-
Content Count
209,189 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo marwada koowaad ee dalkaas Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq. Waxa ay halkaas u safreen “xilli dambe oo ka mid ahaa habeenkii loo dabaaldegaayay munaasabadda Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahad celiyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, sida uu shaaciyay Aqalka Cad. Mar ay suxufiyiinta nooca uu safarkiisa ahaa iyo inuu walaacay ayuu Mr Trump ka sheekeeyay waxa uu kala kulmay duulimaadkii uu ku tagay Ciraaq, wuxuuna ku tilmaamay kii ugu yaabka badnaa abid. “Haa waan walaacay waxaana u walaacay xaaladda kooxda madaxweynaha, waliba ugu horreyn aniga nafteyda uma baqin waxaan u walaacsanaa marwada koowaad”. Wuxuu sidoo kale sheegay iney xaalad adag kala kulmeen diyaaradda. “Arrin aan waligey horay u arkin ayaan kala kulmay diyaaraddii aan ku tagay Ciraaq. Waxay ahayd diyaarad mugdi ah, dhammaan daaqadeheeda la daboolay, bannaankana aan wax nal ah ka daareynin”. “Waxaan raacay diyaarado fara badan oo nooc walba iy cabir walba leh, waligeyna ma arkin waxaan oo kale”. Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn inuu isaga baxo waddanka Ciraaq. Safarkan ayaa yimid maalma uun ka dib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis, kaas oo xilkiisa ka tagay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka. Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto haraadiga ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la baajiyay kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Mr Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska Mr Mahdi ayaa sheegay in arrintaasi ay timid kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo. Kulanka badelkiisana waxa ay labada hogaamiye kuwada hadleen khadka taleefanka, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay. Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabanayayna waxa uu ku yara hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah. Maxaa dhacay intii ay socotay booqashada Trump? Mr Trump, xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton ayaa tegay saldhigga cirka ee Al-Asad ee galbeedka magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad, si ay halkaas ugula kulmaan ciidammada Mareykanka ee jooga. Waxa ay aheyd booqashadii ugu horraysay ee uu Trump gobolka ku tego. Inta ay booqashada socotay waxaa Trump si wanaagsan u soo dhaweeyay ciidammada oo u istaagay markii uu soo galay hoolka lagu cunteeyo, Trump-na waxa uu gacan qaaday askarta, oo qaarkood ayuuba sawirro la galay. Trump muxuu sheegay? Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in sababta uu saldhiggiisa u booqday ay aheyd inuu askarta Mareykanka uga mahadceliyo sida ay gacanta uga gaysteen in laga adkaado ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, waxa uuna intaasi ku daray: “Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen. “Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa.” Mr Trump waxa uu sheegay in Mareykanka uu Ciraaq u adeegsan karo saldhig wax laga weerari karo haddii “aannu doonayno inaannu wax ka sameyno gudaha Suuriya”, waxaa sidaasi ku warramayso wakaallada wararka ee Reuters. Inta ay socotay booqashada waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciidammada Mareykanka uga saarayo waddanka Suuriya isagoo yiri: “Bilowgiiba waan qeexay in howlgalkayaga gudaha Suuriya uu ahaa inaannu burburino goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish. “Sideed sanadood ka hor, waxaannu halkaa u tegnay inaannu joogno saddex bilood mana aynaan ka soo bixin. Haatan, sida saxda ah ayaannu sameynay wanaan soo gebagabaynaynaa arrintaasi.” Xigasho: BBC Somali
-
