Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,151
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa Warbaahinta dalka ku boorriyey in ay raacaan xeerarka dalka u yaalla, isla markaana ay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ganacsigooda. Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ay shalay faafisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxaanu u qornaa sidan:- “Waxa maalmahan aad loo hadal hayey wax ka bedelka tacriifadda Warbaahinta ku waajibtay oo Saxaafadda iyo siyaasiyiinta qaarkood si gurracan u sifeeyeen, iyaga oo bulshada uga dhigay culays Xukuumaddu saarayso Warbaahinta. Haddaba, iyada oo Wasaaradda Warfaafintu ka duulaysa muhiimadda ay qaranka u leedahay saxaafaddu waxay u caddeynaysaa bulshada Somaliland in aanay haba yaratee jirin culays ay xukuumadu saarayso hay’daha Warbaahinta, balse ay waajib tahay in Warbaahintu noqoto cashuur bixiye rasmiya oo la mid ah ganacsatada iyo muwaadiniinta kala duwan ee cashuur bixiyayaasha ah. Waxaynu og nahay in warbaahintu ka mid tahay hay’daha ganacsi iyo wax soo saar ee dalka, sidaa darteed, waxa la gaadhay xilligii ay u hagar bixi lahayd bixinta cashuuraha ku waajibay, maadaama oo 27-kii sanno ee la soo dhaafay aanay warbaahintu wax cashuura bixin. Warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaa looga baahan yahay in ay aamminsanaato in bixinta cashuuruhu yihiin waajib dastuuri ah oo saaran muwaadin kasta, derajo kasta oo uu leeyahay iyo shaqo kasta oo uu hayaba, waxa habboon in aanay Saxaafadda dalku iska dhigin qaar ka hooseeya jeeb ahaan ganacstada yar-yar iyo wadhatada ka xoogsata suuqyada magaalooyinka dalka oo si hagar la’aan ah qarankooda ugu hura cashuuraha ku waajibay, iyada oo qaarkood ay masaariiftooda kala soo baxaan ganacsi aad uga yar lacagta ay Warbaahintu ka qaado dadka ay u baahinayaan wararka, barnaamijyada iyo xayeysiiska hal mar baxaya. Waxa, haddaba, la gaadhay xilligii ay Saxaafadda dalku dareemi lahayd in cashuuruhu yihiin mishiinka lagu wado adeegyada bulshada iyo sugidda xuduudaha dalka, isla markaana ay hormuud ka noqdaan u hagar-baxa cashuuraha ku waajibay ganacsigooda. Si kastaba ha ahaatee, tacriifada cashuureed ee Warbaahinta ku waajibtay ee ku jirta miisaaniyad sannadeedka qaranka 2019ka, waxay noqonaysaa lacagta diwaangelinta (Registration Fee) ee Hay’adaha Warbaahinta cusub ee dalka laga furayo oo hal mar laga qaadi doono iyo cashuurta liisanka sannadlaha ah ee ganacsiga. Sidaa awgeed, waxaan mulkiilayaasha warbaahinta ku boorrinayaa in ay noqdaan cashuur bixiye wanaagsan oo qaranka wax ku leh, una hoggaansan nidaamka iyo qawaaniinta dalka.” Source
  2. Inkasta oo guddiga miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda lagu daray xubnaha kala ah Saalim Caliyow Ibrow, Sagal Biixi iyo Aden Xasan, lagana saaray kuwii la dhahay lama shaqeyn karno, isla markaana la faray miisaaniyadda 2019-ka la horkeeno golaha shacabka 30/12/2018 si loogu codeeyo, hadana waxaa jira caqabado keeni kara in hey’adaha dowliga ah ee dowladda federaalka ah ay wajahaan “Shutdown”. Maalinta la ballimayey ee 30-ka waxaa sanadkan 2018-ka ka dhimman 2 maalin oo shaqo oo axadda 30-ka iyo Isniin 31-ka bisha, waxaa xusid mudan in miisaaniyadda la qeybiyey oo keliya, oo aaney marin hab-raacii saxda ahaa ee looga doodi ahaa, ama akhrintii 1aad ilaa 3aad, waxaana la rabaa in si jajuub ah lagu ansixiyo. Xukuumadda federaalka ah waxaa ay sidoo kale meesha ka saartay in la diidi karo miisaaniyadda 2019-ka, in lagu celin karo, oo wax ka badal ama soo-jeedin kale lagu dari karo, iyada oo rabto in sida ay tahay miisaaniyadda loo qaato, iyada oo sharci-dejiyaasha ku cabsiineysa ka cararka “Shutdown”. Maxaa Loola