-
Content Count
207,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Muuse Jiir ayaa waxaa uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinka wakiillada iyo deeganka ku yimid ay sabab u yahiin xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo WADDANI, balse aaney xukuumadu wax sabab ah ku laheyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaashii golaha shacabka ee maanta guddoonkooda u gudbiyey qoraal lagu dalbanayo in laga doodo heshiisyadii uu madaxweyne Farmaajo lasoo galay Ethiopia iyo Eritrea ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qoraalkaasi. Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay doonayaan dood in laga sameeyo heshiisyada iyo is afgaradyada lala galo dalalka shisheeye, gaar ahaan kuwii madaxweynaha lasoo galay dalalka deriska ah. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in mooshinkan ay gudbiyeen uu mari doono habraaca rasmiga ah, islamarkaana maalinta Sabtida ah golaha lala wadaagi doono. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/xildhibaanka-golaha-shacabka.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay kulan ballaadhan oo ay qaar kamid ah haween weynaha dalka Somaliland ku qabsadeen caasimadda Hargeysa. Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha Somaliland wuxuu haweenka u soo jeediyay; in ay isku soo sharaxaan doorashada madaxtooyada ee soo socota oo ay dalka hoggaamiyaan, Halkan hoos ka DAAWO Source
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho. Ajendaha maanta ee kulanka golaha shacabka ayaa ahaa akhrinta Saddexaad ee hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka Siyaasiyiinta. Waxaa kulankan maanta soo xaadiray 170 mudane iyadoo uu shir guddoominayey Mudane Mursal Maxamed Sheekh. Ugu dambeyn waxaa hindise sharciyeedkan la geliyey cod, iyadoo 167 xildhibaan ay sharciga u codeeyeen, waxaa diiday Hal mudane, iyadoo Labana ay ka aamustay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/War-Maxamed-Salaad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Goboka Awdal ee xisbiga WADDANI Maxamad Aadan Suldaan oo Fariin Kulul Hawada U Mariyay Madaxwayne Biixi Kana Warmay Safarki Gobolada Bariga Iyo Duufaanti Sanndakan Ku Dhufatay Xeebaha Gobolka Awdal Iyo Dayaci Xukuumada KULMIYE. Dhan kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay muqumaasuqday oo jeebka iskaga shubatay lacag ay midowga yurub iyo dawladda Soomaaliya ugu deeqeen dadkii ay saamaysay duufaantii sagar ee ku dhufatay gobolada galbeedka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah dib boodhka uga jafayso calaaqaadkii dublamaasiyadeed iyo safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd. Waxayna noqonaysaa markii koobaad ee safaarad Maraykanku leeyahay ay ka hawl gasho Muqdisho mudo soddon sano ku dhaw, sida lagu sheegay war saxafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Haweeney af-hayeen ah oo u hadashay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert ayaa arrintaasi ku tilmaantay mid taariikhi ah isla markaana ka turjumeysa horumarka Soomaaliya. Warka waaxda arrimaha dibadda ka soo yeeray ayaa lagu sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay dhigan tahay sida Mareykanka ay uga go’an tahay xoojinta xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee danta u ah labada dal. Safiirka cusub ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa durbaba ka hawlgalaya safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Mareykanka ayaa albaabada u laabay safaaraddiisa markii ay billawdeen colaadaha sokeeye, taas oo keentay in milatariga Mareykanka uu safiirkoodii xiliigaas iyo shaqaale kale oo Mareykan ah uu ka soo daad gureeyo Muqdisho. Sannaddii 1993 Mareykanka waxa Muqdisho lagaga soo riday labadii diyaaradood ee qumatiga u kacayay ee la oran jiray Black Hawk halkaas oo 18 askari oo Mareykan ah lagu dilay. Waxaa sidoo kale dagaalkaasi ku dhintay dad lagu qiyaasay boqolaal qof oo Soomaali ah. Labadaas diyaaradood ee la soo riday ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabo Black Hawk down. Mareykanka ayaa dowladdii cusbayd ee Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsaday sannadkii 2013-kii balse safaaraddiisa Soomaaliya ayuu xarun uga dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Mareykanka ayaa duqeymo uu ku bartilmaameedsanayo dagaalyahannada xarakada al-shabaab ka wada qaybo badan oo Soomaaliya ah, waxaana dhawaan booqasho Muqdisho ku tagay madaxa taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee golaha wakiillada Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cigge (Balaaki) ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey wax ka bedel ay dhawaan golahaasi ku sameyeen xeerka Booliska oo dib golaha loogu soo celiyey. Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cigge (Balaaki) ayaa sidoo kale waxaa uu hajnaad u diray dad uu ku sheegay in aaney sifo sharci aheyn u dhaliilayaan golaha Wakiilada, isla markaana waxaa uu haayadaha sharciga ugu baaqay inay talaabo ka qaadan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku eedeeyay madaxweyne ku xigeenkiisa in uu khal-khal ka abuurayo doorashada madaxtinimada Puntland ee la qorsheeyay in ay dhacdo 8 Jan 2019. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay fara-gelin ku hayso doorashooyinka dowlad goboleedyada oo ay Puntland ku jirto,waxaana eedaha war-saxaafadeedka ku xusan in madaxweyne ku xigeenka Puntland oo fulinaya awaamiir laga soo siiyay magaalada Muqdisho loo adeegsanayo khal-khal gelinta doorashada Puntland. Dhinaca kale war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu caddeeyay in doorashadu ay ku dhacayso wakhtigii loogu tala-galay,islamarkaana waxaa shacabka lagu wargeliyay in ay u diyaar-garooban doorashadaasi. PUNTLAND POST The post Gaas oo Camey iyo DFS ku eedeeyay in ay khal-khal ku hayaan doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka kulan maanta ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka waxa ay aqrinta 3-aaad geliyeen Mashruuca Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo shir gudoomiyay Kulanka oo ay Xaadiyeen 170mudane ayaa codka Kalsoonida geliyay Hindisahaan. 167 Xildhibaan ayaa ogolaatay, 2-Mudane ayaa ka aamustay halka uu diiday Hal Xildhibaan, sidaas ayuu ansax ku noqday sida uu ku dhawaaqay Shir Guddoonkii Maanta. Xeerkaan ayaa u gudbaya Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay iyanne u mariyaan aqrinta 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, ugu dambeyn kolka ay ansixiyaan waxa uu usii gudbayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya si uu saxiixo uguna mid noqdo sharciyada. Guddiga soo gudbiyay Xeerkaan ayaa sheegay in sharcigaan uu ka qayb qaadanayo Miisanad sanadeedka 2019 si meel loogu yeelo Xuquuqda Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaranka usoo shaqeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kenya Airways has postponed the launch of its direct flight from Nairobi’s Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) to the Somali capital Mogadishu indefinitely. The national carrier which had initially planned to fly to Mogadishu beginning November 15 was to launch its direct flights to Aden Adde International Airport, Mogadishu, on Wednesday in a move that was expected to boost trade with the Horn of Africa nation. In a statement on Tuesday, Kenya Airways CEO Sebastian Mikosz however said the airline would not fly to Somalia until further notice as it is still facing a delay in getting “additional operational requirements” to fly on the route. “There is delay in KQ getting the additional operational requirement—-and the launch has been postponed until further notice,” said Mr Mikosz. The daily non-stop flight was to leave JKIA at 07:40 am to arrive in Mogadishu at 9:55 am local time. It was then expected to depart Aden Adde International Airport, Mogadishu at 10:45am to arrive back in Nairobi at 1:00pm. KQ was set to fly Bombardier Dash 8 Q400 on this latest route that is set to ease travel between the two cities. A ticket for the Nairobi-Mogadishu route was to go for about Sh42,000 ($403) round trip and Sh22,000 ($218) one way. The delay comes at a time when three East African countries have refused to allow KQ to use Bombardier planes to operate scheduled flights in their capitals, causing diplomatic tension. Burundi, for instance, declined the Bombardier DHC8-Q400 aircraft on grounds that it has no business class seats. Djibouti and Southern Sudan flatly declined KQ’s applications. KQ prefers use of Bombardier planes on short-haul flights because they are less costly to operate. Kenya Airways ‘s chief executive last week told Parliament that the rejections are “politically motivated” and are hampering the carrier’s regional expansion plans.
