Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,067
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi)-Waxaa baraha bulshada ee dalka Kenya qabsaday muuqaal uu soo duubay Siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macallin oo sannadihii 2007-da ilaa iyo 2013-ka ahaa guddoomiye ku xigeenkii barlamaanka Kenya. Muuqaalkan oo uu horudhac uga dhigay barnaamij uu sheegay in uu daadihin doono, lagan a baahin doono telefishenka Ebru ee dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in uu uga golleeyahay sidii loo falanqeyn lahaa arrimaha ka taagan dalka Kenya oo ay kamid tahay hay’adda sharci dejinta. Faarax ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka uu ku marti qaadi doono xeel dheerayaasha qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay kamid yihiin siyaasiyiinta iyo dadka kale, waxaana uu intaa raaciyay in barnaamijka uu soo geli doono toddobada fiidnimo ee maalinta talaadada, wuxuuna socon doonaa saacad. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @EbruTVKenya 57 people are talking about this Twitter Ads info and privacy Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @EbruTVKenya Faarax maccalin ma wuxuu isu badelay wariye? Dad badan ayaa isweydiiyay mar haddii Faarax uu noqon doono barnamaij daadihiye inuu isu badelay wariye, hasa yeesehee wareysi ay BBC-du la yeelatay ayaa Faarax Maccalin waxa uu sheegay in uusan isu badelin saxafi, balse uu yahay qof doonaya in barnamaijkaasi lagu taxliiliyo waxyaabaha ka taagan Kenya. ”Maya anigu wariye ma noqonin, qaaradda Afrika oo keliya ayaad ku arkeysaa meel ay barnaamijyada dooda ad adag ay daadihiyaan dad iska caadi ah oo wariyeyaal ah, meelaha kale waxaa barnaamijyadaasi daadihiya dadka dhiga jaamacadaha” . Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Faarax Macallin. Faarax Macallin ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka uu yahay mid dadka loogu bidhaamin doono waxyaaba badan, isagoo na tusaale u soo qaatay barnaamijka HardTalk ee BBC-da iyo barnaamijkii Jesse Jackson oo ahaa nin u olloleyn jiray xuquuqda dadka rayidke ee Mareykanka, soona bandhigi jiray barnaamijyo dooda ah oo lagaga hadlayo waxyaabaha ka taagan Mareykanka iyo arrimaha bulshada. ”Meesha keliya ee sida dhabta ah la isku la xisaabtami karo waa warbaahinta, waxaana aan dareemay in warbaahinta Kenya xogta lagu soo bandhigi ay aad u yartahay”. Ayuu raaciyay Faarax Macallin. Dhexdhexaadnimada Inta badan siyaasiyiinta ayaa looga bartay in ay aad u difaacaan afkaarta ay aaminsanyihiin, hasa yeeshee Faarxa ayaa sheegay in dooda uu daadihiin doona ay u baahantahay oo keliya in la ilaaliyo anshaxa iyo asluubta balse aysan jirin qof dhexdhexaad ah, wuxuuna intaa racaiyay in uu aqoon u leeyahay qeybinta doodaha, maadaama uu horay usoo noqday ku xigeenka afhayeenka barlamaanka Kenya isagoo katirsan xisbi. Source
  2. (SLT-Jigjiga)-Wasaaradda Macdinta, Shidaalka iyo Saliidda Dabiiciga ee Itoobiya ayaa sheegtay Soo saarista Shidaalka Deegaanka Soomaalida laga helay in lagu soo gabagabeeynaya saddex sano. Agaasinka waaxda maamulka shatiyada shidaalka ee wasaaradda Qasala Tadese ayaa sheegtay iney jiraan marxalado dhowr ah oo ka horreeya oo uu shidaalka soo saaristiisu marayo inta aan la isticmaalin ka hor. Waxayna intaa ku dartay “in la qodayo boqollaal ceel oo kale isla-markaana la fulinayo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo fududeynayo shidaalka in muddada looga tala galay dalku uu ku soo saaro.” Sida oo kale deegaanka Soomaalida shidaalka laga helay oo keli ah iyada oo aan lagu ekaaneyn waxaa sida oo kale baarid iyo soo saaridba laga sameeynayaa qaybaha kale ee dalka ee shidaalka laga helay. Waxayna wasaaradda macdinta Bishi June ee Sanadkan shaaca ka qaadday in keyd shidaal oo aad u badan laga helay Deegaanka Soomaalida ee ku yaallo bariga dalka Itoobiya. Ilaa iyo hadda waxaa shidaal laga helay shan qaybood oo dalka Itoobiya ka mid ah sida Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella balse waxaa marki ugu horreysay shidaal laga soo saaray Deegaanka Soomaalida qaybo ka mid ah tijaabadi la sameeyeyna lagu guuleystay. Ceelasha la tijaabiyey halkeey ku yaalliin? Ceelasha shidaalka ee la daahfuray ayaa waxa ay ku yaallaan deegaannada Kaali iyo Ilaalo oo ka tirsan deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya. Xafladda furitaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynihi hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya. Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 fuusto oo shidaal ah. Shidaalka gobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet. Shidaalka ceyriin ee goobtaasi laga helo ayaa waxa lagu wadaa in loo safriyo magaalada Addis Ababa iyo qaybaha kale ee dalka Itoobiya si gudaha loogu sifeeyo inta lagu guda jiray tijaabada. “Waxaa muhiimka ah ayaa waxa uu yahay qaabka uu wadanka u isticmaalayo kheyraadka. Lahaanshaha sawirka.Image captionDr Abiy Axmed “Waa qasab in aan isku raacno in si xaq iyo sinaan ah loo qaybsado kheyraadka,” ayuu yiri rai’sul wasaare Abiy. Raisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar. “Mararka qaar kheyraadka ayaa horseeda dagaal sida ka dhacday dalalka kale,” ayuu yiri Dr Abiy. Itoobiya goormey shidaal dhoofinta billaabeysaa? Dhoofinta shidaalka ayaa lagu wadaa in ay bilaabato sanadda 2021. Shidaalkani ayaa waxaa lagu wadaa in uu sanooyiinka ugu horeeya ka soo galo dalka Itoobiya dhaqaala dhan 1.2 bilyan oo doolar. Balse dhaqaalaha ka so baxa ayaa si tartiibtartiib ah u kordhi doona waxaana lagu wadaa in uu gaaro 7 bilyan oo doolar. Khuburada ayaa sheegaya in khayraadkan dabiiciga ah haddii si xaq ah oo wanaagsan loo isticmaalo uu gacan ka gaysan doono in lacagta Itoobiya uu qiimaheedu sare u kaco islamarkana uu dhaqaalaha dalkaasi si xawli ah u kobco. Waxaa sidoo kale shidaalkan laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya uu gacan ka gaysan karaa in dadka ay helaan fursado shaqo. Waxaa jira cabsi dhanka ammaanka ah maadaama horey injineero shidaal qodis ka waday deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu laayay halkaasi. 2007 ayay ahayd markii 11 injineer oo u dhashay dalka Shiinaha iyo 74 qof oo ah dadka u dhashay dalkaasi ay jabhadda ONLF ku dileen halkaasi. Balse gobolka ayaa imika la sheegay in uu ammaan uu yahay . Ibraahim Sheekh Muxumed, {Ibraahim Dheere} oo horay madax uga ahaa ururukii UWSLF, ee xorenta Soomaali galbeed oo Itoobiya horay ula heshiiyay ayaa sheegay in ay tahay fursad aad u fiican oo ay dadka deegaankaasi sugayeen muddo qarni ka badan. Mr Ibraahim ayaa intaa ku daray in caqabadaha ka hor imaan kara arrintani ay ka mid tahay arrinta amniga ayna tahay in arrintaasi la xaliyo. Waxa uu sheegay in sanooyiin ka hor weerar lagu qaaday goob shidaal laga qodayay oo deegaanka ka tirsan lagu laayay injineero islamarkana ay tahay in arrintaasi la xaliyo si kalsoonida shirkadaha loo kasbado. “Waxaan ogsoonahay in mar hore rag injineero ah oo shiineysa ah lagu laayay oo jabhadihii dagaalamayay ay laayeen marka taasi waxay u baahan tahay in la xaliyo oo jabhadaasi ONLF lala hadlo oo lala heshiiyo si degdeg ahna kiiskaasi loo dhameey”.ayuu yidhi Source
