-
Content Count
207,077 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka daah-furtay kulan ku saabsan dhiirri-gelinta qoondada Haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay,odoyaal,nabaddoonno,cuqaal,haween iyo dhalinyaro,waxaana looga hadlayay sidii haweenka qoondada ay mudan yihiin looga siin lahaa siyaasadda,maadaama ay yihiin laf-dhabarta ay bulshadu ku tiirsantahay. Wasiirka wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland marwo Maryan Axmed Cali oo barnaamijkan furtay ayaa sheegtay in wasaaraddu ay dadaal badan gelisay welina ay waddo u qareemidda sidii haweenku ay qoondo saxa uga heli lahaayeen siyaasadda,islamarkaana uga dhex muuqan lahaayeen golayaasha dowladda,sida Baarlamanka iyo xukuumadda. Wasiiradda ayaa ku boorrisay odoyaasha dhaqanka ee xulaya xubnaha Golaha wakiilada in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii haweenka Puntland ay u heli lahaayeen qoondada ay xaqa u leeyihiin ee Baarlamanka ay haatan xulistiisu socoto,maadaama ay odoyaasha dhaqanku soo xulayaan. Sidoo kale wasiiradda ayaa farriin u dirtay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland oo ay ugu baaqday in ay mudnaan gaar ah siiyaan helidda haweenka ee qoondada ay ka mudan yihiin Baarlamanka cusub. Nabadoon Siciid Maxamed oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa isna si weyn u soo dhoweeyay hadalka wasiirka,waxaana uu sheegay in marwalba ay ka shaqeynayaan sidii Haweenku ay u heli lahaayeen xaqooda siyaasadeed,isagoo tilmaamay in ay bulshada kaalin qiimo badan ugu jiraan haweenku,aysanna suurra-gel ahayn in xaqooda Dastuuriga ah la duudsiyo. Faadumo Axmed Nuur oo urur weynaha Haweenka Puntland u qaabilsan gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ku baaqday in la ilaaliyo qoondada ay gabdhaha Puntland ku leeyihiin golayaasha dowladda ee uu xaqa u siinayo Dastuurka Puntland,iyadoo isimada dhaqanka ku boorrisay in aan marnaba la illaawin doorka shariifka ah ee Haweenka Puntland ay kaga jiraan bulshada. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Haweenka Puntland oo furtay kulan ku saabsan qoonada Haweenka ee siyaasadda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Munaasabad lagu xusayo ololaha 16-ka maalmood ee tacdiyada kadhanka ah haweenka oo Ururka haweenka ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia uu soo qaban-qaabiyay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho. Munaasabadan oo ay kasoo qayb-galeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee dalka, Xildhibaannada Haweenka ah Golayaasha Aqalka Sare iyo kan Hoose ee baarlamaanka ku jira, haween ka kala socday ururada bulshada rayidka ah iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlayay xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, sababaha ay ku yimaadaan iyo sidii looga hortagi lahaa. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka, Abshir Maxamed Bukhaari oo xafladda furay ayaa sheegay in haweenku ay laf-dhabar u yihiin bulshada, kaalin weynna ay kasoo qaateen halgankii iyo gobonima-doonkii dalka, sidaas daraadeedna aan la aqabali karin in xad-gudub loo geysto. Sidoo kale, Guddoomiyaha ku-xigeenka ururka haweenka ee Golaha Aqalka Sare Deeqo Xasan Xuseen oo iyaduna munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka ay yihiin kuwa soo jireen ah oo dhibaato weyn ku ah bulshada, sidaa awgeedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga hor-tago. Waxayna hadalkeeda ku dartay, in ururka haweenka ee golaha aqalka sare ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen in la joojiyo tacdiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta. Sidoo kale, qaar ka mid ah ururarda haweenka ee ka hadlay Munaasabadda ayaa si isku mid ah u sheegay in haweenka loo geysto dhibaatooyin ka dhan ah xuquuqda Aadanaha, iyagoo ku baaqay in loo midoobo sidii loo joojin lahaa. Ugu dambeyn, Toddobaadka ololaha xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta ayaa si weyn maalmahan looga xusayay caalamka iyo meelo badan oo dalka ah, kuwaasoo loogga gol-leeyahay in lagu joojiyay tacadiyada inta badan loo geysto haweenka iyo carruurta. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare oo qabtay Kulan looga hadlay Xad-gudubyada ka dhanka ah Haweenka iyo… appeared first on Puntland Post.