Jeedaa Shutdown?! Haddii golaha shacabka uu anisixin waayo miisaaniyadda ka hor 1-da Janaayo 2019-ka amaba iska diido oo xukuumadda federaalka ah dib ugu celiyo, hey’adaha dowliga ah waxaa ay galayaan “Shutdown”, waxaa shaqo la’aan noqonaya xafiisyo badan oo hey’adaha dowliga ah, waxaa mushaar la’aan noqon-doono shaqaalaha rayidka iyo ciidamada, waxaa ugu daran ciidamada waxaa ka go’i-doonna raashiinka, saadka iyo waxyaabaha kale, waxaana ay wasaaradaha xukuumadda federaalka ah waayi-doonaan qarashkii howlaha lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, qarashkan intooda badan 6 bil ayuu horay uga maqnaa. Saameynta ugu weyn, waa baarlamaanka federaalka ah oo fasax geli-doono mushaar la’aan, waxaa intaas dheer macalimiin iyo adeegyo gaar ah saameyn weyn soo gaari-doonto. Xal Ma Jiraa? Haddii kahor 31-da bishan aan la ansixin miisaaniyadda 2019-ka, oo dalku galo “shutdown”, waxaa qasab noqoneysa in saddexda bil ee ugu horeysa lagu shaqeeyo miisaaniyaddii 2018-ka, taasi oo qalqal maaliyadeed abuuri karta, waxna ka badali karta qoondada iyo ku-tagalka miisaaniyadda 2019-ka. Tallaabka uu guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ku faray guddiga in 31-ka bisha ay miisaaniyadda hor keenaan golaha si loo ansixiyo, waa mid looga badbaadi karo in hey’adaha dowliga ah wajahaan “Shutdown”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Bolivia)-Haweeney u dhalatay dalka Argentine oo ay 1980-yadii qabsadeen dadka dadka tahriibiya ayaa waxa ay la midowday qoyskeeda kaddib markii ay howlgal wadajir ah fuliyeen booliska dalalka Argentine iyo Bolivia. Halka ay ku sugneyd haweeneydaasi oo haatan 45 jir ah ayaanan la ogayn ilaa bilowgii sanadkan markaas oo boolisku ay heleen xog ah in haweeneydu ay ku sugan tahay magaalada Bermejo ee koonfurta dalka Bolivia. Booliska ayaa markaa kaddib waxa ay soo ogaadeen guriga gabadhaasi lagu hayay kaddibna waxa ay soo daayeen iyada iyo wiil ay dhashay oo 9 jir ah. Waxaa markaa kaddib la shaaciyay magacyada hooyada iyo wiilka la soo badbaadiyay. Bayaan la shaaciyay 25 bishan Diseembar, ayaa booliska Argentine waxa uu ku sheegay in haweeneyda loo ogolaaday inay qoyskeeda dib ula midowdo kuwaas oo ku nool deegaanka Mar del Plata. Gabadhaas iyo wiilkeeda ayaa waxaa la soo daayay bilowgii bishan. Bayaanka ayaanan lagu sheegin xog intaas dheer oo ku saabsan cidda mas’uulka ka aheyd afduubka gabadhaasi ku dhawaad 32 sanadood ka hor. Source
  4. Waxa anu halkan idinku soo gudbinaynaa warbixin Sida Ugu Fudud Eed Gabowga Iskaga Ilaalin Karto ee daawasho wanaagsan Source
  5. Buulo-burte ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha cusub ee degmada Buulo-bute C/casiis Cabdullahi (Duurow) oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisu uu wax ka qaban doono amniga degmadaasi. Guddoomiye Doorow ayaa wacad ku maray in uu go’doonka ka saari doono degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan Buulo-burte in ay kala shaqeeyaan sugida amniga iyo horumarka degmadaasi. Shalay ayey aheyd markii uu si rasmi ah guddoomiye C/casiis Cabdullahi Cabdi (Duurow) xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore ee Buulo-burte Cabdi Daahir Guure (Karoore). The post C/casiis Duurow “Wax badan ayaan ka qabanayaa amniga Buulo-burte” appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Khartoum)-Ha’yadda Amnesty International waxay sheegtay inay hayso warar lagu kalsoonaan karo oo sheegayo in laamaha ammaanka waddanka Suudaan ay toogteen 37 qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo rabshada wata oo dalkaasi ka qaraxay toddobaadkii lasoo dhaafay. Ururada shaqaalaha Suudaan waxay sheegeen in maanta ay dibadbaxyo ka dhigi doonaan agagaarka aqalka madaxtooyada ee ku yaalla magaalada Khartuum iyagoona codsanaya inuu iscasilo madaxweyne Cumar Al Bashiir oo dalkaasi ka talinayay ku dhawaad 30 sanno ee ugu dambeeysay. Source
