-
Content Count
209,145 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Dhmishiq)-Dhawaaqa qarax ayaa laga maqlay caasimadda Suuriya ee Dhimishiq, militariga Suuriya waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen goob hubka lagu keyddiyo oo ku taalla magaalada Dhimishiq. Saraakiil ka tirsan militariga Suuriya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in gantaallada lala beegsaday bakhaarka hubka isla markaasna saddex askari ay ku dhaawacmeen duqeynta. Dowladda Suuriya waxay sheegtay in la qabtay inta badan gantaallada lagu soo ganay. Militariga waxay sidoo kale sheegeen in khaasare kale uusan jirin. Xalay warbaahinta Suuriya waxay baahiyeen muqaal muujinayay qalab heebaayay hawada Dhimish oo ay soo rideen gantaallada ciidammada Suuriya. Dhanka kale, ciidammada difaaca Israa’iil kama aysan hadlin duqeynta la sheegay inay ka gaysteen Suuriya. Markii dambe, qoraal ay barta Twitter-ka kusoo qoreen militariga Israa’iil waxay ku sheegeen in gantalladooda difaaca ay jawaab u aheyd madaafic looga soo ganay dhinaca Suuriya. Israa’iil ayaa marar badan bartilmaameedsatay saldhigyada ciidammada Iiraan iyo Xizbullah ku leeyihiin Suuriya ayna u aragto inay halis ku yihiin ammaanka dalkeeda. Waxaa dhif iyo naadir ah in Israa’iil ay qirato inay qaaday weerar kan lamid ah. Source
-
Balcad ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Maleeshiyo Beeleed ku sugan deegaanka Bukarar ee gobolkaasi. Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Maleeshiyaadkaasi ay ka biyo diideen dadaallo nabadeed oo ay Ciidanku ka wadeen halkaasi. Ciidamadan oo ah kuwa Milatari ah ayaa shalay dowladda Soomaaliya waxa ay u dirtay deegaankaasi, si ay u kala dhexgalaan Beelo ku dagaalamay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/ dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Libyan)-Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ahaa oo Talaadadi shalay lala beegsaday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Libyan. Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ay ku dhinteen saddex qof, lala eegtay wax ay ugu yeereen dowladda riddada. Libya ayaa ku jirtay xaalad fowda ah tan iyo marki xakunka laga tuuray hogaamiyihii muddada dheer soo xakumay dalkaasi ee Moammar Gadhafi, kaasoo la dilay sannadki 2011. Awoodda dalka ayaa waxaa ku koolamaya dowlad kumeel gaar ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay iyo jeneraal dagaal kula jira kooxaha Islaamiga ah iyo waliba maleeshiyaad hubeysan oo isugu jira kuwa argagixiso ah iyo kuwo hoos taga hogaamiye kooxeedyo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa todobaad kadib u dagaal dagaya 10 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay bilaabeen howlgalka la dagaalanka burcadeeda Soomaalida. Ciidamadaan oo ka socdo dalalka Yurub ayaa waxay muddo 10 sano ah la dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana howlgalkooda uu bilowday sanadkii 2008 xiligaasi oo burcad badeeda dardar ay ku ahayeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta mara biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan. Inta badan howlgalkan tobanka sana jirsaday waxaa ka qeybqaadanayay 14 dal oo qaarkood ku deeqeen Ciidan iyo Maraakiib dagaal, kuwaasi oo burcad badeeda kula dagaalamay biyaha Soomaaliya. Halka kuwo kale ay ku deeqeen Diyaaradaha Helicopterrada ah ee ka qeybqaata badbaadinta dadka la afduubto iyo in si deg deg ah loo gaarsiiyo goobo caafimaad. Waxaa hadda yaraaday weeraradii halista lahaa ee kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana wali maraakiibtaan ay ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya.