CLICK Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Qubanaha-Shabelle-27122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa beenisay warbixin ay qortay jariidadda Indian Ocean Newsletter oo lagu sheegay in Eritrea ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa lagu yir “Daabacaadeedii 21-ka December (No 1488), Indian Ocean Newsletter waxa uu qoray ‘In madaxda Ethiopia iyo Eritrea ay dhiggooda Soomaaliya u muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin inay beddelaan ciidamada Amisom marka ay dalka ka baxaan 2021…Eritrea waxa ay qorsheeyneysaa inay 5,000 askari oo tegaya Soomaaliya ay dirto bisha Fabraayo’” Wasaaradda ayaa kadib ku jawaabtay “Tani waa been qayaxan” Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa sidoo kale tiri “Tani ahan markii ugu horreysay ee Indian Ocean Newsletter ay baahiso been iyo taxliil wareed aan sal lahayn oo ku saabsan dhacdooyinka gobolka. Xaqiiqdii tani waaba astaanta ay ku caan baxday” “Damaca Indian Ocean Newsletter ee ah inay akhbaar been ah faafiso kuma guuleysan doono ujeedkeeda, waxaana uu burburin doonaa oo kaliya sumcaddeeda. Waxaan ug baaqaynaa Indian Ocean Newsletter inay xushmeyso akhristayaasheeda iskana joojiso baahinta wararka beenta ah” Warbixinta Indian Ocean Newsletter ay ka qortay in ciidamo Itoobiyaan iyo Eritrean ah ay beddelayaan Amisom, oo saaka ay soo dabaacday Caasimada Online iyo jawaabtii dowladda Soomaaliya, halkan ka aqriso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kismaayo (Sh.M.Network) – Gollaha Wasiirada maamul goboleedyada Jubbaland ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn. Ugu horeyn, Madaxwayne Axmed Madoobe oo fadhiga ka hadlay wuxuu sheegay inay ku gudajiraan wajigii ugu dambeeyay ee guluf ka dhan ah Al-Shabaab. Gobolka Jubada Dhexe oo ay intiisa badan haatan maamusho Shabaab ayuu Madaxwaynuhu xusay inay udiyaar-garoobayaan sidii ay gabi ahaanba ula wareegi lahaayeen. Dhinaca kale, Gollaha Wasiirada Jubbaland ayaa cod wada-ogol ah ku meel-mariyay miisaaniyada maamulkaan ee sanadka 2019-ka taas oo dhan aduun lacagee dhan 24,233,844.52 [Labaatan iyo afar Milyan labo boqol sodon iyo sadex kun sideed boqol afartan iyo afar iyo konton iyo labo santi]. Waxaa kale oo ay golahu ansixiyay xeerka ilaalinta deegaanka iyo bay’ada kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland. Ugu dambeyntii, kulanka waxay Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada kusoo bandhigtay natiijada shir ka qabsoomay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo looga hadlay ka faa’ideysiga kheyraadka dalka. The post Gollaha Wasiirada J/land oo ansixiyay miisaaniyada 2019 appeared first on Shabelle. View the full article
-
War murtiyeed maanta ay soo saareen Kutladda Badbaado Qaran ayey uga hor yimaadeen magacaabista madaxweyne Farmaajo ee garsoorayaasha cusub ee maxkamadda sare. Kutladdan oo ay ku mideysanyihiin axsaab badan ayaa waxay ku sheegeen in Madaxweynaha uu magacaabay 24 kii bishan Afar Garsoore, taasoo ay tilmaameen in tirada Garsoorayaasha ay ka dhigeyso 10 Garsoore, halka tirada sharciga ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay tahay 9 Garsoore, taasoo sharci darro ah, maadaama aan loo marin habraaca uu sheegayo Dastuurka KMG ah sida lagu yiri War murtiyeedka. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in magacaabida Guddoomiyaha xilligan ee Maxkamadda Sare aan loo marin wado sharci ah, sidaas darteedna uusan laheyn awood sharci ah uu ku soo jeedin karo magacaabis Garsoorayaal isaga la darajo ah. Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed ayaa maanta warqadaha Safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha dalka Ethiopia haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde. Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Ethiopia ayaa madaxweynaha Ethiopia u gudbiyay salaan uu kaga siday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale Safiirka ayaa uga tacsiyeeyey Madaxweynaha Ethiopia geeridii ku timid madaxweynihii hore oo Ethiopia Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ethiopia. Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed ayaa sheegay inuu ahmiyadda koowaad siin doono sidii loo wanaajin xiriirka labada Soomaaliya iyo Ethiopia. Safiirka ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Ethiopia ku biirinta ciidamo ka socda Ethiopia ciidamada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Ethiopia Cali Sharif Axmed ayaa maanta u gudbiyey Warqada magacaabista Madaxweynaha dalkaas Marwo Sahle-Work Zewde. Safiirka ayaa Madaxweynaha Dawladda Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo]. Danjire Axmed ayaa uga tacsiyeeyey Madaxweyne Zewde geeridii ku timid madaxweynihii hore oo Ethiopia Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku dhintay magaalada Addis Ababa. Ahmiyada balaaran ayuu xusay ay leedahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana sidoo kale Safiirka uu bogaadiyey isbadalka ka dhacay Geeska Africa. Ugu dambeyntii, Safiirka ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Ethiopia ku biirinta ciidamo ka socda Ethiopia ciidamada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya. The post MD Itoobiya oo warqadaha ka gudoomay safiirka Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-27122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodijeex waxay maanta xukuno kala duwan ku riday odayaashii loo haystay inay sheegteen maayarka iyo maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa oo in muddo ah ku xidhnaa eedaymahaasi. Caaqil Xasan waxaa lagu xukumay afar sano oo xadhig ah. Xuseen Shabeel waxaa lagu xukumay saddex sanno oo xadhig ah. Xasan Kaam-liibaan waxaa lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah. Cabdiqani Madoobe xoriyadiisa ayaa dib loogu celiyay kaddib markii loo waayay wax dambi ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa Wariye Ilyaas u xaqiijiyay xukunka raggaasi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa maanta magacaabay taliyeyaal ciidan oo cusub ayada qaarna xilalka laga qaaday. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa magacaabay Taliyaha iyo taliye ku xigeenka qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Wareegto kasoo baxday taliyaha ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay taliyayasha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka oo ka howlgalayay HirShabeelle, waxaana loo magacaabay talis cusub halka kuwii hayay loo wareejiyay qeybta 12-ka April. Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xoogga ayaa waxaa loo magacaabay sarreye guuto Tawane Axmed Maxamed. Abaanduulaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xoogga waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Cabdi Salaan Aadan Kurjow. Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday taliyahii qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga ana howl galeysay HirShabelle sarreeye guuto Maxamuud Koronto, waxaana xilkaas loo magacaabay Jeneraal Tareedisho.
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha dalka Itoobiya Mss Sahle-Work Zewde ayaa maanta qaabishay safiir ay dawlada Eritrea u soo magacawday safaarada ay 20 sanadood ka dib ka furatay magaalada Addis Ababa. Safiirka dalka Eritrea u fadhiyi doona dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Semere Russom ayaa hore uga soo shaqeeyey wadamada Maraykanka Iyo Canada oo uu safiir uga ahaa dalkiisa. Magacaabida safiirkan cusub ee Eritrea u soo dirtay Itoobiya ayaa ka dambaysay ka dib markii ay hogaamiyeyaasha labada wadan ay bishii July ee sanadkan sii dhamaanaya ku gaadheen Asmara, heshiiskaas oo ahaa mid nabadeed isla markaana dib loogu soo celiyey xidhiidhkii u dhaxeeyey labada dal. Dhinaca kale dawlada Itoobiya ayaa hore safiirkeeda Eritrea u magacawday Redwan Hussein. Sidoo kale wadamada Somalia , Egypt , Tunisia iyo Thailand ayaa hore safiiro cusub ugu soo magacaabay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu qaabilay xarunta madaxtooyada ee dalkaasi. Source
-
(SLT-Riyadh)-Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa maanta isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa xilkii looga baddalay mid ka mid ah xubnihii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa xukuumadda. Caadil Al Jubeyr oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowqladda Sacuudiga ayaa hadda laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, xilkaas oo ka hooseeya jagadiisii hore. Tallaabadan oo u muuqata mid ciqaab ah ayaa la rumeysanyahay iney salka ku heyso dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul loogu geystay wariye Jamaal Khaashuqji, oo ku caan baxay dhaleeceynta xukuumadda Riyaad. Khaashuqji ayaa la dilay horaantii bishii Oktoobar, xilli uu xarunta qunsuliyadda eek u taalla dalka Turkiga u tagay si uu uga helo warqado uu ku diyaarsanayay