-
Content Count
207,079 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saacadiii ugu dambeeyay kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeyay madaxda dalka ay ka dhaceen madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo kulamadaasi ay ka dambeeyay go’aankii shalay uu soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka. Kulanka ugu horeeyay ayaa wuxuu u dhaxeeyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana looga hadlayay khilaafka guddoonka u dhaxeeya. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kulankooda oo saacado qaatay ay isku fahmi waayeen qodobadii ay ka wada hadlayeen, waxaana la sheegayaa inay ku kala boodeen kulanka. Kadib waxaa kulan saacado kale qaatay wada yeeshay labada Guddoomiye ku xigeen ee baarlamaanka oo wali ku adkeysanaya in kala derista guddiga maaliyadda ay tahay mid sax ah. Kulankooda kadib waxaa ay la kulmeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aan la ogeen waxyaabaha ay go’aan ku gaareen guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Sidoo kale C/Welli Sheikh Muudeey iyo Mahad Cawad ayaa xalay la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo isla arintan kala hadlay, waxaana muuqata xiisad cusub oo guddoonka baarlamaanka u dhaxeysa. Waxaa soo baxaya in labo go’aan mid uu soo bixi doono kaasi oo xildhibaanada ay qaadan karaan oo kala ah, in guddoomiye Mursal mooshin looga hormaro, ama in madaxweynaha Soomaaliya xildhibaanada ay ka keenaan Mooshin ay ku saleynayaan isbadalka geeska Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Istanbul (Caasimada Online)-Madaxweynaha Dalka Turkey Mr Erdogan ayaa jeediyay khudbad kale oo uu kaga hadlayay arrimo badan, waxaana uu si cad u sheegay in dhibaatada amaan iyo mida dhaqaale ee taala dalalka Yurub inaysan sabab u aheyn Muslimiinta iyo dadka tahriibka ah, balse shacabka Reer Yurub ay ka dambeeyaan. “Amni darada iyo dhaqaalaha ay jecel yihiin kama aysan bilaaban inay xumaadaan marka Muhaajiriinta ama Muslimiinta u tageen, laakiin muwaadiniintooda ayaa u wacan”sidaasi ayuu Erdogan oo Banaanbax dad badan ka qeyb galeen ka hadlayay. Isaga oo ka hadlayay sida uu uga walaacsan yahay arintaan, ayuu sheegay in muuqaalka Dibad baxayaasha Yellow Vest uu muujiyay in Dalalka Yurub ku guul dareysteen Dimuqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo xorriyadda. Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ay geysteen dibad baxayaasha iyo dhibaatada ciidamada u geysteen inta ay banaanbaxayeen, iyadoo loo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo waxyaabo kale, waxaana dibad baxa uu ka dhacay dalka France. 700 oo kamid ah banaanbaxayaasha ayaa lagu xiray magaalada Paris ee dalka Faransiiska maalintii shalay, waxaana booliska ay adeegsanayeen agabka looga hortago banaanbaxa. Hadalkiisa ayaa u muuqda in dadka muhaajiriinta ah ee tagay dalalka Yurub inaysan dhibaato ku heyn, balse shacabka u dhashay dalalka Yurub ay yihiin dhibaatada amni daro iyo midda dhaqaale ee dalalka Yurub. Caasimada Online Xafiiska Turkey Caasimada@live.com
-
Yaa ka danbeeyay Guuldaradii & Fashilkii Xukumada Muuse Biixi ka raacay Shirkii Maalgashiga Somaliland ee Nairobi Shirkii maal-gashiga Somaliland ee Xukumada Somaliland ay 30-kii November ku qabatay hotel-ka Fairmont The Norfolk hotel ee magaalada Naiorbi, ayey guul-darro siyaasadeed iyo niyadjab kala noqotay. Shirkan ayaa Xuukumada Somaliland si aad ah u weyneysay, waxaana madaxweyne Muuse Biixi uu u diray afar wasiir oo oo kala ahaa Wasiirada,arrimaha dibedda, qorsheynta dhaqaalaha, gacansiga iyo macdanta. Si kastaba ha ahaatee, wasiirka gacansiga Kenya Peter Munya, madaxweyne ku xigeenka William Ruto, iyo laba xldhibaan oo kale oo Kenyan ah ayaa ka maquurtay casuumad ay Somaliland u fidisay. Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay diideen shirka,Iyagoo ka cabsi qabay in iskudhac diblomaasiyeed uu dhex-maro dowladda Somalia ee Farmaajo hogaamiyo, oo hadda ay Dawlada Kenya ay aad isugu dhow yihiin. Diidmada mas’uuliyiinta Kenya ee shirka Maalgelinta Somaliland ee Nairobi waxaa intaas dheeraa in dhamaan diblomaasiyiinta wadamada Caalamka u fadhiya Nairobi ay ka gaws adaygeen inay shirka tagaan. Waxaa sidoo kale meesha ka madhneyn khibrad la’aanta diblomaasiyadda caalamiga ah ee Xukumada Somaliland ay xaaladda uga sii dartay. inkastoo Xukumada Somaliland intaan shirku qabsoomin si aad ah u buunbuunisay ayaa markii shirka uu dhacay ka gaabsatay inay weyneyso In kastoo Warbaahinta Caalamiga & Ta maxalliga aysan inta badan soo hadal qaadin Maxsuulkii ama Natiijadii shirka laga filaayey iyo siday wax u dhaceen Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday in wakiilkii hore ee QM ee Midowga Afrika Haile Menkerios uu yimaado Soomaaliya, oo uu la kulmo madaxda dalka. Haile Menkerios, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Eritrea, ayaa qorshihiisu ahaa inuu yabooho inuu dhex-dhexaadiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab. Si