Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,081
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan Mathew Offord oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa dawladda dalkiisa ugu baaqay inay horseed ka noqoto aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Xildhibaan Mathew, wuxuu dawladda dalkiisa u soo jeediyay inay Qaramada Midoobay u gudbiso dalab ay ku weydiisanayso aqoonsiga Somaliland, “Waxaan jecelahay in dawladda Ingirisku ay horseed ka noqoto si ay Qaramada Midoobay Somaliland ugu aqoonsato dal madaxbanaan oo xuquuqdiisa leh.” Ayuu yidhi Xildhibaan Mathew, waxaanu intaas raaciyay “Waana inay sidoo kale xubnaha kale ee Baarlamaanka u sharaxdaa inay fursad weyn u tahay Ingiriiska, ka dib ka bixitaankii Midowga Yurub inay xidhiidho la samaysato dalalka Bariga Afrika, waana dal weyn oo leh mustaqbal wanaagsan.” Xildhibaanku, wuxuu sheegay in maalgashiga DP world ee dekedda Berbera uu fursad u yahay Somaliland iyo sidoo kale gobalka Geeska Afrika oo dhan, waxaanu sidoo kale sheegay in horumar dhaqaale oo Somaliland ka hirgalaa uu faa’iido iyo fursad u leeyahay shirkadaha Ingiriiska iyo qurbe joogta Somaliland ee degen dalkaas Ingiriiska. Laakiin xukuumadaha kala dambeeyay ee dalka Ingiriiska ayaa aqoonsiga qadiyada Somaliland waxa ay ku riixaan inay horseed ka noqdaan dalalka gobalka Geeska Afrika iyo wada hadal ay qaddiyadan heshiis kaga gaadhaan Soomaalida dhexdeedu. Geeska Qaran News
  2. Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhagax dhigay maanta xarunta madxafka qaranka ee Muqdisho. Xaruntaan ayaa loogu talagalay in ay dib markale loogu shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo ay hareertiisa taaganyihiin wasiiro Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa dhagax dhigay xarunta madxafka qaranka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa baaq u jeediyay umada Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay in ay dhismo iyo dayactir ku sameeyaan goobaha danta guud. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kal hore xariga ka jaray olole uu ugu magacdaray is xilqaan oo dayactir loogu sameeynayo xarumaha danta guud ee dagaaladii ku bur buray. Hoos ka Daawo Daawo Sawirada Hoos ka Dhageeyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/War-Cowke-PP-Madaxweyne-Farmaajo-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta madxafka qaranka appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Muqdisho )Koox hubeysan ayaa Saakay waxaa ay Ganacsade ku dileen isgooska Ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho. Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Ganacsade soo dejiya Gawaadhida, waxaana lagu Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax (Cabdi Biifane) Dadka Deegaanka ayaa Saxaafadda u Sheegay in koox ku hubeysan bistoolad ay Ganacsadaha uga tageen hoygiisa oo ku yaalla meel u dhow Isgooska Ex-koontorool Afgooye , iyagoona kadib rasaas badan ku riday, waxaana la sheegaya inuu Goobtii lagu toogtay uu ku dhintay. Sidoo kale Warar kale ayaa sheeagaya in kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen Gabadh uu dhalay Ninka la dilay, taas oo iyana dhaawaca Gabadha la geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho. Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo halka uu dilka ka dhacay ay gaadheen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya. Source
  4. Mudooyinkii u dambeeyay waxaa bulshada somaliland u dheg taagaysay Doorashadii isku sidkanayd ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Degaanka qabsoomideeda. Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/11/2019 ayaa komiishanku ku dhawaaqay inanay dhacaynin ama qabsoomaynin wakhtigii u cayimnaa doorasha kaas oo ahaa 29/03/2018. Sidaa daraadeed Qormooyinkii taxanaha ahaa ee ITUS OO ITAABSII aan ku soo qaato, isla markaana si qoto dheer oo waafi ah aan uga hadlo, wixii su’aalo ahna aan u celiyo halka ay giraantu ka rogmi la’dahay. Gudoomiyaha Komishanka Dorashooyinka Eng Cabdiqadir Iman Warsame isagoo ka hadlaya caqabadaha ay keenay in doorashadii baaqato, Waxa uu hadalkiisii u dhignaa sidan ” Markii komishanka Doorashooyinku diyaariyay dhamaan qorsho hawleedyadii u yaalay ama horyaalay waxaa ka hor yimid caqabado, caqabadahaas oo isugu jira kuwo sharci, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaalaba oo kala ahaa 1. Saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada taas oo ilaa hada aan la gaadhin xal iyo heeshiis midnaba. 2. Xeerarkii Diwaan gelinta Cod bixiyayaasha iyo dooraahooyinka oo udub dhexaad u ah qabsoomida doorashada golaha wakiilada iyo Degaanka ee isku sidkanaa oo ilaa hada aan la ansixin. 