-
TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 6AAD #_SIRTU_WAA_SUQGAYNTA 50.000.000.000$ LIBERLAND waxa laga dhisi doonaa Magaalo qurux badan oo ladago loona soo dalxiis tago waxa laga dhisi doonaa dabaqyo dhaadheer oo labaratama Dubai. Sida la shaaciyay Waxa lagu dhisi doonaa lacagdhan 50.000.000.000$ Konton bilyan oo dolar waa haaf ka lagta lagu dhisay magaalada Boqor cabdala ee ganacsiga ee Jeddah u dhaw ilaa hada shirkadaha maal gashanaya dalkan yar waxay kor u dhaafeen 70 shirkadood. Waxana kamida shirkada wayn ee [ #__The_Trump_Organization ] waana shirkada uu leeyahay Madaxwayne Maraykar Mr. Trump, Waxa kamida shirkado waaway oo carbeed, Asxaabeey hayaabina sirtu waa suuq gaynta. Magaladan waxa dagi doona dad ku dhaw nus milyan qof halka rubuc milyan kale u soo shaqo tagi doonaan oo dagan SERBIA iyo CROATIA . La soco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTA 7AAD Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal 13 qodob ka kooban oo ku saabsan xaaladda maamulkaas iyo doorashada la filayo inay dhacdo. Musharaxiintan oo kala ah Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, Aadan Maxamed Nuur Saransoor iyo Ibraahim Macallin Nuur ayaa ku dhawaaqay in ku-simihii madaxweynaha ee maamulkaas, Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa uu ka dhacay xiligii KMG ahaa ee uu xilka haye. “Laga-bilaabo sideeda December maamulka Koonfur Galbeed waxa uu galayaa xasarad dastuuri ah, islamarkaana ku-simaha madaxweynaha sifo sharci ah xilka kuma hayo” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxay ku baaqeen in deg deg loo magacaabo gole sii maamula maamulka Koonfur Galbeed inta madaxweyne cusub laga soo dooranayo. Waxa ay sidoo kale sheegeen in magaalada Baydhabo laga wado falal amni-darro iyo shirqoolo lagu beegsanayo siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah musharaxiinta. Saddexda musharax oo ku mideysan golaha is-beddel doonka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaliya inay joojiso “Faro-gelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha maamulka Koonfur Galbeed:” Hoos ka aqriso qoraalka
-
Qoraal ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha golaha shacabka Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa looga soo horjeeystay kala diriatii dhowaan lagu sameeyay guddiga maaliyada Baarlamaanka. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sharci daro ku tilmaamay kala diristaasi islamarkaasina aan lagala tashan. Guddiga maaliyada ayuu amray in ay sii wataan shaqadooda. HOOS KA AQRISO QORAALKA Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka soo horjeeystay kala diristii guddiga maaliyada appeared first on Puntland Post.