kastaba, mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa waxaa codsi uga yimid madaxwenaha Eritrea Isaias Afwerki oo diidanaa in la qaabilo Haile Menkerios oo mucaarad xooggan ku ah dowladda Eritrea. Inkasta oo Afwerki iyo Haile Menkerios ay iska dhinac dagaalameen dagaalkii xoreynta ee lala galay Ethiopia, kadibna Haile Menkerios uu noqday safiirkii Eritrea ee Itoobiya, kadibna QM, waxa ugu dambeyn isku dhacay labada nin. Haile Menkerios ayaa hadda si dibad joog ahaan ah ugu nool Addis-Ababa. Sidaas darteed, ayaa ayada oo la tix-gelinayo codsiga Afwerki, waxa ay dowladda Soomaaliya ka mamnuucday Haile Menkerios inuu cag soo dhigo Soomaaliya, si aan loo carqaladeyn xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Asmara iyo Mogadishu. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaki ka qabta in Haile Menkerios ay aqbali karto kooxda Al-Shabaab maadaama uu xiriir la leeyahay QM, oo Shabaab ay u aragto qeyb ka mid ah “cadowgeeda reer galbeedka.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Soomaaliya iyo Nigeria oo kaalimaha hore ka galay waddamada ugu argagixisada badan Caalamka Dalalka Nigeria iyo Soomaaliya ayaa kaalinta 1-aad iyo midda 2-aad uga jira waddamada ay sannadka 2018-ka ka dheceen falalka ugu badan ee la xiriira argagixisanimada ee guud ahaan qaaradda Afrika. Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda ganacsiga iyo nabadda ee saldhiggeedu yahay waddanka Australia. Qiimeynta caalamiga ah ee lagu sameeyay heerka argagixisannimada ayaa dalka Nigeria kaalinta saddexaad ka galiyay 138 dal oo ka tirsan adduunka. Waddankan oo ah kan ugu shacabka badan qaaradda Afrika ayaa ku xigsaday dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan oo adduunka ugu horreeya dhinaca argagixisada. Nigeria waxaa ku xigay dalalka Suuriya iyo Baakistaan, halka Soomaaliya ay sare ugu soo kacday heerka dalalka ay saameynta ugu badan ka soo gaarto falalka argagixsannimada. Dalalka kala ah Hindiya, Yemen, Masar iyo Philipines ayaa sida ay isugu xigaan u kala galay kaalmaha 7-aad ilaa 10-aad. Kooxda Boko Xaraam ee fadhigeedu yahay Nigeria iyo Kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya ka howl gasha ayaa loo aqoonsaday iney ka mid yihiin afarta kooxood ee ugu halista badan caalamka. 10-ka dal ee ugu argagixisada badan qaaradda Africa: Nigeria Soomaaliya Masar Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo Liibiya Sudaanta Koonfureed Afrikada Dhexe Kaamiruun Suudaan Kenya Maxay warbixintu ka sheegtay Al Shabaab? Soomaaliya ayaa taariikhda ku gashay iney sannadkii 2017-kii noqotay waddanka sare u kaca ugu badan ay ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyada argagixisannimada ee guud ahaan dunida. Dhimashada ay sababeen falalka argagaixsada ayaa sare u kacay ku dhawaad 93%, iyagoo noqday 1,470 dhimasho, halkii ay sannadkii ka horreeyay ee 2016-kii ka ahaayeen 762 dhimasho. Tirada dhacdooyinka la xiriira argagixisannimada ayaa sidoo kale u kordhay si xoog leh, kuwaasoo halkii ay sannadkii ka horreeyay ka ahaayeen 248 dhacdo noqday 369 dhacdo, taasoo ah koror 49% ah. Inta badan falalka argagxisada ee ka dhacayay Soomaaliya ayaa lagu shegay kuwo ay geysaneysay kooxda Al Shabaab oo qura, taasoo mas’uul ka ahayd 92% oo ka mid ah dhimashooyinka ka dhashay falalka la xiriira argagixsannimada ee dhacay sannadkii 2017-kii. Kooxda kaliya ee marki laga soo tago Al Shabaab Soomaaliya ka geysatay falalaka argagaixisannimada ayaa lagu sheegay iney ahayd Jabhadda bariga Afrika, oo mas’uul ka ahayd 25 dhimasho oo sannadkii 2017-kii ka dhacday Soomaaliya. Qaran News
-
Qorshe Masuuliyiin sarsare oo Mareykan ahi ka dhex wadaan Muuse Biixi & Farmaajo Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u muuqda inaan weli lagu guulaysan in dib loo bilaabo, waxase socda dedaalo ay Qaramada Midoobay iyo dalal kale wadaan. Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi, ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, wuxuu labadoodaba kaga codsaday in dib loo bilaabo wada hadaladaas, waxaanu soo jeediyay in lagu qabto dalka Koonfur Afrika. Laakiin dedaalkiisa, ayaa inkastoo uu weli ku hawlanyahay haddana kumuu guulaysan in wakhti gaar ah oo loo qabto bilowga wada hadalada. Safiirka Maraykanka Donald Yukio Yamamoto, ayaa sida aan xogta ku helnay, wuxuu kulankii uu dhawaan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kula soo hadal qaaday dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Laakiin warku ma xaqiijin jawaabta uu Farmaajo ka bixiyay soo jeedinta diblomaasiga Maraykanka ah. Laakiin danjire Donald Yamamoto ayaa la filayaa inuu socdaal la mid ahi kii uu ku tagay Muqdisho uu ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo la filayo inuu mawduucan dib u bilaabista wada hadalada kala hadlo Madaxweyne Biixi. Ergo ka socota Midowga Yurub ayaa iyaguna toddobaadkan dhammaaday waxay Madaxweyne Biixi kala hadleen dib u bilaabista wada hadaladaas, isagoo Madaxweyne Biixi u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay in la bilaabo wada hadalada. Si kastaba ha ahaate, dalalka caalamka ayaa dedaal ugu jira inay kulan isugu keenaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaan weli la haynin wakhti cayiman oo ay wada hadalada iyo kulamadu bilaabmi doonaan maadaama oo aanay weli kalsooni rasmi ka helin labada Madaxweyne. Qaran News
