Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. New York (Caasimada Oline) – 12-kii November dowladda Britain ayaa qaraar ay u gudbisay QM waxa ay walac kaga muujisay xaaladda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo musuq-maasuqa xooggan oo ay ku tuhmeyso, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Qaraarkan ayaa London waxay walaac kaga muujisay in hubka iyo rasaasta ciidamada dowladda Soomaaliya loo maamulo si xun, oo ay iibsadaan ciidamada. Waxaa sidaas oo kale lagu sheegay wabixintii kooxda QM ee Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Britain ay qaraarkan ku dalbatay in mushahar la siiyo ciidamada Soomaaliya, si aysan hubka u iibsan oo ay diyaar ugu noqdaan inay ammaanka dalka kala wareegaan Amisom. Amisom ayaa la qorsheynayaa inay dalka ka baxaan ugu dambeyn sanadka 2021, waxaana Britain ay rumeysan tahay inaysan ciidamada Soomaaliya xaaladdan kula wareegi karin amniga. Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa labaduba sheegay in haddii Amisom baxeyso ay diyaar u yihiin in si iskood ah ay ciidamadooda ugu sii hayaan Soomaaliya, balse waxay dalbanayaan lacag aad u badan. Si kastaba Britain ayaa qabta in lacagta ay dalbanayaan Burundi iyo Amisom lagu dhiso oo mushahar loogu dhigo ciidamada Amisom. Lama yaqaan goorta ay golaha ammaanka QM ka doodi doonaan qaraarkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Amiir Khaled bin Farhan Al Saud oo ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga balse dibad joog ah, ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan la ridi doono, isaga oo sheegay in afgambigaasi uu ka imaan doono meel uusan ka fileyn. Amiir Khaled ayaa yiri ” Haddii qoyska ay doonayaan in wiilkooda Maxamed Bin Salmaan la wareego boqortooyada, mowjado qalalaaso ah ayaa dhici kara, qaabka maamul ee boqortooyada waa nooc jaahilnimo iyo Dhalanteed ama been abuur” “Waxaan Rajeynayaa inuu dhici doono afgambi fudud, afgambigaasi oo ka dhan ah xukunka Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka hay’addaha amaanka, kadibna waxaa meesha laga saari doonaa dhaxal sugaha iyo boqorka” ayuu hadalkiisa kusii daray. Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaq kasta oo ka yimaada dhanka qoyska Boqortooyada uusan ahaan doonin mid ay boqor Salmaan iyo Maxamed Bin Salmaan iska difaaci karaan dhankooda. Sida uu sheegay Amiir Khaled, Amiir Axmed Bin Cabdul Casiis, oo ah ninka la rabo inuu xukunka la wareegio, waxaa saaran cadaadis xoogan, waxaana dhaqdhaqaaqiisa iyo xiriiradiisa yihiin kuwo lala socdo. “Waxay u muuqataa in howsha aysan ka imaan doonin isaga, laakiin dhinacyada kale ee ku xeyndaaban ayaa fulin doona afgambiga, kadibna afgambiga ka dhanka ah Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa dhacaya” “Waa Suuragal in Maxamed Bin Salmaan uu xero adeerkii Axmed Bin Cabdi Casiis ama uu shirqoolo haddiiba uu awoodo, laakiin waxay u muuqataa mid ku adag marka loo eego waxa qoyska dhexdooda ka dhex dhacaya” ayuu yiri. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo xiisadda ka dhex oogan xubnaha qoyska boqortooyada ay sii kordheyso islamarkaana kuwa badan ay doonayaan in meesha laga saaro boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. AEC2018: Calls for quality research to boost African economies and integration Kigali, Rwanda, 5 December, 2018 – Jean-Guy Afrika, a Principal Trade Expert at the African Development Bank, has tasked researchers on the continent to provide quality evidence-based studies that can help policymakers and citizens to achieve the best outcomes from regional integration and the African Continental Free Trade Area (AfCFTA). He made the appeal during the 2018 African Economic Conference, which closed Wednesday in Kigali, Rwanda. Afrika’s remarks came during a session that focused on transforming Regional Economic Communities (RECs) to achieve the AfCFTA, Agenda 2063 and Agenda 2030 goals on integration – where participants discussed research papers on African integration. “Quality research results are vital in the implementation of excellent, evidence based policies on trade and governance, particularly in this important era of a renewed call for regional integration and the AfCFTA,” Afrika said. “Researchers therefore have to play their role and guide the continent’s public and private sectors to design more effective and cost effective trade, health and social programmes that can propel countries’ prospects of reaching the Millennium Development Goals (MDGs).” Some of the fastest growing economies in the world are in Africa, a continent rich in languages, cultures and unparalleled natural resources. However, the continent still faces a huge data gap that makes it difficult for policymakers in low and middle-income countries to meet the real needs of their people and to chart a clear path on integration, experts said. This challenge however, presents an opportunity for researchers, academics and innovators to come up with robust evidence that is customised and contextualised in order to be responsive to African needs and circumstances. “The AfCFTA demands efficient work and it comes with immense opportunities for Africans in all sectors. With some of the MDGs