3. Diwaan galinta codbixiyayaasha oo laf dhabar u ah qabsoomida doorasho sharciguna dhigayo in doorasho kasta ka hor la sameeyo ama la qabto oo aan qabsoomin. 4. Xisbiga wadani oo ku dhawaaqay bishii March/ 2018 kii in uu joojiyay dhamaan wada shaqayntii ka dhexaysay isaga iyo komishanka doorashooyinka qaranka taas oo caqabad ku noqotay shaqadii komishanka. 5. Wada xaajoodkii u dhaxeeyay asxaabta qaranka oo iyaguna ilaa hada wax xal ah ama is fahan ah aan laga gaadhin. 6. Miisaaniyadii lagu galayay Doorashada isku sidkan ee inagu soo socota oo iyaduna aan wali dhamays tirnayn ama aanaanu wada haynin. Caqabadaasi waxay suurto gal ka dhigi waayeen in komishanka doorashootinka qaranku shaqadii qabsado”. Lixda qodob ee caqabada ku noqday xilligii dorashadu qabsoomi lahayd aan saafo, saarana miisaankii nuxurka hadalka mid walbana aynu sii furfurno si aynu u taabano xaqiiqda. Qodobka 1aad: Saami qaybsiga Kuraasta Golaha wakiilada. Allow aqoon la’aan ha nagu cadaabin, eexna ha nagag tegin, waxaan uga socdaa maanta ama wakhti xaadirkan may ahayn in dood, yooyootan iyo muran ay gasho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiiladu, waxay ahayd in horeba loo sii diyaariyo laguna saleeyo gobalada dalka, isla markaana loogu yeedho (Xeerka Saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobalada). Way dhici wayday ileen Biyo daatay à waa la qanan jiraye, imikaba Golaha wakiiladu ha diyaariyaan … in kastoo Gudoomiyaha golaha wakiiladu uu hore u yidhi ” Golahayaga ma khusayso diyaarinta saamiga kuraasta golaha wakiiladu, waa hawl u taala saddexda xisbi qaran”. Xaqiiqdii marka aan runta lala gabanaynin xildhibaan kasta oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiiladu waxa uu ka soo baxay asxaabta qaranka iyo gobal. Hadii layska indho tirayana maan sheegin. Qodobka 2aad: xeerka diwaan gelinta iyo Doorashooyinka golaha wakiilada iyo golayaasha degaanka ee aan la ansixin. Waxa ay komishanka qaranku madaxweynaha u gudbiyeen markii ay kaabis iyo wax ka badal ku sameeyeen Bishii April/2018, madaxweynuhuna waxa uu u sii gudbiyay golaha wakiilada si ay u ansixiyaan oo uu dhaqan gal u noqdo, mudada ka hadhsanayd waxay noqonaysaa 10 bilood iyo 28 caano maal maalintii doorashadu qabsoomi lahayd. Walee waa hubaal in hawl aan daacad laga ahayn ansixmaynin, waxaanan qabaa in odayaashaasi ay jeclaysteen sii fadhiga mudo dhaafka ah ee cago cagaynaya ama gaadhaya 13 Gu. Dal ba’aw yaa ku leh. Qodobka 3aad: Diwaan gelinta codbixiyayaasha oo aan qabsoomin: Yaab, Amakaak, Fajac iyo dhabano hays weynaa. Aan u kala saaro labba amuurood midi waa xeerkii ay ku qabsoomi lahayd oo qaydhin isla markaana ay diideen in ay bisleeyaan golaha wakiiladu. Mida kalena waa dhaqaalihii lagu qaban lahaa diwaan gelinta. 20/10/2018 qudbadii uu jeediyay Madaxweynuhu waxaa ka mid ahaa in April/2018 ay ku wareejiyeen komishanka doorashooyinka xadi lacageed oo dhan labba milyan oo dollar ($2,000,000) lacagtaas oo ka mid ahayd afartii milyan ee dolar ($4,000,000) ee xukumad ahaan kaga soo hagaagay dhaqaalihii ku baxayay Doorashada gaar ahaan diwaan gelinta codbixiyayaasha, labba milyan ee dolar ($2,000,000) ee hadhsana ay diyaar ka tahay kuna wareejinayaan. Qodobka 4aad: Xisbiga wadani oo kalsoonidii kala noqday Komishanka: Aan soo qaato baydad ka mid ah maansadii abwaan gaariye alleh ha u naxariistee. Nin wax diiday oon garan. Wax kaluu ku doorsado. Wuxuu doonayaan jirin. Maamulka komishanka doorashooyinka waxaa uu ku joogaa sifo sharci ah dastuurka qaranku raali ka yahay, waxay leeyihiin mudo xileed bilow iyo dhamaad leh, maalinta ay mudadaasi buuxsan tana waxaa hubaal ah in hadii ay sii fadhiyaan sharci daro noqonayso,ilaasifo sharciya dib loogu doortao ama Xubno cusubi badalaan. sidaa daraadeed xisbiga wadani waxaa la gudbooninay dhawraan Dastuurka iyo xeer xoosaadyadiisa waa hadii ay doonayaan in ay doorasho qabsoonto. Hadii kale maan sheegin! Qodobka 5aad: wada xaajoodkii u dhaxeeyay asxaabta qaranka oo ilaa hada wax xal ah gaadhin: Haynu wada hadalno waa aynu heeshiino, lakiin ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis. Dastuurka qaranka iyo xeer hoosaadyadiisu waa kala hagaha asxaabta qaranka, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo saddexda tiir ee dawladu ka kooban tahay waa ( sharci dajinta, Fulinta iyo maxkamada) Waxaa laga wada dharagsanaa darafyadii ay kala is taageen asxaabta qaranku, waxaa kaaf iyo kala dheeri noqday in axsaabta xisbiyo ka mid ahi ku dhawaaqeen inay qabanayaan shir beeleed. Ka daroo dibi dhal waa mawduux ka sii mug iyo miisaan weyn wixii laysku maan dhaafsanaa. Halkaa