-
Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, labadiisa aqal ayaa maanta mid weliba waxaa uu si gaar ah u meel mariyey sharci. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta ansixiyay Dhismaha Gudiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka. Kadib markii uu Golaha Aqalka sare uu ku yeeshay maanta kalfadhigii 4aad kulankiisii 9aad xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho. Agendaha shirkuna waxaa ahaa akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa. Dhinaca kale, Golaha shacabka ayaa sidoo kale maanta ansixiyey Hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka Siyaasiyiinta, kaas oo maray akhirinta 3aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qahira (Caasimadda Online) – Boqorka dalka Saudi Arabia Salman ayaa Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ku martiqaaday in uu ka qeybgalo kulanka soo socda ee ay 9-ka bishaan magaalada Riyadh isugu imaanayaan madaxda Ururka Iskaashigaa dalalka Khaliijka. Warkan oo la shaaciyay maalinimadii shalay ayaa daba jooga go’aanka dalka Qadar ee maalin ka hor ay ku sheegtay in ay ka baxeyso Ururka dalalka dhoofiya Shidaalka ee OPEC. Wakaaladda Wararka Qadar,ayaa sheegtay in Amiiirka dalkaasi uu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Saudi Arabia ,kaas oo la xiriira ka qeybgalka kulanka dalalka Khaliijka,balse ma caddeyn in Amiirkaasi uu u socdaali doono xagga Sacudiga. Sanadkii hore kulanka dalalka Khaliijka oo lagu qabtay dalka Kuwait, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain,waxaa shirkaasi uga qeybgalay Wasiirro iyo R/asaare ku xigeenno halkii la rabay inay soo xaadiraan Madaxda sare ee wadamadaasi. Kuwait ayaa bishii hore ku dhawaaqday in ay fileyso in kulanka 9-ka bishaan ka dhacaya magaalada Riyaad ay isugu imaan doonaan dhammaan madaxda Khaliijka ,ka dib dadaal dheer oo ay u gashay dhexdhexaadinta Qadar iyo isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo xayiraad dhinacyo badan bishii June ee sanadkii hore ku soo rogay Qadar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya ayaa maanta gudbiyay mooshin ku saabsan heshiisyada iyo is afgaradyada ay madaxda dowladdu la gashay dalalka shisheeye. Tobadan xubnood oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudbiyay warqad ay ku dalbanayaan in loo furo dood ku saabsan heshiisyadii ugu dambeeyey ee Madaxweyne Farmaajo la galay dalalka Ethiopia iyo Eritrea, waxayna Xubnahan ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ka codsaday in la furo dooda saddex qodob oo kala ah. Heshiisyadii iyo isafgaradkii lala galay dalalka shisheeye intii uu talada hayey Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo Joogitaanka iyo keennidda ciidamo hor leh oo ka socda Ethiopia iyo Eritrea oo qeyb ka ah heshiiska la sheegay in lagu mideynayo saddexda dal. Cawaaqibka siyaasadeed ee ka iman kara marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho. iyada oo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyey isla markaana aysan walaalaha Djibouti qeyb ka aheyn. PUNTLAND POST The post Akhriso: Xildhibaano mooshin ka keenay heshiisyadii Ethiopia iyo Eritrea appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya ilaa 10 xildhibaan ayaa gudbiyay warqad ay ku dalbanayaan in loo furo dood la xiriirta heshiisyadii ugu dambeeyeey ee uu galay madaxweynaha dalka. Xildhibaanada ayaa qoraalka ku sheegay inay doonayaan inay wax badan ka ogaadaan heshiisyadii madaxweynaha uu la galay dowladaha Eritrea iyo Ethiopia. Qodobada ay doonayaan inay madaxweynaha wax ka weydiiyaan ayna gudbiyeen waxaa kamid ah: 1. Heshiisyadii iyo isafgaradkii lala galay dalalka Shisheeye intii uu talada hayey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo 2. Joogitaanka iyo keennidda ciidamo hor leh oo ka socda Eritrea iyo Itoobiya oo qeyb ka ah heshiiska la sheegay lagu mideynayo saddexda dal. 3. Cawaaqibka siyaasadeed ee ka iman kara marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho iyada oo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyey isla markaana anaey walaalaha Djibouti qeyb ka aheyn.
