Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,077
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dubai’s DP World has closed its $748.2m (EUR660m) acquisition of Unifeeder Group, three months after it signed the deal for the Danish transport and logistics giant. Announced in a statement on Nasdaq Dubai on 6 December, DP World bought 100% of Unifeeder, the largest container feeder and growing shortsea network operator in Europe, from Nordic Capital Fund VIII and “certain minority shareholders”. DP World announced the signing of the acquisition on 7 August 2018, stating the deal would be funded “from existing balance sheet resources”. READ: DP World to start work on Mali logistics hub by 2019 It said Unifeeder, which has connectivity to approximately 100 ports, will “further enhance DP World’s presence in the global supply chain and broaden our product offering to our customers”. “The current operations of Unifeeder are complementary to DP World’s existing business and providers future growth opportunities,” DP World added at the time. The acquisition comes amid a flurry of activity at the state-owned DP World. READ: DP World, Virgin Hyperloop One to develop high-speed cargo transport Two months ago it launched a multi-phased expansion of Berbera port, Somaliland, to boost trade for landlocked countries in the Horn of Africa. Shafa Al Nahda Contracting was awarded the expansion’s main construction contract, having worked on the Port of Dakar in Senegal and expansion of the Port of Maputo, Mozambique. DP World is also the biggest investor in Virgin Hyperloop, and two of its executives hold boardroom positions: DP World group chairman and chief executive officer, Sultan Ahmed Bin Sulayem, and chief financial officer, Yuvraj Narayan. Qaran News
  2. Depression “Jiyad Jab”. Waa xanuun haleela maskaxda. Waxaa is bedela curiyayaasha kiimikaad ee maskaxda. Hay’adda Caafimaadka Addunka “WHO” waxay xaqiijisay in uu yahay xanuunka koowaad ee saameeya dadka adduunka. Xunuunkani “Depression” cid gaara ma haleelo sida carruurta, dumarka, iyo ragga. Waayeelka, ardayda, ganacsatada, maalqabeenada aqoonyahanka iyo fuqarada iyana si’ ba’an ayuu u saameeyaa. Si’ siman waxa uu ugu dhici karaa qofkasta. Sidoo kale, “WHO” waxay sheegtay in tobankii nin ba hal qof ka cabanaayo xanuunkan. Halka shantii dumarana ay kacabanayaan laba kamid ahi. Sidaa darteed, Hay’addani waxay xaqijisay in dumarku kaga badan yihiin ragga. Xanuunkan Niyad-jabka “Depression” waxaa ka cawda dadka qaba wadna xanuunka sida dhiig-karka, macaanka, qalalka, istereska, Aydhiska, kanserka iyo kelya xanuunka. Kuwaas oo gundhig u ah werwerka ka soo gaadha in aanay rajo ka qabin in ay ka bogsanayaan xanuunkan ay la noolyihiin. Saynisyahannadu waxay isku raaceen baadhid badan ka dib ‘in uu sababo xanuunkan bilawgiisa’ hidda ahaan in uu ka dhaxlo waalidiintiisa, xanuuno uu qabo oo niyad jebinaaya, murugo uu ka qaaday qaar ka mid ah eheladiisa oo dhibaato soo gaadhay, fal-denbiyeed loo gaystay, stress iyo heerka dheecaannada jidhkiisa oo is beddelay. Astaamaha lagu garto waxaa ka mid in in uu is-bedelo; hab-fekerka qofka, dhankiisa, iyo dareenkiisa. 1. Dareenka oo is beddela, sida murugo joogto ah, rajo la’aan, cadho joogto ah, saaxiibbada oo uu qofku ka dhex baxo, qoyskiisa oo uu ka fogaado (dareenka galmada oo ka baaba’a). 2. Habfekerka qofka oo isbedela sida, feker badan, is-moodsiis joogto ah, go’aan qaadasho badan, dhacdooyin xaasaasiya oo soo maray oo si’ kedis ah kolba maskaxdiisa ku soo noqnoqda, is-dil uu ku fekero, isku buuq sababa isla-hadal. Sidoo kale, waxa uu qofku isku arkaa; daal badan, xanuun aan la qeexi karin halka uu ku salleeyahay, cuntada oo uu yareeyo, miisaankiisa oo is bedela isaga oo bata ama yaraada, hurdada oo ku yaraata ama ku badata, iyo galmada oo uu ka caajiso. Gunta iyo gunaanadka, xunuunkan waxa lagu daawayn karaa qofka oo beddela habka uu u noolyahay. Jimicsi badan, dhexgalka bulshada. Hagaajinta hab cunteedka qofka. Hurdada oo uu wakhtigeeda iyo xilligeeda ilaaliyo. Farxad badan oo uu qofku is tuso. Salaadda oo uu ku ilaaliyo masaajidka. Adkaarta. Qur’aan akhris badan. Ducada iyo ugu danbayn in uu xilli kasta waysada ilaashado. — Name: Sadam Osman Mohamed Phone : 063 4010419 Email: Sadamkabash99@gmail.com Address : mohamed moge village Tittle: Biomedical Scientist / Writer Qaran News
