoo booqdo. Dhanka kale ilo wareedyo ku dhow maxamed daxlaan ayaa goor sii horeeysay baahiyeen in uu qoorta ka jabay Maxamed daxlaan kadib marki uu Shil gaari ku galay magaaladda dubia, lakin qoraalka ay baahiyeen Waa tirteen Saacaado kadib. Waxaa Xusid mudan in wargeyska Yeni Safak in uu tilmaamay in dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed bin salmaan iyo dhaxal sugaha imaarada dubia maxamed bin zaayid ay la kulmeen Wiilka uu Sodoga u Yahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ahne lataliyahiisa Kuna Heshiiyeen Seddexdooda in Kiiska Dilka Wariye Jamaak Kashogji oo Dhameysitan Dusha laga saaro Maxamed Daxlaan. Maxamed Daxlaan ayaa horay loogu soo Eedeeyay in uu ka danbeeyay Dil Magaaladda dubia loogu geystay Xubin sare oo ka tirsanaan jiray Ururka Xamaas Sanadkii 2010 Oo lagu Magacaabi Jiray Maxamuud Almabxuux Waxaan la Sheegay in Daxlaan uu xiriir wanaagsan la leeyahay Maamulka Yahuuda. W/Q: Axmed Cumar
  5. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxaa ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha maamulkaasi, waxaana lagu balansan yahay 19 bishaan December. Amaanka magaalada Baydhabo ayaa u muuqda mid halis gali kara, haddii aanan wax laga qaban weerarada kusoo kordhay magaalada, kuwaasi oo aan dhici jirin xiligii talada uu hayay Shariif Xasan Sheikh Aadan. Halista kale ee imaan karta ayaa ah in ciidamada cusub ee la geeyay magaalada oo aan kala aqoon ay waxyeelo gaarsiin karaan dadka rayidka ah inta ay la dagaalamayaan dadka falalka amniga ka hor imaanaya geysanaya. Amaan darada ayaa haddii ay sii kororto waxay saameyn ku yeelan kartaa doorashada Koofur Galbeed oo la qorsheynayo in 14 maalin kadib ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Arinta ayaa u baahan in si weyn loo eego xaalada amaan ee kusoo korortay magaalada Baydhabo, waxaa hadda magaalada ku sugan ciidamo dowladda Soomaaliya ay dhawaan geysay magaalada. Wasiirka amniga Koofur Galbeed Xasan Eelaay ayaa horey u sheegay inay ka war heleen qorshe Al Shabaab ay damacsan yihiin oo ah iney carqaladeeyaan doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed. Arintan ayaa keeni karta in Al Shabaab marka ay sahmiyaan falcelinta laamaha amaanka ee weerarada bilowga ah kadib inay weeraro halis kale keeni kara ka geystaan magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland waxaa ka dhacay Kulan looga hadlayay dagaalka ka dhan ah Al Shabaab, waxaana ka qeyb galay madaxda Jubbaland, masuuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha AMISOM. Waxaa shir guddoominayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, isaga oo shirka ka jeediyay warbixin la xiriirta xaaladda amaan ee deegaanada Jubbaland iyo qorshaha deegaanada ka maqan gacanta maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe, wuxuu shirka ka sheegay in sanadkaan AL Shabaab ay ka qabsadeen deegaano badan, islamarkaana ay ka wanaagsan yihiin amaan ahaan sanadihii lasoo dhaafay. Taliyaasha ciidamada AMISOM ee deegaanada Jubbaland ayaa dhankooda laga dhageystay warbixin ku saabsan sida ay ula shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland iyo warbixin kale oo la xiriirta qorshaha sanadka cusub ee AMISOM. Qorshaha ugu horeeyay ayaa lagu sheegay in la isku furi doono wadada isku xirta Jamaame iyo Kismaayo iyo wadada kale ee xiriirisa Kismaayo iyo Afmadow, iyadoo howlgaladaasi la bilaabi doono sanadka cusub. Dhammaan deeganada ka maqan gacanta Jubbaland ayaa la isla meel dhigay in laga saaro Al-Shabaab iyadoo ay iskaashanayaan Ciidanka AMISOM, kuwa Jubbaland iyo ciidanka xoogga dalka ee ka hawlgala Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  7. Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shaqeeyaan guddiyada Baarlamaanka ayaa caawa waxaa ka dhacay kulan xasaasi ah. Shirkaasi guddiyada ay yeesheen waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa faray in xildhibaanada Baarlamaanku ay si deg deg ah kulan bari ugu yeeshaan xarunta golaha Shacabka. Amb Mursal Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guddigii la sheegay in lakala diray ay horgeeyn doonaan Baarlamaanka. Waxaa xusid mudan in kulankii caawa ka dhacay Villa Hargeysa ay goobjoog ahaayeen guddigii la sheegay in lakala diray. In ka badan isbuuc waxaa hakad ku jiro fadhiga Baarlamaanka oo uu ka dhexjiro is qab qabsi ku aadan kala diristii lagu sameeyay guddiga maaliyada. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Amray in si deg deg ah loo furo kulanka Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo guddiyada joogtada ee baarlamaanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulanka oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa looga hadlay caqabadihii keenay baaqashada kulamadii ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka, oo hakad ku jiray maalmihii ugu dambeeyay. Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay qorshayaasha shaqo ee horyaala baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan dhowr shaqo oo u baahan in baarlamaanka ka doodaan. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa arintii kala derista guddiga maaliyadda ee baarlamanka sheegay inuu si deg deg ah u horkeeni doono golaha shacabka, isaga oo tilmaamay in la marsiin doono hanaanka saxda ah. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa go’aamiyay waqtiga uu bilaabanayo kulanka, waxaana uu sheegay in maalinta beri ah kulamada baarlamaanka ay dib u bilaaban doonaan, iyadoo xildhibaanada lagu wargeliyay. Xiisad ayaa ka dhalatay warbixin ay soo gudbiyeen guddiga maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu horseeday khilaaf ugu dambeyn sababay in guddigaasi la kala diro. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  9. Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi oo u tartamaya xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada Jannaayo 2019 ayaa si ballaaran oo mug leh loogu soo dhaweeyey degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Musharaxa iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayay waxaa soo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah, Nabadoono, Cuqaal, ganacsato, haween iyo dhalinyaro. Musharuxu wuxuu dadweynaha kala hadlay goob fagaare ah, isagoo ka mahadceliyay sida ballaaran ee loogu soo dhaweeyay degmadda Badhan. “Annigu waxaan ahay nin degaanka ka tirsan, nin dhulka idiinla joogay, waan idiin imaan jiray anigoo ciidan ah, maanta waxaa rabaa inaan ciidankii iyo siyaasadii isku darsado”ayuu yiri musharax Asad Cismaan. Musharax Asad wuxuu ballanqaaday haddii loo doorto xilka madaxweynaha Puntland uu dhamaystiri doono mashaariicda ka socda gobolka Sanaag, gaar ahaan mashruuca wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo. Sidoo kalena uu hirgalin doono mashaariic cusub. “Badhan waa magaalada ugu naqshada fiican, ugu wadooyinka fiican Puntland, waxaan rajaynayaa hadaan xilka ku guulaysto waxaan rajaynayaa in magaaladu noqoto wada Wado madow insha allah”ayuu yiri Musharax Asad. Dhinaca kale, Musharax Asad Cismaan wuxuu ku booqday guryaha ay ka degan yihiin Magaaladda Badhan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Suldaan Suldaan Maxamad Suldaan Xasan (Suldaanka Nabada). Musharax asad iyo waftigiisa oo ka soo ambabaxay Magaalada Bosaso ayaa intii ayan soo gaarin degmada Badhan waxay soo mareen Magaalooyinka Ceel-daahir, Cawsane iyo Midigale, halkaasi si ballaaran shacabku ugu soo dhaweeyeen. Socdaalka Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi ee uu ugu magac daray difaac iyo dowladnimo ayaa ah mid uu barmaamijkiisa siyaasadeed iyo waxqabad uu ku gaarsiinayo shacabka Puntland ee ku nool goboladda kala duwan ee dalka. PUNTLAND POST The post Musharrax Asad oo si weyn loogu soo dhoweeyay Badhan appeared first on Puntland Post.