  3. Jigjiga (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in muddo seddex sano ah lagu soo gabogabeynayo qorshaha soo saarista Shidaalka laga helay deegaanka Soomaalida, kadibna la bilaabi doono iibinta shidaalkaasi. Waxay taasi ka dhigan tahay in seddex sano kadib dowladda Ethiopia ay bilaabeyso dhoofinta Shidaalka laga helay deegaanka oo tijaabooyin kala duwan maraya. Agaasimaha waaxda maamulka shatiyada shidaalka ee wasaaradda Macdinta Qasala Tadese ayaa shaacisay in ka hor inta aan lasoo saarin shidaalka in marxalado kala duwan la marayo, kadibna uu bilaaban doono iib geynta shidaalkaasi. Waxay sheegtay “in la qodayo boqollaal ceel oo kale isla-markaana la fulinayo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo fududeynayo shidaalka in muddada looga tala galay dalku uu ku soo saaro.” Qasale Tadese, ayaa sidoo kale sheegtay inay baaritaan shidaal ka bilaabi doonaan deegaano kale oo Ethiopia ka tirsan, islamarkaana an lagu ekaan doonin kaliya deegaanka Soomaalida. Ilaa iyo hadda waxaa shidaal laga helay shan qaybood oo dalka Itoobiya ka mid ah sida Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella balse waxaa marki ugu horreysay shidaal laga soo saaray Deegaanka Soomaalida qaybo ka mid ah tijaabadi la sameeyeyna lagu guuleystay. Dr Aby Axmed ayaa horey u shaaciyay in Ethiopia ay shidaal badan soo saari doonto, taasi oo dhaqaalaha qeyb weyn ka qaadaneyso, waxaana la qorsheynayaa in maalintii lasoo saaro 450 Fuusto oo shidaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Taaliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya gaar ahaan Shabeellada hoose ay ku dileen rag ka tirsan Al-shabaab. Howlgalka oo ay si wada jir ah u qaadeen Mareykanka iyo waxa ay ku sheegeen saaxiibada, kana dhacay Awdheegle ayaa lagu dilay 4 Al-shabaab ah, iyaga oo intaasi raaciyey in aaney ku jirin waxyeelo shacabka. Mareykanka ayaa sanadkan keliya waxaa uu fuliyey in ka badan 38 duqeyn ah, taas oo ka badan sanadihii la soo dhaafay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Nairobi (Caasimada Online)-Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo shalay warqadaha aqoonsiga laga guddoomay ayaa ka hadlay howlaha horyaala safaaradda iyo waxyaabaha uu xooga saari doono. Tarsan, ayaa ugu horeyn u mahadceliyay xubnihii ka horeeyay ee ka shaqeynayay safaaradda magaalada Nairobi, isagoo sheegay in fariinta madaxweyne Farmaajo ee la xiriirta xiriirka diblumaasi ay xooga saari doonaan dhaqan gelinteeda. Isaga oo ka hadlayay warqadihii laga guddoomay ayuu sheegay in dowladda Kenya ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya, islamarkaana ay wanaajin doonaan xiriirka dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan jirin Dal Soomaaliya kaga muhiim Kenya, isaga oo aan cadeyn wuxuu kala jeeday arintaasi “Ma jiro dal Kenya nooga muhiimsan, Kenyattana waan u sheegay isagana wuu igu raacay”ayuu yiri Tarsan. Mar u ka hadlayay Waxyaabaha uu ka shaqeyn doono ayaa wuxuu sheegay inuu xooga saari doono sidii isku socodka Soomaalida iyo Kenya u hagaagi lahaa, taasi oo qeyb ka qaadaneyso xoojinta dhaqaalaha labada dal. Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayuu sheegay inuu ku dhisan yahay Is aaminaad, Wax wada qabsi iyo iska Warqad, taasina uu sii xoojin doono muddada uu hayo xilka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya. Tarsan ayaa kamid ahaa shaqsiyad Mucaarad ku ahaa dowladdii Xasan Sheikh, laakiin hadda heshiis kula jira dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  6. Qaar ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee laga keenay dalka Yemen ayaa cabasho ka muujiyey Hay’adda UNHCR, kadib markii ay sheegeen iney ballamo uga baxday. Dadkan oo soo booqday Goobjoog ayaa sheegay in hay’adda u ballanqaadday markii ay soo qaadeysay in muddo Lix bil ah ay lacago siin doonto iyo sidoo kale raashiin. Markii ay Muqdisho yimaadeen ayeey sheegtay iney uga baxday oo laga soo eryey xarunta ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Qaarkood ayaa sheegay in Muqdisho aanay dad u joogin, ehelkoodana ku nool yihiin gobollada dalka, balse aysan haysan wax ay ku aadaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WAR-ANFAC.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle ayaa waxay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ka waddaa kulamo looga arrinsanayo sidii loo soo dhisi lahaa goleyaasha deegaanka. Degmooyinka gobolka Shabellaha Dhexe oo ay ugu horreyso Jowhar ayaa la doonayaa in loo dhiso gole deegaan oo doorta hoggaanka maamullada degmooyinkaasi. Maxamed Cali Caadle oo ah wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa sheegay in la doonayo maamulka in la gaarsiiyo meesha ugu hooseysa si dadka oo dhan uga qeybqaataan. Goleyaasha deegaanka ee la dhisayo ayuu sheegay iney horseed u noqon doonaan in shacabka ay codkooda kusoo doortaan cidda ay rabaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/War-Cabdala-Cusmaan.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa ka jira qalqal dhanka siyaasadda ah, iyadoo bilihii ugu dambeeyey magaaladaasi ay ka taagneyd xaalad kacsanaan oo dhanka siyaasadda ah. 19-ka bishan ayaa loo ballansan yahay iney dhacdo doorashada madaxweynaha K/galbeed, wallow ay marar badan dib u dhacday. Shacabka iyo siyaasiyiinta ku sugan Baydhabo waxay qaarkood qabaan aragti ah in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso doorashada K/galbeed. Arrinta ugu weyn ee ay ka qeylo qaadeen dhinacyadan ayaa ah ciidamadii dowladda dhexe ay dhowaan geysay magaalada Baydhabo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Warbixin-Xiisada-Siyaadeed-Baydhaba-kajirta-Warcade.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Maamulka gobolka Gedo ayaa ka hadlay xiisad ka jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo maamulka degmadaasi is qabqabsi uu ka dhaxeeyo. Cismaan Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka Gedo ayaa sheegay in maamulka Jubbaland mas’uul ka yahay waxa ka socda degmadaasi. Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenkan in wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland usoo magacawday guddoomiye Labo shaqsi, taasina ay keentay isku dhac inuu yimaado. Cismaan ayaa ka dalbaday ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baardheere in aanay wax shaqo ah u ogolaan mas’uuliyiintan si looga fogaado dagaal sokeeye. Baardheere weli waxaa ka jirta xiisad, iyadoo aan si rasmi ah loo qaadin Bandowgii shalay lagu soo rogey degmadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Xildhibaan Maxamed Colaad Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa ka hadlay xaaladda degmada Buul-burde ee gobolka Hiiraan, kadib booqasho uu ku tagey degmadaasi. Wuxuu tilmaamay xildhibaanka inuu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, ayna u sheegeen in dhibaatooyin badan ay qabaan. Waxa uu sheegay xildhibaanka in cabashada ugu weyn ee ay qabaan shacabka ay tahay waddooyinka soo gala degmadaasi oo u xiran Al-shabaab. Dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabelle ayuu ugu baaqay iney u gurmadaan shacabka Buulo-burde iyo sidoo kale iney furaan waddooyinka xiran. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Buula-Burde-Hiiraan-Xildhibaan-By-Ziyaad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in diyaar garowga soo dhaweynta guddoomiyaha aqalka sare laga dareemayo magaaladaasi. Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagaya magaalada Kismaayo, halkaasi oo marar kala duwan ay tageen xubno dowladda ka tirsan. Ujeedada socdaalka guddoomiyaha aqalka sare ee magaalada Kismaayo ayaa la ogaaday inuu qeyb ka yahay dadaalada la doonayo in lagu dhameeyo xalinta Khilaafaadkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Madaxda Jubbaland oo uu kamid yahay madaxweynaha maamulkaasi iyo xubnaha ugu sareeyo Jubbaland ayaa la filayaa inu kulamo kala duwan la qaato, waxaana ay ka wada hadlayaan dhameynta Khilaafka iyo waxyaabaha Keenay. Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo kasoo laabtay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi oo qeyb ka ahaa dadka ka qeyb qaadnaya isku soo dhaweynta dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada. Xildhibaano ka tirsan aqalka sare iyo golaha shacabka ayaa sidoo kale dadaalaan qeyb ka ah, waxaana Jubbaland ay horey u shaacisay inay wax iska badaleen go’aankoodii hore. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  12. Amiir Khaled bin Farhan Al Saud oo ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga balse dibad joog ah, ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan la ridi doono, isaga oo sheegay in afgambigaasi uu ka imaan doono meel uusan ka fileyn. Amiir Khaled ayaa yiri ” Haddii qoyska ay doonayaan in wiilkooda Maxamed Bin Salmaan la wareego boqortooyada, mowjado qalalaaso ah ayaa dhici kara, qaabka maamul ee boqortooyada waa nooc jaahilnimo iyo Dhalanteed ama been abuur” “Waxaan Rajeynayaa inuu dhici doono afgambi fudud, afgambigaasi oo ka dhan ah xukunka Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka hay’addaha amaanka, kadibna waxaa meesha laga saari doonaa dhaxal sugaha iyo boqorka” ayuu hadalkiisa kusii daray. Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaq kasta oo ka yimaada dhanka qoyska Boqortooyada uusan ahaan doonin mid ay boqor Salmaan iyo Maxamed Bin Salmaan iska difaaci karaan dhankooda. Sida uu sheegay Amiir Khaled, Amiir Axmed Bin Cabdul Casiis, oo ah ninka la rabo inuu xukunka la wareegio, waxaa saaran cadaadis xoogan, waxaana dhaqdhaqaaqiisa iyo xiriiradiisa yihiin kuwo lala socdo. “Waxay u muuqataa in howsha aysan ka imaan doonin isaga, laakiin dhinacyada kale ee ku xeyndaaban ayaa fulin doona afgambiga, kadibna afgambiga ka dhanka ah Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa dhacaya” “Waa Suuragal in Maxamed Bin Salmaan uu xero adeerkii Axmed Bin Cabdi Casiis ama uu shirqoolo haddiiba uu awoodo, laakiin waxay u muuqataa mid ku adag marka loo eego waxa qoyska dhexdooda ka dhex dhacaya” ayuu yiri. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo xiisadda ka dhex oogan xubnaha qoyska boqortooyada ay sii kordheyso islamarkaana kuwa badan ay doonayaan in meesha laga saaro boqor Salmaan Qaran News
  13. Mareykanka oo soo saaray war cusub oo ku saabsan Somalia xaalad jirta awgeed Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan La-talinta dhinaca Socdaalka waxay ka digtay Xaalladda aan degganayn ee Ammaanka ee dalka Somalia iyo inay weli jiraan cabsi dhinaca Ammaanka ee Somalia, iyadoo sabab uga dhigtay falal Dembiyeedka sida Burcad-baddeeda iyo waxa ay ugu yeertay Argagixisadda. Telefishinka ABC News oo warkan baahiyey ayaa tilmaamay in Amni-xumida ka jirta Somalia la gaarsiiyey Heerka 4-aad ee ugu khatarta badan, sida lagu muujiyey Halbeegga qiimeynta Hay’adda Ammaanka ee Maraykanka. Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Milliteriga Maraykanka kordhiyeen Duqeymaha ay ka geystaan Somalia, iyagoo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ka taageera dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab. Dhinaca kale, Ciiddamo Maraykan ayaa ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo Tababar iyo La-talin siiya Ciiddanka DFS iyo kuwa AMISOM. Bishii June ee sannadkan, Askari Maraykan ayaa lagu dilay, halka 4 kalena lagu dhaawacay dagaal ay Ciiddamo Maraykan iyo Alshabaab ku dhex maray Deegaanka Baar Sanguuni ee duledka Kismaayo. Dilka Askarigaasi ayaa ahaa kii 2-aad oo Maraykan ah oo lagu dilo Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyey iska horimaadkii Askar Maraykan iyo Maleeshiyo taabacsanaa Jeneral Caydiid oo ku dhex maray magaalladda Muqdisho sannadkii 1993-kii. Si kastaba ha ahaatee, Digniinta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ka soo saartay Khatarta dhinaca Socdaalka ee Somalia waxay ku soo beegantay iyadoo ay Maraykanka Safaarad Rasmi ah ka furteen magaalladda Muqdisho. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka ka dhex taagan ra’iisul wasaare Kheyre iyo guddoomiyaha baarlamanka ayaa weli taagan, waxaana la isku mari la’yahay go’aanka uu Mursal ka qaadan lahaa kala diristii guddiga maaliyadda baarlamanka. Guddigan oo uu kala diray guddoomiye ku-xigeenkiisa koowaad Cabdi Weli Muudey, kadib markii ay musuq maasuq ku eedeeyeen xukuumadda, ayaa sida la rumeysan yahay, Mursal wuxuu doonayaa in dib loo so celiyo, oo qaabkii lagu kala diray ay ahayd sharci darro. Si kastaba, xukuumadda oo ay aad isugu dhow yihiin Mursal, markii horena ka dhigtay guddoomiye, ayaa kasoo horjeedda arrintan, ayada oo u aragta guul-darro siyaasadeed, si ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Wada-hadallo socday dhowrkii malamood ee tagay ayaa la isku mari waayey, waxaana jira warar sheegaya in haddii guddiga sidan ku baxo, Mursal uu rumeysan yahay inay ku caddaan doonto tuhunka lag qabo ee ah inuu yahay nin xukuumadda ay maamusho oo aanay waxba ka go’in. Si labada dhinacba ay u helaan waxa ay doonayaan, ayaa wararku waxay sheegayaa in ra’iisul wasaaraha ogolaaday in guddiga lasoo celiyo, balse dalbaday in is-beddel weyn lagu sameeyo. Waxyaabaha Kheyre codsaday waxaa ka mid ah in xubnaha guddiga ee kasoo horjeeda xukuumadda lagu beddelo kuwa taageersan, islamaarkaana guddoomiyaha guddiga laga dhigo mid taageersan xukuumadda. Guddiga ayaa ka kooban 18 xubnoo, oo 10 ka mid ah ay raacsan yihiin xukuumadda halka 8 ay yihiin mucaarad. Balse xubnaha mucaaradka ayaa ah kuwa haya xilalka ugu muhiimsan guddiga, islamarkaana leh saameynta ballaaran. Lama yaqaan sida Mursal uu ka yeeli doono qorshahan cusub, oo la sheegay in hadda laga shaqeynayo qaabkii loo hir-gelin lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Prof. Axmed Ismaciil Samar Oo Si Cad U Sheegay Inay Fashilantay Hoggaamintii Muuse Biixi, Wixii Laga Filaayayna Lagu Hungoobay. Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa si cad u sheegay in lagu hungoobay waxyaabihii laga filayey madaxweyne Muuse Biixi iyo siyaasadii xisbiga Kulmiye ee uu shacabka u soo bandhigay. Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo xaalada dalka ayaa sidoo kale dhaliilo adag u jeediyey xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani, kuwaas oo uu sheegay inaanay ilaa maanta hayn siyaasad jihaysan oo ay taageerada shacabka ku hantaan. Ugu horayn Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday “Arin kale oo taariikhiya ayaa ka dhacday jamhuuriyada somaliland doorashadii madaxtooyada ayaana si guul ah uga dhacday bishii November 2017, taas oo ay ku tartameen sadexda xisbi ee sharcigu ogol yahay ee kala ah Ucid, Waddani iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, doorashadaas oo ay soo gashay waxoogaa qabyaalad ah oo ka imanayey xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye” Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa fashil ku tilmaamay barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye u soo bandhigay bulshada, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay inaan ilaa hada waxba laga qaban adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale soo bandhigay sababaha fashilka ugu wacan barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo qodobada uu u arko inay keeneen waxaanu yidhi Golaha Wasiirrada ee madaxweyne Biixi waxay burinayaan balanqaadyadii uu ololaha ku galay ee ahaa inuu magacaabo Rag iyo Dumar karti iyo awood leh. Waxa kaloo uu ka tallaabsaday halbeeggii ahaa inaanay Golaha Wasiirradu ka badan 20 Wasiir. Waxaanu madaxweyne Biixi markiiba dib ugu noqday habkii qadiimiga ahaa ee lagu hungoobay, waxaanu magacaabay (32 Wasiir iyo Ku-xigeeno), taasi oo isu dheelitir La’aani ka muuqato, una sadburinaysa reer kaliya oo 22 xubnood qaatay. Biixi wuxuu si wax ku ool ah u yareeyey habkii fadeexada ahaa ee masuuliyiinta sarsare u isticmaali jireen kharashaadka dowladda, balse waxba lagama qaban Koboc la’aanta dhaqaalaha, qaaliga maceeshada, qiimo dhaca lacagta dalka iyo shaqo la’aantii xun ee haysta dhallinyarada. Maamulka Madaxweyne Biixi wuxuu soo waday qorshe xumadii, shaqaale xumadii, taasina waxay wiiqaysaa xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka 27kii sannadood ee ay dib uga soo noqotay madax-bannaanideeda Soomaaliya. Ma jiro wax caddaynaya in Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka midna ay dabaqeen isbeddelkii loo baahnaa. Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu sheegay inaan la aqbali Karin in doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada ee dalku ay mar kale dib u dhacaan iyaga oo qorshaysnaa in la qabto sanadkan 2019. Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu si adag u dhaliilay xisbiyada mucaaridka ah oo uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen doorkii ay lahaayeen, isaga oo si gaar ah u xusay in xisbiga Waddani oo doorashadii madaxtooyada helay in ka badan 40% uu mudo sanad ku dhaw ka soo waaqsan la yahay guul daradii ka soo gaadhay doorashadii, isaga oo xusay inaanu xisbiga Waddani ilaa hada muujin wax calaamada oo tilmaamaysa inuu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh. Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in isbadalada ka socoanaya geeska Afrika ee uu hormoodka u yahay raysal wasaaraha Itoobiya ay go’doon galiyeen somaliland iyada oo xukuumada madaxweyne Muuse Biixina aanay la iman wax qorshe ah. Hoos ka Akhriso Qoraalka Proff Axmed Ismaciil Samatar Riix Linkigan Hoose si aad u aqrisato Warkaas oo faahfaahsan:- Somaliland’s Stakes In A Fast Changing Horn Of Africa – Professor Ahmed I. Samatar Qaran News
  16. New York (Caasimada Oline) – 12-kii November dowladda Britain ayaa qaraar ay u gudbisay QM waxa ay walac kaga muujisay xaaladda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo musuq-maasuqa xooggan oo ay ku tuhmeyso, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Qaraarkan ayaa London waxay walaac kaga muujisay in hubka iyo rasaasta ciidamada dowladda Soomaaliya loo maamulo si xun, oo ay iibsadaan ciidamada. Waxaa sidaas oo kale lagu sheegay wabixintii kooxda QM ee Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Britain ay qaraarkan ku dalbatay in mushahar la siiyo ciidamada Soomaaliya, si aysan hubka u iibsan oo ay diyaar ugu noqdaan inay ammaanka dalka kala wareegaan Amisom. Amisom ayaa la qorsheynayaa inay dalka ka baxaan ugu dambeyn sanadka 2021, waxaana Britain ay rumeysan tahay inaysan ciidamada Soomaaliya xaaladdan kula wareegi karin amniga. Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa labaduba sheegay in haddii Amisom baxeyso ay diyaar u yihiin in si iskood ah ay ciidamadooda ugu sii hayaan Soomaaliya, balse waxay dalbanayaan lacag aad u badan. Si kastaba Britain ayaa qabta in lacagta ay dalbanayaan Burundi iyo Amisom lagu dhiso oo mushahar loogu dhigo ciidamada Amisom. Lama yaqaan goorta ay golaha ammaanka QM ka doodi doonaan qaraarkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Amiir Khaled bin Farhan Al Saud oo ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga balse dibad joog ah, ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan la ridi doono, isaga oo sheegay in afgambigaasi uu ka imaan doono meel uusan ka fileyn. Amiir Khaled ayaa yiri ” Haddii qoyska ay doonayaan in wiilkooda Maxamed Bin Salmaan la wareego boqortooyada, mowjado qalalaaso ah ayaa dhici kara, qaabka maamul ee boqortooyada waa nooc jaahilnimo iyo Dhalanteed ama been abuur” “Waxaan Rajeynayaa inuu dhici doono afgambi fudud, afgambigaasi oo ka dhan ah xukunka Maxamed Bin Salmaan iyo maamulka hay’addaha amaanka, kadibna waxaa meesha laga saari doonaa dhaxal sugaha iyo boqorka” ayuu hadalkiisa kusii daray. Wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaq kasta oo ka yimaada dhanka qoyska Boqortooyada uusan ahaan doonin mid ay boqor Salmaan iyo Maxamed Bin Salmaan iska difaaci karaan dhankooda. Sida uu sheegay Amiir Khaled, Amiir Axmed Bin Cabdul Casiis, oo ah ninka la rabo inuu xukunka la wareegio, waxaa saaran cadaadis xoogan, waxaana dhaqdhaqaaqiisa iyo xiriiradiisa yihiin kuwo lala socdo. “Waxay u muuqataa in howsha aysan ka imaan doonin isaga, laakiin dhinacyada kale ee ku xeyndaaban ayaa fulin doona afgambiga, kadibna afgambiga ka dhanka ah Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa dhacaya” “Waa Suuragal in Maxamed Bin Salmaan uu xero adeerkii Axmed Bin Cabdi Casiis ama uu shirqoolo haddiiba uu awoodo, laakiin waxay u muuqataa mid ku adag marka loo eego waxa qoyska dhexdooda ka dhex dhacaya” ayuu yiri. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo xiisadda ka dhex oogan xubnaha qoyska boqortooyada ay sii kordheyso islamarkaana kuwa badan ay doonayaan in meesha laga saaro boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. AEC2018: Calls for quality research to boost African economies and integration Kigali, Rwanda, 5 December, 2018 – Jean-Guy Afrika, a Principal Trade Expert at the African Development Bank, has tasked researchers on the continent to provide quality evidence-based studies that can help policymakers and citizens to achieve the best outcomes from regional integration and the African Continental Free Trade Area (AfCFTA). He made the appeal during the 2018 African Economic Conference, which closed Wednesday in Kigali, Rwanda. Afrika’s remarks came during a session that focused on transforming Regional Economic Communities (RECs) to achieve the AfCFTA, Agenda 2063 and Agenda 2030 goals on integration – where participants discussed research papers on African integration. “Quality research results are vital in the implementation of excellent, evidence based policies on trade and governance, particularly in this important era of a renewed call for regional integration and the AfCFTA,” Afrika said. “Researchers therefore have to play their role and guide the continent’s public and private sectors to design more effective and cost effective trade, health and social programmes that can propel countries’ prospects of reaching the Millennium Development Goals (MDGs).” Some of the fastest growing economies in the world are in Africa, a continent rich in languages, cultures and unparalleled natural resources. However, the continent still faces a huge data gap that makes it difficult for policymakers in low and middle-income countries to meet the real needs of their people and to chart a clear path on integration, experts said. This challenge however, presents an opportunity for researchers, academics and innovators to come up with robust evidence that is customised and contextualised in order to be responsive to African needs and circumstances. “The AfCFTA demands efficient work and it comes with immense opportunities for Africans in all sectors. With some of the MDGs realised across the continent and others yet to be achieved, reliable data across the continent will be essential both for defining new goals, averting challenges and measuring progress towards faster integration,” said Inye Nathan Briggs, a Trade Regulatory Officer at the Bank. Some research papers assessed during the session included work by Professor Charles Fe Doukoure from Ivory Coast, who presented “Obstacles to strengthening economic integration in the West African economic and Monetary Union.” His research paper focused on the economic, political and infrastructural factors affecting trade between West African countries, noting that regional trade is now on an upward trajectory due to strong investments in transport and telecommunications infrastructure, stability of political environment and good macroeconomic management. Another study by three researchers, Isaac Shinyekwa, Paul Corti Lakuma and Martin Luther Munu, presented at AEC 2018, highlights effects of regional economic communities on market integration and industrialisation in the Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA). The study found that COMESA has created large markets from which partner states are bearing fruit from expanded regional trade. It also indicates that significant government efforts to facilitate trade have been made in the region, through removal of tariff and non-tariff barriers and infrastructure development. Qaran News
  19. Dadka Soomaaliyeed waxay xasaasiyad xooggan ka qabaan dhaqdhaqaaqa Itoobiya. Waxay u arkaan inay tahay cadowgooda koowaad. Cadaawaddaan maahan mid ka dhalatay dagaalo hore ee waa natiijo ka dhalatay duullaanka joogtada ah ee Itoobiya iyo faragalinta aan jogsiga lahayn ee ay ku hayso arriimaha Soomaalia. Fal walba oo ay samayso siduu doono ha u qurxanaadee waxay Soomaalidu ku fiirisaa il shakisan waxayna ku shaabbadeeyaan khiyaano ay u maleegayso dadka Soomaaliyeed. Waxa inta badan noo muuqdo waa tallaabooyinka militiri ama kuwa siyaasadeed ee sida muuqato noogu wajahan. Laakiin dad yar ayaa arko awooddo jilicsan ee ay Itoobiya bilowday inay isticmaasho si ay u hanato qalbiyada dadka Soomaaliyeed. Qormadaan gaaban waxaan ku iftiimin doonaa mid ka mid ah awoodaha jilicsan ee ay Itoobiya noo isticmaasho waa waxbarashda sare e si ay u baddasho aragtideenna iyo fahamka aan ka qabno duullaankeeda. Eray cilmiyeedka ‘awoodda jilicsan’ waxaa guntay borofeesar wax ka dhigo jaamacadda caanka ah ee Havard ee Maraykanka ku taal. Maccalinkaan oo lagu magacaabo Joseph Nye wuxuu aragtiyo badan ku leeyahay cilmiga siyaasadda. Nye wuxuu ku qeexay awoodda jilicsan ” inaad ku hesho waxaad rabto sifo soo jiidasho baddalki aad ku heli lahayd xoog ama laaluush”. Aragtidaan waxay qabtaa in dalalku awood u leeyihiin inay dal kale ku qanciyaan inuu u dhaqmo sida ay iyagu danta ugu jirto. Awoodaha jilicsan ee la isticmaalo waa ay badan yihiin. Waxaa ka mid ah waxbarashada sare (heer jaamacadeed). In waxbarsho sare loo isticmaalo hanashada dalalka kale waa mid guun ah. Joseph Nye ma uusan dhalan marki uu Admund James oo ahaa madaxi jaamacadda Illions markaas uu ku qoray waraaq uu u diray madaxweynihi waqtigaas marakaynka xukumay erayadaan ee Franklin Roosevelt “Dalka maanta ku guulaysto inuu waxbaro jiil Shiinaha ee soo kacayo, ayaa noqon doono midka gurta miraha ugu muhiimsan jiilkaas dhaqan ahaan, damiir ahaan, saamayn ganacsi iyo mid aqooneedba”. Admund waxaa u muuqady awoodda waxbarashada inay hanan karto dalka kale iyadoo xoog loo sheegan. iyadoo taas laga duulayo, Maraykanku wuxuu billaabay koorsooyin la siinayo ardayda kasoo jeedda dalalka uu danaha ka leeyahay sanadki 1908’di. Ilaa waagaas waa ay socotay laakiin waxay ku kobnayd dalalka qaniga ah. Dhawaanahaan waxaa kusoo biiray dalalka soo koraya sida Shiinaha, Baraasiil iyo Turkiga iyo Itoobiya oo innaga si gooni ah noo qusayso. Sanidihii inoo danbeeyay Itoobiya waxay deeqo waxbarasho siinaysay arday soomaaliyeed oo aad u badan. Tusaale, sanadkaan waxay Soomaalilaan ka qaadeen 306 arday. 