  3. 1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood . 2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad , qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad. 3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool ,waxaana bixinaya labada beelood dhexdeeda mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed. 4: Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya . 5: Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxey in ay bixiso 200 oo Halaad iyo 48,000 $ oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood . 6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood . 6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) . 7: In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba. Qaran News
  4. Jabuuti ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga Dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed. Tababarkan oo soconayay muddo Saddex Bil ah, ayay Ciidanku ku qaadanayeen Dugsiga tababarka Booliska Dalka Jabuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista fal dembiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha. Xafladdii lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jabuuti ,Wasiiru Dowladaha wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada difaaca ee Dalka Jabuuti Gen, Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti , Col,Cabdillahi Cabdi Faarax, iyo Mas’uuliyiin kale. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ,ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col, Cabdillaahi Cabdi Farax , Taliyaha Ciidamada Difaaca Jabuuti iyo madaxda Dalkaasi. Isagoo ugu mahad celiyay doorka Walaaltinimada leh ee ay ka qaateen soo celinta tayada Ciidanka Soomaaliyeed iyo soo kabashada Qarannimada. Wuxuu sidoo kale amaan u jeediyey Taliyuhu , Ciidamada Booliska Somaliyeed ee tababarka ku qaatay Jabuuti, isagoo kula dardaarmay inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda Qaran ee ka saaran Dalkooda iyo Dadkooda. Taliyaha Ciidanka Dalka Jabuuti, ayaa isaguna bogaadin u jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/gaaas ,Bashiir Cabdi Maxamed , dedaalka iyo hiigsiga uu ku doonayo inuu Booliska Soomaaliyeed gaaro meel sare. Dowladda Jabuuti ee aan Walaalaha nahay ayaa door lama illaawaan ah kaga jirta tababarrada iyo dib usoo kabashada Ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale kaalin fir-fircoon ka qaadata xoojinta Qaranka Soomaaliyeed iyo dhismaha hay’adahiisa Dowliga ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Ciidamo ka tirsan kuwa DFS Oo tababar loogu soo xiray Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Kampala ( Sh. M. Network )-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Ciidamo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ay dhawaan u soo diri doonto Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil sare oo ka tirsan Milateriga dalkaasi Taliyaha Ciidamada Milateriga ee dalka Uganda Gen David Muhoozi ayaa waxaa Ciidamadaasi cusub uu ugu baaqay in ay ka feejignaadaan weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan Soomaaliya. Gen Muhoozi oo ka hadlayay Dugsi Tababar oo ku yaala dalkaasi ayaa Ciidamada u sheegay in haddii aysan qaadin talaabooyin dheeraad ah ay halis u noqon karaan weerarada gaadmada ah ee Al Shabaab. Ciidamadaasi ka tirsan Uganda ayaa lagu wadaa in ay bedalaan Ciidamo hore u joogay Soomaaliya oo dhameystay waajibaadkoodi shaqo, kuwaas oo dib ugu laabanaya dalkooda. Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo ah kuwa ugu badan ee howlgalka AMISOM ayaa waxaa weeraro xoogan ay kala kulmaan Xarakada Al shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. The post Uganda Oo Ciidamo hor leh u soo direysa Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in ay fashiliyeen qaraxyo ay Al-shabaab damacsanayd in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho . Qaraxyadan ayaa waxaa lagu qabtay gobolka Shabeelaha [...] Source
