Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,067
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mayor ismacil x nuur wuxu MAYIRADA Somaliland dheer yahay kana waayo argaysan yahay waxa Badan buu joogay marxaladihii dalka somaaliland so Maray horayso iyo danbaysoba. WUXUU ka mid ahaa halgamayaashi SNM nafdooda iyo Maalba u Huray , isagoo xiligii siyaad bare ahaa ganacsade ka mid ahaa ganacsadayaashi gobolka sanaag, Kana mid ahaa ragii Mar walba dowladi siyaad bare xadhi jirtay AYUU markii danbe KA baxay magaalada ceergabo markuu u adkaysan waayey cago juglaynti lagu hayey sharaftisa iyo maalkisaba ayuu dhinaca buuraha u baxay Waxayna buuraha ka hirgaliyeen ismaci xaji nuur iyo rag badan odayaal iyo ganacsade ahaa , badangoodu maanta ma noola ilaahay how naxariisdo , waxay hirgaliyeen ciidan Ama farac kamid ahaa snm Gudaha dalkana saldhigoodu yahay, halka snm markaa joogtay dalka Ethopia Waxayna ka bilaaben halganki dib u xoraynta snm, iyo weraro lagu qaadi jiray ciidamadi siyaad bare ee joogay gobolka sanaag WALIBA ismaacil xaji nuur Dhawac ka soo gaadhay Dagaaladi isdaba jooga ahaa lagu qaadi jiray ciidamadi siyaad bare. Markaa dalka la xoreeyeyna waxa uu kamid ahaa shirarki nabadaynta somaaliland ka hirgaliyey Haduu yahay shirkii somaaliland ee burco lagu dhawaaqay 1991, IYO shirarki nabadaynta gobolka sanaag ka qabsoomay dhowr iyo sagaashanki .Mayor ismacil maalgisi iyo naftisiba wuxuu u Huray somaaliland.. Madaxawaynayaashi Somaliland so Maray Shanti madaxwayne Wuu lasso shaqeeyey Wuxuuna ka mid yahay asaarta qadiimiga ah somaaliland. WAANA mayirki uku horeeyey ka hirgaliyey gudaha ceergabo wado laami ah . Wali wuxuu ka shaqaynayaa horimarka somaaliland IYO midnimada iyo Wada jirka somaaliland ,maalinti dhawayd ee madaxwaynu safarka ku joogay Madaxwayne muuse biixi WUXUU yidhi mayor ismacil ayaan Koob Shaaha ka Cabi Kari waayey Oo ileh wadadi iyo jaamacadi madaxwayne waxasay u baahan yihiin isagoo jaaniska ka faa,iidaysanaya madaxwaynuhu gobolka sanaag joogo waxaqabadna gobolka iyo degmada madaxwaynaha u waydinaya . By mire cali xasan mohamedhassan3867@gmail.com Source
  2. Waxaan qoraal kooban ku soo gudbinayaa dareenka shacbi weynaha Somaliland oo aan u kuurgalay inbadan oo kamid ahi sida ay u arkaan socodaalka Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mud.Muuse Biixi Cabdi, socdaalkan oo anigu aan u bixiyey “Nabad iyo Midnimo”, waxa uu ku beegmay xili in badan oo shacabka muwadiniinta ahi ka werwer qabeen, kana walaacsanaayeen, sida uu noqon doono xukunka iyo maamulka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mudo hal sano ah kadib. 115%; font-size: 11pt; font-family: Calibri, sans-serif; text-align: justify;”> Runtii farxad ayey u tahay guud ahaan shacabka iyo inbadan oo wanaaga iyo iskuduubniada Somaliland jeceli in ay dhegahooda ugu raaxeeyaan wararka la xidhiidha socodaalka Madaxweyne Muuse Biixi ee uu ku maraayey gobolada bari oo inbadan tabasho iyo cabashooyin ka tirsanaayey Xukumadda Muuse Biixi iyo xukumadihii kale ee ka horeeyey. Sidoo kale waxay farxad u tahay muwadiniinta shacabka ah ee ku dhaqana Goboladda madaxweynaha iyo weftigiisu socodka ku marayaan iyo mashaariicda uu xadhiga ka jaraayo madaxweynuhu, iyagoo isku arkaayey waa goboladaase in ay ka sii baxayaan saaxadda dawladnimo iyo dalnimo, iskuna arkaayey kuwo la ilaawey oo aan cid iyo dawladi midna dan iyo danno gaar ah ka lahayn. Tiraba laba jeer ayey ahayad intii uu xilka haye Madaxweyne Biixi, in aan fariimo xambaarsan midnimo iyo wax-wada-qabsi u diray Madaxweynaha iyo xukumadiisa, taas oo talo iyo soojeedin iila muuqatay, madaama oo aan ahay muwaadin xaq u leh wixii sax iyo toosin ah in uu la garab istaago xukumaddiisa iyo madaxdiisa, waa illahay mahadii kol hadii qodobo kamid ahaa fariimihii aan madaxweynaha u diraayey ay maanta iigu muuqdaan kuwo hirgalay oo madaxweynuhu fulinaayo, Sidaa darteed waxaa maanta xaq la iigu leeyahay aniga iyo inta wanaaga iyo midnimadda umada Somaliland jeceli in aanu hambalyo iyo dhiirigelin la garab istaagno Madaxweyne Biixi iyo weftigii uu hogaaminaayey ee sida geesinamada leh ugu dhex laafyoonaayey