dhaafi maayo waxaanan u daynayaa bulahada somaliland intii wax garad ah si ay u faaqidaan una falanqeeyaan. Qodobka 6aad: miisaniyadii lagu galaayay doorashada isku sidkan oo aan wada gaadhin koomishanka qaranka: Doorashadu waxay ku qabsoomaysaa xadi dhaqaale oo dhan lix iyo toban milyan oo dolar ($16,000,000), xukumada waxaa ku aadanaa xadi dhan afar milyan oo dolar ($4,000,000), Qaadhaanbixiyayaashana waxaa ku aadanaa labba iyo toban milyan oo dolar ($12,000,000) Intii xukumada waa la hayaa laakiin inta dhiman waa intii laga sugayay qaadhaan bixiyayaasha Qoladaasina waxay ogaadeen oo ay arkeen inaynu isku khilaafsanahay oo aynaan doonayninba doorasho qabsoonto. GaboGebo: Asbaabtaa kaliftay in Doorashada Golaha wakiilada iyo golaha degaanku ee qabsoomi lahayd 29/03/2018 ay dib uga dhacdo Ma jidaynayaa Dastuurka qarana iyo xeer hoosaadyadiisu? Qore: Cabdixakiim Maxamed Cabdi (samokaab) samokaabtech@gmail.com Source
  5. Marka hore waxa aan qiranyaa in aanan ahayn siyaasi. Marka labaadna in aanan aad u akhriyin xeerarka xisbiyada iyo dastuurka dalka midna. Anigoo ka duulaya inta garadkaygu i siiyayay iyo inta aan ka bowsaday dalalka ku dhaqma dimuraadiyadda aynu dooranay, waxa ii muuqatay in aynu isku khaladno Hogaamiya Xisbi iyo Murashax Jago Mdaxweynenimo. Haddii aan tusaale usoo qaato waddanka maraykanka ee aynu ka canjillo dimuraadiyadda, hoggaamiyeyaasha xisbiyadu waa dad xubno ka ah goleyaasha lasoo doortatay (majoirty leader or minority leader). Marka tartan yimaado ayaa xisbi waliba keena murashaxiisa, ama ka soo qaato golyaasha la doortay ama meel kale e. Marka doorashadu dhammato, tartamyaashhii xisbiyadii shuqul danbe kuma yeeshaan talda xisbiga. Tusaale ahaan, Donald Trump iyo Hillary Cilinton midkoodna ma aha hogaamiyaha xibiyada manta midana waa madaxweyne dalkoo dhan matala midina waa muwaadinad caadiya. Sidoo kale, miyaanay haboonayn in hoggamiyeyasha xisbiyadeenu noqdaan xubno ka mid ah xildhibaanda dadku soo doorteen. Waxa aay ila tahay in raggii tartamay ee kala calaf qaaday ay faraha kala baxaan talada xisbiyada (ama ha nodo madaxweyne ama raggii la tartamay). Marka doorashada danbe soo dhawaato ayuu mar kale xisbi waliba soo dooranayaa murashaxiisa. Waxa aad moodaa in ay xisbadu u habaysan yihiin sidii jabhadaha oo weli gole dhexe, gole fulneed, guddoomiye aanay cidi dooranini awooda boobeen. Waa shacabku ay dhegeystaan dadkii ay soo doorteen oo qudha. Waxa ummadii jaha wareeriyay dad maalin walba meel ka dhawaqaya oo cidna matalin. Xubnaha goleyaasha baarlamanku ha gartaan shaqadooda ha u hadlaan iyagu dadweynihii soo doortay ama ha dhaliilaan ama ha taageeraan xukuumadda e. Wadamada kale sida Canada, Britain iyo Australia hoggamiyaasha xisbiyadaa ayaa ku tartama jagada Ra’iisal wasaaraha. Kuwa waayana waa la beddelaa ama mar labaad ba la soo celiyaa. Haddii khalad ku jiro fikradaydan, waa la I sixi karaa. Dr. Aden Ismail Adisimail52@yahoo.ca Source
  6. Waa Markii igu horeysey ee aan Qoro maqaal ka hadlaya Qabiil ka mida Qabiilada Somaliya balse Macalinkeygii Culuunta Sayniska ayaa ee sheegay in Cilmigu halkuu kula galoba aan ka doontid oo aanad kaga hadhin markaa la yaab yaaney idinku noqon in aan curiskan ugu yeedho Damaca Dhul Balaadhsiga Majeerteeniya Iyo Moganaanta In Badan! Sidaa Awgeed waxaa lagama maarmaar ah in aynu is dul taagno ujeedada maqaalkeygan oo aan rabo in aan diirada ku saaro arimo badan oo u baahan in aynu u dhug yeelano oo kow ka tahay boqorka Majeerteen oo maalin dhawid ku dhawaaqay codsi ku saabsan in dawlada gobolka Puntland degmada Taleex u magacowdo Gobol iyo arimo badan oo xidhiidh la leh siyaasada Majeerteeniya ee ku wajahan Dhulka Somalidi guud ahaan .Sida aan ka soo dheegtey :From Wikipedia, the free encyclopedia Waxaa lagu sheegay taariikhdan: Suldanadda Majeerteen (Af-Carabi: Af-Taliyaani: Sultanato della Migiurtinia, Af-Ingiriis: Majeerteen Sultanate), sidoo kale loo yaqaanay Majeerteeniya iyo Migiurtinia, waxay ahayd boqortooyo Soomaaliyeed taasi oo u talin jirtey deegaano badan oo ka mid ah waqooyibari iyo koonfurbari wadanka maanta loo yaqaano Soomaaliya. Saladanadani waxay ka mid ahayd kuwa ugu awooda badan badhtamaha Soomaaliya, waxaana hormuud u ahaa Boqor Cusmaan Maxamuud.