  7. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dadka Xoolaleyda ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya Qatar soo food saartay Xoolohooda. Dadkani oo la hadlay Shabelle, islamarkaana isugu jiray Waayeel iyo Hooyooyin tabaalaysan ayaa sheegay in ay u hoggaan sameen awaamiir uu dhawan soo saaray maamulka gobolka Banaadir , balse waxa ay tilmaameen in hadda Xoolahooda laga kaxaysto Guryahooda iyo Xeryaha ay ku Xanaaneystaan. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay u adeegsadeen awoodii la rabay in Shacabka lagu difaaco arrintaas oo ay ku tilmaameen nasiib dardo. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo faragaliyaan arrintaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro-Xoolaleyda Gobolka Banaadir Oo Cabanaya appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Puntland ayaa waxa ay ku jirtaa xili kala guur ah ,waxaana janaayo 2019 ay galaysaa doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa . Amaanka ayaa aad loo adkeeyay [...] Source
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Saraakiil iyo Askar ka tirsanayd Ciidanka Xoogga Dalka oo ku geeriyooday qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay agagaarka degaanka Dhanaane ee Gobolka Sh/hoose. Allaha u naxariistee,Jeneraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Jeneraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayuu Alle uga baryay taliyuhu inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo, dhammaan Shacabkii Soomaaliyeed ee ay ka baxeenna uu samir iyo Iimaan ka siiyo. Taliye, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Saraakiishaasi ku tilmaamay shaqsiyaad aad wanaagsan, oo xushmad iyo Taariik lama illaawaan ah ku dhex lahaa Ciidamada iyo Bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay inay yihiin kuwo quluubtooda ku weyn. Innaa Lilaah wa innaa ileyhi raajicuun The post Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo ka tacsiyeeyay Saraakiishii lagu dilay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Afgooye ( Sh. M. Network )-Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Sabiib-caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose. NISA ayaa shaacisay in howlgalkan uu ka dhacay xafiiska xisbada Al Shabaab ee deegaankaasi, iyadoona sheegtay in lagu soo qabtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab, walxaha qarxa iyo Saanad Ciidan. “Howlgal qorsheysan oo Ciidanka amnigu xalay ka fuliyay xafiiska xizbada Al Shabaab ee Sabiid Caanoole ayaa lagu soo qabtay labo xubnood oo Al Shabaab ah, walxaha qarxa iyo Saanad, muhiimadda koowaad ee Ciidanka amniga waa ka hortaga Al Shabab iyo badbaadinta shacabka”. ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda K/ Soomaaliya. The post Xubno ka tirsan Al Shabaab Oo lagu qabtay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa tacsi u diray dhammaan Qoysaska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka shahiideen general Cumar dheere oo ahaa Taliyihii qeybta 12April iyo Abaandullaha qeybta 12April ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cabdi Cali Jamaame kuwaasi oo maanta ku shahiiday qarax miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha Hoose. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Ciidanka Xoogga Dalka iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey”ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe. “Labada Janaraal iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen Difaaca Dalkooda waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha Cadowga Al-shabaab ee u taagan daadinta dhiigga Islaamka”ayuu raaciyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in geerida Saraakiishaani aysan niyad jabin doonin Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona Tilmaamay Mar waliba Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan Howlgalka Dalka.looga xureynayo Cadowga Al-shabaab. Dhanka kale Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod iyo Dhammaan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ehelada ay ka shahiideen Saraakiisha iyo Askarta kaga tacsiyadeeyay geerida Marxuumiintii shahiiday maanta. The post Taliska CXD Oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-07122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Ciidamada Amniga ee dowladd deegaanka Itoobiya ayaa ku guulaystay in ay fashiliyaan qaraxyo la doonayay in lala beegsado goobaha ay dadka ku badan yihiin, sida [...] Source