-
Waxaa shalay Itoobiya tegay oo lagu soo dhaweeyey labada Madaxweyne ee Djibouti iyo Sudan Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Al Bashiir. Ujeedka booqashada labada hoggaamiye ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid laba weji leh, 1 – Ka qeybgalka Madaar cusub oo Ismaamulka Oromada magaalo ka mid ah laga furayey 2 – Xoojinta xiriirka saddexda dal. Hadaba farriin ceynkee ah ayey arrintaas u dirtay Madaxda Soomaaliya iyo Eritrea? Caadiyan wax weyn kuma jabna in Abiy Ahmed uu qaabilo hoggaamiyeyaasha labada dal ee Djibouti iyo Sudan oo ka maqnaa kulamadii saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya balse waxaa jira su’aalo badan oo is weydiin mudan. Waxaa aad loola socday is bedelka mandiqadda oo ay bartitaarayeen saddexda hoggaamiye ee kala ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Isias Afwerki balse loo ol’oleenayey in lagu ballaariyo Djibouti iyo Sudan xataa Kenya. Haddii ay sidaas tahay, oo uu Ahmed kala hadlayey Ismaaciil Cumar Geelle iyo Bashiir aaway doorkii madaxda Soomaaliya iyo Eritrea, Malaga talo geliyey? Sida muuqata Abiy Ahmed waxa uu dheelayaa siyaasad uu gobolka ugu atooreenayo oo uu dhinac walba rabo in uu isaga saameynteeda yeesho taas oo shaki galin karta niyad wanaaggii lagu soo dhaweeyey is bedelka uu bilaabay markii uu talada dalka yimi. Saadaal la’aan ku gadaaman siyaasaddiisa dhabta ah Kulanka ay Madaxda Djibouti iyo Sudan Itoobiya kula yeelanayaan Raisul Wasaraha waxa ay hubanti la’aan iyo saadaal la’aan ka bixineysaa siyaasadda Abiy Ahmed maadama aan dhabtii la aqoon ujeedooyinkiisii daahsoon. Maxaa la gudboon hoggaamiyeyaasha gobolka siiba Soomaaliya? Waxaa xaqiiq ah in bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintaba walaac badan ka muujiyeen wejiga cusub ee aan wax badan la ogeyn ee Abiy Ahmed oo dadka qaar ugu yeereyn Itoobiya oo marsatay TURUKO ‘Make Up, taas oo jirta, hoggaanka hadda ee Soomaaliya waxaa la gudboon in ay ka feejignaadaan wax walba oo oo berry u dhibaato u horseedi kara dalka si wanaagsanna isaga baandheeya heshiisyada iyo wada xaajoodyada ee ay yeelanayaan Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ee u muuqda mid aan siyaasad ahaan FADHIN. Sidoo kale, Madaxda Soomaaliya waxaa habboon in ay tashi qaran “National Dialogue” sameeyaan oo ay talada wax ka siiyaan bulshada qeybeheeda kale. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
New York (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa cambaareysay Gantaalo ay Xarakada Xamaas iyo Kooxaha Falstiiniyiinta ay ku tuureen Israel, ayada oo ka aamustay xasuuqa ay Yahuudda ku hayaan shacabka Falastiin. Wakiilka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay Abdullah Al-Maalami ayaa sheegay inay Sacuudiga cambaareeneyso ayna ka xun tahay Gantaaladii lagu riday dhulka Israel ay dagan tahay, mar uu ka hadlayey Shirkii Qaramada Midoobay ka hor inta aan codka loo qaadin Mashruuca Qaraarkii uu Mareykanka ku doonayey in lagu cambaareeyo Xarakada Xamaas. “Waan Cambaareyneynaa Gantaaladii lagu riday meelaha ay dagan yihiin Israa’iiliyiinta, waxaana ku baaqeynaa in la qaado tallaabooyin deg deg ah si Xabadda loo joojiyo” ayuu yiri Abdullaah. “Waan diidanahay arrin kasta oo keeneyso qas iyo Foodo dhibaatana loogu geysanayo dadka Rayidka ah, waxaana dhinacyada dhan ugu baaqeynaa in miiska wada-hadalka wax kasta lagu dhameeyo” ayuu sii raaciyey. Wuxuu carabka ku adkeeyey baahida loo qabo in si nabad ah loogu wada noolaado Bariga dhigo. Wakiilka Sacuudiga ee Qaramada Midoobay marnaba sooma hadal qaadin boqolaalka qof ee Falastiiniyiinta ah oo ay dhawaan Israa’iil ku dishay Gaza, iyadoo la ogyahay inay Israa’iil dhulkaas xoog ku qabsatay sanadkii 1967. Arrinta lala yaabay ayaa aheyd inuu si cad u sheegay inaan la aqbali karin in Israa’iil lagu dhibaateeyo Caalamka hortiisa. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u muuqda inaan weli lagu guulaysan in dib loo bilaabo, waxase socda dedaalo ay Qaramada Midoobay iyo dalal kale wadaan. Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi, ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom, ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, wuxuu labadoodaba kaga codsaday in dib loo bilaabo wada hadaladaas, waxaanu soo jeediyay in lagu qabto dalka Koonfur Afrika. Laakiin dedaalkiisa, ayaa inkastoo uu weli ku hawlanyahay haddana kumuu guulaysan in wakhti gaar ah oo loo qabto bilowga wada hadalada. Safiirka Maraykanka Donald Yukio Yamamoto, ayaa sida aan xogta ku helnay, wuxuu kulankii uu dhawaan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kula soo hadal qaaday dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho. Laakiin warku ma xaqiijin jawaabta uu Farmaajo ka bixiyay soo jeedinta diblomaasiga Maraykanka ah. Laakiin danjire Donald Yamamoto ayaa la filayaa inuu socdaal la mid ahi kii uu ku tagay Muqdisho uu ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo la filayo inuu mawduucan dib u bilaabista wada hadalada kala hadlo Madaxweyne Biixi. Ergo ka socota Midowga Yurub ayaa iyaguna toddobaadkan dhammaaday waxay Madaxweyne Biixi kala hadleen dib u bilaabista wada hadaladaas, isagoo Madaxweyne Biixi u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay in la bilaabo wada hadalada. Si kastaba ha ahaate, dalalka caalamka ayaa dedaal ugu jira inay kulan isugu keenaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaan weli la haynin wakhti cayiman oo ay wada hadalada iyo kulamadu bilaabmi doonaan maadaama oo aanay weli kalsooni rasmi ka helin labada Madaxweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Soddon (30) beri kadib waxaa Puntland u beryaya waa cusub oo siyaasadeed, waxaana Garowe ka dhacaysa doorasho kale oo taariikhi ah, taas oo lagu dooran doono Madaxweyne iyo ku xigeen. In ka badan labaatan (20) musharax oo u baratamaya Madaxweyne ayaa olole adag oo ay lacag culusna weheliso ka wada deegaanada Puntland, ololaha musharaxiinta oo horayba u billowday ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanayay. Doorashadan waxaa ka muuqda waxyaabo badan oo cusub, taas oo ay kaga duwan tahay doorshooyinkii hore ee Puntland. Khilaaf Doorashadan waxaa ugub ku ah khilaaf u dhexeeya madaxda ugu sareysa Puntland ee xilku ka sii dhamaanayo, kadib markii ay kala magacaabeen labo Guddi oo khilaafaad. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa 3-dii bishan December 2018 magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada oo ah siddeed xubnood oo ay ku jiraan xubno ka tirsan dawlada sida Gudoomiye ku-xigeenka gobalka Bari Axmed Cali Cabdullaahi Ciro, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaalada Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo Burhaan Maxamud Cilmi oo ka tirsan madaxtooyadda, sidoo kale gudigaas waxaa ku jira xubno xiriir hoose la leh Madaxweyne Gaas. Saacado kadib magacaabistii Madaxweyne Gaas, waxaa isna Guddi kale magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, wuxuuna ku eedeeyay Madaxweyne Gaas in uu baalmaray hab-raaca magacaabidda Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland. Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland ayaa marar badan muran ka dhaliyey musharaxiinta iyo madaxda xilka haysa, mana ahan sharciyan guddi ku xusan dastuurka Puntland. Musharaxiinta u tartamaya doorashada Puntland 2019 ayaa iyana ku kala aragti duwan guddigan ay kala magacaabeen Gaas iyo Camey, qaar kamid ah ayaa soo jeediyay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka, halka qaarna ay la kala safteen Madaxweynaha iyo ku xigeenka. Madaxda waqtiga kasii dhamaanayo Sidoo kale waxyaabaha ku cusub doorashadan ayaa ah madaxda waqtigu kasii dhamaanayo ee Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo ilaa iyo hadda midna sheegin in uu tartamayo iyo in kale. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay kala cadaato in ay musharaxiin yihiin iyo kale, waxayna u badan tahay in labadoodu ay u kala tartami doonaan Madaxweyne iyo ku xigeen. Labadan masuul oo 5-tii sano ee la soo dhaafay hogaaminayay Puntland ayaa madax ka ahaa musuqmaasuq ballaaran oo dhacay, isla xisaabtan la’aan iyo hogaamin xumo, iyagoo ku fashilmay falan-qaadyadii ay horey u sameeyeen ee dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Musharax Madaxweyne ku xigeen Waxyabaaha kale ee ku cusub doorashadan waxaa kamid ah, iyadoo aan wali la arag Musharax Madaxweyne ku xigeen Puntland 2019, xili ay waxyar ka dhigan tahay doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019. Siyaasadda Puntland ee hoggaanka sare sida Madaxweynaha, ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay u qeybsan tahay hanaan qabiil, laakiin waa mid la qurxiyey kumana qorna dastuurka Puntland, waana mid muujinaysa in ninkasta yaqaan xilka uu u tartamayo. Saraakiil ciidan oo musharaxiina Waxaa musharaxiinta u tartami doonta doorashada Puntland 2019, kamid ah saraakiil ciidan oo caan ah, qaarkoodna ay saameyn ku leeyihiin ciidamada Puntland. Musharaxiintaas waxaa kamid ah Gen. SiciidDheere oo horey u ahaa taliyaha guud ciidmada Puntland, Gen. Asad Cismaan Cabdulaali oo ahaa taliyaha ciidamada amaanka PSF, Gen. Khaliif Ciise Mudan oo mar soo noqday Wasiir amni Puntland horey u ahaa taliyihii ugu dambeeyay ee ciidamadii cirka Soomaaliya, Gen. Maxamed Xirsi Moorgan oo mar soo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga dowladii Maxamed Siyaad Barre iyo Col. Jibriil Maxamed Yussuf oo ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliya. Saraakiishan ayaa doonaya