[1 Saldana Majeerteeniya waxaa la aasaasey qiyas ahaan meelahaa Qarnigii 18 aad Waxaana Aasaasey Qoyska majeerteen ee ka mida Somalida,waxase boodhka ka tumey qarnigii 19 aad Boqor Osman Mahamuud sida taariikh yahanada qaarkood qoraan. Taariikhda laguma soo koobi karo maqaal mudo yar la qoro balse waa mid laga qori karo buugag fara badan sidaa darteed qofkii raba in uu taariikhda majeerteeniya sii dhex galo waxa uu ku sameyn karaa baadhitaan guud balse waxaa aan jecelahay in aan maqaalkeygan ku kobo aragtidayda dhulbalaadhsiga majeerteeniya iyo Siyaasada ka dambeysa. Majeerteeniya Siyaasiintoodu waxay door weyn ku lahaayeen Sameyna ku yeesheen guud ahaanba amaanka,dhaqaalaha,siyaasada,Juquraafiyada Somaliya, laga soo bilaabo wakhtiyadii hore ilaa maantana Saameyn weyn bey ku leeyihiin guud ahaan Siyaasada Somaliya.Burburkii Somaliya Ka dhacayna kaalinta ugu weyn bay ku lahaayeen,dib u qaabeynta Juqraafiyada somaliya iyo Siyaasada federalka Somaliya iyaga ayaa hormood ka ah.Qalalaase badan oo ka jira gudaha Somaliyana waxay ka yihiin dabka lagu shido waxaa aan sidaa u lee yahay arimo badan oo jira oo aan u muuqan Karin dadka caadiga ah balse qof kasta oo caadi ahiba garan karo marka la tilmaamo waxay yihiin.Waxaa aan ka xusi karnaa kuwan:- 1- Siyaasada Abuuritaankii Dawlad Goboleedka Puntland 2- Qaab dhismeedka Dawlada Federalka Somaliya iyo Fikirka Federalismka 3- Dhul balaadhsiga Siyaasadeed ee dhinaca Juquraafiyada : a) Jubaland b) Sool iyo Sanaag oo lagu qodbo Dawlad goboleedka Puntland. 4- Muruanka Juqraafiyadeed ee Gaal kacayo (labada Dawlad Goboleed) Qodobadaasi waa kuwa aanu ku qaadaa dhigi doono qoraalkayga dambe. La soco qaybaha dambe hadii Alle(swt) ogolaado……….. M J Farah hogaanka.org rashiid64@outlook.com Source
  7. – Tixo iyo tiraab badan wuxuu dhaaxa curiyo, tuducyada wuxuu meeriyo, hadal tusmeeyo, suugaan tubteedii wuxuu jid bixiyo, waxaa u timid geeridii rabbi, Alle ha u naxarsto walaalkeen, Abwaankeenii buunigi Fanka iyo Maada Cabdixakiin Cabdilahi Jibriil oo loo garan ogaaa Abwaan Qiiq. Waxa aan wax ka xusi ilaha gaaxday duruus wax ku ool ah oo manfac af iyo aqoon ba inoo leh. Nal ka dhamay halganka murtida, maada, fanka iyo tacliinta. bulshada inteeda sugaanta iyo nuxurkeeda u dhuundalooshaa waxa ay in badan dhagahooda ku dhugtaan murtida, miida, mucda, maada, iyo duruusta suugaanta iyo quruxda fanka jaadad keeda kala duwan ee ay soo gudbiyaan hal-abuurka iyo hobolladu Abwaan Qiiq waxa uu safka hore kaga jiray raaca suugaan-yahanka wakhtigan Soomaalidu ku dhaadato murtidiisa uu gaaxanayay. -sanadkii 1973-kii ayuu Cabdixakin Cabdilahi Jibril ‘Qiiq’ ku dhashay Degmada Xero-geel oo ka tirsan Gobolka Faafan, Ismaamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Degmada Xero-geel ayuu ku indho-dilaacsaday, ku kacaamay oo uu ka fuulay jaranjarada hawsha raacatada xoolaha. halkaas ayuu quraanka, qalinka iyo tacliinta macalin iskugu qabtay. Abwaan Qiiq waxaa hayn kari wayday noloshii baadiyaha, noloshii deegaankaasi si degdega ayuu uga wareegay. haddiiba uu kabaha ka soo idlaystay miyigii waxa uu ku horeeyay Magaaladda Aw-bare. wax yar hadii uu joogayna baabuur buu ka raacay ilaa Borama qabtay. waxa uu dugsiga hoose/dhexe ka galay Dugsiga Sheekh Cali Jawhar, Borama. kulliyadii macalinimaDa ee Jaamicadiii Lafoole (Muqdisho) ayuu galay, halkaas oo uu shahaadada macalinimo ka qaatay. Cabdixakiin Qiiq waxa uu ahaa murtimeere alifa suugaan duxa leh, waxa uu ahaa macalin ardayda waxbara, waxa uu ahaaa jilaa ruwaayadaha jila, waxa uu ahaa xaq u dirir u adima xaqa, waxa uu ahaa shakhsi mayal adag oo u gunti xidhay ka *****nta hanka iyo hiigsiga qofnimo iyo dadnimo. – Sanadkii 1995-kii ayuu toos fanka cagaha u galiyay. markii ay qabtii dhacday ee golihii murtida iyo madadaalada dhildhilaha oo saaray, Abwaan Qiiq axa uu ka mid ahaaa raggi dabkii fanka iyo masraxa ahaa ee Muqdisho ka baxayay, intay dhimbiil ka qaateen Jigjiga geeyay halkaasna ka siraaday. Waxa uuna ahaa buunigii koxda Ilays Band iyo aasaasaaha Hoboladda Anshax Band iy Liyuu Band. Dabuubta Abwaanadu kala culus, dararta maanso iyo heeso duur xul ah, Gafi maayo hadaan idhaa waxa uu ahaa Buuniga Abwaanadda wakhtigan. – Abwaan Qiiq waxsoosaarkiisa raasimga ah waxa uu la kowsaday burburkii dawladihii kacaanka (Somaliya) iyo Dhergigii (Itoobiya). Wuxuu curiyay maansooyin dhaadheer oo mawaadiic tiro badan uu midba mar uu mayracanaayo. Abwaanka, Sugaantiisu waxa ay u kala rogan tahay dhamaan qaybaha nolosha Aadamaha iyo dabeecadaha uu Alle Wayne dunida guud dhigay. isaga oo fanka fasiraya sheegayana sida uu hal-abuurka iyo hobolku u godlado mutida waxa uu yidhi fanku male dumaaliyo, qabiil dacal dacaysga !!!! kuma dararo hoboku, dirqio dacaydoo la jiiteee!!!!!! – Run ahaantii badwaynta baaca gunta dheer ee murtimeere Cabdixakiin Qiiq tiriyay waa abwaan waxsoosaarkiisu suugaaneed qaro balaadhan yahay hadday noqoto tiro ahaan, baaxad ahaan, nuxur ahaan iyo muuq wayni ahaan ba. suugaan summad iyo sawrac gaar ah leh, ayaa lagu xasuustaa, sillan sugantu waa baadi sooca