200 oo ardaydaan ka mid ah waxay billaabayaan heerka koowaad ee jaamacadda, 100 waa heerka labaad halka 6’da soo hartay ay diyaarin doonaan PHd. Tiro intaas ka badan ayaa isla sanadkaan Xamar laga qaaday oo iyaguna koorsooyin caynkaas ah samayn doona. Taasi waxay ka dhigantahay in in ku dhow kun arday oo soomaaliyeed ay sanadkaan kaliya waxbarasho sare u aadeen Itoobiya. Deeqahaan horay waa u jireen laakiin si xad dhaaf ah ayay u kordheen ilaa sanadki 2014’ki, inay sii siyaadi doonaan ayayna u badan tahay maadaama damaca Itoobiya sii kordhay. Deeqaha waxbarasho dowladaha waxaa ooga baxo qarash aad u tiro badan. Ardaygiiba dhaqaale gaarayo tobannaan kun oo isugu jiro khidamada koorsada, nolosha iyo caawin kale ayaa ku baxdo. Tusaale, dowaladda Shiinaha waxay sheegtay inay sanadlkaan oo kaliya u qorshaysay US$469 milyan inay ku bixiso deeqaha ay siinayso ardayda dibadda ay kasoo qaaddo. Laakiin faaiidada laga rajaynayo ardayda la qaadayo iyo danaha laga leeyahay ayaa ka qiimo badan qarashaka galayo. Dowladaha Deeqaha bixiyo dano kala duwan ayay ka leeyihiin ardayda ay siinayaan sida inay helaan shaqaale xirfad sare leh iyo inay nidaamkooda waxbarsho dadka kale baraan. Laakiin midda ugu muhiimsan udub dhexaadna u ah deeqda waxbarsho waa iska iibinta dadyowga kale iyo hanashada qalbiyada kuwa deeqda la siiyay. Koorsooyinka ardayda la siiyo qaar waxaa loogu talagalay dadka looga rajo qabo inay dalalkooda madax ka noqdaa mustaqbalka oo kaliya. Dadkaan waxaa dhici karta inay kasoo jeedaan qoysas waqti dheer dalkaas taladiisa hayay sida Sacuudiga. Waxaa sidoo kale dhici karta inay yihiin dad muujiyay firfircooni iyo dadnimo dheeraad ahna kana soo muuqday saaaxada hoggaanka dalkiisa. Tusaale, koorsooyinka ay bixiso Chening oo ay maalgaliso wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingriiska waxaa loogu tagalay kaliya kuwa diyaarinayo heerka labaad ee jaamacadda loogana rajo qabo inay dalkooda xukun ka qabtaan mar un. Dalalka kale ree Galbeedkuna waxay leeyihiin koorsooyin noocaan ah. Tani waxay dhashay in maanta 155 ka mid ah madaxda hoggaamiso dunida ay wax kusoo barteen sadddex dal oo kaliya kuwaas oo kala ah Maraykanka (58), Ingiriiska (57) iyo Faransiiska (40). In ka badan 95% koorsooyinka deeqaha loo bixiyo waa artis sida taariikh, falsafad iyo maamul iyo maarayn. Koorsooyinkaan waxaa loo diyaariyaa hab ardayda loo qaadsiin karo sida u roon dalka deeqda bixinayo ayna u xambaari karaan dhaqanka iyo mabaadida dalkaas ku weyn. Inta ay ardaydu waxbarashada ku jirto waxay baran luuqadda dalkaas oo ka mid ah shurudaha dowladuhu deeqda ku bixiyaan. Sidoo kale, waxay baran dhaqanka iyo mabaadida ka jirto dalkaas waxaaba laga yaabaa in lagu qulaamiyo mabaadi’ gooni ah mararka qaar. Tusaale, ardaydi Soomaaliyeed ee 60 aad iyo 70aad waxbarashada loogu diray dibada waxay lasoo noqdeen mabaadi’ is diidan. Kuwii loo diray waddamadi Bariga waxay keeneen hanti wadaag halka kuwii aaday Galbeedka ay keeneen hanti-goosad. Dhinaca Carabta kuwii aaday waxay soo xambaareen madaahib iyo caqiidooyin ku cusubaa gayiga Soomaalida. Inta ay ardaydu joogaan dalalka ay wax ku baranayaan waxaa dabiici ah inay jeceyl u qaadaan dhaqanka, luuqadda iyo habdhaqanka ka jira meelaha ay booqdaan. Waxay xariir dhow la yeeshaan dad badan oo dalkaas kasoo jeedo ama ay ku kulmeen goobaha waxbarashada. Jeceylkaas wuxuu keenaa inay marki ay dalkooda kusoo laabtaan isku dayaan inay ka hirgaliyaan mabaadidi ay soo xanbaareen iyo luuqaddi ay lasoo dhaceen. Tusaale markale usoo qaado Soomaalidi dibadda waxbarashada u aadday. Marki ay dalka kusoo laabteen ardaydii Bariga, Galbeed ama Carabta tagay, waxay billaabeen faafinta iyo hirgalinta madaadidi ay soo xambaareen iyagoo kaashanayo xariiro hoose oo ay la lahaayeen dalalki ay wax kusoo barteen. Waxay samaysteen kooxo isugu xiran afkaar ka dhaxayso iyo dano hoose. Qaarkood waxay isku dayeen xataa xoog ku meel mariyaan afkaarta koytada ah ee ay dalka keeneen taasoo ilaa maanta raadkeedi sii muuqdo. Waxaad kalood aad u taqaan in koox walba afka ay wax kusoo barteen ay jecelyihiin inay ku hadlaan, wax ku qoraan, iskuna qaraabaystaan. Waxaad aragtaa maalin walba iyadoo kuwa Carabta ka yimid ay Carabi kaliya faysbuugga iyo baraha buslahada ku qorayaan. waxaad aragtaa iyadoo kuwii Kiinya ka yimid ay Sawaaxili ka dhigteen afkooda koowaad. Waxaad aragtaa kuwii Ingiriis wax ku bartay oo aan labo kalmad oo Soomaali ah isku xijin karin iyagoo aan Ingiriis ku barxin. Waxaa intaas la socdo inay inta isku af wax ku baratayba si gooni isagu xiranyihiin dalki ay wax kusoo barteenna xariir gooni iyo mudnaan dheeri kala dhaxayso. Waxba kama khaladana in dibadda waxbarasho loo aado. Aqoonta qofku soo barto ka sakow, ruuxa tago dal kale wuxuu lasoo noqdaa ilbaxnimo, bisayl iyo waayo-aragnimo caawiso horumarinta dalka. Sidoo kale, arrin xun maahan in dowladuhu isticmaalaan awood jilicsan si ay u hagaajiyaan xariirka kala dhaxeeyo dalalka kale. Dhabti dunidu maanta waxay u baahantahay isu soo dhawaansho iyo joojinta isticmaalka awood militiri, isdhexgal bulsho iyo iswaydaarsi aqooneedna waa arrinta looga gudbi karo colaad daba dheeraato. Hasa ahaatee, waxaa jiro qiyaamooyin iyo halisyo qarsoon oo ku lammaan deeqaha waxbarasho. Ka sakow, dhaqammada badan ee dalka la keenayo iyo mabaadida lasoo dhoofsho, dowladaha deeqaha bixiyo waxay jaamacadaha ka howl galiyaan hayadaha sirdoonka. Sirdoonka ayaa xoogga saara inuu xariir la yeesho ardayda dibadda ka timid si ay ula shaqeeyaan marki ay dalkooda ku laabtaan. Gaar ahaan waxay xoogga saaraan dhalinta labaatanaadka jirto. Da’daan dhalinta jirto khibrad uma laha waayaha adduunka, waxaa sahlan in la hanto qalbikooda waxaana la baddali karaa waxa ay aaminsan yihiin sida uu sheegay Chris Simmons oo ahaa madixii dowladda Maraykanka u qaabilsanaa sirdoonka Maraynka arrimaha argagixisada. Chris intaas wuxuu ku daray, Sirdoonka dunida waa ay ka simanyihiin bartilmaamaydsiga jaamacadaha maadaama ay heli karaan dhalin dayacan. Shaki kuma jiro in sirdoonka Itoobiya isku dayi doonaan inay qortaan qaar ka mid ah ardaydaan. Waxaa laga yaaba inay qaar badan oo ay soo qortaan dalka kusoo laabtaan, ka dib ay ku caawiyaan