in ciidamadu ay saameyn ku yeeshaan xukunka Puntland oo tobankii sano ee dambeeyay ay maamulayeen siyaasiyiin rayid ah. Amniga doorashada Amnigu waa arrinta ugu muhiimsan ee saldhiga u ah qabsoomida doorashada, sidaas oo ay tahay xukuumadda Madaxweyne Gaas wali ma magacaabin cidda masuulka ka ah amniga doorshada. Doorshadii 2014 xiligan oo kale waxaa shaqaynayay Guddi loo magacaabay amniga doorashada oo uu madax u ahaa Sareeye guud Siciid Dheere ayna kamid ahaayeen madaxda hay’adaha amniga. Hadda waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland lagu arkayaa musharaxiin wata daagiid dagaal oo aad u badan, taas oo doorashooyinkii hore aan la ogolayn. Suxufiyiinta Bulshooyinka caalamka waxaa hagta warbaahinta oo si joogto ah wax uga beddesha siday u fikirayaan iyo go’aannada masiiriga ah ee ay gaarayaan, taasi waa sababta loo yiri wariyayaasha iyo warbaahinta xogtiina isku dheelitira. Qaar kamid suxufiyiinta Puntland ayaa si bareer ah uga mid noqday taageerayaasha qaar kamid ah musharaxiinta Puntland, iyagoo ku guda jira warbaahinta, waxayna adeeg sadaan erayo iyo luuqad aan dhexdhexaad ahayn oo ay ku hadlaan taageerayaasha kuwa tartamaya. Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa dhawaan uga digay suxufiyiinta iyo musharaxiinta in ay ku xadgudbaan madax banaanida saxaafadda. PUNTLAND POST
-
Washington DC (Caasimada Online) – Congresswoman Ilhaan Cumar oo dhawaan loo doortay aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa jawaab kulul u dirtay siyaasiga muxaafidka ah ee lagu magacaabo Earl Walker Jackson oo hadal cunsurinimo ah kusoo dhaweeyay ku biiritaanka haweenka muslimka ah ee Congress-ka dalkaasi. Jackson ayaa kol sii horeysay sheegay in aqalka Congress-ka dalkaasi Mareykanka uu yeelan doono muuqaal ka duwan midkii lagu yaqaanay, maadama sida uu sheegay haweenka Muslimka ah ee loo doortay aqalkaasi ay durbadiiba bilaabeyn in ay u dhaq dhaqaaqaan sida ay wax kaga badeli lahaayeen xeer hoosaadka xijaabka ka xayiraya haweenka aqalka Congresska kusoo biira. Waxa uu si gaar ah Ilhaan Cumar ugu edeeyay in ay iyadu dabada ka riixeyso in isbadalkaasi uu ku imaado aqalka Congress-ka dalkaasi. “Waxa uu aqalka u ekaan doonaa congress dal Islaam ah uu leeyahay waayoo muuqaalka guud ayaa is bedeli doono waana wax Mareykanka qiimahiisa bedeli doono” ayuu sheegay Earl Walker Jackson. Ilhaan Cumar oo ka duulaysa hadalkaasi cunsurinimada ku dheehantahay ayaa sheegtay in qiiyimka Mareykanka uusan waxba iska bedeli doonin, hadii uu is badelaayana uu noqon doono mid wanaagsan. Haweeneydaan asal ahaanta Soomaaliga ah ee laga soo doortay degmada Shanaad ee Minnesota ayaa dadaal dheer ku bixinaysa wax ka bedelka xeer hoosaadka u yaalla aqalka Congress-ka Mareykanka si loogu ogolaado in ay soo hagoogato oo ay timaheeda soo daboolato marka ay soo xaadirayso kullamada aqalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
The determination by the Somalia federal government to influence the outcome of the Southwest State’s presidential election has raised doubts about whether the polls will still be held on December 19 having already been postponed three times. The election was initially set for November 17, but was pushed to November 28 and then December 5, due to what the government says is lack of equipment and ballot papers. However, experts on Somalia say that the government of President Mohamed Abdullahi Farmajo is determined to get a friendly leader in Southwest State especially after the regional leaders threatened to suspend their cooperation with the centre in September. The president and his Prime Minister, Hassan Ali Khaire are backing former minster for energy and water resources, Addukaziz Andullahi Mohammed, and are opposed to the candidature of former Al Shabaab deputy leader Sheikh Mukhtar Robow. However, National Assembly Speaker Mohamed Mursal Abdirahman — who hails from Southwest — is opposed to the federal government’s interference and is demanding that Mogadishu remain neutral in the matter. Mr Abdirahman, who took over from Mohamed Osman Jawari in April, is also opposed to the deployment of more troops to Baidoa to safeguard the election, after intelligence reports revealed that Al Shabaab was planning to disrupt the polls. The three leaders met on December 3 to discuss the issues but the differences still remain. Abdirahman Abdishakur Warsame, the leader of Wadajir Party, told The EastAfrican that the challenge is that the government is determined to block Sheikh Robow from contesting but his clan wants him to do so. Sheikh Robow, who belongs to the Digil and Merifle Clan, which is the majority in Southwest, defected to the government last year after denouncing the insurgents. The national electoral body had banned Sheikh Robow from participating in the elections because of his past record but the Southwest State’s election body later cleared him. Now the government is arguing that he is yet to be cleared from the United States’ list of terrorists. Source: East African Standard