-
Jowhar ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ka soo cusboonaaday Deegaanno Hoos Yimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda argagaxisada Al-shabaab, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha inay joojiyaan colaadahaasi, waxaana uu carabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn xiligan dhiig si macno daro ah loo daadiyo, iyadoo uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab. Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, isagoo uga digay beelaha Hirshabelle inaysan taageerin Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox kasoo horjeedda nabadda iyo deggenaanshaha dalka. “Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay , Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli. “Walaalaha ku dagaalamaya Hiiraan ha ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlayay ayaa sheegay inay soo arkeen dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse ay laga shaqeeyo nabadda, waxaana leennahay waa in laga shaqeeyo nabadda…nabadda..nabadda. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guddi u diray, joojinta colaad beelaadyadaasi, kuwaasi oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidamada Hirshabelle, iyo Waxgarad kale waxaana maalintii sedexaad Degmada Maxaas ay u joog The post Madaxweyne Waare Oo ka hadlay xiisadaha ka jira Maxaas appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mandera ( Sh. M. Network )-Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidankooda ayaa ku dhaawacantay, kadib markii qarax Bambada nuuca Gacanta laga tuuro lagula eegtay meel u dhow xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo roondo ah. Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in 6 Askari oo ka tirsanaa Ciidankooda lagu weeraray Bambadaasi, taas oo keentay in Afar ka mid ah Askartaasi uu dhaawac soo gaaro. Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in Nin asalkiisu Soomaali yahay uu geystay weerarkaasi, islamarkaana uu u baxsaday dhanka Xadka Soomaaliya. Askarta ku dhaawacantay weerarkan ayaa la sheegay in al dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Dhankale Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaana war ay soo dhigeen barahooda ay ku sheegeen in ay ka dambeeyee weerarka lagu qaaday Ciidankaasi. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 2 Askari, kuna 3 kale, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. The post Al Shabaab Oo weeraray Ciidan ka tirsan kuwa Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa baaq nabadeed u diray beelo ku dagaalamaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Xildhibaan Mahad oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan ku baqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan tuulooyinka hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan”. Mudane Salaad waxaa uu intaasi ku daray “Sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxda maamulka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Ugaasyada labada belood iyo Cuqaasha Dhaqanka in si deg deg ah uga howl galaan sidii colaadaas loo joojin lahaa”. Ugu dambeyntii, waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad ka hadlay xummaanka colaadda isaga oo yiri “Colaadna wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta ee fadlan fursad hala siiyo nabadda iyo joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya”. Beelo walaalo ah ayaa ku dagaalamaya degmada Maxaas, waxaan todobaadkan arrintaasi darteed halkaasi u joogay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan, laakin waxaa uu muuqato in xiisaddii ay weli taagantahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Nuqul ka mid ah ay heshay Shabelle ayey Guddoonka Goluhu ku go’aamiyeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale guddiga ayaa la faray in Miisaaniyadda 2019=ka la horkeeno Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo. Warkan ka soo baxay xafiiska guddoomiye Mursal ayaa lagu xusay qaabkii uu ku bilowday khilaafka guddiga Maaliyadda iyo