-
Xubno 10 ah, oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta guddoonka u gudbiyey qoraal ay ku dalbanayaan in la furo dood ku saabsan heshiisyada iyo isafgaradkii lala galay dalalka Shisheeye intii uu joogay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo gaar ahaan kuwii lala galay dalalka Eritrea iyo Itoobiya. Qodobbada ay soo qaateen in laga doodo waxaa ka mid ahaa: 1. Heshiisyadii iyo isafgaradkii lala galay dalalka Shisheeye intii uu talada hayey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo 2. Joogitaanka iyo keennidda ciidamo hor leh oo ka socda Eritrea iyo Itoobiya oo qeyb ka ah heshiiska la sheegay lagu mideynayo saddexda dal. 3. Cawaaqibka siyaasadeed ee ka iman kara marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho iyada oo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyey isla markaana anaey walaalaha Djibouti qeyb ka aheyn. Hadaba Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Iyo Magacyada 10-ka Xildhibaan: Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Shirkadda Duulimaadka ee Kenya Airways ayaa ka laabatay qorshe ay duulimaad kaga sameyn laheyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida masuuliyiin u hadlay shirkadda ay sheegeen. Qoraal kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in ilaa amar dambe dib loo dhigay qorshaha Diyaaradda ay kaga howlgali laheyd magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. Qorshaha ayaa ahaa bartamihii bishii lasoo dhaafay in diyaaradaasi duulimaayadeeda ay bilowdo, laakiin hadda si cad ayaa loo sheegay in ilaa amar dambe duulimaadyadaasi hakad ay ku jiri doonaan. Sababaha ugu weyn ayaa madaxa shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz wuxuu ku sheegay inay tahay in dowladda Soomaaliya iyo maamulka shirkadda ay isku fahmi waayeen sharuudaha ay shirkadaasi kaga howl galayso hawada Soomaaliya. Arinta kale ee keenay in la is fahmi waayo ayaa ah in maamulka Shirkadda ay doonayaan in duulimaadyada Muqdisho u adeegsadaan diyaarad yar oo ah Bombardier Dash 8 Q400, taasi oo la sheegay inay tayo wanaagsan aysan laheyn. Dalalka Burundi, Koofurta Suudaan iyo Jabuuti ayaa horey maamulka Shirkadda kaga diiday adeegsiga diyaaradaasi yar, taasi oo abuurtay inay isfahmi waayay maamulka shirkadda iyo dalalkaasi. Sidoo kale arinta u baahan in xal laga gaaro ayaa ah jarashada Tikidka diyaaradaasi oo ka qaalisan diyaaradaha kale, waxaana ilaa iyo hadda jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo arintaan la xiriira. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The new Republic of Turkey ambassador to the Federal Republic of Somalia has presented his diplomatic credentials on Tuesday. Ambassador Mehmet Yilmaz was received by Somali foreign affairs minister Ahmed Isse Awad and other senior diplomats in the foreign affairs headquarters in the Somali capital. The two diplomats briefly discussed issues of mutual interest to both friendly states and the increasing diplomatic and economic cooperation. Ambassador Yilmaz thanked the warm welcome accorded to him and his team during the meeting and promised to strengthen the existing strong diplomatic ties between the two Muslim states. Yilmaz replaced former ambassador Oglan Bekar who served for three years before end of his assignment month ago. Ankara enjoys strong diplomatic, economic and defense cooperation with Somalia since the first high profile visit of Prime Minister Rajab Tayyip Erdogan now President on August 2011. Since then it has refurbished Aden Abdulle International Airport, renovated main roads in the city, upgraded and manages the port of Mogadishu and opened biggest military academy to train Somali army. The post New Turkish Ambassador To Somalia Presents Credentials to Foreign minister appeared first on Shabelle. View the full article