inay shaqo ka helaan haydaha muhiimka ah ee dowlada sida gaashaandhigga, maaliyadda iyo horumarinta si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa dalka una duufsadaan siyaasadda Soomaaliya. In qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda iyo madaxdaba ay Itoobiya jaajuus u yihiin waa mid ku baahsan soomaalida dhexdeeda. Inkastoo aan caddayn muuqato loo hayn, dadkaan waxaa dad caan ahaa oo horay loo yaqaannay xariirka ka dhaexeeyay iyaga iyo Itoobiya ka hor inta aysan xil qaban. Laakiin caruur labaatan iyagoon gaarin Itoobiya loo diray ka dibna aysan cidi la socon waxa ay qaban jireen iyo meelaha ay tagi jireen way ka duwanyihiin kuwa hore. Waxaa soo laaban kumannaan muuqaalka iyo dhiigga Soomaali ka ah laakiin caqliga, dhaqanka iyo habfakerka Itoobiyaan ka ah. Qiyaas marka sanad walba ay dalka kusoo laabtaan kun wiilal iyo gabdho soomaaliyeed ah oo Itoobiya wax kusoo bartay. Dhaqan noocee ah ayay keeni? Itoobiya cadow ma u arki doonaan sida aan haddaba ugu aragno? Saamayn intee la eg ayay dalka ku yeelan? Dhalintaan waxay ka shaqo billaabi dhammaan hayadaha dowladda iyo waaxaha dad weynaha sida iskoollada, isbitaallada iyo gaadiidka dadweyanaha. Waxay ku sheekaysan Amxaari waxayna ka sheekayn waxyaabaha ay soo arkeen. Labo unbayna mid noqon: Kow, inay dhaqanka iyo luuqadda xabashida dalkeenna ku faafiyaan ogaal la’aan. Arrintaas waxay horseedi inay baddalaan jiilalka soo socda kana dhigaan kuwo ka damman shirqoollada Itoobiya noo maleegayso. Waxaa meesha ka bixi xasaasiyadda iyo cabsida aan ka qabnay ajaanibta gaar ahaan Itoobiya. Cabsidaan ayaa ahayd middi uu dalkeenna ooga badbaaday qaadashada xoogag shisheeyo markuu burburku nagu dhacay. Wali ma is waydiisay sababta hal taako loo qaadan waayay innagoon haysan ciidan difaaco xuddeedaheenna? Taasi waa haddii kaliya caruurta wax naloo soo baro oo aan howl kale la galin. Laakiin haddii la isagu daro dhaqan baddal iyo shaqaalaysiin waxaa soo laaban boqollaal Itoobiyaan noqday kana shaqeeyo danaha Itoobiya. Kuwaan iyadoo loo qabo aqoonyahaniin soomaaliyeed oo dibadda wax kusoo bartay ayaa loo dhiibi meelo muhiim ah. Iyagoo isticmaalayo mansabka ay hayaan ayay u adeegi Itoobiya Soomaaliyana minja-xaabin. Ujeedkaygu maahan inaan diidanahay deeqaha waxbarasho. Dalkeena dib u dhac ayaa ka jiro. Wuxuu ku baahanyahay dhalin aqoon iyo xirfad leh isaguna ma dabooli karo baahidaas. Sidaas darteed cid walba oo deeq waxbarasho na siiso waa soo dhawayn. Laakiin waxaa muhiim ah inaan indhaha kala qaadno, inaan fahanno inay deeqda waxbarasho dhibaatooyin ku hoos jiraan. Waxaa muhiim ah in dowladda iyo kuwa xarumaha muhiimka ah gacanta ku hayo ay hubiyaan cidda ay shaqada u dhiibayaan. Dad weynaha Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inay fahmaan inay Itoobiya farsoomooyin badan isticmaalayso si ay nabad ugala wareegto dhulkeenna. Yaannan eegin siyaasadda iyo ciidanka kaliya ee sidoo kalana aan eegno goobaha waxbarshada iyo deeqaha ay nasiinayso. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u dhac ku yimi duullimaadyadii tooska ahaa ee ay Kenya Airways ka bilaabi lahayd magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. 15-kii bishii hore ayey ahayd in si rasmi ah u bilowdaan duullimaadyada tooska ah ee Kenya Airways isaga kala goosheyso labada dal balse waxaa dib loogu dhigay bishan December shanteea, taasi oo mar kale dhici weyday. Qodobka ugu weyn ee dib u dhigay bilowga duullimaadka diyaaradda Kenya Airways ayaa lagu sheegay in shirkadda ay u qorsheysay in Somalia uga shaqeyso diyaaradda nooceedu yahay Bombardier, oo diyaarad muddo jirtay oo aan tayo fiicneyn. Diyaaradan ma aha mid tayadeedu sarreyso waxaana hore looga sii diiyey wadamo badan oo ay ka mid yihiin Burundi, Djibouti iyo Koonfurta Sudan, balse waxay Kenya Airways rumeysneyd in Soomaaliya aysan jirin cid ka hor-istaageysa. Sababaha ay Kenya ku dooratay diyaaraddan aan lahayn qeybta ganacsiga “Business Class” in ay Soomaaliya u soo dirto ayaa ah qiime jabnaanteeda. Somalia ma lahayn fayo dhawr “Quality Check” balse go’aankan ay ku diiday dowladda Soomaaliya diyaaradda noocaas ah ee bahdilka dalka ku noqon lahayn waxa uu muujiyey wanaagga dowladnimada laga dhaxlo. Dalka waxaa la keeni jiray ama dhici karta in hadaba si hoose lagu keeno badeeco tayadooda xun tahay oo caafimaad xumo keena kara. Sidoo kalena diyaarado qaraab ah loo soo diro. Haddii ay dowladda si buuxda u hirgaliso fayo dhawrka oo dalka burburkii oo dhan ka maqnaa, xaqiiq waxaa hagaagi doona mustaqbalka dalka, waana tallaabo mudan in lasoo dhoweeyo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Nabaddoon Khaliif Aw-cali ayaa galabta iska casilay guddi uu madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey u magacaabay xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland. Khaliif Aw-cali ayaa Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ka shaaciyay is-casilaaddiisa,waxaana uu sheegay in aan waxba laga ogaysiin,islamarkaana lagala tashan magacaabistiisa. Sidoo kale nabaddoonka ayaa sheegay in shaqadiisu tahay xallinta khilaafaadka, balse uusan qeyb ka noqon karin khilaaf laba dhinac u dhexeeya oo u baahan in isaga la xalliyo. Guddiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa tan iyo saaka waxaa is’casilay 2 xubnood oo kamid ah, kuwaasoo kala ah; Axmed Aadan Carab iyo Khaliif Aw-cali. Is-casilaadahan ayaa dhabarjab ku noqonaysa Camey, oo loo arki karo mid fowda ku wada nidaamka dowladeed ee Puntland, sababtoo ah way adkaan doonto inuu taageero helo guddi ay diideen xubnihii ka midka ahaa. Warkaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa maanta lagu eedeeyay dowladda dhexe, waxaana lagu sheegay in faragelin qaawan ay ku hayaan arrimaha doorashada maamulkaasi, ayada oo adeegsaneysa Camey. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  22. Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan La-talinta dhinaca Socdaalka waxay ka digtay Xaalladda aan degganayn ee Ammaanka ee dalka Somalia iyo inay weli jiraan cabsi dhinaca Ammaanka ee Somalia, iyadoo sabab uga dhigtay falal Dembiyeedka sida Burcad-baddeeda iyo waxa ay ugu yeertay Argagixisadda. Telefishinka ABC News oo warkan baahiyey ayaa tilmaamay in Amni-xumida ka jirta Somalia la gaarsiiyey Heerka 4-aad ee ugu khatarta badan, sida lagu muujiyey Halbeegga qiimeynta Hay’adda Ammaanka ee Maraykanka. Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Milliteriga Maraykanka kordhiyeen Duqeymaha ay ka geystaan Somalia, iyagoo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ka taageera dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab. Dhinaca kale, Ciiddamo Maraykan ayaa ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo Tababar iyo La-talin siiya Ciiddanka DFS iyo kuwa AMISOM. Bishii June ee sannadkan, Askari Maraykan ayaa lagu dilay, halka 4 kalena lagu dhaawacay dagaal ay Ciiddamo Maraykan iyo Alshabaab ku dhex maray Deegaanka Baar Sanguuni ee duledka Kismaayo. Dilka Askarigaasi ayaa ahaa kii 2-aad oo Maraykan ah oo lagu dilo Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyey iska horimaadkii Askar Maraykan iyo Maleeshiyo taabacsanaa Jeneral Caydiid oo ku dhex maray magaalladda Muqdisho sannadkii 1993-kii. Si kastaba ha ahaatee, Digniinta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ka soo saartay Khatarta dhinaca Socdaalka ee Somalia waxay ku soo beegantay iyadoo ay Maraykanka Safaarad Rasmi ah ka furteen magaalladda Muqdisho. Xigasho: ABC NEWS