koowaad ee aad kolkaaba ka dhex helayso tixaiisa maqashii duleeedada faras meel la daaqdaaa dirkii xiin finiinyo darmaan bay ismoodaaa!!!!!!!! – Guud ahaan Fanku ujeedooyinka uu gudbiyo markasta waxa xukuma waayaha nolosha ee bulshada la nooshahay iyo ka dab-qaadashada dhacdooyinka hadba nolosha ku cusub. Wakhtigii Xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar Madaxwaynaha deegaanka ahaa ayaa waxa uu tacadiyo iyo gabood falo arxan daro ah kula kacay shacabkii isaga {Cabdi Ilay} oo dhagta dhiiga u daray dhamaan wixii mucaarid ku ahaa. Qiiq waxa uu ka dhiidhiyay xukunkii guracnaa ee Cabdi ilay waxa uu kala hor yimid diidmo qayaxan iyo in uu si kulul u mucaarido rijiimkii Cabdi. Abwaan qiiq waxa uu ahaa raggii ugu hor bilaabay kacaanka Dulmi-diid ee hadda guulaystay, Rabbi kuma simin in uu ka sii mid ahaad guulaystayaashaas. – Sideedaba suugaantu waa jidka ugu toosan ee ummad wax loogu sheegi karo. hubka ridada dheer ee suugaantu waxa ay ahayd gantaalaha dhaadheer ee aan kala joogsiga lahayn ee uu ku ganayay Cabdi Ilay. Suugaantii dulmidiidka ahaa ee uu alifi jiray ee uu bartiisa Facebook-ga ku soo baahini jiray waxa ay kentay in shacabkii baraarugo. kacaankii uu horkacayaasha u ahaa ugu dambayn waxa uu isugu biyo shubtay in la rido xukunkii Cabdi Maxamuud Cumar, xabsina loo taxaabo………….. – Cabixakiin Qiiq waxa uu alifay heeso badan oo shacbiyad iyo taageero badan helay sida heestii hore ee Astaanta Calanka Deegaanka, Heesta “Baradii cilmigee bariga afrikaay” ee ay qaado Farduusa VIP, Heesta “Daruur Subax Hoortay” ee uu Mursal Muuse Codkiisa libidhsan ku qaado, Heesta “Xasilooni” ee ay Nimco Dareen Riiq la’aanta ku qaado iyo hees kale oo badan……………. Abwaan Qiiq nin caynkaasa buu ahaa, illaahay naxariistuu Janni ha ka waraabiyo, halkaa ha inoogu joogto waa inoo qaybo ka mida suugaantiisa W/Q Bashir Maxamed Bashir Borama, Awdal 08 DEC 2018 bashiirmaxamed653@gmail.com Source
  8. (SLT-Paris )Rai’sul wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe ayaa wacad ku maray in dib boodhka uga looga jafayo sidii loo midayn laha qaranka. Hadalka rai’sul wasaaraha ayaa ka dambeeyay ka dib dibadbaxyo waa wayn oo dalka Faransiiska ka dhacay. Kumanaan kamid ah Dadka Mudaharaada ee Dalka Faransiiska Oo kala xidhay suuqyada. Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in booliis badan oo loo daadgureeyay wadooyiinka ay gacan ka gaysteen xakamaynta rabshadihii Sabtidii ka dhacay Paris iyo magaalooyiin kale. Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Christophe Castaner ayaa ammaanay booliiska oo uu sheegay in ay xakameeyeen rabshadaha. Ku dhawaad kun mudaharaadayaal ah ayaa la sheegay in lagu xiray dalka Faransiiska halkaasi oo ay ka dhigayeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeda. Dad lagu qiyaasay 125,000 oo qof ayaa isugu soo baxay magaalooyiinka guud ahaan dalka Faransiiska. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya qiimaha maciishadda oo ay sheegeen in ay sareeyso. Meelaha qaar waxaa isku dhacay booliiska iyo dibadbaxayaasha. Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadaxaajood ay la gasho dibadbaxayaasha si nabadda ah howshooda u wata. Madaxwayne Macron ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo shacabka Faransiiska maalmaha soo socda. Source
  9. (SLT-Boosaaso)Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay sheegayaa in habeenimadii Xalay lagu dilay magaaladaasi,Wiil dhalinyaro ahaa. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shaafici Qarshe,waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay in la khaarajiyo. Koox Bistoolado watay ayaa waxay ka dambeeyeen dilka Marxuumka iyadoo kadib gacan ku dhiiglayaasha dilka ay baxsadeen. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay goobta gaareen,markii wax yar kadib dilka dhacay,waxaana socda baaritaan ku aadan soo qabashada kooxdii dilka geystay. Marxuumkaasi ayaa ahaa ganacsade mehrad ku lahaa Magaalada Boosaaso. Dhowr mar ayaa lasoo sheegayaa in sidaan oo kale ay weerar toogasho ka dhacdo Xarunta Ganacsiga Boosaaso hadana aanan dad loo soo qaban. Sida Aan Xogaha ku helayno waxaa Dilkaan ka dambeeya Kooxda Daacish Oo Ganacsatada Lacago Badan dul dhigay kii bixin waayana ay beegsanayaan. Source