sida ay ugu kala aragti duwanaadeen guddoonka Golaha Shacabka, gaar ahaan guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa. Waxa kale oo Wargeetada lagu sheegay in inta badan xubnaha guddiga ee aragtiooda ka dhiibtay kulankii 23-kii bishan aysan qabin Kalsooni uu guddigu ku sii wada shaqeyn karo khilaafkii soo kala dhexgalay aawgiis. Sidoo kalena khilaafka guddiga ka dhex jira uu gaarsiinsan yahay heer aysan guddigu gudan karin waajibaadkii Golaha Shacabkuauu igmaday, iyada oo xeerhoosaadka iyo shuruucda dalka Goluhu saarayo waajibka meel marinta Miisaaniyada dalka ee 2019-ka, ka hor 31-ka bisha 12- ee 2018-ka. Ugu dambeyn qoraalkan ayaa lagy sheegay in dib u habeyn lagu sameeyo guddiga, islamarkaana laga saaray xubno kooban. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Guddiga Maaliyadda BFS Oo dib-u-habeyn lagu sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-261218-sx.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Deegaanada Puntland ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu ka dhacay deegaanka Buuraha Galgala. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Puntland ay weerareen fariisin ciidamada Daacish ay ku lahaayeen deegaanka, sida saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen. Dadka deegaanka ayaa dhankooda sheegaya in maleeshiyaadka Daacish ay ka dambeeyeen weerarka, walow aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxyeelada ka dhalatay dagaalka oo saacado socday. Saraakiisha ciidamada Puntland u hadashay ayaa sheegay in Daacish ay ka dileen dagaalyahano badan oo ku sugnaa saldhig ay ku lahaayeen buuraha Galgala, waxaana ay sheegeen inay hub ka qabsadeen. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in kooxda ay ka saareen deegaano dhowr ah oo buuraha ka tirsan, walow Daacish dhankeeda ay guulo ka sheegatay dagaalka. Xiisad dagaal ayaa ka taagan deegaanada Buuraha ee Galgala, waxaana ciidamada Puntland la sheegay inay heegan galeen, sida saraakiisha u hadashay ciidamada ay warbaahinta u sheegeen. Caasimada Onlne Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha cusub ee maamulka K/galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa xilligan waxaa horyaalla caqabado badan oo u baahan in wax laga qabto, iyadoo sidoo kale uu haysto fursado aad u muhiim ah. Professor Maxamed Cali Kalaay oo arrimahan falanqeyn aynu kala sameennay wuxuu sheegay in Lafta Gareen ay ku xiran tahay shaqsiyaddiisa iyo sida uu wax u qaban karo. Khilaafyada ka dhashay doorashooyinka ayuu sheegay in looga baahan yahay inuu wax ka qabto, islamarkaana xalliyo dadkii dartiid isku gaaray. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka dhacdo munaasabad kooban oo uu xafiiska madaxweynaha maamulka K/galbeed kula wareegayo C/casiis Lafta Gareen oo 29-kii bishan loo doortay madaxweynaha maamulkaasi. Waxa uu xafiiska kala wareegi doonaan guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed oo xilkaasi si KMG ahaan u hayey wixii ka dambeeyey 7-dii November 20187, xilligaasi oo uu is casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan. Lafta Gareen ayaa si rasmi ah ugu wareegi doona madaxtooyada Baydhabo, waxaana maalmahan dambe uu wadey kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey xildhibaannada iyo sidoo kale siyaasiyiinta maamulkaasi. Caleemo-saarkiisa kadib ayuu Lafta Gareen soo magacaabi doonaa golahiisa wasiirada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARCADE-BAAYDHBO-.mp3 Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in madaxda ugu sarreysa maamulkas ay idhaha ka qabsanayaan sidii loo damin lahaa dagaal beeleed ka taagan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan. Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame ayaa xusay in wabaahinta kaliya laga shegayo in colaadda la joojiyo balse muhiim ay tahay in si toos ah loo kala dhex galo beelaha dagaallamaya. Waxa uu sheegay in dagaal beeleedkaas dad badani ay ka barakaceen kuwa kale dhimasho iyo dhaawac uu kasoo garay, isagoo soo jeediyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalkaasi. Deegaanka Dudun Cad oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay dagaal xooggan kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaad la sheegay in qaab beel isku abaabuleen ayaa ka dhacay deegaanka Bukuraar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Dagaalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii la sheegay iney isku dhaceen ciidanka dowladda oo ka wareegayey deegaanka Il-baq oo inta badan weeraro ka fuliyaan Al-shabaab ayaa si lama filaan ah isugu dhacay mid ka mid ah maleeshiyaad dhowaan ku dagaallamay deegaanno Sh/dhexe. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey Labo qof iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay. Nabadoon Cali Muxummad oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay si bareer ah usoo weerareen maleeshiyaadkaasi. Wuxuu sheegay in dowladda hubkeeda loo adeegsaday dad shacab ah, islamarkaana deegaankooda inta lagu soo weeraray lagu dhibaateeyey waa sida uu hadalka u dhigaye. Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Shabellaha Dhexe weli kama aanay hadal dagaalkan. Goobjoog News Bukuraar Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Waxaa wali tagan xiisadda ka dhalatay dagaal beeleedka maalmahaan ka dhacayay Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad wada daga degmada Maxaas. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, ayaa sheegay in dadka dhaqaalaha heysta ee kasoo jeeda deegaanka ay horinayaan dagaalka labada beleed ku dhexmaraya degmada Maxaas. Inka badan 15 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka labada maleeshiyaad ku dhexmarayay deegaanada hoostaga degmada Maxaas, waxaana hadda muuqata cabsi dadka deegaanka heysata. Dagaalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay duleedka degmada Maxaas shalay galintii dambe, xilli halkaasi ay ku sugan yihin gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo tiro xildhibaano ah ay ka baxay Magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday shacabka iyo waxgaradka labada beeleed in seddex meelood meel dhaqaaladooda ay ku bixiyaan xalinta iyo dhameynta dagaalka, halkii ay hurinta colaada ku bixin lahaayeen. Maleeshiyaadka ku dagaalamaya degmada Maxaas ayaa isku haya aanooyin qabiil oo ka bilowday dhul daaqsimeed, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Waxaa socdo dadaalo maamulka Hirshabeelle ay ku doonayaan in lagu dhameeyo dagaalka, iyaga oo nasiib daro ku tilmaamay in xiligan labo beeleed oo wada daga degmada Maxaas ay dagaalamaan. Caasimada Online Xafiiska Hirshabeelle Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa su’aalo ka keenay Soomaalida iyo xasuustooda, isaga oo eegaya Soomaalidii badneyd ee ku dhimatay dalka Soomaaliya muddada dhibaatada ay ka jirtay. Yuusuf Garaad ayaa muujiyay inaan loo baahneyn in dhiig Soomaaliyeed uu sii daato, iyadoo dhalinyaro badan ay qabriga ugu jiraan marxaladaha siyaasadeed ee ka jara. Qoraalkiisa ayaa u qornaa Sida Hoose:- Bal qiyaas inta qof ee Soomaali ah ee ku dhimatay gacanta Shabaab haddii dhammaantood lagu aasi lahaa qabuuro iyaga u gaar ah oo hal goob ku yaalla. Bal qiyaas haddii aad qabuurahaas isa soo dul taagi lahayd. Maxaad ka fekeri lahayd? Sidoo kale, qiyaas inta Shabaab laga dilay ee Soomaalida ah oo ay Soomaali ka dishay, ay Ethiopia ka dishay, ay AMISOM ka dishay, uu Mareykan ka dilay ama ay duulal kale ay ka dileen haddii hal meel lagu aasi lahaa oo aad qabuurahaas isa soo dul taagto. Bal qiyaas intaas oo Soomaali ka baxday maxaan faa’iido ka joognaa? Nabad ma ku helnay? Kaba sii darane, ma naqaan, mase ka fekernaa si wixii na soo maray aan cashar uga baranno? Ma heynaa tub xal lagu gaari karo Soomaalida hadda ku mashquulsan is dilkuna ay ku badbaadi karaan loogana badbaadi karo? weliba ay uga qeyb qaadan karaan horumarka dalka? Waxaa ii muhiim ah oo keliya in aad ka fekerto oo aad u fiirsato su’aalaha. Haddii aad qaarkood ama geddigood ka jawaabeysana mar baan akhrisan doonaa insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda xasaradaha adduunka ee ICG ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay xariga Roobow ku weysay fursad ay ksuoo jiidan kartay hogaamiyayaasha kooxaha argagixisada Soomaaliya, islamarkaana dhallinyarada beesha Raxaweyn ugu durjisay dhinaca Al-Shabaab. ICG ayaa sheegtay in sababta ay dowladda Soomaaliya u hor-istaagtay Roobow aysan ahayn inuu yahay Salafi balse ay tahay inuu yahay nin maskax ahaan xor ah, oo haysta taageero beeleed xooggan. Warbixinta ICG ayaa lagu sheegay in sheegashada Roobow ee ah inuu yahay Salafi ay dad badan ka dhaadhicin doonto in xarigiisa uu yahay mid u dhaxeeya dowladda iyo diinta. “Haddii DF ay Roobow ku aamini lahayd hoggaanka Koonfur Galbeed waxa ay taasi gacan ka gaysan lahayd in Somalia ay dhabbaha saarto waddo ay mar un heshiis siyaasadeed kula gaari karto Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warbixinta ICG. “Waxa ay tusi lahayd saraakiisha sare ee kooxaha mintidiinta inay mustaqbal ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya, haddii ay diyaar u yihiin inay hubkooda dhigaan” Si kastaba, warbixinta ayaa tiri “Xariga Roobow waxay xoojisay fikirkii ay qabeen muqaawamada iyo kuwa taageera ee ahaa in nabad ka dhacda Soomaaliya aysan macquul ahayn haddii aysan ahayn sida ay rabto dowladda Muqdisho”. Warbixinta ayaa intaaas raacisay “tallaabada dowladda Soomaaliya waxa ay sii durjisay jiil dhan oo beesha Raxaweyn ah kuwaas oo u nugul inay dagaalyahano ahaan u qortaan kooxaha argagixisada.” Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Maalmo tirsan ayaa ka haray in ay ku dhacdo doorashada maamulka Puntland oo ay hadda gabogabo mareyso soo xulista 66-da xildhibaan ee soo dooran doona saddexda mas’uul ee Puntland ugu sarreeya; gudoomiyaha baarlamaanka, Madaxweyne Ku xigeenka iyo Madaxweynaha. Doorashadan si walba wey uga dawan tahay afartii ka horreeyey sababo dhawr ah; tirada musharixiinta, loolanka, qarashaadka ku bixi doona, faragalinta dowladda dhexe iyo dalalka shisheeye ee isku haya. Marka la eego dhinaca faragalinta dowladda dhexe, iyadu waxa ay dagaal ba’an kula jirtaa qaar ka mid ah musharixiinta oo uu ugu horreeyo Cabdiweli Cali Gaas. Gaas, oo maray dhabbihii kuwii ka horreeey waxa uu soo xulay gudiga xulaya xubnaha baarlamanka iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha, balse waxa uu dagaal kala kulmay Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo ka daba magacaabay gudi kale balse kuma guuleysan jiritaankiisa. Hase ahaatee, Gaas waxaa soo food saaraya culeyso badan oo uga imaanaya dhinaca dowladda dhexe iyo tirada musharixiinta ee la loolamaya. Hore Puntland ugama dhicin in ay musharixiintooda gaaraan 20, balse hadda waxa ay ku dhawyihiin 30, taas oo yareyneysa tirada xildhibaan ee ay ku tashan karaan Gaas iyo kuwo kale ee loo saadaalinayo in ay ku soo baxaan xilkaas. Gaas oo mara wadaddii Shariif Xassan kana hara tartanka La yaab ma noqon doonto haddii uu Gaas isaga haro loolanka sababo jira awgood, sida; in aad looga nacay Puntland iyo culeyska dowladda dhexe oo lacago badan ku bixineysa ugu yaraan 15 musharaxa oo iyada matalaya. Walow ay yar yihiin tirada musharixiinta la yaqaan ee taageerada ka haysta dowladda dhexe, hadana khuburada reer Puntland waxa ay qabaan in aysan ka yareyn 15 musharax. Cabdiweli Gaas oo dareemaya culeyskaas ayaa laga yabaa in uusan kharash badan isaga bixin doorasho uu filayo in looga adkaado, oo uu isaga haro. Sidan oo kale dowladda waxa ay meesha uga saartay Shariif Xassan, kaas oo is-casilay kaddib markii uu dareemay in uusan u babac dhigi doonin dhaqalaha dowladda ku bixineyso doorashadii uu ku soo baxay Lafta-gareen. W/Q: Mahad Cabdullaahi Jaamac Garoowe, Puntland, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa dib u-habayn ku dameeyay Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyaddda,Qorshaynta iyo La-xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa xubno kooban looga saaray Guddiga Maaliyadda,waxaana sidoo kale lagu amray in si dhakhso ah u soo diyaariyaan Miisaaniyadda Sannadka 