  23. Fiid Khamiiseed ayeey ahayd markii aniga laba dhalinyro ah oo saaxiibaday ah aanu Xaafadda Warta Nabadda meel Geedka garan waaga ah dhexdiisa aanu ka maqalnay Oohinta ilma yar oo codkiisu sii nuxuusayo maadaama uu waqti badan yaalay meesha. Waanu istaagay kadibna waxaanu u leexanay dhanka geedaha waxaanu aragnay ilmo yar oo Ku dhex jira qodxaha Geedka jirkiisana meel walba qodxo Ka taagan yihiin, argagax aanu qadnay kadib waxaan bilaabay inaan ilmaha soo qaado qodxahana ka gyro Isla markaasna waxaan u wacday gabar ila dhalatay oo kalkaaliso caafimaad ah ayada ayaa gar gaar deg Deg ah u samaysay ilaahayna waa bad baadiyey waa ayadaas sawirkeeda aad aragtaan gabadhii yarayd ee aan Qashinka qubka ka soo qaaday. Hadda waxay jirtaa Ku Dhowaad Sanad waxayna ahayd mid aanu wada noolnahay maxaa yeelay waxaa Gacanta ku haysay oo korinaysay cunugtaan yar Gabar walashay ah anigana waxay ii ahayd mid aan iiga duwanayn ilmo aan dhalay maalinkii saddex jeer waan booaan Jiray Habeenkiina ma ay seexan Jiray ilaa aan ciyaarsiiyo, Hooyo iyo aabbe kale mataqaan aan ahayn aniga iyo walaashayda gacanta ku haysay. Habeenkii aan soo qaaday subaxeedii waxaan geeyey oo Warqad kasoo qortay maxkamadda, Saldhigga iyo Degmada Warta Nabadda, warqadaas oo ah mid cadaynaysa inaan cunugtaan helay Isla markaasna aan korsan Karo la Ilana ogaado kadibna aan xaq uleeyahay masuuliyadeeda iyo koriimadeeda, hadda Usbuucii lasoo dhaafay Waxaa dacwad Naga dhaxaysaa islaan sheeganaysa inay dhashay cunugtaan iyo anaga Waana markii afraad aan maxkamadda Gobolka Banaadir Isla tagno. Sida Sharcigu qabo inaan Ku Kala baxno oo aan ku wareejiyo haddii ay sax tahay Ayaan rajaynayaa, Maanta waxaan kajeclahay malahan in aniga La I yiraahdo adaa korsanaya ee hayso cunugtaada maxaa yeelay Silicii iyo Calool xumadii Habeenkii aan Geed yuhuudeedka qodxihiisa ka gurayey ayaa ii muuqda Mar walba, Maalinka Khamiista ayaa balantii ugu danbaysay ee Kala baxa maxkaddu ku dhawaaqaysaa si shareecadda islaamka waafaqsan. Fikirkaaga Ka dhiibo maxaa ku talin lahayd? Yeey kula tahay in loo xukumo Korinta iyo masuuliyadda miskiintaan Qashinka loo quuray? Waxaa Diyaariyay: Bashiir Cilmi
  24. (SLT-Hargaysa)Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa si cad u sheegay in lagu hungoobay waxyaabihii laga filayey madaxweyne Muuse Biixi iyo siyaasadii xisbiga Kulmiye ee uu shacabka u soo bandhigay. Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo soo saaray qoraal dheer oo uu kaga hadlayo xaalada dalka ayaa sidoo kale dhaliilo adag u jeediyey xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid Iyo Waddani, kuwaas oo uu sheegay inaanay ilaa maanta hayn siyaasad jihaysan oo ay taageerada shacabka ku hantaan. Ugu horayn Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday “Arin kale oo taariikhiya ayaa ka dhacday jamhuuriyada somaliland doorashadii madaxtooyada ayaana si guul ah uga dhacday bishii November 2017, taas oo ay ku tartameen sadexda xisbi ee sharcigu ogol yahay ee kala ah Ucid, Waddani iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, doorashadaas oo ay soo gashay waxoogaa qabyaalad ah oo ka imanayey xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye” Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa fashil ku tilmaamay barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye u soo bandhigay bulshada, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay inaan ilaa hada waxba laga qaban adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale soo bandhigay sababaha fashilka ugu wacan barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo qodobada uu u arko inay keeneen waxaanu yidhi Golaha Wasiirrada ee madaxweyne Biixi waxay burinayaan balanqaadyadii uu ololaha ku galay ee ahaa inuu magacaabo Rag iyo Dumar karti iyo awood leh. Waxa kaloo uu ka tallaabsaday halbeeggii ahaa inaanay Golaha Wasiirradu ka badan 20 Wasiir. Waxaanu madaxweyne Biixi markiiba dib ugu noqday habkii qadiimiga ahaa ee lagu hungoobay, waxaanu magacaabay (32 Wasiir iyo Ku-xigeeno), taasi oo isu dheelitir La’aani ka muuqato, una sadburinaysa reer kaliya oo 22 xubnood qaatay. Biixi wuxuu si wax ku ool ah u yareeyey habkii fadeexada ahaa ee masuuliyiinta sarsare u isticmaali jireen kharashaadka dowladda, balse waxba lagama qaban Koboc la’aanta dhaqaalaha, qaaliga maceeshada, qiimo dhaca lacagta dalka iyo shaqo la’aantii xun ee haysta dhallinyarada. Maamulka Madaxweyne Biixi wuxuu soo waday qorshe xumadii, shaqaale xumadii, taasina waxay wiiqaysaa xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka 27kii sannadood ee ay dib uga soo noqotay madax-bannaanideeda Soomaaliya. Ma jiro wax caddaynaya in Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka midna ay dabaqeen isbeddelkii loo baahnaa. Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu sheegay inaan la aqbali Karin in doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada ee dalku ay mar kale dib u dhacaan iyaga oo qorshaysnaa in la qabto sanadkan 2019. Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu si adag u dhaliilay xisbiyada mucaaridka ah oo uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen doorkii ay lahaayeen, isaga oo si gaar ah u xusay in xisbiga Waddani oo doorashadii madaxtooyada helay in ka badan 40% uu mudo sanad ku dhaw ka soo waaqsan la yahay guul daradii ka soo gaadhay doorashadii, isaga oo xusay inaanu xisbiga Waddani ilaa hada muujin wax calaamada oo tilmaamaysa inuu yahay hay’ad siyaasadeed qaran oo awood leh. Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in isbadalada ka socoanaya geeska Afrika ee uu hormoodka u yahay raysal wasaaraha Itoobiya ay go’doon galiyeen somaliland iyada oo xukuumada madaxweyne Muuse Biixina aanay la iman wax qorshe ah. Hoos ka Akhriso Qoraalka Proff Axmed Ismaciil Samatar Somaliland’s Stakes In A Fast Changing Horn Of Africa – Professor Ahmed I. Samatar Source