  10. (SLT-Muqdisho)Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Dowladda Britain ee Soomaliya ay ku leedahay. Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Masuuliyiintaan kala hadlay kor u qaadista Shaqaalaha Wasaaradda iyo Saraakiisha Ciidamadda Millatariga. Masuuliyiinta ka Socotay Safaarada Uk ee Soomaaliya ayaa Wasiirka Difaaca Dalka u soo Bandhigay aragti ku aadan muhiimadd ay leedahay ka hortaga Askariyaynta Caruurta, iyagoona Balan qaaday in tababaro kor looga qaado Aqoonta Saraakiisha Ciidanka Millatariga iyo Shaqaalaha Wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya ay bixin doonaan. Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah wadamada ka taageera Soomaaliya dhinacyad amniga,dhaqaalaha dib u dhiska iyo horumarinta hanaanka dowliga ah ee dalka. Source
  11. (SLT-Hargaysa)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo bixinta ruqsadaha dugsiyada gaarka ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo bixinta ruqsadaha dugsiyada gaarka ah, isla markaana uu xakamaynayo furitaanka laamo cusub oo ay yeeshaan dugsiyada gaarka ah ee hore u haystay ruqsadda. Wareegtada Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo dhammaystiranina waxa ay u dhignayd sidan: “Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay qaranka masuul uga tahay hirgalinta adeeg Waxbarasho oo tayo leh si waafaqsan siyaasadaha Waxbarashada Qaranka, Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr. 77/2018), Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, iyada oo Wasaaraddu ka duulayso duruufaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan tayada waxbarashada iyo hubinta halbeegyada goobaha waxbarashada ee dalka, waxa laga bilaabo taariikhda ay warqaddani soo baxday (2/12/2018) aan go’aamiyay, ilaa amar danbe, in la joojiyo in ruqsad cusub la siiyo dugsiyada gaarka ah(Private Schools). Waxa kale oo la joojiyay in dugsiyada gaarka ah ee Ruqsadda haystaa ay furtaan laamo cusub (New branches). Waxa la farayaa dhammaan Guddoomiyayaasha Waxbarashadu in ay fuliyaan amarkan, cid kasta oo ku xadgudubtana ay Agaasimaha Guud u soo gudbiyaan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado. Masuuliyiinta Laamaha kale ee Dawladda waxa aannu ka rejaynaynaa in ay nala hirgaliyaan go’aankan, si loo hubiyo tayada Waxbarashada ubadkeenna.” Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay go’aan laga qaatay xubnaha Al Shabaab ee lagu soo qabto howlgalada ciidamada dowladda ay ka wadaan gobolada dalka Soomaaliya. Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadda waxii ka dambeeyay xubnaha Al Shabaab ee howlgalada iyo dagaalka lagu soo qabto xabsiga la geyn doonin. Taliyaha oo hareerihii ay fadhiyeen saraakiil ciidan iyo wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in xubnaha dagaalka lagu soo qabto ee ka tirsan Al Shabaab lagu toogan doono goobtooda. Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankiisa shaaciyay go’aankaasi ah in xubnaha Al Shabaab lagu toogto goobta lagu qabto, si looga hortago falalka amni daro ee ay geysan karaan. Arintaan ayaa u muuqata inay jawaab u tahay dilkii maalmo ka hor deegaanka Dhanaane loogu geystay taliyihii ciidamada guutada 12-ka April iyo abaanduulihiisii, waxaana la ogeyn sida loo dhaqan gelin doono. Xabsiyada Muqdisho ayaa lagu xiraa xubnaha Al Shabaab ee lasoo qabto iyaga oo ku howlan falal amniga ka hor imaanaya, waxaana ugu dambeyn qaarkood lagu sii daayaa qaab wadahadal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Markab laga leeyahay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Navy Ship Sunua, ayaa lagu soo waramayaa inuu gacanta ku dhigay markab sida sharci darro ah uga [...] Source
  14. Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya. Khilaafkan ayaa ka dhashay kala diristii guddiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay ka soo horjeystay Gudoomiyaha maarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Afhayeenka Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa diiday dalab ugu yimid Madaxda dalka ugu sareysa oo ah in uu aqbalo kala diristii guddiga Maaliyada. Kulamo waqtiyo badan qaatay ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo u dhaxeeya guddonka Golaha shacabka ,Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha. Ilo-xog ogaal ah oo ay heleyso Puntland Post ayaa sheegaya in kulamadaasi ay isku fahmi waayeen madaxda sare ee dalka islamarkaasina natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday. Warar hadda soo baxaya ayaa iyana sheegaya in masuuliyiinta guddonka Golaha shacabka qaarkood ay hadda u yeerayaan saxaafada si ay ugala hadlaan khilaafkaan soo cusboonaaday. Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka soo horjeeystay kala diristii guddiga Maaliyada Baarlamaanka, waxaana uu sheegay in ay aheyd mid sharci daro ah, islamarkaasna waxa uu faray guddigaasi ay shaqadooda sii wataan. PUNTLAND POST The post Khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dalka oo cirka isku sii shareeray appeared first on Puntland Post.