  7. (SLT-Dhmishiq)-Dhawaaqa qarax ayaa laga maqlay caasimadda Suuriya ee Dhimishiq, militariga Suuriya waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen goob hubka lagu keyddiyo oo ku taalla magaalada Dhimishiq. Saraakiil ka tirsan militariga Suuriya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in gantaallada lala beegsaday bakhaarka hubka isla markaasna saddex askari ay ku dhaawacmeen duqeynta. Dowladda Suuriya waxay sheegtay in la qabtay inta badan gantaallada lagu soo ganay. Militariga waxay sidoo kale sheegeen in khaasare kale uusan jirin. Xalay warbaahinta Suuriya waxay baahiyeen muqaal muujinayay qalab heebaayay hawada Dhimish oo ay soo rideen gantaallada ciidammada Suuriya. Dhanka kale, ciidammada difaaca Israa’iil kama aysan hadlin duqeynta la sheegay inay ka gaysteen Suuriya. Markii dambe, qoraal ay barta Twitter-ka kusoo qoreen militariga Israa’iil waxay ku sheegeen in gantalladooda difaaca ay jawaab u aheyd madaafic looga soo ganay dhinaca Suuriya. Israa’iil ayaa marar badan bartilmaameedsatay saldhigyada ciidammada Iiraan iyo Xizbullah ku leeyihiin Suuriya ayna u aragto inay halis ku yihiin ammaanka dalkeeda. Waxaa dhif iyo naadir ah in Israa’iil ay qirato inay qaaday weerar kan lamid ah. Source
  8. Balcad ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Maleeshiyo Beeleed ku sugan deegaanka Bukarar ee gobolkaasi. Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Maleeshiyaadkaasi ay ka biyo diideen dadaallo nabadeed oo ay Ciidanku ka wadeen halkaasi. Ciidamadan oo ah kuwa Milatari ah ayaa shalay dowladda Soomaaliya waxa ay u dirtay deegaankaasi, si ay u kala dhexgalaan Beelo ku dagaalamay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/ dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Libyan)-Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ahaa oo Talaadadi shalay lala beegsaday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Libyan. Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ay ku dhinteen saddex qof, lala eegtay wax ay ugu yeereen dowladda riddada. Libya ayaa ku jirtay xaalad fowda ah tan iyo marki xakunka laga tuuray hogaamiyihii muddada dheer soo xakumay dalkaasi ee Moammar Gadhafi, kaasoo la dilay sannadki 2011. Awoodda dalka ayaa waxaa ku koolamaya dowlad kumeel gaar ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay iyo jeneraal dagaal kula jira kooxaha Islaamiga ah iyo waliba maleeshiyaad hubeysan oo isugu jira kuwa argagixiso ah iyo kuwo hoos taga hogaamiye kooxeedyo. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa todobaad kadib u dagaal dagaya 10 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay bilaabeen howlgalka la dagaalanka burcadeeda Soomaalida. Ciidamadaan oo ka socdo dalalka Yurub ayaa waxay muddo 10 sano ah la dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana howlgalkooda uu bilowday sanadkii 2008 xiligaasi oo burcad badeeda dardar ay ku ahayeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta mara biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan. Inta badan howlgalkan tobanka sana jirsaday waxaa ka qeybqaadanayay 14 dal oo qaarkood ku deeqeen Ciidan iyo Maraakiib dagaal, kuwaasi oo burcad badeeda kula dagaalamay biyaha Soomaaliya. Halka kuwo kale ay ku deeqeen Diyaaradaha Helicopterrada ah ee ka qeybqaata badbaadinta dadka la afduubto iyo in si deg deg ah loo gaarsiiyo goobo caafimaad. Waxaa hadda yaraaday weeraradii halista lahaa ee kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana wali maraakiibtaan ay ku sugan yihiin xeebaha Soomaaliya.