-
Nairobi (Caasimada Online) – Maamulka Diyaaradda Kenyan Airways ayaa ka hadlay arin la xiriirta in duulimaadyadooda ay ku imaanayaan magaalada Muqdisho uu qeyb ka noqon doono inay Khaat keenaan magaalada Muqdisho. Kenya Airways ayaa la filayay in 5 December socdaalkeedii ugu horeeyay ku timaado Muqdisho balse ma aysan dhicin, Waxaana wareysi uu bixiyay Macharia Kamau uu ku sheegay in diyaaradda ay xooga saartay horumarka iyo safarkeeda cusub ee Nairobi iyo New York. Masuuliyiinta diyaarada Kenyan Airways ayaa sheegay in marnaba uusan qorshaha ugu jirin inay Khaat keenaan magaalada Muqdisho, kaasi oo Kenya ay dhaqaalo badan ka hesho sanadkii. “Wax Khaad ah “Miraa” ma ahan ahmiyadeena socdaalkaan. Waxaan dooneynaa inaan kordhino inaan qaarno macaamiisheena ka shaqeysa Soomaaliya iyo kuwa maalgashada, arinta kale ee soo raaci karta ayaa ah inaan abuurno fursado wada shaqeyn oo maalgashadayaasha, Ganacsatada iyo dalxiisayaasha ah”ayuu yiri masuulka u hadlay Kenya Airways. Warar soo baxayay ayaa sheegaya in waxyaabaha la isku qabtay ay qeyb ka aheyd in diyaaradda ay dooneyso inay Khaat keento magaalada Muqdisho, waxaana diyaarado gaar ah ay khaatka keenaan Muqdisho. Maamulka ayaa sheegay in todobo jeer ay isbuucii duulimaadyo ku tagi doonaan magaalada Muqdisho, balse hadda dib ayaa loo dhigay duulimaadyada diyaaradda ay ku imaan laheyd magaalada Muqdisho. Waxyaaba keenay dib u dhaca duulimaadyada Muqdisho waxaa qeyb ka ah nooca diyaaradeed ee ay safarkooda u adeegsan doonaan, iyadoo shirkadda ay dooneysay in diyaarad horey dowlado baddan kaga diideen u adeegsato socdaalkeeda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
New Delhi – An Indian Navy ship, deployed on anti- piracy operation in the Gulf of Aden, has seized arms and ammunition off the coast of Somalia in a quick operation, officials said Saturday. The ship INS Sunayna carried out the operation on Friday in which four high caliber AK-47 rifles and one Light Machine Gun, along with ammunition for these weapons were seized from a vessel, Navy officials said. INS Sunayna carried out a similar operation off the coast of Somalia last month as well. The ship detected a suspicious fishing vessel, approximately 25 nautical mile off the coast of Somalia, in the vicinity of Socotra island, following which the operation was launched, they said. “The vessel was thoroughly searched and allowed to proceed, after confiscation of the arms and ammunition, to prevent their illegal use later by the crew for piracy-related activities,” said a Navy official. “This incident reiterates the commitment of the Indian Navy towards ensuring safe seas for Indian, as well as international, seafarers in the Indian Ocean region,” he said. Source: Press Trust of India
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-081218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Inkasta oo arrinta ugu weyn ee Mursal ay isku qabteen xukuumadda iyo Villa Somalia taasi oo keentay inuu soo celiyo guddiga maaliyadda baarlamanka, ay la xiriirto doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa haddana waxaa jira qodob kale oo muhiim oo aan la yareysan karin. Mursal waxa uu dareemay in lagu sameeyey bah-dil kadib markii xukuumadda ay adeegsatay labadiisa ku xigeen Muudeey iyo Mahad Cawad, kuwaasi oo guddiga maaliyadda BF kala diray isaga oo ku maqan dalka Turkiga. Sida muuqata Mursal waxa uu dareemay in laga soo qaaday waxba kama jiraan, oo isaga oo maqan go’aan xasaasi ah lagu gaaray gurigii uu aabaha ka ahaa. Xitaa haddii Mursal uu fikir ahaan noqon lahaa mid taageersan guddiga kal diristiisa, waxaa mar walba wax aan cuntameyn noqday in ayada oo xitaa aan la tashi lala sameyn la qaatay go’aan adag. Kaaga sii daran’e waxaa arrinta sii dhabjisay wasiirka cayaaraha ahna xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, oo sheegtay in Mursal uusan waxba ka beddeli karin kala dirista guddiga. Hadalkaas ayaa u muuqda farrin loo soo dhiibay Khadiija, maadaama ay aad ugu dhowdahay ra’iisul wasaaraha, waxayna ahayd bah-dilaad iyo xushmad tirid lagu sameeyey Mursal iyo kursiga uu ka fadhiyo, waxaana qasab ku noqotay inuu jawaabo. Sida muuqata xukuumadda ayaa isku dartay xisaab qaldan, maadaama ay aamintay in Mursal uu ku raaci doono go’aanka ay gaareen Muudey iyo Cawad, kana dul booday.. Sida ay ila-tahay haddii arrintan lala sugi lahaa Mursal, xukuumadda iyo xildhibaanada ku xiranna ay u dayn lahaayeen inuu asaga go’aan ka gaaro, Mursal kuma qasbanaan lahayn inuu maanta ku dhowaaqo go’aan kasoo horjeeda xukuumadda. Waxaa xusid mudan in Mursal markii hore uu kursiga ku yimid taageero ay siiyeen xukuumadda iyo Villa Somalia, sidaas darteedna dad badan u haysteen nin aan qaadan karin go’aan aysan labadan dhinac raali ka ahayn. Haddii arrintan uu ka aamusi lahaa, wuxuu noqon lahaa qof shaqsi ahaan dhintay oo aan wax kasoo qaad lahayn, wuuna ku qasbanaa in ugu yaraan hal mar uu muujiyo inay talo ka go’do. Mursal waa la bah-dilay waana jawaabay. W/Q: Xasan Aadan Muumin Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hor-yimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda. Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018. Haddaba dadka Falanqeeyo Siyaasadda ayaa aaminsan inuu Guddoomiye Mursal la kulmi lahaa seddex arrin haddii uu taageeri lahaa kala dirista Guddiga Maaliyadda, waxayna kala yihiin: 1) – Mucaarad Xooggan: Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmi lahaa mucaarad xooggan oo dhanka Xildhibaanada Baarlamaanka ah. Wuxuu cadaadis xooggan kala kulmi lahaa Xildhibaanada mucaaradka ee aan Beeshiisa aheyn iyo kuwa laga soo doorto Koonfur Galbeed oo ah Xildhibaano isku xiran isla markaasna leh hal mowqif. Mursal ayaa dhexda ka geli lahaa mooshin ka keenis iyo mucaarad aaad u xooggan maadaama ay xiisadaan ka dhalatay buuq iyo jahwareer siyaasadeed. 2) – Kalsoonida Beeshiisa Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa hadda Mursal u arko inuu yahay awoodda kaliya ee dowladda ugu jirto inuu yahay, haddii uu go’aanka kala dirista taageeri lahaana wuxuu weyn lahaa kalsoonida Beeshiisa. Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa Mursal u arki lahaa inuu yahay nin la heysto ah isla markaasna aan laheyn go’aan uu ku Matalo dadka Soomaaliya iyo Beesha uu kasoo jeedo. Arrintaan ayaa aheyd tijaabo ay Beeshiisa ku ogaan laheyd hal beegga siyaasadeed ee Mursal iyo qaabka uu u maareyn karo haddii ay dalka soo wajahdo Khilaafka Baarlamaani ah. 3) – Xukuumadda oo uusan garab ka heli lahayn Kaliya xukuumadda iyo Mursal iskuma khilaafsano kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya balse waxaa la isku heystaa Ciidamadii dhawaan la geeyey Baydhabo iyo cadaadiska ay dowladda Soomaaliya ku heyso Musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Mursal ayaa ku adkeystay in Roobow uu sharci ahaan u tartami karo Doorashada isla markaasna aysan dowladda qaadin tallaabo ka dhan ah oo doorashada looga reebayo. Haddii xataa uu Mursal taageeri lahaa kala diristii Guddiga Maaliyadda wax sumcad ah kama heli laheyn xukuumadda maadaama weli la isku heysto arrinta Roobow uuna ku adkeystay inuusan arrintaas dowladda ku taageeri karin. Mursal iyo xukuumadda ayaa ku kala tagay arrinta Roobow, waxaana fashilmay dhawr kulan oo arrintaan looga hadlayey waaba midda keentay inuu Mursal ka hor imaado kala diristii Guddiga maaliyadda ee Baalarmaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland engrossed rival powers Under the leadership of the current president of Somaliland all eyes of the world are fixated to Somaliland —not only the largest conglomerates but the most economically and militarily powerful ones yet rivals are exploring around what Somaliland has to offer them. Its untapped natural resources raging from its huge hydrocarbon deposits equated to being larger than Kuwait and the UAE combined and among its many other resources — and adding to the basket its strategic location is attracting China and the Russians. The latter over the recent years has been attempting to revive its historic relationship with people of Somaliland as it has had a military base at Berberea Port—it had complimented to providing health services to Berbera Hospital which had hugely benefited from Russian doctors. People across the country would once make a journey to this hospital to seek its world class health services. Peoples of this country have never forgotten Russia’s generosity and feel today to be indebted to them—not only inhabitants of Berbera will be exuberant to see Russia coming back to Berbera but should receive a jubilation welcome back from the society. China and Russia outlook to Somaliland leaves behind the Europe and the USA outwitting them by their outdated perspectives. China has been slowly turning most African countries to Chinese economic zones. That has in recent times seen China investing billions of dollars into the economy of African countries and providing low interest rate loans—that relegated the World Bank and IMF second to China. In the past IMF and World Bank economic policies seen African countries riddled with huge debt. China in return accessed lucrative contracts and new markets for its export industries—good examples are our nearest neighbours of Djibouti, Ethiopia and Kenya who have hugely benefited from China funded projects ranging from road and rail networks, aiding African’s industrialisation and successful oil exploration in Ethiopia. Somaliland will benefit, if attracts Russia which has been showing signs to reconnect to Somaliland —it had been once a close friend of our people. Resurgence of relation with Russia, not only the health service will benefit again but it should permeate every sector aiding to exploit its resources. In return Russia would be securing a lucrative economic contract and