Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,079
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Balan Dumar oo Kadda Loob Raga ka danbey Hee ba la yidhi ? Waa tii Dameeri Dhaan-raacdaydu dhami ku haddaqayaan Isbedel-ba socod iyo waxa la mid ah ee . Waa kana isbedelkii aad sheegaysen kii ka danbeyey isaguna is bedelka kale weeyan ah ee Soo dhaweeya . Maanta iyo Itoobiya ,Degaanka Oromiya . Ahmed Abiya Itoobiya . Ismaaciil Cumar Guele DJabuuti . Cumar Al-Bashir Sudan. Ma markale Ayuu Axmed Abiya Itoobiya ku dhaqaaqo isbedel kale ? Sidee ayey kula tahay Adiga? waa inta ku doodaysa Itoobiya Isbedel ka dhacay iyo waa uu ku socdaa in kasto xaladaheed hoose maalin walib dhibaato iyo mudahaarad aan kala go,oo lahayn ka jiro waa ta ileen soomalida inta aan wax ka bararan degini ku xoog xoogsanyaan inta kor ku xusey ee. Waxa ii cad Itoobiya in ay geed-dheer iyo mid gaaban u koreyso Danteeda gaar ahaaneed qof caqli leh waa fahmi kara wadanka guunka laakiin hiin-raac waa u sacab tumaya . Filo Berrina Kenya Tanzsani Ugand oo iyaganna gaar loo la faqaayo. Waxan Xasuustay Heestu qaadi jiray Mohamed Axmed Kuluc odhan jirtay Ha ku daalin jeedal hadad jamato Geed adag aanad ahayn wax ku jara jibin mayso gacantu. Qofku haduu waxa uu idhisa ku arko uun uu waxa ku Cabirro waa sidii odhaadii hore loo yidhi ee ahayd ” indho ku gaaradle ” sideed ba indho-ku garaad lah waxab umma kordhaan waayo wax uu arko uun ayuu wax ku qaadanaya oo kaliya . Dadka aaminsan in isbedel itoobiya ka dhaca oo xaga nadamka Dawlada ahi uu bedel karro geedka Afrika oo dhan Ummadaha ku Nool iyo Nadamaakood, Dawaldeed iyo siyaasadeed, Dhaqaale waa kuwo ah indho ku gaaradle ee aan ahayn caqli , Aqoon ku garaadle iyo xigmad maalba. Hadii Shimbir meel ka duusho cabirkooda gaarasho , fahan, aqooned aragti ba, waxa weeye ,all duushay shimbirtu laakiin ma fahmi karayaan waa duuli jirtay waana debcigeeda iyo habka ay u socoto inteed badan kunna gaadho meel fog iyo meel dhowba . Waxa kuwo inta maanta ka dhiganaya af-macaansaneydi Itoobiya ayaa isbedel ku dhawaaqday balse aan iyagu u iswediin karrin Adigu maxa kaga shan iyo toban ah ?Itoobiya iyo isbedelkeed adigu maxaad ugu debecsanan weyday dantaad ee aad Danta Dadka kale u jeceshay rixinteeda aanad waxba ku lahayn inaad ka sheekaysi mooyane. Sidda iga baxday Soomalida sideedba danteeda waa ka daalan tahay balse ta Danta Dadka kale waa jeceshay inay ku mashquusho wakhti iyo juhdi badana geeliso u muraaqeedkeed waxan waxba ugu jirin ugunna jilayn. Gabbo-gabadii Waxa laga haya AU Naxariisto Abwaan Suldaan Timcad : Midigtaad waxay xoogsatay ba ka maydha gaajada,e . Markad aanad lahayn looma kuulo maanka waligay. Mogaabada Hashada ka Roon May-dhanaan kale, e . Alle Ha innaga dhigo kuwo Dantooda ku foogana waxa kabuhu inagag I’dlaadeen iftiiminta ta Danta dadka kale ee. Abokor Mohamud . abokorm@hotmail.co.uk Bolton United Kingdom. Waa Billahi Towfiiq Qaran News
  2. Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka soo horjeeystay mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Ibraahim Muudeey iyo gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa sheegay in uu sharci daro yahay mooshinkaasi. Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka ay u sheegeen in xiligaan aan loo baahneyn mooshin islamarkaasina loo baahanyahay in mooshinkaasi laga fiirsado. Waxa ay sheegeen in gudoomiyaha uu ka biyo diiday taladoodii islamarkaasina uu go’aan si iskiis ah uu u gaaray oo uusan matalin gudoonka Baarlamaanka. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka soo gudbiyay gudoomiyaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulamo iska soo horjeedo ayaa caawa ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay leeyihiin Xildhibaano iyo masuuliyiin dowlada katirsan. Hoos ka Dhageeyso Codadka Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Muudeey-iyo-Cawad-Sax-ah-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo ka horyimid Mooshinka madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Labadan mas’uul oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan. Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka. “Waxaa muuqata in Mursal uu ku deg degay aqbalaadda mooshinkan, waxaana muuqata in uu xanaaqsanaa, mana naqaan waxa uu ka xanaaqsanaa, waxaan leenahay xanaaqa kasoo noqo” ayuu yiri Muudeey. Mahad Cawad ayaa isna sheegay in Mursal ay u sheegeen in mooshikan uu yahay sharci-darro, oo uusan aqbalin, balse uu ka diiday kuna adkeystay aqbalaadda mooshinka. Waxa ay sheegeen in dhibaatadii iyo qalalaasihii ka dhashaa arrintan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono guddoomiye Mursal, maadaama uu qaatay go’aan jahwareer gelinaya dalka. Hoos ka daawo shirka jaraa’id Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Saacado ka hor guddoomiyaha baarlamaanka uu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa hadda socda shir xasaasi ah oo lagu gudbinayo mooshin weerar celis ah. Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka socda shir deg deg ah ay leeyihiin xildhibanada taageersan madaxweynaha kuwaas oo la filayo inay gudbiyaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan. Xildhibaanadan ayaa ah badankood ah wasiiro, wasiir ku xigeenno iyo wasiiro dowlayaal ka tirsan xukuumadda Kheyre. Lama garanayo ilaa iyo xiligan tirada xildhibaanada mooshinka ka keenaya guddoomiye Mursal, waxaase arrintan ka shaqeynaya guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey iyo Mahad Cawad. Mooshinka ayaa la filayaa inuu aqbalo Muudeey. Sidoo kale, Muudeey iyo Cawad ayaa la filayaa inay goordhow qabtaan shir jaraa’id oo ku sheegi doonaan in mooshinka madaxweynaha iyo tallaabada Mursal ay yihiin sharci-darro. Xiisadda siyaasadeed ayaa kacsan, iyadoo aan la ogeyn sida xaalka uu noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Baydhabo (Sh.M.Network) – Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo xubnaha Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed waxay go’aan kaga gaareen xil-haynta ku simaha Madaxwaynaha. Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xilka haya tan iyo markii uu is-casilay Shariif Xasan Aadan ayaa murashaxiin waxay su’aal geliyeen sharciyadiisa. Guddiga ayaa cadeeyay in Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Koonfur Galbeed uu xilka sii hayn doono inta laga soo dooranayo Madaxwaynah cusub doorashada loo balansan yahay inay dhacdo 19-ka bishaan. Lama ogga hadii Guddiga awood usiinayo go’aanka ay qaateen Dastuurka xili Murashaxiinta oo sheegay in xil haynta Maye oo ku ekeed 8-dii bishaan aanan la saadaalin karin mowqifka ay ka qaadan karaan go’aanka Guddiga. The post Guddiga doorashada KG oo ka hadlay xil haynta ku simaha Madaxwaynaha appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliya ee gudbiyay mooshinka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay mooshinkaasi ay soo gudbiyeen. Xildhibaanada ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo oo gudan waayay hoowshii loo egmaday islamarkaasina ay garoowsadeen in ay keenaan mooshin xil ka tuuris ah. Xildhibaanada oo wariyaasha goordhow kula hadlay Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ay mooshin u soo gudbiyeen. Hoos ka Dhageeyso Codadka Xildhibaanada https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod-Xildhibaanada.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo oo Warbaahinta la hadlay appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey u fadhin doonta Soomaaliya Elin Bargithe rognlie. Danjire Elin Bargithe rognlie ayaa sheegtay inay sii laba laabi doonta adkeynta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Soomaliya iyo Norway. Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo goobjoog ka ahaa munaasabada uu madaxweynuhu warqadaha ka guddoomay safiirka dalka norway ayaa ka hadlay. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu maanta xafiiskiisa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey gabadha la yiraahdo Elin Bargithe rognlie,madaxweynaha iyo safiirku waxay ka wada hadleen sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo sii xoojin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Axmed Ciise Cawad. Sidoo kale,Wasiir Cawad ayaa sheegay in dalka Norwey uu yahay dalalka ugu taageerada badan saaxiib dhowna la ah Soomaaliya,waxayna Dowladda Norwey madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo shacabka Soomaaliyeed si aad ah ugu ammaaneen horumarka dhan kasta ah ee uu dalka gaaray. The post MD Farmaajo oo waraaqaha ka guddoomay safiir cusub appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaarada hawlaha guud ee Somaliland ayaa waxaa uu maanta deeganka Caro weyn oo ka tirsan deeganka Buuhuudle ayaa waxaa uu maanta soo dhaweeyey ciidamo ka soo goostey mucaaridka Buuhoodle oo tiradoodu ka badneyd 200 askari isla markaana wata gadiid dagaal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Warar hadda naga soo gaaraya madaxtooyada Villa-Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kulan deg deg ah uu hadda u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha soo kordha oo ku aadan mooshinka laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Lagama heli karo xog faah faahsan hayeeshee ilo xog-ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isilwasaare Kheyre ay aad uga hadlayaan arimahaasi iyo waxa laga yeelayo. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gudbiyay mooshin ka dhan madaxweynaha Soomaali Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Lama oga halka ay ku dambeeyn doonto mooshinkaasi laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Faah faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isilwasaare Kheyre oo kulan deg deg ah leh appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-09122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Warbixin laga diyaariyay maxaa hor-taagan dhismaha dekedda labaad ee magaalada Burco iyo ballan-qaadkii Madaxweyne Muuse Biixi ee wakhtigii ololaha uu ku marayay magaalada Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa jawaab adag ka bixiyay eedaymo uga yimid xoghayaha gobolka Awdal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cali Suldaan Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/12/2018, Magaalada Gabiley. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey rukun ka baxay madaxdhaqameedka dalka, isagoo ka soo shaqeeyey arrimaha nabadgalyada, dib u dhiska dalka iyo wada jirka bulshada Somaliland, kana soo jeeday saldanad soo jireen ah oo facweyn. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  14. (SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ay usoo gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo. Mooshinka ayaa ah hindisaha xil ka qaadista madaxweynaha. Halkan hoose ka akhirso: Source
  15. War saxaafadeed Khilaafka dastuuriga ah ee ka taagan Dawladda Puntland Arar: Puntland waxaa saldhig u ah heshiiskii beelaha reer Puntland wada dhigteen ee ahaa dastuurka [...] Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo bixinta ruqsadaha dugsiyada gaarka ah, isla markaana uu xakamaynayo furitaanka laamo cusub oo ay yeeshaan dugsiyada gaarka ah ee hore u haystay ruqsadda. Wareegtadan iyada oo dhammaystiranina waxa ay u dhignayd sidan: “Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay qaranka masuul uga tahay hirgalinta adeeg Waxbarasho oo tayo leh si waafaqsan siyaasadaha Waxbarashada Qaranka, Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr. 77/2018), Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, iyada oo Wasaaraddu ka duulayso duruufaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan tayada waxbarashada iyo hubinta halbeegyada goobaha waxbarashada ee dalka, waxa laga bilaabo taariikhda ay warqaddani soo baxday (2/12/2018) aan go’aamiyay, ilaa amar danbe, in la joojiyo in ruqsad cusub la siiyo dugsiyada gaarka ah(Private Schools). Waxa kale oo la joojiyay in dugsiyada gaarka ah ee Ruqsadda haystaa ay furtaan laamo cusub (New branches). Waxa la farayaa dhammaan Guddoomiyayaasha Waxbarashadu in ay fuliyaan amarkan, cid kasta oo ku xadgudubtana ay Agaasimaha Guud u soo gudbiyaan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado. Masuuliyiinta Laamaha kale ee Dawladda waxa aannu ka rejaynaynaa in ay nala hirgaliyaan go’aankan, si loo hubiyo tayada Waxbarashada ubadkeenna.” Source