realised across the continent and others yet to be achieved, reliable data across the continent will be essential both for defining new goals, averting challenges and measuring progress towards faster integration,” said Inye Nathan Briggs, a Trade Regulatory Officer at the Bank. Some research papers assessed during the session included work by Professor Charles Fe Doukoure from Ivory Coast, who presented “Obstacles to strengthening economic integration in the West African economic and Monetary Union.” His research paper focused on the economic, political and infrastructural factors affecting trade between West African countries, noting that regional trade is now on an upward trajectory due to strong investments in transport and telecommunications infrastructure, stability of political environment and good macroeconomic management. Another study by three researchers, Isaac Shinyekwa, Paul Corti Lakuma and Martin Luther Munu, presented at AEC 2018, highlights effects of regional economic communities on market integration and industrialisation in the Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA). The study found that COMESA has created large markets from which partner states are bearing fruit from expanded regional trade. It also indicates that significant government efforts to facilitate trade have been made in the region, through removal of tariff and non-tariff barriers and infrastructure development. Qaran News
  4. Dadka Soomaaliyeed waxay xasaasiyad xooggan ka qabaan dhaqdhaqaaqa Itoobiya. Waxay u arkaan inay tahay cadowgooda koowaad. Cadaawaddaan maahan mid ka dhalatay dagaalo hore ee waa natiijo ka dhalatay duullaanka joogtada ah ee Itoobiya iyo faragalinta aan jogsiga lahayn ee ay ku hayso arriimaha Soomaalia. Fal walba oo ay samayso siduu doono ha u qurxanaadee waxay Soomaalidu ku fiirisaa il shakisan waxayna ku shaabbadeeyaan khiyaano ay u maleegayso dadka Soomaaliyeed. Waxa inta badan noo muuqdo waa tallaabooyinka militiri ama kuwa siyaasadeed ee sida muuqato noogu wajahan. Laakiin dad yar ayaa arko awooddo jilicsan ee ay Itoobiya bilowday inay isticmaasho si ay u hanato qalbiyada dadka Soomaaliyeed. Qormadaan gaaban waxaan ku iftiimin doonaa mid ka mid ah awoodaha jilicsan ee ay Itoobiya noo isticmaasho waa waxbarashda sare e si ay u baddasho aragtideenna iyo fahamka aan ka qabno duullaankeeda. Eray cilmiyeedka ‘awoodda jilicsan’ waxaa guntay borofeesar wax ka dhigo jaamacadda caanka ah ee Havard ee Maraykanka ku taal. Maccalinkaan oo lagu magacaabo Joseph Nye wuxuu aragtiyo badan ku leeyahay cilmiga siyaasadda. Nye wuxuu ku qeexay awoodda jilicsan ” inaad ku hesho waxaad rabto sifo soo jiidasho baddalki aad ku heli lahayd xoog ama laaluush”. Aragtidaan waxay qabtaa in dalalku awood u leeyihiin inay dal kale ku qanciyaan inuu u dhaqmo sida ay iyagu danta ugu jirto. Awoodaha jilicsan ee la isticmaalo waa ay badan yihiin. Waxaa ka mid ah waxbarashada sare (heer jaamacadeed). In waxbarsho sare loo isticmaalo hanashada dalalka kale waa mid guun ah. Joseph Nye ma uusan dhalan marki uu Admund James oo ahaa madaxi jaamacadda Illions markaas uu ku qoray waraaq uu u diray madaxweynihi waqtigaas marakaynka xukumay erayadaan ee Franklin Roosevelt “Dalka maanta ku guulaysto inuu waxbaro jiil Shiinaha ee soo kacayo, ayaa noqon doono midka gurta miraha ugu muhiimsan jiilkaas dhaqan ahaan, damiir ahaan, saamayn ganacsi iyo mid aqooneedba”. Admund waxaa u muuqady awoodda waxbarashada inay hanan karto dalka kale iyadoo xoog loo sheegan. iyadoo taas laga duulayo, Maraykanku wuxuu billaabay koorsooyin la siinayo ardayda kasoo jeedda dalalka uu danaha ka leeyahay sanadki 1908’di. Ilaa waagaas waa ay socotay laakiin waxay ku kobnayd dalalka qaniga ah. Dhawaanahaan waxaa kusoo biiray dalalka soo koraya sida Shiinaha, Baraasiil iyo Turkiga iyo Itoobiya oo innaga si gooni ah noo qusayso. Sanidihii inoo danbeeyay Itoobiya waxay deeqo waxbarasho siinaysay arday soomaaliyeed oo aad u badan. Tusaale, sanadkaan waxay Soomaalilaan ka qaadeen 306 arday. 200 oo ardaydaan ka mid ah waxay billaabayaan heerka koowaad ee jaamacadda, 100 waa heerka labaad halka 6’da soo hartay ay diyaarin doonaan PHd. Tiro intaas ka badan ayaa isla sanadkaan Xamar laga qaaday oo iyaguna koorsooyin caynkaas ah samayn doona. Taasi waxay ka dhigantahay in in ku dhow kun arday oo soomaaliyeed ay sanadkaan kaliya waxbarasho sare u aadeen Itoobiya. Deeqahaan horay waa u jireen laakiin si xad dhaaf ah ayay u kordheen ilaa sanadki 2014’ki, inay sii siyaadi doonaan ayayna u badan tahay maadaama damaca Itoobiya sii kordhay. Deeqaha waxbarasho dowladaha waxaa ooga baxo qarash aad u tiro badan. Ardaygiiba dhaqaale gaarayo tobannaan kun oo isugu jiro khidamada koorsada, nolosha iyo caawin kale ayaa ku baxdo. Tusaale, dowaladda Shiinaha waxay sheegtay inay sanadlkaan oo kaliya u qorshaysay US$469 milyan inay ku bixiso deeqaha ay siinayso ardayda dibadda ay kasoo qaaddo. Laakiin faaiidada laga rajaynayo ardayda la qaadayo iyo danaha laga leeyahay ayaa ka qiimo badan qarashaka galayo. Dowladaha Deeqaha bixiyo dano kala duwan ayay ka leeyihiin ardayda ay siinayaan sida inay helaan shaqaale xirfad sare leh iyo inay nidaamkooda waxbarsho dadka kale baraan. Laakiin