  14. Garyaqaanka Guud ee dowladda Puntland mudane Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray maanta wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Puntland iyo [...] Source
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-Wixii-La-Shegay-07122018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa Ka Run Ah Wixii La Sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya Waa Go.aan Hor Leh Oo Beesha Caalamku Wadato Intaan Ka Warhayo M/weyne Farmaajo Ma Rabin Wadahadal Warkiistoona Halka M/weyne Muuse Biixi Doonayey Todobaadkan Inuu Si Rasmiga G/Wasiirada U Hordhigo Joojinta Wadahadalkii Somaliya Kala Dhexeeyey Laakiin Waxa Yimi Go.aan Cusub Oo Dunidu Riixayso Kaas Oo Farmaajo na Hogaan Soo Sudhay Muuse Halkuu Ku Socday Ka Joojiyey Go.aanka Wadahadalka Sidaan u Arko iyo Wax La Laysla Soo Horfadhiisan Doono Dabcan Dawlada Federaalka Somaliya Waxay Miiska La Iman Doontaa Waxeedii Ay Akhriyi Jirtay Ee Ahaa Midnimada Somaliya Waa Muqadis iyo Somali Oo Dhan Ayaa Is Dishay Dawlada Somaliland Waxay Miiska La Iman Doontaa Warkeedii Cadaa Ee ahaa Qaranimada iyo Gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland Waa Muqadis La Taabtaan Ah Halkaas Markay Gaadho Beesha Caalamku Doorkeeda Ayey Qaadan.Doonta Waxay Go.aan Dhex ah Ku Odhan Doontaa Shacabka Somaliland Ku Nool Afti Hala Waydiiyo Go.aankaas Marka Ergada Dhexdhexaadinta Dunidu Rido Waxay Beesha Caalamku Odhan Doonta Ka Heshiiya Waqtiga Munaasibka Ee Aad Aftida La Qaban Karo Mar Labaad Waxa Fooda Gelindoona Labada Ergo Ee Somaliland iyo Somaliya Ergada Somaliya Waxay Soo Jeedin Doonaan Toban Sano Kadib In La Qabto Aftida Ee Laga Qaadidoono Shacabka Dhulka Somaliland Ku Dhaqan Halkaas Ayey Ku Adkaysayn Doonaan 10 Sano Ergada Somaliland Ayaa iyagu Soo Jeedin Doona in Aftida La Qabto 5 Sano Kadib Halkaas Ayaa Laysu Mari Waayi Doona Mar Labaad Ayaa Ergada Beesha Caalamka Ayaa Arinka Dib ULa Wareegi Doona Arinta Mudaynta Aftida Kuwaas Labada Ergo Meel Dhexe Isu Keeni Doona Soo Jeedintooda Waxayna Soo Saari Doonaan Go.aan Dhexe Oo ah in Afti Laga Qaado Shacabka Somaliland Oo La Qabto Mudo 6 Sano Ama 7 Sano Guddahood ah Halkaas Ayaa Arinka Wadahadaladu Ku Ururi Doonaan Xog Kooban iyo Aragtidayda Kooban Wadahadaladani Ma Noqon.Doonaan Sidii Shirarkii Turkiga Ee Sheeko Xariirada ahaa Ee Labada Cisho Lagu Kala Kici jiray Waa Laysku Raagi Doona Todobaado iyo Bilo Ba Waana Lays Jafi Doonaa Laakiin Aakhirka Waxaa Kasoo Bixi Go.aan Kama Dambays Ah Oo Duniduna Hirgelintiisa Gacanta Ku Hayso Hawshan Waxa Beesha Caalamka Ku Meteli Doona U.S Ambassador Of Somalia Donald Yamamato U.N Repersentive Of Somalia Nicolas Haysom E.U. Ambassador Of Somalia Veronique Lorenzo IGAD General Secretary Amb Cali Guye Martigeliye M/weyne Ismaaciil.Cumar Gelle Beesha Caalamka Dulqaadkii Muranka Labada Qaybood Wuu Kasoo Dhamaaday Waxana Lagu Kala Bixi Doona 51% Per cent Doonista Shacabka C/qani Ismaaciil Maxamed (Foodcadde) Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani maha kuwo ay leedahay shabakadani xuquuqda qoraalka waxa iska leh qoraha ku xusan Qaran News
  17. Musharax Madaxweyne Puntland 2019 mudane Cali Xaaji Warsame ayaa ka hadlay guddiyadii iskhilaafsanaa ee ay soo kala magacaabeen Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa . Cali Xaaji ayaa [...] Source