getting a foothold in commanding strategic location that is a vital interest in its global influences economically and militarily. The newly democratically elected president of Somaliland — has engrossed international community in his anti-corruption policies and good governance. Conversely, underperforming departmental governments lack of the capacity to run huge developmental projects and connect the country to the world. Ahmed Abdi Isse As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada gacanta ku heysa dekadda magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay qalab casri ah oo lagu kordhiyay dekadda magaalada Muqdisho oo si caalami ah u shaqeysa. Maareeyaha Shirkadda Albeyrak Sami Erol, wasiirka dekadaha Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay munaasabadaan oo ka dhacday gudaha dekadda magaalada Muqdisho. Qalabkaan cusub ayaa la sheegay inuu wax weyn ka tari doono hagidda marakiibta iyo sidoo kale inay ka qeyb qaataan daminta dab haddii uu ka kacaa dekadda magaalada Muqdisho. Qalabkaan Casriga ah ayaa laga keenay magaalada Dubai waxaan ku howlgeli doona dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh socdaalka iyo hagidda Maraakiibta waa weyn ee ku soo xirta dekadda Muqdisho. Wasiirka Dekadaha xukuumadda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in arintan ay qeyb ka tahay balaarinta dekada magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdish Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee dhulka Ismaamulka Soomaalida si weyn loogu soo dhaweeyay C/Kariin Sheikh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ah Saraakiisha ONLF. Waa deegaanadii uu ka bilaabay halganka Jabhadda ONLF, waxaana maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga. Madaxda Jabhadda ONLF iyo taageerayaal badan oo taageersan ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada, waxaana looga hortagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga. Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax ayaa dhawaan waxa uu Soo maray Gobolo badan oo dalka Soomaaliya ah,sida Jubbaland, Galmudug iyo deegaano kale. Isaga oo ku xiran magaalada Addis Ababa waxaa cafis u fidiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Dr Abiy Axmed, waxaana uu kadib socdaal ku tagay Kenya iyo qaar kamid ah gobolada Soomaaliya.
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Murashaxiinta maamulka Koonfur Galbeed oo war qoraal ah soo saarey ayaa sheegay in sii haya Madaxwaynaha ahna Afhayeenka Gollaha Wakiilada aanu sifo sharci ah ku joogin xafiiska. Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, oo jagada madaxwaynaha haya tan iyo markii uu is-casilay Shariif Xasan, ayay sheegeen Murashaxiinta inuu mudada xileedkiisu ku ekyahay 8-da bishaan December. Bayaanka ayaa lagu shaaciyay in wixii ka dambeeya taariikhdani uu maamul goboleedkaan cagaha la galayo khal-khal dastuuri ah, sida ay hadalka udhigeen. Murashaxiinta oo kala ah; Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], Aadan Saransoor iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa ugu baaqay Gudoomiye Maye inuu xilka isaga dego ama uu Baarlamaanka horgeeyo qaar u ogolaanaya. Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in inta laga gaarayo doorashada ama laga dooranayo Madaxwayne cusub la sameeyo Golle loo dhan yahay, kaasi oo ka shaqeeya sidii ay udhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah. Ugu dambeyntii, dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay faragelin ba’an ku hayso doorashadda ayay ugu ku tartarsiiyeen inay ka joojiso islamarkaana ay umadax banaaneyso Guddiga doorashada. The post Murashaxiin baaq udiray sii haya Madaxwaynaha KG appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-081218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa Sabtida maanta ah dallacsiiyay taliyaasha ciidamada Daraawiishta iyo Badda(PMPF) ee dowladda Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 8 bishan December 2018 ee ku beegan sabtida maanta ah ayaa min hal darajo lagu dallacsiiyay taliyaha ciidanka Daraawiishta,Ex Sarreeye Guuto haatanna ah sarreeye Gaas,Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo Ex sarreeye Guuro haatanna ah Sarreeye Gaas,Cabdirisaaq Diiriye Faarax,taliyaha ciidanka badda Puntland ee(PMPF). Sarreeye Gaas Cabdirisaaq Diiriye Faarax taliyaha PMPF Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland,Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa la magacaabay 28 October ee sannadkan 2018,kadib markii taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Puntland,Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) uu ku dhawaaqay inu u sharraxanyahay doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019. Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen taliyaha Daraawiishta PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo dallacsiiyay taliyaasha ciidamada Daraawiishta iyo PMPF appeared first on Puntland Post.