  17. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee waddaka Norwey u fadhin doonta Somalia, Elin Bargithe Rognlie. Danjire Elin Bargithe Rognlie oo si kooban u hadlay ayaa sheegtay inay laba-jibaari doonaan adkeynta xiriirka u dhaxeeya Somalia iyo Norway uu ku tilmaamay inuu yahay mid meel wanaagsan maraya. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo isna ka hadlay munaasabada ayaa yiri. “Madaxweynaha Somalia wuxuu maanta xafiiskiisa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay safiirka cusub ee Norwey, Elin Bargithe Rognlie. Madaxweynaha iyo safiiraddu waxay ka wada-hadleen sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo xoojin lahaa,” ayuu Wasiir Cawad. Dhanka kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in dalka Norwey uu yahay dalalka ugu taageerada badan saaxiib dhowna la ah Somalia, Waxayna Dowladda Norway madaxweynaha iyo shacabka Somalia ku ammaaneen horumarka dhan kasta ah ee uu dalka gaaray. Ma ahana markii ugu horreysay oo Madaxweyne Farmaajo uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomo danjirayaal ka socda dalalka Galbdeedka oo ay Somalia gacan weyn ka siiya dhanka dhaqaalaha iyo millateriga. Ugu dambeyn, Xafladdan Danijraha Norway looga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ayaa waxay imaanaysaa iyadoo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjire Cusub appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – 92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hindisaha Xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu gudbiyey si waafaqsan qodobka 92aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Hindisaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waxa uu ku xadgudbay qodobkaan isagoo heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya” Xildhibaanada ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey inuu galay hgeshiis lagu midaynayo wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretereeya, si mustaqbalka ay u yeeshaan hal Madaxweyne sida Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu sheegay. Hoos ka aqriso hindisaha oo dhamaystiran.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ilaa hadda lama sheegin tirada rasmiga ah ee xildhibaanada gudbiyey mooshinka iyo sababta ay u cuskanayaan xil ka qaadista ay doonayaan inay ku sameeyaan madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa waxaa mooshin ka keeni kara 92 Xildhibaan oo ah saddex meel hal meel tirada guud ee xubnaha baarlamanka. Si kastaba, mooshinka ayaa waxaa aqbalay guddoonla baarlamanka, sida ku cad warqad uu saxiixay xogahayaha hoogtada ee baarlamanka Cabdikariim Buux, oo la saaray shaabadda Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ee galka Xafiiska Arrintan ayaa ka dhigeysa in sharci ahaan Mooshinka inuu maray habraaciisa. Dhinaca kale, xog ana helnay ayaa sheegeysa in hadda shir arrintan ku saabsan uu u socdo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
  20. Gudoonka sare Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed ayaa goor dhaweyd si rasi ah u qabtay nuqul ah soo jeedin sharci ama mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo [...] Source
  21. DEG DEG:- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa Mooshin ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana la xaqiijiyay inuu ka qabtay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, [...] Source
  22. Mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa goordhow qabtay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal. Mooshinkan ayaa la sheegay inuu yahay hindisaha xilka qaadista madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Weli ma hadda qodobada lagu heysto, laakin wixii war ah oo ku soo kordha kala soco, Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in xildhibaanada Baarlamaanka ay mooshinkooda ay u gudbiyeen gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Xog-ta aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay mooshinkaasi ay u soo gudbiyeen xildhibaanada Baarlamaanka. 94 Xildhibaan ayaa la sheegay in ay soo gudbiyeen mooshinkaasi ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo. Goordhow oo caawa ah ayaa lagu wadaa in ay warbaahinta la hadlaan xildhibaanadaasi mooshinka ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Arintaasi ayaa waxaa ay sii hurineeysaa qilaafkii ka dhex jiray madaxda sare ee dowlada Soomaaliya. Faah faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaano Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.