  15. Allaha u naxariistee Aamin Axmed, oo aheyd gabar Somali-Mareykanka oo dhowaan loo doortey inay ka mid noqoto gollaha deegaanka ee Seatle-Washington ayaa ku dhimatey Shil gaari Marxuumad Aamina Axmed Ayaa Labo Bilood ka hor loo doortay xilkaan kadib doorasho ay gashay. Allaha u naxariistee marxuumada ayaa geeriyootay iyada oo ka timid kulan islamarkaasina u deg degeeysay kulan kale sida ay xaqiijiyeen dad xog ogaal ah oo PUNTLAND POST la hadlay. Waxey ahayd haweenaydii ugu horeysay ee Muslim Mareykan ah oo loo doorto gollaha deegaanka seatle. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post haweenaydii ugu horeysay ee Soomaali ah oo loo doorto gollaha deegaanka seatle oo Geeriyootay appeared first on Puntland Post.
  16. Mid kamid ah musharrixiinta Puntland ayaa sheegay in madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali Gaas uu qalqal siyaasadeed ka abuuray degaannada maamulkaasi. Faarax Cali Shire oo kamid ah Musharixiinta u taagan xilka madaxwayne ee Puntland, ayaa ka hadlay Xaaladda Puntland oo xilligan uu ka Jiro Olole Siyaasadeed. “C/weli Gaas wuxuu la mid yahay Mushariixinta waxba laga weydiin maayo, Xaalada Puntland, Qofkasta waxa uu masuulka ka yahay waxa uu hayo xiliga kala Guurka” ayuu yiri musharraxan. Waxaa is soo tarayey maalmahan dambe eedda loo jeedinayo madaxweynaha Puntland, iyadoo doorashada Puntland ay ka hartay 29 cisho. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Musharax-Farax-Cali-shire-oo-Weerar-Afka-ah-ku-qaday-madaxwayne-Gaas-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goordhow ganacsade si weyn loo yaqaan ay ku dileen gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho. Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabo Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane), ayaa kooxaha hubeysan ee dilay waxay ugu tageen gurigiisa oo ku yaala Ex. Koontarool Afgooye, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen. Wararka ayaa sheegaya in kooxaha Hubeysay dileen Cabdi Biifane xili uu kasoo baxayay gurigiisa, waxayna qaateen Gaari Prado ah oo uu watay, waxaana rasaaska ku dhaawacmay Gabar u dhalay oo albaabka taagneyd. Ehelka Cabdi Biifane ayaa sheegay inuu ka ganacsan jiray dajinka noocyada kala duwan ee gaadiidka, lamana oga sababta iyo dadka ka dambeeya dilkiisa oo maanta dhacay. Ciidamada amaanka ayaa goobta tagay, balse kooxaha dilka geystay ayaa ku baxsaday gaariga Marxuumka oo ay kala dageen markii ay toogteen kadib, sida ehelkiisa ay sheegeen. Dilalka Qorsheysan ayaa kadhaca magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay sameeyaan baaritaano joogto ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Koox hubeeysan ayaa goordhow Muqdisho ku dishay ganacsade caan ah oo kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho. dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan Ex-Contorol Afgooye. Koox hubeeysan ayaa dishay allaha u naxariistee Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane) oo ahaa ganacsade baabuurta ay u soo dagi jirtay. Kooxda hubeeysan ayaa dishay ganacsadahaan xili uu ku sugnaa gurigiisa iyada oo rasaasta ay ku dileena ay ku dhaawacantay gabar yar oo uu dhalay marxuumka. Sidoo kale kooxdii hubeeysaneyd ee dilka geeystay ayaa qaatay gaari Proda ah uu lahaa marxuumka ay dileen. Durba kooxdii dilka geeystay ayaa isaga baxsatay goobta ay ku dileen marxuumka waxaana durba soo gaaray goobtaasi askari katirsan ciidamada dowlada oo howlgalo ka sameeyay. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheeysan oo loo geeysto shacab iyo xubno la shaqeeya dowlada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke puntland Post Muqdisho The post Ganacsade caan ah oo goordhow lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  19. Ciidamo katirsan Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamo Mareykan ah ayaa waxay weerar qorsheysan ka fuliyeen Gobolka Sh/Hoose. Howlgalkaan ayaa waxaa la sheegay in lagu beegsaday Guri ay ku shirsanaayeen Saraakiil katirsan Al Shabaab Oo Kusugnaa Deegaanka Basra,Kumaandoosta ayaa la sheegay inay wateen Diyaarad Nuuca Qumaatiga ukacda ah. Waxaa Adag in Xog badan laga helo sida ay wax udhaceen iyo khasaaraha ka dhashay balse waxaa la xaqiijiyey in weerarka Qaar ka mid ah Xubnaha Al Shabaab iyagoo nool lasoo qabtay. Guriga la weeraray shirkana uu ka socday waxaa iska lahaa Gudoomiyaha Al Shabaab Ee Deegaanka Basra ugu magacaaban oo la yiraahdo Macalin Daahir,Saraakiisha Al Shabaab ayaan weli faah faahin soo saarin. Tuulada Afyaraani Kore Ayaana la yiraahdaa Tuulada ay wax ka dhaceen oo Hoostagta Deegaanka Basra Ee Xadka Labada Gobol Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe. Taliska Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya Ee Dallaayadaha ku booda ayaan ka warbixin howlgalkaasi iyo waxa lagu qabtay. Sikastaba ha ahaatee waxaa lasoo warinayaa in Ciidamo Badan oo Al Shabaab ah ay Saaka gudaha ugaleen Basra,taas oo aan la ogeyn waxa ay damacsan yihiin. PUNTLAND POST The post Komaandoosta Soomaaliya oo weerar ka fuliyay Gobolka Sh/Hoose appeared first on Puntland Post.