-
Soddon (30) beri kadib waxaa Puntland u beryaya waa cusub oo siyaasadeed, waxaana Garowe ka dhacaysa doorasho kale oo taariikhi ah, taas oo lagu dooran doono Madaxweyne iyo ku xigeen. In ka badan labaatan (20) musharax oo u baratamaya Madaxweyne ayaa olole adag oo ay lacag culusna weheliso ka wada deegaanada Puntland, ololaha musharaxiinta oo horayba u billowday ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanayay. Doorashadan waxaa ka muuqda waxyaabo badan oo cusub, taas oo ay kaga duwan tahay doorshooyinkii hore ee Puntland. Khilaaf Doorashadan waxaa ugub ku ah khilaaf u dhexeeya madaxda ugu sareysa Puntland ee xilku ka sii dhamaanayo, kadib markii ay kala magacaabeen labo Guddi oo khilaafaad. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa 3-dii bishan December 2018 magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada oo ah siddeed xubnood oo ay ku jiraan xubno ka tirsan dawlada sida Gudoomiye ku-xigeenka gobalka Bari Axmed Cali Cabdullaahi Ciro, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaalada Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo Burhaan Maxamud Cilmi oo ka tirsan madaxtooyadda, sidoo kale gudigaas waxaa ku jira xubno xiriir hoose la leh Madaxweyne Gaas. Saacado kadib magacaabistii Madaxweyne Gaas, waxaa isna Guddi kale magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, wuxuuna ku eedeeyay Madaxweyne Gaas in uu baalmaray hab-raaca magacaabidda Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland. Gaas iyo Camey Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland ayaa marar badan muran dhaliyey cidda xaqa u leh magacaabistooda, mana ahan sharciyan guddi ku xusan dastuurka Puntland. Musharaxiinta u tartamaya doorshada Puntland 2019 ayaa iyana ku kala aragti duwan guddigan ay kala magacaabeen Gaas iyo Camey, qaar kamid ah ayaa soo jeediyay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka, halka qaarna ay la kala safteen Madaxweynaha iyo ku xigeenka. Madaxda waqtiga kasii dhamaanayo Sidoo kale waxyaabaha ku cusub doorashadan ayaa ah madaxda waqtigu kasii dhamaanayo ee Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo ilaa iyo hadda midna sheegin in uu tartamayo iyo in kale. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay kala cadaato in ay musharaxiin yihiin iyo kale, waxayna u badan tahay in labadoodu ay u kala tartami doonaan Madaxweyne iyo ku xigeen. Labadan masuul oo 5-tii sano ee la soo dhaafay hogaaminayay Puntland ayaa madax ka ahaa musuqmaasuq ballaaran oo dhacay, isla xisaabtan la’aan iyo hogaamin xumo, iyagoo ku fashilmay falan-qaadyadii ay horey u sameeyeen ee dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Musharax Madaxweyne ku xigeen Waxyabaaha kale ee ku cusub doorashan waxaa kamid ah, iyadoo aan wali la arag Musharax Madaxweyne ku xigeen Puntland 2019, xili ay waxyar ka dhigan tahay doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019. Siyaasadda Puntland ee hoggaanka sare sida Madaxweynaha, ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay u qebaysan tahay hanaan qabiil, laakiin waa mid la qurxiyey kumana qora dastuurka Puntland, waana mid muujinaysa in ninkasta yaqaan xilka uu u tartamayo. Saraakiil ciidan oo musharaxiina Waxaa musharaxiinta u tartami doonta doorshada Puntland 2019, kamid ah saraakiil ciidan oo caan ah, qaarkood ay saameyn ku lahaayeen ciidamada Puntland. Gen. Siciid Dheere iyo Gen. Khaliif Ciise Mudan Musharaxiintaas waxaa kamid ah Gen. SiciidDheere oo horey u ahaa taliyaha guud ciidmada Puntland, Gen. Cismaan Cabdulaali oo ahaa taliyaha ciidamada amaanka PSF, Gen. Khaliif Ciise Mudan oo mar soo noqday Wasiir amni Puntland horey u ahaa taliyihii ugu dambeeyay ee ciidamadii cirka Soomaaliya, Gen. Maxamed Xirsi Moorgan oo mar soo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga dowladii Maxmed Siyaad Barre iyo Col. Jibriil Maxamed Yussuf oo ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliya. Saraakiishan ayaa doonaya in ciidamadu ay saameyn ku yeeshaan xukunka