  11. Jowhar ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ka soo cusboonaaday Deegaanno Hoos Yimaada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda argagaxisada Al-shabaab, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha inay joojiyaan colaadahaasi, waxaana uu carabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn xiligan dhiig si macno daro ah loo daadiyo, iyadoo uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab. Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Hirshabelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, isagoo uga digay beelaha Hirshabelle inaysan taageerin Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox kasoo horjeedda nabadda iyo deggenaanshaha dalka. “Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay , Hirshabelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha iyo siyaasiyiinta Hirshabelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli. “Walaalaha ku dagaalamaya Hiiraan ha ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlayay ayaa sheegay inay soo arkeen dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse ay laga shaqeeyo nabadda, waxaana leennahay waa in laga shaqeeyo nabadda…nabadda..nabadda. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guddi u diray, joojinta colaad beelaadyadaasi, kuwaasi oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidamada Hirshabelle, iyo Waxgarad kale waxaana maalintii sedexaad Degmada Maxaas ay u joog The post Madaxweyne Waare Oo ka hadlay xiisadaha ka jira Maxaas appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Mandera ( Sh. M. Network )-Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidankooda ayaa ku dhaawacantay, kadib markii qarax Bambada nuuca Gacanta laga tuuro lagula eegtay meel u dhow xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo roondo ah. Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in 6 Askari oo ka tirsanaa Ciidankooda lagu weeraray Bambadaasi, taas oo keentay in Afar ka mid ah Askartaasi uu dhaawac soo gaaro. Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in Nin asalkiisu Soomaali yahay uu geystay weerarkaasi, islamarkaana uu u baxsaday dhanka Xadka Soomaaliya. Askarta ku dhaawacantay weerarkan ayaa la sheegay in al dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Dhankale Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaana war ay soo dhigeen barahooda ay ku sheegeen in ay ka dambeeyee weerarka lagu qaaday Ciidankaasi. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 2 Askari, kuna 3 kale, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. The post Al Shabaab Oo weeraray Ciidan ka tirsan kuwa Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa baaq nabadeed u diray beelo ku dagaalamaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Xildhibaan Mahad oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan ku baqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan tuulooyinka hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan”. Mudane Salaad waxaa uu intaasi ku daray “Sidoo kale waxaan ka codsanaynaa madaxda maamulka Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Ugaasyada labada belood iyo Cuqaasha Dhaqanka in si deg deg ah uga howl galaan sidii colaadaas loo joojin lahaa”. Ugu dambeyntii, waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad ka hadlay xummaanka colaadda isaga oo yiri “Colaadna wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta ee fadlan fursad hala siiyo nabadda iyo joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya”. Beelo walaalo ah ayaa ku dagaalamaya degmada Maxaas, waxaan todobaadkan arrintaasi darteed halkaasi u