arooskiisa. Go’aanka maanta ka soo baxay boqorka Sucuudiga ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda loogu magacaabay Ibrahim al-Assaf, oo xafiiska ka baddali doona Caadil Al Jubeyr. Dilkii wariye Khaashuqji ayaa toosh ku ifiyay hab dhaqanka dowladda islaamiga ah ee Sacuudiga, iyadoo horayna loo qaaday tallaabooyin ka dhan ahaa saraakiisha lagu tuhmay iney dilkaas ku lug yeesheen. Maqaal uu Jamaal Khaashuqji ku qoray wargeyska Washington Post ee fadhigiisu uu yahay dalka Mareykanka ayuu si toos ah ugu dhaliilay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga, oo lagu tilmaamo hogaamiyaha daaha gadaashiisa ka maamulaya dalkaas. Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horreysay beenisay iney wax ka ogtahay dilka wariyaha, hase ahaatee waxay goor dambe qiratay iney falkaas geysteen saraakiil aan amar ku shaqeyneynin. Riyaad ayaa ku adkeysatay in dilkaas aysan wax lug ah ku lahayn qoyska boqortooyada. Caadil Al Jubeyr ayaa ahaa mas’uul caan ah oo si joogto ah u shaacin jiray hadallada dowladda Sacuudiga ee ku aaddanaa dilkii Khaashuqji, isagoo mar xitaa warbaahinta reer galbeedka ku dhaliilay sida ay dhacdadaas u tabinayeen. Mr Jubeir has been prominent in presenting Riyadh’s stance, at one point accusing the Western media of “hysteria” in its coverage of the Khashoggi case. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Itoobiya & Ereteriya La Wareegaya Ammaanka Somalia Wargeyska The Indian Ocean Newsletter, ee hoos taga shirkadda warbixinada sirta ah ee Africa Intelligence ayaa qoray in ciidamo ka socda dalalka Eritrea iyo Ethiopia ay beddeli doonaan marka ay ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya sanadka 2021. Wargeysku waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya Dr Abiy iyo Afewerki ay diyaar u yihiin in ay ciidamo u diraan Soomaaliya maaddaama aanay ciidamada Soomaaliya la wareegi Karin ammaanka. The Indian Ocean ayaa qoray in Eritrea ay durtaba 5,000 oo askari u diri doonto Soomaaliya marka ay ciidamada Amisom billaabaan bixitaankooda. “Ciidamada Eritrea waxay tagi doonaan Muqdisho, iyaga oo sugi doonaa ammaanka xarumaha dowladda, garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho” ayaa lagu yidhi warbixinta The Indian Ocean. Ciidamada Ethiopia ayaa iyagana la wareegi doona ammaanka qeybaha kale ee guud ahaan dalka Soomaaliya, oo hadda meelo badan oo ka mid ah ay joogaan iyaga oo qeyb ka ah ciidamada Amisom. Source
-
(SLT-Khartoum)-Koox saxafiyiin ah ayaa ku biiray kooxaha ururada bulshada iyo shaqaalaha rayidka ee dalka Sudan ka wada shaqa joojinta ay ku taageerayaan mudaaharaadka looga soo horjeedo dowladda madaxweyne Cumar al-Bashiir. Shabakadda Saxafiyiinta Sudan ayaa maanta billaabay saddex maalmood oo shaqo joojin ah. Waxay noqonayaan ururki ugu danbeeyay ee ku biira ururada shaqaalaha Sudan oo iyagu shaqo joojinta ka waday dalkaasi tan iyo 19-ki bishaan December. Bannaabaxyada ka dhanka ah dowladda ayaa ku billowday cabasho ay dadka uga cabanayeen qiimo kordhin ay ku sameysay dowladda sicirka rootiga iyo Shidaalka iyo Cuntada oo aad u yaraaday. Laakin marki ugu horreeysay muddo todobaad ah, maanta oo Khamiis ah dalka Sudan lagam soo sheegin wax mudaaharaad ah. Talaadadi kumanaan ruux ayaa socod ku maray waddada aada madaxtooyada si ay isugu dayaan in ay madaxweyne Al Bashir u geeyaan dhambaal ay ugu sheegeen in uu xilka ka dago. Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashir ayaa cambaareeyay dibadbaxayaasha, waxana uu ku tilmaamay Khaainul wadaniin u adeegaya danaha dalal ajnabi ah. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax gaadhi lagu xidhay ayaa ka dhacay Xaafada kowda Maajo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo hal qof uu ku dhaawacmay. Gaadhiga qaraxa lagu xidhay ayaa ahaa gaadiidka yar ee loo yaqaano raaxada, waxaa ku dhaawacmay darawlkii watay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Cismaan Dheere oo ka mid ah shaqaalaha dowladda. Inta badan qaraxyada gaadiidka lagu xidho ayaa lagu bartilmaameedsadaa saraakiisha, shaqaalaha dowladda iyo wariyeyaasha, waxay ka mid yihiin hababka dadka lagu Khaarijiyo ee ka baxsan toogashada. Source
-
Popular Contributors