2019,islamarkaana ay Golaha shacabkq u soo gudbbiyaan 30/12/2018 si loo ansixiyo. Dhinaca kale Guddoomiye Mursal ayaaXildhibaannada Baarlamanka ku wargeliyay in ay kulan isu’ gu yimaadan 30/12/2018 si ay u ansixiyan Miisaaniyadda 2019 ee ay soo diyaarinayan Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyaddda,Qorshaynta iyo La-xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka. PUNTLAND POST The post Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka oo dib u-habayn lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal lama filaan ku noqday dowladda Sacuudiga iyo fallanqeeyayaasha siyaasadda Bariga Dhexe soo dhigay bartiisa twitter-ka Trump ayaa sheegay in dowladda Sucuudi Careebiya ay doonto lacagta dib u dhiska dalka Syria ee ay dagaaladu halakeeyeen, inkasta oo uusan bixin faah-faahin. Hadallada Trump ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii uu Twitter-kiisa ku xaqiijiyey in ciidamadiisa oo gaaraya 2,000 uu kala soo baxayo Syria halka uu ku dhawaaqay guulo uu ka gaaray Kooxda Daacish. Go’aankaas lama filaanka ahaa ee Arbacadii ayaa noqday mid ka horimaanaya qiimeyntii khuburadiisa waxa ayna dhalisay caro ka timi xulufada Washington. Isniintii, isaga oo mar kale dadka ka yaabinaya, Trump waxa uu sheegay in Riyaad ay taageero u fidin doonto Syria ka bixintaanka ciidamada Mareykanka kaddib. Saudi Arabia has now agreed to spend the necessary money needed to help rebuild Syria, instead of the United States. See? Isn’t it nice when immensely wealthy countries help rebuild their neighbors rather than a Great Country, the U.S., that is 5000 miles away. Thanks to Saudi A! — Donald J. Trump (@realDonaldTrump) December 24, 2018 “Sucuudiga waxa ay hadda ogolaadeen in ay dhaqaale macquul ah ku bixiyaan dib u dhiska Syria, badalkii Mareykanka. Ma aragtaan? Ayuu Trump qoray. “Miyeysan wax wanaagsan ahayn marka dal qani ah uu gacan ka geysto dib u dhiska dariskiisa halkii ay sidaas sameyn lahayd dal weyn oo Mareykanka oo kale ah, kaasi oo 5000 oo mayl ka fog. Waa mahadsan yihiin Sacuudiga!” Sacuudiga weli kama jawaabin arrintan, hase yeeshee dadka siyaasadda taxliilaya ayaa rumeysan in marnaba Sacuudiga aysan lacag siin doonin Syria inta uu madax ka yahay Bashar Al-Assad, oo ay dooneyso in xukunka laga tuuro. Taas ka sokow Assad waa shiico xoog ku maamula dadka Syria oo badankood ah Suniyiin, wuxuuna xulufo dhow la yahay Iran, oo aad ay isku neceb yihiin Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa isbeddel ku sameeyey guddigii maaliyadda baarlamanka ee khilaafka xooggan uu hareeyey. Qoraal xalay saqdii dhexe la sii daayey, ayaa Mursal uu uga saaray xubno ka mid ahaa guddiga, isaga oo sidoo kale kalena xubno cusub soo magacaabay. Mursal ayaa qoraalkiisa ku sheegay in sababta ugu weyn ee uu is-beddelka ugu sameeyey guddiga ay tahay ayada oo khilaaf xooggan uu ka dhex jiro xubnaha guddiga, islamarkaana dhowr fursad oo uu siiyey ay ku guul-darreysteen inay xaliyaan. Mursal ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka tirsan guddiga ay muujiyeen inaysan qabin inay jirto kalsooni guddiga uu kusii wada shaqeyn karo, islamarkaana khilaafka uu gaaray heer guddiga uu gudan waayey waajibaadkiisa shaqo. Qoraalka Mursal ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda inuu taageeray go’aanadii uu horey u qaatay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudey ee lagu kala diray guddigan. Mursal oo dalka ka maqnaa markii guddiga la kala diray, ayaa soo laabashadiisa kadib dib usoo celiyey guddiga taasi oo dhalisay khilaaf xooggan oo isaga iyo xukuumadda soo kala dhex-galay oo gaaray heer uu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo. Mooshinkaasi oo laga heshiiyey kadib markii Mursal iyo xukuumadda is-fahmeen ayaa waxaa hadda muuqata mar kale in Mursal yeelay sidii ay xukuumadda rabtay. Guddiga maaliyadda oo kiis musuq-maasuq oo culus ku helay xukuumadda, ayaa waxaa hadda laga saaray xubnihii xukuumadda kasoo horjeeday laguna beddelay xubno taageersan. Hoos ka aqriso warqadda kasoo baxday Mursal