gobolo in badan warbaahintu ka sheegi jirtay dhibaatooyin iyo cabashooyin dawlad la’aan ina tusaaya. Fariinta Shacabka: Madaxweyn guul ayey kuutahay, isla markaana guul ayey u tahay shacabkaaga, socdaalka qiimaha badan ee aad ugu kuur gelaysey wax ka ogaanshaha shacabka aad Madaxweynaha u tahay. Madaxweyne hore u soco oo noqo kii umadiisa iyo dadkiisa guul iyo midnimo u horseeda, hana noqon kii loo hanweynaa ee lugu khasaaray, dheg ha u dhigin qabyaaladda iyo nin jecelaysiga waxaad madaxweyne u tahay qarankan iyo shacabkiisa oo dhan, waad dareemi kartaa jacaylka iyo taageerada shacabka aad dhex socotaa kuu hayaa, ee waxqabad muuqda ku taageer iyo hadalo midnmio iyo isjecelaysi xambaarsan. Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Source
  3. Siyaasi Axmed Aden Carab oo ka mid ahaa xubnihii wax ka asaasay Dawlada Puntland, isla markaana xilal kala gadisan ka soo qabtay Xukuumada Puntland ayaa [...] Source
  4. (SL-T Burco)Wadada Dubeerin Ayaa Kamida Wadooyinka Baylahan Oo Ay Inta badan Dhibaato Kala Kulmaan Bulshada Rayidka Ee Ku Safarysa, Xukumadda Somaliland Ayaa Umuuqata Mid Aaan War Ka hayn. Halkan Ka Daawo Muuqaalka Source
  5. (SLT-Caynaba)-Khilaaf Ka Dhex Qarxay Bahda Garsoorka Iyo Taliska Booliska Gobolka Saraar + Taliyaha Booliska Oo Xoog Kula Baxay Maxabiis La Xukumay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa noqday safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Waxaa maanta warqadaha ka guddoomay madaxweynaha Uhuru Kenyatta. Nur oo duqa Muqdisho iyo guddoomiyaheeda ahaa inta u dhaxeysay 2010 ilaa 2014, waxaa uu 2016-kii ka mid ahaa murashaxiinta doorashada madaxtinnimada, waxaa uu hadda baladayaa Jamaal Xasan oo ka mid ah golaha wasiirrada, waa wasiirka qorsheynta. Magacaabistiisa ka hor, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan waxaa uu ahaa la-taliyaha dhanka siyaasadda ee madaxweyne Farmaajo. Maanta ayaa lagu qaabilay madaxtooyada Kenya, waxaana sidoo kale aqoonsiga laga guddomay 16 kale oo safiir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamada Milatariga dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan xadka Soomaaliya, gaar ahaan degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Ciidamadani oo ah kuwa badan ayaa la soo dhoobay deegaanada dhaca Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa tallaabadaasi, balse waxaa waayadan jirtay cabsi ay Kenya ka qabtay weeraro kaga yimaada Al Shabaab. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa wal wal ka muujinay in weeraro iyo dagaallo ay ka dhacaan halkaasi, maadaama ay jiraan xiisado xoogan. Muddooyinkii dambe ayaa Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. The post Ciidanka Kenya Oo dhaq dhaqaaqyo ka wada xadka Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Awdheegle ( Sh. M. Network )-Taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaalia ee NISA ayaa ka hadlay weerar ay diyaarado dagaal ka qeyb qaateen oo xalay ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. War ka soo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka amnigu howlgal qorsheysan ay ku qaadeen deegaankaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab. NISA ayaa shaacisay in weerarkan lala bartilmaameedsaday goobo lagu farsameynayay walxaha qarxa. “Howgal Ciidanka amnigu xalay ka fuliyay xarun Al Shabaab ay ku laheyd Tuulada Awdheegle ayaa lagu qabtay walxaha qarxa, Ciidanka ayaa naftooda u hura badbaada shacabka”. ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA. Hay’addu ma shaacin haddii uu jiro khasaare Al Shabaab lagu gaarsiiyay weerarkaasi. Dhanka kale Al Shabaab ayaa ka hadlay howlgalkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in ay iska caabiyeen, kana hortageen weerar ay ku soo qaadeen Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Bankaraafta Soomaaliya. Waxaana Al Shabaab ay baahiyeen in Gantaallada qaar ay ku dhaceen Suuqa Caanaha Awdheele iyo xaafadda Caanoole ee degaankaasi, halkaas oo ay dagan yihiin dad shacab ah. Sidoo kale Al Shabaab ma shaacin wax khasaare ah oo iyaga soo gaaray ama dadka Rayidka ah. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa todobaadyadii la soo dhaafay sare u qaaday duulaanka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda K/ Soomaaliya. The post NISA Oo war ka soo saartay howlgal laga fuliyay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dib u bilaabeyso xariirkeedii Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, kaas go’sanaa 28 sano. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay sabab u tahay horumarka haatan ka hana qaaday Soomaaliya. Donald Yamamota oo haatan ku wajahan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu horkacayo howlgalka Mareykanka ee Soomaaliy, kaas oo markii hore fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya. Dowladda Mareykanka ayaa xirtay Safaaradeeda Soomaaliya sanadkii 1991-kii, xilligaasi oo uu bilowday dagaalkii lagu burburiyay dowladdii dhexe ee dalka. Sidoo kale Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka Heather Nauert ayaa tallaabadani ku tilmaantay mid ay Soomaaliya horay u qaaday, kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya dib loo aqoonsaday sanadkii 2013-kii. Afhayeenka ayaa intaasi ku dartay in labada dalba haatan ay ka go’an tahay horumarinta nabadda, dimoqoraadiyada iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa dhawaantani Safiir cusub u soo magacawday Muqdisho, isagoona sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee K/ Soomaaliya. The post Mareykanka Oo dib u bilaabaya howlihiisa Diblomaasiyadeed Ee Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay hareereeyeen goob ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi oo ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Ciidamadan oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay xanibeen guud ahaan dhaq dhaqaaqii Xildhibaanadaasi. Lama oga tiro ahaan inta ay la’egyihiin Xildhibaanadaasi ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ee lagu go’doomiyay halkaasi. Balse Xubnahani ayaa ka mid ah Mudanayaal ka horyimid guddi qaabilsan arrimaha doorashada oo uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Axmed Madoobe. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi. The post Ciidanka J/land Oo Xildhibaano ku hareereeyay Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Mehmet Yilmaz, Danjiraha idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya laba dal ee walaalaha ah. Waxa uu carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka laba geesoodka. Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka laba geesoodka The post Wasiir Cawad Oo warqadaha danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub Ee Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-051218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Falan qayn ku saabsan Casuumada Boqor salmaan u fidiyay Amiirka qadar Shirka Dawladaha Khaliika GCC Curfiga siyaasadeed ee aduun-waynaha ayaa dhigaya in dawlada marti galinaysa shir-gobaleed ama shir-qaaradeed uu Madaxwaynaha dalkaasu, ama Boqorka dalkaas, ama Amiirka dawladaas uu martiqaad rasmi ah u diro dhamaan madaxda dawladahaas ee shirku quseeyo. Warqada marti qaadka waxa qaadaya heer wasiir oo kaliya wasiirka arimaha dibada ama wasiirka kale ee Boqorkaas ama Madaxwaynahaasu u dirto, Ma qaadi karo warqadaas safiirka dawladaas kuu jooga waa hadii aad rajo laka leedihiin. Shirkaasu haduu ka dhacayo xarunta midawgaas muhiim maaha in dawladaasu dirto waraaqo wasiiro qaadan, sida shirarka sanad laha ah UNAITED NATION ka xaruntiisa NEW YORK iyo GENEVA ka dhaca, sida shirka AFRICAN UNION ee ka dhaca xaruntiisa ADDIS ABABA sida shirka JAMACADA CARABTA ee ka dhaca xaruntiisa QAAHIRA, iyo kuwa lamid ka ah ee caalamka. Hadaba 9 bishan waxa ka furmi doona sacuudiga shirka Dawladaha Khaliijka GCC oo isagu bilaa xarun ah, sidaan kor kusoo xusay Boqor Salmaan bin cabdi caziiz isagoo raacaya Curfiga siyaasadeed ee aduunka wuxuu warqado casuumadeed u kala diray dhamaan madaxda Dawladaha Khaliijka. Hadaba warqadii Amiirka Qadar muuqaadin wasiir sacuudi ah oo waata lakal goostay ee waxa qaaday xooghayaha guud ee GCC Dr. Abdiladiif bin Rashid Al Zayaani, oo ka sareeya heer wasiir kuna haboon qaadista warqadan wakhtigan oo kale Waxana soo dhaweeyay oo warqada