Puntland oo tobankii sano ee dambeeyay ay maamulayeen siyaasiyiin rayid ah. Amniga doorashada Amnigu waa arrinta ugu muhiimsan ee saldhiga u ah qabsoomida doorashada, sidaas oo ay tahay xukuumadda Madaxweyne Gaas wali ma magacaabin cidda masuulka ka ah amniga doorshada. Doorashadii 2014 Doorshadii 2014 xiligan oo kale waxaa shaqaynayay Guddi loo magacaabay amniga doorshada oo uu madax u ahaa Sareeye guud Siciid Dheere ayna kamid ahaayeen madaxda hay’adaha amniga. Hadda waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland lagu arkayaa musharaxiin wata daagiid dagaal oo aad u badan, taas oo doorshooyinkii hore aan la ogolayn. Suxufiyiinta Bulshooyinka caalamka waxaa hagta warbaahinta oo si joogto ah wax uga beddesha siday u fikirayaan iyo go’aannada masiiriga ah ee ay gaarayaan, taasi waa sababta loo yiri wariyayaasha iyo warbaahinta xogtiina isku dheelitira. Qaar kamid suxufiyiinta Puntland ayaa si bareer ah uga mid noqday gaareerayaasha qaar kamid ah musharaxiinta Puntland, iyadoo ku guda jira warbaahinta, waxayna adeeg sadeen erayo iyo luuqad aan dhexdhexaad ahayn oo ay ku hadlaan taageerayaashada kuwa tartamaya. Ururka Warbaatinta Puntland ee MAP ayaa dhawaan uga digay suxufiyiinta iyo musharaxiinta in ay ku xadgudbaan madax banaanida saxaafadda. PUNTLAND POST The post Maxaa ku cusub doorashada Puntland 2019? appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga kor-joogtada doorashada Puntland oo lagu dhawaaqay.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dallada ururada bulshada ee PUNSAA, ayaa maanta ku dhawaaqay Guddiga kor-joogtada doorashada Puntland iyo la socodka khilaafaadka doorashada. Guddigaan oo ah guddi dhex dhexaad ah [...] Source -
Baydhabo (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa go’aanka uu guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uga hor-yimid kala diristii guddiga maaliyadda baarlamanka, oo uu maanta dib usoo celiyey. Mudane Mursal ayaa laalay go’aan uu ku-xigeeenkiisa Cabdiweli Muudeey uu ku kala diray guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda 28 November 2018. Go’aanka Mursal ayaan noqon mid la-yaab leh, ayada oo Caasimada Online shalay ay qortay xog ku saabsan in ra’iisul wasaare Kheyre uu ka walaacsanaa in Mursal uu is-beddelay oo uu gacantiisa ka baxay. Halkan ka aqkhri warkaas. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa goor-dhow Caasimada Online u sheegay in arrinta ugu weyn ee Mursal ay isku qabteen xukuumadda iyo Villa Somalia ay la xiriirto doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay, Mursal ayaa soo bandhigay in si uu u taageero kala dirista guddiga, ay xukuumadda ka tanaasusho mucaaradnimadeeda ka dhanka ah Mukhaatr Roobow oo ay ka go’an tahay inuusan tartamin. Ilo-wareedyadeedna waxay leeyihiin, guddoomiyaha baarlamanka ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle, oo ku eedeeyey inuu noqday nin lagu adeegto oo aan go’aan ka go’in, islamarkaana beesha aan matalin. Dadka Digil iyo Mirifle wax muhiimad ah uma lahan kala dirista guddiga maaliyada, hase yeeshee Roobow ayaa la sheegay inuu haysto taageero xad-dhaaf ah, sidaas darteed Mursal ma doonayo inuu halis geliyo mustaqbalkiisa siyaasadeed isaga oo dowladda ku taageeraya dagaalka ay kula jirto Roobow. Sida aan xogta ku helnay xukuumadda ayaa ku gacan seertay yabooha Mursal, waxaana ka go’an in laga hor-istaago Roobow inuusan galin doorashada Koonfur Galbeed, ayada oo Baydhabo lagu gurayo ciidamo arrintaas ka hor-taga. Halkan ka aqri warkaas. Sidaas darteed ayaa la sheegay in Mursal uu qaatay go’aan ka dhan ah rabitaankii xukuumadda markii ay fulin weysay dalabkiisa ahaa in Roobow la fasaxo, waxaana la sheegay in labada dhinac ay sidaas ku kala tageen. Ka sokow arrinta Roobow, Mursal ayaa dhinaca kale dareemay inay Sharaf-dhac ku tahay in xukuumadda ay marto ku xigeenadiisa, oo kala diray guddiga, waxaana la sheegay in haddii arrinta marka hore lagala tashan lahaa laga yaabay inuu xukuumadda ku taageero. Mursal oo muddo lagu xaman jiray inay xukuumadda keensatay, ayaa ugu dambeyn maanta muujiyey in siyaasadda tahay “Waxaad rabto marka hore hel, kadibna go’aan gaar” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS ayaa ka hor yimid kala diridii dhawaan lagu sameeyay guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka ee Golahaasi. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiye Mursal ayaa waxaa lagu sheegay in guddigu uu sii wadan karo howlihii shaqo ee loo igmaday. Sidoo kale xubnaha guddigaasi ayaa la faray in ay si deg-deg ah u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyadda 2017-kii iyo tan 2019-ka, ka hor inta uusan dhammaan sanadka 2018-ka. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Guddoomiyaha G/Shacabka Oo ka horyimid kala diridii Guddiga Maaliyadda Ee Golahaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-C/kaafi Maxamuud Makaraan guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha degmooyinka ee gobolka Banaadir. Degmooyinka uu kormeeray guddoomiyaha Dhalinyarada gobolka Banaadir ayaa waxaa ka mid ah Kaxda, Dharkenley, Wadajir, Shibis iyo kuwa kale. Ujeedka booqashada guddoomiye Makaraan ayaa ahaa mid la xariirta sidii Dhalinyarada Muqdisho ay uga qeyb qaadan lahaayeen waxqabadka maamullada degmooyinka iyo sugida ammaanka. Sidoo kale waxa intaasi ku daray in Dhalinyaradu door weyn ay ka qaadanayaan barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumihii danta guud ee dalka. Dhinaca kale guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa carabka ku dhuftay in in ka badan 180 Dhalinyaro ah loo sameeyay fursado gaar ah oo lagu barayay xirfado kala duwan. Waxaana uu tilmaamay in Dhalinyaradaasi si siman looga soo kala xulay degmooyinka gobolka Banaadir. Ugu dambeyn C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale Dhalinyarada laga wacyi galiyay waxa loogu yeero argagixisada, maadaama loo adeegsasan karo dhinaca xun iyo dhinaca wanaagsan intaba. The post Maamulka G/Banaadir iyo Dhalinyarada Oo iska kaashanaya Amniga Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo sidoo kale ku xigeenkiisa dhanka ammaanka C/raxiin Muxummad Taakooy. Guddoomiye Taakoy ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiye Dabageed uu ka horyimid nidaamka dowliga ah, islamarkaana uu yahay kaligii taliye waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in guddoomiyaha Hiiraan aanu dooneyn shaqada in lala wadaago, wax walbana uu ammarkiisa ku rabo in lagu hago. Guddoomiye Dabageed weli kama aanu hadal waxa ka jira khilaafkan kala dhaxeeya ku xigeenkiisa. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Qilaafka-Hiiraan-Sabti-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Kadib kulan ku dhexmaray magaalada Nairobi ee xarunta Kenya Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta iyo kaaliyaha Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ee Africa Tibor Nagy ayey kaga wada hadleen arrimo dhowr oo ay ka mid tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Mdaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Mareykanka iyo Kenya ay haatan ay wajahayaan caqabado isku mida ah, islamarkaana ay iska kaashanayaan, sidiii loo wiiqi lahaaa awooda iyo qatarta Al Shabaab ee gobolka. Sidoo kale kaaliyaha Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ee Africa Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaaasi Monica Jama oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka laba dal. Mr Tibor ayaa booqashadiisa Nairobi kaga sii talabi doona dalalka Eriteria iyo Jabuuti, ka hor inta uusan u duulin dalka Germalka, halkaasi oo uu kula kulmi doono taliyaha howlgalka Mareykanka ee Africa General Thomas Waldhauser. Mareykanka ayaa ku gacan siiya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab, isagoona kordhiyay duqeynta uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya. The post Mareykanka iyo Kenya Oo xoojinaya dagaalka Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal ayaa go’aamiyey in Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ay shaqadooda sii wataan. Waxaa kale uu guddiga faray in guddiga soo gudbiyaan xisaab xirka 2017 iyo miisaaniyadda 2018 ka hor inta aanu sanadkan dhammaanin. Mudane Mursal ayaa laalay go’aan uu ku-xigeeenkiisa Cabdiweli Muudeey uu ku kala diray guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda 28 November 2018. Qodabada kale ee qoraalka ku jiray waxaa ka mid ahaa: In warbixinta guddiga soo gudbiyey ay soo marsiiyaan hannaanka soo gudbinta waxbixinta guddiga loo horkeeno in xukuumadda u haggaansanto shaqada guddiyada golaha shacabka ee korjoogteynta iyo isla xisaabtanka hey’adaha dowladda, dhowraanna xeerhoosaadka golaha shacabka iyo shuruucda kale ee dalka. In la dhowro madax-bannaanida golaha shacabka ee baarlamaanka fedeeraalka ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya oo ah laanta sharci-dejinta dalka. Akhriso, Qoraalka Guddoomiye Mursal: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda. Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018. Halkan hoose ka akhriso qoraalka Guddoomiye Mursal:
-
Laascaanood ( Sh. M. Network )-Guddi ka kooban Odayaal iyo Siyaasiyiin ayaa qodobo ka soo saaray xiisada Beeleedii ka taagneyd deegaano ka tirsan gobolka Sool. Warqad ay soo saareen xubnaha guddiga ayaa ugu horreyn Ergooyinka 2 Beelood loogu baaqay in ay abuuran jawi Nabadeed oo keeni kara is dhexgalka bulshada walaalaha ah. Sidoo kale guddigu waxa soo saaray go’aamo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa colaadaasi, iyagoona isla gartay in dhimashada 169-ka Qof laga dul qaado labada Beelood, islamarkaana qof kasta oo ka mid ah dadkaasi Rag iyo Dumar laga bixiyo min 15 kun oo doolar oo samirsiin ah, una dhiganta 50 halaad. Guddiga ayaa intaasi kud aray in magta 169-ka Qof lagu bixin doono 12 bilood gudahood oo ka bilaabaneysa bishan December ee 2018 illaa 6-da bisha December-ee 2019-ka. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Heshiis is Afgarad ah Oo laga gaaray colaadii G/ Sool appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorsho culus oo ay uga hor tageyso Siyaasiga sida weyn u mucaaradsan ee Cabdiraxaman Cabdishakuur Warsame. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu 10 Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah uu imaan doono Magaalada Muqdisho isla markaasna waxaa jiro olole weyn oo la doonayo in lagu soo dhaweeyo. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan culus oo ku aadan in dib loo furo dacwadii Cabdiraxaman Cabdishakuur oo ay maxkamadda Gobolka Banaadir sheegtay inuusan wax dambi ah laheyn. Dowladda ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeysay inuu waday olole lagu doonayo in lagu burburiyo dowladnimada Soomaaliya isla markaasna uu u shaqeenayey Dowlado shisheeye. Wararka qaar oo aan lagu kalsooneyn ayaa sheegayo inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur dib u dhigi doono safarkii uu ku imaan lahaa Muqdisho inkastoo ay weli socdaan Farriimihii laga sii deynayey qaar ka tirsan Idaacadaha Muqdisho kuwaas oo dadka loogu sheegayey in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir uu Muqdisho imaan doono 10 Bishaan. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad ka hor gurigiisa ku weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib markii ay dowladda sheegtay in lagu heysto eedeymo qaranka dumis ah. Cabdiraxaman ayaa Sanadkii ugu dambeeyey debad joog ahaa wuxuuna shirar kala duwan shacabka Soomaalida kula qaadaneyey wadamo ka tirsan Yurub, Canada iyo Mareykanka. Cabdiraxmaan ayaa ah siyaasi hammi weyn ka leh inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna si weyn uga soo horjeedaa siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka wuxuuna inta badan soo gudbiyaa waxyaabo uu ku mucaaradayo Dowladda . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A senior US official met President Uhuru Kenyatta at State House in Nairobi for talks on deepening bilateral ties. Assistant Secretary for Bureau of African Affairs Tibor Nagy is in Nairobi to, among other issues, discuss a strategic partnership, regional security, trade, and investment. Operations against Al Shabaab will feature in the meetings between Nagy and Kenyan Government officials. During yesterday’s meeting, President Kenyatta said Kenya and the US faced similar threats and welcomed the cooperation that the two countries had cultivated over the years in dealing with security challenges. On Wednesday, the US official met Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma. Nagy will also visit Ethiopia, Djibouti, Eritrea before flying to Stuttgart, Germany, where he will meet the United States Africa Command. The US military forces in support of the Federal Government of Somalia has continued to annihilate and degrade Al Shabaab in a series of airstrikes. In its fresh airstrike, the US hit an Al Shabaab target in Lebede on November 30, killing nine suspected militants. The post US, Kenya discuss cooperation on the fight against Al-Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u muuqda inaan weli lagu guulaysan in dib loo bilaabo, waxase socda dedaalo ay Qaramada Midoobay iyo dalal kale wadaan. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, wuxuu labadoodaba kaga codsaday in dib loo bilaabo wada hadaladaas, waxaanu soo jeediyay in lagu qabto dalka Koonfur Afrika. Laakiin dedaalkiisa, ayaa inkastoo uu weli ku hawlanyahay haddana kumuu guulaysan in wakhti gaar ah oo loo qabto bilowga wada hadalada. Safiirka Maraykanka Donald Yukio Yamamoto, ayaa siday ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, wuxuu kulankii uu dhawaan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kula soo hadal qaaday dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Laakiin warku ma xaqiijin jawaabta uu Farmaajo ka bixiyay soo jeedinta diblomaasiga Maraykanka ah. Laakiin danjire Donald Yamamoto ayaa la filayaa inuu socdaal la mid ahi kii uu ku tagay Muqdisho uu ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo la filayo inuu mawduucan dib u bilaabista wada hadalada kala hadlo Madaxweyne Biixi. Ergo ka socota Midowga Yurub ayaa iyaguna toddobaadkan dhammaaday waxay Madaxweyne Biixi kala hadleen dib u bilaabista wada hadaladaas, isagoo Madaxweyne Biixi u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay in la bilaabo wada hadalada. Si kastaba ha ahaate, dalalka caalamka ayaa dedaal ugu jira inay kulan isugu keenaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaan weli la haynin wakhti cayiman oo ay wada hadalada iyo kulamadu bilaabmi doonaan maadaama oo aanay weli kalsooni rasmi ka helin labada Madaxweyne. Qaran News
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-08122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulanka 31-aad ee Golaha Shacabka oo la filyey inuu maanta dhaco ayaa baaqday, kadib markii guddoonka uu joojiyey kulankaasi oo looga hadli lahaa arrimaha guddiga Maaliyadda Baaralmaanka ee la kala diray. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan, oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ayaa kulan gaara la leh maanta xubnaha Guddiga Maaliyadda ee la kala diray, waxaana la sheegay in xal loo raadinayo Guddigan oo Guddoonku doonayo in laga gudbo, lana magacaabo Guddi cusub. Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay hore u baaqdeen kulannadii labadii toddobaad ee ugu danbeeyay ay yeelan lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka, marka laga reebo kulankii Arbacadii oo lagu ansixiyey sharciga xaq-siinta siyaasiyiinta. Waxaa weli taagan khilaafkii ka dhashay warbixintii Miisaaniyadda 2018-ka, iyadoo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka C/weli Ibraahi m Muudey uu kala diray Guddiga Maaliyadda, taasoo dhalisay muran ka yimid sharcinimada tallaabadaasi. Waxaa Baarlamaanka horyaala Hindisaha XeerkaHanti-dhawrka Qaranka oo akhrintii 3-aad maray, kaasoo la sheegay inay xukuumadda kasoo horjeedo ansixintiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com