joogay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan, laakin waxaa uu muuqato in xiisaddii ay weli taagantahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Nuqul ka mid ah ay heshay Shabelle ayey Guddoonka Goluhu ku go’aamiyeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale guddiga ayaa la faray in Miisaaniyadda 2019=ka la horkeeno Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo. Warkan ka soo baxay xafiiska guddoomiye Mursal ayaa lagu xusay qaabkii uu ku bilowday khilaafka guddiga Maaliyadda iyo sida ay ugu kala aragti duwanaadeen guddoonka Golaha Shacabka, gaar ahaan guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa. Waxa kale oo Wargeetada lagu sheegay in inta badan xubnaha guddiga ee aragtiooda ka dhiibtay kulankii 23-kii bishan aysan qabin Kalsooni uu guddigu ku sii wada shaqeyn karo khilaafkii soo kala dhexgalay aawgiis. Sidoo kalena khilaafka guddiga ka dhex jira uu gaarsiinsan yahay heer aysan guddigu gudan karin waajibaadkii Golaha Shacabkuauu igmaday, iyada oo xeerhoosaadka iyo shuruucda dalka Goluhu saarayo waajibka meel marinta Miisaaniyada dalka ee 2019-ka, ka hor 31-ka bisha 12- ee 2018-ka. Ugu dambeyn qoraalkan ayaa lagy sheegay in dib u habeyn lagu sameeyo guddiga, islamarkaana laga saaray xubno kooban. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Guddiga Maaliyadda BFS Oo dib-u-habeyn lagu sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-261218-sx.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Deegaanada Puntland ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu ka dhacay deegaanka Buuraha Galgala. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Puntland ay weerareen fariisin ciidamada Daacish ay ku lahaayeen deegaanka, sida saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen. Dadka deegaanka ayaa dhankooda sheegaya in maleeshiyaadka Daacish ay ka dambeeyeen weerarka, walow aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxyeelada ka dhalatay dagaalka oo saacado socday. Saraakiisha ciidamada Puntland u hadashay ayaa sheegay in Daacish ay ka dileen dagaalyahano badan oo ku sugnaa saldhig ay ku lahaayeen buuraha Galgala, waxaana ay sheegeen inay hub ka qabsadeen. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in kooxda ay ka saareen deegaano dhowr ah oo buuraha ka tirsan, walow Daacish dhankeeda ay guulo ka sheegatay dagaalka. Xiisad dagaal ayaa ka taagan deegaanada Buuraha ee Galgala, waxaana ciidamada Puntland la sheegay inay heegan galeen, sida saraakiisha u hadashay ciidamada ay warbaahinta u sheegeen. Caasimada Onlne Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  17. Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu dib u habeyn ku sameeyey guddiga maaliyadda ee golahaasi. Qoraalka ayaa u qornaa sidan hoose: Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha cusub ee maamulka K/galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa xilligan waxaa horyaalla caqabado badan oo u baahan in wax laga qabto, iyadoo sidoo kale uu haysto fursado aad u muhiim ah. Professor Maxamed Cali Kalaay oo arrimahan falanqeyn aynu kala sameennay wuxuu sheegay in Lafta Gareen ay ku xiran tahay shaqsiyaddiisa iyo sida uu wax u qaban karo. Khilaafyada ka dhashay doorashooyinka ayuu sheegay in looga baahan yahay inuu wax ka qabto, islamarkaana xalliyo dadkii dartiid isku gaaray. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka dhacdo munaasabad kooban oo uu xafiiska madaxweynaha maamulka K/galbeed kula wareegayo C/casiis Lafta Gareen oo 29-kii bishan loo doortay madaxweynaha maamulkaasi. Waxa uu xafiiska kala wareegi doonaan guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed oo xilkaasi si KMG ahaan u hayey wixii ka dambeeyey 7-dii November 20187, xilligaasi oo uu is casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan. Lafta Gareen ayaa si rasmi ah ugu wareegi doona madaxtooyada Baydhabo, waxaana maalmahan dambe uu wadey kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey xildhibaannada iyo sidoo kale siyaasiyiinta maamulkaasi. Caleemo-saarkiisa kadib ayuu Lafta Gareen soo magacaabi doonaa golahiisa wasiirada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARCADE-BAAYDHBO-.mp3 Source: goobjoog.com