  20. Boosaaso ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil kooxo hubeysan xalay ay ka geysteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Wiil Dhalinyaro ahaa oo si weyn looga yaqaanay gudaha magaaladaasi. Raggii ka dambeeyay dilkan ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland oo goobta gaaray ayaa howlgallo ka sameeyay halkaasi, inkastoo aysan weli saraakiishu ka hadlin dhacdadaasi. Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya dilka Wiilkaasi Dhalinyarada ahaa, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi. Ammaanla Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, balse mararka qaar waxaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta Dagaalyahannada Al Shabaab. The post Wiil dhalinyaro ahaa Oo xalay lagu dilay Magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Mid kamid ah sharciyaqaanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa ayaa soo dhoweeyay go’aanka guddomiyaha golaha shacabka ee ahaa in ay sii shaqeeyaan guddiga miisaaniyadda golahaas. Sharci yaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Xafiiska xeer ilaalinta gobalka Ohio ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid mudan inuu qaato gudoomiyaha golaha shacabka islamarkaana wax waliba lagu kala saaro sharciga. Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ka soo horjeestay go’ankii guddoomiye ku xigeenka golahaas uu ku kala diray guddiga miisaaniyada golaha shacabka,isagoo xusay in cidna aysan ka hor istaagi karin shaqadooda, islamarkaana aysan jirin cid sharciga ka weyn. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/SHARCI-YAQAAN-CABDIWAAXID-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Kismaayo ( Sh. M. Network)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Maamulka Jubbaland kula kulmay ururada bulshada rayidka ah. Kullanka oo ka dhacay guriga martida Jubbaland ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ganacsato, Dhalinyaro, Haween Aqoonyahano iyo xubno ka socday Jaamacadaha magaalada Kismaayo,waxaana muhiimada kulanka uu ahaa in ururada Bulshada rayidka Jubbaland aragtidooda ku biiriyaan sida xal looga gaari karo khilaafka jira. Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Jubbaland diyaar u tahay iney horseed ka noqoto nabada,Federaaleynta,dib u heshiisiinta iyo is cafinta. Sidoo kale,Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay iney diyaar u yihiin iney qaataan tallooyinka guddoonka Aqalka sare,islamarkaana ay soo dhoweynayaan dadaalada lagu doonayo in la isugu soo dhoweeyo Dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowladda dhexe. Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay wax keliya ay raadinayaan iney tahay saddex arrin oo kala ah nabad,midnimo iyo Heshiis. Wuxuuna Maamulka Jubbaland uga mahad celiyay soo dhoweynta dadaalada Xubnaha Aqalka sare iyo kalsoonida ay ka qabaan sida xal looga gaari karo khilaafka jira. The post Guddoomiye Golaha Aqalka Sare Oo M/ Kismaayo kula kulmay Bulshada rayidka appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxda sare ee dalka ayaa xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay gudaha xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay u dhexeeyeen Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo kan labaad ee Golaha Shacabka. Wararka ayaa sheegaya in kulamadu ay ahaayeen kuwo xiriir ah oo looga hadlay go’aankii shalay ee guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu uga hor yimid kala diridii guddiga Maaliyadda ee Golahaasi. Sidoo kale kulamadii u dambeeyay ayaa waxa ay dhexmareen labada Guddoomiye ku xigeen iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaa ka horreeyay kulan wadajir ahaa oo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiye ku xigeenada dhex maray xalay fiidki hore. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulamada la’ iskula meel dhigay qorshe ka dhan ah go’aankii guddoomiye Mursal, iyadoo loo wajahayo qaabab kala duwan. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in uu jiray kulan dhexmaray guddoomiye BFS iyo labadiisa ku xigeen, iyadoo aanay kulamadaasi ka soo bixin wax natiijo ah, la’iskuna fahmi waayay. Waxaana guddoomiye ku xigeenadu ay ka soo horjeesteen go’aankii guddoomiyahooda uu dib ugu howlgaliyay guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka. Go’aankan guddoomiye Mursal ayaa ahaa mid la filaan ah, kadib markii shalay uu ku dhawaaqay in guddiga Maaliyadda BFS uu wadan karo shaqooyinkii loo igmday. The post Madaxda DFS Oo kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, C/xaashi C/laahi C/laahi iyo xubnaha uu hoggaaminayo ee gaaray Kismaayo ayaa ku guuleystay in maamulka Jubbaland lagu qanciyey xal ka gaarista khilaafka DFS. Mudane Xaashi ayaa sheegay in aan lasoo afjarin khilaafkaasi, balse uu jiro is faham, islamarkaana wadahadallo ay dhaceen. Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ayuu sheegay iney isku imaan doonaan islamarkaana soo afjari doonaan khilaafkooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARKA-KISMAAYO.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-091218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article