-
The United States has renewed a “permanent diplomatic presence” in Somalia, the State Department said, nearly 30 years after the U.S. embassy was closed as a civil war raged in the Horn of Africa country. Somalia has been trying to recover from the conflict that engulfed the country in 1991 when clan warlords overthrew a dictator and then turned on each other. “This historic event reflects Somalia’s progress in recent years and is another step forward in formalizing U.S. diplomatic engagement in Mogadishu,” the State Department said in a statement late on Tuesday. Somalia has in recent years faced an insurgency by the al Qaeda-linked al Shabaab militant group, as well as famine and maritime piracy. While parts of the country are plagued by militant violence, a degree of stability in the capital, Mogadishu, has drawn investment from Somalis at home and abroad. In September, the World Bank approved $80 million in grants to Somalia to fund public finance reforms, the first disbursement to the country in 30 years. [nL8N1WC2BF] The United States carries out periodic air strikes in Somalia in support of the U.N.-backed government and its fight against al-Shabaab. The militant group withdrew from Mogadishu in 2011, but it retains a strong presence in areas outside the capital. “Our return demonstrates the United States’ commitment to further advance stability, democracy, and economic development that are in the interest of both nations,” the State Department said. The post U.S. renews “permanent diplomatic presence” in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Suspected US fighter jets were reported to have carried out a new airstrike against Al-Shabaab in southern Somalia on Tuesday night, sources said. The warplanes have fired several missiles at Al-Shabaab bases in the southern town of Awdheegle in Lower Shabelle region, which is situated some 60Km away from Mogadishu. Reports said Somali special forces assisted their allied American troops to carry out the overnight attack targeting Al-Shabab, which caused unspecified casualties. The US military stepped up airstrikes in South and central Somalia since Trump authorized a broader operation against Al-Shabaab, the Al-Qaeda ally in East Africa last year. The post Fighter jets bomb Al-Shabaab stronghold in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada Jubaland ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa saakay waxay bandow kusoo rogeen degmadaasi, waxaana istaagey howlahii ka soconayey degmada sida goobahii ganacsiga, dugsiyadii waxbarashada, isku socodka dadka iyo gaadiidka. waxaana waddooyinka xaafadaha magaalada iyo jidadkaba gaaf wareegaya Ciidamada oo dadweynaha ugu baaqaya inay guryahooda dib ugu laabtaan. Tallaabadni ayey Ciidamada kaga hor tagayaan isku dhac laga cabsi qabo inuu ka dhaco gudaha magaalada,isku dhacaasi ayaa waxuu salka ku hayaa khilaaf dhanka maamulka Baardheere la xariira, kaasi oo muddo ka badan 4 bilood soo jiitamayey, una dhaxeeya gudoomiayhii Baardheere iyo ku xigeenkiisa oo Labadooduba kala wata Dekreeto Guddoomiye oo ka soo baxdey wasaaradda arrrimaha gudaha Jubbaland. Waxaana lagu guul dareystey dhex-dhexaadin la doonayey in lagu xalliyo khilaafkaasi oo ay hormuud u ahaayeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM, kuwa Jubbaland iyo waxgaradka degmada Baardheere ,waxaana dhici kara saacad kastaba haddii aanan la helin xal isku dhac u dhaxeeeya Labada dhinac. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com