  18. Garowe (Caasimada Online) – Garyaqaanka Guud ee mamulka Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa. Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u laheyn inuu magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka, oo uu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Garowe. War kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo lagu tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa. Qodobada 80 iyo 81 ee Dastuurka maamulka Puntland ayuu sheegay inay cadeynayaan awoodaha ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland. Wuxuu sheegay madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas uu leeyahay awooda magacaabista guddiga xalinta Khilaafaadka maamulka, maadaama uu yahay madaxweynaha talada haya. Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka Guud ee maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  19. Shirkii Nabadeynta beelaha Bah-hararsame iyo Qayaad ee ka socday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa lagu gaaray heshiis rasmi ah oo ka kooban 7 qodob. Shirkan ayaa dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia u xil-saartay guddi ka kooban 25 xubnood oo ay weheliyaan ergo min 21qof ah oo ka kala socotay labada beelood ee colaaddu u dhexaysay,waxaana ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan: 1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood . 2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad. 3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool , mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed. 4:Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya . 5:Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxay in ay bixiso 200 oo Halaad iyo $48,000 oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood . 6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood . 6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) . 7:In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba . Shirka heshiisiinta beelaha Qayaad iyo Bah-hararsame oo socday in ka badan 20 cisho ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah isimada ugu faca-weyn geyiga Soomaalida oo ay ku jiraan Islaan Ciise Islaan Maxaamed iyo garaadka guud ee dowlad degaanka Soomaalida,garaad Kulmiye garaad Maxamed garaad Dool garaad Wiil waal,waxaana sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaatay madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cagjar. Dagaallo qaraar oo 21-kii ilaa 23-kii bishii October ee sannadkaan ka dhacay degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool ayaa geystay khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh kaasoo kala gaaray labada beelood oo halkaasi ku dagaallamay,hase yeeshe isimada Dhaqanka Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida ayaa si deg deg ah uga hawlgalay joojinta colaaddaasi oo marar horena soo noq-noqotay. PUNTLAND POST The post Heshiis rasmi ah oo laga gaaray colaaddii Dhummay appeared first on Puntland Post.
  20. Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ayaa iska diiday qaraar uu hormuud ka ahaa Mareykanka kaas oo lagu hor istaagayey sawaariikhda ay Xamaas u rido dhanka Isr’ail. Cod loo qaaday waxaa tageeray 87 halka ay diideen 57, waxaana ka aamusay 33, sidaasi ayaana lagu diiday qaraarka, waxaa laga rabay aqlabaiyadda saddex meel. Safiirka Israa’il u fadhiya qaramada midoobey Danny Danon ayaa sheegay in qorshaha la afduubey halka xarakada Xasaas ay ku tilmaantay mid dharbaaxo ku ah maamulka Trump. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Garyaqaanka guud ee dowladda Puntland,Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa caddeeyay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u lahayn magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub. Qaraal Jimcaha maanta ah ka soo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo laga tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu caddeeyay in madaxweyne ku xigeenku uusan awood u lahayn magacaabista guddigaasi,haddii uusan u wakiilan madaxweynuhu,ama uusan dalka ka maqneyn. PUNTLAND POST The post Garyaqaanka G ee Puntland oo war ka soo saaray magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka appeared first on Puntland Post.