gudoomay wasiira dawlaha arimaha dibada ee qadar Mr.Suldaan bin Sacad Al mariikhi karaamaduna waxay ku jirtay inuu Amiirku gudoomo warqada Boqorka. Intii xidhiidhka loo jaray QATAR Waa markii labaad ee Boqor Salmaan waraqad casuumadeed u diro Amiirka Qatar laakiin casuumadii hore muu-iman waxayna ahayd shirkii jaamacada carabta ee ka dhacay DAHRAAN waxa waqada casuumada loogu dhiibay wakiika Qadar ee jaamacada carabta ee xarun tiisu tahay Qahira, Qatarna isla isagii ayay soo direen, Doorkan Caalamka oo dhan ayaa eegaya inuu tana ka baaqdo iyo in kale maadaama aanuu warqada gudoomin isagoo dalka ku sugan. Alaa mahd leh Amb Ahmed Safiina Qaran News
  14. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in Xukuumaddu Afduubtay shirweyne ay Hargeysa ay ku qabsadeen Haweenka Somaliland. Xoghayaha guud ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, oo shirka ka qayb-galay laakiin aan hadal ka jeedin ayaa dhaliilay hannaanka shirka loo qabtay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Iyadoo Maamulka Puntland uu dhawaan isku diyaarinayo doorashada madaxweynaha maamulkaasi ayaa madaxtooyada maamulkaasi waxaa kasoo baxay war qoraal ah oo lagu eedeynaayo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Warkaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu eedeeyay dowladda dhexe waxaana lagu sheegay in faragelin qaawan ay ku hayaan arrimaha doorashada maamulkaasi. Horaan sidaan oo kale waxaa dowladda federaalka eedeyn midaan lamid ah u jeediyay maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo ku eedeeyay in doorashada maamulkaasi ay faragelin ku hayaan. Halkaan hoose ka akhriso warka qoraalka ah ee kasoo baxay Maamulka Puntland ee lagu eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.
  16. Amiirka dalka Qatar oo ka jawaabay casuumaad uu ka helay boqor Salmaan Boqorka dalka Saudi Arabia Salman ayaa Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ku martiqaaday in uu ka qeybgalo kulanka soo socda ee ay 9-ka bishaan magaalada Riyadh isugu imaanayaan madaxda Ururka Iskaashigaa dalalka Khaliijka. Warkan oo la shaaciyay maalinimadii shalay ayaa daba jooga go’aanka dalka Qadar ee maalin ka hor ay ku sheegtay in ay ka baxeyso Ururka dalalka dhoofiya Shidaalka ee OPEC. Wakaaladda Wararka Qadar,ayaa sheegtay in Amiiirka dalkaasi uu casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka dalka Saudi Arabia ,kaas oo la xiriira ka qeybgalka kulanka dalalka Khaliijka,balse ma caddeyn in Amiirkaasi uu u socdaali doono xagga Sacudiga. Sanadkii hore kulanka dalalka Khaliijka oo lagu qabtay dalka Kuwait, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain,waxaa shirkaasi uga qeybgalay Wasiirro iyo R/asaare ku xigeenno halkii la rabay inay soo xaadiraan Madaxda sare ee wadamadaasi. Kuwait ayaa bishii hore ku dhawaaqday in ay fileyso in kulanka 9-ka bishaan ka dhacaya magaalada Riyaad ay isugu imaan doonaan dhammaan madaxda Khaliijka ,ka dib dadaal dheer oo ay u gashay dhexdhexaadinta Qadar iyo isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo xayiraad dhinacyo badan bishii June ee sanadkii hore ku soo rogay Qadar. Qaran News
  17. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgall ay ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Kumaandoosta iyo ciidan Maraykan ah ka sameeyeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidankaan iyo sidoo kale dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana jira khasaare aan weli la shaacin. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale Goob joog u xaqiijiyey in diyaaradaha Maraykanka ay Labo gantaal ku dhufteen xaafad lagu magacaabo Caanoole, gaar ahaan xarun ay Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Muuse-Cabaas-Cusmaan-Weerarka-Awdheegle.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Muuse Jiir ayaa waxaa uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinka wakiillada iyo deeganka ku yimid ay sabab u yahiin xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo WADDANI, balse aaney xukuumadu wax sabab ah ku laheyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaashii golaha shacabka ee maanta guddoonkooda u gudbiyey qoraal lagu dalbanayo in laga doodo heshiisyadii uu madaxweyne Farmaajo lasoo galay Ethiopia iyo Eritrea ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qoraalkaasi. Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay doonayaan dood in laga sameeyo heshiisyada iyo is afgaradyada lala galo dalalka shisheeye, gaar ahaan kuwii madaxweynaha lasoo galay dalalka deriska ah. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in mooshinkan ay gudbiyeen uu mari doono habraaca rasmiga ah, islamarkaana maalinta Sabtida ah golaha lala wadaagi doono. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/xildhibaanka-golaha-shacabka.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay kulan ballaadhan oo ay qaar kamid ah haween weynaha dalka Somaliland ku qabsadeen caasimadda Hargeysa. Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha Somaliland wuxuu haweenka u soo jeediyay; in ay isku soo sharaxaan doorashada madaxtooyada ee soo socota oo ay dalka hoggaamiyaan, Halkan hoos ka DAAWO Source
  21. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho. Ajendaha maanta ee kulanka golaha shacabka ayaa ahaa akhrinta Saddexaad ee hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka Siyaasiyiinta. Waxaa kulankan maanta soo xaadiray 170 mudane iyadoo uu shir guddoominayey Mudane Mursal Maxamed Sheekh. Ugu dambeyn waxaa hindise sharciyeedkan la geliyey cod, iyadoo 167 xildhibaan ay sharciga u codeeyeen, waxaa diiday Hal mudane, iyadoo Labana ay ka aamustay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/War-Maxamed-Salaad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Goboka Awdal ee xisbiga WADDANI Maxamad Aadan Suldaan oo Fariin Kulul Hawada U Mariyay Madaxwayne Biixi Kana Warmay Safarki Gobolada Bariga Iyo Duufaanti Sanndakan Ku Dhufatay Xeebaha Gobolka Awdal Iyo Dayaci Xukuumada KULMIYE. Dhan kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay muqumaasuqday oo jeebka iskaga shubatay lacag ay midowga yurub iyo dawladda Soomaaliya ugu deeqeen dadkii ay saamaysay duufaantii sagar ee ku dhufatay gobolada galbeedka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Muqdisho)-Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah dib boodhka uga jafayso calaaqaadkii dublamaasiyadeed iyo safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd. Waxayna noqonaysaa markii koobaad ee safaarad Maraykanku leeyahay ay ka hawl gasho Muqdisho mudo soddon sano ku dhaw, sida lagu sheegay war saxafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Haweeney af-hayeen ah oo u hadashay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert ayaa arrintaasi ku tilmaantay mid taariikhi ah isla markaana ka turjumeysa horumarka Soomaaliya. Warka waaxda arrimaha dibadda ka soo yeeray ayaa lagu sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay dhigan tahay sida Mareykanka ay uga go’an tahay xoojinta xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee danta u ah labada dal. Safiirka cusub ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa durbaba ka hawlgalaya safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Mareykanka ayaa albaabada u laabay safaaraddiisa markii ay billawdeen colaadaha sokeeye, taas oo keentay in milatariga Mareykanka uu safiirkoodii xiliigaas iyo shaqaale kale oo Mareykan ah uu ka soo daad gureeyo Muqdisho. Sannaddii 1993 Mareykanka waxa Muqdisho lagaga soo riday labadii diyaaradood ee qumatiga u kacayay ee la oran jiray Black Hawk halkaas oo 18 askari oo Mareykan ah lagu dilay. Waxaa sidoo kale dagaalkaasi ku dhintay dad lagu qiyaasay boqolaal qof oo Soomaali ah. Labadaas diyaaradood ee la soo riday ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabo Black Hawk down. Mareykanka ayaa dowladdii cusbayd ee Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsaday sannadkii 2013-kii balse safaaraddiisa Soomaaliya ayuu xarun uga dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Mareykanka ayaa duqeymo uu ku bartilmaameedsanayo dagaalyahannada xarakada al-shabaab ka wada qaybo badan oo Soomaaliya ah, waxaana dhawaan booqasho Muqdisho ku tagay madaxa taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). Source