  10. African Development Bank, Big Win Philanthropy, Dangote Foundation launch ambitious plan to improve child nutrition, fight stunting Objective: to contribute to a 40% reduction in stunting in African children aged under 5 by 2025 Working with Big Win Philanthropy and Aliko Dangote Foundation, the African Development Bank has unveiled a new Multi-Sectoral Nutrition Action Plan that aims at raising investments towards reducing stunting by 40% in African children aged under 5 by 2025. Africa loses $25 billion per year in costs attributed to child morbidity and mortality, impaired cognitive, physical, and economic development caused by malnutrition. Yet these losses are almost entirely preventable. The ambitious Action Plan is looking for additional support and commitments from governments for nutrition. Jennifer Blanke, Vice-President, Agriculture, Human and Social Development at the African Development Bank, stressed the importance of engaging energetically and substantially with the private sector, “if we want to achieve long-lasting results.” Through the Multi-Sectoral Nutrition Action Plan, the Bank commits to scale up the proportion of investments that are ‘nutrition-smart’ in agriculture, water, sanitation and hygiene, social and health sectors. “In terms of human development, nutrition is as important as investments in infrastructure and power in stimulating economic growth. Big Win Philanthropy is thrilled with President Adesina’s leadership in giving greater priority to nutrition and the wider human capital investment agenda,” said Jamie Cooper, Chair and President, Big Win Philanthropy. “By leveraging investments across five sectors, and encouraging its member countries to do the same, the African Development Bank is achieving ‘double wins’ for every dollar spent: improving lives and generating economic growth.” Nutrition is inextricably linked to the Bank’s High 5 priorities: nutrition-smart investments could be catalytic for realizing equitable growth agenda. Speaking at the launch, Chief Executive Officer of Dangote Foundation, Zouera Youssoufou, said, “We know we cannot do this by ourselves, so it made sense to put money at the African Development Bank to develop this nutrition strategy. We are really happy to see the strategy come together following a two-year journey.” In 2017, more than a third of the world’s stunted children under the age of five lived in Africa with stunting rates ranging from 35.6% in East Africa to 32.1%, 29.9%, 29.1%, and 17.3% in Central Africa, West Africa, Southern Africa and Northern Africa respectively, according to the Plan, which also revealed that Africa is the only region in the world where the number of stunted children has risen in the past few years. The Plan will focus on integrating nutrition smart interventions into projects in the Bank’s extensive agriculture pipeline. The Bank’s Feed Africa Strategy executes the Comprehensive Africa Agriculture Development Programme (CAADP) goals of contributing to elimination of extreme hunger, malnutrition, and poverty. In addition to improved productivity, the Action Plan looks into the potential to nourish Africa, by including commodity value chains that offer broad-based nutrition value, instead of just calories. This will include leveraging flagship initiatives including Technologies for African Agricultural Transformation (TAAT), the Staple Crop Processing Zones Programme, and Integrated Agro-Industrial Parks. To realise its human and economic potential, Africa must invest in nutrition – particularly during the 1,000 days between conception and the age of two – as a crucial foundation for productivity later in life, said Oley Dibba-Wadda, the Bank’s Director Human Capital, Youth and Skills Development Department. “The African continent has the potential to become a powerhouse of productivity in the 21st century but cannot sustain rates of economic growth and at the same time integrate its burgeoning youth population without addressing these high rates of stunting.” The Bank is strengthening political engagement and building partnerships by enlisting Heads of State, ministers, and eminent leaders as champions to spur and build a high-level political movement and leadership for nutrition, known as the African Leaders for Nutrition (ALN), which was endorsed by the Assembly of Heads of State and Governments of the African Union (AU) at the 30th Ordinary AU Summit, held in Addis Ababa, Ethiopia on 31 January 2018. Qaran News