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa shaaciyay shaqsiyaadka badbaadin kara Dalka Soomaaliya. Axmed Madoobe, wuxuu ka hadlay dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay hanaankii dowladinimo ee dalka, isagoo tilmaamay inay jiraan dad Soomaaliyeed oo badbaadin kara dalka. Isaga oo u muuqday inuu weerarayo hogaanka dalka ayuu sheegay in shaqsiyaad dibadda ka yimid oo heysta Baasaboorada dalal kale aysan badbaadin karin dalka Soomaaliya, maadaama aysan muddo ku nooleyn. Dadka Badbaadin kara Soomaaliya ayuu shaaciyay inay yihiin dadkii aan dalka ka bixin 30-kii sano ee dalka uu burburka ku jiray, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay hadda ku jirto xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto. “Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag oo u baahan in loo naxo, waxaa loo baahan yahay in loo turo, waxaa garan kara halkaan ka nimid dadkii dalka joogay, Waxaan oran karaa ma garanayo xaaladda aan joogno qof socoto ku yimid” “Waxaa loo baahan yahay isu tanaasul, laga odayeeyo dalka iyo xaaladda uu ku jiro, iyadoo la fiirinayo wadanka halka uu ku yimid iyo sidii loo wanaajin lahaa”ayuu yiri Axmed Madoobe. Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa u muuqday in uu dhaliil uga dhigaayay Madaxda ugu sareysa Soomaaliya oo ah kuwo qurbo joog ah, islamarkaana 30-kii sano ee ugu dambeeyay kunoolaa dalka dibadiisa. Caaimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  23. Kismaayo (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa baaq ujeediyay madaxda maamulada. Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku tartarsiiyay Madaxwayneyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka inay wax kasta ka horumariyaan danta Ummadda iyo dalka, si loo gaaro horumar iyo nabad-gelyo. Isaga oo sii hadlaya ayuu Gudoomiyuhu cod dheer ku sheegay in sidoo kale looga fadhiyo hogaamiyaasha in mid kasta oo dhamaantooda kamid ah uu muujiyo tanaasul, islamarkaana ay iska ilaabaan danahooda gaarka ah. Hadalkaan kasoo yeeray Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa imaanaya xili uu shalay gaarey xarun goboleedka Jubadda Hoose, halkaasi oo xalay kulamo gaar-gaar ah kula yeeshay hogaanka maamul goboleedkaan. Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusul duub ugu jira sidii loo dhameyn lahaa mad-madowga siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowlada iyo maamulada, kaasi oo umuuqda mid qarka usaarna in la xaliyo. The post Cabdi Xaashi oo fariin udiray madaxda maamulada appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan diyaarado dagaal oo duqaymo ka fuliyay degaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wararka ayaa intaas ku daraya in duqaynta lala beegsaday Saldhigyo ay xarakada Al-Shabaab ku lahayd tuulooyinkaasi oo qiyastii 6 KM dhinaca Koonfur-galbeed uga beegan degmada Afgooye. Ma cadda khasaaraha dhabta ah oo ay geysteen duqaymahaasi, oo dadka degaanka soo sheegayaan inay ahaayeen kuwa culus. Illo wareedyo madaxa banaan ayaa xaqiijinaya in mid kamid diyaaradaha weerarka cirka ah fuliyay oo kusoo degtay Sabiid iyo Caanoole ay wateen labo ruux. Mudooyinkiii dambe Mareykanka ayaa sarre uqaaday howlgalada uu ka fulinayo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu ku bartilmaameed-sanayo xerooyinka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab. The post Diyaarado duqayn ka fuliyay Shabeellaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-07122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article