  20. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in madaxda ugu sarreysa maamulkas ay idhaha ka qabsanayaan sidii loo damin lahaa dagaal beeleed ka taagan deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan. Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame ayaa xusay in wabaahinta kaliya laga shegayo in colaadda la joojiyo balse muhiim ay tahay in si toos ah loo kala dhex galo beelaha dagaallamaya. Waxa uu sheegay in dagaal beeleedkaas dad badani ay ka barakaceen kuwa kale dhimasho iyo dhaawac uu kasoo garay, isagoo soo jeediyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalkaasi. Deegaanka Dudun Cad oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay dagaal xooggan kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaad la sheegay in qaab beel isku abaabuleen ayaa ka dhacay deegaanka Bukuraar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Dagaalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii la sheegay iney isku dhaceen ciidanka dowladda oo ka wareegayey deegaanka Il-baq oo inta badan weeraro ka fuliyaan Al-shabaab ayaa si lama filaan ah isugu dhacay mid ka mid ah maleeshiyaad dhowaan ku dagaallamay deegaanno Sh/dhexe. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey Labo qof iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay. Nabadoon Cali Muxummad oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay si bareer ah usoo weerareen maleeshiyaadkaasi. Wuxuu sheegay in dowladda hubkeeda loo adeegsaday dad shacab ah, islamarkaana deegaankooda inta lagu soo weeraray lagu dhibaateeyey waa sida uu hadalka u dhigaye. Saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Shabellaha Dhexe weli kama aanay hadal dagaalkan. Goobjoog News Bukuraar Source: goobjoog.com
  22. Beledweyne (Caasimada Online)-Waxaa wali tagan xiisadda ka dhalatay dagaal beeleedka maalmahaan ka dhacayay Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad wada daga degmada Maxaas. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, ayaa sheegay in dadka dhaqaalaha heysta ee kasoo jeeda deegaanka ay horinayaan dagaalka labada beleed ku dhexmaraya degmada Maxaas. Inka badan 15 ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka labada maleeshiyaad ku dhexmarayay deegaanada hoostaga degmada Maxaas, waxaana hadda muuqata cabsi dadka deegaanka heysata. Dagaalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay duleedka degmada Maxaas shalay galintii dambe, xilli halkaasi ay ku sugan yihin gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo tiro xildhibaano ah ay ka baxay Magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday shacabka iyo waxgaradka labada beeleed in seddex meelood meel dhaqaaladooda ay ku bixiyaan xalinta iyo dhameynta dagaalka, halkii ay hurinta colaada ku bixin lahaayeen. Maleeshiyaadka ku dagaalamaya degmada Maxaas ayaa isku haya aanooyin qabiil oo ka bilowday dhul daaqsimeed, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Waxaa socdo dadaalo maamulka Hirshabeelle ay ku doonayaan in lagu dhameeyo dagaalka, iyaga oo nasiib daro ku tilmaamay in xiligan labo beeleed oo wada daga degmada Maxaas ay dagaalamaan. Caasimada Online Xafiiska Hirshabeelle Caasimada@live.com