  11. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday mid kamid ah bar ilaalineedka “Control” laga soo galo magaalada Baydhabo. Wararka ayaa sheegaya in bar ilaalineedka waqooyi ee magaalada Baydhabo lagu weeraray Bam gacmeedyo, waxaana kadib xigay rasaas ay fureen ciidamada amaanka ee magaalada. Afar ruux oo seddex kamid ah yihiin ciidamada booliska ee goobta joogay ayaa dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarka caawa ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana xiligaasi socday baaritaanka gaadiid doonayay inay magaalada galaan. Kooxaha weerarkaasi ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana kadib ciidamada amaanka ay bilaabeen baadi goobta dadka falkaasi ka dambeeyay. Magalada Baydhabo ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay,waxaana dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhowr mar dib loo dhigay. Xalay sidaan oo kale weerar bambaano ayaa ka dhacay mid ka mid ah guryaha ku yaala Xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo, waxaana ku dhaawacmay xildhibaano hore iyo nabadoon laga yaqaan magaalada. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  12. Dhuusamareeb (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Galmudug, Axamed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa uyeeray saraakiisha ciidamada maamulkaan. Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha oo la faray inay yimaadaan caasimad dowlad goboleedkaan ee Dhuusamareeb ay ka qaybgeli doonan shir deg deg ah. Shirka ayaa la fahansan yahay in lagu lafaguri doono arrimaha ku xeeran amniga maamulkaan, qalabaynta ciidanka iyo guluf ka dhan ah Al-Shabaab. Macluumaadka la helayo ayaa tibaaxay in shirka uu shir gudoomin doono Madaxwayne Xaaf, islamarkaana uu socon doono maalmo. Degaano iyo degmooyin ka tirsan Galmudug waxaa qayb kamid ah maamusha Al-Shabaab xili la filayo in lagu soo qaado shirkaan sidii looga xorreyn lahaa. The post Xaaf oo uyeeray saraakiisha ciidamada Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino lagu eegtay halkaasi Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM. Dadka degaanka oo u waramay idaacadda Shabelle waxay xaqiijiyeen in qaraxa oo jugtiisa ay si wayn umaqleen lala beegsaday cutubyada ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta xili ay marayeen isgoyska Ex-kontarool Balcad. Lama ogga hadii uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ciidamada Midowga Afrika kasoo gaaray weerarkaan qaraxa loo adeegsaday. Ma jirto cid sheegatay masuuliyada falkaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan dhacdooyinka noocaan ah fuliya. Wadada isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa aalaaba laga soo wariyaan falalka ceenkaan, kuwaasi oo khasaarooyin kala duwan ugeystay ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka. The post Qarax lala eegtay kolanyo ka tirsan AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Africa Eye: Kamwe Kamwe- Inside Burundi’s Killing Machine When Burundi’s President announced that he was running for a third term, some of the people who protested against his candidacy were shot in the street. Now, former regime insiders have told the BBC that the repression has gone underground. They admitted to killing perceived opponents themselves, and said that several sites across the country served as secret detention and torture locations. A BBC investigation concentrated on one house in particular, which appeared in a video posted on social media with red liquid flowing from its gutter. Former Burundian intelligence agents have given a detailed account to the BBC of an organised programme to eliminate voices critical of the President’s third term in office. They say that the country’s security services are running secret torture and detention sites to silence dissent. Burundian human rights organisations say hundreds of cases of deaths, torture and disappearances are still being reported each year. The government has always denied any human rights violations, and declined to comment for this report. https://www.bbc.co.uk/news/av/world-africa-46428073/burundi-inside-the-secret-killing-house Qaran News
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-041218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. (SLT-Washington)-Wiil 7 sanno jir ah oo ka faalooda qalabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa la sheegay in uu noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeya shabakadda Youtube. Sida ay qortay majalladda Forbes ee looga hadlo hodantinimada adduunka ayaa lagu sheegay in sannadkii wiilkan yar uu sameeyo $22 milyan doolar, lacagtan oo aysan ku jirin canshuurtii laga qaadi lahaa iyo qarashaadkii kale. Wiilkan yar oo magaciisu yahay Ryan ayaa waxa uu ka sare maray dadka Youtube-ka caanka ka ahaa sida ninka lagu magacaabo Jake Paul, kaas oo uu ka sareeyay lacag dhan nus malyuun doolar. Waxaa kaalinta seddexaad soo galay Dude Perfect, isaga oo hela lacag dhan $20 milyan doolar. Mar taleefishinka NBC uu Ryan weeydiiyay sababta kanaalkiisa ay caruurta u jecelyihiin ayaa waxa uu yiri “Waan madadaaliyaa, waanan u majaajileeyaa”. Waxa uu kanaalkan furey sannadkii 2015-kii, muuqaalada qaarna waxaaba la daawaday 26 milyan oo jeer, waxaana ku xiran 17.3 milyan oo qof. Lacagta waxaa laga sameeyaa xayaysiinada soo muuqda marka uu muuqaalka bilaabanayo. Qalabka ay carruurta ku dheelaan ee kusoo baxa kanaalka Ryan ayaa la sheegay in markiiba la wada iibsado. Bishii Agoosto, shirkadda Walmart ayaa soo saartay qalab gaar ah oo lagu xardhay magaca Ryan. Maadaamaa uu weli ilmo yahay, 15% ka mid lacagta uu sameeyo ayaa lagu xareeyaa sanduuq bangi gaar ah, wuxuuna isticmaali karaa marka uu qaangaaro. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Wefti Ka Socday Xukuumadda Somaliland Oo Kulamo La Yeeshey Barlamanka Dalka Ingiriiska, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda Mucaaradka oo farriimo Digniin ah u diray Golaha Guurtida iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Muqdisho)-Waxaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho lagu dhaawacay wariye Ismaaciil sheikh Khalifa oo kamid ah wariyaasha ka howgala Muqdisho. Weerarka ayaa la sheegay in xiliga salaadda Casar uu ka dhacay wadada Maka Al Mukaram. Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan ayaa soo sheegay in xaaladda wariyaha ay aad u darantahay, dhaawac ugu badan na uu ka soo gaaray qeybaha hoose ee jirka iyo caloosha. Gaari uu watay wariayaha ayaa la sheegay in loogu dhajiyay walxaha qarxa. Dhaawaca wariye Ismail sheikh Khalifa ayaa la geeyay Isbitaalka Erdogan oo horay loo oran jiray Digfer. Xoghayaha guud ee ururka xuquuqda aadanaha ee Saxafiyiinta Cabdikadir Faarax Dulyar ayaa BBC-da u sheegay in ay aad uga naxeen weerarka lagu qaaday wariyaha, ayna Dowladda Federaalka ka dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay falkan. Dulyar ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo uu qabay wariyaha. Ismaaciil sheikh Khalifa ayaa la sheegay in uu u doodi jiray xuquuqda wariyaasha mudadii sannadka aheyd ee uu madaxda ka ahaa ururka xuquuqda aadanaha ee wariyaasha, isagoo na sidoo kale wax ka dhigayay mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan xafiiska QM ee UNSOS ayaa Amisom ku eedeysay inay xadgudubyo galmo ka gaysato xerada OPD oo ku dhex-taalla xarunta Xalane ee Muqdisho, oo la sheegay in gabdhaha Soomaalida ah lagu kufsado. Bishii August ee sannadkan ayaa warqad ay qortay sarkaalkan sare oo ka tirsan UNSOS oo taakulaysa ciidamada AMISOM waxay ku sheegtay xadgudubyo iyo ka faa’iidaysi dhinaca galmada ay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM iyo ajaanib kale. Waxay warqaddeeda ku sheegtay ay ka dhaceen degaan lagu magacaabo OPD oo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo Soomaali ah. Degaankaas ayaa ku yaal xerada Xalane. Eedahaas AMISOM way beenisay dhammaantood, dhinacyada soo jeediyeyna masoo bandhigin wax caddaymo ah. Hase yeeshee Galka Baarista waxa uu ogaaday in horey loogu heshiiyey in gebi ahaanba xeradaasi la xiro lagana gooyo AMISOM sannad ka hor. Haddaba sannad kadib markii heshiiskaasi la gaadhay waxba kama hirgelin dhammaan qodobada lagu heshiiyey. Xerada OPD lama xirin, weliba waxaa gala ciidamada AMISOM, sidoo kale way ka go’an tahay degmada Wadajir oo ay degaan ahaan ka tirsan tahay, waxayna gudaha ugu jirtaa xayndaabka AMISOM. Warbixintan waxaa diyaariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/galka-baarista-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. A prominent Somali journalist, Ismail Sheikh Khalifa was wounded after a bomb concealed under the sear of his private car exploded in the heart of Mogadishu on Tuesday. Khalifa who worked as a managing director of Star FM Radio’s Mogadishu Bureau is in critical condition after sustaining series wounds in the car bomb explosion. The motive behind the attempt on his life and who orchestrated the assassination bid remains unclear as the Somali police are yet to comment on the incident. Al-Shabaab in the past targeted senior government officials and media workers with such bomb attacks in Mogadishu, the capital of the conflict-recovering Horn of Africa nation. The post Somali journalist injured in car bomb blast in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Waxaa Goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Qarax gaarigiisa loogu xiray mid kamid ah agaasimayaasha idaacada Muqdisho. Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ahaa Agaasimaha idaacada maxaliga ah ee HIDDo ayaa dhaawac culus ka soo gaaray miino loogu xiray gaarigiisa wadda Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ismaaciil Sheekh Khaliif ayaa sidoo kale ahaa agaasimaha hay’ad u dooda xuquuqda wariyaasha. Majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa loogu xiray gaarigiisa Agaasimahaan waxaana dhaawiciisa la jiifiyay mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Agaasime Idaacadeed oo ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa appeared first on Puntland Post.