midda ugu muhiimsan udub dhexaadna u ah deeqda waxbarsho waa iska iibinta dadyowga kale iyo hanashada qalbiyada kuwa deeqda la siiyay. Koorsooyinka ardayda la siiyo qaar waxaa loogu talagalay dadka looga rajo qabo inay dalalkooda madax ka noqdaa mustaqbalka oo kaliya. Dadkaan waxaa dhici karta inay kasoo jeedaan qoysas waqti dheer dalkaas taladiisa hayay sida Sacuudiga. Waxaa sidoo kale dhici karta inay yihiin dad muujiyay firfircooni iyo dadnimo dheeraad ahna kana soo muuqday saaaxada hoggaanka dalkiisa. Tusaale, koorsooyinka ay bixiso Chening oo ay maalgaliso wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingriiska waxaa loogu tagalay kaliya kuwa diyaarinayo heerka labaad ee jaamacadda loogana rajo qabo inay dalkooda xukun ka qabtaan mar un. Dalalka kale ree Galbeedkuna waxay leeyihiin koorsooyin noocaan ah. Tani waxay dhashay in maanta 155 ka mid ah madaxda hoggaamiso dunida ay wax kusoo barteen sadddex dal oo kaliya kuwaas oo kala ah Maraykanka (58), Ingiriiska (57) iyo Faransiiska (40). In ka badan 95% koorsooyinka deeqaha loo bixiyo waa artis sida taariikh, falsafad iyo maamul iyo maarayn. Koorsooyinkaan waxaa loo diyaariyaa hab ardayda loo qaadsiin karo sida u roon dalka deeqda bixinayo ayna u xambaari karaan dhaqanka iyo mabaadida dalkaas ku weyn. Inta ay ardaydu waxbarashada ku jirto waxay baran luuqadda dalkaas oo ka mid ah shurudaha dowladuhu deeqda ku bixiyaan. Sidoo kale, waxay baran dhaqanka iyo mabaadida ka jirto dalkaas waxaaba laga yaabaa in lagu qulaamiyo mabaadi’ gooni ah mararka qaar. Tusaale, ardaydi Soomaaliyeed ee 60 aad iyo 70aad waxbarashada loogu diray dibada waxay lasoo noqdeen mabaadi’ is diidan. Kuwii loo diray waddamadi Bariga waxay keeneen hanti wadaag halka kuwii aaday Galbeedka ay keeneen hanti-goosad. Dhinaca Carabta kuwii aaday waxay soo xambaareen madaahib iyo caqiidooyin ku cusubaa gayiga Soomaalida. Inta ay ardaydu joogaan dalalka ay wax ku baranayaan waxaa dabiici ah inay jeceyl u qaadaan dhaqanka, luuqadda iyo habdhaqanka ka jira meelaha ay booqdaan. Waxay xariir dhow la yeeshaan dad badan oo dalkaas kasoo jeedo ama ay ku kulmeen goobaha waxbarashada. Jeceylkaas wuxuu keenaa inay marki ay dalkooda kusoo laabtaan isku dayaan inay ka hirgaliyaan mabaadidi ay soo xanbaareen iyo luuqaddi ay lasoo dhaceen. Tusaale markale usoo qaado Soomaalidi dibadda waxbarashada u aadday. Marki ay dalka kusoo laabteen ardaydii Bariga, Galbeed ama Carabta tagay, waxay billaabeen faafinta iyo hirgalinta madaadidi ay soo xambaareen iyagoo kaashanayo xariiro hoose oo ay la lahaayeen dalalki ay wax kusoo barteen. Waxay samaysteen kooxo isugu xiran afkaar ka dhaxayso iyo dano hoose. Qaarkood waxay isku dayeen xataa xoog ku meel mariyaan afkaarta koytada ah ee ay dalka keeneen taasoo ilaa maanta raadkeedi sii muuqdo. Waxaad kalood aad u taqaan in koox walba afka ay wax kusoo barteen ay jecelyihiin inay ku hadlaan, wax ku qoraan, iskuna qaraabaystaan. Waxaad aragtaa maalin walba iyadoo kuwa Carabta ka yimid ay Carabi kaliya faysbuugga iyo baraha buslahada ku qorayaan. waxaad aragtaa iyadoo kuwii Kiinya ka yimid ay Sawaaxili ka dhigteen afkooda koowaad. Waxaad aragtaa kuwii Ingiriis wax ku bartay oo aan labo kalmad oo Soomaali ah isku xijin karin iyagoo aan Ingiriis ku barxin. Waxaa intaas la socdo inay inta isku af wax ku baratayba si gooni isagu xiranyihiin dalki ay wax kusoo barteenna xariir gooni iyo mudnaan dheeri kala dhaxayso. Waxba kama khaladana in dibadda waxbarasho loo aado. Aqoonta qofku soo barto ka sakow, ruuxa tago dal kale wuxuu lasoo noqdaa ilbaxnimo, bisayl iyo waayo-aragnimo caawiso horumarinta dalka. Sidoo kale, arrin xun maahan in dowladuhu isticmaalaan awood jilicsan si ay u hagaajiyaan xariirka kala dhaxeeyo dalalka kale. Dhabti dunidu maanta waxay u baahantahay isu soo dhawaansho iyo joojinta isticmaalka awood militiri, isdhexgal bulsho iyo iswaydaarsi aqooneedna waa arrinta looga gudbi karo colaad daba dheeraato. Hasa ahaatee, waxaa jiro qiyaamooyin iyo halisyo qarsoon oo ku lammaan deeqaha waxbarasho. Ka sakow, dhaqammada badan ee dalka la keenayo iyo mabaadida lasoo dhoofsho, dowladaha deeqaha bixiyo waxay jaamacadaha ka howl galiyaan hayadaha sirdoonka. Sirdoonka ayaa xoogga saara inuu xariir la yeesho ardayda dibadda ka timid si ay ula shaqeeyaan marki ay dalkooda ku laabtaan. Gaar ahaan waxay xoogga saaraan dhalinta labaatanaadka jirto. Da’daan dhalinta jirto khibrad uma laha waayaha adduunka, waxaa sahlan in la hanto qalbikooda waxaana la baddali karaa waxa ay aaminsan yihiin sida uu sheegay Chris Simmons oo ahaa madixii dowladda Maraykanka u qaabilsanaa sirdoonka Maraynka arrimaha argagixisada. Chris intaas wuxuu ku daray, Sirdoonka dunida waa ay ka simanyihiin bartilmaamaydsiga jaamacadaha maadaama ay heli karaan dhalin dayacan. Shaki kuma jiro in sirdoonka Itoobiya isku dayi doonaan inay qortaan qaar ka mid ah ardaydaan. Waxaa laga yaaba inay qaar badan oo ay soo qortaan dalka kusoo laabtaan, ka dib ay ku caawiyaan inay shaqo ka helaan haydaha muhiimka ah ee dowlada sida gaashaandhigga, maaliyadda iyo horumarinta si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa dalka una duufsadaan siyaasadda Soomaaliya. In qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda iyo madaxdaba ay Itoobiya jaajuus u yihiin waa mid ku baahsan soomaalida dhexdeeda. Inkastoo aan caddayn muuqato loo hayn, dadkaan waxaa dad caan ahaa oo horay loo yaqaannay xariirka ka dhaexeeyay iyaga iyo Itoobiya ka hor inta aysan xil qaban. Laakiin caruur labaatan iyagoon gaarin Itoobiya loo diray ka dibna aysan cidi la socon waxa ay qaban jireen iyo meelaha ay tagi jireen way ka duwanyihiin kuwa hore. Waxaa soo laaban kumannaan muuqaalka iyo dhiigga Soomaali ka ah laakiin caqliga, dhaqanka iyo habfakerka Itoobiyaan ka ah. Qiyaas marka sanad walba ay dalka kusoo laabtaan kun wiilal iyo gabdho soomaaliyeed ah oo Itoobiya wax kusoo bartay. Dhaqan noocee ah ayay keeni? Itoobiya cadow ma u arki doonaan sida aan haddaba ugu aragno? Saamayn intee la eg ayay dalka ku yeelan? Dhalintaan waxay ka shaqo billaabi dhammaan hayadaha dowladda iyo waaxaha dad weynaha sida iskoollada, isbitaallada iyo gaadiidka dadweyanaha. Waxay ku sheekaysan Amxaari waxayna ka sheekayn waxyaabaha ay soo arkeen. Labo unbayna mid noqon: Kow, inay dhaqanka iyo luuqadda xabashida dalkeenna ku faafiyaan ogaal la’aan. Arrintaas waxay horseedi inay baddalaan jiilalka soo socda kana dhigaan kuwo ka damman shirqoollada Itoobiya noo maleegayso. Waxaa meesha ka bixi xasaasiyadda iyo cabsida aan ka qabnay ajaanibta gaar ahaan Itoobiya. Cabsidaan ayaa ahayd middi uu dalkeenna ooga badbaaday qaadashada xoogag shisheeyo markuu burburku nagu dhacay. Wali ma is waydiisay sababta hal taako loo qaadan waayay innagoon haysan ciidan difaaco xuddeedaheenna? Taasi waa haddii kaliya caruurta wax naloo soo baro oo aan howl kale la galin. Laakiin haddii la isagu daro dhaqan baddal iyo shaqaalaysiin waxaa soo laaban boqollaal Itoobiyaan noqday kana shaqeeyo danaha Itoobiya. Kuwaan iyadoo loo qabo aqoonyahaniin soomaaliyeed oo dibadda wax kusoo bartay ayaa loo dhiibi meelo muhiim ah. Iyagoo isticmaalayo mansabka ay hayaan ayay u adeegi Itoobiya Soomaaliyana minja-xaabin. Ujeedkaygu maahan inaan diidanahay deeqaha waxbarasho. Dalkeena dib u dhac ayaa ka jiro. Wuxuu ku baahanyahay dhalin aqoon iyo xirfad leh isaguna ma dabooli karo baahidaas. Sidaas darteed cid walba oo deeq waxbarasho na siiso waa soo dhawayn. Laakiin waxaa muhiim ah inaan indhaha kala qaadno, inaan fahanno inay deeqda waxbarasho dhibaatooyin ku hoos jiraan. Waxaa muhiim ah in dowladda iyo kuwa xarumaha muhiimka ah gacanta ku hayo ay hubiyaan cidda ay shaqada u dhiibayaan. Dad weynaha Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inay fahmaan inay Itoobiya farsoomooyin badan isticmaalayso si ay nabad ugala wareegto dhulkeenna. Yaannan eegin siyaasadda iyo ciidanka kaliya ee sidoo kalana aan eegno goobaha waxbarshada iyo deeqaha ay nasiinayso. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u dhac ku yimi duullimaadyadii tooska ahaa ee ay Kenya Airways ka bilaabi lahayd magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. 15-kii bishii hore ayey ahayd in si rasmi ah u bilowdaan duullimaadyada tooska ah ee Kenya Airways isaga kala goosheyso labada dal balse waxaa dib loogu dhigay bishan December shanteea, taasi oo mar kale dhici weyday. Qodobka ugu weyn ee dib u dhigay bilowga duullimaadka diyaaradda Kenya Airways ayaa lagu sheegay in shirkadda ay u qorsheysay in Somalia uga shaqeyso diyaaradda nooceedu yahay Bombardier, oo diyaarad muddo jirtay oo aan tayo fiicneyn. Diyaaradan ma aha mid tayadeedu sarreyso waxaana hore looga sii diiyey wadamo badan oo ay ka mid yihiin Burundi, Djibouti iyo Koonfurta Sudan, balse waxay Kenya Airways rumeysneyd in Soomaaliya aysan jirin cid ka hor-istaageysa. Sababaha ay Kenya ku dooratay diyaaraddan aan lahayn qeybta ganacsiga “Business Class” in ay Soomaaliya u soo dirto ayaa ah qiime jabnaanteeda. Somalia ma lahayn fayo dhawr “Quality Check” balse go’aankan ay ku diiday dowladda Soomaaliya diyaaradda noocaas ah ee bahdilka dalka ku noqon lahayn waxa uu muujiyey wanaagga dowladnimada laga dhaxlo. Dalka waxaa la keeni jiray ama dhici karta in hadaba si hoose lagu keeno badeeco tayadooda xun tahay oo caafimaad xumo keena kara. Sidoo kalena diyaarado qaraab ah loo soo diro. Haddii ay dowladda si buuxda u hirgaliso fayo dhawrka oo dalka burburkii oo dhan ka maqnaa, xaqiiq waxaa hagaagi doona mustaqbalka dalka, waana tallaabo mudan in lasoo dhoweeyo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Nabaddoon Khaliif Aw-cali ayaa galabta iska casilay guddi uu madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey u magacaabay xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland. Khaliif Aw-cali ayaa Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ka shaaciyay is-casilaaddiisa,waxaana uu sheegay in aan waxba laga ogaysiin,islamarkaana lagala tashan magacaabistiisa. Sidoo kale nabaddoonka ayaa sheegay in shaqadiisu tahay xallinta khilaafaadka, balse uusan qeyb ka noqon karin khilaaf laba dhinac u dhexeeya oo u baahan in isaga la xalliyo. Guddiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa tan iyo saaka waxaa is’casilay 2 xubnood oo kamid ah, kuwaasoo kala ah; Axmed Aadan Carab iyo Khaliif Aw-cali. Is-casilaadahan ayaa dhabarjab ku noqonaysa Camey, oo loo arki karo mid fowda ku wada nidaamka dowladeed ee Puntland, sababtoo ah way adkaan doonto inuu taageero helo guddi ay diideen xubnihii ka midka ahaa. Warkaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa maanta lagu eedeeyay dowladda dhexe, waxaana lagu sheegay in faragelin qaawan ay ku hayaan arrimaha doorashada maamulkaasi, ayada oo adeegsaneysa Camey. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  7. Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan La-talinta dhinaca Socdaalka waxay ka digtay Xaalladda aan degganayn ee Ammaanka ee dalka Somalia iyo inay weli jiraan cabsi dhinaca Ammaanka ee Somalia, iyadoo sabab uga dhigtay falal Dembiyeedka sida Burcad-baddeeda iyo waxa ay ugu yeertay Argagixisadda. Telefishinka ABC News oo warkan baahiyey ayaa tilmaamay in Amni-xumida ka jirta Somalia la gaarsiiyey Heerka 4-aad ee ugu khatarta badan, sida lagu muujiyey Halbeegga qiimeynta Hay’adda Ammaanka ee Maraykanka. Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Milliteriga Maraykanka kordhiyeen Duqeymaha ay ka geystaan Somalia, iyagoo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ka taageera dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab. Dhinaca kale, Ciiddamo Maraykan ayaa ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo Tababar iyo La-talin siiya Ciiddanka DFS iyo kuwa AMISOM. Bishii June ee sannadkan, Askari Maraykan ayaa lagu dilay, halka 4 kalena lagu dhaawacay dagaal ay Ciiddamo Maraykan iyo Alshabaab ku dhex maray Deegaanka Baar Sanguuni ee duledka Kismaayo. Dilka Askarigaasi ayaa ahaa kii 2-aad oo Maraykan ah oo lagu dilo Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyey iska horimaadkii Askar Maraykan iyo Maleeshiyo taabacsanaa Jeneral Caydiid oo ku dhex maray magaalladda Muqdisho sannadkii 1993-kii. Si kastaba ha ahaatee, Digniinta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ka soo saartay Khatarta dhinaca Socdaalka ee Somalia waxay ku soo beegantay iyadoo ay Maraykanka Safaarad Rasmi ah ka furteen magaalladda Muqdisho. Xigasho: ABC NEWS
  8. Fiid Khamiiseed ayeey ahayd markii aniga laba dhalinyro ah oo saaxiibaday ah aanu Xaafadda Warta Nabadda meel Geedka garan waaga ah dhexdiisa aanu ka maqalnay Oohinta ilma yar oo codkiisu sii nuxuusayo maadaama uu waqti badan yaalay meesha. Waanu istaagay kadibna waxaanu u leexanay dhanka geedaha waxaanu aragnay ilmo yar oo Ku dhex jira qodxaha Geedka jirkiisana meel walba qodxo Ka taagan yihiin, argagax aanu qadnay kadib waxaan bilaabay inaan ilmaha soo qaado qodxahana ka gyro Isla markaasna waxaan u wacday gabar ila dhalatay oo kalkaaliso caafimaad ah ayada ayaa gar gaar deg Deg ah u samaysay ilaahayna waa bad baadiyey waa ayadaas sawirkeeda aad aragtaan gabadhii yarayd ee aan Qashinka qubka ka soo qaaday. Hadda waxay jirtaa Ku Dhowaad Sanad waxayna ahayd mid aanu wada noolnahay maxaa yeelay waxaa Gacanta ku haysay oo korinaysay cunugtaan yar Gabar walashay ah anigana waxay ii ahayd mid aan iiga duwanayn ilmo aan dhalay maalinkii saddex jeer waan booaan Jiray Habeenkiina ma ay seexan Jiray ilaa aan ciyaarsiiyo, Hooyo iyo aabbe kale mataqaan aan ahayn aniga iyo walaashayda gacanta ku haysay. Habeenkii aan soo qaaday subaxeedii waxaan geeyey oo Warqad kasoo qortay maxkamadda, Saldhigga iyo Degmada Warta Nabadda, warqadaas oo ah mid cadaynaysa inaan cunugtaan helay Isla markaasna aan korsan Karo la Ilana ogaado kadibna aan xaq uleeyahay masuuliyadeeda iyo koriimadeeda, hadda Usbuucii lasoo dhaafay Waxaa dacwad Naga dhaxaysaa islaan sheeganaysa inay dhashay cunugtaan iyo anaga Waana markii afraad aan maxkamadda Gobolka Banaadir Isla tagno. Sida Sharcigu qabo inaan Ku Kala baxno oo aan ku wareejiyo haddii ay sax tahay Ayaan rajaynayaa, Maanta waxaan kajeclahay malahan in aniga La I yiraahdo adaa korsanaya ee hayso cunugtaada maxaa yeelay Silicii iyo Calool xumadii Habeenkii aan Geed yuhuudeedka qodxihiisa ka gurayey ayaa ii muuqda Mar walba, Maalinka Khamiista ayaa balantii ugu danbaysay ee Kala baxa maxkaddu ku dhawaaqaysaa si shareecadda islaamka waafaqsan. Fikirkaaga Ka dhiibo maxaa ku talin lahayd? Yeey kula tahay in loo xukumo Korinta iyo masuuliyadda miskiintaan Qashinka loo quuray? Waxaa Diyaariyay: Bashiir Cilmi
  9. (SLT-Hargaysa)Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa si cad u sheegay in lagu hungoobay waxyaabihii laga filayey madaxweyne Muuse Biixi iyo siyaasadii xisbiga Kulmiye ee uu shacabka u soo bandhigay. Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo xaalada dalka ayaa sidoo kale dhaliilo adag u jeediyey xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani, kuwaas oo uu sheegay inaanay ilaa maanta hayn siyaasad jihaysan oo ay taageerada shacabka ku hantaan. Ugu horayn Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday “Arin kale oo taariikhiya ayaa ka dhacday jamhuuriyada somaliland doorashadii madaxtooyada ayaana si guul ah uga dhacday bishii November 2017, taas oo ay ku tartameen sadexda xisbi ee sharcigu ogol yahay ee kala ah Ucid, Waddani iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, doorashadaas oo ay soo gashay waxoogaa qabyaalad ah oo ka imanayey xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye” Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa fashil ku tilmaamay barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye u soo bandhigay bulshada, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay inaan ilaa hada waxba laga qaban adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale soo bandhigay sababaha fashilka ugu wacan barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo qodobada uu u arko inay keeneen waxaanu yidhi Golaha Wasiirrada ee madaxweyne Biixi waxay burinayaan balanqaadyadii uu ololaha ku galay ee ahaa inuu magacaabo Rag iyo Dumar karti iyo awood leh. Waxa kaloo uu ka tallaabsaday halbeeggii ahaa inaanay Golaha Wasiirradu ka badan 20 Wasiir. Waxaanu madaxweyne Biixi markiiba dib ugu noqday habkii qadiimiga ahaa ee lagu hungoobay, waxaanu magacaabay (32 Wasiir iyo Ku-xigeeno), taasi oo isu dheelitir La’aani ka muuqato, una sadburinaysa reer kaliya oo 22 xubnood qaatay. Biixi wuxuu si wax ku ool ah u yareeyey habkii fadeexada ahaa ee masuuliyiinta sarsare u isticmaali jireen kharashaadka dowladda, balse waxba lagama qaban Koboc la’aanta dhaqaalaha, qaaliga maceeshada, qiimo dhaca lacagta dalka iyo shaqo la’aantii xun ee haysta dhallinyarada. Maamulka Madaxweyne Biixi wuxuu soo waday qorshe xumadii, shaqaale xumadii, taasina waxay wiiqaysaa xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka 27kii sannadood ee ay dib uga soo noqotay madax-bannaanideeda Soomaaliya. Ma jiro wax caddaynaya in Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka midna ay dabaqeen isbeddelkii loo baahnaa. Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu sheegay inaan la aqbali Karin in doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada ee dalku ay mar kale dib u dhacaan iyaga oo qorshaysnaa in la qabto sanadkan 2019. Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu si adag u dhaliilay xisbiyada mucaaridka ah oo uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen doorkii ay lahaayeen, isaga oo si gaar ah u xusay in xisbiga Waddani oo doorashadii madaxtooyada helay in ka badan 40% uu mudo sanad ku dhaw ka soo waaqsan la yahay guul daradii ka soo gaadhay doorashadii, isaga oo xusay inaanu xisbiga Waddani ilaa hada muujin wax calaamada oo tilmaamaysa inuu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh. Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in isbadalada ka socoanaya geeska Afrika ee uu hormoodka u yahay raysal wasaaraha Itoobiya ay go’doon galiyeen somaliland iyada oo xukuumada madaxweyne Muuse Biixina aanay la iman wax qorshe ah. Hoos ka Akhriso Qoraalka Proff Axmed Ismaciil Samatar Somaliland’s Stakes In A Fast Changing Horn Of Africa – Professor Ahmed I. Samatar Source
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-051218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Somaliland: Ethiopia and Somaliland Ties Will Always Endure The new Ethiopian Prime Minister, Abiy Ahmed, has been conducting new diplomatic approaches across the Horn of Africa. Mr. Ahmed’s new administration has decided to offer an olive branch to Eritrea. The relationship between the two nations has been, to put it mildly, quite frosty. Since, technically, both countries have been at war for almost three decades. Flush from the nascent Ethiopian-Eritrean agreement, Prime Minister Ahmed, has turned his attention into creating a triumvirate block in the Horn of Africa, consisting of, Ethiopia, Eritrea and the federal entity in Mogadishu. The new diplomatic maneuvers by Prime Minister Abiy Ahmed, would seemingly appear to have consequences for Somaliland. It has long being the policy of the federal entity in Mogadishu to try isolate Somaliland, diplomatically and politically. Given the fact that the weak and non-representative federal entity (no direct mandate from the population) has been unable to use force to try and subjugate Somaliland, it has began to, under the leadership of the late dictator Siyad Barre’s relative, Mr. Farmajo, attempt to undermine the economic and diplomatic progress of Somaliland. The federal entity in Mogadishu has failed to halt the Dubai World expansion of the Berbera port. The federal entity in Mogadishu has failed in its attempt to destabilize the eastern fringes of Somaliland by using its proxy region, Puntland. The federal entity in Mogadishu has failed in its attempt to lift the UN arms embargo in order to arm the enemies of Somaliland. The federal entity in Mogadishu will fail in its attempt to drive a wedge between Somaliland and Ethiopia, by using tribal politics in the Somali region of Ethiopia. The Ethiopian-Somaliland relationship is based on mutual respect and understanding. These historic ties will remain irrespective of any political or diplomatic moves. Whether the Ethiopian consulate remains open or the Somaliland Liaison office in Addis Ababa is relocated, is neither here nor there. Somaliland and Ethiopia will always work together on the major issues in the region. Ethiopia is Somaliland’s political and commercial partner. We work together on security issues and democratic progress. Both countries play host to a large population from each other. From teachers, to doctors, to nurses, to businessmen, to the ordinary barber in Hargeisa. Somaliland and Ethiopia are partners in the largest commercial endeavours in the region, from the Berbera corridor, to transport, commerce, agriculture, education, finance, fishing, livestock,to hydro-electric power supply. So, it will always be business as usual. Politicians and administrations will come and go, but the commercial, cultural and social ties will continue to flourish. One last point, a reminder to Somaliland’s political opponents, we thrive in adversity. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo weerar khasaaro geystay uu ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose waxay ka hadleen weerarkaasi iyo waxyeelada ka dhalatay. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan oo ay la eegteen ciidamada Al Shabaab oo ku sugan deegaankaasi saldhig ay ku lahaayeen. Goobta la weeraray ayuu sheegay in Al Shabaab ay ku uruurin jireen Canshuurta , sidoo kale wuxuu sheegay in goobta ay ka qorsheynayeen weeraro ay ka fuliyaan gobolka Shabeelaha iyo magaalada Muqdisho. Walow uusan sheegin tirada Al Shabaab ay ee ku dhintay weerarka, haddana wuxuu sheegay in saraakiil ay kamid ahaayeen dadka lagu dlay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. NISA ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in waxyaabaha qarxa oo Al SHabaab ay diyaarinayeen laga hortagay, islamarkaana goobta lagu dilay xubno muhiim u ah Al Shabaab. Guddoomiyaha gobolka SHabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ku raadjoogaan xarumo kale oo Al Shabaab ay ka diyaariyaan weerarada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho. Weerarkaasi waxaa si Wadajir ah u fuliyay ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaya ciidamada Dowladda Soomaaliya. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Ximkiisu ku egyahay Janaayo 8deeda sanadka soo socda ayaan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu Musharax yahay inkastoo dhowrjeer [...] Source
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubno ka tirsan Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay Mooshin ka diyaariyeen heshiisyo ay tilmaameen inay dowladda dhowaan lagashay dalalka caalamka. Mudanayaasha oo war-fidiyeenka kula hadlay gudaha xarunta Aqalka Hoose ee magaaladda Muqdisho ayaa si gaar ah waxay farta ugu fiiqeen heshiisyada ay dowladdu la gashay dalalka Ethiopia iyo Eritrea. Sharci-dejiye Cabdifitaax Daahir Ismaaciil, oo kamid ah Xilldhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in heshiisyadda la horkeeno Gollaha si loo turxaan bixiyo. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Mutawakil.mp3 The post Mooshin laga diyaariyay heshiisyada ay gashay dowlada appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeeshay Muqdisho. Fadhiga Gollaha oo ahaa kulankii 9aad oo qayb ka ah Kal-fadhiga afaraad, ayna soo xaadirtay 31 mudane ayaa waxaa shir gudoomiyay Afhayeenka Gollaha, mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Gudoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor aqrisay ayaa shaacisay in lagu soo daray talooyin ka yimid mudanayaasha. Intaa ka dib, waxaa goluhu cod galiyay hidise sharciyeedka oo ay ansixiyay dhamaan sanatarda goobjoog ahaa kulanka oo gaarayay 31 mudane. Waxaa kaloo ka soo qeyb galay fadhiga, wasiirka wasaarada cadaalada, Abuukate Xassan Xuseen Xaaji. Wasiirka oo umahad-celiyay Xilldhibaanadda ayaa cod ujeediyay Sharci-dejiyaasha Aqalka Hoose isaga oo ka dalbaday inay dhankooda meel-mariyaan. Sharcigaan ayaa la horgayn doonaa Madaxwaynaha dalka si uu usaxiixo, islamarkaana loogu soo saaro faafinta rasmiga ah. The post Xubnaha Aqalka Sare oo meel-mariyay sharci muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Ciidamo ka tirsan Malayshiyaadka Muuse Bixi , ayaa la sheegay in deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool in ay ka qafaasheen Xaawo Cali Cismaan oo ahayd [...] Source
  17. Garowe (Sh.M.Network) – War kasoo baxay xafiiska Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa lagu sheegay in dowlada Federaalka ay faragelin ku hayso arrimaha doorashooyinka maamulkaan. Ku xigeenkiisa Cabdi Xakiin Xaaji Cumar [Camey] oo dhowaan ka hor-yimid Guddiga khilaafaad xalinta oo uu Gaas magacaabay ayaa lagu sheegay bayaanka inuu arrintaasi dano gaar ah ka leeyahay ayna ka dambeyso dowlada dhexe. Madaxwaynaha Puntland ayaa geesta kale wuxuu difaacay sharciyada Guddiga uu soo magacaabay, kuwaasi oo uu carabka ku dhuftay inuu awood usiinayo Dastuurka ugaarka ah dowlad goboleedkani. Ugu dambeyntii, war-saxaafadeedka ayaa lagu cadeeyay in Guddiga uu Gaas magacaabay oo ka kooban 10 xubnood ay shaqadooda guda geli doonan, islamarkaana doorashadda ay ku qabsoomeyso xiligeeda. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka The post Maamulka Puntland oo eedayn culus ujeediyay DFS appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Kulanka guud ee Golaha Shacabka waxa uu ka koobnaa hal ajande, oo ahaa akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Mashruuca Liilitirka ama xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda. Shir gudoonka wuxuu ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Ugu horeyn, Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, oo ah Xoghayaha guddiga Xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada golaha u faah faahiyay xeerka xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda iyo meelaha wax ka bedelka ay ku sameeyeen. Guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa sheegay in xeerkan ay kusoo dareen dhamaan talooyinkii iyo fikradihii ay horey xildhibaanada ugu Biiriyeen. Xilldhibaan Yaxye ayaa inta uu ku guda jiray hadal-jeednta wuxuu golaha ka codsaday in cod la geliyo si uu meel mar u noqdo. Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka,ayaa cod geliyay Xeerka Xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda. 167-Xildhibaan oo fadhiga soo xaadirtay ayaa ogolaatay in la meel-mariyo ,iyadoo uu diiday hal mudane, xili labo kale ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. The post Golaha Shacabka oo ansixiyay Xeerka xuquuqda Siyaasiinta Dowladda appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-051218-web.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Nabadoon Khaliif Awcali ayaa galabta Warbaahinta ka sheegay inuu iska casiley xubinimada guddi ansixin iyo khilaafaad oo uu magacaabay Madaxweyne kuxigeenka PUNTLAND. Nabadoon Khaliif Awcali [...] Source
  21. Nabaddoon Khaliif Aw-cali ayaa galabta iska casilay guddi uu madaxweyne ku xigeenka Puntland u magacaabay xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland. Khaliif Aw-cali ayaa Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ka shaaciyay is-casilaaddiisa,waxaana uu sheegay in aan waxba laga ogaysiin,islamarkaana lagala tashan magacaabistiisa. Sidoo kale nabaddoonka ayaa sheegay in shaqadiisu tahay xallinta khilaafaadka,balse uusan qeyb la noqon karin khilaaf laba dhinac u dhexeeya oo u baahan in isaga la xalliyo. Guddiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Camey oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa tan iyo saaka waxaa is’casilay 2 xubnood oo kamid ah,kuwaasoo sheegay in aan lagala tashan magacaabistooda. PUNTLAND POST The post Xubin kale oo iska’casilay guddigii Camey magacaabay appeared first on Puntland Post.
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, iyaga oo dhawaan soo kala saaray laba gudo oo is khilaagsan. Gaas waxa uu magacaabay gudiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka isaga oo aan ka talo galin Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo dastuurku dhigayo in ay magacaabista qeyb ka ahaadaan. Camey oo la tashaday gudoomiyaha baarlamaanka waxa uu durbadiiba soo magacaabay gudi kale oo xiisad ka abuuray Garowe iyo Puntland guud ahaan. Iyada oo uu xaalka halkaas marayo ayaa waxaa hadda Garowe laga dareemayaa jawi collaadeed iyo kala shaki. Musharixiinta Puntland oo dhammaan wada hubeysan ayaa laga baqayaa in ay sida ay ku hanjabeen dagaal toos ah la galaan Cabdiweli Gaas. Camey iyo Buuhoodle Warar lagu kalsoonyahay ayaa tibaaxaya in Injineer Camey uu Buudoodle ka dalbaday meeleshiyaad 100 gaaraya oo beeshiisa ah iyada oo uu ujeedku yahay in uu Gaas kula dagaalamayo xulista 17-ka xildhibaan ee ay Sool clan ku leeyihiin 66-da uu baarlamaanka ka kooban yahay, oo Gaas uu doonayo inuu soo xulo.. Khilaafka ugu weyn ee ka dhextaagan hadda ayaa sida la ogyahay salka ku haya cidda xuli doonta 17-ka xildhibaan ee beesha Siciid Harti (Sool clan). Haddii Gaas uu xulo waxay la macno tahay inuu doorashada ku guuleystay, taasi oo Camey uu diidan yahay. Camey ayaa sidoo kale qaba cabsi kale oo u gaar ah, maadaama ciidamada Garoowe jooga ay badankood ka amar qaataan Gaas. Maxaa dhici kara? Haddii ciidamada uu Camey dalbaday soo galaan Garowe waxa ay halis galin doonaan ammaanka magaalada oo markii hore la ciir ciireysay maleeshiyo beeledyo kala taabacsan musharixiinta 30-ka ku dhaw ee u taagan xilka Madaxweyne ee Puntland. Dareenka shacabka Garowe? Shacabka Puntland ama beesha Harti dhammaan waxa ay qirsan yihiin in Cabdiweli Cali Gaas xaaladda xumeeyey kaddib markii uu talada ka maroorsaday ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka. Hore wey u dhici jirtay in Madaxweyne xilka haya so magacaabo gudiga xallinta khilaafaad iyo ansixinta baarlamaanka balse waa markii ugu horreeysay ee uu qaab kali talisnimo ah madaxweyne u magacaabo guddi nocaas ah. Caasimada Online Xafiiska Garooowe Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Siciid Muuse. Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Garoowe horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga. Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Garoowe ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in mustaqbalka la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dawladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka. Dhankiisa, Duqa Garoowe, Axmed Siciid Muusea ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu. Duqa Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dawladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoonsiiyey duqa Garoowe labo kamid ah basaska waaweyn ee dadweynaha oo loo qorsheeyey Caasimadda Puntland, isagoona ugu hambalyeeyay Duqa Garoowe, Kuxigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka doorashadii dhawaan lagu soo doortay. PUNTLAND POST The post Duqa Magaalada Muqdisho iyo Duqa Garoowe oo kawada hadlay Horumarka iyo Iskaashiga appeared first on Puntland Post.